Download as docx, pdf, or txt
Download as docx, pdf, or txt
You are on page 1of 23

SHARCIGA DANBIYADA GALMADA LA XIDHIIDHA

Tranlation is not maching thge english version the …is

LAW RELATED TO PENETRATION CRIMES

SEXUAL OFFENCE BILL

1
Tusmo. Bogga

Qeybta 1aad. Qodobo Hordhac ah 4.

Qod. 1aad. Magaca sharciga 4.

Qod.2aad. Eray bixin 4-5

Qod.3aad Macnaha Galmo 6

Qod.4aad Galmada khiyaaariga ah 6

Qod.5aad Ujeedada Sharciga 7

Qod.6aad Sinaanta xaqa 7

Qeybta 2aad Fal dambiyeedka Galmo 8

Qod.7aad Xadgudubka 8

Qod.8aad Isku Day Kufsi 8

Qod.9aad Kufsi 9

Qod.10aad Kufsi Wadareed 9-10

Qod.11aad Dhiiri gelin Kufsi 10

Qod.12aad Ganacsi Fal Galmo 10

Qod.13aad Addoonsi 11

Qod.14aad Addonsi Galmo 11

Qod.15aad Xadgudub Masuul 12

Qod.16aad Dalxiis Galmo 12

Qod.17aad Dhoofin Fal Galmo 13

2
Qod.18aad Qasoobid Guur 13

Qod.19aad Dandaansi Galmo 14

Qod.20aad Adeegsi Maandooriye. 14-15

Qod.21aad Afduub 15

Qod.22aad Afduub Ganacsi Galmo 15-16

Qod.23aad Baahin Fal Galmo 16

Qod.24aaad Ganacsiga Muuqaal Galmo 17

Qod.25aad Xodxodasho 17-18

Qod.26aad Guurka Da’yarta 18

Qeybta 3aad. Baritaanada 18

Qod.27aad Dambiyada Dadka Nugul 18

Qod.28aad Dhowridda Dadka Nugul 18-19

Qod.29aad Gudbinta Tacadiyada D. Nugul 19

Qeybta 4aad Xuquuqda Dhinacyada 19

Qod.30aad Xaqqa Dadka Nugul 19-20

Qod.31aad Helista Kaalin Sharci 20

Qod.32aad Xaqqa dhibanaha 20-21

Qod.33aad Xaqqa Eedeysanaha 21

Qod.34aad Xaqqa Madaniga 21

Qeybta 5aad Caddeymaha Dambiyada Ciqaabta 22

Qod.35aad Caddeymaha Ciqaabta 22

Qod.36aad Aqoonsiga Dadka Nugul 22-23

Qod.37aad Xaaladaha Cusleeya Dambiga 23

3
Qeybta 6aad Qodobo kala Duwan (miscellaneous) 23

Qod.38aad Helid Qoorsho Qaran 23-24

Qod.39aad Dhaqan Galka Sharciga 24

QAYBTA 1AAD
QODOBO HORDHAC
Qodobka 1aad

Magaca Sharciga
Sharcigan waxa lagu magacaabaa sharciga Galmada

This law is called the Penetration Act


Qodobka 2aad.

Eray bixin
Sharcigan dhexdiisa, haddii aan ereyadan si kale loo macneyn, waxay yeelanayaan
macnaha ku hor qoran: -
Galmo waa fal is gelin xubin taran oo dhexsata labo qofood si khayaari ama
Khasab ah oo shareecadu Islaamku banaysay ama xarimtay.
Penetration, t is an act of sexual intercourse between two people voluntarily or by
force, which is permitted or prohibited by Islamic law.
Kufsi waa fal galmo oo oo shareecada iyo sharciguba ku banaanayn oo labada
qofood midkood kan kale khasabayo.
Eedeysane waa qof lagu soo ashtakeeyay fal dambi ku ah Shareecada Islaamka iyo
Shuruucda dalkaba.
Wadar waa laba qoofood iyo in ka badan ku heshiyay in ay si wadajir ah u
fuliyaan fal dambi ku ah Shuruucda dalka ama shareecada Islaamka.
Maandooriye waa walxo ka sameysan canaasiirka kimiko ama dhir oo xiska ka
bedela qofka marka uu leqo, dhuuqo ama cabo.
Xadgudub Galmo waa marka xubinta taranka ee qofeed la taabto, qabto si loo
kiciyo dareenkiisa ama la dhaawaco himadiisa galmo.
Da’yar waa dad aan gaarin da’da sharcigu u yaqaan qaangaarka.
Ganacsi fal Galmo waa iibiinta/iib geynta fal galmo si looga helo macaash
dhaqaale.
Kufsi Wadareed waa labo qofood iyo ka badan oo ku heshiiyay fulinta fal gal
galmo oo sharciga iyo shareecada ku banaanayn
4
Xubinta taranka waa xubin ka mid ah jirka qofka oo Alle ugu talo galay taranka
aadmiga.
Xod-Xodasho waa galaangal qofeed ee uu ku doonayo fal galmo in uu qof kale la
qeybsado
“HIV” waa jiro xun oo ka disha qofka unugyada difaaca jirka kuna faafta galmada.
Dhibane waa cid kasta oo dhibaato ay ka soo gaartay fal dambiyeedka
eedaysanaha.
Cudurada galmada la isgu gudbiyo waa kuwa la isku qaadsiiyo isutagga galmo
oo dhexsada labo qofood.

Baahin Muuqaal Galmo waa soo bandhigid ama xayeesiin muqaalo fal galmo
bulshada dhexdeeda.

Qodobka 3aad.
Macnaha Galmo

Waa fal Jinsi oo dhexsada labo qofood, wuxuuna noqon karaa


mid la isugu tago si qasab ama khayaariga. Sharcigaan, waxaa
lagu dhaqayaa fal jinsiyeedka qasabka ah iyo midka khayaariga
ah oo aan waafaqsanayn shareecada Islamka iyo dhaqanka
suuban ee bulshada.
is a sexual act between two people, and it can be forced or voluntary.
Under this law, forced and voluntary sexual acts are not permitted in
accordance with Islamic law and the moral values of society.

Qod.4aad

Galmada Khayaariga
1. Sharcigaan qodobadiisa marka la wax lagu dhaqayogalmada khiyaariga eela
oggol yahay waa midda shareecadu jideysay oo kali ah.Galmooyinka kale,
waxaa ka dhalanaya ciqaabo kala duwan oo qofkii gala uga muteysanayo
shareecada iyo shuruucda dalka. Oggolansho fal galmo (jinsi)lagu
muteysanayo, waxaa leh qof maskax ahaan fahmi kara isla markaana haysta
xaalad awood u siinayso in uu san ka qeyb qaadan.

2. Dadka dhimirka looga jiro ama dhiman iyo kuwa da’ahaan ka yar 18 sano
oo nuxurka galmada aan garanayn ma laha awood oggolaansho galmo,

5
ciddi la fal gashana waa dambile xagga shareecada iyo shuruucda dalka
dhaqan galka ka ah.

3. Qof ku jira xaaladaha soo socda ma yeelan karo oggolaansho galmo oo


khayaari ah oo ay ka mid yihiin;

⮚ In uu san isaga cabin Karin awood jireed iyo xeeladba falka


galmo ee qofka kale ku sameynayo.
⮚ In ay jirto xaalad baqdin gelin laga dhabeyn karo.
⮚ In qofka nugul ee galmada lagu sameeyay dhimirkiisu joogin.

Qod. 5aad

Ujeeddada Sharciga.

Ujeedooyinka sharcigan waxa ka mid ah Arrimaha hoos ku tixan:

1. In la helo sharci looga hortegayo ama lagu yareyn karo dhaqaanka guracan ee
dalka ku soo kordhay ee ah Galmo kufsioo lagula kaco haweenka iyo dadka
birima geysada nugul si eedeysanyaasha loogu ciqaabo fal fuxshiga ee naxariis
darada ah ciqaabta ay mudan yihiina loo mariyo;
2. In dhibaneyaasha la kufsadayna u helaan xaq soor u qalma dhibka loo geystay.
3. In la helo sharci gaar ah oo xarimaya kufsiga iyo dambiyada kale ee u muuqda
galmo.

Qod.6aad.

Sinaanta Muwadhiniinta.

1. Muwadhiniinta Soomaaliyeed, sida ay qabaan shareecada Islaamka iyo


shuruucda dalka dhaqan galka ah oo dastuurku ugu horeeyo hortooda waa
u wada siman yihiin xuquuqda iyo waajibaadkaba.

2. Shareecada Islaamka iyo shuruucda dalka dhamaan, waxay faraayaan in


aan lagu isku hayb sooci Karin isir, midab, durufta dhaqaale, caqiido
diineedka uu aaminsan yahay qofku, da’diisa, jinsiga labood/dhedig iyo
fekerka siyaasadeed iwm.

6
3. Hay’adaha garsoorku, Iyadoo la fulinayo qodobkaan faqradiisa 2aad waa
in ay siiyaan muwadhinka Soomaaliyeed xuquuqda xaqsoor oo ay siiyeen
shareecada Islaamka iyo shuruucda dalka dhaqan galka ka ah.

QAYBTA 2AAD

Fal Dambiyeedka Galmo.

Qod. 7aad.

Xad-gudub Galmo

1. Xad gudub qaab galmo waa marka si kas ah qof qaangaar ah uu qof kale
“yar ama weyn” uga qabto, ka taabto ama tabsiiyo xubinta taranka ama
qeybahakiciya shucuurta jinsi, marka labada qofood oo is ogol ay
wadaagayaan falka galmo.
2. Dastuurka ku meel gaarka Soomaaliyeed qodobkiisa 39aad faqradiisa
2aad, waxay faraysa in la dhowro xuquuqda aadamiga, qofkii ku xad
gudubana, wuxuu muteysanayaa ciqaab u dhiganta fal dambiyeedkiisa
kuna xusan sharciga ciqaabta Soomaaliyeed qodobkiisa 158aad.

3. Shareecada islaamku ma ogola in saygu u galmoodo xaaskiisa, marka ay


ku sugan tahay xaaladda caadada, awoodin galmo caafimad daro awgeed
ama da’ yari, arrintaan, waxaa ka dhalanayo xuquuq madani.

Qod.8aad.

Isku day Kufsi

Qof kasta oo isku daya in uu sameeyo fal dambiyeed kufsi, waxa uu galay dambiga
isku day kufsi, wuxuuna muteysanayaa ciqaabaha ku xusan sharciga ciqaabta
Soomaaliyeed

7
Qodobka 9aad.

Kufsiga.
1. Kufsi waa falgalmo ama jinsi oo qofi ku sameeyo mid kale, iyadoo
ay san jirin oggolaansho, sida badana ku dhacda qaab gabood fal oo
iskeeda loogu muteysanayo xukun ciqaab ama mid madani.
2. Kufsigu waa fal dambiyadeed qof si toos ah oo si kas ah ugu
bareero gelitaankiisa, falkaasi dambigaasna, wuxuu dhacaa marka
labada xubnood ee taranku ee ladaba jinsi ay is galaan, is gaaran
ama god kale ee qofka la kufsaday la geliyo xubinta taranka ee
labka.
3. Qof kasta oo gala fal dambiyeedka ku xusan sharcigaan qodobkiisa faqrada
2aad, ciqaabtiisa, waxaa loo kala qaadayaa qof horay guur u galay iyo mid
begro ah sida shareecadu u kala saartay oo kala muteysanayaan dhagaxeyn iyo
Tumid/Garaacid oo loogu si daro ciqaabta dambiyadii kale ee uu soo galay si
fal kusfiga u geysto iyo xuquuqaha madaniga ee dhasha ciqaabtoodana, waxaa
laga hab raacayaa shareecada islaamka iyo sharciga ciqaabta Soomaaliyeed
qodobadiisa kalaa duwan.
Any person who commits an offense under Article 2 of this Law shall be
punished as a person who is already married and a person who is a virgin
according to the Shari'ah and shall be stoned and beaten / lashed in addition to
the punishment for other crimes. and to violate the civil rights and the
resulting civil rights, in accordance with Islamic Sharia and various provisions
of the Somali Penal Code.

4. Ciqaabtu waa sii culsaanaysaa, haddii dambiluhu qofka uu kufsaday yahay


qof dhimirkalooga jiro, naafo nugul iyo caruur yar ama uu mus’uul ka ahaa.

Qodobka 10aad

Kufsi wadareed.

8
1. Kufsi wadareedku waa marka labo iyo in ka badan si wadajir ah uga wada
qeyb qaataan fal kufsi kuna sameeyaan hal qof iyo ka badan, iyagoo ku
maquuninayo awood jireed, hubeed ama maamul ciqaabtoodana, waxaa
laga hab raacayaa sharcigaan qodobkiisa 4aad faqradiisa 3aad.
2. Haddii dambiga ku xusan qodobkanfaqradiisa 1aad ee lagu falo qof ka mid
ah dadka nugul sida “caruurta, waayeelka cadka ah, waalan ama qabo
baahiyaha gaar” ciqabta waa lagu kor dhinayaa (Culeysin).
3. Si la mid ciqabta waa loo kordhinayaa, haddii kufsiga qofka qaadsiiyo
xanuunka HIV/AIDs,

Qodobka 11aad

Dhiiri Gelin Fal Galmo (Jinsi)

Qof kasta oo qaangaar ah dhimir ahaana caafimad qabo oo dhiiri geliya ama
sabab u noqda fududenta fal galmo oo shareecadu xaarimtay, wuxuu
muteysanayaa ciqaabaha ay jideysay shareecada Islaamka oo ah ganaax iyo
sharciga ciqaabta Soomaaliyeed qodobkiisa 407aad faqradiisa 1aad iyo sharciga
anshaxa bulsho.
Qod.12aad.

Ganacsiga Fal Galmo (Jinsi)

1. Qof kasta oo ganacsi ahaan iyo dan kale uga doono faaido, si kas ah ama
isku daya in uu uga ganacsada dalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
fal galmo oo shareecadu banayn, wuxuuu galayaa fal dambiyeed ka ganacsi
“dhileysiga dhoofin ” oo ciqaabtooda lagu kala xeeriayay shareecadqa
Islaamka iyo sharciga ciqaabta Soomaaliyeed iyo midka anshaxa bulshada.

2. Ciqaabahaas falalka lagu muteysto waa kuwa hoos kutixan:


b. Nuxurka ganacsigaana yahay in qofku la yeesho fal galmo qof kale.
t. Qofka aka dhoofiya deegaankii uu ku noolaa ama dalkaba si uu qaab
galmo uga ganacsado.

j. Diyaariya goob ama hooy qofkaas loogu galmoodo.

9
x. Qofka ama jirkiisa ka sii iibiyo qof kale ama koox shirkad ah.

Qodobka 13aad.

Addoonsi.

1. Addoonsi waa adeegsiga awood lagu xad gudbayo oo looga qaday


xuriyadda qof kaas oo loogu dhaqmayo sidi agab ama hanta qofeed in uu
yahay/tahay ay oo loo adeegsan karo sameenta fal kasta oo ay ka mid yihiin
falal dabeecad galmo leh ( jinsi) si looga kasbado hanti dhaqaale ama lagu
gaaro dano kale oo u gaar ah.

2. Ciqaabta qofkii falkaas lagu helo xagga shareecada Islaamka waa ciqaab
ganaax (Tacsiir) oo u dhikanta hadba dhibka uu geystay culeyskiisa iyo
sharciga ciqaabta Soomaaliyeed oo isaguna ku jideynayo xukun xarig oo ku
xiran culeyska dhibka uu geystay iyo xuquuqo madani ah.

Qodobka 14aad.
Addoonsi Galmo (jinsi).

1. Qof kasta oo loo adeegsaday awoodaha nucyadooda kala duwan dantuna


tahay in galmo ahaan looga dhaqmo una madax banaanayn in uu diido ama
ka baxsado adoomsi galmo, waxaa ka mid ah;
b. Qofkii xuriyada looga qaaday sida faqrada kore xusan loona
galmooday.

t. Qofkii oo aan loo galmo, balse laga duubay filim loo ekeeysiiyay.

x. Qofkii oo la qaawiyay qoob ka ciyaarna lagu qasbay.

2. Qofkii isagoo maskax ahaan caafimaad qabo addoonsada qof kale isla
markaana ku qasba fal galmo si uu uga helo hanta dhaqaale iyo dano gaar,
wuxuu muteysanayaa ciqaabaha shareecada Islaamka iyo sharciga ciqaabta
somaaliyeed u jideeyen falkaas oo ah fal dambiyeedka addoonsi Galmo (jinsi).

10
Qodobka 15aad.
Xadgud Masuul.

1. Qof kasta oo masuul ah oo ku sameeya fal-dambiyeedyada


sharcigaanku xusan qof uu masuul ka yahay/u yahay ama shaqsi nugul
(Caruur, Waalan ama Waayeel cad ah) wuxuu galayaa dambiyada
ciqaabeed ee ku xusan sharciaga ciqaabta Soomaaliyeed oo la sii
cusleeyay.

2. Masuulkii lagu helo in uu isku dayay fal dambiyeedka faqrada kore ku


xusan, isagana, wuxuu muteysanayaa ciqaabta ku xusan sharciga
ciqaabata Soomaaliyeed oo si la mid loo sii kordhiyay.

Qodobka 16aad

Dalxiis Galmo.
1. Daxiisin fal Galmo, waa marka uu qof qaan gaar ah dhimir ahaana
caafimaadka qabo uga socdaalo deegaankiisii aadana dalka ama
deegaan kale si uu u falo fal Galmo ama u safriyo qof kale in uu ka
qeyb qaato ama ku martigeliyo qof kale fal galmo ku xarimana
shareecada Islaamka iyo shuruucda dalka, wuxuu muteyanayaa
ciqaabaha ku xusan Shareecada Isaamka iyo sharciga ciqaabta
Soomaaliyeed.

2. Qof kasta oo soo dhaweeyo isagoo og ama martigeliya qof ama koox
uga soo socdaashay deegaankeedii/deegaankoodi dalxii galmo awgi
falkii galmana sameeyay, wuxuu ku muteysanaysaa dambiyada
ciqaabahoodu ku xusan Shareecada Islaamkaiyo sharciga ciqaabta
soomaaliyeed (dhileysi).

3. Qof kasta oo siiya qof ka mid ah dadka nugul agab lagu sii maan
gadaayo oo qiimo weyn la leh qofkaas si uu la sameeyo fal galmo,
wuxuuna galayaa dambi qiyaano oo ciqaabtiisu ku xusan tahay
shareecada Islaamka iyo sharciga ciqaabta Soomaaliyeed.

11
Qodobka 17aad

Dhoofin Fal Galmo.

1. Dhafoofin fal galmo, waxay ku timaadaa goorta qof uu u dhoofiyo qof kale
ama u fududeedyo ka qeyb qaato ku daabulidda gaadiidka nuucyadiisa kala
duwan adeega dhileysiga cid ku howlan ama ka dhoofiya/ soo geliya dalka,
wuxuu ku muteysanayaa ciqaabaha ku xusan shareecada Islaamka iyo
sharciga ciqaabta Soomaaliyeed u jideeyeen falkaas.

2. Qofkii adeegsada xoog ama xeelado kale ee uu uga faaiidaysanayo qof


nugulnimo/ kuna damac geliya dhaqaale ka dibna u adeegsada awood ka
dibna dhoofiyo dantuna tahay in qofkaas sameeyo fal galmo, wuxuu
muteysanayaa dambiyada la xiriira fal-dambiyeedka dhoofin Galmo.

3. Qof kasta oo lagu helo fal-danbiyeedyada ku xusan Qodobkan


faqrooyinkiisa 1aad iyo 2aad, wuxuu ku muteysanayaaciqaabta ku xusan
sharciga ciqaabta Soomaaliyeed qeybta isku dayga.

Qodobka 18aad
Qasbid Guur

1. Qasbid guur, waxay ku timaad marka qofi qof kale si xoog ah ugu qasbo fal
guur oo ay san ogeyn/ogoleyn ehelkeedu sharecada islaamka iyo shuruucda
dalkuna ogoleyn, waxaana lagu muteysanayaa ciqaabaha ay ku waajibiyeen
shareecada iyo sharciga ciqaabta Soomaaliyeed oo ku saabasan xad gudubka
xuquuqda qofka la qasbay.

2. Si la mid ah qofkii ku kaaliya qof kale fal guur qasab ah, wuxuu gelayaa fal
dembiyeedka xadgudub xuquuqda qofka la qasbay waana ku dambi qofka
guurka qasabka galaya.

12
Qodobka 19aad.

Dandaansi Galmo.

1. Dan daansi galmo waa marka si kas ah labada qoofood midkood midka kale
ka doonayo in uu la qeysabsado (dhexsado) fal galmo oo shareecada
islaamka ka baxsan ugana faaideysanayo xaalad uu ku sugan yahay, sida
damac gelin dalab shaqo, dalacaad iyo siin/gaarsiin shay qiimo u leh qofka
la daandaansanayo.

2. Dandaansi galmo (jinsi), waxaa lagu gartaa goorta u dhawaansho xad dhaaf
ah, isku sahid jireed, qaderin gaar, isku dhejin, gacma gacmeyn iyo is xijin
fara badan oo ku saleysan muujin wada qeybsi fal galmo si shareecada iyo
dhaqan asluubeedka ku xun.

3. Qofkii lagu helo falalka ku kala xusan faqrada 1aad iyo 2aad ee qodobkaan,
qofka falkaas lagula kacay, wuxuu maxkamadda ka codsan karaa amar kala
fogaansho oo haddii la jebiyo lagu muteysanayo dembi ciqaabeed ku xusan
sharciga ciqaabta Soomaliyeed.

Qod.20aad

Adeegsi Maandooriye.

1. Qof kasta oo si kas ah u maandooriya qof kale isagoo moog walxaha lagu
miyir beelo/doorsoomo dantuna tahay in uu la yeesho fal galmo qofka oo
maahsan, haddii qofka la maandooriyay uu ka mid yahay dadka nugul
sida (caruurta, waalan ama waayeel cad ah) dambigana waa loo sii
kordhinayo,
2. Qofkii lagu helo dambiyada nuucaas ah, wuxuu muteysanayaa ciqaabtaha
ku xusan shareecada Islaamka iyo sharciga ciqaabta Soomaaliyeed oo
loogu kala qaadayo dambiyada dhowr qeybood oo kala ah sida hoos ku
tixan;
b. Haysashada maandootiyaha oo aan laga ogolayn dalka ciqaabtiisa.
t. Adeegsiga maandooriyaha si u ugu gaaro dano galmo.
j. Dambiga falka galmo ee lagu sameeyay qof aan xis ahaan joogin.
13
3. Qof kasta oo isku daya in uu adeegsado mandooriye qof carruur ah ama
qof dhimirka wax ka qaba oo lagu helo dambiyada ku xusan faqrooyinka
1aad iyo 2aad ee qodobkan ciqaabta waa loo kordhinayaa si (culus),
ciqaabtiisana waxay ku xusan tahay shareecada Islaamka iyo sharciga
Ciqaabta Soomaaliyeed.

Qodobka 21aad

Afduub.

Afduub waa hab burcadnimo oo qof ku adeegsaday awood xoog huwan laguna xad
gudbay xaqqa xuriyadda qof nool qasadkuna yahay in uu qofkaasi u la yeesho fal
galmo hal qof ama ka badan, madax furasho dhaqaale oo shareecada Islaamka iyo
shuruucda dalkuba ogolayn qofkii lagu helo, wuxuu muteysanayaa ciqaabaha ku
xusan Sharciga ciqaabta Soomaaliyeed.

Qodobka 22aad.

Afduubka Ganacsi Galmo

1. Qof kasta oo dhimir ahaan caafimaad qaba oo si kas ah u afduubta


ama qafaasha kuna xirta goob ama dibadda u dhoofiya iib ahaan
dantiisuna tahay in uu ku qasbo in qofkaasi loo galmoodo dhaqaalana
uga helo, cidii lagu helo, waxay galeysaa dambiyo ku xusan
shareecada Islaamka iyo sharciga Ciqaabta Soomaaliyeed kuna
saabasan xadgudub Galmo iyo Khafaalasho oo ciqaabtoodu ay ku
xusan yihiin Shareecada Islaamka iyo Sharciga Ciqaabta
Soomaaliyeed.

2. Qof kasta oo isku daya fal dambiyeedka ku xusan Qodobkan


faqradiisa 1aad kulana kaco caruur ama qof dhimirka wax ka qaba,
wuxuu muteysanayaa ciqaabta kula kaco caruur ama qof dhimirka
wax ka qaba, wuxuu muteysanayaa ciqaabta ku xusan shareecada iyo
sharciga ciqaabta Soomaaliyeed oo lagu sii kordhiyay (culeysiyay)

14
3. Qof kasta oo lagu helo in isku daya dambiyada ku xusan Qodobkan
faqradiisa 1aad iyo 2aad, wuxuu muteysanayaa ciqaabaha ku xusan
shareecada iyo sharciga ciqaabta Soomaaliyeed waana lagu sii kor
dhinaya (la culeysinayaa).

Qodobka 23aad.

Baahin Fal Galmo.

1. Shareecada Islaamka iyo shuruucda dalka dhaqan galka ah waa ku xaaraan


ah in dalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeedqof ku baahiyo maqaal
iyo muuqaal duuban ama sawiro fal galmo nuuc kasta uu yahay si la mid ah,
waxaa misane reeban in baraha bulshada la isaga gudbiyo agab muujinaya
dhaqan xumo galmo ku saabasan.

2. Qofkii lagu helo dambiyadaas, wuxuu muteysanayaa ciqaabta shareecada


Islaamka oo ah in lagu dhufto 80 jeydal/garbaash iyo megdhowga dhaqaale
dhaawacyada sharafta iyo maskaxeedda ee dhibanaha loo geystay, looguna
sii kordhiyay ciqaabaadka ku xusan sharciga ciqaabta Soomaaliyeed iyo
midka anshaxa bulshada.

3. Qof kasta oo qaybiya cod qofeed, filim ama sawir laga qaaday ama laga
duubay inta lagu guda jiray fal galmo, wuxuuu galayaa dambiga sharaf dil
shaqsi, dhaqan ahaana waa mid ku xumo anshaxa iyo asluubta dhaqan ee
bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna muteysanayaa ciqaabta ku xusan sharciga
Ciqaabta Soomaaliyeed.

4. Qof kasta oo isku daya fal dambiyeedka ku xusan qodobkan faqrooyinkiisa


1aad iyo 3aad, wuxuu muteysanayaa ciqaabta isku dayga ee ku xusan
sharciga ciqaabta Soomaaliyeed.

Qodobka 24aad.

15
Ganacsiga Muuqaalada Galmo.

1. Qofkii lagu helo isaga oo uga dhex ganacsanayo dalka Jamhuuriyadda


Federaalka Soomaaliya ama lagu ogaado in uu ku haysto, farsameeyo si
uu faaido uga helo ama ku fasahaadiyo fal dhaqan xumo galmo bushada,
wuxuu muteysanyaa ciqaabta shareecada Islaamku ku jideysay iyo
sharciga ciqaabta Soomaaliyeed iyo midka Anshaxa bulshada, waxaana
loo raacin karaa in laga joojiyo shaqadii iyo meheradii uu dambilihu
haystayna sidaa ku lumiyo.

2. Hadiise qofka falkaas laga baahiyay lala riiriyay uu noqdo masabid ama
been abuur iyo xumo la doon shaqsi kaasoo bulshada qiimo ku dhex
lahaa ama ku shaqeeyo xirfad siyaasad waana qadaf iyo bahdil cidda lagu
sheegay, waxaana lagu muteysanaysaa ciqaabta shareecada Islaamka oo
ah garaacid 80 Jeydal/Garbaash oo loogu daro ciqaabta sharciga ciqaabta
iyo midka madani ee Soomaaliyeed ee ku xusan qeybta qadafyada.

3. Qof kasta oo dalka soo geliya ama ka dhoofiya qalab ka turjumayo fal
dhaqan xumo galmo, wuxuu muteysanayaa ciqaabo dambi ee u dhigma
falkiisa xusan sharciga ciqaabta Soomaaliyeed iyo midka Anshaxa.

4. Qof kasta oo isku daya dambiyada ku xusan faqrooyinka Qodobkan,


wuxuu muteysanayaa ciqaabha ku xusan shuruucda dalka eekala duwan.

Qodobka 25aad.
Xod-Xodasho.

1. Af ahaan Xod-xodasho waa haasaabo ama qal qaalodhexsatay laba


qofood oo kala jinsi ah dhaqan ahaana leh ujeedo rajo guur, balse haddii
ay tahay arrin la xiriirta galmo shareecada iyo dhaqanka bushadu
oggoleyn kama dhalanayo dambi ciqaabeed, haddii ay san jirin is qasbid.
2. Xod-xodasho qasdigeedu yahay sino/gaabsi ama isku galmood labo isku
jinsi ah waa dambi aad u fool xun dalka Soomaaliya oo bushadeedu tahay
Muslim100% ciqaateeda, waxaa laga hab raacayaa shareecada
Islaamkasino ahaan iyo sharciga Ciqaabta Soomaaliyeed iyo midka
anshaxa.

16
Qodobka 26aad.

Guurka Da’yarta (Caruur).

Heshiiska guurka qofka yar shareecada Islaamka waa ku banana tahay, la’kin
madhabka shaacifigu, wuxuu qabaa in wakhtiga aqal galka la sugo ilaa qofka
yari ka yeelanayo awood uu uga qeyb galo galmada, iyadoo laga feejignaanayo
dhibaatada caafimaad oo ku dhici karta, saaderteed lama ogola in loo galmoodo
qof aan awood u lahayn galmada, qofkii u galmoodana, wuxuu muteysanayaa
ciqaabta Dhaawac ama Fal xumo oo shareeco ahaan “Tacsiir iwm ah”.

Article 26
Adolescent Marriage (Children).
 
Islamic marriage law is permissible under the Sharia, but according to the
popular school of thought, the time of marriage should be waited until the young
person has the ability to engage in sexual intercourse, in order to avoid possible
health problems, so it is not allowed. To have sex with someone who is not able
to have sex, and whoever has sex with them, is liable to injury or misdemeanor
which according to the Shari'ah is "cruelty" but also taxation can be applied.

Qeybta 3aad.
Baaritaan dhibka dadka nugul

Qodobka 27aad.

Baritaanka dhibka loo geysto dadka nugul sharci ahaan kama duwana bulshada
kale qeybaheeda baritaanka dambi ciqaabeed dhamaan dalka, waxaa u xilsaaran
ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo xeer ilaalinta guud ee qaranka.

Dhowridda Dadka Nugul.

Qodobka 28aad

1. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo si siman u daryeesho


dhamaan bulshada shacabkeeda, haddana si gaar ah ayey shuruucdeeda ku
siisay mudnaan gaar ah bulshada qeybta nugul iyo kuwa qaba baahida
gaarka.
17
2. Shuruucda hababka ciqaabta iyo madanigaba, waxaa si gooni ah loogu xusay
mudnaanta ay leeyihiin, waxay cid kasta ugu waajibinayaan in ay xaq ugu
leyihin in ay daryeesho ama u muujiyo xurmo iyo naxariis.

3. Shareecada islaamka iyo sharciga madaniga Soomaaliyeed, waxay farayaan


in qafkastaa u la dhaqmo xilkaasnimo waalid ama waalal ka weyn qofkii ku
xadgudbana, wuxuu muteysan karaa ciqaabaha ku xusan sharciga ciqaabta
Soomaaliyeed iyo sharciga Anshaxa bulshada.

Qodobka 29aad.
Gudbinta tacadiyada dadka nugul.

1. Sharuucda arrimaha bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,


wuxuu farayaa cid kasta oo la kulma ama maqlo tacadi lagu falay qof nugul
in ay waajib ku tahay in uu wax qabto shaqsi ahaan una soo gudbiyo si
dhaqsa leh hay’adaha sharci fulinta.

2. Qofkii ka maagsado ama ka gaabiyo gudashada waajibkaas, wuxuu


muteysanayaa ciqaabta ku xusan sharciga ciqaabta Soomaaliyeed ee lagu
jideeyay qeybta dambiyada “maagsiga” (omission).

3. Xafiiska Xeer ilaalinta guud ee qaranka, ciidanka Booliska Soomaaliyeed


iyo Dowlahada hoose ee deegaanka qofku ku nool yahay, ayaa u xilsaaran
daryeelkooda, ka war qabkooda iyo sharci ku metelidoodaba.

Qeybta 4aad

Xuquuqda dhinacyada

Qodobka 30aad.
Xaqqa dadka nugul.

Dadka nugul, waxay xaq u leeyihiin in ay ka helaan dalka dhamaan xuquuqaha ay


ku haystaan bulshada qeybaheeda kale duwan, sida hooy, waxbarasho, shaqo iyo u
sinaanta xagga sharciga. Dhamaan xoghayntooda, waxaa sharcigu u xilsaaray

18
hay’adaha qodobka sare faqradiisa 2aad ku xusan sida uu qabo sharciga Anshaxa
iyo daryeelka bulshada nugul ee Soomaaliyeed.

Qodobka 31aad.

Helista Kaalin Sharci.


1. Qof kasta oo ka mid ah bulshada qeybta nugul oo garsoor u baahda oo aan
awoodin in uu iska bixiso xushmada qareenka, wuxuu xaq u leeyahay in ay
maxkamadu u qabato qareen difaaca ama ka kaalmeeyo talooyinka sharci ee
habka doodidda oo lacag la’aan ah.

2. Qofku hadduu yahay mid dhiman maskax ahaan ama carur ah, sharciyan
waa in uu metelaa xafiiska xeer ilaalinta qaranka, weliba isaga/iyada oo
dhaqaale ahaan awooda in uu iska bixiyo xushamada qareenka.

3. Dowladda Soomaaliyeed si ay u daryeesho bulshadeeda nugul sharciyan,


waxay isku jideysay in xafiiska xeer ilaalinta qaranka uu siiyo metelaada
waalidnimo ee caruurta dan yarta ah, xilkaas haddii uu ka gaabiyo, wuxuu
kala kulmayaa ciqaabaadka maamul ee ku xusan xeerka garsoorka dalka.

Qodobka 32aad.

Xuquuqda dhibanaha.

1. Qofka dhibanaha ah, waxay xaq u leeyahay in looga kale gar qaado iyaga
iyo dhibaha si siman, iyadoo shrciga maraaxishu uu siinayo in laga dhageyso
isaga/iyada ama wakiilkooda si la mid ah muwadhiniinta kale, iyadoo laga
weecinayo codsi la’aan xushmada qareenka, haddii uu yahay/tahay qof
caruur ah.

2. Haddii uu yahay qofka dhibanaha ama eedeysanaha ah dadka nugul


isagana/iyadana xaq, waxay u leeyahay/leedahay in laga weeciyo xushmada
qareenka metelayo, haddii uu codsado/ay codsato.

19
Qodobka 33aad.

Xuquuqda Eedaysanaha.

1. Sharciga Ciqaabta Soomaaliyeed eedeysanaha, wuxuu qeexayaa in uu xaq u


leeyahay/leedahay dhamaan xuquuq la mid qeybaha kale bulsha dalka,
waxaana ka mid ah in aan la dhihi Karin dambile ilaa inta maxkamadu ka
xukumeyso si shaki la’aan ah (beyond any reasonable dout), waxaana loola
dhaqmayaa intaa ka hor sidii qof aan dambi lahayn.

2. Hadii dambiga lagu soo eedeeyay uu san ahayn mid aan dibad jog loo fasixi
Karin oo bulshada amnigeeda looga baqayo, wuxuu xaq u leeyahay in aan
xuriyadiisa laga qaadin.

3. Eedaysanahu, waxa uu xaq u leeyahay in uu qabsado qareen ama qareeno


difaaca, hadii uu san awoodina dawladda maxkamadda ayaa u qabaneyso

Qodobka 34aad.

Xuquuqda Madani.

1. Dambiyada ciqaabta sida badan, waxaa la mataana ah xuquuq madani,


saadarteed xeer ilaaliyuhu doodiisa waa ku darsan karaa in garsooruhu uu ku
kala qeexo xukunkiisa ciqaabta iyo xuquuqada madaniga ee ku lamaansan
fal ciqaabeedka si garsooruhu mar wada xugmiyo, codsi aan la soo jeedin
ama laga codsan garsooruhu ma awoodo in uu xukumo.

2. Dambiyada ciqaabta kufsiga, xadgudubyo iwm, waxaa la mataana ah


xuquuq madani oo u baahan in garsooraha laga codsado si uu u xukumo oo
loogu cawil celiyo dhibanaha dhaawacii la gaarsiiyay.

20
QAYBTA 5AAD

Caddeymaha Ciqaabaadka.

Qodobka 35aad

Caddeymaha.

Caddeymaha sharciyan aad loo tixgeliyo dacwooyinka kufsiga sida badan waa inta
hoos ku tixan:

b. Warbixinaha dhakhtar la aqoonsan yahay oo aqoon u leh


xirfad qiimeyn caafimaadka dhibanaha kana soo warbixya
xogta dhaawac ee la gaarsiiyay dhibanaha oo si cad
faahfahsan.

t. Caddeyn markhaati goobta joogay oo loo qaateen ah lana


dhaariyay.

J. Caddeyn ciidamada Booliska ee dambi baasrita oo


adeegsaday agab wax lagu baaro oo xirfad aqooneed ku
daaban tahay.

Qodobka 36aad.

Aqoonsiga Dadka Nugul.

Dadka nugul, waxaa lagu aqoonsan kara, marka qofka laga helo xaaladaha hoos ku
tixan;
b. Dhibanuhu yahay qof yar oo aan qaangaarin;
t. Dhibanuhu yahay qof dumar ah oo xaamila ah (uur leh);
j. Dhibanuhu yahay qof bahiyaha gaarka ah qabo;
x. Dhibanaha yahay qof caqli ahaan dhiman;

21
Qodobka 37aad.

Xaaladaha Cusleeya Dambiga.

Xaalahada qofka dambiga ku cusleeya waa kuwa hoos ku tixan.

b. Xiriirka bulsho ee u dhexeeya dhibanaha iyo eedeysanaha.

t. Makhaamka ama xilka bulsho ee eedeysanaha iyo nugulaanta


dhibanaha.

j.Xirfadda ama farsamada uu u adeegsaday eedeysanuhu dhibanaha;

x. Naxariis darada uu muujiyay markuu la fal galayay;

Qeybta 6AAD

QODOBO KALA DUWAN

Qodobka 38aad

Qorsho Qaran ee ka hortaga kufsi.

1. Qaranka Soomaaliyeed waa in uu la yimaada qoorshe qaran oo lagu


yareynayo kufsiga dalka ku baahay oo galaaftay nafta iyo sharfta dad badan
oo nugul. Dhacdadaas oo ay saldhig u yahay isticmaalka aan xadka lahayn
ee maadooriyeyaasha oo sida fudud lagu heloiyo qiimo aad u jaban loogu
kala iibsado goobaha dhalintu isku tagto oo ay ka mid yihiin goobaha
waxbarashada, ciyaaraha iyo caweysyada.

22
2. Sida la caddeyay ma jirto kufsi ka dhacay dalka gudahiisa oo qof caadi ahi
sameeyay dambiyada foosha xun ee dalka ka dhaaca, waxaa sababa
isticmaalka maandooriye nuucyadiisa kala duwan oo cid kasta si caadi ah
uga heli karto suuqyada magaalooyinka dalka oo dhan.

3. Meel marin sharci ookali ah kuma filna waa in qalabka warbaahinta laga
wacyi geliyo bulshada ciidamada qalabka sida, aqoonyahanada caafimaadka,
Culumada, barayaasha goobaha waxbarashada iyo degmooyinku si wada jir
ah bulshada loo wacyi geliyo.

Qodobka 39aad
Dhaqan galka

Sharcigani, wuxuu dhaqan galayaa taarikhda Madaxweynaha Jamhuuriyadda


Federaalka Soomaaliya uu saxiixo laguna soo saaro Faafinta Rasmiga ah.

23

You might also like