Dooda Nugaal Iyo Daaladhaca Siyaasda A Puntland

You might also like

Download as doc, pdf, or txt
Download as doc, pdf, or txt
You are on page 1of 5

DOODA NUGAAL IYO DAALADHACA

SIYAASDA DOORASHADA PUNTLAND

Doodu waa nugaal iyo daaladhaca siyaasada doorashada Puntland,


waa doorka uu qabiil walba ku yeelandoona Darka doorka soo socda
laga dhaansan doono, qabiil walba dowliskiisa ayuu xargo dhumuc iyo
dherer leh u raadsanayay, xeel, xaqdaro iyo xoog siduu doono haku
soo helee, waxa baratanku ahaa yaa maaxda hore dowliskiisa inta uu u
rito dalawadiisa ka dhaansan doona, inta kalena daba taali doontaa,
ayaga oo hoganaya inta hormoodka doorkani fulayo, yaase caraqda iyo
calaska danbe looga tagi doonaa, oo inta dalawadiisu dhibic iyo
dhururuq darka ka weydo, ka dul olali doontaa, ayada oo la isku
haaraamayo, lana leeyahay ciilow wayeey ma cosob ayaan waligeed
calfan ceelka Nugaal oo maanta cid uga cudud rooni jirin, waase geel
jire iyo xaalkiis, dhaan waliba ka soo hayaan caradiisii isaga oo u soo
hubqaatay dalawadiisa, balana qaadaya in uu soo guryo noqon doono
asaga oo horweyntiisu tahay tan maaxda doorkan bishimahoodu ka
tirtiran doonta.

Nugaali maanta waa CAKAARA, oo waxa ka soconayaa “WAA NIN


WALIBA CEESAANTII CEELKA KEEN”, Dhaamankiina u soo kala
socdaale, Cayn iyo Sool ayaa dhaamanka ka imaanaya nin kaliya lagu
aamini waayay, amase isku aamini waayeen, Dr:Saleebaan ayaa
sarwaan iyo siriq la iskugu soo daray ileen waa Darwiish daacad ahe,
iyada oo lagula soo dardaarmay WAAR DALAWADA, DARKA IYO
DOORKA MAANTA AH, Cali Baashise uma arag sidaas isaga oo Reer
Sool iyo Cayn ku leh “Qumanaan laheydaa in Cali Dalawada hogaanka
u hayo, Darkuna meel nagama jireen markaas”, looguse war celi “Kolay
ceelka waad wadi tagi doontaane DALAWADIINU yaanu noqon tan
dacarta fuuqfuuqsan” WARI KU DHAN.

Socotada Mudug ayaa iyadu hamuuntu ku yareyd, iyadoo lagu


xamanayay in waayadan labacanleyn ku jireen kolkii ay u fooftageen
ceelal durugsan oo maax iyo maareba kala kulmeen, Muqdishay
aheydna la lahaa, wallow maanta laga soo meel mariyay, sidoo kale
ayaa Darkan Nugaaleedi aheyn mid maaxdiisu ku cusub tahay, ayna
ahaayeen kuwii u ritay WADAANTII ugu horeeysay, kana durdursaday
inta ayan sidii baykalaha laga sheegi jiray ee la oran jiray
“BAKAYLUHU INTA UU BUR KU JIRO AYUU BUR KALE SII
DOONTAA” u baqoolin ceelkaas Banaadir, balse WAX RAAGA RAG
KUMA SAMEE, damac kale u muuqay, isna tuse in ay xirfad iyo
xodxodasho dheeri ah hadii ay la yimaadaan Darka dowlis kale u ridan
karaan, iyagoo iska dhaadhiciyay in daw walba oo loo maro Ceelkan
Nugaaleed ayagu yaqaaniin, hal hayskooduna ahaa “WAA LAGUU
YAQAANAA, MEEL MA JIDHO” ayaa socotadii Nuuradiin la yiri
xarigeeda qabo, qonof reer ceelcad caan ku ahaayeena waa lasoo
baray, si uu socotada dhaamanka kale wadata dibir ugala daalo, iyadoo
gacantana loosoo gashay qadwaan qaarar wayn, qarqarkana loosoo
suray qaanso aan reer Mudugba lagu aqoon balse xirfad dheeri uu
Nuuradiini ku tilmaamay tanoo cadeynaysay in xeeladaha qaawan ee
reer Mudug ayan aheyn mid uu kuwada qanacsanaa Nuuradiin, uuna
jeclaystay bal in uu ku milo qidadihii uu BAKOOL uga caani maali jiray,
lagulana soo faq “WALIGEEN DALAWO AAN LEENAHAY DIBNO
QALALAN LAMA SOO GURYO NOQON”, looba joogee.

Bari oo hayaanka iyo habeen socodka Ceelasha looga dheereeyo, ayaa


diiday in ceelkan Nugaaleed ee lagu xanto in xigto ka dhigatay mid uun
ay ayadu isku xarig wareejiso, hamigooda ka ceshastaan, Reer
QARDHANA diide Barinimadii, KARKAARNA KOORAHA GEELOODA
KABA DHIGE, iyagoo isku kali yeelay Darka oo Dalawadoodu Caasha
ku haysay sanadahan, balse maanta oo dhaaman badani u soo
socdaalayaan ay adag tahay sidii Horfule u ahaan lahaayeen mar kale,
Reer Bari xanshashaq iyo isku xuluulasho ay xargo iyo shabakado ku
daadinayaan bilaabe, ayagoo leh “HOMBOBORO LIBAAX BAY SOO
WADAA” Sool/Cayn, Mudug iyo Nugaal, uma arag saadaasha Bari mid
meel dheer jirta, balse waa dareensan yihiin in ay yihiin qub moos oo
saanta ku joogsataa simbiririxashadeeda leedahay, Farjac yiri “FAJACA
BARI BAAN AHEY”, Ceel uusan waligiis u aroorina Awrtiisii usoo
horkac, Prof:Muxyadiinse u Dig kuna yiri “Ar anigaaba Sahan ku
maqnaa, Surinadiina soo fiirsadaye Socotada ii daa” isna ugu af celi “ Ii
daayaa! Ari Qad Qad, aa latahay, ari wadaamaheenu maba leh dowlis
dherer le’eg Ceelkan Nugaaleed, ee anaa qidad iyo qorshayaalkii Bari
u walwaalaya Nugaale, iga war hay, kolay adigu quraan dhurwaa
akhrinmayside” Prof: Muxyadiin fiiri duqay dhinac taagnayd, iyana u
sheege duco iyo tawakal darka aad uga biyo cabto ayaad qabtaa.
Awr kale oo Bari laga soo jajuubayo indhuhu qabte, tallow waa ayo?
Waa Siciid Raage, oo Bari ka dhaadhacshay inuu wadaanta la dhaamin
jiray Reer Karkaar, dhabaha iyo tabaheedana wax ka bartay, inkastoo
sida Farjac sheegay Dawlisyada Bari iska wada gaaban yihiin, gunta
Ceelasha Nugaalna ayan gaarin, hadana lasoo baqool socoto asagu
daw yaqaan u yahay, Duqaydii soo ambabixisayna dareenkodu sii in
turanturooyin adagi horyaalaan socotadooda, iyaga oo aan u filayn in
uuba darka gaari doono.

Reer Karkaar oo Wabaxyadoodii ka ag dananayaan, is tuse in laba


kaclayni dan ugu jirto, Duq Cade, oo Mar la arko Darka u fadhiyay, yiri
socotada ha la ii heenseeyo, doodse laga keen, la ye “ AR HANA
HODIN” meel walba hooto lagula gaadayo ayaa ka muuqatee, isna Yiri
“Mar la arko Hootadu waa jidhay, Dalawadana waan daadihin Jiray” la
isku noqay, duul usoo baxe difaaciisii, waa doobab uu gaawayaasha
Dalawada uga xoorin jiray, kana deeqdoomay Darka afka kula jireen,
ku dhawaaqe “ARBE CADOW AROORI AWRTA” u af-celi, yirina “MAR
LA ARKO AYAAN AROOR AHAY”, Nuxnuxi ka dabatimid, Waa Awaare
oo dowliska lalaba shubi jiray Cade, raggna ku dareengasheen “MAR
LA ARKO DALAWADA CADE IN UUSAN MEEL GAARSIINAYN”, isna
yiri Waa Awaaree “Dig,Dabci, Digtoonaan iyo dibir kaleba waan aqaan”,
tani Darbo hoose ku noqotay Dowliskii Mar la arko Cade Darka ku sii
dayn jiray, dareena in wadaantiisii dabac ku yimid, iska soo luud, isaga
oo aan awalba Darka ka fogeyn, mar la arkona is leh, waa intaas oo
meel wax aan la ARKEYN KA SOO BAXAAN, Awaarase lasoo
dulindulcee Dhaan iyo Dowlisyo Duqii uu kala haray, su’aalse ka daba
timid, mar la arko damaca Karkaar maxaa difeertada u keena?
“DARKAY KU CADAAN LA YIRI”.

Nugaal dab iyo oog u shite sidii darka ay ugu waabariisan lahaayeen,
is xule ayaga oo buunan dhaadheer yeerinaya, afarta dacal la iskaga
yimid, La ye “Darka Deegaantiisu anaga ma tahay” , jawaabi tiri HAA,
“walaalaheen doorarkii hore maka wabxeen”, Jawaabi tiri HAA,” kaltan
weeye micnuhu mayahay”? Jawaabi tiri MAYA, su’aal keentay
Nugaal,Waayona tiri? Jawaabi tiri kaltan maahee waa TARTAN,
makaanada darka ayaana lagu tartamayaa, Nugaali docaha fiirisay,
xansatay tirade makaanada darka afkiisa ay ku gaadhi karto, Jawaabi
tiri “shan baad haysataan”, duqi soo bood tirada mafahmee ari ahaan
iigu tiri yiri, shan riyood loogu af celi, “Ceesaan aan Xaafad Carab ku
soo arkay maku jirtaa Yiri”, Jawaabi tiri maya, “tu kale oo dixda
shishadiisa daaqeysayna maku jidhaa hadana Yiri,” Jawaabi tiri Maya,
la ye “Cido ayaa iyadana kali ka haysta”, “labadaba tiradayda ku buuxi”
duqii yiri, la ye “hade sidaas darka laguma cabeyn”, “Dar iyo Deegaan
aan leeyahay Dalawadeydu ku qadi mayso Duqii yiri” laye xataa labada
Ceesaamood ee aad soo cirbisay Darka kuma gaadhsiiso, ii Doon Doon
Riyo Dagan Duqii yiri, Gaadaale iyo Faroole dayday gale, Xaafad
Carab oo ceesaantoodii raad guraya isku soo baxe, “Baadi docdiina
raadkeedii soo galay baan doonayn” Xaafad carab tiri, Gaadaale iyo
Faroole ugu af-ceshe “awalba booli bay idinku aheyd”, Xaafad Carabi
anfariirtay “ Waar daris iyo xigto sidaan kuma wada aheyn” tiri,
Gaadaale iyo Faroole “DARKAA NOO MUUQDA KU AF CASHE”,
Xaafad Carabi Gaadaale Jaleecday “War adigu Diin iyo Daacadaan u
Dhawaa ma laheyd, “Mid kalaa igu khaladeen” yiri, Xaafad Carabi
amakaagtay kana daba tuure TIXAN HOOSE.

“WALEE CEESAANTAAD NAGA DHACDAAN, CALAF DAR KUU KEENIN”


“WALEE CAQLIGAAN ARKAAYAAN, COSOB DAAL KA BI’INAYNIN”
“WALEE CASHIIRO IYO XIGTO DANBAAN, NUGAAL KULA CAWEYNDOONIN”

Gaadaale iyo Faroole is fiirshe uguna af ceshe Tixahan.

“WALEE CEEB AMA DARKAA, MID UUN LA CAWEYNIN”

Nugaali celceliska iyo tiradii makaanada u tafaxeyte, sir iyo saaqna


ugu tashade in ay Darka Doorka maanta ah Dalawadooda lala
wadaagin, “DARUURAHAY KAA TAHAY” LA YIRI

Xaafad Carabi Ciishootay, Makaanadii Mid uga soo har, Kal Hore
Baribaa mid ka lunsatay, Maantana Nugaal, Duqaydoodii doodi kala
gaadhay, la ye Darka hawo nagama Hayso miyaa?, Jawaabi Tiri “ma
maantoo mid ku leedahay ayaa Hawo ku qaaday”, su’aali tiri “hadaan
damaca darkan hore u bilaabi laheyn ceesaantayada lama
hunguriyeeyeen maanta” Jawaabi tiri “ War idinkaa la iskiin tusay’e Ma
dar iyo Dalawaa war u haysaan, tiinii baa dayac dilaye” Dhawaq hoos u
yeer, “kumaan maqal” la yiri, mar labaad gunuunuc, waar kor u hadal la
yiri, “Waa NUUR oo Darka Damac ka galay” la maqal, tartiib loo wada
dus, “Nuur Rag baan u baahnahay” ku cel celi, “Waa Riyootay” loo cel
celi, Jawaabtaasi “Maxay tahay” Soo celi “Rixinkii tabcada iyo
tuntooyada aad la daba fadhiday Waa ragaasay” lagu yiri, “Waan is
rifeynay” soo celi, “RUGTAADAAS KA REEM” lagu yiri, Xaafad Carabi
“Darka dacartiisa Diidnay, Daawashaan ka xignaa, Duul allow namaqal”
doodoodii kusoo Meershe, “DAMANAANTU WAA WAXAAN KULA
RABAY” laga soo daba tuur.
Sanaag u heese horweyntooda, iyagoo hamigooda hanadkii ka
runsheegi lahaa haybintintiisa wada, habeen heelo ka boode,
subaxdiina socotadii dhaanka sanaag horfuli laheyd haybtiisa la sheeg,
waa Ilka Jiir, La ye “Hufnaantaa lagu soo xulay” isna yiri “Hal baa ii
Dheer” misna dhehe “Mayee Hubqaadka ayaa lagu soo xulay” isna Yiri
“Mayee Hal baa ii dheer” misna dhehe “Mayee Haybtaa lagu soo xulay”
isna yiri “Mayee Halbaa ii dheer” misna dhehe “Mayee hal
maseeganimada ayaa lagu soo xulay” isna yiri “Mayee Halbaa ii dheer”
misna dhehe “ Mayee Hidaayada Diinta ayaa lagu soo xulay” isna yiri
“Mayee Halbaa ii dheer”, “HAA, HAA duq hoos u fakarayay” yiri,
“Maxaa gocotay?”la weydii, Hal dheeriga Ilka Jiir sow kan aanba Darka
in uu Dalawada u horseedo ugu dooranay maaha?duqii yiri, Ilka Jiiri
Dhoolo Cadee, kuna darsay Weedhiisa “Dhaanka Sool/Cayn iyo Bari,
kuwaan habeenka galinkiisa hore mirayo,weeye, Dhaamanka Socotada
Karkaar iyo Mudugna Saqde dhexe iga dheh midaan xargaha u wada
gooyo”, deetana la yiri “Waa Nugaal mida aan hiirta waaberi haamaha
dhaankooda hal hal u kala furi doono, wadaan walba oo ay wataana
salka walah kasiin doono”, la ye deetana, “Darka marka Subixii waagu
dilaaco Dowliska laga shubaa soo kan sanaag oo qudha ma noqon
doono” HAA LAWADA YIRI, Ana kan Wadaamo goynta Dhigay Sow
Maahi, “ YAA KALEETO” lawada yiri, Dalawadeena oo Wabax ah soo
sooma guryo celindoono? Haa lawada Yiri, ILKAHAAS JIIRKA KUWADA
DUCAYSTA, waa kuwa dowlisyadii dhumaca iyo Dhererka lahaa ee
Mudug, Karkaar iyo Nugaali isla dabafadhiday habeenkii cardaadiiqaha
ka dhigay, kuwii gaagaabnaa ee Bari iyo Soolna la timid dunsiibay, La
ye “Dooligii Aarka ka saarey Shabaqa sifihiisii Miyaa” isna Yiri “MEEL
KALE HAKA DOONIN”.

Ceelkii Nugaaleed hadaba gadaal looga kala hayaan, ayadoo lagu


dabafaylayo WADAANTA SANAAG EE ILKA JIIRI HOOBAYDEEDA
WADO?

W/Q MUXYADIIN CIID


Alcarab1@yahoo.co.uk

You might also like