Download as pdf or txt
Download as pdf or txt
You are on page 1of 90

AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Tusmada buuga
2.Mahadnaq…………………………….…………………………………………………………………………4
3.Hibayn………….……………………….……………………………………………………………………..…5
4.Weedha qoraaga………………………………………………………………….…………………….....6-7
5.Hordhaca buuga…………………………………………………………………...……..………….…….8-9
6.Ku xidhnaashaha ilaahay………………………………………………………………………....…..12-20
> camal saalixa………………………...………………………………………………………….…..13-14
> daacadnimo…………………………………………………………..……………………..………14-15
> qiso tusaale uh ku xidhaashaha ilaahay……………………………………………….…16-20
7.Isbadal…………………………………………………………………………………………………………21-34
> badalida goobta aad ku badantay……………………………………………………….…23-24
>badalida saaxibka…………………………………………………………………….………..…..24-26
> badalka habdhaqankaaga………………………………………………………….………….26-28
> dabeecadaha isbadalka……………………………………………………………….…..……28-29
> qiso tusaale u ah isbadalka……………………………………………………………………29-34
8.Maaraynta wakhtiga………………………………………………………………………………….…36-51
> lumiyayaasha wakhtiga ee taban…………………………………………………………..37-39
> dawada lumiyayaasha wakhtiga ee taban……………………………………………..39-40
> dhibaatada wahsiga………………………………………………………………..…………….40-41
> dawada wahsiga……………………………………………………………………………………42-43
> astaamaha dadka aan wakhtiga ka faa idaysan…………………….…..…........…43-46
> dabeecadaha guusha iyo kalsoonida nafta ……………………………………………46-49
> qiso tusaale u ah maaraynta wakhtiga……………………………………….………….49-51

1
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

9.Ka fogaanshaha mukhaadaraadka…………………………………………………..……………....53-63


> cunista qaadka iyo dhibaatadiisa …………………………………………………....……..…53-55
> aafada qabyaalada…………………………………………………..…………………..……..…….55-56
> dhibaatada jahliga…………………………………………………………..…………………..…….60-61
> sigaarka iyo dhibaatadiisa caafimaad…………………………………………………..…....61-62
> habkee ayaynu uga fogaanaa mukhaadaraadkan……………………………………….63
10.qeex yoolkaaga………………………………………………………………………………….…….………65-75
> waa maxay yoolku?.........................................................................................66-69
> noocyada yoolka………………………………………………………………….……….….…………69-74
> side baynu u qeexi karnaa yoolkeena ?..........................................................74-75
11. Dadaalka ……….………………………………………………………………………………….……………77-86
> waa maxay dadaalku?.....................................................................................78
> noocyada dadaalka………………………………………………………………….……….…………78-80
> side baad u dadaali kartaa ?............................................................................80-86

2
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Waa kuma qoraagu?

Waa maxamed aamiin ibraahim awcali oo ku dhashay magaalada


hargeysa hillaadii 1998kii.waxa uu ku soo barbaaray kuna koray isla
magaalada hargeysa,waxa uu malcaamad qur’aankii ugu horeeyay ka
bilaabay ubaya binu kacab , oo ahayd malcaamad qur,aan ku taalay
xaafad kamida xaafadaha magaalada hargeysa.

waxa uu iskuulka ka bilaabay dugsiga hoose/dhexe


ee qudhac dheer oo ku yaala hargeysa.waxa uu ka
soo baxay fasalka 8aad ee dugsigaas,sanad
dugsiyeedkii 2014/2015.

Isla markaas oo uu dugsigii sare ka bilaabay


Maxamuud Axmed Cali oo uu isla wakhtigan arday
ka yahay.

Hadaba waxa uu maxamed aamiin isku dayaa ama uu wakhtigiisa ugu


badan ku bixiyaa, in uu daraaseeyo ama dib uraadin(research) ku
sameeyo cilmiga tamarta aadamaha (energy of human being).

Waa shakhsi marwalba u heelan, inuu ku baraarujiyo, hilinka toosan


dadka uu haysto amakaaga noloshu isla markaana u baahan aragti fog oo
mustaqbal. Waxa uu u heelan yahay, in bulshada uu ku dhex noolyahay
saamayn (positive) ah ku yeesho, walaw ay jiraan duruufo yar-yar, iyadoo
ay tii ilaahayna meel tahay.

3
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Mahadnaq

mahad oo dhami waxay u sugan tahay ilaaha naxariista , naxariista guud


iyo ta gaar ahaaneedba. Intaa ka dib waxaan u mahad celinayaa,
labadayda waalid oo dadaalkooda ugu badan ku soo bixiyay, sida aan
halkan ku soo gaadhi lahaa haday noqoto xag korineed iyo xag dhiiri
galineedba .

mar saddexaad waxaan umahad celinayaa qof walba oo igu dhiiri galiyay
inaan buugan qoro ama alifo oo uu kamid yahay Eng Khaalid Yuusuf
Jaamac oo iga caawiyay samaynta iyo qaabaynta in badan oo buugan
kamid ah.

Waxa kale oo aan umahad celinayaa shabakada ( ink of knowledge ) oo


aan ka helay dhiiri galin iyo aqoon korodhsi aad ubadan,intii aan ku gudo
jiray qorista ama alifida buugan.

Ugu danbayn waxaan umahad celinayaa ugu horeyna aan u mahad


celiyay ilaahay(subxaana waa tacaala) ii fududeeyay inaan buugan idin
soo gudbiyo ama aad ila wadaagtaan.waxaan ilaahay ka baryayaa intaan
aduunkan guud joogno cilmi waasica, iyo risiq xalaala aakhirana waxaan
waydiisanaynaa (janatul firdawsa).

…………………………………..

4
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Hibayn

Buugan aynu ugu magic darnay ama aynu ugu wanqalnay amakaag
nololeed iyo aragti mustaqbal, waxaan si gaara ugu hibaynayaa
walaashay oo aad iigu qaaliya waa faadumo ibraahim awcali.

Si guudna waxaan ugu hibaynayaa dadka uu hayso amakaaga noloshu


isla markaana doonaya aragtida fog ee mustaqbal.

…………………………………..

5
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Weedha qoraaga

Marka hore waxaan ku bilaabayaa salaan ku socota akhristahayga


sharafta badan . intaa ka dib waxaan jecelahay inaan kugu booriyo,
inaanad marnaba ka daalin inaad akhrisato buugaagta ka warama
cilmiga tamarta aadamaha( energy of human being ).

Sababtoo ah waa waxyaabaha kaliyaatee aad ka helaysid dhiiri galinta


ugu badan ee guushaada aduunyada iyo ta aakhiraba. Run ahaantii
waxaad heli doontaa niyad dhisan iyo kalsooni aad naftaada ka qabtid,
hana niyad jabin.

Waayo niyad jabku waa shayga kaliyaatee kaa ridi kara ama kaa tuuri
kara biriishka aad u maraysid buurta guusha.

Dadka inta badan guulaystaana waa dadka badanaa iska ilaaliya niyad
jabka naftoodana kalsoonida ku qaba. Tusaale ahaan anigu markaan
bilaabay qorista buugan, waxaan aad uga niyad jabsanaa inuu dhamaan
doono, maxaa yeelay naftayda kumaan kalsoonayn.

Waxaan ka cabsanayey inay dadku mar walba igala horyimaadaan waxba


ma qori kartid,waad yartahay,suuro gal maaha iwm.

Balse laakiin dhag umaan dhigin maxaa yeelay waxaan lahaa hadaf.
Hadaf kaygaasoo ahaa inaan qoro bug aan ku dhiiri galiyo, dhamaan
dhalinyarta ama cid walba oo uu amakaag noloeed haysto.

6
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Haddii aad leedahay hadaf iyo himilo nololeed niyad jabku waxa uu ku
soo wajihi doonaa, in kabadan inta uu dadka kale soo wajaho.

Waxaan weedhayda ku soo gabagabaynayaa ku noolow hadaf iyo himilo


hana noqon doon ku dhex khalkhashay badwayn.

…………………………………..

7
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Hordhaca buuga

Buugan sida magiciisa ka muuqata waxa uu taabanayaa dhinacyo badan


oo nolosha ah, xag maskixiyan iyo xag ficliyanba. Wax uu ku tusinayaa
inaad marwalba noqoto mid noloshiisa tix galiya isla markaana aan rajo
dhigin oo hadaf iyo himilo ku noolaada.

Waxa uu ku barayaa sida aad noloshaada guul uga gaadhi lahayd, qodob
qodob ayuu ukala saarayaa siday ukala horeeyaan ee ay ukala muhiimsan
yihiin.

Tusaale ahaan qodobka koobaad waa ku xidhnaashaha ilaahay , inaad


ilaahay ku xidhnaataana waa mid marwalba ugu horeysa wax walba oo
aad qabanaysid si uu ilaahay kuugu fududeeyo waayo ilaahay il
libiqsigeed kama maarmaysid .

Buugani waxa uu muhiim u yahay haday noloshu kugu cakiranatahay


isku buuqna kugu dhasho waxa uu kugu boorinayaa inaad samaysid
qodobadan,halkii aad ka rajo dhigi lahayd. Waliba sida ay ukala
horeeyaan. Dhanka kale buugan waxa uu kaa caawinayaa arimo yar-yar
oo ku soo wajaha oo aad xal u laadahay.

Buugani waxa uu si guud u sharaxayaa, isla markaan akala qaad


qaadayaa waxyaabo badan oo ku saabsan

8
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Tamarta aadamaha.oo uu macneheedu yahay inuu aadamuhu samayn


karo wax kastoo ilaahay u sahlo haday tahay cilmiga kawnkan iyo ka
waxyigaba .

hadaba cilmiga tamarta aadamuhu isagoo aad u balaadhan ayaa waxaynu


ka soo qaadanaynaa oo uu buugani koobsanayaa qodobo dhawra oo ku
taxaluqa nolosha bulshada soomaalida.

Waxa kale oo uu buugani kugu dhiiri galinayaa inaad samayso waxyaabo


u badan ficilo iyo waanooyin, haddii aad siduu ukala horeysiiyay ukala
horeysiisidna waxaad gaadhi doontaa guusha aad doonayso inaad gaadho
ama hadafka aad nolosha ka leedahay.

Hadaba ugu danabayn waxaa loo baahan yahay inaad buugan sida ugu
munaasibsan aad uga faa,idaysato. Waa laga yaabaa inuu qoraagu ka
tagay waxyaabo muhiima oo maskaxdaada ku jira, laakiin ogow waxaynu
nahay bani aadam, aqoonta iyo cilmigana midkeenba badh ayuu
hayaa.waxa uu bani aadam sameeyo ama uu qabtana dhaliil lagama
waayo.

9
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

© Xuquuqda buugani way dhawrsan tahay


lamana ogola in dib loo daabaco, loo copy gareeyo iwm
Qoraa: Mohamed/amin Ibrahim aw Ali
Wixii faah faahin intaa dheer kala soo xidhiidh
Tell: 063657568 ama 0659961004
Email: Maxamedaamiin996@gmail.com

10
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

1
Qodobka koobaad:

11
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Ku xidhnaashaha ilaahay

12
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

1.1 Ku xidhnaanshaha ilaahay

Markaynu ka hadlayno ku xidhnaashaha ilaahay, macneheedu waxa


weeye inaynu iftiimino sida aanay marnaba suurto gal u noqonayn aragti
mustaqbal inagoon ilaahay ku xidhnayn.

Waayo waxa uu ilaahay inoo abuuray inaynu isaga kaligii caabudno oo


aynaan u shiriik yeelin.waxaanu ilaahay qur,aankiisa ku yidhi.

(jinka iyo insigaba umaanaan abuurin inay na caabudaan


mooyaane).

Iyadoo ay sidaa tahay runtu ayaa dad badan oo kamida bulshada aad ku
dhex nooshahay iska indho tiraan iyagoo

13
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Doonaya araggti fog oo mustaqbal. hadaba akhristahayga sharafta


badanoow waydii naftaada haddii aad leedahay aragti mustaqbal side ayey
suurto gal ku noqonaysaa, inaad ilaahay xidhiidh dhaba la yeelato?

Waxa taa suurtogal kaaga dhigi kara, laba qodob oo muhiima ah oo aad
samayso waxaanay kala yihiin

 Camal saalixa iyo


 Daacadnimo

1.2 Camal saalixa

Inaad samayso wax walboo ku sugan qur,aanka iyo sunada eeaad awood
u leedahay , si aad aakhiro iyo aduunba guul u gaadho ayaa camalkaaga
oo dhan ka dhigaya mid saalixa ama wanaagsan sida salaada, soonka,
sakada iyo xajka hadii aad awood uleedahay.

Waa kuwa kaa dhigi kara qof ilaahay xaggiisa laga jecelyahay, haddii
xagga ilaahay lagaa jeclaadana, xagga bani aadamkana waa lagaa
jeclaanayaa.tusaale ahaan salaadu waa xidhiidhka ugu way nee ka
dhexeeya adiga iyo ilaahay,haddii aad salaada wanaaajisid, ilaahay iyo
umadiisaba raali ayey kaa noqonayaan.

Hadaba akhristoow waan in manta laga bilaabo boodhka iska tuntaa oo


aad fadhiga ka kacdaa, oo aad u

14
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Udhaqaaqdaa sidii aad uga dhabayn lahayd dhamaan camaladan


qabashadooda iyadoo ay salaadu tahay ta ugu horaysa, waayo, salaadu
waa (madaxa cibaada).

1.3 Daacadnimada

Daacadnimadu waa in aad bulshada ka noqoto qof aaminimo lagu


tilmaamo, soomaaliduna waa tii hore ugu maahmaahday (daacadi ma
hungawdo).

Iyadoo ay sidaa tahay ayaa ay hadan daacadnimadu qofka.waayo waxa uu


qofku sharaf iyo karaamaba yeelan karaa, marka uu noolaha iyo
deegaanka ku xeeran uu daacad u noqdo sida dadka aad ku dhex
nooshahay,qoyskaaga,asaxaabta iskuulka,iyo waliba saaxiibka kuugu
muhiimsan nolloshaada.

Haddii aynu eegno dhinaca deegaanka deegaanka aad ku dhex


nooshahay , waxaad daacad ugu noqon kartaa, adigoo ka ilaaliya
waxyaabaha dhibaatada ku keeni kara ee ay kamidka yihiin qashin
qubka liita, jarida dhirta faa idada lahayn, iyo dhibaatooyinka kale ee
khatarta ku keeni kara deegaanka .

Taa badalkeeda waxaad samayn kartaa adigoo daacada inaad ilaaliso intii
awoodaada ah deegaanka aad ku nooshahay .taana waxa sababi kara
daacadnimada

15
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Waayo dacadnimadu waa furaha sharaftaada iyo dadnimadaada iyo


waliba deegaankaaga. Imika kadib isku day inaad noqoto qof daacad u ah
naftiisa,waayo, haddii aad naftaada daacad u noqotid, bulshadaadana
daacad ayaad unoqonaysaa waxaanad can ku noqon doontaa
daacadnimada,sharafta iyo wanaaga.

Haddii aynu intaa kaga nimaadno labadaa qodob ee muhiimka ah ku


dhaqankoodana ay ku xidhan tahay dariiqa aad kaga baxaysid amakaaga
nolosha, kuuna suurto galinaya aragtidaada fog ee mustaqbal, waxaanu
shaki ku jirin in ku xidhnaanshaha ilaahay uu yahay qodobka koobaad ee
suurto gal ka dhigi kara aragtida mustaqbal.

Akhristahayga sharafta badanoow aynu tusaale u soo qaadano sheeko


hadda ka hor ka dhacday magaalada Istanbul ee dalka turkiga.

Shirkad uu leeyahay nin diinta kiristaanka haysta ayaa wax aka shaqayn
jiray nin haysta diinta islaamka ,waxaanu shirkada ka ahaa
sakrateri(secretory).

Waxa uu faylasha iyo waraaqaha u qaadi jiray maamulaha shirkada


maalin walba. Maalin maalmaha kamida ayuu u soo galay isagoo
murugsan maamulihii waxa uu ka adkaysan waayay dhibaatada ba’an ee

Ee haysata maamulaha waxa uu waydiiyay sababta ka danbaysa


murugadiisa xaddhaafka noqotay.

Waxa uu ku amray inuu u raaco goob jawigeedu ka duwan yahay halkan


ay joogaan , waxaanay qaateen baabuurkii maamulaha waxay gaadheen

16
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

maqaaxi badda afka ku haysa oo ku taalla biriishka kala badha labada


daamood ee Istanbul hoostiisa.

Waxa hadalkii bilaabay adoonkii muslinka ahaa oo lagu magacaabi jiray


hakan

Hakan: waa maxay sababta aad halkan inoo keentay maamule?

Maamule:waxaan rabaa inaan kaaga jawaabo su,aashii ahayd waa maxay


murugada wajigaaga ka muuqata.

Hakan: laakiin maamule ma jecli inaan shakhsiyadaada wax kaa


waydiiyo.iga raali ahow hadaan xadkaygii soo dhaafay.

Maamule: haka baqan waxba inaga xumaan maayaan , imika laga bilaabo
waxaynu uwada dhaqmaynaa sidii saaxiibo muddo dheer is yaqaanay.

Hakan: waad mahad santahay maamule waayo waxaad fursad ii siisay


inaad iisheegto sababta ka danbaysa murugadaada waa hagaag ma ii
sheegi kartaa sababta

Aad maalin walba u murugsantahay.

Maamule: waad ogtahay waxaan ahay nin taajira (milioner), waxaan


leeyahay shirkado, baabuur badan, dhismayaal badan, waxaanan ahay
nin magaalada Istanbul ka caan ah waxaanan ku caan baxay guushaan
ka gaadhay aragtidaydii mustaqbal.hadana naftaydu waxay dareemaysaa
inaanan wax guula haba yaraatee gaadhin managaranayo sababta.

17
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Hakaan: ma xagga xaaskaaga iyo caruurtaada ayay dhibaatadu


kaahaysataa

Maamule: maya xaaskaygu way iqadarisaa waanay I xush maysaa


waxaanay jeceshy inay marwalba idajiso.

Caruurtaydu waa saddex mid wuu yar yahay labana wakhti badan ba
umahelo oo aanku arko waxay waxkabartaan dalka maraykanka.

Hakaan: ma xagga shaqada ayaad culays badan kala kulantaa oo isku


buuq dhalinkarta.

Maamule: maya waxa shirkadahayga ka shaqeeya in kabadan 300 oo qof


kaliyaata waxaan dib u dajin ku sameeyaa kaliyaata faa iidada soo gasha
shirkadahayga kaliyaata intaas Ayaan qabtaa .

Hakaan waxa uu ahaa nin maskax badan ,waa uu fikiray hadda ka hor
waxa uu ogaa inuu maamulaha shirkadani ahna mulkiilaha shirkada
uusan haysanin diinta islaamka balse ay noqon karto dhibaatada
haysataa xaga diinta .

maamule: hakaan,waad fikiraysaa mawaxaad haysaa xalkii dhibatadan


ihaysata

Hakaan: waxaan kaacodsanayaaa maamule inaanad ku gacan saydhin


arintaan kuu soo bandhigo, waxaana kuxidhan aakhiradaada iyo
aduunkaagaba sababta kadanbaysa murugadaada waa diintaada aad
haysatid imika.

18
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Maamule: oo maxaaa diin tayda ka khaldan waxaan rumaysanahay inuu


ilaahayga ciise ibad baadin doono maalinta aakhiro.

Hakaan: maamule inaad ifahanto ayaa qurux badan taasi waakhalad ciise
waxa uu ahaa nabi uu ilaahay umad hore usoo diray, waxaanu ahaa
adoon ilaahay, laakiin xaqiiqda dhabtii waxa weeyaan inaad tijaabiso
diinta islaamka hadii ay kaa hadhi waydo dhibaatadu waxaad doontid igu
ganaax.

Maamule: hadii ay noqon waydo sida aandoonayo ogow waxaad waayi


doontaa shaqadaada, laakiin halkee ayaa iigu dhaw oo aanka baran karaa
diinta aad sheegayso .

Hakaan: waxaad samaysanaysaa fiisaha wadanka sucuudiga, kadib


waxaan lahad layaa saaxiibkay oo mudo kunoolaa riyaad isaga ayaa
kudajinaya huteel.

Maamule: waad mahad santay hakaan .

Muddo labo sano ah kadib, Ayaa maalin maal maha kamida waxa soo
dhacay talefoonka guriga hakaan cabaar,markuu dhacay ayaa hakaan
oomar kaa soo toosay waxa uu layaabay qofkan wakhtigan salaada hore
ah soo wacaya waxa uu qabtay talefoonkii.

Hakaan: waakuma qofka hadlayaa ?

Maamule: asalaamu calaykum waraxma tulaahi wa barakaatu .

19
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Hakaan: wa calaykuma salaam .

Maamule: waa anigii hakaanoow waa maamule joon biikoon (john becon).

Hakaan ayaa inta uu naxdin farxay ku jawaabay.

Hakaan: maamule xaaladaada ka waran hadda, muddo badan ayaad


maqnayd waa side xaalkaagu.

Maamule: waa fiican waan bartay diinta islaamka hadda waxaan ahay qof
muslin ah aad baan ufarax sanahay, run ahaantii diinta islaamku waa
naxariis iyo qabaw .

Waxaanan imanayaa isniinta fooda inagu soohaysa waxaanan kuugu


mahadcelinayaa wanaaga iyo dariiqa dhabta ah ee aad iisheegtay,waanan
kuu abaalgudi doonaa markaan istaan buul yimaado.

Hakaan: waad mahad santahay maamule qofkastoo islaama waxa ku


waajiba inuu waxa uu naf tiisa la hecelyahay lajeclaado walaalkii. waan
ku salaamayaa ilaahay haku nabad keeno .

telefoon kii ayaa uu dhigay hakaan waxa kasoo wareegtay afar maalmood
waa subax isniin ah. Waxa maamulaha madaarka uga hor tagay hakaan
iyo dhaw shaqaale ah oo arinta wax ka ogaa.

Waxa kasoo dagay diyaaradii dad aad ufaro badan waxa ayna ka dhex
garan waayeen maamulihii shirkada,waxa ay umaleeyeen nin khamiis
xidhan oogadh wayn oohadana Turkish/ameerikaan ah, moddo yar kadib

20
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

markii uusoo dhawaaday ayaa waxay ogaadeen inuu yahay maamulihii


shikada.

Aamus naan yar kadib waxa xaggii maamulaha shirkada udhaqaaqay


hakaan oo laabta gali yay maamulihii,waxa yaab iyo ama kaag ka soo
hadhay shaqaalihii kale oo aqoon saday inuu ninkanu aadka u quruxda
badani uu yahay maamule (john becon).

Waxa uu kamid noqday dadka tirade yar ee buurta guusha

Figta ugu saraysa gaadhay.

Haddaba ilaahay ku xidhnaanshihiisu waa qodobka koobaad ee suuro gal


ka dhigi kara mustaqbalkaaga. Akhriste waxaad ubaahantay inaad
fahantid , qodobka labaad ee suurogal ka dhigi kara aragtidaada
mustaqbal kaana kaxaynaya amakaaga nolosha.

21
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

2
Qodobka koobaad:
Isbadal

22
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

2.1 Isbadal

isbadalku waxa uu ka yimaadaa inaad saluugto ama aad ka biyo diido


nolosha ama xaalada aad hadda ku sugan tahay oo aad u doorbidid inaad
mid ka fiican ku noolaato.

Hadaba akhristoow waxa muhiima inaad fahaantid qodobkan isbadalku


muhiimada uu uleeyahay noloshaada iyo sida uu uga qayb qaato
aragtidaada mustaqbal, si aad uga baxdid amakaaga nolosha .

23
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Waxa jira dhawr qodob oo noloshaada ka dhigi kara mid qaabkeedii hore
ee aad saluugtay iska bedesha, isuna bedesha mid sharaf iyo karaamo leh
waxaana kamid ah qodobadaas.

 Badalida goobta aad ku noolayd


 Badalida saaxiibka iyo asxaabta aad la noolayd iyo
 Badalida habdhaqankaaga

2.2 badalida goobta aad ku badnayd

Waa qodob hoosaadka ugu muhiimsan kaalinta koobaadna kaga jira


isbadalka naftaada, waxa uu qodobkani iftiiminayaa sida ay saamayn
kuugu leedahay deegaanka aad ku nooshahay iyo bulshadiisuba.

Tusaale ahaan haddii aad ku dhex nooshahay bulsho ay dhalinyarteedu u


badan tahay kuwo mukhaadaraadka isticmaalaa waxay ubadan tahay
inaad iyaga dhaqankooda yeelatid haddii aad muddo ku dhex noolaatid.
Waayo aroor walba, duhur walba iyo habeen walba waxaad arkaysaa
iyagoo jidadka xaafada kolba dhinac umaraya oo isticmaalaya
mukhaadaraaka ah sida sigaarka, koolada,qaadka iwm.

Wakhtiga ugu horeeya waad diidi doontaa, naftaadana waxaad ka


dhaadhicin doontaa, inaanad marnaba samayn Karin dhaqamadan xun-
xun ee ay iyagu samaynayaan.wakhtiga labaadna dhaqankooda ayaad ku

Siqi doontaa si aayar aayar ah. Wakhtiga saddexaadna adiga ayaa adigoon
is ogayn samayn doona dhaqankooda

24
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Waayo qofka dhaqankooda sameeya ayaa iyaga xaggooda sharafka ka leh.

Hadaba akhristoow waxaad naftaada ka badali kartaa, goobta ay


xiisaynayso markaad samaysid (muxaasabu nafsi) ama inaad la
xisaabtantid naftaada . soo toos wakhtiga aad soo toosi jirtay wakhti ka
duwan . tusaale ahaan hadaad soo toosi jiratay todobada ilaa sideeda
subaxnimo, toos salaada subax tuko salaada, ilaahay dartiina u
cibaadayso qur,aan akhriso ama camal kale oo fiican same inta ka hadhay
wakhtigii aad toosi jirtay. Ha tagin manta goobtii aad tagi jirtay ee
asxaabtaada tabani(negative) ku noolaayeen, tag goob kale oo fiican xataa
haday nataadu karaahsanayso. Waa run naftaada ayaa soo xiisaynaysa
goobtii aad hore u tagi jirtay, tag kaliyaata wakhti danbe goobtaadii hore ,
waayo wax walba marka ugu horeysa lama badali karo ee talaabo talaabo
ayeynu qaadaynaa. Laakiin maalinta labaad ha tagin goobtaadii hore ,
waxaad bookhataa todobaadkii hal mar, bookho hadana bishii hal mar.
imika laakiin wax xiisa ah uma haysid goobtaadii hore waanad badali
gartaa ee isku day inaad badashid, hana quusan oo ha rajo dhigin

2.3 badalida saaxiibka

Saaxiibku waa mid kamida saamaynta ugu way nee noloshaada iyo
habdhaqankaaga . waayo markaad doonaysid inaad qof habdhaqankiisa
eegtid , waxaa la eegaa qofkka ugu dhaw ee uu agtiisa ku badan yahay.

Hadaynu hoos ugu daadagno qodobkan waxa uu muhiim uyahay da da


waxbarashada dugsiaga ilaa heer jaamacadeed. Waa run saaxiibkaaga

25
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

xuni waxa uu ku odhan doonaa waynu is raacaynaa mana diidi


kartid,waayo, naftaadu waxay aaminsantahay inuu yahay saaxiibkaa oo
wax fiican kula doonaya, laakiin arintu sidaad moodayso way ka duwan
tahay waxa uu kuu gaynayaa asxaabtiisii dhaqanka xumayd, waa ay kaa
maadaysan doonaan waanay kugu qosli doonaan, waxaanay kugu odhan
doonaan ereyo ay kamid yihiin kani waa badaw ama wuu ka danbeeyaa
magaalada iwm.

Ugu yaraan isagu waxa uu ugu jawaabi doonaa, iska dhaafa wuu la
qabsan doonaaye. Dhaqankiisii ayaad yeelan doontaa habka uu dadka ula
dhaqmo ayaad ula dhaqmi doontaa waa haddii uu kaa awood maamul
badan yahay, waayo labadiina midkiin uunbaa saamayn lagu yeelan
doonaa ama adigaa wanaaga usoo jiidan doonaa ama isagaa xumaanta
kuu jiidan doona.

waxa uu ku odhan doonaa ku odhan doonaa manta waa ciid waa maalin
farxadeed, waynu iska qayili doonaa, maya ayaad ugu jawaabi doontaa ,
marka labaad ayuu ku fahansiin doonaa farxada mala’awaalka eeuu
murugada iyo isku buuqu ka danbeeyo, waa run imika ma diidi doontid.

Hadaynu xagga kale eegno, saaxiibka wanaagsani waxa uu ku odhan


doonaa waxaynu ubaxaynaa misaajidka,iskuulka iwm. Waa run waad
saluugi doontaa dhaqankiisa laakiin waxa uu kuu gayn doonaa, bulsho
dhexdeeda uu sharaf ka leeyahay qofka aqoonta leh ama ardayga
dadaalaya.

26
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Waa run waad isku dayi doontaa inaad sidooda oo kale samayso, laakiin
way kugu adkaan doontaa marka hore.

Laakiin marka labaad waad samayn doontaa wax kamida waxa ay


samaynayaan, ugu danabayn waad samayn doontaa waanad la qabsan
doontaa, waxaanad fahmi doontaa inay sharafta dhabta ahi ay tahay ta
lagu dhex yeesho bulshada sharafta leh.

Ugu danbayn akhristoow is waydii imika waa side saaxiibkaaga kuugu


dhaw ma qof xunbaa mise waa qof wanaagsan oo ilaahay u cibaadaysta .
haddii aanu dhaqankiisu ku cajabin badal imika, oo badal oo isku day .
waayo tani waxay ku xidhan tahay mustaqbalka noloshada

2.4 badalida habdhaqankaaga

Tani waa naftaada waa ta adiga kugu jirta, laba mid uunbay noqon, ama
way kaa awood badan, ama adigaa ka awood badan.

Hadaad ka awood badatid wax walba waad ku amri kartaa, balse haday
iyadu kaa awood badato way ku bahdili doontaa waxayna ku ciyaari
doontaa sharaftaada. Markaad doonaysid inaad habdhaqankaaga
badashid, horta dib ufiiri markii hore side ayaad ahayd,se laakiin imika
side ayaad tahay,side ayaanad doonaysaa inaad noqotid. Ka dib ayaad
xadidi kartaa hadafkaaga ku wajahan badalida habdhaqankaaga.

Hadda ka hor mar aan la kulmay mid kamida asxaabtayda, waxa uu ii


sheegay inuu saluugay habdhaqankiisa oo uu doonayo inuu badalo

27
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

habdhaqankiisa. Waan u sheegay waxaanan kula taliyay inuu xadido


hadafkiisa, ku wajahan isbadalka habdhaqankiisa waxaanan u
calaamadiyay qodobo dhawra oo ay kamid yihiin, u fiirsasho, go’aan,

Barasho, weelayn, ku celcelin joogto ah iyo joogatayn.

Oo uu dhamaantoodba Dr Ibraahim AlFiqi ku xusay, buugiisa


( Maaraynta nolosha ).

Hadaba akhristoow xalkaagu waxa weeye ama uu noqon

Karaa, markii hore habka aad u labisatid ayaad saluugtay, waayo


surwaalka ayaad isku dhejisaa ama habab kale oo diinta islaamka lid ku
ah ayaad u labisataa, waxaad doonaysaa inaad badashid, hadana wax
ayaa ku hortaagan, waxaasina waa dib udhigista ee iska jir , waayo dib
udhigistu waa cadawga ugu waynee dadka hanka sare leh u fadhiista
wadada guusha .

Waa inaad naftaada ka dhaadhicisaa inaanay dib waxba udhigin, ku


dhaqaaq oo same ficilka imika haka yeelin inay naftaadu kaa awood
badiso kadib talaabo talaabo ayaad u badali doontaa habdhaqankaaga.
Hadaba si aad u badashid oo aad u samaysid qodobadan aan kor ku soo
xusnay, ilaahay waxa uu kugu manaystay maskax iyo garaad aad saxa iyo
khaladka ku kala saari kartid. Waxa waajib kugu ah inaad isticmaashid
nimcadan alle kugu galladay ee uu kaaga duway noolaha kale waa wax-
garashada.

28
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Waxa weeye inaad udhoolo cadaysid dhibaatooyinka yar-yar ee kusoo


wajaha,waayo, wadada guusha ee dhibaatada badan waxa mara qof
usamri kara caqabadaha ka hor yimaada , waxaanad la kulmi doontaa
ereyo ay kamid yihiin maya, masamayn kartid, iwm, oo kaaga imanaya
saaxiibkaa, dadka aad la shaqaysid iyo waliba

Bulshada aad ku dhex nooshahay.

2.5 dabeecadaha isbadalka

Dabeecadaha isbadalka ayeynu ka xusi doonaa qodobo dhawra, oo uu


astaan u leeyahay qofku marka uu gaadho, ujeedadiisa isbadal. Waxaana
kamid ah qodobadaas.

1) Kalmad dadka kaaga timaada oo ku odhanaysa “waad isbadashay”.

Macneheedu waxa weeye marka aad gaadhid hadafkaaga ujeedo ee


isbadal, bulshada aad ku dhex nooshahay ayaa kaa dareemi doonta,
kadibna mar walba waxa lagu odhan doonaa ( waad isbadashay, sidaadii
hore ma tihid, niyow kiiba ma tihid ee maxaa beryahan kugu dhacay
iwm.).

2) Usoo boholyoobid.

Waxa weeye inaad u soo xiisootid noloshaadii hore, waayo, imika waxaad
samaysay isbadal wayn oo lagaa dheehan karo haday tahay xag
maskixiyan iyo xag jidheedba.

29
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

3) Ku guulaysiga hadafyada yar-yar.

Markaad isbadashid dhamaan hadafyadii yar-yaraa ee ee suuro gal kaaga


dhigayay aragtidaada mustaqbal

Kaana kaxaynayay amakaaga nolosha way kuu dhamays tirmi doonaan


insha’alah.waayo si yaroo aanad fahmayn ayaad uga gudbi doontaa hadaf
walba oo aad lahayd.

4) Farxad marwalba qalbigaaga ku soo noq-noqota

Waxaad dareemi doontaa farxad aad uwayn markasta oo aad naftaada


gaar ula faqdid. Waad is waydiin doontaa sababta ka danbaysa
farxadaada, kadibna waxaad xasuusan doontaa guushaada isbadal ee aad
gaadhay waana wax ilaahay loogu mahad naqo.

Hadaba ogoow akhristoow sharaftaadu waa noloshaada,noloshaaduna


waa sharaftaada. Oo macneheedu yahay haddii aanad bulshada aad la
nooshahay sharaf ku dhex lahayn, aanad wax nolola ku dhex lahayn
waayo dhagaxa ugama duwanaanaysid. Kamana qayb qaadan kartid
hawlaha bulshada dhexdeeda xataa haddii aad goobta ku sugan tahay cidi
waxba ku waydiin mayso, hebel kale oo maqan ayaa adigoo taagan la
odhan doonaa “ hebel ayaa hawshan u imanaya ee isaga u daaya “ .

Hadaba bal aynu soo qaadano qiso tusaale inoogu noqon doonta
qodobkeenan isbadalka.

Hadda ka hor ayaa arday dugsi sare ka barta mid

30
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

kamida magaalooyinka soomaalidu degto ayaa waxay bulshadu ku


tilmaami jirtay, wax matare saaqid ah oo aan waxba ku filnayn oo wax
barashadana khasaare ku ah.

Macalimiinta iskuulka wax ka dhigtaana , adigu maskax maal matihid ee


muruq maal ayaad tahay ee orod waxbarashada iskaga tag oo magaalada
shaqo ka raadso.

Sidoo kale dhalinyartay isku heerka ahaayeen, waxay kaga maadaysan


jireen marka uu iskuulka la joogo, waa kan kii cabdi saaqid iwm. Cabdi
maalin maalmaha ka mida ayuu sidii caadada u ahayd, goor danbe
iskuulkii yimid. Maalintaa waxa iskuulka joogay gudi kormeera oo ka
socotay dawlada gaar ahaan bahda waxbarashada. Kadib markuu soo
dhaafay albaabkii waynaa ee gaydhka iskuulka, ayaa isagoo socodkiisa
caajisnimo ka muuqato, oo buugaagta far iyo suul ku laalaadsanaya,
shaadhkana labada badhan ee sare ay u furan yihiin, feedhashana iyada
hadalkeedaba daa, ayaa waxa u yeedhay mid kamida gudidii kormeerka.
Waxa uu ahaa nin aad u da’wayn waxa uu waydiiyay sababta ka
danbaysa sidan uu dhaqankiisu yahay, waxa uu ugu jawaabay sidii
caadadiisa isagoo madaxa hoos u foorarinaya “magaranayo”. Kormeerkii
ayaa isagoo yaaban wiilka sidan ah u yeedhay mid kamida macalimiintii
oo xafiiska

Hortaagan, waxaanu waydiiyay wiilkan akhlaaqda xun iyo arimihiisa bal


inuu wax ka og yahay.

31
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Waxa uu ugu jawaabay macalinkii “ waa kii cabdi saaqid oo hadda ka hor
maamulaha ayaa dhawr jeer eryay hadana waalidkii ayaa soo celiyay
waxba ma dhigto waa mid saaqid ah oo dhago adag” intuu macalinkii ku
jawaabay ayuu inta uu buugaagtiisii qaatay uu u dhaqaaqay dhinicii
galaaska uu xiisada u lahaa.

Kormeerkii oo inta uu yaab udhamaaday afka gacanta saaray ayaa wiilkii


u sheegay inuu u raaco oo uu la fadhiisto xafiiska iskuulka. Cabaar markay
waanu socotay ayaa waxa soo galay maamulihii dugsiga o u sheegay
cabdi inuu ka baxo xafiiska isagoo cod dheer oo kulu ku qaylinaya,
kormeerkii ayaa u sheegay inuu isagu ugu yeedhay xafiiska “waayahay
bal haday waanadaadu wax u tarayso” maamulihii ayaa ku jawaabay
isagoo xafiiska kasii baxaya. Hadalkii waanada ahaa ayuu halkii ka sii
watay kormeerkii isagoo kolba cabdi qiso uga sheekaynaya ku saabsan
arday sidiisa oo kale ahayd oo intay isbadashay hadana nolosha guul
wayn ka gaadhay .

“waayahay” ayuu cabdi sidii caadadiisa ahayd kolba ugu jawaabayay


kormeerka isagoo dhib sanaya hadalkiisa.

Markii uu cabdi soo dhamaystay nolol maalmeedkiisii ay

Ay murugada iyo sharaf dhacu ka buuxay ayaa uu habeenkii seexday


cabdi, kadib waxa uu ka soo baxay albaabkii guriga dhamaan dadka
xaafada ku nooli way u hambalyaynayeen, kuwii ka maadaysan jiray iyo
kuwii kalaba, dariiqii iskuulka uu umari jiray ayuu qof walba ugu
hambalyaynayey yaab iyo amakaag ayaa cabdi ka soo hadhay waxba

32
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

isagu wakhtigaa muu fahmin, socodkiisa ayuu iskasii watay haweenay


da’wayn oo wiil ay ayeeyo utahay cabdi isku galaas ahaayeen ayuu cabdi
ka soo horbaxay isagoo is leh sidii caadada ahayd ayey hadaladii foosha
xumaa kugu odhanaysaa, ayey ku tidhi kalmad uu layaabay “hooyo
cabdoow hambalyo”, waad guulaysatay mar walba waan kuu ducayn jiray
hambalyo, hambalyo.

Isagoo cabdi maskaxdiisa ku leh malaa maanta caadi ayaad uga dhigtay,
ayuu soo gaadhy albaabkii dugsiga oo dhalinyaro iyo haween aad ubadani
ka daawanayaan xaflad abaal marino lagu gudoonsiinayo ardaydii
iskuulka dhinicii xaflada .

Mar qudha ayaa waxa soo wada eegay dadkii ku sugnaa goobtii ay
xafladu ka dhacaysay oo ay ka mid ahaayeen macalimiintii, maamulihii,
iyo waliba marti sharaf aad ubadan oo kasoo qayb gashay xaflada, kadib
maamulihii oo ku dhawaaqaya waakan ardaygii ugu sareeyay

Iskuulka iyo dadkii oo sacab jiibta isla helay ayaa cabdi amakaagii horeba
kaga sii yaab badatay.

Isla markiiba waxa uu maamulihii ugu baaqay inuu usoo dhaqaaqo


dhinaca fagaaraha xafladu ka dhacaysay si uu abaal marintiisa u
gudoonto , waa uu dhaqaaqay cabdi isagoo sacab lagu sii galbinayo ilaa
intii uu gaadhay fagaarihii, cabdi waxa uu ka dhex arkaa dad ka
dhexdooda arday ay isku fasal ahaayeen oo ka dhex muuqda dadka
sacabka utumaya, markii uu gudoomay abaalmarintii ayaa waxa u

33
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

hambalyeeyay macalimiintii, maamulihii iyo waliba dadkii kale oo koox


koox ugu imanaya.

Inyar kadib cabdi waxa uu maqlay qaylo aad u dheer “waar kac
caajisyohow waa xilli danbee iskuulkii ayaad ka habsaantee” cabdi
hooyadii ayaa sidaa tidhi.

Inta uu cabdi yaab iyo amakaag ka soo hadhay ayuu ogaaday inay wixii
dhacay oo dhami riyo ahaayeen iskuulkii ayuu usoo baxay, maalintaas
cabdi waxay u ahayd maalin noloshiisa oo dhan wax ka badasha, waxa uu
la soo toosay fikir ka duwan kii uu lasoo toosi jiray, waxa uu iskuulkii soo
galay isagoo foorara oo aan cidna la hadlayn waxay ardaydu la yaabeen
waxa maalintaas cabdi ku dhacay. Waxa uu ka soo laabtay dugsigii intii
uu

Dhexda ku soo jiray waxa uu galay fikir dheer waxaanu isbarbar dhigay,
maalintaa uu ku riyooday siday ufarxada badnay iyo nolosha uu hadda ku
jiro ee shidada iyo sharaf dhaca badan. Waxa uu go,aan ku gaadhay inuu
isbadal nololeed sameeyo, waxa uu bilaabay wadadii uu umari lahaa
isbadalkiisa, waxa uu utagay wiil ay isku fasal ahaayeen oo hadda ka hor
waano iyo wanaag kala quustay. Waxa uu waydiiyay halka uu wax ka
bilaabi lahaa, wiilkii kale oo aad ula yaaban ficilada aadka u wanaagsan
ee cabdi samaynayo, ayaa uu u sheegay inuu si wayn ugacan qaban
doono oo uu wixii uu u tari karo u qaban doono.

34
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Waxa uu raacay cabdi wiilkii, waxaana ka soo wareegatay muddo afar


bilood ah mudadii ay cabdi noloshiisu isbadashay. Waxa uu kamid noqday
ardayda ugu cadcad iskuulka, uguna saraysa.

35
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

3
Qodobka saddexaad:
Maaraynta wakhtiga

36
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

3.1 Maaraynta wakhtiga

Markaynu u nimaadno qodob ahna deeqda ugu qaalisan ee ilaahay siiyay


bani aadamka waa wakhtiga. Hadaba waxa bani aadamka oo dhani ka
siman yahay ama wadaagaa 24 saacadood, laakiin waxay ku kala duwan
yihiin sida qof walba oo nooli uga faa’idaysto ama u maareeyo.

Hadaba akhristoow waxaad iswaydiisaa sidee ayaad wakhtiga uga


faa’idaysataa? Ma waxaad ku dhamaysataa la qosolka ama la fadhiga
asxaabtaada? Mise waxaad ku

37
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Ku dhamaysataa hurdo iyo raaxaysi? Mise waxaad ku qaadataa balwad


iyo mukhaadaraad? Mise waxaad ku dhamaysataa daawashada tvga
internet iwm?.

Waxaynu qodobkeena maaraynta wakhtiga ku lafa guri doonaa, qodobo ay


kamid yihiin.

 Lumiyayaasha wakhtiga ee taban


 Dawada lumiyayaasha wakhtiga ee taban
 Dhibaatada wahsiga
 Dawada wahsiga
 Astaamaha dadka aan wakhtiga ka faa’idaysan

3.2 lumiyayaasha wakhtiga ee taban

Iyadoo waxyaalaha lagu waydiinayo maalinka qiyaame ay ka mid yihiin,


wakhtiga iyo waxa aad uga soo faa’idaysatay ayeynu qodob
hoosaadkeenan ku xusi doonnaa qaybo kamida lumiyayaasha wakhtiga ee
taban oo ay kamid yihiin, mukhaadaraadka, daawashada filimada iyo
ciyaaraha, ciyaarista laadhuuda turubka iwm.

Mukhaadaraadka: waa qodob aad u baaxad wayn oo aynu kaga hadli


doono qaybaha danbe ee buugeenan, laakiin waxaynu waxyar ka taaban
doonaa sida kaalinta koobaad uu uga galay wakhti lumiyayaasha taban.
Noocyada ay kamid yihiin khamriga iyo shiishada Ayaan ahayn qaar aad

38
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Ugu badan bulshada soomaalida dhexdeeda islamarkaana ay la tacaalaan


dawladaha wakhtigaa xukunka haya.

Laakiin aafada ugu wayn isla markaana ugu isticmaalida badan bulshada
ayaa ah qaadka ama jaadka. Wax isticmaala inta dad tiro badan oo isugu
jira rag dumar iyo dhalin yaro aad u tiro badan. Waa maskax naafeeye ay
culimada daraasaysay ku sheegeen khatar aad ubadan. Hadaba aynu soo
qaadano tusaale waxa uu shaqeeya maalinta oo dhan ilaa casarka, marka
uu shaqada ka soo baxo waxa uu qaataa qaad, wuxuu fadhiyaa ilaa
habeenka badhkiisa, wuxuu yimaadaa gurigiisa/gurigooda wax war ah
kama hayo, waxa la toosiyaa salaada hore si uu u shaqo tago, waxa
halkaa ku seega wakhti uu wax badan uga faa’idaysan lahaa xataa waxa
dhici karta inaanu salaada u kicin sida inbadan dhacda, hadduu
tukadana waxa uu tukadaa salaad aanu wax war ah ka hayn oo uu ku
dul tukaday isla goobtii uu qaadka la fadhiyay.

Daawashada filimada ama ciyaaraha: waa dhibaato kale oo haysata


bulshada soomaalida gaar ahaan dhalinyarta waxay wakhtiga inta ugu
badan ku lumiyaan daawashada filimada wadamada shisheeye sida kuwa
reer galbeedka, waayo filimka ugu yari waxa uu socon karaa 1:40 ( hal

39
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

saac iyo afartan daqiiqo ), sidoo kale waxa dhalinyarta iyo qaar kamida
dadka waawayn dhibaato ku haya daawashada ciyaaraha kala duwan ee
reer yurub. Waxaad marwalba arkaysaa goobaha ciyaaraha lagu daawado
oo camiran, kadibna iyadoo dhalinyartu koox-koox u falanqaynayso
waxyaabo ku saabsan siday ciyaartu ahayd.Turubka iyo laadhuuda ayaa
iyaguna ah qaar kamida waxyaabaha caanka ah ee lumiyayaasha
wakhtiga taban .

3.3 Dawada lumiyayaasha wakhtiga ee taban

Ma isticmaalayno kiniin iyo sharoobo laakiin dawada ugu

Wayn ee lagula tacaali karo lumiyayaasha wakhtiga ee

Tabani waa( la xisaabtanka nafta ). Waa inaad naftaada kaga awood


roonaataa amarrada isla markaana aad fulisaa si awooda, adigoo
samaynaya xarako (action).

Waxay naftu isticmaalaysaa xeelado aad ubadan iyadoo qiil ka dhiganaysa


waxyaalo yar-yar oo dhalanteeda, oo kugu boorinaysa inaad sii ahaatid
mid ku dhex jira lumiyayaasha wakhtiga ee taban. Tusaale ahaan waxa
kuu taala shaqo aad qaban lahayd muddo 30 daqiiqo ah, waxaad ka
doorbiday inaad daawatid filim soconaya wakhti dhan 1:30 hal saac iyo
badh, ka fikir haddii aad shaqadan qaban lahayd waxa kuu soo hadhi
lahaa halsaac. Hadaba akhristoow haka fikirin inuu kaa fog yahay
lumiyayaasha wakhtiga ee tabani waxa uu noqon karaa saaxiibkaa
qoyskaaga iyo waliba bulshada aad ku dhex nooshahay sida aynu kor ku

40
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

soo xusnay dawada ugu caansan ee lumiyayaasha wakhtiga tabani waa la


xisaabtanka nafta. Hadaba sidee ayeynu ula xisaabtami karnaa
nafaheena? Waa jawaab aad ufudud laakiin ay aad u adagtahay ku
dhaqankeedu. Waa inaad naftaada si awooda uga hor istaagtaa hawada ay
jeceshahay iyo waxyaalaha ay jeceshahay inay samayso.

Waa inaad mar walba kala hor tagtaa kalmada (maya) si ay iyaduna uga
daasho samaynta lumiyayaasha wakhtiga

Ee taban. Run ahaantii waxaad maarayn doontaa wakhtigaaga, waxaanad


xal uheli doontaa khalkhalka iyo cidhiidhiga kaa haysta xagga wakhtiga

3.4 Dhibaatada wahsiga

Wahsigu waa inaad isticmaasho ama caado ka dhigatid kalmadaha, mar


danbe Ayaan qaban doonaa,goor dhow Ayaan dhamaynayaa,wakhti
danbe Ayaan qaban doonaa iwm.

Sidoo kale wahsigu waa dib udhigis uu caajis aad uwayni ka

41
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

muuqdo,waxaanu kamid yahay cadawyadaada ugu waawayn ee safarka


noloshaada. Markaynu ka hadlayno wahsiga waxa markaba maskaxdaada
ku soo dhacaysa qof caajisa,hamaansanaya oo aan waxba qaban Karin,
laakiin arintu sidaad moodayso maaha ka wahsanaya ama wax dib
udhigaya waa adiga haa, waa adiga. Imika ka kac fadhiga oo u dhaqaaq
hawsha kuugu muhiimsan ee maskaxdaada ka dhex guuxaysa, markaas
ayaad ogaan doontaa dhibaatada wahsiga ee aad ku sugnayd intay
leegtahay .

Aynu tusaale usoo qaadano waa sheeko saddex nin ayaa ku murmay anaa
kaa wahsi bada, mayee anaa kaa wahsi badan iyo labadiinaba anaa
idinka wahsi badan. Midkii koobaad ayaa hadlay waxaanu yidhi “anigu
inta aan

Maalin geed hoos seexday ayuu hadhkii dhanka kale u rogmaday,


waxaanan ka wahsaday inaan qoraxda ka kaco”. Midkii labaad ayaa
hadlay oo yidhi “anigu maalin Ayaan geed hoos seexday waxa soo da’ay
roob, ilaa uu iqaadi gaadhay daadkii waxaanan ka wahsaday inaan ka
kaco daadka iyo roobka da’aya”. Midkii saddexaad ayaaba inuu hadlo ka
wahsaday, waxaanu taagay fartiisii isagoo ku ishaaraya heerka uu
wahsigiisu taagan yahay.

Fg: sheekadan gaaban waxaan ka qoray buuga kaydaka xikmada


soomaalida oo uu qoray (sacad maxamud haddi).

42
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

3.5 Dawada wahsiga

Dawada ugu way ee wahsigu waa adigoo iska ilaaliya dib udhigista. Aynu
cadayno side ayaa dib udhigista iskaga ilaalin karnaa?. Way fududahay
haddii aad leedahay dareen aad uwayn oo xamaasadaysan oo ka dhan ah
arinta aad doonayso inaad qabato. Tusaale ahaan macalinka kuu dhiga
dugsiga ama jaamacada ayaa si lama filaana, shaaca uga qaaday inuu
berri qaadayo imtixaan. Sawiro am aka fikir side ayuu noqonayaa diyaar
garawgaagu? Waa run, si aada iyo aada ayaad udiyaar garoobaysaa xataa
heer aad gaadhid inaanad habeenkaa wakhtigii aad hore useexan jirtay
aanad seexan.

Aynu dhinaca kale ka eegno, ka waran haddii macalinkaagu ku sheegi


lahaa inuu imtixaanka todobaad kadib qaadayo, maxaad samayn
lahayd?intee ayuu diyaar garowgaagu noqon lahaa?. Waa run waxaad
lumin lahayd ayaamo kamida todobaadka adigoo adeegsanaya dib
udhigis. Sidaa darteed ayey in dib udhigista la iska dhaafaa tahay dawada
ugu muhiimsan ee wahsiga . markaynu isbarbar dhigno labadan wakhti
ee aynu ka soo hadalnay, marka hore waad dareensantahy sida aad
imtixaanka ugu xamaasadaysantahy. Hadaba maxaa kaa hor taagan
inaad noloshaada sidaa ugu xamaasadaysnaato? Adiga ayey jawaabtu ku
hor taalaa aan idiin kala baxo adiga iyo maskaxdaada.

Mar aan akhriyayay buuga (creative living skills) waxa uu odhanayaa (


life is sailing) oo uu macneheedu yahay noloshu waa shiraacasho.

43
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Waxaad is waydiinaysaa waa maxay shiraacasho? Shiraacashadu waa


marka ay doontu u diyaar garoobayso inay ku safarto badwaynta ee ay ka
dhaqaaqayso goobta ay ku xidhan tahay. Waxay kala bixisaa shiraaca
wayn ee dusheeda ku yaalla si ay dabayshu ugu dhaqaajiso goobta ay ku
safrayso.

Markaa waa inay marwalba noloshaadu shiraacnaataa oo

Aad diyaar garawga iyo dadaalkaba saaxiib la ahaataa, aan mar labaad ku
xasuusiyo dawada ugu wayn ee wahsiga, waa adigoo iska ilaaliya dib
udhigista.

3.6 astaamaha dadka aan wakhtiga ka


faa’idaysan
Quruumaha uu ilaahay ku uumay kawnkan, waxay leeyihiin farqi kala
duwanaasho oo aad uwayn, kama hadlayno xagga muuqa iyo midabka,
balse laakiin waxaynu ka hadlaynaa dareenka,feejignaanta,iyo ka
faa’idaysiga wakhtiga. Markaynu u daadagno qodob hoosaadkeenan,
waxay leeyihiin astaamo dhawra dadka aan wakhtiga ka faa’idaysan, oo
ay kamid yihiin.

 Kuwo niyad ahaan aaminsan inaanay marwalba wakhti ku filan


haysan: waxa uu iska dhaadhiciyay marwalba oo uu isyidhaahdo hawl
qabo inaanu wakhti ku filan haysan. Ma aamin santahay qofka 30 jis ee
qur aanka xifdiyay iyo kan ku talax tagay cilmiga kimistarigu ay kula

44
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

wadaagaan 24 saacadood, haa ayaad iigu jawaabaysaa markaa maxaad


iskaga dhaadhicinaysaa inaanad wakhti kugu filan haysan.
Qadar dhan laba daqiiqo soo qaad gacmahaaga kadib labadaada dhafoor
saar, haye iswaydii maxaad adigu wakhtigaaga uga faa’idaysan
la’dahay?iyagu may kaa fiican yihiin?miyay kaa maskax wayn yihiin?
Haye aan idiin kala baxo adiga iyo maskaxdaada
 Kuwo u adeegsada wakhtigooda dhinaca taban: waxaynu hore ku soo
xusnay lumiyayaasha wakhtiga ee taban, sida balwada ama
mukhaadaraadka iwm. Hadaba haddii aad aragtid qof kale oo kuwan
isticmaalaya, ogow waa astaan kale oo ay leeyihiin dadka aan wakhtiga ka
faaidaysan. Waxa uu marwalba is arkaa, isagoo ay hawl aad uwayni ka
qabyo tahay, oo ay sabab u yihiin isticmaalida lumiyayaasha wakhtiga ee
taban. Waxa uu naftiisa ka dhaadhiciyaa hawshan aad qabanaysaa waa
mid kuu oolaysa, laakiin filimada ama ciyaartu waa mid ku

Dhaafaysa, balk aba soo qaad waxaad daawatay filim oo sidiisaba ka


sheekeeya waxyaabo xaqiiqada ka fog waad dhamaysay, kadib balk a fikir
maxaad ka faa’iday?

 Kuwo aan aaminsanayn awooda naftooda: inaad naftaada aaminto


waxay ku xidhantahay ,hadba inta ay leegtahay kalsoonida aad naftaada
ka qabto.
Hadaba waa maxay kalsoonida aad naftaada ku qabtaa? Waa inaad
aaminto awooda iyo waxyaabaha ay naftaadu qaban karto. Hadda ka hor
Ayaan waydiiyay arday aan meel imtixaan kuwada galaynay waxaan
usheegay inaan wax ka badan 10,000 oo erey oo luuqada ingiriisiga ah

45
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

aan qaybay, kadib waxay ku noqotay wax maskaxdiisa ka wayn waxaanu


igu celceliyay goormaad qaybtay?sideed uqaybtay?wakhti intee leeg ayey
kugu qaadatay?.
Waxaan waydiiyay miyaanad adigu qaybi Karin hadaad yeelatid niyad
xamaasadaysan oo aad ficilna ku dartid waxa uu iigu jawaabay maya!
Maya! Isagoo layaaban. Waxaan halkaa ka fahmay inaanu naftiisa
kalsooni buuxda ku qabin iyo awooda ay leedahay.

Hadaba aragtida guud ee aad naftaada ka leedahay waxay ku xidhan


tahay saddexdan qodob.

1)khibrada aad leedahay intay leegtahay: haddii aad khibrad buuxda u


leedahay hawsha aad qabanaysid waxaad noqon doontaa mid naftiisa ku
kalsoon inay hawshan qabanayso.

2)waxay dadku kugu yidhaahdaan “waa tahay”: bulshada iyo deegaanta


aad ku nooshahay waa kuwo ka qayb qaata aragtida guud ee aad
naftaada ka haysato. Tusaale ahaan waxaad qabatay hawl ku saabsan
laydhka(electricity) bulshada aad hawshaa u qabatay waxaad kala kulmi
doontaa ereyo ay kamid yihiin (waxaad tahay mid ku fiican hawsha aad
qabatay,run ahaantii anigu waan u khushuucay sida aad hawsha u
qabatay iwm). Waxaad naftaada ka dhaadhicin doontaa ama aaminsiin
doontaa mid hawshan aad ugu fiican, sidaa darted ayeynu uleenahay
waxay dadku ku yidhaahdaan waa tahay ama waad ku fiican tahay, inay
ku taxaluqdo ama la xidhiidho, aragtida guud ee aad naftaada ka
leedahay.

46
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

3)waxaad naftaada ku tidhaahdo: adiga iyo naftaada, maalin walba


,saacad walba,minit walba, iyo ilbidhiqsi walba waad kulantaan adigoo
kula noqonaya ama kala tashanaya arin kaaga timi deegaanka aad ku
nooshahay.

Waxay kugu tidhaahdaa waxaasaad ku fiican tahay,adiguna waad ku


raacdaa xataa haday ku tidhaahdo

Waxaad tahay mid daciifa oo aan hawshan qaban Karin, adiguna waad
aqbashaa, waayo lama xisaab tami Karin ama lama doodi kartid, maxaad
ugu odhan la’dahay “nafyahay maxaad u dafiraysaa, arin hebel iyo arin
hebel markaan dhameeyay ama xaliyay miyaanan ahayn mid ku fiican
hawshaa”?. Haa ayey kuugu jawaabi doontaa, markaas ayaad naftaada ka
aamini doontaa inay tahay mid qaban karta wax walba oo aadanaha
ilaahay u fududeeyay. Markaa maynaan odhan Karin waxaad adiga iyo
naftaadu kuwada hadashaan, waxay ku xidhan tahay aragtida guud ee
aad naftaada ka haysato. Markaa isku kalsoonow oo noqo mid marwalba
awood leh.

3.7 dabeecadaha guusha iyo kalsoonida


nafta
Dabeecadaha guusha

Waxaynu halkan ku soo qaadan doonaa shan dabeecadood oo ay guushu


leedahay oo kala ah.

47
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

1) si aad ugaadho wadada guusha dhamaadkeeda , waa inaad u dhoolo


cadaysaa guuldarooyinka yar-yar iyo caqabadaha kaa hor yimaadda

2) jidka guusha waxa mari kara qof Samir iyo adkaysi badan leh waayo
waxa lagaala hor iman karaa waxyaabo badan oo lid ku ah hayaankaaga
nololeed.

3) Waa inaad adkaysi iyo dulqaad u yeelataa diidmo kasta oo aad la


kulanto waxaanay kaaga iman kartaa saaxiibkaa,dadka aad la
shaqaysid,iyo waliba bulshadaada.

4) Haddii aad leedahay han sare niyad jabku waxa uu kula soo dersi
doonaa in ka badan inta uu dadka kale soo wajaho.

5) Guushu waxay u baahan tahay qof u dhoolo cadeeya dareemada xun-


xun ee uu wajihi doono .

48
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Kalsoonida nafta

Kalsoonidu waa inaad aaminto awooda ay naftaadu leedahay, adigoo ka


haysta aragti guud iyo mid gaara oo togan(+) . kalsoonidu waa shayga
qofka ku dhaqaajiya ama ku amra inuu hawlo badan qabto isagoo u
xamaasadaysan.

Hadaba waxaynu hoos ku xusi doonaa dhawr qodob oo keena kalsooni


la’aanta qofka, waxaana kamid ah

 Guuldarro uu qofku hore ula kulmay: oo uu macneheedu yahay inaad


ka cabsatid in aad mar labaad hawshan ku guul daraysatid, waa shayga
ugu wayn ee dila kalsoonida uu qofku naftiisa ku qabo eek u wajahan
hawshaa uu qabanayo

49
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

 Inuu qofku naftiisa u arko mid aan waxba qaban Karin: waa arin
kale oo keenta kalsooni la’aanta nafta, waa inaad naftaada ka haysatid
aragti ah inaanay waxba qaban Karin ama aanay u dhaqaaqi Karin
ficilada ay dadka kale qabanayaan.

Hadaba haddii ay sidaa tahay, sideebaad udhisi kartaa kalsoonida


naftaada? Run ahaantii waa su’aal xasaasi ah

Oo aynu jawaabteeda hoos ku xusi doono iyadoo aynu isticmaalayno


qodobo dhawra oo lagu dhiso kalsoonida nafta. Bal hadda waa kuwan ee
ila eeg

 Habarbar dhigin naftaada dadka kale: waa meel ka dhac ama godob
aad uwayn oo aad ka galaysid naftaada marka aad gaadhsiisid heer aanay
taagnayn. Ama dad aanay isku heer ahayn, inkastooy fiican tahay inaad
raacdid ama la socotid dad kaa aqoon ama cilmi sarreeya. Hadana
markaad shay amah awl qabanaysid ha barbar dhigin naftaada dadka
kale, waayo waxa laga yaabaa inuu qofkaasi hawshan kaaga waayo
aragsan yahay taasina waxay dhisi doontaa kalsoonida naftaada.
 Ku dhaqaaq hawsha isla imika kuu taalla: waxay si aad uwayn oo
baaxad leh udhisi doontaa kalsoonida naftaada, markaad aragtid naftaada
oo fikirkii iyo ficilkiiba is raacinaysa
 Si togan(+) ula hadal naftaada: waa shayga kuugu dhaw ee aad ka
helaysid fikradaha, kuguna boorinaya hawsha aad qabanaysid adigoo u
xamaasadaysan. Hadaba naftaada oo aad ula hadashid si togan ama
fiican waxay dhisi doontaa kalsoonida naftaada aad ku qabto.

50
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

 Qurxinta labiska iyo muuqaalka: qurxinta aad Naftaada qurxisaa ama


aad ku labisato dhar nadiifa waxay naftaada siin doontaa xamaasad iyo
farxad aad uwayn waxaanay farxada iyo qosolku dhisaan kalsoonida
nafta.

Hadaba akhristoow waa inaad isku daydaa inaad samayso qodobadan aan
kor ku soo xusnay si aad amakaaga nolosha uga baxdid una gaadhid
aragti fog oo mustaqbal.

Hadaba aynu soo qaadano sheeko tusaale inoogu noqon doonta


qodobkeenan maaraynta wakhtiga.

Muuse waxa uu ku noolaa magaalo kamida magaalooyinka ay soomaalidu


degto, waxa uu galinka hore rootiga ku wareejin jiray magaalada
dhexdeeda, galinka danbana waxa uu wax ka baran jiray bareefad
(institute), balse waxa layaab ahayd sida uu wakhtigiisa u maareeyay.
Waxa uu hadda ka hor waalidkii iyo caruurtoodii uga soo tagay baadiyaha
waxa aanu balan ugu soo qaaday inuu usoo shaqayn doono.

Muuse waxa shaqadiisa iyo hawl karnimadiisa ka yaabay mulkiilihii


moofada uu rootiga u gadi jiray, ilaa heer uu gaadhsiiyay maamul sare.
waxa kaliyaata oo uu wakhtigiisa oo dhan ku bixin jiray shaqadiisa iyo
waxbarashadiisa, waxa uu gaadhay heer ay shaqaalihii kale ku
sheekaystaan oo ay isaga ku daydaan, waxa uu

Ahaa nin ilaahay ku xidhan oo camalkiisa oo dhami yahay mid


wanaagsan. Hadda waxa uu muuse haystaa shahaado ingiriisi iyo

51
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

xisaaba. Waxa jeclaaday maamulkii bareefadka uu wax ka dhigan jiray.


waxay ugu balan qaadeen inuu iyaga la shaqayn doono. Waxa uu maamul
sare ka noqday moofadii rootiga, illeen wax walba oo wanaagsani xaasid
ma waayee waxa tiraba dhawr jeer shirqool u abaabulay shaqaalihii kale
ee uu ugu yimi meesha ee uu heerkaa ku dul gaadhay . hadda waxa uu
muuse u diyaar garoobay inuu aqoontiisa sii kobciyo waxa uu go’aan ku
gaadhay inuu barto saxaafada, waanu kaga dhabeeyay waxa uu go’aan
ku gaadhay inuu ka tago shaqada moofada ka dib markii war ka helay
maamulkii bareefadka oo sheegaya inay shaqadii u diyaar tahay, waxa uu
kamid noqday shaqaalaha bareefadka ilaa heer uu ka gaadhay maamulka
sare, waxaanu waxaa soo dhan ku mutaystay maaraynta uu mareeyay
wakhtigiisa isagoo uga faa idaystay si fiican. Hadda muuse waxa uu ku
guulaystay noloshiisii waana saxafi iyo bare labadaba.

52
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

4
Qodobka afraad:
Ka fogaanshaha mukhadaraadka

53
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

4.1 ka fogaanshaha mukhadaraadka

Ka fogaanshaha mukhaadaraadka markaynu iftiimino, waxa weeye


inaynu ka fogaano waxyaabaha khatarta ku ah nafeheena iyo waliba
bulshada aynu ku nool nahay dhamaanteed. Markaynu leenahay kalmada
mukhaadaraad waxa markaba maskaxdaada ku soo dhacaysa qaad,
sigaar, khamri oo kaliya, balse laakiin kalmadani waxay koobsanaysaa
dhamaan waxyaabaha khatar ah ee ay ka midka yihiin aafada qabyaalada
iyo jahliga iyo wax walba oo hor istaagi kara horumarka bulshadeena.

Hadaba waxaynu hoos ku xusi doonaa dhawr qodob oo ay kamid yihiin

 Cunista qaadka iyo dhibaatadeeda


 Aafada qabyaalada
 Jahliga
 Sigaarka iyo dhibaatadiisa caafimaad
 Habkee ayeynu uga fogaanaa mukhaadaraadkan.

4.2 cunista qaadka iyo dhibaatadiisa

Waa dhabar jabiyaha,curyaamiyayna kala badh dhaqaalaha iyo


dhalinyarta soomaalida. Waxa uu leeyahay

Khasaare nafeed iyo mid bulsheedba, waxa wax laga qoray ama la
daraaseeyay qarnigii 13aad ilaa 14aad. Waxa markii ugu horeysay wax
ka qoray aqoonyahano carbeed oo uu kamid ahaa ibnu fadlulaahi al

54
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

caamiryi oo ku tilmaamay inuu waxyeelo wayn ugaysto


maskaxda,cuntada uu yareeyo,hurdada uu

yareeyo,awooda raganimadana uu hoos udhigo. Waxaanu kabaxaa


wadamo ay kamid yihiin yemen,itoobiya,kiiniya,yugaandha iyo
soomalida oo uu naadir ku yahay. Iyadoo ay sidaa tahay ayey hadana
bulshada soomlidu caadaysatay inay iska dhago mariyaan dhibaatooyinka
cadaanka ah ee ay ku sheegaan dhakhaatiirtu, marka somalida la eego
dhaqaale aad ubadan ayaa kaga baxa sanad walba oo kasoo gala dhinaca
itoobiya inta ugu badan. Hadaba sidaynu kor ku soo xusnay waxa
dhibaatooyinkiisa kamida, cunto badan oo aanad cunin ama amateed
xumo kugu dhacda. Dhanka kale waxa uu keenaa hurdo la’aan xad
dhaafa sida la sheego waxay dadka isticmaalaa aanay mararka qaarkood
seexan muddo shan maalmood ah iyo shantoodii habeen.

55
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Hadaynu eegno xagga awooda raganimada, waxa yaraada awoodii uu


ninku ugu tagi lahaa lamaanihiisa taasina waa dhibaatada ugu wayn ee
uu ku keeno kuwa isticmaala

Hadda ka hor mar aan dhagaystay qiso ku dhacday mid kamid ah kuwa
qaadka isticmaala wuxuu yidhi “waxaan fadhiyay gurigayga, waxaanan u
fadhiyay qaad muddo kadib Ayaan isku dayay inaan u kaco kaadi,
waanan awoodi kari waayay, isla inyar kadib waxaan labadayda
hareerood ku arkay doox(bohol) wayn, ka dibna waxa niyadayda ku soo
dhacday dooxanba iskaga kaadiba, waa sax Ayaan naftayda ka
dhaadhiciyay ka dibna waa kaajay ilaa aan dareemay qoyaanka kaadida
oo goobtii aan fadhiyay buuxshay” waa layaab, waxaa soo noq noqda ama
aad marar badan maqashaa sheekooyin noocaas oo kale ah. Markaa
wuxuunbaynu inagu uga danleenahay inaynu sheegno dhibaatada uu
leeyahay ee maaha inaynu ka maadaysano ama aynu isku madadaalino.

4.3 Aafada qabyaalada

Ilaahay waxa uu qur’aankiisa ku yidhi:

“waxaanu idiinka yeelnay shucuub iyo qabiilo si aad isugu garataan”.

Ilaahay ayaa inoo abuuray inaynu isku garano oo kaliya, balse aadamaha
badankiisu waxa uu u adeegsaday dhinaca taban. Hadaynu unimaadno
dhibaatada ay bulshada soomaalida ku hayso qabyaaladu, waa mid aan la
qiyaasi Karin ilaa heer ay gaadhay markaad shaqo

56
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Raad sanaysid marwalba iyo meel walba lagu waydiiyo cidaada iyo
caynkaaga.waxay dhabar jab wayn ku noqotaa qof hayaan iyo masiir
waxbarasho lahaa, kadib marka la shaqaalaysiiyo kii uu ka aqoonta
badnaa iyadoo loo eegay reer,waji iwm.

Waxay bulshadu qabyaalada u adeegsadaan si aan xishood lahayn marka


la fadhiyo goobaha qaxwaha iyo baraadka laga cabo. Waxay xididadeena u
raacday sida uu dhiigu u maro wadnaha iyo sambabada marka uu
samaynayo habdhiska dhiig wareega . hadaba akhristoow bal ka fikir inta
dhibaato ee ay qabyaaladu ku hayso bulshadeena soomaalida, intaan kor
ku soo xusnay iyo inbadan oo maskaxdaada ku jirta. Waxay inaga reebtay
aduun waynahan hore u talaabsaday iyo bulsho wayntan caalamka ee uu
qof waliba ku fikirayo sidii wax cusub u keeni lahaa.

Bal aynu soo qaadano qiso tusaale inoogu ah qodob hoosaadkeenan


aafada qabyaalada.

Hadda ka hor ayaa mid kamid ah ardayda wax ka barata jaamacad ku


taala magaalo kamid ah magaalooyinka soomaalida oo lagu magacaabi
jiray Rooble waxay isku fasal ahaayeen xidhiidh aad uwayn oo
saaxiibtinimana ka dhexeeyay, arday lagu magacaabi jiray Cali. Cali waxa
uu ahaa arday sidiisaba iska caajis badan kana dhashay qoys magac iyo
maamuus ku leh bulshada ama magaalada.

Rooblana waxay magaaladaba ku lahaayeen cooshad yaroo hoy u hayd,


isaga, laba caruura oo ay walaalo ahaayeen iyo hooyadii oo iska qof wayn
ahayd, aabihiina haba sheegin waxa uu mootan yahay afar sanno. Wax

57
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

dad ahna waxa magaalda dagan nin ay aabihii xagga hooyo ka walaalo
yihiin oo lagu xaman jiray inuu yahay, bakhayl aan waxba uqaban
caruurta uu walaalkii ka dhintay .

Aragtida labadan nin ee mustaqbal, waa mid uu farqi aad wayni u


dhexeeyo waana kaaf iyo kala dheeri iyadoo tii ilaahayna meel tahay.
Waxa uu rooble si fiican u caawin jiray saaxiibkii cali oo aan waxba ku
fiicnayn haba yaraatee, nusaacaha iyo shaaha mooyaane. Muddo markay
sidaa ku socotay ayaa waxa soo dhawaaday wixii sanadahaa badan wax
loo soo baranayay oo ah inay anfacdo nafta qofka iyo ta qoyskiisaba xag
dhaqaale iyo xag maamusba . berri waxa la qaban doonaa xafladii qalin
jabinta ee ardayda jaamacada ee ay kamid ahaayeen cali iyo rooble. Cali
aad ayuu u farax sanyahay sababtoo ah hadda ka hor ayuu aabihiii u
balan qaaday inuu shaqo aad u fiican ka siin doono shirkada dhismaha ee
uu leeyahay,

Isla markaana gabadh ina xaaji hebel dhalay loo guurin doono.

Balse rooble intay dadkoo dhami farax sanaayeen habeenkaa ay berri


xafladu dhacayso isla markaana ay diyaar garoobayeen, isaga waxa isugu
yimi fikir aduun oo dhan, waxaabad moodaa in dhulka lagu soo yareeyay,
waxa uu fadhiyaa meel gaara kaligii, waxa uu dhafoorada saaray
labadiisa gacmood waxa uu naftiisa waydiinayaa halkee ayaad u shaqo
tagi doontaa, ileen magaalada ehel iyo xididtoona kuma lihid,e balse
hooyadaa iyo caruurtiinii ku sugaysay intaasoo sanno maxaad u qaban

58
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

doontaa waxa uu habeenkii la seexday war war iyo walbahaar aan


laqiyaasi Karin.

Waxa beryay waagii isla markaana libdhadii(qorraxdii) ayaa godka ka soo


baxday waxay dadku ku labisan yihiin dirayskii qalin jabinta isagu
wadhaaba ma hayo oo weli wuu fikirayaa. Waxa soo dhamaatay xafladii
qalin jabinta, waxay ku soo dhamaatay isu hambalyayn iyo is dhun
dhunkasho aad u faro badan, waxa uu rooble ka soo cago jiiday xafladii
isagoo shahaadadii far iyo suul ku laalaadinaya. Waxa uu ayaamo kadib
war ka helay saaxiibkii cali oo shaqo fiican ka shaqeeya isla markaana loo
guuriyay gabadhii ina xaaji hebel, oo uu aduun isugu

Dubo dhacay. Waxa sii xumaatay arintii waxa rooble ku sii kordhay fikirkii
waxaana jabtay muraayadii qalbiga oo ahayd rajadiisii mustaqbal ee uu
naftiisa ka lahaa.

Waxa uu arinta rog rogaba waxa uu go’aan ku gaadhay inuu bilaadkan


iskaga tahriibo, cidna lamuu tashan haba yaraatee waxa uu qaatay go’aan
isaga khaas ku ah. Waxa uu udiyaar garoobay halka hawsha tahriibta uu
ka bilaabi lahaa waxa uu ka war helay dhalin yaro iyaguna diyaar u ah
inay wadanka ka tahriibaan oo dhamaantood ka rajo dhigay nolosha ay
wadanka ku nool yihiin waxa dhalin yartan kamid ah cabdi fataax oo
ahaa wiil dhib law ah oo muddaba dhawr jeer laga soo qabatay jidka loo
maro tahriibta, khibrad buuxdana u leh goobta ama marinka ay ku nabad
galayaan.

59
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Rooble talo ayaa ku cadaatay oo dhalin yartii kale waa diyaar habeen
danbe ayaabay baxayaanba. Waxa uu

Go’aan ku gaadhay inuu u tago adeerkii oo uu waydiisto xoogaa lacaga oo


uu dhar iyo kabo siisto adeerkiina aad buu usoo bahdilay. waxa uu kasoo
cago jiiday gurigii adeerkii habeenkii isagoo aad u murugsan, markii uu
waagii baryay ee falaadhihii caska waagu dhulka ku soo dhaceen, ayuu
huradada ka booday waxa uu go’aan ku gaadhay inuu u dhaqaaqo xaggaa
iyo saaxiibkii cali, muddo kadib waxa uu soo gaadhay gurigii loogu
tilmaamay inuu saaxiibkii cali degan yahay, waa uu garaacay albaabkii
guriga, waxa ka furtay bidhiidho oo ahayd gabadh dhawaan ka timi
baadiyaha oo guriga cali ka shaqaysa , waxa uu u sheegay inuu yahay
rooble oo hadda ka hor ay cali isku fasal ahaayeen jaamacada, soo
dhawoow ayey ku tidhi rooble, nuura xaaji gudaha ayey ku jirtaa, waayo
nuura xaaji ayuu waydiiyay, waa gabadha cali ayey ku jawaabtay
bidhiidho iyadoo sii hor socota rooble. Reerku mafiican yahay ayuu
waydiiyay rooble, nuura oo ku jirta qolka hurdada, haa ayey ku jawaabtay
iyadoo haabhaabanaysa malkhabadii iyo masarkii “naa qolka fadhiga
fadhiisi bidhiidho waa saaxiib ay cali isku dheer yihiine” nuura ayaa tidhi
. cabbaar markuu fadhiyay ee uu sharaab cabay ayey nuuri u sheegatay
inuu cali soo laaban doono duhurka, waa sax ayuu ugu war celiyay.
Saacadoo ka dib ayuu cali soo galay

Guriga nuura ayaana u sheegtay inuu rooble sugayay, xaggii qolka fadhiga
ayuu u dhaqaaqay, rooble ayey si fiican isku gacan qaadeen, waxaanay
isla galeen waraysi dheer kadib ayaa rooble uga waramay cali xaaladu

60
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

halkay marayso iyo wixii ka soo gaadhay adeerkii, waxaanu ka codsaday


inuu siiyo qadar lacaga. Cali oo aad uga naxsan waxa saaxiibkii soo
gaadhay, ayaa u sheegay in haddii uu hayn lahaa shaqo banana siin
lahaan balse isaguba aanu wali si fiican ubilaabin shaqada, waxaanu
siiyay lacag intii uu ubaahnaa rooble, waxaanay isku macasalaameeyeen
hawraarsan iyo hawraarsan.

Waxa uu rooble usoo dhaqaaqay dhinicii gurigii yaraa ee ay daganaayeen


waa 2:30 duhurnimo dhalin yartii ay balantu ka dhaxaysay waxay
baxayaan 7:00 fiidnimo ee caawa, waxay soo gaadhay wakhtigii la bixi
lahaa, waxa uu cali soo gaadhay goobtii ay balantu ahayd, waxaanay
bilaabeen socdaalkooddii.

Waxa haatan ka soo wareegtay muddo saddex bilood ah wakhtigii uu


tahriibay rooble, waxa muddaba dhawr jeer la soo sheegay in rooble
dhintay isla markaana been noqotay. Waxa uu rooble ku noolaa meel aad u
dhibaato badan oo ku taalla liibiya muddo bil iyo badh ah, ugu danbayn
waxa uu rooble u dhintay xanuun nafaqo xumo.

4.4 Dhibaatada jahliga

Waa mid kaloo kamid ah waxyaabaha khatarta ku haya bulshadeena, waa


jahliga. Hadaba waxa akhristoow fiican inaad ogaatid jaahilka dhabtii kuu
yahay, waxa hubaala in dadkeenu ay jaahilka u haystaan qof baadiyaha
ku nool ama ka yimid, jahligu waa cudur halis ah hase ahaatee daawo

61
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

leh, daawadiisuna waa cilmiga. Jahligu qofka waxa uu galiyaa nolol mugdi
ah miisaanka wax lagu qiyaasana wuu ka lumiyaa.

Waa kuma jaahilku?

Jaahilku shayga mudan in laqiimeeyo ma qiimeeyo, waxaan qiimo lahayna


aad ayuu u qiimeeyaa. Qofka jaahilka ah isagoo nolol barwaaqo ah ku jira
ayuu hadana ka gaajaysan yahay, waxa u roon iyo waxa u daran Makala
garto. Qofka jaahilka ahi ma qiimeeyo wakhtiga kamana faa’idaysto
maalinta dhalataana tan kale waxba ugama duwana. Jaahilku isagaa mar
walba isla gar leh, lagamana gar helo, muranka iyo dooduna waa awooda
kaliya ee uu leeyahay.

4.5 Sigaarka iyo dhibaatadiisa caafimaad

62
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Waxa la sheegaa in qarnigii 9aad ay qabiilo kamid ahaa beelaha daganaa


waqooyi ameerika, sida qabiilka loo yaqaano maaya iyo Aztecs ay
isticmaali jireen buuriga ama tubaakada sigaarka laga sameeyo.

Waxay ahayd qarnigii 17aad markii buuriga sigaarku gaadhay yurub,


halkaas oo lagu farsameeyay qaabka caadiga ah ee aan maanta u naqaano
sigaarka. Hadaba waxa sida laga war qabo sigaarka intiisa badan
aduunka gaadhsiiyay gumaysigii reer yurub.

Hadaynu eegno xagga dhibaatadiisa caafimaad waxa uu sanad walba dilaa


650,000 oo qof sideed iyo labaatan wadan oo ka tirsan yurub. Waxa ku
jira maadooyin sun ah

Oo ay kamid yihiin, ammonia oo lagu nadiifiyo suuliyada ama musqulaha


, sidoo kale waxa ku jirta acetone oo ah waxyaabaha lagu dhalaaliyo
xamuuradda ay haweenku cidiyaha marsadaan, waxa kale oo ku jirta
toluene oo ah milme warshadaha lagu isticmaalo, ugu danbayn waxa ku
jirta acetic acid oo lagu daro khalka.

Hadaynu eegno xagga dhaqaalaha, shiinaha ayaa ah wadanka dhaqaalaha


ugu badan ku bixiya. Hadaynu eegno dhinaca afrika waxa lagu qiyaasaa
in ay cabaan, 29% raga iyo 4% oo dumar ah.

63
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

4.6 habkee ayeynu uga fogaanaa


mukhaadaraadkan

Akhristoow waxa muhiima inaad ogaatid, shay walba hadaad niyad


xamaasadaysan u haysid, ficil iyo dadaalna aad ku dartid inaad
gaadhaysid hadaf walba oo aad u calaamadiso noloshaada. Hadaba
markaynu ka hadlayno mukhaadaraadkan aynu kor ku soo xusnay
waxaad uga fogaan kartaa, adigoo ka dheeraada dhamaan goobaha iyo
cidda loogu yimaado. Tusaale ahaan haddii aad doonaysid inaad iska jirto
aafada qabyaalada, waxa muhiima inaad ka fogaatid dadka isticmaala,
meelaha lagaga sheekeeyo iyo waliba wax walba oo ku saabsan. Sidoo kale
haddii ay ku haysato dhibaato jaahilnimo oo

Aanad lahayn aqoon sidaa usii badan, waa inaad ka fogaataa dadka
aqoonta iyo caqligaba kaa hooseeya oo aad raacdaa dadka kaa cilmiga
badan, waayo tani waxay suurto gal kaaga dhigaysaa inaad ka baxdid
dhibaatadii jaahilnimada oo aad noqotid qof caqli ahaan iyo maskax
ahaanba kora.

Ugu danbayn waa inaad isku daydaa inaad ka dheeraato


goobaha,meelaha iyo waliba cidda haysa dhamaan mukhaadaraadkan
aynu kor ku soo xusnay, waxaana biyo kama dhibcaana inaad noqon
doontid qof sharaf iyo cisi ku dhex leh bulshada uu ku dhex nool yahay

64
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

5
Qodobka shanaad:
Qeex yoolkaaga

65
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

5.1 Qeex yoolkaaga

Wali ma aragtay ama ma daawatay, nijaar ama makaanik oo kala


dooranaya qalab si uu ugu qabto shaqooyin kala duwan, sababtuna tahay
faa,idada uu qalabku leeyahay.
Hadaba shaqaaluhu way yaqaanaan qalabka ay ubaahan yihiin sida
nijaarka ama makaanigu udoortay, qalabka ku haboon shaqada, adiguna
waxaad u baahantahay inaad doorato hab kaa caawiya inaad samayso
go’aan ama aad xaliso dhibaato ku soo wajahday, hadaba hadaad
hababkan ku celcelisid marka labaad waxa uu kuu noqon doonaa mid

66
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

dabiiciya. Hadaba hadaynu usoo daadagno dulucda qodobkan qeex


yoolkaaga waxaynu ku eegi

Doonaa qodobadan hoos ku xusan

 Waa maxay yoolku?


 Noocyada yoolka
 Sideebaad u qeexi kartaa yolkaaga
 Qiso tusaale u ah qeex yoolkaaga

5.2 Waa maxay yoolku?

jawaabta ugu fiican ee su’aashan kor ku xusan waa natiijada


rabitaankaaga ama rabitaanka macquulka ah ee qofku doonayo inuu
gaadho.

Hadaba markaynu faahfaahino waxa weeye inaad diirada saartid ama aad
beegsatid iyadoo aanu meer meeraysi kugu jirin ama aan cabsanayn
shayga kuu calaamadsan inaad gaadhid. Yoolku waxa uu u qaybsamaa
laba qaybood dadkuna badanaa ay isku khaldaan waxaanay kala yihiin
hadaf iyo qasdi ( goal and objective ) waxaana u dhexeeya farqi aad
uwayn, hadaynu kala cadayno waxay noqonayaan sidan.

Hadaf: waa himilada fog ee aad doonaysid inaad mustaqbalkaaga gaadho


ama aad doonaysid inaad xaqiijiso, iyadoo hadafka ugu wayn ee aan
unoolnahay uu yahay inay diinteena iyo akhlaaqdeenu inoo
dhamaystiranto, maadamaynu nahay umad islaama. Waxa kale oo kamid
ah hadafka inaad doonaysid inaad

67
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Noqoto diktoor,ingineer,wasiir,siyaasi iwm.

Qasdi: waa waxqabad yada yar yar ee aad dajisatid si’aad u gaadho
hadafkaaga. Tusaale waxaad qorshaysay baratid neeraska ama
dawooyinka si ay kaaga caawiso mustaqbalka diktoornimadaada, ama
waxa aad habeenkii ku seexatay inaad bari booqatid laybareeri oo aad
akhridid buug kamida buugaagta yaalla, kadib waad xaqiijisay oo waad
tagtay, haa waa kaa qasdigu.

Hadaba akhristoow aynu tusaale usoo qaadano mid kamida dadka tirade
yar ee hadafkoodii ama yoolkoodii rumeeyay waa isxaaq niyuutan(Isaac
newton), waxa uu bishii janaayo ee 1643kii ku dhashay tuulada
woolsthorpe waxaana uu dhashay dhimashadii aabihii saddex bilood
kadib, waxa uu ahaa qof aad u hagaasa waayo kuma uu dhalan wakhtiga
dadka caadiga ahi ay ku dhashaan. Markii uu saddex jir noqday ayey
hooyadii guursatay, waxaana Isaac kafaalo qaaday ayeydii oo lagu
magacaabi jiray Margery ayscough. Isxaaq waxa uu necbaa hooyadii oo
uu ku nacay ninka ay guursatay, taana waxa uu kaga waramay buug uu
ugu magac daray (khaladaadkii aan galay xilligii ay da’daydu ka yarayd
19 jirka) kitaabkaas oo aad u caan noqday. Intii udhaxaysay da’diisa 12
jirka ilaa 17 jirka waxa uu wax ka bartay king’s schools ,kaas oo uu

Ilaa haatan ka muuqdo saxeexii uu ku dhigay mid kamid ah daaqadaha


iskuulkaas.

68
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Markii uu dhameeyay iskuulkii waxa uu dib ugu noqday tuuladiisii


sanadkii 1659kii. Kadib ayaa marlabaad hooyadii ninkii qabay dhintay,
hooyadiina waxay la jeclayd inuu beero fale noqdo, isaguna shaqadaa aad
ayuu unecbaa. Isxaaq waxa aad u jeclaa nin bare ka ahaa dugsiga
boqorka kaasoo, isxaaq hooyadii ku qanciyay inay dugsiga ku darto,
muddo ka dib waxa uu noqday arday aad u fiican oo soo jiitay indhihii
barayaasha iyo maamulka iskuulkaba. Sanadkii 1661kii waxa uu ku
biiray jaamacada kamberag(cambrige university) isagoo isla wakhti
gaaban ka dib ka noqday arday caawiye ah, taasoo ka saaciday inuu helo

69
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

khibrad aad ubadan.

Kadib markii uu qaatay shahaadada jaamacada, ayaa si ku meel gaadha


loo xidhay jaamacadii iyadoo laga baqo qabo inuu faafo xanuun

Daacuun ah oo wakhtigaa bulshada saameeyay. Labadii sano ee ay


jaamacadu xidhnayd, waxa uu bilaabay inuu gurigiisa hoostiisa ku
sameeyo tijaabooyin. Waxa uu horumar wayn ka gaadhay aragtidiisa sida
qaanuunka aragtiyada iyo xisaabinta cilmi falaga iyo xidigiska iyo
waliba qaanuunka lagu qeexo soo jiidashada.

Waxay aaminsan yihiin badi ragga taariikhda baadhaa ee u tilmaameen


ama caalamka tuseen xisaabta loo yaqaano infinitesimal ee lagu qiyaaso
waxyaabaha aadka uyar yar.

Sidoo kale waxa uu noqday saynisyahanka ugu saamaynta badan


dunida, maxaa yeelay waxa uu soo saaray xeerka cufusjiidadka dhulka(
) iyo saddexda xeer ee socodka(motion).

5.3 Noocyada yoolka

Yoolka ama hadafka waxaynu uqaybin doonnaa saddex qaybood inagoo


ku dabaqayna caqiidada aynu aaminsanahay maadamaynu nahay umad
islaama, waana sidan soo socota

70
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

1- Yool dhalanteed ah: hadaynu marka hore ku horeyno ama aynu


iswaydiino macnaha kalmada “dhalanteed” waa humaag dhalaalaya oo
qofka isku qurxiya isla markaana aanay ka danbayn wax dheef ah.

Aynu ku daadagno macnaha qodob hoosaadkan, waa yoolka ay


hiigsadaan ama ku hamiyaan dadka aan caqiidada islaamka rumaysnayn,
waana xumaan iyo danbi uu qofku ku dhacayo, isla markaana ilaahay
kala xisaabtami doono maalinka danabe(qiyaame) sida fanaanka iwm.
Hadaba aynu tusaale usoo qaadano mid kamid ah dadka aan
aaminsanayn caqiidada islaamka oo dhigatay ama calaamadsaday hadaf
lid ku ah raali ahaanshaha ilaahay, waxaana lagaaga baahan yahay
inaanad marnaba ahdaafta ilaahay raali ahaanshihiisa lidka ku ah aanad
dhigan ama aanad ku hamiyin.

Waa maikal Jackson waxa uu dhashay august 29 1958kii, qoyskiisu


waxay ahaayeen xoogsato ku nool guri laba qola, aabihii waxa lagu
magacaabi jiray joe Jackson hooyadiina Katherine Jackson, waxa uu la
dhashay saddex caruura, waxa uu kasoo muuqday, muuq-baahiyayaasha
isagoo 11 sano jir ah.
Wakhtigay da’diisu ahayd 14
sano jir waxa uu sii daayay
albankiisii ugu horeeyay.
Muddo ka dib 1983kii waxa uu
iibiyay albankiisii ugu badnaa

71
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

oo ahaa 45 milyan oo koobi dhamaan caalamka oo dhan.

Xirfadihiisa waxa kamid ahaa heesaa ama fanaan,qoraa


heeseed,ganacsade iyadoo yoolka kaliyaata ama hadafka kaliyaatee uu
aduunka u joogay ahaa inuu noqdo qof jaaska heesaha iyo muusikadaba
loo daba fadhiisto ilaa muddo kadib lagu magacaabay boqorka muusiga
kulul(the king of pop) , waxa uu guursaday 1994kii gabadha lagu
magacaabo lisa marie Presley.

Wuxuu soo jiitay dhamaan indhaha caalamka sanadihii u dhexeeyay 1964


ilaa 2009kii. Intii uu ku gudo jiray inuu ka dhabeeyo hadafkiisa
dhalanteedka waxa badalay dhamaan qaabkii wajigiisa, markaas oo uu
qalniin isku sameeyay.

Bishii juun sanadkii 2009kii ayaa wadnuhu istaagay, isagoo gurigiisa


jooga, waxaana lagu dhawaaqay inuu dhintay, laba saac ka dib markii la
geeyay isbitaalka UCLA ee magaalada los angles ee gobolka California,
wakhtigaas oo uu damacsanaa inuu u duulo magaalada London, halkaas
oo uu bandhigiisii ugu danbeeyay
ku qaban lahaa.

Hadaba ujeedada kaliyaata ee aan


ka leenahay ninkan xagga sare ku
sawirani waa, inuu hadafka ama
yoolka dhalanteedka ah uu ka
baxsan yahay caqiidada islaamka,

72
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

waxaana lagaaga baahan yahay inaanad marnaba ku hamiyin wax ilaahay


raali ahaanshihiisa lid ku ah.

2- Yool aduunyo: qof walba oo ku sifoobay caqli saliima waxa uu


ogyahay, inay nolosha aduunyadu tahay mid yar oo aan waxba ahayn,
waa kuwii soomaaliduna hore u yidhi “waa maadays aduunyadu dadkuna
way matalayaan”. Iyadoo ay sidaa tahay ayey hadana waxay dad badan oo
hadaf aduunyo leh iska ilaabaan nolosha lagu waarayo ee tan ka
danbaysa. Hadaba iyadoo ay wanaagsan tahay inaad ku hamidid hadaf
ama yool aduunyo, ayaa hadana waxa lagaaga baahan yahay inaad
marwalba xasuusnaato nolosha danbe. Bal hadaba akhriste aynu tusaale
usoo qaadano mid kamid ah kuwa hadafka aduunyada lahaa oo ka
dhabeeyay yoolkiisii

Waa cabdilmalik binu marwaan oo ahaa mid kamida kuwii ka talinayay


dawladii umawiyiinta. waxa ay maalin wada fadhiisteen cabdi laahi binu
cumar binu khadaab iyo dhawr nin oo taabiciyiina, ka dib waxa ku
heshiiyeen inuu nin walba tamaniyo ama sheego hadafka naftiisa ku jira,
waxaana uu nin walba tilmaamay hadafkiisa iyagoo ay

U badnaayeen hadaf aduunyo, marka laga reebo cabdilaahi binu cumar


oo hadafkiisa ku sheegay inuu janada yahay oo uu aduunkanba ka
saahiday. Waxa uu cabdil malik tamaniyay inuu islaamka u atalin doono
wakhti kamida wakhtiyada soo socda, waxa uu geed gaaban iyo geed
dheerba u fuulay siduu hadafkiisa uga dhabayn lahaa ilaa uu gaadhay
heerkii uu doonayay balse waa aduunyo oo kaliya hadafkaasi, waana

73
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

hadaf sidiisaba fiican laakiin waxa ka baaxad wayn kana mudan hadafka
ama yoolka aan hoos ku xusi doono.

3- Yool waaraya: waa yoolka kaliyaata ee aan dunidan u joogno, maxaa


yeelay aduunyadu waa daarta imtixaanka aakhiro, markaa waa inuu
hadafkeena ugu wayni noqdaa sidii nafaheena iyo nafaha walaaleheen
khayrka u waafajin lahayn, hagaag hadaba aynu akhriste tusaale u soo
qaadano mid kamida ah dadka, kuwa ka dhabeeyay yoolkoodii aduunyo
iyo aakhiraba.

Waa Dr.Zakir Naik, 18 october 1965 ayuu ku dhashay magaalada


Mumbai ee wadanka hindiya. Waxa uu galay kishinchand chellaram
college kadib waxa uu galay jaamacada (Mumbai university) halkaas oo
uu ku diyaariyay shahaadada bachelor-ka qaybta caafimaadka iyo
qalniinka.

Waa shaqsi ku sifoobay aftahanimo isla markaana takhasus ku ah habka


masrax ka hadalka(puplic speak), waa daaci fidiya ama fahansiiya
bulshada xaqiiqnimada diinta islaamka, sidaa darteed waxa uu aasaasay,
barnaamijka isbarbardhiga diimaha (comparative religions) kaa soo ka
baxa talafiishanka Peace Tv waxaana fiirsada ama ku xidhan inkabadan
100 milyan oo qof. Sidoo kale xaaskiisa oo lagu magacaabo Farhat Naik
waxay iyaduna sidoo kale ka shaqaysaa fidinta diinta islaamka gaar
ahaan xagga gabdhaha.

Waxa uu jeediyay khudbado ama muxaadirooyin badan ilaa lagu qiyaaso


2000 ilaa 4000 oo khudbadood kuwaas oo uu ka jeediyay meelo badan oo

74
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

aduunka kamid ah. Khudbadihiisa ama barnaamijyadiisa caanka noqday


waxa kamid ah slamka iyo sayniska cusub,islaamka iyo kiristaanka
iyo kuwa kale.i

Waxa uu bookhday meelo badan oo dunida kamid ah sida


Australia,Wales,UK,Canada,Gambia, iyo Malaysia oo uu bookhday
2016. Waxa uu takhasuskiisu gaadhay darajada MBBS, waxa uu
caawiyaa dhalinyarta fuqarada
ah kaas oo

Ka bixiya wax barashada,


markaa haddii aynu
waxqabadyada iyo guulaha uu
gaadhay Dr.Zakir Naik is
nidhaahno waraaqo ku soo
kooba, ilaa dhawr buuq ayeynu
ka diyaarin lahayn, sidaa
darteed waxaynu tusaale ugu
soo qaadanay oo kaliya, sida uu uga dhabeeyay hadafkiisii aduunyo iyo
aakhiraba.

5.4 Sidee baynu u qeexi karnaa yoolkeena?

Hadaynu si guud mara uga jawaabno su,aashan kor ku xusan, waxaynu


uqeexi karnaa yoolkeena inagoo marka hore fahana maxaynu aduunkan u

75
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

joognaa? waa mida koobaad waa ta labaade waa inagoo ogaana waxaynu
ku fiicanahay?.

Markaynu ka jawaabno labadan su,aalood waxa inoo soo bixi doonta


inaynu qeexi karno yoolkeena. Su,aasha hore shayga aynu aduunyada u
joognaa waa inaynu ilaahay kaligii caabudno sunaha
suubanaheenana(N.N.K.H) aynu raacno, si aynu aakhiro iyo aduunyadaba
guul u gaadhno.

Su,aasha labaad waa inagoo ogaana waxaynu ku fiicanahay, tusaale


ahaan haddii aad ku fiican tahay xisaabta waa inaad ogaataa inaad si
fiican ubaran kartid qaybaha kala duwan ee injineerinka.

76
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

6
Qodobka lixaad:
Dadaalka

77
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

6.1 Dadaalka

Markaynu ka hadlayno dadaalka, waxa markaba maskaxdaada ku


soo dhacaysa, in wakhti badan lagu bixiyo wax akhris aad u badan
iwm.

Balse laakiin arintu sidaa maaha, dadaalku waa inaad naftaada


qorshe u dhigtid isla markaana aad ku dhaqantid sida ugu
macquulsan hadaba qodobkeenan waxaynu ku arki doonaa qodob
hoosaadyo ay kamid yihiin

Waa maxay dadaalku

Noocyada dadaalka

Sideebaad u dadaali kartaa

78
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

6.2 Waa maxay dadaalku


Dadaalku waa inaad joogtayso ama aad u adkaysatid shay, ilaa inta
aad aad ka dhamaynayso. Hadaba iyadoo ay sidaa tahay, ayaa
waxay bila aadamka ku abuuran samir xumi taas oo uu ilaahay
qur’aankiisa inoogu sheegay.

Markaynu u daadagno dulucda qodob hoosaadkeenan waa maxay


dadaalku, ayaa waxaad ku ogaan kartaa inay bulshadeena inteeda
badani aanay fahamsanayn ama aanay is waydiin su’aalo ay kamid
yihiin,waa maxay dadaalku? iwm.

Waayo shayga markaad su’aalo iska waydiiso ee aad meel gaara


intaad fadhiisatid aad naftaada kala faqdid, waxa kuu soo baxaya,
wixii uu ahaa shaygani, faa’idadiisii,iyo xog kale oo intaas ka sii
badan. Hadaba markii la sameeyay cilmi baadhiso badan ayaa waxa
lagu ogaaday, in jawaabta ugu macquulsan ee su’aasha kor ku
xusani ay tahay (Dadaalku waa inaad joogtayso ama aad u
adkaysatid shay, ilaa inta aad aad ka dhamaynayso ).

6.3 Noocyada dadaalka


dadaalka oo aynu qeexidiisa ama faahfaahintiisa xagga sare ku soo
aragnay, ayaa waxaynu u qaybin doonaa laba qaybood inagoo ku
dabaqayna xaalada hadba qofku ku jiro iyo marxalada hadba uu
marayo . waxaanay kala yihiin

 Inaad dajiso hadaf


 Iyo inaad qabato shaqadii looga baahnaa inaad ku gaadho
hadafkaas.

Inaad dajiso hadaf

79
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Markaad dajisid ama aad noloshaada qorshe u samaysid, ogow


waxaad samaysay qaybtii koobaad ee dadaalka, waayo inaad wax
qorshayso ama aad jadwal noloshaada u samayso waxay ku xidhan
tahay, dadaalka ama joogtaynta aad joogtayso inaad marwalba ka
fkirtid qorshaha noloshaada iyo sida aad wakhtigaaga ugu dabaqdid
xaalada aad ku sugan tahay.

Hadaba akhriste waxaad ogaataa in haddii aad noocyada kala duwan


ee jadwalka aad noloshaad u dhigtid aad gaadhaysid marxalada
labaad ee dadaalka.

Noocyada jadwalka.

1) Jadwal maalmeed ( shaqo maalmeedka,akhrinta xiisadaha


iskuulka iwm.)
2) Jadwal totobaad ( diyaarinta mashruuc, qaybista mid kamid ah
maadooyinka iskuulka iwm.)
3) Jadwal bileed iyo ( dib u dajinta miisaniyad,diyaarnta mawduuc
aad rabto inaad waxka baratid sida DNA, iwm)
4) Jadwal sanadeed ( dhamaynta mashruuc dhisme, barashada
luuqad sida Arabic,English iwm.)

Inaad qabato shaqadii looga baahnaa inaad ku gaadho hadafkaas

Hadaba hadaynu ka nimaadno marxalada koobaad ee dadaalka,


waxa iyana jirta marxalad labaad taas oo ah inaad qabato shaqadii
aad hadafkan u soo dajisay, waanay ka hawl badan tahay, tii hore ee
aynu soo sheegnay , maxaa yeelay iyada waxa lagaa rabaa inaad
samaysid wax walba oo aad uga baahntahay shaqadan si aad u
gaadhid, cidhifka ugu sareeya ee shaqadan.

80
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Tusaale ahaan, waxaad doonaysaa inaad baratid kubada basktet


ballka, hadaba si aad u noqotid mid ku takhasusa kubadan, waa
inaad qabataa shaqo kastoo ay kaaga baahan tahay sida, inaad
samayso alamito(ku cel celin)joogto ah, inaad daawato ciyaaraha
kubada noocan ah, iyo inaad la tashato dadka ku takhasuska ah
kubadan.

6.4 Sidee baad u dadaali kartaa?


Way fududahay inaad afka kaga jawaabtid balse waxa aad u adag
ama mashaqo badan inaad samaysid ama ku dhaqantid jadwalkii
aad noloshaada u dhigtay

Hadaba hadaynu si guud mara uga jawaabno su’aashan kor ku


xusan , waa inagoo joogtayna camalada aynu qabano inagoo ku
darayna dareen xamaasadaysan .

Waayo haddii aad leedahay dareen xamaasadaysan hawl walba


waxaad uqaban doontaa sidii loogu tala galay iyo wakhtigii loogu tala
galay.

Hadaba hadaynu soo qaadano qisada mid kamid ah kuwa dadaalay


waa asxaabigii wanaagsanaa salmaan alfaarisi (R.C)

( Haddii iimaanka la geeyo xidigaha waxaa gaadhi lahaa rag


kamid ah raggan) sidaas waxa yidhi nabi muxamad (N.N.K.H).

Qisadan aan ka sheekaynayno waa qisadii ninkii xaqiiqda


raadinayay, isagoo ka doonayay xagga eebbe si uu u helo diin xaq
ah. Hadaba aan isaga u dayno booskana ubanayno haynooga
sheekeeyo sidii wax u dheceene.

Maxaa yeelay dareenkiisa ayaa aad u sareeya , soo tabintiisuna aad


ayey u macaan tahay. Salmaan wuxuu yidhi “waxaan ahaa wiil yar
oo reer faaris ah deegaan ahaana Asbahaan, gaar ahaan tuulo

81
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

layidhaahdo Jayaan. Wuxuu aabahay madax ka ahaa magaalada,


wuxuuna kamid ahaa dadka ugu hodansan uguna sharafta badan
magaaladaas. Aabahay aad ayuu ii jeclaa ilaa markii aan dhashay.
Jeclaantaydu waa kusii badanayay aabahay maalinba maalinta ka
danbaysa ilaa uu guriga igu hayo, sidii gabadh gashaanti ah, isagoo
ii baqaya aniga.

Waxaan si fiican u bartay Majuusiyada oo ah diinta dadka dabka


caabuda, ilaa aan noqday ruuxa maamula dabka aan caabudno oo
masuul guud ka ah , si uusan u damin habeen iyo maalin midnaba.

Aabahay wuxuu lahaa beer wayn oo uu dalaga nooga soo guro,


isagaa ka shaqayn jiray beerta ,midhahana ka guri jiray.

Maalin ayuu ka bixi waayay magaaladii, mashquul qabsaday


daraadii. Wuxuu igu yidhi aabhay “waxa beerta igu mashquuliyay
waxa aad aragto. Aad beerta oo ka soo shaqee anigana imatal manta.

Waan baxay aniga oo u socda beertayadii. Markii aan dhexda sii


marayo, ayaan soo ag maray kaniisad kamid ah kaniisdaha
kiristaanka. Waxaan maqlay codkooda iyagoo tukanaya.

Dareenkaygii ayey soo jiiteen. Waxba kama aqoon diinta kiristaanka


iyo mid kale midna, waxaana iigu wacnaa aqoon la’aanta diimaha
kale, sidii aan bulshada uga xidhxidhnaa iyo sidii aabahay guriga
iigu xanibay, dadka oo dhana iiga fogeeyay. Hadaba markii aan
maqlay codkooda ayaan usoo galay, si aan u fiirsado waxay
sameynayaan . markii aan u fiirsaday salaadooda aad ayaan ugu
helay, waxaan jeclaystey diintooda. Waxaan idhi “wallaahi tanaa
kafiican tii aad haysateen. Ilaaheybaan ku dhaartee inaanaan ka
tagin kiniisadii iyo dadkeedii ilaa qorraxdii kadhacdey, anoon wali
beertii gaadhin.

Waxaan waydiiyay dadkii kaniisada joogay :diintan asalkeeda


meesha uu jiro ama ay ka timid ? waxay iigu jawaabeen: dhulka
sham. Markii habeenkii dumay, ayaan ku laabtay gurigayagii.

82
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Aabahay ayaa I waydiiyay, wixii aan manta soo qabtay. Waxaan ku


idhi: aabe waxaan arkay dad kaniisad ku tukanaya. Waxaan
layaabay diintooda, waan la joogay ilaa hadhii madoobaaday.
Aabahay wuu ka xanaaqay wixii aan sameeyay, wuxuuna yidhi:
wiilkaygiiyow diintaasi wax khayr ah ma leh, diintaada iyo diinta
aabayaashaa ayaa ka fiican.

Waxaan ku idhi: maya, ilaahaybaan ku dhaartaye diintooda ayaa ka


fiican diinteena. Aabahay cabsibaa gashay, wuxuuna iiga baqay
inaan diintayda ka laabto. Wuxuu xadhig igu xidhay guriga
dhexdiisa. Waxaan raadiyay fursad, markii aan helayna waxaan
fariin u dirsaday nasaaradii anigoo ku leh “haddii safar sham tagaya
baxo isoo ogaysiiya”.

Wakhti yar ka dib waxaa yimid safaray u socota sham. Waa I soo
ogaysiiyeen, waxaan iska furay xadhigii, waxaan raacay socotadii
anigoo is qarinaya ilaa aan ka gaadhay dhulka shaam. Markii aan
sham gaadhnay ayaan waydiiyay: dadka diintan haysta ruuxa ugu
fadliga badan?.

Waxay I dheheen : Al Usquf waa darajo kamid ah darajada nimanka


kaniisadaha haya,waan u imid, waxaan ku idhi: anigu waxaan
jeclaystay diinta nasaarada, waxaan doorbidayaa inaan kula joogo oo
aan kuu adeego, waxna kaa barto oo aan kula tukado . wuxuu yidhi:
soo gal.

Waan ugalay, waxaanan bilaabay u adeegistiisii. Markii aan wax yar


la joogay waxaan ogaaday inuu yahay nin xun. Wuxuu dadka
raacsan fari jiray inay sadaqo iyo wax la baxaan. Wuxuu jeclaysiin
jiray abaal marinta ay ka heli doonaan sadaqada ay la baxaan,
haddii ay eebbe dartii u bixiyaan, isaga ayaa kaydsan jiray. Fuqarada
iyo masaakiintana waxba ma siin jirin, ilaa uu buuxsaday todoba
weel oo waawayn oo dahab ah.

Wixii aan ku arkay darteed waxaan u cadhooday cadho daran, aniga


oo aan wakhti badan la joogin ayuu dhintay. Nasaaradii ayaa isugu

83
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

yimid si ay u aasaan, waxaan ku idhi: ninkan nin xun ayuu ahaa,


wuxuu idin fari jiray sadaqada waana idin jeclaysiin jiray, haddii aad
wax la baxdaana waa kaydsan jiray oo masaakiinta waxba ma siin
jirin .

Waxay dheheen: maxaad ku ogaatay ?

Waxaan ku idhi: aan idin tuso kaydkiisa?

Waxay dheheen, haye na tus, waxaan tusay kaydkiisii, waxayna ka


soo baxsheen todoba weela oo ay ka buuxaan dahab iyo qalin. Markii
ay arkeen ayay yidhaahdeen: ilaahbaan ku dhaaranee aasi mayno,
way daldaleen dhagaxna way ku garaaceen maydkiisii, wakhti yar ka
dib waxay booskiisii u magacaabeen mid kale. Waan lajoogay.
Waligayna ma arag nin ka aakhiro jecel, kana cibaado bada. Aad
ayaan u jeclaaday, waxaanan la joogay waqti dheer.

Markii sakaraadkii qabtay ayaan ku idhi : yaad ii dardaarmaysaa oo


aad igula talin lahayd inaan la joogo? Wuxuu iigu jawaabay:
wiilkaygiiyow magaranayo ruux haysta diinta saafida ah ee aan
haysto marka laga reebo nin Mawsil jooga. Waa ninka hebel
layidhaahdo diinta waxba kama leexan waxna ma badalin, ninkaas u
tag.

Markii uu dhintay saaxiibkay, waxaan u tagay ninkii Mawsil joogay,


waxaanan uga waramay qisadaydii, waxaan u sheegay in uu ninka
hebel la odhan jiray ii soo diray markii uu dhimanaayey, iina sheegay
inaad tahay nin haysta xaqqii uu haystay. Wuxuu igu yidhi ila joog,
waan la joogay, waxaanan ogaaday inuu yahay nin khayr badan.
Wax yar ka dibna wuu dhintay. Markii sakaraadkii qabtay ayaan ku
idhi : hebelow waxa kuu yimid waqtigii alle, anna waad I ogtahay
yaad ii dardaarmaysaa oo aad ileedahay u tag?.

Wuxuu yidhi wiilkaygiiyoow , walaahi inaanan garanayn nin haysta


diintii aan haysanay, marka laga reebo nin jooga Nasiibiin. Waxaan
u sheegay ninkii qisadaydii iyo in la isoo diray inaan utago. Kiina

84
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

waxa uu igi yidhi ila joog, waan la joogay kiina waxaan ogaaday inuu
yahay nin khayr badan. Wakhti gaaban ka dib waxa u yimid mawdkii
markii sakaraadkii qabtay ayaan ku idhi: waad la socotaa xaaldayda
ee yaad ii dardaarmaysaa inaan u tago?.

Wuxuu igu yidhi: wilkaygiiyoow, walaahi ma ogi qof ku hadhay wixii


aan haysanay, nin Cammuuriya jooga mooyaane, waa hebel ee
isaga u tag. Waan u tagay waanan u sheegay qisadaydii, waxaanu
igu yidhi ila joog. Waanan la joogay, ilaahaybaan ku dhaartayee
wuxuu haystay diintii ay saaxiibadii haysteen. Intii aan la joogay
waxaan shaqaystay in lo ah iyo xayn adhi ah. Ninkii waxaa u yimid
wixii saaxiibadiis u yimid (geeri). Waxaan ku idhi waad la socotaa
arintayda ee yaad ii dardaaarmaysaa inaan aado? Maxaad se I
faraysaa?.

Wuxuu iigu jawaabay : wiilkaygiiyoow , walaahi inaanan ogayn ruux


dunida saaran oo haysta waxaan haysanay. Hase yeeshee waxaa soo
dhawaaday xilligii uu dhulka carabta ka soo bixi lahaa, Nabi la lasoo
diri doono diintii nabi ibraahim (C.S). ka dibna wuxuu ka
hijiroondoonaa dhulkiisiisa waxaanu u hijiroondoonaa dhul timir leh
oo dhagax madaw leh. Wuxuu leeyahay calaamado aan qarsoomayn

 Wuxuu cunaa hadyadda


 Sadaqada ma cuno
 Garbaha dhexdooda waxa uga yaalla “khaatamu anubuwah” .
calaamada nabinimada.

Haddii aad awoodid inaad tagto dhulkaas tag. Intaas ka dib waxa u
timid geeridii. Waxaa iska joogay cummuuriya wakhti dheer, ilaa ay
igu soo mareen ganacsato carbeed oo reer kalbi ah. Waxaan ku idhi
haddii aad ii kaxaysaan dhulka carabta, waxaan idiin siinayaa
lo’dayda iyo adhigayga, waxay I dhaheen haye, waanu ku
kaxaynaynaa. Waxaan siiyay adhigaygii iyo lo’daydii waanay I
kexeeyeen.

85
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Haseyeeshee markii aan gaadhnay wabiga layidhaahdo Quraa way I


khiyaameeyeen, waxayna iga iibiyeen nin yuhuudi ah. Ninkaas baan
u adeegi jiray ilaa uu naga soo booqday ina adeerkii oo reer Qureytha
ahaa ninkaas ayuu iga iibiyay, wuxuuna ii wareejiyay Yathrib.
Waxaan arkay geedihii uu saaxiibkaygii cummuuriya ii soo
tilmaamay, madiina waxaan ku aqoonsaday tilmaantii uu iigu
tilmaamay. Ninkii ayaan la joogay.

Nabigu (N.N.K.H) xilligaas wuxuu diinta ugu yeedhay qoomkiisiii


makka dhexdeeda, balse ma maqal anigu, sababtuna waxay ahayd
waxaan ahaa adoon. Isla ayaamihiiba waxa Yathrib u soo hijrooday
rasuulka(SCW). Allaah baan ku dhaartayee waxaan fuushanaa geed
timireed baarkii, halkaas oo aan

Oo aan shaqo uga hayey sayidkayga, iyadoo uu sayidkayguna


fadhiyo hoostayda . markii uu noo yimid ina adeerkii oo uu
sayidkaygii ku yidhi: ilaahay halaayo reer Qayla( Aws iyo Khasraj),
walaahi waxay hadda ku shir san yihiin Qubaa, waxayna u kulmeen
ninka maanta makka ka soo galay oo sheeganaya nabinimo.

Markii aan maqlay hadalkiisaas waxaa isaaqday qandho, waanan


isku dhexyaacay ilaa aan ka baqday inaan ku soo dul dhaco
sayidkaygii. Halhaleel ayaan geedkii uga soo dagay, waxaanan ninkii
ku idhi maxaa tidhi?.

Warkii iigu celi. Waxaa carooday sayidkaygii, waana I dhirbaaxay ,


dhirbaaxo naxariis darro ah. Wuxuu igu yidhi maxaa adiga kaa galay
ku laabo shaqadii aad haysay.

Markii galabtii ay gaadhay waxaan qaaday timir aan aruursaday,


waxaanan abaaray meeshii (SCW)ku soo dagay, waana u soo galay.
Waxaan ku idhi waxaan maqlay inaad tahay nin wanaagsan ay kula
socdaana saaxiibadaa oo qariib ah baahanna, timirtan waa sadaqo
aan hayay, waxaan u arkay ina aysan jirin cid idiinkaga haboon,
waan usoo dhaweeyay, wuxuu ku yidhi saaxiibadiisii, cuna, isna
gacmuhuu ka laabtay, oo waxba kama cunin. Waxaan naftaydii ku

86
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

dihi: tan waa tilmaantii koobaad. Waan laabtay anigoo aruurshay


timir kale.

Markii suubanuhu ka soo wareegay quba ee uu yimid madiina ayaan


u imid oo ku idhi: waxaan ku arkay inaanad cunin sadaqada, tan
waa hadyad aan kugu sharfay adiga, waxbuu ka cunay
saaxiibadiisna waxa uu faray inay la cunaan. Waxaan naftayda kula
sheekaystay tanna waa tilmaantii labaad.

Markii xigtay waxaan u imid rasuulka (SCW) oo Baqiic jooga, waxna


ka aasaya mid kamid ah asxaabtiisii oo geeriyooday. Waxaan arkay
isagoo fadhiya laba go’na xidhan. Waan salaamay, waana la
wareegay anigoo fiirinaya dhabarkiisa bal inaan arko khaatimkii uu
ii tilmaamay saaxiibkaygii cammuuriya.

Markii nabigu I arkay inaan eegayo dhabarkiisa, wuxuu fahmay


ujeedadayda. Wuxuu go’ii ka qaaday dhabarkiisa, waan eegay
waxaan arkay khaatimkii, waanan aqoonsaday, waan ku foorarsaday
si aan u dhunkado, waanan ooyay . wuxuu yidhi rasuulku maxaad
ahayd?

Waxaan uga sheekeeyay qisadaydii. Wuu layaabay, wuxuuna


jeclaystay inaan saxaabada maqashiiyo, anna waan uga shekeeyay,
way layaabeen, layaab midka ugu daran waxayna farxeen farxad aad
saraysa.

Salmaan alfaarisi ilaahay raali haka noqdo maalinta uu xaqqa


raadinayay, maalintii uu xaqqa helay, maalintuu dhintay iyo
maalinka la soo saari doono.

Waxaynu odhan karna aa waakaas dadaalka dhabta ahi waxaanu


goostay midhihii dadaalkiisa.

87
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Dhamaad

88
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Raadraac

i. Inkofknowledge.com
ii. Shabakada waxka barro
iii. Muxaadirada qeex yoolkaaga (sh.almis sh.yaxya)
iv. Muxaadirada sigaarka (sh.mustafe x.ismaaciil haaruun)
v. Shabakada Wikipedia
vi. Iyo buugaagta ibahim al fiqi oo uu turjumay ( ismaciil tukaale cige)

89
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

90

You might also like