Download as pdf or txt
Download as pdf or txt
You are on page 1of 6

BAAQ

XAALADDA KALA GUURKA JFS,


KHILAAFKA PUNDLAND IYO DAWLADDA DHEXE

Soomaali a Ho ma keed aa P n land


Barwaaqadeeda, Puntland Horumarkeeduna waa
Soomaali a Ba aa aheeda!

3da Luulyo, 2020

1/6 | P a g e
BAAQ: XAALADDA KALA GUURKA JFS, KHILAAFKA PUNDLAND IYO DAWLADDA DHEXE
Marwooyinka iyo Mudanayaasha Bayaanka Soosaaray
#. Magaca Derejo/Jago Saxiix
1. Sen. Dr. Maxamuud Ahmed Senator FG
Maxamuud (Mashruuc)
2. Sen. Dr. Farxaan Cali Husseen Senator FG
3. Aden Mohamed Ali Wasiir hore JDS /Xildh
hore FG
4. Gen. Cali Ismaciil Maxamed Gen. XDS, JDS/Asaase PL
5. Gen. Cismaan Maxamed Samantar Gen. XDS, JDS/Asaase PL
(Fatiig)
6. Maxamed Cali Shire Wasiire hore FG
7. Cumar Maxamed Xussin (Nakhuude) Diplomaasi, JDS
8. Siciido Xusseen Cali Wasiir hore PL
9. Saynab Ugaas Yasiin Wasiir hore PL
10. Farah Maxamuud Yuusuf (Doxajoog) Wasiir hore PL
11. Maxamuud Beeldaaje Faarax Wasiir hore PL
12. Cali Jaamac Farax (Ali Buureed) Wasiir hore PL
13. Cabdirisaq Nuur Cumar Wasiir hore PL
14. Cabdullahi Jamac Saalax Wasiir hore PL
15. Cabdirahman Sh. Axmed Cabdulle Wasiir hore PL
(Habarwa)
16. Faarax Cali Cabdi (Madaxey) Wasiir Hore PL
17. Maxamed Maxamud Cabdi (Gabax) Wasiir hore PL
18. Cabdirisaaq Boqor Cumar Ismaciil Wasiir hore PL
19. Mustafe Bile Maxamuud Xildhiban hore PL
20. Xusseen Axmed Xassan (Fiqi) Siyaasi/Musharax hore PL
21. Prof. Muxiyadiin Cali Yusuf Siyaasi/Musharax hore PL
22. Maxamed Farax Ciise (Jeentare) G. Gobol hore PL
23. Cabdiladiif Yusuf Barre Ganacsade
24. Ismaciil Siciid Husseen (Kutub) Ganacsade
25. Axmed Cabdiasis Ducaale Ganacsade
26. Cismaan Shire Maxamed (Quud) Ganacsade
27. Yaasiin Beeldaaje X. Cabdullahi Aqoonyahan/Ganacsade
2/6 | P a g e
BAAQ: XAALADDA KALA GUURKA JFS, KHILAAFKA PUNDLAND IYO DAWLADDA DHEXE
Horudhac
Sida la wada ogsoon yahay, dalka Soomaaliya wuxuu ku jiraa marxalad
kala guur ah duruufa adagna ay ku xeeran yihiin, taas oo cagabad ku
noqotay guul ka gaarista dhamaan arrimaha u baahan in wakhtiga dhow
iyo kan fogba loo helo xal waara oo ay mahadiyaan dadka Soomaaliyeed ee
30kii sano ee la soo dhaafay la daaladhacaayey coolaado, abaaro iyo
Dawlad la aan.

Haddaba, annagoo isugu jirna Waxgarad, Siyaasiyiin iyo Ganacsato ka soo


jeeda degaanada Puntland kalana jooga dalka dibadiisa iyo gudihiisaba
waxaan halkaan kula wadaageynaa ummada Soomaaliyeed aragtidayada
ku aadan arrimahan soo socda:

1. Puntland iyo Arrimaha Federaalka


2. Maqaamka Iyo Matalaadda Caasimadda JFS Muqdisho
3. Doorashooyinka Heer Fedraral
4. Shirka Wadatashiga Muqdisho July 5 8

1. Puntland iyo Arrimaha Federaalka

Sida ku cad qodobka 4aad, farqadiisa 1aad ee dastuurka Puntland


Da ladda P la d aa a b ka mid ah S maali a, il a aa a
ka saaran hirgelinta Dawlad Soomaaliyeed oo ku dhisan habka
Fede aaliga ah iyo axdigii lagu dhisay Puntland 1998dii, qodobkiisa
1aad, farqadiisa 4aad. Puntland waxaa lagu aasaasay abda a k
saleysan, yagleelidda hannaan dawladnimo heer degmo, heer gobol iyo
heer dawlad goboleed, si dhidibbada loogu aaso Qaran Soomaaliyeed ee
ku saleysan nidaamka Federaalka ah.

Sidoo kale Dastuurka KMG ee JFS qodobkiisa 7aad, farqaddiisa 2aad


Dhulka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya waa laguma xad
gudbaan, lamana qaybin karo

Sidaa daraadeed, waxaan ummadda Somaliyeed la wadaageyna in


dareenka kooxo gaar ah ay bulshada ku dhex abuurayeen maalamihii
la soo dhaafay aysan marnaba wax yeelayn karin midnimada iyo
wada jirka qaranka Soomaaliyeed, shacabka Puntland iyo
3/6 | P a g e
BAAQ: XAALADDA KALA GUURKA JFS, KHILAAFKA PUNDLAND IYO DAWLADDA DHEXE
dawladdiisu ma aha dawlad ama gobol ku soo biiray Soomaaliya ee
waxa ay dhasheen iyaga oo Soomaali ah. Waxaan aamin sanahay in
si qaldan dadka qaarkii u fasirtaan Qodabka 4aad ee dastuurka
Puntland, kuwaas oo mararka qaarkood ku dhawaaqa in qadobkaasi
siinayo awood gooni isutaag, hase ahaatee aaney waxba ka jirin.
Waxaana u cadayneynaa shacabka reer Puntland iyo kuwa
Soomaaliyeedba in aaney shaki iyo jaahwareer ku abuurin fasiraada
qaldan ee qodobkaas laga bixiyey.

Waxa kale oo aan ugu baaqeynaa dawladda Puntland laamaheeda kala


duwan adkeynta midnimada qaranka iyo ka fogaanta wax kasta oo
dhaawici kara wadjirka umadda Soomaaliyeed.

2. Maqaamka Iyo Matalaadda Caasimadda JFS Muqdisho

Shacabka reer Mugadisho iyo shacabka reer Puntland waa dad


walaalo ah, horumar, nabad iyo barwaaqo isku rajeynaya, jecelna
qaranimada iyo midnimada ummada Soomaaliyeed. Waxaan ka
xunnahay falcelintii tabnayd ee ay ka sameeyeen Qaraarkii Metelaada
Muqdisho qaar ka mid ah Siyaasiyiinta reer Puntland iyo gobolka
Banadirba.

Waxaaan ku baaqeyna in la joojiyo ereyada xanafta leh abuurayana


kala fogeynta iyo nacaybka labada bulsho ee reer Puntland, Gobolka
Banaadir, iyo guud ahaan Soomaaliya.

Xal u helidda maqaamka iyo metelaadda Caasimaddu waxay ka mid


tahay dhamaystirka geeddi socodka hannaanka dowlad dhisidda
Soomaaliya. Maqaamka iyo metelaadda Caasimaddda Muqdisho
waxa qeexayaa habraaca loo marayo dastuurka ku meel gaarka ah ee
Jamhuuriyadda Federalka Soomaliya. Sidaa darteed, waxaan ugu
baaqeynaa labada Aqal ee Baarlamaanka JFS dhamaytirka xeerka
maqaamka Muqdisho iyadoo loo marayo hannaanka dib u eegista
dastuurka KMG ah iyo talo-wadaag heer Qaran.

4/6 | P a g e
BAAQ: XAALADDA KALA GUURKA JFS, KHILAAFKA PUNDLAND IYO DAWLADDA DHEXE
3. Doorashooyinka Heer Federaal

Doorashooyin xalaal ah oo waqtigooda dhaca, waxay astaan


ilbaxnimo iyo qaangaarnimo siyaasadeed u tahay hannaan
dawladnimo la aamino karo oo Soomaaliya yeelato.

Waxaan bogaadinaynaa in Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya


yeelatay muddo 50 sano kadib xeer hagaya doorashooyinka qaranka
heer federal.

Xeerkani waxa uu u soo celiyay ummadda Soomaaliyeed xaq dastuuri


ah oo ka maqnaa, kaas oo ah ka qayb qaadashada doorasho hal cod
hal qof ah, halkii ay ahaan jirtay in qabiil gaar ahi is doorto, taas oo
xad gudub ku aheyd xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed.

In la dhaqan geliyo doorasho hal qof hal cod waxay dhabaha u


jeexeeysaa hannanka diimuqraadiga ah waxayna meesha ka saari-
doonta awood qaybsiga 4.5 mustaqbalka dhow.

Si loo dhameystiro hannaanka doorashooyinka dalka waxaan


guddoonka Baarlamaanka Federalka Soomaliya labadiisa Aqal ka
codsnaeynaa inay adkeeyaan wada shaqeyntooda si loo looxaqiijiyo
dhamaystirka xeerarka iyo qaraarrada lifaaqa ku ah xeerka
doorashooyinka.

Waxaan dhiiri gelineynaa Guddiga kumeelgaarka ah ee


Doorashooyinka Qaranka iyo Golayaasha JFS iney ku qabtaan
doorasho qof iyo cod ah muddo xileedka dasduuriga ah. Haddii ay
suurtagal noqon weydana waa in shir wadatashi ah oo ay qayb ka
yihiin dhamaan dhinacyada (Dawlada dhexe, Dawlad goboleedyada
xubnaha ka ah DFS iyo qaybaha kale ee Soomaaliyeed) ay khusayso
isugu yimaadaan si g aa ada gg l ah l gaa , dalkana looga
badbaadiyo xasilooni darro siyaasadeed.

Dawladda Puntland waxaan ugu baaqeynaa in ay qayb ka noqoto


geeddi socodka doorashooyinka heer federal oo sharci ku saleysan, si
dalka looga badbaadyo ku noqoshada doorashooyin dadban oo aan
sharciyad laheyn.
5/6 | P a g e
BAAQ: XAALADDA KALA GUURKA JFS, KHILAAFKA PUNDLAND IYO DAWLADDA DHEXE
Madaxwaynaha JFS waxaa looga baahan yahay door odaytinimo iyo
weliba tanaasul in uu ka muujiyo arrimaha cakiran, waxaana ugu
baaqaynaa inuu talada xaaladda kala guurka ballaariyo si loo abuuro
isfahan, loona adkeeyo wadjirka Soomaaliyeed.

Beesha caalamka waxaan uga mahad celineynaa doorkooda taageero


siyaasadeed, mid diblomaasiyadeed, amni iyo mid dhaqaaleba. Sidoo
kale waxaan ugu baaqeynaa in ay ka fogaadaan wax kasta oo loo
qaadan karo faragelin arrimaha doorashada Soomaalia.

4. Shirka Wadatashiga Muqdisho July 5 8

G aa kii ka soo baxay Baarlamanka Puntland 29/06/2020,


faqaddiisa 12aad wuxuu ka hor imanaya nidaamka dawladnimo ee
kala soocidda awoodaha Se a a i f P e . Baa la aa ku ma
hor istaagi karo safar shaqo madawayne, waxayse korjoogteyn ku
leeyihiin shaqada laanta fulinta.

Waxaan ugu baaqeynaa Madaxwaynaha Puntland Mudane Saciid


Cabdullahi Deni inuu ka qayb galo shirka Muqdisho ee uu ku baaqay
Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo July 5-
8, 2020 si uu u guto waajibkiisa dastuuriga ah ee loo igmaday, una
ilaaliyo danaha Puntland iyo kuwa ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambayn, waxaan ummadda Soomaaliyeed u rajejneynaa in ay


ilaaliyaan midnimada iyo wadjirka, ayna ka fogaadaan wax kasta oo
dhaawicikara bedqabka qaranimada Soomaaliya.

--Dhamaad--

6/6 | P a g e
BAAQ: XAALADDA KALA GUURKA JFS, KHILAAFKA PUNDLAND IYO DAWLADDA DHEXE

You might also like