Aafo - Sheeko - WQ - Ibraahin-Hawd Yuusuf - 1

You might also like

Download as pdf or txt
Download as pdf or txt
You are on page 1of 12

Aafo- Sheeko Gaaban 

Sharku nolosha ayuu ku gedfan yahay oo sina loogama lug 


baxo, waxaana la malayn karaa in uu qudheeda ka mid yahay 
ee aanu ahayn wax debedda kaga imanaya. Qoom walba iyo 
qof walba waxaa jira wax lagu ibtileeyey. Ummad baa khamri 
iyo maandooriye la ildaran. Mid kale boqortooyo macangeg ah 
ayaa lagu salliday. Mid kale faqri iyo diin isdugsadey ayaa 
fadhi u diiday. Ummad kalena cudurka Aids-ka ayaa looga 
baqayaa in uu dabargooyo. Innagana waxaa la inagu aafeeyey 
masiibo intaba ka daran. 

Raage waa soomaali soddon jir ah oo uu caafimaadkiisu taam 


yahay. Sida ay hooyadii u sheegtay magaciisu wuxuu isugu 
qoofalan yahay laba ujeeddo. Mar wuxuu duco, saadaal iyo 
rajo u yahay cimri dherer. Mar kalena wuxuu xasuus u yahay 
sidii ay fooshiisa ugu raagtey. Wuxuu ku dhashay kuna 
barbaaray magaalo, wuxuuna curad u yahay qoys nolol ahaan 
iska ladan. Dugsi sare ayuu ka baxay, aqoontiisuna ma xuma, 
wuxuuna si wanaagsan u yaqaan afafka soomaaliga, carabiga 
iyo ingiriisida, kuwaas oo uu wax badan ku akhriyo. Intaas 
waxaa u dheer aqoon fiican oo uu diinta u leh yahay. Hay’ad 
magac samofal dalka ku joogta, laakiin aan cidina runteeda 

 
 

  2 

ogayn, ayuu tarjumaan u yahay. Soon iyo salaadi kama 


tagaan, macsidana nooc ay ahaataba aad ayuu uga 
dhawrsadaa. Wax balwad ah oo aan shaah ahayn ma leh, 
kubbadda cagta ayuuna galab walba cayaaraa. Waxaa loo 
arkaa nin dhaqan iyo anshax wanaagsan. 

Dabci ahaan waa nin naxariis badan, taas oo ah sifo dadka 


soomaalida siiba ragga ku yar. Waxaa dhacday maalin uu 
dhawr iyo labaatan jir ahaa in hooyadii ilig aad u xanuunay 
dabadeed uu ooyey. Maalin kale oo walaashii la gudayey 
markii ay xanuun la qaylisay isaguna aad ayuu u ooyey. 
Maalin saddexaad oo ay aabbihii iyo niman kale toorrayo isula 
baxeen aabbihii ayuu qabtay ee uma hiilin. Barbaarta ay isku 
filka yihiin dhacdooyinkaas waa ay ku xifaaleeyaan, waayo 
qofkii aan qalbigiisu dhabar yaxaas ka qallafsanayn fuley iyo 
qof jilicsan ayaa la moodda. 

Raage galab isaga oo siirada nebi Maxamed (scws) kitaab ka 


akhrisanaya ayuu aad ugu qiirooday dabci wanaagga 
Rasuulka, wuxuuna qirtay in ay tahay nolol ku dayasho leh. 
Maalintaas ka dib wuxuu tijaabiyey bal in uu iska dhigi karo 
qof wanaagsan oo intii suurtogal ah ceeb yar. Dad ay diimaha 

 
 

  3 

iyo taariikhdu ammaaneen ayuu u fiirsaday, wuxuuna 


ogaadey in ay ka sinnaayeen sifooyin dhawr ah oo ay ka mid 
yihiin nabad jacayl, dulqaad, run sheegid, deeqsinnimo, 
daacadnimo, caddaalad iyo jacaylka xikmadda. Nebiyada iyo 
filosoofiyiinta wanaagsani dabeecadahaas waa ay wada 
lahaayeen. Dadkuna guud ahaan wanaagga wuu jecel yahay, 
haddaba maxaa diidaya in arrimahaa la sameeyo, ayuu 
isweydiiyey. Sharku waa balaayo nafta xoog ku leh oo samaha 
iska hor taagta, sida loo kala garasho iyo akhlaaq fiican yahay 
ayaana loogu kala guulaystaa ka adkaanta sharka, ayuu isugu 
jawaabay. Sharku ugu horrayn wuxuu soo galaa anaaniyad 
ama nafjeclaysi, dabadeed xumaanta kale oo dhan ayaa ka 
dhalata. Nafjeclaysigu waa iyada oo wax kasta oo dani ku jirto 
la isla jeclaado dadka kalena laga xigsado ama laga sheegto. 
Sharka wax isla jeclaysigu sida uu dareenka iyo damiirka 
qofka u burburiyo si la mid ah ayuu qabiil ama ummad dhan 
ku samayn karaa. Haddii nafjeclaysiga laga adkaan lahaa 
xumaha kale oo dhami maba dhasheen. 

Raage isaga oo aragtidaas ka duulaya ayuu dedaal u galay in 


uu qof dhaqan toosan noqdo. Wuxuu goostay in uu sifooyinkii 
ay dadka wanaagsani lahaayeen naftiisa ku dabbaqo. 
Halgankaa wuxuu bilaabay isaga oo sagaal iyo toban jir ah, 

 
 

  4 

wuxuuna ka bilaabay in uu iska ilaaliyo fal kasta oo qof kale 


wax yeelaya. Haddii xumaan lagu sameeyo kagama jawaabo 
wax aan ahayn waano iyo dulqaad. Dabadeed wuxuu u 
egaaday qof waalan ama dhaandhaan ah. Dhaqankaas 
qumman ee ay ahayd in uu dadka asal u ahaado waxaa loo 
arkay nacasnimo aan dabiici ahayn. 

Muddo ka dib markii uu dareemay in uu taa guul ka gaadhey 


ayuu u gudbey in uu haddaba qalbigiisana xasadka iyo 
nacaybka ka safeeyo, si uu u noqdo qof dhammays tiran oo 
dul iyo hoosba nadiif ah. Markiiba wuxuu ogaadey safaynta 
naftu in ay aad uga sii adag tahay tii hore ee dhaqanka. 
Tusaale ahaan caqli, diin iyo akhlaaq intaba wuu ku qancay 
qabyaaladdu in ay tahay dhaqanxumo aad u weyn. Haddana 
isla markaa wuu og yahay taasi in ay qalbigiisa god dheer oo 
ka qarandida la mid ah ka qodatay. 

Mar kasta oo uu magaca reer hebel maqlo naftiisa kacdoon iyo 


xanaaq ayaa ku dhaca. Mar kasta oo uu dad reer hebel ah la 
kulmo araggooda, sheekadooda iyo lahjaddoodaba wuu 
dhibsadaa. Wuxuu u arkaa dad caqli xun, oo xin badan, oo 
faan badan, oo cadaawad badan, oo sidoodaba u nool 

 
 

  5 

xumaynta tolkii. Haddii ay dhacdo in uu dad qabiilkaas ah 


hadal la yeesho, intaa wuxuu ku jiraa digtooni iyo 
waxiskacelin. Erey kasta oo afkooda ka soo baxa wuu sii 
dhadhansadaa, oo macne kasta oo ku jira ama aan ku jirin ka 
raadiyaa. Dedaalkaas badani markiiba wuxuu u keenaa daal 
dabadeed xanaaq. Sidaas darteed wuxuu jecel yahay in uu 
dadka ay isaga isku tolka yihiin iskaga dhex jiro. Agtooda 
wuxuu ku helaa degganaan nafsadeed oo u dhiganta ta uu 
dareemo marka uu la joogo gabadha uu jecel yahay ama uu 
masjidka joogo. 

Sidaas oo ay tahay haddana weligii qof ehelkiisa ahi gacanta 


qabiilka uu neceb yahay kuma dhiman, weligiina isagu 
shakhsi ahaan qabiilkaas wax dhibaato ah kama uu mudan. 
Waxaaba ka dhalatay aayadii oo aan hooyadii uga duwanayn, 
waxaana u dhaxday walaashiisa ka yar oo uu dunida ugu jecel 
yahay. 

Arrintaa markii uu si xilkasnimo ah ugu sii fiirsaday wuxuu 


qirtay qabiilkaas in uu neceb yahay sababta oo ah qabiilkiisa 
ayaa neceb. Markii uu xasuustiisa arrinta ku saabsan dib u 
hayaamiyey wuxuu ka soo helay meel aad u fog, guyaashii uu 

 
 

  6 

garaadsaday. Wuxuu hayaa taariikh iyo maanso badan oo 


qabiilkaas ku saabsan, kuwaas oo la baray markii ay 
maskaxdiisu dab iyo biyo kala garatay. Gurigooda iyo meel 
kasta oo ay laba nin oo tolkiis ahi ku kulmaan inta badan 
sheekadooda dhextaal waxaa u ah halhaysyo, taariikh iyo 
maanso xilliyo fog ama dhow soo kala maray tolkii iyo 
qabiilka kale, kuwaas oo mar walba tolkiis xaqa, guusha iyo 
garta siinaya; isla markaas qabiilka kale ka dhigaya bahal 
lafaha dadka qeedhinka ku burbursada. 

Markii uu sidaa wax u fahmey wuxuu istusay in uu 


qabyaaladda sideedaba ka bixi karo. Dabadeed waxaa ku 
dhacay dareen qaadanwaa, yaab, farxad iyo raaxo isugu jira, 
oo u dhigma markii ugu horraysay ee uu gabadh u galmooday. 

Bulshada ayuu isha wada mariyey isaga oo ka dhex raadinaya 


dad qabyaaladda ka xoroobey. Fajac ayeyna ku noqotay markii 
uu ogaadey sida ay dadkaasi u tiro yar yihiin amaba aanay u 
jirin. Waxaa aad u badan kuwa afka ka dhurma ee sheegta in 
ay yihiin waddaniyiin qiiraysan, ee haddana ah munaafiqiin 
beenaaleyaal ah oo liita. Waxaa la caadaystey in qabyaaladda 
la haaraamo isla markaa sida ugu xun loogu dhaqmo. Markii 

 
 

  7 

karti iyo caqli lagaga baxo la waayey ayaa caydeeda lagu 


afgobaadsanayaa. Boqol qof oo meel wada fadhiya ayaa isku 
raacaya in ay tahay waxa ugu xun ee dhaqanka soomaalida ku 
jira. Haddana boqolkaas qof kuma jiro mid keliya oo 
xumaantaas joojinayaa. Beenta iyo macnodarrada intaa la isla 
hor yuururo lalama kala xishoodo. Waa yalaalugo in uu qof og 
in aad og tahay in uu qabiili yahay haddana qabyaaladda kuu 
caayo. Hab-dhaqankaa munaafaqa ahi wuxuu carqaladeeyey 
in daacadnimo iyo niyadsami arrinta looga hadlo, si dabadeed 
loo fardaamiyo. In qabyaaladda si looga hadlo si kalena loogu 
dhaqmo bulshada waxaa baray qofkii madaxnimada dalka 
khasabka ku haystay sannadkii 1969 ilaa 1991. 

Raage mar haddii uu awelba naftiisa dagaal kula jirey, kuna 


dhaarsanaa in uu qalbigiisa xumaha ka safeeyo, dareenka iyo 
waxisweydiinta ku cusub kama uu baqin. Wuxuu maskaxdiisa 
siiyey fursad ay arrintaa sida ay doonto oo xor ah uga fekerto, 
wuxuuna ka sii daayey garboduubkii ay caadada iyo tolka ugu 
jirtey. Dabadeed maankiisu wuxuu ku sii raaxaystay 
qodqodista iyo baadhista xaqiiqada ka dhexaysa ama aan ka 
dhexayn tolkiis iyo qabiilkaas kale. Qabiilkiisa wuxuu dhinac 
dhigay qabiilka kale, isaguna wuxuu isku eegay nin la da ah oo 
uu qabiilkaas ka yaqaanney. Dabadeed haba yaraato ee wax 

 
 

  8 

kala duwanaan ah ayuu waayey. Wuxuu ogaadey lana yaabay 


arrintii ugu darnayd, una adkayd, ee uu rabay in uu naftiisa ka 
xoreeyaa sideedaba in ay tahay wax aan jirin. Wuxuu fahmey 
qabyaaladdu in ay tahay dhalanteed weligii la eryanayey, 
welina la eryanayo, oo aan la gaadhi karin. Dhalanteed lama 
gaadhi karo, waayo marka ay qorraxdu kululaato ayuu 
ismuujiyaa, marka ay qabowdana waa uu lumaa, Adiga oo 
harraaddan ayuu kuu widhwidhaa marka aad halkii gaadhidna 
hortaada ka sii widhwidhaa. 

Wuxuu gartay qabyaaladdu in ay tahay sun qofka soomaaliga 


ah nafsadda iyo dhaqankaba kaga milanta, dabadeed 
miyirbeel ku ridda. Waa wax qofka dadnimadiisa hoos u 
jiidda, sida uu cudurku qofka tabartiisa hoos ugu jiido. Raage 
bulshadiisa wuxuu ku dhereriyey bulshooyinka kale ee sida 
dadnimada leh u dhaqan, isaguna wuxuu isku dhereriyey 
barbaarta la da’da ah ee bulshooyinkaas u dhalatay. Dabadeed 
wuu xanaaqay isla markaa khajilay. Waxaad ka dhalatay dad 
leh dal iyo taariikh, haddana aan dad kale nolosha ula tartami 
karin. Maxaadan laabta isaga garaaci karin adiga oo qaranka 
aad tahay ku faanaya? Weydiimo badan oo noocaas ah ayaa 
ashkato isula soo tubay oo waalli ku ridi gaadhey. 

 
 

  9 

Raage isaga oo qabyaaladda go’aan adag ka qaatay ayuu goor 


fiid ah makhaayad uu shaaha ka cabbi jirey ugu yimid laba nin 
oo saaxiibbadiis ah. Mid isku reer ayey ahaayeen, ka kalena 
qabiilka ay tolkiis colka yihiin ayuu ka dhashay. Waxaa la 
qaddaray markii uu labadaas nin u yimid in ay ka 
xifaaltamayeen dhacdo caan ah oo ay labada qabiil beri aad u 
fog isaga gabyeen. Isaga oo aan dhex gelin ayuu cabbaar 
shaahii dhegaysi iyo aamus ku cabbay. Dooddaas dan kama uu 
lahayn ama waa uu isdiidsiinayey. Cabbaar markii ay labadii 
nin hadalka sii wadeen ayuu kii qabiilka kale ahaa dooddiisa 
ku bilay tix gabay ah oo uu nin qabiilkaas ahi arrintaa ka 
tiriyey. Tixdaasi dareenka Raage aad ayey u kicisay una soo 
jiidatay, wuxuuna xasuustay tix uu gabyaa reerkooda ahi taas 
kaga jawaabay. Isaga oo xamaasad kursigii ugu ruqaansanaya 
ayuu aad u rajeeyey in ninka ay isaga isku qolada yihiin 
tixdaas xasuusto oo doodda ku darsado. Nasiibdarro taasi ma 
ay dhicin ee ina adeerkii qar kale ayuu jafay. Ninkii qabiilka 
kale ahaa oo libta isa siiyey ayaa dhacdo iyo tix kale ku sii 
tiiqtiiqsaday. Dabadeed Raage inta uu is-hayn kari waayey 
ayuu dooddii la wareegay, oo tix iyo tiraabba si daran u 
dagaallamay. 

 
 

  10 

Ugu dambayn xifaalihii oo cadaawad ku sii hoobanaya waxaa 


lagaga miyirsaday eedaankii salaadda cishe. Safuu 
sufuufakum wactadiluu, markii uu imaamku lahaa ayey 
saddexdii saaxiib, oo aan runtii saacaddan isjeclayni, jamaca 
masjidka faryarooyinka cagaha isku qabteen. 

Habeenkii xigay oo dhan feker kale ma uu yeelan. Go’aankii 


aad qabyaaladda ka qaadatay goorma ayaad halkee kaga 
dhaqaaqday? Maxay ahayd sababta doodda qabyaaladeed ku 
gelisay? In aad qabiilkaas weerartay iyo in aad labadaada 
saaxiib u kala hiilisay waa uun sharkii nafjeclaysiga. Waxaad 
rabtey in uu qabiilkaagu kaa kale ka fiicnaado. Dhacdadaasi 
waxay dardar sii gelisay dagaalkii sharka iyo khayrka 
maskaxdiisa ku dhex marayey. Wuxuu qirtay qalbiga iyo 
akhlaaqdaba in uu xin iyo nacayb culus ku sito. Wuxuu shaki 
geliyey wanaagga ay dadku dhaqankiisa muuqda ka arkaan, 
taas oo gaadhey in uu munaafaqnimo isku tuhmo. Wuxuu la 
yaabay dareenka sidaas u macnaha iyo waxtarka daran 
sababta uu uga adkaan waayey. Maalmo dhawr ah oo uu 
arrintaa joogto uga fekerayey waxay ku noqotay xanuun 
nafsadeed iyo cuqdad. 

 
 

  11 

– Raage, sidee ayey ragannimadaadu kuu siinaysaa in aad 


tolkaa iyo cid kale xumaha iyo samaha u sintid? Sidee ayaad 
ugu fekertey xumaanta ay qoladaasi leh yihiin, ee dabcigooda 
ah, in aynu innagu lahaan karno? Ama wanaagga aynu leh 
nahay, ee dabcigeenna ah, in ay iyagu lahaan karaan? Raage, 
ma waxaad doonaysaa in uu shisheeyuhu kugu wiirsado 
tolkaana kaa naxo? Maxaad sidii ilmo afbarad ah ugu 
hadaaqaysaa: Isku isir baa la yahay, isku af baa la yahay, isku 
diin baa la yahay, isku dhaqan baa la yahay iyo isku dal baa la 
yahay? Waxaasi ma wax uu nin dhiig iyo uus lehi dad isla soo 
hor taagaa? 

– Adigu miyaadan la yaabayn aafadan dadkii wax dhintay iyo 


wax gumoobay ka dhigtay? Miyaadan arkayn in ay dadnimo 
dhimatay, oo ummadnimo dhimatay, oo dawladnimo 
dhimatay, oo sharafi dhimatay, oo ilbaxnimo dhimatay, oo 
nabadgelyo dhimatay, oo nololi dhimatay? Haddii aan 
qabiilkayga wax gooni ah u doono sow wadajirka iyo danta 
guud lumi maayaan? Sidaas wax aan ku waayayo mooyee wax 
aan ku helayo bal ii sheeg? Qabyaaladdu waa sanam Ilaahay 
ka sokow la caabudo. Markaa qofkii ka kufriyaa wanaag 

 
 

  12 

mooyee xumaan miyuu sameeyey? Haddii aad daacad tahay 


adiga oo daacad ah “maya” ku jawaab! Haddii aad munaafaq 
tahayna adiga oo munaafaq ah “maya” dheh! 

WQ: Ibraahin Yuusuf Axmed "Hawd" 

You might also like