Download as pdf or txt
Download as pdf or txt
You are on page 1of 2

Qaadka

JH Suleiman.
27/10/04
omane24@yahoo.com
suleiman‐jama@hotmail.com
Gabaygan waxaan u tiriyey nin aanu
saaxiib nahay
JAAMAC F. N. oo aad
Uga cawdey qaadku dhibaatooyinka
uu ku hayo. Taas oo aanu keli ku
ahayn balse rag badani la qabaan
Oon anigu ka mid ahay anagoo
fadhina guri ku yaal Magaalada johannesburg.

1. Indhoweydba qaafleyda gabay qun uguma luuqayne.


2. Ma qotominin maansooyinkii qarada weynaaye.
3. Qalin iyo waraaq kuma filoo qaadi maayaane
4. Qodqodka iyo sheekada warkaad xalayto soo qaaday.
5. Eed qaadka kaga cabatay baan kaa qancinayaaye.
6. Iga qoro adaan jaamacow qodob ku seegayne
7. Qorshe iyo dadaal uma hirgalo ruux qayilayaaye.
8. Qabyo kama baxoo talada waa laga qaloocshaaye.
9. Qiimaha naftaaduu dilaa qaabka nololeede
10. Qalcad baad dhistaa meel cidla ah qaarad aan jirine.
11. Qardaas adiga oon haysan baad qani is moodaaye.
12. Qaraamiga iyo heesaha macaan qaacigiyo heelo.
13. Qosolka iyo maad wada shax shaxa qayladiyo buuqa.
14. Qabweynaanta beenta iyo faan qaran is moodsiinta
15. Qabiil laysu sheegtiyo afxumo qolo ka sheekaynta
16. Qabqabtiyo hanweynaanta iyo quudhsigiyo maaga.
17. Qalaaweynta waa lagu lumaa qori aad ruugtaaye.
18. Ma qaloodo qiirana ka maqan qaad nin laasimaye.
19. Qayrkii ma haybsado ninkii dadarta quutaaye.
20. Qoys dumey qaraabo is nacdiyo wiilal laga quustay.
21. Oo wada qayiran oo bedelan qaashka iyo haarta
22. Qufac iyo xanuun iyo intuu qaaxo ku abuuray.
23. Qaangaadh midaan noqon intuu iilka qabadsiiyey
24. Qiimahii intuu gabadh ka dilay quruxdi loo uumay.
25. Quraysh loo hanweynaa intuu faamli kala qaaday.
26. Qoraal laguma soo koobi karo qoonta nagu taale
27. Qaxar igu abuur geedka kani qoomamiyo ciile.
28. Qulub baan la luudaa cishadii aanan soo qabane
29. Nin qalidan sidaan ahay dagaal qoorta ii geliye
30. Qaban waayey gogoshii sidii qodaxi ii taale.
31. Anigoon qadayn baan barjaha deyn ku qaataaye.
32. Qaantaas hadii aanan bixin waa la ii qabane.
33. Qaninimada igu dhaaftay iyo qarash ku dheelkayga..
34. Qiyaas malaha maalkaan ku qubay meelo aan qabane.
35. Qareen iga fogee iyo asxaab qaladna ii yeelye.
36. Amba qaati baan taaganahay qaanac weheshaaye.
37. Waa waxa madaxa iga qabtee la qandhanaayaaye.
38. Qalbi saamaleyl daashadaan la qotomaa meele
39. Waa waxa cidlada igu qafilay sida qisaaseede
40. Quus baan ka joogaa aduun qiil u bixi waaye.
41. Qoraxdiyo ilayskaa i dhiba qaaca waaberiye
42. Quudkiyo hurdadii iga kaxee qabasho hawleede.
43. Qaadirada waxa iiga daran qarow habeenkiiye.
44. Qardada iyo daalkiyo xubnaha qaadi kari waaga.
45. Qayir naanta iga muuqatiyo qaaca igu oogan.
46. Hadaan lay qabqaban waxan ka biqi inaan qasaaraaye
47. Hadaan lay qafaalino caradii qaadir ii celinin
48. Oo aanan qaxootiga ka bixin quudhsigiyo ceebta.
49. Ama aan qardhaas layga qorin ama quraan saarid.
50. Qurbaha iyo hay qaybsadeen qode madoobaadey.

JH Suleiman
omane24@yahoo.com
suleiman‐jama@hotmail.com

Afeef: Aragtida gabaygan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


Faafin: SomaliTalk.com | Jan 11, 2005

You might also like