Dawladnimada Somaaliya (Somali State)

You might also like

Download as doc, pdf, or txt
Download as doc, pdf, or txt
You are on page 1of 4

1

Qabiilnimo iyo Qoray Caaradiis

Cabduraxmaan M. Cabdullahi (baadiyow)

“Haddii kooxda madaxda ku noqday qoraga caaradiisa (jabhadihii hore


iyo kuwii dambe) ay ka tanaasulaan xukunka, kuwa hadda xukunka ku
doonaya qoraga caaradiisa ayaa albaabku ka xirmi lahaa”.

Bulshada Somaaliyeed dhexdeeda waxaa maalmahaan ka socota sheekooyin iyo doodo


cusub oo ku saabsan sida laga yeelaayo mustaqbalka Somaaliya iyo dawladnimada.
Dadka intiisa badan waxey ku hungoobeen degdegtii ay ka rabeen in DFKM wax ku
qabato oo suuragal noqon waysay. Kuwa kale, waxey ka niyadjabeen magaca Islaamka
oo maalin kasta lagu dilaayo ruux Muslim ah oo aan wax dambi ah galabsan. Kuwa kale,
waxey la yaabanyihiin madaafiicda ‘Indhoolaha ah” oo ay iska tuurayaan ciidanka
AMISOM oo dadka rayidka ah ku dhimanaayaan. Sheekooyinkaas waxaa ka mid ah in
lala yaabanyahay dhaarta joogtada ee ah in dawladdu soo afjareyso dagaalka iyo ficil
la’aanteeda. Waxaa dad badan quus ka joogaan dawladda iyo mucaaradka. Laakiin haddii
la weydiiyo maxaa tallo ah, waa is-afjigayaan. Tallo ma hayaan!!! Dadka intiisa badan
waxey welli taladaba ka sugayaan shisheeye, dawlado ajnabi ah, beesha caalamka,
dawladda Mareykanka iyo reer Yurub, Jaamicadda Carabta, Midawgga Afrika, gaar
ahaan Itoobiya!!! Aragti xumo iska dheh!!

Dhanka kale, waxaa Somalidu ku waalatay shirar iyo dib-u-heshiisiin aan dhamaad
laheyn. In ka badan 20 sanno ayaa la hadal hayay dib-u-heshiisiin been ah oo aan waxba
soo kordhin. Maxaa yeelay, ujeeddada dib-u-heshiisiinta ayaa khaldaneed, dadka loogu
yeerayo ayaa khaldanaa, kuwa maamulaya ayaa inta badan niyad xumaayeen. Wararka
cusub maalmahaan waxey sheegeysaa in dib-u-heshiisiin loo sameeyay dawladda iyo
Ahlu Sunna wa-Al-Jamaaca, goorma ayey dirireen? Waxaa dib-u-heshiisiin ku baaqay
Jaamicadda Carabta, madaxweynuhu wuxuu sheeegay waa iney soo fadhiistaan
mucaaradku miiska dib-u-heshiisiinta. Waa maxaay micnaha dib-u-heshiisiintu? Ma
kuraasta xukunka oo la qeybsadaa, dabadeedna aan waxba la qaban? Ma in baarlamaanka
la kordhiyaa tiro qiima jebisa jiritaankiisa? Ma in xukumadda hadda faraha badan la sii
2

badiyaa? Yaa heshiinaya ..yaase lala heshiinayaa? Ma waxa lala heshiinaya kooxda
hadda xukunka haysata oo waxaa la heshiinaya kuwa hadda qoryaha sita? Mise waxaa
heshiinaya Somaalida oo dhan oo waxaa laga hadlayaa sidii loo sameyn laha dawlad aan
loo kala sokeyn oo ruuxa hubeysan iyo kan aan hubeysneyn, wadaadka iyo waranluhu u
simanyihiin? Jawaabaha su’aalahasu waxey nagu baraarujinayaan inaan dib u fiirinno
fikirka khaldan ee dib-u-heshiisiinta iyo iney noqotay qaab lagu dumiyo maamulkii la
sameeyaba iyo qaab lagu bedelo dawaldii loo boggi waayo. Laakiin, ujeedadu ma aha
dadka Somaaliyeed ha ku heshiiyaan qaabka dawaldnimada ayaga oo xor oo ku
heshiinaya geedka nabadda hoostiisa iyo dalkoodu gudihiisa!

Arimahaas aan soo sheegnay waxey horseedayaan niyad-jabka iyo rajo-xumo. Dhab
ahaantii, Somaalida waxaa gabay waa aqoonyahaanadooda ama kuwa sheegta aqoonta
aan malaha “nacfiga laheyn” oo ah in laga cawdi-bilaysto. Aqoonyahaannada
naftootooda ku mashquulsan oo aan dareesaneyn waajibka ka saaran dalkooda ayaga
kama hadlayno oo baraarujin ayey u baahanyihiin. Waxaan ka hadlayaa waa
aqoonyahaannada shirarka joogtada loogu arko, naq-raaca ah, xollo-doon ah, xaraan-
cunayaalka ah, damiir laawa yaalka ah. Waxaa la arkaa oo la maqalaa markii shir dib-u-
heshiisiin la qabanayo iyo markii xukun la qeybsanayo. Aqoonyahaannadaas intooda
badan waxey shaqo ka dhigteen iney ku faaloodaan xalladeynu sida ay murugsantahay.
Iney tusiyaan dadka iney wax qori yaqaanin, markii la soo gaaro gunaanadka qoraalka oo
ah maxaa tallo noo ah, qoraalkoodu jawaab ma laha! Fikir ma xambaarsana, waa talo-
laawayaal. Waxa kaliya oo ay garanayaan waa is-eedeynta, eed-sheegashada iyo far-
isku-fiiqa. Waxaan isku dayay inaan doodo la furo aqoonyahaano badan safaro badan oo
aan ku maray dhawaan dalal ku yaalla Afrika, Aasiya, Yurub iyo Amerika. Doodahaas
qaar waxey ku dhaceen taleefoonka, kuwa kale emailka, kuwa kalena waxey ahaayeen
dood aan is-hor fadhiisannay waji ka waji iyo koox–koox.

Doodahaas waxaan kala soo baxay faham cusub ee arimaha Somaaliya iyo sida caqliga
Somaaliyeed uusan welli diyaar ugu aheen inuu ka gudbo dhibaatada dawlad la’aanta.
Dabcan, aniga niyad-jab iguma ridin, laakiin waxey igu sii adkeysay garashada
heerkeynna iyo culeyga hawsha na hortaalla. Waxaa cadaatay in asalka dhibaatadeynu
3

ayan ahayn niyad-xumideynna, ficil-xumadeynna, xoollo-boobkeynna, qabyaaladda iwm.


Arimahaas oo dhan waxyaabo la mid ah ayaa ka jira caalamka oo dhan. Laakiin
dhibaatadeynna waxaa sal u ah “inaan garaneyn dawladnimada iyo meesha ay naga
jirto, iyo inaan garaneyn inaan garaneyn”. Haddii aan garaneyno inaan garaneyn,
waxaan baran laheyn 20kii sano ee la soo dhaafay, laakiin nasiib daro sidaas ma
garaneyno. Dawladnimadu agteynna aqoon uma baahna, waayo-aragnimo uma baahna,
ruux kasta waa yaqaanaa!! Waxaan hadda ka hor ku tilmaamay inaan “qiblada
dawladda” ka habowsanahay oo sida ruxii aan u jeesan qiblada aan salaadiisa loo
aqbaleyn, ayaan dawaldnimadaynu ayan u ansaxeyn. Waxaan horey ugu soo sheegay
maqaallo aan qoray in dawaldnimadu u baahantahay afar tiir: muwaadinnimo (ma aha
qabiil-qabiil), qaanuun (ma aha sida madaxdu rabto), qaraanka oo la bixiyo (canshuurta)
iyo degaanka oo la sugo (inaan la guurguurin). Intaasna ay maamulan dad garanaya.

Waxaa tusaale noogu filan, haddii aan ku cibro-qaadaneynno, in muddo ka badan 40 sano
(1969-20010) labo qaab oo kaliyah dawaldnimada lagu raadinaayay: QABILLNIMO iyo
QORAY CAARADIIS, labaduna waa dumiyaan dawladnimada ee ma dhisaan. Waa
qabiilnimo, maxaa yeelay qaab kale oo reer magaalnimo ah waa isku abaabuli weynay.
Xisbiyo fikrado ku dhisan oo reernimo aan ku dhisneyn waa sameyn weynay. Yaa
sameyn waayay? Intaynna mutacalimiinta sheeganayasa ayaa sameyn waayay, markaas
ayaan daba galnay odayaasha dhaqanka. Xisbiyadu waxey keenaan in loo tartamo
xukunka oo ku timaada si nabad ah. Laakiin, haddii tartan xalaal ah la waayo, waxaa
furmaya albaabka sheydaanka oo ku dhisan in la is xoogo oo qoraga caaradiisa la isku
maquuniyo. Qoray xukun-ku-maquuniskii 1969, wuxuu dhalay jabhado qoray wax ku
maquuniya, wuxuu dhalay wadaado qoray wax ku maquuniya. Meelaha qoray in la isku
maquuniyo la iska daayay oo caqligu taliyay oo lagu tashaday, sida Somaliland iyo
Puntland, qabiilnimadii oo sideedii ah ayaa maamul iyo dawalado laga dhisay. Haddaba,
waxaa laga xurobay ugu horeyntii xukun ku maquuninta “Qoragga Caaradiisa”,
waxaana la baabi’yay jabhadihii, waxaana tashaday waxgaradkii. Haseyeeshee, inta ay
joogaan koox madax ku noqotay QORAGA CAARADIISA, waxaa jirayaa koox ku rabta
xukunka QORAGA CAARADIISA. “Haddii kuwa hadda madaxda ku ah qoraga
caaradiisa (jabhadihii hore iyo kuwii dambe) ay ka tanaasulaan xukunka, kana tooba
4

keenaan khaladaadkii hore, kuwa kale oo xukunka ku raba qoraga caaradiisa ayaa
albaabku ka xirmi lahaa”. Laakiin sidaas suuragal ma tahay? Ma yeelli karnaa?

Gunaanadkii, adeegsiga xooga iyo abaabulka magaca qabiilka waxey horjoogsadeen


siyaasad xalaal ah iyo dawlad xalaal ah oo ka dhalata Somaaliya. Jiritaanka xisbiyada
siyaasadeed iyo waxgaradka Somaaliyeed oo isku raacan iney diidaan xoog adeegsiga,
taageridda koox xoog wax ku xukunta, waxey bilaw u noqon kartaa dawadnimada
Somaaliyeed. Dawladda hadda jirta oo ku baaqda iney ka tanaasuleyso xukunka, waxey
xiri laheed albaabka sheydaanka. Laakiin, haddi aan ku sii soconno waddadii hore loogu
fashilmay, dawladnimada xoog ku haysano, ama ku raadino, shisheye gacan siin ka
sugno, kursiga isku dhejino, Itoobiya arimaha Somaaliyeed udaba fadhiisanno, waxaa la
hubaa inaan qiblada dawladda Somaaliyeed halkaas naga jirin, hawsheynnana aan faru ka
qodneyn! “Faanoole faru kama qodna”!!!

You might also like