Somaaliyeey Ma Isku Hiilinaa?

You might also like

Download as doc, pdf, or txt
Download as doc, pdf, or txt
You are on page 1of 6

1

Ma isku Hiilinaa si aan Dawlad uu Noqonno

Sida inta badan la ogyahay, shacbiga Somaaliyeed ma laheyn dawlad ka


dhexeysa oo ka talisa dalka oo dhan intii ka horeysay isticmaarka, laakiin
wuxuu lahaa deegaanno leh. maamullo madax banaan oo ay ka taliyaan
madaxda dhaqanka iyo culimada Islaamka. Culimada iyo madaxda
dhaqanku waxey kala lahaayeen door la yaqaan bulshada dhexdeeda oo ku
dhisan iskaashi iyo isqadarin. Xukunkii dawladihii isticmaarku waxey soo
kordhiyeen qaab xukun iyo xeer ku saleysan nidaamka reer galbeedka oo
shacbiga Somaaliyed ayan aqoon u laheyn, kana soo horjeeda dhaqankooda
iyo diintooda. Dawladii Somaaliyeed oo dhaxashay qaabkii xukunka
isticmaarka, qawaanintiisii iyo nidaamkiisa dhaqan-dhaqaale 1960,
ayaduna awood uma laheyn iney isbedel ku sameyso nidaamkaas. Sababaha
awood daridda waxaa ugu weynaa aqoonta oo yareed, dhaqaalaha oo
hooseeyay iyo wacyiga dawladnimo oo gaabnaa. Waxaa xusid mudan in
haddii la is barbardhigo aqoontii Somaaliyeed ee waqtigaas jirtay iyo
masuuliyadii dawladnimo oo ay qaadeen madaxdii waqtigaas, waxaa la
dhihi karaa waxey sameeyeen waxyaabo lagu amaani karo, mudanna
qadirin iyo xurmo. Laakiin, taas micnaheedu ma aha ineysan gelin
khaladaad waaweyn oo ilaa maanta qaarkood laga gudbi la’ayahay loona
bahanyahay in la iftiimiyo si aan loogu noqon. Xukunkii Ciidamada qalabka
sida oo xoog ku qabsaday talada dalka Somaaliya 1969 oo ay hadda ka soo
wareegtay 40 sano, wuxuu iskudayay inuu isbedel ka sameeyo xaaladda
calawsan ee Somaaliya.

Fikirkoodu wuxuu kusoo jeeday in la bedello waddaddi hore oo isticmaarka


laga dhaxlay iyo raggii hogaaminayay. Si uu isbedelkaas u sameysmo,
2

maraxdii kacaanka ciidamadu waxey qaadeen waddo tii hore kasii qalooc
badan oo lagu magacaabo “Hawl iyo Hanti-wadaag". Qaaditaanka
waddadaas waxey keentay dawlad kali-talis ah oo cadaw la aha dhaqanka
dadka Somaaliyeed iyo diintiisa Islaaamka. Waxaa gurbaanka loo tumay
hirgelinta hanti-wadaag aan la aqoon, waxaana xabsiyada loo taxaabay
ruux kasta oo lagu tuhmo inuu kasoo horjeedo.

Waxaa sameysmay dawlad nin kaliya ahi ka taliyo oo sida uu rabo ka


yeello. Dawlad aan dadka ka dhexeyn oo la kala leeyahay, dawlad aan
dadka oo dhan aheyn muwaadiniin u siman xuquuqda iyo waajibaadka.
Dawlad gumaadeysa dadkeeda oo u adeegsaneysa ciidamadii loogu tala-
galay iney difaacaan, dawlad madafiic ku garaaceysa magaalooyinka dadku
deganyihiin. Dhaqankaas guracan ee dawladnimo wuxuu sababay iney
sameysmaan ururo hubeysan oo reero ku dhisan oo ay ka go’antahay iney
dawladnimada qabsadaan si ayaguna markooda ay ugu amar ku
taagleeyaan dawladnimada oo reerahudu uga xigsadaan reeraha kale.

Wixii ka dhacay waaba la ogaa markii dawladii Somaaliya xididdada loo


siibay 1991 oo shaydaanka xukun iyo xoolo boobka la wada raacay in yar
oo Ilaahey ka bad-baadiyay marka laga reebo. Dhaqaankaas xukun-boobka
ku dhisan oo 40 sanno ka hor u gudbay xoog xukun-ku-maquunis ayaa welli
socda oo dhaqan u noqday inta xukunka boolida ah u ooman. Qoraga
caaradiisa ayaa xukun lagu helaa ayaa la iska dhaadhiciyay, waxaa aan
laga leexleexan in la daadiyo dhiigga aadamiga oo Ilaahey xarrimay in
lagu daadiyo dulmi, waxaa dhaqan laga dhigtay in la booboo hantida dadka
ka dhexeysa ee dawaldu leedahay iyo midda gaar ahaaneedba. Waxaa
arinkaas lagu sameeyay magaca dawladnimada, magaca qabiilnimada iyo
magaca Islaamka.
3

"Waxaa dadka ugu liita inta wax ku boobtay magaca Ilaahey oo dadka ku
khiyaantay magaca Ilaahey iyo jaceelka Rasuulka Muxamed (NNK). Waxaa
dadka ugu dambi weyn inta dhigatay shabakadda Islaamka oo
xalaaleysatay dhiigga iyo xoolaha dadka".

Hadaba, si Somaaliya uga badbaado xaaladaas waxaa loo baahanyahay in


caqliga dib loogu laabto oo caqli xumidda la xakameeyo, in waallida lagu
bedelo miir-qab, in xukun-boobka iyo xoollo-boobka farta lagu wada fiiqo.
In dadka Somaaliyeed, wadaadkooda iyo waranlahooda, caamigooda iyo
culimadooda, raggooda iyo dumarkoodu ay isla fahmaan, dhaqanna
geliyaan iney ku yihiin shirko dawladnimada oo aan koox iyo ruux midna
loo ogolaan inuu dhaco oo uu boobo. waxaana dhamaan ka dhexeeya
dadkeynna dalka, diinta iyo dawladnimada (DDD).

 Shirkadnimadaasu waxey keeneysaa in laga wada tashado wixii dadka oo


dhan ka dhexeeya. Dadka oo dhan ay ka tashadaan ragooda iyo
dumarkoodu ayada oo aan loo kala harin. Waxaa wada tashanayaa waa
muwaadiniinta, waa qof-qof ee ma aha qabaailka. Marka dawladnimo la
joogo, qabiilnimadu ma ahan hal-beeg, qabaa’ilku waa sida ururo bulsho,
dhaqan, degaan iyo dhalasho ama isla-dhaqan ku saleysan. Jiritaanka
qabiilka in la inkiro ma baabi’neyso qabyaaladda, laakiin, waxaan xadeyn
kara waallidiisa xukun-doonka iyo eexda ku dhisan hergelinta qawaaniinta
dadka oo dhan usimanyihiin. Taasna waa doorka dawladda laga rabo oo
ilaa iyo hadda lagu kari la’ayahay kooxdii xukunka timaadaba. Waxaan ku
baraarujinayaa shacbigeynna isbedelka fikirka u baahan labada arimood
oo soo socota:

 
4

1. Tan koobaad waa in sax ah loo fahmo Islaamka oo ah diinta dadka


Somaaliyeed. "Diinta Islaamka iskama laha wadaado ama ururo magaca
Islaamka qaatay ee dadka oo dhan ayey ka dhexeysaa oo wada aaminsan".
Doorka gaarka ah ee xarakadka Islaamka iyo culimada Islaamka waa iney
inta aan Islaamka aqoon ay baraaran, masaa’ilka diinta ka jawaabaan,
xaqqa iyo xaqq darida kala qeexaan. Waxaa laga rabaa iney tusaale u
noqdaan bulsha inteeda kale oo laga arko akhlaaqdooda, Alle caabudka iyo
u hogaansanaanta shareecada Islaamka. Sidaas waxey kala midyihiin
aqoonyahaada kale sida dhaqaatiirka oo dadka daaweeya, injineerada kale
duwan hawlahooda guta, culimada baratay maamulka iyo mareynta.
Laakiin, wadaadnimadoodu xaqq uma siineyso iney xukunta boobaan oo
dhahaan dhahaan annaka ayaa ku haboon. "Xukunka dadka Muslimiinta
wuxuu ku dhisanyahay wada tashi sida Nabigeynu (NNK) sameeyay,
Qur’aankuna amray " wa shaawirhum fi al-amri", waxaana loo dhibaa ruuxi
loo doorto". Ruuxaasu shardi ma aha inuu caalim islaamka ku yahay, inuu
cimaamad xiranyahay, laakiin waa inuu noqdaa ruux u hogaansama
Islaamka iyo qawaaniinta aan khilaafsaneyn Islaamka sida dastuurada
dawladaha loo sameyo.

Ruuxa madaxa Muslimminta u noqonayaa waa in la doorto oo haddi u


shaqadiisa uu kasoo bixi waayo laga ruqseynayo shaqada. Asaguna waa
inuusan ku dhegin xukunka ee uu ogaado inuusan asagu laheyn xukunka oo
dadkii iska lahaa haddii ay diidaan uu xaqooda usoo celiyo. Sidaas waxaa
sameeyay Madaxweynihii hore Adan Cabdulle Cusman oo inkasta oo aan
lagu oqoon wadaadnimo, sharaf iyo hufnaan lagu bartay, tusaale fiicanna u
ah Somaalida iyo Afrika, Ilaahey ha u naxariisto. Madaxda waa in lala
xisaabtamaa, haddii wax fiican ay sameyaan waa in lagu taageeraa, hadii
5

khalad ay galaan waa in la tilmaama, lana toosiyaa si kore iyo si hoose


intaba. Islaamku ma qabo dhaqanka "Guulwadeynta" oo ah in mar kasta la
taageero xukuumadda oo loo mashxarado. Sidoo kale ma qabo in mar kasta
la mucaarado oo wax kasta oo xukumadu sameeyso laga arko dhanka xun.
"Islaamku wuxuu ku dhisanyahay in wixii macruuf ah in la taageero, wixii
munkar ah in la diido, lana dhaleeceeyo".

2. Tan labaad, dadka wixii ka dhaxeya in koox gaar ah qaadato diin ahaan
waa xaaraan, waxey la mid tahay boobka waxa dadka ka dhexeeya iyo
dhaca waxyaabaha shirkada lagu yahay. Kooxdaasu ama ha sheegato
magac dawladnimo, reernimo ama diineed. Mabd’a xoog adeegsiga iyo
jajuubku ma ahan mid waafaqsan Islaamka. Waxaa aan sheegayo waa
mabda’ guud ee Islaamka oo haddii laga leexdo la dambaabayo. Sidaas
ayaa Nabigennu yiri (NNK) xadiis micnihiisu yahay "qofkii imaan u noqda
qawm [salladdoda] ayaga oo karaahsanaya salaadiisa kor loogama qaado
madaxiisa" oo micnaheedu yahay lagama aqbalayo. Hadaba ka waramma
ruux ummad dhan xoog ku qabsaday oo ayan rabin xukunkiisa meesha uu
ka joogo Ilaahey agtiisa? Waa ogahay in aqrisyaasha qaar ila aadidoonaan
"baabka daruurada" oo ah marka muslimiinta loo baneeyay cunidda hilibka
doofaarka, laakiin iney daruuro la joogo maxaa cadeynaya? Ma waxaan
dhihi karnaa 40 sanno ayaa Somaaliya daruuro ku jirtay? Ma waxaan dhihi
karnaa jabhadii hubeysaa waxey ku jireen baabka daruurada? Ma waxaan
dhihi karnaa kooxa ku dagaalamaya magaca Islaamka waxaa qasbaya
daruurada mise ayaga ayaa sidaas aaminsan?

Gunaanadii, dhamaan xarakaadka Islaamiga waxey ku sameymeen fikrada


ah in diinta Ilaahey dadka la baro si ay ugu dhaqmaan. Waajibkoodu waa
iney kobciyaan fahamka Islaamka si dadku si xornimo ah Islaamku ugu
6

dhaqmaan ayada oo aan la jajuubin. Fikir kasta oo ku dhisan in wadaado


kaliya dalka xukumaan inta kalena ka fogeeyaan xukunta iyo sidoo kale, in
wadaadada laga fogeeyo xukunka waa arin aan sax aheen oo aan
shaqeynin. Waa fakir gaaban oo hawl-gab ah, kaas oo kobcinayaa kala
qeybsanaanta iyo seef la boodnimada. Fikirkaasu waa kan na geliyay
dhooqada an ku dhex jirno iyo dhiigga Somaaliya oo la daadinayo oo
horseedaya faragelinta shisheeye. Xukun boobka ma ku bedelnaa wada-
tashiga? Xoog adeesiga ma ku bedelnaa wada hadalka? Intii aan hiil
shisheeye dooni laheen, annagu ma isku hiilinaa? Caruurteyna ma u
hiilinaa, dadkeyna ma hiilinaa? Aduunyadeyna iyo aakhiradeyna ma
hiilinaa? Ma isku soo hilownaa!! Ma isku soo haanyoonaa!!

You might also like