Download as pdf or txt
Download as pdf or txt
You are on page 1of 3

Wereg Weere 05/08/2005

Jh suleiman.
Omane24@yahoo.com
Suleiman-jama@hotmail.com
Gabaygani wuxuu ka hadlayaa sida umadda soomaaliyeed
Ugu guuldaraysteen gobanimadii iyo israacii labadaba.
Iyo sida ay ugu baabe’een dagaalada sokeeyaha ee ilaa hada socda.
Dhibaatooyinka qurbaha lagala kulmay.
Iyo guud ahaan sidaynu aduunka uga hadhnay dhinac kasta oo aad
Eegto.
Una muuqano dad aan ceelna u qodnayn ciidana u maqnayn.

Adaa gabayga ina faaraxow* cidi ku gaadhayne


Murti geesti loo dayo adaa gaar laguu baraye
Oon geesinimo kugu ogaa gacani raacdaaye
Garabsaar rag baad tahay markaad golaha joogtaaye
Kolaad jaamac* gaadhsiiso oo gooni ugu sheegto
Iga gunud tixdii xalay hurdada gama’a ii diiday
Anoo gabana oo wiil yaraan joburg soo galaye
Maantana gawaankiyo cirada guudka madaxayga
Garoonkaa ka jeexmay hablihii igaga giigeene
Guumays ayey igu xantaan googo’ aan wadane
Anigaa is garan waayey shalay gaashka oogada’e
Goobyaaley keligay sidii gooni daaq cawle
Guryo samo dhulkeenii hadii geedo lagu sheego
Wedku gaabin maayee hadaan iilka lay geynin
Gudihii hargeysaan rabaa inaan mar gaadhaaye
Goodigi burciyo waxaan rabaa buurihii golise
Guban iyo saraar waw darsaday caano geel dhalaye

Afartaa gedii aan bartiyo gogol dhigeedii dheh


Gobo’ kalena waa aniga iyo gaar u hadalkayga
Gurgurshaa sidii aan ahoo gibil ma daadshaana
Guudkuu hindigu iga raraa luqunta gaabnaaye
Garbo beelay ina faaraxow gaabis baan ahaye
Inaan soo gotiyo waxan ka biqi inaan golxoobaaye
Garab rarato loo baday ragii gaanaha ahaaye
Sidii aar gantaal lala heloo geedka kici waayey
Ama geesi laga hiiliyoo ciil la gubanaaya
Garaanbada markii laygu xidhay gaadhna la i saaray
Goobtaas wixii iga qabsaday gocanayaa mooyi
Gunbaa ii heshiisee sharciga gees kamaan marine
Guntaniyo afyuub baa I helay guudcad aan nixine
God madow ayey ila rabeen inay i geeyaane
Adigayga soo gaadhayee waan go’ilahaaye
Abaalkaaga waan garanayaa waanan gudayaaye
Gurmadkiyo dagaalkaad dhigtaan gucanayaa mooyi
Gafuur culustu goor iyo aleyl haygu goobteene
Sulu waxaan galo aqoon ha i go’doonsheene
Guhaad iyo colaad iyo afxumo guudka hay sudho’e
Geyigiini baa soo gubteen hay gunuunuco’e
Gidaarada intay igu sugaan hay gagabiyeene
Gaaleef qaloocdiyo mindida hayla gaadeene
Golxob hay afaysteen markaa suuqa soo galo’e
Gaadiid la raaciyo tareen qoobka yaan geline
Guryaheena haw soo dhaceen gelin dhexaadkiiye
Gardarada inaan qaayiboo goroda laalaadsho
Garbay noqotay ina faaraxow geeri loo dhalaye
Geydkaanu xidhanaa hadhkii yaanay soo geline
Nimankii gunjaanada* badnaa gacal ha waayeene
Wereg weere* bay noo baxsheen gaalo madowdiiye

Afartaa gedii aan bartiyo gogol dhigeedii dheh


Gobo’kalena waa aniga iyo gaar u hadalkayga
Gobanimo nin jecel baan ahiyo guusha wadareede
Googoosankana waan nebcahay gooni goonida’e
Gamco wadajir bay maxamedow guri ku oodaane
Hadii midi guracan tahay takale gool ma dhaliseene
Isgargaarsigoodaad midnimo guul ku hanataaye
Shantii laysu geyn jirey hadii gobolba meel aadey
Oo labadi gobanimada helay kala go’een maanta
Umadaa gawaankiyo fadhida golaha ceebeedka
Een dunida soo gaadhahayn boqol sanoo gaw ah
Geediga hayaanka ah khalqiga gees u wada jeeda
Garaadkood ba’ may arag dayaxa geedi loo yahaye
Guudkiyo cirkaa sare ayaa loo gol leeyahaye
Xidigihii rag baw guurayoo gaadhey waa hore’e
Garoomaaba laga jeexayoo geedo laga beerye
Inaguna go’doon baan ku nahay guri abaareede
Gobanimada waagaan heliyo calanka guudkeena
Gumaystaha dharaartaan eryee gogosha loo laabay
Geeraaradii timacadiyo gabayaduu tiriyey
Godka lagu janee maansaduu nagu gudoonsiiyey
Calankii gumaystaha markuu goonida u duubay
Ee kaayagii guudka maray gole la weegaaray
Gelbis iyo ciyaartii markaan webiga gaadhsiiyey
Hala wada gardaadshaan lahaa labada geesoode
Geesaha waxaa looga maray waw gudboon nahaye
Gacal iyo walaal baan lahaa meel isugu geeye
Kuwa gibirka laga qaadayee cadowgu googooyey
Galbeed iyo jabuutaan lahaa geed u wada waabe
N.F.D.gargaar baan la rabey guuto loo diro’e
Geediga markaan xamar u raray geeri loo badaye
Meeshaan inay gaamurtiyo godol ka eegaayey
Gabno noqotay ina faaraxow gacaladeeniiye
Sawtaa waxaan goobayniyo gabaygi beenoobay.

Afartaa gedii aan bartiyo gogol dhigeedii dheh


Gobo’kalena waa aniga iyo gaar u hadalkayga
Guyaal badan waxaan tacabnayee meel isugu geyney
Ama guunyo iyo maal ahaa laamiyo is gooya
Galow baa ka ciyey daarihii wada guduudnaaye
Gahayr iyo lafoolaba ragbaa gubay wixii yiile
Nimanbaa gidaaradi dunshoo jiingadii gadaye
God aboodi baa laga dhigoo gelengel weeyaane
Meeshiyo ka gees iyo ka gees gebiga soomaali
Girligaanka sidii loo la dhacay gobolba meel aadye
Ragii talada loo geyn lahaa aakhiro u guurye
Guurtiyo hadaad beri ogayd geesi iyo caadil
Garaad iyo suldaan iyo islaan gebi ahaantoodba
Gadhcastiyo wadaadadi xaskay dabada geliyeene
Gambaa madaxa loo saarayoo gabe halkoodiiye
Dhalintii gedoon baa ku dhacay aan la garanayne
Gabaahiir ayey kuududaan garasho waa yaabe
Gashi bay ku noolyiin dhamaan waanu gudhayaaye
Gacan hoorsigay qaayibeen waa gunimo weyne
Qof xawaalad garab taaganoo giniyo eegaaya
Oon guunyo deeqdiyo lahayn guri wax hoos yaala
Guno raadi mooyee dad aan ceeb ka gubanaynin
Oo gargaar shisheeyiyo ku nool faraha guudkooda
Oo gadaan wax loo saarayoo lagu gumaynaayo
Gasariirka ina haysta baan gocanayaa mooyi

Afartaa gedii aan bartiyo gogol dhigeedii dheh


Gobo’kalena waa aniga iyo gaar u hadalkayga
Daayeerka geedaha koree goofafka u hoyda
Goriiluhu dad buu beri ahaa guunyo foofsada’e
Waxa loo gembiyey waa waxay galabsadeen waaye
Subaxbaa ilaahay gediyey gebi ahaantoode
Ma gabowdo taariikhdu waa lagama guuraane
Falastiin wixii gaabshey iyo guuldarada haysa
Iyagaysu geystaye yuhuudi libin ma gaadheene
Goldaloolahaa lagu arkaye lama gumaadeene
Inagaa gedoodii ka dhigan gooshkan maanta ahe
Umadaan af kala gooya iyo diintu kala geynin
Oo gebi ahaantood ka siman guudka iyo muuqa
Geyaan iyo xigaal wada dhashoo gacala weeyaane
Geestii u doonaba ha jiro gacan ku dhiigluhuye
Nin walaalki googooyayow guduriga u loogay
Guul iyo inuu libin ku helo waa ka garanuuge
Geestaad banaysaba axmaar baa ka soo geliye
Oromaa ku soo guuriyoo gaadhna kaa qabane
Gaade iyo tuugaad ku madhan gebi ahaantaaye
Bir mageydadaadaa dugaag gurubsan doonaaye
Geeliyo markay kaa dhacaan gaabanow adhiga
Geesaha markay kaa maraan gaag yar baad noqone
Garbaduub intay kuu xidhaan bay ku gawriciye
Geeskiyo dhulkaan degi jiree guule nagu beeray
Ee gaar naloo siiyey baa gaalku soo degiye
Galti iyo qoxootaynu noqon gebi ahaanteene
Gabdhaheenu guur iyo gayaan way ka gaasiriye
Gabadanada dhaxantay cidlada gooxa yuururiye
Gurigaad ku dhalataa la odhan yaanu soo geline
Galaayuuska caydhaada baa gubadka cawlaane
Dabeed goosan baad noqon sidii guunyo baadiyahe

1.Dr:Maxamed Faarax Darood


2.Jaamac Faarax Nuur
3.joburg johannesburg
4.gunjaani oo ah luqada suluga macnaheeduna yahay
Iska waran
5.wereg weere waa magac loo yaqaan dadka aan south africanka ahayn
macnaheeduna waa qof ku hadlaya waxaan la garanayn.
6.garaanba waa kiniin budo ah oo madax xanuunka loo cuno.

You might also like