Download as pdf or txt
Download as pdf or txt
You are on page 1of 28

Weedha Tifatiraha

Telesom oo Dhagax Dhigtay Dhisme Hool


Cusub oo Loo Dhisaayo Jaamacada Burco
Kuuliyadda ICT
Shirkada Telesom oo $25,000 Ugu Deeqay
Balaadhinta Madaarka Magaalada Burco

Telesom Oo $20,000 Dollar Ugu Deeqday
Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland

Shirkada Telesom oo $ 30,000 u Balan-
qaaday Wajiga Labaad ee Waddada Cad

Shirkada Telesom oo Koombuyuutaro Ugu
Deeqday Ururka Bisha Cas

Doorka Shirkada Telesom Ka Qaadatay
Furitaanka Jaamacadda Bariga Africa
Faraceeda Buuhoodle

Shaqaalaha Shirkada Telesom ee Ka Qalin
Jabiyey Jaamacadda Dalka Sanadkan 2012
Shirkada Telesom oo Maal Galisay Xafladii
Qalin Jabinta Jaamacada Eelo ee Boorama
Baro mid ka mid ah Hormuudka Shaqaalaha
Telesom
Xalaal Quute by Sheekh Ibrahim Axmed

Maxaad Ka Taqaanaa Baananka Islaamiga
ah iyo Adeegyadda ay Bixiyaan?

Xanuunka Macaanka ee Hooyadda Xiliga
Uurka

Adeega 3G Maxaad Ka Taqaanaa?
TUSMO


GUDDIDA TIFATIRKA

1. Cabdisalaam Ismaaciil Nuur -
Maamulaha Waaxda BDD

2. Eng. Faarax Sugaal - Maamulaha
Waaxda Maamulka

3. Cabdiwahaab Maax - Maamulaha
Waaxda Ganacsiga

4. Cadnaan Daahir Muxumed -
Maamulaha Waaxda ITMAS

5. Maxamed Cabdi (Darbo) -
Maamule Ku-xigeenka Qaybta MPR
M
arka Hore
Mahad Baaxad
Wayni Ilaahay
bay u sugnaatay, Naxariis
iyo Nabad-galyana
Korkiisa ah ahaato
Rasuulkeenii Subanaa ee
Maxamed NNKH. Intaasi
ka dib, waxaa farxad weyn
noo ah in aanu idiin soo
bandhigno Wargayska
saddex Bilood laha ah ee
Shirkada Telesom cadadkiisii 15-aad. Wargayskan waxaad ka
heli doontaan barnaamijyo xiiso badan oo iskugu jira wararkii iyo
adeegyadii ugu dambeeyey shirkada, barnaamijyo caafimaad,
maqaalo diiniya iyo barnaamijyo suugaan ah.
Majaladda Telesom Newsletter waxaa soo saara Waaxda
MPR-ka, gaar ahaana xafiiska Warbaahinta Shirkada.
Wixii macluumaad ama qoraalo faaiido u leh dalka iyo
bulshadaba waxa aad noogu soo hagaajisaan xafiiska Xidhiidhka
dadweynaha & Suuq gaynta ee Telesom oo ku yaala xarunta
dhexe ee Salaam Remittance ama ku soo dir ciwaanka:
Salaama Financial Institution Tower
Main Center Road, Hargeisa Somaliland
Office: +252-2-522383
Email: multimedia@telesom.net
Maxamed Ibrahim Cabdilahi
Editor-in-Chief
Weedha Tifatiraha




Telesom oo Dhagax Dhigtay Dhisme Hool Cusub oo Loo Dhisaayo
Jaamacada Burco Kuuliyadda ICT
Muuqaalka Masuuliyiintii ka soo Qayb Galay Xaflada Dhagax Dhiga Hool ICT Jaamacada Burco

Ma a mu l a h a
S h i r k a d a
Telesom ee
ma g a a l a d a
B u r c o
M a x a m u d
Xaaji Ibraahin
i y o
Ma a mu l a h a
W a a x d a
Horumari nt a
Ganacsiga iyo Gobolada Cabdisalaam Ismaciil
Nuur ayaa faahfaahin ka bixiyey mashaariicda ay
Jaamacadaha dalka ka fuliyeen iyo mashruucan
hoolka ICT ee ay shirkaddu dhagax dhigtay.
Masuuliyiintan shirkada Telesom ayaa sheegay inay
mashruucan bilaabeen ka dib markii ay arkeen
baahida weyn ee dalka looga qabo iyo baahida
ardayda jaamacadu u qabaan Laab weyn oo ay
jaamacadu yeelato, waxaanay halkaasi ka balan
qaadeen inay damaanad qaadi doonaan qalabaynta
Laabkaasi, sidoo kale ay markasta la socon doonaan
isbedelka ku dhaca qalabkaasi oo aanay sidaa kaga
tegi doonin.
Cabdisalaan Ismaacil Nuur
Maaamulaha Waaxda BDD
B
urco [Telesom Newspaper - 4 September
2012] - Shirkada Telesom ayaa dhagax
dhigtay hool cusub oo loogu talao galay
Jaamacada Burco gaar ahaana kuuliyadda ICT.
Munasibada dhagax dhiga ee Jaamacada Burco waxaa
ka soo qayb galay Wasiirka Wasaarada Qorshaynta,
A g a a s i ma h a
G u u d e e
Wa s a a r a d d a
Qo r s h e y n t a ,
B a d h a s a b k a
Gobolka Togdhe,
Maayarka Burco,
S a r a a k i i s h a
c i i d ,
sar aaki i l ka
socotay laamaha
kale ee Dawladda
ee Gobolka
Togdheer, Qaar ka mid maamulka Shirkada Telesom,
Maamulka iyo Guddiga Jaamacadda Burco, iyo marti
sharaf kale.
Maxamud Xaaji Ibrahim
Maaamulaha Telesom Burco


Telesom oo Dhagax Dhigtay Dhisme Hool Cusub oo Loo Dhisaayo
Jaamacada Burco Kuuliyadda ICT
Wa x a a i s n a
halkaasi ka hadlay
W a s i i r k a
W a s a a r a d a
Q o r s h a y n t a
Q a r a n k a
S o m a l i l a n d
Dr. Sacad Cali
Shire, waxaanu
sheegay i nay
maanta dhankiisa
farxad weyn u tahay inuu mar kale la kulmo
akhyaartiisii Guddiga Jamaacada Burco. Dr. Sacad
waxaa uu ka sheekeyey ahmiyada uu Laabkani u
yeelan doono ardayda taasi oo uu sheegay inay ka
gaadhi doonaan guul isagoo sidoo kale sheegay inay
ardaydu ka heli doonaan waayo aragnimo balaadhan.
Waxaa iyaguna
munaasi badaasi
dhagax dhiga ka
hadlay Gudoomi-
yaha Gobolka
Togdheer Cabdoo
Axmed Aayir,
M a a y a r k a
Magaalada Burco
M a x a m u u d
Axmed Xasan
(Dhegalaab) iyo Suldaan Cabdilaahi waxaay
shirkada Telesom ku amaaneen doorka ay ka
ciyaarayso horumarinta waxbarashada dalka,
waxaanu shirkaddaha kale ugu baaqeen in ay ku
daydaan Shirkadda Telesom. Hoolkan ay Shirkadda
Telesom dhagax dhigtay ee Jaamacada Burco ayaa la
filayaa in la dhamaystiri doona horaanta sanadkan
fooda inagu soo haya.
Dr. Sacad Cali Shire
Wasiirka Qorshaynta Qaranka
Cabdoo Axmed Aayir
Badhasaabka Burco


Muuqaalka xafladii Dhagax Dhiga Hoolka ICT-ga Jaamacada Burco
Telesom oo Dhagax Dhigtay Dhisme Hool Cusub oo
Loo Dhisaayo Jaamacada Burco Kuuliyadda ICT


Shirkada Telesom oo $25,000 Ugu Deeqay
Balaadhinta Madaarka Magaalada Burco
B
urco - [ Telesom Newsletter - 09 October, 2012]
- Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee
Telesom ayaa ugu deeqday mashruuca
dib-u-diska iyo balaadhinta madaarka magaaladda
Burco lacag dhan $25,000. Maamulka sare ee Shirkada
Telesom ayaa lacagtaasi ku wareejiyey guddida
Dhismaha Madaarka Burco. Lacagtan taageerada
dhaqaale ah ayaa ka mid ah waxtarka qiimaha leh ee
shirkadu la barbar taagan tahay Horumarinta dalka.
Lacagtan ayaa si toos ah loogu wareejiyey Guddida
Dhismaha Madaarka Burco. Shirkada Telesom ayaa
mashaariic horumarineed oo balaadhan sanadkan dalka
ka fulisay.
Mashaariicdaasi oo u
badnaa dhismaha
wadooyinka isku
xidha magaalooyinka
waaweyn iyo kuwa
magaalooyinka
dhexdooda ah.
Sanadkan shirkadda
Telesom
mashaariicda ay ka fulisay dalka lacagta ku baxday
waxaa lagu qiyaasaa in ay gaadhayso ilaa dhawr boqol
oo kun oo dollar.


H
argeysa [Telesom
Newsletter - Nov 5, 2012]
Shirkada Isgaadhsiinta
Casriga ah ee Telesom ayaa deeq
lacageed oo dhan $20,000 oo
Dollar ugu deeqday Wasaarada
Dhalinyaradda iyo Ciyaaraaha
ee Jamhuuriyadda Soomaliland.
Xafladda bixinta Deeqda lacagta
ayaa ka dhacday xarunta
Wasaarada Dhaliyarada iyo
Ciyaaraha ee magaalada Hargeysa.
Waxaana ka soo qayb galay
dhinaca dawladda Wasiirka
Dhalinyarada, Agaasimaha Guud
iyo Agaasimo Waaxeedyada
Wasaarada. Dhinaca Telesom-na
waxa ka soo qayb galeen
Maamulaha Waaxda Horumarinta
Ganacsiga iyo Gobolada
Cabdisalaan Ismaaciil Nuur,
iyo Maamulaha Waaxda
Horumarinta Gobolada ee
shirkadda Telesom Cali Maxamed
Saalax.
Masuuliyiintan Shirkada Telesom
matalaayey ayaa $20,000 ku
wareejiyey Wasiirka Dhalinyarada iyo
Ciyaaraha Somaliland Muddane Cali
Siciid Raygal, lacagtaasi oo loogu tala
galay in lagu maal galiyo Tartanka
Ciyaaraha Gobolada ee ka dhici doona
dalka bisha December 15, 2012.
Wasiirka Dhalinyarada iyo
Ciyaaraha Cali Siciid Raygal oo ka
hadlay deeqdan lacageed, ayaa uga
mahad celinayo shirkadda Telesom
deeqdan, waxaanu tilmaamay inay
shirkada Telesom ka goan tahay dhiiri
gelinta ciyaaraha dalka, waxaanu yidhi,
Waxaan ku ammaanayaa shirkadda
TELESOM lacagtan ay ugu deeqeen
tartanka ciyaaraha gobolada ee dalka
ka dhici doona 15-ka Bisha fooda
inagu soo haysa ee December.
Maamulaha Waaxda Horumarinta
Ganacsiga iyo Gobolada ee
shirkadda TELESOM mudane,
Cabdisalaan Ismaaciil Nuur, oo
isna ka hadlay xafladda bixinta
lacagta ayaa sheegay in shirkadda
TELESOM ay mar walba bar-bar
t aagan t ahay horumari nt a
noocyada kala duwan ee
ciyaaraha, isagoo intaasi ku daray
in shirkadu ay sanad kasta
taageero ka geysato qabashada
tartanka ciyaaraha gobolada,
waxaa kale oo uu gudoomiyuhu
sheegay in ciyaaruhu wax ka
tarayaan is dhex-galka bulshada
iyo horumarkoodaba.
Bixid: Maamulaha Waaxda BDD Telesom, Cabdislaan Ismacil Nuur & Wasiirka Ciyaaraha & Dhalinyarada Siciid Cali Raygal
Telesom Oo $ 20,000 Dollar Ugu Deeqday Tartanka
Ciyaaraha Gobolada Somaliland


H
argeysa [Telesom Newsletter - 08 Novem-
ber, 2012]: - Shirkada Telesom oo ah
Horyaalka Shirkada Isgaadhsiinta dalka ayaa
ku dhawaaqday in ay lacag ugu deeqday dhismaha
waddada cad ee koonfurta magaalada Hargeysa ka baxda
iskuna xidhaysa magaalooyinka Hargeysa iyo Salaxlay.
Suldaan Maxamed Xasan Ibrahim oo ka mid ah
Maamulka Sare ee shirkadda Telesom ayaa ka qayb
galay xafladii furitaanka Dhismaha Wajiga Kowaad ee
Waddada Cad oo ka dhacday magaalada Toon.
Xafladda furitaanka oo ay ka soo qayb galeen
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliland Muddane
Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaayo) oo ay
weheliyaan qaar ka mid ah golaha Wasiiradda,
Gudoomiyaha Baarlamaanka, Gudoomiyaha Xisbiga
Kulmiye, maamulka shirkadda Telesom iyo Marti sharaf
kale oo badan.
Shirkada Telesom oo $ 30,000 u Balan-qaaday Wajiga
Labaad ee Waddada Cad
Shirkada Telesom oo ka mid ah shirkadaha sida wayn
uga qayb qaata horumarinta danta guud ee dalka ayaa
waxay hormood u noqotay qaadhaan loo ururinaayey sii
waddida dhismaha wajiga labaad ee waddada Cad.
Shirkadda Telesom ayaa madashii xafladdu ka socotay
oo lagaga waramayaayey hawlaha u qabsoomay
guddida waddada cad, iyo waxa ka dhiman ee loo
baahan yahay si loo dhamaystiro waddada Cad, ayaa
shirkadda Telesom ku dhawaaqday in wajigan labaad ee
bilaabmi doona ay ugu deeqday lacag dhan $30,000
(Sodon Kun oo Dollar).
S u l d a a n
Maxamed Xasan
Ibrahim oo ka
m i d a h
Maamulka Sare
ee Shi r kada
Telesom oo ka
hadlay madasha
xaf l addu ka
dhacaysay waxaa uu Suldaanku kaga dhawaaqay in
Shirkada Telesom ay ugu deeqday dhismaha Waddadan
cad lacag dhan $30,000. Deeqdan noocan ahi maaha tii
ugu horaysay ee shirkadda Telesom ku dhawaaqdo ama
ay bixiso balse waxa ay qayb ka taahay deeqo lacago ah
oo ay sanadkan shirkadda Telesom kaga qayb qaadatay
dhismaha wadooyinka dalka sida waddada Boorama iyo
Dilla, waddada Dawga Cad, waddada Wajaale iyo
wadooyin badan oo magaalooyinka laga dhex
sameeyey.
Suldan Maxamed Xasan Ibrahim
Madaxweynaha Somaliland iyo Waftigii Wehelinaayey


H
argeysa [Telesom Newsletter - 10
November 2012]: - Shirkada Isgaadhsiinta
Casriga ah ee Telesom ayaa Deeq
Koombuyuutaro ah ugu deeqday Hay'ada Bisha Cas
Qaybteeda Soomaliland ee fadhigeedu yahay
magaaladda Hargaysa. Deeqdan Koombuyuutarada
ah ayaa ka koobnayd 15 koombuyuutar oo loogu talo
galay in kor loogu qaado adeegyadda ay hay'adda
Bisha Cas ka fuliso Soomaliland. Xafladii lagula kala
wareegaay qalabkan Koombuyuutarada ah ayaa ka
dhacday xarunta Hay'ada Bisha Cas ku leedahay
magaaladda Hargaysa oo ay ka soo qayb galeen
masuuliyiin ka tirsan shirkada Telesom iyo qaar ka
mid ah masuuliyiinta Hay'ada Bisha Cas ee gobolka
Maroodi-jeex.


Shirkada Telesom
oo Koombuyuutaro
Ugu Deeqday
Ururka Bisha Cas
Ugu horayn xafladda Deeq-wareejinta waxaa ka hadlay
Maamule Ku-xigeenka Qaybta Suuq-gaynta iyo
Xidhiidhka Dadweynaha ee Shirkada Telesom Muddane
Maxamed Cabdi Axmed Darbo waxaanu sharaxaad dheer
ka bixiyey kaalinta ay shirkada Telesom kaga jirto ka
qayb qaadashada horumarinta dalka.
Dhanka kale, waxaa isna xafladaasi ka hadlay
gudoomiyaha ururka Bisha Cas ee gobolka Maroodi-jeex
Axmed Ciise Maxamuud waxaanu shirkada Telesom uga
mahadnaqay deeqdan Koombuyuutarada ah ee ay
shirkada Telesom ugu deeqday Hay'ada Bisha Cas.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in Koombuyuutaradani ay
baahi wayn oo xaga waxbarashadda u qabeen. Hay'ada
Bisha Cas ayaa sheegtay in ay Koombuyuutaradan u
adeegsan doonaan in ay dhalinyaradda ku bartaan
culuumta barashada kombuyuutarka.
Gudoomiyaha ururka Bisha Cas Axmed Ciise Maxamud
ayaa sheegay in shirkada Telesom ay ka codsadeen in ay
ka caawiso xaga qalabka waxbarashadda, waxaanu xusay
in shirkadda Telesom muddo yar oo kooban ugu soo
jawaabtay dalabkoodii una fulisay wixii ay ka dalbadeen.

Shirkada Telesom oo 15 Computer Ugu Deeqday Hayada Bisha Cas ee Magaalada Hargeysa
Maxamed Cabdi Darbo oo Koombutaro ku
Warejinaaya Gudoomiyaha Bisha Cas Axmed
Ciise Maxamued




Doorka Shirkada Telesom Ka Qaadatay Furitaanka Jaamacada Bariga
Africa Faraceeda Buuhoodle
B
uhoolde[Telesom Newsletter 03 October, 2012] - Shirkada Telesom oo ku caan baxdey taakuleynta
arimaha bulshada ayaa xafladii furitaanka Jaamacada Bariga Africa faraceeda Buuhoodle qayb laxaad leh
ka qaadatey iyadoo jaamacada ugu deeqdey lacag dhan $4,000 (Afar kun oo dollar) oo loogu talagalay
qalabaynta jaamacada sida uu sheegay maamulaha Telesom Buhoodle Cabdisamad Cali Xasan.
Shirkada Telesom oo ah shirkad aad loogu yaqaan
arimaha bulshada ka qayb qaadashadeeda ayaa waxaa ay
magaalada Buuhoodle ka fulisay hawlo badan oo ku
aadan caafimaadka, biyaha, sidoo kale waxaa uu
maamulaha Telesom Buuhoodle sheegay in ayna intaasi
ku koobnaaneyn taakuladoodu balse ay sii wadayaan
loona baahan yahay in laga wada qayb qaato
barnaamijyada noocan ah.
Intaasi ka dib ayaa waxaa uu maamulaha Telesom
Buuhoodle ugu bishaareyay dhamaan Xujaajta in ay ku
isticmaali karaan Adeega ZAAD SERVICE Xajjka
gudihiisa isagoo gudanaya waajibaadkii Allaah
Subxaana Watacaalaa. Xujaajtu waxa ay u soo diri
karaan reerahooda biilasha iyo dhamaan baahiyihii kale
ee aad ku isticmaali jirteen adeega ZAAD.
Cabdisamad Cali Xasan
Maamulaha Telesom Buuhoodle


J
aamacadaha Dalka [Telesom Newsletter] Sanadkan 2012 Jaamacadaha dalka waxaa ka qalin jabiyey
shaqaale badan oo shirkada Telesom ka tirsan. Shaqaalahan shirkada Telesom ayaa sanadkan ka
qalin-jabiyey jamaacadaha dalka ee kala ah: Jaamacada Hargeisa, Jaamacada Admas iyo Jaamacada Alpha.
Tiradda guud ee shaqaalaha shirkada Telesom ee sanadkan ka qalin jabiyey jaamacada dalka tiradoodu waxa ay
dhan tahay 25 shaqaale ah, kuwaas oo bartay culuunta kala duwan sida culuumta Ganacsiga, maamulka iyo
maaraynta, dhaqaalaha, ICT-ga iyo shareecada Islaamka.
Magacyadda iyo Kuuliyadaha ay Ka baxeen Shaqaalahan Qalin Jabiyey:
1. Farax Sugaal Guure Jaamacadda Alpha Kuuliyadda Ganacsiga
2. Ismaacil Yaasin Cabdi - Jaamacadda Alpha Kuuliyadda Ganacsiga
3. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Yuusuf - Jaamacadda Alpha Kuuliyadda Ganacsiga
4. Cabdisalaan Yusuf Warsame - Jaamacadda Alpha Kuuliyadda Ganacsiga
5. Cumar Warsame Faarax - Jaamacadda Alpha Kuuliyadda Ganacsiga
6. Cabdilahi Muuse Iiman - Jaamacadda Alpha Kuuliyadda Xisaabaadka
7. Maxamed Cabdilahi Guleed Jaamacadda Admas Kuuliyadda ICT-ga
8. Maxamed Caydiid Maxamed - Jaamacadda Admas Kuuliyadda ICT-ga
9. Khadar Maxamed Cabdi - Jaamacadda Alpha Kuuliyadda ICT-ga
10. Cabdiraxman Xariir Diiriye - Jaamacadda Admas Kuuliyadda ICT-ga
11. Maxamuud Maxamed Xirsi - Jaamacadda Admas Kuuliyadda ICT-ga
12. Saleebaan Daahir Ibrahim - Jaamacadda Admas Kuuliyadda ICT-ga
13. Khadar Maxamed Nur - Jaamacadda Admas Kuuliyadda ICT-ga
14. Mukhtar Maxamed Muhumed - Jaamacadda Admas Kuuliyadda ICT-ga
15. Saleebaan Xasan Wacays - Jaamacadda Admas Kuuliyadda ICT-ga
16. Cabdiqani Maxamuud Gahayr - Jaamacadda Admas Kuuliyadda ICT-ga
17. Maxamuud Adan Africani - Jaamacadda Admas Kuuliyadda ICT-ga
18. Cabdiqaadir Asad Xasan - Jaamacadda Admas Kuuliyadda ICT-ga
19. Khadar Kayse Ahmed - Jaamacadda Admas Kuuliyadda ICT-ga
20. Xuseen Cilmi Aadan - Jaamacadda Admas Kuuliyadda ICT-ga
21. Axmed Maxamed Warsame - Jaamacadda Alpha
22. Faarax Cabdi Axmed - Jaamacadda Hargeysa Kuuliyadda Sharciga
23. Muuse Sh. Axmed Faarax- Jaamacadda Hargeysa Kuuliyadda ICT-ga
24. Ismail Cabdisamad Aadan - Jaamacadda Alpha Kuuliyadda Ganacsiga
25. Abokor Aw-cali Faarax Jaamacada Admas kuuliyada
Shaqaalaha Shirkada Telesom ee Ka Qalin Jabiyey
Jaamacadaha Dalka Sanadkan 2012
Magacyada Shaqaalaha Ka Qalin-jabiyey Jaamacadaha Dalka
Cabdiraxmaan C/laahi
Yuusuf
Ismacil Yasin Cabdi
Eng. Faarax Sugaal
Guure
Cumar Warsame Faarax


Khadar Kayse Axmed C.qadir Asad Xasan Cabdilahi Muuse Iimaan Cabdisalaam Yusuf Warsame
Ismaacil C.samad
Aadan
Axmed Maxamed
Warsame
C.raxmaan Xarir
Diiriye
Xuseen Cilmi Aadam
(Mr Liin)
Faarax Cabdi Axmed Abokor Aw-cali Faarax Maxamud Aadam Afrikani
Khadar Maxamed Nuur


Shirkada Telesom oo Maal Galisay Xafladii Qalin
Jabinta Jaamacada Eelo ee Boorama
B
oorama[Telesom Newsletter 7 Sep, 2012]-
Shirkada isgaadhsiinta Telesom oo had iyo
jeer ka qayb qaadata arimaha bulshada lagu
horumarinayo ayaa waxa ay guud ahaanba damaanad
qaadey kharashka ku baxayey qalin jabintii dufcadii
labaad ee Jaamacada Eelo American University ee
magalada Borama.
Ma a mu l a h a
T e l e s o m
B o r a m a
Ca b d i q a a d i r
Adam Nuur oo
hal kaas ka
hadlay ayaa
w a x a u u
tilmaamey sida
shirkada ay uga
goan tahay
gacansiinta iyo
t a a k u l a y n t a
bulshada oo
aanay ahayn
kaliya shirkad
ka ganacsatada dadka iyo dalkaba, sidoo kale
maamuluhu waxa u sheegay in Telesom tahay shirkada
kaliya ee dalka ugu balaadhan xaga shaqaalaha dadka u
shaqeeyaana ay u badan yihiin ardayada jaamacada ka
baxa oo la wada oghay in ay tahay taayirada ay maanta
ku dhaqaaqday Telesom marka laga eego xaga shaqada
iyo waliba shaqaalaynta dayartaa ka qalin jabisa
jaamacadaha dalka.

C.qadir Aadan Nuur
Maamulaha Telesom Borama
Dhan kale waxa isna
halkaasi ka hadlay
farina u diray
shirkadaha kale ee
dalka Gudoomiyaha
Jaamcada Eelo Dr.
Maxamuud Xuseen
Cige oo sheegay in
ay ku daydaan
Telesom oo uu yidhi
waxa ay ku dhex
milantahy bulshada
markastana waxa ay qeyb ka tahay arimaha bulshada
ay ku dhex ganacsadaan iyaga oo dadkana uga
faaiideeya waxa ugu haboon ee ay uga qaban
karaan .
Isku soo wada duuduubo Telesom oo ah hormuudka
Shirakada isgaadhsiinta Dalka ayaa waxa ay baahisaa
Adeego qiimo leh oo bulshada dan u ah inta badana
taabanaya horumarka dhinacyada horumarineed ee
bulshada ,waxanay sidoo kale shirkadani qayb katahay
markasta ka qayb qaadashada arimaha bulshada ee
muhimka u ah ama laf dhabartaba u ah.
Dr. Maxamud Xuseen Cige
Gudoomiyaha Jaamacada Eelo


Baro Mid ka Mid ah Hormuudka Shaqaalaha Telesom











Khadar Xariir Xuseen (Alhariiri) waxaa uu sanadkii
1984-kii ku dhashay magalaada Hargaysa, khadar waxaa
uu waxbarashadiisa dugsiga Hoose/dhexe ku qaatay
Dugsiga Axmed Guray ee magaalada Hargaysa,
Dugsiga sarena wuxuu isna ku dhamaystaay Maxamud
Axmed Cali ee isla magaalada Hargaysa.
Sidoo kale waxaa uu waxbarashadiisa Digriiga kowaad ku
qaatay Jamaacada Hargaysa isaga marki hore ku
diyaariyay Degree oo Bachelor of Business
Administration-ah (BBA), Isla jaamacada Hargaysa waxaa
uu ku diyaariyay shahaadada Post graduate Diploma
ah oo Peace and Conflict Studies.
Shirkada Telesom waxa uu ku soo biiray 08/05/2008
Waxaanu ka mid noqday shaqaalaha Qaybta Iibka iyo
Suuq-gaynta (Sales and Marketing). Dhamadki
sanadkii 2008 waxa uu si toosa ugu wareegay waaxda
Iibka oo uu ilaa had ka tirsan yahay. Khadar mudadii uu
joogay Qaybta Iibka waxaa uu soo wada maray oo uu ka
soo shaqeeyey dhamaan qaybaha kala duwan ee waaxda
Iibka, sida GSM Section-ka, Billing Section, Regional and
Controlling Section iyo Customer Care Section oo ay ka
kooban tahay Qaybta Iibku.
Waxa diyaariyay xafiiska
Taariikhada waxbarashada.

Intermediate School Certificate, (1997 2000)
At Ahmed Guray Primary school, Hargeisa

GCSE- Higher School Certificate, (2000 2004)
at Mohamoud Ahmed Ali, secondary school,
Hargeisa

Post Graduate Diploma of Institute of Peace and
Conflict Studies Feb.2010-
Jan 2011, Institute peace and conflict studies
University of Hargiesa campus
Bachelor of Business Administration (BBA),
Sept.2004 August2008
University of Hargeisa.
Tababarada Uu Qaatay,
1. Service Excellence
2. Sales and Marketing 20
th
Century
3. Anti Money Laundry Training (ALM)
4. Customer Service Training
5. Internet Trapshooting Training
Abaal Marinada uu Kasbaday

1. 2009-2010 Shaqaalihi ugu Fiican Qimaytii
sanadka Darajada B ayuu sanakaa Ku guulastay-
naa
2. 2010-2011 Darajada A ayuu ahaa sanadkii 2010
(Certificate of appreciation in recognition for his
out-standing performance of the year 2010 at
Telesom Company).
Khadar Xariir Xuseen


Xalaal Quute
I
laahay baa mahad oo dhami u
sugnaatay, Allihii ina
abuuray, ee abuurteena
hagaajiyey, Allihii ina sharfay ee
makhluuqiisa ka ugu sharafta iyo
karaamada badan inaga dhigay
[Bani'aadam]. Bani'aadamka caasi
ku noqda Allihii abuuray, ee garan
waaya xaqa Alle ku leeyahay.
Ilaahay Naarta aakhiro ayuu kaga
aargoosanayey, ka dibna u
celinayey nolol iyo maqaam aad u
hooseeya. Waxa Sharaf iyo
bogaadin mudan Rasuulkii ina soo
gaadhsiiyey diintan Suuban ee
Aduunka iyo Aakhirada isku
xidhaysa, si Bani'aadamku ugu
noolaado Aduunka nolol karaamo
leh, Aakhirona Nolol Raaxo leh.

Bani'aadamka waxa ku abuuran
inuu maalka jecel yahay, naftiisuna
ay u janjeedho sidii uu maal badan
u yeelan lahaa Ilaahay ayaa ku
sheegay inuu maalka si daran u
jecel yahay, aayada 7-aad ee
suurada Al- Caadiyaat wuxu ku
yidhi Isagu [Bani'aadamka]
Maalka jacaylkiisa wuu ku daran
yahay.
Wuxu Ayaada kale oo ku jirta
Suurada Aala Cimraan,[Aayada 14
-aad ] Ilaahay ku yidhi: Dadkii
waa loo qurxiyey jacaylka Shaha-
waadka [waxa naftu jeceshahay]
oo Dumarkii ah, iyo ubadkii, iyo
Maal badan oo la Ururiyey, oo ay
ka mid yihiin Dahabka iyo Fidada
[lacagtii] iyo Fardo suntan, iyo
Nimcooleyda[ Geel,
Lo iyo Adhi] iyo Beerihii,
waxaa oo dhami waa Dhalaalka
Aduunka, Ilaahay Agtiisa ayaa u
noqodka Sami yahay.
Adoonku Ilaahay hortiisa marka uu
istaago Qiyaamaha waxa la
waydiinayaa Afar Suaalood,
waxana ka mid ah Maalka xagee
ka soo kasbatay, Xageese ku
bixisay? [Tarmadi, Albani wuu
saxiixiyey eeg saxiixada No:946].
Islaamku Wuu Dhiiri
Geliyey Kasabka Xalaasha
Hadaba Maadaama Bani'aadamku
jecel yahay Maalka iyo inuu mar
kastaba wax Maal ah lahaado,
Dabeecadaana ilaahay ku og yahay
oo ku abuuray, wuxu u fasaxay
inuu kasbado oo shaqeeyo si uu
maal u samaysto, weliba isagoo u
diyaariyey ama u Fududeeyey
dariiqyadii uu maalka ku kasban
lahaa wuxu Quraanka ku yidhi:
Aayda 15 ee Suurada Mulki, Waa
kii [Ilaahay] dhulka idiin layliyey
ee Socda dhinacyadeeda
[oogadeeda] oo Arsaaqdiisa cuna,
xagiisa ayaad u soo ururi
doontaan [idinkoo Xabaalaha ka
soo baxaya].
Dhulkii ayuu ka dhigay mid
Bani'aadamka u hogaansan oo uu
ka dhex samayn karo maal, ha
beerto, ama macdan ha kala soo
baxo, ama ha dhisto dushiisa ama
calooshiisa ha qotee.
Sh. Ibraahim Axmed Siciid
Wuxu Ilaahay leeyahay Risqigiisa
uu idiinku abuuray dhulka Cuna,
dhulka markii Ilaahay abuuray
wuxu ku diyaariyey Arzaaq aad u
tira badan oo ka balaadhan
makhluuqa dhulka lagu dhex
uumay, weligeedna dhamaan
mayso, inta hal noole dhulka
oogadiisa joogo wixii uu cuni
lahaa iyo wixii uu cabi lahaaba
dhulka ayuu ka dhex helayaa,
waayo Ilaahay dhulka wuxu ku
abuuray laba maalmood
gudahood, waa Axad iyo isniin,
markii uu dhameeyey ayuu wuxu
hadan abuuray arzaaqdii
makhluuqa iman doona dhulka ka
heli lahaayeen. Arzaaqdaa
wuxu Ilaahay ku abuuray laba
maalmood waa Talaada iyo
Arbaca. Ufiirso Arzaaqda oo keli
ah ayuu laba maalmood ku
abuuray, markaasuu hadana
barakeeyey. Samooyinkiina wuxu
ku Abuuray laba maalmood waa
Khamiis iyo Jimce ee, waxa Jimce
loogu bixiyey waxa
dhamaystirmay abuurkii cirka iyo
Dhulka, maalintii Todobaad ee
Sabtida Ilaahay waxba ma
abuurin, waxay ina tusaysaa in
Baniiaadamku ka barto xikmada
Ilaahay wax u kala tartiibiyey.


Xalaal Quute
Qaaruun Bin Yashar oo ka mid
ahaa qoomkii Nebi Muuse NNKH
ayaa waxa Ilaahay siiyey maal
khasnadaha uu ku jiro oo keliya
mafaatiixda lagu furo ay ku
culustahay koox rag ah oo xoog
badan. Iyadoo qoomkiisii kuwii
saalixiinta ahaa ay wacdiyayaan
ayaa Ilaahay inooga qisooday wixii
wanaasanaa ee ay u soo jeediyeen
oo ahaa inay ku yidhaahdeen Ha
kibrin Ilaahay kuwa kibra ma
jecla ee, Waxan Ilaahay ku siiyey
ku dalab Daarta aakhiro,
dheeftaada aduunkana ha
ilaabin, wanaag samee sida
adigaba Ilaahay kuu wanaajiyey.
Suurada Qasas Aayada 77 aad.
Qaaruun wuxu ku jawaabey
Maalkan aad arkaysaan waxan ku
keenay Aqoon iyo Karti aan
leeyahay, wuxuna iloobey in
Maalkan Ilaahay u sahley
helitaankiisa, lagana doonayo inuu
Ilaahay iyo aakhiro ku gaadho, dad
badan ayaan maalku sidaa ku
adoonsaday oo isagii caabudey.
Markaa maalka fidnadiisa waxa ka
mid ah in qofku ku ilaabo inuu
Ilaahay dhinaciisa ula kaco kuna
gaadho Raali noqdka Alle iyo
janada aakhiro, Waxa arrintan inoo
sii iftiiminaya laba daliil. Ilaahay
ayaa kitaabkiisa ku yidhi suurada
Al-Baqara Aayada 29 Waa kii
[Ilaahay] idiin abuuray waxa
Dhulka yaal dhamaantood.
Aayadu waxay inoo sheegtay in
inaga Banii'adam, la inoo abuuray
dhulkii wixii dul yaaley
dhamaantood, sababtuna waa in
aan u kaalmaysano gaadhista
Ilaahay iyo cibaadadiisa, Waxa
kale oo Ilaahay inoo tilmaamay
marka aan cibaadada ka faaruqno
in aan raadsano arzaaqdii aan ku
noolaan lahayn ee dhulka la inoogu
diyaariyey weliba inagoo marka
aynu Arzaaqda raadinteeda ku
guda jirno aan iyada ku
mashquulayn ee Ilaahii inoo
dhibka yareeyey xusuusanayna oo
u mahad celinayna, sidaa waxa ina
faraya Aayada ku jirta Suurada
Jumca Aayadeeda 10 aad Marka
aad Salaada gudataan, dhulka ku
foofa oo dalba fadliga
[Arzaaqada] ilaahay, inbadan
ilaahay xusa waad
liibaanaysaane.
Dariiqyada Kasabka Maalka
ugu Fiican ee ugu Nadiifsan
Dariiqyada xalaasha ah ee maalka
lagu kasbadaa way badan yihiin,
waxa maalka lagu helaa
dariiqyadan:
1. I na a d ga c a nt a a da ku
shaqaaysatid
2. In aad iib iyo Baayac mushtar
ku heshid
3. Inaad jihaad ku hesho
4. In aad shaqaale u noqotid cid
kale
5. In aad dhaxal u heshid
6. In lagu siiyo
Arrimaha Qofka Gacanta ka
Shaqaysanayaa laga Rabo Inuu
ka Fogaado
Khayaamada iyo Qishka, Beenta
iyo ku shaqaysigeeda, Dhaarta iyo
ku xoogxoogsiga ama buunbuninta,
Balan beenaalaha iwm. Waxa inta
badan dadka farsamada gacanta ku
shaqaysta ku badan inuu wax aan
Azalkii ahayn wax ka sameeyo una
ekaysiiyo wixii asalka (Original)
ahaa, isagoo aan u sheegayn cidii
uu wax u samaynayey, taasi waxay
noqonaysaa khiyaamo iyo qish
xaaraan ka dhigaya maalkii uu
kasbanayey.
Beentu iyadoo sideedaba xun oo
sharcigu diidey hadana marka
baabka macaamilka la joogo way
sii daran tahay, waayo waxay
keenaysaa in wixii lagaa rabey aad
si kale u sheegto adigoo maal ku
raadinaya, markaa waxay kaa
xaaraamaynaysaa kasabkaagii.
Buunbuunintu waa xaqiiqadii oo
aad u dhigto si ka bedelan sidii
jirtey, adigoo qofka ku qancinaya
inuu waxan kaaga qaato sidii runta
ahayd oo aad sii korkordhisey,
taasina waa waxyaalaha kasabka
xumeeya.
Balanka oo Farsamayaqaanku ka
dhabayn waayaa iyaduna aad ayey
u badan tahay, waxa la arkaa in
waqtigii lagu heshiiyey inuu
Farsamada ku dhameeyo uu dib uga
dhaco, ka dib uu sababo aan run
ahayn iyo halkanay ka baxday iyo
waxan baa is bedelay qofkii ku
qanciyo.





Maxaad Ka Taqaanaa Baananka Islaamiga ah iyo
Adeegyada ay Bixiyaan?
Siciid Cabdilahi Siciid
B
aananka Islamiga ah
[Telesom Newsletter] -
Bangiyada Islaamiga ahi
waa hayado maaliyadeed oo
hadafkoodu yahay inay fuliyaan
dhamaan adeegyada loo baahan
yahay inuu bangigu qabto iyada oo
si f eej i gan l oo i l aal i nayo
mabaadiida shareecada Islaamka iyo
hanaanka maaliyadeed ee islaamiga
ah isla markaana laga fogaanayo
waxa loo yaqaano dulsaarka ama
ribada iyo wax kasta oo madmadow
ku jiro. 1975 ayaa Bangigii ugu
horeeyey ee Islaamiya laga fulay
magaalada Dubia, kaasi oo la
yidhaahdo Dubia Islamic Bank.
Hadda waxaa dunida ka jira in ka
badan 300 oo bangi oo ku yaala in
badan 51 dal oo uu Maraykanku ku
jiro. Baananka ayaa si xawli ah ugu
sii kordhaaya aduunka waxaana
lagu sheegaa in sanadkiiba ay
kordhaan inta u dhaxaysa 10-15%.
Daraasad ay samaysay hayadda
Maraykan ah oo ka shaqaysa
lacagaha ayaa sheegtay in 2009,
hantidda ay maamulaan Bananka
Islaamiga ahi in ay gaadhayso $400
oo bilyan oo Doolar. Waxaa kale
oo ay daraasadu sheegtay in ay
jiraan suuq ka dihan wadamada
Iran, Sacuudi Carabiya iyo
Maleesiya oo gaadhay $4 tirilyan
oo Doolar. Baananka Islaamiga ahi
waxay noqdeen kuwa soo jiitay
indha caalamka, waxanay sababeen
in si baaxad leh ugu faafaan
aduunka oo dhan.
Hiigsiga Bangiyada Islaamiga ah:
1. Bangiyada Islaamiga ahi waxa
ay hiigsanayaan kor u qaadid
miisaaman oo ku waajahan
bul s hada a y ka dhe x
shaqaynayaan i yaga oo
i sl amar kaana t i i gsanaya
kasbashada macaash xalaal ah.
2. Bangiyada Islaamiga ahi waxay
sidoo kale tusaale muuqda u
yihiin hirgelinta cadaalada
umada dhexdeeda, iyaga oo
i l a a l i n a y a h a n t i d a
mul ki i l ayaasha bangi ga,
xuquuqda ma ca a mi i s ha
bangiga iyo xurmaynta hantida
guud ee umada.
3. Bangiyada Islaamiga ahi waxay
si doo kal e hii gsanayaan
dhawr i s t a i yo dhug u
lahaanshaha mabaadiida iyo
q a wa a n i i n t a g u u d e e
shareecada Islaamka.
Doorka Bangiyada Islaamiga ah:
1. Bangiga Islaamiga ahi waxa uu
ka ciyaaraa door laxaad leh
arimaha dhaqan dhaqaale ee
bulshada uu ka dhex shaqeeyo.
2. Bangiga Islaamiga wuxuu
c i y a a r a a d o o r k a
dhexdhexaadiye maaliyadeed
( Fi nanci al Int er medi ar y)
taasoo hanti maal galineed loo
kala qaado dadka haya hanti
maalganineed iyo kuwa haya
mashaariic maal galineed
doonaya (Capital owners and
Entrepreneurs).
3. Bangiga Islaamiga ahi waxuu
sidoo kale fududeeyaa arimaha
ganacsi ee wadanku leeyahay
isagoo isticmaalaya habab casri
ah oo l oogu t al agal ay
f ududeynt a ganacs i ee
wadamada ka dhexeeya
(Inter-trade Facilitation).
4. Bangiga Islaamiga ahi wuxuu
kor u qaa daa ka ydka
maaliyadeed iyo dhigaalka
wadanka isaga oo macaamiisha
ka qabta xisaab bangiyeedyada
kala duwan.


5. Bangiga Islaamiga ahi wuxuu fuliyaa adeega loo
yaqaano Qard-al-Hassan kaasoo muhimad weyn u
leh bulshada, macnaheeduna yahay [dayn aan
dulsaar lahayn] taasoo bangigu uu ku taageero
dadka hayntoodu ay kaabista u baahan tahay
(Defecit Units).
6. Bangiga Islaamiga ahi wuxuu sidoo kale qaataa
door la talineed (Consultancy Role) taasoo uu
siiyo ganacsatada iyo maal-gashatada caalamiga
ah iyo kuwa maxaliga ahba, waxa uu sidoo kale
bangigu badhitaaraa ganacsatada soo koraysa
(Small Business Traders) isaga oo u diyaariya
mashaariic maal-galineed oo qodaxda laga guray.
Qaar Ka Mid ah Adeegyada Bangiyada Islaamiga
Waxaa jira adeegyo badan oo ay bixiyaan baananka
Islaamiga ah ee aduunka ka shaqeeya. Qoramadeenan
waxa aynu ku soo qaadan doonaa dhawrka ugu caan-
san ee si caalamiya loo isticmaalo:
Maxaad Ka Taqaanaa Baananka Islaamiga ah iyo
Adeegyadda ay Bixiyaan?...
1. Mudaraba (Trust Financing): Waa hab
maal-galineed Islaami ah taasoo ay labada dhinac
ee macmiilka iyo bangigu isku darsanayaan hanti
iyo karti uu heshiis weheliyo. Bangigu wuxuu
noqon karaa dhinaca keenaya hantida maalgalineed
halka uu macmiilkuna keenayo kartida iyo
khibrada ganacsi, amaba macmiilka ayaa bixinaya
hantida bangiguna kartida iyo khibrada. Hantiiluhu
wuxuu bangiga ka dalban karaa in hantidiisa loogu
maal-galiyo mashaariic gaar ah oo uu isagu
cayimay amaba waxa uu u dhaafayaa in bangigu
ku maalgaliyo mashaariic maalgalineed oo midho
dhal ah.
2. Musharaka (Participating Financing): Waa
hab-maalgalineed oo ay fuliyaan bangiyada
Islaamiga ahi taasoo macnaheedu yahay Wadaag
ama wax isku darsi ganacsi, oo labada geesood ee
bangiga iyo macaamiishu ay isku darsanayaan
hanti maal-galineed ka dibna ay wadaagayaan
dheefta iyo dhibta ka dhalata ganacsigaasi iyada oo
wax kastaba lagu jaan goynayo heshiis ganacsi oo
raali lagu wadayahay.
3. Murabaxa (Sale with Profit): Waa iib ama adeeg
isticmaalkiisu batay taasoo ay macaamiishu
bangiga ka dalbanayaan inuu u maal-geliyo alaab
ama adeeg ay u baahan yihiin, ka dibna bangiga
ayaa bilaabaya maal-gelinta iyo la soo wareegida
alaabtaasi isaga oo ka sii iibinaya macmiilka isla
markaana kala heshiinaya macaashka iyo mudada
iibka.
Muraabaxada waxa loo isticmaalaa in lagu maalgeliyo
mashaariic kala gedisan oo ay ka mid yihiin:
1. Maal-galinta Guryaha.
2. Maal-galinta Gaadiidka.
3. Maal-galinta Alaabaha kala duwan
4. Waaridida iyo soo dhoofinta alaabaha.
5. Maal-galinta arimaha bulshada.


Xanuunka Macaanka ee Hooyadda Xiliga Uurka.
X
anuunka macaanka oo ka mid ah
xanuunadda dalka sida aadka ah ugu soo
badaynaaya, waxaynu qormadeenan ku soo
qaadan doonaa xanuunka Macaanka ee hooyada ku
dhaca xiliga uurka. Xanuunka waxaa uu ku dhacaan
hal hooyo oo ka mid ah 350-kii hooyo ee uurka leh.
Xanuunkani waxaa hooyada lagu arkaaa xilliga
uurka. Waxanu baaba'aa xiligaa marka ay umusho ka
dib. Haddii xanuunkan goaan laga gaadhi waayo
xiliga uurka, waxaa uu hooyadda iyo ilmahaba u
keenaa dhibaatooyin waaweyn oo saamayn weyn
ku yeelasha mustaqbalka hooyada iyo ilmahaba.
Xanuunka Macaanka xilliga Uurka Yaa Halis u
ah ama uu ku dhici karaa?
1. Xanuunka Macaanka xiliga uurka waxaa uu
halis noqon kara, haddii labadda waaalid
mid ka mid ahi qoosaskoodu hor u lahaan
jireen.
2. Waxaa sidoo kale halis u ah hooyada
laftigeeda, xiliga ay ku jirto marxalaha uurka
ama dawooyinka qaarkood oo kiciya ay
isticmaasho.
Waa Maxay Waxyeelada uu Keeni Karo Xiliga
Uurka?
Waxyeeladda uu keeno xanuunka macaanku waxaa
loo kala qaadaa laba xaaladood, kuwo xaga hooyada
uu ku keeno iyo dhibaatooyin xaga ilmaha ku
yimaada.















I. Waxyeelada uu Xanuunka Macaanku ku
Keeno Hooyada:
1. Hooyada Uurka leh 30% waxa ay yeeshaan
dhiig kar.
2. Waxay yeeshaan caabuq ama infection kaga
dhaca kaadi mareenada, xubnaha taranka,
naasaha iyo xanuuno kale oo xiliga umasha
ka dib ay yeelashaan.
3. Hooyada oo ay dhalmadu ku adkaato, iyadoo
ay ugu wacan tahay ilmaha oo aad u way-
naada.
4. Hooyadda oo caanaha naasku yaraado.
5. Dhicis badan oo soo noqnoqda.
Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Cabdilahi
(Axdar)


Xanuunka Macaanka ee Hooyadda Xiliga Uurka...

II. Dhibaatooyin Xaga Ilmaha Ku Yimaada

1. Biyo fara badan oo ku lamaanaada ilmaha.
2. Ilmo aan caadi ahayn oo soo dhasha.
3. Ilmo misaankiisu ka wayn yahay 4 kg.
4. Ilmo sidkiisii ka soo horeeyaa.
5. Ilmaha oo uurka ku bakhtiya gaar ahaan afarta
todobaad ee u dambeeya oo ay ugu wacan tahay
macaanka oo hoos u dhaca ama kor u kaca.
6. Ilmaha yar oo halis u noqda dhimasho ama
xanuuno Afarta todobaad ee ugu horeeya marka
uu dhasho oo ay ugu wacan tahay dhaawacyo
soo gaadha xiligii umusha ama dhalmadda.
7. Ilmaha oo macaankiisu hoos si aad ah ugu
dhaco.
Calaamadaha Lagu Garto Xanuunka Ma-
caanka:
I. Baadhitaan waraysi ku salaysan
1. Dhakhtar ayaa hooyada ka waraysanaaya
in miisaankeedu uu hoos u dhacaay, in
haraad badan ay yeelato, in gaajo badan
iyo kaadi badan ay isku aragto.
2. In ay yeelatay Infection culus oo ku soo
noqnoqda hooyada xiliga uurka
3. Hooyaddu inay isku aragtay dhicis fara
badan, caruur badan oo uurka ku bakhtiya
ama hooyada foosha ku adkaato ama dhasha
ilmo aad u wayn.

II. Badhitaanka Shaybaadh ah
1. W a x a a
baadhid lagu
samaynayaa
k a a d i d a
iyadoo laga
baadhaayo
macaan.
2. Waxaa si-
doo kal e
baadhid lagu
samaynayaa
dhiiga, xili
ay gaajaysan tahay iyo xili laba saacadood
ka dib ay wax cuntay hooyadu.
3. Mararka qaarkood waxaa dhici karta in
baadhitaanka dhiiga ay si fiican uga muu-
qan waydo xanuunka macaanku xiliga
uurka, Sidaasi daraadeed, si loo xaqiijiyo
waxaa la samaynayaa shaybaadh kale oo la
yidhaahdo GTT (Glucose Tolerance Test).
Xanuunka Macaanka Sidee Loo Daawayn
Karaa?
Xanuunkan waxaa ugu fiican xiliyada daawayntiisa
marka ay hooyadu ku jirto 3 marxaladoo, oo kala ah
uurka ka hor, xiliga uurka iyo xilaga dhalmadda.


Xanuunka Macaanka ee Hooyadda Xiliga Uurka...
I. Xilliga aanay hooyadu uur yeelanin waa in
macaanka la sii dajiyaa lana keena qiyaasta
saxda ah ee loo baahan yahay inuu mar walba
taagnaado taaso ka badbaadiney hooyada
dhibaatooyinka ku iman kara oo ka mid yihiin
oo ah infection badan,dhicis iyo ilmo aan
caadi ahayn oo abuurma.waxaana loo baahan
yahay in la keeno qiyaas ah 120mg/dl ama 7
mmol/l.

II. Xiliga Uurka Talaabooyinka La Qaadaayo
si Loo Daaweeyo:
1. Hooyada oo si joogto ah ugu xidhnaata xarun
caafimaad si loola socda xaaladeeda
caafimaad iyo ta ilmaha uurka ku jira.
2. In la xakameeyo Xanuunka macaanka,
iyadoo la xadidaayo noocyadda cuntada
hooyadu qaadanayso. Tusaale, in ay ka
qaadan karto cuntooyinka bariiska,
baastadda, roodhiga in aan ka badanayn 200g
maalintii, subaga iyo saliida oo laga yareeyo,
iyo hilibka iyo khudaarta oo ay aad u
badsato.
3. In hooyada lagu muddo irbadda macaanka ee
Insulin-ta loo yaqaan.

NB: Waxaa ka mamnuuca hooyada uurka leh in
la siiyo kiniinada macaanka yareeya ee afka laga
III. Xilaga dhalmadda ee hooyada macaanka qabta
1. Ilmaaha caaadiga ahi waxa uu ku dhashaa ama
sidkiisu yahay 40 todobaad. Balse, hooyadda
ma c a a n ka l e h ,
w a x a a l a g a
f o o l i n a y a a 3 7
todobaad marka ay
dhamaysato, oo lagu
ogaan karo in la
sago bilowga uurka
ama 3 bilood ee ugu
horeeya computer
(U/sound) iyadoo
laga hortagaayo in
uu ilmuhu aad u sii waynaado ama uurka
ku bakhtiyo .

Sidee Baa Ilmaha Looga Badbaadin Karaa
Dhibaatooyinka ka Dhasha Hooyadda Ma-
caanka Qabta

1. In ilmuhu uu helo daryeel gaar ah xiliga uu
dhasho, si looga hor tago in ilmaha macaankiisu
aad hoos ugu dhaco, taas oo waxyeelo culus u
gaysan karta maskaxda iyo habdhiskiisa
dareen-wadka. Waxana muhiim ah in ilmaha isla
marka uu dhasho in xididka lagaga rakibo
glucose, si ay kor ugu soo qaado macaankiisa,
oo hoos u dhaca marka uu dhasho.

NB: Haddii xaaladan laga hortagi kari waayo, waxay
ilmaha ku keentaa dhaawac maskaxeed oo waligii
aanu ilmuhu ka bugsan doonin ama in uu ilmuhu
wa a y o d h a ma a n
laxaadkiisa oo dhan,
oo uu noqdo ilmo sariir
jiif ah nolashiisa oo
dhan.




Adeega 3G Maxaad Ka Taqaanaa?
Shirkada Telesom ayaa
waxay macaamiisheeda u
k e e n t a a a d e e g y a d a
isgaadhsiineed hadba kuwa
ugu danbeeya ee dunida ka
socda (latest telecommuni-
cation services).
H a d a b a w a x a y n u
qormadeenan ku eegaynaa
adeega 3G. Adeega 3G waa
adeeg ka mid ah adeegyada
ugu casrisan adeegyada ay
bixiyaan shirkadaha isgaadhsiinta dunidu.
Adeegan waxaa markii ugu horaysay dunida laga daah
furay 2002 xiligaas oo ahayd waqti aan kaba fogayn
kolkii Telesom ay macaamiisheeda u soo
bandhigaysay adeeyadda 2G iyo 2.5G.
Telesom ayaa adeegan 3G markii ugu ugu horaysay
waxay dalka keentay 2010-kii waxaana ay
macaamiisha si rasmi ah ugu daahfurtay 2011-kii
xiligaas iyadoo ka dhabaynaysa halku dhigeedii ahaa
(Telesom first). Dhanka kalena shirkadu waxay la jaan
-qaadaysa awooda dhaqaale ee bulshadda Soomaliland
ku talaabsanayso, taas oo u sahlaysa in ay heli karaan
moobayladda casriga ah ee ku shaqeeya adeega 3G.
Shirkada Telesom ayaa had iyo jeer waxay
macaamiisheeda u soo bandhigtaa adeegyada ugu
casrisan dunida si ay macaamiisheedu ula jaan
qaadaan adeegyada ugu danbeeya ee dunida laga
isticmaalo. Waxaa adeegyadaas ka mid ah adeega
caanka ah ee ZAAD oo aan ila hadda laga hirgalin
wadano badan oo dunida ah.
Taas waata ka dhigtay shirkada Telesom inay noqoto
hormoodka isgaadhsiinta Somaliland isla markaana ay
kaalin la tilmaami karo uga gashay isgaadhsiinta
casriga ah ee dunida.
Faaiidooyinka Adeega 3G:
1. Adeega 3G waxa uu leeyahay internet
xawaarihiisu aad u sareeyo oo aad ka isticmaali
karto koombuyuutarada, mobile-ka iyo iPad
(high speed internet).
2. 3G waxa uu leeyahay video calling kuu suurto
galinaaya inaad qofkaad lahadlaysid arki kartid
oo aad maqal iyo muuqaaba kula xidhiidhi
karto. Waxaanu video call-ku faaiido badan u
leeyahay dadka dhagaha la.
3. 3G waxaad ku isticmaali kartaa USB Flash
adigoo gashanaaya laptop-kaaga, meelkasta oo
aad joogto-na ku isticmaali kara.
4. Waxaad uga faaiidaysan kartaa Telesom 3G
inaad wax ka baratid jaamacadaha dibada.
5. Waxaa kale oo ku isticmaali kartaa Telesom 3G
LIVE STREAMING inaad mobile-kaaga ka
daawan kartid TV-ga aad doonaysid.
6. Waxaad si fudud u adeegsan kartaa social
media-yaha sida Fabecbook, Twitterka, Skype,
Windows live, iwm.
7. Waxaad ku soo download-garaysan kartaa
application-ka moobaylkaagu u baahan yahay
iyo kuwo kale ee muhiimka ah sida Quranka,
E-books, games iyo iwm.

Cabdiraxmaan Aadam (Aar)
Madaxa Qaybta Suuq-gaynt
adeegyada



Adeegyadda Cusub ee Sanadkan 2012

You might also like