Hannaanka Dambiga PDF

You might also like

Download as pdf or txt
Download as pdf or txt
You are on page 1of 3

HANNAANKA DAMBIGA

Hassan Mudane
Agosto, 2017

َ‫ص َب َح ِمنَ ْالخَا ِس ِرين‬


ْ َ ‫سهُ قَتْ َل أ َ ِخي ِه فَقَتَلَهُ فَأ‬
ُ ‫ت لَهُ نَ ْف‬ َ َ‫ف‬
ْ ‫ط َّو َع‬
(Surat Al-Ma’idah Ayat 30)

Sidee qofka dambiile ku noqon karaa? Ficiladiisuna ay isku beddali karaan dambi? Imisa
marxalad ayuu maraa dambiga? Waa saddexda su’aal ee aan doonayo in aan ku lafaguro
maqaalkan. Laba maalin ka hor ayay aheyd mar aan ku dul-kufay aayada kor ku xusan, aniga
oo akhrinaya Kitaabka Qur'aanka Kariimka. Dhowr jeer ayaan ku celceliyey akhrinteeda, si
aan u fahmo xikmada daahsoon. Haddii si qoto dheer ah loo eego farrinta guud oo ay
aayada gudbinayso, waxaa si fudud lagu daahfuri karaa in aayadu ay sharaxaad guud ka
bixinayso tallaabooyinka is xig xiga ee loo maro dambiga. Dhanka kale, haddii sharaxaadani
laga arkay meesha aan ka arkay, waxa ay is-beddal guud ku sameyn kartaa gundhiga ama
aasaaska sida aynu u daraaseenno barashada dambiga (Criminology).
Hannaanka dambiga (The Process of Criminalization) waa sida qofka uu ku noqon karo
dambiile, ficiladiisuna isku beddali karaan dambi. Sikastaba, marka loo eego fasiraadayda
aan ka dhex arkay aayada, waxa ay tilmaamaysaa in labada marxalad ee hore ay yihiin
labada marxalad ee uu dambigu maro ama loo maro, mida saddexaadna waxa ay
sheegaysaa natiijada laga dhaxlay. Haddaba, saddexdaas marxalad waxa ay kala yihiin:

1. Suuraysasho
2. Ficil
3. Qoommameyn

Markaad dib u fiiriso billowga sheekada, Illaahey waxa uu ka sheekeynayaa wixii dhex maray
Qaabiil iyo Haabiil oo ahaa dhashii Nabi Aadam. Mid ka mida inta uu xanaaqay kadibna
go’aansaday in uu dambi sameeyo. Marka ay halkaasi marayso, ayuu Illaahey yiri “Naftaa u

1
suuraysay, wuuna dilay, waxaa uuna ka mid noqday kuwa qasaaray.” Ka hor inta uusan
dambiga sameyn waxa uu maray marxalada koowaad oo ah suuraysasho, kadibna waxa uu
billaabay in uu ficil ahaan u sameeyo dambiga, ugu dambeyntiina natiijadii waxa ay noqotay
ka qoommameyn iyo qasaaro.

Suuraysasho
Ka hor inta aan dambiga la sameyn, waxa uu yaallaa marxaladda koowaad oo ah, in ay
maskaxdu suuraysato. Kadibna ficilka ayaa rumeeya ama beeniya. Tusaaleha ugu fudud ee
loo soo qaadan karo waa dambiga zinada (Galmada guurka ka hor). Ka hor inta aadan
dambiga sameyn, marka hore waxaad suuraysanaysaa gabadha ama ninka aad galmada la
sameyn doonto, meesha aad ku sameyn doontaan, quruxdeeda ama quruxdiisa iwm.
Markaas kadib, adiga oo u maraya waddo walba si aad u soo xiro galiso, durbadiiba waxaad
go’aansanaysaa in aad sameyso ficil.

Ficil
Marka la joogo marxaladdan laba waddo mid un baa furan. Mida koowaad oo ah in ficilku
rumeeyo suuraysigii hore. Mida labaad oo ah in ficilku beeniyo isla suuraysigii hore. Haddii
ficilku rumeeyo waa barta billowga dambiga. Haddii uu beeniyo dambi ma dhicin waayo
looma gudbin marxalada saddexaad.

Haddaba, marka la joogo xayndaabka dambiga gaar ahaan marxaladan, qof walba waxa uu
ku magac yahay ficilka ama dambiga. Tusaale, qofbaa geystay fal dil ah! Ficilka uu geystay
waa dambi, asagana waa dilaa. Tusaale kale, qofbaa sameeyey fal kufsi ah! Ficilku uu
sameeyey waa dambi, asagana waa kufsade. Qofbaa bangi lacag ka dhacay! Ficilka waa
dambi, asagana waa burcad ama tuug.

Qoommameyn

Marxaladan waxa ay ku dulwareeganaysaa natiijada ka dhallan karta dambiga. Maahan


dhammaadka dambiga, marwalbana natiijada ma noqonayso ka qoommameyn, balse waxa
ay noqon kartaa cagsigeeda. Waxaad arkaysaa qof dambi galay, haddana ku faraxsan
dambiga uu sameeyey. Taasi waa natiijo ka duwan qoommameyn, sow maahan? Waxa ay
aheyd in uu ka shalaayo wixii uu falay balse sidaa ma noqon, wayna farxad galisay. Inkasta
oo ay adagtahay in aynu daawano qalbiga qofka dambiilaha ahi, haddana waxaa laga yaabaa

2
in ay laabtiisa la gubanayso xumaanta uu falay. Halkaasna uu kaga qoommameynayo fal
dambiyeedkii uu suuraystay.

Ugu dambeyntii, maqaalkan waxa uu ku dooddayaa, sida Illaahey tilmaamay, in dambiga


ama go’aan walba oo natiijadiisu xun tahay ku dulwareegto saddex marxalad oo kala ah:
Suuraysasho, ficil iyo ka qoommameyn.

You might also like