Telesom Newsletter Issue 22

You might also like

Download as pdf or txt
Download as pdf or txt
You are on page 1of 32

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

TUSMADA WARGEYSKA

Telesom Oo Deeq Lacageed Gudoonsiisay Guddida


Waddada Alaybade

Telesom Oo Deeq Lacageed Gudoonsiisay Daladda


Dhalinyaradda Heer Qaran ee SONYO

Telesom oo Casho-sharaf Soo Dhawyan ah u Samaysay


Hogaanka Sare ee SOLJA

Qaarka Mid ah Shaqaalaha Telesom oo La Siiyey


Tababar Gaar ah

Telesom Gabiley oo Gudoonsiisay $6,000 maamulka


Dawladda Hoose ee Gabiley

Shirkadda Telesom oo Si mugle uga qaybqaadatay


Bandhiga Carwadda ganacsiga
Telesom oo Qabatay Xafladda Abaal-marinta 12-aad

11 ee Shaqaale Weynaha Shirkadda


15

Telesom Oo Deeq Lacageed Gudoonsiisay Daladda


Dhalinyaradda Heer Qaran ee SONYO

15

Telesom oo $10,500 Ugu Tabarucday Wadooyin ku yaala


magaalada Hargeysa

16

Telesom oo Maal-galisay Wajiga Labaad ee Mashruuca


Caruurta La Nool Cudurka Macaanka

18

Wargeyska Caalamiga ah ee New York Time oo Wax


ka Qoray Kaalinta uu Adeega ZAAD kaga jiro kobaca
dhaqaalaha

20

Telesom oo Si weyn uga Qayb qaadatay Ololaha


Nadaafada Dalka
Telesom oo Maal-galisay Tartanka Quraanka Kariimka

21 ee Televisionka Universal

Telesom oo Qalab Koombuutaro ah Ugu Deeqday Ururka

21 Suxufiyiinta Somaliland SOLJA


24

Telesom oo Siisay Qaybka mid ah Sakadda Shirkadda Dad


Danyar ah oo Ku Nool magaalada Hargeysa

25

Maxaa Hooyada Uurka leh ku keena Dhiigka?

26

Gabayga Hiddo-san

28
29
30
31

Maqaalka Adeega ZAAD-ka


Shaqaalaha La Siiyey Rubuc-sanadka 2015
Baro Mid ka mid ah Shaaqaalaha Shirkadda Telesom

Maqaalka Adeega Facebook-ga

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

Jan - April 2015

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

WEEDHA TIFATIRAHA

arka hore waxaa Mahad balaadhan iska


leh Illaaha weyn ee ina siiyey nimcooyin
badan oo aan la soo koobin karin. Naxariis iyo Nabad-galyo korkiisa ha ahaato
Rasuulkeenii Muxamed ahaa ee inoo kala caddeeyey xaqqa
iyo baadilka.

Maxamed Ibrahim Abdilahi


Tifatiraha Guud

Kalkaaliyayaasha

Yaasin Nuur Moge


La Taliye

Intaaska dib, waxaa farxad weyn noo ah in aanu idinla


waddaagno cadadkii 22-aad ee Wargayska Shirkadda
Telesom. Waa Wargays soo baxa Afartii bilood bahal mar.
Cadadkeenan bishan waxaanu ku soo qaadan doonaa warbixino ku saabsan waxyaalihii ugu dambeeyey ee shirkaddu
qabatay, Barnaamijyo caafimaad, sugaan iyo adeegyadii
ugu dambeeyey ee shirkadu soo kordhiso sanaadkan.

GUDDIDA TIFATIRKA

Eng. Faarax Sugaal

Cabdiwahaam Maax

Maxamed Cabdi Darbo

Cabdisalaan Ismaacil

Cadnaan Daahir

Cabdisamad Yasin
Nashqadaynta Boga Hore

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

Jan - April 2015

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

Shirkadda Telesom Oo Deeq Lacageed Gudoonsiisay


Guddida Waddada Alaybadey ilaa Arabsiyo

argeysa

(Telesom-03.03.2015)Shirkadda Isgaadhsiinta
casriga ah ee Telesom
ayaa
gudoonsiisay
guddida
dhismaha waddada Alaybadey
deeq lacageed oo ay kaga qaybqaadatay dhismaha waddada
Alaybadey ilaa iyo Arabsiyo.
Munaasibadan
gudoonsiinta
lacagta ayaa ka dhacday Xarunta
guud ee Telesom waxaaanay
shirkaddu $20,000 oo dollar
gudoonsiisay Guddida Waddada
Alaybadey
ilaa
Arabsiyo.
Waddadan oo cabirkeedu dhan
yahay 50 km. Wajiga koowaad ee
waddadan ayaa ilaa hadda carotuul la dhigay sideed kilo-mitir.
Maamule ku-xigeenka Waaxda
Suuq-gaynta
iyo
xidhiidhka
Dadweynaha
ee
Shirkadda
Telesom Maxamed Cabdi Darbo
ayaa ugu horayn ka hadlay
deeqdan shirkadda Telesom
kaga qayb-qaadatay
wajiga
hore ee Waddada Alaybadey
ilaa Arabisyo, isagoo arintaasi ka
hadlaya waxa uu yidhi, Waxay

shirkaddu had iyo jeer u heelan


tahay inay ka qayb-qaadato
horumarka dalka iyo qaybaha lagu
horumarinaayo dalka. Gobol kasta
oo wax qabsanaaya oo horumar
ka muuqda shirkadu qaybteeda
way ka qaadataa iyadoo faaiidadii
ay ka heshay dadka ay dib wax ugu
celiso. Shirkaduna qayb laxaadle
ayey ka qaadataa horumarka
dalka waana arimaha shirkaddu u
aasaasan tahay ee laf-dhabartada
u ah. Shirkadda oo ah shirkad ay
ummadda Somaliland oo dhan
wadda leeyihiin cid walbaana ay
ku jirto
Maxamed Cabdi darbo oo ku
hadlaayey afka shirkadda ayaa
gudoonsiiyey guddida waddada
Alaybadey ilaa Arabsiyo lacag
dhan $20,000 lacagtaasi oo qayb
ka noqon doonta wajiga kowaad
ee dhismaha waddadan.
Ibraahin
Xuseen
oo
ah
Gudoomiyaha Guddida Waddada
Alaybadey ilaa Arabsiyo ayaa
shirkadda Telesom ka gudoomay
lacagtan deeqda ah mahadnaqna
u soo jeediyey shirkadda waxaanu

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

yidhi, Waanu ka gudoonay


shirkadda lacagtaa $20,000
ee dollar ah oo aad kaga
qayb qaadanaysaa waddada
Alaybadey ilaa Arabsiyo oo
muhiimad weyn dalka ugu
fadhida. Waddadani waa waddo
ummadda Somaliland oo dhami
wadda leedahay aad baan idiinka
mahadnaqaynaa Sidaasi waxaa
yidhi Ibraahim Xuseen.
Waxaa sidoo kale munaasibadan
ka
hadlay
Muuse
Yusuf
Muxmumed oo ka mid ah
xubnaha Guddida Waddada
Alaybadey
ilaa
Arabsiyo
waxaanu yidhi, Shirkadda
Telesom waa halbowlaha dalka
waa halbowlaha ummadda waa
udubadda waaweyn ee ay ku
taagan tahay. Horumarka dalka
qayb weyn bay ka qaadataa meel
kasta oo laga waddo wadooyinka
dalkoo dhan iyo horumarka
kaloo dhan. Umadduna abaalka
shirkadda way celisay shirkaddu
abaalka umadda way celisay

Jan - April 2015

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

Telesom Oo $20,000 Gudoonsiisay


Daladda Dhalinyaradda Heer
Qaran ee SONYO

argeysa

( Te l e s o m - 0 3 . 0 3 . 2 0 1 5 ) Shirkadda
Isgaadhsiinta
casriga ah ee Telesom ayaa
gudoonsiisay Daladda dhalinyaradda
ee
SONYO deeq lacageed oo ay
shirkaddu kaga qayb qaadatay
dhismaha loo sameeyey daladan ee
magaalada Hargeysa.

dalka ugu fadhido maadaama ay


tahay dalad heer qaran ah oo magacii
dhalinyaradda ay huwan tahay

Maxamed Cabdi Darbo ayaa ka waramay


dhibaatooyinka
dhalinyaradda
Somaliland haystaa, kaalinta ay
shirkadda Telesom ka qaadato

ku hambalyeynayaa in baahidii
aanu dhalinyaro ahaan u qabnay
ee dhismahan iyo qalabayntiisa,
quruxintiisa iyo dhaqaajintiisaba ay
ka jawaabeen Sidaasi waxaa yidhi
Agaasime Siciid.
Ugu dambayntii waxaa isaguna
kulankaasi ka hadlay Gudoomiyaha
Dalada Dhalinyaradda SONYO
Siyaad Cumar Cali waxanu yidhi,
Farxad bay noo tahay in anaga
oo ah boodhkii todobaad ee
SONYO inaanu ka gudoono soo
dhawayno hambalyeyna shirkaddaa
Telesom. Aad iyo aad baanu ugu
mahadnaqaynaa. Markastoy ururada
SONYO ku jiraa ay shaqadoodu
balaadhato dhalinyaro bay camal u
abuurayaan. Markastoon dadaalno
markastoon shaqo abuur samayno
macmiil baa u soo kordhaya. Markaa
aad iyo aad baad u mahadsan tihiin,
siyaabo kala duwan baanu idiinku soo
celinaynaa waxaad nagu taageertaan.

Wehelka dhalinyaradda
Somaliland

Munaasibadan oo ka dhacday
xarunta dalada SONYO. Ugu horayn
waxaa munaasibadaasi ka hadlay
Maamule ku-xigeenka Waaxda
Suuq-gaynta
iyo
xidhiidhka
Dadweynaha ee Shirkadda Telesom
Maxamed Cabdi Darbo waxaanu
sheegay doorka ay shirkadda Telesom
ka qaadato horumarka dalka waxaanu
yidhi, Horta marka hore waxaa mahad
gaar ah u dirayaa boodhka todobaad ee
SONYO run ahaantii sidii ay u xaliyeen
khilaafkii. Telesom iyo SONYO xidhiidh
weyn baa ka dhexeeya. Maadaama
shaqaalaha TELESOM 85% ay yihiin
dhalinyaro annaga muhiimad gaar ah
ayey SONYO noo leedahay
Maxamed Darbo oo hadalkiisa sii
wata ayaa yidhi, Waxaanu kaloon
dareensan nahay qiimaha ay SONYO

shaqaalaysiinta
dhalinyaradda,
waxaanu ugu dambayn gudoonsiiyey
maamulka SONYO lacag dhan $20,000.
Kulanka waxaa isaguna ka hadlay
Agaasimaha fulinta daladda SONYO
Siciid Maxamed Axmed waxaanu
mahadnaq u soo jeediyey shirkadda
Telesom waxaanu ka hadlay sida
shirkadda Telesom u garab joogto
dhalinyaradda Somaliland waxaanu
yidhi, Waxaa mahad aan la soo koobi
karin leh shirkadda Telesom oo runtii
aad iyo aad qayb laxaadle uga qaadata
dhismaha iyo kobcinta dhalinyaradda
iyo ta qarankaba. Telesom waxaanu

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

Jan - April 2015

Gudoomiyaha Daladda SONYO Siyaad


Cumar Cali ayaa sheegay in daladda
SONYO ay u aqoonsatay shirkadda
Telesom in ay tahay Wehelka
dhalinyaradda Somaliland

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

Telesom oo Casho-sharaf Soo Dhawayn ah u Samaysay


Hogaanka Sare ee SOLJA

argeysa (Telesom0 5 . 0 2 . 2 0 1 5 )

Shirkadda
TELESOM
ayaa
casho-sharaf
ku maamustay
hogaanka cusub ee dhawaan
loo doortay ururka suxufiyiinta
Somaliland ee SOLJA. Xafladan
ayaa ka dhacday hoteel Maansoor
ee magaalada Hargeysa.

sida ay tahay, dhibaatooyinka


haysta saxaafadda Somaliland iyo
sidii loo tayeyn lahaa saaxaafadda
Somaliland.
Cabdisalaan
Ismaaciil
Nuur,
Cabdiwahaab Muxumed Maax,
Maxamed Cabdi Darbo oo
ku hadlaayey afka shirkadda
TELESOM ayaa ka hadlay
xidhiidhka Shirkaddu la leedahay
saxaafadda Somaliland waxanay
sheegeen in shirkadda Telesom
ay ururka SOLJA ka caawin
doonto xaga dhismaha xafiiska
iyo tababaradda Saxaafadda si kor
loogu qaado aqoonta saxaafada,
sidoo
kale
masuuliyiinta
TELESOM ayaa sheegay in loo
baahan yahay in saxaafaddu ay
noqoto mid bulshadda wax ku
soo kordhisa loogana faaiidooyo
dhismaha qaranka.

Casho-sharaftan waxaa ka qaybgalay maamulka iyo masuuliyiinta


Qaybta
Suuq-gaynta
iyo
Xidhiidhka
Dadweynaha
ee
Shirkadda
TELESOM,
maamulaha
Qaybta
Iibka
TELESOM, Hogaanka cusub ee
SOLJA, Gudoomiyaha SONSAF,
saxafiga rugg cadaaga ee Yoonis
Cali Nuur, iyo Aadan Xaaji Cali
oo ka Mid ah Garyaqaanadda sida
dhow ula shaqeeya saxaafadda
Somaliland
iyo
shirkadda
Yoonis Cali Nuur oo ah saxafi
Telesom-ba.
rug cadaaya oo muddo dheer ka
Shirkadda Telesom, hogaanka shaqaynaayey Idaacadda BBC-da
cusub ee SOLJA iyo saaxibadda tababaro badan siiyey saxafiyiin
kale ee ka soo qayb-galay badanna oo Somaliland ah ayaa
kulankan ayaa halkaasi isku sheegay in saxaafadu tahay awood
dhaafsaday hadalo ku saabsan samayn badan leh loona baahan
xaaladda Saxaafadda Somaliland yahay in looga faaiidaysan karo

inay bulshadda wax weyn ku soo


kordhiso. Wariye Yoonis Cali
Nuur ayaa sidoo kale sheegay in
haddii saxaafadda si khaldan loo
adeegsado in ay keento burbur
baaxad leh. Waxaanu soo jeediyey
in loo baahan yahay in la sameeyo
Komishan Saxaafadeed oo madaxbanaan kaasi oo ilaalinaaya
xoriyadda saxafiga sidoo kalena
saxafiga ka ilaalinaysa inuu si
khaladan u adeegsado mihnada
Saxaafadda.
Gudoomiyaha cusub ee SOLJA
Maxamed Cabdi Xuuto, Xoghaya
SOLJA Xuseen Kurdi, Saynab
Maxamed Cabdi oo ah xubin
SOLJA
ah,
Gudoomiyaha
SONSAF Mustafe Sacad iyo Aadan
Xaaji Cali ayaa dhamaantood
soo
dhaweeyey
taageeradda
TELESOM u hayso saxaafadda
Somaliland waxay sheegeen in
saxaafadda Somaliland ay u baahan
tahay in la dhiso aqoontooda,
sidoo kale ay shirkadda wadda
yeeshaan
wadda-shaqayn
maadama Tiknoolajiyadii noqotay
udub dhexaadka saxaafadda.
Masuuliyiinta ayaa shirkadda
Telesom u soo jeediyey in
masuuliyiinta goboladu ay si gaar
ah ula shaqeeyaa wariyayaasha
ka hawl-gala goboladda dalka
maadama ay ka duruufo iyo
baahi badan yihiin kuwo ku nool
caasimadda Somaliland.
Kulankan dhex maray shirkadda
Telesom iyo hogaanka sare ee
SOLJA ayaa ku dhamaaday waji
farxadi ku dheehan tahay waxaana
kulankani uu ogogol xaadh u
noqon doonaa in la sii dardargaliyo xidhiidhka iskaashi iyo
wada-shaqayneed ee u dhexeeya
shirkadda Telesom iyo Saxaafadda
Somaliland oo ay ku midaysan
yihiin ururkan SOLJA.

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

Jan - April 2015

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

Jaamacadda Badar oo Tababar Siisay Shaqaalaha


Telesom
argeysa

(Telesom-11.02.2015)
Markaas shirkadaha waxaan ku dhiiri galin lahaa

Jaamacadda Badar ayaa u soo gabogabaysay 18 shaqaalaha


shirkadda
Telesom oo muddo saddex maalmood
ah ku tababaraysay hogaaminta iyo maamulka.
Munaasibadda gabo-gabada tababarkan waxaan
ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacadda Beder
waxaanu si mug leh uga hadlay faaiidada
ku duugan tababaradda noocan oo kale ah.

in ay bixiyaan aqoon korodhsiyo shaqaalaha ay


Tayadooda kor ugu qaadayaan.
Shirkad Kasta hadda waxa ay
ka fikiraysaa, dhaqaalaha kaga
baxaya Aqoon-korodhsigaas ay
u dirayso shaqaalaheeda lakiin
taas ayaa uga munaafaac badan
oo wax badan ayuu u qabanayaa.

Aqoon-korodhsiga badan ee la siiyo shaqaalahu


Gudoomiye Mubaarik Aar ayaa waxa uu ku tilmaamay aqoonyahan Mubarik
yidhi, Waxaan maanta halkan uga Ibraahim Aar in tahay Muhiimada ugu wanaagsan
mahad naqayaa dhamaan shaqaalaha ee shirkadahu ku helaan kobacooda dhaqaale.
shirkadaha, kolay ka Jaamacada
ahaan markasta waanu raadinaa Shirkadba Shirkada ay ka tababar badan tahay
dadka aanu aqoonta bidayno kuwaas way ka wax soo saar badan tahay. Sanadkasta
oo aanu ku soo casuuno Jaamacadda, haddii uu qofku qaato shahaado gaar ah waata
nin shaqaale ah ayaa la waydiiyay sahlaysa inaanu qofka shaqaalaha ahi ka tagin
Mubaarik Aar imisa sano ayaad shaqadan waday, shirkada uu leeyahay, madaama waxa uu ogyahay
markaas ayaa uu ku jawaabay dhaqaalaha ay ku bixisay, sidaasi waxaa yidhi
labaatan sano, markaas Labtaankaas sanaba waxa uu gudoomiyaha Jaamacada Badar Mubaarik Aar.
ku cel-celinayay hal Shaqo oo kaliya, markaas hadduu
tababaro heli lahaa uu aqoonto ku korodhsado shaqo Guddoomiyaha Jaamacadda Caalamiga ah ee
badan ayuu u qaban lahaa shirkadaas uu la Joogo. Beder Mubarik Ibraahim Aar ayaa shahaadooyin
gudoonsiiyey shaqaalaha shirkadda Telesom ee
Intaas waxa uu ku dary Guddoomiyaha Jaamacadda dhamaystay tababarkan saddexda maalmood u
Beder Mubaarig Ibraahin Aar waxaana uu yidhi, socday oo ay ku barteen hogaaminta iyo maamulka.

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

Jan - April 2015

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

Telesom Xoolo
Ugu Deeqday
Maxabiista
Jeelka Wayn
Burco

Telesom oo ugu Deeqday


$6000 Guri Laba Dabaq ah
oo Loo Dhisayo Dawladda
Hoose ee Gabiley

urco - (Telesom-11.04.15)
- Shirkadda isgadhsiinta
Telesom ayaa Toban Neef
oo adhiya ugu deeqday
Maxabiista ku Jirta Jeelka wayn
ee Burco. Munaasiban wareejinta
deeqdan xoolaha ah ayaa ka dhacay
isla jeelka.

abiley (Telesom-04
Feb, 2015) Kulan
kooban oo ka dhacay
xafiiska
Maayarka
Gabiley ayaa lagu kala gudoomay
lacagta
tabarucaad
ah
oo
shirkadda Telesom ugu deeqday
dawladda Hoose ee Gabiley.

ayaa
sheegay
in
shirkadda
Telesom ay ka qayb qaadato
horumarinta gobolka, waxaanu
xusay
in
shirkaddu
ay
taageero ka gaysato xarumaha
waxbarashadda sida dugsiyadda
ka
jira
magalaada
Gabiley
iyo
Jaamacadda
Tima-cadde.

Kulankan oo ay ka qayb-galeen
maayarkii hore ee magaalada
Gabiley
Shucayb
Maxamed
Muuse, Xildhibaanka Golaha
deegaanka ka tirsan Xildhibaan
Cabdi
Xabeeb,
maamulaha
Telesom Gabiley Sheekh Maxamed
Muumin iyo Madaxa Iib-gaynta
Telesom Gabiley Maxamed Dayid.

Ugu dambayntii waxaa uu sheegay


maamule Maxamed Muumin in
shirkadda Telesom ay ka qayb
galays0 tabarucaadka dhisme loo
waddo dawladda Hoose ee Gabiley.

Maamulaha
Telesom
Gabiley
Sheekh
Maxamed
Muumin
ayaa
gudoonsiiyey
$6,000
Maayarka Gabiley lacagta noo
shirkadda Telesom kaga qayb
qaadanayso dhimse laba dabaq
ah oo loo dhisi doono Dawladda
Hoose ee magaaladda Gabiley.
Maamulaha Xarunta Telesom
Gabiley oo ka hadlay kulankaasi

Maayarkii hore ee magaalada


Gabiley
Shucayb
Maxamed
Muuse oo ka hadlay kulankan
ayaa shirkadda Telesom uga
mahadnaqay deeqdan ay kaga
qayb gashay dhismaha loo waddao
Dawladda Hoose ee Gabiley
waxaanu yihdi,
Shirkadda
Telesom ee Gabiley waxaanu
ka gudoonay deeq lacageed
oo ay kaga qayb qaadanayaan
horumarka ka socda degmadooda.
Runtii
waxanu
leenahay
waad ku mahadsan tihiin.

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

Maamule Ku-xigeenka Xarunta


Burco ee shirkadda Telesom
Md. Kayse Maxamed Cabdi oo
matalaayey shirkadda Telesom ayaa
ku wareejiyey deeqdan xoolaha
ah Taliyaha ciidamada Asluubta
Gobolka Togdheer Gaashaanle
Jaamac Baadi Cawad. Taliyaha
ayaa shirkadda Telesom uga
mahad-celiyey deeqdan xoolaha
ee ay shirkaddu ugu talo gashay
maxaabiista ku jira jeelka Burco.

Kayse Maxamed Cabdi


maaule Ku-xgeenka Telesom Burco

Jan - April 2015

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

Shirkadda Telesom oo Si
Mugle Uga Qayb-qaadatay
Bandhiga Carwadda
Ganacsiga Boorama

oorama
- Madaxa iibgaynta xarunta ka ah,
flashyadda Internet
(Telesom-07.02.15)- Telesom Borama Sheekh Deeq xambaraara iyo Semicards
Shirkada Isgaadhsiinta Cabdi Xasan ayaa ka hadlay Bilaashah, sidoo kale waxa ay
masuuliyiintan sheegeen in
casriga ee TELESOM
adeega Zaadka oo bilaash
qaybteeda gobolada
ah la iska diiwaan galinayo
Awdal iyo Selel ayaa
inta carwadani socoto iyo
wacdaro ku soo
adeegyo kale oo casri ah
bandhigtay carwada
oo noocyo kala duwan ah.
ganacsi
oo
ka
Masuuliyiintan
ayaa
dhacday magaalada
ugu baaqay bulshada
Boorama waxaana
Gobolka iyo gaar ahaan
ay soo bandhigeen
degmada
in
ay
ka
adeegyo casri ah
faaiidaystaan maalmahan
oo ay dadweynihii
ay carwadu socoto iyaga
ka soo qayb galay
oo sheegay in ay ku soo
ay ka mabsuudeen.
kordhindoonaan
adeegyo kale
adeegyadda casriga ah ee ay ku
Maamule ku-xigeenka Telesom soo bandhigeen adeegyadayo oo raaligalin doono bulshada.
Boorama Md. Cabdiraxmaan noocyadiisa kala duwan yihiin
Maxamuud
Jaamac
Iyo sida adeegga Internet Wireless-

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

Jan - April 2015

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

Telesom Xafladdii Abaal-marin

argeysa (Telesom19.03.2015) Shirkadda


isgaadhsiinta
casriga
ah ee TELESOM ayaa
abaal-marin qaaliya gudoonsiisay
shaqaalihii haldoorka ahaa ee
sanadii 2014-ka hawl-kaarnimada
dheeraadka muujiyey. Xafladan
Abaal-marinta 12-aad oo si heer
sare ah loo soo agaasimay ayaa
ka dhacday hoteel Ambassador
ee magaalada Hargeysa iyo guud
ahaan xarumaha ay shirkaddu ku
leedahay gobolada dalka oo dhan.

Md.
Cabdiqaadir
Maxamed
Sahal waxaanu sharaxaad dheer
ka bixiyey kaalinta shaqaalahu
horumarka shirkadda uu kaga
jiro iyo qaabka loo qiimeeyo
qofka shaqaalaha waxaanu yidhi,
Shaqaalaha la abaal-marinaayo
waxay ka kooban yihiin Telesom
Xafladan Abaal-marinta 12-aad ee guud ahaan kun iyo kow iyo
shaqaalaha shirkadda oo ahayd labaatan qof (1021) shaqaalaha
mid wax weyn laga badalay qaabkii abaal-marinta ka helaaya waanan
loo qiimayn jiray iyo noocyadda
hadyaha la bixin jiray sanaddii hore
waxaa abaal-marin la gudoonsiiyey
shaqaale tiradoodu dhan tahay
Munaasibadan oo ahayd mid u gaar kun iyo kow iyo labaatan (1,021
ahayd maamulka sare ee shirkadda qof) oo shaqaale ah oo isugu jiray
iyo Shaqaalaha weynaha Guud shaqaalaha ka hawl-gala xarunta
ee shirkadda TELESOM waxaa guud ee magaalada Hargeysa iyo
ka soo qayb-galay Gudoomiyaha shaqaalaha xarumaha waaweyn ee
Cabdiqaadir Maxamed Sahal
Guud
Shirkadda
TELESOM shirkaddu ku leedahay gobolada
Maamulaha Shaqada & Shaqaalaha
Md. Cabdikariin Maxamed Iid, dalka oo dhan. Abaal-marinta ayaa
Gudoomiye Ku-xigeenka Shirkadda inteeda badan la gudoonsiiyey isla naqaanay shaqaalaha A+,
Maxamud Xaaji Aadan (Xadeed), shaqaalihii keenay darajadda A+, A iyo B+. 22 qof ayaa gobolada
masuuliyiinta kale ee hogaanka A iyo B+.
shaqalaha sanadka ka ah. Xarunta
sare ee shirkadda, Masuuliyiinta
Hargeysna waxaa ka ah 18 qof
Guddida Fulinta oo uu hormuud Munaasibadan
Abaal-marinta qaybaheed kala duwan intaasi
u yahay maamulaha hawl-galinta 12-aad ee Shaqaalaha oo xafiiska waa qolada sanadkan calanka
Md. Ciise Maxamud Faarax, Shaqadda iyo Shaqaaluhu uu si inoo sidda. Insha Allaah haddii ay
Gudoomiyaha Baanka DAARA weyn u soo agaasimay noocyada sii haysan karaana way sii haysan
SALAAM Md. Maxamed Ibraahim, Abaal-marinta shaqaalaha la haddii kalena waynu ku daba
Gudoomiyaha Shirkadda SOMGAS siinaayo ayaa ugu horayn waxaa jirnaa. Sidaasi waxaa yidhi Md.
Md. Cabdikarin Xaaji Muuse ka hadalay xafladan maamulaha
Muruq-liqqe,
Gudoomiyaha Waaxda Shaqadda iyo Shaqaalaha
Eeg Bogga 11-aad

10

Shirkadda Laydhka ee Telesom


Electricity Company (TEC) Eng.
Muuse Cali Cige, maamulayaasha
iyo masuuliyiinta kale ee Qaybaha
iyo Waaxaha Shirkadda iyo
Shaqaalaha weynaha kala duwan
ee shirkadda.

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

Jan - April 2015

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

12-aad U Qabatay Shaqaalaheeda


Cabdiqaadir Sahal.
Maamulaha hawl-galinta Shirka
Md. Ciise Maxamud Faarax ayaa
mahad balaadhan u jeediyey
shaqalaha shirkadda Telesom ee
hawl-karinimada iyo dadaalka
dheer muujiyey sanaddii 2014.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale
ka waramay adeegyadii ugu
muhiimsanaa
ee
shirkadda
Telesom soo kordhisay sanadkii la
soo dhaafay waxaanu ku amaanay
guud ahaan shaqaalihii adeegyada
sida hufnaanta ah uga shaqeeyey,
hadaladkiina waxaa ka mid
ahaa, Waxan jecelahay in aan u
mahadceliyo shaqaale weynaha
shirkadda Telesom madax iyo
mijaba meel kastow joogaanba
waajibaadkii iyo shaqadii loo
igmaday iyagoo quudka
iyo

ka bixiyey adeegyadii ugu horeeyey


ee shirkadda Telesom dalka ku
soo kordhisay isagoo arimahaasi
sharxayanna waxaa uu yidhi,
Shirkaddu waxay lahayd halku
dhag ah Telesom is first, waxaynu
ahayn shirkaddii ugu horaysay
ee moobayl waddanka keena,
waxaynu ahayn shirkaddii ugu
horaysay ee internet waddanka
keena, waxaynu ahayn shirkaddii
ugu horaysay ee EVC dalka keena,
iyadoo scratch kaadh la xoqo baynu
keenin in EVC-ga lacagta lagaga
shubto, waxaynu ahayn, waxaynu
ahayn, waxaynu ahayn way tiro

Maxamud Xaaji Aadan


Gudoomiye Ku-xigeenka Telesom

Ciise Maxamud Faarax


Maamulaha Hawl-galinta

risiqooda Ilaahay subxaanahu


watacaala u qadaray ka doonanaya,
haddana si hufnaana, kartinimo
ah, wadda shaqayna walaaltinimo
ah, kalkacaltooyo ah u wadda
shaqeeyey uga wadda dhabeeyey
ujeedooyinkii shirkaddu lahayd
inay wadda xaqiijiyaan , Sidaasi
waxaa yidhi Md. Ciise Faarax.
Gudoomiye Ku-xigeenka Guud ee
shirkadda TELESOM Md. Maxamud
Xaaji Aadan (Xadeed) ayaa ka
hadlay sida shirkadda Telesom
u tahay markasta shirkadda
Koowaad waxaanu tafaasiil dheer

Bangiga Daarasalaam Baank.


Bangiga Daarasalaam waa bangi
ay leedahay shirkadda TELESOM

Maxamed Ibrahim
Gudoomiyaha Daarasalaam Bank

oo laga yaabo inaan dad badan


hore u ogayn ama maqalkiisa uun
maqlayeen. Haddii aanu dib ugu
noqon Bangigu labaatan cisho ka
dib uu shan jir sanayaa, waxaa
laga yabaa inaan shantaa sano
malaha dad badani ay caawa uun
ugu horayso magaciisa iyo in loo
sheego in shirkaddu shirkaddaha
ay leedahay uu ka mid yahay
bangigu Sidaasi waxaa yidhi Md.
Maxamed Ibraahim

badan yihiin runtii, waxaynu


ahayn shirkaddii ugu horaysay ee
ZAAD keenta, haddana waxaynu
keenay inay xawaaladu ZAADka ku soo dhacdo Sidaasi waxa
yidhi Gudoomiye Ku-xigeenka
Shirkadda Maxamud Xaaji Aadan.

Waxaa isaguna munaasibadan ka


hadlay Gudoomiyaha Shirkada
SOMGAS Cabdikarin Xaaji Muuse
(Muruq-liqe)
oo
sharaxaad
ka bixiyey adeega shirkadda
SOMGAS bixiso. Gudoomiyaha oo
la dhacsay shaqaala tiradda badan
ee ka soo qayb-galay xafladan
Gudoomiyaha Baanka DAARA ayaa shaqaalaha TELESOM ugu
SALAAM Md. Maxamed Ibraahim baaqay in ay wadda Isticmaalaan
oo ka mid ah marti-sharaftii shoolada cuntada lagu karsad ee
xafladan kaga soo qayb-galay shirkadda SOMGAS iibiso.
TELESOM GROUP ayaa sheegay
in Baanka DAARA SALAAM uu
yahay Baan ay shirkadda TELESOM
leedahay waxaanu ka hadlay
adeegyada baanku bixiyey iyo
fursadaha qaaliga ah ee Baanka
Salaam uu siiyo shaqaalaha
Cabdikarin Xaaji Muuse
shirkadda Telesom. Gudoomiyuhu
Gudoomiyaha SOMGAS
oo ka hadlaya arimaas waxaa
uu yidhi, Shirkaddu shirkadaha
ay dhashay waxaa ka mid ah

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

Eeg Bogga 12-aad

Jan - April 2015

11

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

Telesom Xafladdii Abaal-marin

Gudoomiyaha Guud ee Shirkadda


TELESOM
Md.
Cabdikariin
Maxamed Iid oo soo gunaabaday
qudbadihii laga jeediyey madasha
ayaa hadalo badan oo isku jira
mahadnaq, dhiiri-galin, amaan iyo
dardaaran u jeediyey guud ahaan
maamulaha iyo Shaqaale weynaha
TELESOM, waxaanu sidoo kale
ku booriyey shaqaalaha inay la
yimaadaan hal-abuurnimo iyo
currin wax weyn ku soo kordhisa
horumarka shirkadda. Gudoomiye
Cabdikariin ayaa yidhi, Maxaynu
hiigsanaynaa maxaynu doonaynaa
inaynu gaadhno.
W a y n u
o g n a h ay
halkii
aynu
k a
s o o

bilaabnay
ee
ahayd
inaynu
moobayl
iyo fixed line shirkadd ahaan
shaqadeena
ku
bilownay,
maantana halkaynu joogno waa
dareensanahay.Cloude service
oo ah inaynu adeeg dhamaystiran
u qabano bulshadeena waa mid
qorshaheena inoogu jirta sanadkan
insha Allaah oo dhismihii, Waaxdii
iyo shaqaalihii hawshaa hanan
lahaa ay u dhamaystiran yihiin iyo
qalabkiiba Insha Allaahna aynu
gaadhi doono Haddii uu Allah
yidhaahdo. Waxaanu kaloon ku
talo jirnaa inaynu moobaylka
horumar fara badan ku samayno
iyadoo dhinacyadda caafimaadka,
waxbarashadda, dhaqaalaha iyo
saxaafada aynu uga faaiidaysan
doono biidni laahi tacaalaa. Waxaa
kale oo aynu iyana horumar ku
samayn doonaa sidaynu u qaybin

12

lahayn adeegyadda kala gadisan


ee aynu koox ahaan leenahay in
aynu meel iskugu keeno oo aynu
midayno insha Allaahu haddii
Ilaahay yidhaahdo Sidaasi waxaa
yidhi gudoomiyaha Shirkadda
Telesom.

Xafladan
Abaal-marinta
Shaqaalaha ayaa si habsami ah
mar qudha uga wadda dhacday
gobolada dalka oo dhan waxaanu
maamulayaasha
shirkadda
ee gobolada dalku ay iyaguna
dhinacooda si toos ah ugala
socdeen
qudbadihii
kala gadisanaa ee
masuuliyiintu
ka jeediyeen
xafladdii
Abaalmarinta
Shaqaalah
ee
ka
socotay
H o t e e l
Ambaassador
ee
magaalada Hargeysa.
Maamulka Waaxda Shaqaada iyo
Shaqaalaha iyo Qaybta Maamulka
ayaa si wadda jir ah Abaal-marino u
gudoonsiiyey shaqaalihii kaalmaha
hore ka galay Qaybaha iyo Waaxa
Shirkadda. Hadyadahaasi oo isku
jiray lacago, laptop-yo casri ah,
tablets, moobaylo Smartphone
ah, Shahaadooyin iyo hadyado
kale waxaana la gudoonsiiyey
dhamaan shaqaalihii kaalmaha
sare ka galay qiimayntii shaqaalaha
ee ka kala tirsanaa xarunta guud
ee magaalada Hargeysa iyo
xarumaha guud ee shirkaddu ku
leedahay gobolada dalka oo dhan.

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

Jan - April 2015

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

12-aad U Qabatay Shaqaalaheeda

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

Jan - April 2015

13

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

14

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

Jan - April 2015

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

Telesom oo $10,500 Ku Bixisay Tabarucaad Wadooyin Ku Yaala


Magaalada Hargeisa Ka Tirsan

argeysa - (Telesom-27.03.2015) - Shirkadda


Isgaadhsiinta Casriga ah ee TELESOM ayaa
$10,500 oo Dollar ugu deeqday saddex waddo
oo ku kala yaala degmadda Axmed Dhagax,
Degmadda Ibraahin Kood-buur iyo Degmadda Gacan Libaax.
Shirkadda TELESOM ayaa ugu horayn gudoonsiisay Guddida
Dhismaha Wadda Xaafadda Aw-aadan lacag dhan $4000 oo
dollar. Munaasibada lacag bixinta waxaa ka hadlay Madaxa
Waaxda Xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda TELESOM Md.
Maxamed Cabdi Darbo waxaanu sharaxaad kooban ka bixiyey
kaalinta shirkadda TELESOM kaga jirto horumarka dalka waxaanu
yidhi, Sidaad la wadda socotaan shirkadda TELESOM waxay
xoogga saartaa xagga horumarinta, waxbarashada, wadooyinka,
tababarucaadka kale,
Jaamacadaha, madarasadaha,
masaajidada wax Alla wixii khayr ah., Sidaasi waxaa yidhi
Maxamed Darbo, isagoo hadlkiisa sii wata waxa uu intaasi
raaciyey, Shirkadda TELESOM waxay ka qayb qaadanaysaa
wajiga koowaad ee waddadan la bilaabaayo, waxanay ugu

doono waddada soo hor marta Hoteel Mount Royal soona gasha
Dugsiga sare ee Ilays. Madaxa Waaxda Xidhiidhka dadweynaha
ee shirkadda TELESOM Md. Maxamed Cabdi Darbo oo ku

hadlayaa afka shirkadda Telesom ayaa sheegay in shirkadda


Telesom ay goorkasta u heelan tahay inay qayb ka noqoto
horumarka dalka waxaanu sharaxaad ka bixiyey sida shirkadda
Telesom uga qayb qaadato tabarucaadka waxbarashadda.
Dhanka kale waxaa iyaguna madasha ka hadlay maamulaha
Dugsiga sare ee Ilays Sh.Cabdiraxmaan Axmed Sh. Cabdi
waxaanu shirkadda Telesom uga mahad-celiyey sida ay uga qayb
qaadato barnaamijyadda khayriga ah waxaanu yidhi, Aad iyo
aad waxaanu ugu mahadnaqaynaa una ducaynaynaa shirkadda
balaadhan ee qiimaha badan ee waddaniga ah ee dalku iyo
dadku runtii wadda leeyahay sidaa uu sheegay Maxamed. Aad
baanu ugu faraxsanahay aad baanu ugu ducaynaynaa Ilaahay
inuu u barakeeyo, Sidaasi waxaa yidhi Sheekh Cabdiraxmaan.

talo gashay inay $4,000 ay ku wareejiso dhismaha waddadaas,


wadadaas oo ay baahi weyn u qabaaan bulshadu qiimo
badanna ugu fadhida magaalada isku socodka dadweynaha.
Gudoomiyaha Guddida Waddada Xaafada Aw-aadan oo
ka hadlay munaasibadaas ayaa yidhi, Aniga oo ku hadlaya
magacayga iyo magaca Guddida Dhismaha xaafadda Awaadan iyo Guddida xaafadda waxaan halkan kaga gudoomay
shirkadda Telesom oo uu hormood ka yahay Maxamed
Darbo $4,000 oo ay ugu tabaruceen waddo hal kiiloomitir
iyo badh ah (1.5km) oo ka socota xaafadda Aw-aadan.

Shirkadda Telesom ayaa sidoo bixisay deeq tabarucaad oo


dhamayd $3,000 waxaanay gudoonsiiyey maamulka iyo
masuuliyiinta dugsiga sare ee Ilays. Lacagtaasi oo lagu dhisi

Shirkadda TELESOM ayaa ugu dambayntii waxay deeq lacageed


oo dhan $3,500 ugu deeqday Dhismaha Buuntada xaafada
Maandeeq ama Ex-Libaaxyadda halkaasi oo ay ku ooli jirtay
Buundo la dhisay labaatan sanno ka hore dhibaato badanna ku
haysay dadka degan xaafadaasi gaar ahaanna xiliyadda roobabka.
Goobta lacagta lagu kala gudoomaayey waxaa ka hadlay Madaxa
Waaxda Xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda TELESOM Md.
Maxamed Cabdi Darbo waxaanu sheegay in shirkadda Telesom
ay biirashkan kaga qayb qadan doono lacag dhan $3,500.
Gaashaanle Dayib Cismaan Caalin oo ahaa Taliyihii hore ee
Laanta Socdaalka Somaliland oo ka mid ah Guddida dhismaha
waddadan
ayaa
shirkadda Telesom
uga mahad-naqay
tabarucaadkan
ay
kaga
qaybq a a d a n ays o
d h i s m a h a
b u u n d a d a n ,
waxanu ka waramay
dhibaatadda
ay
xaafada
Maandeeq
ku
qabtay intii uu burbursanaa biriijkani. Gaanshaale Dayib
ayaa sheegay in shirkadda Telesom ay ugu soo dheeraysay
dalabaadkii ay guddidu u gudbiyeen meelaha kale.

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

Jan - April 2015

15

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

Telesom oo Maal-galisay Wajiga Labaad ee Mas

argeysa (Telesom-06.04.15)
Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga
ah ee Telesom ayaa daah-furtay
wajiga labaad ee Mashruuca
Caruurta la nool Cudurka Macaanka.
Mashruucan oo ay fulinayso Xarunta
Daryeelka Caruurta Macaanka Qabta ee
Global Polyclinic ee magaalada Hargeysa.
Shirkadda Telesom waxay Mashruucan
bixin doontaa daawooyinka la siin doono
120 caruur ah muddo hal sanno ah.
Xafladan Daah-furka wajiga labaad
ee mashruucan oo ka dhacay huteel
Summer Time ee magaalada Hargeysa
ayaa waxaa ka soo qayb-galay Wasiir
Ku-xigeenka Warfaafinta Somaliland
Marwo. Shukri Xariir, Gudoomiyaha
Guddida Dhakhaatiirta Somaliland Dr.
Cabdirashiid Axmed Xaashi, Agaasimaha
Daladda
Dhalinyaradda
SONYO
Siciid Maxamed Axmed, Maamulka
Xidhiidhka Dadweynaha ee Shirkadda
Telesom, Maamulka Cusbitaalka Global
Polyclinic iyo qaar ka mid ah Waalidiinta
caruurta la nool cudurka Macaanka.

haynaa 120 caruur ah markaa waxaan


odhan karaa waa arin aad u weyn
waana firkir anaga naga yimid anaga oo

Dr. C.risaaq Yuusuf C.laahi


Agaasimaha Global Polyclinic
halkan aad iyo aad ugu mahadnaqeyna
Shirkada Telesom oo naga haqab tirtey
dhamaan wixii daawooyin iyo wixii kale
ay u baahneyeen caruurtani, waxaa
kale oo iyaduna farxad leh in maanta
ay Shirkada Telesom ay mar kale noo
fidisey in mar labaad muddo sanad ah
ay hawshaasi halkeedi ka sii socoto
sidaai waxaa yidhi Agaasimaha Guud
Global PolyclinicDr. Cabdirisaaq Yuusuf.
Madax
Waaxda
Xidhiidhka
Dadweynaha Shirkadda TELESOM
Maxamed Cabdi Darbo waxaana ayaa ka

Ugu horayn xafladan waxaa ka hadlay


Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka
Global Polyclinic Dr. Cabdirisaaq Yuusuf
Cabdilaahi Axdar waxaanu ka hadlay
mashruucan taakulaynta caruurta la nool
xanuunka Macaanka waxaanu sidoo kale
mahadnaq u jeediyey Shirkada Telesom,
hadaladiisiina waxaa ka mid ahaa, In
muddo ah waxaanu wadney hawshan in
la taakuleeyo Caruurta qabta cudurka
Maxamed Cabdi Darbo
macaanka ee ka soo jeeda qoysaska aan
Madaxa Waaxda Xidhiidhka Dadweynah
tahli kareen in ay helaan dawooyinka iyo
waxii ay u baahan yahiin. Waxaa aanu ku hadlay kaalinta shirkadda ku leedahay
bilowney 50 caruur ah maantana waxaa mashruucan samafalka waxaanu yidhi,
aanu diwaan galinay oo aynu gacanta ku Waxaan odhan lahaa bulshadeenu waa

16

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

qaar baahiyo badan qaba arintan caruurta


yaryar ee maacanka qabtaana waa mid
anaga haddii aanu nahay Telesom aad
noo damaqdey markii uu noo yimid
Dr. Cabdirisaaq maamulaha Cusbitalka
Global nagana codsadey in arintaasi wax
kala qabano ayaanu hadii aanu nahay
Shirkada Telesom goaansaney in aanu
wax ka qabano waxaan halkan aan maanta
ka cadeynaaya in mar labaad Shirkada
Telesom iyada oo rabta shacbigeeda in
ay wax ku soo celiso in ay mar labaad
bilaabeyso Wajiga labaad ee dawo siinta
iyo kaafalo qaadashada caruurtaas
yaryar ee macaanka la nool, Sidaasi
waxaa yidhi Md. Maxamed Cabdi Darbo.
Md. Darbo ayaa intaasi raaciyey in
shirkadda Telesom ay markastaba u
heelan tahaay bulshadeeda waxaanu
shirkaddu kharashaka waxbarashadda
ka bixiso sanad kasta 10 arday oo wax
ka dhigta Jaamacadda Hargeysa iyo 10
arday oo wax ka barta dugsiga Sare ee
SOS oo ka soo jeeda dadka dhaqaalaha
qoyskoodu hooseeyo. Waxa kale oo
uu sheegay in Shirkadda Telesom ay
sidoo kale kafaalo qaaday 35 caruur ah
oo aan lahayn aabaha iyo hooyadda
kuwaasi oo ay shirkaddu guri uga iibisay
xaafadda Xawaadle ee Degmadda
Kood-buur. Shirkadda Telesom ayaa
caruurtan wax kasta oo ay baahdaan
noloshooda siin doonta ilaa inta ay ka
gaadhayaan 18 jir noloshooda ku filan.
Agaasimaha Daladda Dhalinyaradda
Somaliland ee SONYO Md. Sicii Maxamed
Axmed ayaa tilmaamay in daladda SONYO
ay ka qayb-qaadan doonto caawimadda
caruurta qabta macaanka waxaanu
yidhi isagoo arimahaasi ka hadlaya,

Jan - April 2015

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

shruuca Caruurta La Nool Cudurka Macaanka


Shirkadda Telesom waxaan isleeyahay
waxay ku suntan tahay halgankaa dib
u dhiska dalka Ilaahayna waxaan ka
baryahaa inuu shirkaddaasi ka dhigo
mid runtii jirta oo waarta, sidaa ay imika

Siciid Axmed Maxamed


Agaasimaha SONYO
ugu mashquulsan tahay` horumarinta
bulshadeedana runtii joogtaysa aad iyo
aad bay shirkadda Telesom ugu mahadsan
tahay. Cabdirisaaq iyo saaxibkay Dr.
Bashiir iyo dhakhaatiirtaasina waxay
geesteen wax weyn oo aan Ilaahay
uga baryaaho inuu ka jasaaI siiyo.
Sidaas waxaa yidh Agaasimaha SONYO
Siciid Maxamed waxaanu intaasi
ku daray in Daladdda SONYO
ay
garab joogsan doono cusbitaalka
samayna doonaan shirar hawleedyo
ay ku taageeri doonaan cusbitaalkan.
Dhinca kale munaasibadan ayaa waxaa
ka hadley Gudoomiyaha Dhakhatiirta
Somaliland Dr. Cabdirashiid Xaashi Cabdi
ayaa shirkadda Telesom iyo maamulka

Dr. Cabdirashiid Xaashi


Gudoomiyaha Ururka Dhakhaatiirta
cusbitaalka Global Polyclinic uga mahad
celiyey kaalinta ay u istaageen waxaanu
xukuumadda ugu baaqay in sida
shirkadda Telesom oo kale ay sanadkii ay
miisaaniyadda ugu daraan sidii caruurta
macaanka qabta loogu heli lahaa in
daawo ku filan loo helo. Waxa uu sidoo
kale ugu baaqay bulshadda qaybaheeda
kale in ay u istaagaan sidii ay dadkooda
xanuunsanaya u gacan siin laayeen.
Dr. Cabdirashiid Xaashi ayaa tusaale u
soo qaatay in dad gaalo ahi oo maalqabeen ahi ay dadka ku nool waddama
dunidda saddexaad ay ugu deeqaan

xoolahooda. Dhakhtarka ayaa bulshadda


ugu baaqay in xoolaha ay uruurinayaa
iska daayaan oo ay bulshadooda kuwa
baahan wax ugu qabtaan, maadaama
xabaal laga wadda galaayo oo qofka
xoolihiisu aanay qabriga u raacayn.
Dhanka kale waxaa iyaguna madasha
ka hadlay qaar ka mid ah
waalidiin
caruurtoodu
qabaan cudurka macaanka
waxaanay si wayn ugu
mahadnaqeen
shirkadda
Telesom
iyo
maamulka
Cusbitaalka
Polyclinic.
Waalidiinta ayaa qaarkood
sheegeen in caruur ay
dhaleen ay hore ugu dhinteen
cudurkan macaanka taasi
oo ay ugu wacnayd aqoon
laaan ka haysatay cudurkan
iyo sida loola tacaalo. Waalidiinta ayaa
ka sheegeeyey muddadii lixda bilood
ahayd ee cusbitaalka Global Polyclinic
ay ku xidhnaayeen inay wax badan ka
barteen sidoo kalena ay awoodeen in ay
xakameeyaan joogtaynta heerka la ogol
yahay in heerka dhiiga
macaanka Ilmuhu joogo.
Ugu
danbeyntii
waxaa madasha ka
hadashay wasiir ku
xigeenka
wasaarada
Warfaafinta Dhaqanka
iyo
Waciyi
Galinta
Somaliland
Shugri
Xariir Ismaciil waxaana
ay
tilaamantey
in
arintani ay tahay mid ku
dayasho muddan looga
baahan yahay shirkadaha waaweyn ee
Somaliland ka jira in ay arintan gacan ka
geystaan waxaanay tidhi, Waxaan filayaa
kulakan maanta in uu yahay kulankii

Shukri Xariir Ismaaciil


Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta

Bashiir oo ka socda Cusbitaalka Global


waxaa kale oo iyaduna aanu aad ugu
mahad celineynaa Shirkada Telesom
oo iyadu markasta ka dhex muuqata
sidii loo dabooli laha baahiyaha ay
qabaan bulshadeen Jicilcsan. Waxaan
idin leeyahay wax kasta oo bulshadiina
u qabteen waa wax idinka horeeya

Ilaahayna ajar iyo xasanaad ha idinka


siiyo. Barnaamijkani waa mid ah sidii
loo tageeri lahaa waxna looga qaban
lahaa cudurkaas bulshadeena aafeeyey
ee macaanka. Cusbitaalka Global Ilahay
khayr ha ka siiye waxaa ay iska xil saareen

sidii ay arintaasi ina wada taabatey wax


looga qaban lahaa Sidaa waxaa tidhi
Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada War
Faafinta Dhaqanka Iyo Waci-galinta
Somaliland Marwo Shugri Xariir Ismaciil.

Dr. Bashiir

labaad ee aynu iskugu nimaadno aad iyo


aadna waxaa aynu ugu mahad naqeynaa
cida iska xil saartey arintan iyada ah ee
ay ugu horeeyaan Dr. Cabdirisaaq Iyo Dr.

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

Jan - April 2015

17

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

Wargayska Caalamiga Ah ee New York Times Oo Wax Ka Qoray


Kaalinta Uu Adeegga ZAAD Kaga Jiro Koboca Dhaqaalaha

aweenku
waxay
udub
dhexaad u yihiin maamulka
dhaqaalaha qoyska, waxaanay
kaalin laxaadle kaga jiraan
dhaqaalaha bulshooyinka guud ahaan
marka laga eego dhinacyada qorshaynta
iyo maamulidda dhaqaalaha qoyska, ka
qaybqaadashada kobcinta dhigaalka
qoyska.
Kaalintaasi ay haweenku ku jiraan waxa
dhiirigelin weyn siiyay, una noqday
hanaan xisaabeed oo ay dhaqaalahooda
ku maamulaan adeegyada maaliyadeed ee
electrniga ah ee moobilka, waxana tusaale
fiican loo soo qaatay Adeegga Shirkadda
Telesom ee ZAAD Services, sida lagu
sheegay Maqaal ay 1-dii April, 2015
Wargeyska New York Times ku qortay
Melinda Gates oo ah xaaska maalqabeenka,
mulkiilaha shirkadda Microsoft ee Bill
Gates, maqaalkaas oo ciwaankiisu ahaa:
Cellphones for Women in Developing
Nations Aid Asent from Poverty Iyadoo
horena uu Bill Gates adeegga ZAAD ee
Somaliland ka amaanay shir caalami ah.
Maqaalku waxa uu sawir fiican ka
bixinayaa muuqaalka nolosha dhaqaale
ee haweenka dunida soo koraysa ku
nool ee aan lahayn Bangiyada, kuwaas
oo lacagtooda ku kaydsada barkimada
hoosteeda ama meelo aan aamin ahayn,
warwar badan ayaa xilli kasta ka haysta
in uu tuug ka qaato ama xitaa cid kamid
ah qoyskeeda oo aan masuul ahayn.
Arrintaasi waxay muujinaysa cid kasta oo
aan adeeg maaliyadeed lahayn inay nolol
adag ku nool yihiin, maadaama aanay si
hufan u maamulan karayn dhaqaalohooda,
mustaqbalka noloshoodana aanay kayd u
samaysan karin.
Maqaalku waxa uu sheegay in adeegyada
maaliyadeed ee mobile-ka ku dhisani ay
suurta galiyeen in dad 2 bilyan oo qof oo
dunida soo koraysa ku nooli inay Baan
yeeshaan, malaayiin qoys oo faqri ku
noolaa inay ka baxaan iyo in dhaqaalaha
dalalkaasi uu horumar la taaban karo
sameeyo maadaama adeegyada maaliyadeed
ee Moobilka, sida ZAAD-ka oo kale, ay si
isku mid ah u taabanayaan qaybaha kala

18

duwan ee bulshada dhaqaalaha doorka


wayn ka ciyaara, gaar ahaan Haweenka.
Melinda Gates waxay xustay in
teknoolajiyadda Mobile-ka lacagta loo
adeegsadaa in uu si wayn u korayo,
waxaanay tusaale u soo qaadatay
adeegyada ZAAD ee Somaliland Iyo
BKASH ee Bangladesh.
Adeegga ZAAD ee shirkadda Telesom
waxa uu kamid yahay tusaalayaasha
dunida ee dhinaca horumarka adeegyada
Mobile-ka lagu isticmaalo lacagta, sida
in la isu diro, wax lagu iibsado ama lagu
kaydsado; iyada oo bulshada Somaliland ee
uu ka dhex shaqeeyaa ay in badani yihiin
qaar aan waxba qorin waxna akhriyin isla
markaana aanay hore uga jirin adeegyo
maaliyadeed oo bulshadu ku tiirsan tahay.
Kaalinta uu ZAAD ka qaatay u fududaynta
Haweenka Somaliland inay helaan adeegyo
maaliyadeed iyo qaababka ay shirkadda
Telesom ugu bixisay fekerka habka
haweenka loogu fudadayn karo ayaa ah mid
dunida si wayn uga dhex muuqatay, taas
oo saamayn toos ah ku leh koboca dhaqaale
ee dalka waana sababta ay Melinda Gates
ugu soo qaaday maqaalkeedan NY Times
ay ku qortay. Adeegga ZAAD waxa
fursad u siiyay haweenka Somaliland inay
yeeshaan Baan oo Mobile-koodu u noqdo si
ay dhaqaalahooda ugu maamulan karaan
si hufan, ugu kaydsan karaan lacagtooda

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

islamarkaana si hawl yari iyo kharash ah


ay danahooda dhaqaale u fushan karaan.
Faaiidooyinka ZAAD uu Bulshada u soo
kordhiyay waxa ka mid ah in uu yareeyay
kharashaad badan oo kaga bixi jiray in ay
dadku u safraan si ay lacag isugu tebiyaan.
Waxa kale oo uu bulshada miyiga &
magaaladaba u suurtogeliyay in uu ka
qaaday werwerkii ka haystay ilaalinta
lacagta, waxana uu u noqday aalad u
keentay in ay ka gamaan lacag ka lunta
ama laga xado. Waxa kale oo uu shirkadaha
& ganacsiyada u suurtogeliyay in uu ka
dhigo nidaamyadooda xisaabeed mid hufan
oo leh qoraal sugan oo ay tixraacaan.
Adeegga ZAAD uu wax weyn ka beddelay
nidaamkii xawaaladaha Dibadda, iyada oo
qofka leh ZAAD uu si fudud moobilkiisa
ugu helayo lacagaha looga soo diro daafaha
Dunida.
Ugu dambayntii, maqaalku waxa uu
qeexayaa mustaqbalka dhaw in dhaqaalaha
dunida soo koraysaa uu si wayn ugu
xidhnaan doono adeegyada maaliyadeed
ee electronig-ga ah (Digital Financial
Services) bulshooyin-kuna ay ku kala
tagi doonaan sida ay u maalgashadaan
adeegyadaas
ugana
faaiideeyaan
adeegyadaasi maaliyadeed qayabaha kala
duwan ee bulshada ee kaalinta wayn ku leh
koboca dhaqaalaha oo ay haweenku kamid
yihiin.

Jan - April 2015

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

Jan - April 2015

19

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

Shirkadda Telesom oo Si Weyn uga Qayb qaaday Ololaha


Nadaafada Dalka

argeysa (Telesom07.04.2015) Shirkadda


Isgaadhsiinta
Casriga
ah ee Telesom waxay
si weyn uga qayb qaadatay
ololaha nadaafadda qaranka
waxaanay
dhamaan
shirkaddu ka fulisay
ololahan
goboladda
dalka
oo
dhan.

bilicda magaalada wax weyn ka


tari kara, waxaanu ku baaqay in la
joogteeyo arimaha sidan oo kale
ah ee bulshaddu ay sida wadda
jir ah uga qayb-qaadanayso.

Shirkadda
Telesom
ayaa
dadweynaha
magalaada Hargeysa
kala qayb qaadatay
nadiifinta
xaafada
State House oo ah
xaafada isku raran ah
oo ay ku nool yihiin
dadka danyarta ah.
Shirkadda
Telesom
ayaa
dadweynaha
u
xaafada State
House ugu Waxaan
deeqday
Kaaryoonayaal, madaxweynaha
majarafado iyo faralay waxaanay
si fudud oo dhakhso badan uga
nadiifiyeen xaafada State House.
Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha
ee shirkadda Telesom Maxamed
Cabdi Darbo ayaa ka hadlay hawlgalkan shirkadda Telesom kaga
q a y b qaadatay
maalinta
ololaha
nadaafada,
waxaanu
sheegay
i n a y
muhiim
tahay
in
shirkadda
Telesom ay
bulshadeeda kala qayb qaadato
dhamaan dhinacayada horumarka
dalka, waxaanu ku tilmaamay
hawsha ololaha nadaafadda ee
xukuumaddu ku dhawaaqday inuu
yahay wax weyn oo saxafadda iyo
20

mahadnaqayaa
Jamhuuriyadda

Somaliland
Axmed
Maxamed Maxamuud
Siilaanyo oo runtii arkay
baahida nadaafadu iyo
qiimaha ay dalka ugu
fadhido oo maanta
iclaamiyey
in
laga
wadda qayb qaato oo aan loo
kala hadhin, Shirkadda Telesom
iyadoo ka jawaabaysa dareenkaa
madaxweynaha waxay olole ka
qaaday xaafadda Statehouse
oo dad danyar ahi dagan yihiin

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

oo muruq maala isla markaan


xashiish badan leh inay shirkadda
Telesom ka qayb qaadato uguna
deeqdo qalabkii Sidaasi waxaa
yidhi Maxamed Cabdi Darbo
M a d a x a
Xidhiidh
Dawladda
ee Shirkadda
Telesom Cali
Maxamed
Saalax (cajab)
oo isna ka
hadlay kaalinta
ay shirkadda
Te l e s o m
ku
lahayd
ololahan
nadaafada
Qaranka ayaa
sheegay in shirkadda Telesom
ay olole nadaafadeed ka fulisay

xaafada State House oo u baahnayd


in aad looga shaqeeyo. Muddane
Cajab ayaa u mahadnaqay
dhamaan dadka ka qayb-qaatay
ololahan nadaafada ee dalka.
Guddidda
Haweenka
ee
xaafadda State House-ka ayaa
si weyn uga mahad-celiyey
shirkadda Telesom qalabka ay ku
caawisay ee lagu nadeefinaayo.

Jan - April 2015

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

Telesom oo Maal-galisay
Tartanka Quraanka Kariimka
ee Telafishanka Universal

argeysa - (Telesom23.03.2015) - Shirkadda


Isgaadhsiinta
Casriga
ah ee TELESOM ayaa
ka qayb qaadatay maal-galinta
tartanka Quraanka kariimka ah oo
ka socda Telafishanka Caalamiga
ah ee UNIVERSAL. Tartankan oo
ay ka qayb galeen dhalinyaro ka
socday madarasadaha magaalada

Hargeysa.
Tartankan ayaa todobaadkii laba
maalmood lagu qabtaan xarunta
Telafishanka Caalamiga ah ee
UNIVERSAL waxaana iska kaashada
Talafishka Universal, Shirkadda
Telesom iyo Wasaaradda Diinta
iyo Awqaafta Somaliland.

Telesom oo Qalab Koombuyutaro ah Ugu Deeqday


Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA

argeysa - (Telesom01.04.2015)
Shirkadda
Isgaadhsiinta Casriga
ah ee Telesom ayaa ugu
deeqday Ururka Suxufiyiinta
Somaliland SOLJA qalabka
koombuyuutaro
ah
oo
dhamaystiran. Qalabkan ayaa
ka koobnaa toban koombutar
oo ay la socdaan miisaskoodii
iyo kuraastoodo.

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

Qalabkan waxaa si rasmi ugu


wareejiyey
gudoomiyaha
SOLJA
Maxamud
Cabdi
Jaamac (Xuuto), Xidhiidhiya
warbaahinta
Shirkadda
Telesom Yaasiin Nuur Mooge
iyo madaxa Warbaahinta
Telesom Maxamed Ibraahin
uu shirkadda Telesom uga
wakiil ahaa gudoonsiinta
qalabka ururka SOLJA.

Jan - April 2015

21

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

22

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

Jan - April 2015

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

Jan - April 2015

23

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

Hayadda Geeska Afrika oo Dadweynaha Degmooyinka


Magaalada Hargeysa u Qaybisay Sakadda Shirkadda Telesom

argeysa
(Telesom-09.04.2015) Hayadda Geeska Afrika
ayaa u qaybisay 605
danyar ah oo ka soo kala jeeda
shanta degmo ee caasimadda
Hargeysa
ka
kooban
tahay
lacagta Sakadda
ah ee shirkadda
Telesom
ay
sanadkii dadka
danyarta
dib
ugu
celiso.

Afrika ee Sh. Maxamed Cali


Geedi iyo masuuliyiin kale.

Sh. Maxamed Cali Geedi ayaa


shirkadda Telesom uga mahadceliyeday lacagtan sakadda ah ee
ay ugu deeqday dadka danyarta ah.

Gudoomiyaha Hayadda Geeska


Afrika ee Sh. Maxamed Cali Geedi
ayaa sheegay in Haydda Geeska Dhanka

kale waxaa isagua


madasha ka hadlay
Madaxa
Xidhiidhka
dadweynaha
ee
shirkadda Teleosm Md.
Maxamed Cabdi darbo
waxaanu si kooban
uga hadlay kaalinta
shirkadda Telesom ka
ciyaarto
horumarka
Munasibadan
dalka iyo taakulaynta
lacagta
lagu
dadka danyarta ah.
gudoonsiinaayey
Waxaa uu xusay in
dadka danyarta
shirkadda
TELESOM
ah
ayaa
ka
ay ka caawiso dadka
d h a c d a y
iyo dalka dhinacyadda
dusiga Xamdaan ee magaalada Afrika ay lacagta sakadda ee waxbarashadda,
caafimaadka,
Hargeysa. Waxaana ka soo qayb- shirkadda TELESOM ay gudoonsiin dhismaha wadooyinka, dhismaha
galay madaxa Waaxda Xidhiidhka 605 qof oo dan yar ah kuwaasi Jaamacada iyo barnaamijyadda
Dadweynaha
ee
shirkadda oo iskugu jira dumar caruur danta guud ah ee bulshadda
Telesom Maxamed Cabdi Darbo, agoona haysta iyo rag waayeel iyo dawladdu ay shirkadda
Gudoomiyaha Hayadda Geeska iyo dhalinyaro ah oo dan yar ah. sida gaarka ah uga codsadaan.

24

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

Jan - April 2015

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

Maxaa Hooyada Uurka leh ku keena Dhiigkarka?


Waxaa maanta
adduunku isku
raacsan
yahay
in
xanuunka
Dhiigkarku
13% ku dhaco
hooyooyinka
uurka leh taasi
oo xaaladeedaa
caafimaad
ku Dr, Cabdirisaaq Yuusuf Axdar
keeni
karta
halis ama dhimasho ama ilmaha uurka ku jira oo
koriinkiisu gaabiyo ama uurka ku bakhtiya. Lama
yaqaano sababa keena in hooyooyinka badhna
uu ku dhaco badhna aanu ku dhicin. Waxaase
la tilmaama in ilmaha uu dheecaano sii daayo
kuwaasi oo bedela habsami u shaqaynta jidhka
hooyada gaar ahaan wadnaha iyo xididada dhiiga
kuwaas oo ay ku timaado iney cidhiidhi geliyaan
ama ay yareyaan dhiigi marayaayey dabadeeda ay
timaado calaamadaha ama xanuuno ku yimaado
xubno kala duwan oo jidhka ah.

3. Kaadida oo haddii la baadho ay protein la socdo.

Haddii xalaada hooyada lala socdo la xakameeyo


waxay sahashaa in xanuunka laga badbaadiyo
khatarihii ku iman lahaa.

Haddiise taasi ay dhici weydo waxay keentaa


in xaaladu kasii darto 5 calaamadoodna ay soo
ifbaxaan.
1. Madax xanuun daran oo hooyada yeelato oo
kiniinada madax xanuunka lagu daweeya aanay
waxba ka tarin.
2. Indhaha ama araga oo daciifa ama hooyadu
waxna arki weydo.
3. Labxada oo xanuunta

4. Kalyaha oo istaaga iyo kaadida oo lawaayo.


5. Yalaalugo iyo matag badan.

Xaaladaasi waxaa la yidhaahda xaalada dhiigkarka


khatarta ah haddii aan talaabooyin oo degdeg ah
Si loola socdo iney khatartani timaado waxaa xaalada dhiiga hoos loo dhigayana aan la qaadin
muhiima hooyo kastoo uur leh in la cabiro heerka waxay keeni karta in hooyada ay gariir yeelato
uu taagan yahay isla marka la xaqiijiyo inuu ama xiskeeda oo luma waxaanay u baahan tahay
uur jiro. Hooyooyinka aan hore u lahaan jirin maarayn degdega.
dhiigkarka waxaa uu bilaabma kala badh uurka oo
ah 20 week halka ay muddada uurku ku dhamaado Maareeynta degdega ah ee dhiigkarka.
1. Haddii heerka dhiigkarku uu yar yahay
40 todobaatanaad.
Xubnaha ay dhibaatadu ku timaado waxaa ka mida

1. Maskaxda oo uu ku yimaado faalik (Stroke)


kaasi oo keeni kara inay kala dhantaalanto
laxaadkii hooyada
2. Indhaha oo daciifa ama indho beel
3. Beer xanuun iyo calool xanuun.

4. Kelyo Xanuun iyo kaadida oo la waayo.


5. Wadno xanuun iyo laabta oo cuslaata.

Calaamada lagu garan karo waxaa ka mida ee


marka ugu horeysa ay hooyadu dareento:
1. Barar jidhkoo dhanna
lugaha.

aadna uga muuqda

2. Haddii la cabiro dhiiga oo ka sarreeya 140/90


haddii aanay hooyadu dhiigkar u lahayn.
Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

ama meel dhexaad yahay waxaa ku filan in


xaaladeeda lala socdo iyadoo la sameynayo
Cabiraad joogto ah.

2. Haddii ay xaaladu aad u adag tahay waxaa


xalku yahay in ilmaha sida ugu dhakhso badan
looga umuliyo ee suurtogalka inuu dhiigkarka
sareeyaa dego ama yaraado waxay ku xidhan
tahay in lmaha ka soo baxo uurka hooyada.

3. Waana in hooyada ay muddo 6-8 saacadood ah


lagu dhameeyo in ay hooyadaasi dhasho.

4. ka dib markay hooyadu dhasho waxay weli halis


ku sii jirtaa xaalad khatar ah 48 saacadood oo
loo baahan yahay in cusbitaalka lagu sii hayo.
5. Muddadaa ka bacdina waa iney weli sii
qaadataa dawadii dhiigkarka ilaa inta xaalada
ku soo noqoneyso halkeedii.

Jan - April 2015

25

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

Abwaan: Axmed Awgeeddi


Ammin-khayrtii ayaan dhaayaha furay
waxaan hoohaamiyey qorraxdii oo hal
fadhigeed dhulka ka goday ood moodo
gaari indho-kuulatay, cabbaar baan ku
dhaygayay saa qorraxdiiba maahee
waa Hiddo-san oo muusooneysa!
Cagahaan boorimeystey, waxaan ku
tibadey kobtey iiga gacan haadisay,
mase helin! Bogox baan u jeestey
mise waa gabadhii oo bil noqotey oo
hoggeedii madaxa la gashay, saw talo
igagama ururin inaan baadi-goobo oo
buuraha dhaadheer dhaladooda koro!!
Talaa la haloosiyaa
Hanaayaa la hojiyaa
Haraa lagu oon baxaa
Hoobaan baa laga dhergaa
Horweyn baa lagu tabcaa
Hantaa weel loo cushaa
Sengaa lagu hawl galaa
Hootaa lagu aarsadaa
Hor-fule waa lagu hirtaa
Hilbaa aqal lagu ridhaa
Hurgumo waa loo dhintaa
Hirwaa gaaf loo tumaa
Hubsiimo halbay jartaa
Hoo iyo deeq baa macaan
Markay hor illaahay tahay
Haween iyo geel dirkaba
Hiddaa lagu soo xushaa
Adduunyadu waa hillaac
Hadhkaa labadiisa gelin
Hashii gelgelmaysatiyo
Habeen iyo waa dharaar
Waayuhu ways daba hayaan
Naftana hammi baa ku ladhan
Jacaylkuna waa hawoo
Marbuu kugu hoorayaa
Haamaha cishqigeen gudhayn
Dharaarba ninbay habaan
Siduu boodheri u helay
Ayuu anna ii hayaa

26

Hiddo
Sidii hayinkuu i raray
Hoggaan buu ii tidcaday
Hayaan buu ii lalabay
Heeryuu igu qaaday culus
Sidii heemaasha lalay
Sidii habasta u gabaday
Sidii fulaha u habraday
Sidii geesiga hammiyey
Sidii heeraa cartamay
Sidii hunufaa gurxamay
Sidii heeshiga bulxamay
Sidii mawjadaha hirdamay
Hoobaan baan jirinayaa
Indhuhu laacay hayaan
Midhaha heegada ku yaal
Ayaan u halaan halaa
Inaan duulaa habboon
Daaloo hamashawdayoo
Intuu mayey soo hirdiyey
Hanjalas googoosa iyo
Daruuruhu hoganayaan
Cadceed haaneeday iyo
Libdhay gacan haadisoo
Hummaageedaan arkaa
Haddana way dhuumataa
Hareerteydey fadhiday
Haddana way iga maqneyd
Hadalkay iga gurtaa
Jawaabteedana ma helo
Hadhkeedaan fiiriyaa
Bidhaanteedana ma hedo
Hadhuubay ila dhantaa
Rugtana soomay hadhgelin
Horteydey taagan tahay
Indhuhu kuma hawl-baxaan
Haloosey ila wadaa
Hawraarsana lagama helo
Heshiis baa noo xidhnaa
Haddana himiladi ma fulin
Hilbiyo gacal baanu nahay
Misana waan kala hulleeley
Hiraabtay ila faqdaa
Hiirtii bay iga gudaa
Danteyday hoga tustaa
Hormood bay ii ahayd
Guushay ila haybisaa
Hiyiga waan kala socdaa
Dushaasaan kala hayaa
Riyaan kala haadiyaa
Cidlaan ka halaan-halaa
Hillaacaa biliglahiyo
Habkii gaaraa bidhaanka
Ayey hadba meel ka baaqday
Maqaar bay i horsidaaye
Talaabaan daba hashleeyey.
Inaan helo waan jecla

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

Hayeeshee hubanti maaha


Haddaan hiddo-samo bilcamo
Hurdada waan bogan lahaa.
Daauusoow halalacdaada
Markaad heegada mushaaxdo
Indhuhu way kugu haftaane
Maruun maad soo hilowdid
Waxaan harareemayaa
Amaba aan iga hadheyn
Bishaan hoomaayayee
Hagaag anigoon u bogan
Hogeedii iga daf tidhi
Habeenkaa iga qarshaye
Buurtii Harawiyo Gurays
Haddaan Himalaayo koro
Malaa waan heli lahaa
Waxaan la hudeecayaa
Kalgacal ay igu habtoo
Cishqaan la hidhaan hidhaa
Hingaar lama naawilee
Hanaankeediyo hubqaadka
Gashaantidan heemanaysa
Markaan helmiyeen hubsaday
Anaa soo haabo idhi
Maxaa helay heego qurux
Hibaaq sawtaan ku idhi
Habdhabo oo hawl ha sheegan
Illeyn gorgor haad ka weyn
Hareerina geed ka dheer
Gamaan kala heenso wacan
Haldhaa kacay baan qarsoomin
Haddaan asaraar la haynin
Horyaal weeyaan Gobaad
Salaan hambalyaan u diray
Hiddiyo waa gabadh qoxdiiya
Falaadkii hooyadeed
Jidkii bay haysataa
Huluulaha kuma caweyso
Habeen-qurux kuma habsaanto
Hugii dhaqankaw xideysan
Hagoog bay caan ku tahay
Magaan iyo hooto maaha
Haraayuubaan nirguhu
Hadduu aflahaar holodo
Haraatida way taqaan.
Marbaan sida haatufkii
Daruuraha halabsadaa
Marbaan hindisaha tagaa
Hulkii dayaxiyo mariikh
Marbaan hudiyaa badweyn
Marbaan hoonbaro dirtaa
Marbaan haada u faraa
Inaanaan kala hadhayen

Jan - April 2015

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

san
Marbaan halo iga maqnaa
Ka doonaa hawd guntii
Marbaan geel soo horaa
Uqaadaa hees walwaal
Marbaan hoobali bilaash
Hirwiyo dhaanto u tumaa
Marbaan haasaawiyaa
Hanaankey gobi lahayd
Shaxdiyo hindisaha degnaa
Illey hawo beenahiyo
Marbaan hinjiyaa aroos
Halqigu ii soo shiraa
Marbaan ku hawaawiyaa
Inaan telefoon ku heley
Marbaan hoosaha magaalo
Ka badhaa dul iyo hoos
Marbaan reer soo hayaamay
Wareystaa hiimse hiimse
Marbaan bahalaha hunduda
Dhammaantood habar dugaag
Marbaan heel kula shiraa
Marbaan harimacad boqraa
Marbaan hoy daya idhaa
Haddaad hebla soo heshaan
Halbaan qalayaa dubaaxa
Halawdaye meedey Haybis
Halkay jirto way ogyiine
Dadkaan ii hagar baxayn.
Darbaa igu yidhi haddeyn
Dedaal waa lagu hodmaaye
Darbaa igu yidhi hidiid
Inay habratana u dhawe
Darbaa igu yidhi hafsii
Haween waa dhabar garaace
Darbaa i yidhi lama huraan
Hotmaylada kala xidhiidh
Darbaa igu yidhii ka hoyo
Ma hayside hays haleyn
Darbaa yidhi hays hawirin
Hankaagaa buur koraye
Darbaa yidhi lama hadree
Ka toos hurdo yoomal kahaf
Darbaa yidhi kuma habanid
Wadaadoow hoodo-badan
Darbaa yidhi hadal nacoo
Waxaad maal hidin kartiyo
Aduun iyo halabo keen
Darbaa igu yidhi ku hiil
Midii hoos uga yarayd
Habaar waa debed ku idhi.
Habluhu way badan yihiine
Tolow inantaan holodo
Maxaa loo hadal hayaa
Darteed qaar baa hengelen

Darbuu habayaa wadnuhu


Darbaa hononoay saq dhexe
Darbaa hoorsaday gacmaha
Darbaa hililiqey ilmada
Darbaa hanaq goay jarmaad
Darbaa halabsaday fardaha
Dabaa u habsoobay ciil
Darbaa hindiwaasayoo
Darbaa habarwacasho yimi
Darbaa halacsaday bidhaan
Darbaa hadrayoo dhadhabay
Naftooda darbaa hawirey
Darbaa haahida sunsumay
Darbaa hoohlaha dhunbahay
Hadeyti darbaa dhanqalan

Hacoo bay ii qabaane


Marbaan heegmaa difaac
Marbaan hootada rogtaa
Marbaan hankakoobsadaa
Mageyno raga igu haysta
Marbaan hadateediyaa
Marbaan haansaab idhaa
Marbaan huudha u qoraa.
Hibatiyo uur-guluuluc
Hinfaadhay kugu dilaan
Hilaab oy waxa lahaa
Ninkii libin laga hayaa
Hanuun waa laga qarshaa
Ninkii hilin waaq ka luma
Malaa hadimooy nin falay
Hoobaaq kama baaqsan karo
Hagaas baan moodey faras
Hayeys baan moodey roob
Haadaan baan moodey daw
Hawaan dabaq moodey dheer
Halaanjaan moodey warac
Gabnana maxaan moodey horey
Illeyn dhalanteedku hogol
Humaaguu uga egyahay
Sidee baan hagal abaar
Hirdoogleh u moodayaa
Wixii mar la halacsadaa
Hubsiimo u baahanaa
Waxaan halka uga socdaa
Raggii ii hiilin laa
Ayaa igu gabay halkooda
Badhbey hoosaasinaaya
Badhbaa i habaabinaaya
Badhbaa haaheey igu saba
Badhbaan ila hayn wadaanta
Badhbaa hagarbiga iska jecel

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

Jan - April 2015

Badhbaa i hal gaadayoo


Hinaase badhbaa ku maqan
Haweenba midaan suntaday
Badhbaa heensaha u xidhan
Badhbaa hindisahaba moog
Ciyaayir inaan u heesay
Badhbaa huuhaa u qaba
Halyeeyadii ila safnaa
Hoheey saaxiibaday
Sidee baan ugu hungoobay!
Darbaa xididkood hagrada
Darbaa hiifoo dagaala
Huroow gabadhay qabaane
Haddii hibo lay nikaaxo
Hilaan furi laa amaana
Xariir baan huwin lahaa
Haleeley maali leyd
Hansaan ka ilaalin laa
Hadh-qoodaarkiyo duleedka
Ayey hooshaari leyd
Habkii wiil curad sidii
Haboo soo daadah baro
Ha dhicin baan odhan lahaa
Naftaan u hibeyn lahaa
Xajkaan u hawalin lahaa
Hafriin iyo harag shabeel
Huf iyo been kuma qabeen
Qalbiga may ka halwateen
Hinaasana may dudeen
Hanfade waa xilo bilaale
Huudh iyo qaariyo budh weyn
Hangoolada lama dhaceen
Huq iyo ciil lama derseen
Asaageed kama hadheen
Cadaawana muu holeen
Haydaarana may qabteen
Wadeecana may hesheen
Holoobana muu jireen
Warkaba aan kala hufee
Wuxuu ku hakaday goaan
Hadday hanadadi janteen
Amaba lagu wada hirdamay
Bilaash baa loo huqdaye
Hoobaan waa gumaradey
Haddeer iyo shalay haddaa
Illaa meeshiyo habtii
Intaan haabiilba dhiman
Caynaanka anoow hayoo
Foolaad mugga waan hantiyi
Hibada eebaa baxshee
Ninkii hungureynayoow
Hannee lama jaariyee.

27

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

TECHNOLOGY-YADA IYO
XAWAALADA CASRIGA AH
(Adeegga ZAAD Ee Shirkadda Telesom Iyo Kaalintiisa Xawaaladda Dibadda)
Qore: Cabdisamad Xasan Hirad
Daraasad uu sameeyey Baanka
Aduunku ayaa waxay hoosta ka
xariiqday mugga xawaaladda
bulshada aduunka iyagoo ku
qiyaasay 582 billion inay gaadhay
sanadkii 2014. Bulshooyin-ka
lacagta ugu badan isu diraa
waxa ka mida Afrikaanka ka
shaqaysta wadamada horumaray
oo soomalidu qayb muhiima ka
tahay.
Hadaba, qaabka ay dadku
lacagta isugu gudbiyaan oo ah
qaabkii hore
traditional
ayaa waxaa
in badan laga
fakaray sidee
ugu
fudud
ugu dhakhso
badan uguna
aaminsan ee
lacagta
loo
gaadhsiin
k a r a a
macmiilkii
l a h a a
(Beneficiary)?
Suaashaas in
la iswaydiiyo
waxa
qayb
muhiima
ka
qaadatay Technology-ga casriga
ah ee maanta aduunku haysto
iyadoo kolba loo isticmaalo
baahida taagan ee muhiimka ah
oo ay ka mid tahay adeegyada
lacag isu-dirista maadaama
xawaalada traditional-ka ah
dadka dhib badani ka haysatay
dhanka u doonashada meel ka
fog oo lacagtii loo soo diray ay
u doontaan, kuyuu dheer oo ay
galaan iyo wakhti badan oo kaga
luma.

28

Hadaba, dalkeena waxa ka hana


qaaday adeegyada dunida soo
koraysaa sida wayn ugu nasatay
dhinacyada dhaqaalaha oo loo
yaqaano ZAAD Services kaas
oo casriyeeyay qaabka ehelka
isjeceli ay isugu diri karaan
lacagta
xawaalada
dibada.
Adeegga ZAAD ee Xawaaladda
dibaddu waa nidaam casri ah oo
lacagta xawaaladaadu ay kuugu
imanayso goobkasta oo aad ku
sugan tahay iyadoo kuugu soo
dhacaysa MOBILE kaaga.

Hadaba macmiil ka faaiidayso


oo hadii aanad ZAAD lahayn furo
hadii aad leedahayna u sheeg
ehelkaaga dibada in kuyuugii
laga raystay oo Mobile ka lagu soo
diri karo lacagta laguu soo dirayo
arintan waxay xataa faaiido
u tahay dadka dibada jooga
oo lacagta markay dirayaan
ka warwar laaanaya oo si ay
hubaan u gaadhaysa ehelkoodii
ay u wadeen lacagta sidoo kale
waxaa jira shuraakooyin ku

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

shaqaysta nidaamkan oo ay ka
mid yihiin xawaaladaha TAAJ
Express, TAWAKAL, World Remit
iyo BAKAAL.
Sidoo kale waxaad Mobile-kaaga
ka diri kartaa lacag xawaaladeed
oo dalka iyo dibadaba ah
adigoo isticmaalaya adeega
ZAAD waxay faaiido u tahay
dhamaan waalidiinta ardayda
lacagta u dira oo muddo badan
ay qaadato inay gaadho ardaygii
iyo ganacsatada wadamada
dibada wax ka iibsada dhamaan
shaqadan waxaad qabsanaysaa
a d i g o o
gurigaaga iyo
xafiiskaaga
jooga marka
ZAAD-kaaga
lacagi kuugu
jirto adeegani
w u x u u
amaan
ka
yahay khatar
kasta
oo
lacageed
maadaama
q o f k a
lacagtu
ku
soo dhacayso
aqoon fiican
loo leeyahay
maadaama
uu ZAAD leeyahay.

Jan - April 2015

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

Tababaradda Shaqaalaha Shirkadda


Telesom La siiyey

afiiska Shaqadda iyo Shaqaalaha


oo heegan ugu jira kor u
qaadidda aqoonta shaqaalaha
ayaa tababaro kala duwan siiyey
54 shaqaale ah. Tababaraddan oo ahaa
shan tababar waxaana la bixiyey intii u
dhexaysay bishii January ilaa April 2015.
Qaybahan hoose waxaanu ku soo
qaadan doonaa tababar kasta oo la
siiyey shaqaalaha kala duwan iyo nooca
tababaradda la siiyey waxaana ka mid ah
tababaran:
1. Tababarka CISCO
Tababarkan waxaa loo qabtay shaqaale
ka tirsan xarumaha Boorama iyo Burco;
gaar ahaan qaybaha IT-ga. Tababarkani
waxaa uu socday ilaa 10 maalmood
waxaana la soo gabageeyey 11 February
2015 waxaana lagu qaatay Duruus ay ka
mid yihiin: Sida looga shaqaysiiyo qalabka
CISCO, Sida loo rakibo, Sidaa loo cilad
saaro loona dayactiro.
2. Tababarka Xadhkaha Laydhka iyo
Landline-ka
Tababarkan waxa qaatay shaqaale ka
tirsan Waaxda Landline-ka. Tababarku
waxa uu socday
muddo 5 maalmood.
Waxaana ka qayb
galay
shaqaale
tiradoodu
dhan
tahay 7 shaqaale
ah.
Tababarkan
waxa lagu qaatay
casharo la xidhiidha
Horumarinta
Xadhkaha landlineka sida: Xadhka
Landline la iskugu
xidhxidho
si
heersare ah iyadoo la adeegsanaayo
qalab cusub waxaa sidoo kale lagu
tababaray shaqaalahan qalab casri ah
oo lagu ogaanayo halka uu ka ciladaysan
yahay Xadhiga Landline-ka.

C/W, Iibka, ZAAD-ka, Suuqgaynta iyo


Xidhiidhka
Dadwenaha,
Xidhiidhka
Caalamiga ah, Internet-ka & Horumarinta
Ganacsiga. Tababarku waxa uu socday
muddo saddex maalmood ah waxaana
la soo gabogabeeyey 11 February 2015.
Tababarkan waxaana ka qayb galay
shaqaale tiradoodu dhan tahay 19
shaqaale ah. Waxaa lagu qaatay duruus
la xidhiidha Aragtidda Hogaaminta,
Maamulka iyo Hogaaminta, Astaamaha
Hogaaminta toosan iyo noocyadda
Hogaaminta.
4. Barnaamijka Lagu Sameeyo Odoraska
(SPSS):
Ta b a b a r k a n
waxa
lagu
qabtay xarunta
H a r g e y s a
waxa ka qayb
galey shaqaale
tiradoodu
dhan tahay 27
Xubnood
oo
dhammaantood
ka tirsan xarunta
Hargiesa.
Tababarkani waxa uu soconayaa mudo
todoba maalmood waxaanu bilaabmay
31 March, 2015 ilaa 07 April 2015.

Waxaana ka qayb qaatay Shaqaal ka


socday Waaxaha kala ah Xidhiidhka
Dadweynaha,
Suuq-gaynta,
Iibka,
Zaad-ka, Xisaabaadka, Shaqadda iyo
Shaqaalaha,
Xidhiidhka
Caalamiga
ah, C/W, Sahaysiinta iyo Horumarinta
Ganacsiga.
5. Qaababka Ugu Wanaagsan ee Wax Loo
Suuq-geeyo iyo Isbadaladda Maamaulka
Tababarkan
waxa
lagu
qabtay
xarunta Hargeysa waxa ka qayb galey
shaqaale tiradoodu dhan tahay 23
Xubnood oo dhammaantood ka tirsan
maamulayaasha
xarunta Hargeysa.
Tababarkani waxa uu soconayaa mudo

laba maalmood (17 March 2015 ilaa


18 March 2015). Waaxaha kala ah
Xidhiidhka Dadweynaha, Suuq-gaynta,
vvIibka, Zaad-ka, Xisaabaadka, Shaqadda
iyo Shaqaalaha, Xidhiidhka Caalamiga
ah, C/W, Sahaysiinta, Ilaaladda, Internetka, Hanti-dhawrka, Landline-ka, TNI iyo
Horumarinta Ganacsiga.

3. Tababakra Hogaaminta
Tababarkan waxa qaatay shaqaale ka
tirsan Waaxaha Sahaysiinta , Shaqadda
iyo Shaqaalaha, Xisaabaadka,
TNI,

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

Jan - April 2015

29

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

BARO MID KA MID AH SHAQAALAHA TELESOM

eeq Cabdisamad Xasan Waaberi waa


mid ka mid ah masuuliyiinta sarsare ee
xarunta Telesom Boorama. Md. Deeq
waa madaxa Iibgaynta iyo ZAAD ee
xarunta shirkadda Telesom ku leedahay magaalada
madaxda gobolka Awdal ee Boorama.

Sh. Deeq Cabdisamad Xasan Waaberi waxaa intii


u dhaxaysay 1985 ilaa 1999-kii ka soo shaqeeyey
ganacsiyo kala gadisan oo isku jiray meherado uu
lahaa iyo kuwo uu shaqaale ka ahaa. Sh. Deeq
waxaa uu shirkadda Telesom ku soo biiray 2002-dii
waxaanu noqday Lacag haye iyo Lacag uruuriye.

Waxbarashadda
Sh. Deeq Cabdisamad waxaa
uu Degree kowaad ka qaatay
Shareecadda Islaamka
Jaamacad ku taalo magaalo
madaxda Pakistaan ee
Islamabad sanaddii 2002.
Sidoo kale Deeq waxaa uu
Degree culuunta Koombuyuurta
ka qaatay Jaamacadda
Eelo ee magaalada Boorama
waxaanu ka qalin-jabiyey sanaddii 2011. Sh. Deeq
Cabdisamad waxaa uu sidoo kale Postgraduate
Qorshaynta iyo maamulida mashaariicda ka qaatay
Jaamacadda Camuuud.

Shaqadda

30

2005-tii waxaa uu madax qaybeed ka


noqday GSM-ka xarunta Boorama.
2009-kii waxaa loo magacaabay
khasnajiga guud ee xarunta Boorama.
Sanaddii 2012-kii ilaa hadda waxaa
uu yahay Madaxa Iibka iyo ZAADka ee xarunta Boorama.
Sh. Deeq Cabdisamad Xasan
Waaberi waa shakhsi dadaal iyo
daacanimo badan, sidoo kale waa
shaqsi hawl-karino leh, sidaasi daraadeed waxaa
u sanaddii 2011 ku guulaystay shaqaalaha ugu
wax qabadka badan xarunta shirkadda Telesom ku
leedahay magaalada Boorama, waxaan Sh. Deeq
Cabdisamad Xasan Waaberi la gudoonsiiyey shahaado
sharafta shirkaddu ku maamuusto shaqaalaha ugu
dadaalka badan shirkadda.

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

Jan - April 2015

You might also like