Qudbad 2

You might also like

Download as pdf or txt
Download as pdf or txt
You are on page 1of 2

Marka hore waxaa mahad iyo shukri leh Abuuraha kownkaan, suurtageliyaha waxwalba, Alle weyne kaas

oo ina soo gaarsiiyay wakhtigaan cajiibka ah. Waxaan jecelahay inaan dhammaan ardayda sharafta leh
ee kulliyadda Cilmiga Bulshada ugu mahadnaqo garab istaagoodi ku aaddanaa inaan ku matalo
hoggaanka ugu sareeya ardayda Jaamacadda ummadda Soomaaliyeed.

Waxaan doonayaa inaan ardayda kulliyadda Cilmiga Bulshada la wadaago, warbixin cusub taas oo ku
saabsan ‘soo wareejinta ardayda dhigta waaxda Adeegga Bulshada (Social work) ee joogi jiray qeybta
Xamar weyne.

Sidaad la socotaan Kulliyadda Cilmiga Bulshada waxaa ay ka kooban tahay saddex waax oo kala ah;
Waaxda Cilmiga Siyaasadda, Waaxda Cilmiga warbaahinta iyo saxaafadda iyo waaxda Adeegga Bulshada.

Afar Batch ayaa deganaa xarunta KM4 halka Laba Batch ay degenayeen xarunta Shabeelle ama Xamar
weyne. Waxaa dadaal dheer kadib lagu guulaystay in la soo wareejiyo qeybihii wax ku baran jiray
xarunta Shabeelle oo hoos tagi jiray Kulliyadda Waxbarashada.

Sidaas owgeed, waxaa ay maamulka Kulliyaddu soo jeediyeen, maadaama arday kamid ah waaxda
Adeegga Bulshada (Social work) ee jiray dhanka Kulliyadda waxbarashada uu yahay musharrax
Guddoomiyaha naadiga, horayna kulliyadda ay u haysatay Musharax guddoomiye, in la qabto doorasho
kulliyadda dhexdeeda ah.

Ujeedka doorashada kulliyadda ayaa ah sidii loo qancin lahaa musharaxa ka soo wareegtay dhanka
xarunta Shabeelle.

Sidaas daraadeed;

➢ Kadib markii aan dhagaystay soo jeedinta maamulka Kulliyadda iyo Guddoomiyaha Kulliyadda
Cilmiga Bulshada,
➢ Kadib markii aan tixgeliyay codsiga musharaxa hamiyay jagada Guddoomiyaha naadiga ardayda
jaamacadda ummadda Soomaaliyeed,
➢ Kadib markii aan qiimeeyay muhiimadda ay leedahay caddaaladda iyo sinaanta ee aan doonaayo
in ay saldhigato,
➢ Kadib markii aan Xaqiiqsaday kalsoonida aad igu qabtaan.

Waxaan go'aansaday inaan tartan la galo musharaxa doonayo hoggaanka naadiga ardayda taas oo dhici
doonta asbuuca labaad ee fasaxa ka dib. Fasaxa ayaa laga soo noqon doonaa 4-ta bisha 9-aad 2021-ka.

Si aan u fuliyo qorshihii ahaa:

✓ Kor u qaadidda maqaamka naadiga ardayda JUS.


✓ Isu keenidda ardayda jaamacadaha dalka.
✓ Isku xirka wasaaradaha dawladda iyo kulliyadaha JUS.
✓ Dardar galinta wax qabadka naadiga ardayda JUS.

FG: Kor u qaadista maqaamka, Mansabka, Miisaanka, Muunadda, Maamuuska iyo Magaca Jaamacadda
Ummadda Soomaaliyeed ayaa iga go'an haddii uu Ebbe igu guuleeyo hoggaanka Naadiga Ardayda JUS.
Waxaan ka codsanayaa in markale aad igu wakiilato inaan kugu matalo hoggaanka ugu sareeya Naadiga
ardayda Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.

Balankeenu waa Fasaxa ka dib iyo #doorashada2021

#farmafursadsii

‫خيرا‬
ً ‫للا‬ً‫جزاك ه‬

You might also like