Aragtida Doobnimada Iyo Aragtida Guurka Qormadii Saddexaad

You might also like

Download as pdf or txt
Download as pdf or txt
You are on page 1of 18

Aragtida Doobnimada Iyo Aragtida

Guurka/ Qormadii Saddexaad

05th May, 2013

Furfurida Maqaalka

Maqaalkan: “Mufakkir
Mohamed Samiik wuxuu si qotodheer uga hadlayaa aragtida doobnimada iyo
aragtida guurka, asagoo cinwaanku ahaan-doono mid looga hadlo aragtiyo xasaasiya
(Sensitive Issues) oo ay mudan-tahay in bulshada Soomaalida wakhti-xaadirkan loo
bisleeyo, cutubyo badan ayuu ka kooban-yahay, si lamida, qormooyin taxane ah
ayuu noqon-doonaa, muhiimaddu, “Waa in la fahmaa muhiimadda ay leedahay
guurka iyo dhibaatada ay leedahay doobnimadu”. Qoraalkan oo 2013 la qoray,
laguma daabicin Webabka Soomaalida, ayadoo nuxurkiisa qoraagu u arkay inaysan
bulshaddu u bislaan, haddase, mudantahay in lasoo hordhigo, keliya higaad-sixid iyo
macluumaad ayuu ku kordhiyey qoraalka; macaanidda iyo mowduuciyaddu si ay
iskula falgalaan”.

1
QORMADII SADDEXAAD

Akhriste, qormadii labaad waxeynu ku soo falanqeynay ka jawaabista labo


su’aalood: (1) Yaa Doob Ah. (2) Iyo Dhibaada Doobnimada. Idamka Allaah
SWT, qormadeena maanta, waxaynu ku lafaguri doonaa dhowr masaa’il oo
muhiima oo hoos tegi doona aragtida guurka. Waxayna kala yihiin: (1)
Muhiimadda Guurka (2) Faa’idooyinka Guurka (3) Caqabadaha Guurka (4)
Iyo Beddelka Guurka.

Muhiimadda Guurka
Muhiimadda Guurka iyo mowqifka diinteena, guurka waa shay ka mid ah tiirarka
nolosha bili-aadamku ku dhisanyahey; waana mid ay ogyihiin dhammaan bulshada
caalamka, ayna ku xusantahay diimaha qoran ee dunida la aaminsanyahey. Guurka,
islaamku wuxuu ka yeelay baal muhiim ah, darajo, fadli iyo sharaf badan oo aanan
la soo koobi Karinna waa siiyey.
Shareecada Islaamku waa diinta keliya ee dhinac walba oo nolosha koobtay; mana
jirto diin kale oo lamida oo si buuxda oo qotodheer ula falgasha baahiyaha badan
ee bani-aadamka. Kolka la qeexayo waxaa la yidhaahdaa “Diinta Islaamku waxay si
balaadhan ula falgashaa caqiidada, akhlaaqda, mucaamalaatka, dhaqaalaha, curfiga,
xadaaradda, siyaasadda iyo idayl baahiyaha kala geddisan ee nolosha saameeya”.
Sidaa owgeed, waa manhaj nool oo nolosha markasta iyo si walba ula socon kara,
xeeldheerayaasha diimaha qaarkood waxay aad u iftiimiyaan, sida Islaamku u yahay
laga maarmaan in lagu xukumo arligan.
Islaamku aad ayuu u booriyey guurka iyo muhiimadiisa ee uu uleeyahay nolosha iyo
bini-aadantinimada; si lamida, diintu kor ayay uqaaday ahmiyadda iyo dhaqangelinta
guurka. sidaan ognahay Guurku diinta waa u gargaar, shaydaankana waa u gablan
iyo hoog, waana gaashaan adag oo cadowga Eebbe laga galo, waxaana ku badata
ummadda Islaamka si ay ula tartanto ummadaha kale ee ku nool caalamka intiisa
kale. Culimada ku dheeraatay soo saarista fiqhiyaatka, istinbaadooyinka, nuxurka
iyo asraarta qarsoon ee qadaayaatka diiniga, waxay tibaaxeen in guurku la xukun
yahay masaa’isha qaadan kara shanta xukun: Waajib, Sunne, Xaaraan, Ikraah Iyo
Jaa’iz, ayadoo la eegayo hadba duruuf nololeedka iyo awoodda qofka.

2
Eebbe waxa uu Aayaddiisa Qur’aanka ah ku leeyahay: (U guuriya xaaslaawayaasha
idinkamidka ah iyo addoomadiinna kuwooda wanwanaagsan “rag iyo dumarba”.
Hadday sabool yihiin Eebbe asagaa deeqdiisa ku hodminaya, Eebbana waa kii
deeqdiisu dadka ku wada aaddo, cid walbana duruufteeda ka warqaba.). Sidoo
kalena nabigeena suuban ee Muxammed Binu Cabdilaahi SCW waxaa laga wariyey
xadiith macnihiisu ahaa sidatan, “Isguursada oo tarma ummadaha kale ayaan idiin
kugu faanayaa maalinta Qiyaamaha ah”.
Saxaabadii rasuulka RC waxey ahaayeen kuwo aad iyo aad u jecel iney guursadaan
oo wiilal iyo gabdho (ubad) dhalaan, macnaha waxey ka cararijireen iney Allaah la
kulmaan iyagoo doob ah oo cuduro, dhibaatooyin iyo waxyaalo kaleba ay
saameeyaan ama ay la kulmaan waxey oranjireen: Cumar (RC) waxa uu dhihi jiray:
(Waxaan u guursadaa saan wiil u helo), ibnu Mascuudna waxa uu oran jiray:
(Hadday cimrigeyga toban beri oo keliya ka harsan tahay waxaan jeclaan lahaa
inaan guursado, si aanan Eebbe u hortegin anigoo doob ah). Saxaabigii Mucaad
Ibnu Jabal daacuun baa ku dhacay, laba xaas oo uu qabayna ka dilay, markaasuu yiri:
(War ii guuriya, ma jecli inaan Eebbe la kulmo anoo doob ahe).

Kolka Eebe wayne SWT leeyahay u guuriya kuwa doobiinta (Xaaslaawayaasha) ah


ee aan guursan anaa ku hodminaya deeqdayda, macneheedu maahan adigoo shiid
ah oo busaaradi ku dillootay oo aan qaadi Karin mas’uuliyadda iyo waajibaadka
guurku leeyahay ama aan lahayn qorshe qoys inaad iska guursato, deeto tidhaahdo
Allaah SWT ayaa i irzaaqaya. Falsafad diineedka Allaah SWT baa i arzaaqaya, waa
run Allaah SWT asagaa og ruux walba duruuftiisa, shakina kuma jiro in guurku uu
yahay meelooyinka arzaaqaddu ka timaado oo uu qofku ku dego oo daaqad nolol
ah loo furo laakiin; waa inaad la timaadaa qorshe guur oo ku jaan go’an karti,
dadaal iyo aqoon, waa inaad is tustaa oo naftaadu u diyaar garowdaa inaad kasoo
bixi karto mas’uuliyadaas haday ahaato awood jidheed, ruuxeed, dhaqaale, aqoon
& khudad-istiraatiijiyadeed, kadibna Eebe wayne isku xidhaa ood talo saarataa.

Eegga ardaydii Nebiga ay leeyihiin waxaan u guursanaa inaan caruur dhaldhalno oo


ubad farabadan helno macneheedu maahan lagumana fasiri karo xaaladda guur ee
bulshadeena Soomaaliyeed ee maanta taasoo, inbadan ay iska guursadaan ayagoo
doonaya inay shahwada xooggan iska yareeyaan ama in la dhaho hebel caruur ayuu
leeyahay. Saxaabadu RC waxey ahaayeen culimo diinka rabbi aqoon badan u leh,
garanaya xaqqa lagu leeyahay, kasoo bixi kara mas’uuliyadda. Allaah SWT ayaa ku
tilmaamay inay rag yihiin *RIjaal*. Inaguna iskuma dhererin karno raggaas.

3
Muhiimadda guurka waxaan ku soo koobi karaa inuu yahay daawo fudud oo
daaweyn karta cuduro iyo dhibaatooyin hadaadan guursan kusoo waajihikara, sidii
aynu soo aragney (Dhibaatada Doobnimada) waana kahortage wacan, in cudurka
la daweeyo waxaa ka muhiimsan kana fiican in laga hortago. Haddaba, guurku waa
ka hortaga dhammaan dhibaatooyinka iyo cudurada ay macquul noqon karaan
haduusan ruuxu guursanwaayo inay ku dhici karaan ama uu la kulmi karo, sidii
aynoo cadeeyeen aqoonyahannadii darastey aragtidan iyo cilmi nafsigaba.

Ruuxa guursada ruuxa kale lama mid aha sinnaba. Tusaale kooban haddaan ku
barxo, dhanka dhaqaalaha lama sinna oo sidaynu soo aragnay doobka/gaashaantida
deegaan iskaabulo ku ah oo waxbarasho ka dhigta 250-300 Dollar ayaa bishii ku
baxa, xaaslaydana 150-200 ayaa si walba uga badan. Dhanka sumcada iyo sharafta
lama mid aha, ruuxa doobka ah sumcad bulshada kuma dhexleh laakiin xaaslaha
kolka uu suuqa maro isagoo caruurtiisa daadihaynaya oo bulshadu weydiinayso ma
adigaa dhalay? Waxaad fahmaysaa in ka sumcad badan yahay, si lamida, geerida oo
xaq ah kolkay timaado, ninna keligiis ayaa dhintay oo caruur magaciisa ilaalisa ayuu
dunida kaga tegay, ruuxna idaylkiis ayaa geeryooday, hadaysan dambi igu ahayn
waxaan dhihi lahaa ruuxa doobka ah ee dhinta muu dhimanee wuu bakhtiyey.

Dhanka nolosha marka la eego iskumid maaha, farqi weyn oo kala duwanaansho
ah ayaa u dhaxeeya, eegga nin leeyahay aafo wanaagsan oo dharka u kaawiyadaysa
(U Feeraysa) oo timihiisa u shallaysa, cunto dheelitiran u farsamaysa, baahidiisa aad
u daboosha, nadaafadiisa ka warhaysa, nolosha farxad iyo murugo la wadaagta iyo
eegga nin iskaabulo yahay oo keligii shallaysto, cunto aan dheelitirnayn cuno oo
sida la ogyahay furaashkana dhibaato badan ku hayo, kaaga daranee biil farabadan
ku baxo, shahwaddu ay marba gidaar ku qaadayso, xaqiiqadu labadaas nin isku mid
maahan. Waxaan dhihi karaa ninna waa nin wadar noole ah oo nolosha welwel iyo
buuq badani ka haysan iyo nin keligii noole ah oo waxkastaaba jawaab ka sugayaan,
farqiga u dhaxeeya waxaa lagu male-awaali karaa, farqiga u dhaxeeya magaalo weyn
oo camiran oo shidan iyo tuulo dansan oo hal guri ka dhisan yahay.

Diinteena islaamka waxay aad u boorisay oo ay xoojisay muhiimadda iyo fadliga ay


leedahay inuu shakhsigu guursado, iyadoo cadeynaysa in guurku uu bili-aadamka u
yahay kaalmaati ama guul uu kaga hortagi karo nasiibdarada iyo dhibaatooyinka
adduunka. Nabigeenu wuxuu qabey 9xaas inta uu ugalmooday. Haddaba, akhriste
waxaa loo baahanyahay inaad fahamto ahmiyadda iyo muhiimadda guurka.

4
Faa’idooyinka Guurka
Lama soo koobi karo lamana dhammayn karo faa’idooyinka iyo dheefaha guurku
uu leeyahay. Waan hubaa haddii aan dhaho cutubkaa keliya ka hadal inaan dhowr
maqaal iyo buugaag ka diyaarin karo laakiin, dhowr qodob oo si wanaagsan loo
fahmi karo ayaan soo gudbinayaa taasoo, ruuxa guurlaawaha ah malahayga khasab
ka dhigaysa inay ku dirqiso inuu guursado.

Waxaan calaamadin doonaa oo hoosta ka xariiqi doonaa shan faa’idooyin oo uu


nala wadaagey walaalkeen Qoraa: Sabriye Macallin Muuse, buuggiisa Raaxada Guurka,
shantaa qodob iyo macluumaadka ku dhex jira asagaa xuquuq ahaan leh, kolka laga
tago ereyo higaad ahaan aan saxay, kuwo aan ku daray ama aan ka dhimay si
macnaha qodobka u dheellitiraan. Aniguna dhowr qodob ayaan ku daray, isugeyn
waa 8 qodob: shan qodob oo Sabriye la yimid iyo saddex aan ku daray.

1- Ubad kaa hara: - Faa’iidooyinka guurka tan ugu horreysaa waa sidii lagu heli
halaa ubad, si aanay tafiirta dadku u dabar go’in. Ubad dhalistu waa inay yeelataa
afar ulajeeddo oo kala ah: (A) Inaad ku doontid raallinimada Eebe wayne SWT
maadaama aad gacan ka geysanaysid siday tafiirta dadku kusii socan lahayd. (2)
Inaad ku doontid raallinimada suubanaha SWC kol haddaad ku kaalmeyneysid
siduu ummadaha kale tirada ummaddiisa ugu faani lahaa. (3) In Eebe SWT kugu
siiyo ubad khayr qab ah oo kolkaad geeryooto kuu soo duceeya. (4) Iyo inaad ku
doontid shafeeco kolka ilmo yari uu kaa saqiiro.

2- Dhufays aad ka gashid Shaydaanka: - Guurku waxa uu kaa oodaa meeluhuu


shaydaanku kaasoo gelayey; mar hadday wuxu xaaraan ku raadi ku lahaa rugtaada
kuu yaallaan iyagoo xalaal ah. Qofku hadduusan Eebbe SWT cabsidiisa iyo iimaan-
kiisa ku hubaysnayn, rabitaankiisa kacsi ayaa hor kaca, haddii markaasi aanu helin
guur xalaal ah, siduu dembi isaga ilaaliyaa way adag tahay.

3- Qalbigoo kuu dega iyo laabtoo kuu qabowda: - Shaqo tay naftu u jeceshahay
haddaan loo helin waqti nasasho, waa lagu daalayaa dabeetana la’iska deynayaa.
Haddaba maxaad ka oran lahayd hadday shaqadaasi tahay taqwada Eebbe ooy
iyada iyo naftuba isdiidayaan! Saacadaha uu ninku ku hawlan yahay cibaadada Alle
iyo camalka adduunyo, waxaa habboon inuu dhexgashado waqti uu xaaskiisa kula
baashaalo, si qalbigu ugu dego, laabtu ugu qabowdo, firfircoonaanna uga qaado.

5
4-Hawshii guriga oo hoggaankeedii kaa wareego: - Ninka oo ka xorooba
shaqada maamulka guriga sida hagaajintiisa, xaaqistiisa, goglistiisa, cunto karinta iyo
diyaarinta, alaab dhaqista iyo suuq kasoo adeegga. Waxay siisaa waqti dheeraad ah
oo uu ku shaqaysto, wax ku barto, Eebbena ku caabudo. Rasuulkeenna suubban
(Sallallaahu calayhi wasallam) waxa uu xadiis uu soo saaray Tirmidi ku leeyahay:
(Midkiin ha yeesho qalbi Eebbe ku mahadin og, carrab Eebbe xusid badan iyo
haweeney mu’minad suubban ahoo Aakhiradiisa ku kaalmeysa). Haddaba, dumarka
looma guursado oo qura in adduunyada lagu raaxaysto, carruurna laga daadiyo,
balse, yoolka ugu muhiimsani waxa weeye inay kuu abuuraan waqti iyo jawi aad
Eebbe ku caabudid.

5- Nafta ood kula dagaallantid daryeelka qoyska:- Nafta ood ku jara-bartid


qaadista mas’uuliyadda reerka, daryeelkiisa, gudashada waajibka kaa saaran
xaaskaaga, dabeecaddeeda ood ugu samirtid, dhib wixii kaaga yimaada ood u
dulqaadatid, hanuuninteeda ood u hawlgashid, dadaal aad u gashid sidaad marasho
iyo masruuf xalaal ah ugu keeni lahayd, carruurta ood ku tarbiyeysid waddada
toosan & iwm. Waxaas oo dhami waxay kamid yihiin faa’iidooyinka guurka, tiiyoo
weliba ajar iyo xasanaad Eebbe kaa siinayo.

6- Iskaashi Iyo Dheellitir: Kolka ruuxu guursado ruux kale oo uu ka xushay si


cilmiyeysan oo calafiyeysan dhammaan idayl gayaankiisa, wuxuu ka sugaa in tamar
iyo tab waxay hayaan isugu geeyaan sidii ay isku taakulayn lahaayeen oo tilmaan iyo
toosin ula imaan lahaayeen. Nin walba oo guulaysta waxaa ka dambaysa haweenay
guuleysatay. Sidaa darteed, hammigaaga si uu u kobco una heshid ruux kaalmo iyo
taageero badan kaa siiya sidaad u dhaqangelin lahayd, waa mid kamida dheefooyin
ka guurku leeyahay. Alla! Badanaa mid guursaday oo hammigii nololeed shaqeeyay.

7- Sharaf iyo Sumcad: Waxaa laysla qirsanyahay keli noolaanshuhu inuu yahay
mid dhib iyo hagardaamo ku ah sida uu ruuxu bulshada uga heli lahaa sharaf iyo
sumacad, sidaa darteed nolol cidhiidhiya iyo mid dullinimo ayaa lagu tilmaamaa. Si
ruuxu si fudud uga helo bulshada sharaf iyo sumcad waxay ku xidhantahay inuu
guursado, kolka uu Aabbe noqdo ama Hooyo noqoto, waa kolka bulshadu ay aad
u soo dhoweynayso, ruuxu xigaal xurmeeya helayo, kuraasta looga kacayo, xanafta
iyo xanaaqa laga ilaalinayo, niyad furan iyo waji ifaya lagu marxabeenayo.

6
8- Tashiilka Dhaqaalaha: Doobka sidaynu soo aragnay waxaa dhibaato weyn ku
ah siduu u yeelan lahaa qorshe-maaliyeed, lacagta bishii uu qarash gareeyo labo
qoys oo lammaane ah way masruufi karaysaa. Sidaa darteed, kolka aad hesho qof
nolosha lammaanenimada wadaagtaan oo kula fahamsan damacaaga ee qorshe u
yeellida dakhliga qoyska, waxaad maarayn kartaa qarashaadkiina adigoo badin kara
dhigashada.

Nabigeennu SCW waxa uu xadiis ku leeyahay: (War hooya gebigiin waxaad tihiin
Mas’uuliyiin, mas’uul walbana waxa uu mas’uul ka yahay wixii la raaciyey). Waxaa
la sheegay in raggii hore ee aadka u wanaagsanaa mid kamid ahi uu niman walaalihii
ah oy jihaad ku wada jireen weydiiyey: (Ma garanaysaan shaqada aynu hadda hayno
mid inooga ajar badan?). Markaas bay yiraahdeen: (Ma garanayno). Suu yiri: (Anaa
garanaya). Markey weydiiyeenna waxa uu ugu jawaabey: (Nin sabool ahoo ciyaal
leh, ha yeeshee aan cidna wax weydiisan, oo intuu cawa-barkii toosay oo reerka
indha-indheeyey arkay carruurtiisii oo hurudda cawradooduna bannaan tahay,
dabeetana ku huwiyey go’ii uu keligii dhar ka lahaa, kaas baa naga camal
wanaagsan).
Akhriste waad ila aragtaa faa’idooyinka iyo dheefaha waaweyn ee guurku leeyahay,
nasiib darradu ama garasho xumo kay ahaataba waxay tahay, inaan dhaqdhaqaaq
jirin oo aynan jeclayn in dheefahaas intifaacsanno, ku raaxaysano oo qalbigeena,
laabteena iyo niyadeena ku baashaalino. Caqliga ha waayin oo ila xusuuso qormadii
labaad iyo dhibaatooyinkii doobnimada ee aynu soo qodobayney. Hagaag! Hadda
waad fekeri kartaa adoo isku miisaamaya dhibaatooyinkii doobnimada iyo dheefaha
guurka, hadda waad dooran kartaa ikhtiyaarkaaga, go’aan waad qaadan kartaa oo
waliba, dookhaaga waad ciyaari kartaa waadna ogsoonaan kartaa natiijada dambe,
Waxaan filayaa ruux Allaah SWT garaad wanaagsan, faham baaxad weyn, aragti
dheer iyo feker toolmoon siiyey inuusan dhahayn marnaba Maya inuu diido inuu
lammaane yeesho si degdega. Hadduu diido waa haday jiraan caqabado waaweyn
oo ka hortaagan inuu guursado kuwaasoo qaarkood looga garaabi karo. Haddaba,
markale Qoraa Sabriye Macalllin Muuse wuxuu soo bandhigay aragtidiisa ee ku
wajahan caqabadaha guurka, saddex qodob ayuu bulshada la wadaagay oo runtii
aan qirayo inay sax yihiin; waan soo guurin doonaa cinwaanadooda iyo xogta ku
dhexjirta gudaha, keliya xogta ayaan ku dari doonaa idamka Allah ereyo dheeraada
si ay u dheellitiraan macnaha cinwaanka ay ku dhexjiraan, anigu saddex kale oon u
arkayo inay caqabado yihiin ayaan ku dari doonaa Idamka Allaah.

7
Caqabadaha Guurka
caqabadaha guurka waa ay badanyihiin laakiin, waxaan ku soo gaabsaneynaa si guud
kuwooda ugu muhiimsan ee laxiriira qadiyadaha muhiimka ah ee kala duwan si bal
anagoo ka fiirineyna dhinacyo badan iyo siyaalo badan u balbalaadhino una derisno.
Hagaag, caqabadaha guurka waxaa ugu muhiimssan oo ka mida:
1- Awood-darri dhaqaale: Dhaqaale xumadu waa aafada ugu weyn ee
ka hortaagan dad badan inay guri xalaal ah degaan, gaar ahaan sicir bararka iyo
awooda iibsasho yaraanta xilligaan jirta ee buuxinta shuruudaha darteed, awood
daridu waa caqabad jirtey waligeedba iyadoo qofka ku khasbaysa islamarkaana ku
cadaadineysa inuu ka caajiso ama iska daayo ama ka niyad jabo guurka.

2- Mas’uuliyadda qoyska ood qaadi weydo: Rag badan baan


fulin karin gudashada xaqa ay dumarkoodu ku leeyihiin, iyaga oo ugu sabri waaya
dabeecad xumadooda, uguna dulqaadan waaya dibindaabyada ay la yimaadaan.
Rasuulka suubban Maxammed SCW waxa uu leeyahay: (Qofka waxaa dembi ugu
filan inuu dayaco kuwii loo xilsaaray daryeelkooda). Waxaa la weriyey in ninka ka
carara ciyaalkiisu uu lamid yahay nin Eebbe ka cararay, lagamana aqbalo Salaad iyo
Soon toona. Eebbe waxa uu Aayaddiisa ku leeyahay: (Ka dhawra naftiinna iyo
ehelkiinna Naar shidaalkeedu yahay dad iyo dhagxaan). Sidaas buuna inoogu
amrayaa in aan xaaska uga ilaalinno Naar isla sida aan nafteenna uga ilaalinayno,

Waxaadna halkaas ka garan kartaa in ninku kolkuu guursado ay labanlaabmayso


mas’uuliyaddii saarrayd, ayna xakamayn ka rabaan laba nafood, kiiyoo awalba kari
la’aa hal naf xakamaynteed. Xaqiiqadu taasi waa ta kalliftay rag badan oo saalixiin
ahi inaanay guursan, iyaga oo kabiqi jiray Aayadda oranaysa: (Waxay wanaag ku
leeyihiin inta iyaga lagu leeyahay oo kale), Micnaha Aayaddu waxa weeye:
(Haweenkiinnu masruuf bay idinku leeyihiin, marashay idinku leeyihiin, meel ay
degaanna way idinku leeyihiin, iyo weliba inaad ugu raaxaysaan sida aad jeceshihiin
inay idinku raaxeeyaan).

8
3- Cibaadada oo uu kaa carqaladeeyo: Dhibaatooyinka ka dhasha guurka
waxaa kamid ah isagoo kugu dhaliya ka feker adduunyo, iyo inaad meherad ka
dhigatid ubad iyo maal aruurin. Waxaa la hubiyey in nin lug haween bartay ay ku
adagtahay inuu waqti u helo cibaado Eebbe. Ha yeeshee taa micneheedu ma aha in
labada mid la tuuro, balse waa in guntiga dhiisha la isaga dhigo sidii labada daarood
la isugu keeni lahaa. Gaar ahaan waxa uu guurku waajib ku yahay qofkaan naftiisa
seef ku qaban karin oon xaaraan iska ilaalin karin.

4. Dookha iyo Doorashada: Waxyaalaha kale ee hor istaaga ama caqabad ku


noqda yagleelida ama samaynta guurka waxaa ka mida, in qofka guursanaya ay ku
adkaato, sidii uu ula bixilahaaa ninka ama gabadha uu rabo inuu la aqalgalo ama
guursado, dookha ayaa noqda mid hor istaaga hirgelinta samaynta guurka maxaa
yeelay, dookhu ma sahlana mana fududa; waxaa loo baahanyahay ka baaraandag
qaata wakhti ku filan iyo la tashiyo badan iyo weliba caqli saliim ah oo ku caawiya.
Sidoo kale, doorashada oo isku macne ay yihiin laakiin kaga duwan dhinaca xulida
gabadha sida, nafsadaadu ay jeceshahey amase ka helida qofta ama la haasaawida.

5. Dhaqanka iyo Deegaanka: Dhaqanka ayaa isna ah mid aan la ilaawi karin,
waxaa dhacda oo macqul ah in hadii labada qof ay kala haystaan labo dhaqan oo
kala fog ama kala duwan dhinacyada muuqaalka iyo aaminaada, waxaa adkaata isku
soo dhowaashaha labada qof ama is fahanka labada ruux ee ah inay is guursadaan
ama aqal wada dhistaan; dhaqanku laftigiisu saameyntiisa ayuu leeyahey waana
adagtahay fahanka labo shakhsi oon isku dhaqan ahayn. Deegaanka uu ka yimid
qofka isna waa mid saameynaysa isku soo dhowaanshaha maxaa yeelay, haduu
qofku ka yimid degaan ilbaxsan, colaadeed, dhaqan xun, qabiileed, horomarsan iyo
mid isku dhex jir ahi way adagtahay isfahanka labadaas ee kakala yimid labo
deegaan oo kala duwan sida, deegaan colaadeed iyo nabadeed.

6. Hammiga Iyo Hawada: Ruux kasta oo ruux nool ah oo dunidan aragti ka leh
oo wax rumaysan hadaf ayuu leeyahay, gaadhitaanka hammigaas wuxuu marar iyo
marar badan seejiyaa inuu guursado, qaarkood wayba ku dhintaan ama ku noqdaan
waayeelo aan awoodi Karin kolkaas guurka. Sidoo kale, hawada qofka oo inbadan
la sheeg-sheego cudurka koowaad ee nafsaaniga inay tahay, siday kuu leedahay
beri guurso, maya ee saadambe ayay wax waliba dhag yihiin guurso, may asbuuc
ama labo bilood kadib guurso ayay inbadan oo dhallinyaro ahi kaga tageen oo kaga
mashquuleen ayagoo awooda inay guuradaan, dhibaatooyin ayay ka dhaxleen.

9
Haddaba cidda keliya oon isleennahay guur la’aanta ayaa u roon waxa weeye
ninkaan arimahan aan soo xusnay aan ka badbaadi karin, kana baqaya mas’uuliyad
dheeri ah oo uu Naar ku mutaysto, hayeeshee naftiisa xakamayn kara oo ka
dhawri kara xaaraan kaga timaada aragiisa iyo ibtiisa. Ninka caynkaasi ah waxa u
wanaagsan inaanu guursan, si aanu aakhiradiisa uga doorsan adduunyo, waana inuu
sameeyaa istiraatijiyad kale oo uu ku beddelo booskii guurka.
Tan iyo intaan bilaabay baadhitaanka daraasadda, wax badan oo laga qoray ayaan
arkay faa’idooyinka iyo caqabadaha guurka, laakiin dadka aan guursan iyagoo ka
baqaya mas’uuliyaddaas inaysan qaadi karin ama duruuf kaleba ku khasabtay, maxaa
la gudboon inuu sameeyo oo ku beddelo booskii guurka, kagadaal haddii shahwadu
wali nooshahay? Jawaabta su’aashaa cid ka jawaabtay oo si waafiya oo cilmiyeysan
u dhiraan-dhirisay maanan arag, sidaa darteed aniga ayaa ah (ogaalkay) shakhsigii
ugu horreeyay ee la yimidey aragtidan (Beddelka Guurka), waxayna kamid tahay
hal-abuurkayga dhanka cilmibaadhista iyo daraasadda, xuquuqdeedana anaa leh.

Beddelka Guurka
Nebiga ummaddii ugu dambaysey Suubane Muxammed SCW wuxuu yiri isagoo ka
hadlaya qadiyadda guurka markale “War hooy dhalinyarow kiina awoodi kara inuu
guursado ha guursado kiina aan awoodi karina ha soomo” macnaha xadiithkan
waxaan ka faa'ideysaneynaa in ay muhiimtahay ama waajib sharciya oo fal amara
tahay hadii qofku uu leeyahey awoodda uu ku guursankaro inuu guursado, haduu
guursan waayana ay natiijo caqabadeed iyo dhibaato culus uu dhaxli doono; ruuxa
aan awoodda u lahayn inuu guursado sababo awgeed, maxaa loo baahanyahay inuu
sameeyo oo uu ku beddelo booskii guurka?
Anigoo kaashanaya fikrada wacan iyo caqliga saliimka, waxaan soo bandhigayaa 5
qodob oo loo baahanyahay hadii aad awoodi kari weyday inaad guursato si aadan
ugu dhicin sino, dhibaatooyin, dambiyo kale iyo weliba cuduradii aan soo aragney
ee aan soo xusnay ee <<Dhibaatada Doobnimada>> Qodobadani waxay awood
u leeyihiin inay yareeyaan awoodda shahwo ee kuugu beeran ee muhiimka ah.

10
(1) Soomka Badi: Marka ugu horreysa sida uu nebigu noo sheegay waa ineynu
samaynaa, macnaha hadaad awoodi weydo inaad sameyso guur sababihii aan
soo sheegnay darteed, waa inaad soontaa; yacni soonku waxa uu yareynayaa
awoodda shahwo ee kuugu jirta; wuxuu yareynaya awoodda jidhkaaga iyo
dareenkaaga; waxaadna ka helaysaa ajar badan iyo weliba fadli kale adoo u
soomay si aad uga badbaado una xakameyso awoodaada jidheedh iyo mida
shahwo ee kuugu beeran.

(2) Jimicsi: Istiraatiijiyadda kale aad ku beddeli karto guurka ama si kale aad
kaga badbaadi karto dhibaatada iyo dembiga kuna xakameyn karto naftaada
iyo shahwadaada, waa inaad ciyaartaa noocyada kala duwan ee jimicsiga oo
aad balwad ka dhigataa, adigoo niyadaadu ku jirto keliya inaad xakameyso
jidhkaaga iyo nafsadaadaba, laakiin ogow walaale looma baaahna inaad sports
ka dhigato saaxiibtinimo joogta maxaa yeelay, wakhtigu waa dahab maalinta
dembana waa lagu weydiinayaa oo laguula xisaabtamayaa, sidoo kale looma
baahna inaad taageerto banooniga si qotodheer, yacni ciyaartoyda aad ka
dhigato saaxiibo aad jeceshahay ama inaad muran iyo dood aad ugu hiiliso
kuna difaacdo cidii dhaliilaysa naadigaaga, waxa kaloo muhiima oo wanaagsan
inaad ku ekaan hal mid oo keliya ee aad isku deydo inaad ciyaarto noocyada
kala duwan ee jimicsiga sida kubadda cagta, miiska, basketballka, dabaasha,
orodka, iyo dhammaan siyaalaha jir dhiska iwm,

(3) Wax akhris iyo wax qorid: Mid kale oo aad ku limin karto tamarta ama aad
ku hilmaami karto guurka, waxaa kamid ah inaad u leexato una weecato
dhinacyada waxbarashada iyo akadeemiyadda. Inaad wax badan aad barato
islamarkaana aad akhrido waa mid kor iyo sarre u qaadaysa aqoontaada.
waaya-aragnimadaada, la macaamilka bulshada iyo sooyaalka, Wax badan oo
aad qorto waa wax badan oo aad xasuusato; wax badan oo aad akhridana
waa wax badan oo aad taqaano; wax badan oo aad baratana waa wax badan
oo aad heshay. Sidaa darteed, awoodda aad saarto iyo wakhtigaad ku bixiso
waa hubaal inay ku mashquulin doonaan oo adduunyo kale geli doonto.

11
(4) ku dhexjirka diinta iyo dadka: Kolka aad awood u lahayn inaad guursato
waxaa aad iyo aad muhiim ah inaad ka bixin dadweynaha adigoo is moodaya
inaad shiid ama faqiir aad tahay, Waxaa loo baahanyahay inaad dadka wax la
qaybsato aadna ka dhex bixin sida caadiga, tan kalena inaad ku taxaluqdo
meelaha wacdiga iyo diinta laga hayo sida, masaajida barakaysan iyo goobaha
kale ee diinta lagu barto ee madaarista diiniga ah. Barashada iyo ku dhaqanka
diinta waa hubaal inay dayr iyo gaashaan badan kuu noqonayaan; la jooga iyo
ku dhexjirka bulshadana waa awood aad inbadan kaga baxsan karo fekerka
qallooca ee baahida khaldan ay laydhka ku ifineyso.

(5) Digniiin: Waxaa lagaa codsanayaa ruuxa yeelanwaaya ama awoodi waaya
inuu guursado, waxaa loobaahanyahay inuu iska ilaaliyo daawashada aflaamta
xun-xun sida, daawashada waxa loo yaqaano “Illegal Sexual Watching
(Sex Blue Films), sidoo kale waa inaad iska ilaalisaa daawashada sawirada
qaaqaawaan ee dumarka ama ragga, si lamida, waa inaad iska deysaa akhriska
maqaalada xambaarasan ka sheekaynta arrimaha guurka iyo galmada.

Waxaan kusoo gebagebaynayaa


qormadeena saddexaad, baaq aan u dirayo dhallinta idaylkeed, “Walaalayaal
waxaad ila aragtaan qormooyinka aadka u muhiimsan ee cilmibaadhistayda,
kusoo baxa cinwaanka “Aragtida Doobnimada Iyo Aragtida Guurka”, kolka
laga soo tago qormadii koowaad oo gogolxaadh iyo daahfur aheyd, tii labaad
waxaan ku iftiimiyey dhibaatada doobnimada, tan maantana waxaan ku
sharxay dheefooyinka guurka, waxaan kaa codsanayaa inaad fekerto oo
noqoto ruux wax aaminsan, kadibna dhaqangeliya natiijada fekerkiisa kadib
baadhitaanka iyo naqshadaynta doodda, u noolow sidii adoo nolosha ka
hanweyn”.

12
Abwaan Maxamed Fadhin iyo Talo Guurdoon

 Ga’da gabayga guuroowga iyo tirinta geeraarka


 Ma gorfeyninoo waayahaan waan ka gaabsadaye
 Ma dhex galininoo guud ahaan gooyayoo nacaye
 Ha yeeshee gibbaan maahi aan garasha dheereyne
 Gal xareed sidii baan ahoon go’id ka yaabeynoo
 Ga’da gabay gugeygoo yarbuu guulle ii furaye.
 Galabtana waxaan doonayaa in aan ku geeraaro
 Ama guurka aan kala talshaa wiilka geelle ahe.
 Haddii aad go’aan qaadatoo guurba aad damacdo
 Inta aadan galinbaa gudboon inaad gorfeysaaye
 Ood gunteeda baartaa waxaad damacday geeloowe
 Ninkii kaa gu’ weyn iyo ninkii garasha kaa dheer leh
 Iyo geedka kii tagi jiriyo goobihii kulanka
 Iyo kii hortaa guursadaa qeyb la galiyaaye
 Oo go’aanka aad damacsantahay lala gorfeeyaaye
 Anna galabtabaan soo gudbiyi garashadeydiiye
 Kala garo wixii kugu gafiyo wixii gudboonkaa ah
 Gabar dhawr tilmaamood ayaa sababa guurkeede
 Midbaa quruxda loo guursadaa laguna goobtaaye
 Midna magaca qooskey gashey guur ku mudataaye
 Midna gunudda ey heysatuu kaa galaa damace
 Midna waxaa gayaankaa ka dhiga garasho diimeede
 Geelow si gaara u ogaw tan u gadaaleysa
 Gurigaaga yey galin haddeey gabari diin beesho
 Gayaankaaga maahee ka durug gabi ahaanteeda
 Gaduudkeeda how arag iney guur ku mudaneyso
 Garaaryihiyo laafyaha hadayin galab caraawgeeda
 Codka leysku suuq galinayaa ha u galiilyoonin
 Tolkeedaa ahaa geesiyaal yeyna kugu gaadin
 Gammaan farasyo geelbey qabaan gariyo giir toona
 Yaan lagugu soo galin haddey garasho diin weeydo

13
 Gani lacagyo gunud howgu xilan qiimo gaar malehe
 Haddey galab kastaa wiil dhashiyo gabar midkaad doonto
 Misna guulle diintuu nafaray garab martoo diiddo
 Marna guri qabow iyo inaad sama ku gaareyso
 Geellow hasugin taa horaa looga uur go’aye
 Haddaad diini guri raaxaloo aan dhib kugu gaarin
 Iyo guur wanaagiisa iyo gogol macaankeeda
 Iyo gibil asturan oon rag kale gaarin aragiisu
 Iyo hadalka oo gaabanoon dariska gaareynin
 Iyo guud wixii aad fartaba gabar adeeceysa
 Oon dibada gaareyninoo joogi gurigeeda
 Oo goorti aad fiirisaba garan muraadkaaga
 oo gacan ku siinee haddii dhibi ku soo gaaro
 Oo guulahey kaaga barin in uu ku guuleeyo
 Oo aan maseyr galin haddii guurka aad badiso
 Oo goor walbaba raali ku ah guulle wuxuu keeno
 Oo aan ganbiyo kala jecleyn gani midkaad siiso
 Oon biilki wuu go’ay laheyn amase wuu gaabtay
 Oo guriga gole diin ka dhigi gibi ahaantiisa
 Ku gardaadin guud ubadka oo diinta garansiini
 Geellow waxaa laga helaa gabar taqaan diine
 Kala garo wixii kugu gafiyo wixii gudboonkaa ah
 Guri wacan gabdhiyo wiilal badan diinta garanaaya
 Oo guulle tii uu nafaray goor walba u taagan
 Oo goorta leylkii saqdhexe sama ku gaaraaya
 Oon gama’ hameenkii aqoon gabal yar mooyaane
 Oo kheyr ku guda jira iyagu goor walbood aragto
 Oo maalka gacantooda galay aan gadaal marinin
 Ee goobuhuu faray sharcigu ugu gargaaraaya
 Oo guud qaraabada xafida oon midnaba gooynin
 Oo aan macaasida dhex galin garabna aan siinin
 Oo quraanka garan gabarya wiil oon ku kala gaabin
 Oo heer ka gaaroo sunada goor walba ilaalsha

14
 Oon gadanin diintoodi oon gaala raac noqonin
 Oon goobti uu kheeyr ka jiro goorna laga waayin
 Geellow waxaa laga helaa gabar taqaan diine
 Kala garo wixii kugu gafiyo wixii gudboonkaa ah
 Tusaalooyin gaagaabanbaan soo gudbinayaaye
 Nuxurkooda garo geelle waad garasha dheereede
 Waxaa badan gaduud miro ah oon timirta gaareyne
 Gabalkooda badanina sun yahay bari ma gaartaaye
 Oo aan dadkuna garan kareyn gabal yar mooyaane
 Waxaa badan sun gibilkeeda sare malabka giirkiis leh
 Oo gooyn naftoo idil markaad gacan la aadaaye
 Waxaa badan mas iyo good markaad giirka sare eegto
 Ul garuuna loo moodo iyo geel kaxeys wacane
 Markaad gacan u qaadana khatari kula gudboonaane
 Waxaa badan gawaan aad is oran waa xareed galahe
 Markaad goobti gaartana hadhoow waa galaangaline
 Waxaa badan gammaan faras ahoo guri markaad joogto
 Galeyrka iyo haadda u dhigmoon cidina gaareyne
 Goortii xaqiiq loo gudbiyo cadawga goobtiina
 Gidaadaaya oon gara riyeed qiimaheed galine
 Waxaa badan nin aad gacal u qabi gaalna kaa necebe
 Oo godkaadi soo qoday misana gowrac kuu raba’e
 Hashii boowdo ey kala go’dee golaha aan dhaafin
 Geeley ka tahay kow markey gaarto fiidnimo’e
 Subaxdiina golahey ku hari geeli oo tagaye
 Libaax oo lawada garan qawida guulle ugu deeqay
 Iyo guluf dawaco goorti aad sheeka soo galiso
 Duur joog guruubkeeda bey wada galaayaane
 Mid waliba wuxuu galena waad garan kareysaaye
 Waxba hadalku yuu ila gudbine waan gunaanadiye
 Tusaalooyinkaa soo gudbaye gaarya maqalkaaga
 Iyo kuwaan kasoo gaabsadee aanan wali gaarin
 Waxaan uga golleyahay kolley garatay geellowe

15
 Gabar dumarna saa weeye oo gabalba waa ceyne
 Nin walibana geedkuu fashuu goosan mirihiise
 Inta aadan gabi dheer ka dhicin gaararka u fiirso
 Oo midab inaad goobto yuu noqon go’aankaagu
 Oo garo wixii kugu gafiyo wixii gudboonkaa ah.

Abwaan Cabdillaahi Suldaan Timacade & Gabaygii Maangalool

 Inaad guursataa maalintay kula gudboonaato,


 Goortiyo alleylkii hadaad guuro bahallayso,
 Sidii gaal ugaadhsiya waxaad gelida meertaaba,
 Hadaad mid aan gu`geeduba badneyn garato soofkeeda,
 Oo haasaawiyo kala geysataan hadalladii guurka,
 Ninkii kaa gu` weyn xaajo waalagu gargaaraaye,
 Waa inay guddida reer tolkaa golaha joogaane,
 Waa inuu gabbaatigu baxaa xaal gobeednimo e,
 Waxaad gaadhka haysaba haddii dadab laguu gooyo,
 Galabtaa haduu qaaddigii meher ku gawsiiyo,
 Adigoo gayaan quruxsan aroos ku soo gaadhey,
 Gelbiskii waxay culimadii socodka gaabshaanba,
 Guriga markaad soo gashaan bay indhaha galac ka siisaaye,
 Markaad gooni noqotaan yartaad giniga moodeysay,
 Ee ay gogosha kuu soo dhigtee joogto garabkaaga,
 Ee aad marada gees uuga rogtee gelin ciyaarsiiso,
 Wixii guunyo hore kaaga baxay waad ka gama`daaye.

16
Abwaan Mohamed Cabdicasiis Bootaan & Gabaygii Caasha

 caashaay codkaagii ma helin caadirka ahaaye


 cimiladu ma fiicnayn beryahan caadil baa garane
 cosobeey ku waayaye xagaad caaggan iga aaday!

 haddii aan cabaad qori lahaaa coomir baan ahaye


 haddii aan calaacali lahaaa caasha iman mayso
 haddii aan caloolyowga dedo waan cuqdadayaaba
 cilladaan sidaan uga baxaa caashaq bay dilaye

 cisi eebbe kugu dhaariyee caammo maan ahiye


 casar iyo dharaar baan hurdada kaaga cararaaye
 cawayskii hadaan leda riyaad igula ceeshtaaye

 codkaaga wuxuu ila maraa caaadka oogada e


 casharada an soo qoro adoon caasi uga baydhin
 calooshoo lillaahiya ayaan kaa calmanayaaye
 hay canaadin gacalooy adduun waa cadiyo beene

 cibaaradaha yaabkale adaan kugu ciseeyaaaye


 caqligaan adiga kugu jeclahay caarifkiyo maane
 cudoonneey maruun ila cawwee calafku waa meele.

17
Tixraacyada Maqaalka
===========================

First Link: http://alimuse.com/Guurka1.htm


Second Link: http://xikmadmaal.blogspot.com/2013/04/guurka-iyo-
gabayda-soomaalida.html

Third Link: http://mcbootaan.blogspot.com/2014/02/gabaygii-


caasha.html

Lasoco Qormada Afraad …


=================
Dhammaad
W/Q: Mufakir & Ustaad:
Mohamed Abdirizak Saeed Elmi “SAMIIK”
Mohamedsamiik@gmail.com
Independent Researcher
Former Chairman “Action Against Poverty & Tribalism”
Qoraaladda Mufakkirka Boggan Ka Dheeho
http://samiik.wordpress.com/

18

You might also like