Download as pdf or txt
Download as pdf or txt
You are on page 1of 6

Somali Su’aalo &jawaabo

1. Badaha AF: soomaligu imisa ayaa la ogyahay?

A: waxa la ogyahey 32 BADOOD


2. Ereyga sooreys maxaa loo yaqaan?
A: waxa loo yaqaanaa mudakar
3. Maxaa loo yaqaanaa abwaanka isku ammaana suugaantiisa?

A: waxa loo yaqaana naftii hafar


4. Cuntada duhurka la cuno maxaa loo yaqaanaa?
A: waxa loo yaqaanaa hadhimo
5. halkee ayuu ku dhashey cabdi silimoo?
A: waxa uu ku dhashey jaarahoroto

6. yaa bilaabey fanka xasriga ah?


A: waxa bilaabey cabdi silimoo
7. maxey kusoo baxdey balwadu dareen ah?
A: waxey kusoo baxdey dhibaato jaceyl.

8. hooyadii fanka soomaliyeed ee waqooyi yey aheyd ?


A: waxey aheyd guduudo carwo
9. hadalka aan cadeyn maxaa loo yaqaanaa?
A: waxa loo yaqaanaa xashaashaqa
10. waa maxey suugaantu?
A: sugaantu waa iidaanka ama labeenta afka
11. tax arimii laga gabyi jirey?
A:waxa laga gabyi jirey guubaabada , goodiga /hanjabaadda, habaarka,ammaanta,cayda,
calaacalka ,kaftanka ,halxidhaalaha IWM.

12. Tixdu maxey leedahey ?


A: Tixdu :waxay leedahey xaraf raac
13. Xilima ayey la kowsatey maansadu?

By : Najax Shiiqiye Xasan


A: maansadu waxey la kowsatey ummadda afkeed
14. Yaa soo gaadhsiiyey dhegaha dadka balwada ?
A: waxa soo gaadhsiiyey niman,nimaankaa oo ahaa kooxdii ugu ilbaxsaneyd bulshadii wakhtigaa
joogtey shaac saarey belwada soona gaadhsiiyey dhagaha dedwaynaha waxa nimaankaa kamid
ahaa

• Maxamed nuur khabbaase


• Mooge liibaan (mooge badan)
• Maxamed Rashaad
• Nuur muuse waceys
15. yey ahaayeen kabo-cadu?

A: waxa ay ahaayeen niman dhalin-yaro ah oo xarrago badan ,galinka dambe ayaa ay socod ku
soo mari jireen beeraha iyo meelaha magaalada hareereheeda ah
16. maxaa loogu bixiyey kabo-cad?
A: waxa loogu bixiyey waxa ay qaadan jireen shaadh cad ,macawis cad kabo cad iyo go cad oo la
odhan jirey haasaar-haasaar

17. kabacadu mararka qaar maxey ku heesi jireen ?


A: waxey ku heesi jireen af-hindi
18. nimamaka dhiidhaa maxey ahaayeen?
A:waxey ahaayeen niman militariya gumeysiga ingriiska ka tirsanaa oo ahaa raggii taarku u
hayey (war isgaadhsiinta ciidanka)
19. Waagii dambe balwadu dhiidhaadu ubadashey ?
A: waxey ay u badaleen heeso
20. Xilima ayaa ay balwadu isu badashey heesaha?

A: waxey aheyd dabayaaqadii 1945-kii billowgii 1950-kii


21. Sheeg boqorka maansada?
A: waa gabeyga
22. Gabeygu muxuu leeyahey
A: waxa uu leeyahey luuq u gooniya oo uu ka duwan yahey qaybaha kale ee maansada waxa
kale uu leeyahey xaraf raac u gooniya
23. Kaalinta gabeyga yaa la wareegey ?

By : Najax Shiiqiye Xasan


A: waxa la wareegey heesta
24. Gabeyga muxuu ku iman jirey ?
A:waxa uu ku iman jiey sabab iyo munaasabado muhiim ah oo kalifta in hal-abuurku godlado
25. Gabeyga uu tiriyey abwaan axmed colaad digaale imisa abwaan ayuu ku xusey?

A: waxa uu ku xusey in ka badan 102 abwaan oo soomaali ah oo ah raggii ee maansada soomakida


dhidibada u taagey ee calanka u sidey oo dhamaantood geeriyoodey

26. Af-soomaligu muxuu hodan ku yahey?

A: wuxuu hodan ku yahey maansada

27. Maansada maxaa loo qaybiyaa ?

A: waxa loo qaybiyaa labo oo kala ah toox-gab iyo toox-dheer

28. Imasa aragti ayaad aragtey miisaanka maansada?

A: waxa jira labo aragti oo kala ah aragtida abwaan caraale iyo aragtida abwaan gaariye

29. Aragtida gaariye muxuu ku xidhan yahay ?

A: waxa uu ku xidhan yahay shaqalada

30. Shaqaladu imisa ayaa ay ukala baxaan ?

A: waxey u kala baxaan laba nooc oo kala ah

• Shaqal gaaban ooah hakbeeg (1) marka laga hadlaayo miisaanka maansada
• Shaqal dheer oo ah labo halbeeg(2) marka laga hadlaayo miisaanka maansada
31. Aragtida gaariye tusaale
• Soomaalideennaa 2,2, 1, 2,2
• Seelseelineysee 2,2,1 2,2
• Maansadu sed-weeyee 2,1,1 ,1, 2,2
32. Aragtida carraale tusaale
• Soomaali waa duub 5:4
• Loo raro dhibaatiyo 6:3
• Khamri yaanu idin hodin 7:2
33. Marka lagu miisaamayo gabeyga aragtida carraale sidee loo miisaamayaa?

A: waxa loo kala miisaamayaa hoojis iyo hooris

34. Aragtida carraale tusaale


• Kulligood addoomaha rabboow 9:3 qaybsha kimistiiye 6:2
• Bad kalluun ku jira kolay ku tahay 11:3 ama fijaan kooban 6:2
35. Marka lagu miisaamayo gabeyga aragtida gaarriye sidee loo miisaamayaa?

A: waxa loo kala miisaamayaa hoojis iyo hooris

By : Najax Shiiqiye Xasan


36. Aragtida gaariye tusaale
• Waxaan xarafka diimeed ahayn 1,1,2,1,2,1,1,1,2
Igaga xeel-dheere 1,1,1,2,2,1
• xubno toosanow neefku waa 1,1,2,1,2,2,1,2
xaalad gooni ah 2,1,2,1,1
37. heesta beled-weyn ayaa tiriyey ?

A: waxa tiriyey abwaanka caan ka ah ee maxamed ibraahim warsame (hadraawi)

38. abwaanku heesta beled-weyn muxuu kaga sheekeyn nayaa?

A: waxa uu kaga sheekaynayaa sidii uu ula kulmey inan beer-qaaddey ,taas oo qurux illaahey ugu deeqey

39. magaladee ayey ku kulmeen abwaan hadraawi ?

A: waxay ku kulmeen magaalada beled-weyn

40. muxuu abwaan hadraawi ula baxay gabadhii ay kulmeen?

A: wuxuu ula baxey (beerlula)

41. magaceed gabadhan beerlula oo dhameystiran?

A: waxa la odhan jirey jawaahir maxamed carab

42. halkey ku kulmeen markii u horeysey?

A: waxey ku kulmeen buundada beled-weyn ee looyaqaano liiqliiqato

43. xillima ayuu dhashey abwaan hadraawi?

A:waxa uu dhashey abwaan hadraawi 1943-kii

44. abwaan hadraawi muxuu kaga duwan yahay abwaanada kale?

A: waxa uu kaga duwan yahey abwaanada waxa uu ku sheekeeyaa maansada iyo qisada

45. hadraawi maxaa loogu bixiyey ?

A: waxa loogu bixiyey wuu hadal badnaa carabta ayaa u bixisey

46. imisa jeer ayay kulmeen abwaan hadraawi iyo beerlula?

A: waxey kulmeen saddex jeer

47. gabeyga markaad eegto beydka koobaad muxuu ka hadlayaa heesta baledweyn?

A: beydka koobaad waxa uu kaga hadlayaa in uu jaceylku jiro

48. abwaanku halkee ayuu ku dhashey?

A: waxa uu ku dhashey degmada isku-darma oo ka tirsan gobalka togdheer

49. yaa tiriyey gabeyga orod xoogso?

By : Najax Shiiqiye Xasan


A: waxa tiriyey ismaaciil mire cilmi

50. waa maxey sababta uu u tiriyey gabeyga orod xoogso?

A: waxa uu utiriyey wuxuu waaninaayey wiil uu dhaley oo la odhan jirey cali ismaaciil ,waxa uu
dooneyey inuu ku tarbiyeeyo nolosha

51. gabeyga macaan iyo qadhaadh yaa tiriyey?

A: waxa tiriyey ismaaciil diiriye (qaasim)

52. gabaygan muxuu ku tilmaamayaa macaan iyo qadhaadh?

A: wuxuu ku tilmaamayaa naftiisa

Macnaha ereyada
1. hanfi: kuleyl
2. haayirey:isaga tagey
3. hiraab:suxuur
4. huriyey:shidey
5. heeraab :meeqaan
6. hadhimo: qado
7. la heed heetiyeen: la ciirciireen
8. hadin karo: bixin karo
9. soo hirmaco: soo xusuusto
10. hiigaaya: cunaaya
11. hayl-haylay:googooyey
12. boog:nabur hoosta ka buka
13. cidi baan karinoo:cidi nafaqeyn Karin
14. bayd go’aygii: hoogeygii
15. beri-samaadkii: xiligii barwaaqo ahaa
16. biimeyn:is-miidaamin
17. beer-nuglaantii:calool jileecii
18. baafin: raadin
19. butaacey:fatahey
20. baar:geed baled-weyn ka baxa
21. bulxan:qaylo
22. fananayaa:buur ordayaa
23. bili:haybad iyo qurux
24. ina-baaja:ina-nageeya
25. xawda kaa jara :nafta kaa gooya
26. sidkaha:labo halaad oo ay nirigi/nirig wada jaqdo
27. liiraha lacagta:lacagta talyaaniga
28. xafaar:nin xabaalaha qoda

By : Najax Shiiqiye Xasan


29. xaasaamiyey:ku xanaaneeyey
30. soora:casuuma
31. talantaali:isbarbar yaal
32. majiire kaliya:wado kaliya
33. muddeec:qof dabeecad wanaagsan
34. macangag: qof dabeecad xun
35. miigan:maqiiqan
36. loofar:qof aan dhaqasho laheyn
37. booseystey:caddaadey, cirrobay

Wixii aan ka tagey


iska akhriya
good luck walaalayaal, waxaan
filayaa inuu ni
anfacayo

the end

By : Najax Shiiqiye Xasan

You might also like