Download as pdf or txt
Download as pdf or txt
You are on page 1of 7

Dhambaal

Sebenkii Xogta
Saciid Cali Shire

In kastoo intii muddo ahba [wixii ka dambeeyey ka- iyo jiritaan ee shirkad. Macluumaadkaasi, wuxuu
caankii internet-ka] si weyn loogu baraarugsanaa ah- noqon karaa mid guud ama mid gaar ah. Midka guud
miyadda xogta iyo dowrka ay ku leedahay bilaabista, wuxuu noqon karaa macluumaad la xiriira waddan
kobcinta iyo badbaadinta sharikaadka iyo hey’adaha, [dhaqaalihiisa, tirada dadkiisa, tayada nolosha, iwm],
haddana, 15-kii sano ee la soo dhaafay, xogihii waxay saylad, noocyada sharikaadka, macaammiisha ama
adeegyada/badeecadaha. Wuxuu sidoo kale noqon
yeesheen ahmiyad ka weyn midday horey u lahaan
karaa macluumaad, markii hore, loo ururiyey ujeeddo
jireen. Waxay yeesheen ahmiyad ka weyn marka la guud ama aan looguba talo gelin in la ururiyo. Midka
fiiriyo hadal hayntooda; marka la fiiriyo maaliyadda gaarka ahi wuxuu noqon karaa mid la xiriira shirkad
loo qoondaynayo ururintooda, kaydintooda iyo istic- ama mid ka mid ah adeegyada/badeecadaha shirk-
maalkooda; iyo marka la fiiriyo meekhaanka ay ka addaasi ka ganacsato, sayladaha ay ka ganacsato
yeelatay caalamka sharikaadka iyo hey’adaha. Wax- ama macaamiisheeda. Macluumaadkaasi wuxuu
aaba la gaarey heer xeel-dheerayaasha qaarkood yeelan karaa muuqaalo iyo summado kala duwan.
ku tilmaamaan kacaankii ugu saamayntaa badnaa
100-kii sano ee la soo dhaafay. Waa kacaan, sidaan
gadaal ka arki doonno, sharikaadkii iyo hey’adihii
ku baraaruga ay gacantooda dhunkanayaan, shari-
kaadkii iyo hey’adihii sahaladaanna ay habaaska
dhaxli doonaan. Waa kacaan, sida Galileo xilli hore
tilmaamay, fududaynaya fahanka xaqiiqooyin badan
oo inaka qarsoonaa. Qormadaan kooban, oo loogu
wanqalay, “hantidii la dayacay”, waxay marka hore
muuqaal kooban ka bixinaysaa kacaankan cusud,
waxay sidoo kale wax ka bidhaamin doontaa faa’ii-
dooyinka ku jira ka faa’iidayiga xogaha, siyaabaha
looga faa’iidaysto iyo masiirka sharikaadkii/hey’adihii
ka hara kacaankan.

‘Xog’ waa macluumaad baaxad ahaan ballaaran


(volume), ka kooban noocyo kala duwan (variety),
iskuna beddelaya xawaare dheereeya (velocity) oo
haddii si fiican loo ururiyo loona turjumo saamayn Saciid Cali Shire
weyn ku yeelan kara heerka tartan, koboc, faa’iido Cilmibaare, Qoraa, La-taliye

w.www.buuh.net 1
Dhambaal

Muuqaal uu yeeshaba [tirooyin, weedho, sawirro,


filimmo, cabbirro, indha-indhayn ama qeexido],
macluumaadkaasi wuxuu ku baahsan yahay meelo
fara badan. Soo ururinta, abla-ablaynta iyo kala soo
dhex bixidda go’aammo ayaana maanta waxaa lagu
daraa waxyaabaha sharikaadka siiya bura-dheerida
(competitive advantage). Xogahaas, sharikaadkii
ama hey’adihii ka faa’iidaysto, waxay si sahal ah ugu
beddeli karaan hanti. Hantidaasna, maanta, waxaa
la isku raacsan yahay in aysan, dhanka fursadaha
ay abuuri karto iyo faa’iidooyinka ay soo gelin karto
shirkadaha ama hey’adaha, ka dhicin hantiyaha qaa-
liga ah sida shidaalka iyo dahabka.

Si looga faa’iidaysto hantidaas cusub, maanta,


waxaaba jira tartan xoog badan oo sharikaadka iyo
dawladuhu ugu jiraan siday u soo jiidan lahaayeen
khubaro aqoon u leh maaraynta xogaha. Badi, daw-
ladaha adduunku, mar hore ayayba soo bandhigeen
siyaasaddooda ku aaddan ka faa’iidaysiga hantidaas
cusub. Nasiib darro, sida Phil Simon, uu buuggiisa
“Too big to ignore: the business of big data” ku soo
guuriyo, in kastoo baraarug xoog badani jiro, hadd-
ana, dadkii xogahaas hanti u beddeli lahaa, weli, waa
ku yar yihiin adduunka. Simon wuxuuba qiyaasay
in Maraykanka oo keliya uu sannadaha soo socda
u baahan doono 175,000 oo qof oo aqoon u leh
maaraynta xogaha (data scientists).

Dareenkaan cusubi, i.e. ku baraarugidda ahmiyadda


xogtu, wuxuu abuuray in waxyaabo badan oo shari-
kaadku sahlan jireen ay maanta indho lexejeclo ku
daymoodaan. Tusaale ahaan, sida uu soo guuriyey
joornaalka McKinsey (2011) haweeney madax ka sameeyey iyo si kasta oo loo badiyey miisaaniyaddii
ahayd waaxda suuqgeynta ee shirkad tafaariiq oo suuqgeynta, maxsuulkii wuxuu noqday in shirkaddii
weyn ayaa waxay saluugtay iibkii shirkaddeedu maalinba maalinta ka dambaysa ay sii luminaysay
samaysay dhowr bilood. Si xal loogu helo arrintaas, saamigii ay ku lahayd sayladda.
haweenaydii, waxay isugu yeertay madaxdii waaxya- Haweenaydii mar labaad ayay isugu yeertay madax-
ha shirkadda. Gorfayn dheer ka gadaal, waxaa la isla dii waaxyaha, laakiin, markaan intaysan la kulmin
qaatay in miisaaniyadda suuqgeynta sare loo qaado, ayay waxay raadisay sida shirkad tartanka xooggani
shaqaalaha suuqgeynta la badiyo, dar-darna la geliyo kala dhexeeyey xaalkeedu yahay. Haweenaydii waxay
waaxda suuqgeynta. Nasiib darro, wax kasta oo la ogaatay in meesha shirkaddoodu hoos u hoobanay-

w.www.buuh.net 2
Dhambaal

hab-fikirkooda, hadal-hayntooda, dareenkooda iyo


dabeecadohooda. Waxaa u soo baxday in shirkaddu
badeecad walba ay si gaar ah, dhinac walba, u lafa
gurto. Tusaale ahaan, waxay baaraan cidda gada-
ta, waqtiyada ay gataan, inta ay markiiba gataan,
ujeeddada ay u gataan, meelaha ay ka gataan, iwm.
Waxay sidoo kale xogtaas ku xireen mareegaha
sharikaadka ay wax ka soo gadtaan (supply chain)
si sharikaadkaasi u ogaadaan marka badeecaduhu
ka hoos maraan heerkii loo astay. Waxay sidoo kale
sharikaadkaas la wadaageen fal-celiska macaami-
isha ee ku aaddan badeecadahaas (feedbacks).
Waxay sidoo kale isku xireen dhammaan xogihii
laamahooda si marka badeecadi laan ka sii dham-
maanayso ay meeshay warshada ama bakhaarada
ka sugi lahayd uga soo qardaystaan laamaha ugu
dhow.

Haweenaydii markay ogaatay in sirtu tahay xogta


iyo hadba sidii loo maalo ayay iyaduna qaabaysay
moodeel cusub oo la mid ah midka shirkadda kale
raacday. Sida la soo guuriyo waa meesha ay ka
dhalatay xikmadda tiraahda “a business running with-
out accurate data is running blind” oo macneheedu ya-
hay “ganacsi aan ku salaysnayn xog dhab ahi wuxuu
la mid yahay ganacsi indho la’aan la maamulayo”.

Sid laga fahmayo tusaalahaas, daraasado badani-


na ay muujiyeen, sharikaadka si cilmiyaysan uga
faa’iidaysta xogtu, i.e. go’aammadooda oo dhan ku
saleeya xogtu, way ka faa’iido badan yihiin, ka koboc
fiican yihiin, kana wax soo saar fiican yihiin marka
loo fiiriyo sharikaadka aan si cilmiyaysan uga faa’ii-
say lixdii bilood ee la soo dhaafay, in shirkadda kale daysan xogta. Maanta, waxaa la ogaaday in koboca
lixdaas biloodba ay koboc samaynaysay, i.e. sare u iyo faa’iidada shirkaduhu uusan ku xirnayn cimrigoo-
socotay. Si ay arrintaas wax uga ogaato ayay wax- da iyo baaxadda hantida ay maamulaan oo keliya ee
ay dalbatay in baaritaan mug weyn lagu sameeyo uu sidoo kale ku xiran yahay hadba sida ay uga faa’ii-
shirkadda kale. Baaritaan dheer ka gadaal waxaa daystaan xogta. Tusaale ahaan, daraasad dhowaan
soo baxay in shirkadda kale maalgelin ballaaran ku lagu sameeyey sharikaadka dhexe iyo kuwa yaryar
samaysay sida ay xogta u ururiso, sida ay u lafa-gur- ee ku yaalla waddammada OECD-da ayaa muujisay
to iyo sida ay go’aammadooda oo dhan ugu salayso in sharikaadka sida cilmiyaysan uga faa’iidaysta
xogtaas. Waxaa u soo baxday in shirkaddu waqti xogtu ay 13% ka koboc fiican yihiin, 15% ka faa’iido
fiican gelisay dhaq-dhaqaaqa macaamiishooda, badan yihiin sharikaadka aan si cilmiyaysan uga

w.www.buuh.net 3
Dhambaal

faa’iidaysan. Daraasad kale oo McKinsey (2011) horseedaa in macaamiishu helaan macluumaadka


samaysay ayaa muujisay in sharikaadka tafaariiqda ay u baahan yihiin waqtiga ay u baahan yihiin; waxay
ee sida fiican u maala xogtu ay faa’iidadooda sare u sare u qaadaa kalsoonida macaamiishu ku qabaan
qaadi karaan 60%. Daraasad kale oo lagu soo band- shirkadda iyo adeegyadeeda/badeecadeheeda;
higay joornaalka Forbes (2014) ayaa muujisay in macaamiishana ka dhigtaa kuwo qanacsan. Daraas-
sharikaadka maala xoguhu ay sharikaadka kale kaga
ado kale ayaa iyana muujiyeen in heerka qaneecada
fiican yihiin dhinacyada faa’iidada, koboca, gaaris-
ta go’aammada iyo fulintooda iyo ka faa’iidaysiga shaqaalaha iyo waxqabadkoodu qayb ahaan ku xiran
agabyada shirkadda. Isbarbar dhig jaamacadda MIT yahay hadba sida sharikaadku u maalaan xogaha.
ku samaysay sharikaadka maala xogta iyo kuwa
aan maalin ayaa iyana muujisay in sharikaadka Maanta, sharikaadka iyo hey’adaha ka haray ka-
maala xogtu ay shan jeer ka soo waxsoosaar fiican caankaan cusub, i.e. kacaanka xogta, waxaa lagala
yihiin kuwa aan maalin xogta. Meesha sannado ka mid dhigaa sharikaadkii ka haray kacaankii warsha-
daha. Waxaaba dad badani oddorosaan in meesha
sharikaadkii ka haray kacaankii warshaduhu ay
sanooyin sii jiitameen, i.e. aysan markiiba suuqa
ka bixin, in sharikaadka ka hara kacaankaan cusub
cimrigoodu tirsan yahay. Cimrigoodu waa tirsan ya-
hay, waayo, maanta waxa la galay seben aqooneed,
aqoontana waxaa badi saldhig u ah xogo la ururiyey,
la abla-ableeyey, lagana dhex arkay xiddigo iftiinkoo-
da la higsado, i.e. fursado.

Xogtu, sidaan sare ku tilmaannay, waa hanti la mid


ah hantiyaha kale ee shirkadda, laakiin, sida aan
gadaal ka arki doonno in hantidaas la maalo waxaa
hor sharikaad badani wax kasta oo ay qabanayaan ka sokeeya hawlo badan. Waxa ka sokeeya hawlo
sida suuqgeynta, waxsoosaarka, sicirka, sayladaha badan marka la fiiriyo baaxadda xogaha (volume),
cusub ee ay gelayaan, iwm ay ku salayn jireen siday xawaaaraha xogahu ku abuurmaan (velocity) iyo
wax ahaayeen kal hore, maanta, sharikaad badan noocyada xogaha (variety). Haddaan fiirino baaxadda
ayaa xogaha u isticmaala: si ay u bilaan magacooda, xogaha, daraasad ay samaysay jaamicadda MIT
u soo jiitaan macaamiil cusub, u ilaashadaan say- ayaa muujisay in sannadkii 2012-kii caalamku
laddooda, ugu dhowaadaan macaamiishooda, una abuuray xog madaxa la dhaafaysa 2.5 zettabyte.
yareeyaan khataraha. Waxay sidoo kale qiyaaseen in xogtaasi 18-kii bilood-
Xogta oo la maalo waxay faa’iido u tahay shirkadda ba laban-laabmi doonto. Si aad baaxadda xogta-
iyo macaamiisha labadaba. Dhinaca shirkadda, as u sawiratid, haddii xogtaas lagu daabici lahaa
xogta oo la maalo waxay: sare u qaadaa ikhtiraaca buugaag, ka dibna buugaagtaas la is kor saari lahaa
iyo hal-abuurka; macaamiisha ku xirtaa shirkadda; waxay buugaagtaasi samayn lahaayeen 20 jaranjaro
hoos u dhigtaa kharashaadka; kobcisaana faa’iidada. oo mid walbaaba soo taabanayso meeraha pluto.
Dhinaca macaamiisha, xogta oo la maalo: waxay Ogow, pluto iyo dhulkuna waxay isu jiraan 4.2 billion
km. Haddaan fiirino xawaaraha xogahaasi ku abuur-
w.www.buuh.net 4
Dhambaal

mayaan, waxaad arkaysaa in aaladda ‘facebook’: la fiiriyo xirfaddaha loo baahan yahay, marka laga
ay bishii isticmaala 1.28 billion oo qof; maalintii soo tago sharikaadka dhashay sebenka xogta, way
dadkaasi 4.5 billion oo jeer ayay taabtaan badhanka adagtahay in shirkad keligeed ah u babac dhigto
waan jeclahay (like); 802 million oo qof ay maalintii culayskaas. Si sharikaadku xogahaas u maalaan,
booqdaan; 1.1 billion oo qof ay ka isticmaalaan aa- i.e. uga sameeyaan dhaqaale waxay wadashaqayn
laddaas telefoonkooda gacanta; maalintiina la geliyo la yeelan karaan sharikaad aqoon u leh qabashada,
(upload) wax ka badan 300 milyan oo sawir. Dhinaca kaydinta iyo abla-ablaynta xogaha. Waxay sidoo kale
kala duwanaanshahana, meesha waagii hore xoguhu adeeggaas u xilsaaran karaan sharikaad kale. Haddii
u badnaayeen kuwo qaabaysan, kooban, si sahal ay awood u leeyihiinna iyaga ayaa hawshaas dhabar-
ahna loo abla-ablayn karo, xogahaasi maanta waxay ka u ridan kara.
ku yimaadaan kumannaan muunadood, midab iyo
muuqaal. Marka laga soo tago faa’iidooyinka tooska ah iyo
kuwa aan tooska ahayn ee sharikaadku ka helaan
maalista xogaha, waxa sidoo kale abuurmay saylado
lagu kala gato xogahaas. Laba nooc oo sharikaad
ah ayaa ka hawl gala sayladahaas xogaha lagu kala
gato: sharikaad qabta xog aad u baaxad ballaaran
oo marka laga soo tago faa’iidada shirkaddoodu
ka hesho iibiya xogahaas iyo sharikaad haya xogo
muhiim ah laakiin xogtoodu aysan weli gaarin heer la
iib geeyo. Meesha sharikaadka hore ay iskood u gadi
karaan xogaha ay hayaan, kuwa dambe waxay ku
khasban yihiin in ay wadashaqayn la yeeshaan shari-
kaad iyo hey’ado kale. Tesco oo markii hore ahaan
jirtey shirkad leh dukaammo laga adeegto, maantase
Xogahaas, haddii si fiican loo maalo, waxay indhaha kulmisa adegyo/badeecado badan, ayaa tusaale u
u furan hoggaanka sharikaadka iyo hey’adaha, daaha noqon karta sharikaadka xogaha ay hayaan iyaguna
ka rogaan fursado qarsoonaa, bannaankana soo ka faa’iida kana sii macaasha. Tesco 10-kii sano ee
dhigaan faa’iidooyin . Sharikaadka maala xoguhu la soo dhaafay, sannad walba, waxay shirkaddee-
waxay awood u yeeshaan in ay sii arkaan muuqaalka da ku soo kordhinaysay waax cusub oo ay ka soo
sayladuhu yeelan doonto, badeecadaha iyo adeegya- dhiraan-dhirisay xogahaas, wixii ka dambeeyey kal
da la soo dhigi doono, rabitaanka macaamiisha iyo horena waxay bilowday waax daraasado u bedde-
meelaha ay ka geli karaan sayladahaas iyo siyaa- sha xogaha ay ka qabato macaamiisha siina iibisa,
baha ay ugu mitidi karaan macaamiishii ay horey u sannadkaas guihiisana waxay xogahaas ka qabatay
haysteen kuwo cusubna u soo jiidan karaan. dakhli sare u dhaafay $75 milyan.

Marka la fiiriyo baaxadda xogaha, noocyada iyo Haddaad u fiirsato waddankeenna, waxaad arkaysaa
xawaaraha ay xogahaasi ku abuurmayaan; marka la in sharikaadka isgaarsiinta iyo xawaaladaha, labadu-
fiiriyo maalgelimaha loo baahan yahay in lagu sa- ba, qabtaan xogo aad u ballaaran oo goonidoodana
meeyo tiknoolojiyada si loo maalo xogahaas; marka hanti loogu beddeli karo, haddii xogo kale lagu
w.www.buuh.net 5
Dhambaal

lammaaniyana daaha ka rogi kara saylado cusub. ka gadda hey’adaha, sharikaadka kale iyo dawladaha.
Tusaale ahaan, xawaaaladuhu hadday maalaan
xogaha ay hayaan oo keliya, waxay sannad walba Baahi weyn ayay sharikaadkeennu u qabaan in ay
sayladaha ku soo kordhin karaa adeegyo cusub oo qabtaan, kaydiyaan, abla-ableeyaan, maalaanna
wax badan ka faa’iido badan adeegga xawaaladda. xogaha, waayo, waxaa aad isu beddelay filashadii
Sidoo kale, sharikaadka isgaarsiintu, hadday ku macaamiisha; waxaa sare u kacay isticmaalka
baraarugaan qiimaha xogaha ay hayaan, waxaan hu- macaamiisha ee tiknoolojiyada; macaamiishii wax-
baa in sida sharikaadka la midka ah ay faa’iidadooda ay maanta hayaan ama heli karaan xogo saamayn
iyo kobocooda sare u qaadi karaan, macaamiishoo- weyn ku yeelan kara xulashadooda adeeg ama
da qancin karaan, sayladdoodana ilaashan karaan. badeecad. Dhinaca kale, meesha sanooyin ka hor
Sharikaadka kale oo xogaha soo mara, haddii si sharikaad yar hawaysan kareen in ay dhisaan ni-
fiican loo qabto, iyaguna ku bulaali karaan, dhaqaale- daam qabta xogaha, maanta, asbaabo la xiriira hoos
u dhaca sicirka tiknoolojiyada, sharikaad badan ayaa
awooda.

Dabcan, si xogahaas loo maalo waxaa loo baahan


yahay: in la dhiso nidaam qabta, kaydiya, abla-ableey-
ana xogahaas. Marka xogahaas la qabto, waxaa xiga
sidii xogahaas loogu faa’iidaysan lahaa, i.e. loo maali
lahaa. Si loo qabto hawlahaasna, marar badan, wax-
aa loo baahanayaa in wax laga beddelo, i.e. sare loo
qaado, hab fikirka hoggaanksa sare ee sharikaadka
iyo hey;adaha. Qormadaanina, sida qormooyinkii ka
horreeyey iyo kuwa soo socda waxaan rajaynaynaa
in ay baraarug ku abuuri doonta hoggaanka shari-
kaadkeenna iyo hey’adeheenna.

na ka samayn karaan waxaa ka mid ah sharikaadka


korontada iyo biyaha. Sharikaadku si ay macaami- Saciid Cali Shire
ishooda u qanciyaan suuqoodana u ilaashadaan B.Sc. (Hon), PGD, M.A.,M.Sc., M.Phil., MIBC, MIBF
waxay midayn karaan adeegadooda. Tusaale ahaan,
shirkadda telefoonada iyo shirkadda korontada ayaa Saciid waa xeeldheere culuunta ganacsiga,
midayn kara adeegyadooda.Midayntu dhinacna hoggaaminta iyo bangiyada Islaamka oo ka soo
waxay labada shirkadood u badbadinaysaa kharash, shaqeeyey xarumo aqoon, cilmibaaris iyo la-ta-
dhinacna waxay u ilaalinaysaa sayladda. Macaami- lin oo ku kala yaala Norway, UK iyo Soomaaliya.
ishuna, dhinacna waxay helayaan adeeg ka hufan
midkii hore, dhinacna kharash ka jaban midkii hore. t. 44 (0) 7838236171
Sharikaadkaasi, sida shirkadda Tesco ayay waxay
e. saidshire@hotmail.com
samayn karaan waax intay xogahaas abla-ableeyso
w. www.buuh.net
w.www.buuh.net 6
Mustaqbalka naftaada, qoyskaaga, shirkadd-
Dhambaal

aada iyo shaqadaadaba waxay, maanta, ku


xiran yihiin heerka aqoontaada......

Saddexda buug ee Furaha Ganacsiga, Hoggaamiye


iyo Bangiyada Islaamku waa saddex buug oo, idanka
Eebbe, kuu fududaynaya sidaad u gaari lahayd
hammigaaga, himilooyinkaaga iyo hiraalkaaga.
Ka dalbo Buuh Publications:
t. 44 (0) 7838236171
e. saidshire@hotmail.com
w. www.buuh.net
w.www.buuh.net 7

You might also like