Building Bridges Through Participatory Planning - Part 1 (Somali)

You might also like

Download as pdf or txt
Download as pdf or txt
You are on page 1of 161

Dhiska

Biriishyada

U Dhexeeya muwaadiniinta Iyo Dawladaha Hoose


Si ay si tayo badan u wada shaqeeyaan

IYADOO LA ADEEGSANAYO
QORSHAYNTA KU DHISAN
KA QAYBQAADASHADA

Qaybtii 1
Fikrado Iyo Istaraatiijiyo
United Nations Human Settlements Programme (UN-HABITAT)

UN-HABITAT
P.O. Box 30030, 00100 Nairobi, Kenya

Website: http://www.UN-HABITAT.org/SUDP

HS/877/06S
ISBN 92-1-131864-5

Building Bridges through Participatory Planning Part 1

The options expressed in this document are those of the authors


and not necessarily those of the United Nations.

November 2001

ii
Tusmo
Hordhac …………………………………………………………………………………………………....V

Gogol Xaadh ……………………………………………………………………………………………..VII

Cutubka 1: Muuqaalka Qroshaynta Wadaaga Ah ………………………………………………………..... 1

Cutubka 2: Sifooyinka Muhiimka Ah Ee Laga Helo


Qorshaynta Ka qaybqaadashada …………………………………………………………………………..27

Cutubka 3: Hordhac Ku Saabsan Geedi Socodka


Qorshaynta Ka qaybqaadashada. ………………………………………………………………………...51

Cutubka 4: Wajiga 1aad: Abaabulka Geedi Socodka


Qorshaynta Ka qaybqaadashada …………………….…………………………………………………….59

Cutubka 5: Wajiga 2aad Dhiska Shuraako Wax Soo Saar Leh.…………………………………………....71

Cutubka 6: Wajiga 3aad: Eegida Fog Iyo Eegida Dhow ……….…………………………………………89


Cutubka 7: Wajiga 4aad: Xaqiiqa Raadin Iyo Gorfayn ……...…………………………………………...107
Cutubka 8: Wajiga 5aad: Qorshayntu waa Jid Hawleed ……..…………………………………………..127
Cutubka 9: Wajiga 6aad: Fulinta Qorshayaasha Qiyaasida
Guusha Iyo Hawshii Oo La Wado ……………….……………………………………………………....137

iii
iv
Hordhac

Taxanaha buugaga tababarku waxa ay la kulmeen olele caalami ah oo xukunka magaalooyinka ah


oo ay qaaday hayada UN-HABITAT (xarunta jimciyada qaruumaha ka dhaxaysa ee dad dajinta).
Mawduuca ah “Cid kasta ka qaybgalin” oo muujinaya ololaha himiladiisa iyo istaraatiijigiisa ayaa
si qoto dheer uugu jira mawaadiicda iyo istaraatiijiyooyinka waxbarasho ee ay buugagani ka had-
layaan. Iyada oo loo qorsheeyay loona qoray ina ay u adeegto (waa buugaga eh) baahiyaha horu-
marineed ee hayadaha aan duwaliga ahayn iyo hayadaha bulshada, iyo hoggaanka iyo shaqaalaha
hayadahaasi, hadana waxa si joogta ah buugaga loogu gudbinayaa fulinta wixii la soo bartay iyada
oo ku dheehan ruuxdii iyo xaqaaiqdii iskaashi ballaadhan.

Waxa soo kordhaya caddaynta iyo aqoonsiga mawaadiic badan oo sharaxaya, qaabaynayana ajana-
daha magaala xukunka ee qarnigan iyo kunkan sanadood ee bishay. cid kasta ka qaybgalinta uugu
horaysaa waxa ay ku saabsan tahay in dawladaha hoose iyo bulshooyinka raba in ay hoggaamiyaan
isbadalka dhaqan dhaqaale ay tahay ina ay aqoonsadaan muhiimka ay tahay in cid kasta laga qayb
geliyo oo aan loo eegin hantidii, jinsigii lab iyo dhadig, da’dii, isirkii, mad-habtii, marka lagu jiro
geedi socodka go’aan qaadashada saamaynaysa noloshooda guud.

Arinka labaad ee in la aqoonsado ay tahay waxa weeye hoggaanka wadaaga ah oo ah xadhig dhex
ah oo dhexqaadaya hayadihii iyo bulshooyinkii. Sida fiican hoggaankaa wadaaga ihi waxa uu ku
salaysan yahay is aaminaad, wada hadal furfuran oo dhexmara dhammaan daneeyayaasha, iyo ista-
raatiijiyooyin ballaadhan oo u badalaya fikradihii wanaagsanaa iyo himilooyinkii la wadaagayay
ficil la taaban karo oo dhis adag ah.

Sida gogol xaadhka lagu sheegay, qalabkan fulinta waxbarasho ee taxanaha ihi waxa uu ahaa dadaal
ay iska kaashadeen xarunta iskaashiga Romania ee horumarinta deegaanka, hayada UN-HABITAT
(Habitat) iyo machadka bulshada madaxa banaan. Waxa maalgalinta u badan bixiyay mashruucan
barnaamijka abaabulka d/hoose machadka bulshada ee madaxa banaan, iyada oo ay taageero maali-
yadeed oo kale bixisay hayada UN-HABITAT iyo dawlada Netherlands. Iskaashiga Romania ayaa
maamulay mashruuca isaga oo hoos imanayay barnaamijkoodii gobolka ee badhtamaha iyo bariga
Europe ee ku saabsanaa tayaynta dadka xaga xukunka iyo hoggaanka deegaanka. Masuuliyaadkaa
waxa ka mid ahaa in tijaabo goobeed lagu sameeyo qorshayntii ka qaybqaadashada iyo buugagii
maaraynta iskudhacyada iyo khilaafaadka ee barnaamijkii tababarka tabarayaasha saamaynayayna
18 ka qaybqaate oo ka kala yimid 13 dal oo badhtamaha iyo bariga Europe ah iyo xubno ka tirsan
barwaaqo sooranka gobolada madaxa banaan.

Abaabulkii lagu bilaabay taxanahan buugaga tababarka ahi waxa uu ka yimid laba gobol oo caala-
maka ah oo kala duwan. Gudidii gadhwadeenka u ahayd barnaamijkii gobolka ee badhtamaha iyo
bariga Europe ee ku saabsanaa tayaynta dadka ayaa haybsoocday in maaraynta iskudhacyada iyo
qorshaynta ka qaybqaadashadu yihiin laba baahiyood oo gobolkoodu u baahanyahay xaga tababar-
ka, sidan waxay ku gaadheen doodii sanadkii 1997. waxa kale oo kulmay sanadkii 1998 kooxo


kala duwan oo ah ururo aan duwali ahayn, ururo bulsho iyo hoggaamada dawladaha hoose oo ka
kala socday dawladaha Afrikaanka ee dagan dhulka ka hooseeya saxaraha wayn, kuwaasi oo hay-
bsoocay mawduucyadan iyo qaar kale oo taxanahan ku yimid ina ay yihiin baahiyo tababareed oo
muhiim ah.

Ugu danbayntii, waxa aan rabaa ina aan u mahad naqo Fred Fisher oo ahaa qoraaga hormoodka ah
ee taxanahan iyo kooxdii qoraayada ahayd ee wehelinaysay ee loo soo xulay si ay u farsameeyaan
qalabyadan. Waxana ka mid ahaa: Ana Vasilache, agaasimaha iskaashiga Romania, oo ka maa-
raynayay geedi socodka Romania, Kinga Goncz iyo Dusan Ondrusek, oo kala ahaa agaasimayaa-
sha iskaashiyada Hungary iyo Slovakia , waa sida ay u kala horeeyaan eh, David Tees oo isna ka
qaybqaatay qoraalo badan oo la daabacay oo UN-HABITAT ay leedahay sanada badan; iyagana
tababarayaashii ka qaybqaatay tijaabo goobeedkii lagu sameeyay qalabyadan, iyo kooxdii shaqa-
alaha xirfadlada ah ee UN-HABITAT ee uu ka madax ahaa Tomaz Sudra, kuwaas oo khibradoodii
iyo waayo aragnimadoodii kusii hufay wax soo saarkii gabagabada ahaa.

Anna Kajumulo Tibaijuka

Agaasimaha fulinta

Xarunta jimciyada quruumaha ka dhexaysa Ee aadami dajinta UN-HABITAT.

vi
Gogol Xaadh
Waxa jira sheeko ka danbaysa diyaarinta qalabkan. Waxana ay mudantahay in aad waxoogaa nala
wadaagto. Sida hordhaca ku xusan mashruucani gaar ahaan wuxuu xididadiisa bilowga ah ku leeya-
hay laba gobol oo waawayn oo caalamka ka mid ah, badhtamaha iyo bariga Europe iyo lama da-
gaanka Africa dalalka ka hooseeya. Hase yeeshee dadaalka diyaarinta iyo baahinta qalabkan tabab-
areed ee sida sahlan loo isticmaali karaa waxa ay bilaabantay sanada badan ka hor markii hayada
UN-HABITAT ay ku nidar gashay ina ay keento qalab tababar oo loogu talagalay saraakiisha daw-
lada hoose ee dalalka soo koraya.

Buugagii tababarka ee taxanaha ahaa ee UN-HABITAT ee loogu talagalay hoggaanka la soo door-
tay, ee ka mid ahaa barnaamijkii tababarka hoggaanka deegaanka iyo maamulku waxa ay noqdeen
qaar si gaar ah u caan baxay. Waxa ay ka koobanyihiin 13 buug oo loo dajiyay ina ay caawiyaan
saraakiisha d/hoose ee la soo doortay sidii ay u kordhin lahaayeen aqoontooda iyo xirfadahooda
xaga kaalmaha muhiimka ah ee hoggaanka iyo xilka. Taxanahan oo ku qoran in ka badan 15 af,
waxa laga isticmaalaa dhammaan caalamka, kuma eeka isticmaalkoodu saraakiisha d/hoose ee la
soo doortay ee waxa kale oo isticmaala madaxda ururo aan duwali ahayn iyo ururo bulsheed. Markii
qaybaha bulshadu ay qaateen taxanahan ayay ku dhalatay hayada UN-HABITAT ina ay abaabusho
taxanahan.

Arimo badan ayaa ka qaybqaatay guulaysiga qalabyadan waxbarasho. Ugu horayn isticmaalkoodu
wuu dhib yaryahay. Tababarayaasha waxa lagu tababari karaa ina ay isticmaalaan qalabkan in ka
yar laba wiig, iyaga oo wiiga xiga siinaya sidii ay u qaban lahaayeen aqoon iswaydaarsiyo ay ka
qayb qaadanayaan saraakiishii la soo doortay ee matalayay dalkii martida loo ahaa ama dalalkii
ay ka socdeen tababarayaashu. Ta labaad, UN-HABITAT waxa ay dhiirisay sidii loo qaadan lahaa
qalabkan isaga oo ay ka muuqanayaan dhaqanadii, afafkii iyo waxyaalihii kale ee ay ku kala du-
wanaayeen bulshooyinka isticmaalayaa. Kooxaha isticmaalaya waxa lagu dhiiriyay ina ay isbadal
ku sameeyaan qoraalada, iyo qaabka waxbarashada iyo sida loo gudbinayo si ay u waafajiyaan
baahiyaha gaarka ah ee goobahooda. Ta sadexaad, wacyigalintii ku saabsanayd xirfadii gacanta
laga fulinayay iyadoo qalabkan la adeegsanayo waxa ay soo jiidatay dad kale oo arkayay hawlahaa
la qabtay. Madaxdii qaybaha bulshada, ee matalayay ururada aan duwaliga ahayn iyo ururada bul-
shada, ayaa iyana arkay in qalabkani faaiido leeyahay oo uu fulinayo qaar ka mid ah horumarinta
baahiyihii shaqaalahooda.

Iyada oo laga jawaabayo isticmaalka qaybaha bulshada ee qalabkan ku saabsan hoggaanka la soo
doortay iyo iyada oo si isdaba joog ah loo codsaday taageero tababareed, ayaa barnaamijka Hayada
Habitat ee tababarka hoggaanka la soo doortay iyo maamulku uu qabtay shir kooxo la soo xulay
oo hoggaamada ururo aan duwali ahayn iyo ururo bulsho oo ka soo jeeda 15 wadan oo ku yaala
dalalka Africa ee saxaraha ka hooseeya (mudadii 23-28 November 1998) si ay u gaadhsiiyaan hay-
ada Habitat baahiyahooda tababareed. Waxana kala soo qaybgalay dhawr agaasime oo dawladaha
hoose ee Kenya ka socda maxaa yeelay mawduuc soo noqnoqday oo ku saabsan tayada hoggaanka
iyo maamulka ururada aan duwaliga ahayn iyo ururada bulshada ayaa si gaar ah u taabanayay xidhi-
vii
idhka ay la leeyihiin dawladaha hoose. Ka qaybgalayaashii fadhi hawleedkaasi waxa ay ku kulmeen
Nakuru, Kenya waxana ay isku raaceen wax ay rumaysnaayeen ina ay tahay baahiyihii maamul
hore u marinta ee ururadooda. Arinkaasi oo markii danbe laga dhigay qodobo manhaj horumarineed
oo la qeexay si loo eego looguna daro fursadaha maalgalinta ee mustaqbalka.

Mudo sanad ka badan ka hor aqoon iswaydaarsigaa Nakuru, gudidii gadh wadeenka ka ahayd bar-
naamijkii gobolka ee dad tayaynta ee ku saabsanaa hoggaanka deegaanka ee dalalka bariga iyo
badhtamaha Europe ayaa haybsoocday in qorshaynta ka qaybqaadashada iyo maaraynta isku dha-
cyadu yihiin labada u sareeya uguna horeeya baahiyahooda tababareed. Iyada oo barnaamijkan gaar
ahaaneed ugu horayn looga jeedo d/hoose, baahiyihii tababareed ee ay haybsooceen waxa ay is
waafaqeen qaar ka mid ah baahiyihii tababareed ee ay haybsooceen hayadaha ururada aan duwaliga
ahayn iyo ururada bulshada ee ka qaybqaadanayay aqoon iswaydaarsigii istaraatijiga tayo aadami
dhiska ee dalaka Africa ee saxaraha ka hooseeya.

Kol hadii UN-HABITAT ay la shaqaynayso dhammaan hayadahaasi, waxa macno samaynaya in la


isu geeyo labada dadaal. Laba buug oo taxanaha ka mid ah waxa maal galinaya inta badan machad-
ka bulshada ee madaxa banaan ee Abaabulka Cusboonaysiinta d/hoose iyo adeega bulshada, isaga
oo gargaar ka helaya dawlada Netherlands oo hawsheeda soo marinaysa hayada UN-HABITAT.

Sidii Diimoqraadiyadu Uuga Hanaqaadi Lahayd Heerka Deegaanka

Habka loo soo bandhigay qalabyadan waxbarasho diyaarintoodu waxa uu diirada saarayaa wajiya
dhawr ah oo maanta caalamka ka socda. Ugu horayn suurtagalka in dhab ahaan laga xaqiijiyo
xaalad ismaamul deegaaneed caalamkan ma ay ahayn mid soo raynaysay. Dawladihii kali taliska
ahaa ee xukunka uun xaga sare ka keeni jiray ee ka jiray dalal badan oo caalamka ka mid ah ayaa
dhakhse u burburay markii ay tobonaan sano maamul xumo iyo daacad daro ka jirtay. Burburkoodii
waxa uu keenay fursado ay muwaadiniintu ay dib u dhis ku sameeyaan deegaano is xukumaya, si
ay gacanta uugu qabtaan goobtii ay daganayeen ee Ilaahay ku uumay mustaqbalkeedii iyo masiir-
keedii. Abaabulkii iskaashiga Romania ee dhisayay tayada dadeed ee d/hoose iyada oo la adeeg-
sanayo tababaro waxa ay ka tarjumaysay isbadalkaa iyo dhalagadigaa ballaadhan ee siyaasadeed ee
goboladaa. Waxa kale oo arinkani qirayaa ahmiyada ay leedahay isku xidhka dawladaha hoose iyo
hayadaha bulshada (NGO/CBO) tan oo ah dadaal lagu heleyo geedi socodkii isxukunka deegaaneed
iyo qiyamkii diimoqraadiyadeed.

Qaybaha kale ee caalamka ka mid ah ee dawladaha hoose inta badan yihiin qaar waraaqo ku xarx-
ariiqan uun, ee dhab ahaantii dawladaha dhexe geedi socodka hawlaha gacanta ku haystaan iyaga
oo diidaya in khayraadkii gacanta lagu dhigo, muwaadiniintii waxa ay noqdeen qaar aan daganayn
oo cadhaysan. Si isa soo taraysana muwaadiniintii waxa ay u dalbayaan ina ay helaan cod iyo
awood badan iyo saamayn ay ku yeeshaan sida bulshadoodu u shaqaynayso. Dawladihii dhexena
waxa ay dabciyeen gacantii ay ku hayeen geedi socodka xukunka iyaga oo aqoonsanaya ina ay ku
fashilmeen ina ay fuliyaan balamahoodii, iyo culays soo kordhaya oo ku imanaya si ay uugu daay-
aan awooda iyo khayraadka uuguna soo celiyaan dawladihii hoose iyo shabakadihii urur bulsheed

viii
ee ku xidhnaa. Hayadaha aan duwaliga ahayn iyo kuwa bulshadu waxa ay ahaayeen qaar si tayo
badan uugu qayliya dadaalkii la waday ee lagu soo celinayay geedi socodkii is xukunka deegaaneed
ee gobolo badan oo caalamka ka mid ah. Mashruucani waxa uu qirayaa xidhiidhka labada dhinacba
faaiidada u leh ee ka jira hayadaha dawlada hoose iyo guud ahaan shabakadaha ururada bulshada
(NGO/CBO)

Dadka Buugagani U Jeedaan

Waa in ay caddaato in dadka loola jeedo qalabyadan waxbarasho ay kala duduwanyihiin. Waxa
muuqda ina ay soo galayaan hadafka u horeeya oo ah hayadihii bulshada (NGO/CBO) iyo dadka
haya kaalmo maamul ama hoggaaneed. Inta badan waxa ku yimid taxanahan buugaagta ihi waxa uu
dabooli karaa oo kale baahiyaha tababareed ee saraakiisha d/hoose ama ha la soo doorto ama ha la
magacaabe eh, sidoo kale shaqaalaha d/hoose ee xirfadlayda ah ama farsamo yaqaan.

Waxa jira iyana qolo dhexe oo iyana aanu rabno in diirada waxoogaa la saaro. Waa tababar bixi-
yayaasha u adeega dawladaha hoose iyo ururada bulshada. Waxa soo galaya kuwan macaahida
d/hoose ee u xilsaaran tababarka, ururada kaabaha ah ee dalada ururada aan duwaliga ahayn, uru-
rada bulshada (NGO) ee deegaanka, ururada bulshada (CBO) ee u arka in kaalmahoodu yihiin inay
bixiyaan khibrado dhiska tayada dadka ah, hayadaha tababarka ee gaarka ah, iyo shaki la’aan dadka
qof-qofka ah ee tababarka bixiya ama la taliyayaasha ah.

Warka aanu siinayno dadkaa badan ee la filayo ina ay ka faaiidaystaan buugagan waxa weeye ina
ay noqdaan qaar wax curiya marka ay isticmaalayaan qalabkan iyo in la haybsooco fursado wax-
barasho oo u adeega dadkaa asaasiga

ah ee kor lagu xusay – iyaga oo ah qalabyada tababarka ee kuwan oo kale ahi jaajuurkii dhiska
ee asaasiga ahaa ee lagu qaabaynayay laguna gudbinayay aqoon iswaydaarsiyo xirfadeed, hadana
waxa laga filayaa aad ayuu u badanyahay. Tusaale ahaan buugagii qorshaynta ka qaybqaadashada
iyo maaraynta isku dhacyada waxa loo qorsheeyay ina ay fududeeyaan dadaalo isbadal oo qorshay-
san oo ku saabsan bulshada. Buugag kale oo taxanaha ka mid ihi waxa ay noqon karaan qalabyo
tayo leh oo caawiya hoggaanada ururada bulshada (NGO/CBO) si ay u fuliyaan barnaamijyada
horumarinta ururka. Qofka ah tababaraha / lataliyaha wax curiyaa waxa uu u arki taxanahan raxan
qalab ah oo wax badan koobtay oo uu u isticmaali karo siyaalo badan oo kala duwan si uu u qaa-
beeyo hawgalada marxaladaha kala duwan ee bulshada una daboolo baahiyihii macmiilka.

Ugu danbayn waxa taxanahani uu ka dhashay dareen ka yimid ururada seeska ah iyo madax arka in
kartidooda ay bulshada uugu adeegayaan ay toos uugu xidhantahay iyaga oo joogteeya nidargalka
ina ay waxbartaan. Waxa iyana sidaas oo kale muhiim u ah in la aqoonsado in ururada bulshada
(NGO/CBO) iyo dawladaha hoose ay masuuliyadi ka saarantahay ina ay qayrkood ku caawiyaan
ina ay waxbartaan. Suugaanta maamulka waxa ka buuxa xigasho iyo raad raac u noqonaya oo loo
celinayo hayadaha waxbarashada. Waxa aanu idinku adkayn lahayn dhammaan intiina ka qayb
qaadanaysa xogta iyo fikradaha taxanahan lagu soo bandhigay ina ay ka fikiraan fursadaha iyo ma-
suuliyadaha aad ku abuuri kartaan bulshooyin waxbarta. Waxa aad ka bilowdaan in aa ka curisaan
ix
fursado lagu isticmaalo qalabyadan tababareed kooxaha maamulka, kooxaha hawlaha ka fuliya
xaafadaha, ururada curdinka ah ee aan duwaliga ahayn, iyo muwaadiniinta qof-qof raba ina ay no-
qdaan qaar wax ku ool ah xaga adeega bulshadooda.

Dhinaca Buugan

Ujeedada buugani waxa weeye in la raadiyo waxyaalo la kala doorto oo caawin kara dadka qof-qof,
kooxaha, ururada, bulshooyinka iyo dawladaha hoose si ay u xaliyaan khilaafaadkooda inta aanay
noqon qaar faraha ka baxa oo wax burburinaya. Waxana loo adeegsan karaa buuga:

• Tababarka saraakiisha dawlada hoose, madaxda iyo shaqaalaha ururada bulshada, iyo mu-
waadiniinta danaynaya mabaadiida gorgortanka, dhexdhexaadinta iyo geedi socodyada
go’aan qaadashada ee la fududeeyo.

• Kordhinta aqoonta iyo xirfadaha dadkii horeba uuga shaqaynayay kaalmahan ee rumaysan
ina ay ka faaiidi doonaan tababarka dheeraadka ah.

• In loo qabto fadhiyo wacyigalineed saraakiisha iyo muwaadiniinta raba ina ay ka ogaadaan
wax badan fursadaha lagu maareeyo iskudhacyada ururadooda ka dhaca iyo bulshooyinkoo-
da dhexdeeda.

• In la caawiyo tababaryaasha si ay uugu tababaraan dadka kale cilmiga iyo xirfadha la xidhi-
idha hawlgalka maaraynta iskudhaca.

Fursadaha isticmaalka qalabyadan waxbarasho waxa ay ku kooban yihiin uun khayaalka kuwa
goosta in ay isticmaalaan. Iskudhacu waa mid si caadi ah looga helo bulsho kasta iyo xaalad kasta.
Dhaqanka se uu iskudhacaasi ka jiro ayaa laga yaabaa in uu u baahdo si gaar ah ama duwan in
iskudhicii loo xaliyo, taas oo keenaysa in fikradaha iyo qalbyada buugan ku yimid dib u haybn lagu
sameeyo (la waafajiyio dhaqankaa), waxana aanu kugu adkaynaynaa ina aad ka fikirto sida aad u
isticmaali karto fikradahan iyo qalabyadan ee ay wax kuu tari lahayd.

Si looga fogaado halista in laysku eedeeyo in aad loo sahlay loona yaraystay muruga barasahda
iyo fulinta farsamooyinka iyo hababka maaraynta iskudhacyada, waxa aanu rabnaa ina aanu soo
qaadano dhawaan

waayo aragnimo soo martay mid ka mid ah qoraayada. Waxa uu booqday qoraagu dugsi hoose
waxana uu ogaaday in hablo iyo inamo toban ilaa labiyo toban jir ah lagu tababaray ina ay noqdaan
qaar asaagood dhexdhexaadiya si ay u xaliyaan khilaafaadka ardayda dhexmara. Marka ardaydaa
wax dhexdhexaadiyaa ay u gudbayaan dugsi kale, waxa ay caawiyaan tababarka cidii badali lahayd,
inkasta oo aan caruurtan laga filayn ina ay noqdaan khubaro dagdag ah oo xaliya isku dhacyada
ad-adag ee ka dhaca garoomo kubadeed ama bulshada dhexdeeda, hadana waxa aynu halkan ka qa-
adan karnaa laba war oo muhiim ah. Ta hore waxa ay tusaysaa in khilaafaadkii lagu xalin karo wada
hadal iyo dood. Waxa kale oo ka sii muhiimsan, in tani ay caawinayso in la yeesho dhaqankii iyo


qiyamkii lagu xalinlahaa iskudhacyada xiliga iyo goobta ay ka jiraan, oo ay xaliyaan dadkii goob-
taa ee khilaafku khusaynayay. Xirfadihii khilaaf xalinta da’ayarta dhexdeedu waxa ay u eegtahay
maalgalin macquul ah oo mustaqbalka wax ina taraysa.

Qaybta I waxa ku jira sharax ballaadhan oo ku saabsan dhawr waji oo la aqoonsanyahay oo lagu
maareeyo iskudhaca iyo is afgaranshawaaga dhexyimaada dawladaha hoose iyo bulshda. Qorshaha
qaybta I waxa uu soo jeedinayaa ina aad xiligiiba mar istaagto si aad u milicsato wixii aad akhri-
yaysay iyo sida aad u isticmaalayso fikradaha iyo aragtiyaha aad heshay si aad hore uugu mariso,
nooca nolosha bulshadaada. Waxa ay u dhigantaa sidii oo aad wado istaagtay adoo raba bal ina aad
ursato ubaxyada wadada hareeraheeda.

Qaybta II waxa loo qorsheeyay ina ay kaa caawiso sidii fikradahaa iyo aragtiyahaa iyo istaraatii-
jiyooyinkaa loo hawlgalin lahaa. Waxa ku jira qaybtan qorshayaal tababar oo adiga iyo qayrkaaba
kaa caawinaya ina aa barataan sida loo maareeyo arinkan xiisaha leh adinka oo aan culays isa
saarin guul badana soo hoynaya. Waxana aad ka heli qalabyo aad isticmaali karto si loo maareeyo
iskudhacyada iyo khilaafaadka xaaladaha kala duwan. Tusaale ahaan is afgaranshawaagu waxa uu
ka dhici karaa qofaf ama laamaha shaqada ee ururka, d/hoose iyo ururo bulsho, ama kooxo kala
duwan oo muwaadiniin ah. Fursadaha iskudhacyadu waxa ay u eegyihiin qaar aan dhammaad la-
hayn. Noocyada iskudhaca ama khilaafka ee aad is leedahay caawi maarayntooda ayaa kuu dooraya
nooca qalab ama qalabyo ee aad u baahantahay ina aad isticmaasho. Sidaa darteed waxa aanu kugu
adkaynaynaa ina aad noqoto mid wax kala doorta.

U Arag Safarkan Mid Baadhitaan

Waxa aanu jecelnahay in loo arko waxbarashadan safar baadhitaan. Sida socdaalada oo dhan safar-
kani waxa uu ku geynayaa dhulal cusub. Xiligiiba mar waxa aanu kugula talinayaa ina aad leexas-
hooyin samayso si socodkani u noqdo mid midha badan kuna raaxa galiya marka la eego sida aad u
aragto gaar ahaan iyo baahiyaaga. Ama waxa aad goosan kartaa ina aad ka boodo qayb safarka ka
mid ah, maxaa yeelay hore ayaad qaybtaa u aragtay. Taasi anaku waxba kama qabno. Adigu, waxa
aanu door bidaynaa uun in aanad wadan rakaab safarka ka daala.

Si aanu kaaga caawino si aad faaiidada u badan safarkan aad uuga hesho, xiligiiba mar ayaanu ku
siin la taliye safar. Kuwaasi oo looga jeedo ina ay kugu baraarujiyaan xaaldaha qaar oo aanu khi-
brado hore ku ogaanay markii qalabyada lagu samaynayay tijaabo goobeedka iyo talooyinkii laga
helay dad badan oo naga caawiyay soo saaridii u danbaysay ee buugan iyo qaar kale oo taxanaha ka
mid ah. Waxa aanu rajaynayaa ina aad ku raaxaysato socdaalkan baadhitaan.
La taliyayaasha safarku sidan ayay u ekaan doonaan Ugu danbayntii waxa aanu aad
uugu mahadnaqaynaa dhammaan dadkii ka qaybqaatay hawshan oo saxeexoodu
ka muuqdo hoos, kana qaybgalay barnaamijkii tababarka tababarayaasha ee
sanadkii 2000, bishii june, markii buuga tijaabo goobeedka lagu samaynayay
Fred Fisheer
Sawir saxeexyo leh

xi
1

Cutubka
Muuqaalka
Qorshaynta
Wadaaga Ah

Isku-imaatinku waa bilaabid


Wada-joogistu waa horumar
Wada-shaqayntuna waa guul

Maahmaah Carbeed

Daymo Kooban oo ku Wajahan Milicsiga iyo Hawlgalinta Ka Qaybqaadashada (PRA) ………..3


Mabaadii’da Kusaabsan (PRA) ……. ……………………………………………………………3
Qaar ka mid ah Hababka PRA ……………………………………………………………………4
World Bank-ka iyo Ka Qayb-Galka ………………………………………………………………5
Jinsiga (Lab/Dhadig) Iyo Ka Qaybqaadashada ……………………………………….…………..7
Ururada aan dawliga ahayn Ururada bulshada iyo ka qaybqaadashada …………………………..8
Xarunta qaramada midoobay ee dajinta Aadamaha (Habitat):
Buuxinta Kaalinta Banaan ………………………………………………………………………. 9
Mulkiilayaasha gaarka ah iyo Ka qaybqaadashada ……………………………………………. 10
Ka qaybqaadashadu Waligeed Ma Sahlana ……………………………………………………..12
Maxaa Dhalinaya Iskaashi (Ka qaybqaadasho) Guul Leh ………………………………………13
Casharadii ay hayada UN-Habitat ka baratay wadadii
loo qaaday ka qaybqaadashada. …………………………………………………………………14
Waa Maxay Waxa Aan Ogolaanayn In Iskaashi Dhaco
(Ama In Guul La Gaadhaa Goormay Dhacaysaa) ………………………………………………15
Dooxa Lexicon Oo Aynu Tamashlaynayno ……………………………………………………..17
Salaanka ka qaybqaadashada ……………………………………………………………………21
Si Kooban …………. ……………………………………………………………………………24
Qodobo Muhiim Ah . ……………………………………………………………………………24
Raad raac…... ……… ..………………………………………………………………………….25


(Haddii aanad fahmin waxa uu yahay travel advisories (Tilmaame Safar), dib ugu noqo bogagga
hore ee lagu qeexayo!) Cutubkan badankiisa waa taariikh iyo waliba aragtiyo. Kuwa danaynaya
camal-falka (action-oriented), waxa laga yaabaa in cutubkani uuna soo jiidan. Waad u boodi kar-
taa Cutubka Labaad. Haddii aad filayso in maamulahaaga ama qof kaa sareeya awood ahaan uu
kugu imtixaami doono sida aad u akhriday cutubkan, waxa kaaga filan inaad akhrido Qodobadda
Muhiimka (Key Points) ah ee ku qoran xagga dambe ee cutubkan.

Dhinaca aragtiyaha horumarka, waxa socda is-bedelo, kuwaasoo khuseeya qorshaynta wadaaga
ah iyo weliba dhinacyada kale ee ka qayb-galka. Is-bedelkan aasaasiga ah waxa loogu kala qayb-
san yahay: kuwa leh ee u arka in dadka laga caawiyo sidii ay u horumari lahaayeen bulsho ahaan,
dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba; iyo kuwa helaya kaalmada horumarineed. Robert Chambers
oo ka mid ah ragga calanka u sida aragtiyaha horumarka wuxuu sheegayaa:

Aragtiyaha horumarineed ee la isla-qaatay sanadihii kontomeeyadiii, lixdameeyadii iyo toddo-


baatameeyadii waxay ahaayeen in khubaradu (xirfadlaydu) hayaan xalka… cidda dhibtu haysaana
ay tahay danyarta iyo dadka deegaanka, iyadoo dhibta lagu xalinayo waxbarasho iyo gudbinta
farsamada iyo tiknoolajiyada (transfer of technology). Marba marka ka dambaysa ayaa waxa sii
xoogaysanayey su’aalaha la iska weydiinayo aragtidaas, iyadoo mar walba wiiqmaysay. Jihadii
dabayshu u socotay way bedelantay. Horumarka xagga sare lagaga keeno dadku wuxuu noqday
mid aan waarin (sustained). Waxa la inoo aqoonsaday inaynu qayb ka nahay mushkilada, halka ka
qayb-galkoodu noqday furaha waaridda (sustainability) barnaamijyada iyo helidda xalka.

Chambers wuxuu intaa ku daray in ka qayb-galku ka noqday mawduuc muhiim ah horumarka.


Wuxuu ku doodayaa in ka qayb-galku noqday hab-dhaqanka cusub ee World Bank-ka, inkastoo la
iska hubsanayo xaqiiqo ahaan ilaa xadka ay ka go’an tahay ee uu ku dhaqmo Bank-ku ka qayb-gal
horumarineed oo dhab ah. Ka sokow dhawaqa ka yeedhaya ka qayb-galka, wuxuu Chambers ina
xasuusinayaa in “sida caadada u ah aragtiyaha la isla qaato, hal-qabsigiisaa ka dheereeyey faham-
kiisa – iska dhaaf fulintiisee.”

Waxaan u malaynaynaa in hadalkaasi yahay run marka la eego xuruufta lasoo gaabshay ee soo
baxday sanadahan dambe, kuwaasoo si u sharxa hababka (approaches) kala duwan ee ka qayb-
galka. 1994kii waxa la dir-soocay labaatan iyo sagaal hab (approaches) kuwaasoo soo baxay laga
soo bilaabo sannadihii todobaataneeyadii. Kuwa ugu muhiimsan waxa ka mid ah hannaanka loo
yaqaan, milicsiga iyo hawlgalinta ka qaybqaadashada kaasoo qorayaashu qirsan yihiin inuu yahay
isku darka habab, farsamooyin iyo dhaqano (behavior). Kuwa si uun ka qayb-galku ugu jiro cin-
waankooda waxa ka mid ah PALM, LPP, PAO, PAR, PORP, and PSA, iyadoo uu jiro PRA kale
(participatory rural/relaxed appraisal). Markaad intaasoo dhan aad eegtid, dabcan waxa meesha
imanaysa su’aasha ah: Dunidu ma u baahan tahay buug (manual) kale oo ku saabsan “qorshaynta
wadaaga ah”? Su’aashaasi ha inoo dambayso. Marka hore, aynu dib u eegno hannaanadan sida
mawjadaha badda soo jiidhay xeebaha dalalka dunida iyagoon laga war qabin.


Daymo Kooban oo ku Wajahan (PRA)
Maadaama aqoonyahano badani siiyeen kaalinta hormuudnimada PRA, waxaynu si kooban u ee-
gaynaa halkii ay kasoo unkantay falsafad ahaan, fikir ahaan, iyo waxa ay koobsanayso ficil ahaan.
PRA-du waxay leedahay taariikh fac weyn sida uu sheegayo taageereheeda ugu weyni, kaasoo ay
la wadaagto goobaha (fields) kale ee horurimarineed ee ay ka mid yihiin baadhitaan lagu sameeyo
hawlgalka milicsigiisa, aadamaha asalkiisii, cilmiga hawlgalka, noolaha iyo deegaankooda oo la
lafaguro.

Waxa hormood ka ahaa dadkii ka qaybqaatay hanaanka PRA Paulo Friera, khibradiisii hawlgaleed
ee wacyigalineed ee gobolka latin America. Waxa uu rumaysnaa Friera in dadka saboolka ah ee la
dulmaa ay karaan ayna tahay in la karti galiyo si xaqiiqadooda iyo xaaladooda ay u gorfeeyaan. In
kastoo habkan (approach) waxbarashada dadka weyni aanu u muuqan wax cusub, haddana wuu
gilgilay digtaatooriyiintii reer Baraasiil ee xilligaa talada hayey, kaasoo ku kelifay inay ka dayri-
yaan Freire dalkiisii hooyo.

Waxa aynu nahay qaar wax ka tagay hadii aan la xusin Kurt Lewin oo ka mid ah raggii gacanta ugu
weyn ka gaystay shaacbixiddii participatory action-reflection research. Dedaalkiisii hormuudka
ahaa wuxuu kasoo bilaabmay afartameeyadii, xilligaas oo uu sameeyey saldhiga aragtiyaha iyo
daraasaduhu ka duulaan tan iyo intii ka dambaysay wakhtigaas. Hawsha Lewin waxa ka dhigay mu-
naasibku waxay ahayd ku darkii uu ku daray aragtiyihiisa arrimaha hoggaaminta dimuqraadiga ah,
dhaqdhaqaaqa kooxda (group dynamics), waayo-aragnimo-korodhsiga (experiential learning),
action research and open systems theory, kuwaasoo sannadihii 1930kii – 19400meeyadii qayb ka
ahaa dedaalka lagaga gudbayo cadaalad daradda ku salaysan ab iyo isir (ethnic and racial). Dabcan
way jireen dad kale oo iyaguna gacan ka gaystay dhinaca baadhitaanka iyo hababka ka qaybqaada-
shada. Nasiib darro, diiwaankan koobani ma qaadayo in uu taxo dhammaan kuwii bilaabay xerihii
gacanta ka gaystay iyo kuwii ku shaqeeyayba, oo ay ka mid yihiin kuwii bilaabay participatory
reflection and action (PRA).

Mabaadii’da Kusaabsan Milicsiga iyo Hawlgalinta Ka Qaybqaadashada (PRA)

Sannadkii 1996kii, PRA-da waxa loogaga dhaqmay siyaabo kala duwan in gaadhaysa 100 dal iya-
doo isla markaa noqotay hoyga aragti ahaan ay ka shidaal qaataan in ka badan soddon shabaka-
dood. Ma sahlana soo koobidda mabaadii’da iyo sida ay u shaqayso PRA. Iyadoo ay si dhab ah
uga go’an tahay inuu fikirkiisa iyo hawshiisuba noqdaan “duleedka edegga,”(“outside the box”)
wuxuu Chambers ku sharxayaa afkaartiisa ekeeyeyaasha iyo duurxul (similes and metaphors).
Kuwii abqaalay fikirkani waxay kusoo koobeen mabaa’diida sidan:

• Wareejinta Furaha: fududaynta baadhitaanka, lafagurista, soo-jeedinta iyo barashada lagu


wareejinayo dadka deegaanka si ay u keenaan xal, una qaadaan masuuliyadda waxa ka dha-
sha isla markaana aqoon uga korodhsadaan.
• Ogow dhaliishaada: fududeeyayaashu waa inay si joogto ah oo qoto-dheer u eegaan dhaqa-
nkooda (behavior).


• Masuuliyadda Shaqsi-ahaaneed: qaadista masuuliyadda waxa la qabtay intii la isku ha-
layn lahaa buugta (manuals) ama sharciyo adag oo la raacayo.
• Wadaag: isticmaal dariiqooyinka faraha badan ee suurta galka ah, ee imika la heli karo ha
noqoto ood-ka-dul-sheekaynta ama email, ama qaab kale.

Qaar ka mid ah Hababka (PRA)

Habka koowaad ee Chambers sheegayo wuxuu sawirayaa mabda’a koowaad ee ah wareejinta fu-
raha. Waxa kale oo ka mid ah mabaadiida:

• Iskaa-wax-uqabso: dadka deegaanka ayaa ka noqonaya hawsha khubaro iyo macalimiin


halka ajaanibtu ka noqonayaan arday.
• Lafaguris maxali ah oo lagu sameeyo ilaha shisheeye ama asaasiga aan ahayn (local analysis
of secondary sources);
• Samaynta khariidadda iyo muunadda (mapping and modeling);
• Jeexidda silsiladda wakhtiga, iyo lafagurista isbedelka iyo dhinac-u-socodka (time lines and
trend and change analysis);
• Xili taariikheedyo la dajisto
• Lafagurista ka faa’iidaysiga wakhtiga oo maalinle ah;
• Goynta jaantuska hay’adda;
• Dajinta shax tusaysa dhibcaha iyo darajooyinka;
• Wadaagista soo-jeedinta iyo lafagurista; iyo
• Wadaagista qorshaynta, dejinta miisaaniyadda (qoondaynta), fullinta iyo kormeerka.
Sida ay sheegayaan kuwa ku shaqeeyaa, PRA-du waa nidaam wax ku ool ah maadaama uu ku
sameeyay wax ka badal asaasi ah jihadii, waxqabadkii iyo xidhiidhkii ay ku dhaqmi jireen xir-
fadlayaashu. Wuxuu bedelay nidaamkii xidhxidhnaa oo lagu bedelay mid furan; wuxuu bedelay
nidaamkii cabirista isagoo u bedelay is-barbardhig; wuxuu bedelay nidaamkii ku tiirsanaa qofka oo
uu bedelay mid ku tiirsan kooxda; wuxuu ka bedelay nidaamkii hadalka iyo qoraalka salka u ahaa
oo uu u bedelay I tusoo I taabsii; wuxuu ka raray heer (maamul) sare (oo kooban) oo uu u raray
mid hoose; wuxuu ka bedelay xidhxidhnaantii iyo isku-buuqii isagoo u bedelay saaxiibnimo iyo
xiiso(wax lagu qabto).

Isagoo soo koobaya qodobadda ugu muhiimsan ee laga helay toban daraasadood oo si faahfaahsan
uga hadlaya hababka ka qayb-galka kuwaasoo laga sameeyey ilaa afar qaaradood ayaa wuxuu yidhi
tifatirihii qoraalkaas oo magaciisu yahay James Blackburn:

Ka qayb-gelintu waxay u dhawdahay mab’da marka loo eego fikir, waxay u badan tahay hab-
dhaqan marka loo eego tusaale… markaad hoos ugu degto, waa barashada tixgelinta iyo dhe-
gaysiga fikirka, dareenka iyo aqoonta ay leeyihiin kuwii marka hore aynu abaaraynay(wax loo
qabanayay); waa caddaynta qasdigeena aynu u soo farogelinay noloshooda… waa balaadhinta
maamulka iyo igmashada, taasoo kuwii aan awooda badan haysan awood u siinaysa inay maamu-


laan hanti intii hore ka badan iyo inay qaadaan masuuliyad dheeraad ah; waa wadaagista cilmiga
iyo waayo-aragnimada… marka lasoo koboo, waa is furfurid, u badheedhid halista iyo muujinta
kalsoonida. Isbedeladan si fudud uma qaataan kuwa soo qaatay waxbarasho toos ah oo sannado
badan ku qaatay iyo kuwa lasoo qabsaday dhaqamada ku salaysan kala saraynta.

Qaado wakhti kooban oo aad dib ugu noqoto qodobaddii ku saabsanaa PRA ee
gii
aynu ka wada hadalnay. Maxaa maskaxdaada kusoo dhacay markii aad akhriy- Xili sig
c
mili
eysay PRA? Sideed ugu sharxi lahayd qof kale oo aan weligii ku lug yeelan nooc ka
mid ah hannaanada wadaaga ah (participatory processes)? Qor ereyada aad is leed- ahay
si fiican ayay kaaga caawin lahaayeen inaad fahansiiso qofkaas hannaanka PRA waxa uu
yahay
……………………………………………………………………………………………………
………………….……………………………………………………………………..……………
………….……………………………………………………………………..……………………
…….…………………………………………………………………..……………………………
.………………………………………………………………..……………………………….…
…………………………………………………………..………………………………….………
…………………………………………………..…………………………………….……………
…………………………………………..……………………………………….…………………

Waxa noo qorshe ah inaan markii aan muddo maraynaba aan kaa joojino akhriska si aad u filiso
laba hawlood:
(1) In aad dib u eegto wixii hadda aad akhriday; iyo
(2) inaad qorto sida ay ula xidhiidho waayahaaga. Waxaan u naqaan halkaa Isbaarada Dib-U-
Eegista, taasoo ah meel inta aad joogsato dib ugu soo milicsanayso jidkii aad soo jeexday
mudadii safarka aad ku jirtay.

PRA-da iyo caynta kale ee la bah-wadaagta ah ee ka farcamay waxay ku salaysan yihiin hannaan
siideyn (letting go). Waxay sii deynayaan awoodii ku urursanayd xagga sare ee lagu kabayay taa-
geero farsamo. Waxay ooda ka rogayaan nidaamyadii xidhnaa ee qorshaynta iyo qaybta hantida.
Waxa kale oo ay meesha ka saarayaan qiil u raadinta mashaariicda iyo barnaamijyada mustaqbalka
ee loo raadinayo macluumaad mugeeda shaki ku jiro oo cuskanaya uun wixii dhacay. Iyo weliba si-
dii uu soo jeediyey Blackburn, waa “is furfurista, u badheedhida halista iyo muujinta kalsoonida.”

World Bank-ka iyo Ka Qayb-Qaadashada

Goor dambe ayuu kusoo biiray World Bank-ku dooda adag ee ka taagan ka qayb-galka. Si ay
u maamulaan hannaan wada-tashi, daraasadeed iyo workshop-yo, World Banku wuxuu sameey-
ey sannadkii 1990kii waax ballaadhan oo loogu magacdaray Learning Group on Participatory
Development macnaheeduna tahay Kooxda Barashada ee Hourmarka Wadaaga Ah. Hawlahaas
isku dhafani waxay keeneen in Bank-ku soo saaro war-murtiyeed (policy statement) 1994kii iyo
weliba warbixino. Waxa la odhan karaa wuxuu ahaa hab leh sifooyinka halis u badheedhid, wax-


ku-barashada waxqabadka, iyo la qabso oo ay u adeegsadeen qodob markiisa horeba gol-duleelo u
yeelayey sumcadooda.

Sida uu sheegayo riboodh uu baanka dunidu ka qoray khibradoodi ku saabsanayd ka qaybqaada-


shadu, waxa ay kala ahayd sidan:
1. Iyada oo kursiga danbe la raaco soo jeedinta ay dawladdu hoggaaminayso
2. In wax lagu dhiso tallaabooyin hore ama kuwa jira oo ay qaadeen dawladaha wax amaah-
anayaa
3. In si dhab ah loo dabagalo

Looguna adkaysto sidii loo isticmaali lahaa hababka ka qaybqaadashada. Mid xaaladaha ka mid ah
la baadhayay, waxay baadhistaasi adkaysay ka qaybqaadhashadii wax ku oolka ahayd ee baanka,
waxa ay shaqaalaha baanku qabanqaabiyeen shirar gaar ah oo daneeyayaasha lala yeeshay, iyaga
oo marka ay hawlaha u baxaan shirar la yeeshey bulshooyinka wax soo gaadheen, kormeerna ku
sameeyey sidii dib u dajin loogu samayn lahaa dadkii daganaa goobaha wax soo gaadheen’.

Hadii aynu xaq soorno baanka dunida deeq bixiyayaal badan ayay ku adagtahay in awoodii laga
qaybqaato isla markaana kor loo qaado heerka wacyiga siyaasadeed iyo awoodeed inay noqdaan
ujeedoyin cad oo mashruucu leeyahay. Tan oo qayb ka ah arimaha iska hor imanaya ee hayadaha
deeqda bixiya. Iyaga oo khayraadkoodii keenaya saamayn iyo awood xakamayn isla mar ahaantaa
waxa ay qirayaan haddii hoos loo daadago rabitaankooda ah in la dhiso tayadii dalka iyo ka qay-
bqaadashadii. Arinkani waxa uu u eegyahay biyo iyo saliid la isku qasayo. Marka walaaqa saliida
iyo biyihu socdo waxa aad moodaa mid macquul ah oo suurta gal ah. Hase yeeshee marka qasidu
istaagto, ayaa waxii la filayey meeshaa ka soo baxayaa (biyo iyo saliid aan is qaadanayn).10

Waxaad moodaa in masaafo waxoogaa ihi u dhaxayso mabaadiida Baanka Dunida iyo falalka la
xidhiidha ka qaybqaadashada iyo kuwa arimahan ku hawlan oo inta badan aanay is hortaagan nidaa-
myada iyo xeerarka Baanku ku shaqeeyo. Siyaasad dajiyayaasha Baanka Aduunka ee ka shaqeeya
xarunta Baanka ee wayni inta badan waxa ay ku qanacsanyihiin in haddii aad loogu soo jeedsado
lana fuliyo mabaadiida iyo istaraatiijiyadaha (qorshaynta) ka qaybqaadashadu in ay faa’iiso keen-
ayaan. Tusaale ahaan ka qaybqaadashooyinkaasi waxa ay kordhinayaan qadarkii gudaha dalka laga
helayey mashaariicda dakhliga soo saaraya waxana ay xaqiijinayaan in aad loo fuliyo ciddii faai-
idaysanaysay oo dib iskaga soo celisa daynkii, waa marka ay ka qaybqaataan mashruuca qorshihiisa
iyo go’aan qaadashadiisa. Marka se aynu ka eegno dhinaca agaasimayaasha hawlaha maaraynaya
ee goobta shaqada (mashaariicda) jooga waxa ay u arkaan in ka qaybqaadashadaasi tahay uun waqti
lumis, una badantahay inay keento khalad ka yimaad faragelino siyaasadeed iyo qof jeclaysi, aanay
yartahay inay muujiso in (ka qaybqaadhashadaasi) keenayso adeeg heer sara ah xagga hawlaha
lacageed iyo adeega bulshadaba. Runtu se shaki la’aan arimahaa la kala aaminsanyahay ayay u
dhaxaysaa.

Waxa soo kordhaya in deeq bixiyayal waaweyn oo dalal kala duwan ihi oo uu ka mid yahay Baanka
Dunidu ay tijaabinayaan “Hawlo maalgashi oo hor dhac ah”. Waxa taa ka mid ah waji ah sanad
tijaabo ah oo ka danbaysa marka la sameeyo baadhitaan inuu arinkaasi suurtagal yahay la eegayo.

Tan oo amaahdi ballaadhnaydna ka horaysa. Baankuna waxa uu bixiyaa deeq la siinayo daneeyayal
kala duwan si loogu horomariyo looguna tijaabiyo looguna xoojiyo habka iskaashiga ee la xidhiidha
qorsheynta iyo miisaaniyad dajinta (si aad xog dheerad ah uuga hesho hawsha ka qaybqaadashada
ee Baanka eeg Buuga “World Bank Participation Sourcebook. IBRD: washington, 1996).

Jinsiga (Lab/Dhadig) Iyo Ka Qaybqaadashada

Qolooyinka wax ka qora ka qaybqaadashadu, iyaga oo dhinaca labka iyo dhadiga wax ka eegaya
ma aha qaar had iyo jeer qiimayntooda waji fiican u dhiga xaga natiijooyinka ay ka helaan tiknoo-
lajiyada ka qaybqaadashada. Hadana horumar muuqda ayaa laga gaadhay dhinacyada labka iyo
dhadiga iyo ka qaybqaadashadooda. Guijt iyo Shah oo ahaa laba cilmi baadhe oo aad uugu firfir-
coonaa hawshan ayaa ku doodaya in diirada oo la saaro jinsigu uu wax ka tarayo murugii arimaha
ka qaybqaadashada.

Isticmaalka erayga “Ka qaybqaadasho” waxa uu qarinayaa sawiro kala duwan oo ku saabsan
ujeedooyinka arinkan iyo sida loo fuliyo, sidaa waxa sheegay Guijit iyo Shah. Waxa ay ku dooday-
aan in ka qaybqaadashada barnaamijyo badan iyo mashaariic badan si xun oo aan macna lahayn
loo fasiro. In badan waxa loo isticmaalaa in lagu sharaxo wada tashi hoose oo dhexmara shaqaale
mashruuc iyo xubno bulshada ka mid ah. Sidii faraskii qoriga ahaa (sawirka ahaa) arinkani waxa uu
qarin karaa adeegsi ama qasbid ku gabanaysa koodhka wax bulshadii ogoshahay.

Iyada oo dhawaan loo soo jeedsaday arimaha jinsiga waxa ay keentay inay si isa soo taraysa khu-
barada arimaha jinsigu faraha uula soo galaan horumarinta ka qaybqaadashada. Tan oo talaabo
fiican u ah ka qaybqaadashada guud ahaan, maxaa yeelay waxa ay dareenkii u soo jeedinaysaa baa-
hida loo qabo in qorshaha wajiyadiisii noqdaan qaar nuxurka u jeeda oo jajabni badan leh.

Hadii la soo koobo wajiyada muftaaxa u ah hababka ka qaybqaadashada ee dibadda laga bilaabo ee
la xidhiidha horumarinta, waxa ay Guijt iyo Shah u arkaan in horraantii 1990 yadii ahayd xiligii “Ka
qaybqaadasho waajibka ahayd”. Waa xiligaa markii ay hayadaha maalka bixiyaa bilaabeen inay
doonaan in habka ka qaybqaadashadu shardi u noqdo maal galinta. Inkasta oo shuruudaa hordhaca
laga dhigay keentay in si fiican looga qaybqaato “ka qaybqaadashadii” waxay ku doodayaan labada
qoraa, “Hadana in yar ayaa lasykaga raacsanaa wixii la odhan lahaa shaqo fiican oo tayo leh ayuu
keenayaa”.

Waxa aad moodaa in erayga isburini uu soo galayo dood kasta oo dhab ah oo la xidhiidha ka qay-
bqaadashada iyo horumarka. Waxana ay Guijt iyo Shah ku sharaxeen xaaladda xiligan isburintii ka
qaybqaadashada. Isburinta ugu horaysaa waxa ay ku saabsantahay siyaalaha loo simayo sida loo
abbaarayo, taasi oo ka hor-imanaysa ujeedooyinkii ka qaybqaadashada mid ka mid ah, oo ahayd in
laga fogaado qorshayaashii qornaa ee xadaysnaa iyada oo la raadinayo jidad dabdabac badan leh
oo nuxurkii u jeeda. Isburinta kale waxa weeye iyada oo arimo farsamo ay maskaxdeenii hore u
dagaan halkii loo jeedsan lahaa adeegsiga jidadka xoojinaya ka qaybqaadashadii. Iyada oo diirada
la saaro arinka jinsigu waxa ay wax ka taraysaa in laga xoog batto arimahaa is burinaya, sidaas ayay
ku doodayaan Guijt iyo Shah.

Diirada oo jinsiga aad loo saaraa waa iyada oo si siman loo eego raggii iyo haweenkii. Si taasi u
suurta gasho, haweenkii ayaa la xoojinayaa, iyada oo la tilmaamayo waxyaalaha mudnidooda ah
iyo qorshayaashooda. Sidoo kale raggii ayaa iyana sidaas oo kale loo eegayaa, iyada oo hadana la
jaleecayo mawqifkii haweenka. Tan oo ay ka dhalanayaan in arimihii haweenka u mudnaa noqdaan
qaar qorshihii ka qaybqaadashadu uu daneeyo oo uu tixgeliyo.

Ururada aan dawliga ahayn


Ururada bulshada iyo ka qaybqaadashada

Ururada aan dawliga ahayn iyo kuwa bulshadu waxa ay caadi ahaan ahaayeen kuwa halka hore kaga
jira hababka ka qaybqaadashada. Waxana sanada badan siyaalo kala duwan u taageerayay ururo aan
tiro lahayn oo gudaha iyo dibadaba ah oo ay ka mid tahay xarunta qaramada midoobay ee aadami
dajintu (Habitat). Fiditaanka ururadana waxa in badan lagu xidhiidhin karaa fikrad la qabo oo ah
inay ka taagan yihiin goob saraysa habkan jira ee siyaasadaha iyo awoodu ay dhooqeeyeen. Marka
la isku daro ururada aan dawliga ahayn iyo kuwa bulshadu, waxa ay si la taaban karo uuga qayb
qaateen hannaanka horumarka, gaar ahaan ka qaybqaadashadii, dood ahaan iyo wax qabashaba.

Marka ururadaasi la isku wada daro waxa ay u taagan yihiin waxyaalo badan oo isku jira oo leh,
qiyam, ujeedooyin hagaya, qaab hawleedyo, shaqooyin, qiyaaso, heerar wax raadeeya iyo karti
lagu gutto barnaamijyada iyo adeegyada. Darajooyinkooduna way kobcaan miridh kasta caalamka
oo dhan. Waxana shidaya fikir fiican, fursado cusub oo loo adeego, iyaga oo ka biya diiday sida
ururada kale uugu hoobteen fulinta balanqaadyadoodii iyo waxay u taagnaayeen iyo marar yar
oo damac shidayo. Bahdan ururada ee ah qaybta sadexaad, waxa nasiib darro ah inay ku jiraan
waxoogaa sheegatayaal ah iyo qaar badan oo aan hawlahooda u qalmin. Hadaladan qiima ridka ihi
uma jeedaan in hoos loo dhigo kaalinta iyo kaalmaha ay gaysanayaan ururada aan dawlilga ahayn
iyo kuwa bulshadu, waxa se hadalku u dhacayaa in aan dhabta laga tagin lana digtoonaado.

Dawladihii xaaladaha kala guurka ku jiray ee badhtamaha iyo bariga europe (CEE) iyo dawladaha
barwaaqo sooranka ee madaxa banaan (CIS), ururadan aan dawliga ahayni waxa ay u buuxiyeen
kaalin muhiim ah oo bannaanayd. Dawladda badan oo dhexe ama hoose ayaa ka gaabinayay qaa-
dashada “qiyamka” diimoqraadiyadda iyo inay u abuuraan muwaadiniinta siyaalo codkooda lagu
maqlo, arimaha dalkana laga qaybgaliyo. Madaxa machadka bulshada madaxabanaan ee uu hog-
gaamiyo George Soros, ayaa dhiirani muujiyay oo fiday xag maaliyadeed iyo xag fikradeedba iyo
xag galitaan barnaamijyoba, si is badal loogu sameeyo goobahaasi caalamka ka mid ah. Asxaabta
isbadalka diimoqraadiyadeed, oo ah urur aan duwali ahayn oo kale oo caalami ah oo diirada si gaar
ah u saara dalalka badhtamaha iyo bariga europe ayaa dhisay shabakad dalalkaa ku xidhan oo ay ka
go’antahay horumarinta bulshada iyo in la helo hab is badalka iyo iskudhaca lagu maareeyo.

Dalalka Latin America, iyo Afrikada saxaraha ka hoosaysa, iyo qaybo badan oo Asia ah, waxa ay
ku dhaqaaqeen ururada aan duwaliga ahayn iyo kuwa bulshadu sidii loo heli lahaa hoggaan qaran
ama dawlad hoose oo qaata wax badan oo ka mid ah soo jeedimaha hanaanka ka qaybqaadashada.
Waxana ay si ballaadhan uugu dhaqaaqeen inay buuxiyaan meelaha ka dhimman arimaha bulshada


iyo dhaqaalaha ee muwaadiniintooda ilaa heer ay u gogol xaadhaan hanaan diimoqradiyad loogu
doorto ciddii bulshada matali lahayd. Dad badan oo baahan ama tabaalaysana alkumyadaasi waxa
ay u ahaayeen rajada kaliya ee lagu falanqeeyo baahiyahooda.

Cid ayaa laga yaabaa inay ku doodo in galitaanka ururada aan duwaliga ahayni galeen hanaanka ka
qaybqaadashada ay dhinacyada qaar la mid ahayd sidii kaalin shaqaale gargaar oo kale.

Ururadu bulshadoodii ayay si wax ku ool ah u mataleen, iyaga oo ka jiraya dawlidihii hoose iyo
muwaadiniintii inay si toos ah safka hore fooda isku daraan. Sida uu si cad u sheegayo isutaga
caalamiga ah ee Habitat, ka qaybqaadashadu “Waxa ay ahayd kaalin ay dhaqan ahaan qabtaan uru-
rada aan duwaliga ahayni oo la aqoonsanyahay, oo lagu fuliyo gaar ahaan mashaariicda ay caawi-
yaan hayadaha caalamiga ihi”12.

Xarunta Qaramada Midoobay ee Dajinta


Aadamaha (Habitat): Buuxinta Kaalinta Banaan

Waxa ilaa imika dooda ka maqan kaalinta dawlada dhexe iyo hoose iyo xidhiidhka dhexe ee ka
dhexeeya dawladda iyo bulshada ama qaybaha sadexaad. Hayada UN-HABITAT (Habitat) si wax
ku ool ah ayay uuga qaybqaadatay dadaalkii dawladaha hoose ee lagu karti galinayay soojeedimaha
bulshada, waxana u dheeraa hayada inay buuxisay kaalintii bannaanayd xagga maaraynta arimaha
guud ee bulshada iyo bulshada wax qabadkeedii iyada oo magac ka heshey labada dhinacba (daw-
ladii iyo shicibkiiba) waxa ay ku guulaysatay inay caawiso sidii loo muujin lahaa baahida loo qabo
in iskaashi badani ka dhex jiro qaybti sadexaad iyo dawladii hoose, waxana ay hayadu keentay
tusaalooyin iyo taageero isku xidhaya dawladii hoose iyo bulshadii.

Ilaa iyo 1984kii, hayada UN-HABITAT waxa ay fulisay tiro hawlo baadhitaan oo la dhaqan gali-
yay. Tan oo ka fushay Barnaamijkii horumarinta bulshada, Barnaamijkii deegaamaynta Agenda
21, Barnaamijkii Haweenka iyo Habitat (WHP) iyo Barnaamijkii horumarinta aadami dajinta iyo
deegaanka (SIEP).

Mashruucii dhawaan la dhameeyey ee ahaa horumarinta bulshada (CDP) waxa uu ka shaqeeyaa


Africa, Asia iyo Latin America, isaga oo ka socda mashruucu in ka badan lixdan goobood oo dagsi-
imo iyo dawlada hoose. Barnaamijka (CDP) waxa uu sameeyay “Biriish buuxiya halkii banaanayd”.
Sida uu ku suurta galayna waxa weeye iyada oo loo maray sadex waji qorshihii ka qaybqaadashada
bulshada. Ugu horrayn waxa lala shaqaynayaa dawladihii dhexe si loo fuliyo siyaasadihii qaran ee
sahlayay wax qabashadii bulshada. Iyada oo la helo sharci qaran oo qeexaya ka qaybqaadashada
bulshadu waxa uu dadkii siinayaa xaqa ay u leeyihiin inay urur yeeshaan, samaystaan ururo bulsho,
la hadlaan dawladii, oo ay isticmaalaan khayraadkii guud. Barnaamijyada qaran ee maamul daada-
jintu waxa ay xoojinayaan dawladihii hoose waxana ay siinayaan waxyaala dhiiriya

Si ay uula shaqeeyaan ururadii aan duwaliga ahayn iyo kuwii bulshada. Ta labaad Barnaamijka
CDP waxa uu la hawgalayaa dawladihii hoose si uu u badalo dhaqanka shaqaalaha d/hoose sida
ay u arkaan dadka danyarta ah iyo ururadooda. Awoodo wacyigalin ah ayaa la jira horumarinta iyo


hawlaha la xidhiidha baadhitaano maaliyadeed, sharci, maamul si ay uugu suurta gasho dawladaha
hoose in ay si wada jir ah ururada bulshada u wada qorsheeyaan, u wada maal galiyaan una wada
maamulaan horumarinta meelaha la degan yahay. Ta sadexaad Barnaamijka CDP wuxuu toos uula
shaqeeyaa ururada bulshada iyo hayadahooda si dadka tayadooda kor loogu qaado, si ay hawlaha si
wax ku ool ah uuga qayb qaatan. Awood galinta iyo tayaynta dadka waxa ka mid ah xirfadaha bulsho
maamulka, ururinta dadka, sida dhibaatada loo xadido, arimaha loo kala horaysiiyo, khayraadka
looga faa’iidaysto, loo gorgortamo, khilaafaadka loo xaliyo, wax loo maareeyo, wax loo dayactiro
loo kormeero, waxna loo qiimeeyo.

Barnaamijkeedii (Localizing Agenda 21), waxa ay hayada UN-HABITAT ay dhiirinaysay dham-


maan daneeyayaasha bulshada ka mid ah inay la yimaadaan ka qaybqaadasho. Waxana ay bilow
ahaan ka hawlgalayeen lix magaalo oo yar yar. Hawshuna waxa ay ka socotaa sadex gobol oo
dunida ka mid ah. Barnaamijkan tayo dhiska ihi waxa uu ku wajahan yahay kooxaha bulshada,
ururada bulshada, dawladaha hoose, waana afar marxaladood. Talaaba kasta oo geedisocodka ka
mid ihi waxa ay adeegsanaysaa hab ka qaybqaadasho ah. Waxana ay ka koobantahay: wacyiga
oo kor loo qaado, diyaarinta istaraatiijiyo (in lagu heshiiyo sida hawluhu u kala mudan yihiin), in
tayada dadka kor loo qaado lana xoojiyo hayadaha, in hore loo mariyo qalabyada qorshaynta iyo
maaraynta, in hore loo mariyo wada hadalka iyo wada tashiga guud iyada oo xogtii la fidinayo lana
iswaydaarsanayo.

Mulkiilayaasha gaarka ah iyo Ka qaybqaadashada

Robert Hargrove waxa uu sanada ka shaqaynayay sidii uu u caawin lahaa sharkadaha iyo haya-
daha kale ee gaarka loo leeyahay si ay uugu gudbaan wajiyo cusub oo xaga maaraynta iyo shaqada
ah. Waxana uu ka leeyahay iskaashiga aragti xiiso leh oo bulshada socodkeeda tusaysa. “Si aynu
uugu talaabsano mustaqbalka”ayuu yidhi Hargrove “aynu miisaankeena saarno dadka nolosha inala
wadaaga ee dhinaca kale jooga”13, Isaga oo waliba hadalkiisa sii watta waxa uu yidhi: Bulshadu
barigii hore waxa ay aragtay qaar dadka ka mid ah (xubno) oo ah dad aan caadi ahayn oo leh fikir
iyo awood aan caadi ahayn, kuwaas oo asaas u ahaa in dadku qabsadaan wax qiimo leh oo waara.
Waxa se uu marxaladan imika la joogo saadaalinayaa in waxqabadka aadamaha ee mustaqbalku
aanu ka imanayn xubno aan caadi ahayn ee uu ka iman doono bulsho iyo dad isku dhafan oo isku
dhafnidoodaasi keenayso fikrado iyo awoodo aan caadi ahayn. Dadkaa isku dhafan waxaa ku jiri
kara dad ay asaagoodu u arkayeen inay yihiin dad aan caadi ahayn. Waxa kale oo ku jiri kara dad
caadi ah oo tayadooda iyo waxtarkoodu noqonayo mid aan caadi ahayn marka ay uula shaqeeyaan
dadka si wada jir ah, wada jirka ayaa taasi dhalinaya. Waxa noo banaan oo qudha halkan in aanu
tilmaano sida ay noo soo jiidatay sarbeebahaa is barbardhiga ah ee dhibta yar ee uu soo jeediyay
Hargrove, waxana aanu ka fikiraynaa sidii loo hawgalin lahaa kooxaha dalka ka jira ee ka kooban
dad caadi ah iyo shaqaalihii dawladaha si ay uuga fuliyaan shaqooyin adag oo aan caadi ahayn oo
muhiim u ah (xaga horumarinta) bulshooyinkooda.

10
Waxyaalaha uu arkay Hargrove waxa sii xoojiyey laba qof oo ah la taliyayaal xaga maaraynta ah
oo ka shaqeeya koonfurta Africa, inkasta oo ay iyagu sii ballaadhiyeen taanbuugii (teendhadii) ka
qaybqaadashada oo cid badan oo kale ku soo dareen.

Mclagan iyo Nel waxa ay soo ururiyeen xog badan oo wax qancinaysa iyo khibrad iyaga oo ha-
dalkooda hordhac uuga dhigaya in is xakunka ka qaybqaadashada ku dhisani uu yahay mid ka
mid ah arimaha u waawayn ee xiliyadan maanta la joogo. Isxukunka ka qaybqaadashadu wuxuu
imanayaa marka ay dadkii aan ka qaybqaadan jirin nidaamkii go’aamada iyaga khuseeya gaadhayay
ay qayb ka noqdaan geedisocodkii go’aan qaadashada iyaga oo tamartoodii kaga qayb qaadanaya.
Tani waa mid bilaabantay oo taabanaysa dhammaan dhinacyadii nolosheena, tacliintii, ganacsigii,
ururadii bulshada, xataa qoysaskii, iyo dhab ahaan dawladihii. Waxa aad inoo soo jiidanaya oo
muhiim ah doodan, sida cilmi baadhayaashaasi ay baadhitaankooda uugu xidheen uuna xigteen
ururo iyo hayado aad u shaqeeyay. Waxa inta badan ay tusaalayaashooda ka soo qaateen mulkiilay-
aasha gaarka ah, inkasta oo labada qoraaba ay taariikh nololeedka shaqadoodu u badnayd ururada
aan duwaliga ahayn iyo hayadaha guud.

Waxyaalihii ay heleen ee ay ka soo ururiyeen in kabadan toban cilmi baadhisood oo waawayn oo


dalal badan laga sameeyey, oo ay ku jiraan in ka badan (2000) oo hayadood oo iskugu jira shaqooy-
in ganacsi oo ballaadhan oo kala duduwan, waxa aad cilmi baadhistoodaa uugu cadaa hal go’aan oo
gabagabo ahaa: waxa weeye: Hawsha keenaysa wax qabadka badani waa ta ku dhisan ka qaybqaa-
dashada. Haddii si kale loo dhigo ka qaybqaadashada dhabta ihi waxa ay u horseedaa waxqabad aad
u sareeya. Hadaba waxa aanu jecelnahay in aan diiradeenu halkaa ka dhaqaaqin maxaa yeelay waxa
aynu u jeedsanaynaa qalabkii aynu ku xoojinaynay qorshaynta ka qaybqaadashada oo dhex maraya
dawladaha hoose, ururada bulshada iyo muwaadiniintii.

Dhaqanadaa wax soo saarka badan / ka qaybqaadasho, ee ay tilmaameen McLagan iyo Nel kuna
ogaaden baadhitaankoodaa cilmiyeed ee ballaadhnaa waxa ay ku yimaadeen laba hab oo cajiib ah.
Ta hore waxa weeye hayadaha u halgamaya waxqabashada heerka sare ihi inta badan waxa ay guu-
sha ku gaadheen markii ay iskaga tageen siyaasadihii baaliga ahaa, nidaamadii gaboobay ee maam-
ulka shaqaalaha, fikradihii iyo dhaqamadii maamul ee inta badan loo tirinayay inay ku dhisnaayeen
kali talis. Waxa arimahan ka mid ahaa, qaababkii xukunka ee kakanaa, kala sarayntii suldada iyo
awooda, xogtii helitaankeedu adkaa, sidii joogtada ahayd ee looga qaadayay awooda shaqaalaha
hoose, iyo khaladaadka iyo madmadowga oo aan aad loogu dulqaadan jirin.

Hadaba siyaalaha kuwaa hore ka duwan ee ka qaybqaadashada ee ay arkeen inay keenayso waxqa-
bad sare markay hayadihii baadheen waxaa ka mid ahaa arimahan:
• Xidhiidhkii shaqada oo ku fadhiya baahiyihii dadka u dhexeeyay iyo is ixtiraam, oo aan ku
dhisnayn kala sarayn awoodeed iyo is raadayn.
• Hawl gal nidaamsan si hore loogu mariyo shaqaalaha oo dhan tayadoodii (shaqaalaha hay-
ada) oo aan inta maamulka uun xooga la saarin, iyada oo la dhiirinayo, abaal marinona lagu
bixinayo sidii qofku xirfadihiisa iyo aqoontiisa shaqo uu hore uugu marin lahaa.

11
• Iyada oo dhammaan qaybaha hayadu yeeshaan go’aan qaadasho la wadaago. Tan oo ay ka
mid yihiin iyada oo laga qaybqaato qeexida ujeedooyinka istaraatijiyadood ee shirkada oo
gaadhaysa shaqaalihii dukaanada dabaqa hoose joogay, si ay marka ay wax khaldamaan
hawlaha u joojiyaan.
• Inay jiraan qaacidooyin (gun-dhig) iyo nidaamo xukun oo gudaha ka yimaada oo dadku
samaystaan oo aan dibada laga keenin.
• Wax qaris la’aan iyo xisaabtan (waa sifooyin inta badan aynu nidhaa waxa laga rabaa haya-
daha guud) iyo:
• In xogta iyo dadka iyo khayraadka la gaadhi karo (la heli karo)14.

Hadii isbadaladan la barbardhigo kuwii lagu xusay ka qaybqaadashadii (PRA)ga iyo hababka
kale ee ka qaybqaadashada ee hore loo sheegay, aad ayay isu shabahaan. Hase yeeshee wali arin
muhiim ah ayay ku kala duwan yihiin. Way yartahay in aad ku aragto “waxqabasho aad u saray-
sa” oo hadaf qeexan u ah (barnaamijka) horumarinta ka qaybqaadashada.

Ka qaybqaadashadu Waligeed Ma Sahlana


Khibradii ka qaybqaadashada bulshada ee dalka Maraykanku waxa ay soo martay xiliyo ad-adag
ilaa horraantii 1960kii. Nasiib wanaag se waa ay ka soo gudubtay, odhan mayno dhaawac sooma
gaadhin, waxa se hubaal ah in xikmad iyo khibrad laga korodhsaday. Dhaqdhaqaaqii xuquuqda
rayidka ee ka bilaabamay dalka Maraykanka badhtamihii qarnigii labaatanaad waxa uu ka dhashay
midab kala sooc xun oo lagu hayay isirada tirada yar, ay uugu horreeyaan Maraykanka Afrikaanka
ah. Waxa dhaqdhaqaaqii xuquuqda rayidku keenay isbadal ballaadhan oo shuruucda la xidhiidha,
kan oo ka bilaabmay dawladda dhexe.

Mawaaqiftaa siyaasadeed waxa lagu xoojiyay wax badan oo abaal marino iyo ganaax ah, taasi oo
loogu tala galay in gobolada maraykanka dawladaha ka jiraa ay la jaan qaadaan siyaasadda qaran
ee guud.

Ka qaybqaadashadii bulshada waxa looga baahnaa dawladaha hoose si ay ugu qalmaan qaada-
shada deeqihii dawladda fedaraalka, taasi oo looga dan lahaa inay keento sinaan badan oo isirada
ah xag dhaqaale iyo xag bulshaba. Isla markaa waxa dhacay in saraakiishii dawladaha hoose iyo
bulshadiiba -labaduba- garteen in hanaanka ka qaybqaadashada bulshada ee wax ku oolka ihi uu
yahay dhaqan la barto. Mararka qaarna duruustii la bartay waxa ay ahaayeen qaar aad u xanuun
badan. Saraakiil badan oo dawlada ah ayay ku qadhaadhayd in awooda go’aan qaadashada ay bul-
shada la wadaagaan. Arinku si kasta ha ahaadee, madaxdaa waa la soo doortay iayda oo la eegayo
xirfadahooda siyaasadeed iyo dadkii footaynayay badidoodii oo ogolaaday iyaga – waxa halkan
la hilmaamay, in dad badan oo Maraykanka Afrika asalkoodu yahay ah loo diiday maalmahaa ma-
doobaa inay foodkooda dhiibtaan – amaba madaxdaa waxa soo qortay oo shaqa siiyay dawladaha
hoose iyada oo la eegayo khibradooda farsamo. Waxa halkaa markiiba ka dhashay (barnaamijkii ka
qaybqaadashada) in muwaadiniintii oo badidoodu ahaa dad sabool ah oo aan tacliin fiican lahayn,
- tacliin la’aanta iyo baahidu waa arin aanay iyagu lug ku lahayn ee ka dhashay dulmi xaga bulshada
ah – muwaadiniintaa saboolka ah ayaa bilaabay in ay waydiimo soo jeediyaan lagu warsanayo sul-
dada iyo khibradda hoggaamada lasoo doortay ama xilka loo dhiibay. Waxa halkaa ka dhashay in

12
hanaankii ka qaybqaadashada oo si ballaadhan loogu fuliyay barnaamijyadii dawladda fadaraalku
wax ku bixinaysay in aragtiyo kala duwani hadheeyaan.

Mudo kadib, saraakiisha dawladda hoose ama doorasho haku yimaadaan ama xilka si kale ha loogu
dhiibe eh waxa ay aqoonsadeen sida ay muhiim u tahay faa’iidana u leedahay loogana macaashayo
marka muwaadiniintii si dhab ah looga qaybgaliyo geedi socodyadii qorshaynta ka qaybqaadashada
waxana ay madaxdaasi noqdeen qaar muujiyay xirfad wanaag iyo kalsooni marka la eego karti-
doodii ay kula shaqaynayeen muwaadiniinta si iskaashi ah. Waxana dhacday in dawladihii hoose
iyo bulshooyinkii ku guulaystay in ay wax wadaqabsi tayo leh dhaliyaan soo jiiteen dareenka ururkii
arimaha bulshada ee qaran, kuwaas oo go’aansaday inay natiijadii qortaan oo diiwaan gashadaan.
Ururka Arimaha Bulshadu (NCL) waa urur aan duwali ahayn oo qaran oo shaqo ka dhigtay sidii
hore loogu marin lahaa loogana shaqayn lahaa abaabulka arimaha bulshada.

Maxaa Dhalinaya Iskaashi (Ka qaybqaadasho) Guul Leh


Ururka (NCL) oo kaashanaya qolooyin kale ayaa sameeyay awood cilmi baadhineed oo wayn hor-
raantii sanadadii 1990kii si ay u ogaadaan waxa bulshooyinka qaar ay qayrkood uugaga guulaysan
ogyihiin ka shaqaynta wax ku ool ka ah ee xagga siyaasadda, bulshada iyo arimaha dhaqaalaha.
Baadhitaankooda waxa ka mid ahaa in ka badan konton baadhitaan oo si xeel dheer loo sameeyay
oo lagu eegayay bulshooyinka ikaashiga ku guulaysta. Hadaba sida uu sheegayo wixii baadhita-
ankaa uuga soo baxay ururka NCL, arimahan soo socda waa in hanaan kasta bilowgiisa laga helo
amaba loo kaso in lagu daro si iskaashigaasi u guulaysto.
• Xili haboon iyo baahi cad oo jirta: daneeyayaashu diyaar ma u yihiin iskaashi mana da-
reemayaan baahi dagdag ah oo keenaysa inay wada shaqeeyaan?
• Kooxo daneeyayaala oo adag. Kalsooni ma haystaan, si fiicana ma u urursanyihiin, kartina
ma u leeyihiin in danahooda ay matalaan.
• Ka qaybgal sal ballaadhan. Dhammaan dhinacyadii muhiimka ahaa ee danaynayay arinka
laga hadlayo cidi ma ka joogtaa tan oo ka duwan in yar oo meel u badan? Haweenkii sidoo
kale raggii ma ka qaybqaadanayaan qayb kasta (heer kasta)? Ma la dhgaystay mudnaana-
hooda, go’aankana ma lagu daray?
• Kalsoonida iyo hannaanka fur-furan. Ma u arkeen dhammaan daneeyayaashu in hanaanku
yahay mid caddaalad ah, sida in go’aan qaadashada la wadaago, geedi socodku u wada furan
yahay dadka, oo aan dadku ahayn qaar shaambad uun la taagan oo cid meesha maamula-
naysaa tirada ku buuxsatay, mana ka talinayaa goobta hannaan lagu heshiiyey oo ilaalinaya
sifaadkaa dhexda ah ee lagu kulan sanyahay?
• U nidar galka ama iyada oo lagu soo darsado dad heer sare ah, oo madax ishu qabanayso ah?
Tusaale ahaan, haddii aan duqa magaaladda lagu soo dari karin, ma soo diray (maayarku)
cid matalaysa oo leh suldad go’aan uu ku qaadan karo? Muwaadiniintu ama ururada bul-
shadu ma soo hormariyeen ciddii u fiicnayd ee ku haboonayd ka qaybqaadashada?
• Taageerada ama ogolaanshaha suldadaha ama awoodaha taagan. Ma yihiin hayadaha ama
awood kooxeedyada muhiimka ihi – sida golaha deegaanka, rugta ganacsiga, ururada aan
duwaliga ahayn ee dalka, kooxaha laga tirada badanyahay – ma yihiin qaar ogolaaday inay
taageeraan kuna dhaqmaan talooyinka lagu gaadhayo geedi socodka iskaashiga?

13
• In laga gudbo is aamin darrada iyo shakiga. Hore ma layskugu dayay in arimaha noocan ah
wax laga qabto lagana gudbo lagana qaalib noqdo?
• Geedi socodka oo leh hoggaan adag. Geedisocodka iskaashiga ma loo maareeyay si tayo
leh? Tusaalayaal la xidhiidha kaalintan muhiimka ah waxa ka mid ah: Adoo ku haya daneey-
ayaashii miiska xiliyada la qulbo ee shakigu yimaad; in la qiro guulaha yaryar marka haw-
sha la wado, in lagu caawiyo daneeyayaasha inay ka gorgortamaan qodobada adadag, iyo
iyada oo la dhaqan galiyo dhaqanka iyo xeerarka kooxuhu dhigteen.
• Guulo xiliyeedka. Ma la sameeyay guulo soke oo hoose, mana la sii amba qaaday, iyada oo
intaa yar la aqoonsanayo lana xusayo, si wax loo dhiiriyo arinkiina u noqdo mid socda oo
waara?
• In loo guuro heerar ballaadhan oo fog. Ma yihiin dadka ka qaybqaadanayaa geedi socod ku
qaar iska dhaafaya aragtiyaha gaaban, danaha yar mana yihiin qaar eegaya danta ballaadhan
ee bulshada marka ay ku waayeelaan dadaalkooda wada shaqaynta?15.

Casharadii ay hayada UN-Habitat ka baratay wadadii loo qaaday ka


qaybqaadashada.

Hayada UN-Habitat waxa ay ka heshay khibrado badan sanadihii badnaa ee ay isticmaalaysay


hannaanka qorshaynta ka qaybqaadashada. Dadaaladeedaasi waxa ay jiidheen (dhexmareen)
dhaqano (kala duwan), gobolo iyo qaybo bulsheed. Haddii si dhakhsa ah isha aynu u marino
casharadii laga helay barnaamijyadii (Local Agenda 21) iyo kii maaraynta arimaha bulshada
waxa ina horimanaya arima dhawra oo dhab ah:
• Ciddii fara galin dibada ah doonta si loo dhiso qorshe ka qaybqaadasho iyo hawlo fulineed
waxa waajib ah inay ka bilawdo halka hayadaha dalka iyo hoggaanku maanta taaganyihiin
(joogaan), ee maaha in laga bilaabo halka aad isleedahay ha joogaan, waxa aynu ka had-
laynaa nidar galka ka qaybqaadashada iyo aqoontii iyo xirfadihii si guul badan layskugu
kaashan lahaa (ina ay jiraan).
• Hawlaha wacyi kor u qaadida iyo tababarka maarayntu waa arimaha u horeeya ee muhiimka
u ah geedi socodka qorshaynta ka qaybqaadashada waxana loo baahanyahay in la abbaaro
iyada oo la eegayo heerka aqooneed iyo khibradeed ee ka qaybqaataha si arinku u midha
dhaliyo.
Sida uu ku tilmaamay mid fulinayay barnaamijyadii dalalka laga waday, tababarku wuxuu
ahaa “mid aan rasmi ahayn, qaababkii gaboobay lahayn, baahida taagani wadday, shaqada
ku saabsanaa, waxa qoran raacayay, fasalo aan lagu qaadanayn, aan muxaadarado la bixi-
nayn, ee ahaa fududayn iyo ka qaybqaadashado”.
• Hadii aan tilmaamo mid ka soo horjeeda waxa la malaysan karo, in dadka sare lala xidhiid-
haa (maamulku) marka aad hoosta (dadka hoose) wax ka soo dhisayso waa muhiim. Haddii
dadka maamulka hayaa aanay wax ka ogayn dadaalkaaga aad doonayso in dadku ka qay-
bqaadasho layimaadaan, waxa taasi keenaysaa shaki iyo in si ayaan darro ah dadaalkaagii la
isu hortaago.
• Dhinaca kale su’aalaha kormeerka iyo dabagalka ee ka imanaya masuuliinta qaranku, marka
ay waxa barnaamijku dhalinayo danaynayaan waxa ay aad u sii toosinaysaa isku dayadaa la
doonayo in hawsho si maxali ah u fusho.

14
• Waxa laga yaabaa in loo baahdo in tayada shaqo ee dadka la dhiso si hore loogu mariyo xir-
fadaha iskaashiga ee saraakiisha la soo doortay iyo ta shaqaalaha, sidoo kale ta ururada aan
duwaliga ahayn iyo kuwa bulshada ee ku hawlan horumarinta dalka, iyo qaybaha kalaba.
• Run ma aha waxa kugu soo dhici kara ee ah in hawlaha qorshaha ee bulshadu asaaska u
tahay aanay u baahnayn in qoraalo la kaydiyo amaba la fuliyo nidaamyadii rasmiga ahaa
ee riboodh diyaarinta, kormeerkii iyo qiimayntii (“maxaynu uuga baahanay waynu is wada
garanaynaa eh”).
• Qorshaynta ka qaybqaadashadu marka aynu heerka deegaanka eegno waxa weeye badi
shaqo lagu dhisayo tayadii hayadaha iyo qofkiiba. Arinkaasi waxa uu u baahanyahay in la
aqoonsado, sidaana loogu dhaqmo. Guusha mudo ka dib la gaadhi doonaana waxa ay ku
xidhantahay asaaska markan hore la dhiso ee la daryeelo ee ku saabsan geedi socodka is-
kaashiga.

Waa Maxay Waxa Aan Ogolaanayn


In Iskaashi Dhaco
(Ama In Guul La Gaadhaa Goormay Dhacaysaa)

Sida aynu hore u sheegnay in la sameeyo ka qaybqaadasho tayo leh oo muwaadiniintii qayb ka
yihiin inta badan ma sahlana. Xataa hadii dawladaha hoose u muujiyaan muwaadiniinta inay
danaynayaan, muwaadiniintu inta badan way ka warwareegaan inay arinka soo galaan. Halkan
waxa aad ku arki qaar ka mid ah sababaha aanay muwaadiniintu u rabin ka qaybqaadashada.
• Hore ayaa loogu diiday in ay galaan geedisocodka siyaasadda, imikana galitaankeeda way
ka digtoon yihiin.
• Wax dana oo dhab ah, ama xidhiidh ay la leeyihiin ma jiro arimaha uugu sareeya (u mudan)
ajandaha siyaasadda. Arimaha lagu yidhi wax ku soo darsada geedi socodkoodu maba ka
turjumayaan baahiyahooda ama danahooda.
• Kalsoonidoodii ku saabsanayd sida go’aanada loo gaadho waxa gilgilay isku dayo hore oo
ay ka dooneen in ay saraakiisha dawladda kala qaybqaataan hawlaha hoggaan wadaaga iyo
go’aan qaadashada. Qolooyinka awooda leh ee adeegsada uun ayaa had iyo jeer leh erayga
kama dambaysta ah.
• Muwaadiniintu inta badan ma yaqaanaan sida ay uuga qaybqaadanayaan wada hadalada
guud iyo geedi socodyada go’aan qaadashada. Tan oo laga fahmi karo in ka qaybqaadashadu
ama iskaashigu yahay dhaqan la barto. Arinkani waxa uu khuseeyaa saraakiil badan oo la
soo doorto ama xil loo dhiibo.

Halkan waxa aynu si dhakhso ah uugu eegi doonaa sida uu inta badan u egyahay qorshaynta ka
qaybqaadashadu marka laga eego dhinaca uu wax ka eegayo sarkaalka dawladdu in muwaadiniin-
tii lagu soo daro geedi socodkii qorshaynta ka qaybqaadashadu waqti badan ayay inaga cunaysaa
sidaa darteed way kharash badan tahay. Waxa ay saraakiisha dawladdu inta badan dareemayaan in
ogolaansho la siiyay inay go’aamada gaadhaan iyaga oo matalaya muwaadiniintii.

Hadaba hadii fursado la siiyo muwaadiniintii si arimahan ay u soo galaan, waa sida ay saraakiishu
rumaysan yihiine, taasi ogolaanshihii la siiyay ayay wiiqaysaa (waa muwaadiniintii ay u arkayeen
inay wakiil ka yihiin).

15
Qolooyinka xirfadlayda ah iyo kuwa leh takhasuska farsameed, sida qorshe dajiyayaasha iyo in-
jineeradu waxa ay rumaysan yihiin in iskaashiga muwaadiniintu uu wax yeeli karo heerarkoodii
xirfadeed iyo kuwii farsamo ee ay go’aamada ku gaadhi jireen. Arin aan caadi ahayn ma aha in
dawladaha hoose ee qaata siyaasado iyo istaraatiijiyo xoogan oo soo dhawaynaya in muwaadiniintii
hawlaha laga qaybgaliyo ay dhacdo in la dhaafo (laga talaabsado) go’aamo shaqaale xirfadlay ah oo
ku saabsan arimo qorshaynta dhulka sida loo isticmaalo ah ama bixinta adeegyadii asaasiga ahaa ah.

Arinka adag ee ina horyaalaa waxa weeye in la helo goob (fagaare) lagu xusi karo dhammaan
aragtiyihii laguna qiimeeyo iyada oo la eegayo baahiyaha bulshada iyo himilooyinkooda xiliyada
dhow iyo xiliyada fogba.

Geedi socodyada qorshaynta ka qaybqaadashadu waxa ay taya yeelanaysaa oo qudha mudo kadib
hadii loo qabto si furfuran oo daacad ah oo aad uuga shaqaynaysa danta bulshada guud ahaan.
Arimahan markuu cutubku dhammaad yahay ayaynu kusoo noqon doonaa eh mawjada meeshaa ha
ka dhaqaajinina.

Inta aynaan sii wadan casharka, bal qaado nasasho yar oo aad dib wax u milicsato.
ligi i
Xi sig Ugu horayn qor waxa aad rumaysantahay in ereyada ka qaybqaadasho iyo iskaashi
c
mili micnahoodu yahay adoo cuskanaya khibradaada gaar ahaaneed iyo aragtidaada.

………………………………………………………………………………………………………
………………………………………………………………………………………………………
………………………………………………………………………………………………………
………………………………………………………………………………………………………
Si fiican! Halkan waxa aanu ku haynaa shaqo kale oo aanu rabno in aad dhammays tirto inta
aanad socodka dib u bilaabin. Dib u eeg liiskii qaacidada (raad raaca) ahaa ee ururka NCL uu
leeyahay waa in laga helo geedi socodka iskaashiga si uu u guulaysto. (waxa aad ka heli kartaa
bogoga 11 iyo 12ka). Soo qaado laba ama sadex aad dareemayso inay uugu muhiimsan yihiin,
waxana aad qortaa waxa aad uugu malaysay inay kuwa kale aad uuga muhiimsan yihiin. Bal
ka fakir bulshadaada oo laga fuliyaa ina ay adagtay, adoo adeegsanaya doodii tusaysay waxa
iskaashigu had iyo jeer aanu u shaqaynin.

………………………………………………………………………………………………………
………………………………………………………………………………………………………
………………………………………………………………………………………………………
.……………………………………………………………………………………………………...

Khibradii iskaashiga ee uu baadhay uuna lafaguray ururka NCL waxa ay muujinaysaa qiyam,
dhaqamo iyo xirfado muhiim ah oo laga rabo cidda qorshaysanaysa inay galaan geedi socodka
qorshaynta ka qaybqaadashada. Waynu ku laaban sifooyinkaa muhiimka ah iyo casharadii badnaa
ee aynu ka baranay socod ballaadhan oo shaqo ka qaybqaadasho ah, khatara loo badheedhayana
leh, mararka qaarna keeni karaba dhibaato. Hadaba inta aynaan sidaa yeelin, waxa aanu aragnaa

16
inay waajib inagu tahay in aynu meesha ka nadiifino wax kasta oo mad-madow leh oo laga yaabo
in hadalkii aanu isticmaalaynay sabab u ahaa. Ugu danbayn waxa aynu ahayn qaar u isticmaalayay
erayada (ka qaybqaadasho, hanaanka ka qaybqaadashada, iskaashiga, qorshaynta) si caadi ah oo
aan xeel dheerayn.
Dooxa Lexicon Oo Aynu Tamashlaynayno

Ereyada muhiimka ah ee doodeenu ilaa imika waxa ay leeyihiin micnayaal badan. Waxa ay ina
xusuusinayaan raggii indhoolaha ahaa iyo maroodigii. Nimankaa indhaha lii waxa ay ku mic-
neeyeen maroodiga xadhig, gidaar, ama tiir iyaga oo ka waramaya qaybtii ay u suurta gashay
inay maroodiga ka dareemaan. Hadaba marka aynu soo qaadano erayada ka qaybqaadasho,
iskaashi iyo qorshayn, waxa inagu dhacaya in sida tusaalahaasi oo kale dhabtii ay maroorsanto.
Sida aynu u micnayno erayada ceeryaamadu hadhaysay waxa ay ku xidhan tahay khibradeenii
nololeed iyo kaalinteena iyo maqaamkeena sida aynu inaku qof ahaan wax u shaandhaynaa waxa
ay inta badan hadhaysaa habka xaqiiqada aynu u sharaxno. Bal aynu eegno waxa inaka qayrkeen
ka leeyihiin erayada ama weedhaha in badan aynu ku isticmaali doono buugan.

Eeg ka qaybqaadasho

Ka qaybqaadasho: waa geedi socodka ay dadku gaar ahaan dadkii saboolka ahaa ay ku gudan
karaan raadayn siyaasada dejinteedii, qorshaynta wixii la kala dooran lahaa, kala doorashada halkii
maalgalin lagu samayn lahaa, maarayntii, iyo kormeerka gacan la galka horumarinta bulshada. (eeg
The World Bank, discussion paper #183: Participatory Development and the World Bank, 1992,
p.2).

Ka qaybqaadasho: waa geedi socodka ay daneeyayaashu raad ku yeelanayaan kana qaybqaadan-


ayaan xakamaynta go’aamadii iyo khayraadkii taabanayay noloshooda (eeg Alan Fowler, Striking
a Balance, 1997, p.16).

Ka qaybqaadasho: waa hab aduunkii fiiro loogu yeelanayo markaa lagu ficil qaadanayo waa ni-
dar gal lagu caawinayo sidii lagu abuuri lahaa xaalado keenaya xoojin wax ku ool ah o loo gaysto
dad maanta aan tamar badan u lahayn awoodaha jihaynaya noloshoodii (eeg James Blackburn and
Jeremy Holland, who changes? 1998, P.3).

Ka qaybqaadasho: waa geedi socod wax xoojinaya oo u suurta galinaya dadkii deegaanka inay sa-
meeyaan lafagur u gaar ah, taladii qabsadaan, kalsooni helaan isla markaa gaadhaan go’aamadooda
(eeg Nici Nelson and Susan Wright, power and particpatory Development, 1995, p.30).

Ka qaybqaadasho: waxa ay ku saabsan tahay yaa go’aaminaya, maxaanu u go’aaminayaa (eeg


David Carnevale, Trustworthy Government, 1995, p.76).

Kuwaasi la sheegay waxa aynu ku daraynaa sharaxyo inoo gaar ah

Ka qaybqaadasho: waa geedi socod go’aanka lagu qaato, dhibaatooyinkana lagu xaliyo, oo ku
saabsan ciddo iyo kooxo matalaya dana kala duwan, khibrado kala duwan iyo aragtiyo kala duwan,

17
una shaqaynaya wanaaga dhammaan dadka ay saamaynayaan go’aamada ay gaadhaan iyo talaa-
booyinka xigaaba.

Waxa aanu isku daynay in aanu farsamayno sharax ka qaybqaadashada ah oo dadku wada qaataan,
waxa markiiba noo caddaatay in aan taasi arin sahlan ahayn. Waxa ay u eegtahay in si guud la
iskugu raacsanyahay in ka qaybqaadashadu tahay geedi socod keenaya go’aamo ay gaadhaan koox
dad ihi, kuwaas oo wax ku darsanaya arinkaa laga doodayo. Hase yeeshee, qolooyinkaa sharaxaya
geedisocodka (ka qaybqaadashadu) waxa ay meesha keenayaan dhinaca ay iyagu wax ka arkaan
iyo sida ay rabaan oo ay ka doorbidayaan waxa muhiimka ah. Taasina kama madhnaan karto marka
aanu xagayaga ka eegayno geedi socodka. Qoraalka qalabkan waxbarasho waxa aanu diirada saari
dhacdooyinka ka qaybqaadashada ee ka dhexeeya dawladaha hoose, ururada bulshada, sida ururada
aan duwaliga ahayn iyo kuwa rayidka ah, iyo muwaadiniinta aan ku jirin ururo.

Imika waxa aanu u wareegaynaa raxan ereya ah oo kale oo noqonaya qaar si caadi ah aad loogu
isticmaalo si loo sharaxo shaqooyinka wadaaga ah.

Eeg: Iskaashi

Iskaashi: waa xidhiidh laga wada faaiidaysanayo oo dhexyaala laba kooxood ama in ka badan
kuwaas oo u hawlgalaya ujeedooyinka udhex ah, iyaga oo wadaagaya masuuliyadii, suldadii, iyo
xilqaadashadii midha dhalinta (Eeg David Chrislip and Carl Larson, Collaborative Leadership
1994, p.5).

Iskaashi: wax wada qabad. (Eeg Robert Hargove, Fahamka balladhan ee farsamada iskaashiga wax
dhalinaya, 1998, p.3). Hargrove waxa uu raaciyay sharaxiisa gaaban ee qiimaha leh isbarbardhig
fiican. Waxa uu ina xusuusinayaa in nooc shimbiraha ka mid ihi marka ay iskaashadaan ee ay wada
duulaan ay dhaliyaan is dhiirin u suurta galisa inay safraan laba jeer in ka badan intii ay safri lahayd
shimbirtu haddii kaligeed ay safarto. Waa is barbar dhig fiican, maxaa yeelay tani ma sharaxayso
oo qudha hawshii ka qaybqaadashada, waxa kale oo ay ina tusaysaa heerka midhihii meesha ka soo
baxayay.

Iskaashiga qaybo badan oo caalamka ka mid ah waxa laga fahmaa micno xun, waxa lagu xidhi-
idhiyaa xidhiidh madmadow leh oo lala yeesho cid leh awood booliis ama basaasiin (iskaashi lala
yeesho). Tani waa nasiib darro, maxaa yeelay iskaashigii waxa uu noqday mid (fiican oo) yeelanaya
sumcad ah inuu yahay qayb isu keenaya daneeyayaal dhowr ah oo kala duwan (sida heerarka kala
duwan ee dawladda, sharkadihii gaarka loo lahaa iyo kuwii guud iyo ururadii) kuwaasi oo ka faaid-
aysanaya khayraadkaa la isu geeyay si ay u gaadhaan ujeedooyin qeexan oo u dhex ah. Qorshaynta
ka qaybqaadashadu haddii is barbardhig la sameeyo (loo eego iskaashiga) waxa ay ina tusaysaa hab
go’aanka lagu qaato oo inta badan ka dhex dhaca dawladaha hoose iyo muwaadiniinta dhexdooda
iyada oo si badan loo isticmaalo labadaa eray si loo sharaxo geedi socodka xidhiidh dhex maray
qaybo kala duwan oo bulshada ah, waxa aynu doonaynaa inaynaan aad uugu sii dheeraan kala so-
ocida micnayaasha ereyadaa.

18
Eeg Qorshayn

Qorshayn: waa geedi socodka uu weheliyo dareen badan oo loo qiimeeyo go’aamo iyo siyaasado
xidhiidho dhexe ka dhexeeyaan, inta aan talaabo la qaadin (Eeg Guy Benveniste, The Politics of
Expertise, 1972, p.34).

Qorshayn: waa geedi socodka la isu geeyay cilmi iyo aqoon farsamo si loo gaadho hawl midaysan
(Eeg John Friedmann, Retracking America, 1973 p.246).

Qorshayn: waa mashruuc fududaynaya go’aamadii oo ka dhigaya qaar si wayn dhab u ah oo mac-
quul ah. (Eeg Abraham Kaplan, The Conduct of Inquiry, 1964 p.403).

Erayga Qorshayn marka kaligii la isticmaalo waxa uu u eegyahay inta badan mid aan micno sa-
maynayn. Dhab ahaantii waa mid micno badan leh. Laakiin in yar ayaa garanaysa qorshayntu waxa
ay tahay – waa go’aan qaadasho.

Marka aynu qorshe samayno, go’aano ayaynu isla markaa qaadanay. Waxa dhici karta in aynaan
fulin, hase yeeshee go’aan ayaynu qaadanay. Markaa hawsha qorshayntuna had iyo jeer waxa ay
xidhiidh la leedahaya in khayraad arinkii loo qoondeeyo.

Ereyga qorshayn waxa uu noqonayaa mid micnihiisu aad u sii cadyahay una kooban yahay marka
la raaciyo eray sii xadidaya ama sii qeexaya, sida: ka qaybqaadasho, dhammays tiran, istaraatiiji-
yadeed, hawleed, shan sanadood, ama horumarineed. Waa marka aynu magacaabno kuwa aynu khi-
bradeena ku hayno. Waa marka aynu raacino eray sii qeexaya oo xadidaya, marka qudha ee ereyga
qorshayntu yeelanayaa ujeedo cad.

Kol hadii qorshayntu tahay qaybta (ama badhka) kale ee doodeenu diiradda saarayso, loona mic-
naysan karo ereygan siyaalo badan, inaka oo eegayna khibradeena, wuu mutaystay in waxoogaa
qorshayn ah la siiyo. Dad badan ereyga qorshayn waxa ay u arkaan in uu la halmaalo qorshayaal
shan sanadood ah oo horumarineed oo dawladu gacanta ku hayso. Qorshayaashaasi, oo ka dhashay
shaqo-xafiiseed daba dheer oo laga rabay inay qoraaladaa rasmiga ah soo saaraan, kuwaas oo inta
badan ahaa qaabab lagu qoondaynayo waxoogaagii khayraadka ahaa, iyada oo loo qorshaynayo
mudo dheer maalgalinteeda goobeed iyo bulsheed. Qorshayaashaa waawayn ee xiligii mar soo
baxaa waxa ay ahaayeen qaar nidaam raaca oo ah habdhaqan, iyo weedho ujeedo guud leh oo inta
badan wax badan aan ka tarin hawlaha maalinlayda ah ama dhabta ah ee maanta ina hortaagan. Inta
badan waxa qorshayaashaasi ay ku dhisan yihiin malaawaal iyo saadaal. Wajiga caynkaa ah ee wax
lagu qorsheeyaa waxa uu uugu dhadhamayaa mid can ah qoloyinka ka shaqaynaya ee ku nool meelo
imika marka si fiican loo dhigo, lagu magacaabo dawlado ku jira kala guur ama dib u habayn.

Dalal ka baxsan xuduuda dalalka ku jira kala guurka ayaa iyana hawlahaa oo kale ku hawlan.
Inta badan se qorshaynta waxa loo dhigaa heerar xukun dawladeed oo hoose oo aan heer qaran
ahayn. Waxyaalaha ka soo baxa qorshahana waxa la yidhaa qorshihii waynaa ama dhammays tir-
naa. Qorshayaashaasina inta badan waa qaar shardi laga dhigo si loo helo maaliyadii qaran ee
loo qoondeeyay mashaariicda iyo barnaamijyada gaarka ah. Geedi socodyadaa lagu qorshaynayo

19
qoondayntu inta badan waxa ay ahayd mid go’aan qaadashadeedu ahayd geedi socod xaga sare
(madaxda) ka imanaya oo dadka hoose la farayo oo ay gacanta ku hayaan saraakiishii la soo doortay
maareeyayaashii magaalooyinka iyo qorshe dajiyayaashii.

Qorshayaasha qaran ee dhawrka sanadood ah iyo kuwa u dhigma ee qorshayaasha waawayn ah,
iyaga oo kolba ku xidhan qaybta caalamka ka mid ah ee lagu sameeyay, si aad u fiican umay
shaqayn, sababa badan awgeed. Waxa ay qorshayaashaasi matalayeen fikirkii dad yar oo la doortay
oo awoodii rasmiga ahayd iyo go’aan qaadashadii u dhuun daloolay amaba lahaa aqoontii iyo xir-
fadihii ay xirfada qorshayntu rabtay. “Qorshayaashoodaasi” waxa ay inta badan ahaayeen weedho
taagan (aan dhaqdhaqaaq lahayn) o mustaqbalka u jeeda. Waxana sabab ay u noqdeen, qorshayaas-
haasi, inay inta badan noqdaan qaar caqabad ku noqda geedi socodkii lagu maarayn lahaa go’aan
qaadashada umada ee ku saabsanayd deegaano si dhaqdhaqaaq badan oo dhakhsa ah isu badalaya,
xag dhaqaale, bulsho, siyaasadeed, deegaaneed.

Taa waxa dheer qorshayaashaa xiliga dheer loo dajiyay way yarayd inta ay ka qaybqaadanayeen
dadkii ay fulintoodu aad u raadaynaysay. Waxa ay ahaayeen muwaadiniintu siyaala badan oo jira
awgeed qaar dibada ka ahaa xayndaabkii qorsheyayaasha umada iyo kuwa go’aanada gooya. Taasi
waxa ay si wayn iskaga hortaagtay qorsha dajiyayaashii iyo dadkii go’aanka gacanta ku hayay
awoodii iyo fahamkii ballaadhnaa iyo qorshaha oo la hanto oo ay hantaan dadkii uu khusaynayay,
waa muwaadiniintii.

John Friedman, oo ah magalooyin qorsheeye magac leh ayaa yidhi, “Geedi socodka bulsho hagidu
– waa eray wax soo jiidanaya oo uu uuga jeedo qorshaynta – waa mid aad uuga muhiimsan in dham-
maantii loo daayo khubarada”. Waxa uu leeyahay waa in geedi socodka qorshayntu uu gaadhaa
dugsiyada, beeraha, warshadaha, xafiisyada, iyo xaafadahaba si loogu soo jiido dad badan sidii ay
toos faraha uula gali lahaayeen arimaha bulshadooda16. Si kale hadii loo dhigo, kuwa ku dooda
qorshayntu waa in ay sameeyaan xayndaab lagu sii ballaadhinayo dadka kale, lana soo galinayo
qorshayntii iyo geedi socodkii go’aan qaadashada.

Waxa jira waji kale oo soocaya nooca geedi socodka qorshaynta ee aynu ka hadlayno. Waxa weeye
fikradda fal hagidda, qorshuhu waa qalab wax lagu maareeyo oo loo qaabeeyay si uu arimo wax
uuga qabto, iyo dhibaatooyin iyo fursado iyada oo lagu jiro geedi socod lagu dhisayo bulshada.
Qorshaha ka qaybqaadashadu waxa weeye wax dareeraya, oo ah sidii noolaha oo kale, waxanu
si dhakhsa ah oo sahlan dib uugu qeexaa xuduudiisa iyada oo uu cuskanayo markasta baahiyaha
deegaanka loo adeegayo. Waxa uugu muhiimsan, qorshayntu waxa ay ku saabsantahay isugayn qor-
sha hawleedyo dhab ah oo si dhakhso ah loo fulin karo. Hadii si kale loo dhigo, qoryayaasha meel
cidla ah lagama sameeyo. Waxa kale oo aanu xusaynaa in uu jiro faham hoose oo la rumaysanyahay
in qorshayntu tahay go’aan qaadasho oo go’aamada lagu gaadho geedi socodka ka qaybqaadashada
ay “leeyihiin” dadkii arinkaa suurta galiyay. Haddii si kale aynu u nidhaa, geedi socodyada ka qay-
bqaadashadu waxa ay xoojiyaan fursadii wax lagu fulin lahaa. Marka aynu qorshaynta ereyadaa ku
micnayno kuna sheegno waxa aynu u jeednaa qorshaynta ka qaybqaadashada

20
Salaanka Ka qaybqaadashada
Waxa aanu rabnaa in aanu safar gaaban kuugu kaxayno dhinicii taariikhdii sanadadii (1960)nadii
iyo dalka maraykanka, dhul markaa aad u kacsanaa, marka la eego kaalinta ka qaybqaadashada bul-
shada arimihii iyo geedi socodkii bulshada. Gabadha la yidhaa Sherry Arnstein oo xilagaa u shaqa-
ynaysay urur aan duwali ahayn oo la yidhaa “Baadhitaano u gaara dadka caadiga ah”, Gabadhaa
ayaa ka qortay qodob muran kululaa oo shidayay waddooyinka magaalooyinka badhtamahooda
ah intooda badan. Waxana ay sharaxday wajiyaal kala duwan oo muwaadinku (hawlaha dalka)
kaga qaybqaato, iyada oo ku matashay sidii talaabooyinka jaranjarada oo kale. Qeexideedaasi waxa
ay caawisay inay ifiso wajiyada kala duwan ee la isticmaalo si loo fuliyo ka qaybqaadashada mu-
waadinka xiligaa.

Arimaha ay soo bandhigtay qaar amaan ayay mudan yihiin qaarna waxooga lama jeclaysanayo.
Kol haddii buugani uu qaatay fikradaha iyo istaraatiijiyoyinka qorshaynta ka qaybqaadashada oo
ay u badantahay inaynu ku dhagno dhammaan tallaabooyinkii ay Arnstein ku sheegtay salaankii
muwaadinka ka qaybqaadashadiisii, waxa aanu u malaynay ina ay muhiim tahay in aragtiyaheedii
aad nala wadaagto:

Fikradaha ka qaybqaadashada muwaadinku waxa ay u dhawdahay sida iyada oo la cunayo geed


gaabka (spinach)ka qofna kama soo horjeedo mabda’ ahaan (cunistiisa) maxaa yeelay wuu kuu fi-
ican yahay. Ka qaybqaadashada dadkii la xukumayay ay ka qaybqaataan dawladoodii fikrad ahaan
waa seeskii diimoqraadiyada – hase yeeshee codkaa sacabku waxa uu hoos uugu dhacayaa sacabis
fudud oo khafiif ah marka dadkii saboolka ahaa mabda’an ay taageeraan (ama doonaan) oo ay ka
mid yihiin dadkii madoobaa, maraynkankii Mexicanka ahaa, reer Purto-Rico, Hindidii, Eskimoskii
iyo caddaanka (qaar). Marka ay dadkii saboolka ahaa ku micneeyaan ka qaybqaadashadii dib u qay-
bin awoodeed, maraynkankii mabda’an asaasiga ah isku raacsana ayaa qarxaya oo midaba badan
yeelanaya oo muujinaya mucaarado qayaxan oo isir, haybeed, fikradeed ama siyaasadeed.

Dhinacya badan tilmaamahaa Arnstein waxa ay sheegayaan xiligeenan waxana ay ku haboon yi-
hiin, tusayaana, qaabka iyo dhaqanka dalal badan oo caalamka ah. Qaabkan fikradeed ee ay inoo
dhistay waa mid xeeldheer oo wax ka sheegaya fahamkeena guud ee ku saabsan geedi socodka ka
qaybqaadashada.

Muwaadinka oo hela ama la yimaad ka qaybqaadasho waa awood siin muwaadinkii ah. “iyada oo
awoodii dib loo qaybiyaa waxa ay u suurta galinaysaa muwaadiniintii danyarta ahayd, ee imika
dibada ka ahaa geedi socodyadii siyaasadda, dhaqaalaha in si kas ah loogu soo daro loogana qayb-
galiyo (hawlaha dalka ee) mustaqbalka”

Jaranjarada Arnstein waxa ay leedahay sideed tallaabo waxa ay ka bilaabmaysaa oo uugu hooseysa
tallaabada “Ciyaarsiinta” waxana uugu sareeya tallaabada ah muwaadinkii oo arinkii gacanta ku
dhigay. Bal aynu si kooban u eegno mid kasta oo ka mid ah tallaabooyinka jaranjaradaa si aynu isku
dayno bal in aynu si fiican u fahamno sida ay u kala duwan yihiin mararka qaarna wax u dumin karo
geedi socodka muwaadinka ka qaybqaadashadiisu.

21
Salaankii Arnstein
8. Gacan ku dhig
7. Igmasho awooded
6. Shuraako
5. Dajin
4. La tashi
3. xog siin
2. Dawayn
1. Ciyaarsiin
Labada darajo ee u hooseeya sallaanka Arnstein waxa weeye
1. Ciyaarsiin iyo
2. Dawayn. Labadaa darajo waxa ay qeexayaan heerar “Ka qaybqaadasho la’aan ah”. Ujeeda-
dooda dhabta ihi waxa weeye in muwaadiniinta laga jiro ka qaybqaadashada qorshaynta iyo
fulinta barnaamijyada iyada oo awood haystayaashii loo ogolaaday in ay ka qaybgalayaasha
“Wax baraan” ayna “Daweeyaan”. Tusaale kali ah hadii aynu soo qaadano waa iyada oo
saboolkii – waa ereyadii ay isticmaalaysay Arnstein – lagu daro gudiyo tala bixin keena,
waa mid looga jeedo in loo isticmaalo (dadkaa) xagii xidhiidhka umada. mid kale waa iyada
oo tababar la siiyo si loo caawiyo saboolkii si ay uuga qaalib noqdaan xaaladaha nolosha
deegaanka ee la xidhiidha baahida, tan oo lagu sheego “dhibaatooyin maskaxeed”.
Labada heer ee ka qaybqaadashada ee xigaa marka aynu eegno sallaankeedii, waxa weeye
3. xog siin iyo
4. la tashi. Arnstein waxa ay u aragtaa in ka qaybqaadashada muwaadiniintu ay tahay astaan
(magac) uun. Waxa tusaale loo soo qaadan karaa shirarka lagu ogaysiiyo muwaadiniinta
hawlaha qaar toos u taabanaya qaab nololeedkooda ama deegaankooda. Xidhiidhku inta
badan waa mid dhinac kaliya u socda (ka imanaya dawladda ku socda muwaadinka) oo
aanu jirin xog soo noqonaysa ama fursad gorgortan oo jirtaa, waa xidhiidh rasmi ah, wehe-
liso baqa galin, inta badana waxyar oo xiligiisii dhacay laga qaban karo go’aankii dusha ka
yimid. La tashigu waxoogaa yar ayuun buu u badanyahay xaga sharciga marka aynu eegno
sallaankii Arnstein ee tallaabooyinka ka qaybqaadashada ee kala dandanbeeyay. Inkasta oo
tan danbe tahay talaabo sharci ah oo xogtii lagaga helayo muwaadiniintii, mase jiro wax
xaqiijinaya in xogtii wax lagu qabanayo. Siyaalaha guud ee wadatashiga loo sameeyaa waxa
weeyi iyada oo la baadho dadka mawqifkooda, la qabto shirar xaafadaha ah, oo dadka si
guud loo dhagaysto. Kor hadii aynu ugu kacno darajada
5. aad oo lagu magacaabay dajin, waxoogaa uun ayay ka saraysaa heerkii magaca uun ahaa ee
Arnstein ay koritaanka sallaanka ku kala qaad qaaday. Inta badan heerkan, saboolkii waxa
la siiyey fursado badan si ay talo u bixiyaan, hase yeeshee wali awoodi ma jirto lagu taag-
eerayo khibradoodii. Ma dareemaysaa in aad rabto inaad arrin la marto farsamooyinkaa la
dareemayoinay aad sharci u yihiin dhinaca mashruucyadeena aynu rabno in muwaadinkii
lagu soo daro dhacdooyinkii ka qaybqaadashada?
Sadexda darajo ee uugu danbeeya sallaanka waxa ay dhigayaan istaraatiijiyooyinkii awood
wadaaga waxa weeye
6. shuraako,
7. awood igmasho iyo
8. muwaadinkii oo gacanta ku dhiga taladii. Labada darajo ee u sareeya muwaadiniintii sa-
boolka ahaa ayaa gacanta taladii ku dhigaya iyada oo dadkii aqlabiyada ahaa (badnaa) uu

22
ka talinayo siyaasadii iyo gudiyadii maaraynta ama uu qabanayo (saboolkii) awood maa-
rayneed oo buuxda.

Su’aal: Tani dadkii ladnaa ma ku tuuraysaa halkii saboolku fadhiyeen (ee aan wax la waydiin jirin)?
Hadii arinku sidaa noqdo, ma keeni kartaa inay dhacdo xaaladihii ciyaarsiintii iyo talaabooyinkii
kale ee tusayey ka qaybqaadasho la’aanta.

Dhinacyada qaar dooda Arnstein waa mid gabowday. Talooyinkeedu ma arkayaan jinsigii, dareen
uuma laha arimaha faca, waxa maqan saamayntii midabka (isirka), mana ku xisaabtamayo kala
duwanida dirreed iyo cadho iyo buuq siyaasadeed oo ay kiciso.

Kaalinta adag ee qaar badan oo inaga mid ah hortaala waxa weeye in aynu ogolaano oo aynu
sii hagaajino salaankii Arnstein, kan oo ah mid u dhaw nolosha dhabta ah ee aynu ku noolna-
hay, waa marka aynu eegayno sidii bulshada aynu uugu furi lahayn ka qaybqaadasho ballaadhan.
Darajooyinka u hooseeya ee sallaanku waa qaar ina xasuusinaya xaalado aynu wada garanayno,
ama ha ahaato toos mid aynu u garanayno amaba aynu sheeko ku hayno isku dayo la samaynayay
ka qaybqaadasho aan ka qaybqaadasho jirin. Dadkii ku noolaan jiray dalal xukunku kaligii talis
yahay waxa ay garanayaan wixii ay ahaayeen, amaba haddii hadalka si sax ah aynu u dhigno, waxa
ay garanayaan wixii aanay ahayn. Dhammaanteen waa in wax lagu dhisaa si siman oo ragii iyo
haweenkii ay arimaha uuga qayb qaataan.

Sallaankii Arnstein waxa uu ahaa dhab ahaan mid wax qod-qodaya oo soo qaadaya waxyaalo ka
qaybqaadashada ka mid ah oo aan muuqan, isla markaa u jajabinaya qayba ad adag oo waawayn,
kadib ku soo ganaya wajiyadeena dhammaan (arinkii) si aynu uuga fikirno una eegno. Sida ay
dhagta inoo saarayso, nolosha aduunka ee dhabta ihi waxa ay u taalaa si loo falfaliidho darajooy-
inkaa (sallaanka) iyada oo laga dhigayo daraasiin darajooyin oo yaryar oo aan aad u muuqan lehna
sooc saafiya waxana ay leedahay waxa laynoo daayay inaynu sallaanka kor iyo hoos u qaadno,
iskuna darno isna waafajino geedi socodyadaa ka qaybqaadashada ee ka tarjumaya baahiyaha kuwa
awooda haysta iyo kuwa raba inay awood yarida ka koraan.

Xilligani waa xili ku haboon in la istaago lana eego farriimihii ka danbeeyay darajooyinkii sallaan-
ka iyo isticmaalkoodii ku saabsanaa geedi socodka ka qaybqaadashada bulshada, oo dhexmaraysa
dawladihii hoose, ururadii rayidka iyo muwaadiniintii.

Darajadee ayaad isku hayb sooci kartaa adoo cuskanayaa khibradaadii ku saab-
ligi i
Xi sig sanayd qaababka kala duwan ee ka qaybqaadashada muwaadinka? Ku qor halka
c
mili bannaan ee halkan ka hoosaysa waxoogaana ka tilmaam xaaladihii.

………………………………………………………………………………………………………
………………………………………………………………………………………………………
………………………………………………………………………………………………………
………………………………………………………………………………………………………

23
Si Kooban
Waxa aynu soo qaadanay safar gaaban oo raad raac ahaa si laguu baro qaar ka mid ah dhacdooy-
inkii u danbeeyay ee ku saabsanaa geedi socodka biriish dhiska waxana aynu ku magacawnay
qorshaynta ka qaybqaadashada. Waxa kale oo aanu isku daynay in aan balballaadhino ereyada aanu
isticmaalayno anaka oo keenayna dhinacyo kale oo laga eegayo micnaha ereyadaa.

Cutubka 2aad waxa aynu eegi doonaa sifooyinka iyo tilmaamaha ka dhigaya qorshaynta ka qay-
bqaadashada qalab gooni ah oo la filayo inuu noqdo mid qiima badan oo loo adeegsado qeexida iyo
gaadhitaanka ujeedooyinkii iyo yoolkii guud. Doodeena waxa aynu u qaybin doonaa sadex qay-
bood. Qaybta u horaysaa waxa ay diirada saari sifooyinka qeexaya dabiicada geedi socodka, oo ay
ku jirto fikrada raasamaalka bulsheed oo ay raacayso arimo sida caanka ah qiyaas u ah horumarka
diimoqrayada (sida: xerogalin, furfurni, xisaabtan). Qaybta labaad waxa ay daymoon doontaa xir-
fadaha iyo dabeecadaha la xidhiidha qorshaynta ka qaybqaadashada wax ku oolka ah. Qaybta sa-
dexaad waxa ay si kooban u sharaxi wajiyada badan ee qorshaynta ka qaybqaadashada oo aanu ku
talinayno in aad eegtid kana fikirtid (sida: baadhitaanka, qorshaynta, fulinta).

Qodobo Muhiim Ah

• Qorshaynta ka qaybqaadashadu waxa ay leedahay raad raac hodon ah oo inta badan lagu
murmo kana waramaya ka qaybqaadashada bulshooyinka dunida daafaheeda.
• Geedi socodkana waxa qeexay dad badan iyo dhaqdhaqaaqyo badan oo u qeexay siyaalo
badan, taasi oo keentay ifin fiican, amaba wareer badan ku keentay akhristaha, waxana ay
ku xidhantahay heerka qofku u dulqaato madmadowga.
• Qorshaynta ka qaybqaadashadu waxa ay soo jiidatay dareenka hayadaha caalamka daaf-
ihiisa, sida Baanka Aduunka iyo Hayada UN Habitat, iyo muwaadiniintii qulubsanaa ee
rabay inay qayb ka noqdaan go’aan qaadashada arimo saamaynaya nolol maalmoodkooda.
• Waxa la hayaa caddaymo iyo qoraalo inagu filan oo sheegaya sida lagu heli karo ka qaybqa-
adasho guul leh. Hase ahaatee xeerarka ka qaybqaadashada ee micnaha u badan samaynayaa
waa kuwa la helay marka dawladda hoose, hayadihii bulshada iyo muwaadiniintii ay isu
yimaadaan si ay u wada shaqeeyaan.
• Ka qaybqaadasha oo dhammi ma aha mid loo baahanyahay ama midkastaa ma aha ka qay-
bqaadashadii loo baahnaa. Ka qaybqaadashadu waa geedi socod ay dhacday, dhicina doonto
in meel lagaga dhaco si xuna loo isticmaalo.
• Marka digniinahaa aanu bixinay, ka qaybqaadashadu waa qalab awood badan leh, oo natiijo
wax ku oola leh. Hayadaha iyo dadka uula dhaqma ka qaybqaadashada qorshaynta si sharaf
leh kuna fuliya xuduudihii la filayay ee lahaa furfurnaantii iyo xisaabtankii, waxa abaalkoo-
du uu noqonayaa go’aamo fiican iyo nidar gal la wadaago si dhab ahaan loo fuliyo wixii la
qorsheeyay.

24
Raad Raac
Blackburn James with Jeremy Holland (eds.). “Who changes? Institutionalizing participation in
development” London: Intermediate Technology Publication, 1998,p. xiii. Ipid p.xiii

Cornwall, A., I. Guijt and A. Welbourn. “Acknowledging process: challenges for agricultur-
al research and extension methodology”. Beyond Farmer First: Rural People’s knowledge,
Agricultural Research and Extension Practice. London: Intermediate Technology Publications, Ltd
1994, pp. 98-117.

Champers Robert. “Whose Reality Counts, Putting the First Last”. London: Intermediate
Technology Publications, Ltd 1997, p. 106

Ibid., p.157-8

Ibid., pp. 117-9

Ibid., pp. 147-154

Blackburn, op Cit.. p.170

Jennifer Rietbergen-McCraken (ed.). “Participation in Practice”. Washington, DC: The World


Bank, 196, pp. 7-8

Nici Nelson and Susan Wright (eds.). “Power and Participatory Development”. London:
Intermediate Technology Publications, Ltd 1997, p. 195

Guijt, Irene and Meera Kaul Shah. “Waking up to Power, Conflict and Process”. The Myth
of Community, Gender Issues in Participatory Development. London: Intermediate Technology
Publications, Ltd 1998, pp. 4-5

“Building the City with the people”. Mexico City: Habitat International Coalition, 1997, p.56.

Hargrove, Robert. “Mastering the Art of Creative Collaboration”. New York: Business Week
Books, 1998, p.2.

McLagan, Patricia and Christo Nel. “The Age of Participation”. San Fransisco. Brette Koehler
Publishers, 1995, pp. 29-68.

Chrislip David D. and Carl E. Larson. “Collaboration Leadership. How Citizens and Civic
Leaders Can Make a Difference”. San Fransisco: Jossey-Bass Publishing 1994 p. 51-4

Fredmann. John “Retracting America”. Garden City, New York: Anchor Press, 197 p.xvii.

Arnstein , Sherry, “A Ladder of Citizen Participation”. American Institute of Planne Journal, July
1969, p.216 Ibid.

25
2

Cutubka
Sifooyinka Muhiimka Ah
Ee Laga Helo Qorshaynta
Ka qaybqaadashada

Hadii wax la hubaa uu jiro, isbadal ayaa la hubaa;


Aduunka aynu maanta u qorshaysanaynaa,
qaabkan uu yahay u jiri maayo barito.

PHILIP CROSBY.

Raasamaal Bulsheed …………………………………………………………………………… 27


Arimaha Aaminaadda, caadooyinka wax is
waydaarsiga iyo gudagalka bulsheed ……………………………………………………………28
Qorshaynta ka qaybqaadashada oo ah geedi socod loo
adeegsanayo dhiska raasamaal bulsheed………………………………………………..……… 30
Dawladaha hoose oo ah hayada gooni ah ……………………………………………….………31
Mabaadiida qorshaynta ka qaybqaadashada wax ku oolka ah ………………………….……….32
Dawladaada hoose siday mabaadi u leedahay? ………………………………………...……….33
Xidhiidhka isgaadhsiineed, hoggaan wadaaga iyo koox u Shaqayntu:
waa xirfadaha nuxurka u ah geedi socodka
qorshaynta ka qaybqaadashada………………………………………………………….……….34
Qodobo muhiim ah …………………………………………………………………….………..44
Raad Raac ………………………………………………………………….…………...……….44

27
Ilaa imika waxa aynu dib u eegid ku samaynay waxoogaa ku saabsan raad raaca qorshaynta ka qay-
bqaadashada, waxa aynu baadhnay fikrado iyo muunado badan, waxa aynu ka doodnay kaalmaha
iyo eexashooyinka noocya kala duwan oo ciyaartoyga geedi socodkan ah, waxana aynu kor u ta-
agnay calamo digniin ah oo ku saabsan isticmaalka iyo mararka qaar ku xad gudubka qorshaynta
ka qaybqaadashada oo ah istaraatiji la xidhiidha bulshadii, dhaqaalihii, deegaankii iyo ururadii is-
badalkoodii. Baadhitaan dagdag ihi waxa uu inoo muujiyay heerar badan oo qiyam, farsamooyin,
mabaadii iyo soo jeedimo leh la xidhiidha sidii si wax ku ool ah loogu shaqayn lahaa hawlahaa
iskaashiga iyo ciddii laga qaybgalin lahaa geedi socodka. Adoo taa maskaxda ku haya, shaqadeena
u mudani cutubkan waxa weeye inaynu sii balballaadhino qodobadaa aynu sheegnay qaar badan oo
ka mid ah, kuna darno waxoogaa qodobo ah oo cusub.

Waxa aynu ku bilaabi fikrad dallaayad ah iyo istaraatijiyad loo yaqaan raasamaal bulsheed, markaa
waxa aynu eegi mabaadii asaasi ah oo aanu rumaysanahay inay dhigayso qiimihii asaasiga ahaa
iyo seeskii lagu shaqaynayay, marka la rabo isku day kasta oo ku saabsan gudagalka qorshaynta ka
qaybqaadashada. Kuwaasina waxa weeye xidhiidh isgaadhsiineed oo tayo badan, hoggaan wadaag
iyo koox ku shaqayn. [waxa si dhaw uugu xidhan mabaadiida qorshaynta ka qaybqaadashada arin
la rumaysanyahay oo ah inay qasabtahay in loo arko dawladaha hoose inay yihiin qayb muhiim ah
oo dhammays tiraya geedi socod kasta oo qorshayn ka qaybqaadasho ku saabsan oo ka hirgalaya
bulshada dhexdeeda].

Marka lagaga doodayay baahida buugan loo qabo laba qaaradood oo aad u kala duwan, Africa iyo
Europe badhtamaheeda iyo barigeeda, waxa ay qaarad kasta goonideeda u xaqiijisay una gaadhay
inay waajib tahay in ururada aan duwaliga ahayn iyo ururada bulshada iyo dawlada hoose si wada
jir ah uga shaqeeyaan noocyada kala duwan ee isbadal ku biirinta bulshooyinkooda guud.

Marka balankaa aanu sheegnay, waxa aanu malaysanay in dawladaha hoose noqon doonaan shuraake
firfircoon oo u jajaban rabana qorshaynta. Waxa kale oo aanu halkan ku soo darnay dood gaaban
oo ku saabsan kaalmaha goonida ah iyo masuuliyaadka dawladaha hoose oo ah hayado bulshada
asaas u ah

Raasamaal Bulsheed

Qorshaynta ka qaybqaadashadu waa geedi socod inta badan loo dhigay in uu abaaro arin gaar ah,
sida fursad ama dhibaato. Iyada oo ujeedadu tahay in si guul leh loo xaliyo ama looga faa’idaysto
iyada oo ay iskaashanayaan awoodihii daneeyayaasha muhiimka ihi. Taa micnaheedu waxa weeye
in aad loo xadido waxa la qabanayo, inta la qabanayo, cidaha qabanaysa, ujeedada ay u qabanayso.
Iyada oo sifooyinka ujeedoyinka loo adeegayaa ay noqon doonaan xerada aynu ka dhex shaqaynay-
no, waxa aanu rabnaa in aanu soo jeedino xero hawleed ballaadhan oo si u adag oo aynu dhigno
qorshayntii ka qaybqaadashada: waxa weeye “Rasamaal Bulsheed”

Ereyga raasamaal bulsheed waxa curiyay ninka la yidhaa Robert Putnam si uu u sharaxo “muuqa-
alada urur bulsheedka, sida aaminaada, dhaqanka iyo shabakado horomarin kara tayada bulshada

28
iyada oo la fududaynayo hawlaha jaanqaadkooda”1 Robert Putnam waxa uu ka sameeyay baadhi-
taan goobeed oo ballaadhan dalka Talyaaniga si uu u eego sida ay muhiimka u tahay “bulshada ray-
idka ihi” xaga horumarinta hayado guulaysta. Markii Talyaanigu uu sanadkii 1970kii uu sameeyay
dawlado cusub gobol kasata, waxa ay qaateen Putnam iyo qolooyinkii la jiray labaatan sanadood
si ay u lafa guraan wax ku oolnimada dawladahaa cusub, iyaga oo eegayay meela dhowra, xag
bulsheed iyo xag dhaqaaleba. Baadhitaankoodii waxa uu muujiyay tusaalooyin urureed, is aami-
naad iyo wax wada qabsi taasi oo fudadaysay maamul dawladeed fiican iyo badhaadhe dhaqaale.

Sida raasamaalada kale, raasamaalka bulsheed waa mid midha dhal leh. Marka uu guulaysto bar-
naamijka qorshaynta ka qaybqaadashadu – ee la gaadho natiijooyin la’aantii aan la gaadheen – tani
waxa ay kobcinaysaa raasamaalkii bulshada. Tusaale ahaan, marka laba dawladood oo hoose ama
in ka badani isu tagaan si ay u samaystaan adeeg ugu adeegaya baahiyahoodii guud si ka taya badan
sidii arinku noqon lahaa hadii mid kasta goonideed u shaqyso, tani waxa ay kobcinaysaa gobolka
raasamaalkiisii bulsheed.

Halka qorshaynta ka qaybqaadashadu ay wax ku kordhin karto raasamaal bulsheedkii bulshada ama
gobolka, noocyada caynkaas ah ee ka qaybqaadashadu (geedi socodyada iskaashigu) waxa ay keeni
karaan faa’idooyin waxana ay fududaynayaan korodhkii raasamaal bulsheedka. Waa geedisocodyo
awoodo iskaashaday ah oo is taageeraya. Tusaale ahaan, mid ka mid ah qoraayada ayaa ku nool
dhul miyi ah oo ku yaal gobolka Pennsylvania oo ay u adeegaan ururo dab damin ah oo tabaruc ku
shaqeeya. Ururadaa deegaaneed waxa ay leeyihiin heshiis dhex ah oo ay isku caawiyaan, taa micna-
heedu waxa weeye waxa ay leeyihiin xidhiidh joogta ah waanay isu soo gurmadaan, marka qolo ay
ku timaado dhibaato burbur ah oo aanay kali ahaantood maarayn Karin. Taa micnaheedu waxa we-
eye urur tabaruc ah ayaa shaqo gaar ah ka dhiganaya in uu wax ka qabto nooc burburka ka mid ah,
halka qaybo kale oo qolooyinka heshiiska ka mid ihi ay shaqo gaar ah ka dhiganayaan hawlo bur-
bur oo kale. Sidaasi ayay qaybahoodii gaarka ahaa tayadoodii iyo raasamaalkoodii maalgalinta ku
xoojinayaan, halka ay raasamaal bulsheedkoodii guudna xoojinayaan iyaga oo wada shaqaynaya.

Sida uu James Coleman ina xasuusinayo “koox ay xubnaheedu muujinayaan is aaminaad, oo xoog
badan saaray is aaminaad qofba qofka kale aaminay, waxa ay karayaan in ay gutaan in aad uuga
badan inta ay qaban lahaayeen koox u dhiganta oo aan amaano iyo is aamin lahayn”2 Coleman oo
hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “kolba marka ay korodho inta dadku isku qayshanayaan si la isu kaa-
shado, waxa sii kordhaya tayada raasamaalka bulsheed ee abuurmaya”. Waxa taa ka soo horjeeda,
“xidhiidhkii bulsheed wuu dhimanayaa hadii la dhisi-waayo, himilooyinkii iyo waxyaalihii aad
qaaday marka xili tago way iska baaba’yaan, sidoo kale wada socodkii wuxuu ku xidhan yahay in
uu jiro xidhiidh joogta ihi”3.

Hadii aynu isticmaalno is barbar dhig ahaan ururkaa dab-damiska, inta ay kolba kordhiyaan qolooy-
inkaasi isu qayshiga si ay isu caawiyaan ee qolodii kalana ka jawaabto si ay adeegii loo baahnaa
uuga caawiyaan, ayay kolba sii kordhaysaa isku kalsoonidooda iyo is aaminaadoodu.

29
Arimahaa Aaminaada, Caadooyinka Wax Is
Waydaarsiga iyo Gudagalka Bulsheed

Is aaminaada iyo amaanado waa erayo ka dhaliya dareemo badan, qaybo badan oo caalamka ka mid
ah, goobahaasi oo lagu dhaawacay is aaminaadii ama lagu baabiiyay heer qof ahaaneed iyo heer
qoys iyo heer bulsho iyo heerarka sare ee is dhexgal yimaadaba. Aaminaadu waxa ay ku saabsan-
tahay geedi socodka inagu dhalinayo inaynu ka filano ciddii kale wixii waday iyo inay si gaar ah
u dhaqanto. Waxana aynu wax ku salaynaa dhaqano hore iyo sumcadihii hore si aynu u qiyaasno
inaynu qof ama urur aamini karno. Waxana arinta ku jira saadaalin iyo suurtagalka in khatar loo
badheedho. Inta kolba aad urur iyo xubnihiisa aad ficilkooda wanaag ka saadaalin karto ayay dhab
ahaantii khatarta ka iman kartaa yaraanaysaa, taasi ayaana kor u qaadaysa raasamaal bulsheedka u
kaydsamaya iyo sumcadooda marka ka qaybqaadasho hawleed iyo arin imanayo.

Is aaminaad bulsheed waxa ay ka dhalataa koox arima ah oo is badbadalaya. Arimahaana laba ayaa
uugu daran: Caadooyinka wax is waydaarsiga iyo shabakada ka qaybgalka bulsheed. Caadooyinka
wax iswaydaarsiga waxa loo eegi karaa laba siyood. Mid dheeli tiran ama wax gaar ah la isway-
daarsanayo, iyo iswaydaarsi alaabooyin isla markaa ah oo qiimahoodu isku mid yihiin. Taa aadka u
muuqataa marka aynu heerka qofka eegno waxa weeye is waydaarsiga hadiyadaha ee dadka dhex
mara. Badi arimahaasi waxa ay ku xidhan yihiin in qofkii kale aad ka filayso inuu kuu soo celin
doono wax gaadhsiisan ilaa xuduud aad qiyaasayso maskax ahaan.

Nooca uugu muhiimsan ee wax is waydaarsigu, marka arinka aynu ka eegno dhinaca dhisida raasa-
maal bulsheedka, waxa weeye “wax iswaydaarsi guud – xidhiidh socda oo wax iswaydaarsi xiliyo
aan wax isu celin lahayn amaba ah mid aan isu qiyaasnayn, hase yeeshee waxa meesha ku jira wax
la isla garanayo oo la filanayo oo ah faa’iidada imika la bixiyaa waa mid la soo celin doono mus-
taqbalka”, sida Putnam uu qabo, waa qayb aad midha dhal u leh oo ka mid ah raasamaal bulsheed-
kii. Bulshooyinka gudagala caadooyinka sidaas ah ee wax iswaydaarsiga guud, waxa ay si tayo
leh u xakamaynayaan, damacii fursad raadiska ahaa ee dadka iyo kooxaha, waxana ay xalinayaan
dhibaatooyin u baahan talaabo wada jir ah.

Bal aynu mar kale eegno ururadii dab daminta. Ururadaasi ma aha qaar shaqadoodu ku egtahay ina
ay iska kaashadaan goobo urur kasta hore u qaatay in uu daboolo, waxa se u dheer in ay dareen-
sanyihiin inay yihiin qayb dhammays tiraysa nidaamkii dawladda hoose. Inkasta oo ay ururadu
qabanayaan adeeg bulsho oo qiimo badan, iyaga oo ah urur bulsheed, hadana waa in ay ku tiirsa-
naadaan dawladii hoose si ay u helaan (gaadhaan) khayraadkii guud ee umadu lahayd, sida gaadhi-
taankii dhuumihii biyaha ee umada ee dab daminta, xakamayntii socodka wadooyinka, iyo mararka
qaar raasamaal lacageed oo maal galinada waaweyn lagu sameeyo. Inta badan heshiisyadaa wax is
waydaarsiga ah ee guud waa qaar aan u dhicin qaab rasmi ah, kuna salaysan sanado khibrad ah iyo
is aaminaad. Hase yeeshee khadadka u dhexeeya ururadaa adeega dabdaminta iyo dawladaha hoose

30
waa qaar si dagan ey labada dhinacba u ilaaliyaan. Waxa ay u jeedaan inta maamulkoodu ku egya-
hay waxana ay ogyihiin sida ay muhiim u tahay in qolo kastaa hadana madax banaanidii ilaashato.

Hadii aynu soo qaadano Kenya oo ka nimaadno miyiyada Pennsylvania iyo shaqaalahaa dab da-
minta ee tabaruca ku shaqeeya wax ka jira Kenya arin gaar ah oo dhaqan ahaan ah tusaale haboon oo
tusaya sida bulshooyinku u dhisaan raasamaalka bulsheed. Nidaamkaa waxa la yidhaa Harambee.
Qaabkiisu waxa weeye hab lacag bulshada lagaga soo ururiyo si taageero looga gaysto arimo kala
duwan oo muhiim ah. Waxa dhici kara in arimahaasi yihiin qaar aad qof u khuseeya, sida cid laga
taageerayo kharashkii aaska qof geeriyooday oo ka soo jeeda qoys baahan, ama lacag loo ururiyo
qof yar oo bulshada ka mid ah si uu u raadsado tacliin jaamacadeed. Nidaamka Harambeegu wax-
ana weeye mid dhacdooyinka bulshada la socda oo bulshada xubnaheeda isu keena bulsha ahaana
isku xidha dhaliyana wax isu soo celin guud (wax isa siin). Nasiib daro se musuqmaasuqii siyaasa-
deed iyo danaysigii ayaa kharibay sanadadan danbe nidaamkii Harambeega. Wixii da’a badani ay
ka qaybqaadasho bulsheed kareen ina ay ka dhisaan raasamaal bulsheed Kenya bulshooyinkeeda
meela badan oo ka mid ah waxa burburiyay oo kala diray uur xumo iyo hunguri siyaasadeed. Waxa
qoonmay aaminkii u ahaa muhiimka geedi socodka kaydka raasamaal bulsheedka, marar badana
waaba la baabiiyay. Putnam waxa uu leeyahay shabakadaha ka qaybqaadashada bulsheed waxa ay
xoojinayaan suurtagalkii in la dhiso lana daryeelo caadooyin wax ku ool ah oo la xidhiidha wax
isu soo celin guud. Hadii aynu soo qaadano xaalada laamahan dab daminta ee mutadawiciinta ah,
shabakadihii waxa soo galaya:
• Ururo kaabayaal ah, oo inta badan ay ururiyaan oo ay ka shaqaysiiyaan xaasaskii dab dami-
yayaashu..
• Dhacdooyin arimo bulsho oo soo noqnoqda (munaasabado) oo bulshada balaadhani ka soo
qaybgasho, loona adeegsado in lacag tabaruca iyo taageero lagu raadsho.
• Munaasabado marmar ah oo waawayn lana filo oo dadka u soo jeedisa xidhiidhada wax
iswaydaarsiga ee iyaga iyo bulshada ka dhexeeya (sida: isu soo baxyo, mahrajaano), iyo
• Ka qaybqaadashada shabakadaha kale, sida ururada ciyaaraha iyo kuwa adeega, ee daryeela
xidhiidhka bulsheed ee ka dhexeeya dab damiyayaasha iyo muwaadiniinta. `

Dhammaan hawlahaa isku xidh xidhani waxa ay kobcinayaan ina uu kordho kayd (raasamaal)
bulsheedku, waxana ay tusayaan inta ay muhiim yihiin shabakadaha ka qaybqaadashada iyo caa-
dooyinka wax isu soo celintu. Kuwa aan la qabsan karin is bar bardhigii laamaha tabaruca ah ee dab
damintu ha ka fikiraan ururada xaafada ee tirade badan, naadiyada ciyaaraha, kooxaha diiniga ah,
kooxo madadaalo, iyo hawlo kale oo abaabul ka dhexeeyo oo keenaya shabakado ka qaybqaadasho
oo ka jira bulshada gudaheeda.

Nasiib daro waxa suurtagal ah dhinac hoose oo ay yeeshaan shabakadahaa ka qaybqaadashadu iyo
caadooyinka wax isu soo celintu. Iska horimaad isireed, is xukun jinsi ku salaysan, iyo noocyada
kale ee isku dhacyada bulshadu waxa ay inta badan ka dhashaan shabakado ka qaybqaadasho oo
sooc ahaa, iyada oo aynaan badi odhan Karin waa tiirarka bulshada madaniga ah. Hase yeeshee,
xeerarka xukumaya shabakadahaa wax soocayaa, xagii ka qaybqaadashada, waxa ay leeyihiin si-

31
fooyin isku mid ah oo la mid ah kuwii Putnam iyo qolooyin kale ku doodeen inay khatar ku yihiin
korodhkii raasamaal bulsheedka.

Qorshaynta ka qaybqaadashada oo loo adeegsanayo dhiska raasamaal bulsheed

Inkasta oo arinkani leeyahay dhinac madow, hadana mabaadiida iyo hawlgalada ka danbeeya fikra-
da raasamaal bulsheedku waxa ay muhiim u yihiin geedisocodka qorshaynta ka qaybqaadashada.
Ama waxa aynu ka qaadanaynaa mawduuc yaraha in qorshaynta ka qaybqaadashadu ay muhiim
tahay geedi socod ahaan si ay u kobciso raasamaal bulsheedka. Sadex siyood ayaana loo xisaabin
karaa waxtarka qorshaynta ka qaybqaadashada:
• Isku dayada qorshaynta ka qaybqaadashadu waxa ay ka mid yihiin qaybo asal ah oo kordhi-
naya marka ay mudo socdaan tarankii iyo korodhkii raasamaal bulsheedka wax iswaydaarsi-
ga midhaha leh ee dhex mara dawladaha hoose, ururada rayidka ah iyo muwaadiniintu waxa
weeye sidii xoolo baan la dhigtay oo kale waxana uu dhisayaa raasamaal, isla markaana
abuurayaa faaiido.
• Hawlaha qorshaynta ka qaybqaadashadu marka ay midha dhaliyaan, waxa ay tusaale u no-
qonayaan caadooyin fiican oo wax isu soo celin keenaya waxana ay dhalinayaan shabakada
cusub oo ay dadkii bulshadii dantii guud ka qaybqaataan. Sida ay qabaan Putnam iyo qoloo-
yin kale, arimahaasi waa ilaha u muhiimsan ee dhalinaya is aaminaad bulsheed, taasi oo
kobcinaysa deegaankii haboonaa ee uu kana hanaqaadi lahaa raasamaal bulsheedku.
• Shaqooyinkaa qorshaynta ka qaybqaadashadu marka ay si wacyibadan leh uga dhisaan
seeskii raasamaalka bulsheed goobtii deegaaneed waxa ay dhaxalsiinayaan hayadihii is
xukun dhexdooda ah iyo diimoqraadiyad ka taaba qaada meelihii aan daganayn, hadii ay
goobtu dhisnaydna tani way sii xoojinaysaa uun.

Qodobkan u dambeeyaa waxa uu u baahan yahay in waxoogaa la sii bal balaadhiyo. Qolooyin ayaa
ku doodi kara, bulshooyinka hayadaha dawlada la aamino ee ay kalsoonida haystaan ee muwaadini-
intu rumaysanyihiin geedi socodka diimoqraadiyadeed inuu shaqaynayo, sifooyinkaasi marka ay ji-
raan waxa ay keenayaan in la is yidhaa malaha muwaadinkii uma baahna ka qaybqaadasho intaa ka
badan. Hadii si kale loo dhigo, waxa lays odhan karaa nidaamkii wuu shaqaynayaa, muwaadiniintii
si fiican ayaa loo matalayaa, qof kastaana wuu ogyahay in qorshaynta ka qaybqaadashadu tamar
iyo waqti u baahantahay. Hadii wax is badalaana (waa arin caqli gal ah) waxa la samayn karaa uun
in loo footeeyo sidii xildhibaanada xafiiska looga tuuri lahaa. (markaa maxaa looga baahanyahay
qorshaynta ka qaybqaadashada hawsha badan). Runtu waxa ay tahay nidaamada dawlada hoose ee
wax ku oolka ah iyo diimoqraadiyadaha shaqaynayaa iskama dhaafaan baahida loo qabo barnaami-
jka ka qaybqaadashada. Iska daayoo, siyaalaha kala duwan ee muwaadinku uu u muujiyo nidaamka
ayayba sii xoojisaa kana dhigtaa mid sii hanaqaada.

Sida uu Putnam inagu xusuusinayo qiimayn laga fiirsaday oo uu ugu xamaadaysanyahay shaqooy-
inkaa adag wuxuu leeyahay “in la dhiso raasamaal bulsheed wax sahlan ma aha hase yeeshee muf-
taax ayay u tahay in diimoqdaariyadii shaqayso”5 waxa uu ka hadlayay diimoqraadiyada, bal aynu

32
u fiirsano kaalinta goonida ah iyo khayraadka ay dawladaha hoose miiska soo dhigayaan si ay uuga
qaybqaataan geedi socodka qorshaynta ka qaybqaadashada

Dawladaha Hoose Oo Ah Hayado Gooni Ah


Waa laga yaabaa ina ay cadahay, hase yeeshee dawladaha hoose waa hayado gaar ah. Waxa weeye
qaar matala dhammaan muwaadiniinta deegaanka juqraafiyeed ee sharci ahaan ay ka taliyaan. Waxa
aanu qirsanahay in muwaadiniin badani iswaydiin karaan micnaha go’an ee weedhan, marka la
eego wax qabadka dawlado hoose oo badan. Dhab ahaan sawirada uu inoo gudi karo habkan diimo-
qraadiga ihi iyo isxukunka deeganku, marka sidii la rabay ay u shaqaynayaan waxa weeye, dadkii
wax doonayay oo awood u leh ina ay u footeeyaan in qofkii xildhibaan ah ee himiladoodii gabay ee
aan danahoodii matalayn dibada uuga tuuraan xafiiska.

Dawladaha hoose, iyada oo la eegayo xilka sharci ahaan loo igmaday ina ay matalaan dhammaan
muwaadiniinta, waxa ay awood miisaan leh ku leeyihiin la shaqaynta heerarka kale ee dawlada iyo
dhammaan qaybaha bulshada. Waxa ay suldad u haystaan ina ay qabtaan shirarka oo ay dajiyaan
siyaasadaha iyo shuruucda loo qorsheeyay ina ay fuliyaan ujeedooyin sal ballaadhan oo deegaanka
ku saabsan. Dawladaha hoose waxa ay haystaan kayd xusuus hayadeed ah, oo aan ahayn ta wara-
aqaha ku qoran oo qudha, iyo taa khariidadaha iyo dhokomantiyada kale, waxase ay haystaan (xu-
suus ahaan) shaqaale soo jireen ah iyo saraakiil, oo inta badan awood u leh khibradahoodii badnaa
inay raad raac sameeyaan oo qodaan soona saaraan xog iyo aragtiyo qiimo badan. Mid ka mid ah
qoraayada ayaa la shaqeeyay injineer magaalo oo aad u khibrad badan, oo da’diisu ahayd afar iyo
sideetan jir, kaas oo ay u suurta gashay ina uu xusuusto xaalad soo martay oo magaalada lacag
badan u madhxisay, kana saartay meesha xoolo lagu bixin jiray waqtiyo hore si cadaalad daro ah,
cid gaara oo la siiyay xquuq dheeraad ah.

Dawladaha hoose inta badan waxa loo igmaday ina ay ururiso oo soo saarto dakhli, maarayso la-
cagta dawlada hoose ee deegaanka kuna isticmaasho miisaaniyada deegaanka sidii loo gaadhi lahaa
ujeedooyinka barnaamijyo xili gaaban ah, iyo xiliyo fog oo bulshadu maal gashanayso. Igmashada
maaraynta arimaha lacagtu waxa ay bixinaysaa fursad ah in la sameeyo arimo bulsheed oo la kala
doorto iyo in lagu taageero qorshayntii ka qaybqaadashada khayraadkii loo baahnaa si loo fuliyo
qorshayaasha. Dalal badan dawladaha hoose waxa ay gudagali karaan khayraadka sanad maali-
yadeed soo socda, iyaga oo isticmaalaya dayn xili dheer lagu bixinayo, si ay u dhisaan adeegyo
bulsheed o dakhso loogu baahanyahay.

Dawladaha hoose waxa ay u taagan yihiin hawl socota, xasilooni, khibrad iyo xilkii oo ay u qal-
maan, arimahaasi oo marka la barbar dhigo geedisocodkii qorshaynta ka qaybqaadashada aad u qi-
imo badan. Waxana weeye qalabyada ka qaata midhaha isku dayo badan oo la xidhiidha qorshaynta
ka qaybqaadashada, hubiyana in wixii mudo ku fulaan. Waxa kale oo iyana sidaasi muhiim u ah
in dawladihii hoose leeyihiin hogaanka iyo maaraynta khayraad waaweyn oo dhisan sida wadooy-
inkii, dhisaskii, meelihii guud ee lagu nasanayay iyo qaar kale oo badan.

33
Dawladaha hoose waa hayado karaya, haddii sidaa lagu dareengaliyo, ina ay dhaqanka diimo-
qraadiyadeed bulshada gudaheeda ka dhigaan mid waara iyana ay daryeelaan oo xoojiyaan. Maxaa
looga jeedaa dhaqan diimoqraadiyadeed? Inta badan waxa weeye himilooyin la wadaago oo ku
saabsan sida muwaadiniintu gudahooda u wada dhaqmaan iyo waxa ay ka filayaan saraakiisha iyo
shaqaalaha dawlada hoose. Dhaqanka diimoqraadiyadu waxa uu qeexaa caadooyinka dhaqan ee
hubinaya reer magaalnimada (edebta) muwaadiniinta dhexdooda taala waxana uu dhigayaa xeerar
aan qornayn oo si caadi ah uuga jira nolol maalmeedkeena marka aynu la dhaqmayno jaarkeena iyo
hayadaha dawladeena hoose ee talinaya.

Ereyada doodeenan waxa aynu filaynaa in la dardar galiyo lana xoojiyo dhaqanka diimoqraadi-
yadeed iyada oo lagu talaabsanayo in muwaadinkii ka qaybqaato soona galo arimaha bulshadooda.
Marka xili ka soo wareego, talaabooyinkaa reer magaalnimo waxa ay isu badali doonaan raasamaal
bulsheed. Raasamaalkii bulshaduna waxa uu muujin doonaa kana muuqan xaalada nolosha ee bul-
shada. Sawirkaa quruxda badan ee hodanka ah ee deegaankii isagu is xukumayo, ee la hayo raasa-
maal bulsheed iyo xaaladihii nolosha oo tayo leh, waxa aynu filanaynaa bulsho nool oo noloshii ka
muuqato oo dawladii hoose kula jirta wada hadalo ku saabsan arimo badan iyo hawlo qorshayntii.
Hadii si kale loo dhigo waa qorshayntii ka qaybqaadashada oo hirgashay.

Mabaadiida Qorshaynta Ka Qaybqaadashada


Wax Ku Oolka Ah

Geedi socodkii qorshaynta ka qaybqaadashadu hadii la rabo inuu noqdo mid waara oo ah dhis qiimo
badan oo ka mid ah noloshii bulshada, waa in uu ku qotomaa dhawr mabda’a oo lagu heshiiyay
oo wax hagaya. Kuwaasi waxa aanu rumaysanahay kuwa uugu muhiimsan geedi socodka ka qay-
bqaadashada, waxa ka mid ah, kala duwani, sinaan, furfurni, xisaabtan, waxqaris la’aan, arimahaa
oo dhammaan soo hoos galaya is aaminaadii bulsheed. Bal si kooban aynu u eegno mabaadiidan
asaasiga u ah qorshaynta ka qaybqaadashada

Kala duwani: Inkasta oo baadhitaanka daneeyayaasha ee balaadhani uu iskaga gudbayo dad iyo
kooxo kala duwan oo u baahan in laga qaybgaliyo geedi socodyada gaarka ah ee qorshaynta ka qay-
bqaadashada, hadana kuma xasili karno in aynu malaysano in shabakadii in ku filan oo ballaadhan
la kala bixiyay. Marka aynu eegayno kala duwani arimaha ay ka mid yihiin jinsiga, midabka, isirka
iyo da’da ayaa ah kuwa uugu horeeya ee maskaxda ku soo dhaca, waana sidaas in ay noqoto. Hase
yeeshee baahida kala duwanida loo qabaa aad ayay uuga qoto dheertahay marka aynu ka fikirayno
kuwa wax ku darsan kara geedi socodka ka qaybqaadashada. Miyaynaan eegayn kala duwanida
xaga heerarka bulsheed ee ka jira bulshadeena, kala duwanida xaga deegaanka juqraafiyeed, heer-
arka dhaqaale, khibrda nololeed ama shaqo, siyaasada dhinaca cidaasi la jirto, iyo kuwa si kale u
eegaya arinkan aynu faraha ku hayno/ waxyaalaha laga helayo aragtiyhaa goonida ah, iyo kuwaa

34
aynu imika uun sheegnay ayaa laga yaabaa ina ay muhiim u yihiin sidii loo gaadhi lahaa ujeedooy-
inkii shaqada qorshaynta ka qaybqaadashada.

Sinaan: Mabda’ani waxa uu dhex jibaaxaa dareenkii kala duwanida isaga oo ku mudaya geedi
socodkii go’aanka arimo ay ka mid yihiin: waa intee. Qof u hadla horumarinta ka qaybqaadashada
(waa arin lagaga dooday cutubka 1aad ) ayaa soo jeedinaya in micnaheedu yahay in si siman looga
qayb galiyo dhammaan qaybaha bulshada ee heerarka loo kala dhigay. Tani waxa weeye mid si
faaiido u leh marka si balaadhan loo eego horumarintii ka qaybqaadashada, waxase dhici karta ina
ay wareer dagdag ah keento hadii lagu isticmaalo geedi socodka ka qaybqaadashada. Hase yeeshee
in matalaadii (cidii ku mtalaysay) loo sinaado, oo aad looga qaybqaato loono helo qalabkii kale ee
asaaska cadaalada iyo matalaada muhiimka u ahaa waa qaar aan laga tagi Karin marka loo qor-
shaynayo geedi socodkii qorshaynta ka qaybqaadashada.

Furfurnida iyo waxqarsi la’aanta: Labadaa mabda’ ee ka mid gudagalka ka qaybqaadashada


waxyaala badan ayay wadaagaan. Wax qaris la’aantii waxa ay ku saabsantahay inta geedi socodka
ka qaybqaadashada loogu xidho si furan cidda kale ee dibada ka joogta geedisocodka, iyo inta loo
furfuranyahay baadhitaan dibadeed. Waa sir la’aan, in aanay jirin ajandooyin qarsooni, aanay jirin
waxyaalo la hadoodilayaa, iyo go’aamo guri xaga danba ah lagu gaadhaa in aanay jirin: arimahaa
ayaa wax qaris la’aanta nuxur u ah. Waxqaris la’aanta waxa lagu gaadhaa iyada oo la wadaago
xogtii iyo fikradihii si niyad ah oo isla markiiba ah. Furfurnidii, marka aanu dhinacayaga ka eegno,
waxoogaa ayay ka duwan tahay, waxa ay la xidhiidhaysaa geedi socodkii isu keenayay aragtiyo
iyo fikrado kala duwan waxa uu taabanayaa kuwa ka shisheeya xuduudaha xubunimada kooxda ka
qaybqaadashada, waxana la dhiirinayaa ina ay wax ku soo darsadaan waxana geedi socodku u furan
yahay in la ballaadhiyo xubinimada kolba sidii baahiyaha iyo danaha markaa jiraa ay keenaan.

Xisaabtan: Geedi socodkani waxa uu la xidhiidhaa xil, kaasi oo isna ku sii xidhan suldad wax lagu
qabto. Hayadaha ay ka mid yihiin dawladaha hoose, xidhiidhka ka dhexeeya arimahaa gaarka ah ee
is gadgadiyaa waa in ay cad yihiin, waa hadii hayadu ay waxqarsi la’aanta ka dhabaynayso. Hadii
aynu leenahay dadkii ka qaybqaadanayay barnaamijka ka qaybqaadashada waa in ay masuul ka
noqdaan talaabooyinka ay qaadaan, waa in la siiyo suldad (awood) iyo xil, labadaba, si ay talaabo u
qaadaan. Xil aan awood lahayni waxa uu noqon karaa dabin. Nasiib daro qaar dawladaha hoose

saraakiishooda ka mid ah ayaa u isticmaala geedi socodka ka qaybqaadashada sidii daah daaqadeed
oo kale, oo aan awoodna bixinayn xilna cidii u dhiibayn. Tani waxa ay indha shareeraysaa go’aamo
kali talisnimo lagu gaadhayo oo loo sawirayo ka qaybqaadasho bulsheed. Marka taasi dhacdo, way
adagtahay ina aad hesho cidii lala xisaabtami lahaa, mase adka in aad hesho cid maqaar saara oo
la eedeeyo. Waxana ay noqonayaan qaar laga dhigay in ay masuul ka yihiin iyada oo aan xil ama
awood ay wax ku qabtaan la siin.

Is aaminaad marka aynu ugu guulaysano mabaadiida si tayo leh, waxa aynu qabanay wax badan si
aynu u xoojino una badbaadino aaminaadii bulshada. Dadka intiisa badani waxa ay galaan geedi
socodka ka qaybqaadashada iyaga oo xambaarsan malaysiyo aanay wali tijaabin oo ku saabsan,
dadka iyaga wax kala qaybqaadanaya waxa wada, toosnidooda, waxa laga fili karo, sharafkooda.
35
Kolba inta ay gaadhsiisan tahay is aaminaada ay dhexdooda ka dhalin karaan, is aaminaadina dhex-
mari kartaa iyaga iyo kuwii keenay fursadan ka qaybqaadashada, taa ayaa keenaysa tayada wada
dhaqankooda iyo midhaha ay gaadhayaan.

Mabaadiidaasi waxa ay ina tusayaan heerarka aadka u sareeya iyo wax qabashada cidii geedi socod-
ka qorshaynta ka qaybqaadashada. Hadana, waxa aanu rumaysanahay in mabaadiidaasi ay muhiim
u yihiin waaritaanka mudada dheer ee geedi socodka qorshaynta ee ka dhexeeya qolooyin si fiican
iskugu badhxan oo ka mid ah hayadihiinii bulshada, muwaadiniintii qof qof iyo dawladihii hoose.
Hal dariiqo oo lagu qiyaasi karo sida guul suurta gal u tahay marka la fuliyo geedi socodkii qor-
shaynta ka qaybqaadashada, waxa weeye in loo fiirsado sida dawladaada hoose u dhaqanto marka
lagu qiimeeyo mabaadiidaa.

Waxa aad kartaa in aad badasho ereyada su’aalaha qiimaynta ee soo socda si aad uugu fuliso haya-
daha bulshada ee waawayn (ururada aan duwaliga ahayn iyo ururada bulshada) ee ku jira shaqada
qorshaynta ka qaybqaadashada.

Dawladaada Hoose Sidee Ayay


Mabaadii U Leedahay

Mabadiida hagaya isku dayada qorshaynta ka qaybqaadashada waxa weeye Xi


ligi
mabadii iyaguna muhiim u ah is xukunka bulshada. Qaado waqti waxoogaa ah milic i
sig
oo qiimee bal dawladaada hoose wax qabadkeeda marka lagu qiimeeyo mabaadi-
idaa, adoo isticmaalaya xaashida darajaadka ee soo socota:

1. Uma aha (dawladayda hoose) waligii mabda’


2. Waxa uu muhiim u yahay (dawlada hoose) marka arinkaasi u adeegayo danta qofkaa ama
dano siyaasadeed.
3. Marar ayaa loo arkaa mabda’ muhiim ah.
4. Had iyo jeer waa muhiim waana qayb dhamays tirta xukun bulsheed kayaga

Anoo eegaya wax qabashada dawladayada hoose, halkan waxa aad ku arki sida aan u qiimayn lahaa
sida ay u danayso uugana jawaabto mabaadiida soo socota:
• Kala duwanida xaga ka qaybqaadashada
12345
• Sinaanta qoondaynta iyo isticmaalka khayraadka guud
12345
• Wax qarsi la’aanta dhinaca shaqada iyo xidhiidhka 12345
• U furfurnida fikradaha cusub iyo aragtiyaha kala duwan
12345
• Xisaabtanka (xil qaadashada) marka la fulinayo siyaasadaha Iyo shaqooyinka
12345
• Aaminaada muwaadiniinta 12345

36
Wadarta Darajooyinka Aad Siisay ________________

Hadii wadarta darajooyinka aad siisay u dhaxayso 24 iyo 30, waxa ay xusaysaa sida aad u amaanay-
so saraakiisha deegaanka ee la soo doortay hawshooda. Hadiise darajooyinku u dhexeeyaan 15 iyo
24, waa xiligii la isu gayn lahaa awoodii lagu caawin lahaa xildhibaanada d/hoose si ay u noqdaan
qaar laga filayo in aad loogala xisaabtamo mabaadiidaa. Hadii darajooyinka aad bixisay ay ka hoo-
seeyaan 15, waa xiligii aad xildhibaanadan hawlgabka ah xafiiska dibada uuga tuuri lahayd.

Xidhiidhka Isgaadhsiineed, Hoggaan Wadaaga iyo Koox U Shaqayntu; Waa Xirfadaha Nuxurka U
Ah Geedi Socodka Qorshaynta Ka Qaybqaadashada.

Dhagax isa saar saarani way ka tagayaan dhagax tuulan, marka qof kali
ihi dhugto ee uu maskaxda gashado in sawirku yahay guri
ANTOINE DE-SAINT-EXUPERY

Waxa aanu eegnay qaar ka mid ah sifooyinka iyo xaaladaha ka dhigaya qorshaynta ka qaybqaada-
shada qalab gooni ah oo noqon kara mid qiimo badan xagii qeexidii iyo hirgalintii ujeedooyinkii
iyo ahdaaftii guud. Waxa aynu eegnay fikrada raasamaal bulsheedka iyo sida ay u kobcinayso una
ilaalinayso qiyamkii iyo himilooyinkii diimoqraadiyadeed.

Hadii aad labadaa qaab fikradeed ee isku xidhan aad dhinac kale u rogto waxa aad keeni kartaa
dood xoog leh oo aad leedahay qiyamkii iyo himilooyinkii fiicnaa ee diimoqraadiyadu marka ay
bulsho ka taaba qaadaan waxa ay kobcinayaan oo dhisayaan wax uu Putnam iyo qolooyin kale ku
sheegeen raasamaal bulsheed, imika waxa aynu rabnaa ina aynu diirada saarno xirfado iyo dhaqano
gaar ah oo urureed ama qofeed oo loo baahanyahay si loo sameeyo waxqabad midha dhaliya oo la
xidhiidha qorshayntii ka qaybqaadashada. Waxana weeye, xidhiidh tayo leh, hogaan wadaag ah iyo
koox ku shaqayn.

1. Xidhiidhada

Mawduucani waa mid sidaa u ballaadhan waxana aynu ku qaadan buuga inta ka hadhay in aynu
ka doodno. Tusaale ahaan waxa aynu ka hadli siyaalaha kala duwan ee dawladaha hoose xidhiidh
u samayn karaan si loo kordhiyo wacyiga iyo ka qaybqaadashada muwaadinka. Waxa arimahaa ka
mid ah, iyaga oo qaar kalena jiraan, bulshadii oo la dhagaysto, rayiga muwadiniinta oo baadhitaan
lagu sameeyo, xafiisyo xaafadaha laga sameeyo, istaraatiijiyo xogta bulshada loo sameeyo, iyo
diirada oo la saaro shirarka kooxaha. Waxase aynu halkan u jeednaa ina aynu diirada saarno geedi
socodka qorshaynta ka qaybqaadashada, sida isa soo horfadhiisad dhex mara saraakiisha dawlada
hoose, xubnaha iyo wakiilada ururada rayidka ah iyo muwaadiniinta. Iyada oo la abuuro xirfado
lagu xidhiidho oo caawinaya in geedi socodkan go’aanka lagu qaadanayo, dhibaatooyinkiina lagu
xilinayaa noqdo mid aad u midho dhaliya.

Laba xirfadood ayaa markiiba maskaxda ku soo dhacaya. Dhagaysiga fiican waa ka mid. Su’aala
haboon oo qofka aad waydiisaana waa mid kale. Labadaa xirfadoodba waxa ay ku jiraan wax la
37
yidhaahdo daaqadii Johari, mase ay taaban dhinaca xirfada xidhiidhka ee dadku yeelan karaan.
Marka aynu sidaa u xadidnay daaqadii Johari, bal aynu si kooban u eegno sida aynu u kordhinayno
tayadeena xaga su’aala waydiinta iyo dhagaysiga fiican.

2. Dhagaysiga Fiican
Ilaah waxa uu ina siiyay laba dhagood iyo af kaliya
Hadaba sidaa ay u kala badan yihiin aynu u isticmaalno
MAAH MAAH IRISH AH.

Is dhagaysi la’aantu, ama hadii aynu si aad u cad u nidhaa is maqal la’aantu waxa weeye, sida la tali-
yaha Mike Robson uu sheegayo, sababta kaliya ee uugu wayn ee xubnaha kooxuhu aanay si fiican
uugu wada shaqayn. Kol hadii aanay jirin si aad boqolkiiba boqol uugu hubsan karto in aad garato
waxa qofka kale u jeedo marka uu inala hadlayo,waxa dhacaya (hadii aanad si fiican u dhagaysan)
inaad wax khaldan malaysato7. waxa ina jeedin kara waxyaalo kale oo nolosheena ku saabsan,
inaka oo qabna xukun hore aynu u gaadhnay oo ku saabsan waxa la odhanayo, inaka oo maskax-
deena ku qufulantay waxa aynu odhan doono marka fursada hadalku inoo timaad, arimahaasi waxa
ay keenayaan in aynaan “maqal” wixii uu qofka kale lahaa. Marka danbe ee qof aanad garanayn la
iskiin baro, bal isku day in aad baadho in aad tahay dhagaysta fiican, toban daqiiqo kadib, isku day
ina aad xusuusato magaciisii. Hadii aad ilowday magacii, bal iswaydii bal ina ay jiraan waxyaalo
kale oo aad ilowday intii doodiinu socotay.

Gabadha la yidhaa “Mary Walsh” ayaa inoo sheegaysa ina ay dhigtay afar caadooyin oo inaga
caawinaya ina aynu ku qaabilno dadka kale ee raba inay dareemaan in la maqlay oo la fahmay8.

Dhagayso adiga oo aan qofka xukun ka gaadhin: Waxa muhiim ah ina aynu aqoonsano in dham-
maanteen aynu dareemo ka leenahay waxa la yidhaa iyo cida lehba markasata oo doodi dhacayso.
Taasi waa in aad ogsoonaataa, balse dhinac taa iska dhig oo qofkaa kale dhagayso oo dhugo sida uu
wax u arko, oo sug, fahamna, ogsoonowna in aad adna dhakhso u heli doonto fursad aad qofkaa ugu
sheegto dhinaca aad wax ka aragto. (Hadalkiisa se dhugo oo ha ku goyn).

Sooc oo garo dareemada: U digtoonow qofka kale sida uu dareenkiisa uugu waynyahay mawduu-
ca laga doodayo. Dhaqdhaqaaqa jidhka qofka, heerka codkiisa, ereyadiisa uu isticmaalayo waxa
ay dhammaan ku siinayaan fure muhiim ah oo tusaya qofka dareenkiisii. Tus in aad fahamtay oo
ogolaatay dareenkiisa adoo jidhkaaga ka muujinaya (indhaha, madax rux, ereyo afka ah, sida (uu
mm haa haa). U sheeg qofka in aad fahmayso dareenkiisa. Ku dheh, ereyo ay ka mid yihiin “Waan
garanayaa sida ay kuu qulbisay arintani”. Ereyada noocaas ah ee dareenkiisii inaad fahamtay tu-
sayaa, waxa ay ku dhalinaysaa qofkii in la maqlay, waxana ay dhalinaysaa jawi xaaladii si wax ku
ool ah loogu eegi karo.

Hadalkii oo si kale loo dhigo: Hadalkii la yidhi oo aad ku celiso adiga oo ereyadaada isticmaalaya
faaiidooyin dhawr ah ayay leedahay. Ugu horayn, waxa ay taasi adiga kugu waajibinaysaa in aad
dareen dhaw u yeelato waxa la leeyahay. Ta labaad, waxa ay tusaysaa qofkii kale in aad dhab ahaan

38
u dhagaysanayso, waxana ay ku dhalinaysaa in qofku inta uu karo uu aad u cad cadeeyo qodoba-
diisa.

Waydii qofka su’aalo caddayn ah: Mararka qaar micnaha wax lagu yidhi dood ayaan caddayn.
Halkii aad is dhaafin lahayd, waa fursad hadii aad tahay dhagayste “soo jeeda”, ay tahay in qofka
su’aalo cadayn ah aad waydiiso (sida, ma ii sii faah faahim kartaa …….. ama ma ii sharixi kartaa
bal wixii dhab ahaan dhacay ….). su’aalaha noocaas ihi waxa ay abuuri karaan in aad hesho xaqiiqo
kale ama ra’yi, mararka qaarna waxa ay ka hortagtaa is faham darada.

Waydiinta Su’aalaha

Sida ay ina xusuusinayso Mary Walsh, inaad qofka waydiiso su’aalaha habooni waxa ay inta badan
la xidhiidhaa farshaxanka dhagaysiga fiican. Waxana aynu su’aalaha u isticmaalnaa si aynu u ko-
rodhsano xogta la ina siiyay, iskagana jirno isfaham la’aanta, ama si doodii meesheedii uugu soo
celino marka ay bilaabanto ina ay majaro habowdo. Su’aalaha had iyo jeer laga doodo marka la
kobcinayo xidhiidh aad tayo u leh waxa weeye noocyada su’aalaha furan iyo kuwa isa soo oodaya.
Su’aalaha dacalkoodu furan yahay waxa laga rabaa in wax la sii baadho. Su’aalaha isa soo xidhayaa
waxa ay keenaan jawaab ah “haa” ama “may”. Sida su’aalahan loo dhigaa had iyo jeer ma cad cada.
Tusaale ahaan, su’aasha had iyo jeer la is waydiiyo ee ah “wax kale ma ka sheegi kartaa arinkaa”
waa mid soo xidhmaysa. Si loo furfuro, waxa aynu u baahanay oo qudha in sidan aynu u dhigno
“bal arinkaa maxaa kale ee aad iiga sheegi kartaa”?

“Miyaad aragtaa in waxyaala aynu kala dooranaa ina horyaalaan” waa su’aal ay cadahay inay soo
oodantahay. Waxa ka fiican sidan “Bal ka fakir waxyaalaha aynu kala dooran karno ee aynu heli
karno?” Su’aalaha dacalkoodu furanyahay waxa ay keenaan in xog badan oo dheeraad ah la helo.
Ta kale doodii ayay sii wadaan.

Su’aalaha wax lagu qodqodoyaa waa kuwa u badan ee lagaga doodo nooca su’aalaha xog raadiska
ah ee weheliya xidhiidhka wax ku oolka ah. Su’aalahani waa nooca aynu isticmaalno marka aynu
rabno ina aynu dooda sii qoto dheerayno una helno cadayn iyo qeexid ku saabsan mawduuca laga
doodayo. Waxana ay su’aalahaasi u dhacaan sidan oo kale:

“Maxaa ku kalifayay baad u malaynaysaa in maayarku ka meermeero ka qaybqaadashada?”

“Maxaad u malaynaysaa in uu shirgudoonku shirka hore uugu xidhay?”

“Haa, qodob fiican ayaad sheegtay. Goorma ayaad halis dareentaa marka aad macmiilkaa la shaqa-
ynayso?”

waxa jira noocya kale oo su’aalo ah oo aan inta badan laga doodin marka la sheegayo xidhiidhka
wax ku oolka ah, in waxoogaa la xusana way mudan yihiin. Sii digtoonoow, kuligood ma aha qaar
waxtar leh. Ugu horayn, su’aasha “Maayar ahaan ma is tidhi in aad xil badan isa saarto marka aad
la shaqaynayso ururada bulshada ee aan duwaliga ahayn?”. Waxa uu qofkani dhab ahaan leeyahay:
“Waa in aad xil badan iska saartaa marka aad la dhaqmayso ururada bulshada ee aan duwaliga
39
ahayn”. Su’aalaha hormoodka ah inta badan waxa loo dhigaa sida weedh loo sheego. Way yartahay
ina ay doodii heer sare geeyaan xaga fahamka iyo xaga micnahaba.

Su’aal aan su’aal ahayn: Tan had iyo jeer waa aynu maqalnaa marka ay kooxi wada hadlayso.
Tusaale ahaan “Su’aal ma ku waydiin karaa?”. Inta badan qofkaa codsanaya in su’aal loo ogolaadaa
markiiba waxa uu raacsadaa su’aashii uu maskaxda hore uugu hayay, waa inta aanu qofkii ogolaan-
shaha laga codsadayba aanu fursad u helin in uu jawaabo. Qasab maaha ina aynu nidhaa hadalkii
ayay jarayaan ama hawshiibay xumaynayaan, ee waxa ka haboon in la yidhaa waa waqti lumis.
Waxana ay wax ka sheegayaan inta qofkaasi uu raalida ka yahay xubinimadiisa kooxeed.

Waxa kale oo jira su’aalo saaxiibnimo iyo qaar jikaar ah, iyo su’aalo aynaan kala saari Karin ina
ay yihiin qaar saaxiibnimo iyo inay yihiin jikaar. Tusaale ahaan, su’aal fudud oo sidan ihi “maxaad
uuga jeedaa tilmaantaa?” waxa ay noqon kartaa su’aal aan waxba ku jirin oo toos ah oo xog dheer-
aad ah lagu rabo. Waxa ay noqon kartaa, mid wax lagu baadhayo iyo su’aal wax lagu taageerayo si
mawduucii dooda aad loogu sii fahmo. Waxa kale oo ay noqon kartaa “MAXAAD UUGA jeedaa
tilmaantaa?” iyada oo u dhigan si jikaara oo kale. Codka hadalka, dhaqdhaqaaqa jidhku, is badalka
hadalka aad su’aasha ku sheegtay, adoo isla ereyadii isticmaalaya waxa ay ka dhigi karaan su’aal
saaxiibnimo oo fudud, wax lagu micnayn karo weerar qof ahaaneed.

Su’aal xogsiin ah: waa hab wax ku ool ah oo dadka kale loogu dhalin karo ina ay ka fikiraan
waxyaalo la kala doorto. “maxaad u malayn hadii …..”. su’aalaha noocaas ihi waxa ay inoo furan
waxyaalaha la kala dooranayo, iyada oo la isku dayayo in lagu daro arimo kale go’aan qaadasho
muhiim ah ama xal dhib laga gaadhayo. Su’aalaha ah “Maxaad u malayn hadii ….” Waxa ay inaga
caawinayaan in aynu ka fikirno waxyaalo goobtaa dibada ka ah, in dhinac la iska dhigo dabinka
xikmadaha wax xakameeya.

Su’aalo milicsi ah, uma eeka su’aal marka waraaqda lagu dhigo. Hase yeeshee waxa wax ka bada-
laya sida loo yidhaahdo. Waa habab dib loo odhanayo wixii qofka kale uu yidhi iyada oo la isku
dayayo in la kordhiyo fahamkiisii iyo keenaba. Su’aalaha milicsiga ihi inta badan sidan ayay u
dhacaan:

“Waxa aad rumaysantahay in dhibta u wayn ee ka taagan xaga gaadhitaanka ujeedooyinkii hore loo
dhigay ay tahay shaqaale hawshii u qalma oo aan la hayn”

“Markaa waxa aad dareemaysaa in arintan qofkii madaxda ahaa ah isla gaadheen meel aan wax guul
ihi jirin”.

Halista marka aad waydiinayso su’aalaha milicsiga ah qofka waxa weeye badalka codkaaga si uu
u tilmaamo in jawaabtu noqoto ama in la sii adkeeyo waxaad sheegtay ama qofku ku siiyo cadayn
badan oo aad ka filayso.

Waxa aynu baadhis ku samaynay, wallow uu kooban yahay, farshaxan wax soo jiidanaya oo inta
badana wax wareeriya oo su’aalaha loo dhigo. Su’aaluhu waxa ay noqon karaan qaar soo xidhmaya
ama qaar wax furfuraya, taa micnaheedu waxa weeye ama su’aalihii iyo doodii ayay sii tarmi-
40
nayaan ama doodii ayay soo oodayaan oo “Haa ama May” ayay jawaabtu noqonaysaa. Ama waa
su’aalo hormood ah oo ku hagaya, waa nooca su’aalaha dadka wax maraanmaraa ay waydiiyaan si
ay u helaan jawaabaha ay rabaan, maaha jawaabta aad is leedahay sii. Waxa kale oo jira su’aalo aan
su’aalo ahayn, waa qaar aan la rabin in cidi ka jawaabto.

Waxa kale oo aynu haysanaa noocyo badan oo su’aalo ah oo inagu caawinaya ina aynu noqono:
• Dhagaystayaal fiican inaka oo waydiinayna qofka su’aalo milicsi ah;
• Qaar gaadha go’aan wax ku ool ah inaka oo qofka waydiinayna su’aalo wax lagu sii baad-
hayo (qodqodayo) iyo
• Ina aynu noqono qaar wax curiya marka ay dhib xalinayaan iyaga oo waydiinaya su’aalo
xalal badan keeni kara sida “ka waran hadii….” Su’aalo wax lagu baadhayo.

Markaa ha u laba lugoodin ina aad waydiiso su’aalo, marka aad gudagasho hawl qorshaynta ka
qaybqaadashada ku saabsan. Waxa loo jeedaa waa su’aal haboon.

Dhagaysiga fiican iyo su’aalihii haboonaa oo la waydiiyaa waxa weeye xirfadaha dadku ku xidhiid-
haan ee faaiidada leh marka hawla ku saabsan qorshaynta ka qaybqaadashada la galayo. Waxa aynu
doonaynaa ina aynu imika eegno waxa weeye tusaalayaal ku saabsan xidhiidhka muwaadiniinta
iyo dawlada hoose. Doodana waxa aynu diirada aad u saaraynaa hay’ada, waynu se yaraynaynaa
diirada aynu saarayno qofka. Gadiidka arinkan aynu u adeegsanaynaa waa daaqada Johari.

Daaqada Johari
Muunada daaqada Johari ee lagu eegayo siyaalaha loo xidhiidho, waxa soo saaray laba qof, Joe
iyo Harry, mar ay qabanayeen xidhiidh dad aqoon isku waydaarsanayeen, sanada dhawr ah ka hor.
Halkaasi ayaanu magaca Johari ku raacay. Waa mid xeelad ahaan fudud, aadna wax ku ool u ah, oo
caawinaysa dadka iyo kooxaha si ay si taya badan u wada shaqeeyaan. Daaqadu waxa ay sawiraysa
isbadalka ku imanaya xag tayo iyo xag tiraba xogta la wadaagayo ayna isla fahmayaan laba qof
ama kooxo kala duwani. Waxyaalaha khatarta ah ee is badbadalaa waa xog bixinta iyo xog celin oo
aad hesho, (iswaydaarsigaa) oo balaadhinaya qadarka xogta, macluumaadka, fikradaha iyo doodaha
xidhiidhka dhexdiisa la isku waydaarsanayo.

Daaqada Johari waxa ay leedahay afar gobol oo muraayada ah, oo u eeg muraayadaha daaqadaha
madbakhya badan oo caalamku leeyihiin. Hase yeeshee waxyaalaha kala qaybinaya daaqadan gaar-
ka ah qaybaheedu waa ay dhaqdhaqaayaan, waxana ay ku xidhan tahay socodka xogta, oo halkan
ah, xogta u kala socota dawlada hoose iyo muwaadiniintii. Qaybta muraayada ee koonaha bidix
ee sare u xigtaa waxa ay matalaysaa waxa labadaba dawladii hoose iyo muwaadiniintii ogyihiin.
Muraayadaasi furani waxa ay ka samaysan tahay quraarad saafi ah oo aan haydh haydh lahayn.
Xidhiidhka loo jeedaa geedi socod kasta oo ku saabsan qorshaynta ka qaybqaadashadu waxa weeye
ujeedadiisu in la balaadhiyo daaqadan furan.

41
Waxa ku yaal ka soo horjeedka daaqadaa furan – waa daaqadan xidhiidhka ku saabsan ee maskaxda
aynu ku sawiranayno – daaqad ah waxaan la garanayn. Muraayada daaqadani waxa ay matalaysaa
wax kasta oo labada kooxood ba aanay garanayn marka ay isku dayayaan ina ay wada shaqeeyaan.
Hadii aynu duurxul isticmaalno, daaqadani waxa ay ku rinjiyaysantahay madaw. Ujeedada xidhiid-
hinta laba qolo waxa weeye in la fidiyo lana balaadhiyo daaqada furan lagana xoqo midabka madaw
muraayada daaqada afraad.

Labada muraayadood ee kale ee ay leedahay daaqadan xidhiidhku waxa ay matalaysaa waxa ay


dawlada hoose iyo muwaadiniintu ogyihiin hase yeeshee aanay wadaagin sababtu waxa ay doonto
ha ahaatee. Muraayadahaasi waxa ay ka samaysan yihiin quraarad ay u suurta galayso koox ina ay
dibada aragto, hase yeeshee aanay u suurta galayn cidii dibada joogtay inay gudaha aragto. Koonaha
midig ee sare muraayada waxa ku qoran Ajande qarsoon, waxana weeye dhammaan waxa dawlada
hoose ogtahay ee aan muwaadiniintu ogayn. Halka ereyga “Ajanda qarsoon” uu micne xambaarsan
yahay oo sheegayo in dawlada hoose ka qarinayso muwaadiniinteeda wax, arinkuna had iyo jeer
sidaa ma aha. Dhinaca koonaha bidix ee hoose waxa yaala arimaha muwaadiniintu ogyihiin ayna se
u sheegayn dawlada hoose. Waxa halkan la yidhaa goobtii daaqada ee mugdiga ahayd.

Muunadan muraayada daaqadu waxa ay noqon kartaa qalab muujinaya xaalada xidhiidhka dhi-
nacyada kala duwan ee laga yaabo ina ay galaan geedi socodka qorshaynta ka qaybqaadashada.
Waxa aad u ogolaan kartaa in dhinac kastaa sawiro fikradiisa gaarka ah ee ku saabsan inta ay leeg-
tahay muraayad kastaa oo daaqada ka mid ihi, markaasi ayuu la wadaagi karaa cidii kale. Waxa
dhici karta in uu wax badan tilmaamo sawirkaasi, muujinayana xadad iyo ujeedooyin ku saabsan
xidhiidhka (Eeg sawirada 1 iyo 2 oo tusaya sida ay daaqada geedi socodka dib u qaabaynteedu u
shaqaynayo).

Sawrika 1: muunada xidhiidhka (daaqad Johari) Wax Dawlada Hoose Ogtahay

Daaqad Furan Ajande qarsoon

Goob mugdi ah Wax aan la ogayn

Wax aaan dawlada hoose ogayn

Sawirka 2: Dib u qaabaynta daaqada (xidhiidh aad u furfuran).

42
Dawladii Hoose oo aad U furfurnaanaysa

Daaqad Furan Ajande Qarsoon

Goob
Mugdi Ah


Iyada oo ay kordhayso rabitaanka in dawlada hoose lala xidhiidho

3. Hogaan Wadaag Ah

Xirafadaha labaad ee muhiimka ah ee hore loo sheegay ina ay muhiim u tahay qorshaynta ka qay-
bqaadashadu waxa weeye geedi socodka hoggaan wadaaga. Tani waxa ay noqonaysaa aragti ay sii
kordhayso fiditaankeedu xaga nidaamka iyo qaabka maamulka waxana ay noqonaysaa dhinacay
ururada caalamku u jeedaan. In loo gudbo dhinacii hoggaan iyo xilal wadaagu, ama xoojinta dadkii
kale, sida inta badan lagu magacaabo, waxa ay noqotay mid sababa badan awgood wax dhiirinaya.
Ma aha inta uugu liidata, marka aynu dhinaca doodan eegno, in uu habkani nidar u galayo, fulinay-
ana mabaadiidii iyo dhaqanadii diimoqradiyadeed ee

lala rabay hayadaha aan duwaliga ahayn. In ay qiyamkii diimoqraadiyeed ka jiraan bulshada iyo
goobaha shaqadu waxa ay xoojinayaan uun rabitaankii ahaa in la hubiyo in hayadaheena talinayaa
ay u dhaqmaan si dimoqraadiyadii aad uugu sii dhaw marka ay gudanayaan kaalmahooda iyo ma-
suuliyaadkooda. Si fikradan aynu uugu xidhno arinkii aynu hore dooda uugu furnay, waxa aynu
rumaysanahay in habkani uu saamayn toosa ku leeyahay koboca raasamaal bulsheedkii.

Muunada fikradeed ee hoggaanka wadaaga ah ee aanu doonayno in aad aqoon u yeelato waxa uu
si ahaan u eegyahay habkaa xidhiidhka ee uu sheegayo tusaalihii daaqada Johari. Waxa ku jira afar
rubuc oo is dhexgal ah iyo laba is badbadalaya. Kol hadii hoggaankii wadaaga ahaa, sidii daaqadii
furnayd ee xidhiidhka wax ku oolka ah, uu ku saabsanyahay dawladii hoose iyo muwaadiniintii oo
ah shuraakaha imika aynu u jeedno ee jira, bal aynu eegno awooda labadaba, si aynu u hubino in
go’aan qaadashada wadaaga ah iyo dhibaato xalintu si tayo leh u shaqaynayaan.

Muunada hoggaanka wadaaga ihi (ee la inagu tusay sawirka (3) waxa ay ina siinaysaa hal dariiqo
oo aynu kaga fikirno awooda bulshada shuraakadeeda iyo sida ay u qeexi karaan xuduudaha ka
qaybqaadashada wax dhisaysa, iyada oo la marayo laguna shaqaynayo geedi socodkii qorshaynta
ka qaybqaadashada. Waxana uu malaysanayaa (waa tusaalahaa muunada ahe) in isku day kasta oo
dawlada hoose doonto in ay ka qaybgaliso muwaadiniintii (hawlo iyo talooyin) ka qaybqaadasha-
dii, loo baahanyahay in uu ku tiirsanaado, inta badan, awooda cid kastaa kari karto in ay kaga qayb

43
qaadato isku daygii wax qabsiga marka aynu sheegnay malahaa, waxa jira afar istaraatijiyood oo
wax lagala soo bixikaro:
• Is Dhexgal: Awood heer sare ah oo jirta xagii ka qaybqaadashadii labada dhinacba, dawlada
hoose iyo bulshadii oo ay matalayaan ururadii rayidka iyo muwaadiniintii.
• Ka hortag (hormoodnimo): Dawlada hoose awoodeedii oo badan iyo bulshadii oo awoodee-
dii liidato.
• Ka daba tag (daba socod): Dawladii hoose oo awoodeedii liidato iyo bulshadi oo awood
badan, iyo
• Wax qabad la’aan: Awoodii ka qaybqaadashada labada dhinacba oo lagu qiimeeyay mid
hooseysa.

Sawirkii 3: Muunadii Hoggaanka Wadaaga Ah.

Saamayntii Dawlada Saamayntii muwaadiniinta


Is Dhexagal
Hoose oo saraysa oo saraysa

Ka dabatag Ka dabatag
Ka hortag Ka hortag

Saamayntii Muwaadiniinta Wax qabad


Saamayntii Dawlada
la’am
Oo liidata hoose oo liidata

Istaraatiijiyadaha ka hortaga iyo ka dabatagu waxa ay leeyihiin xidhiidh uu midba midka kale ka
dhalanayo, waana wax loo baahanyahay in aad maskaxda ku hayso marka aad muunadan isticmaa-
layso. Tusaale ahaan, marka ay muwaadiniintu inta ay dhinacooda dadaal ka bilaabaan ay ku dhaqa-
aqaan mashruuc bulsho iyaga oo aan ka soo qaybgalin dawladoodii hoose, waxa ay ku dhacaysaa
dawladii hoose iyo masuuliinteedii iyo saraakiisheedii qaab ka dabatag ah. Taasina waxba kuma
jabna, inta ay ka jirto in laga xidhiidhay arinka xidhiidhka xaga kaalmaha lakala leeyahay, sida ay
tusayso isgaadhsiintii daaqada furan, iyo hadii arinkaa dawlada hoose iskaashiga lala yeelanayo aan
markaa loo baahnayn. Waxana ay tusaale u tahay muwaadiniintii oo awood yeeshay.

Tusaalaha awood yeelashada muwaadiniinta ee dawladii hoose lala wadaagayo masuuliyaadkii iyo
kaalmihii hoggaanka, waxa ay ku haboonaanaysaa laba istaraatiijiyadood. Midi waxa weeye istara-
atijiga is dhexgalka, halkaa oo muwaadiniintii la keenayo goobtii geedi socodkii go’aan qaadashada
ayna noqonayaan kayd iyo ka qaybqaatayaal (shuraako) muhiim ah. Ta kale waxa weeye istaraati-
jiga ka hortaga. Waxa arinkan danbe tusaale u ah dawladii hoose oo masuuliyado adeeg bulsheed
oo gaar ah kontaraag ku siisay xaafad si ay awoodeeda u dhisto oo muda ka dib loo gaadho isku
filnaansho.

44
Ereyga awooda ayaa lagu isticmaalay in uu yahay kii tusayay u qalanka qeexaya in labada dhinac
leeyihiin kartidii ay kaga qayb qaadan lahaayeen awood iskaashi oo kasta oo la soo jeediyo. Hadaba
awood waxa lagu xadidaa laguna qeexaa arimahan oo la isku daray.
• Khayraad – dadkii, lacag, agab.
• Jiho – yoolkii iyo ujeedooyinkii
• Saamayn – kartida aad u leedahay, ina aad wax dad kale marsan karto, iyo
• Tamar – wixii dhaqaajinayay dadkii iyo ururadii si wax loo gaadho waxna loo qabto.

Dawladaha hoose waxa ay haystaan awood dheeraad ah: Bulshadii oo u igmatay ina ay qabta-
an hoggaankii, iyo adeegii iyo jihayntii dhammaan muwaadiniinta. Si aan kaaga caawino ina aad
ga’aamiso istaraatijiyooyinka ta uugu haboon xaalad kasta oo la sheego, waxa aanu ku siinay oo
liisgaraynay qaacidooyin iyo tilmaamo ku hagaya si aad uuga fikirto. (Eeg sawirka shaxda 4) waxa
weeye ahdaaf, khayraad, dagdaga xaalada, nidargalka iyo caabiga isbadalka.

Fikrada hoggaan wadaagu ma aha had iyo jeer mid u sahlan dad badan si ay u X
ilig
qaataan oo uuga dhigtaan qaab ay ku shaqeeyaan, ha ahaato dawlada hoose mili ii
csig
ama goobta shaqada ama xataa qoyska dhexdiisa. Bal waxoogaa is taag oo fikra-
daha maskaxdaada ku soo dhacay markii aad akhriyaysay fikradahan ku saabsan hoggaan
wadaaga

………………………………………………………………………………………………………
………………………………………………………………………………………………………
………………………………………………………………………………………………………
………………………………………………………………………………………………………
………………………………………………………………………………………………………

Sawirka 4: Qaacidada ay Hoggaanka ku Wadaagayaan Dawladaha Hoose (D/


H) iyo Muwaadiniintu (M)

Qaabka Ahdaaf Khayraad Dagdaga Nidargal Caabiga is-


Hoggaan xaalada badalka
wadaaga

Is dhexgal Ka qaybgal loo D/H iyo M Xaalada waqti Waxa loo Wuu ku
siman yahay waxa ay hay- ayaa la hayaa baahan yahay yaryahay
iyo isfaham staan khayraad lagu baadho nidargalka D/H xaga D/H iyo
dhibta wax wadaaga iyo M si ha- bulshada
lagag qabto khayraadka iyo dafka loo fuliyo
masuuliyaadka

45
Ka hortag Ahdaafta M D/H ayaa Dhakhsaha Nidargal Waa uu ku
waxa ay daba khayraadka ayaa muhiim dheeraad ah yaryahay
joogtaa D/H dhammaantood ah D/H, dib u loogana baahna bulshada
ama inta badan dhaca baadhi- M si hadafkii
ee dhibta lagu taankana raad loo fuliyo
xalinayo ama xun ayuu D/H
arinkaba haysa ku yeelanayaa
xagii fulinta
ahdaafta

Ka daba tag D/H waxa ay M ayaa haya M waxa u tu- Looma baahna Waa uu ku
dabasocotaa M khayraadka sayaa baahida nidargal dheer- yaryahay D/H
badankiisii ama talaabo dagdag aad ah oo D/H
dhammaantii ah, D/H wax ah si hadafkii
ee dhibta ama dhib ihi kaga loo gaadho
arinka lagu xa- iman mayso
lin lahaa, ama hadii hog-
ku tiisanaanta gaankooda
M waxa ay dhi- (M) raacaan.
irinaysaa horu-
mar awoodeed
/ khayraad
Wax qabad D/H iyo M Midkoodna Midkoodna ma D/H iyo M D/H iyo (M)ba
la’aan midna uma ma haysto arko in talaabo midkoodna ma waxana ay ka
cadda khayraadkii dagdag ihi nidargalin gaadhay heer
lagu xalin lahaa imika taagan Waa uu ku talaabada la qa-
dhibaatada ama tahay oo loo badan yahay adaa labadaba
arinka baahanyahay. dhibayso

4. Shaqo Kooxeed

Shaqo kooxeedku waa xirfada sadexaad ee aynu sheegnay mar hore ina ay muhiim u tahay qor-
shaynta ka qaybqaadashada. Shaqo kooxeedku waxa ay ku saabsantahay saraakiishii dawlada hoose
iyo muwaadiniintii oo wada shaqaynaya si ay u gaadhaan ahdaaf ay isla qeexeen, si tayo leh oo wax
ku ool ah inta suurtagalah. Shaqo kooxeedku waxa ay dhacdaa marka laba ama in ka badan oo dad
ama ururo ihi awoodaha isugu geeyaan ujeedo gaar ah (sida: si loo dhabeeyo ujeedada adeeg gaar
ah) taasi oo u baahan wada socod, iskaashi iyo wada shaqayn dhextaal dhinaca hawlaha kooxda iyo
ururada iyo dadka ay matalayaan si loogu guulaysto gaadhitaanka ahdaaftii iyo ujeedooyinkii laga
heshiiyay.

Shaqo kooxeedka tayada lihi arimo dhawr ah ayay ku xidhantahay. Arimahaasina waxa ay la xid-
hiidhaan hawsha ah in la fuliyo ahdaaftii iyo ujeedooyinkii la goostay isla markaana la daryeelo
isdhexgalkii midha dhalka lahaa ee dhex yaalay xubnaha kooxda. Inkasta oo ay jiraan siyaalo badan

46
oo lagu sharixi karo arimahaasi, kuwan soo socdaa, hadii loo hoggaansamo, waxa ay ka dhigayaan
qorshayntii ka qaybqaadashada khibrad lagu naaloodo oo midho dhal leh.

Sifaadka asaasiga ah ee kooxi leedahay waxaa ka mid ah:


• Dareen la wadaago oo cad oo ku saabsan jihadii loo socday iyo ujeedadii.
• Xubno kooxeed xamaasadaysan oo nidar galay, dhammaana u jeeda ka qaybqaadasho.
• In diirada la saaro fulinta hawlo iyo ahdaaf fidaya oo sabir u baahan
• Dabeecad fiican iyo kaftan, ku naalood hawleed, iyo wax barasho.
• Xubnaha kooxda oo si siman isu taageera isuna caawiya si ay u kobcaan, qof kastana hore
uugu marinayaan awoodiisa.
• Awood ay xubnuhu ku dhac u yeeshaan una badheedhaan arimaha dadka kale keenaan baad-
haana, si loo helo xalal aad u fiican.
• Ina ay leeyihiin xirfado dhagaysi fiican ah iyo su’aalo waydiin fiican10.

Sifooyinkaasi waa dhaqanada noolaha waxana laga yaabaa ina ay dadka qaar uugu dhacdo ina ay
tahay wax aan caadi ahayn oo aan looga baahnayn buug ka hadlaya qorshaynta ka qaybqaadashada.
Tusaale ahaan waxa ku jiray, karti kaftan fiican lagu muujin karo, uu qofku raaxo iyo wax barasho
dareemi karo. Hadii aad waligaa koox ka mid ahayd sifooyinkan u lahaa si caadi ah oo markiiba
diyaar ah, waa aad fahmaysaa waxa loogu daray iyo waxa arimahani muhiim u yihiin.

Inuu qofku ku dhac leeyahay iyana waa sifo qofka iswaydiin ku keeni karta. Tani waxa ay la socotaa
fikrada ah in xubnaha kooxdu tartan dhexdooda ka muujiyaan iyada oo aan suldadi sidaa farin. Dhab
ahaan in aad ku dhac leedahay way ka duwan tahay in aad tahay qof si cadawtinima ah u dhaqma.
Ujeedadu waxa weeye in fikradii la maqlo iyo in aad ku caawiso kuwii kale ee hareerahaaga joogay
ina ay maqlaan arimaha ay rumaysan yihiin ina ay muhiim yihiin.

Kooxaha tayada lihi waxa ay sitaan oo leeyihiin sifooyinkaa cajiibka ah iyo qaar kale. Kooxuhu
waxa ay u fiican yihiin marka xubnahoodu qirsan yihiin ina uu wadajirkoodu u taagan yahay, aqoon
badan, khibrad, xirfado iyo aragtiyo fog oo aan la helayn marka qof kasta gooni u shaqaynayo.
Kooxaha fiicani hawsha waliba way sii kordhiyaan si awoodahoodu aanay u tusin oo qudha sifooy-
inkaasi oo la isku daray ee loo helo qaar kale oo badan. Waxa tan la yidhaa awood wadareed.
Talaabooyin lagu xoojinayo kooxaha qorshaynta

Ciddii ka masuul ah curinta kooxaha qorshaynta ka qaybqaadashada waxa laga rabaa ina ay mas-
kaxda ku hayaan qaaciidada soo socota. Inta aan kooxuhu dhaqaaqin waxa ay u baahan yihiin:
• Ina ay si cad u fahamsan yihiin masuuliyaadkooda.
• Ina ay haystaan suldad u dhiganta xilalka loo dhiibay.
• Ina ay leeyihiin heer wanaaga lagu qiimeeyo oo ku riixa ina ay gaadhaan awoodooda u sa-
raysa
• Xirfadihiii iyo kalsoonidii loo baahnaa si ay u gaadhaan heerarkaa.
• Aqoon iyo xog lagu gaadhi karo go’aamo fiican oo tayo leh.
• Filasho ah ina la siin doono mudadiiba mar xog celin ku saabsan waxqabadkooda.

47
• Aqoon ah in iyaga lagu aaminay ina ay ku guulaystaan xilalkooda loo igmaday.
• In loo xaqiijiyo ina ay xor u yihiin ina uu khasaare iman karo, in kasta oo ujeedadan aan la
door bidayn.

Hadii kooxaha qorshaynta ka qaybqaadashadu yihiin qaar iskood isu abaabulay, qaacidadaasi wali
waxa weeye mid shaqaynaysa oo muhiim ah. Dhab ahaan waxaba laga yaabaa ina ay kaga muhiim
sanyihiin sifooyinkan kooxaha bulshada baahidoodu keentay kuwa dawlada hoose hoggaankeedu si
rasmi ah u caleemo saaray si ay u raadiyaan heerarkaa la xusay, waa marka dawladaha hoose uugu
hawl jiraan wada shaqayn abuur.

Cutubyada soo socdaa waxa ay qeexi doonaan qaab guud oo loo qabto geedi socodka qorshaynta
ka qaybqaadashada iyo qalabyo muhiim ah oo kooxdaadu isticmaalayso marka kolba laga gudbayo
geedi socod ee loo gudbayo mid kale. Inta aynaan socodka halkaa ka sii wadin, halkan waxa aad ku
arki qodobo muhiim ah oo cutubkan aynu ku sheegnay.

Qodobo Muhiim Ah.


• Qorshaynta ka qaybqaadashadu waa geedi socod hodan ku ah awood lagu kordhinayo si-
fooyinka nololeed ee xubnaha bulshada laguna kobcinayo qof ahaan iyo xirfad ahaan dadka
ka qaybqaadanaya geedi socodka.
• Qorshaynta ka qaybqaadashada ee tayada lihi waxa ay kordhinaysaa raasamaal bulsheedkii
bulshada.
• Raasamaalka bulshada waxa lagu micneeyay “sifooyinka urur bulsheedka, sida isaamin,
dhaqan, iyo shabakado hore u marin kara tayada bulshada iyada oo la fududaynayo hawluhu
sidii ay u wada jaanqaadi lahaayeen.
• Waxa muftaax u ah dhiska raasamaal bulsheedka dabeecadaha wax isu soo celinta, iyo sha-
bakado bulshadii ka qaybqaadanayso. Arimahan ayaa nuxur u ah geedisocodka qorshaynta
ka qaybqaadashada sida ku sharaxan doodan.
• Mabaadiida asaasiga u ah qorshaynta ka qaybqaadashadu waxa weeye kala duwani, sinaan,
furfurni, wax qaris la’aan, xisaabtan iyo isaaminaad.
• Dawladaha hoose waa hayado gooni ah xaga bulshooyinkeena diimoqraadiga ah. Waxa ay
u taaganyihiin kayd qiimo leh, u qalan hawleed, waxa taa u dheer iyaga oo matalaya dham-
maan muwaadiniintii bulshada. Inkasta oo laga yaabo in aanay toos uuga qaybgalin dham-
maan shaqooyinka qorshaynta ka qaybqaadashada heerka deegaaneed, hadana waa in lagala
tashadaa si ay wax uugu darsadaan, xubnana uuga noqdaan.
• Qorshaynta ka qaybqaadashadu si ay wax ku ool u noqoto, tayana u yeelato una midha
dhaliso waxa ay uuga baahan tahay xirfado badan iyo dhaqano xubnaheeda. Waxana liiskaa
baahiyaha uugu sareeya xidhiidh furfuran oo wax dhisaya, hoggaan wadaag, iyo koox ku
shaqayn (shaqo kooxeed).

Raad Raac
1. Putnam, Robert D. “Making Democrac Work: Civic Traditions in Modern Italy” Princeton,
New Jersey: Princeton Press, 1993, p. 167.
2. Coleman, James S. “Foundation of Social Theory”. Cambridge, Mass: Harvard University
Press, 1990, p. 302.

48
3. Ibid p. 321
4. Welbourn, A. “PRA and the Analysis of Difference”. Sustainable Agriculture Programme
PRA Notes No. 14. pp. 14-23.
5. Robson, Mike. Problem Solving in Groups 2nd ed. Aldershot, UK: Gower Publishing.
1995.
6. Walsh, Mary. Building Citizen Involvemetn: Strategies for Local Government. Washing
DC: International City/Country Management Association, 1997.

This model is based on the work of Educational Systems and Desisgn, Westport, Connecticut. We
want to acknoledge the contribution of ESD and particularly Malcolm haw to this discussion.

Eales – White, Rupert. Building Your Team. London: Kogan-Page, Ltd., 1995, p.199.

49
3

Cutubka
Hordhac Ku Saabsan
Geedi Socodka Qorshaynta
Ka qaybqaadashada.

Hadii aad dunta ku ciyaarto,


waxa kuu soo bixi siyaalo badan oo suurtagal ah

Annie Albers,
Weaver

Bandig kooban oo ku saabsan geedi socodka qorshaynta ka qaybqaadashada …….……………54


Waxoogaa tilmaamo ah oo gaba gabo u ah hordhaca ……………………………….…………..55
Qodobo muhiim ah ………………………………………………………………..…………….58
Raad Raac ……………………………………………………………………….………………59

51
Qorshaynta ka qaybqaadashadu waxa ay noqon kartaa geedi socod murugsan. Warkani, shaki la’aan
waxa uu ku caddaaday cutubyadii bilowga ahaa. Sida laga yaabo ina aad dareentay, waxa jira muu-
nado badan, oo laga yaabo in ay aad u badanyihiin. Aragtiyaha iyo istaraatiijiyooyinku waxa ay
wataan qaab fikradeedyo fara badan oo leh nooc kasta iyo qiyaas walba. Qaar haydh haydh ayay
leeyihiin, qaar kale way qalafsanyihiin. Inta badan waxa ay matalayaan sida ay rabto wakaalada
ama hayada wada noocaa ku saabsan ka qaybqaadashadu waxana la hubaa in iskudayganina aanu
koox ama aragti cid ka mdhnayn.

Hadaba iyada oo wax aanu ka qornay geedi socodka, kana qaybqaadanay anaka oo fudaydiyayaal
ah, ama tababar siinayna dad la tababarayay, noqonayna xubno ka mid ah kooxo qorshayn dhab ah
wada oo noocyo badan, waxa aanu aragnaa in aanu naf ahaantayadu wax cusub ka korodhsanayno
khibrad kasta. Qorshaynta ka qaybqaadashadu, dhab ahaan waxa weeye safar baadhitaan, waxna
dib loogu baadhayo laguna helayo. Marka aanu kuu diyaarino masraxa si aanu kuugu caawino inaad
uga shaqayso geedi socodka si macquul ah, waxa aanu kuugu dhajin wadada jid-hagayaal kaaga
digaya isbaarooyinka qaar iyo waxyaalo ku jeediya, oo geedi socodkan ka dhigaya mid tartan kaaga
baahan. Waxa halkan aad ku arki waxooga talooyin safar ah oo eegistoodu faaiido
e
leedahay, inta aynaan safarka bilaabin. ilm aam
T r
Safa
Qorshaynta ka qaybqaadashadu waxa weeye geedi socod macquul ah oo talaabo talaabo ah? Haa ama
May. Haa oo waxa jira talaabooyin xidhiidh ah oo geedi socodka ku saabsan oo ah khad toosan oo u
baahan in hawluhu kala hor horeeyaan. Dhinaca kale, waxa jira marar geedi socodka ka mid ah, aanay
micno samaynayn in talaabada “b” ka danbayso talaabada “a” ama talaabada “d” ka horaysa talaabada
“e”. tusaale ahaan waxa aad geedi socodka hore uugu gorfaysay kuwa ay yihiin daneeyayaasha muhi-
imka ah ee ay tahay in lagu soo daro. Markii hadana aad dhibtii aad u sii qeexday ayaad tusaale ahaan
aad aragtay in aad u baahan tahay daneeyayaal dheeraad ah. Markaa waxa aad dib ugu kacaysaa gor-
faynta daneeyayaashii. Ama, waxa aad qorshaynaysaa jid hawleed waxana aad xaqiijisay in go’aankii
aad dooratay in aad fuliso aanu sidii u shaqaynayn. Waxa aad dib uugu noqon kartaa talaabo aad u
horaysay, si aad dhibtii dib qeexid uugu samayso. Leexashooyinkaa wadadu qofka qulub inay gali-
yaan ayaa laga yaabaa, hase yeeshee safarkii baadhitaanka waa ka mid, si looga gaadho natiijooyin
waara awoodahaa la bixinayo.

Waxa tababarka la-tababaryaashu aad u fiican yahay marka aad la shaqaynayso macmiil nool oo raba
caawimadaada si loogu sameeyo qorshe istaraatiijiyadeed ururka iyo bulshada ay haysato dhibaato
wayn oo lagu xalin karo geedi socodka qorshaynta ka qaybqaadashada. Waxa jira siyaalo kale oo
loogu diyaarin karo tababarayaal geedi socodkan, kaana waxa aanu kaga doodi qaybta labaad ee
buugan.

Diyaarinta qorshe istaraatijyadeed ah qayb dhammays tiraysa geedi socod kasta oo qorshayn ka qay-
bqaadasho, ma aha mid aanu ku talinayno. Qorshaha istaraatijiyadeed waa sida keeg macaan oo hodan
ah oo qaali ah. Waana in aan fadhi kasta oo ku saabsan qorshayn ka qaybqaadasho lagu isticmaalin.

52
Hase yeeshee, Himilo dajintii oo ah nuxurka geedi socodka qorshaynta ka qaybqaadashadu, waxa laga
yaabaa ina ay aad muhiim u tahay, xataa marka lala tacaalayo dhibaato maalmeed adag oo xaafada
ka dhacda. Waxoogaa waqti ah ayaynu ku qaadan arinkan madmadowga leh marka aynu guda galno
dooda talaabooyin kala duwan, mar danbe. Waa in fudaydiyayaal dibada ah la isticmaalo si ay inooga
caawiyaan qabashada geedi socodka qorshaynta ka qaybqaadashada. Tanina waxa weeye mid kale
oo ka mid ah weedhaha keeni kara jawaabo kala duwan “Haa – May – laga yaabaa”. Kol hadii fudu-
daynta qorshaynta ka qaybqaadashadu tahay hawl asaasi u ah ku guulaysiga geedi socodyo badan oo
ku saabsan qorshaynta ka qaybqaadashada, waxa aanu ku qaadan waxoogaa waqti ah si aanu kaaga
caawino sidii aad go’aan uuga gaadhi lahayd maaraynta arinkan.

Fulinta qorshe hawleedyada ka dhasha qorshaynta ka qaybqaadashadu ma aha masuuliyada dadka di-
yaariyay qorshe hawleedka, sida aad malayn karto marka aynu marayno qodobkan dooda ku saabsan,
arinkani waa mid isna ka mid ah kuwa dhibta leh. Inkasta oo inta badan jawaabta arinkan “Haa” tahay,
hadana qaar ayaa laga soo reebayaa.

Kuwani waxa weeye waxoogaa ka mid ah arimaha muhiimka ah ee ay tahay in laga fikiro marka aad
u qorshaysanayso socodka baadhitaanka ee qorshaynta ka qaybqaadashada. Nasiib wanaag arimahan
si fudud ayaad wax uuga qaban kartaa hadii aad yeelato waxoogaa yar oo qorshe hore ah.

Haa oo macno ayay leedahay ama samaynaysaa in qofku qorshaysto hawsha qorshaynta ka qaybqaa-
dashada si arimahaa madmadowga leh qaarkood loo xaliyo inta aanay noqon mushkilad.

Bandhig kooban oo ku saabsan geedi socodka


qorshaynta ka qaybqaadashada
Qorshaynta ka qaybqaadashada waxa soo gali kara dhammaan wajiyada ama talaabooyinka ku
xusan geedi socodka, ama waxoogaa uun ayaa soo gali kara, waxana arinku ku xidhanyahay hadba
muruga dhibta ama fursada laga hadlayo. Waxa aynu sharixi inaku waxa aynu u qabno ina ay yihiin
wajiyada iyo talaabooyinka muhiimka ah ee loo baahanyahay in la daboolo inta badan xaaladaha
qorshaynta, waxana aanu ka bixin waxoogaa fikrado ah oo ku saabsan isticmaalkooda. Guud ahaan
geedi socodka qorshaynta ka qaybqaadashada waxa loo qaybin lix waji. Midkasta oo ka mid ah
wajiyadaa waxa ku dhex jira talaabooyin gaar ah oo taxana ah iyo hawlo la qabanayo.

Wajiga 1: Bilawga geedi socodka qorshaynta ka qaybqaadashada: Wajigani waxa uu ku saabsan


yahay “dhacdadii wax hurinaysay” taasi oo ku dhalinaysa dadka qaar, kooxo ama urur ina ay u
baaqaan in la qabto wax ku midha dhalin kara hadii la raaco geedi socodka qorshaynta ka qaybqaa-
dashada. Dhacdooyinkaasi waxa weeye ama dhibaatooyin u baahan in laga hadlo ama waa fursado
aan la xaqiiqsan. Dhibaatooyinka inta badan waxa lagu ogaadaa xaga wacyiga, halka fursaduhu ku
jiraan dadka ama aragti wadaag ah oo ku saabsan wixii suurta gal ah. Halkan, dadka soo jeedinaya
ina ay suurtagal tahay in la isticmaalo geedi socodka qorshaynta ka qaybqaadashadu waxa ay ka
fikiri karaan in qorshe istaraatijiyadeed uu yahay arin la dooran Karin, gaar ahaan marka ay xadi-
deen fursad la heli karo oo dabagal u baahan.

53
Wajiga II: Dhisida shuraako midho dhal leh: Ka qaybqaadashadu waxa weeye shuraako la abuurayo
si heerkii degmada wax looga qabto. Tan waxa soo gali kara shuraako dhex marta dawladii hoose,
ururadii deegaanka ee aan duwaliga ahayn ama ururadii rayidka, iyo muwaadiniintii, dawlidihii
hoose ee kale oo shuraako lala noqdo, ama hayadihii dawlada ee sare, ama kuwa gaarka loo leeya-
hay, ama waxyaalahaasi suurta gali karo oo dhammaan la isku daro talaabadan u horaysa ee la isku
dayayo ballaadhinta xeradii dadka aragtida leh ama mushkiladaha xaliya iyana waxa weeye bilow-
gii isticmaalka qalabkii lafa gurka arinka daneeyaha.

Wajigan waxa kale oo ku jira go’aankii laga gaadhi lahaa in la adeegsado nooc fududeeya ah oo
inaga caawiya qabashada geedi socodka qorshaynta ka qaybqaadashada. Waxa aynu qaadan male
ah in uu jiro fududeeye loo adeegsanayo geedi socodka, kaasi oo ama ah mid laga keenay dibada
ciddii hawsha abaabushay ama ah mid laga dooray gudaha dhinacyada ka qaybqaadanaya hawshan.
In loo abuuro fudaydiyayaasha iyo la taliyayaasha geedi socodka hawl diyaarsan oo guulaysata inta
badan waxa lagu sheegaa “hawlgalin” adeegoodii ah. Tani ma aha shaqa siintii sharciyeed ee caa-
diga ahayd ee wxa weeye dhab ahaan bulsho u hawlgalin.

Wajiga III: Gaadhitaan ama hoos u eegid? Halkan geedi socodka ka mid ah, waxa aynu rabnaa in
aynu ka doodno arimaha la kala dooran karo si loo galo geedi socod dheer oo ku saabsan qorshaynta
istaraatijiyadeed, waa wax aynu ku tilmaamayno gaadhitaan, ama iyada oo loo jeedinayo awoodii
qorshaynta ka qaybqaadashada dhinaca dag-dag u xalintii dhibaatooyinka.

Doorashadan la doortay in hoos wax loo eego oo loona dhiso, waxa lagu magacaabaa inta badan
“qorshe hawleed”. Laba xirfadood oo muhiim ah ayaa wajigan ku jira, waa himiladii ama helita-
ankii dhibaatada, tan oo ku xidhan ujeedooyinka kolba fuliya la is leeyahay. Wajigan ka dib oo la
xadidayo in geedi socodku noqon doono mid istaraatiiji ah oo mudo dheer ah (himilo), ama mid
dhib taagan eegaya oo xooga iyada saaraya oo mudo yar ah, geedi socodka qorshaynta ka qay-
bqaadashadu waxa uu raacayaa dhacdoodyin sidan oo kale ah inkasta oo deegaankiisu uu aad uuga
duwanyahay.

Wajiga IV: Xaqiiqo raadin iyo lafa gurid: Waxa uu ku xidhanyahay qaabka jira in uu yahay mid
xili gaaban ah oo dhib xalinaya ama mid eegaya himilo fog. Waxa jira talaabooyin dhawr ah oo la
dhammays tirayo inta aan la sharixin qorshaha istaraatijiyadeed ama aan la dhigin jid hawleed qe-
exan. Waxa taa soo galaya: In la ururiyo xog dheeraad ah, war iyo fikrado, ururinta iyo lafagurida
ilahaasi, si dhibtii ama fursadii si fiican loogu fahmo,

In la xadido ahdaafta iyo ujeedooyinka la fulinayo, iyo qiimaynta suurtagalka fulinta ahdaafta iyo
ujeedooyinka. Talaabadan uugu danbaysaa waxa ay leedahay qalabyo ay ka mid yihiin (SWOT)
meelihii lagu xooganaa, meelaha lagu liito, fursadihiii, carqaladihii oo la baadho) iyo lafagurid
awoodaha goobta ka jira (inta dhankaaga ah iyo inta kaa soo horjeeda).

Wajiga V: Qorshaynta jidkii lagu hawlgali lahaa: Marka geedi socodku halkan gaadho, dadkii
arinka gacanta ku hayay ayaa soo ururinaya ujeedooyinkii ay filayeen fulinteeda iyaga oo ku soo

54
ururinaya tira kooban oo dhab ah, eegayana siyaalaha u fiican ee lagu fulin karo, waliba laga yaabo
ina ay dib u eegaan daneeyayaasha la rabo ina ay fuliyaan. Wajigan geedi socodka qorshaynta ku
saabsani waxa kale oo soo galaya in la go’aamiyo waxa cid kastaa qabanayso iyo cida la qabanaysa
iyo xayndaabka khayraadka loo qoondeeyey, iyada oo la xiliyaynayo, xilina lagu nidargalayo, lagu
fuliyo ahdaaftii iyo ujeedooyinkii la lahaa ama lagu xaqiijiyo himiladii. Ugu danbayntii kooxdu
waxa ay eegi cawaaqibta laga yaabo ina ay ka yimaadaan fulinta waxa ay ku talinayaan iyaga oo
sheegaya mashruuc kormeer iyo dabagal iyo raad qiimayn lagu sameeyo.

Wajiga VI: Hawlo fulintii, qiyaasidii saamaynta iyo hawl dhaqaajintii: Wajigani geedi socodka
ka mid ihi inta badan waa uu ka baxsanyahay igmashadii tooska ahayd ee kooxda qorshaynta ka
qaybqaadashada iyo xilkoodii. Hase yeeshee waxa muhiim ah in kooxaha qorshayntu ay wax ka
ogyihiin oo gartaan airmaha iyo danaha fulinta waxana jira marar ay dadka abaabulay qorshaynta
barnaamijyada iyo hawlaha wadaaga ah ee dhex yaala saraakiisha dawlada hoose iyo wakiiladii
matalayay bulshadu ay toos u galaan fulintii mashaariicda.

Waxoogaa tilmaamo ah oo gaba gaba u ah hordhaca


Qorshaynta ka qaybqaadashada xaaladeedu ma aha talaabooyin si toos ah isu daba jooga: Marka
aynu geedi socodkii qorshaynta ka qaybqaadashada u qeexnay wajiyo, waxa markiiba inagu soo
dhacaya in la raaciyo talaabooyin is daba jooga oo wajiba waji ka danbeeyo, sida loo sharaxay.
Inkasata o arinkan hore loogu xusay tilmaamihii safarka, waxa uu u baahanyahay in dib loo sheego
oo lagu celiyo. Talaabooyinku waxa ay si is daba taala uugu dhawyihiin ina loo dhigo qaar sidii
goobo oo kale ah (circle), waxana ay inta badan ku xidhan yihiin baahida taagan, in dib loogu noqdo
talaabo hore ama waji dib loo qabto, mararka qaarna laga boodo mid, marka talaabada xigta geedi
socodka qorshaynta ka qaybqaadashada aan loo baahnayn. Talaabooyinku wa qaar isku laabmaya,
isku imanaya, kala tagaya, la isku raacayo isna dhexgalaya. Kuwa ku guulaysta fulinta geedi socod-
kan qorshaynta ka qaybqaadashadu dan kama galaan baahida loo qabo ama fursada ah in talaabooy-
inka hore iyo dib loo qaado amaba qaar laga boodo marka la arko in aan loo baahnayn.

Wajiyada geedi socodka ka qaybqaadashada

I
Abaabulka
Geedi
VI
Socodka II
Fulintii
Qiyaaasidi Dhiska
Dhaqaajintii Shuraakadii

V III
Qorshaynta Gaadhitaan
jidkii ama Hoos u
IV
Hawlgalka Eegid
Xaqiiqo
raadin iyo
lafa gurid

55
Wajiyada geedi socodka qorshaynta ka qaybqaadashada

Xidhiidhkii Kormeer
Qiimayn
Abaabulkii dhiska shuraako gaadhitaan xaqiiqo raadin
geedi socodka midha dhal leh hoos u eegid gorfayn

qorshayn jidki fulinta qiyaasid


hawlgalka hawl joogtayn

Qorshaha istaraatijiyadeed waa wax la doorto: Arin eegid u baahan oo kale waxa weeye qorshaynta
istaraatijiyadeed iyo sida ay uula jaanqaadayso (u galayso) geedi socodkii qorshaynta ka qaybqaa-
dashada. Kanina yaanu wareer kaa galin baahida loo qabo iyo ahmiyada uu leeyahay in la galo isku
dayo qorshayaal ka qaybqaadasho oo lagu fulinayo xiligaaban, waqtina ku xidhan kooban, oo hawl
gudasho looga jeedo, loona qorsheeyay si wax loogaga qabto, deegaanka, iyo arimo iyo waxyaalo la
danaynayo oo waxtar ka heli kara dad badan oo wax go’aamiya ama dhibaatooyinka xaliya. Marka
taasi aanu tilmaamayno looma jeedo in la dafiro ahmiyada qorshaha istaraatijiyadeed, waxa se loo
jeedaa in dhacdooyinka himilada ah la eego.

Markii lagu jiray geedi socodka baahiyaha tababarka lagu qiimaynayay ee ka horaysay qalabkan
diyaarintiisa, waxa ay laba dadweyne oo kala duwan oo ku kala nool laba qaaradood arkeen isla
xili isku mid ah in qorshaynta ka qaybqaadashadu tahay shaqo iyo xirfad u qalanta in la maalgaliyo
ahna fursad waxbarasho. Iyada oo ay matalayaan laba aragtiyood oo kala duwan ayay dawladaha
hoose iyo hayadaha bulshada rayidka ihi arkeen baahida loo qabo hayado deegaan oo ka qaybqaata
wada hadalo midho dhal leh oo ku saabsan arimo badan oo dhibaatooyin ka taagan yihiin iyada oo
loo igmanayo ina ay yimaadan waxyaalo la kala doorto oo la fulin karo. Waxa ay ugu horayn di-
irada saareen qorshe hawleed iyaga oo ku xigsiiyay danaynta qorshe istaraatijiyadeed oo xili dheer
u baahan. Hase yeeshee labada wajiba waa muhiim waxana lagaga hadli doona geedi socodyada ku
qeexan cutubyada oo socda.

Kormeer iyo qiimayn. Hawlahan muhiimka ah ee ku saabsan kormeerka iyo qiimayntu waxa ay u
eegyihiin in had iyo jeer ay ka lushaan gabagabada geedi socodka qorshaynta ka qaybqaadashada.
Waxa aanu doonayna ina aanu xoojino in labadaa hawlood yihiin qaar dhammays tiraya waji kasta
oo ka mid ah geedi socodka qorshaynta ka qaybqaadashada. Ujeedadu waxa ay tahay in la hubiyo
in kooxaha qorshayntu ka fikiraan talaabana ka qaadaan arimaha kormeerka iyo qiimaynta marka
ay bilaabaan wadatashiyadooda u horeeya. Waa inay ugu horayn iyagu kormeeraan oo qiimeeyaan
iyagu waxa horusocod ay sameeyaan iyo talaabooyinka ay qaadaan, ta kale waa in ay dhisaan kor-
meer iyo qiimayn ay ku samaynayaan saamaynta qorshayaashooda iyo istaraatijiyooyinka fulinta.

Xidhiidhka, hoggaanka wadaaga ah iyo koox u shaqaynta: Sadexdaa xirfadood ama dhaqan waxa
lagu xoojiyay ahmiyadooda cutubkii hore. Waxa la rabaa ina ay noqdaan qayb ka mid ah dhaqa-
nka loogu dadaalayo qorshaynta ka qaybqaadashada, maxaa yeelay noocan qorshaynta ihi waxa

56
uu noqonayaa mid caadi noqda (dhaqan gala) oo kayd ah loona adeegsado go’aan qaadashada iyo
dhibaato xalinta dhexda dawladaha hoose iyo bulshooyinkii.

Fududaynta geedi socodka: Waxa aanu malaysanay in geedi socodka qorshaynta ka qaybqaada-
shada uu faaiido leeyahay hadii uu fududeeyo ka noqdo qof dibada ihi oo la shaqeeya kooxdii wax
qorshaynaysay, isaga oo aan cidna la jirin,

oo dowrkiisu dhexdhexaad yahay si arinku u noqdo mid midha dhal badan yeesha wax ku oolna
ah. Waxa talo la dooran karo ah in uu qofku yahay mid xirfadii wax fududaynta leh iyo khibradii
kana soo jeedo mid ka mid ah hayadaha ka qaybqaadanaya hawsha, kaasi oo si ku meel gaadh ah ka
soo bixi kara kaalintii rasmiga ahayd ee uu hayay si uu uula shaqeeyo kooxda qorshaynta iyada oo
fududayntu yeelan karto micnoyaal badan, waxa fiican in micnaha aynu ku sharaxaynaa uu ka eego
fududaynta dhinaca geedi socodka qorshaynta ka qaybqaadashada ee ku qeexan buugan.

Fududayntu waa geedi socod uu qof (ay ogolyihiin dhammaan xubnaha kooxdu oo dhab ahaan
dhexdhexaad ah oo aan lahayn suldad go’aan qaadasho) uu galo arinkii si uu u caawiyo koox si
ay hore uugu mariso habka ay ku soocdo kuna xaliso dhibaatooyinka kuna gaadho go’aamada, si
kooxda tayadooda kor loogu qaado1.

• Koox ka kooban dawladaha hoose iyo muwaadiniintii ma ku shaqan kartaa habkii geedi
socodka qorshaynta ka qabyqaadashada iyaga oo aan haysan cid dibada ah oo soo dhexga-
sha/qof fududeeya ah jawaabtu waa “Haa”. Haseyeeshee waxa wax qabadkoodu uu sii sah-
lanyahay (fiican yahay)hadii cidi dibada ka caawiso.
• Ma baran karaa xirfadaha xubin kooxda ka mid ihi, hadii se xubin kooxda ka mid ihi uu
leeyahay aqoontii xirfadeed ee fududaynta, ma qaadan karaa kaalintan? Labadaa su’aaloodba
jawaabtoodu waa “Haa”. Hase yeeshee xirfadaha fududayntu waa dhaqano la barto. Xaala-
daha qaar waxa loo baahan doonaa tababar ku saabsan hawsha fududeeyaha. Hadii xubin
kooxda ka mid ihi uu xirfad u leeyahay geedi socodkii fududaynta oo uu rabo in uu noqdo
fududeeye xubnaha kale ee kula jira kooxduna ogolaadaan waxa qofkaasi u baahanyahay in
uu kooxda kaalinteedii dibada ka noqdo si uu uugu shaqeeyo fududeeye wax ku ool ah.

Qodobo Muhiim Ah

• Qorshaynta ka qaybqaadashadu waa geedi socod murugsan. Waa mid raacaya wadda toosan
oo midiba mid kuu dhiibayso, soona noqnoqonaysa, si dagana u koraysa, oo madmadow iyo
waxyaala kala soo horjeeda aanay ka madhnayn.
• Tababarka dadka si ay dadka kale uugu tababaraan geedi socodka qorshaynta ka qaybqaada-
shada waxa si aad u fiican u gudan kara qof leh rabitaankii muujinayana baahi dhab ah iyo
nidargal in uu hayadii iyo bulshadii galiyo kuna hago qorshayntii ka qaybqaadashada.
• Qorshaha istaraatijiyadeed waa mid la dooran karo oo aan qasab ahayn marka ay dawladaha
hoose iyo hayadaha bulshadu galayaan qorshaynta ka qaybqaadashada.
• Dadka aan ka qaybqaadan kooxda qorshayntu inta badan waxa ay fuliyaan qorshayaal lagu
soo diyaariyay geedi socod ka qaybqaadasho. Hase yeeshee qorshaynta ka qaybqaadashadu

57
way sii fiicnaanaysaa marka ay kooxaha wax fulinayaa ay ku leeyihiin cid matalaysa geedi
socodka (qorshaynta ka qaybqaadashada).
• Qorshaynta ka qaybqaadashadu sida lagu diyaariyay laguna qeexay buugan waa geedi socod
ka kooban lix waji, wajiyadaasi se ma aha qaar muqadas ah.
• Kormeerka, qiimaynta saamaynta, xidhiidh fiican oo furfuran, hoggaan wadaag ah, koox ku
shaqayn waa arimo meel kasta gala marka la wado dadaalka qorshaynta ka qaybqaadashada
guulna keenaya. Sifooyinkaasi waa arimo xadkoodu yahay lama taabtaan (aan laga tagi
karin).
• Shaqooyinka qorshaynta ka qaybqaadashadu waxa ay u fiican yihiin marka ay fududeeyaan
dad aan dhinac raacsanayn oo dhexdhexaad ah oo wax danaynaya.
• Qorshaynta ka qaybqaadashadu waa safar baadhitaan. Ku raaxayso oo wax ka korodhso.

Raad Raace

1. Schwarz, Roger “The skilled facilitator”. San Fransisco: Jossey – Bass publishers, 1994,
P.4
4

Cutubka
Wajiga Iaad

Abaabulka
Geedi Socodka Qorshaynta
Ka Qaybqaadashada

Mudanayaal waxa inagu xeeran


fursado aan laga dhammaanayn
POGO

Dhibaatooyinka iyo fursadaha ………………………………………………….……………… 61


Baraarug iyo himilo …………………………………………………………..………………... 62
Waxyaalaha lakala dooran karo ee ku
jira qorshaynta ka qaybqaadashada ……………………………………………..……………… 64
Hawl galinta baraarugii iyo himiladii:
Go’aanka ah in dadka kale hawlaha laga qayb galiyo………………………………………….. 67
Qodobo muhiim ah ……………………………………………………………………………...69
Raad Raac ……………………………………………………………………………………….70

59
Wajiga 1aad ee geedi socodka qorshaynta ka qaybqaadashada waxa soo galaya dhawr dhacdooyin
ama talaabo oo muuqda: ugu horayn, wax ka dhaca deegaanka oo qof ama in ka badani ay arkaan
ina ay u baahan tahay in la qaado talaabo wadareed. Waxaasina waxa uu noqon karaa:
• Dhibaato mudo dheer soo jiitantay oo noqotay mid aan loo dulqaadan Karin sida ay arkaan
tiro soo kordhaysa oo muwaadiniintii ay khusaysay ihi: sida, xashiish iyo uskag ka buuxa
waddooyinka iyo beeraha lagu nasto.
• Burbur iyo dhibaato ballaadhan oo bulsho badan ina ay dhakhso u soo gaadho laga yaabo,
sida xashiish sun ah oo si sharci daro ah loo daadiyay oo ku soo siqaya kaydkii biyaha ee
magalaada.
• Fursad u baahan ka faa’iidaysi oo ah faaiido dhaqaale oo ilaa haatan hore u jirin, sida dham-
mays tirka wado wayn oo cusub oo bulshada ku xidhaysa suuq wayn oo goobta ku yaala
ama
• Codsi rasmi ah oo ka yimid waalidiinta qoysaskooda kalida ku ah, xaafad danyar ah, oo ku
saabsan sidii loo bilaabi lahaa xarun maalintii ubadka lagu daryeelo oo keenaysa fursado
shaqo.

Arinku ha ahaado dhibaato ama fursad, waxa weeye dhacdada shiday ee dhaqaajisay qof ama in ka
badani ina ay ku baaqaan in talaabo la qaado. Waxa ay noqon karaan saraakiishii deegaanka ee la
soo doortay, saraakiishii iyo shaqaalihii magaalada, gudidii ka talinaysay urur deegaameed oo aan
duwali ahayn, agaasimaha urur bulsheed yar, koox wadaada ah, naadi xaafadda ku yaal ama mu-
waadiniin qof qof ah. Waxa ay ku baraarugeen in dhibaato ay jirto ama waxa ay arkaan himilo ah in
fursad gacanta lagu hayo taasi oo ku dhalinaysa dawlada hoose iyo bulshadii heer ay rumaystaan in
arinkan geedi socodka qorshaynta ka qaybqaadashadu wax ka tari karo.

Inta aynaan guda galin farsamooyinkii iyo xirfadihii looga baahnaa fulinta geedi socodka qorshayn-
ta ka qaybqaadashada, waxa aynu rabnaa ina aynu eegno arimo dadka ku saabsan, sida wixii qofka
dhaqaajinayay iyo abaabulkii qof ahaaneed, tan oo keenta in dhacdadii ama arinkii loo soo jeediyo
dareenka bulshada. Waxa tani ay u eegtahay meel hoose oo bilow ah, waxana jirta in dawlada hoose
oo badan iyo bulshooyin ay ka xidhxidhan yihiin arimo murugsan oo dhibaatooyin iyo fursadaba
leh oo iyaga ku xeeran. Sababtu waxa ay doonto ha ahaatee, waxa ay ka baaqsadeen ina ay talaabo
qaadaan xataa marka ay haystaan kaydkii ay wax ku qaban lahaayeen. Waxa aanu wax ka saari kar-
naa bukaankan bulsheed, qayb ahaan, baraarug iyo himilo la’aan ku jirta dadkii isbadalka samayn
kari lahaa.

Dhab ahaantii waxa jira sababa kale iyaguna, waxa laga yaabaa ina ay jirto kalsooni daro dadka
xukunka hayo laga qabo, taasi oo muwaadiniintii u diidaysa ina ay geedi socodkii wax badalida
abaabulaan. Marar kale dadkii hayay masuuliyaadka gaarka ah ee maaraynta lahaa abaabulka horu-
marineed ayaa u shaqaynaya sidii oo meeshoodu tahay goob u gaar ah iyaga oo madax banan, tani
oo ka dhigaysa qorshayntii guud iyo hawlo dabagalkii mid aan suurta galayn.

Waxa aanu ku doodaynaa, dhab ahaantii, in meelaha la tabanayo loo arki karo dhibaatooyin – ama
fursado – marka uu jiro baraarug iyo himilo ina tusaysa waxa aynu gaadhi karno mustaqbalka marka
ay xirfadlayda iyo siyaasiyiintu bartaan ina ay iyaguna iskaashadaan dadwaynahana kaashadaan.
60
Qorshaynta ka qaybqaadashada ciddii doontaa ha bilowdo eh, saraakiisha dawlada hoose, xubnaha
ururada rayidka ah sida ururada aan duwaliga ahayn ama ururada bulshada, ama qof ama in ka
badan oo muwaadiniinta ka mid ah, waxa uu ka dhashaa mid ka mid ah laba sifo oo waawayn oo
dadku leeyahay: Baraarug iyo Himilo. Labadaa sifana waxa iyana shida oo dhaqaajiya laba arin:
Dhibaatooyin iyo Fursado. Ama hadii aynu si yar oo kale oo duwan u sheegno, baraarug lagu baraa-
rugo dhibaatooyinkii, ama ha ahaato mid taagan ama mid laalan eh, iyo aragtida fog ee fursadaha,
taasi oo marka si dhab ah loo gudo galo, uu istaadhmayo geedi socodkii qorshaynta ka qaybqaa-
dashadu. Waxa halkaa aynu ku sheegnay tilmaamo muhiim ah oo soocaya arimahaa waxana aanu
rabnaa ina aynu daba galno inta aynaan sii socon.

Waxooga istaag oo qor sadex weedhood oo dhibaatooyin ka waramaya iyo sadex


gii weedhood oo fursado ka hadlaya oo aad is leedahay waxa ay matalayaan kana
Xili sig
c
mili hadlayaan dawladaada hoose iyo bulshada oo aad is leedahay wax ha lagaga
qabto nooc ka mid ah geedi socodkii qorshaha ka qaybqaadashada.

Weedho ka hadlaya dhibaatooyin

1. …………………………………………………………………………………………........

2. …………………………………………………………………………………………........

3. …………………………………………………………………………………………........

Weedho ka hadlaya fursado

1. …………………………………………………………………………………………........

2. …………………………………………………………………………………………........

3. …………………………………………………………………………………………........

Waa aad mahadsantahay, mar danbe ayaanu ku waydiin doonaa in aad ku laabato weedhaha.

Dhibaatooyinka iyo Fursadaha

Go’aamo la gaadho iyo dhibaatooyin la xaliyaa waxa weeye laba hawlood oo ah kuwa uugu muhi-
imsan ee ay qabtaan kooxaha abaabula qorshaynta ka qaybqaadashadu. Fursadaha oo qofkii ga-
canta ku dhigo iyo isaga oo talaabo qaad oo ka faaiidaystaa, taasi oo iyana go’aan qaadasho ah,
iyana waa laba arin oo kale. Waxa jira waxyaalo muhiim ah oo kala soocaya dhibaatooyinka iyo
fursadaha iyo geedi socodka fikradeed ee loo baahanyahay si midha dhal leh in loogu gudagalo.
Dhibaatada la xalinayaa, dabiicad ahaan, waa wax laga dabatagayo. Cid ama dawladii hoose ah ama
bulshadii ayaa arkaysa in dhibaato jirto kana dabatagaya. Fursaduhu iyagu waxa ay rabaan waji ka
hortag ah, gaadhitaan iyo eegida jid hawleedkii la raaci lahaa ee muhiimka ahaa mase ahaa dagdag.

61
Dhibaatooyinku waa dagdag,hadii kale se loo arki maayo dhibaatooyin. Dhinaca kale dhibaatooy-
inku ma aha had iyo jeer muhiim. Tani waxa ay qeexaysaa waxa qaar badan aan loo xalin.

Waxyaalo kale oo kala soocaya dhibaatooyinkii iyo fursadihii waxa ka mid ah:
• Dhibaatooyinku inta badan waxa ay u jeedaan xagii samaynta (samee, xali). Dhinaca kale
fursadihii waxa diirada la saarayaa wax la jecelyahay oo cidi rabto in uu dhaco.
• Fursaduhu, waxa weeye qaar dhibaato u taagan waxa weeye qaar had iyo jeer khatari ku jirto
iyo natiijo waxa ay noqon aan la garanayn. Suurtagal ma tahay? Tolow may shaqayn? Hadii
ay shaqayso tolow may keeni faaiidooyinkii la rabay? Faaiidooyinku tolow may ka badan
kharashka galaya? Dhibaatooyinku dhinaca kale waxa ay noqon karaan qaar khatar badan
oo aan natiijadooda la hubin hadii la xalin waayo.
• Fursaduhu waxa ay jiraan mustaqbalka waana in la xisaabiyo khataraha iyada oo loo eegayo
mustaqbal aan had iyo jeer laga saadaalin Karin. Dhibaatooyinku se waxa ay ka yimaadaan
wax tagay, iyaga oo ka dhalanaya talaabooyin ama wax qabad la’aan, kuwaas oo dhacay
ama aan la samayn natiijada ka iman karta in dhibaatooyin la xaliyo, ama aan la xalin, inta
badan waa la saadaalin karaa. Inta badan dhibaatooyinka maanta taagani waxa ay ka yimaa-
deen xalalkii shalay la gaadhay (xalal bari hore la gaadhay).
• Fursaduhu waxa ay u baahan yihiin aragti mustaqbala ah, in la sawiro waxa dhici kara.
Dhibaatooyinku inta badan, waa dib u gocasho, eegid wixii khaldamay.
• Marka laga faaiidaysanayo fursadaha, su’aasha halista ihi waxa weeye maxay noqon hadii?
Su’aasha u muhiimsan ee la iswaydiiyo marka dhibaatooyin la xalinayo waxa weeye maxay
u dhacday?
• Marka aynu la dhaqmayno dhibaatooyin waxa aynu raadinaa xalal. Marka se aynu la dhaq-
mayno fursado waxa aynu raadinaynaa faaiidooyin.
• Fursadaha waa la iska dhaafi karaa. Dhibaatooyinka se inta badan lagama tagi karo ama in
laga tago ma aha.
• Dhibaatooyinka marka si fiican loo baadho xiligoodii haboonaa waxa loo badali karaa fur-
sado. Waligaa ma dareentay sida dhibaato aad tirtirtay oo noloshaada ku saabsanayd ay si
kadis ah ugu noqotay fursad keenta in dhinac kale loo hayaamo?

Baraarug iyo Himilo


Hore waxa aynu u sheegnay in baraarug iyo himiladu yihiin sifooyin dadku leeyahay oo ka caawiya
ina ay helaan dhibaatooyinkii iyo fursadihii. Kol hadii ay yihiin labadani geedi socodyo fikradeed
oo kala duwan, oo qaar keena isticmaalkooda ay ku kala fiican yihiin, midba laga yaabo in uu mid
ku sii fiican yahay, waxa faaiido badan ina aynu u aragno ilo awoodeed oo calaamad u ah kooxda
qorshaynta ka qaybqaadashada.

Labadaa arin ee baraaruga iyo himilada waxa ku jira arimo badan:


• Dhugasho – adoo arka waxyaalo aan dadka u muuqan.
• Dhinacyo wax ka eegid: Adoo arimihii ka eega dhinacyo kala duwan

62
• Garasho: Waxa ay ka soo jeedaa khibradaheena biiray ee ku sugan goob ah maktabada aynu
ku haysano dareen maskaxeedkeena hoose.
• Kor u qaadida qaybaha aan muhiimka ahayn ee himiladeena waa inaka oo iska qaadna indha
xidhka dhinacyada inga qarinaya si aragtideenii u ballaadhato.

Labadaa sifo ee maamulka la xidhiidhaa, waa baraaruga iyo himilada, waxa ay faaiido ka heli
karaan milicsiga, waxa inta badan muhiim ah in la milicsado dhibaatadii ama fursadii, si loo fahmo
ama loo qiimeeyo dhinacyadeeda badan. Xiliga dib u milicsigu waxa uu inaga jiraa ina aynu xalino
dhibaatooyin ku fiican in aan la xalin iyo ina aynu ilowno fursado ku wanaagsan in la ilaabo. Waxa
aan shaki lahayn in istaraatijigii ugu badnaa ee horumarinta ka qaybqaadashada ee taaba qaaday
sanadadii 1980nadii iyo 1990nadii, oo ahaa “Milicsigii iyo hawlgalkii ka qaybqaadashada”, in la
qorsheeyay iyada oo arimahan maskaxda lagu hayo

Halka baraaruga iyo himiladu ay fuushan yihiin mawjada maskaxeed oo ay wadaagaan, hadana
tiro ahaan iyo tayo ahaanba waa ay ku kala duwan yihiin marka ay noqoto qalab qorsheedka looga
baahan yahay fududaynta is badalka bulshada. Bal aynu eegno ina aynu micno badan u yeeli karno
sifooyinkaa qorshaynta.
• Baraarugu waxa uu u badan yahay taagtiig, iyo xirfad xili dhaw loogu talagalay. Himilo
waxa ay eegaysaa xili fog, waxana ay leedahay sifo istaraatijiyadeed. Arimahan iyo sifooy-
inka kale ee qof ahaaneed ayaa muhiim ah in aad maskaxda ku hayso marka aad ururinayo
kooxda qorshaynta ka qaybqaadashada.
• Baraarugu waxa uu galaa sharax tafaasiil ah. Himilo waxa ay midabaysaa sawirka wayn.
• Baraarug inta badan waxa uu u baahan yahay dib u dhugasho, iyada oo la eegayo waxa
khaldamay, iyo dib u eegid, sidii loo hagaajin lahaa. Himiladu waxa ay ku shaqaysaa aragti
mustaqbalka ah, waxa jira hiirta hortaada ah, iyo aragti dheeraad ah oo la arkayo mustaqbal
aan weli dhalan.
• Baraarug waxa uu ku saabsan yahay fikir ururin, dhugasho. Himilo waxa ay si fiican u qab-
soontaa marka fikirkeenii fido ee uu ka leexdo wadadii jabsanayd.
• Baraarug waxa uu ku sii xoogaystaa kartida gorfaynta ee laba iyo laba la isu geeyo si afar
loo helo. Halka himilo ka faaiidayso fikirka maskaxeed, ee laba iyo laba la soo qaadayo,
kadib la isku darayo si ay u noqoto khaanada badan oo laban laabma.

Labadubana waa sifooyin muhiim ah oo ay tahay ina ay ka muuqdaan kooxda qorshaynta ka qay-
bqaadashada. Kol hadii ay jirto in qof kasta oo inaga mid ihi uu yimaado isaga oo ku qalabaysan
qalab maskaxeed waxooga duwan, waa in xulashada kooxda qorshaynta ka qaybqaadashada kala
duwanaanta maskaxaha xisaabta lagu daraa. Sida uu Peter Block ina xasuusinayo, mustaqbalku si-
yaalaha qaar, waa wax ka dhashay dhaqankeena maanta1. Ama hadii si kale aynu u dhigno, waa in
aad u fiirsataa marka aad xulayso xubnaha kooxda qorshaynta ka qaybqaadashada. Hadii aad tahay
mid naftiisa iyo aragtidiisa bida, waxa laga yabaa in dhammaan ay tusaan (dadka la xulaa) aragtida
aad aduunka ka haysato, tan oo dhab ahaan inoo xaqiijinaysa in fikradaha miiska imanaya ee la isku
khilaafaa yaraanayaan. (maxaa yeelay dhinac bay u wada jeedaan).

63
Waxana aanu rumaysanahay in baraarugu iyo himiladu yihiin dhaqano bani aadam oo la
baran karo.

Waxyaalaha la kala dooran karo ee ku


jira qorshaynta ka qaybqaadashada

Waxa aynu imika uun sheegnay in baraarugu u badan yahay taaktiig xili gaaban ah, iyo xirfad
dhibaato lagu xaliyo, halka himilo ay eegayso meel fog, oo sifadeedu istaraatiji tahay. Waxa kale
oo aynu ku xidhiidhinay labadaa sifo ee qofka, dhibaatooyin xalintii iyo fursado ka faaiidaysigii oo
ah dhacdooyinka ina dhaqaajinaya ee inagu dhalinaya ina aynu ka fikirno in la gali karo ama aan la
gali Karin qorshayntii ka qaybqaadashada inkasta oo aanaan rabin ina ay noqdaan labada eray iyo
micnahoodu mid lagu dhagan yahay, hadana waxa aanu rumaysanahay ina ay inaga caawin doon-
aan sidii buuga inta hadhay aynu u sawiran (arki) lahayn. (Ta kale hadii ay ku wareeriyeen arimahan
laba labada u socdaa dhibaatooyin / fursado iyo baraarug / himilo, waxa kuu banana ina aad adigu
curso qaab fikradeed kuu gaar ah).

Dhinaca aragtida doodan, waxyaalaha ugu muhiimsan ee horyaal dawlada hoose iyo ururada ray-
idka ah madaxdoodu waxa weeye in la kordhiyo awooda in dadkii loo dooray ka qaybqaadashada
geedi socodyada qorshaynta wadajirka ah ay yihiin qaar matalaya mushkilad xaliyayaal iyo aragti
fogaan, oo ay u dheertahay ina ay matalayaan koox isku dhafan oo ah qorsheeyayaal iyo go’aamiye-
yaal.

Marka ay mudo dawladaha hoose iyo hayadaha bulshadu ay aad u isticmaalaan geedi socodka qor-
shaynta ka qaybqaadashada, waa in kooxaha la iskugu keeno hawlaha qorshaha ee kala duwani ay
matalayaan dul iyo hoosba madaxdii iyo wakiiladii bulshada. Tusaale ahaan, kooxaha waxa ku jiri
kara saraakiishii dawlada hoose ee la doortay ama xil sidoodaba loogu dhiibay, cid matalaysa uru-
radii rayidka ahaa iyo mulkiilayaashii gaarka ahaa, dadka u dhaqdhaqaaqa xaafadaha iyo muwaadi-
niintii kale ee arimuhu khusaynayeen kuwaasoo matalaya qiyamkii, dhaqanadii, danihii, fikradihii,
oo inaga siinaya xog joogta ah oo ku saabsan dhibaatooyinka taagan, arimaha iyo waxyaalaha la
danaynayo iyo himilooyinka bulshada ee fiican.

Laga bilaabo halkan, waxa aynu baadhitaan ku samayn doonaa laba waji oo tilmaaman oo ku saa-
bsan qorshaynta ka qaybqaadashada oo wadaaga meela badan xaga qalabka iyo xididada habka la
raacayo. Waxa weeye qorshaha istaraatiijiyadeed oo matalaya xiliga fog, oo ah wajigii himilada
geedi socodka qorshaynta, iyo qorshe hawleed, oo ah geedi socod danaynaya arin dhaksho ah oo
inta badan ujeeda sidii dhibaatooyin (taagan) loo xalin lahaa ama loo qaadi lahaa abaabulka mashru-
uc cusub. Marka ay hogaamiyayaasha dawladaha hoose iyo ururada rayidka ah ay ku dhibicdo
faaiidooyinka laga helayo noocan qorshaynta ka qaybqaadashada ah, waxa ay inta badan yeelan
doonaan kooxo qorshe oo iska ag shaqaynaya oo qabanaya abaabulo kala duwan.

64
Iyada oo labadaa geedi socod qorsheed ay u baahan yihiin in looga hadlo si gooni gooni ah si ay
adiga tababare / fudadeeye ahaan ama qorshe dajiye ahaan ay macno kuugu sameeyaan, waxana aad
ogsoonaataa in labadaa geedi socod ay isticmaalaan in badan oo ah qalab isku mid ah si ay u gutaan
ahdaaftooda iyo ujeedooyinkooda gaarka ah. Inta aynaan halkaa ka socon, waxa aad halkan ku arki
tilmaamo gaaban oo ku saabsan labadan waji ee qorshaynta ka qaybqaadasho.

Qorshe hawleed: kani waa geedi socod lagu fikiro laguna hawl galo si loo fuliyo yool dag dag ah
ama heer dhexe ah. Geedi socodka qorshaynta ka qaybqaadashadu waligii ma aha midhihii kama
danbaysta ahaa, ee waxa weeye oo kaliya hanaan ama hab lagu gaadhayo midho ama lagu xaqiiji-
nayo ujeedooyin iyo ahdaaf. Xiliga u qoondaysan fulinta qorshe hawleedka oo ah qalab wax lagu
nidaamiyo laguna maareeyo, ayaa ka dhakhso badan kan u qoondaysan ee weheliya qorshaha ista-
raatiijiyadeed. Kani waxa weeye geedi socod qorsheed oo loo dajiyay ina uu midabeeyo sawirka
wayn, abuuro himilooyin, suurtana galiyo in loo badalo khayaaladii la wadaagayay qaar dhabooba.
Qorshaha istaraatiijiyadeed ma aha qalab si dhakhso ah aad xoog uugu isticmaalayso; maxaa yeelay
markaa waxa uu noqonayaa mid macno daran oo aan waxba tarin. Iyada oo qorshayaasha istaraatii-
jiyadeed ay ka cimri dheer yihiin qorshayaasha hawleed , waxa ay u baahanyihiin in si soo noqnoqta
oo muddaysan baadhitaan iyo lafa guris loogu sameeyo lana cusboonaysiiyo si uu xaqaa iqda cusub
ee kolba soo korodha uula jaan qaado. Waqtiyada u fiican ee dib u baadhitaankaa in ay samayso
dawlada hoose dhianceeda ay tahay waxa weeye marka la diyaarinayo miisaaniyad sanadeedka.
Maxaa yeelay waxa la dajinayaa geedi socodkii qorshaynta istaraatiijiyadeed ee dhabta jirta ee la
jaanqaadaysa xakamaynta maaliyadeed ee jirta iyo fursado yaala, isla markaana waxa kani uu hord-
higayaa qolooyinka diyaariya ee ku dhaqmaya miisaaniyada guud ee sanadeed in ay go’aamadooda
u qaabeeyaan qaab mustaqbalka eegaya.

Qorshayayaasha istaraatiijiyadeed waa dhokomantiyo muhiim ah oo sugaya isku dayada qorshe


hawleedka. Hadii aynu ka soo qaadno qorshaha istaraatiijiyadeed sawir wayn oo gobolo yar yar ka
kooban oo la isku hag hagaajinayo, waxa uu qorsha hawleedku noqonayaa goboladaa yar yar, iyada
oo midhaha ka dhasha qorshe hawleedku sidooda u dhammays tiran yihiin, hadana waxa
y e
ali ay ka micno badan yihiin haddii qorshe hawleedkii lagu xidhiidhiyo sawirkii waynaa.
La T r
Safa Marka aynu ereyadan ka fikirno, waxa fiican ina aynu sharax guud ka bixino qorshaha
istaraatiijiyadeed inta aynaan guda galin sharaxa ballaadhan ee qorshe hawleedka. Mar kasta oo
ay suurtagal tahay, waa in la qabtaa qorshahaa taagtiiga ah isaga oo hoos imanaya qaab hawleedkii
ballaadhnaa ee qorshaha istaraatiijiyadeed ee mudada dheer.

Waxa muhiim ka ah in la xasuusto marka aad wax ka akhriyayso labada geedi socod ee qorshaynta
ka qaybqaadashadu waxa weeye wadaaga qalaba loo baahan yahay marka la fulinayo mid kasta
oo labadaa ka mid ah. tusaale ahaan gorfaynta arimaha daneeyayaasha labada geedi socodba way
wadaagaan. Sidoo kale waxa ay wadaagaan geedi socodka ay ku wada shaqaynayaan macmiilkii
iyo la taliyihii dibada ka imanayay ama fududeeyihii.

65
Waxa aad u dhawdahay in aad gasho waddo wayn oo ah haad qudha oo gawaadhi marto
kana kooban layman badan oo dhinac u wada socda.

Imika haadka labaad ee gawaadhida. Waxa aynu galinayna qaab ama hab sheeko ah qoraalkeenan si
aynu u qeexno dhacdooyin caadi ah oo dhici kara marka la fulinayo qorshaha ka qaybqaadashada.
Sheekadeenani waxa ay ku saabsan tahay qof meeyar ah, shaqaalihiisii iyo hoggaamiyayaashii bul-
shada oo u halgamaya fahamkii iyo fulintii geedi socodka qorshaynta ka qaybqaadashada.

Inaka oo ilaalinayna duur xulkii socodkeena baadhitaan waxa aynu qaabkan sheeko ku sheegaynaa
sawirkii yaraa ee “isku taaga shidaal qaadashada”. Hadii aad tahay qof ka hela baratanka gawaad-
hida, waa aad garanysaa “isku taaga shidaal qaadashadu” sida uu muhiimka u yahay. Goobtaa aad
istaagtay waxa aad ka qaadanaysaa, hawla kale oo muhiim ahna waad qabsanaysaa. Hadii aanad
ahayn mid ka hela baratanka, hadana marka aad socod dheer ku jirto wali waad xiisayn ina aad
waqtigiiba mar istaagto. Shidaal isu taagyadaasi waxa loo qorsheeyay si aad uuga nasato fikradaha
iyo istaraatiijiyadaha aynu laga bilaabo halkan ka doodayno iyo si aynu u eegno sida meeyarka iyo
dadka la jiraa ay u maaraynaaan socdaalkooda baadhitaan. Marka la ilaalinayo heerarka casrigan
cusub ee jidka loo maro, leexashooyinkaasi si cad ayaa loo calaamadin.

Hadaba inta aynaan galin wadadan labada haad ah, waxa aanu rabnaa in aanu kaa siino war kooban
oo aad u qeexan goobahaa shidaalka la isu taagayo.

Qeexid goob shidaal isu taag: sheekadeena shidaal isu taagu waxa ay ku saabsan tahay maayar u
taliya magaalo qiyaas ahaan dhexdhexaad ah oo isla imika uun ogaaday barnaamij cusub oo ka
caawin kara in la sameeyo geedi socod qorshayn ka qaybqaadasho si loogu maareeyo horumarinta
bulsheed ama dhaqaale ee magaalada si taya badan oo wax ku ool ah. Waxana aynu soo qaadanay-
naa talaabada uu qaadayo maayarku mar uu ka soo laabtay shir ay qabatay hayada UN-HABITAT,
halkaa oo maayarku ka soo bartay barnaamij la yidhaa deegaamaynta ajandaha 21aad waa sawir
daabacan oo ku saabsan horumar waara, kaasi oo ay qaateen ergadii iskugu timid shirkii Arlada
aynu ku noolnahay loo qabtay ee ka dhacay magaalada Rio de Janeiro, 1992kii waxa ka danbeeya
Ajandaha 21 in la xaqiiqsado in dhibaatooyin badan iyo xalal badan oo la xidhiidha horumarka
waaraa ay xidido ku leeyihiin dhaqdhaqaaqa deegaan kasta.

Waxa aynu u sharixi si iska gogol xaadh ah talaabooyinka uu maayarku qaadayo si uu geedi
socodka qorshaynta ka qaybqaadashadu uuga taaba qaado megaaladooda. Waxa aad ku arki isla
markaaba ka dib ama ka hor qaybtan dooda ka mid ah (oo aynu ku magacaabnay isu taagii shidaal
qaadashada) fikrado iyo istaraatiijiyo, waxa aanu xaq isu siinay ina aanu ka dhigno arin humaag
ku jiro soo hordhiga ama dib u dhiga fikradaha iyo istaraatiijiyada ku saabsan sharaxa hawlaha.
Waxa kale oo aanu isla markaa ku xusuusinaynaa, in u dulqaashada arimaha aan cadcadayn uu si
fiican wax kuu tari doono marka aad guda galayso hawlaha qorshaynta ka qaybqaadashada.

66
Hawl Galinta Baraarugii Iyo Himiladii:
Go’aanka ah in dadka kale hawlaha laga qayb galiyo

Mid ka mid ah talaabooyinka u horeeya ee geedi socodka qorshaynta ka qaybqaadashada waxa ka


mid ah go’aanka ah in dadka kale hawlaha laga qaybgaliyio. Haba ahaado waxa tan kugu dhiirinay-
aa himilo mustaqbalka ah ama baraarug aad is leedahay wax ayaa u baahan in la qabto mustaqbalka
dhaw si dhibaato loo xaliyo ama loo curiyo barnaamij cusub, talaabada xigtaa waxa weeye in laga
fikiro cida aynu arinka ku soo darayno. Ta ina hortaalaa ma aha oo qudha ina aynu u fikirno qaab
ka qaybqaadashada, ee iyana waa in aynu u dhaqanaa habab muujinaya ka qaybqaadashadii. Bal
imika shidaal qaashadeenii u horaysay ayaynu isu taagi doonaa, si aynu u eegno waxa uu maayarku
qorshaystay ina uu ka yeesho himilada cusub ee uu helay (aragtida cusub).

Sidii aynu sheegaynay, maayarku waxa uu ka soo laabtay imikadaa shir ay lahayd hayada UN-
HABITAT halkaa oo maayarku ku soo bartay barnaamij la yidhaa Localizing Agenda 21. Waxana
uu xiisaynayaa ina uu ka abaabulo barnaamijka Agenda 21 magaaladooda. Waxa se jira carqalado u
baahan in laga gudbo. Ugu horrayn shaqaalaha magaalada (d/h) ma ay ahayn qaar taageersan in mu-
wadiniintii ka qaybqaataan geedi socodkii ka qaybqaadashada ee go’aan qaadashada iyo dhibaato
xalinta. Markii maayarku uu arkay in shaqaalihii barnaamijka ka soo horjeedo, ma uu dhiirin hawl
galadii barnaamijkan. Hase yeeshee maayarku waa uu ku guulaysan waayay ina uu taageero u helo
in badan oo ka mid ah barnaamij yadooda. Shirkii hayada UN-HABITAT waxa uu ka soo helay
fikrado cusub oo tusaya waxa uu u guul daraysatay iyo waxa la gudboon ina uu qabto si uu muwaa-
diniinta si toos ah uuga qayb galiyo qorshayntii iyo fulintii barnaaijyada iyo adeegyada bulshada ku
sal leh. Imika wacyigiisii aad ayuu u koray waana uu ogaaday sababta uu u guul daraystay waxana
uu qabaa himilo ah wixii uu qaban lahaa si muwaadiniinta uu si toos ah hawlaha iyo go’aamada
uuga qayb galiyo.

Maayarku waxa uu u baahan ina uu iskaashi iyo ka qaybqaadasho ka helo qaar saraakiisha magaala-
da ka mid ah oo muhiim ah, oo ay ku jiraan mid ama laba xubnaha golaha deegaanka ihi, kuwaas oo
maayarku uu is leeyahay waa ay ku taageeri doonaan. Waxa kale oo maayarku rabaa ina uu gaadho
oo waxtaro bulshadii oo uu bilaabo geedi socodkii uu ku heli lahaa in muwaadiniintu fahmaan oo
taageeraan waxa maayarku damacsanyahay ina uu qabto. Maayarku waxa uu goostay ina uu curiyo
koox qorsheed bilow ah oo aan rasmi ahayn oo ka saacida maayarka sidii uu uuga fulin lahaa bar-
naamijkan Agenda 21 bulshadooda. Waxa maayarku uu ka codsaday dadkan soo socda ina ay gudida
shaqaynaysa ka mid noqdaan: Agaasimaha adeegyada bulshada; laba xildhibaan, mid waxa weeye
bulsho u adeege arimaha ka hordaga (proactive) ka kale waa mid had iyo jeer maayarka fikradihiisa
is hortaaga hase yeeshee ah qof maskax furan; iyo agaasimaha ururka aan duwaliga ahayn ee adeega
bulsheed ee uugu wayn; iyo shaqaale dabaqada hoose ah oo leh urur bulsheed lib badan soo hooyey.
Waxa maayarku ku marti qaaday ina ay la kulmaan si shirkii arimihiisa looga wada hadlo iyo waxa
uu fikrado hayo mid ka mid ah talaabooyinka u horeeya ee la qaado isku day kasta oo ku saabsan
qorshaynta ka qaybqaadashadu waxa weeye in la hayb sooco waxoogaa daneeyayaal awood leh
oo kaa caawin kara ina aad samayso “Xaqiiqo raadin” taageerana ka gaysta in aad fikradahaagii ka
shaqaysiiso go’aana ka gaadho talaabada tan ka danbaysa. Arinka hayb sooca daneeyayaashu waa
67
mid soo noqnoqon doona xaga geedi socodka qorshaynta ka qaybqaadashada talaabadana xiligiiba
mar ayaynu ku soo noqon si aanu kaaga caawino ina aad fuliso qorshayn guulaysata iyo geedi so-
cod hawl fulineed oo dhex qaada bulshada dabaqadaheeda kala duwan. Isku dhafka u dambeeya ee
daneeyayaashu waxa uu noqonayaa mid aad u balladhan, waxana uu ku xidhan yahay heerka iyo
adayga dhibaatada ama fursada laga hadlayo.

Inta aynaan halkaa ka sii socon, waxa wax ina taraya ina aynu qeexno waxa looga jeedo “danaay-
ayaal”. Waxa weeye dad, ama kooxo, ama ururo ka caban kara hawlaha, khayraadka ama wax soo
saarka arimahaaga qorshaynta ka qaybqaadashada ee aad soo jeedisay ama uu saamayn doono wax
soo saarka

qorshayaashaadu. Marka aynu bixinay haybsoocaa ballaadhan, daneeyayaashu waxa ay noqon kara-
an dad iyo ururo iska horimanaya oo isku dhafan. Tusaale ahaan, waxa ka mid ah kuwan doonaya
ina aad ku guulaysato qorshayaashaada iyo kuwan jecel ina ay ku arkaan ina aad guul daraysatay.

Waxa mid muhiim ah gaadhitaanka guul kama dambaysa “Hawsha gorfaynta daneeyayaasha” ee
geedi socod kasta oo qorshaynta ka qaybqaadashada ku saabsan, ama ha ahaado diyaarinta qor-
she istaraatiijiyadeed oo xili fog loogu talagalay ama ha ahaado qorshaynta dhiska goob adeeg oo
bulsheed oo dan guud ah. Badi dadka wax ka qora geedi socodyada noocan ah waa ay nagu raaci in
ay hawshaasi muhiim tahay. Waxa laga yaabaa in lagu kala duwanaado xiligii taasi dhici lahayd, iyo
goortii la qaban lahaa gorfaynta daneeyayaasha. Waxana aanu waafaqsanahay in hawshii ku celce-
lin u baahan tahay, oo dib u eegideeda lagu noqnoqdo xiligiiba mar inta geedi socodka qorshaynta
ka qaybqaadashadu dadka talaabo talaabo uugu caddaanayo. Isla xiliyadaa ayaa daneeyayaasha
ka caawinaya maayarka ina uu go’aamiyo ku talaabsigii hawsha qorshaynta ka qaybqaadashada,
arinkii laga qayb galin karaa ama laga reebi karaa (oo dib loo dhigi karaa). Waxa uu qofku saadaalin
karaa in qaabka daneeyayaashu uu is badalayo kolba marka miisaanka geedi socodka ka qaybqaa-
dashadu kobco ee ka qaybqaadashadii diirada la saarayay sii caddaato. Adigana waxa kuu bilaab-
maysa ina ay kuu kala soocmaan daneeyayaashii kala duwanaa aado eegaya inay geedi socodka ka
qaybqaadashada halis ama muhiim u tahay ama faaiido u leedahay. Hase yeeshee intaa in ka badan
ayaynu kala soocidaa mar danbe ka odhan.

Dhawr bog ka hor, waxa aanu kaa codsanay ina aad hayb soocdo sadex dhibaato
iligii
X
csig iyo sadex fursadood. Dib u eeg oo dooro mid ka mid ah si aad uuga shaqayso lay-
mili
ligan dib u milicsiga ah. Waxa aad qortaa daneeyayaasha aad rumaysan tahay in loo
baahan karo in ay ama dhibta xaliyaan ama ka faaiidaystaan fursadaa la filayo. U kala qor
sida ay u kala mudan yihiin 1- ka u muhiimsan, 2- ka xaga muhiim nimada ku xiga, sidaa oo
kale.

Weedh dhibaato sheegaysa:

………………………………………………………………………………………………………
………………………………………………………………………………………………………
……………………………………………………………………………….....................................
68
Daneeyayaasha la filayo

1. ………………………………………………………………………………………

2. ………………………………………………………………………………………

3. ………………………………………………………………………………………

Weedh fursad sheegaysa ……………………………………………………………………………


………………………………………………………………………………………………………
………………………………………………………………………………………………………

Daneeyayasha la filayo:

1. ………………………………………………………………………………….

2. ………………………………………………………………………………….

3. ………………………………………………………………………………….

Qodobo Muhiim Ah

• Dhibaatooyinka iyo fursadaha ayaa holciya shaqada qorshaynta ka qaybqaadashada.


• Dhibaatooyinka waxa lagu helaa iyada oo aynu deegaanka inoo dhaw ku baraarugno, wax-
baa khaldan oo sixid u baahan ama waxbaa maqan oo abaabul u baahan.
• Fursaduhu waxa ay abuuraan himilooyin; waxa uu mustaqbalku u sido dadka himilada leh,
ee wax qorsheeya, fuliyana himilooyinkoodii iyo qorshayaashoodii.
• Dhibaatooyinka, arimaha iyo waxyaalaha la danaynayo ee dagdag ah ee talaabo dhakhso ah
u baahan waxa u fiican ee wax lagaga qabtaa waxa weeye qorshaha ka qaybqaadashada oo
ficil weheliyo, waa wax aynu uugu yeedhi doono qorshe hawleed.
• Fursaduhu marka ay ku saabsan yihiin fulinta wax ah himilo fog oo hirka bidhaamaysa waxa
loo baahan yahay qorshe istaraatiijiyadeed.
• Marka aad baraarugtu ee aad himilo yeelato ku saabsan waxa dhici doona, kuwa aadka u
nasiib badani waxa ay dooni gaadhitaan iyo dad badsi. (kuwa ku baaqa hababka qorshaynta
ka qaybqaadashadu waa ay yartahay ina ay gooni u shaqeeyaan).
• Talaabadooda u horaysa waxa weeye ina ay is waydiiyaan. “yaa kale ee dani uugu jirtaa in
dhibtan la xaliyo, ….. ama in abaabulkan la bilaabo, ….. ama in himiladan la wadaago?”.
• Daneeyayaashaasi waa dad, ama kooxo ama ururo sheegan kara hawlahaa ama khayraadkaa
ama wixii kasoo baxa hawlaha qorshaynta ka qaybqaadashada ee aad soo jeedisay, ama waa
cid ay saamayn doonto wixii qorshayaashaada ka soo baxaa.
• Daneeyayaashu waxa ay noqon karaan qaar u baaqaya waxa aynu qorshaysanay ina aynu
qabano ama qaar inaga leexinaya, oo raba ina ay la dagaalamaan waxa aynu rabno ina aynu
qabano. Kuwan danbe iska jir.

69
Raad Raac

1. Peter Block, “Flawless Consulting”, San Diego, CA.: University Associates, 1981, p.13

70
5

Cutubka
Wajiga IIaad

Dhiska
Shuraako
Wax Soo Saar Leh

Shaqo bilowgeedu waa qaybteeda uugu muhiimsan


- Plato, the Republic

Talaabada 1aad: Go’aansashada kaalmo raadinta ……………………………………................ 73


Talaabada 2aad: Kulanka u horeeya ee fududeeyaha iyo macmiilka ………………................... 78
Talaabada 3aad: La shaqaynta macmiilka “asaasiga” ah…………………………….................. 83
Qodobo muhiiim ah …………………………………………………………………................. 86
Raad Raac ………………………………………………………………………….................... 87
Wajiga u horeeyaa waxa uu yahay kii furayay albaabkii geedi socodka ka qaybqaadashada si uu u
bilaabmo. Waxa jira baraarug ah in wax u baahan yahay in la qabto xagii dawlada hoose iyo bul-
shadii taasi oo lagaga midha dhalinayo iyada oo la raaco geedi socodkii qorshaynta ka qaybqaada-
shada. Ama cid ayay fursadii u muuqataa ciddaa oo haysa himiladii ay ku dhabayn lahayd iyada
oo ay eegayaan arimahaasi suurta galka ah, mid ka mid ah, waxa kale oo ay xaqiijisteen in dadkii
kalena rabo in arintii laga soo qayb galiyo. Maayarkii sheekadan soo socota ee la isu taagayo
shidaal qaadashada waxa uu kuba talaabsaday baahida loo qabo in cid kale arinkii laga soo qayb
galiyo waxana uu isu geeyay koox qorsheed bilow ah.

Inta aynaan ku laaban goobtii shidaal qaadashada si aynu u raacno talaabooyinka xiga ee maayarka,
bal waxa aanu rabnaa ina aanu kuu soo koobno nuxurka marxalada labaad: Dhiska Shuraako midha
dhal leh. Ugu horayn waxa aynu malaysanay in geedi socodyo badan oo qorshaynta ka qaybqaada-
shada ku saabsani ay dhab ahaan adeegsan doonaan adeega qof fududeeya ah oo dibada iyaga ka
ah. Marka aynu leenahay fududeeya dibada iyaga ka ah waxa aynu u jeednaa ama waxa weeye qof
ah nooc xirfadlay ah, tababare – la taliye – fududeeye ah, ama waa qof laga soo xushay mid ka mid
ah hayadaha iskaashiga ah ee ku hawlan geedi socodka qorshaynta ka qaybqaadashada, kaasi oo leh
xirfadii iyo khibradii uu ku fududayn lahaa noocyada sidan ah ee dhacdooyinka kaoox qorshaynta.
Xaaladan danbe (Labadaa la sheegay), waxa qofkaa laga filayaa ina uu noqdo qof dhex dhexaad u
dhaqma si uu u hago kooxda qorshaynta talaabooyinka kala duwan ee geedi socodka (waa qofka
fududeeyaha ah)

Inkasta oo aynu dareenkeena u jeedinayno dhinaca kaalinta fududeeyaha oo aynu ka dhiganayno


marin lagu qeexo xirfadaha iyo talaabooyinka kala duwan ee looga baahanyahay dhiska shuraako
midha dhal leh, hadana xirfadaha iyo talaabooyinkaasi waa qaar guud oo ay isticmaali karaan
maamulayaasha iyo qayrkoodba xaalada badan oo kala duwan.

Marxaladan oo lagu hayb soocay ina ay tahay dhiskii shuraako midha dhal leh, waxa
a Tiliye
weeye waxa qaar kale laga yaabo ina ay yidhaahdaan hawlgalin, ama hawgalin L far
Sa
bulsheed. Hawlgalinta bulsheed waxa weeye heshiis cad oo ku saabsan sida dadka
iyo kooxuhu u wada shaqaynayan iyo waxa ay iyagu ka filayaan cid kasta (oo ka mid ah). Waxa ku
jiri kara waxyaalihii ay rabeen iyo baahiyihii dhinacyada hawsha wada galaya, oo ay weheliyaan
xeer dhaqankii lagu wada shaqayn lahaa, iyo qiyamka ay muhiimka tahay in la dhawro, isticmaalka
khayraadka ama arimaha muhiimka u ah xidhiidhka wada shaqaynta.

Waxa aynu imika ku noqonaynaa shidaal isu taagii, si aynu u eegno sida uu maayarka iyo kooxda
cusub ee la shaqaynaysaa ay uula dhaqmeen wajiga hawlgalinta bulsheed isku daygoodii ku saab-
sanaa ina ay isu geeyaan awood qorshayn ka qaybqaadashado. Waxana ay waajahayaan xaalad adag
oo la kala dooranayo marka la eego nooca qorshaha ee ay qabanayaan. Waxa uu maayarku xaqi-
iqsanayaa marka ay wada gorfeeyeen shuraakada cusub ee qorshaynta, in waxa loo baahanayahay
yahay wax la yidhaahdo “qorshe istaraatiijiyadeed”. Isla mar ahaantaa, shaqaale bulsheed oo ka mid
ah kooxda cusub ee maayarka ayaa danaynaya ina uu xaliyo dhib imika ka taagan xaafadooda.

72
Talaabada Koowaad: Go’aansashada
Kaalma Raadinta

Maayarkii oo kaashanaya kooxdiisii qorsheed ee u horaysay ayaa ku dhaqaaqay go’aamo asaasi


ah oo ku saabsan waxa la yeelayo. Koox qorsheedkii bilowga ahayd ayaa jeclaysatay wixii ay ka
maqleen barnaamijka “Localizing Agenda 21” waxana ay arkeen iyaga oo maayarka xamaasadiisii
ay wada qaadatay dhammaantood si barnaamijkaa looga fuliyo magaaladooda. Hadana runtii ayaa
hortimid. Waxa ay is xusuusiyeen in shaqaaluhu ka warwareegi doono la shaqaynta muwaadiniinta
iyo maayarka, oo ay ku adagtahay sidii muwaadiniinta barnaamijyada kale looga qayb galin lahaa.
cid kasta waxa u caddayd in qorsha kasta oo ku saabsan fulinta ajendaha 21 ee deegaanku uu u baa-
hanyahay ka qaybqaadasho wayn oo xaga muwaadiniinta ah. Hadii magaaladan taariikhdeeda,

Arimahan ku saabsan raad raac lagu sameeyo waxa inoo soo baxaya, hadii si fiican loo dhigo, wax
liita. Kooxdii oo uu maayarkii ku jiro ayaa goosatay ina ay aad khatar u tahay in la qaado awood
qorsheed wayn oo la mid ah ajandaha 21 ee deegaanka xiligan.

Mar uu shirkii dhammaad ku dhawyahay, ayaa agaasimihii urur aan duwali ahayn oo ugu wayn
magaalada iyo shaqaale caadi ah oo urur bulsheed ka socdaa ay u hadleen si isku mid ah. Waxa uu
agaasimihii ururka aan duwaliga ahayni sheegay khibrad dhawaan ururkoodu u yeeshay diyaarinta
qorshe istaraatiiji ah oo ururku leeyahay. Waxa uu agaasimuhu si kalsooni ka muuqato u tilmaamay
khibradii iyo natiijooyinkii ay heleen. Waxa uu yidhi agaasimuhu “Markii u horaysay ee taariikhda
ururkayaga ayay ahayd ee aanu yeelano ahdaaf xili foga iyo istaraatiiji guud oo aanu ku fulino.
Waxana maayar igu soo dhacay ina aad ka fikiri sidii aad sidaasi oo kale u fali lahayd, tan oo ah
talaabadii u horaysay ee aad uugu diyaar garawbaysay xilqaadka barnaamijka Agenda 21”.

“Waa hadal fiican” ayay tidhi shaqaalihii urur bulsheedka ee caadiga ahayd, waxana ay raacisay
iyada oo waxoogaa xanaakad ihi ku jirto codkeeda “Waxa se aan filayaa in magaaladu ay u baa-
hantahay in ay hesho waxoogaa khibrad ah oo ku saabsan la shaqaynta muwaadiniinta inta aanay
isku qaadin mashaariicda balballaadhan ee qaramada midoobay” markaasi ayay kooxdii waydiisay
bal ina ay eegaan in hawsha meel yar ka bilaabaan si geedi socodkan ay qolooyin ku sheegayaan
qorshayn ka qaybqaadasho khibrad uuga helaan.

Shaqaalahaasi ayaa sii wadatay hadalkeedii iyada oo sharaxaysa oo sheegtay koox yar oo qoysas
reer miyi ah oo ka soo jeeda beelo ka duwan kuwa bulshada meesha ku nool ayaa xili aan fogayn
u soo guuray meel guryo madhan ah oo xaafada ku taala. cid kastaa waxa ay ka warwarsan tahay
waxa ka dhalan kara meeshaa xag dhaqaale iyo bulsho ahaanba, iyo waxa deegaanka ku iman kara,
dadkiina uuma muuqato wax la garanayo oo arinkaa laga qabtaa. Waxa kale oo gabadhaa shaqa-
alaha ihi qiratay in golaha urur bulsheedka xaafadooda oo gacanta ku haya goob xanaano oo maa-
lintii shaqaysa oo u adeegta hooyoyinka kaligood ah in goobtaasina ay wareertay oo garanwayday
sidii ay xaaladan uula jaanqaadi lahayd, hadaba maayarka iyo qolooyinka kale diyaar ma u yihiin
ina ay caawiyaan?

73
Maayarkii oo ay muuqato in uu taabtay codsigii gabadhaasi, oo horana uula dhacsanaa fikradii
ahayd ha loo diyaariyo magaalada qorshe istaraatiijiyadeed. Ayaa isaga oo aan garanayn wax uu
ka yeelo labadan talo ee daqiiqadihii u danbeeyay la soo jeediyay ka codsaday kooxdii bal ina ay
waxoogaa sii joogaan. Maayarku waxa uu diyaar u ahaa in xafiiskoodu taageero gaysto si nooc
mucaawino ah loo siiyo xaafadaa gabadhii ka cabatay, waxa kale oo maayarku sheegay in iyagana
kaalmo laga rabo. Waxa kale oo maayarku rabay bal in uu xog dheeraad ah ka helo arinkan qorshaha
istaraatiijiyadeed ah ee uu agaasimaha ururka aan duwaliga ahayni uu ku yidhi maayarka bal ka soo
fiirso.

Dood dheer ka dib, waxa ay kooxdii goosatay in aan labada hawlood ahayn qaar is diidaya. Dhab
ahaantii waa hawlo is dhammays tiraya. Isku dayadan dadka xaafadu waxa ay ka faaiidayaan qor-
shaha magaalada ee guud, iyada oo la malaynayo in qorshahaa guud uu la tacaalayo horumarinta
bulsho dhaqaale ee dhammaan dadka magaalada ku dhaqan. Qorshahan istaraatiijiyadeedna waxa
uu u isticmaali karaa dhibaatadan xaafadaa haysata xaalad la diraasayn karo, si qorshihii istara-
atiijiyadeed ee xiliga fog ee magaaladu u ahaado mid dhab iyo xaqaaiq ku qotoma. Maayarkii oo
waxoogaa taageero ah ka haysta la taliyayaashiisii sida dhakhsaha ah ugu soo biiray, ayaa goostay
in loo baahanyahay laba koox qorsheed oo kala duwan, mid matalaysa dhammaan dadka magaalada
iyo hayadaha muhiimka ah, iyo mid kale oo danaynaysa isku dhacan dhexyaal xaafadaa reer miyigu
soo dageen. Labada xaafadoodba waxa loo u baahan yahay in loo xil saaro shaqaale d/hoose ka mid
ah si ay hawsha uuga qayb qaataan. Waxa maayarku danaynayaa ina uu helo kaalmada magaalada
ee xaga qorshaha iyo tamar galinta oo ku xigta go’aano kasta oo laga yaabo ina ay u baahdaan
khayraadka magaaladu.

Isla iyada oo shirkii la xidhayo mar labaadkii ayaa uu hadlay agaasime koox bulsheed. Waxa uu u
sheegay maayarkii in kooxahan qorshayntu u baahan doonaan qof shirarka socodsiiya, qof xirfad
u leh caawinta kooxaha si ay u gaadhaan go’aan kooxeed oo dhibaatooyinka u xaliyaan. Kooxdii
shiraysay ayaa isla eegtay bal in xilkaa loo dhiibo sarkaal dawlada hoose ah, sida agaasimaha qor-
shaynta, in uu noqdo fududeeye. Hase yeeshee maayarkii ayaa dareemay in loo baahanyahay in
qofkaasi ka yimaado hayad dibada ka ah d/hoose ta kale waxa maayarku dareemayay in aan shaqa-
alahooda hawlo cusub lagu culaysin.

Maayarkii ayaa isla markaa tilmaan fiican ka sheegay qof la filayo ina uu fududeeya caawiya ka no-
qon karo geedi socodka qorshaynta ka qaybqaadashada. Ugu horayn waxa uu maayarku tilmaamay
in shaqaalaha d/hoose intooda badan ay ku aan ay ka ahaadaan dhex dhexaad qorshayaal noocaas
ah oo la diraasaynayo, taas oo ka dhigaysa in ayna noqon fududeeyayaal kooxeed oo fiican, waxa
maayarku yidhi oo kale waa laga yaabaa ina ay yihiin daneeyayaal muhiim ah xaga geedi socodka
oo ay tahay in la siiyo fursad ay kaga qaybqaataan.

Intii aan shirka la xidhin ayay kooxdii ka dooday qaacidadan soo socota ee lagu dooranayo fudude-
eye. Waxa la yidhi waa in fududeeyuhu leeyahay sifooyinkan:
• Waa in uu leeyahay sumcad cadaaladeed iyo eexasho la’aan marka uu la shaqaynayo daneey-
ayaasha kala duwan.

74
• Waa in uu fahmayaa sida ay u shaqeeyaan bulshooyinka dadka kala isirka ihi iyo kaalmaha
cidaha muhiimka ah ee geedi socodka.
• Waa in uu leeyahay khibrad ballaadhan oo uu kula shaqeeyay kooxo matalaya cido leh dano
kala duwan. Iyo
• Waa in uu leeyahay aqoontii iyo xirfadii uu ku caawin lahaa kooxaha si ay u gaadhaan
go’aamo fiican iyaga oo isla markaa dhisaya tamartoodii ay si wax ku ool ah ahaan u wada
shaqayn lahaayeen.

Maayarku markii uu la shiray kooxdii qorshaha ee bilowga ahayd kadib, waxa ay maayarka iyo
shaqaalihiisu la xidhiidheen sadex fududeeye oo ku nool goobta. Sarkaalkii maaraynta arimaha
shaqaalaha ayaa eegay taariikhdoodii cilmi iyo nololeed, hubsaday meelaha lagala xidhiidhayo
waxana uu kala dooday qolooyinkii go’aanka ka gaadhayay qorashada (hawl galinta) fududeeyaha.
Maayarku isaga oo cuskanaya tilmaamihii sarkaalka ayaa waxa uu ka codsaday fududeeyihii ugu
khibrada badnaa uguna sumcada fiicnaa xaga la shaqaynta kooxaha qorshaynta bulshada, ina uu
yimaado xafiiska maayarka si waraysi iyo kulan loola yeesho.

Go’aanka ah in lala shaqeeyo qof dibada ah oo khibrad iyo takhasus leh waa mid muhiim ah maxaa
yeelay heerar badan oo shaqada ah ayay saamayn ku yeelanaysaa. Waxa ay dhalin kartaa noocya
badan oo caabi ah oo ka yimaad dhexda hayada shaqada u qoratay, maxaa yeelay xubin cusub
ayaa ku soo korodhay geedi socodkii go’aan qaadashada. Waxa taa ka muhiimsan, tani waxa ay
saamaynaysaa sida tayada leh ee wax ku oolka ah ee dadka ka mid ah geedi socodka qorshaynta
ka qaybqaadashadu ay u wada shaqeeyaan koox ahaan. Dadkaa dibada ka imanaya ee hawsha loo
dhiibayo waxa la yidhaa magacyo kala duwan: fududeeyayaal, la taliyayaal, iyo marar la yidhaa
dhexgalayaal. Inkasta oo inaku laga bilaabo imika aynu ku magacaabi doono fududeeyayaal, waxa
se ina caawinaysa ina aynu kala soocno bal magacdaa oo mid kasta micnihiisa qeexno.

La taliye

Peter Block oo alifay buuga la yidhaa “Flawless Consulting” ayaa yidhi:

La taliyuhu waa qof taagan goob uu ku raadayn karo qof kale, ama koox, ama urur, hase yeeshee
aan haysan awood toos ah oo uu wax ku badalo ama ku fuliyo barnaamijyada. Maareeyuhu se
waa qof hawshii maamul toos ah u haysta1

Block hadalkiisa waa uu sii wattaa waxana uu yidhaa, isla marka uu la taliyuhu hawsha qabto waxa
uu bilaabaa (ama ay bilawdaa) ina uu iska dhigu maareeyo (kani ma aha nooca la taliye ee Block
maskaxda ku hayo). Maxaa yeelay dhab ahaantii waxa jira noocya badan oo la taliyayaal ah. Inta
badan waxa ay khabiiro ka yihiin cilmi gaar ah ama goob gaar ah, halkaa oo ay ururka ama bulshada
talo ka siiyaan. Kalinta, ujeedada, dhaqanka iyo qaabka shaqada ee la taliyaha iskufilan ee goonida
ahi aad ayay uuga duwan tahay ta la taliyaha geedi socodkan. Waxa uu diirada saarayaa Block wa-
jiga geedi socodka ah ee la talinta ee ah in la caawiyo dadkii ururada ama bulshada si ay u gaadhaan
go’aano fiican iyaga oo kaashanaya khayraadka ay haystaan iyo fahamkooda xaalada ku saabsan.
Arin kale oo asaasi ah oo ay ku kala duwan yihiin labadaa waji ee la talintu waxa ay la xidhiidhaan
cida “leh” mushkiladii ama fursadii iyo xalkii. Hadii uu yahay khabiir dibada ka yimid, lahaanshihii
75
inta badan iyaga ayuu gacantii uugu jirayaa marka ay tareenka ama dayaarada dib magaaladii uga
raacaan (waa ay la tagayaan). Taasi oo dhalinaysa in wax badani aanu ka qabsoomin talooyinkii
fiicnaa ee la taliyuhu ka tagay.

Fududeeye

Kaalinta fududeeyuhu had iyo jeer waxa lagu micneeyaa ina ay ka duwantahay kaalinta khabiirka la
talinta oo ay aad uugu dhawdahay kaalinta la taliyaha geedi socodka, kan oo Block uu waafaqsan-
yahay ina uu macmiilku kala xidhiidho isna goob uu khibrad u leeyahay. Hase yeeshee faraq yar
ayaa u dhexeeya wajiga Block u arko la talinta iyo waxyaalaha dadka kale ku micneeyaan kaalinta
la talinta.

Roger Schwarz ayaa qoray shaqada qeexan ee fududaynta, waxana uu ku micneeyay kaalinta
fududeeyaha sidan:

Waa qof ay ogolyihiin dhammaan xubnaha kooxi, oo inta badan dhexdhexaad ah, oo aan lahayn
awood go’aan qaadasho, oo arinka soo gala si koox uu uuga caawiyo ina ay hore u mariso sida
ay u hayb soocayaan una xalinayaan dhibaatooyinka, go’aanadana u gaadhayaan, si kor loogu
qaado tayada kooxda2.

Maxaa faraq ah ee meeshaa jira? Waxa aanu waafaqsanahay, in aanu waynayn, hase yeeshee waxa
uu u qalmaa in waxoogaa laga hadlo. Block waa uu ballaadhinayaa noociisa la taliyenimo isaga
oo ku soo daraya tiro koox ka badan aqoonsanayana in la talintaasi noociisa ihi ay waxoogaa saa-
mayn ah ku leedahay go’aamadii uu macmiilku gaadhayay. Schwarz se waxa uu fikradiisa ku soo
ururinayaa xidhiidhka fududeeyuhu la leeyahay kooxda, waxana uu leeyahay fududeeyuhu ma laha
suldad go’aan qaadasho. Waxa meeshaa ku jira qodobo yaryar oo aan dood mudnayn. Hase yeeshee
qiyamka (dhaqamada) iyo xirfadaha asaasiga ihi nuxur ahaan waa is ku mid.

Dhex gale
Bal ka waran dawrka dhexgalaha? Marar ayaad ku arkaysaa eraygan suugaanta ku saabsan la talinta
iyo fududaynta, hase yeeshee inta badan waxa ereygu u jeedaa geedi socod gaar ah. Block iyo
Schwarz labaduba waxa ay isticmaalaan ereyo laga dheegay ereygan si ay uuga caawiyaan qe-
exida wajiga ay raacaan iyagu xaga caawinta dadka kale xaaladihii go’aan qaadashada iyo dhibaato
xalinta.

Schwarz waxa uu leeyahay “dhexgal waxa weeye “in la guda galo nidaam socda” iyada oo loo dan
leeyahay in la caawiyo dadka nidaamka ku jira. Waxana laga fahmayaa in nidaamkii ama kooxdii
dhantahay oo si gooni ah u shaqaynayso, hase yeeshee waxa ay ku xidhantahay fududeeyaha ina
uu bixiyo caawimo ku meel gaadh ah. Waxana uu rumaysan yahay in fududeeyuhu uu dhexgelidi-
isaa uu masuul ka yahay dhiska tayada nidaamka si hawlihiisa loo fududeeyo oo uu tubta u qaado
isaga oo aan (nidaamkaasi) u baahnayn fududeeye dibada kaga yimaada. Hadii si kale loo dhigo
fududeeyihii waxa uu ka dhigayaa dowrkiisii mid dheeraad ah oo aan loo baahnayn.

76
Block waxa uu leeyahay dhexgaladu waxa weeye ahdaafta iyo midhaha hawlaha la talinta. Waxana
ay ku yimaadaan laba nooc:

1) Is badal ku imanaya habka ururka ama kooxda ama qofku u shaqeeyo (xaga qaab dhismeed
ahaan, wacyi siyaasadeed ahaan ama habka la raaco), iyo 2) Macmiilkii oo baranaya sidii uu ugu
qaban lahaa wax, si sidii ka duwan, isaga oo ka faaidaysanaya wixii uu ka bartay dhexgalkaa la
taliyaha3.
Macmiilo
Block iyo Schwarz labaduba iyo qaar kale oo wax ka qora arimahan, waxa ay isitcmaalaan ereyga
“macmiil”. Inakuna waxa aynu isticmaali isla ereygaa maxaa yeelay waxa uu inaga caawinayaa
qeexida kaalinta la taliyayaasha iyo fududeeyayaasha iyo xidhiidhka ay la leeyihiin kuwa ay caawi-
nayaan si loo fuliyo geedi socodkii qorshaynta ka qaybqaadashada.

Block ayaa ku sharaxaya macmiilka qof ama dad uu rabo la taliyuhu ina uu raadeeyo isaga oo aan
maamul toos ah ku lahayn3. Schwarz ayaa isagu u dhigaya si sidaa ka sii yara murugsan. Waxana
uu ka hadlayaa afar nooc oo macmiil ah. Soocidaasina waa muhiim marka aynu ka hadlayno qor-
shaynta ka qaybqaadashada. Bal si kooban aynu u eegno waxyaalaha u kala dhexeeya ee ay ku kala
duwan yihiin. Ka u horeeya waxa weeye macmiilka xidhiidhiyihiisii waa qofka u horeeya ee la
xidhiidhaya fududeeyaha. Waxa uu noqon karaa qofkani segratariga maayarka ama kaaliye. Qofka
fududeeyaha ah, waa xiligii uu heli lahaa xog muhiim ah inta aanu la hadal qof awood badan leh.
Tusaale ahaan: waa maxay qofka ama kooxda caawimada rabtaa? Maxay u rabaan caawimada?
Qofkan uugu horeeya ee lala xidhiidhay xubin ma ka yahay kooxda? Intee ayay xaga shaqada wada
jir ka yihiin? Iyada oo fududeeyuhu uu u baahanyahay ina uu dareen u yeesho (is ilaaliyo) waydiinta
su’aalahaasi marka xidhiidhka u horeeya dhaco, hadana war kasta oo la heli karaa xiligan waa mid
faaiido u leh sidii loo fahmi lahaa waxa uu macmiilku ku fikirayo.

Schwarz waxa kale oo uu ka hadlaa macaamiisha dhexe iyo kuwa u horeeya. Macmiilka dhexe
waxa u ku saabsanyahay qaybta u horaysa ee geedi socodka hawlgalka. Hadii aynu eegno xaalka
maayarkeena, maaryarka ayaa noqonaya macmiilkii dhexe sida uu ku qeexay macmiilka hoose (u
horeeya) waa qofka ama kooxda ogolaatay xilka dhibaatadii ama fursadii.

Ka afraad ee Schwarz uu sheegayaa waxa weeye macmiilka u danbeeya, waa daneeyaha ay tahay in
maslaxadiisii la ilaaliyo xataa hadii aanay xidhiidh toos ah la lahayn iyagu la taliyihii, tusaale ahaan
waa bulshadii guud.

77
Maayarka ayaa marka lagu jiro doodaha hore odhan kara hadal ah sidan soo socota oo kale, kaasi
oo caawinaya in la xadido cida dhab ahaan macmiilka bilowga ihi uu yahay:

“Hadii aynu gaadhno heshiis ah in la isticmaalo adeegyadaada, waxa aad la shaqaynaysaa koox
isku jirta oo ka kooban cid matalaysa dawladii hoose iyo muwaadiniintii. Masuuliyadaada u ho-
reysaa waxa weeye in aad caawiso kooxdaa. Inkasta oo xubno shaqaalahayga ka mid ihi ay ka mid
yihiin kooxda qorshaynta, hadana waa in loola dhaqmaa sida loola dhaqmo qof kasta oo kooxda
ka mid ah”.

Inta aanay ku qarqin dhibaato qeexidu, waxa aad ka fikirtaa taladii qoraayada buug dhawaan soo
baxay oo ku saabsanaa (la talinta macmiilku nuxurka u yahay). Waxa ay qoraayadu leeyihiin ni-
daamka macmiilkaaga qeexidisu yaanay noqon mid aad u urursan. Inaka oo arinkan taladooda
qaadanayna, waa in sadex su’aalood maskaxda lagu hayaa:
• Yaa garanaya – dhibaatadii, ama haya xogta u badan ee loo baahan yahay si si ballaadhan
loogu lafa guro dhibaatadii ama fursada la filayo?
• Yaa danaynaya – in dhibtii la xaliyo ama fursadii la fuliyo
• Yaa karaya – in uu inaga caawiyo xalintii dhibaatada ama helitaanka fursadii?4

Nidaamkii macmiilku waa mid aan dhammays tirnayn, ayay leeyihiin qoraayadu, ilaa
gii lagu soo daro lagana qayb galiyo arinka cid kasta oo ay saamaynayso jawaabaha
Xili sig
c
mili su’aalahaasi: Yaa garanaya? Yaa danaynaya? Yaa kara?

Ku noqo weedhihii dhibaatada / fursada ee aad hore u dooratay hawshii hayb sooca daneenayay-
aasha. Hadii lagaa codsado ina aad noqoto fududeeye ka shaqeeya xaaladan, yaad u malaynaysaa
macmiilka u horeeya ama cida aad is leedahay way kaa rabtaa in aad ku shaqayso xaaladani? Yuu
se noqonayaa macmiilka hoose (bilowga ah) ee u macquulsan ee la saarayo masuuliyada maa-
raynta dhexgalida hawshan?
………………………………………………………………………………………………………
………………………………………………………………………………………………………
………………………………………………………………………………………………………
………………………………………………………………………………………………………
………………………………………………………………………………………………………
………………………………………………………………………………………………………
………………………………………………………………………………………………………

Talaabada Labaad: Kulanka U Horeeya ee


Fududeeyaha iyo Macmiilka

Hadii aad xasusato maayarkii waxa uu doortay fududeeyihii la filayay waxana uu ka codsaday in
uu u yimaado la kulankii warqaadashada ahaa ee u horeeyay. Waxa uu ka codsaday agaasimihii

78
fulinta ee urur aan duwali ahayn iyo shaqaale xaafada ah oo labaduba ka qayb qaateen fadhigii
hore ee qorshaynta ee loo balansanaa in laga soo qayb galo la kulanka fududeeyaha mustaqbalka
inala shaqayn doona. Maayarkii ayaa ka codsaday agaasimihii ururka aan duwaliga ahayn in uu
rabo in uu guddoomiyo geedi socodka qorshaynta istaraatiijiyadeed maxaa yeelay khibrad dhaw
ayay arinkaa u leeyihiin oo dhawaan ayuu agaasimuhu u diyaariyay ururkiisa qorshe. Waxa kale oo
maayarkii ka codsaday qofkii masuulka ka ahaa gudida adeega bulsheed ee golaha d/hoose bal in
uu guddoomiyo geedi socodka qorshaha xaafada. Maayarku waxa uu danaynayay baahida loo qabo
taageerada golaha ee labadaa hawlood, waxana uu rabay in goluhu in si badan oo toos ah labadaa
hawlood u soo galo.

Go’aanka maayarka ee ku saabsanaa cida gudoominaysa abaabulka qorshaha istaraatiijiyadeed waxa


uu ka duulayay laba qaacidadood. Ta hore waxa uu maayarku rabay in uu diro farriin bulshada iyo
shaqaalaha d/hoose in maayarka ay ka go’antahay in muwaadiniinta laga qayb galiyo geedi socod-
kan qorsheed, oo aanu ku koobnaan d/hoose iyo saraakiisha kale ee qaybaha dawlada. Qaacidada
labaad waxa weeye mid iyana sidaasi si leeg muhiim u ahayd. Agaasimaha ururka aan duwaliga
ahayni waxa uu leeyahay sumcad in uu yahay caadil, iyo xirfad heer sare ah oo koox la shaqaynta
ah, iyo khibrad la shaqaynta fududeeyaha dibada laga keeno ku saabsan. Qodobkan u danbeeya,
maayarku waxa uu qirsanaa ina ay suurtagal tahay isku dhac dhex iman kara gudoomiyaha kooxda
qorshaynta iyo fududeeyaha, waa hadii mid iyaga ka mid ihi uu doono ina uu ka talaabsado kaalintii
loo cayimay oo talada gacanta ku dhigo.

Doorashada maayarka ee gudoomiyaha koox qorsheedka xaafadu, sida imaka uun la sheegay, waxa
uu ku dhisnaa dhinac ahaan sidii xildhibaanadu ay si toos ah oo ballaadhan ugu soo gali lahaayeen
abaabulka qorshaynta. Ta kale, qofkaasi waxa lagu yaqaanay maskax furni iyo waxoogaa xirfad
kooxeed yara oo aad u fiican.

Laba saacadood oo shir ah gudahood oo uu ka soo qayb galay maayarkii, kooxdii qorshaha ee asaa-
siga ahayd ee hore maayrku uugu shiriyey, labadii qof ee madaxda ahaa iyo fududeeyihii, waxa la
gaadhay go’aan ah in la qaato labadii qorshe ee la abaabulay. Maayarka ayaa keenay xaalad wax qa-
ncinaysa si loo siiyo awooda qorshaha istaraatiijiyadeed mudnaan waxoogaa sareysa si uu gundhig
hawleed uu uugu noqdo abaabul mudo dheer oo qorshe iyo horumarin magaaleed oo ballaadhan ah,
cuskanaya barnaamijkii Localizing Agenda 21. waxa kale oo maayarku xaqiiqsaday in guusha uugu
danbaysa ee awooda Agenda 21 ay ku xidhan tahay ka qaybqaadasho xoogan oo xaafada katimaad.
Waxa maayarku dareemay in khatarta abaabulka laba qorshe ka qaybqaadasho oo la wadayo xili
isku mid ihi aanay waynayn.

Xubno ka mid ah kooxda ayaa ay waxoogaa la yaab ku noqotay in maayarku uu xiligan rabo ina uu
qaato labada abaabul qorsheed, iyaga oo fahamsan in shaqaaluhu ka cag jiidayaan in muwaadiniinta
laga qayb galiyo noocyada go’aamada ee caynkan ah. Sida maayarku uu sharaxay, waxa uu kala
lahaa doodo badan shaqaalihiisa iyo madaxda bulshada, siidi loo siin lahaa tilmaamo badan iyo fiiro
horumarinta magaalada xiliga fog. Halkaasi ayuu maayarkii u jeedsaday xagii shaqaalaha xaafada
iyo agaasimihii urur aan duwali ahayn, waxana uu yidhi,

79
“Si aad daacad u ah, waxa aan labadiina amaan ku siinayaa sidii aa indhahayga u furteen nidar-
galkiinii iyo xamaasadiinii aa kaga hadasheen dhibaatada isirka ee xaafadiinu waxa ay iga caawisay
ina aan fahmo arimo badan oo igu taagnaa intii aan maayarka ahaa. Xildhibaanadii la soo doortay,
shaqaalahayga, iyo aniguba waxa aanu rumaysanahay in anaku kali ahaantayo masuul ka nahay
wixii ka dhaca magaalada. Anoo hadalka caddaynaya dhaqanka goonida ihina waxa uu noo diiday
ina aanu gaadhno ka qaybgalintii dadka kale. Imikana waxa aan anigu ku qanacsahay in diidmadaa
ka qaybgalinta muwaadiniinta uu uugu wacnaa inta badan anaka oo si guud uuga baqaynay in
maamul gacan ku hayntii naga siibato. Laakiin kolba markii aanu aad uuga sii doodnay dhibaa-
tooyinkaa golaha deegaanka iyo shaqaalaha shirarkoodii waxa kolba aanu sii xaqiiqsanaynay in
aanaan kali wax qaban karayn hadii aanu rabno in aanu is badalo muhiim ah ku keeno magaalada.
Ladhaqankii aan labadiina la dhaqmay ayaa iga caawiyay ina aan qiimeeyo noocyada kaydka ah ee
la fili karo ee bulshada yaala”.

Marka doodu halkaa marayso ayaa maayarkii uu ka codsaday fududeeyihii bal ina uu ka hadlo waxa
uu ka qabo labadaa hawlood, maxaa yeelay waxa laga yaabaa in wax isa soo galgalaan dhinacii
waqtiga. Waxana uu horeba uuga codsaday fududeeyaha in uu labada xilba qaato waanu ogolaaday,
waxa se uu maayarku arkay bal in aragtidan dadka kale ee gudida ku jiraana ay maqlaan. Waxana
uu u xaqiijiyay fududeeyihii, maayarkii iyo dadkii kalaba, in aanay is diidayn hadii labada hawlood
ee qorshaynta ka qaybqaadashada kala gooni loo wado, waxa se uu tilmaamay faaiidooyinka ay
leedahay in la isku xidhaa labadaa hawlood. Marka laga hadlo isla markaaba dhibaatadii xaafada,
waxa loo qaadan karaa “Xaafad” la diraaseeyo oo loo soo bandhigo kuwa ku hawlan hawsha qor-
shaha istaraatiijiyadeed. Waxa uu soo jeediyay in arinka kale ee ay dooran karaan uu yahay in ay
ugu horayn jadwal u dajiyaan aqoon iswaydaarsi ku saabsan qorshaha istaraatiijiyadeed si geedi so-
codka qorshaha xaafadu uu uuga faaidaysto aragtiyo kasta ama qorshayaasha xiliga fog ee la iskaga
raaco goobtaa ballaadhan ee arimaha magaalada lagu hayo.

Waxa maayarku uu danaynayay in dib u dhac kasata oo ku yimaada dhibaatada xaafadu uu kordhin
karo isku dhac yimaada. Ta kale waxa uu maayarku rabay in isna geedi socodkii qorshaha istaraatii-
jiyadeed uu socdo. Marka halkaa la marayo ayaa uu fududeeyihii usoo jeediyay ina uu maayarka
iyo agaasimaha ururka aan duwaliga ahayn si toos ah uula shaqeeyo si ay u dajiyaan aqoon isway-
daarsigii qorshaha istaraatiijiyadeed. Waxa uu u leeyahay arinkan khibrad dhawayd oo magaalo
jaar ah uu ka caawiyay ina ay diyaariyaan qorshe waxana uu soo jeediyay ina uu labada maayar isu
keeno si bal la isula eego natiijooyinkii.

Dhinaca arinkii xaafadii waxa uu fududeeyuhu soo jeediyey ina uu toos uula shaqeeyo xildhibaankii
laga codsaday ina uu gudoomiyo shirarka qorshaynta xaafada isaga oo fududeeyuhu u arkayay in
qofka gudoominaya geedi socodka qorshaha xaafadu uu yahay macmiilkii asaasiga ahaa ee mashru-
uca, hadana waxa uu u xaqiijiyay maayarka ina uu si joogta ah u siin doono xog buuxda oo ku saa-
bsan kolba halka uu marayo mashruucii qorshaha xaafadu.

80
Waxa uu sheegay in isna dhinaciisa maayarka (xafiiskiisa) uuga baahanayahay arimahan:

1) Ina uu gali karo oo heli karo xog iyo macluumaad kasata oo shaqaalaha d/hoose hayaan oo
wax ka gaysan kara geedi socodka go’aan qaadashada xaafada, iyo:
2) Ina uu heli karo maayarka iyo xafiiskiisa si uu u xaliyo arimo siyaasadeed oo kasta oo ka
hor-iman kara, in la dhiiriyo ka qaybqaadashada daneeyayaasha kale, iyo ina uu helo lana
siiyo taageero kasta oo rasmi ah oo loo baahan karo si loo fuliyo ahdaaftii geedi socodka
qorshaha.

Shirku inta aanu xidhmin ka hor ayaa maayarku uu ballan qabtay si uu uula kulmo fududeeyaha
iyo qofkii laga codsaday ina uu noqdo gudoomiyaha geedi socodka qorshaha istaraatiijiyadeed. In
la eego barnaamijkii Localizing Agenda 21 ayay aad uugu dhawayd. Ta kale uu maayarku eego bal
airnka dib u doorashadiisa.

Fikrado Waxoogaa Ah Oo Ku Saabsan Isu Imaatinka U Horeeya.

Diraasada Qorshaynta (DL), oo ah urur ku caan ah dadaalkooda ku saabsan diyaarinta shaqaale la


taliyaal ah / iyo xubno urur oo leh masuuliyad gaar ah oo ay ku caawiyaan dadka kale ee ururku si
ay u tayo battaan una wax soo saar battaan, ayaa ku micneeyay nuxurka kulanka shaqaalaynta ee
u horeeya ina uu ka fiicnaado shir kasta oo aynu aragnay. Waxyaalaha uu ururka (DL) rumaysan
yahay ina ay muhiim yihiin in fadhiga uugu horeeya ee dhexmaraya la taliyaha / fududeeyaha iyo
macmiilkii lagu soo qaado waa arimahan:

• Is aqoonsi qof ahaaneed: Markani waa salaantii u horaysay ee xidhiidhka dhexmaray


fududeeyaha iyo macmiilka. Hadafku waxa weeye in la xidhiidho lana isu sheego sida aad
u dareemayso fursadan aad kula kulantay macmiilkaagan cusub. Waana xiligii haboonaa ee
aad ogaan lahayd sida macmiilkaagu uu u goostay ina uu kula soo xidhiidho.

• In la xidhiidho oo la fahmo xaaladii: Dooda markan waxa aad raadinaysaa fursad aad ku
fahamto xaaladii dhinaca aragtida macmiilka isla markaa aad ku soo celiso macmiilkii sida
aad adigu u fahamtay. Xiligani ma aha markii aad soo bandhigi lahayd talooyinkaaga ku
saabsan sida loo qaabaynayso arin qorshayn ka qaybqaadasho ah. Waxana haboon xiligan
su’aalo kuwan soo socdo oo kala ah: maxaa kuga dhaliyay ina aad goosato abaabulka noo-
can geedi socodka ah bulshada gudaheeda? Yaad is leedahay ha ka qayb galaan? Sidee ayay
shaqaalahaagu dareemayaan ina ay muwaadiniinta sidan oo kale uula shaqeeyaan?

• Macmiilku waxyaalaha uu rabo ama bixinayo: Halkan wada hadalka waxa aad rabtaa ina
aad hesho waxyaalaha uu ka rabo macmiilku geedi socodkan qorsheenayd ee la soo jeediyay
iyo waxa uu adiga qof ahaan kaa rabo la taliye ahaan ama fududeeye ahaan geedi socod-
kan. Xiligani fursad ayay macmiilka u tahay in uu muujiyo waxyaalaha uu filanayo, adigu

81
se waad caawin kartaa adoo waydiinaya macmiilkii su’aalo aad gunta uugu dhaadhacayso.
Qaar ka mid su’aalaha suurtagalka ah in la waydiiyo macmiilka waxa weeye: Maxaad raja-
ynaysaa ina aad geedi socodkan qorsheynayd gudihiisa ku fuliso? Sidee ayaad wada shaqa-
ynteena u aragtaa? Kaalintee ayaad is leedahay ka qaado geedi socodka qorshaynta? Sidee
ayay guushu u eekaan kartaa?

• Fududeeyuhu waxyaalaha uu rabo ama u baahan yahay: Inta aanad heshiis la galin mac-
miilkaaga waxa aad u baahantahay ina aad sheegto waxyaalaha aad rajaynayso iyo waxa aad
uuga baahantahay macmiilka si aad uuga guulaysato la shaqaynta kooxda qorshaynta. Waxa
kale oo aad u baahan kartaa in la caddeeyo kaalinta aad qabanayso inta aad la shaqaynayso
macmiilka. Tusaale ahaan waxa laga yaabaa in macmiilku kuu arko khabiirkii qori lahaa
afkaarihiisa ku saabsan sawirka mustaqbalka ee magaalada kadibna suulka ka saari lahaa
kana saxeexi lahaa kooxda qorshaynta si uu ugu dhaqmo una hirgaliyo golaha deegaanka
magaaladu. Bal eeg weedhahan soo socda si aad u hesho arimahaa iyo qaar kale: kaalint-
aydu waxa weeye ina aan caawiyo sidii kooxda qorshuhu ay u gorfayn lahayd xaalada ee ay
u gaadhi lahayd arimo la kala doorto oo shaqaynaya. Waxa aan rabaa taageeradaada marka
aad la shaqaynayso kooxda qorshaynta. Waxa aan rabaa ina aan heli karo / la xidhiidhi karo
shaqaalihiina qorshaynta iyo macluumaadkooda kombuyuutarka. Waxa aan u baahan ina
aan toos uula shaqeeyo kooxda qorshaynta si aan uuga caawiyo ina ay diyaariyaan waxy-
aalo la kala doorto. Marxaladan wada hadalku waa ta uugu adag inta badan fududeeyayaal
badan, waxana muhiim ah ina aad xiligan ku dhac leedahay waxa aad gaar ahaan rabto ama
ay baahiyahaagu yihiin

Halkan marka la joogo, ururka (DL) waxa uu ku talinayaa in la gaadho heshiis iyada oo dib
loo xusayo arimihii u muhiimsanaa ee laga dooday lana haybsooco arin kasta oo aan la xalin
oo u baahan eegid.

Waxa laga yaabaa in macmiilku haysto waxoogaa uu danaynayo oo ku saabsan in farihiisa


ay ka baxdo gacan ku hayntii marka aad hawsha la bilowdo dadka kale ee geedi socodkan
qorshaynta waxana aad u baahantahay in arimahaa uu danaynayo aad xaliso una xaqiijiso
nidargalkaaga ah in arimuhu si fiican hore uugu socdaan.

Talaabooyinka u danbeeya kulankaa bilowga ihi waxa ay ku saabsanyihiin in macmiilkii


la siiyo taageero iyo warcelin fiican oo ah wixii abaabulo lagu dhaqaaqay iyo in si cad loo
sheego waxa xiga ee la filayo5.

Shaqaalaynta micnaheedu waa xaq aad


u leedahay dib u eegid
Shaqaalayn, iyo in la dhiso xidhiidh lagu xaliyo dhibaatooyinka oo u dhexeeya macmiilka iyo
fududeeyuhu waa mid inta badan heerar badan soo noqnoqota oo dhexgal yimaado iyada oo tani
ku xidhan tahay muruga xidhiidhka dhibaato xalinta. Xaalada qorshayn ka qaybqaadashada oo ay
jirayaan heerar sii kordhaya oo sii xeel dheeraanaya oo ku saabsan isdhexgalka saraakiisha dawlada
hoose, ururadii bulshada iyo muwaadiniintii, waxa loo baahanyahay in fududeeyihii iyo dadkii
muhiimka ahaa ee abaabulka geedi socodku dib u eegid ku sameeyaan wajigii shaqaalayntii ama
hawlgalintii.

82
Tusaale ahaan, waxyaalaha ay filayaan ama doonayaan ama baahiyaha daneeyayaasha lala dhaqmi
doono marxlado danbe oo geedi socodka ka mid ihi waxa ay u baahan yihiin in la eego. Maayarkii
oo ugu horayntii rabay ka fulinta barnaamijkii “Local Agenda 21” magaaladiisa, waxa kale oo uu
ogolaaday ina uu caawiyo xaafad si loola tacaalo iska horimaad la filayo oo fool xun. Waxana uu
maayarku arkayay in tani fursad tahay bulshada lagaga heli karo kalsooni badan oo uu ku tusi karo
ina uu ku nidargashanyahay ina uu si aad u dhaw uula shaqaynayo muwaadiniinta, ta kale tani ay
siinayso khibradii u horaysay ee xaga qorshaynta ka qaybqaadashada, inta aanu gudagalin geedi so-
cod ballaadhan oo qorshayn istaraatiijiyadeed ah. Ama waxa uu maayarkii dareemay ina uu haysto
arimo uu kala doorto oo yar, waa markii shirkii u horeeyay xidhmayay, oo uu “May” ku odhan
karo shaqaalaha xaafadaa. Adigu fududeeye ahaan waxa muhiim ah ina aad baadhid in baahiyihii
maayarku fulayaan marka la eego waxyaala cusub ee soo kordhay. Iyada oo aynu adeegsanayno
waxa aynu ognahay ina uu dhacay oo dhex maray kulankii hore ee maayarka iyo qofka gudoomi-
yaha ah ee cusub ee kooxda qorshaynta, shaqaalaha xaafada iyo fududeeyaha, waxa aynu malaysan
karnaa in baahi loo qabi karo heshiis dheeraad ah oo shaqaalaynta ku saabsan.

Talaabada Sadexaad: La
Shaqaynta Macmiilka Asaasiga Ah.

Markii shirkii u horeeyay ee maayarka, oo ahaa marcmiilkii u horeeyay, iyo fududeeyihii iyo xubnihii
kooxda qorshaynta ka qaybqaadashada, la qabtay waxa ka soo baxay dhawr go’aan. Gudoomiyaha
ayaa noqonaya macmiilka asaasiga ah ee fududeeyaha inkasta oo maayarku uu rajaynayay in lala
socodsiiyo halka wax marayaan. Waa in la helo shaqaalaha d/hoose si ay u caawiyaan ururinta iyo
gorfaynta macluumaadka, hadii loo baahdo, isna xubinta shaqaalaha urur bulsheedku waa in uu
caawiyaa sidii arinkan looga soo qayb galin lahaa dad muhiim ah oo xaafada ah. Maayarkii ayaa
isna muujiyay soona bandhigay taageeradiisa iyo in uu toos u galo isaga oo ah hoggaan siyaasadeed
iyo bulsho, hadii loo baahdo. Waxa kale oo aynu malaysan karnaa in doodo dheeraad ihi dheceen
oo ku saabsan waxa maayarku ka filayo xubnaha kale ee kooxda,

Jadwal la aqbali karo oo hawluhu ku dhammaanayaan, meelaha suurtagalka ah ee shirka lagu qa-
banayo iyo cida shaqaalaha d/hoose la shaqaynayaan si loo qabto hawlaha qaar.

Markii ay fududeeyaha, gudoomiyihii gudida xaafada iyo shaqaalihii ururka bulshadu ka tageen
shirkii iyaga iyo maayarkii, waxa ay ku sii nasteen goob kaafiga laga cabo si ay u sii wadaan doo-
doodii. Waxana ay dareemayeen dhammaantood baahida loo qabo ina ay si cad u sheegtaan cid
kasta oo iyaga ka mid ihi waxyaalaha ay filanayaan, baahiyahooda iyo waxyaalaha ay doonayaan.
Hadii si kale loo dhigo waxa ay wali la tacaalayeen arimihii aynu ku xidhiidhinay (xusnay) wajigii
shaqaalaynta ee dhexda u ahayd fududeeyaha dibada laga keenay / ama la taliyaha iyo macmiilkii.
Arimihii ay ka doodeen waxaa ka mid ahaa:
• Maxay noqonaysaa cid kasta kaalintiisa iyo masuuliyadiisu marka lala shaqaynayo kooxda
qorshaha iyo si guud marka mashruuca la fulinayo.
• Sidee ayay u habaynayaan (ururinayaan) una qabanayaan shirarka;

83
• Waa ayo cida kale ee ka shaqaynaysa kooxda qorshuhu, sidee se loo dooranayaa markaa ee
loo ballaadhinayaa xayndaabkii daneeyayaasha mar kale;
• Siday u maaraynayaan shaacida iyo baaha halka ay wax marinayaan (geedi socodkooda).
• Sida ay u maaraynayaan saadkii oo ay ku jirto goobtii, qalabkii aqoon iswaydaarsigu u baah-
naa, baahiyihii shaqaalaha, xiliyadii shirka, iyo tafaasiil badan oo kale.
• Sida ay u qiyaasayaan guusha iyo saamaynta u danbaysa ee awooda qorshaynta ka qaybqaa-
dashadu kaga tagayso xaafada dhexdeeda iyo bulsho waynta, iyo
• Cid kasta waxa ay qabanayso wiigan soo socda gudihiisa si mashruucii iyo geedi socodkii
jidka u hayo?
• Ugu danbayn, sidee ayay waxqabadkooda uugu xidhiidhinayaan maayarka abaabulkiisa bal-
laadhan ee qorshaha istaraatiijiyadeed? Hadii uu maayarku doono in arinkan uu ka dhigto
xaalad la diraasaynayo oo lagu soo bandhigayo aqoon iswaydaarsiga qorshaha istaraatiiji-
yadeed, waxa ay u baahan ina ay aad uugu soo jeedaan sidii loo qori lahaa geedi socodkooda
ku saabsan qorshaynta ka qaybqaadashada.

Wajiga shaqaalaynta (hawlgalinta) ee shaqa kasta oo fududayn lagu galayo ayaa uugu adag. Waxana
aynu ku qaadanay xili ka badan intii aynu la damacsanayn ka doodida marxaladan bilowga ah ee
geedi socodka qorshaynta ka qaybqaadashada. Hase yeeshee waa wajiga hawlgalka uugu halisan.
Hadii shirarkaasi bilowga ihi aanay si fiican u dhicin waxa ay noqonnayaan qaar aan ka hadhin oo
ku soo noqnoqda dadka arinkan ku jira.

Bal waxoogaa tilmaamo ah oo dheeraad ah aanu ka bixino shirkii ka dhacay goobtii kaafiga lagu
cabayay. Kooxdan bilowga ahayd waxa ay bilaabayeen ina ay ka gudbaan shaqaalayn oo u gudbaan
qorshayn, in laga gudbo dhiskii xidhiidhkii dhibaato xalinta oo loo gudbo sidii xidhiidhkaasi u hawl
gali lahaa. Waxa kale oo ay is la qaateen sida ay muhiim u tahay gorfaynta daneeyayaashu, baahida
loo qabo in la eego bal cida kale ee ka shaqaynaysa kana mid noqonaysa kooxdooda qorshaynta ka
qaybqaadashada. Waa hawl ay si joogta ah uugu soo noqnoqon doonaan, hadii ay rabaan ina ay ku
guulaystaan taabaqaadka geedi socodka qorshaynta ka qaybqaadashadu ka taabaqaadayo xaafadoo-
dan dhibaataysan

Inta aynaan xidhin doodeenan ku saabsan dhiska shuraako wax soo saar leh, halkan waxa aynu ku
haynaa liis baadhitaaneed oo gaaban oo kuu sheegaya xogta aad rabto ina aad ka hesho macmiilka
inta aanad guda galin nuxurka geedi socodka qorshaynta.

Waa Liis Baadhitaaneed oo Sheegaya Waxa Heeshiiska Shaqaalayntu ka


Koobnaan Doono
Fududeeyayaashu waxa ay u baahanyihiin ina ay xogta soo socota badheedhahooda ka dhiibtaan
(cadeeyaan) hadii ay rabaan in ay si tayo leh macmiilka uugu shaqeeyaan.
1. Waa maxay ujeedooyinka gudagalkan taagan? Hadii si kale loo dhigo, muxuu macmi-
ilku rabaa ina uu ku fuliyo geedi socodka qorshaynta ka qaybqaadashada? Inta aad kolba aad
u sii xadido sharaxan, ayaa uu kolba sii badanayaa suurtagalka aa arinka wadajir u fulin kar-
taan. Waxa se dhici kara in waxoogaa kala duwani ihi ka jirto ujeedooyinka lagu heshiiyay

84
dhinaca macmiilka u horeeya ee lala xidhiidho, sida: maayarka, xubnaha kooxda qorshaynta
ka qaybqaadashada, iyo macaamiisha uugu danbeeya, waa muwaadiniintii. U diyaar garaw
in aa ujeedooyinka badasho kolba marka geedi socodku sii caddaado. Intaasi oo dhan ka
dib, kani waa geedi socod qorshayn ka qaybqaadasho oo la rabo ina ay gacanta sare yeelato
arimo ay ka mid yihiin xidhiidh asal ah oo daacada, hoggaan wadaag, koox ku shaqayn.

2. Waa maxay kaalmaha iyo masuuliyaadka hawl wadeenada uugu waawayn? Waxa hal-
kan soo galaya, fududeeyihii, macaamiishii, iyo hawlwadeenadii wax kaalinayay.

3. Waa maxay xuduuda mashruucu? Geedi socodyada qorshaynta waxa ay noqon karaan
qaar aad meel uugu wajahan oo markaa ay sahlantahay in xayndaab lagu xeero, sida qoy-
sas reer miyi ah oo lagu biirinayo xaafad, ama hadii arinka la balladhiyo, ajendaha 21 ee
deegaanka. Wax kasta xaaladuhu ha ahaadaan eh, xuduuduhu waxa ay u baahan yihiin in si
wada jir ah loo sawiro.

4. Waa maxay nooca xogta ah ee loo baahanyahay si loo fuliyo geedi socodka qorshayn-
ta? Shaqooyinka qorshaynta qaar waxa la fulin karaa iyada oo la adeegsanayo aqoonta iyo
khibrada ka qaybgalayaasha. Qaar kale waxa ay u baahan karaan macluumaad kombuyuutar
oo adag. Waxa muhiim ah in la cadeeyo baahiyaha xogeed inta aan lagu sii fogaan wadada
qorshaynta ka qaybqaadashada.

5. Waa maxay nooca kaalmo ama hawlgal ee looga baahan doono macmiilka iyo
fududeeyaha? Waxyaalo la taaban karo ayaa maskaxdooda ku soo dhacaya dadkii ku
shaqeeyay fududeeyayaal. Waxa ka mid ah: goobo lagu shiro oo qaadi kara koox hawleedyo
badan ama yar, kaalmadii maamul ama xoghayneed si loo hubiyo in aan baahiyaha saadku
uuga qaalib noqon geedi socodkii qorshaynta; iyo qalabyadii caadiga ahaa ee hawsha qor-
shaynta ka qaybqaadashada, sida, waraaqihii iyo qalimadii, waa hadii aynu laba ka maga-
cowno.

6. Ma jiraan xiliyo (waqti) la gooyay? Waxa dhici karta in macmiilku waqti kama dambays
ah maskaxda ku haysto, fududeeyuhuna mid kale. Inkasta oo xeerkii Parkinson uu soo jeedi-
nayo in hawshu fidi doonto si ay u buuxiso waqtiga la qoondeeyay, hadana tan marka la ga-
layo xidhiidh shaqa galineed dhinacyo badani ma ogolaadan (ee waa in xili isku ogadaa).

7. Waa maxay wax soo saarka la filayo in geedi socodka fududayntu keeno? Jadwalka
waqtiga in la soo saaro aad ayuu u sahlanaanayaa hadii aad jawaabta su’aashan garanayso.
Marka aynu eegno geedi socodka qorshaynta ka qaybqaadashada, midhaha aadka u muuqdaa
waxa weeye qorshe. Hase yeeshee qorshayayaashu waxa ay yeeshaan shakliyo iyo qiyaaso
ballaadhan oo kala jaad jaad ah. Inkasta oo laga yaabo in qorshaha waxa ku jiraa uu muuqdo,
iyada oo la cuskanayo ujeedooyinkii qorshaha, hadana geedi socodkii lagu bixinayay qor-
shuhu in aanu caddaan baa dhici kara. Fududeeyuhuna ha ka caawiyo macmiilka ina uu
uga fikiro si adag wajigan hawlaha qorshaynta ka mid ah. Kol hadii aynu rabno ka hadalka
diyaarinta qorshe, waxa aynu dooni in diirada aynu saarno noocyada wax soo saarka iyo
natiijooyinka ee ay dawlada hoose iyo bulshadii fili karaan marka qorshaha la fuliyo

85
8. Waa maxay qiyamka ay tahay in ay muuqdaan oo taaganyihiin? Xubintani heshiiska u dhex-
eeya fududeeyaha iyo macmiilka ka mid ihi waxa laga yaabaa in sharexeedu adkaado. Sir-
aysigu inta badan waa arin, siyaalo kala duwana waa loo micnayn karaa marka la eegayo
xuduudaha u baahan in la ilaaliyo. Geedi socodka qorshaynta ka qaybqaadashada, waxa laga
yaabaa in saraakiisha d/hoose ay doonaan in ay xakameeyaan macluumaad wadaaga, sababa
siyaasadeed awgeed, halka xubnihii kooxdu dareemayaan in midhaha dadaaladoodii ay si
ballaadhan u wadaagaan oo waliba dhakhso ah bulshadii.

9. Bal ka waran jajabnida? Heshiisyada bulsheed ee shaqaalayntu, sida kuwa qeexaya xid-
hiidhka u dhexeeya fududeeyayaasha iyo macaamiisha geedi socodka qorshaynta ka qay-
bqaadashada, waxa ay yeelan karaan qodobo aan la saadaalin Karin. Markaa haka biqin in
aad heshiiskii shaqaalaynta dib uuga hadasho uugana gorgortanto kolba marka xidhiidhkii
sii socdo.

Waxa aynu ku qaadanay waqti ballaadhan ka doodida wajigii shaqaalaynta ee


gii
qorshaynta ka qaybqaadashada. Inta aynaan halkaa ka sii socon, bal hada ka Xili sig
c
mili
fikir khibradaada gaar ahaaneed ee aad kula shaqaysay kooxo iskugu jira ururo
hawlahoodu kala duwan yihiin. Maxaad si duwan xiligaa u qaban lahayd oo kord-hin lahaa
guusha aad gaadhayso ee la filayo? Ku qor hoos jawaabahaaga.

………………………………………………………………………………………………………
………………………………………………………………………………………………………
………………………………………………………………………………………………………
………………………………………………………………………………………………………
………………………………………………………………………………………………………
………………………………………………………………………………………………………
………………………………………………………………………………………………………

Qodobo Muhiim Ah

• In la sameeyo shuraako midha dhal lihi waxa laga yaabaa ina ay tahay ta uugu muhiimsan
geedi socodka qorshaynta ka qaybqaadashada.
• Hawsha samaynta (dhisida) shuraakadu waxa ay bilaabantaa “salaanta” u horaysa ee dhex-
marta dadka shuraakada ah waana ay socotaa.
• Far shaxanka heshiisiinta (hawl galinta) dhex maraysa kuwa doonaya abaabulka qorshaynta
ka qaybqaadashada, kuwa ugu danbayn qabanaya, iyo kuwa fududaynaya geedi socodku
waa geedi socod adag.
• Fikrada macmiilku waa mid muhiim ah in la fahmo geedi socodka qorshaynta ka qaybqaa-
dashada.
• In la ogaado kuwa ay yihiin macaamiisha muhiimka ihi iyo in loola shaqeeyo sidii ma-
caamiil ayaa ka sii muhiimsan.
• Macaamiisha sadex su’aalood ayaa lagu hayb sooci karaa: yaa garanaya? Yaa danaynaya?
Yaa kara?

86
• Heshiiska bulsheed ee u dhexeeya fududeeyaha iyo koox qorsheedka waxa uu ku guntan-
yahay heshiis wadaag ah oo ku saabsan waxa dhinacyadii iska filayaan iyo sida ay u wada
shaqaynayaan.

Raad Raad

1. Block, Peter. “Flowless Consulting: A Guide to Getting Your Expertise Used”. San Diego,
CA: University Associates, 1981, p.1.
2. Schwarz Roger M. “The Skilled Facilitator”. San Fransisco: Jossey-Bass Publishers 1994,
p.4.
3. Block, op Cit., p.2.
4. Cockman, Peter Bill Evans and Peter Reynolds, “Client-centered Consulting, Getting Your
Expertise Used When You’re Not In Charge”. New York: McGraw-Hill, 1996,p.10.
5. We want to thank Design Learning, Inc. (DL) for its excellent ideas and insight about the
first encourter between the client and the facilitator/consultant. This material is part of staff
consulting skills training program DL offer to organization to develop international consul-
tants.

87
6

Cutubka
Wajiga IIIaad

Eegida Fog
Iyo Eegida Dhow

Wax qorshe La’aan Lagu dhisay waa wax ciid laga dul taagay

Aragti Helitaanka ………………………………………………………………………………..90


Barta Ay Labada Dariiqo Ee Qorshayntu Ku Kala Baydhaan ……………………..……………91
Qorshaynta istiraatijiyadeed: farshaxanka dhugashada
fog iyo Odoroska Mustaqbalka ……………………………………………………….…………91
Aragtiyaha iyo Aragti Dejinta ………………………………………………………...…………92
Tayooyinka Istiraatijiyadeed ………………………………………………………….…………94
Qorshaynta Istiraatijiyadeed oo si Deg-Deg ah Loo Sahaminayo …………………..…………..94
Baadigoobka Mustaqbalka: Geeddi-Socod Lagu Helayo Asaas La Wadaago……..…………….95
Xaalad Daraasadeed: Eegida Hoos-U-Dhac Dhaqaale Iyadoo
La Adeegsanayo Qorshaynta Istiraatijiyadeed ……………………………………...…………...99
Meel Fog Eegid Oo Laga Gudbo Oo Loo Gudbo Meel Dhaw Eegid ……………….…………102
Meel Dhow Ka Eegid …………………………………………………………………..………102
Waydiinta Su’aalaha …………………………………………………………………………...104
Qodobo Muhiim Ah ……………………………………………………………………………106
Raad Raac ……………………………………………………………………………………...106

89
Aragti Helitaanka

Waa xiligii waxoogaa la is taagi lahaa ee la milicsan lahaa halka aynu ka joogno geedi socdka ka
qaybqaadashada. Waxa aynu eegnay sifooyinka maamulka iyo hoggaanka ee baraaruga iyo himi-
lada iyo sida ay u yihiin dhacdooyin wax hurinaya oo ku dhalinaya una dhaqaajinaya hayadaha, bul-
shada, iyo dadkaba xagii hawsha iyo waxqabadka. Waxa kale oo aanu samaynay calaamado inaga
caawinaya in aynu fahamno waxyaalaha ay ku kala duwan yihiin dhibaatooyinka iyo fursaduhu, iyo
sida loo waajahayo dhibaatooyinka iyo fursadaha marka geedi socodka qorshaynta, iskasta oo had
iyo jeer ay nayaab galiso sida dhibaatooyinka loogu micnaysto in ay fursado yihiin marka arinka ga-
canta ku hayaan dad maskax leh oo wax curin karaa. Doodahan waxa dahaadh u ah fikrad la qaatay
oo ah in la helo wada shaqayn ballaadhan oo xeel dheer, taasi oo la mid ah ka qaybqaadasho dhiiran,
oo ah marar badan fikrad muhiim ah iyo istaraatiijiyad lagu dhisayo tayadii hayadeed iyo bulsheed
si loogu adeego dhammaan muwaadiniinta si tayo badan oo wax ku ool ah.

Qaar baa ku doodi kara in aanay qorshaynta wadaagga ahi xal u wada helayn dhibaatooyinka oo
dhan ama aanay kaafiyeyn fursadaha oo dhan. Innaga ayaana noqonayna cidda ugu horeysa ee
ku dooda sidan. Haseyeeshee ma jirto sabab aan meesha uga saarno aragtideenii hore eek u saa-
bsanayd faa’iidada is-kaashiga. Si kastoo ay tahayba, buuggani waxa uu ku saabsan yahay qor-
shaynta wadaagga ah.

Intii aan ku guda jirnay falanqaynteena, waxaan u kala soocnay qorshaynta istiraatijiyadeed iyo
qorshe-hawleedka laba arrimood oo kala duwan oo lagu samaynayo hawlaha iyo dhacdooyinka
wadaagga ah si loo wanaajiyo beesheena iyo dawladda hoose. Qorshaynta istiraatijyadeed waxa uu
ku saabsan yahay helidda aragtiyaha guud ee mustaqbalka (visions) iyo siddii aragtiyahaas looga
dhigi lahaa sahanka muddada dheer ee beesheena. Qorshe-hawleedku waa qallabyo gacanta laga
fulinayo oo ay adeegsadaan maareeyayaasha, siyaasad dejiyayaasha, hoggaamiyayaasha beesha iyo
muwaadiniinta arrinkoodu yahay “aan wax wada qabsano” si loo qabto hawlo wanaagsan.

Arrinta xiisaha badan ee aynu labadan dariiqo kala kulanaa waa tallaabooyinka isku midka ah e
aynu qaadno iyo qiimaha ay leeyihiin. Labaduba waxay u baahan yihiin lafo-guridyo dhinacyo kala
duwan ah si ay u noqdaan wax-ku-ool: Kuwaas oo ah lafagurida daneeyayaasha, iyo dhibaatooyin-
ka, lafo-guridda xoogganaanta, daciifsanaanta, fursadda iyi caqabadaha (SWOT), iyo lafo-guridda
awoodaha goobta yaala. Dariiqo kastaa waxay u baahan tahay in si weyn looga fikiro siddii loo sa-
mayn lahaa fikir wanaagsan dhibaatooyinkana xal loogu heli lahaa, waa haddii la rabo in dariiqooy-
inkaas midhahooda qorshaynta wadaagga ah si wanaagsan oo lagu qanacsan yahay loo gurto.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee ay labada dariiqo ku kala duwan yihiin waa wakhtiga ay qaadan-
ayaan iyo illaa heerka loo cayimayo tallooyinka ka imanaya hawlaha qorshaynta wadaagga ah.
Qorshaynta istiraatijiyadeed waxay ku tacaluqdaa mustaqbalka fog iyo sida la rabo in la noqdo,
arrimhuna xoog uma caymna. Qorshe-hawleedyaduna waa qaar aad u dhow, la taaban karo, tal-
looyinkoodu faahfaahsan yihiin, isla markaana ficil ku dhisan (action oriented). Waxayna sidaan
awaamiir ku baaqaya in degdeg wax loo fuliyo.

90
Labada dariiqo waxyaabo badanna way wadaaggaan. Waxa ka mid ah wada-xidhiidh dhab ah, hog-
gaanka wadaagga ah, is-aaminaadda, wada-shaqaynta kooxeed, u darbanaanta iyo cid kasta ka qay-
bgalin, iyo dhamaan arrimaha kor u qaadaya geeddi-socodka iskaashiga iy natiijooyinka ka soo
baxaya wada-shaqaynta. Waxaynu ku soo qaaddanay wakhti badan ka hadalka ahmiyadda ay leeda-
hay in la sameeyo shuraakow midho-dhal ah iyo weliba faa’iidadda ay leedahay in lala shaqeeyo
fududeeyaha marka lagu jiro geeddi socodka qorshaynta wadaagga ah. Arrimahan aan soo xusnay
ayaa halbawle u ah guusha laga gaadhayo qorshe-hawleedka iyo qorshaha istiraatijiyadeedba.

Barta Ay Labada Dariiqo Ee Qorshayntu Ku Kala Baydhaan


Markaynu halkan marinayno qorshayntii wadaagga ahayd waxaan u baahanaynaa go’aan ku salay-
san dhacdadii horseedka ahayd (triggering event) ee daneeyayaasha muhiimka ah meesha keentay.
Dhacdadaas horseedka ahi ma waxay ku baaqaysaa in la sameeyo qorshe istiraatijiyadeed lagu
qabco wakhti aad u dheer (5-10-15 sanno, tusaale ahaan) mise qorshe markaaba horseedaya ficil
degdeg ah? Dhinacyadan shuraakowga ee la rabo in laga qayb galiyo geeddi-socodka qorshayntu
ma meel fog eegid ayay ku shaqaynayaan mise meel dhaw eegid.

Qorshaynta istiraatijiyadeed waa meel fog eegid lagu fahmayo waxa uu mustaqbalku noqon doono
iyo sidii loo samayn lahaa. Qorshe-hawleedku natiijadiisa ugu wanaagsan waxa uu ka helaa iyadoo
si dhow loo eego dhibaatada, qaddiyad ama arrin kale oo lagu baaqay in laga taxadiro. Wax qabo!
Xal iga gaadh! I caawi!

Siddii aynu in yar ka hor uun carrabka ku adkaynay, labaddan geeddi-socod (qorshe-hawleed iyo
qorshaynta istiraatijiyadeed) waxay waddaaggaan qalabyo badan oo isku mid ah si ay u gaadhaan
ujeedooyinkoodda. Waxa kala leexiya go’aanka lagu samaynayo istiraatijiyad meel fog eegid iyo
go’aanka lagu samaynayo qorshe-hawleed meel dhow eegid ah

Waxa jira laba qodob oo astaan u ah labadan dariiqo ee kala baydhay. Mid waa mustaqbalka oo
aad sii odorosto (visioning) ta kalena waa xal u helidda dhibaatada. Waxana muhiim ah in aad loo
dhugto (focusing in) marka la samaynayo qorshe istiraatijyadeed. Si kastaba ha ahaatee, haddii ay-
naan halkan ku kala soocin waxan sii wadaynaa uun inaan ku wareerino kuguna dawakhino waxa
aan ka rabno falanqaynta.

Haddii aan idin sii xusiisiyo cutubkan waxan ku falanqayn doonnaa geeddi-socodka qorshaynta
wadaagga ah oo ay ku jiraan doorarka iyo xirfadda odorsiddu (visioning), in si waaqiciya loo eego
xal u helida dhibaatada iyo farshaxanka dhugashada dhaw.

Qorshaynta istiraatijiyadeed: farshaxanka dhugashada fog iyo Odoroska


Mustaqbalka

Go’aanka lagu hawlgalinyo xubno muhiima oo hay’addiina ama beesha ka mid ahi inta badan waxa
uu ka dhashaa aragti fog ama xaalad ku dhibaysa ama fursad. Marka aynu eegno arrintii maayarka
91
ee dhacdo dharaasadeedkeenii mala-awaalka ahaa, wuxu ka dhashay shirkii UN-HABITAT iyo
danayntii uu danaynayay barnaamijaka Ajenda 21. Sidoo kale waxa laga yaabaa inuu ka dhashay
dhacdooyin kale. Tusaale ahaan:

• Cid ama hay’ad dadka shaqaaleyn jirtay oo la waayo.


• Fursad lagaga helayay bangiga horumarinta ah ee caalamiga ah dayn lagu sameeyo kaabay-
aasha.
• Go’aan siyaasadeed oo ay golaha deegaanku awoodda ku saarayaan qaddiyadda ku saabsan
in caruurta beeshu nolol wanaagsan oo tayo leh ku noolaato, ama,
• Baahida loo qabo in si degdeg ah xidhiidh saaxiibnimo loola yeesho NGO-yada iyo beesha
ganacsatada ah.

Qorshaha istiraatijiyadeed dhacdo ahaan uun iskama dhaco, balse waa tallaabo loogu talogalay in
hoggaamiyayaasha hay’adda ama beesha meel aad u fog wax laga sii tuso.

Qorshaha istiraatijiyadeed waa wakhtigii dib la iskugu noqon lahaa, wakhtigii laga fikiri lahaa mus-
taqblaka iyo weliba sida uu noqonayo mustaqbalka beeshu.

Qorshaha istiraatijiyadeed waa fursad ay dawladda hoose iyo beeshu mustaqbalka ku waajahayaan
iyo hawlaha aan la ogeyn ee soo socda.

Qorshaha istiraatijiyadeed maha wax ay dawladaha hoose iyo muwaadiniintu bil


kasta sameeyaan.
Haddii aan si kale u dhigno, qorshaynta istiraatijiyadeed waa hawl si dhab ah lo qabanayo oo lagu
samaynayo jiheeyihii beesha kaas oo hagi doona dawladda hoose iyo muwaadiniinta oo tusi dooona
halka ay manta taagan yihiin iyo halka ay u socdaan.

Aragtiyaha iyo Aragti Dejinta

Wax u dhigmaa ma jiro riyo aad mustaqbalka ku curinayso.


-VICTOR HUGO

Qorshaynta istiraatijiyadeed ee wax ku oolka ah hawlaheedu waa aragtiyaha iyo aragti dejinta.
Aragtiyuhu waa odhaahyo-rajeed la rumaysan yahay in lagaga dhabayn haddii la helo dad ay ka
go’an tahay. Qorshaynta istiraatijiyadeed waa dhacdooyin taxane ah oo aragtida maanta gaadhsiina-
ya halka ay mustaqbalka u socoto. Aragtiyuhu waa qaar loogu badheedhayo waxa uu mustaqbalku
noqon doono iyadoo dhinaca wanaagsana wax laga eegayo. Waa odhaahdii Martin Luther King ee
ahayd “Waa inaan ka gudubnaa” (We shall overcome), tii Valcav Gavel’ ee ahayd “ is-bedel dhad-
hamaya” (Velvet revolution) iyo aragtidii Nelson Mandella ee ahayd “bulsho sida jeegaanta ah”.
Nasiib darro, aragtiyaha laga duulayaa waxay yeelan karaan dhinac xun. Hilter-ba wuxu ahaa nin
aragti leh siddii Josef Stalin.

92
Haddii aan meesha aragti jirin, qorshaha istiraatijiyadeed wuxu iska noqonayaa uun xaqiiqada
maanta jirta oo shaadh aan macno weyn lahayn loo geliyey si mustaqbalka loogu qanco. Ama sidii
Gary Hamel, qorshaha istiraatijiyadeed haddii aanu lahayn aragti laga duulo wuxu iska noqonayaa
sida maalmaha la xuso ee kaalandarka ku yaal taas oo macnaheedu yahay mustaqbalku wuxu no-
qonayaa sidii wakhtigii aynu soo dhaafnay oo kale, isbedel weyna ma dhacayo. Haddii aad fariintan
il-duuftay, waxan aaminsannahay in geeddi-socodka lagu samaynayo aragti laga duulo uu muhiim
yahay marka la samaynayo qorshaha istiraatijiyadeed.

Aragtiyaha laga duulaa waa qaar macquul ah, lagu kalsoon yahay isla markaana waa odhaa-
hyo loo hanweyn yahay oo ku saabsan mustaqbalka hay’adda ama qaar ku saabsan sida qayb
ka mida hay’adda ama beeshu mustaqbalka noqonayso, waa haddii qorshaha istiraatijyadeed
ee wadaagga ahi uu xoogga saarayo fursad aad u cayiman.

Qaab kale oo loogu fikiro aragtida la doonayaa waa adigoo isweydiiya “Haddii riyooyinkaa aan ugu
jecelnahay ee beesheena ku saabsan ay rumoobaan, adiguna aad tahay muwaadin ku nool muxuu
arinku noqon doonaa labaatan sano kadib?

Burt Nanu, oo wax badan ka qoray hoggaaminta NGOyada iyo CBO-yada, ayaa kala dhig dhigay
dariiqa afar-waji leh oo odhaah-aragtiyeed (vision statement) loogu samaynayo ururaradan aan soo
xusnay. Maadaama buugani inta badan loogu talo galay NGO-yada iyo CBO-yada, waxan is nidhi
way inoo fiican tahay inaan la wadaagno waxyaabaha uu kaga waramayo dariiqadan.

Wajiga 1aad: Aragti Xisaabin: Wuxu ka jawaabaa su’aalaha ku saabsan waxa uu yahay ururku,
waxyaabaha uu qiimeeyo iyo dhaqankiisa, meelaha uu ku xooggan yahay io meelaha ku daciifsan
yahay, waxtarka uu beesha iyo macaamiisha u leehayay, istiraatijiyadaha loo isticmaalay si loo hor-
mariyo waxqabadkooda, iyo siyaabaha loo qiimeeyo wax-qabadka”.

Wajiga 2aad: Heerka Aragtida: Qaybaha ugu muhiimsan ee ay aragtidu ka kooban tahay oo la
cadeeyo lana tijaabiyo, caqabaddaha iyo fursadaha oo la qiimeeyo, xuduudaha arragtida cusub oo
la cayimayo.

Wajiga 3aad: Goobta Aragtida: Tani waxay miisaamaysaa wax-yaabaha mustaqbalka imanaya ee
saameynaya doorashada jihada cusub ee loo kacayo iyo waliba baahiyaadka kooxaha macaamiisha
ah ee kala duwan, arrimaha saamaynaya dhaqaalaha mustaqbalka, arrimaha bulshada, siyaasadda,
iyo qawaaniinta hay’adda.

Wajiga 4aad: Doorashada aragtida laga duulayo: Waxa la sameeyaa odhaah-aragtiyeedyo kala
duwan. Dabadeedna waa la isbarbar dhigaa iyadoo la isticmaalayo miqyaasyo lagu sameeyay lafo-
guridyadii hore. Odhaah-aragtiyeed cusub ayaa samaysma, dabadeedna waxa laga fikiraa siddii loo
hir galin lahaa.

93
Cabaar yara hako, oo qor odhaah-aragtiyeedka hay’addiina/ururkiinu sidii
gii
Xili siga aad jeclaan lahayd inuu noqdo 15 sanno kadib.
c
mili
…………………………………………………………………………………
…………………....………………………………………………………………………………
……………………........................................................................................................................
...........................................................................................................................................................
.................................................................................................................................................

Tayooyinka Istiraatijiyadeed
Hamel ayaa sameeyey qodob kale oo ku saabsan geeddi-socodka qorshaynta wadaagga ah kaas
oo udub-dhexaad u ah waxa aynu rabno inaan ku soo bandhigno hawlaheena gundhiga u ah hog-
gaaminta. “Dejinta istiraatijiyadu waa inay dimuqraadi ahaataa”. Dimuqraadiyadu maaha oo kaliya
xaqa aad u leedahay in lagu dhagaysto, balse waa fursadda aad ku saamayn karto afkaaraha iyo
ficiladdaba. Waxay ku saabsan tahay inaanad iska sugin uun ee aad soo ban dhigto dareenkaaga,
inaad xog hesho isla markaana ka qayb qaadato hawlaha. Awoodda dhabta ah ee dimuqraaddiyaddu
waa sida ay uga go’an tahay in dadka laga qaybgaliyo, ma aha uun in in indheer garadku ajan-
daha qaabeeyo. Sidaas ayuu ku sii xoojismayaa xidhiidhka qorshaha istiraatijiyadeed ee dawladaha
hoose iyo beelahu.

Qorshaynta istiraatijiyadeed ee wax-ku-oolka ah halka muhiimka ahi waa geeddi-socodka ee maaha


natiijada iyo qorshaha toona. Si haddaba geeddi-socodku wax-ku-ool u noqdo, wuxu u baahan ya-
hay inuu noqdo.
1. Ka qaybgalin: In geeddi-socodka laga soo wada qayb-galiyo dhamaan daneeyayaasha.
2. Dhexgal: Isku xidh waxa jooga iyo waxa iman doona.
3. Dhamays: Fikirkii xaga sare ka imanayay iyo kii dadka hoose oo la isku xidho kadibna
talaabo la qaado.
4. Ku noqnoqod: Aqoonsashada in nidaamyadaas ujeedada lihi ay si joogto ah isku bedelay-
aan, isla markaana aanu jirin qorshe waligiiba lahaada qiimaha uu imika leeyahay.

Sida uu inoo sheegay John Freindman “Qorshayntu keliya ma khusayso meel-marinta ujeedooyinkii
dejisnaa, balse waxa weeye oo kale geeddi-socod ay bulshadu ku daah-furayso mustaqbalkeeda”.

Qorshaynta Istiraatijiyadeed oo si Deg-Deg ah Loo Sahaminayo.

Waxa jiray afkaaro aad u tiro badan oo ka hadlayey amaanta qorshaynta istiraatijiyadeed. Haseyeeshee
qoshaynta istiraatijiyadeed oo ah siyaasadaha iyo tabaha maamul waxay leedahay meelo wanaagsan
iyo meelo liitaba. Qorshaynta istiraatijiyadeed oo ahayd hawl ay daneeyaan hay’adaha ganacsiga
iyo kuwa kaleba, sannadihii lixadanaadkii iyo todobaatanaadkii waxay niyaddii loo hayey hoos u
dhacday bilawgii siddeetanaadkii. Hoos u dhacani wuxu ka dhashay markii uu noqday nidaam ay

94
lahaayeen kuwa wax qorsheeyaa kaas oo qorsheeyayaashii ka dhigay sidii uu Hamal sheegay kaa-
landar sugan oo laga dheehdo dhacdooyinka soo noqnoqda.

Soo shaac baxa dimuqraadiyadda maamul-wanaaga iyo bulshada rayidka ah ee tobankii sanno ee
u dambeeyey iyo ogaanshaha la ogaaday muhiimada ay leedahay iyo baahida weyn ee loo qabo in
hawlaha beesha si weyn looga wada qayb galo ayaa doorkii qorshaynta istiraatijiyadeed u yeelay
macno cusub.

Geeddi-socodka qorshaynta istiraatijiyadeed oo daafaha dunida laga isticmaalaa waa sida maryo-
aloolka meelo badan oo kala duwan laga soo ururiyey. Ma jiro nidaam lagu midaysan yahay oo
go’aan lagaga gaadhi karo sida ay maamuladda hoose ee dawladda iyo beeshu u adeegsan karaan
qorshaynta istiraatijiyadeed. Waana qodob wanaagsan. Maxaa yeelay dadka istiraatijiyadda istic-
maalaa waxay ku kalifaysaa in cid waliba dariiqo u gaar ah oo iyada anfacda u marto. Waxayna
muujinaysaa baahida loo qabo in la noqdo hal-abuur leh aragti dheer oo uu ka duulo. Iyadoo ar-
rimahaas la inoo soo sheegay ayaa haddana kuwa soo socdaa ay yihiin qodobo muhiim ah oo ina
anfacaya iyo waayo aragnimo dad kale laga soo ururiyey. Waxa aynu ka bilaabi tusaale si caalami
ah loo isitcmaalo oo ka caawinaya bulshooyinka inay diyaarsadaan qorshe istaraatiijiyadeed.

Baadigoobka Mustaqbalka: Geeddi-Socod Lagu Helayo Asaas La Wadaago.

Marvin Weisbrod iyo kuwa ay wada shaqeeyaan waxay wakhti badan ku qaateen sidii ay u sa-
mayn lahaayeen dariiqo koobta baahida loo qabo in meel dheer wax laga eego iyo muhiimadda
ay leedaay in la hubiyo geeddi-socodka in si weyn looga wda qayb qaatay. Maadaama miqyaaska
ay ku doonayaan inay helaan asaas mustaqbalka ah oo dhex ah uu la mid yahay keena, waxaan
go’aansannaynaa inaan si faahfaahsan u sharaxno, qaabkooda qorshayneed.

Dariiqadda baadi-goobka qorshe-istiraatijiyadeedka beesha ee mustaqbalku waa shir soconaya laba


maalmood, (duhurka maalinta koowaad ilaa duhurka maalinta 3aad). Sababta ay intaas u soconay-
aana way caddahay oo waxa hubiyey jadwalka ay ku yaalaan hawlaha ay tahay in ay ka qayb-galay-
aashu dhamaystiraan. Qorsheeyayaasha shirku waxay u ololaynayaan dhianaca aragtida nidaamka
dhan ee qorshaynta istiraatijiyadeed. Waxayna ku shabaheen sheekaddii ku saabsanaynd maroodiga
iyo nimanka indhaha la’. Aqoonta aan u leenahay beeshu waxay wanaagsan tahay oo kaliya inta ay
wanaagsan tahay awoodda aan u leennahay inaan dhinaca dadka kale wax ka eegi karno. Markii
raggii indhoolayaasha ahaa la waydiiyey inay sharaxaad ka bixyaan maroodiga, waxay bixiyeen
faalooyin kala duwan oo ku saabsan qaybihii kala duwanaa ee maroodiga ee ay taataabanayeen.
Marka ay se-aragyadooda meel isugu geeyaan oo kaliya ayay arki karaan shaygii la weydiiyey.

Si loo caawiyo kuwo ku hawlan inay ka gun gaadhaan baadigoobka mustaqbalka, aragti nidaam
dhamaystiran, waa inay shirka ku jiraan ka qayb-galayaasha ama daneeyayaasha soo socda. Kuwaas

95
oo aan ugu yeedhanay dadka war galeenka ah, dadka awoodda iyo khayraadka ay ku hawlgayaan
haysta iyo dadka ay saameeyeen waxa socdaa.

Waxaan halkan kuugu dul marnay qodobo ka mida geed-socodka baadi-goobka mustaqbalka.
Tallaabooyinkan soo socda waxan ka soo qaadaynaa in qorsheeyayaashii shirka iyo qorsheeyayaas-
hii istiraatijiyadda ee lahaa go’aankii uu ku qabsoomay shirkii baadi-goobku ay ogaadeen meelaha
awooda la saarayo ee shirka.

Maalinta 1aad: (Laga soo bilaabo duhurkii ilaa lixda galabnimo ayuu soconayaa), iyagoo keli keli
iyo kooxo yar yar u shaqaynaya ka qaybgalayaashu waxay dib u jaleecayaan wakhtigii la soo dhaaf-
ay, waxayna ogaanayaan xaaladaha hadda jira.

Shaqada koowaad waxay ka qayb-galayaasha siinaysaa fursad ay ku lafo-guraan:


• Waayo-aragnimadda ay u leeyihiin ururka ama beesha ku tiirsan halka uu shirku awoodda
saarayo.
• Taariikhda dawladda hoose ama beesha ee soddonkii sanno ee u dambeeyey waa shayga
baadhitaanka mustaqbalka.
• Rukunada jiritaanka dawladda hoose ama beesha ay matasho ee ay u shaqayso.

Shaqadda labaadna waa in la ogaado xaaladaha jira ee cawaaqibka ku yeelan kara mawduucyada
lagaga hadlayo shirka dhexdiisa. Tusaale ahaan, arimahan waxa lagu qorayaa gidaar weyn oo warka
lagu soo dhejiyo cabirkiisuna yahay 2 x 4 mitir oo noqonaya aragti maskaxeedkii kooxda. Haddii aan
si kale u nidhaa, maxay yihiin isbedelada guud ahaan saamayn (wanaagsan ama xun) ku yeelan kara
wixii ay ka qayb-galayaashu rabeen inay kaga gun gaadhaan shirkan “baadi-goobka mustaqbalka”.
Dhamaadkii kulankan ka-qayb-galayaasha waxa la weydiinayaa inay sheegaan todobadda waji ee
ugu muhiimsan ee qof kastaa is leeyahay saamayn bay yeelan doonaan. Ha calaamadiyaan ama
dhibco ha ku sameeyaan waji kasta oo ay sheegeen agtiisa.

Maalinta labaad: Maalintan dhamaanteed waxa loo shaqaynayaa kooxo yar yar waxanu noqonayaa
kulano loo dhan yahay oo cid kasta oo xaq u lihi kasoo qayb gasho hawlo badanna la qabto. Hawl-
maalmeedku waxay ku bilaabmaysaa kooxaha daneeyayaasha ah ee ay ka midka yihiin madaxda
la doortay, shaqaalaha dawladda, iyo muwaadiniintu. Iyadoo loo shaqaynayo kooxo yaryar si ay u
sameeyaan qaabab ay iyagu u arkaan khariidad maskaxeed isbedelada ay is-leeyihiin way idiinku
muhiimsan yihiin.

Dabadeedna daneeyayaal kasta oo koox ahaan u shaqaynayaa waxay sheegayaan waxyaabaha imi-
ka la qabanayo ee la xidhiidha mawduuca shirka ee ay xubnahoodu
1. Aad ugu hanweyn yihiin uguna faanaan.
2. Aad uga xun yihiin

Haddii aan si kale u dhigno, si-u-aragyaddan ay ka mid yihiin hab-dhaqanka (xun ama wanaagsan)
waxa ay shirkii ka durkiyeen eedihii iyo cabashooyinkii, waxana ay ku dhalisay in xaaladaha ma-
suuliyadooda sidaa loo qaato.

96
Maalinta labaad inta aan la qadayn ayay ka qaybgalayaashu isku yimaadaan iyagoo kooxo kala
duwan isugu jira si ay u diyaariyaan odhaah-yada himilada mustaqbalka. Kooxahan oo ka soo qaa-
daya inay shan ama labaatan sanno kadib imika joogaan, waxaad ka soo qaadaa riyadoodaasi in ay
rumowday. Hawshani waxay ku dhamaanaysaa iyadoo la liis garaynayo.
1. Muuqaaladdii iyo tusaalayaal la taaban karayey ee ku saabsanaa wixi dhacay iyo sida
xaaladan mustaqbalka ay ku soo gaadheen
2. Caqabaddaha ay tahay in laga soo gudbo marka jidka la hayo.

Mala’awaaladan mustaqblaka ku saabsan waxa loogu soo bandhigi shirka qaab kasta oo ay daneey-
ayaashu go’aamiyeen oo ay ka mid yihiin masrixiyad, qoraal iyo war telefishan iwm. Xubnaha kale
ee kooxuhu waxay kaydinayaan dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa oo ay ku jiraan waxyaabhii ay
iyaga qudhoodu soo bandhigayeen iyo hindisayaashii ay la dhaceen intii ay wax daawanayeen ama
maqlayeen.

Kuwii sameeyey dariiqadan qorshaynta istiraatijiyadeed ka mid ah ee baadi-goobka mustaqbalka


waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la sameeyo soo-bandhigid wax-ku-ool
ah oo qodobkan ku saabsan oo ay ka qayb qaataan in badan oo kooxda ka mid ah ama dhamaanba
kooxdu.

Marka mala’awaaladaas la soo bandhigo kadib, koox kastaa waxay samaynaysaa saddex liis oo ay
warqad caadiya ku qortay.
1. Mustaqbalka la wadaago - Waxay dhamaantood ku wada heshiiyaan inay. doonayaan.
Weedhani inta badan waxay sheegtaa wax qiima leh, iyo erayo guud.
2. Mashaariicda iman doonta - Barnaamijyadda siyaasaddaha, iwm.
3. Kala-duwanaanshaha aan la xalin: Aqoonsiga khilaafaadka iyo meelaha lagu heshiin waay-
ey ee aan weli la xalin.

Dadka maraykanka u dhashay waxay leeyihiin odhaah cajiib ah oo ku saabsan kala duwanaanshaha
guud ee nolosha: “The soul would have no rainbow if the eyes had no tears”

Shaqadda u dambaysa ee maalintani waa in ay laba kooxood isku yimaadaan oo ay liisaskooda meel
isugu geeyaan, kooxaha waxa loo sheegayaa in qof kastaa arrimaha kama dambaysta ah uu kaadh
ama waraaqo waaweyn ku qoro si subaxnimadda dambe loogu habeyn karo sida ay kooxuhu isu
leeyihiin.

Maalinta saddexaad: Shaqadda u horeysa ee maalinta saddexaad amaba u dambaysaa waa in meel
la isugu wada keeno dhamaan afkaaraha la wadaago, tusaale ahaan, aragtiyaha laga wada duulayo
iyo waxa la qiimeynayo, hawlaha la qaban doono, iyo kala-duwanaanshaha ay ahayd in la xaliyo.
Arrimaha ka midka ah labada liis ee hore ee u muuqda inay caajis gelinayaan xubnaha kooxda wax-
aad u wareejisaa liiska “kala-duwanaanshaha aan la xalin”.

Shaqada shirka lagu gunaanadayaa waa samaynta qorshe-hawleedka hawshan oo inta badan marta
laba wareeg oo qorshaynta ka mid ah oo mid kasta la socdo warbixinta kooxdu iyo falanqaynta sida

97
diyaarka loo yahay. Ujeedadda laga leeyahay layliyadan u dambeeyaa waa in lagu heshiiyo tallaa-
booyinka koox ahaan loo qaaddi karo

ee ku saabsan ajandaha mustaqbalkooda. Xaashi-hawleedyada ay samaynayaan waxa ka mid ah


hawlaha la rabo in la qabto mustaqbalka dhow (saddexda bilood ee soo socda) iyo kuwa la rabo in
la qabto mustaqbalka fog (saddexda sanno ee soo socda). Sidoo kale waxa la soo liis gareynayaa
saddex baahiyood oo cayiman.

Waa maxay caawimadda loo baahan yahay. Yaa looga baahan yahay? Maalinteese la rabaa
caawimadaas).

Localising Ajenda 21

Waxaan soo sheegnay in shaqada ay UNHCR ka qabato caasimadaha qaarkood ay tahay sare u qa-
adida tayadooda si ay u samaystaan qorshe magaalo oo waara iyo mid maamul. Geeddi-socodkan
in kastoo aan loo aqoonsanayn inuu yahay qorshayn tistiraatijiyadeed, wuxu leeyahay waxyaabo
badan oo ay dariiqooyinka kale leeyihiin. deegaamaynta qorshaha Agenda 21 waxa ka mid ah tal-
laaboyinkan soo socda ee muhiimka ah.

• Wacyi Dhis Iyo Samaynta Istiraatijiyadeed: Abaabulka geeddi-socodkan iyaddoo la sa-


maynayo aqoon-is-weydaarsi wada tashi baladhan ah si la isugu raaco arrimaha ahmiyada
weyn la siinayo marka qorsha-hawleedka la samaynayo.
• Horumarinta tayada dadka iyo hayad dhiska: Xoojinta shaqaalaha dawladda hoose,
machaddada dadweynaha, ururadda rayidka ah iyo muwaadiniint si loo meel mariyo aragti-
dii laga duulayey.
• Horumarinta Hawlaha Qorshaynta iyo Maamulka: Iyada oo hore loo marinayo qalabkii
caawinayay fulinta qorshe hawleedka tijaabada ah.
• Kor-u-qaadista wada-xaajoodka dadweynaha: iyadoo wixii jira lagu faafinayo magaalooy-
inka mushkiladaha isku midka ahi haystaan, waayo-aragnimadoodan isweydaarsanayaan.

Markii geeddi-socodkan laga bilaabay Essouira, (Marocco) oo ah magaalo xeebeed la yagleelay


1760kii, wuxu ahaa aqoon-isweydaarsiyo xidhiidh ah oo la fududaynayo. Tallo-bixinaddanina
waxay ku salaysnaayeen qiimeynta waxyaabaha ina horyaal, tusaale ahaan, hoos-u-dhaca ganacsi-
gii kaluumaysiga iyo fursadaha muuqda ee ay ka mid yihiin dalxiis deegaaneed oo dhaqan ahaan
dareen badan oo soo kobcaya, falanqayntan qiimeynta ku salaysani ma ay dhalin oo keliya aragtida
guud ee beeshu ka duuleyso (vision) balse waxay dhalisay ahmiyadda qorshe-hawleedyada loo
baahan yahay iyo sida ay u kala mudan yihiin. Qorshe hawleedyadaana waxa wehelinayay hindi-
sayaashii tayo-samaynta (Cabacity Buildings) ee dawladda hoose iyo iskaashigii urarada beesha
ku dhisan (CBO) si loo hubiyo awoodda ay u leeyihiin inay fuliyaan qorshe-yaasha, isla markaana
horumarka ka dhasha qorshaha ka dhigi karaan mid waara.

Aragtida guud ahaan laga duulayo ee barnaamijka Ajenda 21 waxay si macquula ugu socotaa qor-
she-hawleed kaas oo wixii la hiigsaney ka dhigaya mid xaqiiqo ah. Inkstoo uu u egyahay (qorshe-

98
hawleedku) aragtiyihii laga duulayey oo sida barafka meel lagu fadhiisyey, sida xaqiiqadu tahay waa
mid dhaqdhaqaaq leh ama yeelan doona. Magaalada Essaouira aragtiyihii laga duulayey waxa lagu
ilaaliyey “dib-u-samaynta aragtida laga duulayo (re-visioning) ee qorshaha guud ee horumarineed.
Faraqa weyn ee u dhaxeeya qorshaynta istiraatijiyadeed iyo qorshaynta wakhtiga dhowi wax kale
maaha ee waa baaxadda iyo mudada dheer. Ajenda 21 waxa ku jira arrimaha beesha oo dhan, oo
loo raacayo dariiqo wax waliba ku dhan yihiin oo horseedaysa horumar iyo tadawar mustaqbalka
fog ah. Sidoo kale hawlaha Agenda 21 waxay meel isugu geeyaan tayo samaynta iyo hirgelinta
barnaamijyada mashruuca.

Xaalad Daraasadeed: Eegida Hoos-U-Dhac Dhaqaale Iyadoo La Adeegsanayo


Qorshaynta Istiraatijiyadeed.

Mid ka mida qorsheeyayaasha ayaa lahaa khibrad uu kaga caawiyo dawladdaha hoose iyo beesha
samaynta qorshe istiraatijiyadeed. Khibradaas kuwa ugu xiisaha badan waxa ka mid ah gudidda
qorshaynta ee gobolka ee magaalo ku taal galbeedka dalka maraykanka. Guddidu waxay mid ka
mida qorayaasha ka codsadeen inuu ka caawiyo abaabulka iyo qabashada shir qorshayn istiraatiji-
yadeed ah oo ku saabsan horumarinta dhaqaalaha magaalooyinka waaweyn. Ujeedada shirku wax-
ay ahayd:

“In la sameeyo gole kulmiya hogaamiyayaasha dadweynuhu Miami Valley si ay isugu raacaan.
(a) Arrimaha muhiimka ah ee horyaal horumarinta dhaqaalaha iyo fursadaha ay tahay in la
soo ban dhigo shanta sanno ee soo socota.
(b) Istiraatijiyad aad loo eego lana fuliyo.

Shirku waxa uu socday laba maalmod waxana ka qayb galay in ka badan 200 oo hoggaamiye oo
ka kala socday hayadaha dawlada, shariikadaha, kooxaha xaafadda, madaxda la doorta, hayada aan
macaash raadin, saxaafadda, hay’addaha xirfadlayda iyo ganacsiga iyo ururadda beeraha.

Shirka waxa lagu bilaabay falanqayn laga wada qayb qaadanayey oo ku saabsanayd xaaladda dhaqa-
ale ee magaalooyinka waaweyn iyo nawaaxigooda. Wxa dib loo jaleecday tobankii sanno ee la soo
dhaafay hoos-u-dhaca arrimaha ay ka mid yihiin shaqooyinka- kumanaan shaqo oo wax soo saarka
hoose ah ayaa la waayey mudo 7 - 8 sanno gudahood ah: Waxa kale oo la falanqeeyey adeegyada,
doorka caawimo ee hay’addaha, ay ka mid yihiin dawladda, waxbarashada iyo shaqada qaranka,
isla mudadaas gudaheed. Arrimaha shirka lagu soo bandhigay oo ku salaysnaa nuqul cilmi-baadhid
waxyaabihii lagaga hadlay waxa kale oo ka mid ahaa dhaqaalaha guud ee gobolka oo ay ku jiraan
arrimaha dhaqaalaha dalka iyo kuwa caalamiga ah. Waxana la sameeyey odoros dhaqaalaha mus-
taqbalka ah.

Iyadoo macluumaadkaas iyo xogtaas la siiyey ayaa ka-qayb-galayaasha waxa la weydiiyey inay soo
ogaadaan wakhtigan xaadirka ah shanta arrimood ee ugu muhiimnsan ee ku soo food leh horumarka

99
dhaqaalaha ama fursadaha. Shirka dhexdiisa, kelmadaha kala ah fursad iyo halista ina hortaagan
waxa lagu qeexay sidan soo socota.

Halis - Duruufaha dhaqaale ee wakhtigan xaadirka ah ku gadaaman gobolka mustaqbalka dhaw iyo
ka fogba iyo baahiyaha ay tahay in meesha laga saaro ama hoos loo dhigo oo wax laga qabto; waa
xag dhaqaale.

Fursad: Arrimaha dhaqaale ee wakhtigan xaadirka ah wax-tarka u leh dhaqaalaha gobolka ee mus-
taqbalka dhow iyo fogba iyo baahiyaha ay tahay in la buuxiyo, waa kayd dhaqaale.

Waxa la sameeyey labaatan koox hawleed oo yar yar oo shaqada ay qabanayaana tahay falanqaynta
liisaska shakhsiyeed ee ku saabsan sida uu cid kastaa u fahamsan yahay iyo waxa ay u haysto shanta
halisood ee ugu muhiimsan horumarka dhaqaalaha iyo fursadaha gobolka, dabadeedna ay kooxdu
wax isku raacaan. Koox kastaa liis-keedii waxay ku soo bandhigty kulan loo dhan yahay.

Waxa la filayay 100 arrimood oo kala duwan oo qaar badan lagu laba jeer celiyey, haseyeeshee
liiskii u dambeeyey wuxu ahaa kow iyo soddon weedhood (odhaahood) oo aan isku xidhnayn.
Weedhahaas waxa lagu habeeyey aqoon-is-weydaarsi shaqaalaha dhex maray oo lagu dhigay xaas-
hi-suaaleed markii lagu jiray nasashadii shaahayntii casarkii u dambeesey. Intii nasashada kooban
lagu jiray, ka-qayb-gale kasta waxa la weydiiyey inuu mar kale u codeeyo shanta weedhood ee ugu
muhiimsan liiskii kow iyo sodoonka ahaa. Waxa kale oo lagu yidhi shanta weedhood u kala saray-
siiya sida ay u kala mudan yihiin. Weedha ay ugu saraysiiyeena waxay ahayd ta ugu muhiimsan. Ka
ay ku xijisiiyeena ka muhiimada labaad leh, iwm. Shaqaalihii waxay codayntii ku soo bandhigeen
shax. Tusaale ahaan weedha (odhaahda) kowaad waxa u codeeyey 5 qof, waxana shaxdaas lagu
soo bandhigay inta qof ee u codaysay halis kasta iyo fursad kasta. Natiijadii codbixinta waxa ka so
baxay sideeda arrimood ee ahmiyadda u weyn leh.

Maalintii xigtay, natiijadii codbixinta waxa loo sheegay kooxda. Waxa la sameeyey sideed kooxood
oo qaadaa-dhigay mid kasta oo ka mida sideedii arrimood ee ahmiyada u weyn la siiyey. Qof kasta
waxa la siiyey fursad uu ku doorto mawduuca uu xiiseynayo ama wax ka yaqaan si uu uga waramo
ama wax ugu darsado waxa uu noqonayo xalka mawduuca uu doortay. Markii ay isku wada yimaa-
deen waxa samaysmay koox keliya oo balaadhan, kooxo dhawr ah oo tiro ahaan dhexdhexaad ah
iyo koox tiro ahaan aad u kooban. Maadaama uu ku shuqul lahaa la-taliyaha oo aaminsan in ko-
oxaha tiraddoodu tobanka ka badan yihiin uu waxtarkoodu hooseeyo, koox kastaa waxay u shaqay-
say sidii uu isagu jeclaa waxayna qabteen hawlahan soo socda:

• Waxay sheegeena natiijaddii loo baahnaa ee ay kooxdoodu fursad iyo halis u arkayeen.
• Waxay sheegeen tallaabooyinka kala duwan ee la qaadi karo si loo gaadho natiijadii loo
baahnaa.
• Waxay sameeyeen qorshe-hawleed lagu gaadhay natiijadii ama hadafkii loo baahnaa.
Koox kastaa waxay tallooyinkoodii u sheegeen wadarta guud ee shirka dhamaadka maalintii la-
baad ee shirkuna xidhmayey. Isla markaana waxa halkaas lagu falanqeeyey tallooyinkii iyo qorshe-

100
hawleedyadii la soo jeediyey. Waxana go’aano laga gaadhay madaxda iyo ururada loo xilsaarayo si
ay u meel mariyaan tallooyinkii la soo jeediyey.

Gebegabadii wixii shirka ka soo baxay waa la daabacay, waxana nuquladii la siiyey ka-qayb-galay-
aashii shirka iyo ururada gobolka ah.

Qorsheynta istiraatijiyadeed ee horumarinta dhaqaalaha ee la gaadhay waxay qorshe-hawleed iyo


siyaasad ay ka duulaan u noqotay guddida (commission) qorshaynta ee gobolka. Muddo sannad ku
dhawaad ah ka dib oo uu la-taliyihii dib u soo booqday gobolka wuxu ogaaday in qaar badan oo ka
mida tallooyinkii barigii la soo jeediyey la meel mariyey intii kalena gacanta lagu hayo.

Waad aragtaa oo waxa jira arrimo badan oo u baahan in laga sii fikiro marka la qorshaynayo in la
meel mariyo geeddi-socodkii qorshaha istiraatijiga ah. Arrimahaasi waxa ka mid ah wacyigalinta
mustaqbalka, geeddi-socod la fududeeyey, iyo fursadaha ay u helayaan ka qayb-galayaashu inay
sameeyaan aragtidooda mustaqbalka fog (vision) ee ku saabsan waxay jeclaan lahaayeen in uu
mustaqbalku noqdo.

Waxaad ka fikirtaa hindisaha qorshaynta istiraatijiyadeed ee wadaagga ah ee beeshiina.


Maxay noqonaysaa dhacdada horseedka ahi ee wax hurinaysaa? Wakhti intee leeg in la si-
iyo ayaad ku talin lahayd adigoo ku xisaabtamaya in qorshayaasha istiraatijiyadeed ay ugu
yaraan yihiin shan sanno ama in ka badan oo mustaqbalka soo socda ah? Tallaabada u dam-
beysa ee layligan is-mirashada waxad diyaarisaa aqoon-is-weydaarsi aad is leedahay waxa
beeshiina uga soo bixi doona qorshe istiraatijiyadeed oo tayo leh.

………………………………………………………………………………………………………
………………………………………………………………………………………………………
………………………………………………………………………………………………………
………………………………………………………………………………………………………
……………………………………………………………….............................................................

Maayarka iyo fududeeyuhu waxay hadda ka soo laabteen kulan ay la lahaayeen Sarkaal fulineed la
doortay kaas oo maamulay qorshayntii istaraatijiyadeed ee hay’addiisa loo sameeyey. Hawshaas oo
ku ekeyd mustaqbalka hayada caasimadda awgeed, wuxu agaasimuhu rumaysnaa in ay ka “awood
badan” lahayd haddii ay dedaaladda qorshaynta beesha oo dhan ka qayb-geliyaan. Arrintani waxay
sii xaqiijisay wixii uu maayarku ka soo maqlay shirkii UN-HABITAT. Isaga iyo fududeeyuhu intii
ay dhexda ku soo jireen waxay go’aamiyeen in dedaal kasta oo magaaladda loogu samaynayo qor-
shayn istiraatijiyadeed uu noqdo mid beesha oo dhami ka qayb qaadato. Waxay ka wadaan in laga
qayb geliyo tiro aad u badan oo ururo iyo shakhsiyaad beesha ka socda ah, laakiin aan loo yeedhin
uun xubnaha madaxda ah iyo saaxiibo kooban oo si taxadar leh loo soo xushay.

Fududeeyuhu wuxu maayarka u soo jeediyey inuu magacaabo guddi kooban oo ka caawisa qor-
shaynta geeddi-socodka qorshaha istiraatijiyadeed. Waxa uu oo soo jeediyey inuu ka fikiro sarkaal
ka tirsan NGO caan ah oo si weyn loo tix geliyo, qof aad u firfircoon oo beesha u adeega, guddoomi-

101
yaha rugta ganacsiga ee magaalada, iyo qof matalaya warshada (ama ganacisga) ugu weyn magaa-
laada. Waxa uu maayarka ku yidhi “guddidani waa ta kaa caawinaysa inaad go’aan ka gaadho sida
aad u samaynayso qorshaynta istiraatijiyadeed, balse maaha dadkii samaynayey qorshahan laftiisa,
inkastoo ay marka dambe ka mid noqon karaan kuwa samaynaya”.

Guddidii qorshayntu way kulmeen, waxayna maayarka kala hadleen waxa uu filayo ama natiijada
uu ka rabo geeddi-socodka qorshaynta, iyo in la gaadho go’aano dhawr ah. Go’aanadaas oo ay ka
mid yihiin cidda qorshaynta ka qayb qaadanaysa, halka lagu qabanayo kulamada iyo wakhtiga la
qabanayo waxa uu noqonoyo doorka fududeeyuhu, qaabka uu u dhacayo aqoon-is-waydaarsigu, iyo
dabcan ujeedooyinka iyo hadafka guud ee la rabo in la gaadho.

Fududeeyuhu wuxu guddidii tusay agabyo dariiqooyin kala duwan oo qorshaynta istiraatijiyadeed
loo adeegsado iyaguna waxay go’aansadeen inay dejiyaan aqoon-is-weydaarsi ku salaysan qaybo
badan oo ka mida wixii la odhanayey baadigoobka mustaqbalka iyo in la soo bandhigo barnaamijkii
localizing Agenda 21 inuu yahay mashruuc dihin oo la qaato. Sidoo kale waxay u soo jeediyeen
fududeeyaha in wakhtiyada ka mid ah aqoon-is-weydaarsiga lagu qaato falanqayn ku saabsan geed-
di-socodkii qorshaynta ee lagu xalinayay iska-hor-imaadka qabyaaladeed ee xaafadda dhexdeeda
iman kara.

Meel Fog Eegid Oo Laga Gudbo Oo Loo


Gudbo Meel Dhaw Eegid

Inta aynaan meel dhow wax ka eegin waxa jira fikiro ku soo gebagabeynaya in meel fog wax ka
eegu inuu muhiim u yahay qorshaynta istiraatijiyadeed.

Qayb aasaasiga ah oo ka mida qorshaynta istiraatijiyadeed waa iyadoo la isweydiiyo halka aan taa-
ganahay. Sababta aan u taagannahay, iyo waxa inaga hor taagan inaan meel ka wanaagsan tagno.

Karl Weick baa ka warantay sheeko ku sabsan koox dalxiisayaal ah oo ku ambatay meesha barafka
badan ee Swiss Alps. Farxad bay la sara joogsadeen markii mid ka mid ahi helay khariirad ku jirtay
shandadii uu dhabarka ku sitay. Wixii suurta geli karo oo dhan bay eegeen, awoodoodii ayay isu
geeyeen tan oo u suurta galisay inay jidkii dib uugu soo laabtaan. Markii ay nabadgelyo soo guryo
noqdeen, ayay ogaadeen in khariiradii ay isticmaaleen ay ahayd tii goobta Pyrenees, balse aanay
ahayn tii goobta Alpis.

Wayne Grelzky oo ka mid ah ciyaaryahanada aduunka ee xeegada ayaa markii la weydiiyey sirta
guushiisa wuxu yidhi “Waxaan u sii cararaa halka aan is leeyahay kubadu way tagi”. Sidaas marka
aad samayso qorshe-istiraatijiyadeed oo wax-ku-ool ah ayaad heli.

Meel Dhow Wax Ka Eegid

Haddii qorshaynta istiraatijiyadeed ee wax-ku-oolka ahi ay ku xidhan tahay awoodda uu ka-qayb-


galuhu u leeyahay inuu ku odoroso mustaqbalka isagoo samaynaya aragti guud oo laga duulo, qor-

102
she hawleedkuna wuxu ku xidhan yahay geeddi-socodka meel dhaw wax ka eegaya ee dhibta taagan
ka hadalkeedu xudunta u yahay. Halka qorshaynta istaraatiijiyadeed ujeedo isticmaalka muraayada
taliskoobka ee waxa fog waynaysa si inta suurtagal ah mustaqbalka fog loo eego; qorsheeyayaasha
hawlaha taagani iyana waxa ay qaataan muraayada mikriskoobka si ay waxa dhaw u waynayso. Bal
hadaba aynu eegno sida ay u isticmaalaan Mikriskoobkan sarbeebta ah.

Geedi socodka qorshaynta ka qaybqaadashada ma jirto talaabo ka adag dhibaato helida. Marka aanu
sidaa leenahay waxa aanu u jeednaa helida dhibaatada dhabta ah ee ma aha calaamadaha dhibaatada
ama xalkii oo qaab dhibaato isugu kaa sawiray. Mararka qaar dhibaatooyinku aad ayay u cad yihiin,
cidina muran kama keento, toosna waa loo abaaraa. Waxana ay u dhawdahay in dhibaatooyinka
noocaas ihi aanay noqon qaar uu ka hadlo geedi socodka qorshaynta wadaaga ihi. Waxa se jira
marar kale oo dhibaatadii madmadow iyo ceeryaamo hadhayso oo sharaxeedu adkaado, waxaba
laga yaabaa in ay si kale qofka isu tusaan. Dhibaatooyinka noocan ihi waa kuwa loo keeno kooxaha
qorshe wadaaga, bal si kooban aynu u eegno in kooxda qorshaynta wadaaga ah loo keenay dhibaato
ama calaamad dhibaato ama xal.

Dhibaatooyinku waxa weeye arimaha u diida dawlada hoose ama bulshada inay ka dhaqaaqaan
halka ay joogaan si ay u gaadhaan meesha ay rabaan. Halkan waxa aynu ka fahmi karnaa in meesha
la rabo la garanayo, arinkuna mar kasta sidaa ma aha. Sababtan iyo sababa kale awgeed, in la qeexo
natiijada dambe – waxa ay dhibaatadu u ekaan doonto hadii la xaliyo?- waa mid ah hawl muhiim ah
bilowga geedi socodka dhibaato xalinta. Hadii aynaan garanayn meesha aynu rabno ina aynu tagno,
waa ay adagtahay in aynu xadidno (1) Sida aynu halkaa ku gaadhayno, iyo (2) In aynu gaadhnay
meeshii iyo in kale.

Dhib kale oo ka jirta hayb sooca dhibaatadu waxa weeye iyada oo dhibaatooyinku isku qariyaan
calaamadaha dhibaatada amaba xalkaba (oo dhibtii iyo calaamadii dhibta la kala sooci waayo).
Calaamaduhu waa waxyaalo la arki karo oo dhibtii sheegaya

oo inta badan inagu baraarujinaya dhibtii. Calaamadaha dhibaatadu ma sharaxaan inta badan dhibtii
ee waxa weeyaan uun qaar dhibi inay jirto tusaya. Tusaale ahaan, madax-xanuun wuxuu calaamad u
yahay in aad wax ka cabanayso. Dhibaatadu inay tahay culays isha ah oo laga yaabo in ay calaamad
u tahay wax kale ayaa dhici kara – dhibaato ka timid. Waxa dhici kara ina aynu madax xanuunkii
dawayno, hadana marka kale ee aynu bilawno jariidad akhrigii, dhibtii ay soo noqoto. Dadka sida
tayada leh dhibaatooyinka u xaliyaa waxa ay qodaan dushan sare ee calaamaduhu daganyihiin waxa
ka hooseeya, hadii la rabo in la gaadho natiijooyin wanaagsan. Xalkii marar ayuu isu tusaa dhibaa-
to. Si dooda aad jidkii sax ahaa ugu soo laabto waxa fiican in lays waydiiyo su’aalaha ah “Tani ma
dhibaataa, ma calaamad dhibaataa, mise waaba xal”.

Hab kooxda qorshuhu ku fahmi karaan waxa loo dhiibay ee horyaalaa waxa weeye ina ay is way-
diiyaan su’aalo fudfud oo taxana ah. Su’aalahaa dhawrka ihi waxa laga yaabaa ina ay yihiin sida
uugu fudud ee lagu fahmo ina waxa ku hayaa dhib yahay, calaamad dhibaato uu yahay ama xalba,

103
iyo bal in aad rabto in aad wax ka qabato iyo in kale. Mararka qaar ayay tahay doorashada u fiican
ee aad qaadan kartaa in aanad dhibtii xalin.

Waydiinta Su’aalaha

Marxalad hore oo ka mid ah geedi socodka qorshaynta ka qaybqaadashada, waxa laga rabaa xubnaha
kooxda ina ay ogaadan sababta loo ururiyay ee la iskugu keenay. Waxa laga yaabaa in waxoogaa
aad la yaabto arinkaa, hase yeeshee maa ha mid aan dhab ahayn. Waa in fududeeyuhu uu ka fikiraa
arimahan oo xadidaa fadhiyada bilowga ah ee hawlgalintiisa. Hadiiba ay dhacdo in dhibaatadu
aanay caddayn, waa dhibaatada la doonayo in xaliyo, halkan waxa aad ku arki su’aalo wax ku ta-
raya.

1. Waa maxay dhibaatada dhabta ihi? Yaanay ku dagin calaamado dhibaato iyo xalal isu
tusa sidii dhibaato oo kale.
2. Maxaa dhibaato ka dhigay? Ama maxaa dhalinaya dhibaatada? Su’aashani inta badan
waxa ay ka caawinaysaa kooxda ina ay eegaan xidhiidhka ka dhexeeya dhibta – iyo saa-
maynta, ama in la aqoonsado calaamadaha dhibaatada. Waxa ay kooxdu samaynaysaa waxa
weeye geedi socod su’aala ah oo mararka qaar loo yaqaan lafagurida sababta “maxaa wax-
aasi keenay” oo lagu celceliyo.

Inaku waxa aynu isticmaalnay ereyga dhibaato, tani se meesha kama saarayso in laga
fikiro arimo, wax la danaynayo, amaba fursado ama dhacdooyin kale oo wax huriyay
oo inagu dhaliyay in aynu yeelano qorshe hawleed. Hadii uu wax ku tarayo qaado erey
kasta oo kan badalkiisa ah oo kaga haboon.

3. Maxaa dhibaatada loo xalinayaa? Hadii su’aashan aan laga jawaabi Karin, ma jirto dhib
u qalanta ina aynu daba galno.
4. Goorma iyo halkee dhibtu ka jirtaa? Su’aashani waxa ay tilmaamaysaa isha ama ilaha
dhibaatadu ka imanayso.
5. Yay dhibtu haysataa? Tani bilow waxa ay u tahay dhawr waydiimo oo “cida” ku saabsan.
Tusaale ahaan waa ayo cida kale ee xalinta dhibta dani uuga jirtaa? Ma rabaan in xalka ay
ka qaybqaataan? Yaa laga yaabaa in uu is hortaago xalinta dhibaatada? Waxa laga yaabaa in
su’aashan danbe waxoogaa la yaaba leedahay, hase yeeshee waxa ay kooxda siinaysaa aragti
kale oo dhibtii lagu fahmo. Hadii aanad wali dareemin, su’aalahani waxa kale oo ay faaiido
u leeyihiin in la xadido daneeyayaasha la filayo.
6. Maxaa dhacaya hadii aan dhibaatada la xalin? Mararka qaar ayaa xalka u fiican ee
dhibaatadu yahay in la iska dhaafo.
7. Markale is waydii waa maxay dhibaatadu? Marka aad ka jawaabto su’aalahaa oo dhan
waxa aad heli kartaa sharax cusub oo dhibaatadii ku saabsan ama waxaad ogaan in aan
dhibiba jirin, ama waxa aad ogaan dhib mudan in aad waqti siiso.

Su’aalahan marka aad si dhab ah u qaadato, waxa ay hurin karaan macluumaad soo burqada oo aan
ku ekaanayn oo qudha ina ay kooxdii qorshaynta ka qaybqaadashada ka caawiso fahamka adayga

104
dhibta ee waliba waxa ay muujinaysaa oo ina siinaysaa waxyaalo la kala doorto oo dhibtii lagu
xaliyo.

Waxa aad u malayn kartaa in hawshan aanu soo dadajinay xaga geedi socodka qorshaynta ka qay-
bqaadashada. Waa fiiro fiican hase ahaatee qayb ayay ka tahay masuuliyada kooxda qorshaynta
ee la isu gaynayo, waa masuuliyadooda gorfaynta iyo xaqiiqo raadinta. Waxana macquul ah inoo-
na banaan in la horaysiiyo marka la eego sida dhacdooyinku iskugu xigxigaan. Waxa weeye in
lagu dhiiriyo kuwa ka masuulka ah isukeenida kooxda qorshaynta ina ay iyana ka fikiraan dhinaca
dhibaatada, iyo arimaha, waxa la danaynayo ama fursadaha inta ayna dadka kale hawsha u gudbin.
Inta kolba ay caddeeyaan arinka laga hadlayo ayay u dhibyaraanaysaa kooxda qorshaynta in ay u
fuliyaan hawlahoodii si tayo badan.

Socodka baadhitaan ee ka horeeya dhibaato baadhistu kama dhaafayo kooxda qorshaynta hawshan.
Waxa kale oo ay u baahanyihiin ina ay galaan hawsha dhibaato baadhista marka loo dhiibo xilka
qorshaynta.

Goobihii u danbeeyay ee milicsiga, waxa aanu kugu waydiinay ina aad diirada saarto mid ka
mid ah dhibaatooyinka ama fursadaha aad hore u haybsoocday. Imika soo qaado isla weed-
hihii waxana aad soo marisaa dhawrkaa su’aalood ee aynu kor ku xusnay.

1. ………………………………………………………………………………………………
……………………………………………………………………………………………….
2. ………………………………………………………………………………………………
……………………………………………………………………………………………….
3. ………………………………………………………………………………………………
……………………………………………………………………………………………….
4. ………………………………………………………………………………………………
……………………………………………………………………………………………….
5. ………………………………………………………………………………………………
……………………………………………………………………………………………….
6. ………………………………………………………………………………………………
……………………………………………………………………………………………….
7. ………………………………………………………………………………………………
……………………………………………………………………………………………….

Si aad u hubiso in sharaxii dhibaatada ay u fahmi karaan dadka kale si fudud waxa aad u isticmaasha
imtixaanka sadexda “C” ah ee dhibaato qeexida.

Imitixaanka Sadexda C ah ee Dhibaato Qeexida


1) Caddayn: Qof aan la xidhiidhin hawsha kooxda qorshaynta ka qaybqaadashadu ma
fahmayaa qeexida dhibaatada?
2) Koobid: Weedha dhibtu ma tahay mid kooban oo nuxurka taabanaysa
3) Dhammaystir: Wax muhiim ah oo dhibaatada qeexideeda ku saabsan ma laga tagay?

105
Qodobo Muhiim Ah

• Kadib markii geedi socodka qorshaynta ka qaybqaadashadu uu huriyay baraarug iyo himilo,
ee la sameeay iskaashigii, waa xiligii meel fog wax laga eegi lahaa ee la dhigi lahaa qorshe
istaraatiijiyadeed, ama meel dhaw wax laga eegi lahaa oo lala iman lahaa qorshe hawleed.

• Qorshaha istaraatiijiyadeed iyo Qorshe hawleedku waxa ay isticmaalaan in badan oo qalab


isku mid ah marka wax la qabanayo, waxa se lagu xaqiijiyaa muraayado indheed kala jaad
ah xiliga go’aan qaadashada.
• Waxa jira muunada badan oo qorshe istaraatiijiyadeed ah. Waxa aanu kuu soo jeedinaynaa
ina aad barato oo baadho, kadib samayso mid kuu gaar ah oo ku salaysan baahiyahaaga,
khayraadkaaga iyo danaha guud ee dadka ka masuulka ah dhacdada qorshaynta ka qaybqaa-
dashada ee la qorshaynayo.

• Marka aad diyaarinayso qorshayaasha hawlaha ha fududaysan xooga iyo adayga helita-
anka dhibaatadaada dhabta ah, ama arinka ama danta ama fursada. Dhibaatooyinku waxa ay
leeyihiin sumcad xumo ay qofka ugu dhuuntaan calaamadaha dhibaatada amaba waxa ka sii
daran iyaga oo xalkii kuugu dhuunta.

• Todobada su’aalood ee waydiimaha ku saabsan dhibaatadaadu waxa laga yaabaa ina ay yi-
hiin saaxiibka u fiican ee qorshe hawleedka ee aad waligaa heli karto.

• Iyada oo ay dhab tahay in meel fog eegida iyo meel dhaw eegidu ay yihiin qaybo dhammays
tiriya wajiga labaad ee qorshaynta ka qaybqaadashada, iyo gorfaynta iyo xaqiiqo raadinta,
waxa muhiim ah kuwa ururinaya kooxaha qorshaynta ee diyaarinaya khayraadka qorshayn-
tu ina ay soo maraan layligan inta aanay gaadhin nidargalka u danbeeya ee hawsha.

Raad Raac

1. Hamel, Gary, “Strategy as Revolution”. Harvard Busines Review, July-August 1996 p.70.
2. Nanus, Burt and Stephen Dobbs. “Leader Who Make a Difference”. San Fransisco Jossey-
Bass Publishing, 1999, p.37
3. Friedman, John. “Retracking American: a Theory of Transactive Planning”. NewYork: Dou-
bleday, 1973. p.4
4. Weisbrod, Marvin R. and Sandra janoff. “Future Search: An Action Guide to Finding Com-
mon Ground in Organization and Communities”. San Fransisco: Berretip-Koeh Publishers,
1995, Appendix C.
5. This clear, concise and complete guide to problem definitions is attributed to Ana Vasilache
who keeps her fuzzy headed friends somewhat honest around this task.
7

Cutubka
Wajiga IV

Xaqiiqo-raadin Iyo
Gorfayn

Dhibaato si fiican loo sheegay waa


dhibaato badhkeed la xaliyay

Xaqiiqo-Raadis Iyo Lafo-Guris: Dib-U-Noqosho Iyo Hore-U-Socosho ……………………....109


Ku Laabashadii Goobtii Shidaal Isu Taaga ……………………………………….…………....110
Farsamada Iyo Cilmiga Lafo-Gurka …………………………………………………………...111
Qodobo Muhiim Ah …………………………………………………………………………....124
Raad Raac …………………………………………………………………………………… ..125

107
Wajiga III ee qorshaynta wadaagga ahi waa marka go’aanka lagu qaato laba midkood:
(1) Tiigaalada dheer iyo u hawlgelinta ururka ama bulshada inay aragti fog u yeeshaan mus-
taqbalka; ama
(2) Diirad-saaridda dhaw oo lagu dhaqaaqo qorshe-hawleed loogu talo galay inuu keeno natiijo
degdeg ah.

Go’aanka waxa mar walba dhaqaajiya dhacdada taagan. Tusaale ahaan, maayarka magaalada ama
hoggaamiye kale oo deegaan wuxu leeyahay aragti fog oo ah waxa bulshadu ka doonayso inuu ka
lib keeno muddo cayiman oo la yaqaan, wuxuna go’aansadaa inuu dad kale ka soo qayb geliyo
dejinta qorshe istaraatiijiyadeed. Ama mushkilad ayaa ka soo if baxda ama fursad ayaa ka soo
muuqata ururka ama bulshada taas oo u baahan in wax laga qabto ama lagaga faa’iidi karo samaynta
qorshe-hawleed ay ka soo qayb galaan daneeyayaasha, ama si sidaa ka ballaadhan looga soo qayb
galo.
Waxannu ku soo baxnay faraaro jidku yeeshay.waxay u muuqataa inaynu kala doorano ama qa-
adano jidka qorshaha fog ama ka qorshe hawleedka. Laakiin socdaalkan daahfurka ahi ma aha
mid sidaa u fudud.haddaad raacdo jidka qorshaha fog, waxad qabanaysaa in badan oo ka mid ah
hawlihii aad qaban lahayd haddaad go’aansato inaad fuliso qorshe hawleed degdeg ah. Tusaale
ahaan, qorshaha waqtiga fog wuxu soo geli karaa in la qeexo dsneeyayaasha, sida ururinta iyo
falanqaynta macluumaadka siminaarka ka hor, gaar ahaan ku saabsan hawlaha mustaqbalka,
hawgalinta siminaar fududeeye, hawlo kooxo lagu abuuro marka hawshu bilaabato, go’aaminta
ujeeddooyinka guud halkii kuwa dhow, iyo sida in la kala doorto tallaabooyinka la qaadayo.

Haddii dhacdada taagani ay kula marto jidka qorshe-hawleedka, waxaad qaadan kartaa aragti fog
intaanad socdaalka ku fogaan. Dabcan tallaabooyinkii hadda lagu soo sheegay istaraajiijiyadda qor-
shaha fog iyana waa la adeegsan karaa.

Waxa jira laba faraq oo waawayn oo u dhexeeya labada hab ee qorshaha wadaagga ah. Waxay yihiin
(1)xagga waqtiga; iyo

(2) cayimidda faahfaahinta.

Qorshaha istiraatijiga ahi wuxuu qaataa waqti dheer inkastoo xataa khubaradu aanay isku waafaqi
karin waqtigiisa ugu badan. Khubarada ku takhasustay qorshaha istiraatijiga ah, marka la wey-
diiyo waqtiga ugu habboon, waxay odhanayaan, “waxay ku xidhantahay”. Habka Baadigoobka
Mustaqbalka ee cutubkii hore lagu soo sheegay; waxay tilmaamaysaa inay saddex sano qaataan
hawlaha waqtiga dheeri. Qorayaal kalena fikraddan way diideen oo waxay la jiraan in waqtigu no-
qdo toban, shan iyo toban, ama labaatan sanno si si istaraatiiji ah loogu fikiro.

Taladayadu, si aad u go’aansato waqtiga qorshahaaga waqtiga dheer, waxay tahay inaad samayso
go’aan wadajir ah oo ku salaysan ujeeddooyinka guud ee aad rajaynayso in laga gaadho qorsha-
haaga istiraatijiga ah ee la fulinayo. Qabo wixii aad qaban lahayd, intii aad ka raaci lahayd waqti ay
ku taliyeen khubaro dibedda kaa joogtaa. Haddii aad ka tirsantahay gole deegaameed isla markaana

108
aad doonayso naqshadda waxa golihiinan la doortay filayo inuu gaadho, oo doorashada dambena
afar sanno ka hadhay, waxa habboon inaad qorshaha istiraatijiga ah ka dhigto afar sanno.

Waqtiga dhacdooyinka qorshe hawleedku isagu waa mid ku qotoma dhakhsaha inta geedi socodka
qorshahu qaadanayo, iyo inta fulintiisu qaadanayso si loo hirgeliyo hawlihii tala bixinta ka dha-
shay.

Qodobka labaad wuxu yahay sida gaarka ah ee dadka wax qorshaynayaa u sheegaan waxa qor-
shuhu ka koobnaanayo iyo sida loo fulinayo. Marka waqtigu sii dheeraadaba, waxa sii yaraanaya
in la gaadho ujeeddooyin cad cad. Qorshaha istiraatijiga ah ee muddadiisu labaatan sanno tahay
waxa mugdi ku jirayaa ciddii wax fulin lahayd iyo wixii ay fulin lahayd iyo muddada uu qaadanayo
marka qorshuhu marayo kala badhkii oo ah toban sanno.

Dhinaca kale, qorshe-hawleed lagala tacaalayo AIDSka dadka da’ yarta way adagtahay in mad
madow ku jiro tallaabooyinka dhaw ee la qaadayo, inkastoo qorshaha waqtiga dheer ee lagu ya-
raynayo heerka caabuqiisa boqolkiiba tiro xaddidan uu, tusaale ahaan, qaadanayo toban sanno.
Hadafkaasi wuxu ku xidhan yahay tallaabooyinka dhakhsaha ah ee la qaadayo waxanu ku salaysan
yahay talo-bixinta kooxda qorshaynta.

Xaqiiqo-Raadis Iyo Lafo-Guris:


Dib-U-Noqosho Iyo Hore-U-Socosho

Astaanta aynu siinnay wejigan qorshaynta wadaagga ahi waa mid waxoogaa lagu dhakafaarayo.
Waxanu hore kuu weydiinnay inaad ka qayb gasho hawlo xaqiiqo raadis ah intaanad halkan soo
gaadhin. Tusaale ahaan, tallaabada ah Samaynta Shuraako Midho-dhal ah (wejiga II) iyo habka
tiigaalada dheer ama diirad-saaridda ee wajiga saddexaad (wejigaIII) waxay la xidhiidhaan xaqiiqo
raadin iyo lafo-guris. Waxyaabahan mugdiga ku jiraa waxay xoojinayaan faalladii hore ee aynu ka
bixinnay ee ahayd in habkani yahay mid dhakafaar ah mararka qaarkood. In kastoo uu ku hirgalo
habab kala horreeya oo macquul ah, qorshaha waqtiga dheer ama ka waqtiga gaaban hababkani
waxay u baahan yihiin adkaysi weyn marka la dhaqaajinayo weji kasta iyo in xataa isku-shaand-
hayn la sameeyo mararka qaar marka aynu fulinayno.

Tani sidoo kale waa marxaladda habka qorshaynta wadaagga ah marka kooxdii qorshaynta ee la
isku soo ururiyey ay bilaabayaan inay si toos ah u gudo galaan hawlihii loo xil saaray; si kale
haddaynnu u sheegno, masuuliyadda fulinta qorshayntu, haddii hadafkeeda guud uu yahay qorshe
istiraatiji ah ama qorshe hawleed-waqtiga dhow, wuxu ka soo gudbayaa kuwii si toos ah u lahaa
hindisaha arrinta wuxuna u gudbayaa kuwa yeelanaya dejinta qorshaha. Inkastoo ay jirto kala wa-
reegga masuuliyadda qorshayntu haddana waxan kugu dhiirri gelinaynaa inaad dib u eegto tallaa-
booyinkii geeddi-socodka ee lagu xusay cutubkii hore( Wejiga III). Marka laga hadlayo qorshaynta
istiraatijiga ah, waxaynu maskaxda ku haynaa aragtida fog, halka qorshe-hawleedkana maskaxda
ku hayno tallaabooyinka xallinta mushkiladaha.

109
Arrintu si kastaba ha ahaatee, kuwa ka masuulka ah mid kasta oo ka mid ah tallaabooyinkan qor-
shayntu waxay dooni inay labada tallaaboba ka qayb galaan iyadoo tani ku xidhan waxa dhaliyey
hindisihii qorshaha wadaagga ah (ka eeg qaybta II ee buuggan wixii tilmaamo iyo foomam ah ee
kaa caawinaya sida loo raaco qodobadan si aad ugu guulaysato ujeeddooyinka qorshayntaada.)

Ku Laabashadii Goobtii Shidaal Isu Taaga

Si aynu u fududayno ka wada hadalkeenna marxaladaha soo socda ee habka qorshaynta wadaagga,
waxaynu ku noqon doonnaa tusaalihii qorshaynta hawsha ee aynu ku soo qaadanay daraasadda
casharkii ciwaankiisu ahaa: Shidaal isu taagid Waxaynu ka soo qaadaynaa in siminaarkii qorshaha
istiraatijigga ah ee Duqa magaalo uu ahaa mid ku guulaystay hirgelinta aragtida fog ee bulshada,
taasoo waafaqsan ujeeddada fulinta barnaamijka Ajende 21 ee degaamaynta. Hannaanka qorshayn-
ta hawsha ee aynu raaci doonnaana wuxu waafaqsan yahay hadafka fog ee duqa; waxanu tusaale
u noqon karaa qorshaynta mashaariicda mustaqbalka kuwaas oo lagaga faa’iidi karo is-dhexgalka
dawladda hoose, ururrada bulshada iyo muwaadiniinta. Bal hadda aynu eegno marxaladda soo so-
cota ee geeddi-socodka qorshaynta wadaaga ah.

Marka la taagan yahay inta u dhaxaysa wejiga bilowga ah ee qorshaynta wadaagga ah, taas oo aynu
ka soo qaadayno inaynu u baahannahay fududeeye dibedda ah, iyo wejiga xaqiiqo raadinta iyo fa-
lanqaynta, (waxa dadka qaar u yaqaanaan baadhis), waxyaabo badan baa ay tahay ina ay dhacaan
marka aynu eegno masaladii aynu hore u soo qaadanay. Arrintani sidoo kale way ku rumoobaysa
qorsha kasta oo wadaagga ah oo bulshadaada ah. Waxyaabaha ugu kakan waxa ka mid ah hawlaha
la xidhiidhka xaafadda dhibaataysan iyo isku keenidda kooxda qorshaynta. In badan oo ka mid ah
fikradaha iyo istaraatijiyaddaha lagaga hadlay cutubkii hore ayaa xidhiidh la leh hawlahan. Marka
xubnaha kooxda duqu magacaabay la xidhiidhaan labada dhinac ee xaafadda is-haysta , waxa hory-
aal inay xirfadahooda “qandaraasidda” adeegsadaan.

Waxaad ka soo qaaddaa inaad u shaqayso ururrada bulshada ee xaafadda. Waxa laguugu
yeedhay xaalad lagaaga baahan yahay hoggaamin ka baxsan inta ururkaagu oggolyahay.
Xusuusnow ururkaagu wuxu maamulaa Xarunta Dharaartii wax lagu Daryeelo oo ay ka
faaidaystaanWaalidiinta Kelida u nool.

Maxaad yeelaysaa si aad wax uga qabato khilaafka isirka ku dhisan ee la filayo ee ka socda
xaafadda?

………………………………………………………………………………………………………
………………………………………………………………………………………………………
………………………………………………………………………………………………………
………………………………………………………………………………………………………
Anaka oo isku deyayno inaan kuu soo gudbinno muhiimadda waxa ka dhacaya marxalad kasta
oo ka mid ah qorhaynta wadaagga ah, waxannu sidoo kale rumaysanahay in iskudayada lagu sa-
maynayo qorshe-hawleedku ay ku kala duwan yihiin baaxadda, dabeecadda, arrimaha meesha yaal
110
iyo dadka ka shaqaynaya. Anakoo eegayna waxyaabahan ay ku kala duwan yihiin iyo waxyaabo
kaleba, waxa keliya oon rajaynaynaa waxa weeye inaan ku siino khariidad aad adeegsato oo aan ku
sharraxno sababta ay u jiraan meelo lagu hakanayo inta lagu jiro safarkan daahfurka ah.

Farsamada Iyo Cilmiga Lafo-Gurka

Wejiga xaqiiqo raadinta iyo lafo-gurka ee qorshaynta wadaagga ah waxa loo adeegsan karaa qor-
shaha istiraatijiga ah iyo ka dhowba. Waxana loo fuliyaa habab kala duwan oo ku salaysan hadafka
guud ee la hiigsanayo. Masaladii aynu hore u soo sheegnay ee ku saabsanayd samaynta qorshe
istiraatijiyadeed horumarinta dhaqaalaha gobolka ah, lafo-guris guud oo lagu sameeyo qodobbada
iyo miqyaasyada saamaynta ku leh dhaqaale wanaagga gobolka waxa hore u sameeyey guddida
qorshaynta gobolka. Warbixntooda ku saabsan shaqooyinkii la waayey toban sanno, isbeddelka
ku dhacay kharashyada dawladda, shaqo la’aanta iyo macluumaad kale oo la qiyaasi karo ayaa
lagu soo bandhigay bilowgii shirka si loo tilmaamo halista arrimahan loona sameeyo hab lagu qi-
imaynayo guusha mustaqbalka.

Siminaar kale oo qorshaha istiraatijiga ah oo uu fududeeyey mid ka mid ah qorayaashu, wejigan


qorshaha wadaagga ah markii la marayey waxa la fuliyey iyadoon la samayn daraasad siminaarka
ka horraysay. Ka-qayb-galayaashu waxay dhammaantood ahaayeen saraakiil sare oo ka socota urur-
rada samafalka ee kaniisadaha adduunka; waxanay u lahaayeen aqoon ballaadhan hawl-galadoodii
hore iyo kuwa imika ay qabtaan. Ujeeddooyinka siminaarku waxay ahaayeen in:
1. la baadho fikradaha asaasiga ee ka danbeeya hawl-galadii istiraatijiyadeed iyadoo lagu sa-
laynayo natiijooyinkii hore u soo baxay iyo kuwa hadda.
2. la qiimeeyo waxyaabaha ay rumaysnaayeen inay raad ku reebayaan hawl-
galada adeegyada ay qabanayaan mustqbalka
gii
3. la sameeyo istaraatijiyad cusub oo lagu hirgelinayo adeegyada gurmadka de- Xili iga
cs
gdega ah ee mustaqbalaka, kuwaas oo ku salaysan qiimayn lagu samaynayo mili
waayo-aragnimaddii hore iyo sida hadda ay wax yihiin.

Sida aynu u fulinayno wejiga xaqiiqo-raadiska iyo lafo-gurida qorshaha wadaagga ah, ay til-
maamayeen labadii tusaale ee gaagaabnaa, waxay ku xidhnaanaysaa duruufaha ku xeeran baahida
wax laga qabanayo. Hase ahaatee, marxaladdani waxa loo baahan yahay in la qaado dhawr tallaabo
iyo xirfado ay tahay in la barto lana isticmaalo marka aad ka soo dhaqaaqdo bilowga (wejiga I)
ee aad u dhaqaaqdo majarajaha hawsha qabashadeeda (wejiga V). Sida lafo-guridii daneeyayaa-
sha iyo qandaraasidda waxqabadyada, maaha tallaabooyinkani kuwo si xidhiidh ah u habaysan.
Tusaale ahaan, waxad is arkaysaa adigoo dib ugu noqonaya tallaabooyin hore oo wejigan qorshaha
wadaagga ah si:

• Uu u caddaado waxa aad qabanayso inta aad ku guda jirto qorshaynta wadaagga ah, lagana
yaabo inaad dib u qeexayso hadafyada iyo ujeeddooyinka mashruuca mar kasta oo daneey-
ayaal cusubi soo biiraanba.

111
• aad u ururiso macluumaad dheeraad ah oo ku salaysan lafo-gurid hore oo macluumaad la
ururiyey; ama
• aad dib wax u kala doorato inta aanad sida ay macluumaadku u kala mudan yihiin u kala
horraysiin, ama aanad u isticmaalin qorshe-hawleed.
Ama waxad go’aansan kartaa in qaar ka mid ah tallaabooyinkan xaqiiqo raadinta ama lafo-guridda
aad ka booddo. Tusaale ahaan, waxa laga yaabaa inaanay kuu cadayn waxyaabaha la qaban karo oo
aad fulintooda kala dooranaysaa. Ama ay dhibaatada ku hortaalaa tahay mid cad oo ay isku wada
raacsan yihiin dhamaan daneeyayaasha ku hawlan arinku markaa dhibaato-raadintu tahay wakhti
lumis. (kol hadii ay cadahay).

Wejiga xaqiiqa raadinta iyo lafo-guriddu wuxu noqon karaa mid fudud ama mid kakan taasoo ku
xidhan mushkiladda ama fursadda laga hadlayo. Haseyeeshee, waxaynu ka soo qaadaynaa inay
tahay wax kakan. Tani waxay inna siinaysaa xigmada ah in la qeexo tallaabooyinka oo dhan, ama
wax-qabadka loo baahan yahay. Waxannu idin weydiisan doonnaa inaad koox ahaan dib ugu noqo-
taan raadinta mushkiladda, waa hawshii lagu soo sharxay wejiga III. Waxa kale oo aan idin way-
diisan doonnaa ururinta iyo lafo-guridda xogta; qoritaanka hadafka iyo ujeeddada; iyo go’aaminta
tallaabooyinka la qaadayo.

Tallaabada koowaad: Helidda Dhibaatada

Sidaynu ku soo sheegnay cutubkii hore, tallaabada ugu adag ee qorshaynta wadaagga ehi waa heli-
dda dhibaatada waxaynu soo bandhignay toddoba su’aalood oo aynu rumaysanahay inay muhiim u
yihiin diirad-saaridda mushkiladda ama fursada la idin siiyey inaad koox ahaan u sahamisaan marka
aad samaynaysaan qorshe-hawleedka. Waxaynu u baahanahay inaynu mushkiladaha mar kale hal-
kan ku liis-garayno laba sababood dartood: (1) Waxay aad muhiim ugu yihiin inaad gaadhaan wixii
la idiin igmaday xaga go’aan qaadashada iyo mushkilad xalinta iyo (2) Inay jiraan weydiimo kale
oo aannu rumaysanahay inay iyana muhiim yihiin in tixgelin la siiyo intaanad hore u sii guda galin
raadinta ujeeddooyinkaaga.

Marka hore, dib-u-eegid ku saabsan su’aalaha loogu talo galay in lagu helo mushkiladda iyo fur-
sadda.
1. Waa maxay mushkiladda dhabta ahi?
2. Maxay u tahay mushkilad?Ama maxaa sababaya mushkiladda?
3. Waa maxay sababta mushkiladda loo xallinayaa?
4. Goorma iyo halkee bay ka tahay mushkilad?
5. Yay u tahay mushkilad? Sidoo kale waxa faa’iido leh in la ogaado daneeyayaasha aan weli
la aqoonsan.
6. Maxaa dhacaya haddaan mushkiladda la xallin?
7. Mar labaad, waa maxay mushkiladdu?

112
Su’aalahani waxay dhalin doonaan macluumaad badan, kuwaas oo aan keliya ka caawinayn fah-
anka kakanaanta mushkilada, balse u fududaynaya sidii mushkiladda loo xallin lahaa.

Helidda mushkiladdu waxay badh ka tahay isku-dayga u horeeya ee halistan.

Marka mushkiladda si dhammaystiran loo helo, kooxda dedaalka iyo masuuliyaddu ka muuqato
ee gacanta ku haysa qorshaynta wadaagga ahi waa inay go’aamiyaan in la isku dayo ama aan la
isku deyin xallinta mushkiladda iyo sida loogu degdegayo. Jawaab u helidda su’aalahan soo socdaa
waxay ka caawin kartaa kooxda qorshaynta wadaagga ah inay go’aankooda ku dhaqaaqaan ama ka
joogaan.

Haddaba, waxad ogaatay inaan isticmaalnay ereyada dedaal iyo masuuliyad si aan kooxdaada u
sharraxno. Kooxaha qaar waxay odhan karaan, “maaha masuuliyaddayada inaanu go’aansano, in-
aanu xallinno mushkiladda ama fursadda raadsanno. Taasi waa hawsha maamulka! Hawshayadu
waa inaanu dejinno sidii wax loo qaban lahaa.” Bal dhinac kalena aynu ka eegno. Haddii mush-
kiladda ama fursaddu aanay ku sar go’nayn miqyaasyada su’aalahan, waxan rumaysanahay inay
tahay masuuliyadda kooxda inay wargeliyaan cidda uga saraysa qorshaynta wadaagga ah ee iyaga
xilsaartay inta aanay hawsha halkaa ka sii wadin

• Sidee bay degdeg u tahay in mushkiladda xal loo helo? Mushkiladdu waa mid degdeg ah
hadday u baahantahay in dhakhso wax looga qabto si dhibaato loo baajiyo.
• Sidee bay muhiim u tahay in mushkiladda xal loo helo? Mushkiladdi waxay muhiim tahay
marka haddii la dayaco ay cawaaqib xumo ku keenayso mustaqbalka ururka ama beesha
• Mushkiladdu ma tahay mid wax laga qaban karo? Mushkiladaha qaar laguma xallin karo
halka ay maanta tiknoolajiyaddu cidaasi haysataa marayso. Ama waxabay u baahan karaan
maal-gelin ka balaadhan inta dawladda hoose iyo beeshu awooddo.
• Mushkiladda xalkeedu ma tahay mid gacanta ugu jirta dawladda hoose iyo beesha? Waxa
mushkiladda sabab u noqon karta wax ka baxsan awoodda sharci iyo saamaynta siyaasadeed
ee dawladda hoose iyo beesha. Ama xalku wuxu ku xidhnaan karaa oggolaanshaha shakh-
siyaad ama ururroo aan dan badan ka lahayn xallinta mushkiladda ama laga yaabo inay dan
ka leeyihiin ka hortagga xalka.
• Xubnaha kooxda ma ka go’an tahay xalinta mushkiladdu? Xallinta mushkiladaha, gaar
ahaan kuwa lagu furdaaminayo qorshaynta wadaagga ah, waxay u baahan karaan wakhti
iyo hanti la geliyo iyo weliba in haliso qofka taabta daraadood loo galo. Haddii xubnaha
kooxda ka qayb gelaysa qorshuhu aanay su’aalahan “haa” kaga jawaabin, way adag tahay in
cid kale oo aan falanqaynteeda ku jirini ay ku dhiirradaan inay xal u heelaan.

113
Sidoo kale, haddii fursadda la siiyey kooxda ku jirta qorshaynta wadaagga ahi ay inuun leedahay
yididiilo lagu guuleysan karo, su’aalahan aynu kor ku soo sheegnay waxay noqon karaan qaar
wax-tar u leh midho-dhalka ujeeddadaas. Marka aynu tan ka hadlayno, waxay su’aalahaagu falan-
qaynta wax u tarayaan marka aad u dhigto inay noqdaan qaar u yaal qaabka mustaqbalka.

Markii u dambaysay ee aynu derisno guddoomiyaha, fududeeyaha iyo shaqaalaha xaafadda, waxay
cabbayeen bun waxanay dejinayeen himilooyin hor leh, iyo baahiyo la xidhiidha qandaraasyada
bulsho ee ay ku wada shaqaynayaan. Waxa kaloo ay ka fikirayeen in xaafadduna kala soo qayb
gasho geeddi-socodka qorshaynta wadaagga ah. Waxaynu ka soo qaadaynaa inay xaafadda si hab-
sami ah ugala xidhiidheen meelaha mushkiladda magaaladu ka jirto. Run ahaanna, xaafadda ay la
xidhiidheen, ee ay ka dhaadhiciyeen inay cid ku soo darsadaan kooxda qorshaynta, waxa ku jira
kuwa hadda uun ka so guuray beeraha iyo qaar kale oo danaynaya inay hore u sii socoto tayada
nololeed ee xaafaddu.

Weliba, waxa kooxda ku jira:


• Wakiilo ka socda maamulka magaaladda, gaar ahaan xubin ka tirsan shaqaalaheeda qor-
shaynta;
• Wadaad ku barbaaray xaafaddan oo ku caan baxay xirfadaha uu u leeyahay heshiisiinta iyo
• Ganacsade ka socda qayb kale oo magaalada ah oo doonaya inuu balaadhiyo shaqadiisa,
sumcad weyna ku leh inuu xil iska saaro arrimaha rayidka.

Kooxdu waxay yeelatay kulankeedii waxana ay u caddeesay waxa ay u malaynayaan waxa mush-
kiladu tahay markii baadhitaan lagu guuleystay oo ku saabsan “helidda mushkiladda” fududeeyaha
kooxdu sameeyey.

Halkaa marka ay marayso, waxay kooxdu bilawday inay samayso qorshe lagu raadinayo macluu-
maad intan ka badan oo dhibaatadda ku saabsan.

Inta arrintanu socoto


Inta ay kooxdu ku hawlan tahay diirad-saaridda, ayaa duqa magaaladduna beesha uga raadsanayaa
taageero aqoon-isweydaarsigeeda soo socda ee ku saabsan qorshaynta istiraatajiyadeed.

Maadaama uu doonayo inuu ka dhigo habka qorshaynta mid daba furan oo aanu xoogga saarayn
shay gaar ah sida horumarinta dhaqaalaha ama daryeelka carruurta, wuxu go’aansaday inaanu qa-
ban wax macluumaad ururin ama baadhis soo koobaysa dooda. Wuxu doonayaa in kuwa abuuraya

114
aragtida mustaqbalka ee magaaladu ay u madax bannaanaadaan dooddooda ku saabsan sida mus-
taqbalku u ekaanayo.

Halkii, duqa, siminaar bixiyaha iyo koox yar oo qorshayneed oo ay ku jiraan xubanah muhiimka ah
ee qaybaha magaalada sida ganacsiga, ururrada caafimaadka, tacliinta, ururrada aan dawliga ahayn,
iyo warshaduhu ay kaga mashquulsanaayeen soo ogaanshaha dhammaan dadka ay khusayso ee
muhiimka ah ee u baahan in lagu daro dooda habka qorshaynta istaraatiijiga ah. Sidoo kale, waxay
falanqaynayeen hadafka iyo ujeeddooyinka siminaarka iyo sida loo samaynayo loona fulinayo si
loogu guulaysto aragtida xilka ballaadahan ee mustaqbalka iyo ujeeddada mustaqbalka fog. Markay
go’aansadeen inaanay isku koobin arrin gaar ah qorshahooda istaraatiijiyadeed, waxay go’aansadeen
inay ku daraan laba wakiil bilowga siminaarka. Ka hore wuxu noqonayey qof mustaqbalka ka hadla
oo jaamacadda magaalada ka socda. Wuxu ka hadlayaa isbeddellada farsamo, bulsho iyo dhaqaale
ee uu rumaysan yahay inay raad ku yeelanayaan mustaqbalka magaalada. Khudbadda labaad waxa
jeedinaya duq ka socda magaalo ku taal gobolka taasoo fulinaysa barnaamijka ajendaha 21aad.
Sida qorshaha istaraatiijiga ah, kooxda qorshayntu way wada shaqeeyeen, waxay xaqiiqsadeen in
in badan oo ka mid ah qalabka baadhista lagaga dooday cutubkan uu faa’iido u yeelan karo fulinta
hawsha qorshaynta istaraatiijiga ah.

Tallaabada Labaad: Macluumaad Ururin


Kooxda qorshayntu waxay haystaan dhowr khiyaar (kala doorasho) markay noqoto ururinta akhbaarta
iyo macluumaadka, iyo fikradaha si ay ugu gargaarsadaan hawlahooda qorshaynta. Dhammaantood
(arimaha la kala dooranayaa) waxay leeyihiin faa’iido iyo khasaare. Tallaabooyinka la kala door-
anayaa waxay yihiin:
1. Xogwaraysi
2. Weydiimo
3. Isku dar xogwareysi iyo weydiimo
4. Falanqayn dokumenti
5. Indho indhayn toos ah
6. Waayo araggnimada iyo garshada kooxda

115
Xogwareysi. Kooxdu waxay fulin karaan xog- Faa’iidada. Xogtu waxay noqon kartaa mid
wareysi qofeed ama wadareed. Waxay noqon badan waxanay bixin kartaa aragti fog oon kuwa
karaan kuwo daba furan oon qaabaysnayn ama kale bixin. Xogwareysigu wuxu daaha ka rogi
ku slaysan su’aalo qorshaysan. karaa macluumaad cususb, gaar ahaan marka si
wanaagsan loo fuliyo. Xogwareysi kooxeedku
wuxu caawinayaa in dadku iska kaashadaan
fikradaha. Sida macluumaadka laga helayo
xogwareysgu muhiim u yahay ayaa xidhiidhka
skhakhsiyaadkuna muhiim u yahay, gaar ahaan
marka la fulinayo habka ka qaybgalka. Wuxu
fidiyaa shabagga ka qaybgalka, aaminaadduu
dhisaa, waxanu kordhiyaa lahaanshaha iyo is-
fahamka dadka ku hawlan.
Khasaaraha. Xogwareysigu wuxu noqon karaa
mid kharash iyo waqti badani ku baxo. Badanaa
way dhib badan tahay in macluumaadka loo
rogo mid la taaban karo. Macluumaadka xog-
wareysiga isbarbardhig laguma samayn karo
ilaa su’aaaha si taxadir leh loo habeeyo.
Weydiimaha. Isticmaalka sahamin iyo wey- Faaiidada. Waa kuwo aan qaali ahayn, dad
diimo badan ayaa xog loogu heli karaa si dhakh- badan baa ka qayb qaadan kara, waxanay sug-
so ah. ayaan kalsoonida haddii si habsami ah loo de-
jiyo oo loo maamulo, taasoo keenaysa jawaabo
daacadnimo leh. Jawaabaha weydiimaha waa
la tirin karaa waxanay muhiim u noqon kara-
an go’aaminta heerka diyaar ahaanshaha iyo
fahamka kuwa la weydiiyey.
Khasaaraha. Heerka jawaaba helitaanku wuxu
noqon karaa mid hooseeya, gaar ahaan qaybo
ka mid ah bulshada, taasoo muujinaysa ra’yiga
kuwa jawaabta bixiyey oo keliya. Wanaagga
jawaabuhu wuxu ku xidhanyahay wanaagga
su’aalaha. Si kale haddii loo yidhaa, su’aaluhu
mararka qaar waxay muujiyaan eexda ay sa-
meeyaan shakhsiyaadka masuulka ka ah sa-
mayntooda.

Iskudarka xogwareysiga iyo weydiimaha. Waxa jira hab kooxdu u isticmaali karto inay isku
daraan xogwareysiga iyo weydiimaha. Waxay noqonaysaa weydiinta su’aalo daba furan muunad
dadka hawsha ku lug leh laga soo qaatay, innagoo xasuusan sida weyn ee aynu u qeexnay dadka ku
lug leh dooddeennii hore. Su’aaluhu waxay noqon karaan kuwo u ballaadhan sida: maxaad u bogtay

116
xagga bulshada ama xagga kooxdeenna qorshaynta uugu bogtay xaafada? Maxaanad u bogin xagga
bulshada? Maxaad isbeddel jeclaan lahayd inaad aragto si bulshadu u hagaagto?

Hadalladii lagu hadlay ayaa markaa loo habaynayaa qaybo jawaabo ah kadibna kuwa ugu cadcad
ayaa loo beddelayaa weydiimo loo adeegsado bulshada dhexdeeda.weydiimahani waxay weydiin
karaan ilaa heerka qofku ku raacsanyahay ama ku diiddanyahay.macluumaadkii waa la isku gaynay-
aa, celceliskoodaa la soo saarayaa, natiijadana waxa lagu celinayaa bulshada. Habkani wuxu noqon
karaa mid faa’iido u leh muujinta aragtida bulshada maadaama uu ku slaaysan yahay aragtiyaha la
wadaago ee deriskooda, uu leeyaay sugnaan, si dhakhso ahna wuxu u abuuri karaa ajende wax lagu
beddelo.

Falanqayn Dokumenti. Marka la raaco waxa Faa’iidada. Waxay noqon kartaa mid jaban oo
kooxdu ay raadinayso, tani waxay noqonaysaa la taaban karo sawir dhab ahna ka bixinaysa is-
hab wanaagsan oo macluumaadka lagu soo uru- beddelka waayaha. Haddii kooxda qorshaynta
riyo. wadaaga ah la faro inay ka fikiraan siyaalo lagu
kordhinayo horumarinta dhaqaalaha ee bul-
Waxay si wanaagsan u shaqaysaa marka ay ji- shada, waxay noqon kartaa mid faa’iido leh in
raan faylal macluumaad oo laga helayo macluu- la derso isbedelka shaqaalaynta ee qaybo kala
maad muddo dheer jiray oo isbarbardhig lagu duwan muddo dheer. Macluumaadkani ma soo
sameeyo. jeedinayo oo keliya isbedelka shaqaalaynta,
waxase lagu sii odorosi karaaa mustaqbalka
heerar kala duwan oo kalsooni leh.
Khasaaraha. Waxay ku xidhantahay xog fayow
oo la heli karo taasoo laga yaabo in la waayo.
Waxa kaloo ay na tustaa waxa dhacay, mase na
tusto waxay u dhacday.

117
Indho indhayn toos ah. Kooxda qorshaha Faa’iidada. Xubnaha kooxdu waxay indho ind-
wadaaga ah, indho indhayn toos ah, ayey ku hayn karaan waxa dhab ahaan dhacaya, maaha
go’aamin karaan waxa dhab ahaan ka dhacaya uun inay ku kalsoonaanayaan waxa dad u shee-
bulshada dhexdeeda. Tusaale ahaan, haddii gay inay dhacayaan. Indho indhaynta dadka
muwaadiniinta meel gaar ah deggani ay ka ca- meel kale ka yimid waxay bixin kartaa aragti ka
banayaan ka ganacsiga mukhaadaraadka, waxa dheer ta ay bixin karaan dadka xaaladda ku dhex
suurogal ah in loo fiirsado xaaladda marka nooli. Muuqaalka kooxda ee bulshada dhexdee-
hore. du wuxu kordhin karaa saxsanaanta talo bixin-
tiisa haddii caqliga iyo ujeeddada ka dambeeya
indha indhayntu ay yihiin kuwo dhab ah.
Khasaaraha. Tani waxay noqon kartaa qaali,
waqti badani ku lumo oo macluumaadka lagu
ururiyo. Joogitaanka kooxda qorshaha ee loo
dhanyahay waxay saamayn kartaa dabeecadaha
la indho indhaynayo, mar kastana waxa jirta
fursadda ah waxa maalin la soo indhoindheeyey
in maalinta dambe isbeddelaan. Dabcan, waxa
jiraysa suuragalnimada cidda wax indhaind-
haynaysa oo dhinac u leexata. Marmar wax-
aynu aragnaa uun waxa aynu doonayno inaynu
aragno.
Waaya aragnimada iyo garashada kooxda. Faa’iidada. Waa mid dhakhso ah oo gaar ah oo
Tani waa ta ugu dhakhsaha badan ee macluu- aan oggolaansho cidna uga baahnayn lagu soo
maad lagu heli karo. Haddii kooxda si taxaddir ururiyo macluumaad. Waxay saldhig u noqon
leh la isugu keenay si ay u muujiyaan aragtiyo kartaa dood iyo taxadir.
kala duwan, waayo shaqo iyo mid nololeed, mid Khasaaraha. Waa mid aan la taaban Karin,
bulsho, saldhigga macluumaadku wuxu noqon dhinac u janjeedha, marmarna ay adagtahay in
karaa mid buuxa oo cad. dadkii kale la wargeliyo iyadoo aanay ka hor
iman jawaabo wax iska caabin ah.,waana mid
dad badani diidi karo.

Isku Ururinta Xogta Iyo Falanqaynta. Wax kasta oo uu yahay dareenkaaga macluumaad uru-
rineed, waxa loo baahan yahay inaad wax ku qabato. Taladayadu waxay tahay in:
o La isku habeeyo. Meel la isugu geeyo, hadday suurogal tahay;
o Loo kala sooco qaybo is leh oo ku salaysan baahidaada xogeed.
o Dhinac la islka dhigo waxaan xidhiidh la lahayn waxa aad isku deyayso inaad gaadho,
amase muggeeduba uu ku wareerin karo;
o La faaqido si loo fahmo waxa ay tahay iyadoo loo eegayo ujeedooyinkaaga; iyo
o In loo isticmaalo g’aan qaadasho iyo kaydin.

118
Tallaabada Saddexaad:Falanqaynta Mushkiladda

Sidii hore loo soo jeediyey, waxa jira u janjeedhsanaan xiliga mushkilad xallinta in la raadiyo ca-
laamadaha iyo mushkiladaha yaryar ee u eg kuwa waaweyn ama in lagu boodo gunaanadka xalka.
Xaaladda hore, calaamadda waa la xallin karaa, laakiin mushkiladdu way sii jiraysaa. Marka xalka
loo arko mushkilad, waxay markiiba meesha ka saaraan dhammaan fursadihihii mushkiladda lagu
xallin lahaa. Waxa ka sii muhiimsan, xalka oo lagu boodaa waxay kaa dhigaysaa inaad ku haw-
shooto mushkilad qaldan ama mushkilad la’aanba.

Falanqayntu waa biriijka u dhexeeya soo ogaanshaha mushkiladda ama fursadda iyo qorshaynta
wax ka qabashadeeda. Mushkilad iyo fursad ogaanshuhu, sida isweydiinta dhammaan su’aalaha
mushkiladda la xidhiidha, waxay bilaabaan falanqaynta mushkiladda. Soo ururinta macluumaad
iyo xog, iyadoo la adeegsanayo mid ama dhammaan farsamooyinka la soo sharxay hadda, waxay
qoto dheerayn karaan fahamkaaga mushkiladda ama fursadda.

Falanqaynta mushkiladdu waxay leedahay saddex tallaabo:


(1) in la qaato macluumaadkii la soo ururiyey tallaabadii u dambaysay oo macno loo yeelo;
(2) mushkiladda oo loo beddelo hadaf; iyo in
(3) la falanqeeyo xoogagga u adeegaya ama ka hor imanaya fulinta hadafka.

Intaan halkaa la sii dhaafin, aan ka hadalno sida dhacdooyinku u kala horreeyaan maadaama ay
noqon karto mid lagu wareero. Dhakafaarkaasi waa mid sababaysn. Waxaynu ognahay markasta
oo aynu u fadhiisnno inaynu wax ka qorno go’aan qaadashada/ xallinta mushkiladda/habka qor-
shaynta, woxogaa waynu ku wareernaa.

Dadka ku takhasusay maamulku- waynu tixraacaynaa maadaama go’aan qaadashada iyo xallinta
mushkiladdu yihiin hawlo maamul- waxay ku doodi karaan in mushkiladda ama fursadda loo bed-
delo hadaf ama ujeeddo cad macluumaad ururrinta ka hor. Marka habkan la raaco, macluumaad
ururintu waxay raacaysaa qoraalka hadafka ama ujeeddada.

Kuma raacsanin kala horumarintooda sababtoo ah waxaynu soo aragnay maamulayaal iyo mushkilad
xalliyayaal badan oo markiiba ku booda gebagebada. Si kale haddii loo dhigo, waxay go’aamiyaan
waxa mushkiladdu u ekaan lahayd haddii la xalliyo intaan mushkiladda si dhab ah loo fahmin.
Taasi waa waxa weedha ujeeddada ama hadafku muujinayso. Sidii aynu ku soo celcelinaynay, shaki
la’aanna waa farriin daalin ah, mushkiladdu sidaad bilowgiiba ku magacowday waxay noqon kartaa
uun calaamad ama xal. Taasi waa sababta aynu ugu doodayno kala horumarinta msuhkilad xallinta-
macluumaad ururinta- macluumaad falanqaynta- iyo, kadibna qoraalka ujeeddada iyo hadafka ka
hor falanqaynta.

Habka Qoraalka Ujeeddooyinka

Qeexitaanka ujeeddooyinka iyo dhigista ereyo cadcad oo si cad u sheegaya waxa aad doonayso
inaad qabato waa hawl kale oo dhib badan marka hawsha la qorshaynayo. Waxay u baahantahay
119
Nooc nooc dhaqan ah oon talaabooyinka kale u baahnayn. Inay tahay hawl adag ka sokow waxay
lagama maarmaan u tahay go’aan qaadashada. Marka kelmada ujeedo loo qeexay siyaabo kala du-
wan, waxaynu jecelnahay inaynu fududayno. Ujeedadu waa sheegidda waxa aad doonayso inaad
qabato.

Halkaa markaan marayno, waxan filan karnaa su’aal u dhawaaqaysa sidan oo kale. “laakiin waa
maxay hadaf?, hadafku, aragtideenna, waa ujeeddoyin qoto dheer. Waa hadallo waaweyn oo ujeed-
do leh, aad u balladhan macne ahaan una eg in lagu sheegi karo kelmado aan aad u koobnayn.
Hadafka waxa soo geli kara dhowr ujeeddo oo caawinaya in la xaqiijiyo. Immika aan ku noqonno
doodeennii ujeedooyinka.

Ujeeddada sida wanaagsan loo qoray ama loo yidhi waa in laga helo inta badan ama dhammaan
sifooyinka soo socda:

• Way cayimantahay. Sida ugu kooban ee suuragalka ah bay u sheegtaa waxa la qabanayo.
• Waxay sheegtaa natiijo, ee hawl ma sheegto.
• Waa inay noqotaa wax qofka, kooxda, ururka ay ka go’antahay in la qabto- haddii kale
faraha ayey ka baxaysaa.
• Waa wax la cabbiri karo. Waa inaynu garan karnaa marka aan gaadhayno oo go’aamin
karnaa kolba sida horumar loo samaynayno xaga gaadhisteeda. Waqti ma u samayn karnaa?
Ma tiring karnaa, ma cabbiri karnaa, ma dhammayn karnaa?
• Waxay leedahay taariikh lagu dhammaynayo. Maqnaanshaha taariikh ujeeddada lagu
dhammaynayo waxay ka dhigantahay inaan la qabanayn.
• Waxa lagu gaadhi karaa waqtiga loo hayo.
• Waa mid gacanteena inta badan ku jirta. Haddaan la kontoroolayn, way adagtahay in la
hubiyo in ujeeddada la xaqiijiyo. Marka la xaqiiqsanyahay in waxyaabo badan oo ujeed-
dada la xidhiidha aan la kontorooli Karin, waa muhiim in la yareeyo faragelinta dibedda ka
imanaysa.
Culayska ugu weyni marka ujeeddada la qorayo waa in loo sheego si aynu ognahay haddii aynu ku
guulaysanayno ama aynaan ku guulaysanayn hawlaheenna qorshayn ama fulineed. Ujeeddooyinka
loo qoray si mugdi ku jiro ama ay ku jiraan dhowr ujeeddo way adagtahay in la fuliyo amaba lama
fulin karo.
Falanqaynta Degaanka Iyo Xoogagga.
Marka aynu go’aansanno meesha aynu u soconno, ujeeddadeena, waxa imanaya waqtigii la falan-
qayn lahaa, degaanka ku xeeran ujeeddadeenna iyo isbeddelada uu ku keenayo. Haddii aad aqoon
u leedahay habka qorshaynta loo dhan yahay, waxa laga yaabaa inaad la kulantay (swot analysis).
Waxa laga yaabaa inaanad maqal (force field analysis). Swot waxay u taagantahay dhinaca xoog-
gan, dhinaca liita, fursadaha iyo halisaha.

120
Xoogga iyo liidashadu waxay ka hadlayaan ururka laftiisa halka fursadda iyo halistuna u taagan
yihiin bii’adda dibedda ee ururka.

Wacyigelintan ururrada darteed, falanqaynta SWOT waxay ku habboon tahay qorshaynta hawsha
ee ku xadaysan arrimaha ururada. Falanqaynta Force field analysis (FFA) waxa si gaar ah loogu tal-
agalay inay eegto arrimaha ka gudba xuduudka ururka. Waxan kuu soo jeedinaynaa inaad barato la-
badan qalab-ba oo go’aansato midka si wanaagsan ugu adeegaya baahida kooxdaada qorshaynta.

Falanqaynta SWOT

SWOT waa hab fudud. Kooxdaadu waxay u baahantahay inay isku ururiso afar liis oo qodobbo ah
oo la xidhiidha fulinta ujeedooyinkaaga la sheegay. Labada u horreeyaa waxay sharraxaan xoogga
iyo liidashada ururka wax fulinaya ee la xidhiidha ujeedooyinka.labada u dambeeyaa waxay aad
u khuseeyaan fursadaha iyo halisaha la socda bii’adda dibedda. Afar-tan qodob waxa badanaa loo
dhigaa sidan soo socota.
(1) waa maxay meelaha ururku ku wanaagsanyahay?
(2) waa maxay meelaha ururku ku liitaa?
(3) maxaa hadda fursado jira ama u eg inay jiraan kuwaasoo ay tahay in laga faa’iidaysto fu
linta ujeedooyinkii aynu soo sheegnay?
(4) waa maxay halisaha ku iman kara fulinta ujeedooyinkeenna?

Falanqaynta Force filed


Force fileld waa ta da’da weyn labada qalab, waxay soo martay tijaabada waqtiga, waxanay keentay
qaab fikradeedkii lagu horumarin lahaa habka SWOT. Waxaynu aad ugu sharxi kuwa aan hore u
arag. Haddaad hore ula kulantay noocan force field, waxad u gudbi kartaa waxyaabaha ka xiisaha
badan.

Kurt Lewin oo ahaa aqoon yahan cilmiga bulsho oo wax badan soo saaray badhtamihii qarnigii
labatanaad, wuxu dejiyey qaar ka mid ah filkradaha go’aan qaadasho iyo mushkilad xallineed. Mid
ka mid ah waxyaabaha ugu cimriga dheer ee uu dejiyey waa waxa uu ugu yeedhay qorfaynta field
force. Lewin wuxu daah furay inaad qaadan karto xaalad kasta oo koox, urur, bulsho ay jeclaan la-
haayeen inay beddelaan oo ogaadaan field force- siyaasadeed, bulsho, urur- kuwaas oo ka hortaagan
ujeedooyinka ay higsanayaan.

Xoogaggani waa laba nooc: xoogag wax dhaqaajinaya oo innagu riixaya xagga ujeeddooyinkeenna,
iyo kuwo dib u jiidaya, waa kuwa caqabada ah. Jaantuska 6, xoogaggani waxa loo soo badhigay fal-

121
laadhaha midig-bidix xooggaga caqabadda ku ah isbeddelka iyo fallaadhaha bidix-midig xoogagga
keenaya isbeddel wanaagsan.

Halka ay ku kulmaan fallaadhahani waa halka is le’ekaanshaha. Islekaanshaha waxa culays ku haya
xooggaga soo caabbiyaya, laakiin waa kuwo isbeddeli kara. Miisaan la’aanta xooggagu( taasoo ah
yaraynta ama baabi’inta fallaadhaha) waxay sababi karaan in miisaanku u leexdo dhinaca hadafka
ama jihada ka soo horjeedda, taasoo tilmaamaysa siibasho.

Xooggagga wax wadaa waa waxa dawladaha hoose, tusaale ahaan, ay ku shaqaynayaan si ay ujeed-
dooyinkooda u gaadhaan. Xooggaga dib wax u jiidayaana waa caqabadaha jidka yaal. Mushkilad
xalliyayaashu waxay u baahan yihiin sida sida miisaanka xoogagga loogu leexiyo xagga la doon-
ayo. Saddex hab ayaa arrintan la xidhiidha.

JAANTUSKA 5: SAWIRK GORFAYNTA FORCE FIELDKA

Xoogagga Xoogagga Xoogagga Xoogagga


wax wada wax dib u jiida wax wada wax dib u jiida

Xaalada Imika Ujeedada

1. Baadhis: soo ogow xoogagga waaweyn ee wax wada ama dib wax u jiida. Marka SWOT
laga hadlayo, kuwani waxay noqonayaan xoogagga iyo liidashada iyo fursadaha iyo hal-
isaha, iyagoo ku xidhan isticmaalkooda.
2. Xakamo Ka Qaadid: beddelida xoogagga quwad kasta gaar ahaanteed, dhan walba.
3. Dib u qeexid: Dib u xakamaynta xaaladda sida Lewis u dhigay iyadoo xoogagga lagu
xailinayo meel cusub oo la doonayo.

Waxa faa’iido leh in la qiimeeyo xidhiidhka ka dhexeeya xoog iyo liidasho kasta. Hal hab waxa
weeye in mid kasta la siiyo qiime ah boqol dhibcood kadibna loo qaybiyo 100 kan dhibcood xoog-
gagga ku xeeran, markaa xoogagooda gaar ahaaneed la qiimeeyo. Waxa jira saddex istaraatiijiya-
dood oo wax lagu beddelo.
1. Ku dar xoogagga wax wada: tani waa ta badanaa ugu hoosaysa, haddii wax lagu sii daro
xoogagga wax wada waxay badanaa keentaa xoogaga ka soo horjeeda oo kordhiya xiisad-
da.

122
2. Ka saar ama yaree xoogagga dib wax u jiida: tanaa badanaa ka wanaagsan oo aan aad loo
dareemin.
3. Ku dar xoogagga wax wada kana saar ama yaree kuwa dib u jiidaya. Tanaa ah istaraatiiji-
yada inta badan la istcimaalo.

Tilmaamo ku saabsan isticmaalka lafagurida awooda goobta (FFA)


Xoogagga oo dhammi maaha kuwo raad lagu yeelan karo ama la beddeli karo. Qaarkood aad bay
u adag yihiin taaso aanay suurogal ahayn in la dhaqaajiyo. Qodobaddani waxay u baahan yihiin in
fiiro loo yeesho markaad dib u eegayso arimahaa:
1. Midkee baan xoogagga wax laga qaban Karin oo aad meesha ka saaraysaa?
2. Kee baa xooggaga si fudud wax looga beddeli karaa?
3. Kuwee baa ugu muhiimsan?

Marka xoogagga la ogaado inay yihiin kuwo muuqda oo la beddeli karo, ka fikir kuwa aad doon-
ayso inaad ku daydo wax ka beddel. Habkan, waxa faa’iido leh inaad isweydiiso su’aalahan.
1. Yaa awood u leh xoogga aad doonayso inaad beddesho?
2. Xooggee baa, haddaad doonayso inaad beddesho, kicin kara xoogagga kale? Tusaale ahaan,
saamaynta hoggaamiye muhiim ah waxay si toos ah u saamaynaysaa dadka raacsan.
3. Waa maxay dhaqaalaha aad u hayso ama aad abuuri karto si aad u keento isbeddelka loo
baahan yahay?
4. Xaggeed ku haysaa xooga u wayn ee saamaynaya xoogaga?
5. Iska caabbi intee le’eg ayaa la fili karaa ,marka aad u xoojinayso ama meesha ka saarayso
xoogagga kale? Sidee looga hortegi karaa?
6. Yaa laga qayb gelinayaa ama la wargelinayaa si loo yareeyo caabbiga isbedelka ama taag-
eero loogu helo isbeddelka?

Gorfaynaha loo yaqaano Force field iyo SWOT-ku waxay kuu diyaarinaysaa inaad fuliso tallaabada
xigta ee habka qorshaynta loo dhan yahay (waa Qorshe hawleedkii), sababtoo ah waxay soo jeed-
isaa siyaalo kala duwan oo loo gaadho ujeeddooyinkaaga. Waa waqtigii la hubin lahaa kooxdeenna
mala awaalka ah ee qorshaynta loo dhan yahay si loo eego horumarkooda wejigan falanqaynta ee
habkan.

Kooxda qorshaha dhawi waxay go’aansadeen inay isticmaalaan dhowr hab si ay xog uga soo uru-
riyaan degaammada qoysaska reermiyigu deggan yihiin. Xubnaha kooxdu waxay xog wareysi la
yeesheen dad badan oo muwaadiniin ah oo ay kamid yihiin kuwa bulshada la soo noolaa muddo
dheer iyo sidoo kale kuwa dhowaan soo degay. Waxa kale oo ay kala hadleen ganacsatada, masaa-
jiddada iyo hoggaamiayayaasha bulshada xaaladda degaanka. Waraysiyadaa gaar ahaaneed ka so-
kow, kooxda qorshayntu waxay qabteen saddex dood kooxeed. Midi wuxu ku saabsanaa uun dadka

123
dhowaan soo degay, mid kale wuxu ku saabsanaa dadka bulshada ku dhex noolaa in ka badan shan
iyo toban sano, kooxda ugu dambaysaana, waxay ahaayeen labada hore oo isku jira.

Tira yaraanta dadka muwaadiniinta ah ee xaafada ku nool darteed, kooxdu waxay go’aansatay
inaanay adeegsan weydiimo. Xubno ka mid ah kooxda qorshaynta oo ku nool xaafada waxay
go’aansadeen inay aad u indho indheeyaan waxa ka dhacaya meesha oo ay ka soo warbixiyaan
waxay soo arkeen. Siminaar bixiyuhu wuxu wayo-aragnimo u lahaa habka cilmibaadhista ee kor-
meerka ka qayb galayaasha waxanu awoodayey inuu ka caawiyo ogaanshaha hawlo gaar ah si loo
indho indheeyo muddadii lagu sugnaa xaafada.

Ugu dambayn, sarkaalkii qorshayntu wuxu sheegay inuu eegayo dokumentigii magaalada iyo di-
iwaanno kale si uu u go’aamiyo in magaalada ay soo mareen dad kale oo jinsiyado kale ahi. Wuxu
sidoo kale eegay qiimaynta hantida, helitaanka adeegyada guud ee dhinacyada kala duwan ee xaaf-
ada iyo heerka shaqo helista ee dadka degaanka. Sida aan arki karno, kooxda qorshayntu waxay
ahaayeen kuwo maskax furan u leh wax ka barashada mushkiladaha intaanay gudo gelin talo siinta
duqa iyo dadka kale ee ay khusayso.

Hal Lafagurid Ah Oo Gabogaba Ah.

Dhalinta tallaabooyin la kala doorto, marka kooxda ka qaybqaadashadu ay xog badan hayso, waxay
noqon kartaa dabin. Isku dayga helitaanka dhammaan siyaabaha kala duwan ee mushkilad loo xal-
liyo waxay noqon kartaa mid xiiso leh. Waxa kaloo ay kooxdaada siin kartaa marmarsiiyo go’aan
qaadasho la’aan ah. “Weli maannu wada eegin tallaabooyinkii oo dhan” arrintu waa in loo furo
albaab fikradaha cususb iyo siyaalo cusub oo wax loo qabto iyadoon lagu wareerin. Ka fogow inta
ugu wanaagsani noqoto cadowga ta wanaagsan.

Herbert Simon, oo aad wax uga qoray go’aan qaadashada bulshadu wuxu arrintan u bixiyey xalka
isqancinta. Sida Simon sheegayo, suurogal maaha in:
• La ogaado dhammaan tallaabooyinka la heli karo xaalad kasta oo adag;
• La sii odoroso raad-reebka si sax ah, inkastoo ay tahay inaynu isku dayno inaynu sii aragno
raadreebka go’aannadeenna ilaa xad; iyo in,
• Qiimo loo yeelo dhacdooyin aan weli dhicinSimon.

Innagoo haysanna xaqiiqadan, go’aan qaadashada oo dhammi waa mid aan dhammaystirnayn oo
ay xaddidayso caqligalnimadu. Marka arrintaa la sheego, lana aqoonsado baahida loo qabo go’aan
qaadashada isqancinta ah, waa muhiim in la iska caabbiyo cadaadisyada inta badan innagu qasbaya
inaynu qaadno xalka ugu horreeya ee mushkiladda ee suurogalka ah. Xal cusub oo loo eego mush-
kiladihii hore ayaa ah sida mustaqbalka looga faa’iidaysto ee loo curiyo.

Qodobbo muhiim ah
• Sifooyinka qeexaya xaqiiqa raadinta iyo falanqayntu waxay ku xidhnaanayaan haddii qor-
shaha la fulinayaa yahay mid waqtiga fog ah ama mid waqtiga dhow ah.
• Qorshaha istaraatiijiyadeed waa mid waqti dheer ah, laakiin dhererka muddadu wuu kala
124
duwanaan karaa isagoo ku xidhan duruufaha. Muddada qorshe hawleedku waa mid deg deg
ah.
• Qorshaha waqtiga fogi waa mid caalami ah oon cayimayn tallaabooyinka uu ku talo bixi-
nayo Qorshe hawleedku waa mid xadidan oo sharaxaya tafaasiishii la fulinayay.
• Xaqiiqa raadinta iyo falanqaynta waxa soo gelaya helitaanka mushkiladda, xog ururinta,
ujeeddadii oo la qoro, iyo go’aanminta xoogagga caawinaya ama ishortaagaya gaadhista
ujeedooyinkan.
• Mushkilad raadinta kuma jiraan oo keliya qeexitaanka mushkiladda ama fursadda balse
waxa soo gelaya go’aaminta in mushkiladdu tahay mid la xallin karo ama fursaddu tahay
mid la gaadhi karo.
• Hababka macluumaad urrinta waxa ka mid aha xogwareysi, su’aalo weydiin, dokumenti
falanqayn, indho indhayn toos ah, iyo waaya aragnimada iyo garashada kooxda.
• Qoraalka ujeedooyinku waa inay raacaan habka qeexada ee Smart oo ah in uu arinku yahay
mid xadidan, la qiyaasi karo, la heli karo, haboonyahay, xili go’an leeyahay.
• Laba qalab oo wax lagu falanqeeyo oo u qalma in la barto lana adeegsado waxay yihiin
SWOT iyo Force Field.

Raad Raac

1. Simon Herbert. “Administrative Behavior” (New York: The macmilan Company, 1957), p.
179.

125
8

Cutubka
Wajiga V

Qorshayntu waa
jid Hawleed

Qorshayntu waa dajinta mustaqbalkii la rabay iyo


jidadkiikii wax ku oolka ahaa ee lagu gaadhayay.

-Russel Ackoff

Talaabada 1aad: Koobida waxyaalihii la kala dooranayay ……………………………....130


Talaabada 2aad: Hubin iyo lahaansho………………………………………………….....131
Talaabada 3aad: Qeexida qorshihii ……………………………………………………....131
Talaabada 4aad: Natiijooyinka oo laga fikiro………………………………………….....132
Talaabada 5aad: Qorshe loo samaysto wixii kadis ah ………………………………........133
Talaabada 6aad: Isku xigxigsiinta dhacdooyinka qorshaysan ……………………………134
Qodobo Muhiim ah……………………………………………………………..…………........135

127
Wajigii xaqiiqa raadinta iyo gorfaynta waxa aynu xooga saarnay in la helo dhibaatooyinkii iyo fur-
sadihii, xog ururin, fikrado iyo macluumaad, iyo soobandhigid farsamooyin baadhitaan. Waxa kale
oo aanu xooga saarnay in la qoro ujeedooyinkii si ay u muujiyaan sida dhibaatooyinku u eekaanay-
aan hadii la xaliyo ama mustaqbalka (xaalada) fursadaha hadii la hubiyo iyo sida loo gorfaynayo
awoodaha saamaynaya fulinta ujeedooyinka. Gorfaynta (SWOT)ka iyo layliyada awoodaha goobta
ka jira marka lagu daro geedi socodka qorshaynta, ee loo qabto si laga fiirsaday, waxa la heleyaa
asaaskii qorsha hawleedka.

Qorshe hawleedka ama wajiga go’aan qaadashada ee geedi socodka qorshaynta ka qaybqaadashadu
waxa uu ka koobanyahay lix talaabo oo dhammaan loo dajiyay si ay uuga dhigaan ujeedooyinka
kooxda qaar noqda talooyin suurtagal ah iyo hawlo la qaban karo.

Talaabada 1aad: kol hadii aad hayso fikrada fiican oo aad u badan oo fulin dhab ah u baahan waxa
aad u baahan tahay in aad soo koobto ujeedooyinka iyo waxyaalaha la kala dooranayo ee aad qor-
shaynayso soo jeedintooda. Marka aad taa yeesho, ku soo ururi arimahaa weedh istaraatiijiyadeed
oo kaliya oo guud oo tusaysa waxa qorshahaagu xaqiijinayo marka la fuliyo.

Talaabada 2aad: La yeelo wada hadal aan rasmi ahayn daneeyayaasha muhiimka ah ee aan ka mid
ahayn kooxdaada qorshaynta kuna dar tilmaamahoodu weedha istaraatiijiyadeed hadii tilmaama-
hoodu xidhiidh la leeyihiin. Markan fursad ayaad haysataa, aad ku qaadato war celintii u danbaysay
ee talooyinkaaga ku saabsanayd, una dhisi lahayd taageeradii abaabulada aad soo jeedisay.

Talaabada 3aad: Diyaari qorshe hawleed tafatiran oo ah wadnaha wajigan qorshaynta ka qaybqaa-
dashada.

Talaabada 4aad: Ka fikir natiijooyinka la filayo ee ka dhalan kara hawlaha aad soo jeedisay.

Talaabada 5aad: Baadh baahida loo qabo iyo arimaha la kala dooran karo ee ku saabsan, qorshe
hawleed loo dajisto wixii kadisa ee dhici kara.

Talaabada 6aad: Eeg sida ay isugu xig-xigaan una socdaan hawlaha looga baahanyahay ujeedooy-
inkaaga fulintoodii.

Inta aan hore loo socon, waxa wax ina taraya in aynu soocno waxa aynu uuga jeedno in qorshayntu
tahay jid hawleed, maxaa yeelay waxa ay la xidhiidhaan geedi socodyadii qorshaynta ka qaybqaa-
dashada ee aynu ka hadalnay. Waxa kale oo aynu rabnaa in aynu geedi socodka qorshaynta is hord-
higno oo eegno mar kale. Qorshayntu inta badan waa maarayn iyo geedi socod go’aan qaadasho,
sidii aynu ku sharaxaynay. Taasina waxa ay meesha ka saaraysaa khuraafaadkii ahaa in qorshayntu
ay si u tahay geedi socod hadaad doonto aad dooran karto, ama dibada ka ah masuuliyaadka go’aan
qaadashada iyo dhibaato xalinta ee gudida siyaasadeed iyo maamul ee hayada. Qaybtan qorshayntu
waxa ay danaynaysaa sidii go’aano looga gaadhi lahaa sida loo fulinayo kala doorashooyinka u
fiican, sida natiijooyinka loo xaqiijinayo iyo sida arimaha loo qabanayo.

128
Qorshayntu waa jid hawleed maaha mid ku xidhiidhsan qorshe hawleedkii oo qudha. Waxa kale
oo uu noqon karaa talaabo dhammays tiraysa qorshihii istaraatiijiyadeed. Waxa halkaa ka dhalan
kara wareer, markaa aynu isku dayno in hawada aynu sifayno inta aynaan socodka wadin. Waxa
jira waxoogaa u dhexeeya sida aynu u qabanayno marxaladan geedi socodka qorshaynta ka qay-
bqaadashada ee la xidhiidha qorshaha istaraatiijiyadeed iyo wixii aynu ku magacaabnay qorshe
hawleedka. Inkasta oo qorshayaasha istaraatiijiyadeed ay yeelan karaan qorsho hawleedyo ku
xidhiidhsan, hadana ma aha qaar dagdag usoo noqnoqda sida qorshe hawleedka. Qorshe hawleed-
ku, ugu horaynba, waxa keenay baahi si loo qabto hawl la taaban karo oo leh tilmaamo, talaabo
talaabo ah, una jeeda in wax laga qabto dhibaatooyin ama fursado aad dhakhso u ah. Qorshaha
istaraatiijiyadeedna waxa haga himilooyin eegaya mustaqbalka. Himilooyinkaasina waxa ay no-
qonayaan oo inta badan taageeraya istaraatiijiyado guda gal hawleed oo ballaadhan oo qeexan.
Waxana lagu magacaabi karaa qorshayaal hawleed.

Inkasta oo buugan loo qoray ina uu dhiiriyo labadaa aragtiyood ee qorsheed iyo dadaaladooda, ha-
dana waxa hawshani ka bilaabantay, sidii loogu adeegi lahaa saraakiisha d/hoose, xubnaha ururada
bulshada, iyo muwaadiniinta ka qulubsan dhacdooyinka imika ka taagan bulshooyinkooda ee raba
qalabyo ka caawiya si ay si taya badan u wada shaqeeyaan. Ujeedadii bilowga ahayd waxa ay ahayd
in la soo saaro fikrado iyo qalabyo caawiya d/hoose iyo hoggaamada bulshada si ay si tayo badan u
wada shaqeeyaan dhinaca qorshayntii hawlaha deegaanka.

Qorshe hawleedyadu waxa ay xoog battaan marka ay la jaanqaadaan kana mid no-
me
qdaan asaaska dhiska qorshe istaraatiijiyadeed oo mudo dheer. Waxa dhamaanteen Tilmaa
r
ina soo maray khibrado aynu galay go’aamo xili gaaban ah oo noqday burbur xiliga Safa
fog ah. Hadii qorshayasha istaraatiijiyadeed ay yihiin khariidado fikradeed oo mus-
taqbalka ah, qorshe hawleedyadu waxa weeye jidadkii inoo gaynayay mustaqbalkaa, si la hubo oo
dhammays tiran.

Imika waa xiligii aynu eegi lahayn kooxda qorshe hawleedka ee xaafada si aynu u aragno sida ay
uula jaanqaadeen marxaladan geedi socodka.

Kooxdii qorshaynta ka qaybqaadashadu shaqo adag ayay qabanayeen iyaga oo dadka waraysanaya,
baadhaya dhokomantiyada, shirar u qabanaya bulshada, isla markaa xog buuxda hawlahooda iyo
wixii u qabsooma ka siinaya maayarka iyo shaqaalihiisa. Sida lagu yaqaan inta badan ee dadaalada
qorshaha ee noocan ah, kooxdu waxa ay helaysay fikrado badan iyo talooyin ku saabsan wixii
magaalada, muwaadiniinta iyo ururada rayidka ihi ay qaban lahaayeen si loo damiyo xiisadaha
xaafada looguna hawgalo xalal waara. Xubnihii kooxda ayaa iyana gudahooda xiisadii soo martay
markii ay bilaabeen ina ay diirada saaraan talaabooyinkii lagu taliyay, waxa se u suurta galay ina ay
ka gudbaan dhibaatada iyaga oo uu caawiyay fududeeyihii.

Xidhiidhkii kooxda iyo xaafada ayaa kacsanaa ugu horrayntii iyada oo waxoogaa shaki ihi labada
dhinac ee murmayay kaga jiray “Ajandaha dhabta ah” ee kooxdu leedahay. Kooxdii waxa u suurta
gashay ina ay xiisada inteedii badnayd kaga qaalib noqdaan furfurni iyo iyaga oo danaynayay inta

129
badan ina ay ka qayb galiyaan xubnaha bulshada talooyinkii la rogrogayay mar kastana xogta iyo
arin halka uu marayo la socodsiiyaan. Sida uu tilmaamay xubin kooxda ka mid ihi “Tababarkii
aanu ku qaadanay xiligii hawlgalintii, oo aan markaa is lahaa waa wax lala yara yaabo, ayaa siyaalo
badan u noqday mid faaiido leh”. Hadii erey lagu sheegi lahaa si loo qeexo xidhiidhka ka dhexeeya
kooxda qorshaha iyo bulshada, waxa weeye Aaminaad – Aaminaad oo u socota kana imanaysa
labada dhinacba.

Marka halkan la joogo, kooxdu xagii shaqadooda waxa ay diirada saareen arimaha muhiimka ah,
iyaga oo go’aaminaya talooyinka ay u gudbinayaan maayarka, golaha deegaanka iyo shaqaalaha
d/hoose, iyo bulshada, gaar ahaan daneeyayaasha xaafadaa helista ku jirta waxa ay xaqiiqsadeen
in waxoogaa weedho ah oo cad oo sheegaya hawlo si guul leh loo fulin karo ay in badan ka qiimo
badan yihiin dhokomenti ballaadhan oo laga yaabo ina uu wax yar oo walba sheego hase yeeshee
wax waxqabasho ihi aanay ka dhalan. Waxa kale oo xubnaha kooxdu ay xaqiiqsadeen in aanay
cidina rabin in talooyinkoodu kadis ku noqdaan, haba uugu horreeyaan ciddaa maayarka iyo dadka
xaafada dagani eh. Marka taa la sheegay, kooxdii waxa ay si dhab ah u qaateen hawlaha ah in
talooyinkoodo wax gaar ku ahaadaan noqdaana qaar waaqici ah (dhab ah), xidhiidh furfuran la
yeeshaan daneenayaasha waawayn.

Maayarku waxa kale oo uu ahaa mid xiligan mashquulsan, isaga oo xaqiiqsaday in rabitaankii
bulshada uu haysto oo ayna daba joogaan xaga abaabulka barnaamijkii Agenda 21. inta badan
hoggaamiyayaasha bulshada ee ka qaybqaatay aqoon iswaydaarsigii qorshaha istaraatiijiyadeed ee
labada cisho waxa ay qaateen

eray himiladooda ah oo xooga saaraya ahmiyada horumar waara maayarka iyo shaqaalihiisu waxa
ay diyaarinayeen talooyin loo gudbinayay golaha deegaanka si uu u eego, oo ay ka mid ahayd in
si rasmi ah loo qaato mabaadiidii Agenda 21 iyo in la sameeyo gudi wax la talisa, si ay u caawiso
fulinta qorshaha hawlaha barnaamijka mustaqbalka ee ajanadaha 21. gudidu waxa ay ka koobnaan
doontaa xubno shaqaalaha d/hoose ah oo xirfadlay ah oo muhiim ah, qolooyin matalaya mulkiilay-
aasha gaarka ah iyo ururada aan duwaliga ahayn, kooxo xaafada ah iyo muwaadiniin.

Ka fikir khibrad aad u lahayd go’aano aad gaadhay si cidi u fuliso ama go’aano aad fulisay
oo ay cidi gaadhay. Waa maxay talaabooyinka ay ahayd in la qaado si khibradahaa go’aan
qaadashadu, labaduba, ay u noqon lahaayeen qaar tayo badan.

………………………………………………………………………………………………………
………………………………………………………………………………………………………
………………………………………………………………………………………………………

Talaabada Koowaad: Koobida Waxyaalihii La Kala Dooranayay.


Iyada oo inta badan dadaalada qorshaynta ka qaybqaadashada sida kan aynu raacaynay, ay ka dha-
shaan waxyaala badan oo la kala dooran karo si loo eego loogana fikiro, xiligani waa markii loo

130
baahnaa nidaam iyo ka fiirsasho ma aha fikrad xun in mid kasta oo ka mid ah arimahaa la kala door-
anayo ee aad eegayso la mariyo mar kale jidkii gorfaynta awoodaha goobta yaala.

Wajigii IVaad waxa aynu ku sharaxnay dhawr qaaciidooyin oo loo baahanyahay in la eego marka la
gaadhayo go’aan ku saabsan dhibaato ama fursad. Waxa ka mid ahaa: dagdaga arinka, ahmiyadiisa,
suurta galkiisa, in loo nidar galayo, iyo xakamaynta khayraadka. Waxa aad halkan soo socota ku
arki su’aalo dheeraad ah oo loo baahanyahay in laga jawaabo marka la gudbinayo talooyin qayb ka
ah qorshe hawleedka.
• Hawsha lagu talinayaa ma taageeraysaa ujeedooyinkii la xaqiijinayay?
• Hawsha lagu taliyay ma tahay waaqici (dhab) iyo wax fulinteedu suurta gal yahay?
• Khayraadkii loo baahnaa in lagu fuliyo hawshu ma yaalaan ama ma yihiin qaar lagu heli
karo waqti macquul ah gudihii?
• Hawsha lagu taliyay ma ku filan tahay ina ay xaqiijiso ujeedadaa la sheegay ama ma taag-
eeraysaa xaqiijinteda marka hawlo kale la raaciyo?
• Daneeyayaashii muhiimka ahaa ma ku nidargaleen ina ay taageeraan hawsha
gii
una hawgalaan sidii ay u fuli lahayd? Xili iga
cs
• Hadii hawlaha lagu taliyay ay u baahanyihiin dadaal socda oo ka yimaad cid mili
daneeyayaasha ka mid ah, dadaalkaasi ma yahay mid soconaya?
• Hawlaha la soo jeediyay ma yihiin qaar u babac dhigaya baadhitaanada ku saabsan fur-
furnida iyo la xisaabtanka?
• Kooxda iyo qayrkoodba ma karaan ina ay qiimeeyaan saamaynta hawlaha la soo jeediyay?

Talaabada Labaad: Hubin iyo Lahaansho

Inta aan arimaha la kala dooranayo ee u danbeeya aan la galin qorshe hawleed, waxa muhiim ah in
la wargaliyio daneeyayaashii waawaynaa mar kale loona sheego arinka la eegayo ee la qaatay. Sidii
aynu sheegnay, cidina ma rabto wax kadis ah, gaar ahaan saraakiisha la soo doortay iyo madaxda
bulshda. Waxana weeye fursad lagu heli karo war celin iyo xog qaadasho dheeraad ah lana kordhi-
nayo in d/hoose iyo muwaadiniintii muujiyaan lahaanshihii mashruuca iyo hawlaha la qorsheeyay
una nidar galaan.

Talaabada Sadexaad: Qeexida Qorshaha

Qorshe hawleedku waxa weeyi farshaxanka lagu talinayo hawlo helaya taageero lana fulinayo.
Dhinaca talaabadan Qorshe hawleed, mabda’a u muhiimsani waxa weeye wixii oo la xadido. Hawl
kasta oo lagu taliyo qorshuhu waa in uu sharaxaa arimahan oo qeexan:
• Waa maxay talaabooyinka loo baahanyahay si loo fuliyo hawsha la soo jeediyay?
• Waa ayo cida masuuliyada asaasiga ah qaadaysaa hawl kasta? Waa in ay jirtaa cid ka masuul
ihi.
• Waa ayo cida kale ee ay tahay in hawsha lagu soo daraa? Intii ay socdeen shirarkii qor-
shaynta ka qaybqaadashadu waxa la sameeyay xidhiidho iyo ka qaybgalin daneeyayaasha
muhiimka ah. Ka qaybqaadashadooda waxa laga yaabaa in loo baahanyahay ina ay socoto.
Hawlo badan ayaa u baahan iskaashi inkasta oo qof urur kale ihi laga yaabo inuu masuul ka

131
yahay. Waa ayo cida kale ee muhiimka ihi?
• Maxaa khayraad ah ee loo baahanyahay si loo fuliyo hawl kasta? Waxa soo galaya dadkii,
alaabtii, lacag, qalab, iyo xirfadihii.
• Goorma ayay hawl kastaa dhammaanaysaa? Tani ma sheegaysa oo qudha inta waqti loo
baahanyahay waxa se kale oo ay sheegaysaa taariikh macquul ah (dhab ah) oo hawshu ku
dhammaanayso.
• Sidee ayaad ku garanaysaa in horumar la sameeyay xaga qabashada hawl kasta? Sidee ayaad
ku garanaysaa in hawlaha la soo jeediyay ay ka qaybqaadanayaan xaqiijinta natiijooyinkii la
rabay?
• Sidee loo qiimayn karaa hawlaha lagu taliyay saamayntooda u danbaysa iyo ta imikaba?

Talaabada Afraad: Natiijooyinka Oo Laga Fikiro


Iyada oo baahida loo qabo in laga fikiro cawaaqibta hawlgalka la soo jeediyo lagu soo qaaday talaa-
booyinkii hore, iyada oo si dadban ah, imika marka aynu goobtan soo gaadhno waxa ay noqonay-
saa hawltoos ah. Cawaaqibta la fili karo ee hawlgalada aad soo jeedisaa qaabab badan ayay yeelan
karaan. Waxa aad halkan ku arki hal tusaale oo tusaya cawaaqibta la fili karo, taasi oo aan xidhiidh
la lahayn wanaaga hawlgalka aad soo jeedisay ee kuligeed la xidhiidha qaab caqliyeedka nafsiyeed
ee kuwa aad qorshaysay in aad ku taliso inay noqdaan fuliyayaashii hawsha.

Markii aad hayb soocday laba urur oo aad u malaynayso ina ay waajib tahay in ay xil qaadaan fu-
linta wajiyo ka mid ah mashruuca ama barnaamijka, ayaa qof ka mid ah kooxdaada qorshaynta ayaa
tilmaamay in labadaa urur gaar ahaan leeyihiin sumcad ah in ayna labadoodu is kaashan. Markan
oo aad diyaarinayso Qorshe hawleedkaagii, waxa aad u baahantahay ina aad eegto waxyaalo la kala
doorto oo yareeya cawaaqib xumo ka timaada ka qayb galinta labadaa hayadood. Tusaale ahaan, ma
waxa aad ku talin lahayd in mid labadaa ka mid ah lagu soo daro fulinta iyada oo la eegayo taariikh-
doodii hore ee wada shaqayn la’aaneed? Ma waxa aad badali talaabooyinka hawlgalka ee aad soo
jeedisay si aad labadoodaba uuga qayb galiso hase yeeshee aad u dhigto qaab aad ku yarayso isku
dhac la fili karo oo ka dhex aloosan? Mise, waxa aad ku talin siyaalo aad ku caawiso iyaga si aad
u hesho is faham cusub iyo xirfado u suurtagaliya ina ay wada shaqeeyaan? Waxyaalahaa la kala
dooranayaa waxa iyana ay u baahanyihiin qiimayn la eegayo cawaaqibtooda la fili karo.

Cawaaqibtu siyaalo badan ayay ku yimaadaan, muuqaalo ahaan ama qiyaas ahaanba. Qaar faaiido
ayay leeyihiin, qaar kale mudaro ayay leeyihiin. Qaar way qorshaysan yihiin, qaar malaha qorshe.
Cawaaqibta qaar waa caalami, qaar waa deegaan hoose. Halkan waxa aad ku arki waxoogaa ay
tahay in aad maskaxda ku hayso inta qorshe hawleedka la isku duba ridayo.
• Waa maxay cawaaqibta sharciga dalka ka baxsan ee dhaqaale, bulsho, siyaasadeed, deegaa-
need, ama dhaqan ee ka iman kara fulinta qorshe hawleedkaa la soo jeediyay? Kuwani waxa
weeye kuwa ku baahi kara kana gudbi kara xuduudaha bulshada raadayna kara dadka kale.
• Waa maxay cawaaqibta xiliga dhaw iyo cawaaqibta xiliga fog ee ka iman kara fulinta qor-
shahaaga? Cawaaqibta xiliga fog ee fiicani ma ka qaaliban yihiin dhibaatooyinka xiliyadan

132
dhaw ka iman kara? Ama waxyaalaha fiican ee laga macaashayo xiliyada dhawi ma ka qaa-
liban yihiin xiliga fog dhibaatooyinka qorshaha ka iman kara?
• Waa maxay cawaaqibta ka imanaysa hayadahan lagu taliyay in ay noqdaan hayadihii fu-
linayay? Ma aad ayaa culays loo saaray markii loo dhiibay masuuliyaadkan cusub? Ma
heleyaan fursad ay ku bartaan sidii ay uula shaqayn lahaayeen si tayo badan dadka kale kol
haday arinkii ka qaybqaadanayaan?
• Waa maxay mudada fog dhaqaale ahaan iyo khayraad kale ahaan waxa ay ku kacayso daw-
lada hoose iyo bulshada hadii talooyinkaa la fuliyo?
• Waa maxay cawaaqibta wada shaqaynta ururada rayidka, d/hoose ioy muwaadiniintii si ay u
fuliyaan qorshayaashan la soo jeediyay? Ma waxa kordhay xiisadii mise waxa soo kordhay
dareen iskaashi oo imika aan bulshada ka jirin?
Cawaaqibta qaar lama saadaalin karo. Qaar kale mustaqbal ahaan jiraalkooda looma qorshayn karo.
Hadana waxa muhiim ah in aa nafahiina dhigtaan mustaqbalka dhaw si aad u eegtaan waxa aa
dhaqaajinaysaan. Halista diyaarinta qorshe hawleedku waxa weeye ka fikirida sida hawl fuliyay-
aashu ay u xaqiijinayaan natiijooyinkii la qorsheeyay ee la rabay iyaga oo isla markaa ka qaalib
noqonaya cawaaqibta aan la qorshayn ama aan la filayn. Qorshe hawleed kastaa marka la fuliyo
waxa uu leeyahay cawaaqib. Waxana fiican in waqtiga uugu horeeya ee suurta gal ah la aqoonsada
waxa ka dhalan kara.

Talaabada Shanaad: Qorshe Loo Samaysto Wixii Kadis Ku Iman Karo


(Qorshe Kadiseed).

Qof kasta oo ka qaybqaatay qorshaynta shaqooyin murugsan ama qabtay hawlo ay ku jiraan arin
halis keeni karaa oo fiirsasho u baahani waa uu maqlay in loo baahan yahay qorshe arimaha kadis
ka ah. Duuliyayasha dayaaraduhu waxa ay diyaarsadeen qorshayaal arimaha kadiska ah iyaga oo
ka duulayay filasho ah in aanay sida uu sheegayo jadwalkii loogu talagalay aanay fadhiisan karayn
madaar fog. Waxa loo dajiyay qorshayaasha xaaladaha kadiska ah inta badan si ay uuga jawaabaan
su’aasha ah “Maxaa aynu yeelaynaa hadii arimuhu sidii qorshuhu ahaa u shaqayn waayaan? Waxa
ay jawaab u yihiin su’aalaha ah “Maxaa la yeelayaa hadii…” kuwaasi oo aynu u baahanay ina aynu
nafaheena waydiino mar kasta oo aynu qorshe hawleed dhigayno si aynu u fulino talaabada afraad,
ee halkaa sare lagu qeexay waxa loo dajiyay si loola tacaalo in badan oo su’aalaha noocoodu yahay
“Maxaa dhacaya hadii …” ah, iyada oo la eegayo cawaaqibta kala duwan ee ka iman karta fulinta
hawlahaa la soo jeediyay. Hase yeeshee geedi socodka qorshaynta ka qaybqaadashada ee ku saa-
bsan abaabul bulsheed cusub oo laga yaabo in aan hore loo fulin, waxa fiican in la yeesho oo laga
fikiro waji ka hortag ah oo ku saabsan: qorshe xaaldaha kadiska ah loo dajisto. Wajigan waxa soo
galaya goobtii oo tijaabooyin lagu sameeyo, mashaariic tijaabo ah iyo qaababka kale ee tijaabada,
baadhitaano iyo dib u qorshayno suurtagal ah, wajiyadaa ku meel gaadhka ah ee fulintii la xidhiid-
haa waxa ay fursad kuu siinayaan:
• In aad eegto in qorshayaashaada aad soo jeedisay iyo istaraatiijiyooyinkaagu yihiin qaar
dhab ah oo guulaysan kara (socon kara).
• In aad baadho in ciddii lagu fulinayay barnaamijkan cusubi ogoshahay una nidar galayso.
• In aad war celin ka hesho hawlaha aad soo jeedisay, iyo

133
• In aad wax toos-toosiso oo aad u diyaar garawdo fulin dhammays tiran.

Baadhitaanka noocan ihi iyo dib u qaabaynta laga yaabo ina ay timaado waxa ay ka caawinaysaa
koox qorsheedkaagii iyo ciddii masuulka ka ahayd fulintii in ay saxaan dhibaatooyinka aan muuqan
inta aan qorshaha si dhammays tiran loo fulin.

Talaabada Lixaad: Isku xigxigsiinta


Dhacdooyinka Qorshaysan

Marxalada u danbaysa qorshe hawleedku waxa weeye isku xigxigsiinta hawlaha kala duwan ama
maxaa u baahan in la qabto sidee se loo nidaaminayaa. Hawlaha qorshaysani ma ay dhalan iyagoo
siman waqti isku mid ah may dhalan.

Hal qalab oo wax ka taraya sidii uu inooga jiri lahaa khaladaadka xaga jadwalka marka hawluhu
bilaabmaan waxa weeye shaxda Gantt, waxa weeye shax dhib yar oo tiirar jiifjiifa leh oo qaab
layman is dhaaf dhaafsan ah u soo bandhigaysa xidhiidhka xiliyeed ee ka dhexeeya talaabooyinka
fulinta ee kala duwan. Qaybaha shaxda Gantt waxa ka mid ah weedhihii hawlaha tusayay xiligii
hawl kastaa ay bilaabmaysay aanay dhammaanaysay, iyo xidhiidhkooda ka dhexeeya xaga sida ay
iskugu xigxigaan

Qalab kale oo si tayo badan u caawinaya kuwa maaraynaya xidhiidhyada shaqada iyo hawluhu
waxa weeye habka jidka halista ah (CPM). Waxa uugu muhiimsan ee habkani sharaxayaa waxa
weeye waxa la qabanayo xili kasta iyo goobta uu ka bilaabmayo si loo hubiyo in talaabooyinka kale
ee silsilada hawlaha loo qabto xiligii la qorsheeyay. Inta badan dadka gacanta ku haya qorshaynta
ka qaybqaadashadu waxa ay wax ka bilaabaan taariikhda uu mashruucu dhammaanayo markaas
ayay dib hawlaha uugu noqdaan iyaga oo sii maraya hawlihii iyo dhacdooyinka ay tahay ina ay qa-
bsoomaan ilaa laga gaadhayo goobta u danbaysa. Jidkaa halista ihi waxa uu xooga saarayaa, tusaale
ahaan, hawsha farciga ah ee Z yaanay bilaabmin inta aan hawsha farciga ah ee Y la dhammayn.
Waxa jira barnaamij kombuyuutar oo si dhib yar loo isticmaali karo oo caawinaya sidii loo niadaa-
min lahaa talaabooyinka mashruuca si sax ahna isugu xigxigi lahaayeen ugu horaynba, isla markaa
kolba cusboonaysiinaya jidkaa halista ah kolba marka go’aano cusubi yimaadaan ee shaqooyin la
dhammeeyo.

Waa in dadka, kooxaha iyo laamaha “halista ah” ee ka masuulka ah fulinta habkan CPM ay ka
qaybqaataan samaynta jidkan halista ah. Marka ay ka wada shaqeeyaan jadwal dajinta, waxa ay
qiimayn doonaan baahida loo qabo wada shaqaynta, iskaashiga iyo wax wada qabsiga. Ma aha lama
filaan, in dhacdooyinkaa laga wada qayb qaadanayo jadwal dajintu inta badan keenayso horumarin
qorshe hawleed. Sida geedi socodyo badan oo aynu ka hadalnay, tanina waxa ay leedahay unugyo
dib u milicsi. Marka fulintu bilaabanto, dadka arinka ku jiraa waxa ay u baahan yihiin in ay dib u
booqdaan wadadii halista ahayd iyaga oo tan u samaynaya si joogta ah, si ay wax uuga qabtaan dib

134
u dhacyada aan muuqan iyo fursadaha aan la filayn, si loo dhammeeyo hawlaha qaar xili ka horeeya
waqtigii la qorsheeyay.

Tusaale Shaxdii Tiirarka Ee Gantt

Hawlihii Jan Feb Mar Apr May Jun July Aug Sept Oct Nov Dec
Hawshii 1aad
Hawshii 2aad
Hawshii 3aad
Hawshii 4aad
Hawshii 5aad
Hawshii 6aad

Gabagabaynta dawgan qorshayntii waji hawleedka ee ka mid ah geedi socodka qroshaynta ka
qaybqaadashadu, waxa aanu rabnaa ina aanu muujino sida ay muhiim u tahay kordhinta xubnaha
kooxda qorshaynta ka qaybqaadashada si loogu soo daro kuwa fulinta masuulka ka noqonaya.
Waxa la yaab leh ina ay in badan dadka ka qayb qaadanaya geedi socodka qorshaynta ka qaybqaa-
dashadu ay curiyaan qorshayaal aan shaqaynayn, maxaa yeelay waxa ay rumaysan yihiin in waxa
loo baahanyahay oo dhammi yahay ka qaybqaadashadooda si ay u muujiyaan wax soo saarka dad
kale. (iyagiiba isuma arkayaan in wax soo saarkoodu muhiim yahay).

Qodobo Muhiim Ah
• Qorshaynta hawluhu waxa weeye geedi socod lix talaabo ah.
• Ku ururi ujeedooyinkaaga iyo waxyaalaha aad kala dooranayso waxoogaa aad maarayn
karto, diyaarina weedh istaraatiijiyadeed oo sheegaysa waxa aad damacsan tahay.
• U bandhig qorshayaashaada la soo jeediyay ka qayb galayaasha muhiimka ah si ay u soo
gudbiyaan wixii ay arinka ku soo darsanayaan ee kama dambaysta ah, loona helo taageera-
dooda ina ay wadaan, waa inta aan hawsha fulinteedii si dhab ah loo guda galin.
• Imika waxa aad diyaarin kartaa hawlihii la soo jeediyay ee la fulin lahaa ee dhabta ahaa oo
qeexan.
• Ka fikir cawaaqibta la fili karo ee hawl kasta oo gaar ah oo qorshahaaga ka mid ah si loo
yareeyo wax kadis ah oo yimaada loona badiyo midhaha.
• Samee baadhitaan goobeed ama noocyada kale ee qorshayayaasha ka hortaga xaaladaha
kadiska ah, hadii qorshuhu yahay mid cusub, si hag hagaajin loogu sameeyo, hadii loo
baahdo, inta aan fulin buuxda lagu dhaqaaqin.
• U nidaami hawlgaladaada aad soo jeedisay si isku xigxigta, una waqtiyee si macquul ah oo
dhab ah.

135
9

Cutubka
Wajiga VIaad

Fulinta Qorshayayaasha,
Qiyaasida Guusha Iyo
Hawshii Oo La Wado

Ma aha in aad ka fikirto uun wadadii aad


sanduuqa kaga bixi lahayd; ee waa in
talaabo aad qaadaa.

- Tom Peters

Fulinta hawlgalada qorshaynta ka qaybqaadashada …………………………………………...139


Waxoogaa fikrada ah oo ay tahay in laga fikiro marka
La hayo jidka fulinta …………………………………………………………………………...140
Qaaciido lagu qiimeeyo saamaynta ……………………………………….…………………...145
Hawshii oo la wado ………………………………………………………..…………………...147
Qodobo muhiim ah ………………………………………………………..…………………...148
Raad Raac ………………………………………………………………….…………………..149

137
Goobtan ka mid ah geedi socodka ka qaybqaadashadu waa xiligii sida caadiga ah usha lagu wa-
reejin lahaa qolooyinka asaas ahaan masuulka ka ah fulinta, mar kastana arinku sidaa ma noqdo.
Xusuusnow marar badan oo aanu tala ka bixinay madmadawga ku xeeran geedi socodkan? Waa
in kooxda qorshaynta ka qaybqaadashadu ay ka mid yihiin bilowgaba cid matalaysa kuwa fulin
doona hawlgalada lagu taliyay. Marar kale, hawlgalada waxa fuliya ururo taxaalufay oo cid ma-
talaysaa ku jirto kooxda qorshaynta.

Arinku halkan waxa weeye in lagugu baraarujiyo in aad wax akhriga wado, ka qaybqaadasha-
daada geedi socodka fulintu waxa uu doono ha haadee iyada oo qorshe uu qorshe yahay, fulintii
qorshayaashaasina ay iyana fulin tahay, in badan oo go’aanada ku saabsan fulintu waxa weeye
mid ka la gaadhay xiligii geedi socodka qorshaynta ka qaybqaadashada. Marka aanu wajigan la
yaabka leh ee qorshaynta tilmaamaya, waxa aanu rumaysanahay ina ay muhiim tahay xubnaha
koox kasta oo qorshayn ka qaybqaadasho ah ina ay fahmaan qaar ka mid ah qodobada fulinta ee
muhiimka ah, markaa akhriga wad.

Kooxdii qoshe hawleedkii asaas ahaan waa ay dhammeeyeen hawlihii loo xilsaaray. Waxa ay qaa-
deen weedh dhibaato sheegaysa waxana ay kaga shaqeeyeen geedi socod laga fiirsaday oo qorshayn
ka qaybqaadasho. Laga bilaabo halkaa, xilku waxa uu saaran yahay cidii hawsha fulinaysa si ay
uula socoto. Hase yeeshee waxa suurtagal ah, aadna ay uugu badan tahay, in qolooyinkii ku jiray
qorshaynta ka qaybqaadashadu in ay iyana soo gali doonaan mid ama wajiyo badan oo fulinta ka
mid ah. Waxana aanu odhanaynaa waa in hubaal ahaan laga qaybgaliyaa qiyaasida guusha shaqa-
dan. Inta aynaan doodan xidhin, bal aynu si kooban u eegno waxa dhacaya marka marxalada qorshe
hawleedku dhammaato.

Guddoomiyihii iyo koox qorsheedkii waxa ay ku faraxsanaayeen horumarka ay sameeyeen ee ay


dhigeen qorshe hawleed iyaga oo ay kaalinayaan daneeyayaashii muhiimka ahaa ee xaafadu iyo
shaqaalihii d/hoose. Xubnihii kooxdu waxa ay si gaar ah dareen uuga qabeen ina ay dhici karto in
xamaasada dhammaynta qorshahoodii ina ay keento in ay galaan inay cid u dhiibaan shaqo ama
xil iyaga oo aan kala hadlin arinka qofkii ama kooxdii. Inkasta oo ay si joogta ah uula tashanayaan
daneeyayaasha muhiimka ah oo ay ku jiraan kuwa ka qayb qaadan doona fulinta , qofkii hoggaanka
ahaa, fududeeyihii iyo xubnihii kooxdu waxa ay jadwal u dajiyeen laba fadhi oo warbixin koboan
ah oo muhiim ah. Fadhiga hore waxa lala yeelanayay maayarka, shaqaalaha d/hoose qaar ka mid
ah, iyo wakiilo matalaya xaafadii xiisadu ka aloosnayd. Wakiiladaa waxa ka mid ahaa dad ka soc-
day labada dhinac ee muranku ka taagnaa iyo ururo rayid ah oo muhiim ah oo ku tabarucay ina ay
qaataan kaalmo waawayn dadaalka xalinta is maandhaafkaa.

Fadhigan waxa looga jeeday in fursad la siiyo daneeyayaasha muhiimka ahi si ay arimo dheeraad
ah uugu darsadaan iyo in la xadido kaalinta, hadii ay jirto, ay daneeyayashaasi doonayaan in kooxda
qorshayntu qaadato, laga bilaabo imika waxa kale oo ay la yeesheen shir albaaba furan muwaadi-
niinta xaafadaa inkasta oo ay jireen fadhiyo albaaba furan oo koox hawleedku ka qabteen xaafada
intii uu socday dadaalkoodii qorshayntu.

138
Markii shirkaa la qabtay, dhawr ka mid ah hoggaamiyayaasha xaafada ayaa codsaday bal in d/hoose
ay adeega fududeeyaha ugu deeqi karto. Waxa ay xuseen in ay u baahanyihiin dhinac sadexaad
oo ka caawiya khilaaf kasta oo laga yaabo inuu ka yimaado fulinta qorshe hawleedka iyada oo
maayarku si aan rasmi ahayn uu u ogolaaday ina uu bixiyo kharashka ku baxaya ilaa labaatan cisho
oo waqtiga fududeeyaha ka mid ah shan iyo tobanka bilood ee soo socda, waxa maayarka u suurta
galay in uu isla markiiba codsigoodii ka jawaabo (oo ogolaado). Waxa kale oo maayarku ku shee-
gay shirkaa ina uu rajaynayo in kooxda qorshuhu ay la kulmaan kooxda fulinta iyo daneeyayaasha
kale ee muhiimka ah si loo kormeero hawshu sida ay u socoto iyo saamaynta xiliga fog ee hawgalka
oo taa la qabto ugu yaraan sadex jeer mududaa shan iyo tobanka sanadood ah.

Fulinta Hawlgalka Qorshaynta Ka Qaybqaadashada


Waxa aynu hore uuga hadalnay arinka ah ahmiyada ay leedahay hoggaan wadaaga oo u dhex-
eeya dawladaha hoose, ururada rayidka ah, iyo muwaadiniinta. Hoggaanka wadaaga ihi, hadii aynu
ka gudubno marxalada qorshaynta, waxa uu u baahanyahay habab cusub oo lagu ni-
gii
daamiyo laguna isticmaalo khayraadkii bulshada. Tani waxa ay noqonaysaa in la helo Xili iga
cs
qaabab hayadeed oo cusub oo taageera fulinta qorshayaasha ka imanaya shaqooyinka mili
ka qaybqaadashada. Inkasta oo buugag badan oo ka hadla shaqada kooxaha dadka
isku dhafani ay halkan ku ekaadaan, anaku se waxa aanu rabnaa in dooda aanu wadno oo sii dheer-
ayno. Waxa aanu arkaynaa in caalamkan si sii kordhaysa dib isu sii qaabaynaya si uu uula tacaalo
baahiyaha iyo halisaha cusub in qorshaynta ka qaybqaadashadu tahay hordhac curinaya nidaamo
fulineed iyo adeeg oo cusub. Taasina waa waxa dooda inta hadhay ay ka hadli doonto.

Byrson iyo Crosby ayaa buugoodii “hoggaan ujeeda wanaaga guud” inagu xasuusinaya muruga inta
badan ka yimaad fulinta. “siyaasadaha cusub, qorshayaasha, barnaamijyada ama mashaariicdu ma
aha qaar iyagu si iskood ah isu fuliya … fulintu caadi ahaan waa geedi socod adag oo murugsan
oo ay ka qayb qaadanayaan jilayaal badan iyo ururo leh ujeedooyin iyo dano is dhammays tiraya,
tartamaya, inta badana iska hor imanaya”1.

Marka loo yimaado fulinta mashaariic iyo barnaamijyo ka yimid qorshayn ka qaybqaadasho, geedi
socodku waxa uu noqon karaa mid adag oo murugsan. Aragti ahaan Qorshe hawleedka, dhab ahaan-
tii, waxa ku jira dhammaan tafaasiishii ku saabsanayd cid kastaa wixii ay qaban lahayd iyo wixii
laga filayay iwm, hase yeeshee hadalka oo la yidhaa iyo wax qabashadu waa laba xaqiiqo oo si
muuqata u kala duwan. Bal aynu eegno arimo ina siin kara waji duwan oo fiican oo tusaya sida loo
fulin karo qorshayaasha sida tayada leh loogu dajiyay ka qaybqaadashada.

Qolooyinka akhriskan wadaa waa in ay xaqiiqsadaan in kuwani ay yihiin talaabooyin soo jeedin
ah si loo fuliyo hawlgalada ee aanay ahayn wax la qoray (oo in sidaas uun lugu qaataa ay qasab
tahay). Fulintu waxa ay u baahantahay hawla gaara oo mashruucii ah oo ku salaysan sida tayada
leh ee kooxda qorshayntu wax u qorsheeyeen, iyo khayraadka fulintooda loo hayo.

139
Waxoogaa Fikrada Ah Oo Ay Tahay In Laga
Fikiro Marka La Hayo Jidka Fulinta

Hawl gali dadkii habboonaa

Marar badan waxa laga hadlay daneeyayaasha muhiimka ah iyo sida mararka qaar liiska daneey-
ayaashu u fidayo ama isu badalayo. Waxa aanu filaynaa in kooxda qorshaha ee xaalada muranka
xaafadu ay aqoonsanyihiin in ay muhiim tahay in dadkii lagu hayb soocay talooyinkii hawlgalku in
ay iyana ku jiraan doodaha iyo go’aamada. Ma jiro wax ka dhib yari in aad lumiso daneeye hawl
fulin lahaa oo muhiim ah halkii aad ka hanan lahayd si uu u barto waxyaalihii muhiimka ahaa ee uu
filayay ina uu qabto markii uu ku tabarucay isaga iyo qaar kaleba ina ay qabtaan. Xeer muhiim ah
marxaladani ka mid ah geedi socodka qorshayntu waxa weeye in laga soo qayb galiyo wakiilo ma-
talaya kuwa masuul ka noqonaya fulinta. Inta uugu liidata waxa ay u baahanyihiin ina ay joogaan
marka go’aamada laga gaadhayo waxa ay qabanayaan iyo sida ay taasi qayb uuga noqonaysa geedi
socodka fulinta ee ballaadhan. Xirfadahaa la hawl galinayo (shaqaalaysiinayo) ee halkaa hore waqti
badan aynu ku qaadanay waxa iyana wax ka tarayaan dhiska xidhiidhka dhibaato xalinta ee lala
yeelanayo kuwa la filayo ina ay inaga caawiyaan dhibaato xalintii

Waxa aynu intaasi oo dhan malaysanaynay in d/hoose ay gali doonto si ay noqotaba shaqadan qor-
shaynta ka qaybqaadashada. Waana male fayow inkasta oo door taya leh oo xadidan oo xaga geedi
socodka fulintu aanu jirin. Iyada oo aynu ognahay ahmiyada d/hoose dhinaca hayad bulsheed oo
matalaysa dhammaan dadkii, waxa muhiim ah ina aynu ka fikirno bal cidda, inta uugu liidata, xogta
waxa dhacaya ku saabsan loo gudbinayo marka ka qaybqaadashada qorshaysani ay bilaabanto.

Waa In Khayraadku Kuu Dhawaadaan

Marka la qorshaynayo mashruuc ama barnaamij way yartahay ina aynu dhib kala kulano suuraynta
khayraadka caadiga ah ee looga baahanyahay fulinta: khayraadkii dad ahaaneed, qalabkii, alaabtii
iyo dhab ahaan lacagtii. Waxa taasi kasii adag go’aamadii ku saabsanaa sidii aad wax u nidaamin
lahayd, sidii loo qoondayn lahaa loona hawl galin lahaa khayraadka, iyo marka la eego xaalada
badan oo hawlaha qorshaynta ka qaybqaadashada ku saabsan sidii si tayo leh loola shaqayn lahaa
dadkaa mutadawiciinta ah.

Marxaladan qorshe hawleedka, kooxdu waa ay xadiday waqtiyadii, mudooyinkii iyo xilalkii. Waxa
laga yaabo in aanay eegin waxa weeye in khayraadkii diyaar yihiin. Tusaale ahaan hadii mashruuca
mutadawiciini ku jiraan ma loogu yeedhay geedi socodka si ay u fahmaan mashruuca guud iyo
barnaamijka, iyo waxa ay ka qayb qaadashadoodu noqonayso iyo waxa ay masuul ka noqonayaan
si ay u xaqiijiyaan hawlo dhammays tiraya qayb mashruuca ama barnaamijka ka mid ah? Ma leeyi-
hiin aqoontii iyo xirfadihii ay ku qaban lahaayeen wixii la rabay? Hadii aanay lahayn, maxaa la
qaabaynayaa si loo bixiyo xogsiintii iyo tababaradii loo baahnaa?

Edward De Bono, oo ah qofka maskaxaheena ku dhaliyay fikrada ah bal in dhinaac kale xal qofku
ka raadsho “lateral thinking”, waxa uu leeyahay, qolooyinka fulinta masuulka ka ihi waxa ay u
baahanyihiin ina ay ogaadaan waxa uu ku magacaabay kaydka “xaaladeed”. Khayraadka xaaladeed
140
waxa ay ku xidhan yihiin duruufaha taagan, is badalka duruufeed, ama xaalada laf ahaanteedii oo
is badasha. Khayraadka xaaladu waa wax u biiraya hoggaanka mashuurca kaasi oo isticmaalaya
xirfadihiisa si uu u haybsooco (kaydkaasi) markaana isticmaalo. Waxa ay nqonayaan kayd qiimihii
kordhinaya. Tusaale ahaan, mashruucu waxa uu gaadhi karaa goob – aan dhab ahaan la filayn – oo
uu u baahdo dad badan oo aan xirfadlay ahayn si ay u fuliyaan qaar ka mid ah hawlihii muhiim ka
ahaa. Dugsi dagmada ku yaal ayaa waxa uu leeyahay naadi (urur) rayid ah oo ardayi ay xubno ka
yihiin kuwaasi oo danaynaya bulshadooda una diyaar ah ka qaybqaadasho. Xubnahan ururku waxa
ay isla maalmahan soo afjareen abaabul ay ku guulaysteen oo ay lacag uugu ururinayeen garoon
kubada cagta ah oo cusub oo xaafada ku yaala. Waxana ay raadinayeen mashruuc cusub oo ay
wax ku darsan karaan. Hoggaamiyihii mashruuca ayaa maqlay danayntooda kuna soo daray iyaga
hawshii. Hoggaamiyihii mashruuca ayaa labadii baahiyood isu geeyay. Wada jirkaasina waxa uu
dhaliyay “khayraad xaaladeed”.

Waxa jira fursado badan oo lagaga qayb galin karo ururada bulshada iyo muwaadiniinta dhacdooyin
badan oo qorshaynta ka qaybqaadashada ah. Mase dhacayso haddii aan dadaal iyo qorshe dagani ji-
rin. In dad mutadawiciin ah hawsha laga soo qaybgaliyo waxa ay u baahantahay talaabooyin dhawr
ah oo gogol dhig ah. Ugu horayn waa in la haybsoocaa. Bulshooyinka qaar ayaa leh liisas mutada-
wiciinta la filayo ah oo liis garanaysa xirfadhoodii, xiliyada la heli karo iyo xogo kale oo muhiim
ah. Marka lala xidhiidho ee ay ogaadaan in adeeg ilaa xad ah ay gaystaan, waxa ay u baahanyihiin
war bixin, ma aha in loo sheego oo qudha waxa ay noqonayso masuuliyadooda xileed, ee waa in
waliba war laga siiyaa “Sawirka wayn” (istaraatijiga). Mashruuca ay ka shaqaynayaan muxuu ya-
hay? Sidee ayuu uuga qayb qaadanayaa wanaajinta sifada nololeed ee bulshada? Maxaa laga filayaa
ina ay qabtaan iyaga oo qayb ka ah kooxda fulinta?

Inta badan mutadawiciintu waxa ay u baahanyihiin tababar gaar ah si ay qaar tayobadan u noqdaan,
waa ay se yartahay in la helo fursado tababar lagu helaa sababtu waxa ay doonto ha ahaatee waxa
se aanu u jeednaa in aanu rumaysano in khibrada nololeed ay inoo diyaarinayso shaqa kasta oo loo
baahanyahay in bulshada loo qabto, kol hadii aan cidina lacag ka bixinayn. Mutadawiiciintu waxa
kale oo ay taageero uuga baahanyihiin hoggaamiyaha mashruuca taageeradu waa ay fududaan kar-
taa sida:
• In ay caddayn helaan ku saabsan xiliga la filayo hawlgalkooda, maxaa yeelay mutadawici-
intu ma aha shaqaale caadi ah.
• Ina ay ogadaan cidda masuulka ah ee ay la xidhiidhayaan, maxaa yeelay qofka iyaga qortaa
lagama yaabo ina uu noqdo qofka shaqada ay qabanayaan kormeeraya, ama
• In kormeeruhu u qoro waraaq mahadnaq ah oo ay mutadawiciintu mustaqbalka isticmaali
karaan marka shaqo cusub fadhi waraysi ah loogu sameeyo, si ay u muujiyaan (una tusaan)
hawlgalada bulsheed ee ay hore u gaysteen.

Ballaadhi Daaqadii Johari

Bal waxa aad xasuusataa daaqadii Johari ee lagu falanqeeyay dhawr cutub ka hor? Waxa arinku ku
saabsan yahay xog wadaag dhex mara dhammaan qaybaha ku hawlan dadaalka ka qaybqaadashada
si loo soo ururiyo goobaha mugdiga ah iyo ajandayaasha qarsoon ee laga yaabo in uu dhinaca xid-
141
hiidhka ka jiro, gaar ahaan d/hoose iyo bulshada dhexdeeda. Marka la fulinayo mashaariic iskaga
gudbaya xuduuda ururada oo ay soo galayaan dad laga yaabo in aanay hore u wada shaqayn ama
ah qaar mashruucan ka soo qayb galay iyaga oo waxyaalaha ay filayaan kala duduwan yihiin iyo
kaalmaha ay qaadanayaan ama tabaruca ay gaysanayaan. Xaaladahaasi dadkaa ka qayb galayaaasha
ihi waxa ay xambaarsan yihiin is faham la’aan, warar isku qasan iyo xidhiidh xumo. Qof kasta oo
mashruuca ka mid ihi waa in uu masuuliyada iska saaraa sidii daaqada furan ee xidhiidhka loo bal-
laadhin lahaa, looga qaalib noqon lahaa goobaha mugdiga ah ee aanu u jiri lahayn wax ajandayaal
ah oo qarsooni (loona shaacin lahaa ajanda kasta oo qarsoon).

Wax Nidaaminta Ku Salee Baahiyaha – Ma Aha Caadooyin

Dawlada hoose oo badan ayaa aqoonsanaya baahida loo qabo in laga shaqeeyo heer xaafadeed.
Markii aanu qoraynay qaybtan buuga ka mid ah, waxa nala soo hadlay qof saaxiib qadiima ah oo
ka hadlay laba magaalo oo yaryar oo uu ka shaqaynayay oo awood dheeraad ah saaray la shaqaynta
xaafadaha. Mid waxa ay leedahay xafiis khayraadka xaafada loo sameeyay oo ku yaal xaafada,
ta kale waxa ay leedahay qayb loo sameeyay horumarinta xaafada oo uu hogaaminayo qof loogu
yeedho maareeyaha tamarta xaafada. Magaalooyin badan ayaa hoos u daadajinaya maamulkii
shaqaalaha iyaga oo shaqaalihii siinaya masuuliyaad ay toos uugula shaqeeyaan muwaadiniintii si
loo hogaajiyo loona kobciyo heerka nolosha ee xaafadah gaar ahaan.

Waxyaalaha is badbadala ee ku saabsan sidii loo nidaamin lahaa mashruuc ama barnaamij ka soo
baxay geedi socod qorshayn ka qaybqaadasho waxaa ka mid ah:
• In la abuuro urur ku meel gaadh ah oo ama hawshiisu marka ay guulaysto sidaa ku gabag-
abowdo ama isku badala waji kale oo cimri dherar u keena.
• In la shaqaysiiyo loona dhiibo barnaamijkii ama adeeg bixintii urur rayid ah.
Xaaladaa khayaaliga ahayd ee baadhitaanka aynu ku samaynaynay kuna saabsanayd xaafa-
dii dhibaataysneed, waxa jiray waxyaalo la kala dooranayo oo la eegayay si loo yareeyo
ka qaybqaadashada tooska ah ee xafiiska maayarka iyaga oo isla mar ahaantaa ku bixinay
sharaftoodii sidii loo caawin lahaa muwaadiniinta deegaanku sidii ay u xaqiijin lahaayeen
natiijooyinkii la rabay.

Ku Day Suulka Biyaha

Waxa jira marar geedi socodka qorshaynta ka qaybqaadashada loo isticmaalo in fikrado cusub la
galiyo dawladaha hoose ama la sameeyo tijaabo ka soo horjeeda xikmadii soo jireenka ahayd ee
la hayay – “waar sidan ayaa arimaha halkan waligeedba looga qaban jiray”. – hadii arinkaa ama
dareemo kale oo la mid ihi ay ka danbeeyaan isticmaalka shaqooyinkan qorshaynta ka qaybqaada-
shada, waa mid macno samaynaysa in fikradaha cusub tijaabo lagu sameeyo inta aan magaalada oo
dhan ama gobolka oo dhan laga hirgalin.

142
Waxa jira arima dhawra oo la kala dooran karo si “suulka biyaha loogu dayo” inta aan la wada
quusin. Laba arimood ayaa haboon oo ah hab loo soo bandhigi karo talooyinka qorshaynta ka qay-
bqaadashada ee laga yaabo ina ay fulinteeda buuxda ku jirto wax shaki keeni kara ama khatara

1. Ka hore waxa weeye waji aad is ilaalin badani ku jirto oo la hubinayo in isbadaladii lagu soo
jeediyey geedi socodka qorshaynta ka qaybqaadashadu ay xaqiijinayaan ujeedooyinkoodii
keenayaana natiijooyinkii la rabay. Waxana uu ka koobanyahay in la tijaabiyo oo hadii loo
baahdo dib u qaabayn lagu sameeyo arinkan la doortay inta aan bulshada dhammaan lagu
fulin. Ka soo qaad in kooxda qorshaynta ka qaybqaadashada laga codsaday ina ay soo jeedi-
yaan samaynta kooxo booliis ah oo xaafada ka hawlgala oo hoos yimaada gudi xaafada la
talisa. Waxa laga yaabaa in kooxdii qorshayntu doonto in ay ku taliso in fikradii la tijaabiyo
lana qiimeeyo iyada oo lagu eegayo xaafad kaliya inta aan deegaanka magaaladu qaadan
barnaamijka si magaalada oo dhan loogu fuliyo. Tijaabinta iyo dib u qaabayntu waa fursad
lagu eegi karo wajiyada iyo istaraatiijiyooyinka cusub, bal si horta goob xasiloon ilaa xad
loogu hubsado.

2. Ta labaadi waxa weeye tijaabin, waa waji dhiirani ku jirto oo isbadalkii la qorsheeyay bul-
shadii la galinayo. Tusaale ahaan, koox yar oo muwaadiniin ah ayaa goosatay ina ay u sa-
meeyaan xarun wax barasho oo badasha kana duwan kuwii hore in loo samaynayo caruurta
dibjirka ah ee dugsiyadii iskaga tagay. Waxa ay muwaadiniintu rumaysan yihiin in xarun
lagu qalabeeyay kombuyuutaro iyo qalab qofku iskii wax isu barayo iyo waxyaalo kale oo
muhiim ah, iyo quraac loo qoondeeyo kuwa si guul leh u dhammaysta qorshayaal duruus
lagu heshiiyay ah, ay ku dhiirinayso ina ay tacliintoodii rasmiga ahayd qaataan inkasta oo
loo dhiganayo qaab ka duwan kii caadiga ahaa. Muwaadiniintii waxa ay u baahanyihiin in
wasaarada tacliinta ee magaaladu sharciyayso barnaamijka, iyo tabarucaadka laga ururinayo
bulshada baayacmushtarka ah si ay xaruntii u qalabeeyaan iyo in caruurtii dibjirka ahayd
laga masuul noqdo si tijaabadii meelmar u noqoto. Koox yar oo muwaadiniin fikiraysa ah
ayaa si ay u qorsheeyaan arinkan ayaa soo saaray koox ka kooban daneeyayaashii, oo ay
ku jiraan cid matalaysa qolooyinka daneeyayasha ah ee la soo sheegay, kuwaasi oo ka qayb
qaadanaya geedi socodkii go’aan qaadashada si aragtidan wax dhab ah looga dhigo.

Ka Qayb Gali Hawsha Qorsheeyayaasha


Mararka qaar geedi socodka qorshaynta ka qaybqaadashadu waxa uu ku dhammaadaa marka talooy-
inkii loo dhiibo maayarka ama qof bulshada ah oo kale oo muhiim ah oo hawsha wada. Qofkuna
dhiniciisa ayuu geedi socodkii ka sii gudbiyaa iyada oo loo dhiibayo cidii fulin lahayd, ee la filayo
ina ay fuliyaan. Halkaa

Ayaa waxa ka dhasha in qolooyinkii geedi socodka qorshaynta ka qaybqaadashada iyo daneeyay-
aashii ay ka nastaan hawshoodii ku meel gaadhka ahayd ee kaabida ahayd. Xaalada badan, sidani
waa talaabooyinka haboon. Ka qaybqaadashada muwaadiniintu waxa ay noqon kartaa mid hawshii
lagu talax tago. Dawladaha hoose qaar oo aad uugu nidar gashanaa in baryihii hore muwaadiniinta
laga qaybgaliyo ayaa sanadadan danbe xamaasadii hoos u dhigay sababa badan awgeed. Maaraynta
ka qaybqaadashadu waxa ay noqon kartaa mid waqti badan cunta, in badana masuuliyadii ayay ka

143
qaadaan saraakiishii dawlada ee suldada loo siiyay ina ay bulshada u hawlgalaan, sida saraakiisha
loo doortay d/hoose.

Bal aynu eegno siyaalo geedi socodkii qorshaynta ka qaybqaadashadu u u gudan karo kaalin tayo
leh oo wax soosaar leh marka fulintu timaado. Ugu horayn, qaar ka qayb qaatayaashii ah ayaa u
noqonaya gudi la talineed oo aan rasmi ahayn qolooyinkii fulinta masuulka ka ahaa. Tani gaar ahaan
waa mid waxtar leh, hadii kooxda fulintu ay ka timid qaybo kala duwan oo bulshada ah.

Ta labaad, waxa jiri kara kaalin fududayn ah oo ay qabanayaan qof ama in ka badan oo ka mid ah
kooxda qorshayntu. Tusaale ahaan iyaga oo aad uuga warqaba mashruuca awgeed, xubnahaa koox-
du waxa ay gaysan karaan taageero iyo dhiirin ama waxa ay kaalin karaan dadkan laga yaabo ina ay
matalayaan aragtiyo kala duwan ama aad u danaynaya ina ay wada jir si tayo badan u shaqeeyaan.
Koox u shaqaynta iyo xirfadii dhibaatooyin xalinta ee kooxda qorshayntu ka barteen fududeeyihii
ayaa aad loogu raja waynyahay in loo gudbiyo dadka kale marka bulshadii ay dhisto awoodeedii si
ay u xaliso arimo badan iyo dano badan iyada oo khayraadkeedii isticmaalaysa.

Kaalin kale oo macquul ah oo kooxda qorshayntu qabanaysaa xiliga fulinta waxa weeye ina ay
gaysato adeegii kormeerka iyo qiimaynta. Mashruuca ama barnaamijku ma haystaa wadadii? Ma
xaqiijinayaa natiijooyinkii laga rabay? Saamaynta uu ku yeelanayo d/hoose iyo bulshadii ma laga
dhigi karaa mid waarta? Si dhakhsa ah ayaynu uugu gudbaynaa talaabadii xigtay halkan.

Qiyaas Oo Shuraako Ka Noqo Guusha.

Waxa jira arimo dhawra oo asaasi ah oo ku jira buuga xisaabta ee qorshaynta ka qaybqaadashada.

1. Geedi socodkii qorshaynta ka qaybqaadashadu hore ma u marinayaa maamulkii guud ee


bulshada, sida in la helo furfurni badan, la xisaabtan soo kordhaya, muwaadiniintii oo aad
uuga qayb qaadanaya go’aan qaadashadii iyo dhibaatooyin xalintii.
2. Ka qaybqaadashada muwaadiniinta iyada oo la marayo qorshayntii ka qaybqaadashada ma
u keenaysaa horumar iyo natiijooyin fiican oo la qiyaasi karo oo waaraysa bulshadii?
3. Geedi Socodku ma kobciyay raasamaal bulsheedkii?

Hadii jawaabaha labada su’aalood ee hore ay dhib muttaan si kastaba ha ahaatee, markaa geedi
socodkii qorshaynta ka qaybqaadashadu ma uu la noolaan waxyaalihii laga filanayay. Jawaabta
su’aasha sadexaad waxa qasab ah in hoos loogu celiyo faylasuufyo iyo dad leh aragtiyo siyaasa-
deed. Hadana waa su’aal u qalanta in iswaydiinteedu soo noqnoqoto inta aynu ku jirno halganka
sidii loo dhisi lahaa bulsho waarta.

Qiyaasida guushii la xaqiijiyay, sida halkaa hore lagu xusay, iyo maamulka horumarkiisii waxa
ay muuqataa in la heli karo kana sahlantahay sheegida inta ku korodhay raasamaal bulsheedkii.
Hadana wali qiyaasidaasi waa ay adagtahay

Marka aynu eegno heerar qiyaaseed oo badan. In la xadido saamaynta barnaamijyada iyo adeeg-
yada la bixiyay ee ka dhashay geedi socodka qorshaynta ka qaybqaadashada waxa ay noqonaysaa

144
hawl sahlan. Waxa aynu ka nidhaa qiimaynta heerkan dhab ahaantiisu waxa ay wax inaga taraysaa
eegida labada kale.

Ugu horayn, waxa muhiim ah ina aad xaqiiqsato in sida fiican ee aad u qiimaysaa saamaynta bar-
naamij kasta ama adeeg kastaa uu ku xidhanyahay sida fiican ee aad u qeexday dhibaatadii ama fur-
sadii, una qortay weedhihii yoolkaaga iyo ujeedooyinkaaga bilowgii geedi socodkan qorshaynta ee
dabada dheer. Hadii aanad caddayn oo soo koobin arimahaa tafaasiisha ah, in aad saamayntii xadido
waxa ay ku dhawaanaysaa mid aan suurta gal ahayn. Sidaa darted hawsha qiimaynta saamayntu
waxa ay bilaabanta salaanta u horaysa ee bilowga hawsha, waxana loo bahaanyahay ina ay qayb ka
noqoto waxyaalaha ay filanayaan labada dhinac ee kala ah fududeeyaha iyo macmiilka.

Ta labaad, qiimaynta natiijooyinka mashaariicda iyo barnaamijyada oo ah si kale oo aynu u dhignay


qiimayntii saamayntu, waxa ay iyana ku xidhantahay dadaalka kooxda qorshayntu ku kormeeraan
geedi socodkii qorshaynta ee inoo geenayay gudagalkii (hawlgalkii) la soo jeediyay ee la damacsa-
naa inta uu socdo dadaalka kooxdu waa in mar kasta la is waydiiyo su’aalaha loo baahanyahay oo
kuwan soo socdaa ka mid yihiin:
• Hawshan la qorsheeyay ma xaqiijinaysaa ujeedooyinkii aynu hore u dhiganay?
• Ma karaynaa xili soo socda oo mustaqbalka ah inaynu xadidno in barnaamijka ama adeega
la qorsheeyay uu leeyahay saamayntii ama natiijooyinkii la rabay?
• Ma is badalay sharaxa dhibaatadu ama fursadu, tan oo natiijo u ahayd dadaalkeenii qor-
shaynta?

Hadii arinku sidaa yahay, ma u baahantahay in ujeedooyinkeenii aynu badalno iyo natiijooyinkii la
filayay in ay xaqiijiyaan?
• Ma la yeelanay xidhiidh haboon macmiilkii si loo hubiyo ina ay ka go’antahay xaqiijinta
natiijooyinkii la rabay?

Qaaciido Lagu Qiimeeyo Saamaynta


Bal aynu eegno qaaciidada iyo su’aalihii la socday ee la iswaydiinayay si loo sameeyo qiimeen
saamaynta ah iyada oo tani ka dhacaysa ururadii fulinayay dhexdooda iyo bulshadii (dhexdeeda)
la rabay in adeega ama barnaamijkaa la doonayaa uu raad ku yeesho. Su’aalahaa qaar waxa ay ku
saabsanyihiin in barnaamijkii ama adeegii loo fuliyay sidii la qorsheeyay, sida: Hayadii hawsha
fulinaysay ma u fulisay qorshihii sidii la rabay? Su’aalaha kale waxa ay aad ugu jeedaan qiimaynta
natiijadii ama saamayntii adeega ama barnaamijka la fuliyay.

Kooxaha qorshaynta iyo qolooyinka masuulka ka ah fulinta inta badan waxa iska gala ereyada ah
wax soo saar iyo natiijo. Wax soo saarku waa waxyaalo la qiyaasi karo oo ku saabsan horumarka
la sameeyay xagii fulinta ujeedooyinka. Natiijooyinkuna waxa weeye natiijooyinka la qorsheeyay

145
mararka qaarna aan qorshaysnayn ee ka dhashay hawlgalkaa. Halkan waxa aad ku arki qaar ka mid
ah tilmaamaha kaa caawinaya ina ay u noqdaan asaas wax qiyaasida.

Filnaanshaha:

• Qorshe hawleedku ma ku filnaa xaqiijinta ujedooyinkii?


• Ujeedooyinku ma ahaayeen qaar ku filan xalinta dhibaatadii ama ka faaiidaysiga fursadii?
• Khayradka la hayaa ma ku filanyihiin fulinta qorshe hawleedkii?
• Midhaha Malaga dhigi kara qaar waara?

Tayada:

• Qorshe hawleedkii ma fulay


• Ahdaaftii iyo ujeedooyinkii ma loo xaqiijiyay sidii loo qorsheeyay?

Wax ku oolnimada:

• Khayraadka ma loo isticmaali kari lahaa si kale oo sidan ka duwan ama badal ma lagu sa-
mayn lahaa si midho badan loo helo iyada oo kharashku yahay mid qiyaasan, ama la heli
kari lahaa isla midhahaasi iyada oo hadana kharashku intaa ka jaban yahay?
• Intuu qiimo kalifay qorshe hawleedku marka la barbar dhigo faaiidooyinka la helay?
• Qorshe kaa badalkiisa ihi ma soo saari kari lahaa isla natiijooyikaa iyada oo kharashkuna ka
yaryahay?
• Khayraadka ma loo maareeyay sidii uugu wax ku oolsanayd ee suurtagal ah si loo xaqiijiyo
ujeedooyinkii?

Cawaaqibta iyo Natiijoojinka:

• Natiijooyinkii himilada u ahaa dadaalka qorshaynta ma la xaqiijiyay? Tani waxoogaa ayay


ka duwantahay su’aashii ku saabsanayd ujeedooyinka.
• Maxay ahayd faaiidooyinka guud ee (gaadhay) qolooyinkii ka faaiidaysanayay dadaalka
qorshaysan?
• Waa maxay masuuliyadaha qaynuuneed ee la kulmay soona galay dadaalkii fulinta?
• Waa maxay natiijooyinka aan la filayn ee yimid kana dhashay hawlgaladii qorshaysnaa?
• Hadii waaritaan qaaciida guusha u ahaa, ma la xaqiijiyay?

Geedi socodka qiimayntu waa in uu noqdaa geedi socod socda marxalada qorshaynta la guda galo,
waana in uu ka xeel dheeryahay in uu ku ekaado qiimaynta fulinta hawlihii loo xilsaarnaa. Waa
in qiimaynta lagu soo daraa in la qiimeeyo sida fiican ee kooxdu u shaqaynayso. Qiimayntu waxa
weeye oo kale xiligii aynu wax dib u milicsanaynay si aynu u eegno bal in aynu qabanay wixii
aynu lahayn waa aanu qabanaynaa, iyo ina aynu eegno bal sida fiican ee aynu hawshaa u qabanay.
Qiimaynta saamaynta barnaamijkii ama adeegii uu ku yeeshay bulshada ama nolosha muwaadini-

146
inta waxa laga yaabaa in ay qasab noqoto in la sugo ilaa inta qorshe hawleedkii laga dhamaynayo.
Marka aynu tilmaamnay ahmiyada xog raadinta mudada dheer, waxa kale oo laga

rajaynayaa qorsheeyayaasha hawsha ka qaybqaadashadu ina ay noqdaan qaar wax saadaaliya. Hadii
kale raasamaal bulsheedka hawlgaladooda ka dhasha waligeed la garanmaayo. Waa in nidaam iyo
raad raac jiraa.

Waxa aynu si guud u qeexnay dhowr qodob oo muhiim ah oo in la eego ay tahay marka la
fulinayo qorshayaasha. Ku noqo si koobana dib uugu eeg, adiga oo ka fikiraya khibradaadii
qof ahaaneed marxaladan go’aan qaadashada iyo dhibaato xalinta. Qodobkee ayaa arimahan
xiligaa uugu dhibaatada badnaa? Maxaa ay ahayd in si sidii ka duwan loo qabto?

………………………………………………………………………………………………………
………………………………………………………………………………………………………
………………………………………………………………………………………………………
………………………………………………………………………………………………………
………………………………………………………………………………………………………
………………………………………………………………………………………………………
……………………………………………………………………………………………………

Hawshii Oo La Wado

Halkan waxa aynu ku gabagabaynaynaa safarkii kuwa ku jira ama raba ina ay galaan qorshaynta ka
qaybqaadashada heerka maamulka degmada iyo ka qaybgalinta bulshada. Ujeedadu waxa weeye in
la helo lana bixiyo fursad waxbarasho oo ku saabsan sidii loo fulin lahaa geedi socodka qorshaynta
ka qaybqaadashada dhinicii istaraatiijiyadeed iyo dhincii qorshe hawlgaleed xili dhaw ah (labad-
aba). Dadka loola jeedo qalabkan waxa soo galaya ururada rayidka ah, sida kuwa aan duwaliga
ahayn iyada oo aan cid la doorbidayn. Hadii si kale loo dhigo, waxa aanu rumaysanahay in fulinta
fikradahan iyo istaraatiijiyooyinkan laga bilaabi karo dhinac kasta oo bulshada ah.

Tilmaantii u danbaysay iyada oo ah waxa aanu rabnaa in mid aanu ka nidhaa labada kala ah qorshaha
istaraatiijiyadeed iyo qorshe hawleedka xiliga dhaw, ina ay yihiin qalab lagu dhisayo tayadii daw-
lada hoose iyo bulshadii si loo guda galo horumar waara. Inkasata oo qorshaha istaraatiijiyadeed uu
eego mudo fog iyo heer caalam, Qorshe hawleedkuna uu yahay dhakhso iyo mid arin beegsanaya,
hadana marxaladaha iyo talaabooyinka halkan lagu soo ururiyay labadaba xidhiidh ayay la leeyihiin
labada geedi socodba si ay tayo u yeeshaan waa in laga helaa arimahan soo socda:

• In aad loogu baraarugsanaado dhibaatooyinka iyo fursadaha bulshada, iyo horumarinta xir-
fadaha, wacyiga iyo aragtida fog ee saraakiisha dawlada iyo muwaadiniinta.

• In la isticmaalo mid ama in ka badan oo fududeeyayaal dibada laga keeno ah oo u nidar


galaya tababarka dadka kale ee bulshada si ay u qabtaan fududaynta dadaalada mustaqbalka

147
ee qorshaynta ka qaybqaadashada. Tan waxa loo yaqaan dhiska tayada xirfadeed ee dadka
ama hadii la sii caddeeyo “naftaadii oo aad u sahqayso si aad u yeelato shaqo mustaqbal”.

• Geedi socodka hawlgalinta mabda’a leh, kan oo dhex mara saraakiisha dawlada iyo muwaa-
diniinta, fududeeyayaasha iyo macaamiisha, iyo dhammaan dadka kale ee ka qaybqaata qor-
shaynta ka qaybqaadashada. Kana waxa kale oo loo yaqaan dhiska shuraako
midha dhal leh.
gii
Xili iga
cs
• Gorfaynta daneeyayaasha marxaladaha kala duwan ee geedi socodka qor- mili
shaynta marka la ogaado ama baadhitaan kadib la ogaado in loo baahanyahay
ka qaybqaadasho ballaadhan amaba iskaashi.

• Xog ururin ballaadhan iyo gorfayn , inkasta oo kala duduwanaan doonaan dhugashada iyo
heerka hawlahani, tani oo ku xidhan ujeedada qorshaha, ma mid istaraatiijiyadeed baa mise
waa mid taagtiig ah oo xili gaaban.

• Qorshaha hawgalku iyada oo la xaqiijinayo inta warbixin tafaasiil ah loo baahan yahay iyo
waqtigu sida uu yahay wuu kala duduwanaan karaa waxana uu ku salaysnaan doonaa qor-
shuhu ma istaraatiiji xili dheer baa mise waa qorshe hawleed dagdag ah.

• In loo feejignaado saamaynta iyo cawaaqibta, sida in qolooyinka qorshaynta istaraatii-


jiyadeed eegaan xiliga fog, iyo aragtiyo meel fog wax ka eegaya, halka kooxda Qorshe
hawleedku ay qiimayn doonaan waxa la filayo iyo saamaynta ama cawaaqibta xiliga iyo
mudada dhaw.

• Iyada oo si firfircoon oo joogta ah oo cid kasta laga qaybgaliyo si qoto dheerna uga qay-
bqaatan muwaadiniinta iyo hoggaanka bulshadu oo uu weheliyo nidargal iyo khayraadkii
d/hoose.

• Arimaha ah qofkii oo farxa, fajiciso ku timaad, shaqa adag, qulub iyo hawlfulin oo ka dhala-
ta wada shaqaynta, tan oo wax ka gaysanaysa noocii nololeed ee bulshada dadkaa jooga iyo
kuwa iman doona.

Qodobo Muhiim Ah

• Guusha fulinta waxa si wayn u xoojinaya:


• In dadkii saxa ahaa kula jiraan (kula shaqaynayaan).
• In khayraadkii aad gaadhi karto (heli karto)
• In la fidiyo daaqadii xidhiidhka ee Johari.
• In baahiyo lagu ururo, ma aha caadooyin
• In suulka aad iskaga hubsato biyaha inta aanad quusin.
• In qorsheeyayaashii hawsha laga qayb galiyo
• In la qiyaaso lana wadaago guushii.

148
• Qaacidada lagu qiimaynayo saamaynta fulintii qorshaynta ka qaybqaadashadu waxa ka mid
ah: filnaansho, tayada, wax ku oolnimo iyo cawaaqibtii oo la eego.
• Fikradaha iyo istaraatiijiyooyinka qorshaynta ka qaybqaadashada waxa laga bilaabi karaa
koona kasta oo bulshada ah.

Hore u soco ka qaybqaado qorshee mashaariic qiimo leh iyo shaqooyin fiican

Raad Raac

1. Bryson, John M. and Barbara Crosby. “Leadership for the Common Good”. San Fransisco:
Jossey-Bass, Inc., Publishers, 1992, p.281.

149

You might also like