Dabar Iyo Hogaan

You might also like

Download as pdf or txt
Download as pdf or txt
You are on page 1of 4

13/05/2005

Dabar iyo hogaan.


JH Suleiman
Omane24@yahoo.com
Suleiman-jama@hotmail.com

1. Deedan socodka maansada


2. Dalan doolka sheekada
3. Sida daad qulqulaysiyo
4. Doodahan iska hor yimi
5. Nin waliba dan leeyahay
6. Mar labaad aan soo dego
7. Kuwa dooda curiyee
8. Doodwanaag bilaabiyo
9. Inta daawanaysee
10. Dacalada ka joogtow
11. Digtoonaada way kane
12. Dareenkayga aan qoro
13. Loox aan ku daabaco
14. Dabaylaha aan sii faro
15. Daltabyadiyo hibashada
16. Xusuus aan I daynayn
17. Xiisaha dareenka leh
18. Boholyow daraadii
19. Email aan ugu diro
20. Dooxii hargeysiyo
21. Burco dacaladeediyo
22. Daalliyo sanaagiyo
23. Dhulka geelu daaqiyo
24. Deex iyo nugaal godan
25. Mudug daaqsinteediyo
26. Xamar daafaheediyo
27. Dekedii kismaanyiyo
28. Webiyada durdurayiyo
29. Dalaga iyo beeraha
30. Dalsankii dhulkeenii
31. Ma huraan dalkaygii
32. Derejaale hoygii
33. Daa’imow allahayow
34. Naxariista ugu deeq
35. Roob soo da’aayiyo
36. Onkod diririgleeyiyo
37. Daruuruhu curtaanoo
38. Dayrtiyo barwaaqada
39. Doox soo rogmaday iyo
40. Mulacyeeyo daadkii
41. Durduradu biyoobaan
42. Dhulka doogu qariyaa
43. Duunyadu ku naaxdaa
44. Caanaha la daadshaa
45. Anigiyo da’daydiyo
46. Kumanaan dibjirahoo
47. Dibadaha wareegaa
48. Duhurkiyo habeenkii
49. Kuu soo duceeyee
50. Aamiinta igu dara.
51. Afartaaba deeley
52. Dana kacay hadana raray
53. Dood kalena waxan idhi
54. Suugaantu waa deeq
55. Hibo daayin bixiyaa
56. Daacad weeye aan biqin
57. Dadkaa lagu hanuunshaa
58. Boholaha dahsooniyo
59. Dabinada qarsooniyo
60. Dawgay tilmaantaa
61. Xaqaa lagu difaacaa
62. Xumo lagula diriraa
63. Cudur lagu dabiibaa
64. Jahligay dawo u tahay
65. Cilmi baa u diirada
66. Dawankeedu waa nabad
67. Dibusocod gaboobiyo
68. Dembi qabe ha joogee
69. Daryeelkeena weeyaan
70. Sharci lagu dirsoociyo
71. In shuruudo lagu daro
72. Dembi baa ku hoos jira
73. Digtaatoori weeyaan
74. Daacadnimo ka maqan tahay
75. Dimoqraadinimadiyo
76. Danta wadajirkeena ah
77. Ninkastaa dareenkii
78. Daw iyo wixii saxa
79. Dadka haw tilmaamee
80. Majaraha u sii daa
81. Afartaaba deeley
82. Dana kacay hadana raray
83. Dood kalena waxaan idhi
84. Nin dulqaatay dhawr jeer
85. Dembiyana tirsanayaa
86. Yaanu noqon sidii dibi
87. Waxaan uga dan leeyahay
88. Ninka kibir durduriyow
89. Hadaan dooh ku celinayn
90. Dabar iyo hogaan hoo
91. Dibso baanu kugu odhan
92. Dusduska iyo tuugada
93. Docda bahalki noo galay
94. Damqashada xusuusta leh
95. Ninka dabaqa saarow
96. Dembigaad geleysiyo
97. Dulmigaagu badanaa
98. Dafiraadi waa ceeb
99. Waxse adiga kaa dedan
100. Diiwaanka qoraniyo
101. Wixii aad daldalateen
102. Duugoobi maysee
103. Waa lagaaga daba iman
104. Daladaha habeenkiyo
105. Duhur kii hagoogtiyo
106. Dambas kii huwanayow
107. Diirad baanu kugu heli
108. Weligaaba duul duul
109. Debed iyo dhul kale qabo
110. Halka dabinku kuu yaal
111. Dalaq baad mar soo odhan
112. Afartaaba deeleey
113. Dana kacay hadana raray
114. Dood kalena waxan idhi
115. Darka ceelka jabay iyo
116. Wadaamaha daloolaa
117. Dar ilaahay uma gudhin
118. Inta laga ducaystiyo
119. Sunaamiga wax dumiyiyo
120. Duufaan wax qaadiyo
121. Duulaan shisheeyiyo
122. Belo laysu soo diray
123. Qarankeeni may dumin
124. Calankeeni daadegey
125. Iyo dawladnimadii
126. Duligiyo dhibaatada
127. Ku habsadey dalkeenii
128. Dagaalada sokeeyaha
129. Beelaha is dabar jaray
130. Deriskiyo xigaal ka ah
131. Iska reebay dunidii
132. Duul wada qoxootiya
133. Dewersada shisheeyaha
134. Docdan iyo docdaas kale
135. Umadihii ku deyraa
136. Beryo naga dambayn jirey
137. Deriskoodi wada nacay
138. Wixii loogu daw galay
139. Hadii aan la diidayn
140. Hala kala daraadee
141. Dembigeedu waa meel
142. Afartaana deeley
143. Dejey oo hadana raray
144. Dood kalena waxan idhi
145. Duq gaboobay baa yidhi
146. Waxay dumiso mooyee
147. Dugsi male qabyaaladi
148. Dira dira sokeeyiyo
149. Dab colaada inaan shido
150. Ama weerar soo dumo
151. Degmo nabad u taaliyo
152. Deris iyo tol wada yaal
153. Kala didiyo beelaha
154. Uma socoto deeley
155. Waxay doodu iga tahay
156. Mar I dage allaha dago
157. Taariikhda duugiyo
158. Debeciyo isdhigashada
159. Dersigii na soo maray
160. Iyo deynka iga maqan
161. Anoo daaya mooyee
162. Derbi aan la jebiniyo
163. Deyr yaa ku xidhi kara
164. Daanadiyo godobtii
165. Dulmigii cirkaa maray
166. Dirirtiyo colaadii
167. Doolaalo kibirkii
168. Doc wareemadkii dhacay
169. Ilaa xeer ka soo dego
170. Doodaha la qorayiyo
171. Doodwanaagi waa been
172. Nin dundumo ka dhaqay ciid
173. Hadal digasho loo yidhi
174. Daan daansina u dhow
175. Afartaaba deeley
176. Dana kacay hadana raray
177. Dood kalena waxan idhi
178. Duuduub wax lagu liqo
179. Dalqadaanay dhaafine
180. Gabal dumey habeenimo
181. Gudcur daaha soo rogay
182. Iyadoon dareen jirin
183. Dadku nabad u seexdeen
184. Iyagoon dembi lahayn
185. Nimankii daleensiga
186. Duulaan shisheeyiyo
187. Sidii duul axmaara ah
188. La dirsoocay keligood
189. Bee bee wax dila iyo
190. Duubcas lagu wareejee
191. Duleedada jasiiriyo
192. Xeebta dacaladeedii
193. Sidii adhi dubaaxeed
194. Ama duunyo weer helay
195. Dumbuqiyo rasaastii
196. Darandoori ugu dhacay
197. Deg deg loo xasuuqee
198. Haadka samada duuliyo
199. Dugaaga iyo bahaluhu
200. Daribtii ka haageen
201. Lafahoodi duxayaan
202. Weli debeda yaaliin
203. Loo diiday aaskii
204. Dilka iyo dhagartaa
205. Dembigaa kuwii galay
206. Derejiyo ku helay faan
207. Digashana u dheerayd
208. Hadii aan la dabagelin
209. Dembigoodi loo qaban
210. Isku soo darkeediyo
211. Isku duubni wadareed
212. Doon doonku waa been
213. Deeleydu waa laba
214. Dooduna inoo furan.

You might also like