Professional Documents
Culture Documents
Dr. Cabduraxman Baadiyow: Su'aallo Iyo Jawaabo
Dr. Cabduraxman Baadiyow: Su'aallo Iyo Jawaabo
Jawaab: Xarakada Islaax waa xarako Islaami ah, Somaali ah, la asaasay bishii july 11,
1978. Fikirka xarakadaas waxaa daldhig u ah fikirka Islaamka dhexdhexaadka ah oo ay
soo nooleysay Xarakada la yiraa Ikhwaan al-Muslimiinka oo lagu asaasay dalka
Masar 1928 uuna horseedka u ahaa Imaam Xassan al-Banna ( Ilaahey ha u naxariisto).
Sidaas darteed, waxey ka dhisantahay Somaaliya in ka badan 32 sanno. Xarakadaasu
waxey ka hawlgashaa mel kasta oo Somaali degantahay ayada oo fidineysa Islaamka
dhexdhexaadka ah. Waxaa xarakada Islaax caan ku tahay ka soo horjeedka adeegsiga
dagaalaka iyo qoragga caaradiisa si loo gaaro xukunka. Waxey xoogga saartaa
nabadda, wada-hadalka iyo wada-tashiga. Waxey rumeysantahay in dalka Somalia uu ka
dhexeeyo dadka Somaaliyeed dhamaantii oo shirko siman lagu yahay. Waxey
rumeysantahay inaan ruuxna ruux kale ka sareyn, qabiilna qabiil kale ka fiicneyn,
xukunkana uga sokeyn. Sidaas darteed, waa inaan la xoogin xukunka iyo fasirka diinta
Islaamka ay dadku wada aaminsanyahay. Macluumd intaas ka badan, fadlan ka aqriso:
www.Islaax.org. Sidoo kale arag qoraalka Carabiga
http://www.scribd.com/doc/21737422/Islah-Movement-in-Somalia-Arabic-version. Ama
asga oo Ingriis ah http://www.scribd.com/doc/14642683/The-Islah-Movement-Islamic-
Moderation-in-Somalia.
Su’aasha qeybta 2aad oo ah anigu maxaan ka ahay Islaax, anigu waxaan ka soo noqday
Xarakada Islaax Gudoomiye-xigeen ka mas’uul ah arimaha dib-u-heshiisiinta iyo
jaaliyadaha dibadda. Hadda waxaan u xilsaaranahay arimaha siyaasadda iyo dib-u-
heshiisiinta. Hawsha ugu weyn oo aan ka shaqeeyo waa sidii loo soo celin lahaa dawlad
Somaaliyeed oo dalka ku soo celisa nabad iyo nolol, taas oo aan ku imaanin qoraga
caaradiisa ee wada tashi iyo isqancin ku dhisan.
2
Su’aasha qeybta 3aad oo ah in Islaax u badanyahay hal qabiil oo degta Xamar, waxaan
uga jawaabaya, Xaraka Islaax kuma dhisna 4.5 oo waa uruur ku bahoobay mabd’a.
Waxaa soo gelayaa ururkaas ruuxii mabd’issa rumeysan oo u hagaansami kara kala
dambeynta iyo nidaamka. Sidaas darteed wax micnaha uma laha ururka shaqsiyaadka
soo galaya qabiilkoodu. Waxaana dhici kartaa in degaanada qaarkood ama qabiiladda
qaarkood ku bataan xarakada, degaanoo ama qabaaiilka kalena ku yaraadaan. Laakiin,
arinkaasu ma aha mid joogto ah oo waa isbedeli karaa. Waxaa kale oo aan jirin ruux
Somaali ah oo laga takoorayo xarakada ama lagu soo dhaweynayo si gaar ah. Sidaas
ayey weligged aheed tarrikhda ururadda iyo diimaha oo dadka qaar waa raaci jireen
kuwa kalena waa diidi jireen. Tusaale, Rasuulkeyna waxaa diiday reerkiisi Qureysh
intooda badan, waxaan dacwadiisa u gargaaray oo soo dhawweyay reer Madina iyo
qabaailkii Aaws iyo khazraj ee deganaa Madiina. Markii laga soo tago hal-beegga
Somaalida oo ku dhisan reernimada kaliya, suuragal ma aha in xarako Islaami ah oo ka
hawlgeleysa dhamaan Somaaliya ay hal qabiil noqoto ama ay guuleysato hadii ku
dhisnaato qabiilnimo iyo daneysi.
Jawaab: Walaal xarakada Islaax waa xarako ka shaqeysa dacwada Islaamka. Waxey si
joogto ah u adeegsataa qaabab kala duwan ee dacwada sida muxaaraooyinka, daruusta
masaajidyada laga aqriyo, shiraarka dadka la iskugu keeno iwm. Waxaan filayaa
waxaad Xamar joogtay sanadihii 1990-1992 sida ka muuqata su’aashaada. Xarakada
hawlaheedu walaal intaas waa ka balaarteen oo waxey gaarsiisantahy tuulo kasta,
waxey xoogga saartay tacliinta si loo soo saaro fac cusub oo Somaaliyeed oo kulansada
aqoonta Islaamka, teknolojiyada casriga ah, lehna garashada saxda ah ee Islaamka oo
kasoo horjedaa in muslimiintu dhiig iska daadiyaan. Walaal xarakadu ma fashilmin ee
waxey ku talaabsatay guulo waaweyn oo la tabaan karo, wixii tabar loo waayo, ama
laga gaabiyana waa halkooda oo waxey sugeysa adiga iyo inta kula midka ah iney inta
ka soo qeybgalaan soo kordhiyaan tallo iyo hawlqabad.
3
arimahaaas ma jiraan ama waa tabar daran yihiin. Sidaas ayaa Islaax xoogga saartay
arimaas, gaar ahaan tacliinta.
Tan sedexaad oo ku saabsan Al-Xaakimiyah ( waxaa loola jeegaa in Ilaahey loo celiyo
xukunka), waa mabd’a cad oo Islaami ah oo Ilaahey qur’aanka ku cadeeyay aayadda
badan. Laakiin, sida mararka qaar ay u fasiraan kuwa aaminsan fikirka takfiirka waa ka
duwantahay Islaax. Islaax waxey aaminsantahy in mabd’a xukunka dadka Muslimiinta
marjac kama dambeysa looga dhigo Islaamka. Tafaasiisha waa arin ijtihaad weyn u
baahan oo Qur’aanka iyo Axaadista Rasuulka (SAW) kuma faahfaahisana qaabka
dawladnimada ee waxaa ku qeexan mabaa’ida dawllada Islaamka laga rabo iney
hergeliso sida cadaaladda, shuurada, sinaanta iyo xornimada aadamida. Isku soo
duuboo, waa in dawladaasu xaqiijiso maqaasidda guud ee shareecadda Islaamka.
Jawaab: Xaraka Islaax kama mid noqon dawladaha ama barlamaaka, haseyeeshee
waxaa ka mid noqday xubno ka tirsan xarakada. Farqiga u dhexeeya labadaa arin waa
in dalka Somaaliya, gaar haan dawladda qaran ayan ka jirin in talada dalka lagu
qeybsado si ururnimo ah. Waxaa lagu qeybsaday xukunka qabiilnimo iyo jabhadeyn.
Sidaas darteed Islaax waxey u ogolaatay xubnaheeda iney ka qeybgeli karaan hawlaha
la xiriira siyaasada ee nabadda ku dhisan. Sidaas ayaan xubno ka tirsan uruku ugu
jiraan baarlamaanka TFG-da. Markii la gaaro in xisbiyo la furi karo oo doorashooyin la
adi karo ayaa xarakadu hawlaha siyaasada ee tooska ah laga yaabaa iney xoog u gasho.
Jawaab: Walaal, anigu ma maqal in UN-ta iyo USA ee dawlad u soo wadaan Somaaliya,
mana u maleynayo in dawlado ajbani ah waxey dhoo-dhoobaan ay Somaali dan u tahay,
guulna looga gaari karo. Aniga iyo inta ila fikirka ah, waxaan aaminsanahay in dadka
Somaaliyeed tashadaan oo ayagu la soo baxaan inta madaxda u noqoneysa. Xarkada
Islaax waa ka qeybgeleysaa hawl kasta oo dib loogu soo celinayo jiritaanka
kaaraamada, sharafta iyo dawladnimda Somaaliya, laakiin daba–dhilifnimo dawlado
ajnabi ah iyo ku tiirsanaatooda ma aha waddadeyna. Aniguna mab’daas xalaasha ah
ayaan rumeysanahay..