Dagaalka Dahsoon by Sadiq Enow

You might also like

Download as pdf or txt
Download as pdf or txt
You are on page 1of 8

Author Topic: Dagaalka Dahsoon! by Dr. Saadiq Enow!

« on: March 18, 2007, 02:55:05 PM »

Dagaalka Dahsoon Ee Soomaaliya:

Dhacdooyinka qallafsan ee ka imanaya Geeska Afrika, waa kuwo caadad ka baxsan. Goor 16 sano laga
joogo ayaa dowladdii Soomaaliyeed waxaa ku yimid bur-bur. Soomaalidu dhamaantood waa ay ka wada
qeyb-qaateen bur-burka nadaamkii u dhisnaa. Islamarkaa ma jirin nadaam ay horey u diyaarsdaeen,
kaas oo ay ugu talagaleen in uu beddel u noqodo. Waxay noqdeen sidii nin dumiyay aqalkii uu ku noolaa,
iyada oo uusan dibadda u saarin xaaskii iyo caruurtii. Waxaa halkaa ka dhashey natiijooyin aanan la
mahadin. Marka laga reebo dadka u heelanaa howlaha lagu bur-buriyay Soomaaliya, qof kasta oo kale
waa uu la fajacayaa waxa ka dhacaya Geeska Afrika. Sikastaba ha loo fasirtee, meesha ay riwaayaddu ka
dheceyso waa dhul Soomaali. Kharashka ku baxayana waa dhiig Soomaali.

Mashaqada la soo deristey bulshada Soomaaliyeed ee maanta xalkeedii lagu jah-wareerey, waa mid
Soomaali ka qabta kharaj badan. Waa mid horey u galaafatey geesiyaal Soomaaliyeed. Geesiguna
maahan ninka tuutaha lebista ee qoriga qaata oo keliya. Bal geesiyaal badan oo aanan qori qaadan ayay
qadiyadda Soomaaliyeed qabtaa. Qadiyaddan ay ku dhamaadeen caruurtii Soomaaliyeed, maahan mid
shaley iyo maanta bilaabatey. Bal waa mid dhinac socotey waayaha taariikhda. Taas oo ku hartey xasuus
diiddan tir-tiran.

Waxaad ii oggolaataan inaan caawa wax yar ka xuso geesi kamid ah halgamayaashii naftooda u hurey
qadiyadda Soomaaliyeed. Isaga oo aanan tuute lebisan, qori qaadan ayuu ku dadaalay in uu Soomaali ka
bad-baadiyo mashaqo ku soo deg-degta oo shisheeyuhu u maleegey. Qabiilkiisu maahayn afar iyo jabka
aanu wax ku qeybsanay. Isagu maahayn Soomaali, wuxuuse dhiiggiisii u qubey in uu Soomaali, goor hore
ka badbaadiyo shilkan ay ku dhacdey. Intaanan Xamar lagu dilin ayuu xaaskiisii kula dar-daarmey, in ay
ilaaliso buuga xasuus-qor u ahaa. Dabadeedna ay u dhiibto nin wariye ah oo la yiraahdo Axmad
Bahaa Al-diin. Geesiga aanu caawa xuseynaa, magaciisu waa Kamaal Al-aldiin Salaax. Ninkaas oo laga
soo magacaabey Jamciyadda Quruumaha ka Dhexeysa, ayaa wuxuu kamid ahaa saddex danjire oo
kormeer ku hayay nadaamkii dul-maamulka ahaa ee Talyaaniga uu ku xukumey Soomaaliya.

Waraaqahaasi waxay yihiin marjic markhaati u ah howlihii, dhallinyaradii Leegada, ay ku doonayeen


madax-bannaanida. Geeridii Kamaal Al-diin dabadeed, xaaskiisii oo la yiraahdo Amiina Salaax, waxay
waraaqihii guriga u yiil ay siisay ninkii uu ku yiri sii. Axmad Bahaa Al-diin oo waraaqahaas uu dhaxley ka
sheekeynaya, wuxuu yiri :
" Markaan bilaabey in aan waraaqihii akhriyo, waxaan u muuqdey sidii nin akhrinaya dhacdo daraama ah.
Waxaa halkaas ka dhex muuqdey geesiyadii sheekada jilayay, gumeysigii fashiistada ahaa, ganacsatadii
Hindida ahayd ee dhex-dhexaad ka ahayd qadiyadda iyo Soomaali caada-qaatayaal ahaa oo iibinayay
dalkooda. Waxaan ahaa mid akhrinaya sheekadaas daraamada ah, illaa ay ku dhamaatey dilka
danjirahaas geesiga ah ".

Kamaal Al-diin Salaax wuxuu u dhintey qadiyad Soomaaliyeed, sida ay geesiyaal badan oo Soomaaliyeed
ay u dhinteen qadiyaddan. Wakhtiguna wuxuu reebey magaciisa in uu ahaado mid ku lifaaqan qadiyadda
Soomaalida. Dilkaasi wuxuu kamid ahaa dilal badan oo lagu aamusinayay qadiyadda bulshadaas
saboolka ah.

Kamaal Al-diin ayaa markii loo magacaabey Soomaaliya, isaga oo dhoolla-caddeynaya wuxuu xaaskiisa
ku yiri : " Malaha igu xooggan wuxuu yahay, in aan halkaas ka helayo shaqo xasilloon, waayo waa dhul
xasilloon ".

Danjirahan oo u dhashey dalka Masar, ayaa horey u soo qabtey xilal diblomaasiyadeed. Isagu sanadkii
1936-kii, wuxuu ka soo shaqeeyay magaalada Qudus, iyada oo markaas uu jirey kacdoon ay dadka
carabta ah ku diidanaayeen maamulkii Ingiriiska iyo Yuhuuddii lagu tallaalayay halkaa. Dabadeed wuxuu
ka soo shaqeeyay Jabaan, iyada oo ay taagneyd dagaalkii u dhexeeyay dalkaas iyo Shiinaha. Kaddib
waxaa loo beddeley Libnaan, iayad oo dagaalkii II-aad ee dunida uu socdo. Waxaa halkaa soo weeraray
ciidamo isugu jira Ingiriis iyo Faransiis. Ciidamo carab ah ayaa la dagaalamayay. Iyagu waxay
diiddanaayeen in gumeysigu caga-dhigto degaanka. Dagaalkii II-aad markuu dhamaadey, waxaa loo direy
San Faransisco (Mareekanka), si uu xubin uga noqdo wafdiga caalamiga ah ee halkaas ku saxiixayay
axdigii lagu asasaasey JQ ka Dh. Isagu wuxuu markaa matalayay dowladda Masar. Dabadeed wuxuu u
soo wareegey magaalo-madaxda dalka Urdun (Camaan), si uu goob-jooge uga ahaado dagaalkii ugu
horeeyey ee dhex maray Carab iyo Israa'iil. Wuxuu kaloo goob-jooge ka ahaa af-gembigii ay shuuciyiintu
kula wareegayeen talada dalkii la oran jirey Jikoslofakia. Kaddib waxaa loo beddeley Suuriya. Waxay
ahayd xilligii ugu qalafsanaa taariikhda dalkaas. Kacdoon xooggan oo dowladda lagu diidanaa ayaa jirey.
Kaddib wuxuu noqdey qunsul fadhiya magaalada Marsiiliya. Degmadu waxay xilligaas ahayd meesha ugu
dhaqdhaqaaq badan oo jabhaddii u dagaalameysay madax-bannaanida Jasaa'ir ay dibadda ku lahayd.
Faransiiska ayaa markaas wuxuu si xooggan u ilaalin jirey dhaqdhaqaaqa qunsulka Masar.
Kaddib waxaa yimid doorkii Soomaaliya. Haddaba wax lala yaabo maahan in Kamaal Al-diin uu xaaskiisu
ku yiraahdo : " Malaha igu xooggan wuxuu yahay, in aan halkaas ka helayo shaqo xasilloon, waayo waa
dhul xasilloon ". Maxaa yeeley dadka Xilligaas ku noolaa Soomaaliya, tiradoodu waxay ahayd 1.300.000
oo keliya. Nadaamka ka jirayna wuxuu ahaa dul-maamul uu Talyaanigu gacanta ku hayay.

Dhulkaas oo danjiruhu uu maleynayay in uu ka helayo shaqo xasilloon, ayaa wuxuu noqdey meeshii ay
ku ekeyd noloshii geesigaas. Goor duhur ay tahay, isaga oo gelaya albaabka daartii qunsuliyadda Masar,
ayaa nin dhallinyar oo Soomaali ah uu toorey, dhowr jeer dhabarka kala dhacay. Kamaal Al-diin ayaa
markaas ku dhex dhacay dhiiggii ka qubtay oo dhulka buuxshay. Ninkii wax diley waxaa qabtey
shaqaalihii qunsuliyadda, kuwaas oo Soomaali ahaa. Kamaal Al-diin, isaga oo dhaawac ah ayuu tooreydii
iska siibey. Ramadaan ayay ahayd oo waa uu soomanaa. Dhiiggii ka baxay awgiis ayaa waxaa loo keeney
biyo uu cabo. Waa uu diidey oo wuxuu yiri : " Aniga oo sooman ayaan doonayaa in ay naftu i deyso ".
Halkaas ayuu kaga nastey howlihii qallafsanaa ee uu goob-joogaha ka ahaa. Nasasho aanan soo noqod
lahayn.

Majirin qof maleynayay in nolosha Kamaal Al-diin ay ku abyooneyso ceynkaas, meeshaas, iyo weliba
sabab gacan Soomaaliyeed. Dhacdadan ayaa waxay tilmaameysaa, waxa Soomaaliya ku dhacay in ayan
ahayn wax ay Soomaalidu doorteen, bal ay tahay wax loo doorey. Taasi waxay khasbeysaa in aanu
sheekada dib ugu noqono si loo fahmo gaba-gabada sheekada geesigan. Xasuus-qorkiisii wuxuu ku qorey
sedan :

" Markii ay Xamar ka degatey dayuuraddii aan la socdey, magaalada ma aanan joogin dhowr toddobaad,
illaa qalbigeyga uu jecleystey shacabkaas saboolka ah. Sidoo kale iyana waa ay i jecleysteen ".

Qunsulkan Masar, waxaa la socdey laba qunsul oo kale, kuwaas oo laga soo direy JQ ka Dh. Iyagu waxay
ka socdeen labada dale e ah Kolombiya iyo Filibiin. Inkasta oo muhimadda loo soo direy saddexda qunsul
ay mid ahayd, misana Kamaal Al-diin si gaar ah ayuu xil isaga saarey in uu Soomaalida wax taro. Wuxuu
noqdey shakhsiyadda ugu muhimsan oo ay u kaashadaan halgankoodii ay ku doonayeen madax-
bannaanida. Laba toddobaad markuu joogey, wuxuu qaatey gaari jiib ah. Wuxuu ku soo wareegey
degmooyinkii iyo tuulooyinkii dalka. Xataa ceelshii geelu ka cabayay ayuu tegey. Sida uu isaguba sheegey,
dad-waynaha ayuu kulamo la qaadanayay. Waa uu la tukadey. Waa uu u khudbeynayay. Wuxuu u
sheegayay waajibka ka saran dalkooda iyo waxa laga doonayo in ay la yimaadaan, si ay u xaqiijiyaan
madax-bannaanida dalkooda hooyo.
Wax yar intuusan joogin, Kamaal Al-diin waxaa u muuqatey, sida loogu hardamayo dalkaas yar ee
saboolka ah, iyo sida dadkiisa ay war-moog u yihiin. Waxaa u muuqatey danaha dowliga ah oo laysku
haysto, iyo jahliga ay ku sugan yihiin dad-waynaha Soomaaliyeed. Waxaa u muuqatey dowladaha
markaa ku hardamayay in ay ahaayeen Ingiriis, Faransiis, Mareekan, Talyaani, Baljam iyo Itoobiya.
Xilligaas Talyaaniga ayaa maamulayay Soomaaliya. JQ ka Dh. ayaa u dhiibtey si muddo 10 sano ah uu u
gaarsiiyo madax-bannaani iyo is-maamul buuxa. Sida uu yeeli lahaa xoog kasta oo gumeysi ah,
Talyaanigu wuxuu muddadaas ku dadaaley in uu boobo hantida dalka. Bal in uu tallaal ku reebto dalka,
kaas oo uu maslaxaddiisa ku ilaashado.

Dhacdooyinka la xuso ee la xiriira boobka hantida dalka, waxaa tilmaamaya sheeko dhacdey markii
Jamaal Cabdi Naasir uu qarameeyay biya-mareenka Suwees. Dagaal ay soo qaadey dowladdii lahayd
shirkaddii laga eryey kanaalka, ayaa wuxuu sababey in marinkii kanaalka xirmo. Waxaa markaa Xamar ku
hakadey maraakiib sidey moos badan. Waxay ku jeedeen dalka Talyaaniga. Haddaba si uusan moosku
ugu qurmin maraakiibta gudahooda, ayaa waxna badda lagu daadshey, waxna waddooyinka magaalada
Xamar la dhigey. Soomaalidii, ayaamo ayay heleen moos bilaasha oo ayan horey u heli jirin. Inkasta oo
moosku uu yahay waxa ugu badnaa oo laga abuurayay dalka, misana dadka Soomaalida ahi,
dhamaantood ma ayan lahayn awood ay ku dhadhamiyaan hantidaas ka baxaysa dalkooda.

Ingiriisku wuxuu markaa fadhiyay waqooyiga Soomaaliya. Wuxuu ogaa is-beddel kasta oo ka yimaada
koonfurta Soomaaliya, in uu yahay mid raad ku yeelanaya gobolka uu gumeysto. Bal dhallinyaradii
Leegada kuwoodii ugu fir-fircoonaa waxaa kamid ahaa rag ka yimid Cadan iyo Hargeysa. Gobolkaas uu
gacanta ku hayay wuxuu yahay mid ku sii jeeda degmada Cadan oo xilligaas ahmiyad u lahayd Ingiriiska.
Islamarkaa waa gobol la xiriira madiiqa laga galo badda Cas ee la yiraahdo Baab Al-mandab. Si haddaba
Soomaalidu aanay ugu soo deg-degin madax-bannaanida gobolkaas, qeyb degaanka kamid ahayd ayuu
Itoobiya si kedis ah ugu daray. Dhulkaas oo ahaa dhul uu Ingiriisku u hayay amaano ahaan, isaga oo
aanan kala tashan odeyaashii Soomaalida, ama xataa Talyaanigii joogey gobollada koonfureed, ayuu
gacanta u geliyay maamulkii Itoobiya. Taasina wuxuu uga gollahaa in Soomaaliya iyo Itoobiya ay
noqdaan laba dal oo aanan xinif ka dhamaan. Si markaas danahiisa siyaasadeed ay baaqi ugu ahaato
gobolka waqooyi ee gacanta ugu jirey.
Dhab ahaantii, Soomaalidu waxay bilaabeen xilligaas in ay ka hadlaan Ogaadeenya. Taasi waxay gaabis
ku keentey in ay ka hadlaan gobolka uu haystey. Kamaal Al-diin Salaax, janno iyo raxamad Allaha ka
waraabshee, goor hore ayuu dareemey shacda siyaasadeed ee lagu luggoynayay Soomaalida.
Shakhsiyaddiisa oo ahayd mid ay Soomaalidu ku kalsoonaayeen darteed, ayaa wuxuu kula taliyay in
aanan laga marin-habaabin gobanimada ay halganka dheer u soo galeen. Wuxuu u sheegey, markii ay
madax-bannaanida qaataan, in ay doonaan gobollada ka maqan. Laakiin xilliga la joogo ayan isku howlin
cayaarta uu Ingiriisku u bilaabey.

Mareekanka ayaa dhankiisa ka bilaabey in uu daneeyo Soomaaliya. Waxaa xilligaas la ogaadey, in


batrool badan uu hoos ceegaago ciidda Soomaaliya. Waxaa Soomaaliya yimid shirkad batroolka baarta
oo Mareekan laga leeyahay, taas oo la yiraahdo Singler. Nin masuul ka ah shirkadda oo magiciisu yahay
Mr. Adam, ayaa booqasho gaaban ku yimid Xamar. Wuxuu la kulmey Kamaal Al-diin Salaax. Wuxuu ogaa,
qunsulka Masar in uu markaas noqdey furihii dhaqdhaqaaqii Leegada. Wuxuu jecleystey in uu u sahlo
sidii ay shirkaddu u heli lahayd heshiisyo deg-deg ah, intaanan madax-bannaanida la qaadan. Runtii
xilligaas Soomaalidu kuma jirin dad leh aqoon ay miis kula fariistaan ragga caynkaas ah. Kamaal Al-diin
waa uu ka diidey oo wuxuu doonayay in shirkadda iyo Soomaalidu ay dhigtaan heshiisyo lamid ah midka
ay dhigteen shirkadaha Mareekanka iyo dalalka Sucuudiga iyo Kuweyt. Taasina wuxuu ku ilaalinayay
danaha dadka Soomaaliyeed oo isga aaminey. Diidmadan waxay kamid ahayd dhacdooyinka shiddada ku
keeney noloshii qunsulkaas geesiga ah.

Talyaaniga wuxuu baahi badan u qabey in uu qeyb ka helo mashruucii ahaa (Marshall Plan) ee dib loogu
dhisayay Yurub, dagaalkii dabadeed. Shaxaadkii uu Mareekanka ku sasabanayay wuxuu ka bixiyay dhulka
Soomaalida. Talyaanigu wuxuu markaas oggolaadey, isaga oo aanan JQ ka Dh ogeysiin, in shirkaddii
Singler ay ka howl-gasho ciidda Soomaaliya. Mareekanka ayaa markaas wuxuu ballan qaadey in uu
sanad walba siiyo maamulka Talyaaniga ee Xamar fadhiya 200.000 oo dollar. Wuxuu kaloo saxiixey in uu
wax ka qabanyo mashaariic ay kamid yihiin kobcinta xoolaha nool, kanaallo uu ka jeexayo biyaha labada
webi, dhismo bakhaaro lagu keydiyo miraha beeraha ka go'a, qodid ceelal biyaha laga cabo.
Mashaariicdaas midkoodna dalka kama fulin. Waxaa keliya oo fuley wuxuu ahaa baaritaankii Singaler ay
ku baadi-goobeysey batroolka iyo lacagihii shaxaadka ahaa oo uu qaadanayay maamulkii Talyaaniga.
Kamaal Al-diin oo ahaa nin matalayay JQ ka Dh. aad ayuu uga hor yimid arimahaas. Dacwad badan ayuu
ka geeyay golaha jamciyadda. Taasina waxay ahayd qodob kale oo lagula colloobey qunsulkaas geesiga
ah. Qoraallada dacwadda ah ee uu u gudbiyay JQ ka Dh. waxaa kamid mid ahaa sidan :
" ……………… Hadday run tahay arintan, waxaa la sheegay, shirkadaha batroolka marka ay baadi-
goobayaan meelaha uu ku jiro batroolka ganacsiga ku haboon, waxaa kale oo la socda rag sir-doon ah oo
ka socda ciidamada Mareekanka. Raggaaaasi waxay qoranayaan kaartooyin la xiriira degaanka, kuwaas
oo si tifaf-tiran uga waramaya dhulka ay shirkaddu ka howl-gashey, iyo xataa hantida maguurtada ah.
Arintaasi waxay sahleysaa in la maamusho kheyraadka dalku leeyahay ".

Xilligaas, doorka Itoobiya iyo damaca ay ka lahayd Soomaaliya, maahayn mid ku ekaa gobollada ay ka
qaadatey dhulkii Soomaaliyeed. Bal wuxuu ahaa mid intaa dhaafsiisan, oo waxay dooneysay in ay la
wareegto dhamaan Soomaaliya. Waxaa jirey fadhiyo ay isugu iman jireen wasiirada dibadda, afartii
dowladood ee dagaalkii II-aad ku adkaadey. Waxay kaga xaajoonayeen Soomaaliya. Fadhigaas waxaa
lagu casumi jirey wasiirkii dibadda ee Itoobiya. Isagu wuxuu halkaas ka sheegi jirey in Soomaaliya ay
tahay dal Itoobiya kamid ah. Sidaa darteed, loo soo celiyo taladii dalkaas. Kamaal Al-diin, marar badan
ayay dood kulul ku dhex martey JQ ka Dh. isaga iyo danjirihii Itoobiya u fadhiyay golaha. Waxaa jirtey
mar uu danjiraha Itoobiya ku eedeeyey Kamaal Al-diin in uu halleynayo xiriirka Itoobiya iyo Masar,
haddiiba uu sidaas wax ku wado. Kamaal Al-diin wuxuu ugu jawaabey sidan :

" Anigu maahi nin matalaya dalka Masar. Waxaan ahay danjire matalaya JQ ka Dh. Waxaa la i farey in
aan ka ergeeyo qadiyadda Soomaaliya. Sidaa darteed, markaan Muqdisha u kacayo, waxaan sidaa
dhambaal layga dhiibey JQ ka Dh. Markaan New York imanayo, waxaa sidaa dhambaal ay ii soo dhiibeen
Soomaalida. Taasina waa howsha aan u xil-saarahay ".

Allaha u naxariistee Shiikh Maxamuud Faarax Maalin-guur oo kamid ahaa horseedayaashii ururkii SYL,
wuxuu ii sheegey in Kamaal Al-diin ay kala tashan jireen wax kasta. Xataa waraaqaha ay u dirayeen JQ ka
Dh, isaga ayaa u qori jirey. Si uusan maamulkii Talyaaniga u ogaan marka uu la shirayo, Maalin-guur
wuxuu inoo sheegey :

" Gabbalku markuu dhaco ayaanu shuko (jilbaab) u soo gelin jirney oo dhowr dumar ah la soo raacin
jirey. Markaas ayuu wuxuu inoogu iman jirey xaruntii Leegada. Halkaas ayuu talooyin ku siin jirey
dhallinyaradii u halgamayay madax-bannaanida. Markuu baxayona, isaga oo shukadii qaba ayuu bixi
jirey ".

Kamaal Al-diin wuxuu ahaa nin hantey qalbiga bulshadii Soomaaliyeed ee uu la noolaa. Markaas ayuu
isna qalbigiisii siiyay. Wuxuu u hurey qaali iyo raqiis. Xilli ay Soomaali u baahneyd kaadir aqoon leh oo
danaheeda difaaca, ayuu ka yureeyay dhurwaayo ku socdey in ay cunaan. Waa uu diidey, in uu meel
cidla ah uga dhaqaaqo dhallinyaradii Soomaaliyeed ee gobanimo-doonka ahaa. Sida uu sheegey,
qadiyaddu waxay ahayd mid aanan laga lahayn. Markaas ayuu wuxuu u ban-baxay colaad baaxad wayn
oo uu ku xoreynayo Soomaaliya. Xaaskiisii ayuu u sheegey in la dilayo, goor ay ahaatoba. Isna uu
arintaas diyaar u yahay.

Gacantii cadowga ayaa gaartey dhiiggiisii sharfanaa. Marka la dilayo, ayaamo ayaa ka dhinnaa fadhi ka
dhacayay magaalada New Delhi oo looga arinsanayay Soomaaliya. Isagu wuxuu markaa matali lahaa
xubintii Soomaaliya uga qeyb geli lahayd fadhiga. 17/ 3- 1957-kii, goor ay duhur tahay, isaga oo gelaya
xafiiskiisii qunsuliyadda, ayaa dhabarka lagala dhacay toorey. Shirqoolkaas oo muddo laga shaqeynayay.
Sida caadadu ahayd, ilaalada qunsuliyadda maalin walba waa la beddeli jirey. Laakiin markaa la dilayay,
saddex cisho oo xiriira ayaanan la beddelin. Waxaa kaloo jirey xaalad deg-deg ah in magaalada Xamar la
saarey, maalinta la dilayay Kamaal Al-diin, iyada oo aanan jirin wax sabab ah. Keliya maamulkii
gumeysiga oo dilka qorsheeyay ayaa wuxuu ka baqayay kacdoon ka dhasha dilka qunsulka. Ninka diley
oo Soomaali ahaa, nolol ayaa lagu qabtey. Markiiba waxaa lagu xirey xabsigii dhexe ee Xamar. Maalintii
gobanimada la qaatey 1/ 7- 1960-kii, subaxnimadii waxaa xabsiga laga soo daayay dhamaan dadkii
xabsiga ku xirnaa. Ninkii diley Kamaal Al-diin waxaa loo tegey isaga oo meyd ah.

Markii ay gobnootay

Gafanuhu ku naaxay

Godol qaadi weyday

Gaajada ku curatay

Gobanimo u oyday

Ilmo gabax ka siisay

Geesiga dhulkiisa

Guusha u horseeda

Geerida dishaay

Geedkaa haba'o

dr. saadiq

You might also like