Buugga Sooyaal Gardaadin

You might also like

Download as doc, pdf, or txt
Download as doc, pdf, or txt
You are on page 1of 5

Buugga “Sooyaal”

Ina Cabdule Xasan ma Sheekh buu ahaa mise....?


Buug Cusub Oo Uu Qoray Aqoonyahan C/raxmaan-Guribarwaaqo Kana Hadlaya
Taariikhda Dhabta Ah Ee Maxamed Cabdalla Xasan Ayaa Xalay Lagu Daah-
furay Magaalada Hargeysa+ SAWIRO+AKHRISO/DHAGAYSO

(Hadhwanaagnews) Sunday, September 23, 2012

Hargeysa (HWN):- Buug cusub oo la


yidhaa "SOOYAAL" noociisa oo kalena aan
horey loo qorin kuna duugantahay taariikh
ballaadhan oo la hilmaamay ayaa xalay lagu
daah-furay hoolka Jaamacadda Hargeysa.
Buuggan oo si mug leh uga
hadlaya qaybihii laga indho-
shareertay ee taariikhdii Sayid
Maxamed Cabadalla Xasan ayaa
waxaa qoray Aqoonyahanka reer
Somaliland Qoraa C/raxmaan
C/laahi Faarax (Guri-Barwaaqo).
Munaasibaddii xalay lagu
gardaadiyey buuggan ayaa ahayd
mid dareen gaar ah wadatay,
waxaana kasoo qayb-galay dad
fara badan oo isugu jiray Aqoonyahano, Arday, Abwaano,
Qorayaal iyo maamulka Jaamacadda Hargeysa.
Intii aanu qoraagu afkiisa ula kala bixin faah-faahinta buuggan
iyo waxa uu xambaarsanyahay ayaa kasoo qayb-galayaashii
munaasibadda waxaa laga dareemayey hamuun badan oo ay u
qabeen dulucda buuggan iyo gun-dhiggiisu wuxuu yahay.
C/raxmaan-Guribarwaaqo waxa uu ka sheekeeyey waxyaabihii
ku kallifay qorista buuggan, isagoo xusay in dad isugu jira
Soomaali iyo Ajaanibba ay tiro gaadhaysa 18 Buug ka qoreen
Taariikhdii Ina Cabdalla Xassan, balse dhammaantood ay wax
badan ka tageen oo ay ka mid yihiin:
- Farriintii uu siday Ina Cabdalla Xasan markii uu Berbera yimi.
- Sababtii loo qaadan waayey ee looga hor yimi farriintaasi
- Sababtii dadka Soomaaliyeed ku kalliftay inay heshiis la galaan Ingiriiska.
Qorayaashaasi ay qaarkood caddaanka ahaayeen inta kalena Somalida, ayaa
waxaa Somaliland kasoo jeeda oo kaliya Aw-Jaamac Cumar Ciise oo isna
buuggiisa aan la isku hallayn karin, isburin iyo been abuurna ay ka dhex
muuqdaan, isla markaana uu ku gaalaysiiyey Soomaalidii lasocotay heshiiskana
la gashay Ingiriiska.
Sidaasi daraadeed C/raxmaan
C/laahi Faarax (Guri-Barwaaqo),
waxa uu buuggiisan SOOYAAL
ku axadhay, intii uga suurowday
waxyaabihii la qariyey ee ay ku
aroorayso taariikhda dhabta ah
ee Maxamed Cabdalle Xassan.
Waxa kale oo qoraagu iftiimiyey,
farqiga u dhexeeya, mushaykhdii
caanka ka ahayd gayiga
Somalida iyo Sayid-Maxamed
Cabdalle Xasan oo markii uu
Berbera kasoo degay ka dhaadhiciyey bulshadii halkaasi ku sugnayd inuu
yahay Sheekh diinta yaqaana.
Wadaadaasi oo qaarkood ka horreeyeen Ina Cabdille Xasan, qaarkoodna ka
dambeeyeen kana mid ahaayeen Sheekh Kawniin, Sheekh Maxamed Cabdi
Makaahiil, Sheekh Madar, Sheekh Nuur Iyo Sheekh Aweys, ayuu qoraagu
carrab-dhabay in dhammaantood lagu majeerto wanaag iyo wax-qabad badan
oo ay soo kordhiyeen, taariikhdooduna ka hufantahay, waxkastoo dhaawac ku
ah diinta iyo dadnimada.
Sheekhnimada uu sheegtay Maxamed
Cabdalle Xassan, waxay noqotay mid
ka degi wayday dadkii uu la noolaa,
waayo waxa uu ku kacay falal gabi
ahaanba kasoo hor-jeeda diinta
islaamka. Sida Dil badheedh ah, Dhac,
Basaasnimo, Laaluush, Cunista
xaaraanta, Bannaysi dumar ka badan
inta diinteenu ogashaya in laga
guursado iyo waxyaabo badan oo
nusqaan iyo xad-gudub ku ah diinteena suuban ee Islaamka.
Buuggan cusub ee "SOOYAAL", qoraaguna ku lafa-guray taariikhda madaw ee
Ina Cabdalla Xassan, ayaa dhanka kalena bidhaaminaysa qaybo kale oo
taariikhdaasi ka mida oo laga been-sheegay, mid la iska indho-tiray iyo mid
gurracnaan garab lagu siiyey.
Axmed Faarax Cali (Idaajaa), waxa uu ka mid yahay ragga uu qoraagu soo
qaatay, ee ku caan baxay, bedelaadda iyo been-ka-sheegista Taariikhda iyo
Dhaqanka. Waxaanu tusaale u soo qaatay qoraal uu ugu garnaqayey Ina
Cabdalle Xasan iyo intii kasoo horjeeday. Kaasoo taageero indho-la?aana
siiyey Ina Cabdille Xasan oo qoraagu uu raaciyey in dacwaddiisii aan la
aqbalin, halka dacwadii Abwaan Cali Jaamac Haabiil uu Ilaahay aqbalay.
Buugga oo ah mid aad u mug weyn, ayaa waxaa kaloo guud-mar kooban ku
sameeyey Abwaan Axmed Aw-geeddi. Waxaanu ka sheekeeyey hagar-
daamadii dhan walba lahayd ee uu bulshada ku hayey iyo duulllaanadii uu
qaadi jiray ee sida bahal-nimada ah uu maatida iyo cid walba ugu xasuuqi jiray.

Waxaanu Abwaan Axmed Aw-Geeddi yidhi isagoo arrintaa ka hadlaya "Markii


la yaabay ee Daraawiishi intay beesha gasho, wax xilla? ay sameeyeen, ayaa
waliba waxaa la yidhi, nimanku way halgamayaanoo diintay u dagaalamayaan,
dabeedna waxaa yaabay nin la yidhaa Geylan Nuur oo reer Mudug ah, wuxuu
la yaabay nimankii markay soo galeen, odayaashii gaboobay ee aan kici karayn
ee aqalada hortoodii fadhiyey waa la dilay, caruurtii yar-yarayd ee mujada
ahayd ee naaska jaqaysay waa la dilay, haweenkii uurka lahaa waa la dooxay
oo waxaa la yidhi gaalbay sidaaye halaga soo rido, dabadeedna ninkii Gaylan
wuu gabyoo wuxuu yidhi.."
Abwaan Axmed Aw-geeddi waxa kale oo uu ka sheekeeyey hab-dhaqankii ka
baxsanaa diinta ee uu kula macaamili jiray dadka waxaanu yidhi "Si aad Islaam
u noqoto, ina Cabdalle Xasan wuxuu kaa rabay saddex arrimood, 1: Waa inaad
Saalixiya noqotaa, 2: Waa inaad Darwiish noqotaa, 3: Waa inaad xarunta
timaadaa, sidaasi daraadeed labada hore haddaad tahay oo xarunta aad u jirtid
Kilomitir, waa lagu weerarayaa Gaalbaanad tahay"
Ina Cabdille Xasan waxaa uu xoolaha kasakow qaadi jiray dumarka, waxaanu
qabay 32 dumar ah oo Abwaaan Axmed Aw-geeddi madashii ka yeedhiyey mid
kastaba magaceeda iyo beesha ay kasoo jeedo ee ay ka dhalatay.

Maadaama ay daraawiishi kala irdhaysay dadkii isla markaana wixii iyaga ka


hor yimi ku tilmaameen gaalo, ayaa waxa uu Abwaan Axmed Aw-Geeddi
hoosta ka xarriiqay wixii gudaha xarunta daraawiisha ka socday waxaanu yidhi
"Xarunta daraawiishta, subaxu markuu waagu baryo waxaa ka jiray dil,
xabbadbaana lala dhici jiray, waxaana ka mida Garaad Cali, qaar fardahaa la
jiidhsiin jiray, qaarna gaajaa lagu dili jiray, waxaana marag cad u ah Suldaan
Nuur oo dadkii halkaa ku dhintay ka mid ahaa"
Waxaa xalay uu Abwaan Axmed Aw-Geeddi ka dhawaajiyey dhacdo laga yax-
yaxay oo daraawiishtu ay ku kaceen, taasoo ahayd in dadka ay cuni jireen,
raggii ay ilkaha ula tageen ee ay cuneena uu ka mid ahaa nin sheekh ahaa oo la
odhan jiray Aw-Rufaaci.
Abwaan Axmed Aw-Geeddi waxa uu gabo-gabadii isagoo la dardaarmaya
bulshada uu yidhi ?Waxaan leeyahay taariikhda (Ina Cabdalle Xasan) dhinac
qudhaa laga akhriyee, laga bilaabo caawa waa in dhinacii kale la doonaa?.
Guji Halkan si aad u dhageysato

C/salaam Cusmaan Cumar-jeex (Abu-Hurayra)


salaanmuctasim@hotmail.com
abuhurayra@hadhwanaag.org
Hadhwanaagnews/Office
Hargeisa, Somaliland

You might also like