Xeerka UDM

You might also like

Download as docx, pdf, or txt
Download as docx, pdf, or txt
You are on page 1of 4

Hordhac

Uurukan oo la yidhaahdo Talo-Wadaag , waxa la aasaasay /12/2015, waxana loo aasaasay

Ururkan Markaan aragnay, inay Jiraan baahiyo badan oo xaga isku xidhka , istaageersiga

iyo Wacyigalinta dadka ka tirsan Ururka, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

1. Wacyigalin iyo Istaageersi iyo Ururin dhaqaale, Tababaryo, harwmarina dhalinyarada,

Urukani wuxuu u shaqaynayaa si tabarucnimo ah.

Qodobka 1aad: Magaca Ururka

1. Magaca Ururka waa Ururka Harwmarinta Dhalinyarada Beesha Xasan Sacad ee

magaciisana la yidhaahdo Talo-wadaag.

Qodobka 2aad: Ujeeddada Ururka.

Ujeeddada Ururku waa isku xidhka ,wacyigalinta,istaageersi, harwmarinta

dhalinyarada iyo dhaqaale Ururinta dhalinyarada Beesha.

Qodobka; 3aad Boodhka.

Ururku wuxuu yeelanayaa Boodh, waxayna ka kooban yihiin 13 xubnood, waxay

si ku meel gaadh ah ula shaqaynayaan Ururka Muddo sanad ah, iyadoo wixii intaa

ka danbeeyana ay soo dooran doonaan Xubnaha Ururku Boodh rasmi ah .

Qodobka 4aad: Hawsha Boodhka.

1. Waxay la talinayaan Guddida Fulinta.

2. waxay xaliyaan wixii khilaafaad ah ee dhex yimaada Xubnaha ka tirsan

Ururka.

1
3. In ay la xisaabtamaan Xubnaha Guddida Fulinta.

4. Marka ay Muddada ku Meelgaadhka ahi dhammaato, in ay doortaan Guddida

Fulinta,

Qodobka5aad: Guddida Fulinta.

Gudida Fulintu waxay ka kooban yihiin 5 xubnood:-

1. Guddoomiyaha Ururka.

2. Gudoomiye ku xugeenka Ururka.

3. Xoghayaha Ururka, waxana hoos imanaya:- 1. Guddida Dhalinyarada.

2. Guddida Haweeynka, 3. Guddida Odayaasha.

4.Guddida Baayac Mushtar ah.

Qodobka 6aad: Hawsha Guddoomiyaha Guddida Fulinta.

1. Shir-gudoonka Kulamada Ururka.

2. Waxa uu xilsaaran yahay, habsami usocdka Guud ahaan, hawlaha Ururka.

3. Wuxuu aqbali karaa ama uu diidi karaa iscasilaada Xubnaha ururka.

4. Waxa uu si rasmi ah u Matalaa Ururka

5. Wuxuu qaban karaa Kulanada degdega ah.

6. Wuxuuna ku hadli karaa afka Ururka,

Qodobka 7aad: waxyaabaha uu ku waayi karo Xilka Guddoomiyuhu.

1. Hawlkarnimo la’aan.

2. Isaga oo ka horyimaada Mabaa’diida Ururka, isagoo si khaldan ugu takri

fala Hantida Ururka.

3. Isaga oo Iskii iskaga Casila Xilka Guddoomiye ee Ururka.


2
4. Isaga oo ay ku caddaato arrimo danaysi ah,khiyaamayana Ururka.

Qodobka 8aad: Hawsha Guddoomiye ku Xigeenka.

1. Waxa uu hawshii Guddoomiyaha kusii simayaa, Markuu Gudoomiyuhu

maqan yahay.

2. Wuxuuna Xilka ku waayayaa waxyaabah uu Guddoomiyuhu ku waayayo

Qodobka 9aad: Hawsha Xooghayaha URURKA.

1. Wuxuu haynayaa, dhammaan Dhikumantiyada Ururka.

2. Waxa uu qorayaa, wixii kasoo baxa , Guddida Fulinta.

3. Waxa uu Xilka kuwaayayaa, isaga oo Xafidi waaya sirta Ururka./

Qodobka 10aad: Hawsha Xubnaha Ururka .

1. Waxa ku waajib ah Xubnaha Ururka in ay u bixiyaan qaadhaanka ku

waajibay si hufan oo daacadnimo ah.

2. In ay Hirgaliyaan himilada Ururka.

Qodobka 11aad: waxyaaba lagu waayi karo Xubinimada Ururka.

1. Isaga oo Caadaysta Maqnaasho Joogta ah.

2. Isaga oo ka qayb qaadan waayay harawmarinta Ururka.

3. Isaga oo Muran iyo khilaaf dhex dhiga Xubnaha Ururka.

4. Isaga oo bixin waaya dhaqaalaha loogu talagay Ururka.

Qodobka 12aad: Maamulka dhaqaalaha Ururka.

1. Ururka waxaa u haynaya oo maamulaya dhaqaalaha si ku meel

gaadh ah Guddida Fulinta.


3
2. Guddida Fulntu waa In ay ogaadaan dhammaantood,wixii soo

galaya sanduuqa.

3. Waa in ay ka tashadaan, wixii baahiyaad ah ee dhaqaaluhu ku

baxayo.

4. Waxa lagaga saari karaa Sanduuqa Ururka lacag, sexeexa 5

shanta Xubnood ee Guddida Fulinta oo dhan.

5. Wixii sanduuqa soo galaya waa in ay wada ogaadaan Xubnaha

Guddida Fulintu,

Qodobka 13aad: Dhaqan galka Ururka.

Waxa uu Xeerkani dhaqangalayaa marka ay ku ansixiyaan Xubnaha Ururka ee

Fadhiga cod hal-dheeri ah.( simple Majority).

Qodobka 14aad: Nasakhaada Xeerkan.

Xeerkani waxa Nasakhaya, marka Xeer kale ay ansixiyaan Xubnaha Ururku.

You might also like