Buug Dheemanka PDF

You might also like

Download as pdf or txt
Download as pdf or txt
You are on page 1of 20

hBUUGAN WAXAA LAGU SOO KOOBAY 2O BUUG OO AY TURJUMEEN AQOON

YAHANO SOOMAALIYEED , NUXURKOODII WAXAANU BUUGU KU QORAN


YAHAY LUUQADA SOOMAALIGA WAA BUUG DHINAC WALBA OO NOLOSHA AH
KA HADLAYA OO QOFKII AKHRIYA KA FAAIDAYO XOG DHINCA WALBA KA
DHAMAYSTIRAN .ANAGOO AH MAKTABADA ALL BOOKS WAXAAN ISLA
GARANAY IN BUUGAN AAN DADKA UGU DIRNO SI PDF AHAAN SI LOOGA
FAAIDAYSTO
BUUGAN WUXUU NOQONAYAA BUUGII UGU HOREYAY EE AY MAKTABADU SOO
SAARTO.HADABA SI AAD U HESHO BUUGAN WAXAAD BIXINAYSAA HAL DOLLAR
OO KALIYA MARKAAD HALKAA BIXISO KALIGII MA HELAYSID BUUGA EE WAXAA
KUULA SOCDA ILAA 20 BUUG OO KALE OO FREE AH BUUGTA KUULA SOCOTAN
ADIGAA DOORANAYA KUWAY NOQONAYAAN

BUQCADO DHEMAANA(ARCES OF DIAMNOD)


Russell Conwell wuxuu mar u safray webiga Tigris, xilligii uu joogay Ciraaq, isagoo
adeegsanaya nin hage ah oo lagaga daray magaalad Baqdaad kaasoo u qaadaya gacanka
beershiya.ugan sii gudbeen webigii ay doonayeen webigan ay tageen tilmaamihiisu waxay u
muuqdeen sidii xardho oo kale waxayn jeclaysteen inay ka hadlaan laakiin ninkii hagah ah ayaa
Conwell wuxuu uga sheekeyay sheeko ku saabsan nin la odhan jiray Al Hafed, taas oo uu
inagana inala wadaagaya Conwell waxayn ku bilaamatay sidan Waxaa jiray nin,la odhan jirya Al
Hafed, oo ku noolaa hareeraha webiga Indus kaas oo lahaa beero wanaagsan oo leh geedo
wanaagsan, haystayna lacag aad u badan, lahaana xaas wanaagsan iyo caruur. Wuxuu ahaa”
taajir maxaa yeelay wuu qancay” habeen habeenada kamid ah ayaa waxaa soo booqday nin caqil
usaaxib ah oo daaciya kaas oo uga waramay sida dunida loo sameeyay oo ay ku jiraan samaynta
dhamaan dhagaxyada dhulka ,biraha qaalig ah iyo dhagaxaanta dheemanka ah wuxuuna
usheegay ninkii beeroolaha ahaa haddi uu haysan lahaa inyar oo dheemana ah inaanu lahaan
lahayn beer qudha laakin uu lahaan laha beero badan ninkii beerolahaa wuu dhegaysanayay
ninkii caqilka ah laakin ninkii beerolaaha islamarkiiba wuu is bedelay oo wuxuu noqday mid aan
ku faraxsanayan noloshan uu imika ku jiro iyo waxa uu haystaba ka bacdi wuxuu iibiyay
beertiisii wuxuuna safar ugu baxay guud ahaan dhulka beershiya ,falastiin iyo yurub isagoo
raadinaya dheeman ka bacdi sanado badan oo uraadinayay inuu helo dheman ayaa waxaa ka
dhamaatay lacagtii u haystay isagoon helin wax dheeman ah ka bacdi waxaa dhacday isagoo ku
soo noqonay reerkiisi in doontii u la socday ay bada ku degto oo ay mawjaduhu qaadan halkaan
uu kudhinto hadaba hadaynu usoo noqon ninkii ka iibsaday beertiisa oo iyaduna ah sheeko kale
ayaa waxaa dhacday maalin maalmaha kamid ah isagoo xoolihiisa ka waraabinaya iliilada
dhexmarata beertiisa ayuu wuxuu ku arkay dhagax aad u ifaya oo qurux badan ka bacdi markii la
eegayna wuxuu qoday dhagax dheeman ah xaqiiqadiina wuxuu noqday dhagixii dheemanka ah
ee ugu qaalisanaa taariikhada aduunka ee la helo intaa ka bacdina waxaa lawada baadhay beerta
dhamaanteed waxaan la ogaadya inay dhamaanteed ku dul fadhido buqcado dheemana ah ninkii
beertan lahaan wuu iska iibiyay isagoo doonaya inuu soo helo dheman ninkii uu ka iibiyayna
wuxuu ka helay buqcado dheman ah oo ay beerto ku dul fadhido

hadaba qoraaga ayaa wuxuu sharaxayaa dulucda sheekada isagoo kusoo koobaya dhowar qodob
si aynu uga korodhsano xikimad oo aynu ugu dabaqno nolosheena si ayana inoogu dhicin arinta
ku dhacday ninkaa beeroolaha ahaa waxaanu qoraagu ku soo koobay labada odhaahado

➢ marka hab fikirkeenu uu sax yahay waxaynu garanaa inaynu ku dul socona buqcado
dheemana ah
➢ inatabadan fursaduhu waxay hoos yaalan cagaheena umana baahnin inaynu tagno meel
kale kaliya waxaynu ubaahanahay inayanu garano

si aynu ufahano sharaxaada labada qodob waxaynu dib ugu noqonayaa sheekadii

ninkii beeroolaha ahaa ee Al Hafed wuxuu lahaa beer aad uweyn wuxuuna haystay lacag aad u
badan laakiin beertii ulahaa wuu ibiyaya isga oo doonaya inuu soo helo dheeman wuxuuna
ubaxay safar kaas oo uu kusoo maray meelo farabadan oo aduunka ah laakin waxaba kumuu soo
helin waxaana ku dhacday inay ka dhamaato lacagtii uu haystay ee badnayad ugu danabayntiina
inuu waayo naftiisii oo uu ku qaraqmo bada oo uu ku dhinto ka bacdina ninkii beerta ka iibsaday
ayaa wuxuu beertii ka helay dhagax dheeman ah kabacdina waxaa la wada baadhay beertii
gabigeediba waxaana la ogaaday inay ku dul fadhido buqcado dhagaxaan dheeman qaali ah
dheeman.

hadaba haduu al hafed si wanagsan u fikirilaaha oo aanu iska iibin lahayn beertiisa wuxu heli
lahaa buqcada dheemanka ah fursaduhuna inta badan waxay yaalaan cagaheena hoostooda al
hafed dheemankii uu udhinatay wuxuu ku jirya beertiisahoosteeda isagoo ah bucqado dhan
laakin muu garan si lamida ah nolosheen ayaa ah inaynu si sax u fikirno ooaynu ka faaidaysano
fursadaha ina hoos yaal inaga oo aan u hanqal taagin meelk kale haddii kale waxaa inagu dhic
sidaa ku dhacday al hafed taas oo ah inanyu dayacno fursadi aynu haysanay gaadhi kari wayno
tii kale ee aynu doonaynay

dadku waxay udhaqamaan si nacasinmo leh iyagoo iska indho tira fursadah oo yaala gadaashood
ama hoostood kuna fikraan inay meel kale taalo wuxuun kaga hadlay fariintan qoraagu isagoo
leh waa in aynaan ku dhicin dabinka fikirka ah in dadka nolosha iyo ganacsigaba heer sare ka
gaadhay waxay fursadaha aya heleen u doonteen meel kale waxaa tusaale inoogu filan

Henry Ford inuu ku bilaabay nashqadyanata iyo dhisida baabuurtisa beertisa dhexdeed isaga oo
aan tagin meel kale ka bacdina wuxuu dhisay warshadii caanka ahayd ee ford

. Maal-galiyaha weyn Warren Buffett wuxuu go’aansaday inuu ka hor istaago inuu qoyskiisa u
wareego Wall Street. Wuxuu degay Omaha, Nebraska wuxuuna ku sameeyay balaayiintiisa

CUTUBKA 1
SIDA LOO HELO KALSOONIDA IYO AWOODA LAGULA MACAAMILO DADKA
Haddii dadku yidhaahadaan la macaamilka dadka kale way fududahay oo si dabiici ah ayey u
dhacdaa, sidaa darteed buugani wuxuu kaa caawin doonaa inaad fahamto inay had iyo jeer u
baahan tahay horumar, iyo waqti ka mid ah noloshaada si aad ula xidhiidho dadka kale, iyada oo
aan loo eegayn goobta aad kujirto, sidaa inaad sameysana waxaad u baahan tahay kalsooni.

Buuggan sida loo helo kalsooni iyo awooda laguala macamilayo dadka wuxuu kuu horseedi
doonaa hab kuu sharxi doona oo ku bari doona sida aad ula dhaqanto dadka sida dhabta ah, ee
ma ahan sida aad u jeceshahay inay noqdaan, ujeedada ayaa ah inaad waxa aad rabto ka hesho
iyaga si guul ah. ha ahaato iskaashi, jacayl, wanaag ama sumcad

1) Fahmitaanka dabciga aadanaha

a) Furahaaga guusha iyo farxadda

Halkan qoraaga wuxuu dhahayaa inaan dhamaanteen aadanaha rabno labo shay oo nolosha ka
mid ah taasina waa farxad iyo guul, halkan Giblin wuxuu sharaxayaa, kuligeen waan ku kala
duwanahay, fikrad kasta oo shaqsiyeed ee guusha way ka duwanaan kartaa midba midka kale,
laakiin waxaa jira hal shay oo muhiim ah oo ay tahay inaan dhammaanteen wada baranno si aan
u guuleysanno oo aan ugu faraxno noloshan,waana qodob weyn qodobkaa weyna waynu kawada
simanahay dhammaan, wuxuu doono ha noqdo qofku macalin, dhakhtar, qareen ama ha ka
socdo goob kasta ama xirfad kasta, qodobkaa weyn ee aynu ka simanahay dhamaanteen waa la
macaamilka dadka

Markaad barato sida loola macaamilo dadka waxaad gaadhaysaa qayb kamid ah guushada shaqo
kasta hay ama xirfad kasta.lahow Markaad barato inaad la macaamisho dadka kale waxaad
awood u yeelanaysaa inaad hesho farxad shaqsi ahaan iyo waliba farxad xirfadeed.

Faalada qoraaga

shakhsi kastaa wuxuu rabaa inuu maqlo waxa wanaagsan ama quman oo ku saabsan naftiisa
si uu ula macaamil dadka sida saxda ah, iskuday inaad ula hadasho dadka si wanaagsan kana
hadasho waxyaabaha fiican ee ku saabsan iyaga, arintan waxay kaa dhigayasa inaad noqto
qof fiican oo aad ay u soo dhaweeyan dadku lana sameeyan xidhiidh ugu danbeyntii waxaa kor
u kacay kalsoonidaada iyo awoodadaa la tacaamulka dadaka

Fahmitaanka iyo saameyn ku yeelashada.dadka

a) ku quudi dhiirigalin

Qaybtan waxay ka kooban tahay afar qaybood oo ah in dadka aad la tacaamulayso aad ku
dhiirigaliso si uu u sii adkaado xidhiidkiinu waxayna kale yihiin afarat qaybood ixtiraam,
aqbalaad, qadarin, iyo qirasho. Isku day inaad si sax ah u isticmaasho si ay dadku kuula
noolaadaan si kalsooni ah oon aad awoodid inaad la xidhiidho oo aad si sax ah ula macaamisho

B) Noqo dhegayste wanaagsan

Halkan qoraagu wuxuu doonayaa inuu ina fahamsiiyo hadaynu doonayno inaynu noqon qof
saamayan wanaagsan iyo kalsooni leh waxaa waajib ah inaad noqoto qof in badan dheysta in
yarna hadla dadkuna way ku jeclaanayaan markaad dhegaysato arinkana wuxuu kaa dhigayaa
inaad fahamto qofka kale si wanaagsan ,

Faalada qoraaga
Dhageysiga dadka kale ee dunidan mashquul ka ah waa wax naadir ah, haddii aad noqotid
dhageyste wanaagsan, waxaad kasban doontaa xushmadda iyo aaminaada dadka kale taas oo aad
awood u yeelan doonto inaad ula dhaqanto dadka kale si wanaagsan oo kalsooni leh.

c) Noqo qof fiican

Isku day inaad si wanaagsan ul dhaqanto inta aad la sheekeysaneyso dadka kale, marka aad
si wanaagsan ula hadashid waxaad xaqiiqdii ka heli doontaa jawaab celin wanaagsan

Fikiradyada

qofna adduunkan ma rabo wada hadal aan wanaagsanayn, qof walina shakhsi ahaantiisa ayuu
ula daalo dhacayaa nolosha adag ee uu ku jiro, sidaa darteed iskuday inaad noqoto qof fiican
arintaasina waxay sababaysaa ina qofk kasta oo aad is khilaaftan ama wax idin dhexmaro ay ku
xalismaan si fudud

d) Ka hadal naftooda

Maaddaama aan idhi dadku waxay jecel yihiin inay dhagaystaan oo ka hadlaan naftooda gaar
ahaan waxyaabaha wanaagsan, markaa isku day inaad ku bilowdo wadahadal kasta adoo is
weydiinaya waxa ku saabsan waxa ay jecel yihiin.

Halkan qoraaga wuxuu soojeediyey in la isticmaalo 4 damac oo ah ixtiraam, qirasho, qadarin iyo
aqbalaad. Isku day inaad isticmaasho ugu yaraan saddex ama laba adoo la macaamilaya qofka ka
soo horjeedda.

Halkan waxa ugu muhiimsan ee qoraagu kaaga codsanayaa inaad maskaxda ku hayso inaad iska
ilaaliso luuqada jidhka,inaad isticmaasho markaad dadka la hadlayso ama la macamilayso sida
inaad mada luxdo ama aad farta ku tilmaamto wuxuu ku wedyiinayo qofku waa inaad qofka
siwaangsan u soo dhawysaa suaalaha uu ku weydiinayana aad sifiican uga jawaabitid

e) Sug jawaabta

Halkan qoraaga ayaa raba inuu in fahamsiiyo sugid jawaabta qofka kale inaad qofka dhegysato
markuu ku jawaabayo waxay keenaysaa inuu isna siwaangsan kuu dhegyso markaad uga
jawaabayso suaal uu kuweydiyay
f) ugu jawaab si xaamsad leh

Qofku marku wax ku weydiiyo, isku day inaad ugu jawaabto si xamaasad leh oo leh tamar
wanaagsan iyo cod sare, tani waxay qofka u muujin doontaa sida xiisaha iyo xamaasadda leh ee
aad ugu jawaabayso

g) Weydiiso talo iyo ra'yi

Halkan qoraaga ayaa sharraxay, way fiicantahay in la weyddiisto talo iyo aragtida dadka kale,
tani waa hab lagu muujiyo qadarin iyo oggolaansho, weydiinta talo waqtiga saxda ah waa hab
wanaagsan oo lagula macaamilo dadka.

h) Ixtiraam dood kasta ha noqotee

Tani runti waa qodobka aad muhiimka u ah ee loo baahan yahay in la xusuusnaado, waxaan inta
badan lumineynaa xasilloonida dood kasta, iyadoo aan ku khilaafno markasta, waxaan
keenikartaa in laysku xanaaqo. Sidaa darteed halkan qoraagu wuxuu naga codsanayaa inaan is
dejino oo aan ixtiraamno dhanka ka soo horjeedda, u oggolaano qofka kale inuu hadlo oo uu
mowqifkiisa ilaaliyo, markay dhammeeyaan si deggan oo xushmad leh waxaanan u sheegayaa
inay ixtiraamaan awgeed anigu kuma raacsanayn sidaas.

Qaabkan hadalka ayaa kaa caawin doona inaad ula dhaqanto qofka kale si wanaagsan ula
dhaqanka adigoon burburin xidhiidhkiina

Sababta boqolkiiba 90 dadku ay u guuldaraystaan nolosha


Macadka Farsamada ee Carnegie ayaa daraasad ku sameeyay diiwaannada 10,000 ee qof,
wuxuuna ku soo gabagabeeyay gabagabada in 15 boqolkiiba guusha ay u sabab tahay tababarka
farsamada, maskaxda iyo xirfadda shaqada, iyo boqolkiiba 85 guusha waxaa sabab u ah arrimo
shakhsiyan, kartida aad ula dhaqanto dadka si guul leh! Markii Xafiiska Tilmaamaha Xirfadaha
ee Jaamacadda Harvard ay daraasad ka sameeyeen kumanaan rag iyo dumar ah oo shaqada laga
cayriyay, waxay ogaadeen in qof kasta oo shaqadiisa ku waaya shaqadii uu qaban kari waayey
inuu shaqadii gudan waayo, laba qof ayaa waayey shaqadoodii oo ku guuldaraystay inay wax ka
qabtaan. si guul leh dadka. Tirada boqolkiiba waxay ka sare martay daraasad uu soo sheegay Dr.
Albert Edward Wiggam, safkiisa 'syndrome,' Aan Baadhno Maskaxdaada. " In ka badan 4,000
oo qof oo waayey shaqooyinkoodii hal sano gudahooda, kaliya 10 boqolkiiba ama 400 ayaa
lumiyay sababta oo ah waxay qaban kari waayeen howsha. Sagaashan boqolkiiba, ama 3,600 oo
ka mid ah, ayaa lumiyay sababta oo ah ma aysan horumarin shakhsiyadda si guul leh loola
macaamilaan dadka kale!

HORMARINTA XIRFADHA AKHRISKA IYO QORAALKA


WXQ Hassan Abdi Hassan
Horumarinta akhriska iyo qoraalka waa wax aad muhiim ugu ah nolosha. Xilligan aan
hadda ku noolnahay oo loogu yeero “casriga aqoonta” ama waxa afka qalaad lagu
yiraahdo “ınformation age” yaa wuxuu lagama maarmaan ka dhigayaa in qofku kobciyo
xirfaddiisa akhrinta iyo qoraalka si uu ula jaanqaado mawjadaha xogta ee dhinac walba
nooga imaanaya.
Ahmiyadda ay akhrintu leedahay iyo guud ahaan aqoontaba waxaa inoo muujinaya aayaddii ugu
horraysay ee soo dagata waxay amraysay akhrinta. Markii akhrinta laba jeer lagu celiyey yaa
haddana waxaa la tilmaamay ahmiyadda aaladda wax lagu qoro ee qalinka uu leeyahay. Sidoo
kale Alle SWT waxa uu ku lagu qoro oo ah qalinka oo muhiim u ah aqoonta, xoogga ummad iyo
horumarkeedaba. Abwaan Soomaaliyeed oo ka hadlaaya aqoonta ahmiyadda ay leedahay yaa ku
gabyay:
Ragga dunida maamulay cilmay, dayaxa ku gaareene!
Bal malee magaaladan aad ku nooshahay oo aan cidna wax akhrin, waxna qorin. Hubaal waxaa
ah in noloshu adkaanayso. Qarnigan aan ku jirno boos kuma laha qofkaan wax akhrin waxna
qorin. Waxaan sidoo kale aan boos fiican ku lahayn qofkaan si wax ku ool ah waxna u qorin una
akhrin. Maqaalkani waxaan ku falanqeyn doonaa abuuridda caadooyin ama dhaqamo wax akhris
oo joogto ah, kobcinta tayada wax akhriska, habka qoridda maqaallada gaar ahaan kuwa
akadeemigga ah, iyo habka qoridda sheeko faneedyada.
Ujeeddooyinka Wax Akhriska
Akhriska noocyadiisu iyo ujeeddooyinkiisuba waa badan yihiin, kalana duwan yihiin. Sababahan
hoos ku xusan baa kamid ah ujeeddooyinka dadku ay wax akhriyaan.
SABAB #1: waxaa wax loo akhriyaa in la barto ama la ogaado. Barasho/dhigasho/akhrisasho
dadka badankiis waa ereyo isku macno ah ama la isku baddalan karo o oka wada hadlaya sida
aqoon lagu kasbado.
SABAB #2: Waxaan wax u akhrinnaa si aan xagasha aragtideenna u ballaarinno, shaqsiyaddeena
u kobcinno, nafteenna u ilhaaminno. Qof kastaa aragtidiisu waxa ay ballaaran tahay,
maankiisuna furan yahay inta uu wax akhriyey.
SABAB #3: Waxaan wax u akhrinnaa inaan waqtigeenna firaaqada ah u riyaaqno,
khayaalkeenna u baahinno, ka xorowno xudduuddaha shaqsiyadeed iyo joqraafiyadeed ee nagu
xeeran ama jebinno silsiladaha innagu xiran, ka baxsanno waxyaabaha nafteenna murugada
geliya oo duni kale dhex maquurno.
Sabab kastaba ujeedkeennu ha ahaadee si xirfadda akhrintu qofka u kobocdo waa inuu
caadeystaa akhrinta. Caadeysashadu waxaan ula jeednaa in sida cuntaynta, qubayska, iyo
hurdada oo kale uu akhriskana kamid noqdo caadooyinkeen mid kamid ah. Haddii naftaadu
akhriska u hilloobi wayso, oo keliye, imtixaan iyo in qof kugu sandulleeyo dartii aad wax u
akhrisid waxaad u baahan tahay inaad isku noqoto oo aad wax ka baddal ku samayso naftaada.
Akhrinta ma aha wax keliya la isku san-dulleeyo. Waa in naftu doorataa in ay wax akhriso.
Dhammaanteen waan leenahay caadooyin wax akhris oo joogto ah. Nasiib darradu waxay tahay
waxaan uga faaiideysannaa baraha xiriirka bulshada. Waxaan waqti badan ku bixinnaa akhrinta
qoraallada saaxiibbadeen ee FACEBOOK ama TWITTER. Saaxiibkaa/saaxiibtaa baad
todobaadkii WhatsApp-ka 20,000 oo kelimadood is weydaarsataan. Waxaad xubin ka tahay
dhowr group. Qaarkood baad si toos ah ugu xiran tahay. Iyagana midka ugu yar haddii ay 10 qof
ku jirto, oo aad xubin firfircoon ka tahay waxaa dhinacooda kaaga soo fataha in k abadan intii
aad saaxiibkaa ama saaxiibtaa aad la sheekeysanaysay.
Isku soo duub tirada ereyada aad bishii social media (Qoraallada Facebook-ga, Sheekooyinka
WhatsApp-ka, Viber, Messenger, iwm) ka akhriso haddii aan dhahno qiyaas ahaan waa 400,000
erey, waxay la mid tahay waxaad akhrin lahayd 1200 bog wax u dhigma. Waa inaad dib u eegid
ku samaynaa waqtiga badan ee aan social media ku qaadanno, si wax tar lehna uga
faaiidaysannaa. Ma lihi, mana aaminsani in “social media”aha uusan faa’iido lahayn wax
cusubna laga baran. Waxaan leeyahay waqtigaa tirada badan uma qalmo. Uma qalmo intaad
library-ga soo gasho oo bogga ugu horeeya ee aad furtaa uu facebook noqdo!
David McRane, joornaliiste caan ah oo wax ka qora cilmiga psychology-ga, teknoolojiyadda iyo
internetka yaa wuxuu qoray buug la magac baxay ‘Sidaa uma caqli badnid: Maxaad
saaxiibbadaas tirada badan aad Facebook ugu leedahay”. McRane wuxuu soo xigtay aragti uu
leeyahay Anthropologist lagu magacaabo Robin Dunmbar. Aragtidan ayaa waxay sheegaysaa in
qofka caadiga ah uu saaxiib la ahaan karo tiro u dhexeysa 150-230. Tiradan oo afka qalaad loogu
yeero ‘Dumbar’s Number’ yaa waxay xaddidaysaa shabakadda saaxiibbada ee qofka. McRane
ayaa wuxuu ku doodayaa in mar kasta oo saaxiibbo cusub aad kasbatid kuwii hore aad sii
illaawaysid oo kuwa cusub ay bara bixinayaan kuwii hore.
McRane saaxiibtinamada uu ka hadlay waxa uu ku cabbiraa dad ujeeddooyinka noloshooda
qaarkood wadaaga, waxyaabo qaar si wada jir ah u wada xiiseeya, waqti isla qaata ama ugu
yaraan wada xiriira. Adigan Facebook-ga dhowrka kun saaxiibbada ah ku leh imisa ayaad si sax
isu taqaanaan, weligaa kulanteen, amaba isla xiriirtaan? Jawaabtu maadaama ay “Ma badna”
tahay waqtigaa farabadan ee aad ku bixiso akhrinta iyo isaga gudbidda (scrolling) qoraallada
derbiga FB-gaaga uga faa’iidayso inaad akhriso qoraallo fiican. Caado wax akhris waad
leedahaye cayaarta ka yaree oo aqoon ku kasbo!
Sidee Ayaan Ku Yeelan Karnaa Caadooyin Akhris?
Sida ugu wanaagsan ee qofku ku yeesho caado iyo dhaqammo akhris oo joogto ah waa:
• Yeelo ujeeddo, waqti iyo liis akhrineed oo kuu gaar ah. Waxaa jira waxyaabo farabadan oo aad
xiisayso sida cayaaraha, muusigga, filimada, iwm. Akhri buugaag ku saabsan waxyaabaha aad
xiisayso. Qof walba waa in ay jirtaa meel uu asxaabtiisa kaga xog roon yahay. Liis akhrineedka
aad leedahay bil kasta ha kuugu jiraan buugaagta ama maqaallada aad doonto inaad akhrisid. U
dooro sida aad u xiisaynaysid una kala fudud yihiin.
• U akhri inaad waqti fiican qaadato (pleasure). Caqabadda koobaad ee dadka akhriska ka hor
taagan waa iyagoo akhriska culeys iyo waajib dulsaaran u maleeya. Marka buug aan akhrinayno
waxaan dareemeynaa cadaadis ah in aan sida ugu dhaqsiyaha badan ku dhammayno.
• Yaree waqtiga aad ku bixisid daawashada TV-ga iyo adeegsiga internetka. Waxa ugu daran ee
naafeeya akhriska waa labadan aaladood. Waxaan daawannaa musalsallo saacado badan oo
waqtigeenna ah naga qaata kuwaasoo ciriiri geliya ama booska ka bixiya waqtigii aan wax ku
akhrin laheyn.
• Mar kasta buug sido. Tani waxay kaa saacidaysaa inaad mar kasta oo aad caajisto aad akhriso.
Xilliyadii hore buug sidashadu aad bay u dhib badney, laakiin xilligan hadda la joogo oo
dhallinteenna ay teleefannada caqliga leh ay wada sitaan waxaa fudud in library-ga oo dhan aad
telefonkaaga ku sidato. Maadaama aan telefonnada gacanta ku haysanno applications fara badan
oo markaad online noqoto ku mashquuliya waxaad isticmaali kartaa tabletka qaar oo akhrinta
keliya loogu talagalay. Waxaana ugu caansan Kindle.
• Blog garee buugaagtaad akhriso lana wadaag asxaabtaada. Waxaad samaysan kartaa blog aan
ku qorto miraha kaaga soo baxa akhriskaaga. Blog-gu wuxuu kuu suuragelinayaa inaad hesho
faallooyin ku saabsan buugaagtaad akhrisay, iyo soo jeedinta saaxiibbadaa eee ku saabsan kuwa
aad akhrin lahayd. Sidoo kale abuur ama ku biir naadi akhris. Naadiyada akhrisku waxay
xubnaha ku jira siiyaan madal ay ku wadaagaan waxyaabaha ay akhriyaan. Waxaad ka heli
kartaa buug ku xiiso geliya.
Qodobbadan aan xusnay waxay saldhig u yihiin abuuridda caadooyin wax akhris oo uu qofku
yeesho. Akhrinta in la jeclaado waxaa udubdhexaad u ah rabitaanka qofka iyo waxa ku dhiirro
geliya akhriska. Haddii naftaada ay u gaajaysan tahay ogaalka wax walba oo dunidan ku saabsan,
waxaad qotomisay tiirka koowaad ee akhrinta.
Horumarinta Xirfadda Akhriska: Kobcinta Xawliga Akhriska Iyo Heerka Fahanka
Dhaqso akhrinta aad ayay muhiim u tahay gaar ahaan casrigan hadda la joogo. Dadkii hore, intii
aan aaladda wax daabacda ee buugaagta lagu badiyo la helin, waxay aad ugu tiirsanaayeen in ay
si wanaagsan u xusuustaan waxa ay akhriyaan. Buugaagtu maadaama ay aad u yaraayeen, waa la
kala qaadan jiray. Lama haysan buugaag badan oo uu qofku akhriyo inta uu nool yahay. Sidaas
daraaddeed xowli wax u akhrisku ahmiyad badani ma lahayn.
Kaddib ikhtiraacaddii Gutenberg ee aaladda daabacaadda sanaddu markay ahayd 1439 waxaa
kordhay tirada buugaagta, waxaana fududaatay heliddooda. Qarnigii hore markii aaladda
computer-ka dunida ku soo biiray, waxaan u gudubnay casriga ‘digital’-ka. Wax kastoo dunida
laga qoray waxaa lagu keydiyey computer oo faraheenna fooddooda ayay noo joogaan. Si
xogtaas tirada badan loo maareeyo, waxaa baahi loo yeeshay hab akhris dheereeya oo la jaan
qaadi kari culeyska xilligan.
Dhaqso wax akhrinta waa xirfad si ballaaran u soo if baxday qarnigii 20-aad bartameeyadiisii
markii Evelyn Wood oo iskuul bare ka ahayd isku hawshay in ay ogaato sababaha dadka
qaarkood akhrinta ugaga dheereeyaan kuwa kale. Iyadoo gacanta hage ahaan u isticmaalaysa
ayay nafteeda ku laylisay in ay kordhiso dhaqsaha akhrinteeda. Kaddib waxay aasaastay iskuul
laga magic baxay Evelyn Wood Reading Dynamics oo dadka ku carbiya hababka akhriska
dheereeya iyo kordhina fahamka.
Halkan waxaan ku soo bandhigaynaa waxyaabaha saldhigga u ah dhaqso wax u akhrinta ee
dunida laga yaqaano. Qofka caadiyan wax akhriya celceliska heerka akhrintiisu waxay u
dhexeysaa 250 illaa 300 Erey/Daqiiqaddii. Heerkan akhriska ah ma kaafinayo xaddiga akhrinta
ee casirgan looga baahan yahay iskuulka iyo shaqadaba. Si loo kordhiyo dhaqsaha akhriska iyo
fahamka waxaa saldhig u ah talooyinkan:
• Ku akhri meel raaxo leh oo aan buuq iyo wax ku mashquuliya lahayn. Deegaanka wax lagu
akhrinayo yaa ah waxa koobaad ee saameynta ku leh heerka akhrinta iyo xusuusashada. Mar
kasta oo wax la akhrinayo dhammaan awoodda maskaxeed ee qofka oo idil waa in ay ku
koobnaataa waxa uu akhrinayo. Qof iftiinkiisu daciif yahay, ama daran yahay oo indhaha kaa
qabanaya kuma habboona akhriska. Fadhi xumada waxay iyada keeneysaa in murqaha qaarkood
ku xanuunaan ama jirka qeybo ka mid ahi kabaabiyoodaan. Waa muhiim in marka wax la
akhrinayaa sida ugu macquulka ah ee jirka u wanaagsan in loo fadhiisto.Akhrintu waa sidii
‘meditation’ oo kale. Maskaxda akhriyaha waa in wax kasta ka maran yihiin marka uu wax
akhrinaayo oo keliya qoraalka hor yaalla keliya diiradda saarto. Xoogga maskaxeed ee dadku
leeyihiin mar kasta si wax ku ool looma isticmaalo sababtoo ah waxaan maskaxdeenna ku
mashquulinnaa hawlo kala duwan oo midda aan qabanayno la xiriirin.
• Si fiican oo xooggan u qabso buugga, horumari habka warqad geddinta. Buugaagtu marka ay
cusub yihiin kala bixintoodu iyo xajintoodaba waa yara adag tahay. Haddii qofka wax
akhrinayaa uusan si fiican u qabsan waxaa laga yaabaa inuu ka fara baxsado, ka daboolmo ama
boggaggu isaga darsamaan. Si qumman u fidi buugga intaadan billaabin akhriskiisa. Habka aad
buugga u haysato waxay kaa saacidaysaa kontoroolidda buugga iyo geddinta bogagga.
• Markaad wax akhrinayso fartaada ama qalinkaaga u adeegso si uu kuu hago oo aadan ereyada
iyo sadarradaad akhrisay dib ugu noqon. Waxaad fartaada ama qalinkaaga u isticmaalaysaa sidii
inaad sadarrada hoos ka xariiqaysid. Arrintan waxay kaa caawinaysaa in (1) dhaqdhaqaaqu
indhahaagu ay raacaan midka gacantaada ama fartaada, (2) indhahaagu aysan ku istaagin erey
gaar ah marka aad wax akhrinayso (3) horey aad u sii waddid akhriskaaga oo aadan dib ugu soo
noqon sadarrada aad akhrisay.
• Ha ku dhawaaqin ereyada aad akhrinayso. Ku codeynta waxa uu qofku akhrinayo waxay
dhumminaysaa diiraddiisa, yaraynaysaa dhaqsihiisa, hoosna u dhigaysaa heerka fahamkiisa guud
ee la xiriira qoraalka. Caqabadaha ugu waaweyn ee dadka ka hor taagan in ay dhaqso wax u
akhriyaan waa ku dhawaaqidda ereyada ay akhriyaan. Ku dhawaaqiddu keliya ma aha in ereyada
cod la maqli karo dibadda ugu soo saarto. Waxaa jira waxa afka Ingiriirsiga lagu yiraahdo
‘subvocalization’ ama ‘codka qarsoon’ oo ah qofka inuu isagoon cod sare u soo saarin ku
dhawaaqo ereyada uu akhrinayo. Xawaaraha akhris ee qofku gaari karo isagoo codka qarsoon
adeegsanaya waa 900 erey/daqiiqaddii. Tani waxa ay u dhigantaa bug (90,000) oo erey ah (ku
dhawaad 300 bog) halka qofka caadiga ah uu ku akhrin karo 6 saacadood adiga 1 saac iyo 40
daqiiqo baad ku akhrinkaraysaa. Codka qarsoon waxaa laga garan karaa sida neefsashada qofka
oo waxaad mooddaa inuu wax cod ku akhirnayay. Sadar kastaa ba mar buu neefsadaa maadaama
uu keliya codka dibadda u soo baxa keliya uu reebay ee uu si hoose naftiisa ugu akhrinayay
qoraalka. Joojinta codka qarsoon ee akhriska iyo adeegsiga akhris ku dhisan aragga yaa ah
hababka ugu waxtarka leh ee lagu kordhiyo dhaqsaha akhriska iyo fahanka.
• Marna dib ha ugu noqon ereyada iyo sadarrada aad soo akhrisay. Naftaada ku riix oo ku qasab
in ay horey u sii waddo akhriska oo aysan dib ugu soo noqon waxaad akhrisay xitaa haddii aad is
leedahay waxbaad illowday am ka soo boodday. Dadka badankiis waxay naftoodu siiyaan in ay
dib u noqoto oo ku dul fekerto ereyadii la soo dhaafay. Tani waxay keeneysaa caado ‘regression’
ama ‘dib u akhrin’ taasoo naafaysa dhaqsaha akhriska ee qofka. Sababaha ugu wacan ee dib u
noqoshada. Akhris noqnoqodka waxaa sabab u ah walwalka qofku uu ka qabo in ay wax muhiim
dhaafeen. Qofka wuxuu diidayaa in uu naftiisa ku sii daayo qoraalka. Wuxuu isku celiyaa keliya
xeyndaabka naftiisu aaminka ku tahay ee is leeyahay wuu ku fiican yahay akhriskaaga iyo
fahankaaga. Waxaa la ogaaday in haddii qofku silsiladaha ku xiran tuuro, cabsidana joojiyo oo
uusan noqnoqod sameyn marka uu wax akhrinayo, in akhriskiisa uu degdegayo, fahankiisana
kordhayo.
Guud ahaan, si bandhigga wax akhriska u wacnaado waa in uu ku jiraa qorshe wax akhris oo
joogto ah oo qofku ku hawl galo. Fadhi kasta oo aad wax ku akhrinaysaa u yeel ujeeddooyin aad
rabto inaad xaqiijiso. Ujeeddooyinkaas waxay maskaxda ka caawinayaan in ay ugaarsato waxa
aad doonayso, iskana xirto waxyaabaha kale ee aan muhiimka kuu ahayn.
Talooyinkan aan kor ku soo xusnay waa wax tijaabo soo galay oo natiijadoodu la arkay. Keliya
dhiirro gelin iyo niyad dhis dhanka akhriska ah ma aha. Haddii qofku talooyinkan todobaad
dhaqan geliyo oo uu ku celceliyo wuxuu kordhin karaa xawaaraha akhriskiisa wax ka badan 4
laab. Marka qofku dareenkiisa oo dhan uu ku soo ururiyo waxa uu akhrinayo waxa ay maskaxdu
gaartaa heerka ugu sarreeya ee barashada oo afka qalaad lagu yiraahdo ‘Optimum Learning
State’ ama ‘OLS’ loo soo gaabiyo.
Habka ugu adag oo tababar muddo ah, kalsooni iyo kontorool nafsadeed oo joogto ah u baahan
waa aragti ku akhrinta. Aragti ku akhrinta waa habka ugu dhakhsiyaha badan ee wax loo
akhriyo. Haddii deegaanka wax lagu akhrinayaa uu aad u wanaagsan waxaa si fudud xawliga
akhriska lagu gaarsiin karaa wax ka badan 1000 erey daqiiqaddii. Tani waxay kaa saacidaysaa
inaad waqtigaaga si fiican u dhaqaalaysatid oo naftaada waxyaabo fara badan oo waqti u waayi
jirtay inaad qabsato.
Ogsoonow, dhaqso akhrinta mar kasta ma ahan habka keliya ee la doorbido. Heerka aqoontaada
ee luqadda aad wax ku akhrinayso, nooca akhriska iyo ujeedka yaa go’aamiya hadba xawliga aad
ku wajahayso qoraalka aad rabto inaad akhriso.
Horumarinta Xirfadda Qoridda
Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
Sisin iyo ku beer muufo,
Iyo laanta saytuunka,
Ku qotomi sugnaan waarta,
Iyo nabadda seeskeeda,
Samo iyo ku doon heedhe,
Dunidiyo sinnaanteeda,
Ku dawee sawaaceenka,
Iyo siica daacuunka,
Ku burburi sarbaa mooska,
Iyo soohdimaa meersan,
Ku midee samuud raaca,
Midabbada la sooc soocay,
Dadkan tobanka saamood leh.
-Hadraawi ‘Sirta Nolosha’
In la sameeyo qoraallo wax tar leh waa shaqo aad u adag oo dadaal iyo waqti badan u baahan. In
wax la qoro waxay qofku ka caawinaysaa inuu daahfuro shakhsiyaddiisa oo uu ogaado nooca
qofeed ee uu yahay. Wax qoridda yaa ah habka ugu wanaagsan oo lagu keydiyo xusuusta.
Abwaan Soomaaliyeed oo tilmaamaya yaa yiri ‘Wixii la qoraa quruumo haree, Bal muxuu hadal
qiimo leeyahay?’. Qoraal sameyntu, sidoo kale, waa habka qofku uu ku lafaguri karo afkaarta ka
guuxaysa maankiisa, kana qeyb galo doodaha aqooneed ee la isku weydaarsado. Inaad yeelato
xirfad oo horumarsan waxay kaa caawinaysaa inaad si cad u gudbiso farriimaha aad xambaarsan
tahay iyo fekradaha aad aaminsan tahay.
Hababka ugu qadiimsan ee lagu hormariyo qoraalka waa akhrinta qoraallada ay sameeyaan
dadka sida fiican wax u qora. Qoraayaashii hore maysan qaadan koorsooyin horumarinta
qoraalka ah. Waxay qoraalka wanaagsan ka barteen qoraallo ay sameeyeen dad qormada ku
fiican. Aasaaska qoraal fiican waa aqoonta qofku u leeyahay afka uu wax ku qorayo.
In qoraal waxtar leh la qoro waa xirfad la kasbado ee ma aha awood ama heybad ama hidde
qofku dhaxlo. Soo saaridda qoraal wax tar leh waa falalka qofku ku dhaqaaqo ee ah qorshaynta,
ujeeddo dejinta, daba-galka socodka hawsha qormada, iyo dhisidda caadooyin iyo dabeecado
joogto ah. Maadaama ay wax qoriddu tahay xirfad waxaa lagu horumarin karaa keliya hagid,
tusaaleyn, raacidda tilmaamooyin wanaagsan. Nuxurka qoriddu waa soo saaridda qoraal ‘jaan-
gooni’ ah oo aad adiga leedahay.
Dadka badankiis waxa ay ka sheegtaan in aysan wax u qorin hal-abuur iyo ilhaam la’aan.
Qoridda cilmi baaris lamid ma aha qoridda gabay iyo hees. Qofka keliya ee hal-abuur iyo ilhaam
ka sheekeeya waa gabyaa. Maqaal ku saabsan siyaasadda, dhaqaalaha ama arrimaha bulshada
inaad qori wayso sabab uma aha inaadan hal-abuur laheyn. Waxaa ugu wacan inaadan qoraalka
rabin am aad ka cago jiideysid. Billowgu qoraalku waa inaad maanka ku haysaa inaad tahay qof
caadi ah, oo qoraal caadi ah samaynaya.
Waxaa sidoo kale xusuus mudan in qoraalku uusan ahayn tartan orod oo ay lagama maarmaan
tahay qormadaad maaanta billowdo in berry aad dhamaystirto, maalinta xigtana daabacdo,
dadkuna ay ka helaan. Halkan waxaan ku soo bandhigaynaa caqabadaha mala-awaalka ah
eedadka ka hor taagan in ay wax qoraan. Waxaa kamid ah caqabadahaas:
• ‘Waqti uma helo wax qoridda’ taas oo lamid ah ‘waxaan wax qorayaa marka aan waqtiyo
waaweyn helo’. Caqabadani mala-awaalka ah waxay caan ka tahay xeydaabka akadeemigga.
Waa hab dadka aan qorin ay naftoodu ku maaweeliyaan kuna qanciyaan marka ay dareemaan in
aysan wax qorin. Xalka mushkiladdani waa in inta ‘waqti helidda’ la iska dhaafo qoriddu waqti u
gooni ah loo qoondeeyo!
• ‘Waxaan sugayaa xilliga ay naftaydu qoraalka diyaar u tahay!’ oo la mid ah waxaan wax
qorayaa marka uu ilhaam ii yimaado oo duufaanta curinta iyo hal-abuurka jinniyadaydu
kiciyaan. Tani waxay cudurdaar u noqotaa in qofku qorshe iyo jadwal waqtiyeed yeelan waayo.
Qoridda maqaal cilmiyeed ku salaysan qaabka APA iyo maqaal falanqeyn oo ku saabsan farqiga
u dhexeeya nooca federal ee dawladdeena iyo kan dawladda Itoobiya uma baahna ilhaam.
Dadaal, waqti iyo raacidda shuruucda qormada yaa ah sida keliya ee lagu soo saari karo
maqaallada cilmiga ah.
• ‘Waan ku qasbanahay inaan waxan qoro’ oo micnaheedu yahay haddii aysan qasab igu ahaan
laheyn qoraalkan maba sameyn laheyn. Aragtidan yaa waxay keentaa in qofku hawsha qoraalka
ee hor taalla uu u arko shar in la is mootiyaa ay tahay. Uma arko in qofku qoraalka uu sameeyo
wax ku noqdo, dadkana ku taro. Maqaalka aad maalin iskuulka ku qortaa ugu horreyn adiguu
aqoon kuu soo kordhiyaa. Buugga qalin jebinta ee aad qortaa waa qeyb taariikhdaada kamid ah.
Haddii aad intaan wax iska soo xaabsato hal meel isugu keento berri wax adiga laguugu
ceebeeyo shakhsiyaddaada bahdila buu noqonayaa.
Soo saaridda qoraal tayaysan waxay ku tiirsan tahay sida ugu fudud ee loo fahmi karo
qoraalkaaga. Dhibaatooyinka dadka qoraalka ku cusub ee xerada akaadeemigga ku jira ay
sameeyaan waxaa kamid ah iyagoo doona in ay muujiyaan in ay garaad iyio garasho badan
yihiin. Waxay isticmaalaan ereyo adag oo laga maarmi karo. Tusaale ahaan halkii laga dhihi
lahaa ‘biyaha haddii muuqaalkoodu mugdi yahay, micneheedu waa mool’ waxay u dhigayaan
qaabkan ‘xaddi biyo ah oo ku tusmaysan daahfurnaan yar waxay u badan tahay in qotadoodu
dheer tahay’. Si arrintan looga baxsado waan in aan isticmaalnaa ereyo si fudud loo fahmi karo,
weero dhismahoodu cad yahay.
Sidee Loo Qoraa Maqaal?
Noocyada maqaalladu aad bay u kala duwan yihiin. Waxay noqon karaan maqaal cilmiyeed,
maqaal warbixineed, ama maqaal fekradeed. Qoridda maqaallada waxay maraysaa
tallaabooyinkan hoos ku qoran:
• Qoraalka ka hor: Doorashada cinwaanka iyo fekradda uu ka hadlaayo yaa ah tallaabada hore ee
qormada maqaal. Sidoo kale, qofka maqaalka qorayaa waa in uu ogaadaa ama ay u caddahay
cidda maqaalkiisa akhrin doonta. Qoraagu waa inuu sameeyaa raadraac ku salaysan fekradda uu
ka hadlayo soona uruuriyaa caddeyn iyo daliil uu ku xoojinayo fekraddiisa.
• Qeybaha uu ka kooban yahay maqaal waa (1) Hordhac: Wuxuu fekerad guud ka bixinayaa
maqaalka, ujeedkiisa iyo fekradda uu xambaarsan yahay. Hordhaca waxaa lagu billaabaa weero
xooggan oo soo jiidasho leh oo qofka ku dhiirro geliya inuu sii akhriyo qeybaha kale ee
maqaalka (2) Baaxad (Body) waxaa lagu xusaa nuxurka fekerka uu qoraalku ka hadlayo. Faqro
kasta waxay sharxaysaa xaqiiqo taageeraysa aragtida qoraalka. Waxaa sidoo kale halkan lagu
xusayaa aragtida mucaaradka fekradda oo kooban iyo naqdinteeda (3) Gunaanad: waxaa dulmar
kooban lagu sameeyaa nuxurka dooddii maqaalka.
• Qor, Dabadeedna tifaftir: Qaladaadka la sameeyo marka wax la qorayo ee daahiya ama
carqaladeeya hawsha qoraalka waa iyadoo la isku dhinac wado qoraalka iyo sixidda maqaalka.
Qoraalka hore waa qabyo-qoraal (draft). Fekradahaaga si aysan kaaga kala yaacin waa inaad
marka hore ku qortaa qabyo-qoraalka. Marka uu dhamaystirmo qabyo-qoraalku billow inaad
saxdo oo aad tifaftirto. Hagaaji kala horreynta afkaarta, weeraha qaldan, habka qoraalka iyo
naxwaha. Ugu dambeyn, dhammeystir muuqaalka qoraalka, farta, cabbirka, faqradaha iyo wixii
kaloo qurxin ah.
Qoridda Maqaallada Joornaallada Akadeemiga
Qoridda maqaallada lagu baahiyo joornaallada akadeemiga ah waxay u baahan tahay waqti iyo
raacidda xeerarka qoridda maqaalladaas. Billowga qoridda maqaal waa qorshaynta sida aad u
qori lahayd maqaalkaaga. Dadka ku dhibtooda qoridda maqaallada waxa ay ka sheegtaan in
maskaxdoodu ay ereyada ku soo dhicin marka ay qoraalka billaabaan. Sababta ayaa waxa ay
tahay waxay qoraalka billaabaan iyagoon ogeyn waxa ay rabaan in ay qoraan. Sidaas daraaddeed
dejinta qeybaha qoraalkaaga yaa ah tallaabada koowaad ee qoraalkaaga. Qeybaha ay badanaa ka
kooban yihiin maqaallada akadeemiga ah waa (1) Cinwaan iyo Gogol-dhig (2) Hordhac (3) Hab
Cilmi-baaris (4) Natiijada (5) Falanqeyn (6) Gunaanad (7) Tixraaca iyo buug-kaashi.
Cinwaanka iyo Gogol-dhigga: Cinwaanku waa in uusan aadna ciriiri u aheyn una ballaarneyn oo
uu isku dheelli tiraa guud ahaannimo iyo gaar ahaansho. Cinwaanka ha noqdo mid ereyadiisu
cad yihiin oo qofkii arkaa maqaalka waxa ka hadlaaya inuu fahmo ka saacidaya.
Gogol-dhiggu waa qoraal si fudud loo soo koobay oo sharxaya shaqada aad qabatay. Gogol-
dhiggu wuxuu qeexayaa cinwaanka maqaalkaaga, ereyada uu ka kooban yahay, habka aad cilmi-
baarista u samaysay, iyo waxa ka soo baxay cilmi-baaristii aad qabatay.
Hordhac: Hordhaca maqaallada maqaallada akadeemiga ah waxay ay muujiyaan ahmiyadda uu
maqaalku leeyahay. Waa qeybta ugu fursadda badan in gebi ahaanteed la wada akhriyo.
Hordhaca waxaa lagu billaabaa guudmar ku saabsan maqaalka. Waxaa ku xiga mushkiladda uu
maqaalku xal u raadinayo, ama su’aasha uu ka jawaabayo, arrinta uu caddeynayo. Ujeedka
hordhacu waa sababeynta jiritaanka maqaalka. Wuxuu sidoo kale hordhacu xusaa aragtiyaha la
xiriira maqaalka, tijaabooyinka maqaalka qorihiisu fuliyey iyo cilmi-baarista horey loo
sameeyey.
Hab Cilmi-baaris: Hab cilmi-baaristu waa dhabbaha la maray si loo gaaro natiijada maqaalka.
Waxaa lagu xusaa cidda (population) ka qeyb qaadatay cilmi-baarista, sida xogta loo soo
ururiyey, namuunta (sample) lagu saleeyey ama lagaga tilmaan qaatay cilmi-baarista, xog
ururinta waxa loo isticmaalay sida weydiimaale (questionnaire) ama aaladda halbeeg (apparatus),
barnaamik kombuyuutar ee la adeegsaday. Sidoo kale waxaa qeybtan lagu sheegaa
doorsoomayaasha maqaalka, xiriirka ka dhexeeya iyo sida loo dhigay, cilmi-baaris hore oo
sheegaysa habka doorsoomayaasha xiriir iskula leeyihiin ama isku saameeyaan. Waxaa sidoo
kale la caddeeyaa heerka la isku halleyn karo (reliability) iyo saxnimada (validity) habka xog
ururinta.
Natiijada: Qeybtan maqaalka kamid ahi waxaa lagu soo badhigaa natiijadii ka soo baxday xog
ururintii. Badanaa waxay ka koobnaataa jadwallo iyo garaafyo kuwaas oo cabir u ah natiijada
xog ururinta.
Falanqeyn: Halkan waxaa lagu soo bandhigaa natiijooyinkii iyo sida ay ula xiriiraan
mushkiladdii maqaalka uu baarayay. Waxaa lagu sheegaa sida natiijada maqaalka ula xiriirto
aragtiyihii saldhigga u ahaa maqaalka iyo horey cilmi-baarisyadii la sameeyey. Waxaa lagu soo
gabagabeeyaa wixii caqabado ahaa ee xaddiday natiijada maqaalka. Halkan muhiim ma aha
caqado guud oo la wada yaqaano inaad xusto.
Tixraaca iyo Buug-kaashiga: Waxaa halkan lagu soo bandhigaa qoraallada kala duwan ee
maqaalkaaga aad u kaashatay. Qeybtani waxay iftiimisaa meesha uu maqaalkaaga ka jirto xerada
cilmi baarista.
Sidee Loo Qoraa Sheeko Faneed?
Sheeko faneedku waa qaab casri ah oo dadku u sheekeystaan isuna feker dhaafsadaan. Adigoo
sariitaada jiifka jooga, ama qolkaaga fadhiga shaah ku cabaya baad akhrisan kartaa sheeko
faneedka. Hawd oo ah qoraa Soomaaliyeed ayaa qaba in sheekada hadalka lagu soo gudbiyaa
aanay mar kasta weeleyn waxa uu qofku sheegi lahaa oo dhan. Halka sheekada qorani ay ku
tusmeysan tahay faahfaahin dheeri ah iyo ka baaraan degid. Sheeko faneedku waxaa loo qoraa in
dareenka iyo waayaha nolosha la wadaago, feker la is dhaafsado, iyo qof kasta dunida
khayaalkiisa ku sawiran inuu soo bandhigo. Sheekada wanaagsani waxa ay akhristaha u yeeshaa
fahan sarreeya waxayna gelisaa arxan (empathy).
Sheekaa maskaxdaada ka guuxaysa, ama billowga sheeko. Shaksiyaadka sheekada baa kuu
muuqda iyagoo isla hadlaya, sheekeysanaya ama qoslaya. Sidii filimkii oo kale baad u
daawanaysaa. Adigoo xamaasadaysan baad soo dhaqaaqaysaa. Waxaad u fadhiisanaysaa inaad
qorto. Nasiib darro se, sheekada warqaddaad qortay ka muuqata ma aha tii maankaaga ka
guuxaysay. Farqi aad u weyn baa u dhexeeya sheekada maskaxdaadu sawirtay iyo tan aad adiga
taqaano qoriddeeda. Arrintani adiga keligaa kuguma koobna. Dadka qoraalka ku cusubi oo dhan
waa kula wadaagaan. Si caqabaddaas loo xalliyo, sheekada aad sawiratay iyo tan warqaddaada
ka soo muuqatayna ay isugu dhawaadaan waa inaa barataa farsamada qoridda sheekooyinka.
Dadka qofba sheeko qoriddiisu meel bay ka liidataa. Mid baa sheekada ku fura jil aad u gaabiya.
Shakhsiyaadka iyagoo aan caddeyn bay sheekada iska daba jiitantaa. Dhowr bog kaddibna
qoraagu intuu sheekadii lumiyo baa codkiisii u soo hara oo waa ka istaagtaa. Qofka noocan oo
kale waxaa laga haystaa billowga sheekada.
Mid baa cod xooggan oo kalsooni ku jirto iyo muuqaal soo jiidasho leh ku billaabata.
Shakhsiyaadka sheekada baa si xiiso leh u soo if baxa oo su’aalo ogaal doon ah dhaliya. Dhowr
muuqaal kaddib dhabbihii bay ka habowdaa sheekada. Su’aalihii dhashay baa wareer keena,
jawaabna waa loo heli waayaa. Waxay isu rogtaa wax laga caajiso. Qofka noocan ahna qeybta
dhexe ee sheekada yaa ka hallaysan.
Mid kalena si xiiso leh bay u billaabataa. Muuqaal kasta waxa uu kuu sii dhiibaa mid kaloo ka
xiiso badan. Sheekadii si xiiso leh bay u socotaa. Akhristaha waxa uu harraad u qabtaa inuu
ogaado sida sheekadu u dhammaato. Hase yeeshee maba dhammaato. Iyadoo sheekadu laallan
tahay baa qoraalku dhamaadaa. Waxay sababtaa in akhristuhu niyad jabo. Sheekada noocan ahi
qoraageedu waxaa dhib ka haystaa habka loo gabagabeeyo sheekada.
Qoraaga caanka ah ee Hemmingway waxa uu yiri “Mushkiladda qoraagu isma dooriso. Isaga
wuu is baddalaa, dunida ku heeran way is baddashaa hase ahaatee dhibtiisa sideedii bay u
taagnaataa. Mixnadda qoraaga haysata mar kasta waa in uu si dhab ah wax u qoraa, waxa dhabta
ahna si uu gaarana waa in uu qoraalkiisu u soo bandhigaa qaab ka yeeli karta akhristaha in uu
dareemo sidii ruux sheekada ku dhex jiray oo kale”. Barashada qeybaha sheekooyinka iyo
fahanka habka loo abuuro yaa ah furaha sheeko guulaysata oo aan billowga, dhexda iyo
dhammaadka mid ba aan ku lumin oo akhristaha dareenkiisa qaada, ka fekersiisa, xiiso gelisa
ama ba ka ilmaysiisa.
Sheeko kasta waxa ay akhristuhu ka ballan qaaddaa labo arrimood: in ay wax dareensiiso iyo in
ay ka fekersiiso oo maskaxdiisa su’aalo ku abuurto. Qoraa kasta waa in uu ka war hayaa waxa uu
akhristayaashiisa ka ballan qaadayo. Akhristaha marka uu cinwaanka sheekadaadu arko waxa uu
kaa filayo waa in uu ka arkaa sadarrada hore ee sheekada. Tiirarka ay sheeko kasta ku tiirsan
tahay waa (1) shakhsiyaadka ‘jileyaasha’ (characters) (2) Goobta (Setting) (3)
Dhibta/mushiladda sheekada (conflict).
Jileyaasha: Billowga sheekada waa in uu akhristaha siiyaa qof uu diiradda saaro. Marka
sheekada gaaban la joogo qofkaa waa in uu isla markiiba soo if baxaa oo qeyb muuqata ka
yeeshaa dhacdooyinka. Sheekooyinka dhaadheer waxaa suuragal ah in uu daaho oo shakhsiyaad
kale oo laf-dhabar u ah sheekada ka soo hor maraan. Buugga caanka ah ee la yiraahdo Moby
Dick qoraaga wuxuu ku billaabay sheekadiisa ‘Call me Ishmael’. Waxa uu ku billaabay
shakhsiga ay sheekada ku socon doonto magaciisa. Waxaana ku sii xigay nooca shakhsiyaddiisa,
xilliga iyo goobta uu ku nool yahay. In jileyaasha si faahfaahsan loo sawirro waxay ka qeyb
qaadataa billow fiican oo sheekadu yeelato. Qoraaga waa in uu shakhsiyaadka sheekada si qoto-
dheer u sawiraa. Jilaha waxaa akhrista dareensiin kara magaca, muuqa, hadalka iyo fekradaha ka
guuxaya maankiisa.
Goobta: Halka sheekadu ka dhacayso iyo waxa ku hareereysan jilayaasha waa qeyb kaloo
muhiim ah oo ay sheeko faneeddu ku tiirsan tahay. Hababka ugu fudud ee madasha sheekada loo
qeexo waxaa ka mid ah in sawir laga bixiyo deegaanka ay sheekadu ka dhacayso. Waxaa sidoo
kale muujin kara wada sheekeysi dhex mara jilayaasha sheekada iyo waxa maskaxdooda ka
guuxaya oo la soo bandhigo. Faahfaahin xeeldheer oo deegaanka ama goobta sheekada laga
bixiyaa waxay sheekada ka dhigaysaa mid la taaban karo. Waxay sidoo kale sheekada ka
soocaysaa sheekooyinka kale ee laga yaabo in ay isku dhaw yihiin cinwaan ahaan ama isku eg
yihiin.
Dhibta/Mushkiladda: Dhibta sheekadu waa caqabadaha haysta shakhsiga sheekada ay ku socoto.
Dhibta waxay noqon kartaa loollan u dhexeeya shakhsiyaadka sheekada, shakhsiga sheekada ku
socoto iyo deegaankiisa, ama shakhsiga iyo naftiisa. Mararka qaarkood waxaa laga yaabaa in aan
dhibtu si cad u muuqan oo jilaha wax maankiisa ka guuxaya ay tahay. Dulucda sheekada yaa
marar badan noqon karta dhinta sheekada. Dhibta sheekadu waa filashada jilaha ama jileyaasha
sheekada iyo xaaladda taagan farqiga u dhexeeya. Waa in akhristuhu saansaanta mushkiladdu ka
dareemi karaa qeybaha hore ee qoraalka sheekada.
Guud ahaan sheekada wanaagsani waxaa astaamo u ah si fiican u adeegsiga ereyada. Qoraaga
fiicani erey kasta meesha uu ku habboon yahay ayuu u adeegsadaa. Ereyada culculus
adeegsigooda inta loo baahan yahay, kama badiyo, goobtii loogu talo galay meel aan ahayna uma
adeegsado. Waxaa sidoo kale sheekada fiican lagu gartaa habka qoraageedu ereyada u
dhaqaalaysto. Erey dhaqaalaysashada waxaan ula jeednaa weer kasta inta erey ee kaafin karta si
loo fahmo in lagu ekeysto. Qoraalku mid qurxoon ha muuqdo dartii ma habboona in ereyo badan
oo isku macno ah iyadoon baahi keenin in hal jumlad lagu wada ciriiriyo.
Waxaa muhiim ah qoraalka sheekada inuu ku dhisan yahay jumlado xooggan. Tani waxay keliya
ku suurto geli kartaa adeegsiga qumman ee qeybaha hadalka. Marna qoraaga sheekada uma
wanaagsana isticmaalka xad dhaafka ah ee sifooyinka iyo falkaabyada hal jumo gudaheed. Si
habak qoraalka sheekada u qurux badnaado qoraaga waa in uu kala duwaa noocyada jumlada oo
mar jumlo dheer, marna mid gaaban adeegsadaa.
Gebagabadii, hababka ugu wanaagsan oo akhriska lagu hormariyo waa doonid adag iyo akhris
badan. Sidoo kale qoraalka iyo xirfadihiisa waxaa lagu kobcin karaa wax badan oo la qoro, lana
akhriyo. Labadaba waxaa saldhig u ah barasho. Soomaali waxay ku maahmaahdaa fuullimaad
waa fara ku heyn. In nafta lagu leyliyo sida wax loo akhriyo loona qoro waa arrin aad muhiim u
ah.

You might also like