Download as pdf or txt
Download as pdf or txt
You are on page 1of 3

Eeylyan

25/08/2010
Jh suleiman
Omane24@yahoo.com
Omane24@gmail.com
Suleiman‐jama@hotmail.com

Gabaygani wuxuu ka dhashay dood ka dhex taagnayd


Dhalinyaro reer johannesburg ah oo ka doodayey dhibaatooyinka
Ka taagan dunida carabta iyo siday u arkaan xidhiidhka aynu
La wadaagno dadyowga carbeed.
Nimankaasi waxay u qaybsanaayeen laba kooxood
Qaar xaga carabta u janjeedha iyo kuwo ka soo horjeeda.

1. Axmed maxamedow gabaygu waa hibo ilaahey'e


2. Alifkiyo higaadiyo naxwaha ereyga miisaanka
3. Anshax iyo asluub baa murtida lagu aroorshaaye
4. Aqoon weeye aan eebahay aadmi wada siine
5. Waa waxan amaah lagu heleyn iibna aan geline
6. Niman bay aduunkooda tahay lagana eegaaye
7. Ismaciil tixihi muu akhriyin aan u soo diraye
8. Erey sooma celin iyo jawaab juuqna muu odhane
9. Akhbaartiisa waan helay inuu aamus gaabsadaye
10. Adaa ururin doonoo xafidi ina dabaarow'e
11. Oon kala ilaaweyn tixaha oo adkayn kara'e
12. Emailki waan soo camiray waanad aragtaaye
13. I dhegeyso maantana tixbaan uurka ku hayaaye
14. Shalay baan asxaab madal fadhida soo ag joogsadaye
15. Aduunkay ka faaloonayeen urur ay joogeene
16. Ummadaha carbeed baa badhkood ka ashkatoodeene
17. Darna ay amaan iyo kalgacal ugu ilmeeyeene
18. Nin kastaa aqoontiisa hadal iyo ogaalkiiye
19. Oo eeda meel saar siday ula ekoonayde
20. Asaraarka iyo sheekadii laysu iman waayey
21. Ninba aragtidii buu hadlee taydi baan odhane
22. Ummadaha ilaahay khalqigu kala ayaan roone
23. Qarankii amiir wada kashbacay lagu alhuumeeyo
24. Ama boqor indho la' lagu salido waa ibtilo weyne
25. Waa waxa areebiya la hadhay tobankan aagaane
26. Abdo malaha oo gaaladay ka amar qaataane
27. Aduun bay baxshaan iyo cashuur lagu ilaashaaye
28. Istiqlaalad dhalanteed ah bay ku istareexaane
29. Waa meel inyari maamushaa qoys arimiyaaye
30. Oo odayba oday sii dhaxlaa ab iyo wiilkoode
31. Oo aan dadweynaha aftiyo erey la weydiine
32. Weligood heshiis laguma arag urur ay joogaane
33. Hadii ay israacaan midnimo lama ilaaqeene
34. Israil ma boobteen dhulkii aaminka ahaaye
35. Adyad looma laayeen ciyaar aarankii kacaye
36. Oo aqaladii lama dunsheen ay ku ababeene
37. Urdun iyo ilaa goolan hayt*laga ugaadheeye
38. Iyaguna ergey waa beryaba yurub u aadaane
39. Isticmaarki eelkaba dhigay u ashkatoodaane
40. Oo ay dacwado kula ordaan aarsan maayaane

41. Afartaa ogaalkay macnaha mays ku wada aadshey


42. Alifkaan ka qaadiyo miyaan ereygi weydaartey
43. Ninba aragtidii buu hadlee taydi baan odhane
44. Dadka waxa ehliga looga dhigay waa iskaashiga’e
45. Inay ul iyo diirkeed noqdaan maalintii adage
46. Wax ayaan daro ah waa haday kala irdhoobaane
47. Awyadan carbeed waa xayeesh lagu adeegtaaye
48. Iyagoo ujeedaa Ciraaq ooda loo rogaye
49. Oo la afgembiyey dawladii eed la'aan subaxe
50. Oo aan dib loo arag waxay madax uruursheene
51. Hubkay ku andacoodeen qarbigu* laguna eedeeyey
52. Irbad lagama helin waxay Sadaam ku inqilaabeene
53. Afgobaadsi beenay aheyd waxay abuureene
54. Iminkaa shacbigi is ogolaa kala irdhoobeene
55. Oo ururo ay kala noqdeen loo abtiriyaaye
56. Markii uu islaaxii burburay iilka loo badaye
57. Waataa ayaantii kastaba boqol la aasaaye
58. Maantana ujeedada qarbiga* waynu aragnaaye
59. Adyad bay ku haystaan Bashiir* eedo aan jirine
60. Waa wixi afgaan lagu galee loo adeegsadaye
61. Argagixiso inuu caawiyey ku ashkateeyeene
62. Markii ay tolkii aamuseen ereyna waa doore
63. Ololay la daba taaganyiin inay afduubaane
64. Aniguna ujeedada hadaan ararta soo gaabsho
65. Nin ilduufay taariikhda wuu kala ilaawaaye
66. Ma aqaan dhankaad ka aragteen ama ka eegteene
67. Arligeenu waaguu burburay aadmi lays baraye
68. Markii habaqlihii kala ambaday Iceland*kor u dhaafay
69. Oo uu atlantiyo* ka dhacay aartik* iyo meel fog
70. Arxan lagama helin reerahaad wada amaanteene
71. Intii aadey waatay tarxeel wada uruursheene
72. Oo ay ku oodeen xeryaha lagu ilaashaaye
73. Oo ubadki gaajiyo haraad ugu idlaadeene
74. Afhayeen waxaa loo noqdaa ruux istaahila’e
75. Abaartaa is barateen kuwaad u alwaneysaane
76. Meeshii salaad laga adimo lagana eedaamo
77. Ummadaha islaamkoo dhan baan ehel wadaagnaaye
78. Oo aan ikhwaan nahay walaal urur ay joogaane
79. Waxaad carab ku eexaysataan ku arki maysaane
80. Ma Albeeniyey*kaa xigaan eeylyankiyo*laaji?.

Axmed Aw Dabaare
Ismaciil Aw Dabaare
Golan heights* dhulka buuraleyda ah
Ee yuhuudu ka qabsatey Siiriya dagaalkii
1967
Qarbiga*dalalka reer galbeedka
Cumar Xasan Albashiir* Madaxweynaha
Suudaan.
iceland*dalka iceland
Atlanta*Atlanta Georgia U.S.A.
Aartic*Arctic kidhifka woqooyi ee aduunka
Eeylyan(alien) =qof shisheeye ah ama qalaad
Albania*dalka albania

You might also like