10 Jan 2009

You might also like

Download as pdf or txt
Download as pdf or txt
You are on page 1of 2

Degan

10 jan 2009
Jh suleiman
Omane24@yahoo.com
Suleiman‐jama@hotmail.com
Gabaygan oo la yidhaahdo degan waxaan tiriyey horaantii
January 2009.
Ka dib markii la ii soo diiday fiise aan ka codsaday safaarada ingriiska
Ee magaalada johannesburg.
Anigoo aad ugu rajo weynaa inaan heli doono mase noqon.

1. Shiinow* da’dii gabay beryahan deelki maan tirine


2. Ma dalaynin maansooyinkii igama duulowe
3. Markaan daa idhaahdoba waxbaa daara oo shida’e
4. Waa deris yaraan aan bartoo waana lay diraye
5. Doondooni maayee murtida waan dudubiyaaye
6. Dal yaqaan ayaan kugu ogaa da’a yaraantiiye
7. Fariintaa aan kuu soo diriyo daatadaan qorayo
8. Dabaylaha hadaan fari lahaa haada duulaysa
9. Oo aan u dano sheegan laa hadalna deeqsiiyo
10. Iyaguba dabuubtaan u qoro igama diideene
11. Dayac baan ka baqayaa inay socodka daalaane
12. Oo ay dakaamaan lumaan waa dal kala dheere
13. Adigaa dariiqiyo yaqaan dawga loo maro’e
14. Oon deelka kugu aaminee maqal dabuubtayda
15. Waayahan waxaan damacsanaa amase doonaayey
16. Fiisahan dalbaday iyo codsigii laygu soo diidye
17. Damiin iyo waxay igu xidheen duunyo faraweyne
18. Sidaan ahay dembiilay su’aal igala daaleene
19. Qaarbaa hortaa duulayoo aan dib loo arage
20. Adiguna dariiqoodi baad dabada haysaaye
21. Darac daracda waxa iiga daran ama i deyneynin
22. Dukumentigii shaambad bay dacal ka saareene
23. Dab ku dhace wuxuu sheekadii ugu dambaysiiyey
24. Dayuurado la raaciyo markii tigidhki loo diiday
25. Waa waxa dabaal nimaan aqoon saaray doonyaha’e
26. Duufaan dabaylaha badiyo daafadiyo mawjad
27. Daadxoortu waxay soo tuftaa danabadiiniiye
28. Iyagaa tahriib doontayee yaan naloo dudine

29. Afartaa daliishaye waxaan ugu dambaysiiyey


30. Gacal iyo walaal kala durkoo kala dawaareeyey
31. Oo waayo kala doolay baan dayday leeyahaye
32. Degan iyo ninkii hooyadii deeqa laga beeray
33. Doodayda wuu garanayaa doqonku yeelkiiye
34. Dirodiro sokeeyiyo colaad daanadiyo maaga
35. Nin ragaa dagaal iyo qulqulad loogu daw galaye
36. Dembi male haweenkuye ragbaa daacadii jaraye
37. Qaarbaan dab kala qaadanoo hadal is deeqsiine
38. Qaarbaa intay kala dudaan daawo loo heline
39. Oon dib isu xaalayn intuu ruuxba meel dego’e
40. Diifiyo adoo qaba haraad daalna socon waayey
41. Dayac kuguma eegaan habluhu meel nafta u darane
42. Inta ay ku dayrshaan cidlada kuguma daayaane
43. Hadii aan mar soo deyi lahaa laygu soo diidye
44. Kuwii hooyaday dihatey baan hees u dirayaaye
45. London dacaladeeday jiraan igama duulowe
46. Adigaa dariiqiyo yaqaan dawga loo maro’e
47. Degdeg iiga gaadhsii salaan waan ku dirayaaye
48. Hala daahin ina faaraxow dawga waad garane
49. Durba waxad u sheegtaa intaad hadalka deeqsiiso
50. Deeqlaha illaah baan baryiyo diinta nebigiiye
51. Docda hore khadiijay* ammaan dayran dhinacaagu
52. Ducaan soo diree saynabey* degel nabaadiino
53. Wax kastoo aad doontaan waxay damacdo laabtiinu
54. Intaad dunida joogtaan ilaah haydin derejeeyo
55. Daarihii fardowsiyo nimcada diinta lagu sheegay
56. Aakhirana dawgii janiyo raaxo dega waarta

Shiine* Maxamuud Faarax Ibraahin


Khadija* Khadija Jaamac Xirsi
Saynab* Saynab jaamac xirsi

You might also like