Tiirka Koobaad Ee Dawladnimada: Muwadinnimo

You might also like

Download as doc, pdf, or txt
Download as doc, pdf, or txt
You are on page 1of 4

1

Tiirka koobaad ee dawladnimada: Muwaadinnimo


W/Q Cabduraxman M. Cabdullahi (Baadiyow)

Eraygga “Muwaadin” maalmahaan aad looma maqal, una maleyn maayo iney
dareemi karaan micnihiisa dhabta ah dhallinyarada soo barbartay intii ka
dambeysay burburka dawladaa qaranka 1991. Waxaa kale oo la hubaa iney
eraygaas iloobeen dadkii goobjoogga ka ahaa dawladnimada iyo
aqoonyahaanadii kusoo nacfiyay dawladnimada oo waxbarsho, shaqo iyo sharaf
intaba ku helay. Waxaa kale oo la dhihi karaa inaan markii horeba aan shacbiga
aad loo barin micnaha muwaadinnimada iyo dawladnimada. Si gaaban haddii
loo qeexo micnaha muwaadinnimada waxa la dhihi karaa: waa xubin ka
noqoshada rasmiga ah ee dawalad qaran (Somaaliya) ama dawlado
isku tegay (Midawga Yurub), gobol (Gedo) ama magaalo (Baidoa).
Xubinnimadaas waxaa lagu heli karaa udhalasho ama la dhaqan deganaasho
leh, waxeyna ku dhisantahay in xubnaha oo dhan leeyihiin xuquuq siman iyo
waajibaad isku mid ah. Markii dawladii qaranka meesha ka baxaday 1991,
waxaa eraygaas bedelay erayo kale oo muujinaya xubinnimo ku kooban gobol
ama reer oo buuxiyay booskii muwaadinnimada Somaaliya. Tusaale, ruuxu
wuxuu xaqqiisa ku raadsadaaa asaga oo sheegta magaca reerkiisa, kursi
baarlamaan ku qaadan karaa si reernimo ah, wasiir ku noqonayaa magaca
reerka. Muwaadin Somaaliyeed ayaan ahay waxba laguma helo, xisbi mabda’
ku dhisan ayaad ka tirsanahay waxba laguma helo. Sidaad darteed, inta laga
gaarayo waqtigaa doorashooyinka xorta ah, reerku wuxuu noqday waxa kaliya
oo looga qeybgeli karo siyaasadda dalka. Waxaana shaki la heyn in xaaladaasu
ay sii dilayso dareenka muwaadinnimada iyo nidaamka dawladnimada.

Sidaas darteed, burburkii dawladda qaranku wuxuu reebay dalool weyn oo aan
la awdi karin. Dalool xagga fahamka dawladnimada, xagga dhaqanka, sharfata
iyo karaamada. Koox kasta oo isku dayday iney buuxiso daloolkaas waa ku
fashilantay. Waxaa ugu horeeyay Jabhadihii lagu soo abaabulay Itoobiya oo lagu
2

soo dhisay qaab-reereed hubeysan oo isku dayay iney awoodda qaranka kula
wareegaan si reernimo ah. Waxaa la soo tijaabiyay oo suurtagal noqon waayay
in lagu dhisi karo dawlad qaabka isbahaysi reernimo. Sidaas ayaana mashruucii
reernimadu ugu fashilmay xukunta dawladda. Fashilkaas, inkasta uu kala heer
iyo nooc ahaa, hadana marna kalama go’neyn oo wuu isdaba joogay dawladiihi
Somaaliyeed oo talada dalka qabtay ilaa 1960. Markii dawladii rayidka aheed
laga kari waayay musuqmaasuq iyo qaraabo-kiil ayaa Ilaahey ku saliday ciidan
careysan oo ay dabada ka riixaysay dawladda Ruushku. Dawladdii kacaanka ee
1969 oo bilawgii hayi kicisay dadka oo kusoo jiidatay barnaamijyada sinaanta
iyo shaqadada, waxey ayana cagta saartay waddii kuwii hore ku fashilmeen oo
ku dhisan qaraabo-kiil, eex iyo hantida qaranka oo la gorfiyay, lana
mudursaday. Waa qaab guracan, waa boob iyo sadbursi kasoo horjeeda fikirka
dawladnimada oo ku dhisan “muwaadiniin siman”. Waa sinnasho aan ku
xirneyn dhalasho, dhaqan, lab iyo dhidig, jinsi iyo luqad. Muwaadiniintaas
waxey leeyihiin xuquuq siman sharciga hortiisa, waxaan saaran waajibaad isku
mid ah sharcika hortiisa. Nidaamka dawladnimada casriga ah kuma jirto wax
kala soocaya dadka muwaadiniinta ah, kuwooda fiican iyo kuwooda xun,
muwadinnimada waa usimanyihiin. Muwaadin kasta wuxuu helayaa abaalmarin
ama ciqaab shaqsi ah qaanuunka hortiisa ee miisaan kale lama sari karo.
Sidaas ayada oo ah, hadana muwaadinnintu waa kala fiicanyihiin, waxeyna u
kala baxaan kuwa baari ah iyo kuwa caasi ah. Kuwa baari u ah dalkooda,
dadkooda iyo diintooda, iyo kuwa intaasba caasi ku ah oo hadana aan la tuuri
karin. Kuwa caasiga ah waa kuwa loogu tala galay in lagu edbiyo xabsiyada iyo
xerooyinka xanaaneynta.

Muwaadinka fiican waa qof u hogaansama qaanuunka dawladda oo aan


sharciga jebin. Waa qof bixiya qaaraanka dawladda (canshuurta) oo aan
la’aanteed dawlad la noqon karin. Waa qof shaqeysta oo naftiisa iyo qoyskiisa
masruufa. Waa qof kaalmeeya inta ka tabarta daran oo gaarsiiya mucaawino.
Waa qof aan khiyaanin waddankiisa oo aan ka shaqeyn danaha dawlado kale oo
cadaw la ah dalkiisa. Waa qof xoogga saara inuu iibsado waxyaabaha dalkiisa
3

laga sameyo ama laga soo saaro si uu u kobco dhaqaalaha dalkiisu. Waa qof xor
ah, sheega waxyaabaha runta ah, taageera waxyaabaha saxda ah, kana soo
horjeesta waxyaabaha khaldan. Muwaadinka fiican waa qof iskaashi la leeyahay
dadka uu la wadaago fikirka, shaqadu ka dhexeyso iyo kuwa dariska la ah.
Muwaadinka fiican waa qof aan wax xadin, wax boobin, been aan sheegin, wax
aan khiyamin, qoyskiisa si fiican udhaqda, caruurtiisa barbaariya. Muwaadinka
fiican waa qof ixtiraama xornimada, dareenka iyo qaab nololeedka
muwaadiniinta kale iyo aadamiga oo dhan. Ugu dambeyntii, muwaadinka fiican
waa qof leh dhaqanka iyo akhlaaqda fiican ee diinta Islaamku na fareyso.

Muwaadinka xun, waa qof nuxnux leh, hadal ku nool ah oo inta shaqeysata ku
dul nool. Ku dulnoolaasho ku dhisan tuugsi, khiyaano ama boob. Kuwaas
qaarkood, waxey isku haystaan iney dadka ka diin badanyihiin, ka
waxgaradsanyihiin, kana nasab sanyihiin. Waxey isku haysataan iney yihiin
libaax dadka kalena waa waxba. Kuwaas agtooda, dadku ma aha muwaadiniin
siman oo dadka waxaa ugu fiican reerahooda, xaqna u leh iney reeraha kale
xukumaan, xoog ama xeelad. Kuwaas qaarkood, dadku Muslim umawada aha ee
waa in loo kala saara sidexda “M” midkood: mu’min, munaafaq iyo murtad.
Sidaas darteed, dadku ma aha muwaadiniin siman. Sidee loo simi karaa
muslimka fiican, munaafaq iyo murtad? Muwaadinka xun waa sharci jebiye,
qaraan-diidka dawlada iyo qoys burburiye. Muwaadinkaas dhaqankiisu
xumaaday wuxuu culeys joogto ah ku yahay muwaadiniinta fiican, dhaqan
celinna ka sugayaa asaga oo aan luminin muwaadinnimadiisa.

Hadba waxaan aheyn muwaadinnimo dawlad Somaaliyeed kuma sameysmeyso.


Dawlad waxaa sal u ah muwaadinnimo loo simayahay xuquuqda iyo
waajibadka. Ruux kasta oo muwaadin ah ayada oo aan loo kala saarin mid fiican
iyo mid xun, waxey u simayihiin qaanuunka hortiisa. Ilaalin qaanuunkaas waxaa
ka mas’uul ah hay’adda garsoorka ee dawladda. Somaaliya, qaanuunkaas waa
inuusan khilaafin mabaadi’da Islaamka oo ku dhisan fahamka dhedehxaadka ah
oo ka fog seef-laboodnimada (tadarufka). Dawladda Somaaliyeed, ugu horeyntii
4

waxaa laga sugayaa iney sugto nadagalyada muwaadin kasta. Waxaa dawladda
looga fadhiyaa xaqiijinta ujoodooyinka waaweyn ee shareecada Islaamka oo
ah: Ilaalinta iyo badbaadinta nafta, maalka, sharafta, diinta iyo caqliga
muwadiniinta. Hawshaas waxaa laga rabaa dawladd ee ma aha mid laga
sugaayo koox siyaasadeed. Caadifo diineed ama mid reereed aan sal sharci ah
laheyn oo lagu hawlgalo waxaa u dambeeysa shanlaay iyo calaacal. Waxey ku
biyo shubteen, inta badan, arin owr ku kacsi siyasadeed ah, oo
dabayaaqadeedana taagerayaashu farta qaniinaan.

Fikirka muwaadinimada waxaa asaaska u dhigay “Dastuurgii Madiina” oo


Nabigeenaa (saw) oo ku dhaqay dadka kala diinta iyo kala dhaqanka ah ee
deganaa Madiina markii uu halkaas u haajiray. Waxaa muuqata in
muwaadinnimada iyo dawladnimada uu isku xiray Nabigeynna suban (saw).
Waxaa kale oo la hubaa in asaaska loo dhigayay “umadd” ku dhisan mabaadi’da
Islamka oo ka gudubta qaabka reernimada. Muwaadinimadu ma diideyso in
daku ay yihiin qabiilo iyo degaanno danahooda ka shaqeeya ayaga oo aan ku
xad gudbeyn muwaadiniinta kale iyo dastuurka qaranka. Muwadinimada ayaa
ah unuga koobaad iyo salka dawladnimada wanaagsan (good governance),
waxey ku dhisan in dalka xukunkiisa loo simanyahay, loo tartamo, xisbigii ama
ruuxii hela codka dadka intiisa badan, talada loo dhibo muddo xaddidan. Hadii
uu hawsha ugasoo bixi waayo sidii la rabay, waa in lagu ridi karo tantan kale,
bedelkiisana ruux kale la dooran karo. Sidas ayaa shacabku wuxuu kusoo
dhacsan karaa awoodiisa, wuxuuna qasbi karaa inuu xukumo ruux ay raalli ka
yihiin oo kaliya. Arinkaas waxaa lagu magacaabaa “demoqaraadiyad” ama
“shura” oo nuxurkooda siyaasadeed isku mid yahay. Muwaadiniinta waxaa ka
mamnuuca iney xukunka iska booban, xooggna isku xukumaan, haddi ay
dhacdana, waa xaald jiro ah oo aan horseedeen bulsho caafimad qabta oo u
horumarta. Intaas ma isla fahamnaa?

You might also like