Download as pdf or txt
Download as pdf or txt
You are on page 1of 28

Leysinka

gawaarida
yar-yar
U qalnaashada B
Xirmadan yar ee qoraalka ah waxay dooneysaa
Hey’adda gaadiidku (Trafikverket) in ay kugu siiso
macluumaad ku aaddan waxa loo baahanyahay si leysin
loo qaato, sida aad wax u baran kartid, waxa imtixaanka
darawalnimadu uu ka koobnaan karo iyo waxa ay tahay
in aad ka fikirtid inta aadan imtixaan u imaannin.

ULA
Imtixaan darawalnimo JEE
DD
Dalbo oggolaasho O
(imtixaanka aqoonta
gaari wadid
ah iyo imtixaan
waditaan ah)

BILLAW Waxbarashada imtixaanka


aqoonta ah iyo waditaan
Ballanso ku tababarashada isku
waxbarasho dhex wado
hordhac ah

Waxbarasho
hordhac ah
Waxbarashada khatarta
Waxbarashada imtixaanka qeybta 1 iyo 2
aqoonta ah iyo waditaan
ku tababarashada isku Waxbarashada imtixaanka
dhex wado aqoonta ah iyo waditaan
Ballanso ku tababarashada isku
waxbarashada dhex wado
Waxbarashada darawalnimadu khatarta Waqti fiican ballanso imtixaanka
wey billaabaneysaa darawalnimada (imtixaanka aqoonta
(imtixaanka aqoonta iyo waditaan) ah iyo imtixaan waditaan ah)
Waqtiyo imtixaan waxaa la soo
dhigayaa 11 Agoosto iyo wixii ka dambeeya.

2
Waxbarasho waa muhiim
Inta aadan imtixaanka aqoonta iyo imtixaanka waditaanka ku ag
sameyn Hey’adda gaadiidka (Trafikverket) waa in aad wax is bartid si
aad u ogaatid waxa loo baahanyahay si loo noqdo darawal gaadiidka
aamin ku ah, bey’adana wacyi u leh. Waa in sidoo kale aad heysataa
oggolaasho gaari wadid. Taas waxaad ka dalbaneysaa Guddiga
gaadiidka (Transportstyrelsen).
Wax ka baro iskoolka baabuur wadida bare shibil ah ama isku darso
labadaba. Adiga ayaa doorashada iska leh.
Haddii aad qof shibil ah gaari wadidda ka baraneysid waxaad adiga iyo
barahaaguba u baahantihiin in aad dhigataan waxbarasho hordhac ah.
Waxaad taas ku qaadaneysaan iskoolka baabuur wadidaoggolaasho ka
heysata Guddiga gaadiidka (Transportstyrelsen).
Dhammaadka waxbarashadaada waxaad ku qaadan doontaa
waxbarashada khatarta qeybta 1 iyo 2. Waxbarashada khatarta
waxaad ku ag qaadaneysaa waxbare oggolaasho ka heysta Guddiga
gaadiidka (Transportstyrelsen).
Aqoontaada iyo awooddaada wax qabadka ku tababaro inta ugu
badan ee aad awooddid. Waa sida nolosha inteeda kale - si aad xariif
ugu noqotid, una guuleysatid, waa inaad aad u tababarataa, waxna u
akhrisataa.

3
Waa muhiim in adigu ka darawal ahaan aad tihid qof amaan ah, una
baraarugsan gaadiidka. Waa in aad saadaalin kartid waxa ka dhici kara
waddooyinka, waana in aad si sax ah uga fal celin kartid xaalad kasta
oo timaada. In la haysto leysin waxay ka dhigantahay xurriyad, laakiin
sidoo kalana mas’uuliyad.
Sii wado waxbarashada ilaa inta aad ka dareemeysid in aad diyaar u
tahay in aad imtixaan sameysid. Waxaa sii fiican in aad barahaaga ka
codsatid in uu hubiyo aqoontaada inta aadan imtixaanka aqoonta iyo
imtixaanka wadidda u imaan. Imtixaanka waxaa lagu ag sameynayaa
Hey’adda gaadiidka (Trafikverket).
Nasiib wacan!

Imtixaanka aqoonta waxaad ku muujineysaa in aad leedahay aqoonta


loo baahanyahay si loo noqdo darawal gaadiidka aamin ku ah.
Imtixaanka waditaankana waa in aad ku muujisaa in aad si ficil ah ugu
dhaqmi kartid aqoontaas.
Imtixaanka aqoonta iyo imtixaanka waditaanka labaduba waxay
koontaroolayaan in aad gaareysid hadafka laga leeyahay imtixaannada
darawalnimada u qalnaashada B.
Qorshaha koorsada ee u qalnaashada B (TSFS: 2011:20) waxaad ka
heleysaa barta intarneetka ee Guddiga gaadiidka (Transportstyrelsen)
www.transportstyrelsen.se

4
Leysinnada dibadda, Swiidhan gudeheeda
Haddii aad Swiidhan gaari ku dhex wadaneysid, aadna
heysatid leysin laga soo saaray meel ka baxsan waddamada
iskaashiga dhaqaalaha ee Yurub (EES) waxaad leysinkaas
wax ku wadan kartaa muddo hal sano ah ka dib marka aad
Swiidhan iska diiwaan gelisid.
Marka hal sano ay dhamaato waa in aad sameysid imtixaan
aqooneed iyo imtixaan waditaan si aad u heshid leysin
swiidhish ah.
Haddii aadan Swiidhan ka diiwaan gashaneyn ma jirto wax
xannibaad ah oo ku aaddan inta aad gaari ku wadan kartid
leysin dibadda ah.
Haddii aad heysatid leysin dibadda ah oo laga soo saaray
waddan ka mid ah iskaashiga dhaqaalaha ee midowga Yurub
(EES), waad kusii wadan kartaa gaari ilaa inta uu leysinku
ka dhacayo.

5
Imtixaanka aqoonta ee loogu tala
galay u qalnaashada B
Imtixaanka aqoontu wuxuu cabbirayaa in aad leedahay aqoonta
loo baahanyahay si aad u noqotid darawal gaadiidka aamin ku ah,
bey’adana wacyi u leh. Imtixaanku wuxuu cabbirayaa aqoontaada ku
aaddan shan meelood:
1. Aqoonta xagga gaariga iyo xakameynta, tusaale ahaan:
• sida uu gaarigu u shaqeeyo iyo sida xaaladda waddadu ay u saameyso
hannaanka waditaanka ee baabuurka
• khataraha imaan kara haddii gaarigu uusan u shaqeyneyn sidi ay ahayd in
uu u shaqeeyo
• xiriirka ka dhexeeya farsamada waditaanka iyo hab-dhaqanka gaariga.
2. Bey’o, tusaale ahaan:
• sida siyaabaha kala duduwan ee gaadiidka loo doorto ay bey’ada u
saameyn karaan
• sida aad baabuurka ugu wadi karti si aamin ah, bey’adana wacyi u leh.
3. Amaanka gaadiidka, tusaale ahaan:
• waxa ay ka dhigantahay in la muujiyo qiimeyn wanaagsan marka lala
ciyaar-wadaagayo gaadiidleyda kale
• sida aad xaaladaha kala duduwan u waafajineysid xawaaraha, boos
qaadashada iyo waditaan intiisa kale
• sida xaaladaha kala duduwan ee waddada iyo jawiga waddadu ay u
saameynayaan hab-dhaqanka darawalka iyo amaanka gaadiidka.
4. Trafikregler, till exempel:
• tabbeellayaasha waddada, calaamadaha waddada, xawaaraha, kar
hor-imaashada iyo baasidda baabuurta, xamuulka, rakaabka iyo
waajibaadka ku aaddan gaadiidleyda kale iyo dadka lugeynaya.
5. Duruufo shakhsi ahaaneed, tusaale ahaan:
• sida dawada, khamriga, daroogooyinka kale, cadaadiska iyo daalku u
saameynayaan hab-dhaqanka darawalka
• sida gaari wadiddu ay waqtiyo kala duwan u saameyneyn karto
hab-dhaqanka darawalka iyo amaanka gaadiidka.
• sida cadaadis-kooxeedku uu u saameyn karo hab-dhaqanka darawalka iyo
amaanka gaadiidka.

6
Sidan ayuu imtixaanka aqoontu u dhacayaa
Imtixaanka aqoontu wuxuu ku billaabanayaa in aad daawatid filin
tilmaamaya sida uu imtixaanku u dhacayo. Filinku wuxuu jiraa isagoo loo
turjumay afaf fara badan. Waxaad xitaa, inta aadan imtixaanka u
imaannin, ka daawan kartaa filinka: www.trafikverket.se/kunskapsprovb

Imtixaanku wuxuu ka koobanyahay 70 su’aal, laakiin 65 ka mid ah


oo keliya ayaa natiijada lagu tirinayaa. Taas sababteedu waxaa weeye
in 5 su’aalood ay yihiin su’aalo tijaabo ah oo la qiimeyn doono. Ma
arki kartid su’aalaha ah su’aalo tijaabo ah kuwa ay yihiin. Waa in aad
52 su’aalood si sax ah uga jawaabtid si aad imtixaanka ugu baastid.
Waqtiga imtixaanku waa 50 daqiiqo.

Shardiga waraaqaha aqoonsiga


Marka aad imtixaanka imaaneysid waa in aad aqoonsigaaga ku
xaqiijin kartid dukumiinti aqoonsi oo shaqeynaya (id-handling),
halkaas oo uu sawirku si cad u muujinayo in aad adiga tihid.
Macluumaad ku aaddan nuucyada aqoonsi ee la isticmaali karo waxay
ku jiraan www.trafikverket.se/korkort
Waa in aad xitaa caddeysaa in aadan leysin ka heysan waddan kale oo
ka mid ah waddamada iskaashiga dhaqaale ee Yurub (EES).

Sawir isaga qaadidda Hey’adda gaadiidka


agteeda
Inta aadan sameynin imtixaankaaga aqoonta waa in aad sawir
isaga qaaddaa Hey’adda Gaadiidka Imtixaanka darawalnimada
(Trafikverket Förarprov) agteeda.
Haddii aad sawir iska qaadeysid isla maalinta aad imtixaanka
geleysid, waa in aad timaadaa 30 daqiiqo ka hor inta imtixaanku
uusan billaaban. Xasuusnaw in aad soo qaadatid dukumiinti
aqoonsi oo shaqeynaya. Hey’adda gaadiidku waxay kuu soo
direysaa kaar lacag bixin oo ku aaddan lacagta khidmada ah ee
sawir qaadidda (80 koron).

7
Imtixaanka aqoonta ka bacdi
Imtixaanka ka bacdi si toos ah ayaad jawaab u heleysaa haddii aad
imtixaanka ku baastay iyo haddii kalaba. Natiijada waxaan u direynaa
e-mailkaaga. Natiijadu waxay xitaa ku jirtaa adeegga Ballanso
imtixaan (Boka prov) ee www.trafikverket.se/bokaprov Natiijada
waxaad ka arki kartaa inta sax ah ee aad ka heshay aagagga kala
duduwan ee maaddooyinka.
Imtixaan aqooneed oo lagu baasay wuxuu shaqeynayaa laba bilood.
Imtixaanka aqoonta iyo imtixaanka waditaanka labadaba waa in lagu
baaso waqti laba bilood gudohood ah. Haddii kale waa in aad labada
imtixaanba sameyso
Haddii imtixaankaaga aqoonta aad ku dhacdid waxaa muhiim ah
in aad si aad ah ugu tababaratid inta aadan gelin imtixaanka xiga.
Xitaa haddii aad ku dhacdid imtixaanka aqoonta waad mareysaa
imtixaanka waditaanka.
Imtixaan aqooneed oo luqado kale ah
Imtixaanka aqoonta ee loogu tala galay u qalnaashada B wuxuu jiraa
isagoo luqado kala duduwan oo fara badan loo turjumay. Marka aad
imtixaanka ballansaneysid ayaad luqad dooraneysaa.
Imtixaan cod leh
Haddii ay kugu adagtahay in aad wax akhrisid, qortid ama aadan
swiidhish aqoonnin swiidhish ayaad su’aalaha ku dhegeysan kartaa.
Haddii aad imtixaanka ku sameyneysid luqad kale oo aan swiidhish
ahayd waxaad goor kasta oo ay tahayba inta imtixaanku socdo u
beddelan kartaa swiidhish. Markaas su’aasha waxaad sidoo kale ku
dhegeysan kartaa swiidhish.
Imtixaan afka ah, oo leh waqti imtixaan oo yara
dheer, turjumaan ama turjumaanka luqadda
dhagoolayaasha
Waxaad xitaa codsan kartaa in aad imtixaanka afka ku sameysid,
iyadoo lagu siinayo waqti yara ka dheer kuwa kale, oo leh turjumaan
ama turjumaanka dhagoolayaasha. Foomka codsiga waxaad ka
heleysaa www.trafikverket.se

8
Imtixaanka waditaanka ee loogu tala
galay u qalnaashada B
Marka aad sameyneysid imtixaan waditaan ah waa in aad muujisaa in
aad si madax bannaan ficil ahaan ugu dhaqan gelin kartid aqoontaada
si aad u noqotid darawal gaadiidka aamin ku ah.
Aagaggaaga aqoonta ee la qiimeynayo waa:

Aqoonta xagga gaariga


• Waa in aad gaariga ku sameyn kartid koontaroolid xagga amaanka ah,
tusaale ahaan koontaroolid ah xagga nalalka, taayarrada baabuurka,
olyada matoorka, iyo in aad fahmi kartid khataraha imaan kara haddii
gaarigu uusan u shaqeyn sidi ay ahayd in uu u shaqeeyo.
Xakameyn
• Waa in aad baabuurka xakameyn karto, tusaale ahaan si sax ah u
adeegsan kartid fariinka, sheellaraha iyo farasoonaha.
• Waa in aad xakameyn kartid gaariga marka aad toos u waddid iyo marka
aad leexaneysid intaba.
• Waa in sidoo kale aad si dabiici ah dib ugu socon kartid, una
baarkingareyn kartid.
• Waa in aad nidaam beddeli kartid adigoo gaariga wada, tusaale ahaan
dheereyn kartid ama gaabin kartid kuleylka, isticmaalina kartid miraayad
tirtirayaasha.

9
Bey’o iyo waditaan wax dhaqaaleeya
• Waa in aad waditaankaaga u qorsheyn kartid si aadan ugu baahan in aad
si micno darro ah u istaagtid.
• Waa in aad dooran kartid marshada ugu habboon xagga bey’ada iyo
amaanka gaadiidka.

Xeerarka gaadiidka
• Waa in aad taqaannaa xeerarka gaadiidka, si dabiici ahna u raacdaa si
isla-ciyaar-wadaagidda gaadiidleyda kale ay u shaqeyso.

Amaanka gaadiidka iyo hab dhaqanka


• Waan in aad baraarugsanaataa marka aad gaari kaxeyneysid, waana in
aad waditaanka waafajisaa waxa kuu muuqda.
• Waa in aad taqaanno meesha, goorta iyo sida aad xaaladaha kala
duduwan wax u fiirineysid.
• Waa in aad garan kartid, fahmina kartid khataraha ka dhex jira gaadiidka,
una qorsheyn kartid waditaankaaga si aad diyaar u tihid xaaladaha saas
u baahan.
• Waa in xawaarahaaga aad waafajin kartid aragtida, xaaladda waddada
iyo xaaladaha kale.
• Waan in aad waddada si cad meel uga qabsataa, tusaale ahaan marka
aad leexaneysid ama aad dooraneysid meesha aad waddada ka
qabsaneysid.
• Waa in aad gaariga waddaa adigoo dhawraya masaafada amaanka ee ay
tahay in leesu jirsado, tusaale ahaan waxaad masaafada waafajineysaa
gaadiidleyda kale iyo gawaarida taagtaagan.
• Waa in aad si cad oo waqti fiican ah u muujiso meesha aad aadeysid
adigoo isticmaalaya fareejooyinka.

10
Sidan ayuu imtixaanka waditaanku u dhacayaa
Imtixaan qaadaha ayaa ku billaabaya in uu ka warramo sida uu
imtixaanku u dhacayo iyo waxa la qiimeynayo.
Haddii aadan aqoonnin swiidhishka waxaad daawan kartaa filin ku
aaddan imtixaanka. Filinku wuxuu jiraa isagoo loo turjumay afaf fara
badan. Waxaad xitaa inta aadan imtixaanka u imaannin filinka ka
daawan kartaa: www.trafikverket.se/korprovb
Billaabidda ka bacdi waxaad sameyneysaa koontaroolid xagga
amaanka ha. Markaas ka dib waxaad baabuurka wadeysaa ugu yaraan
25 daqiiqo, oo ah waddooyinka magaalada iyo waddooyinka miyiga ah
intaba.
Waqti fiican ayaa lagu siinayaa macluumaad cad oo ku aaddan meesha
aad gaariga u wadeysid. Haddii ay xaalad khatar ahi timaado taasoo
uu imtixaan qaaduhu u baahanyahay in soo fara geliyo waa adiga
saas oo ay tahay cidda loo arko darawalka oo leh mas’uuliyadda waxa
dhacaya inta uu imtixaanku socdo.

11
Shardiga waraaqaha aqoonsiga
Isla sida imtixaanka aqoonta waa in aad muujisaa waraaqo aqoonsi
oo shaqeynaya, halkaas oo uu sawirku si cad u muujinayo in aad
adiga tihid.
Waa in aad sidoo kale caddeysaa in aadan leysin ka heysan waddan
kale oo ka mid ah waddamada iskaashiga dhaqaale ee Yurub (EES).

Imtixaanka waditaanka
Imtixaanka darawalnimada waxaa loo qiimeynayaa si good ahaan
ah, waxaadna jawaabta u heleysaa si toos ah marka uu imtixaanku
dhamaado. Jawaabta natiijada waxaan kuugu soo direynaa
e-mailkaaga. Natiijadu waxay xitaa ku jirtaa adeegga Ballanso
imtixaan (Boka prov) ee www.trafikverket.se/bokaprov

Imtixaan waditaan oo lagu baasay wuxuu shaqeynayaa laba bilood.


Imtixaanka aqoonta iyo imtixaanka waditaanka labadaba waa in lagu
baaso waqti laba bilood gudohood ah. Haddii kale waa in aad labada
imtixaanba mar kale sameysaa.
Haddii aad ku dhacdid imtixaan waditaanka sharraxaad ayaa sababta
lagaa siinayaa. Waa muhiim inaad aad u soo tababaratid inta aadan
sameynin imtixaanka xiga

12
Waxa uu imtixaanka waditaanku ka
koobanyahay
Imtixaan qaaduhu wuxuu ku tusi doonaa qodobbada ka mid
noqon kara imtixaanka waditaanka. Halkan waxaad ka arki kartaa
qodobbada imtixaanku waxa ay ka koobanyihiin:

Koontaroolid xagga amaanka ah iyo habka


waditaanka
Waxaad ka billaabeysaa in aad sameysid koontaroolid xagga amaanka
ah. Waa in aad koontarooshaa wax ama dhawr waxyaabood oo ka mid
ah qeybaha ka midka ah koontaroolidda ammaanka:
• iftiinka, fareejooyinka, iftiin soo celiyayaasha, iyo calaamadaha
• muraayado tirtirayaasha iyo biyaha miraayadaha
• xukumaha
• fariimanka
• taayarrada
• dareerayaasha, tusaale ahaan biyaha miraayadaha, biyaha
raayatooraha, dareeraha fariinka iyo olyada matoorka
• nidaamka digniinta ee gaariga.

Waxaad sidoo kale toosineysaa kursiga, madax taageeraha,


isteeringka, miraayadaha leyska arko iyo suunka si aad u lahaatid hab
waditaan oo aamin ah. Marka amaanka la koontaroolayo waxaa lagu
siinayaa tilmaamooyin cad-cad oo ku aaddan waxa la koontaroolayo.

Haddii aad cillado gaariga ku aragtid waxaad soo jeedin kartaa


tallaabooyin. Waa in aad si madax bannaan u koontarooshaa
waxyaabaha kala duwduwan ee shaqeynaya. Haddii ay jiraan qeyb
koontaroolka ka mid oo aysan suurta gal ahayn in kaligaa la sameeyo,
imtixaan qaadaha ayaad caawimaad weydiisaneysaa.

13
Si wax ku ool ah fariin u qabasho
Waxaa dhici karta in inta imtixaanku socdo aad sameysid si wax
ku ool ah fariin u qabataa. Si wax ku ool ah fariin u qabasho
waxay ka dhigantahay in aad baabuurka ku joojineysid inta ugu
gaaban ee suurta gal ah.
Imtixaan qaaduhu wuxuu ku siinayaa tilmaamooyin cad-cad oo
waqtiga aad aaddan, wuxuuna kuu sheegayaa goor la sameynayo.
Fariin qabashada waxaa la sameynayaa iyadoo xawaaruhu uu ugu
yaraan yahay 50 km saacaddiiba. Xaaladda waddada ayaa u talisa
xawaaraha aad fariinka ku qaban kartid.
Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa farsamadaada fariin qabashada iyo
meesha aad gaariga waddada uga hayneysid.

Baarkingareyn
Waa in aad ku baarkigareysaa meel gawaarida la dhigto ama
aad waddada gadaal-gadaal gaariga ugu dhigtaa, adiga ayaana
u sheegaya imtixaan qaadaha marka aad u aragtid in ay
baarkingareyntu kuu dhamaatay.
Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa baraarugsanaantaada iyo sida
aad gaariga u xakameyneysid. Imtixaan qaaduhu wuxuu sidoo kale
qiimeynayaa sida aad gaariga u dhigeysid meesha loogu tala galay iyo
masaafada aad gaadiidka kale u jirsaneysid.

Gadaal u bixid
Inta imtixaanku socdo gadaal ayaad u bixi doontaa. Imtixaan
qaadaha ayaa ku siinaya duruufo cad-cad, tusaale ahaan meesha
iyo inta aad gadaal-gadaal u soconeysid. Waxaad markaas
heleysaa fursado fiican oo aad ku qorsheysatid gadaal u wadidda.
Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa meesha aad waddada ka
heysaneysid, sida aad wax walba ula socotid, ciyaar- la-wadaagiddaada
gaadiidleyda kale iyo dadka lugeynaya iyo sida aad gaariga u
xakameyneysid.

14
Dalcad ka kaxayn
Waxaa lagaa dalban karaa in aad gaariga ka kaxaysid meel dalcad ah
ama meel daadeg ah.
Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa sida aad u baraarugsantahay, sida
aad isugu dheelli tireysid sheellaraha iyo fariinka iyo farasoonaha iyo sida aad
calaamad u bixineysid.

Vändning
Imtixaan qaaduhu wuxuu kaa codsan karaa in aad leexatid inta
imtixaanka waditaanku uu socdo. Waxay taasi noqon kartaa meel
go’an ama meel aad adigu dooraneysid.
Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa sida aad leexashada u sameyneysid iyo
in ay aamin tahay xagga isu socodka gaadiidka.

15
Isticmaalidda nidaamiyayaasha
Imtixaan qaaduhu wuxuu kaa codsan karaa in aad isticmaashid ama
beddeshid nidaamiyayaasha gaariga marka aad baabuurka waddid.
Hawadu waxay sidoo kale noqon kartaa si aad adiga naftirkaagu u
aragtid in ay khasab tahay in aad isticmaashid nidaamiyayaasha.
Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa baraarugsanaantaada, sida aad u
xakameyneysid gaariga iyo meesha aad waddada ka qabsaneysid.

16
Dadka, baaskiillada iyo mootooyinka yar-yar
Inta imtixaanka waditaanku uu socdo waxaa dhici karta in aad la
kulantid dad, baaskiillo iyo mootooyin yar-yar ama carruur ciyaareysa.
Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa baraarugsanaantaada, sida aad
xawaaraha wax u u waafajineysid iyo sida aad khatarta wacyi ugu leedahay.

Haad ku wadidda iyo haad beddelasho


Inta imtixaanka waditaanku socdo hal mar ama in kabadan ayaad
beddelan kartaa haadka. Waxaad sidoo kale la kulmi kartaa xaalado
ay jiraan haadad fara badan oo isku hal dhinac u wada jeeda, halkaas
oo ay tahay in aad haad ka dooratid adigoo tixgelinaya sii wadashada
safarka.
Marka aad haad dooraneysid waxaa muhiim ah in aad la wada
ciyaartid gaadiidleyda kale, in aad waditaankaaga qorsheysid iyo in
aad si cad u muujisid meesha aad aadeysid. Waxaa sidoo kale muhiim
ah in aad masaafo sax ah u jirsatid gawaarida kale.
Imtixaan qaadaha ayaa qiimeynaya la wada ciyaariddaada gaadiidleyda kale
iyobaraarugsanaantaada. Imtixaan qaaduhu wuxuu sidoo kale qiimeynayaa
sida aad haad u dooraneysid iyo sida aad u muujineysid meesha aad u socotid,
iyo sida aad xawaaraha wax u waafajineysid iyo booska aad waddada ka
qabsaneysid.

17
Waddo goyn
Waxaad goyn doontaa nuucyo kala duduwan oo isgoysyo ah halkaasoo
xeerarka gaadiidka iyo xaaladaha araggu aya kala duduwanyihiin.
Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa baraarugsanaantaada, sida
aad xawaaraha wax u waafajineysid, u raaceysid xeerarka, wax sii
qorsheysashadaada iyo diyaargareysnaantaada. Waxaa sidoo kale muhiim
ah sida aad ula wada ciyaareysid gaadiidleyda kale, u muujineysid waxa aad
damacsantihid, calaamad u bixineysid iyo meesha aad waddada

Isgoysyada samaafaha leh


Inta uu imtixaanku socdo waxaa dhici karta in aad goysid isgoys
leh samaafarooyin. Waxaa muhiim ah sida aad waditaankaaga wax
u waafajineysid ilaa laga gaaro isgoyska, in aad sii saadaalin kartid
xaalado kala duduwan oo aad diyaar tihid haddii calaamaduhu is
beddelaan.
Imtixaan qaadaha ayaa qiimeynaya sida aad xawaaraha wax u waafajineysid,
baraarugsanaantaada iyo meesha aad waddada ka qabsaneysid. Imtixaan
qaaduhu wuxuu sidoo kale qiimeynayaa sida aad ula ciyaareysid gaadiidleyda
kale iyo sida aad u raaceysid xeerarka gaadiidka.

18
Isgoys wareegsan
Haddii aad mareysid isgoys wareegsan inta imtixaanku socdo waxaa
muhiim ah sida aad ula wada ciyaareysid gaadiidleyda iyo dadka kale,
u muujineysid waxa aad damacsantihid, calaamado u bixineysid iyo
meesha aad waddada ka qabsaneysid. Waxaa sidoo kale muhiim ah in
aad raacdid xeerarka gaadiidka ee meesha khuseeya.
Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa baraarugsanaantaada, sida
aad xawaaraha wax u waafajineysid, xeerarka ugu dhaqmeysid, wax sii
qorsheysashadaada iyo diyaargareysnaantaada.

Baasidda gaari meel taagan


Inta imtixaanka waditaanku uu socdo waxaa dhici karta in aad baastid
gaari meel iska taagan, tusaale ahaan maxaddo bas, ama gawaari
waddo ku baarkingareysan. Waxaa muhiim ah in aad xawaarahaaga
wax waafajisid iyo in aad sii saadaalin kartid dhacdooyinka kala
duduwan.
Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa baraarugsanaantaada, sida aad
xawaaraha wax u u waafajineysid iyo sida aad khatarta wacyi ugu leedahay.

19
Gaari ku wadid xaafado aad loo degganyahay
Inta imtixaanku socdo waxaad gaariga ku wadi doontaa xaafado aad
loo degganyahay oo leh xudduudo xawaare iyo jawi gaadiid oo kala
duduwan.
Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa sida aad xawaaraha wax u
waafajineysid, waddo boos ka qabsashadaada iyo baraarugsanaantaada.
Imtixaan qaaduhu wuxuu sidoo kale qiimeynayaa khatar wacyi u
lahaanshadaada.

Waditaan madax bannaan oo meel u jeeda


Waxaa lagaa dalban karaa in aad si madax bannaan gaariga ugu
waddid meelo loo gol leeyahay. Waxay noqon kartaa meel aad
taqaannid, markaasna adiga ayaa waddada dooranaya. Waxay sidoo
kale noqon kartaa meel tabbeellooyinka la raacayo. Haddii ay dhacdo
in aad meel khalad ah aaddid wuxuu imtixaan qaaduhu kaa codsan
karaa in aad soo noqotid oo aad sii aaddid meeshi la rabay in la aado.
Haddii aad adiga naftirkaagu ogaatid in aad meel khaldan aadday
waad soo laaban kartaa waxaadna sii aadi kartaa meeshi la doonayay
in la aado.
Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa baraarugsanaantaada, sida aad
calaamadaha u bixineysid, boos qaadashadaada iyo in aad tilmaamooyinka
raaci karid. Waa muhiim sidoo kale in aad si fiican ula wada ciyaartid
gaadiidleyda kale.

20
Gaari ku wadidda meelaha la dhisayo
Shaqooyinka waddooyinku waa wax caadi ka ah xagga gaadiidka.
Qaar waxay ku calaameysanyihiin calaamado waddo oo ku meel
gaar ah si ay kaaga caawiyaan in aad ku mooddid sida ugu fiican ee
suurta gal.
Haddii inta imtixaanku socdo aad martid meel shaqo waddo ka socoto
wuxuu imtixaan qaaduhu qiimeynayaa khatar wacyi u lahaanshadaada,
baraarugsanaantaada, sida aad xaaladda u waafajineysid xawaaraha iyo
diyaargareysnaantaada. Imtixaan qaaduhu wuxuu xitaa qiimeynayaa la wada
ciyaariddaada xagga gaadiidleyda kale iyo shaqaalaha dhismada waddooyinka.

21
Goynta waddada tareenka- iyo tareenka
gudaha magaalooyinka mara
Inta imtixaanka waditaanku uu socdo waxaa dhici karta in
aad la kulantid waddo tareen ama waddada tareenka gudaha
magaalada mara.
Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa baraarugsanaantaada, khatar wacyi u
lahaanshadaada iyo sida aad u raaceysid xeerarka gaadiidka.

22
Gaari ku wadidda waddooyin yar-yar,
qalqalloocanne
Inta imtixaanku socdo waxaad gaariga ku wadi kartaa waddooyin
yar-yar, qalqalloocanne, oo leh xudduudo xawaare oo kala duduwan.
Waxay noqon karaan waddooyin jay ah ama waddooyin laami ah.
Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa khatar wacyi u lahaanshadaada, sida
aad xawaaraha wax u waafajineysid, baraarugsanaantaada, meesha aad
waddada ka heysaneysid iyo sida aad gaadiidleyda kale ula wada ciyaareysid.

Waddo haywey ah, waddo weyn iyo wax


la mid ah
Inta imtixaanku socdo waxaad gaariga ku wadi kartaa waddo haywey
ah ama waddo weyn halkaas oo xawaaraha ugu badan ee lagu wadi
karo uu yahay 120 km saacaddiiba.
Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa la wada ciyaariddaada gaadiidleyda
kale, masaafada aad u jirsaneysid gaadiidka kaa horreeya iyo meesha aad
haadka ka qabsaneysid. Imtixaan qaaduhu wuxuu sidoo kale qiimeynayaa
baraarugsanaantaada, sida aad u isticmaaleysid dhabbooyinka waddada laga
galo iyo sida aad xawaaraha xaaladda waafajineysid.

23
Ku leexo waddo miyi ah
Waxaad ka leexan kartaa waddo miyi marta oo leh xudduudo xawaare
oo kala duduwan. Hawshaadu waa in aad qorsheyso, aadna si gaadiid
ahaan aamin ah u leexatid.
Waxaa sidoo kale muhiim ah sida aad xawaaraha wax u waafajineysid,
booska aad waddada ka qabsaneysid, in aad calaamad bixisid iyo sida
aad waddada dhinaceeda u isticmaaleysid.
Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa baraarugsanaantaada, khatar wacyi u
lahaanshadaada iyo la wada ciyaariddaada gaadiidleyda kale.

Dhabbaha hayweyga laga galo iyo waddooyin


miyi ah gaari ku wadid
Inta imtixaanku socdo waxaad gaariga ku wadi kartaa waddooyin
miyi ah oo leh xawaarayaal kala duduwan.
Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa baraarugsanaantaada iyo sida
aad xawaaraha wax u waafajineysid. Imtixaan qaaduhu wuxuu sidoo kale
qiimeynayaa sida aad wax u waafajineysid masaafada aad gaadiidka kaa
horreeya u jirtid, meesha aad waddada ka qabsaneysid iyo sida aad xeerarka
u raaceysid.

24
Baasitaan
Waxaa laga yaabaa in aad inta imtixaanka lagu jiro u baahatid in aad
gaadid kale baastid.
Waxaa muhiim ah meesha iyo goorta aad dooraneysid in aad baastid
iyo sida aad baabuurka u xakameyneysid iyo sida aad calaamado u
bixineysid.
Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa baraarugsanaantaada iyo sida aad
boos u qabsaneysid inta aad wax baaseysid. Imtixaan qaaduhu wuxuu xitaa
qiimeynayaa khatar wacyi u lahaanshadaada..

Aragti gaaban iyo mugdi


Mugdi, ceeryaamo, roob aad u xoog badan iyo qorrax hooseysa waa
waa dhawr tusaale oo ka mid ah waxyaabaha aragtida saameyn kara
inta imtixaanku socdo.
Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa in aad khatarta wacyi u leedahay,
booska aad waddada ka qabsaneysid iyo sida aad u isticmaaleysid nalka fuulka
ah iyo nalalka caadiga ah. Imtixaan qaaduhu wuxuu sidoo kale qiimeynayaa
baraarugsanaantaada iyo masaafada aad u jirsaneysid gawaarida kaa horreysa.

Xaalad waddo oo khatar badan, laguna


siibanayo
Waxaa dhici karta in waddada lagu siibanayo marka aad imtixaanka
sameyneysid. Siibashadu waxay ku xirnaan kartaa baraf cusub, baraf
dhagaxoobay, waddo qoyan, dhoobo ama laami ay qorraxi shiishay.
Waxaa muhiim ah in aad waditaanka waafajisid xaaladda waddada.
Imtixaan qaaduhu wuxuu qiimeynayaa in aad khatarta wacyi u leedahay,
sida aad xawaaraha u waafajineysid xaaladda iyo meesha aad waddada
ka qabsaneysid. Imtixaan qaaduhu wuxuu sidoo kale qiimeynaya
baraarugsanaantaada iyo masaafada aad gaariga kaa horreeya u jirsaneysid.

25
Su’aalo xaaladda la waafajiyay
Imtixaan qaaduhu wuxuu dooran karaa in uu ku weydiiyo dhawr
su’aalood oo la waafajiyay xaalado inti imtixaanka waditaanku uu
socda lala kulmay.

Marka imtixaanka aqoonta


iyo Imtixaanka waditaanku Si fiican
ay jiraan waa in aad wax u baro –
muujisid in aad leedahay nasiib wacan!
aqoon kugu filan si aad u
noqotid darawal gaadiidka
aamin ku ah, bey’ada
wacyi u leh.

26
Diiwangelinteydi

27
Ballanso
imtixaank a
aqoontaiyo
imtixaank a
wadid
- waqti fiic da
an
k a hor.

IMTIXAAN MUDNAAN U LAHAANSHO


• Adigaaga marki ugu horreysay sameynaya imtixaanka
aqoonta iyo imtixaanka waditaanku waxaad booska ugu

SOMALISKA. TRAFIKVERKET. BESTÄLLNINGSNR: 100916. JULI 2018. PRODUKTION: GULLERS. TRYCK:


horreya ee u leedahay mudnaanta koowaad.
• Waxaad mudnaanta koowaad leedahay laba waqti-imtixaan
oo dheeraad ah haddii aad ku dhacday mid ama labada
imtixaanba.
• Mudnaan uma sii lihid waqtiyada imtixaanka ee ugu
horreeya haddii aad imtixaan sameysay afar jeer. Waxaad

BRANDFACTORY. ILLUSTRATION: MATS BJÖRKLUND PRODUKTION AB.


sidaas darteed sugi kartaa waqti dheer inta aadna imtixaan
kale sameynin.
Waxaan kugula talineynaa adigaaga sameynaya imtixaan ku celis
ah in aad waqtiyada si fiican u isticmaashid si aad wax isu bartid
inta aadan sameyn imtixaanka xiga. Kaasho barahaaga si uu
imtixaanka u qiimeeyo.

Waxaa imtixaanka aqoonta iyo imtixaanka waditaanka ka


ballansan kartaa www.trafikverket.se/bokaprov
ama adigoo la soo xiriiraya Adeegga macaamiisha ee
Hey’adda gaadiidka Imtixaanka darawalka (Trafikverkets
Kundtjänst Förarprov) 0771-17 18 19.

Trafikverket, 781 89 Borlänge. Cinwaan booqasho: Röda vägen 1


Taleefan: 0771-921 921. Taleefan-qoraal: 010-123 50 00.
www.trafikverket.se/korkort

You might also like