Download as pdf or txt
Download as pdf or txt
You are on page 1of 24

Buug lagu eegayo

Hab-dhaqannada Ugu Wanaagsan ee


Caafimaadka Maskaxda ee Soomaaliya
© World Health Organization/GRT, 2012
Qaabeynta iyo layout-ka: Blossom Communications Italy - blossoming.it
Sawirka galka kore © GRT/Julie Taylor – Bukaanno caafimaadka Maskaxda oo ka beerwaleynaya Hargeysa
Buug lagu eegayo
Hab-dhaqannada Ugu Wanaagsan ee
Caafimaadka Maskaxda ee Soomaaliya
Mahadnaq

Buuggan lagu eegayo Hab-dhaqannada ugu Wanaagsan ee Caafimaadka Maskaxda


ee Soomaaliya waxaa looga jawaabayaa hawshii ballaarneyd ee la qabtey muddadii u
dhaxaysey 2011-2013 ee wax looga qabanayey baahida sii kordheysa ee loo qabo
gargaar bani’aadamnimo oo ay helaan bukaannada Cudurrada Maskaxda. Hawshan
suuragal ma ahaateen haddii aan la heli lahayn dadaalkii iyo wax ku biirintii dadkaan
soo socda: Julie Currie (Maareeyaha Mashruuca GRT, Hargeysa), Cabdirashiid
Ismaaciil (Maareeyaha Degaanka ee Mashruuca GRT, Hargeysa), Maryan Xasan Dyre
(Madaxa Kaalkaaliyeyaasha Caafimaadka iyo Maareeyaha, Waadhka Caafimaadka
Maskaxda ee Cusbitaalka Hargeysa Group Hospital), Cabdirasaaq Barako (Dhakhtar,
Waadhka Caafimaadka Maskaxda ee Cusbitaalka Hargeisa Group Hospital iyo
Xarumo Caafimaad oo gaar loo leeyahay), Cabdi Gurey (WHO Somalia, Xafiiska
Hargeysa), Farxaan Aadan (Guddoomiyaha GAVO), Axmed-Ciid M. Cali (Cusbitaalka
gaarka loo leeyahay ee Maroodi-Jeex, Hargeysa), Maxamed Muumin Habane (Xarunta
Daryeel Psychosocial Centre, Hargeysa), Cabdiraxmaan Axmed (Xarunta Habwanaag
Psychosocial Centre, Hargeysa), iyo Axmed Al Jabril (Qareen Xuquuqaha Aadanaha,
Hargeysa).

Mahad gaar ah waxaa leh Michelle Funk iyo Natalie Drew (Xarunta Dhexe ee WHO,
Jineefa) oo noo oggolaadey in aan isticmaalno buugga the WHO Quality Rights Toolkit,
oo hagayey sameynta buuggan. Waxaa loo mahadcelinayaa Dr Ridhwaan Humayun iyo
Dr Maxamed M Fuje (WHO Somalia, Nayroobi) oo dib-u-eegistii ugu dambeysey ku
sameeyey buugga.

Ugu dambeyn waxaa si gaar ah loogu mahadcelinayaa Pieter Desloovere


(Communications officer, WHO Somalia, Nairobi) oo kaalin weyn ka qaatey tifaftiridda
iyo nashrinta/daabacidda buuggan.

Daabacaaddan waxaa suurageliyey taageero maaliyadeed oo laga heley Guddiga Reer


Yurub.
Tusmo

Ku saabsan buuggan 6

1. Hordhac 8

2. Caafimaadka Maskaxda iyo Soomaalida 10

Liisto-hubineed ku aaddan hab-dhaqannada


ugu wanaagsan ee caafimaadka Maskaxda
ee Soomaaliya 14
Ku saabsan buuggan

Hadafka laga leeyahay


Buuggan waa buuggii WHO Quality Rigths Tool Kit oo la waafajiyey xaaladda
Soomaalida. Waxaa uu ku taamayaa in uu kuwa siyaasadaha dejiya iyo kuwa adeegyada
bixiya ee Soomaaliya ka caawiyo daraaseynta iyo sii wanaajinta tayada daryeelka iyo
xaaladaha xuquuqaha aadanaha ee xarumaha caafimaadka maskaxda iyo daryeelka
bulshada. Waxaa uu ka hadlayaa daryeel tayo leh iyo xuquuqaha aadanaha ee xarumaha
bukaan-jiifka, bukaan-socodka iyo kuwa bulshada isaga oo adeegsanaya hab laga
wada-qaybqaato oo ay ku lug yeelanayaan dadka qaba xannuunada caafimaadka
maskaxda, qoysaskooda iyo shaqaalaha daryeelka caafimaadka. Dhammaan
kuwani waxaa ay waafaqsan yihiin Heshiiska Qaramada Midoobey ee Xuquuqaha
Shakhsiyaadka Naafaqada ah/the United Nations Convention on the Rights of Persons
with Disabilities (UN-CRPD, 2006), kaas oo hubinaya in xuquuqo la mid ah kuwa dadka
kale ay yeeshaan dadka naafaqda ah, oo ahna qaab ay dalalku ku siiyaan macluumaad
ku saabsan jaangooyooyin xuquuqda aadanaha ee ay tahay in la ixtiraamo, la dhowro oo
lagana dhex fuliyo xarumaha caafimaadka maskaxda iyo kuwa daryeelka bulshada.

Ujeeddooyin
Iyada oo looga dan leeyahay wanaajinta xaaladda caafimaadka maskaxda ee Soomaaliya,
ayaa ujeeddooyinka buuggan ay yihiin kuwan soo socda:

• Sii wanaajinta tayada adeegyada iyo xaaladaha xuquuqaha aadanaha ee xarumaha


bukaan-jiifka iyo kuwa bukaan-socodka ee caafimaadka maskaxda ee Soomaaliya
ku yaalla.
• Dhisidda kartida loo adeegayaasha, qoysaskooda iyo shaqaalaha caafimaadka ee
Soomaalida ah si ay u fahmaan oo ay u dhiirrigeliyaan xuquuqaha aadanaha iyo ka
soo kabashada naafanimada dhinaca maskaxda.
• In la dhiso dhaqdhaqaaq bulsho rayid ah oo ka kooban dadka qaba naafanimo
maskaxeed si ay isu taageeraan, ay galaangal ugu sameeyaan ayna saameyn ugu
yeeshaan geeddi-socodyo siyaasad-dejin waafaqsan jaangooyooyinka caalamiga
ah ee xuquuqaha aadanaha.

6
• In ay sii amba-qaadaan dib-u-habeynta siyaasadaha qaran ee Soomaalida iyo
sharci-dejin waafaqsan hab-dhaqannada ugu wanaagsan iyo jaangooyooyinka
caalamiga ah ee xuquuqaha aadanaha.

Qaabka uu u habeysan yahay buugga


Cutubka 1aad waxaa uu bixinayaa macluumaad raad-raac ah iyo dulmar guud oo
kooban oo ku saabsan Soomaaliya. Cutubka 2aad waxaa uu tilmaamayaa xaaladda
caafimaadka maskaxda ee Soomaaliya, oo ay ka mid tahay sida Soomaalidu dhaqan
ahaan ula tacaamusho bukaannada caafimaadka maskaxda iyo sidoo kale waxqabadyo
kala duwan oo ilaa hadda la qabtey kuwaas oo lagu wanaajinayo caafimaadka maskaxda
ee dalka. Cutubka 3aad waxaa uu si qodobbeysan u faahfaahinayaa liisto-hubineed
loo sameeyey si loo hubiyo in xarun kasta oo caafimaad oo adeegyada caafimaadka
maskaxda ku bixisa Soomaaliya ay xaqiijiso jaangooyooyinka iyo xuquuqaha aadanaha ee
uu dhigayo Heshiiska Qaramada Midoobey ee Xuquuqaha Shakhsiyaadka Naafada ah/
the UN Convention on the Rights of Persons with Disabilities.

7
1. Hordhac

Bossaso

Berbera

Puntland

Somaliland

Ethiopia

Garoowe

South Central
Beledweyne
Mogadishu
Galcaio
K e n ya

Merca Hargeysa

Kismaayo

Baidoa

8
1.1. Raad-raac iyo dulmar guud oo ku saabsan dalka
Tan iyo 1991, colaado iyo qaran-jab ayaa si weyn u saameeyey nidaamka daryeelka
caafimaadka ee Soomaaliya. Ka dib burburkii dowladdii dhexe iyo dagaalka sokeeye
ee uu dalku galey, ayaa lagu guuleysan waayey dadaallo badan oo lagu doonayey in
dib loogu soo celiyo dowlad dhexe. Xoogag awood leh oo ka jirey gudaha dalka iyo
diinaamiyaad goboleed ayaa sababey in dalku uu jahawareer galo. Saameyntii ka
dhalatey dowlad la’aanta waxaa ay sababtey in jiilal dhan aaney helin adeegyo bulsho iyo
in ay dumaan hay’adihii caafimaadka iyo waxtarka bulshada.

Dalka Soomaaliya waxaa uu dhul ahaan iyo siyaasad ahaanba u qaybsan yahay saddex
qaybood oo kala ah Koonfurta iyo Bartamaha Soomaailya, Somailland (waqooyi-
galbeed) iyo Puntland (waqooyi-bari). Qaybahan waxaa ay u sii kala qaybsamaan 18
gobol. Sida ay sheegayaan qiyaasaha, saddex-meeloodow meel dadku waxaa ay ku
nool yihiin degaamo magaalooyin ah halka saddex-meelood laba meel ay ku nool yihiin
degaanno miyi ah.

Dalku waxaa uu xudduud la leeyahay Kenya dhanka koonfureed, Itoobiya dhanka


galbeed, Jabuuti dhinaca waqooyi, waxaana dhinaca bari uu kaga beegan yahay
Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya. Xuduudiheeda badan iyo xeebteeda dheer,
oo ay ku yaallaan dekado badan, ayaa macnaheedu yahay in Soomaaliya ay muddo
dheer ahayd xarun ganacsi oo muhiim u ah soo-dejinta iyo dhoofinta badeecooyinka,
oo ay ka mid tahay kootarabaanka xuduudaha laga gudbiyo. Xeer u dejinta iyo gacan
ku qabashada isu-socodka badeecooyinka ayaa weligeed ahayd mid aad u adag, gaar
ahaan waqtigaan oo aannu jirin maamul shaqeeya.

Dadka Soomaaliyeed dhaqan ahaan waa reer-guuraa waxaana xataa maanta qayb
badan oo ka mid ahi ay aasaasi ahaan yihiin reer-guuraa. Xoolo-dhaqatadu waxaa ay
aasaasiyan ku nool yihiin noloshaan reer-guuraanimada, iyaga oo xoolahooda mar walba
geeya dhul daaqsimeed cusub. Dadka reer-miyiga ah waa laba nooc, taas oo qayb
ahaan ku saleysan maciishaddooda, xoolo-raacato, beeralley-xoolo-raacato ah iyo dadka
webi-ku-noosha ah (oo deggan dhul beereed badanaana dalagyo beerta). Intaa waxaa
dheer, ilaa saddex-meeloodow meel dadka waxaa ay deggan yihiin magaalooyin oo tiro
badanna waa dad gudaha ku barokacay, kuwaas oo ah dhibbanayaal colaado badan oo
dalka ka dhacay.

9
2. Xaaladda Caafimaadka Maskaxada
ee Soomaaliya

Ceebsashada,
Qoyska &
Bulshada

LOO Qofka oo
Dhibaato ADEEGAYAASHA waaya dakhli,
xannuun badan hoy, sharafta qof
oo soo martey CAAFIMAADKA ahaaneed iyo
MASKAXDA rajada

Isticmaal
Maan-dooriye

10
2.1. Guud-mar
Ereyga ‘Xannuun Maskaxeed’ ayaa loo adeegsadaa in lagu tilmaamo qayb ballaaran oo
naafanimo ah, sida isku-buuqidda (murugada/major depression, iyo urugada/dysthymia)
iyo noocyada kala duwan ee walaaca (sida walaaca guud/generalized anxiety disorders,
iyo walaaca ka dhasha dhibaato qofka soo gaartey/ post-traumatic stress disorder).
Tilmaanta ka wada dhexeysa dhammaantood waa in dareenka qofku aannu sugneyn/
jahawareersan yahay, oo badanaa ay weheliso garaadka qofka oo wareer ku yimaado
sida welwel aad u badan, si khaldan u fekerid iyo calaamado xannuun aan la garaneynin
(oo badanaa loola tago xarumaha daryeelka caafimaadka asaasiga ah).

Xanuunka maskaxda caadi ahaan Soomaalidu waa ay diidaan waana ay takooraan.


Intaa waxa dheer ka fekeridda in cusbitaal qof loo seexiyo cudurrada maskaxdu ayaa
aad ceeb ugu ah dhaqanka Soomaalida. Caadi ahaan ilaa qofku uu xanuunsado ama,
tusaale ahaan, uu waasho (Psychosis) ama uu gabo daryeelidda naftiisa ma dhacdo
in loo geeyo Dhakhtar caafimaadka maskaxda ama laga fekero in in la siiyo Daryeelka
Caafimaadka Nolosha (Biomedical Health Care).

Sida dhaqanka Soomaalidu yahay, waxaa ay u badan tahay in qofku uu ka cawdo xanuun
jireed halkii marka uu isku arko calaamado xanuun maskaxeed uu dhakhtar ula imaan lahaa,

11
Loo adeegayaasha Caafimaadka Maskaxda oo qaadanaya casharro waxbarasho sidaana ku soo nooleynaya fikirkooda
(© GRT/Julie Taylor)
sida marka uu qofku isku arko calool-xumo iyo murugo. Calaamadahan nafsaaniga ah waxaa
badanaa lagu gartaa cabashooyin jir ahaaneed sida madax-xannuun, xabad-xannuun, dhidid,
halmaan badan oo ay weheliso hurdo-la’aan iyo qarow.

Fikrado/ereyo cusub sida “caafimaadka maskaxda” iyo “daaweynta” ayaa si ahaan ku


cusub dadka Soomaaliyeed. Ereyga ‘depression’ kuma jiro Af-soomaliga erey u dhigma
oo lagu turjumo, waxaase loo qaataa ereyga ‘qalbi-jab’ oo uu macnihiisa yahay marka si
toos ah loogu tarjumo Af-Ingiriisi – ‘a broken heart.’ Marka ay ka munaaqashoonayaan
cudurrada maskaxda, kuwa bixiya adeegyada caafimaadka maskaxda ee Soomaalida
ah waxaa ay badanaa tilmaamaan calaamadaha nafsaaniga ah ee lagu arkey qofka
halkii ay ka hadli lahaayeen xannuunka laga heley, sida ‘depression’ (GRT Rapid
Assessment 2012).

2.2. Hawlaha waxqabad


Maaddaama muddo dheer la dayacay arrimaha caafimaadka maskaxda ee Soomaaliya,
ma jiraan la-hawlgalayaal badan oo ka shaqeeya arrintan. Laga soo bilaabo sanadkii
1996, NGO-ga magaciisu yahay Gruppo per le Relazione Transculturali (GRT) ayaa
ka shaqeynayey caafimaadka maskaxda, isaga oo ku bilaabey cusbitaal Caafimaadka
Maskaxda ah ee Berbera. Waxaana ay hawshooda ku sii ballaariyeen cusbitaalka Guud
ee Boosaaso sanadkii 2003dii halkaas oo waadh 10 sariirood qaadda laga dhisey.
Dhisidda ka dib, khubarro kala duwan ayaa la shaqeeyey shaqaalaha si loo abuuro oo
korna loogu qaado adeegyo tayo leh oo la siiyo qaar badan oo ka mid ah bukaannada
caafimaadka maskaxda. Sanadihii 2005tii iyo 2009kii, Ururka Caafimaadka Adduunka
(WHO) ayaa qabanqaabiyey tababarro gaar ah oo min saddex bilood soconayey oo ku
saabsanaa caafimaadka maskaxda oo la siiyey dadka ka shaqeeya caafimaadka maskaxda
oo isaga kala yimid dhammaan gobollada Soomaaliya. Guud ahaan aqoonta, xirfadaha
iyo fahamka ay ka qabaan cudurrada maskaxda waa ay liiteen in kasta oo badidoodu
ay muddo badan ku hawlanaayeen arrimaha caafimaadka maskaxda. Sanadkii 2011,
kooros bilow ah oo lala kaashadey GRT ayaa 48 shaqaalaha caafimaadka maskaxda
ah lagu siiyey Hargeysa iyo Garoowe. Waxqabadyadan ma ay kordhin oo keliya
xirfadaha farsamo iyo maareyn ee shaqaalaha caafimaadka, ee waxaa ay sidoo kale kor
u qaadeen naxariista ay u hayaan dadka xannuunka maskaxdu hayo iyo xirfadaha ay kula
shaqeynayaan qoysaska. Arrintan waxaa ay ka-qaybgalayaasha tababarku ku tirtirsiisey
geeddi-socodka lagamamaarmaanka ah ee diyaarinta daryeel caafimaadka maskaxda
oo bulshadu sal u tahay oo isla waqtigaanna noqonaya daryeel sare oo caafimaadka
dhimmirka ah. Isla sanadkaa, iyada oo taageero laga heley GTD iyo Guddiga Reer Yurub,
ayaa waadhka caafimaadka maskaxda ee Cusbitaalka Hargeisa Group Hospital iyo
waadhka caafimaadka maskaxda ee Boosaaso dayactir lagu sameeyey.

WHO waxaa ay dadaal hor leh u gashey sii wanaajinta adeegyada caafimaadka maskaxda
ee Soomaaliya iyada oo loo marayo in dadweynaha la baro caafimaadka maskaxda iyo
wacyigelin ku aaddan xuquuqaha dadka maskaxda ka jirran iyada oo u mareysa dadaalka
loogu magacdarey Chain-free initiative (Dadaalka dad aan silsilad ku xirneyn), oo markii

12
hore laga bilaabey Muqdisho, markii dambena lagu ballaariyey Somaliland. Hadafka
guud ee laga lahaa waxaa uu ahaa in la sameeyo, la hirgeliyo lana qiimeeyo adeegyo
caafimaadka maskaxda oo tayo leh. Dadaalku waxaa uu diiradda saarey sii wanaajinta
tayada nolosha bukaannada qaba xannuunada maskaxda iyada oo lala dagaallamayo
ceebeynta, fursado kuwa dadka kale la mid ah loo siinayo in daaweynta aasaasiga ah ee
bani’aadamnimada ay ku helaan cusbitaallada, guryaha iyo deegaanka ay ku nool yihiin.
Iyada oo gacan laga heley GRT, ayaa ololayaal wacyigelineed oo kala duwan la qabtey
kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah kuwa hela adeegyada iyo qoysaska lagu taageerey
oo la barey sida si wanaagsan ay ugu daryeeli lahaayeen xubnaha qoysaskooda ka mid
ah ee qaba xannuunada caafimaadka maskaxda. Dadaalka WHO ee chair-free initiative
waxaa uu lahaa saddexdaan weji ee soo socda:

• Wejiga 1aad – Cusbitaallo aan silsilado lahayn/Chain-free hospitals: in laga


furo silsiladaha, in laga dhigo cusbitaallada kuwo u roon bukaannada oo goob
aadanenimada u habboon oo xakameynta ugu yar leh.
• Wejiga 2aad – Guryo aan silsilado lahayn/Chain-free homes: in laga furo silsiladaha, in
qoyska la siiyo waxbarashada nafsaaniga/psycho-education, in xubnaha qoyska lagu
tababaro hab u habboon soo-caafimaadidda oo xaqiiqada jirta ku xisaabtameysa, in
lagu booqdo guryaha.
• Wejiga 3aad – Deegaan aan silsilado lahayn/Chain-free environment: in laga furo

Ku raaxaysashada soo-nooleynta xubnaha jirka waxaa ay kor u qaaddaa dareenka guul ka 13


gaaris
(© GRT/Julie Taylor)
“silsiladaha aan muuqan” ee ah ceebeynta iyo xakameynta xuquuqaha aadanaha ee
shakhsiyaadka qaba xannuunada maskaxda, xuquuqda ah in dhammaan fursadaha ay
si guud u wada helaan shakhsiyaadka qaba xannuunada maskaxda.

In si wanaagsan loo fahmo xaaladda caafimaadka maskaxda ee dalka iyo in


caafimaadka maskaxda – oo ah mid aad loo dayacay Soomaaliya – looga mid dhigo
ajandaha caafimaadka, xafiiska dalka ee WHO waxaa uu sanadkii 2010kii soo saarey
lafaguris lagu sameeyey xaaladda caafimaadka maskaxda. Qoraalkan ayaa muujiyey
in mid ka mid ah saddexdii qof ee Soomaali ahiba uu mid si un u saameeyey xannuun
maskaxeed, waxaana ay tiradani ka sarreysaa midda dalalka kale ee dakhligoodu yar
yahay oo dagaalladu halakeeyeen.

Ka dib markii ay koreydhey hadal-haynta saxaafadda ee arrimaha caafimaadka maskaxda


ee Soomaaliya, ayaa maaliyad cusub sanadkii 2011 laga heley Sanduuqa Wadajirka
ee Hawlaha Bani’aadamnimada/the Common Humanitarian Fund si uu u taageero
shan xarumaha caafimaadka maskaxda oo uu u siiyo sahay daawooyin, xarumahaas
oo ay ka mid yihiin kuwa Marka, Muqdisho, Jalalaqsi, Gaalkacyo iyo Jowhar. Ka dib
markii wadahadallo lagu guuleystey lala galey ayaa deeq-bixiyeyaal kale ku yabooheen
qaaraan lagu soo iibiyo daawooyinka kale oo kuwa caafimaadka maskaxda ah.

Min 30kii Luuliyo ilaa 4tii Agoosto 2012, ayaa Xafiiska WHO ee Dalka Soomaaliya,
oo kaashanaya Xafiis-Goboleedka WHO, Xafiiska WHO ee Dalka Itoobiya iyo
Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya waxaa aqoon-is-weydaarsi tababarka
tababarayaasha ah oo ku saabsan barnaamij wax ka qabasho waxyaabaha ka dhimman
caafimaadka maskaxda/the mental health gap action programme (mhGAP) oo hagaya
waxqabadka ku qabteen Addis Ababa, Itoobiya. Wadar ahaan 18 xirfadlayaasha
caafimaadka maskaxda (dhakhaatiir, kaalkaaliyeyaal caafimaadka maskaxda, saraakiisha
caafimaadka maskaxda), aqoon-yahannada dugsiyada caafimaadka / kaalkaaliye-
yaasha caafimaadka, iyo sidoo kale saraakiisha caafimaadka guud iyo kormeerayaasha
daryeelka caafimaadka aasaasiga ah ayaa ka qaybgaley tababarka. Daraaseyntii ka
hor iyo ka dib tababarka, iyo sidoo kale jawaab-celin qaabeysan oo cashar kasta
laga bixiyey ayaa tilmaamey in si mug leh ay u korodhey aqoonta iyo xirfadaha ka-
qaybgalayaashu u leeyihiin in ay tababarro u qabtaan dadka aan khubarrada ahayn ee
ku kala dhaqan gobolladooda inta uu socdo wejiga labaad ee mhGAP ee laga fulinayo
Soomaaliya. Tababarkan waxaa la qabanqaabiyey ka dib markii aqoon-is-weydaarsi
hore lagu qabtey Nayroobi bishii Abril 2012 kaas oo ay ka soo qaybgaleen xirfadlayaal
sarsare oo ka kala socdey Wasaaradda Caafimaadka, macaahidda waxbarashada
iyo goobaha adeegga caafimaadka lagu bixiyo si ay agabka tababarka ee mmGAP
iyo hagaha waxqabadka ay u waafajiyaan xaaladda Soomaaliya. WHO ayaa mhGAP
bilowdey sanadkii 2008dii si adeegyada la bixiyo ay u gaarsiiso heerka kuwa loo
baahan yahay. Hagaha waxqabadka ee mhGAP waxaa la sameeyey sanadkii 2010kii
si baaritaan xaqiiqo ku dhisan iyo qorshayaal daaweyn uu ugu sameeyo tiro kooban oo
xaalado caafimaadka maskaxda ah oo mudnaan la siiyey.

14
Liisto hubineedda
hab-dhaqannada ugu wanaagsan
ee caafimaadka maskaxda ee
Soomaaliya

Buuggan waa buuggii Quality Rigths Toolkit oo la waafajiyey xaaladda Soomaaliya,


waxaana uu higsanayaa in uu wanaajiyo tayada iyo xaaladaha xuquuqaha aadanaha
ee xarumaha caafimaadka maskaxda iyo daryeelka bulshada iyo in ururrada bulshada
rayidka ah uu awood u siiyo in ay u qareemeeyaan xuquuqaha dadka qaba naafanimo
dhinaca maskaxda iyo mid nafsaani-bulsho ah.

Daryeelka laga helo xarumaha caafimaadka maskaxda ee Soomaaliya ma ahan oo keliya


mid tayo ahaan liita ee waa mid marar badan is-hortaaga soo bogsashada. Tababarka
shaqaaluhu waa mid aad u kooban waana mid laga soo gudbey, oo heerka aqooneed
iyo faham ee xuquuqaha aadanaha ee dadka qaba naafanimo maskaxeed waa mid aad
u liita. Waa iska caadi in dadka lagu xiro qol yar, sida xabsi oo kale ah oo aaney dad
ugu imaan, ama silsilad lagula xiro sariirtooda, oo halkooda aaney ka dhaqaaqi karin.
Waxaa badan hab-dhaqannno bani’aadamnimo ka-bax iyo sharaftir ah, waxaana inta
badan dadka ku jira xarumaha laga qaadaa karaamadooda waxaana lagula dhaqmaa
quursi. Xadgudubyada kuma koobna goobaha bukaan-jiifka iyo xarumaha lagu hayo oo
keliya. Dad badan oo daryeel u soo doonta bukaan-socod-eegtooyinka iyo adeegyada
daryeelka bulshada ayaa awoodda laga qaadaa waxaana ay sidoo kale aad loo
xaddidaa xuquuqahooda aasaasiga ah ee aadanenimada.

Maaddaama Buuggu/TheToolkit uu adeegsado UN-CRPD, waxaa hoos lagu taxay tiro


mowduucyo ah oo muujinaya Xuquuqaha Aadanaha ee looga baahan yahay Xarumaha
Caafimaadka Maskaxda iyo dhammaan waxyaabaha loo baahan yahay in wax laga qabto.

Buuggan waxaa uu adeeg-bixiyeyaasha iyo siyaasad-dejiyeyaasha ka caawinayaa in


ay si habboon u bixiyaan Daryeel Caafimaadka Maskaxda oo waafaqsan UN-CRPD.
Heshiisku UN-CRPD waxaa uu ku taamayaa hubinta in xuquuqo la mid ah kuwa dadka
kale ay helaan dadka naafada ah. Arrintan waxaa lagu gaarayaa iyada oo si faahfaahsan
loo sharxo xuquuqaha shakhsiyaadka naafada ah iyo in loo dejiyo xeer lagu hirgeliyo.
Siddeed mabda’ iyo qodob ayaa sal u ah Heshiiska. Waxaana ka mid ah:

• Ixtiraamidda karaamada asalka ah ee qofka, madax-bannaanida hoose ee qofka


oo ay ka mid tahay in qofku uu wax kala dooran karo, iyo madax-bannaanida
shakhsiga
• Takoor la’aan

15
• Ka-qaybgal buuxa oo waxtar leh iyo ka mid ahaanshaha bulshada
• Ixtiraamidda kala duwanaanshaha dadka iyo oggolaanshaha shakhsiyaadka
naafada ah taas oo qayb ka ah kaladuwanaanshaha dadka iy aadanenimada
• Fursado loo siman yahay
• Gaaritaan
• Sinnaanta ragga iyo dumarka
• Ixtiraamidda kartida markaa kobcaysa ee carruurta naafada ah iyo ixtiraamidda
xuquuqda ay carruurta naafada ah u leeyihiin in ay ilaashadaan qofka ay yihiin

Iyada oo sal looga dhigayo mabaa’diida wax hagaya iyo qodobbada Heshiiska,
ayaa la sameeyey liisto-hubineed si loo hubiyo in xarun caafimaad oo kasta oo
bixineysa adeegyada caafimaadka maskaxda ay uga soo baxdo jaangooyooyinka iyo
xuquuqaha aadanaha ee mowduuc kasta (eeg xagga hoose).

16
Mowduuca 1aad: Xaqa heer nololeed oo ku filan
(Qodobka 28aad ee CRPD)

Jaangooyada 1.1 Dhismuhu waa mid xaaladdiisu ay wanaagsan


tahay
Tusaale: Dhismaha hawo wanaagsan ayuu leeyahay, daaqaduhu waa
ay wanaagsan yihiin, xaaladda guud ee dhismuhu waa ay wanaagsan
tahay, rinjiga derbiyadu waa uu wanaagsan yahay

Waa la Lama
xaqiijiyey xaqiijin

Jaangooyada 1.2 Xaaladaha meesha ay seexdaan loo adeegayaashu


waa mid lagu qanci karo ilaa xadna waa ay kala asturan yihiin
Tusaale: Ma yaallaan sariiro ku filan dhammaan xarunta dadka ku jira?
Haddii qol la wadaagayo, qolku waasac ma yahay oo ma ugu filan
yahay in ay dharkooda beddeshaan?
Albaabka hoos ma laga soo xiran karaa?
Waa la Lama
xaqiijiyey xaqiijin

Jaangooyada 1.3 Xaruntu waxaa ay leedahay heerarkii nadaafadeed iyo fayodhowr ee looga baahnaa
Tusaale: Qubeyska iyo musqulaha nadiif ma yihiin si habboonna ma u shaqeeyaan?
Qubeys iyo musqulo kala gaar ah ma leeyihiin ragga iyo haweenka?
Waa la Lama
xaqiijiyey xaqiijin

Jaangooyada 1.4 Loo adeegayaashu waa la siyaa cunto, biyo ammaan ah oo la cabbo iyo dhar ku filan
oo noocyada ay doonayaan ah.
Tusaale ahaan: Xaruntaadu kuwa ay u adeegso maalintii saddex jeer ma siisaa cunto nafaqo leh oo ay cunaan
iyo biyo la cabbo oo ammaan ah?
Xaruntaadu wax dhar ah ma siisaa dadka ay u adeegto?
Waa la Lama
xaqiijiyey xaqiijin

Jaangooyada 1.5 Loo adeegayaashu waxaa ay awood u leeyihiin in ay si xor ah dadka ula hadlaan/
xiriiraan waana la ixtiraamaa xuquuqda ay u leeyihiin asturnaantooda
Tusaale: Ma jiraa teleefoon loo adeegayaashu kula xiriiri karaan reerkooda?
Ma jiraa qol gaar ah oo qofka loo adeego uu si asturan ugula hadli karo qoyskiisa
iyo/ama shaqaalaha?
Waa la Lama
xaqiijiyey xaqiijin

Jaangooyada 1.6 Xaruntu waxaa ay leedahay deegaan dadka soo dhoweeya, ay ku degaan oo
firfircooni geliya oo u habboon in si firfircoon oo u habboon ka-qaybal iyo tacaamul firfircoon
Tusaale: Ma jiraan tusaale ahaan kuraasi xaaladdoodu wanaagsan tahay?
Ma jiraa qol madaddaalo?
Waa la Lama
xaqiijiyey xaqiijin

Jaangooyada 1.7 Loo adeegayaasha oo awooda in ay helaan nolol bulsho iyo mid shakhsi oo
wanaagsan ayna ka qaybgalaan nolosha iyo hawlaha bulshada.
Tusaale: Kuwa loo adeego ma loo oggol yahay in ay ka-qaybgalaan aroosyada, aaska iyo salaadaha masaajidka?
Qofka loo adeego ma loo oggol yahay in uu qoyskiisa booqdo toddobaadkii hal mar?
Waa la Lama
xaqiijiyey xaqiijin

Funk, M. & Drew, N. (2011) ’WHO QUALITY RIGHTS TOOL KIT’ to assess and improve quality and Human Rights in Mental
Health and Social Care Facilities’, Geneva

17
Mowduuca 2aad: Xuquuqda loo leeyahay in la helo heerka ugu
sarreeya ee caafimaadka jireed iyo kan maskaxeed
(Qodobka 25aad ee CRPD)

Jaangooyada 2.1 Xarumaha waxaa ay u furan yihiin qof kasta oo u baahan daaweyn iyo taageero
Tusaale: Ma qaabishaa dhammaan loo-adeegayaasha u baahan daryeel weyn?
Si iskumid ah oo takoor la’aan ah ma u daryeeshaa dhammaan loo adeegayaasha?
Waa la Lama
xaqiijiyey xaqiijin

Jaangooyada 2.2 Shaqaaluhu xirfad bey u leeyihiin hawshooda waxaana ay awoodaan in ay bixiyaan
adeegyo caafimaadka maskaxda oo tayo leh
Tusaale: Shaqaalahaagu ma ogyihiin xuquuqaha aadanaha ee loo adeegayaasha?
Shaqaalahaaga ma tababaran yihiin oo mihnad ahaan awood ma u leeyihiin la
tacaamulka loo adeegayaasha caafimaadka maskaxda?
Waa la Lama
xaqiijiyey xaqiijin

Jaangooyada 2.3 Daaweynta, dhaqan-celinta iyo xiriirrada lagu taageerayo shabakadaha iyo adeegyada kale
waxaa ay qayb ka yihiin qorshe daaweyn oo uu xuddun u yahay loo adeegaha, kana qaybqaadanaya adeeg ku
aaddan sidii loo adeegaha uu awood ugu yeelan lahaa in uu bulshada si madax bannaan ugu dhex noolaado
Tusaale: Loo adeegaha ma laga qaybgeliyaa qorshaha daaweynta ee shakhsiga ah?
Loo adeegayaashu ma haystaan barnaamijyo nafsaani-bulsho iyo dhaqancelin?
Waa la Lama
xaqiijiyey xaqiijin

Jaangooyada 2.4 Daawooyinka phychotropic ee maskaxda dejiyo waa la helaa, waa kuwo la goyn karo,
oo si habboonna waa looga faa’iideystaa.
Tusaale: Ma haysaa dawooyin ku habboon naafanimada loo adeegaha?
Adeeggaagu ma yahay lacag la’aan?
Waa la Lama
xaqiijiyey xaqiijin

Jaangooyada 2.5 Adeegyo dad ugu filaan caafimaadka guud iyo kan taranka
Tusaale: Ma u gudbisaa loo adeegayaasha xirfadlayaal kale?
Ma la xiriirtaa waaxaha kale adiga oo ka wakiil ah loo adeegahaaga?
Waa la Lama
xaqiijiyey xaqiijin

Ka-qaybgalka ciyaarta kubadda cagtu waxaa ay wanaajisaa xirfadaha isuduwidda iyo dareemayaasha
(© WHO/Pieter Desloovere)

Funk, M. & Drew, N. (2011) ’WHO QUALITY RIGHTS TOOL KIT’ to assess and improve quality and Human Rights in Mental
Health and Social Care Facilities’, Geneva.

18
Mowduuca 3aad: Xuquuqda in uu lahaado awood shakhsiyad
sharciyeed iyo xornimo shakhsiyeed iyo xuquuqda ammaanka
qofka (Qodobbada 12aad iyo 14aad ee CRPD)

Jaangooyada 3.1 Nolol madax-bannaan oo bulshada dhexdeeda uu ku helo ayaa mar walba mudnaan la
siiyaa marka la gaarayo go’aamo ku saabsan cusbitaal-dhigid iyo hababka daaweynta
Tusaale: Shaqaalahaagu ma dhiirrigeliyaan mana taageeraan shabakadaha adeegga?
Xaruntaadu ma dhiirrigelisaa in loo adeeguhu uu ku dhex noqdo bulshada ka dib marka bogsoodo?
Waa la Lama
xaqiijiyey xaqiijin

Jaangooyada 3.2 Waxaa jira habraacyo iyo tabo looga hortago in qof la hayo lana daweeyo isaga oo aan
laga helin oggolaansho ogaal ku dhisan
Tusaale: Xaruntaadu ma ixtiraamtaa xuquuqaha uu loo adeeguhu leeyahay ee ku saabsan daaweynta?
Xaruntaadu loo adeegaha ma kala munaaqashootaa daryeelka iyo daaweynta?
Waa la Lama
xaqiijiyey xaqiijin

Jaangooyada 3.3 Loo adeegayaashu waxaa ay awoodaan in ay ku dhaqmaan awooddooda sharciyeed


waxaana la siiyaa taageerada ay ugu baahan karaan in ay ku dhaqmaan awooddooda sharciyeed
Tusaale: Xaruntaadu ma bixisaa gargaar sharciyeed markii loo baahdo?
Xaruntaadu ma ka taageertaa loo adeegaha baahidiisa/heeda gargaar sharciyeed?
Waa la Lama
xaqiijiyey xaqiijin

Jaangooyada 3.4 Loo adeegayaashu xarumaha waxaa ay leeyihiin xuquuqda sirnimada/asturnaanta iyo
helidda macluumaadka caafimaadka shakhsiyeed
Tusaale: Xaruntaadu daaweynta ma ku sameysaa meel asturan oo aan loo jeedin?
Xaruntaadu ma bixisaa galka loo adeegaha marka la weydiisto?
Waa la Lama
xaqiijiyey xaqiijin

Loo adeegayaal rag ah oo la barayo wax ka qabashada iyo daryeelidda wax soo saarka
(© GRT/Julie Taylor)

Funk, M. & Drew, N. (2011) ’WHO QUALITY RIGHTS TOOL KIT’ to assess and improve quality and Human Rights in Mental
Health and Social Care Facilities’, Geneva.

19
Ka xor-ahaanshaha jirdil iyo dhaqan ama ciqaab bahalnimo,
bani’aadamnimo ka bax ama sharaftir iyo dhiig-miirasho, rabshad/
gacan-ka-hadal ama xadgudub ah (Qodobka 15aad iyo Qodobka 16aad ee CRPD)

Jaangooyada 4.1 Loo adeegayaasha waxaa ay xaq u leeyihiin in ay xor ka ahaadaan xadgudub afka ah,
mid maskaxeed, jireed ama jinsi, iyo dayacaad jireed iyo mid dareen
Tusaale: Loo adeegayaashu ma la siiyaa macluumaad ku saabsan xuquuqdiisa/deeda?
Shaqaalahaagu ma hubiyaan iyaga oo dusha ka ilaaleynaya oo buuxinaya tuse in loo adeege uu mar walba
ammaan yahay oo aan dhibaato isaguna isu geysaneyn cid kalena u geysaneynin?
Waa la Lama
xaqiijiyey xaqiijin

Jaangooyada 4.2 Waxaa la adeegsadaa habab kale oo beddel u ah meel gooni ah ku haynta ama xiridda
taas oo ka dhigan in la qaboojiyo xaalado dhibaatooyin ay suuragal tahay in ay ka sii daraan
Tusaale ahaan: Loo adeegaha ma la xiraa?
Qol ay ku degaan ma siisaa loo adeegayaasha gacan-ka-hadal iyo waxburburin leh?

Waa la Lama
xaqiijiyey xaqiijin

Jaangooyada 4.3 Daaweynta korontada


loo adeegsado ee loo yaqaanno Elector-
convulsive therapy (ECT), qalliinka maskaxda
ee loo yaqaanno psychosurgery, ama
noocyada kale ee daaweynta ee leh saameyn
joogto ah oo aan dib wax looga beddeli karin,
haddii lagu sameeyo xarunta dhexdeeda
ama xarun kale loogu diro, waa in aan lagu
xadgudbin waxaana la sameyn karaa oo
keliya marka oggolaansho si xor ah oo
oggolaansho ku dhisan looga helo qofka
Tusaale: Uma habboona
Waa la Lama
xaqiijiyey xaqiijin

Jaangooyada 4.4 Ma jiro loo adeege


lagu sameynayo tijaabo cilmi-baaris
caafimaad ama mid sayniseed isaga oo aan
oggolaanshihiisa la helin
Tusaale: Uma habboona
Waa la Lama
xaqiijiyey xaqiijin

Jaangooyada 4.5 Waxaa jira siyaabo loo


adeegayaasha looga ilaalinayo jirdil ama in
loola dhaqmo si bahalnimo, bani’aadamnimo-
ka-bax ama sharaftir ah ama noocyo kale oo
dhaqan-xumo ah ama xadgudub ah loo geysto
Tusaale: Ma leedahay qalab wax lagu ilaaleeyo
si loola socdo sida loola dhaqmayo
loo adeegayaasha? Ma leedahay qaab
cabasho loo soo gudbiyo?

Waa la Lama
xaqiijiyey xaqiijin

Funk, M. & Drew, N. (2011) ’WHO QUALITY RIGHTS TOOL KIT’ to assess and improve quality and Human Rights in Mental
Health and Social Care Facilities’, Geneva.

20
Mowduuca 5aad: Xuquuqda loo leeyahay in si madax-bannaan uu
qofku u noolaado iyo in uu ka mid noqdo bulshada
(Qodobka 19aad ee CRPD)

Jaangooyada 5.1 Loo adeegayaasha waxaa gacan laga siiyaa helidda meel ay ku noolaadaan ama
waxaa ay haystaan maaliyadda ay ugu baahan yihiin in ay ku dhex noolaadaan bulshada.
Tusaale: Shaqaaluhu galaangal ma u leeyihiin Wasaaradda Caafimaadka iyo Arrimaha Gudaha mana kala
hadlaan arrimaha hoyga?
Shaqaaluhu gacan ma ka geystaan, ma bixiyaan mana qoraan macluumaad ku saabsan arrimaha
maaliyadeed?
Waa la Lama
xaqiijiyey xaqiijin

Jaangooyada 5.2 Loo adeegayaashu waxaa ay awoodaan helidda fursado waxbarasho iyo shaqaaleyn
Tusaale: Shaqaaluhu ma bixiyaan macluumaad afka ah oo ku saabsan fursado waxbarasho ama kuwo shaqaaleyn?
Shaqaaluhu ma qoraan macluumaadka noocaan ah ee ay bixiyaan?
Waa la Lama
xaqiijiyey xaqiijin

Jaangooyada 5.3 Si buuxda uga qaybgelidda loo adeegayaasha arrimaha siyaasadda iyo maamulka iyo
helidda xoriyadda ay u leeyihiin in ay ka qaybgalaan kulmada ayaa la taageeraa
Tusaale: Shaqaaluhu ma bixiyaan macluumaad ku saabsan ka-qaybgalka arrimaha siyaasadda iyo maamulka?
Shaqaaluhu ma qoraan macluumaadka noocaan ah ee ay bixiyeen?
Loo adeegayaasha gacan ma laga siiyaa dhiibashada codkooda?
Waa la Lama
xaqiijiyey xaqiijin

Jaangooyada 5.4 Loo adeegayaasha oo gacan laga siiyo ka-qaygalka arrimaha bulshada, dhaqanka,
diinta iyo tamashlaha
Tusaale ahaan: Loo adeegayaasha ma loo oggol yahay in ay booqdaan masaajidda?
Loo adeegayaasha ma la siiyaa ka-qaybgalka arrimo dhaqanka la xiriiraa, oo haddiise ay jiraan,
maxay yihiin kuwaasi?
Maxay yihiin tamashlaha ay helaan loo adeegayaashu?

Waa la Lama
xaqiijiyey xaqiijin

Hawl-kooxeed la dhiirrigelinayo si loo adkeeyo wadajirka kooxeed iyo dareemidda ka mid ahaansho bulsho
(© GRT/Julie Taylor)

Funk, M. & Drew, N. (2011) ’WHO QUALITY RIGHTS TOOL KIT’ to assess and improve quality and Human Rights in Mental
Health and Social Care Facilities’, Geneva.

21

You might also like