Professional Documents
Culture Documents
Dhinacyadda Qarsoon Ee Suugaanta Iyo Sharaxaada Gaariye
Dhinacyadda Qarsoon Ee Suugaanta Iyo Sharaxaada Gaariye
Dhinacyadda Qarsoon Ee Suugaanta Iyo Sharaxaada Gaariye
Hor iyo horaanba aan ka cudur-daarto oo aan idhaahdo ma awoodo qalinku inuu aftahamo iyo
wax u dhaw toona ku sawiro dhaq-dhaqaaq Abwaan Gaariye caan ku yahay oo uu ku kasbaddo
daawadayaasha shucuurtooda, taasoo uu si toos ah isugu sidko oo u waddaajiyo dareenkiisa iyo
kan ka soo horjeeda xogta uu lafa-gurkeeda u dhaqaaqay.
Abwaanku, waxaa uu marka hore barnaamijkan isaga ah ku sharaxayaa Afka iyo luuqadaha kalla
duwan oo uu cadeeyay in lagu tilmaansaddo halka uu ka soo baxo (Afka iyo Carabka). iyaddoo
uu sheegay in Suugaanta iyo afku ay yihiin nimco eebaha sareeya ee hufani ku galadday
aadamaha oo ay kaga duwanyihiin noolaha kalle.
sidoo kalle, Gaariye waxaa uu sheegay in marka hore afku yahay kan xidhiidhiya aadamaha, mar
labaadkana uu tilmaan u yahay dhaqan ummadeed oo uu ka turjumo, iyadoo marka
saddexaadna uu yahay buu yidhi qalab lagu fekero. "Mar waa lagu wadda hadlaa, mar
ilbaxnimaddii aadanaha ayaa ku kaydsan. mar kalle waa lagu fekeraa oo qof dhaafi karaa ma jiro
inta kalmadood ee uu yaqaan afka ay doonto ha noqotee. Inta kalmadood ee aad taqaan
ayuunbaa Fekerkaaguna leegyahay." Ayuu yidhi,
Halkaas ayuu ka bilaabayaa, waxaana uu si mug iyo miisaan leh u dhex-dabaalanayaa suugaan
afeedka iyo noocyaddeeda, haddii ay ahaan lahayd qaababka ay u isticmaalaan xeerbeegtidu
marka geedka la joogo iyo haddii ay noqon lahay koox kasta oo ka mid ah bulshadda oo uu
sheegay inay leeyihiin oo u xushaan howshooda eraybixin ku dhisan hanaan Xaraf raac leh oo u
sahlaysa inay u xusuustaan si fuddud amuurta saameysa arrinta ay gacanta markaa ku hayaan.
Dareenadda loo maro Maskaxda aadamaha ayuu haddana raacinayaa iyo suugaanyahanadu
sidda ay ugu kalla xeel-dheer-yihiin raadaynta xusuusta ama sababta ay u kala xiise iyo
xamaasad-badan yihiin ee loo kala jeclaysto tixdooda.
qaar ka mid ah suugaantiisa ka hadasha xuquuqda dadka iyo dhibaatooyinka la dariska ah ayuu
sidoo kalle ku soo qaadanayaa Abwaan Gaariye Bandhigiisan. waxaana uu ku soo khatimayaa
murti dhalinyarranimo iyo waayihii Jacayladda uu ka hadli jiray ee hore oo gaadhsiisan illaa heer
uu wax weydiin ulla noqdo Cadceeda guudkeena ka muuqata.
Waxaa la yidhi, 'Oodo dhacameed sidda ay u kalla horeeyaan ayaa loo kalla gurraa' siddaa
darteed, waxaan Akhriste qodobaddan aynu sidda sarka xaadiska ah u dul-maray ee kor ku
xussan u soo qaadan doonaa qodob walba gaarkiisa, iyaddoo aynu ka xiganayno Abwaanka,
doorka qalinku ku leeyahayna ay tahay uun xidhiidhin...
Gaariye halkaa kaga hadhi maayo, balse waa uu sii waddayaa macneynta iyo
shaandheynta qodobkan. waxaana uu soo qaadanayaa tusaalayaal suugaaneed
oo markhaati ka ah Erayadda ujeedo badanta ah ee uu ka hadlay. maadaama
aynu aragnay in badan oo inaga mid ah oo ku muransan laba aragtiyood oo mid
waliba gaarkiisa ugu fasiray murti soo baxday.waxaana uu yidhi, "Ninbaa Beri
Xaaskiisii ku yidhi
Waan ku furayaa'. halkaad doonto ayaad ulla kacaysaa, ninkaasi isagu wuu
hadlay. markaa waxaad odhanaysaa Tolow siddee ayuu ugu fillaan waayay.
halaas ayaana nuxurku ku jiraa oo dhankii loo qaadaba waa geli kartaa, ninkiina
meel uu ka baxo ayaa u banaan oo xaal qaban maayo. annigu siddaa umma
jeedin ayuu odhan karaa hadduu doono. Eraygu waa inuu yeelan karaa wejiyo
badan, kuwan Sharcigu waa ay ku xidh-xidhayaan oo eraygoodu waa mid leh
macno kali ah.
Haddii aad tahay doqon laga barakow badan-yahay, waa duco, haddii aad nin
wanaagsan tahayna waa habaar. 'Alla Ku doori' waa halkaa meesha Subagu ku
jiro ee Abwaanka siinaysa meel uu ku ciyaari karro oo aan soo oodeyn."
la soco qaybo baddan oo ka sii mug weyn, kana xiiso baddan qodobkan....