Waa Maxay Baaluqnimada

You might also like

Download as docx, pdf, or txt
Download as docx, pdf, or txt
You are on page 1of 2

Waa maxay baaluqnimada?

Baaluqnimadu waa heer ay ka gudbaan caruurto si ay u helaan awood tarmid, waxaana lagu gartaa
isbadal muuqaaleed, mid nafsaani iyo mid jinsi ahaan.

Baaluqnimadu waxay ku billaabataa gabdhaha da'da 8 sano illaa 14 sano, meesha wiilashu ay billaabato
9 illaa 14 sano.

Maxaa lagu gartaa baaluqnimada?

Baaluqnimada dabiiciga ee gabdhaha waxaa lagu gartaa astaamahaan soo socdo:

Koriinka Naasaha: badanaa hal naas ayuu ku billawdaa, waana calaamada ugu horrayso ee
baaluqnimada lagu garto, si aayar ah ayay naasuhu u soo kuustaan, ibtuna way soo maxdaa waxayna
yeelataa midab madow, badanaa boqolkiiba 50% gabdhuhu naasahoodu way koraan markii ay jiraa 13
sano.

Tinta bisqinta (Shuunka) iyo kilkisha oo soo baxdo waa astaan baaluqnimo, waxaana la socdo dhidid
kilkilaha ah oo leh ur aysan gabadhu horay u aqoon.

Dhiiga caadada: badanaa caadadu waxay billaabataa 2 illaa 3 sano ka dib markii ay naasuhu billaabaan in
ay koraan, celcelis badanaa caadadu waxay gabdhaha isku arkaan sanadka 12-aad gudahiisa.

Korriin muuqaaleed: gabadhu markii ay billawdo baaluqnimada muuqaalkeeda si dhakhso ah ayuu isku
badlaa, waxaana la qiyaasaa in sanadkiiba 8 cm oo dhirir ah inuu ku darsamo, markii ay caadadu
timaadanae dhirirka wuxuu u soo dagaa 4 cm sanadkii.

Isbadallada hoose: kintirka oo bararo, cawarada oo midabkeedu isbadalo, ugxansidaha iyo minka oo
cabbirkoodu koro.

Baaluqnimada dabiiciga ee wiilasha waxaa lagu gartaa astaamahaan soo socdo:

Astaanta ugu horrayso ee wiilashu dareemaan waa xaniinyaha oo kuro, badanaane laguma baraarugo
arrintaan, waxayna billaabataa 10 illaa 13 sano markii wiilku uu jiro.

Xubinta ragga iyo qooraha oo waynaadaan waxay badanaa billaabataa hal sano kadib markii xiniinyuhu
ay korriin billaabaan.

Tinta shuunka waxay billaabataa in ay soo baxdo labo sano kadib markii ay xiniinyuhu waynaadaan.

Boqolkiiba 50 illaa 90% wiilashu waxay dareemaan isbadal naasahoodu ku dhacaan.

Isbadal muuqaaleed, codka, findoobka iyo tinta wajiga: waa isbadallada ugu dambeeyo baaluqnimada ee
laga dareemo wiilasha, waxaana sida dabiiciga ugu dambayn la arkaa 14 sano markay jiraan, korriinka
jirka wuxuu ka billawdaa gacmaha.

Waa maxay baaluqnimada soo daahdo?

Waxaa la dhihi karaa qofka qaangaarkii ama baaluqiddii way ka daahday markii:

Xiniinyaha korriimo aan laga dareemin markii wiilku gaaro 14 sano, astaamaha kale ee baaluqnimada
way soo daahi karaan.
Haddii gabadhu ay naasaheeda ka dareemin isbadal markii ay 13 sano jirto ama aysan caado heli markii
15 sano jirto xittaa haddii naasaha ay soo baxeen.

Maxaa keeno in baaluqnimada ay soo daahdo?

Waxaa qaangaarka soo daahin karo waxyaabo ay wiilashu iyo gabdhuhu isla wadaagi karaan iyo
waxyaabo ay ku kala duwanaan karaan, asbaabaha la isla wadaago waxaa ugu caansan:

Dhaxal, haddii qoysku ay dhaxal u leeyihiin in baaluqnimada ay ka soo daahdo.

Xanuun raagay sida kilyo xanuunka ama cillado hormoonka la xiriiro.

Nafaqo darrida iyo cudurrada ka hortagga in jirku nafaqada ka faa'idaysto.

Jimicsi xad dhaaf ah, waxay cilladaan lagu arkaa dadka ciyaaraha ka qeyb qaato sida orodada iyo gym-ka.

Xanuunka thyroid-ka ee dhacsan, akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5559.0.html

Ilmaha ku soo koro nolol adag oo aan helin nuglaan iyo naxariis.

Daawooyinka qaar ee ilmaha la siiyo sida: steroids-ka, waxaana badanaa daawooyinkaan ilmaha la siiyaa
haddii ay neef ama xiiq qabaan, fadlan dhakhtarkaaga la tasho inta aadan daawo ilmahaaga siinin.

Sidee lagu ogaan karaa in qofku qaangaaray ama ka soo daahay?

Dhakhtarku wuxuu waalidka ka qaadi doonaa waraysi iyadoo la fiirinayo korrinkaaga, caafimaadkaaga
guud, caafimaadka qoyska, waxbarashadaada iyo korriinkaaga maskaxeed iyo nafsiyadeed.

Kadib wuxuu kugu samayn doonaa wiisiteyn lagu ogaanayo dhirirkaaga, miisaankaaga, astaamaha
qaangaarka kor ku xusan iyo wiisito muuqaaleed guud.

Kadib wuxuu kuu diri doonaa baaritaanno haddii uu la kulmo cillad, waxaana baaritaannadaas ka mid ah:
dhiigag u badan hormoonanda ka qeyb qaato qaangaarka, wuxuu kaloo kuu diri doonaa computer /
ultrasound khaasatan haddii aad gabadh tahay si loo eego makaankaaga iyo ungxansidayaasha, waxaa
kaloo kuu diri doonaa raajooyin lagu eegayo korriinka lafaha.

Sidee loo daaweeyaa baaluqnimada soo daahdo?

Waxaa lagu daaweeyaa daawooyin u badan hormoonno, haddii cilladu ay tahay isu-dheellitirnaan
hormoon ama yaraansho hormoon, laakiin haddii ay jirto cillada kale sida kuwa kor ku xusan waxaa lagu
siin doonaa talo ku habboon mid waliba.

You might also like