Download as pdf or txt
Download as pdf or txt
You are on page 1of 6

31 Maarso, 2015

Walaalayaal; xubnaha Madasha; Shacbigeena aan jecelnahay; inta wanaaga jecel, inta
taladu naga dhexeyso iyo taageerayaashayna:
Waxaa farxad noo ah inaan idiin soo bandhigno qoraalka Madasha Midnimada iyo
Dimoqaraadiyada oo lagu magacaabo: Doorashada-2016 - Baaqa Hawlgalka.
Doorashada-2016 - Baaqa Hawlgalka wuxuu soo jeedinayaa qaabka doorashada ku dhisan Xisbi
weliba tirade codka uu ka helo Doorashada. Taasi oo afka Ingriiska lagu yiraahdo"Proportional
Representation (PR)"; qaabkaas oo ukeenaya xal aan caadi aheyn dimoqaraadiyeenta Dalkeyna
2016. Qaabkaasi wuxuu kaloo xalinayaa dhibka ka iman kara duruufaha ka jira dalkeena:
qaybsanaan bulsho, hay'adaha amniga oo tabardaran, degmooyinka oo aan qeexneyn iyo
xuduudahooda oo aan xadidneyn, tirada dadka oo aan la isku raacsaneyn, qaxooti iyo qurbajoog
tira badan oo ku nool dalka dibeddiisa.
Doorashada-2016 - Baaqa Hawlgalka wuxuu ugu yeerayaa dhamaan dadka Somaaliyeed,
Xisbiyada Siyaasadeed, Ururada Bulshada Rayidka ah, Xukuumada Federaalka Somaaliyeed inay
taageeraan inay Dalka ka dhacdo doorasho xor ah oo xalaal ah bisha Sebtembar 2016 ayada oo
lagu sameynayo habka" PR"ka. Sidoo kale, Madashu waxay ugu baaqeysaa Baarlamaanka Fedraalka
ah inuu meel mariyo nidaam doorasheedka "PR" si dalkeenu u yeesho baarlamaan haysta
kalsoonida dadkiisa iyo xukuumad ka tarjumeysa rabitaanka dadkeenna marka uu dhamaado xilliga
baarlamaanka iyo xukuumadda hadda jira. Ugu danbeyntii, waxaan ugu baaqeynaa baarlamaanka
Federaalka inuu soo saaro xeraarka loo baahanyahay iyo inuu ansixiyo hay'adaha lagama
maarmaanka u ah inay doorashadaasi dhacdo 2016.
Baaqaanu waa tilaabadii ugu horeysay si doorasho xor ah oo xalaal ah uga dhici laheed Dalkeyna
2016.
Waxaan Ilaahey ka baryeenaa inuu noo suurageliyo doorashadaas si aan usoo ceshano sharaftaynna
iyo karaamadaynna.
Iga gudooma qadarin iyo salaam

Mudane Cabdiwalli Sheikh Axmad


Gudoomiyaha Madasha Midnimada iyo Dimoqaraadiyada

DOORASHADA - 2016

BAAQA HAWLAGALKA
(No. 1)
Somalia
31 Maarso, 2015

DOORASHADA 2016BAAQA HAWLAGALKA

Maxay doorashada 2016 lagama maarmaan ugu tahay


Dalkeena?
Dalkeena oo in ka badan 20 sano ku jiray dagaallo sokeeye, wuxuu soo gaaray xilli kala guur
ah.Dadka Somaaliyeed waxay u hanqal taagayaan dimoqaraadiyad iyo wada-tashi waafaqsan
diinteena Islaamka; waxayna rabaan iney ka qaybgalaan maamulka ay xaqa u leeyihiin ee
Dalkooda.Haddii ayan ka qayb gelin talada dalkooda, dadkeenu ma rumeynayo, mana ku
kalsoonaanayo hogaanka siyaasadeed iyo hay'adaha Dawladda. Gaar ahaan, dumarka iyo
dhalinyarada muddo dheer ayaa lagu gacan bidixeeynayey ka qaybgalka xukunka Dalkooda.
Laga soo bilaabo asaaskii Dawladda KMG 2000, waxaa soo kobcayey baahida loo qabo in la
abuuro xukuumad loo dhanyahay oo dadka wakiil ka ah oo muwaadiniintu la xisaabtami karaan,
kuna dhisan nidaamka dimoqaraadiyada. Dhisidii maamulka dawladda ee bishii Agoosto, 2012
wuxuu ahaa mid taariikhda Somaaliya muhiim u ah oo lagu so afjaray Maamulkii KMG ahaa.
Haseyeeshee, waxaa weli suaalo ka taagan yihiin sharciyadda iyo kalsoonida lagu qabo
maamulka iyo qaabkuu ku yimid oo ahaa midaan loo dhamayn.
Dadka Somaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisu waxay ka mideysanyihiin aragtiga ah
inay xukunto dawlad si dimoqaraadi ah loo soo doorto oo kaliyah. Sidaas darteed, Madasha
Midnimada iyo Dimoqaraadiyadu waxay rumeysantahay in dhaqangelinta nidaamka
doorashada, cadaalada bulshada, dawlad-wanaaga iyo sareynta sharciga dawlada ku timaada
oo kaliya inay xaqiijin karto midnimada, nabadda iyo xasilooni waarta oo dalkeenu gaaro.
Si loo soo celiyo kalsoonida dadweynaha ee iyo xasiloonida lagama maarmaanka u ah dibudhiska
qaranka iyo ummadnimada, waxaa muhiim ah in Somaaliya ay ka dhacdo doorasho xor ah oo
xalaal ah 2016. Dib u dhig kasta oo lagu sameyo dhisida xukuumad heysata sharciyadda iyo
kalsoonida dadweynaha Somaaliyeed oo ku timaada doorasho 2016, waxey wiiqeysaa
mustaqbalka ummada, waxey mugdi gelineysaa ayaaha Somaaliya. Doorashadaas oo kaliya ayaa
damaanad u ah soo celinta midnimada, nabada iyo xasiloonida dalkeyna, siinna karta sharciyayn
hay'adaha kala duwan ee qaranka.

Waa maxay qaabka ugu haboon oo Somaaliya doorasho looga


sameyn karo?
Wada-tashi balaaran, doodo badan iyo falaanqeyn badan oo ay ka qaybgaleen aqoonyahaanno
iyo khubaro (Somali iyo ajnebiba leh) oo ku xeeldheer arimaha doorashooyinka iyo
dimoqaraadiyeenta dawladaha ka baxaya dagaalada sokeeye oo Madashu abaabushay, waxaa
kasoo baxay aragti mideysan iyo qanaaco ah in Somaaliya laga sameyn karo doorasho2016 hadii
la qaato qaabka doorashada ku dhisan (Proportional Representation).
PR waa qaab doorasho oo ku dhisan in lagu galo doorasho xisbiyeed. Xisbi kasta wuxuu soo
bandhigayaa liiska xildhibaanada uu rabo inay kusoo baxaan doorashada.Kuraasta
baarlamaanka waxaa lagu qaybsanayaa tirada codka oo xisbi kasta ka helo dhamaan codadka oo
la isku daro. PR wuxuu ka bedelanyahy nimaadka doorashada lagu tartamayo degmooyinka oo
awoodda siineysa dadka ku awoodda badan degmooyinka.Dalalka kasoo kabanaya dagaalada
sokeeye oo hubku welli ku jiro gacanta dadweynaha, doorashooyinka degmooyinka ku saleysan
waxey hurin karaan dagaallo, waxeyna keeni karaan dhibaatooyin farabadan.PR wuxuu
xallinayaa dhibaatooyinkaas, wuxuuna u suuragelinayaa in xisbiyada yaryar ka qaybgalaan
talada dalka.

31

DOORASHADA 2016BAAQA HAWLAGALKA

Sidoo kale, PR waxuu gebi ahaanba ka bedelanyahy shirweyne qaran kaasoo ah kii la adeegsaday
2012, kuna dhisnaa in xildhibaanada ay soo xulaan madaxda dhaqanka. PR wuxuu awood
siinayaa muwaadiniinta Somaaliyeed oo siyaasadda uga qaybgala ayagoo ah cod-bixiyayaal ama
ka qaybgalayaalka tartanka doorashooyinka, taasoo guud ahaan ka bedelan xulitaanka 135
madax dhaqameed. PR waxey ku dhisantahay in muwaadin kasta codkiisa u bixiyo si qarsoodi
ah.
Bulshada kala qaybsan sida Somaaaliya, waa muhiim in doorashooyinku noqdaan mid laga wada
qaybgalo oo la iska wada dhex arko.PR wuxuu u habeysanyahay inuu soo saaro gole sharci-dejin
oo laga wada qaybgalo ayada oo la tixgelinayo qabiilada, gobolada, ragga iyo dumarka iyo
dhallinyarada inay ka wada qaybgalaan taladda dalka.
Qaabka doorashooyinka hababkiisa kala duwan ayaa loo kuurgalay. Waxaana xeeldheerayaashu
soo jeediyeen in la adeegsadokan ugu sahlan oo suuragalka ka ah xaaladda waddanku ku sugan
yahay kana dhaqan geli kara Somaaliya, kaasoo ah qaabka PRka. Qaabkaasu wuxuu noqday in
dalka oo dhan tartan xisbiyeedku ka dhaco oo laga guuro tartan degmo ku kooban ama
gobol.Sidoo kale, in xisbi kastaa soo bandhigo magacyada xisbigu u sharaxaayo
xildhibaannimada.Habkaas doorasho waxaa ka soo baxaya xildhibaanno ka kala tirsan xisbiyo
siyaasadeed oo ka hufan qaab qabiil himiladooduna tahay inay dhisaan Somalia oo mid ah oo
horumarsan lehna siyaasad salka ku haysa midnimo Qaran.

Maxaa loo doortay qaabka doorashada PR?


Markii dawladu burburtay waxaa la soo maray in ka badan 20 sano oo fawdo ah, dalkenu wuxuu
ku caan baxay kala qaybsanaan bulsho, hay'adaha amniga oo tabardaran, degmooyinka oo aan
qeexnayn iyo xuduudahooda oo aan xadidnayn, tirada dadka oo aan la isku raacsaneyn, qaxooti
iyo qurbajoog tira badan.Xaaladaasi waxay ka dhigeysaa mid aan suuragal ahayn doorasho ku
saleysan degmooyinka. Qaabka kale ee doorasho lagu sameyn karo oo ah PR oo suuragelin kara
in dalka ay ka dhacdo doorasho xor ah oo xalaal ah 2016, wuxuu leeyahay sofooyinka soo socda:

Waa loo dhanyahay:


U gudubka qaabka dimoqraadiyada, ujeedada ugu wayn ee Golayaasha Dalka (Aqalka Sare iyo
midka hoose), waa inay wakiil ka yihiin dadka soo doorta.Sharciyada Aqalladaasi waxay ku tiirsan
tahay hadba sida dadku ugu dhan yahay ayna uga turjumaan danaha dadka soo doorta.Qaabka
PR waa midka ugu haboon in la helo Aqallo Wakiillo oo loo dhan yahay oo cid kastaa ka muuqato.
PR wuxuu ka duwan yahay qaabka kan guuleystaa uu wada qaato. Qaakaas damaaciga
siyaasadeed ee sed bursiga ku dhisani wuxuu si fiican ugu adeegaa dadka awoodda iyo lacagta
badan leh.

Codadka muwadiniinta oo dhan waa lagu xisaabtamayaa:


Qaabka aan dooranay ee PRka, codadka oo dhan waa lagu xisaabtamayaa waxaana loo tirinayaa
si siman iyagoo isku miisaan ah.

Waa qaab fudud oo loo fulin karo si daah furan:


Qaabka PRka wuxuu awood u siinayaa muwaadinka inuu codkiisa dhiibto iyadoon wax kale
lagu xirin.Taasi waxay u fududaynaysaa muwaadinka inuu si sahal ah, toos ah, caqabadi ku jirin
oo aan daahid lahayn u dhiibto codkiisa.Qaabkan PRku waa mid aan keenayn daahid oo sahal ah

42

DOORASHADA 2016BAAQA HAWLAGALKA

kuna kacaya qiima yar marka la bar bar dhigo qaababka kale. Sidaa darteed waa laga hirgelin
karaa Somalia 2016.

Dadka in la tiriyo iyo xuduud degmo midna looma baahna:


Qaabka PRka waxaa hal mar laga hirgelin karaa Waddankoo dhan, iyadoon dadka la tirin, xuduud
degmana la samayn. Qaabka PRku wuxuu yaraynayaa is qab qabsiga ka yimaada isu socodka
dadka ee dalka gudihiisa.

Waa kan uguhaboon haweenka, dhallinyarada iyo dadka laga tirada badan yahay:
Dastuurkeena KMG ah wuxuu cadaynayaa siday lagam maarmaanka u tahay in Haweenka,
dhallinyarada iyo dadka laga tirada badan yahay ay siyaasada dalka si muuqata uga qayb
galaan.Qaabka PRku wuxuu hubinayaa in arrintaas laga dhabeeyo marka Kooxahaasi ay u
codeeyaan xisbiyada ka turjumaya aragtidooda ayna ka dhex muuqdaan xubnohoodu.Haddii la
raaco qaabka kii xoog lehow xabagta gooso, kooxahaasi waxay weligood ku jirayaan dulmiga
iyo xaqiridda.

Waxey dhiirigelineysaa iney sameysmaan isbaheysiyo iyo dhexdhexaadnimo:


Qaabka PRku wuxuu dhiiri gelinayaa in xisbiyo badani is garabsadaan oo soo bandhigaan wax
dadka u cuntamaya. Is garabsigaasi wuxuu keenaya in laga baxo fikradaha xag jirka ah oo ku
dhisan anaaniyada ay ka dhalan karto dagaallo qabiileed ama degaameed.

Waa kan ugu fiican xagga nabadgelyada:


Qaabka PRka oo ah Doorasho guud oo Dalka waxaa yaraanayain qulqulado degaan dalka ka
dhacaan. Mar haddii uu jiro Hal liis xisbi oo ay dadku dooranayaan waxaa yaraanaysa
muhimimada in hal qof ama xisbi la bar tilmaameedsado oo loo hanjabo.

Waxaa ka qaybgeli kara Qaqootiga iyo qurbojoogta:


Waa hab suragelinaya ka qaybgalka qurbajoogta iyo qaxootiga.Somaaliya waxey ka mid tahay
dalalka leh qurbajoog iyo qaxooti farabadan.Habka doorashada PR wuxuu suuragelinayaa in
Somaalida Dalka dibadda uga maqan doorashada ka qaybgeli karaan. Habka PR oo kaliya ayaa
arinkaas suuragal ka dhigi kara maadaama dalka oo dhan uu noqonayo hal goob doorasho
(Natioanl constituency). Waxaa kale oo maamul ahaan sahlan in qurbajoogta iyo qaxootigu ka
qaybgalaan doorashooyinka.

Baaqa Hawgalka!
Dadka Somaaliyeed waa fahamsanyihiin inay xaq u leeyihiin inay doortaan Xildhibaanadooda iyo
madaxdooda. Iyada oo la ogyahay sida xaaladda nabadgelyo, siyaaso iyo bulsho tahay, waxaa la
hubaa in qaabka PR oo kaliya uu suuragelin karo doorshada 2016, kaas oo ay ka qaybgeli karaan
dadka Somaaliya ku nool iyo inta qurbaha uga maqan.
Waxaa kale oo PR suuragelineysaa inay talada dalka ka qaybgalaan Haweenka, dhallinyarada,
dadka laga tirada baddanyahay iyo naafada.
Arimaha aan soo xusnay ayadoo la tixgelinayo, ayaa Madasha Midnimada iyo
Dimoqaraadiyadu:

53

DOORASHADA 2016BAAQA HAWLAGALKA

Ugu yeeraysaa shacbiga Somaaliyeed, xisbiyada siyaasadeed, ururada bulshada rayidka ah iyo
xukuumada Federaalka, maamulada dawlad goboleedyada iney si buuxda utaageeraan in
doorasho xor ah oo xalaal ah ka dhacdo dalka 2016 ayada oo la raacayo habka doorashada PR.
Ugu baaqeysaa Baarlamaanka Federaalka inuu ansixiyo habka doorashada PR si dalku u yeesho
baarlamaan iyo xukuumad haysata kalsoonida shacbiga oo loo wada dhanyahay.
Ugubaaqeynaa baarlamaanka Federaalka ah inuu soo saaro xeerarka lagama maarmaanka u ah
doorashada iyo ansixinta hay'adaha maamulka doorashada- 2016
Waxaan Ilaahey ka baryeenna in tubta iyo tawfiiqda na waafajiyo, wixii maslaxada ummadeynna
ahna uu noo fududeeyo.

64

You might also like