Download as pdf or txt
Download as pdf or txt
You are on page 1of 5

Tayo laaanta VOA:

Qaybtii Koowaad:
Barnaamika Dhaqanka iyo Hiddaha.
Axmed Faarax Cali Idaajaa.

kuwii qaranka dumiyey weli xaal

iyo cudur daar midna kama hayno.


Waan in xaal la noo keeno".
Idaajaa, Nairobi

-Waraabaha ku ruugaaya iyo, aar ku raamsanaya


- Sidday kuugu kala roon yihiin, maad u kala reebtid
- Ninkii rodolna miisaama ee, kiilo raajiciya
- Ee raasamaalkuu helaa, rubuc ka hooseeyo
-Xisaabtaa inuu dib u rogrogo, sow ra'yigu ma aha
Cabdulaahi Macalin Dhoodaan

Taariikhdu waxay sugaysaa in idaacada BBC-du ay mar ahaan jirtay hormoodka warbaahinta.
Waxay ahaan jirtay gole caweys,madadaalo,aqooneed, meel warar sugan loo raadsado,iwm. Waxaa
intaasoo dhanba isku fuuqdsadey oo hal bacaad lagu lisay ka dhigay maamul dan reereed-hiyi fog
laaan- u tafoxaytay.Dadka dhageysta ayaa gabaabsi ku sii dhaw.Xilli ku beegnayd 1992 ayaa
waxaa dalka Maraykanka laga aasaasay warbaahin kale oo ku caano maashay magaca VOA-
idaacada codka Maraykanka-.Ujeedadii loo aasaasay oo hirgashey awgeed ayaa albaabada loo
xidhay. Muddo ku dhaw 15 gu ka dib ayaa loo baahdey haddana oo albaabada loo furay bishii
Febraayo 2007. Xilligan aad baa loo tabey,magacna ay ka mudatey bulshada Soomaaliyeed.
Waxay noqotay xilli loo baahnaa oo dhagaha laga soo furayasnayey warbaahintii Baafinta Beenta
iyo Colaada(BBC). Aad baa loo soo dhaweeyey furitaanka VOA-laanta Af-Soomaaliga, lana
filayey inay buuxiso milgihii warbaahineed ee ummadu u baahneyd.
Ayaandarada u weyni waxay kaga dhacdey markii shaqaalihii loo igmadey aqooni meel cidla ah
dhigtay.Waxaan halkan ku soo qaadan doonaa dhawr barnaamij oo ka baxay idaacadaa,aaney ka
muuqato tayo xumaan iyo inaan waqti badan la siin soo diyaarintooda.Iyadoo dhagihii ummadu ay
ka biyo diidan yihiin hanaanka ay u holatey,ayey ka sii dartay oo lagu soo daray shaqaalaha nin
waagii maamulkii Afweyne u caleemo saarey inuu suugaanta xeeldheere ku yahay, ku hanaqaada
magaca Axmed Faarax Cali Idaajaa.

Qoraaladan dhawrka ah waxaynu isku dayi inaynu muujino tayo laaanta,cadaalad darada,iyo xagal
daaca ka muuqda barnaamijya ka baxa golahaa warbaahineed .Si tusaale ahaana qaar ka mid ah
barnaamijyadaa ayeynu soo bandhigi doonaa.Qofka in uun muddo gaaban siiya u fiirsiga tayada
barnaamijyada ka baxa golahaasi wuxuu dareemayaa in aan dhageystaha loo tirin aqoon iyo
garasho,hase yeeshee hagaha barnaamijku meesha ku buuxi iyo mushaharka xasisho uun uu u
soo daayey barnaamijka.

Shaqaalaha VOA waxaa u fudud oo ay xil iska saaraan gudbinta barnaamijyada,halka


xagaldaac,dheeli,iyo tayo laaani ay garab iyo gaashaan u tahay barnaamijyada sida aynu ka arki
doono Insha Allah tusaalayaasha kale ee soo socda oo saabsan shaqaalaha kale ooynu dhawr ka
soo qaadan doono

Barnaamijyadaa waxaynu ku bilaabi doonaa ka loogu abtiriyo barnaamijka Hidaha iyo Dhaqanka
ee u daadihiyo , aqoon la dirire, Axmed Faarax Cali Idaajaa.Waayo waayo ayey idaacadii
Afweyne u afduubnayd Idaajaa oo la siin jiray magacyo badan si loo sugo maamuusidda
nidaamkii keligii taliska ahaa; dhagaha dadkana waxaa loo qoofaley u nuglaanta suugaanta uu
Idaajaa ka dhigay badhax,raadraac laaan, iyo mid xagal daac badani ka muuqdo.

Markii uu shaqada ka bilaabey Idaajaa warbaahinta VOA,wuxuu isku dayey inuu ummada u
faahfaahiyo qaababka kala duwan ee maansada iyo sida loo kala dhanbalay.Wuxuu Idaajaa
ilaaway in aan la hoos joogin maamulkii Afweyne,dhagahuna aaney u dhukaalneyn sidii
waagaa.Waxaa maankiisa ka baxey in la hadli karo,afcelina lagu sameyn karo suugaanta uu
boqno goyn jiray.

Barnaamijkaa wuxuu Idaajaa kaga warameyey kala duwanaanshaha habdhaca maanseed ee


hees,jiifto,gabay,iwm.Wuxuu isku dayey Idaajaa in intii kartiyi u saamaxdey,aqoonina siisay uu
kala shaandheeyo. Hase yeeshee marnaba Idaajaa ismuu odhan dadkaad lahadleysaa kuwii
kacaameysnaa maaha,maamulkii taageerada indhaha la kula garab taagnaana meesha ka bax ee
maad dib wax u baratid intaanad gudbin waxaanad aqoon badan u lahayn.

Wuxuu Idaajaa ku bilaabey barnaamijkaa inuu si kooban inoogu shaandheeyo bad-maanseedka


Af-Soomaaliga,waxaanu yidhi: Dhageystayaal haddaad xusuusataan waxaan dhawr jeer ku
celceliyey gabayga,geeraarka iyo jiiftadu inay ahaayeen saddexda hab ee maansayahanadii
Soomaaliyeed ee waaweynaa ay wax ku curin jireen. Hase ahaatee taas macnaheedu ma aha habab
kale oo wax lagu hal-abuuraa inaaney jirin. Wuxuu Idaajaa markiiba tuhun galiyey awooda
xasuuseed ee dhageystayaasha,naftiisuna siin wayday inuu ku bilaabo dhegaystaal sidaad
xusuusataan.Tani waxay muujinaysaa inuu doorashada erayada ka aradan yahay,ama uu wali
Idaajaa u haysto inuu ka hadlayo Idaacadii Muqdisho, dhegaystayaashuna ay Oktoobaraysan
yihiin

Isagoo Idaajaa sii wata hadalkii ayuu yidhi,: Waxaa jiray hab afraad oo inkastoo uu saddexdaa
aan soo sheegay uu ka meekhaan hooseeyey haddana hal abuurada faca labaad ay murtidooda ku
gudubsan jireen.Waa habka heesta oo loo yaqaan oo iyadda qudheedu jaadad badan u
qaybsanta.Marka wax lagu tirinayo aad bay heestu uga fududahay wax ku tirinta hababkii
saddexda ahaa ee aan kor ku soo carabaabey.Taas baana inoo fasiraysa sababta goor la joogaba hal
abuurada heesaha curiyaa tiro ahaan uga badan yihiin kuwa gabya ama geeraarka iyo jiiftada ku
maansooda . Mar kale wuxuu adeegsadey faca labaad. Gef iyo aflagaado waxay ka aheydba,
muu tilmaamin qoladuu u jeeday iyo xilliga uu sargooyo uga dhigtay fac qoqobaynta. Sidoo kale
muu xusin qolada loo nisbayn karo faca koowaad iyo ka saddexaadba.Malaha golihii Xisbiga
Hantiwadaaga Kacaanka Somaaliyeed ayuu u akhrinayey khudbadii i dhageyso ama ha i
dhageysan loo yaqaanay.

Halkaa markuu marayey waxaa loo dhago taagayey inuu sharaxaad ka bixiyo waxay tahay heestu
iyo waxay kaga duwan tahay saddexda uu Idaajaa kor ku carabaabey: gabay; geeraar; iyo jiifto.
Hase yeeshee, diyaarinta barnaamij isku dheelitiran oo tayo leh ayaan loo tirinjirin Idaajaa,
waxaase kaalmo laxaad leh u fidiyey golaha uu la jaanqaadey ee VOA.

Wuxuu Idaajaa malmaluuqay buug uu godob kaga galay maansooyinkii Deelleey.Buuggaa


dhexdiisa ayuu ku sugay aqoonta aanu u laheyn tilmaanta u gaarka ah heesta.Boobe Yuusuf
Ducaale oo qoray buug la odhan karo waa Hiiliye uuna ugu magacdarey Deelleey,Saadaal
Rumowday ayuu ku xardhay erayo muujinaya siduu ula yaabay Idaajaa iyo majarohabowga ka
haysta tilmaamaha Heesta,waxaanu yidhi: Marka aan ka dhaqaaqo aqoonta aan filayey in
Idaajaa uu u leeyahay guud ahaan fanka Soomaliyeed ma aan moodayn in ay Idaajaa iskaga
qaldamayaan ama murgayaan Heesso iyo Heello.

Isagoo Boobe sii wata hadalka ayuu mar kale tilmaamayaa dhaliil kale oo Idaajaa aad loogu
yaqaano,waxaanu yidhi: Mar labaad ismaan laheyn Idaajaa aqoon baa uga dhiman Qaraamiga.
Hase yeeshee Idaajaa had iyo jeer waxaa majaro habaabiya dhaqankiisa xagal daaca u jajaban.
Waxaanu Boobe yidhi isagoo u cudurdaaraya wadaadka : Saaxiibkay Idaajaa waxaan is
leeyahay magaca iyo amaanta uu dadka qaarkii la jecel yahay,kuwii mudnaana uu kaga masuugayo
ayaa meesha la martaye bal aan in yar halkan ku hakado. Boobe aqoondaradaa kagamuu tagin
saaxiibkii Idaajaa ee isagoo wax u kordhinaya Idaajaa ayuu yidhi: Saaxiib marka hore Qaraamigu
Heeso ma ahayne Heellooyin ayuu ahaa Heelladu waxay joogsatey waqti lagu qiyaaso 1962kii
waxaana badalaey Heesaha oo ilaa maanta socda.Heellada midhaheeda waa dhaanto kaliya,halka
Heesaha badaha maanso oo dhan laga curiyo. Mar kale ayuu Boobe isla buuggaa kusii
balbalaadhiyey tilmaamaha u gaar ah Heesaha.Waxaanu Boobe yidhi : Heellada magaca waxaa
la siin jiray codka ama laxanka,halka Heesta magaca la siiyo midhaha.Waxaa haboon qofku
markuu wax qorayo inuu isbaraxo oo tusaalayaal nool dooddiisa ku daafaco

Mar kale aan dib u jaleecno barnaamijkii kala dhantaalnaa ee uu Idaajaa ugu deeqay qaybta af-
soomaliga ee VOA. Idaajaa isagoo sii wada hadalkii ayuu xusay koox uu aqoon u tiriyey,
sheegayna inay cilmi baadhis ku sameeyeen hees dhaqameedka Soomaliyeed, waxaanu
yidhi:Todobaatanadii qarnigii 20aad waxa ay cilmi baadhayaashii akademiyada cilmiga iyo fanka
Soomaaliyeed ee Xamar ku ooli jirtay hees dhaqaneedka Soomaalida u qaybiyeen laba jaad oo ay
u kala bixiyeen.Hees hawleed iyo hees ciyaareed.

Tolloow cilmi baadhayaashaasi miyaanay laheyn sumad iyo sawrac loo raaco.Malaha sheegistoodu
waxay ku aheyd wadaadka guul rag kale loo tirinayo,kacaankuna sidaa ma ogolee ogoow
akhristoow.
Ragga ka shaqeyn jiray Akadamiyada waxaa ka mid ahaa Yaasiin Axmed Xaaji Nuur (IHUN) oo
ka baxey Jaamicadii Lafoole,kana noqday barre sare.Yaasiin marna lama siin magacaa
aqoonyahan, fursadna umuu helin in qalinkiisa xakamaha laga furo,aqoontiisana la mayraco.Balse
aan iswaydiino Idaajaa erayga aqoonyahan iyo cilmi baadhe sida uu ku helay. Waxbarashada
wuxuu Idaajaa ka gaadhey dugsiga sare,dibna umuu kicin inuu qalin iyo buug hilaabto mar
danbe.Waxaase marna aan laga tageyn inay jireen aqoonyahano dalkii la odhan jiray Soomaaliya
iyo dibadiisiiba wax ku soo bartey oo heer jaamicadeed (Bachelor,Master,PhD) lahaa, hase
yeeshee aan loo nisbayn jirin aqoonyahano,fursaduu Idaajaa ku helay aqoonyahanimana aan
helin.
Shaqadii Idaajaa iyo Xiliggii Afweyne:
Waxa aan marna la hilmaameyn inuu u
dhuun daloolay nidaamkii shuuciga ahaa Afartii habeenimo ayuu Siyaad Barre soo diray
xoghayihiisii oo la odhan jiray Daynab. Ninkaas anigu
oo aad ugu duxay. Markaa muriidka
maan aqoon isna imu aqoon, dabadeed gurigaygii
Idaajaa waxaa loo tiriyaa inuu ka mid ahaa ayuu garan waaayay oo Siyaad Barre ayuu ku noqday
dadkii hiil iyo hooba la garab taagnaa oo uu ku yidhi waan waayay ninkii gurigisii Siyaadna
Afweyne markuu Quraanka wax ka wuxuu ku yidhi waar orod oo doon ayaan ku idhi.
badalkiisa (Suuratu Nisaa,Aayadaha Daynab waxa uu u tagay Axmed Idaajaa oo uu ku
yidhi guriga Hadraawi kaalay I soo tus. Dabadeed way
Dhaxalka) u agab qaatey .
igu garaaceen Shantii arooryo oo waxay igu
yidhaahdeen Balaayo ma jirtee Madaxweynihii ayaa
ku doonaya. Waan baxay oo dabadeedna waan u
tagay ilaa Sagaalkii Subaxnimo ayaanu wada
Waxaa aad looga dharagsan yahay inaanu
fadhinay. Wuxuu hadal wadaba Aakhirkii wuxuu igu
aqoonyahan oo kaliya magac ahaan u
yidhi waxyaabo Mucjiso ah. Hadraawi
sidane,markuu doono xidho shaadhka
siyaasada si loogu magacaabo siyaasiga weyn ee Soomaaliyeed. Isagoo siyaasigu ka hadlaya arinta
Soomaaliyeed(hore u ahaan jirtay Italian Somalia) mar ay warbaahiyaha Rajodoon waydiiyeen
inay Soomaali diyaar dawladnimo u tahay iyo in kale ayuu yidhi: "Soomaali dowladnimo diyaar
bay u tahee. qolyahaan midba maalin shaati noo soo gashanaayo ayaa dhibkawada. Bal iswaydii
akhriste inta shaadh ee Idaajaa kala badalo ,mar waa suugaan yahan,mar waa siyaasi , marna waa
aqoonyahan,marna waa .

Bal aan Xusuusiyo Idaajaa inuu iminka dareen wacan ku akhriyo,fariintii uu Yaasiin Axmed
Xaaji Nuur (IHUN) ugu deeqay 1980.Wuxuu Yaasiin ka jawaabayey maanasadii Idaajaa ee
Miyaa la is-dhex degi laa? ee ka tirsanayd taxanihii Deelleey,kuna xardhan buuggaanu u
magacdarnay Hiiliye ee loo yaqaan Deelleey (Saadaal Rumowday) uuna qoray Boobe Yuusuf
Ducaale.

Ninka Garab ku daaqoo

Diiwaan hadhaayiiyo,

Taariikhdu waa dug,

Haddaad duudsi leedahay,

Dagan maaha shicibkuye,


Way ku daaqsanaayn,

Dusha aqalka keenna ah,

Dun haddaad ka siibtiyo,

Doc haddaad ka fagotaba,

Giraan duubta baa taal,

Inuu Idaajaa majaro habaabiyo ujeedada maansada waa arin aad loo sugay dad badana ay iskugu
raaceen.Waxaa taa ka sii daran inuu heelan u yahay muquuninta magaca maansayahanada mudan
in la sheego kol haddey xisbigii boqray Idaajaa ay la jaanqaadi waayeen.

Abwaan Maxamed Xaashi Gaarriye oo arintaa Idaajaa fariin toosin ah ugu diraayaana wuxuu
yidhi: Waxaan jecelahay inaan halkan kaga jawaabo buug uu Deelaydii ka ururiyay Axmed
Faarax Cali (Idaajaa), oo aan maqlay inuu Wanjalay Deelaydii. Markaa waxaan leeyahay Idaajaa
Deelayda waxaad ku eegtay indhihii ay ku eegi jirtay Dawladii Maxamed Siyaad Barre. Maansada
ma bedeli karo laakiin waxa uu bedelay siyaabihii ay ku timid oo waxa uu ka dhigay sidii ay u
arkaysay dawladii Siyaad Barre.

Waydiinta meesha taalaa ee u baahan in dareen dheeraada la siiyaa waxaa weeyey goormuu
Idaajaa garan in golihii kacaameysnaa jagaafaha loo laabey,suugaantana dad badano oo aqoon iyo
daacadnimo isku darsadey heelan u yihiin u hiilinteeda? Goormayse kala-daadan VOA Qaybta Af-
Soomaaliga (VOAQAS) ay garan in dadweynuhu sugayaan barnaamijyo tayo iyo tilmaan leh?

Qormadan waxaan kaga hadalnay barnaamijkay yidhaahdaan Hidaha iyo Dhaqanka.


Qormooyinkeene soo socdana, INSHA ALLAH waxaan ku eegi doonaa qaar ka mida
barnaamijyada tayada liita iyo siday wax u soo tabiyaan qaar ka mida shaqaalaha kala-daadan
VOA QAS . Waxaynu bixin doonaa tusaalayaal iyo hoga tusaalaynba.

La soco qaybaha danbe..

Tixraac:

-Qolka kaydka ee Mareegta Farshaxan

-Mareegta warbaahiyaha Rajodoon

-Buugga Deelleey, Saadaal Romoowday .Boobe Yuusuf Ducaale

-Mareegaha Gabileynews,Hadhwanaagnews, OodweyneNews,Geeska Africa,.

-Qoraal Xanee ku hadh: Axmed cali (idaajaa) ayaa xaal doonaya Xaamud Ducaale

Qalinkii iyo Tifatirkii .

Fu,aad Sh.

Bahda Mareegta Farshaxan

You might also like