Download as doc, pdf, or txt
Download as doc, pdf, or txt
You are on page 1of 2

Milicsiga Buugga Diwaanka Qosolka

Mareegta Farshaxan
Juun,2009

Markii u horreysay ee aan arko buugga


Diiwaanka Qosolku waxay ahayd
26/04/09, maalintaas oo annnaga oo koox
ah aan ka soo qayb-galnay dabaal-deggii
Naadiga Akhristayaasha Hargeysa. Markii
aanu hoolka weyn ee Hoodaale 1 ee
Maansoor soo galnayba waxanu isha ku
dhufanay iyadoo lagu buuqsan yahay miis
yaallay dhinaca bidix. War baa ugu gaajo
kulule waxanu xiisaynay in aan ogaano
waxa meesha ka socda. Waanan ku
baydhnay. Yaa salaam! Waa buug cusub oo
qurux badan jaldigiisuna soo jiidasho
leeyahay. Waxa ku xarddhan laba midab oo
buluug iyo baarbal ah. Waxa far waaweyn
ku qoran “Diiwaanka Qosolka” waxana ku
sawiran dad fara badan oo wada qoslaya. Oday masrax taagan oo dadka qoslaya ka
soo hor jeeda ayaa isagana waxa ku dul qoran hal-ku-dhegga “EESH QIYAASAK..!”
Waxan u fahmay in laga wado Aw Xasan Sh. Cismaan. Ammintaas aragtida buugga
wax ka badan nooma ay suuro-gelin maadaama meesha ay xafladi ka socotay oo
nalaga filayey in aanu fadhiisano.

Ileyn xafladda waxa ku lammaanba bandhigga buugga! Dhallinyaro shan ka kooban


ayaa guud mar macaan noogu sameeyey kuwaas oo dadkii madasha fadhiyey aad uga
qosliyey qaarkoodna ay dibada ula baxeen qufac iyo hindhiso u raacday. Waa xaggii
Soomaalidee kooxda qosolka naga dhammaysay waxan ka xusuustaa Musaabaqo,
Mustafe Khayre iyo Khaalid Qodax. Haddii u magac bixi lay odhan lahaa waxan ku
sunti lahaa “Habeenka Qosolka Adduunka” ileyn imika waa tan maalmihii la kala
qaybsaday ee midba wax lagu sheegaye.

Iyadoo weli bandhiggii buuggu socdo ayaan ku war helay dadkii agtayda fadhiyey oo
kolba qof kacayo kii soo noqdaana uu sito nuqul Diiwaanka ah. “Miyaa la idin soo
siiyey?” iyo “maya’e waanu soo iibsanay”. Oo maxaa dadka iga reebaya. Aniguna
midh baan soo iibsaday.

Maalmihii xigeyba aniga, asxaabtayda iyo dhallinyaro kale oo fara badani buugga
dhammaantiis waanu akhrinay. Wuxuna noqday wax lagu hadal hayo goobaha
dhallinyaradu isugu timaad. Laakiin markii aan dhammeynay baanu is nidhi maxaad
isaga dhammayseen maad qosolka iyo farxadda yar-yaraysataan. Qaar ka mid ah
dadkii akhriyey waxay ii sheegeen in iyaguna ay dareenkaas oo kale qabeen. Nin
macalin ah oo aan u dhiibay ayaa ii sheegay in uu dugsiga u qaatay. Kadibna mar uu
ardayda laylis u diray ayuu is yidhi inta ay ka shaqaynayaan adiguna buuggan akhri.
Dabadeedna isaga oo ismoog ayuu qosol weyn ku dhuftay. Ardaydii baa yaabtay oo
iyaguna inta ay layliskii faraha ka qaadeen qosol kaga wada kacay oo dhinicii
macalinka soo eegay. Buuggii inta uu dhakhso u laabay ayuu ku idhi “Aamusa.
Miyaanan layli idiin dirin maxaad ku qoslaysaan”. Ardaydii baa iyaguna dhinacooga
yaabay oo yidhi “tolow macalinku miyuu istaadhay”. Markaa waxa iga dardaaran ah
haddii aad aragtaan qof keligii iska qoslaya, inta aydaan ku darin liiska dadka
waashay, gacantiisa ka hubiya in uu sito buuggii ka-qosliyiha ahaa ee Diiwaanka
Qosolka. Waa buug cajiib ah. Haddii lay weydiin lahaa magac u soo bixi, waxan
odhan lahaa “MURUGO-LA-DIRIR.”

Sidaan kor ku soo sheegay buuggani wuu cusub yahay oo 2009 ayuu soo baxay. Waxa
qoray Jamaal Cali Xuseen oo ah aqoonyahan reer Somaliland ah oo muddo dheer
qurbaawi ahaa haatana deggan Ivory Coast- Galbeedka Afrika. Dhexdiisa waxa ku
yaala sheekooyin 137 ah oo qaar gaagaaban iyo kuwo dhaadheerba leh, oo maad iyo
murtiba leh, oo dhinacyo badan oo kala duwan taabanaya- hadday tahay dhinaca reer
miyiga, magaalada, qurbaha, haweenka… kuwaas oo meel kuu buuxinaya sidii
maahmaahaha aad u adeegsan karayso. Waxa kuu muuqanaysa in qoraalka buugga ay
hawl badan la galiyey oo daraasad dheer dabadeed la qoray. Sababtoo ah
sheekooyinka uu xambaarsan yahay ee 137-ka ahi waxay ka dhaceen waddamo iyo
gobolo kala duwan, waxay ku dhaceen dad kala duwan waxayna u dhaceen siyaabo
kala duwan. Marka aad dhammeyso sheeko kasta waxa ku hoos qoran- Habsami
Adeegsiga Sheekada.

Qoraagu buugga wuxu u kala qaybiyey shan qaybood oo kala ah:

1. Sheekooyin qosol iyo mahadhooyin


2. Sheekooyin murti-suugaaneed oo qosol leh
3. Sheekooyinka qosolka leh iyo haweenka soomaaliyeed
4. Sheekooyinkii qosolka lahaa ee Aw Xasan Sheekh Cismaan Nuur
5. Sheekooyinka qosolka leh ee qurbojoogga iyo saaxiibbadooda qalaad

Shantaas qaybood ma kala dhacaan oo suugaan, murti, aqoon iyo waayo-aragnimo


xeel dheerba waad ka baranaysaa. Waxa xiise badan ku gelinaya sheekooyinka qurba-
joogga, kuwa haweenka iyo, yaa salaam, 20ka sheeko ee qosolka iyo murtida badan
ee laga soo weriyey Alle ha u naxariistee Aw Xasan Sheekh Cismaan Nuur oo reer
Burco ah aabihiina ahaa sheekhul-baladka magaalada Burco. Noloshiisa iyo
sheekooyinkiisa ayaaba runtii u qalma in sidooda buug looga qoro.

Runtii waxaan odhan karaa Diiwaanka Qosolku waxa uu soo baxay xili baahi badan
loo qabo qosolka, murtida, suugaanta, iyo farxadaba. Inta ogaalkayga ahna hore
looguma arga buug caynkan ah dhulka Soomaalidu degto. Sida uu Hadraawi
sheegayna waxaaba fiicnaan lahayd in loo turjumo bulshooyinka kale sida reer
Galbeedka. Jamaal Cali Xuseen oo isaga qudhiisu ah hal-abuur hibo u leh ka-qoslinta
waxan leeyahay shaqo wanaagsan oo cuus oo aan cid kale qabateen baad qabataye
Ilaahay ha kaa jasaa’i siiyo. Dhammaan bulshadeenana waxan ku dhiiri-gelin lahaa in
ay akhriyaan oo ka bogtaan.

Qalinkii: Sahra Kiin Abdirhaman Ahmed


Freelance journalist
Sahra873@hotmail.com
Hargeisa, Somaliland

You might also like