Download as pdf or txt
Download as pdf or txt
You are on page 1of 5

ARRIMO KAA CAAWINAYA INAAD DAKHLIGAAGA KOR U QAADDO, SI

AAD U DABOOSHO KHARASHKA SII KORDHAYA


________________________________________________________________________
Nolosha Casriga ah ee adduunyadan aynu ku noolnahay waa ay abuurtay duruufo
nololeed oo mar kasta aanay is daboolayn dakhliga qofka soo gala iyo kharashaadka uu u
baahan yahay in uu isticmaalo. Dadka badankooduna waxa ay ku jiraan kifaax iyo halgan
ay ku raadinayaan sidii ay u heli lahaayeen ilo dakhli oo ku sii kordha kuwa ay hadba
haystaan.

Maqaal ay haweenayda qoraaga ah ee Ally Semniego ku qortay majaladda Clara ee afka


Spanish ka ku baxda ayaa ay ka warrantay talooyin ay la tahay in ay noqon karaan ilo
labaad oo uu qofku ka helo dakhli u kaba intiisa rasmiga ah.

Ally Semniego waxa ay qoraalkeeda ku tidhi, dad badan ayaa is weydiinaya in ay


suurtagal tahay in qofku uu lacag xoogsado isaga oo gurigiisa jooga ama hawlihiisa kale
ee rasmiga ah wata, jawaabta aan dadkaas anigu u hayaa waa ‘Haa’ waa aad soo saari
kartaan dakhli labaad.

Ally waxa ay sheegtay in qof kastaa uu soo saari karo dakhligaas, laakiin ay tahay marka
uu noqdo qofka leh tilmaamo ay ka mid tahay; ruux hindise, is nidaamin, xil kastnimo,
iyo in uu leeyahay karti uu kaga gudbi karo caqabadaha ka sokeeya dakhliga uu
raadinayo gaadhistiisa.

1
‘Dadka lacagta shaqaysta iyaga oo guryahooda joogaa, inta badan waa dad leh maskx
ganacsade, oo mar kasta raadinaysa fursado ay ku heli karto faa’iido lacageed. Qof
dhiirran oo khatarta u badheedhi kara, qof leh karti uu naftiisa ku kulmin karo ku raaxaysi
iyo shaqo wada jira, iyaga oo firfircooni ku hawlgelaya, hal-abuur la imanaya, isla
markaana jecel shaqada ay qabanaayn.

Qoraa Ally Semniego waxa ay maqaalkeedan ku soo bandhgitay habab ay u aragto in ay


yihiin kuwa ugu habboon ee uu qofku isaga oo gurigiisa jooga lacag ku shaqaysan karo:

SAMAYSO GOLE INTERNET KA AH

Teknoolajiyadu waxa ay ka mid tahay hababka ugu badan ee casrigan dhaqaale laga
sameeyo. Qoraaga Ally Semniego waxa ay ku talinasaa in samaysashada gole
shabakadda internet ka ahi ay ka mid tahay hababkaas dhaqaalaha lagu samayn karo.

Inkasta oo uu isticmaalka baraha bulshadu si xawli ah u kordhayo, haddana waxaa weli


jiray habab uu qofku dhaqaale kaga samayn karo bogagga internet ka ee loo yaqaanno
‘Forum’ ka. Waxa se ay u baahan tahay fikir badan in la geliyo iyo in qofku dadaal ku
bixiyo sidii uu golihiisa ‘Forum’ ugu qori lahaa macluumaad iyo qormooyin dadka xiise
geliya. Marka uu boggu noqdo mid bulsho badani ku xidhan tahay waxaa si sahal ah loo
suurtagelin karaa in lagu xidho xayeysiisyada suuqgeynta ee ganacsatadu samaysanayo,
waxa kale oo laga dhigi karaa madal leh qayb loo adeegsado iibka.

Waxa keliya ee ay u baahan tahay waa in qofku uu hal abuur la yimaaddo, in uu helo
kombiyuutar iyo internet iyo in uu bilowga helo farsamo qurux badan oo uu cid
xeeldheere ahi u dhigto dhismaha shabakadda ama golaha uu doonayo in uu ku baahiyo
xogta.

Tirokoobyo lagu sameeyey lacagta laga faa’iido teknoolajiyada ayaa muujiyey in


dhaqaale fiican laga samayn karo xayeysiisyada ay dadku ku baahiyaan bogagga ay ku
leeyihiin internet ka ee ‘Websites’ ka iyo madalaha ‘Forums’ ka loo yaqaanno.

KAALIYE KU-MEELGAADH AH

Shirkadaha waaweyn dhibaatooyinka ugu badan ee ka jira waxaa ka mid ah shaqaalaha


iyo shaqada taalla oo aalaaba kala badan, taas oo keenta in mar kasta ay jirto baahi
kaaliyeyaal waqtiyo kooban hawlo u dhammaystira. Waxaa iyaguna fursado kaaliye laga

2
helaa shirkadaha iyo ganacsiyada bilowga ah ee aanay weli ku filnayn waayo-aragnimada
iyo aqoonta ay u baahan yihiin qaybaha kala duwan ee shaqadu.

Ally Semniego waxa ay maqaalkan ku sheegaysaa in sannadihii u dambeeyey ay dunida


ku soo badanayaan fursadaha kaaliyenimo, oo ah in qofku saacado kooban shirkad ama
meherad ganacsi ugu shaqeeyo.

Hawlaha ugu badan ee kaaliyeyaasha loogu baahdo ayaa ay Ally sheegtay in ay ka mid
tahay nidaaminta xafiiska iyo dhukumantiyada kaydka ku ah, xirfadda tababaridda
shaqaalaha qaybahooda kala duwan, nidaaminta qaybta xidhiidhka dadweynaha ee
ganacsiga ama xafiiska, iyo xirfado badan oo aanay goobaha shaqadu ka maarmin.

Waa in aad shirkad kasta tijaabiso in aad ka heli karto shaqo aad waayo-aragnimo iyo
aqoon u leedahay oo aad waqti kooban iyo kharash aan aad u badnayn kaga caawin karto
hawlo shaqo oo ku meelgaadh ah, xitaa haddii ay tahay in aad shaqaalaheeda ku
tababarto xidhiidhka internet ka, ama in aad adigu qaaddo masuuliyadda ah in aad adigu
u qaabilsanaato xidhiidhada internet ka iyo adeegyada kale ee la midka ah, oo
xidhiidhada taleefannaduna ka mid yihiin.

LA TALIN IYO XAYEYSIIS

Haddii aad isku ogtahay aragti dad badani soo dhoweeyaan, iyo in taladaada la xiiseeyo.
Maxaa kuu diidaya in aad ka dhigto fikir aad dhaqaale ku hesho, dadkana ugu
faa’iidayso. Adduunka waxaa dhaqaale badan laga sameeyaa shirkado iyo xafiisyo la
talineed oo kala duwan, xitaa cuntooyinka, is qurxinta, iyo safarka ayaa ay dadka qaar ka
bixiyaan talooyin dhaqaale ka soo galo.

Bar bulshadaada in ay u baahan yihiin la talin, dugsiyada waxbarashada, xafiisyada


shaqada, dadka iska caadiga ah ee dhibaatooyinka bulsho, dhaqaale ama siyaasadeed
haystaan, iyo ganacsatada doonaysa in ay suuq u helaan ganacsigoodu dhammaan tood
xitaa haddii aanay ogeyn waxa ay u baahan yihiin latalin, u tag, oo bar faa’iidada la
talinta ku jirta, una caddie sida aad kaalinta u buuxin karto.

Laakiin marka hore inta aad dadka kugu xeeran waraysato, kaddibna kelidaa fadhiiso oo
waxa aad qortaa meelaha aad u awood iyo aqoon badan tahay iyo waayo-aragnimada aad
leedahay ee aad ogtahay in aad wax ku tari karto cidda aad latalinta ka doonayso. Haddii

3
aanay jirin meelahaas, maantaba bilow diyaarinta iyo barashada takhasuska iyo aagagga
aad doonayso in aad ka talo bixiso. Aqoonta kaa dhiman korodhso, kuna dadaal in ay
noqoto arrin la xidhiidha shaqada aad aqoonta u leedahay ee aad hadda ku shaqayso.

Haddii shaqada aad ku shaqayso ka baran weydo waayo-aragnimo iyo hal abuur aad
dadka u gudbin karto, ogow waxa aad tahay ma gudbi noloshiisa uun u kifaaxaya oo aan
horumar u socon.

Waxa kale oo jira hab aad suuqgeyn ku samayn karto adiga oo gurigaaga jooga, bogag
xayeysiis ah ka samayso baraha bulshada, qurxi oo waqti iyo maalgelin horumarintooda,
kaddibna adiga oo inta kugu xidhan ka bilaabaya isku day in aad ganacsiyo ku
xayeysiiso, dhaqaale koobanna ka qaaddo qofka.

SAWIRRO IYO FIIDYOWYO IIBI

Haddii aad isku ogtahay hibada sawirqaadista, ama aad xariif ku tahay sida filimada
gaagaaban iyo fiidyowada quruxda badan loo sameeyo, waxa aad haysataa fursad aad
dhaqaale ku samayn karto.

Iibso kamarad iyo kombiyuutar ku habboon wax ka beddelka iyo qurxinta sawirrada iyo
fiidyawyada. Tag munaasabadaha muhiimka ah oo ka soo qaad muuqaallo qurux badan,
khudbadaha iyo hadallada dadka muhiimka ahi joogaan ka qaybgal oo ka samee
muuqaallo. Kadidb ka iibi warbaahinta, dadka munaasabadaha leh ayaa qudhoodu u
baahan in ay dib u iibsadaan sawirrada laga qaaday muuqaalkoodii goobta iyo
fiidyowyada laga sameeyey kaalintii ay ka qaateen munaasabadda.

Ha sugin in laguu yeedho, ee bilow oo kaddib adiga oo diyaariyey tus, una sheeg in lacag
kooban laga rabo, ama xitaa maanta lacag la’aan uga dhig oo berri lacag ka qaad.
Samayso shabakado internet ka ah iyo baraha xidhiidhka bulshada oo aad dadka ku tusto
muhiimadda shaqada aad haysto iyo sida ay ugu qalanto in la iibsado.

QORAANIMO KU SHAQAYSO

Haddii aad ogtahay in aad qoraalka ku fiican tahay, isla markaana aad hibo u leedahay
wax qorista iyo waqti u hurista qoraalka. Ogow in aad leedahay fursad aad ku samaysan
karto shaqo uu dhaqaale ka soo galo adiga oo gurigaaga jooga. Dunida maanta, waxaa
maalin kasta sii kordha. muhiimadda ay leeyihiin shabakadaha internet ka iyo degellada

4
xogta lagu baahiyo (Website). Waxa ay arrintaasi sababtay in maalin kasta loo baahan
yahay kumannaan qof oo wax qori kara. Qoraallada cilmiga ah, qoraallada warbaahinta
iyo xayeysiisyada ah, qoraallada ganacsiga iyo guud ahaan xidhiidhada kala duwan ee
ganacsiga ah.

Samayso shabakad aad dadka isku barto, ku tababaro sida xidhiidhka dadweynaha loo
sameeyo, iyo sida naftaada loo iib geeyo, kaddibna is bar dadka baahida u qaba qoraalka.

W/Q: Eng. Abdulahi Sahal.

You might also like