Hadooran Guuldarro

You might also like

Download as docx, pdf, or txt
Download as docx, pdf, or txt
You are on page 1of 173

HADOORAN GUULDARRO

Maryan Ikhlaas
“Waxaa guulaystay ruuxii naftiisa ka daahiriya
(dhibaato ama xumaan)” (Ash-Shams 91:9).

)‫( َقدْ َأ ْف َل َح َمن َز َّكاهَا‬:‫قال تعالى‬


COPYRIGH©2021

DAABACAADDII 1AAD

YalaxPrint
Ha Dooran Guul Daro

One.1 MAHAD CELIN

Mahadi waxay u sug naatay Allihii koonkan abuuray


nagana dhigay dad Muslim ah.naguna ar saaqay
islaam'nimo "Allah" ayaa mahad leh subxaanahu
watacaalaa, oo ii fududeeyay in aan qoro buuggaan
Lamagac baxay (Hadooran Guul Darro).
Xigmadda buugga ku qoran waxaan Allah gadaashii
uga mahadnaqayaa waalidkay, iisahlay in aan wax
barto marwalbana ila garabtaagan duco iyo talo, gaar
ahaan aabbahayXaaji Siciid Yuusuf Faarax, Sido
kale hooyadayNadiifo Axmed Maxamuud.
Waalidkay waa dad aad u qiimo badan Rabbi ayaa
mahad leh oo ii hibeeyay waalid qaali ah Rabbi ha
xifdiyo adduun iyo aakhiro ba, la'aantood wax
manoqdeen. Sidoo kale waxan u mahadcelinayaa
walaalahay siiba walaashay Shukri.Siciid yuusuf
Sido kale waxaan u mahadnaqayaa dhammaan
asxaabta gaar ahaan Canab Maxamuud Yusuf,
Maryamo Cabdiraxmaan C/lahi.Sido kale waxaan u
mahadnaqayaa dhamman inta siyaabo kala duwan
uga qaybqaadatay qorista buuggan oo ay kamid
2
Ha Dooran Guul Daro

yihiin
QoraaMuxamed.Cabdifutaax.Daahiriyo"Muxamed-
Cismaan-Cayuun"-=oo-ah-bare.
Dhammaantood waxay ii muujiyeen soo dhaweyn
dhiirragelin iyo bogaadin aad ayaan uga
mahadcelinayaa garab istaagooda. Ugu dambayntii
waxaan mahad balaaran u celinayaa oo aan marnaba
ilaawayn Drs Badria Baashi Cabdulaah (oo ah maal
geliyahaa buugga),sidoo Guddoomiyihii hore
ardayda Jamacadda Bariga Africa faraca
QardhoCadiqaadir Said Qaal,Qoraa Bashiir Cismaan
(Bashiir dhoollowaa) iyo Abwaanad Asma Jaamac
Xirsi (Sama Jecel)Dhammaantiin waan idinka
mahad celinayaa garab istaagiina, dhiirrigalintiina
mahadsanidiin.

3
Ha Dooran Guul Daro

One.2 HIBEYN
Waxan.uhibeeyey.buuggan “Hadooran Guul
Darro” Waalidkey oo.kala.ah. Aabe Xaaji
Siciid.Yuusuf faarax iyo Hooyo Nadiifo Axmed
Maxamuud. Waxan. leeyahay waalidkaygow ifka
nolol farxad leh ku noolaada aakhiro nah janno
ayaan rabbi idiinka baryaayaa.
Sido kale waxan u haddiyeynayaa waalidkayga
inta dhimatay Iyo walaashay dhimatay karuura
Siciid Yusuf naxariistii janno Allah ka waraabiyo
qiyaamaha-na Alle ha u shafeeco dhammaantood.
Ummadda somaaliyeed ee akhristayaasha ayaan
igana u hibaynayaa.

4
Ha Dooran Guul Daro

One.3 AFEEF
Awood kale malihi, afeef baan dhiganayaa, aan ku
raad la'aado. Waxa aan ka afeefanayaa guud
ahaan wixii qalad iyo ilduuf ah ee aad ku aragtaan
dhiganaha, kuwaa oo aan ku iman kas iyo ku
talagal, oo ka iman Kara xagga fikirka, qoraalka,
lahjadda daabacaada iyo hanaanka aan wax u
bidhaanshay. Waxa aan idinka raalligelinayaa
wixii dhaliil yeesha, wixii wanaagsanaada waxa
aan mahad ballaaran uga celinayaa Alle (Swt) oo i
waafajiyay quruxdaas. Waxaa hubaal ah in shaqo
Bani'aadam aan laga waayin qalad iyo ilduuf.

5
Ha Dooran Guul Daro

One.4 HORDHAC
Mahad oo dhammi waxay u sugnaatay Allah
Rabigii koonka oo dhan lahaa ilaaha ii
fududeeyay in aan qoro buugga lamagac baxay
“Hadooran Guul Darro” Waxaa igu kalifay in aan
qoro buuggan oo aan waday muddo labo sanno
ah, Waxaan maalin maalmaha kamid ah
dhageystay qiso aad u cajiib badan. Waa qiso qof
walbaa oo iimaan Rabbi siiyay ka ilmaysiineysa
sidaan ognahay qisooyinka waxa noogu sugan
cibro qaadasho iyo waano.
"Alle kor ahaaye wuxuu yiri Waxa ugu sugan
Qisadooda waano Kuwa Caqliga leh, mana aha
Sheeko la been abuurtay waase urumayn wixii ka
horeeyay (oo Kutubtii xaqa ahayd ah) iyo
Caddaynta wax kasta oo hanuunka iyo naxariista
ciddi rumayn xaqa’

‫ص ِه ْم ِع ْب َرةٌ ُأِلولِي‬
ِ ‫(لََق ْد َك ا َن ِفي قَص‬:‫ق''ال تع''الى‬
َ
َ ‫ص ِد‬
‫يق‬ ِ ِ ِ َ‫اَأْللْب‬
ْ َ‫اب َم ا َك ا َن َح ديثًا ُي ْفَت َرى َولَك ْن ت‬

6
Ha Dooran Guul Daro

‫ُل َش ْي ٍء َوهُ ًدى‬


ِّ ‫يل ك‬ ِ ِ
َ ‫الذي َب ْي َن يَ َديْ ه َوَت ْفص‬
ِ َّ
)‫َو َر ْح َمةً لَِق ْوٍم ُيْؤ ِمنُو َن‬

Sido kale “Alleh hor ahaaye wuxuu yiri:


Arrintaasna waano yaa ugu sugan Ruuxii Eebe ka
yaabin/ka cabsan”

(‫قال تعالى)ِإنَّ فِي ٰ َذلِكَ لَ ِع ْب َرةً لِ َمنْ يَ ْخشَى‬:

Waxan dhagaystay sannadku markuu ahaa 2017


xilli aan fasax ku jiray waxay na u dhexaysay labo
gabdhood oo kala ah "calyaa" iyo "faatima"
markaan dhammeeystay dhageysigii waxan
halkaas iga soo baxay "calyaa" in ay ku
guulaysatay imtixaankii nolosha ku na samirtay
dhibkii kaga imaanayey asxaabteedi iyo
ceebayntii xijaabkeeda iyo dhaqankii diinta,
hammigeedina wuxu ahaa in ay Rabbi raalli galiso
si ay u guulaysato. Adduunka iyo aakhiro ba.
Waxa markaas igu soo dhacday maah maahdii
7
Ha Dooran Guul Daro

ahayd “Alle aamin ma iisho” iyo maah maahdii


kale oo ahayd “Samraa sadkiis wuu helaa”.

Sido kale faatina in ay ku guuldaraysatay


imtixaankii nolosha oo ay raacday naf iyo
shaydaan ilaa ay sariirta kortay. Waxan markiiba
xasuustay sido kale maah maahdii ahayd ‘Allow
Aqoon Xumo Hanagu Cadaabin Eexna Hanooga
Tegin’ Waxan halkaas ka bilaabay buugga la
magac baxay “Hadooran Guul Darro’.
Muhiimadda aan u qoray buuggaan ayaa ahayd
anigoo qaatay dar daarankii uu "Allah subxaana
watacaalaa uu kula dar daarmay suubanaheen'na
(SCW) oo ahayd Alle,
kor ahaaye wuxu ku yiri:
nabiga (SCW) wax waani, waanaduna waxay
anficin muu'minintee”
‫قال تعالى‬:
َ ٰ ْ ِّ
( َ‫)و َذ ِّك ْر فَِإنَّ الذك َرى تَنف ُع ال ُمْؤ ِمنِين‬
ْ َ

Rabbihaiga yeello buugan buug loo qoray Alle


dartiis oo ay san naga ahayn magac raadin iyo

8
Ha Dooran Guul Daro

maal.raadis.

9
Ha Dooran Guul Daro

CUTUBKA KOOWAAD

One.5 Qisadii Faatina


Sheekadaan.waxaa.weriyey.Sh:-khaalid.Raashid

Magaceeddu waa Faatina Quruxlay waa


magaceeda oo kale, way dhiirantahay waana
gabadh aqoon leh waxkastana taqaana diinta
mooyee, waa qof aad u qalbi wanaagsan.
Faatina xagga diinta cidday doontay raacdaa
waxay doontana way xidhataa. Habeen bay isugu
yeedhay saaxiibadeed si ay ugu dabaaldegto
ciiddeeda dhalashada, hadda agow waa ciid aanu
Alle sharciyayn se aynu kadhaxalnay gaaladda
inaga oo kudayanayna, nabigu waxa uu
yidhixadiis suggan ku yidh “qofka qoom isu
ekaysiiya qiyaamaha iyaguu lasoo xaadirayaa’
Waxay usoo labisatay sida ugu qurxoon ee loo
labisto, iyadoo dhex wareegaysa asxaabteeda oo
qosol iyo rayn ladhacsan.

10
Ha Dooran Guul Daro

Waxay waydiisay habloow xafladeenan maxaa ka


maqan?
Waxay ugu jawaabeen, jawaabo kala duwan,
iyaduna waxay lahayd "Maya Maya" iyadoo ku
adkaysanaysa su'aasheedii. Si jees jeesa ayay u
tari "waxa inaga maqan inantii shiikhadda ahayd
ee calyaa”. qosolbaa isqabsaday goobtii oo
dhinaca aya la wadhay sidii loo qoslayay, si
kadisa ayay hablahii mid kamidi u tari iyadoo
gabdhii calyaa difaacaysa. "Maxaa sidaa ugu
dheel-dheelaysaan ee aad qosolku aad u
miciinsanaysaan, bal isheega?
Waxay sii raacisay,
Miyeysan.saaxiibteenii.fasalka.ahayn?
Miyaanay ayaamo dhowayd inoo raaci jirin
xafladdaha miyaanay inala soo jeedi jirin? Ma
ogatahiin inay hadda dul joogto sijaayadeedda
iyadoo salaadeeda tukanaysa Qur'aankeedana
akhrisanaysa, iyadoo raadinaysa aakhiro, in ay
boos wanagsan ka hesho.
Inaguse maxaynu.raadinaynaa?
Su’aal qudha kamay jawaab calin , waxes
gabadha "waan u tagnay calyaa waana kusoo
11
Ha Dooran Guul Daro

casunay se waynaga cudurdaaratay waxayna noo


sheegtay waano dheer oo kusaabsan diinta,
akhlaaqda wanaagsan iyo dhaqanada bulshada.
Faatina waxay tiri "Calyaa waa miskiinad
waxay.ahayd gabadh caqlibadan oo xor’ah kahor
intaanu xanuunkaan inaka dhex dafay kudhicin".
Waxaan idhi subxaanallaahgoormay diintu
noqotay xanuun?
Kadib Faatina oo sii wadata hadalkii ayaa tidhi
dhab ahaan waa miskiinad si
degdegay.isu.bedeshay.Fikirkeediina
isbedelay.“Waxay.bedeshay.muuqeedii maryo
dhaadheerna way qaadatay, markaasay u ekaatay
islaan wayn, waxay ilowday in dharka ugu fiican
uu yahay dharka kaayaryar ee muujiya
quruxdaada, waxaa kasii yaab badan timaheedii
waxay ka dhigtay alaab ay xaaraantahay in la arko
waxayna ku da-day maro madow, Calyaa waxay
ilowday in Alle uu inaga eegayo qalbiga keliya
balse arrimaha kale ay yihiin qaab labis”.
Kadib waxaa hadalkeedii sii wadatay Faatina
iyadoo leh "waxay inaku baqi galinaysaa wax
layiraahdo naar iyo in uu Alle ku gubi doono
12
Ha Dooran Guul Daro

jidhkeena oo banaan, waxayna inooga digaysaa


geerida iyo waxkaloo layidhaahda xisaab iyo
isasoo saarid, habloow dhagaysta waxay dusha
inaka saaratay masuuliyada luminta dhalinyarta”.
Midkamidaa tidhi "waxaa dilay waswaas iyo
khuraafaad, waxayna ilowday in ragga loo
abuuray dumarka, dumarkana ragga loo abuuray,
Calyaa waa miskiinad, xagay kahelin wiilkii ay ku
riyoon jirtay?
Xagay ka heli farxad iyo wehelka nafteeda, waxay
dishay nafteeda, iyadoo wali dhalinyaro ah.
Waa khasab inaan wax samayno si aan
ubadbaadino, waa in aan badbaadino intaanay
nafteeda ku dilin cibaada dheer iyo gurijoognimo,
Ma aadayso suuqyadda iyo xafladaha. Waa maxay
fahamkan khaldan ee ay diinta ka qaadatay.
Noloshu waa raaxo iyo xorriyad.
Geeridana maxaa nakala galay imika, Haa waan
ognahay oo waynu dhimanaynaa balse hadda
maaha, waa markaan gabawno, waa xilli fog,
hadda inagoo maanka ku hayna
“Qofka geerida iska fogeeya camalkiisa
xumaada”.
13
Ha Dooran Guul Daro

Waxaa dhammaatay xafladdii, waxa kasoo


wareegay sanaddo dhawr ah, hablihina way qalin
jabiyeen Faatina iyana way qalin jabisay,
Calyaana waxay sii wadatay wadaadnimadeedii
iyo jidkay haysay ee toosnaabuu Allah ku garab
qabtay.
mid kamida cisbitaaladda magalladda dabaqiisa
afraad, qolkiisa 25 aad ayaa waxa kasoo yeedhay
taah , iyo jibaad aad u daran oo mrarka qaarba
laga maqlayo, qololka oo dhan, qoftaas waxay ku
jirtaa qolka dhowr bilood dhakhaatiirtu waa ka
quusteen taaheedu wuxuu kanoqday hosbitaalka
mid caadiya cid wax uqaban kartaana majirto,
hablihii neersiga ahaa way iskala qabsadeen
maqalka taaheeda iyo cabashadeeda balse
dhakhtarada cusub ee habeenkaa lahayd shaqada
way u adkaysan wayday inay iska dhegaysato
codka iyo taaha, kadib waxay qaadatay xoogaa
irbado iyo kininiyo xannuunbaabi' iyaal ah
albaabkii bay furtay waxayna ugu gashay
gabadha sariir saaran oo koomo ku jirta.

14
Ha Dooran Guul Daro

waxay eegtay garaaci wadnaheeda saa waa


daciif oo wuxuu udhawaaday inuu istaago,
haddana waxaay dhagaysatay neefsigeeda mise
waaba isku dhexyaacsan yahay wuuna
hooseeyaa, kadibna way garab fadhiisatay
waxayna siisay xoogaa daawo ah kadibna waysoo
baraarugtay waxayna ku fadhiisatay sariirteedii
waxay wareejisay indhaheedii iyadoo eegaysa
hareeraheeda, waxaanay isha ku dhufatay
dhakhtaradii agfadhiday wayna uqaadan wayday
kadib waxa ayku masaxday gacmaheedii taagta
yaraa indhaheeda waanay isku dhaxyaacday.
Kadib waxay ku tidhi '' Allah waynbaan
kugu dhaariyee isukay sheeg yaad tahay’’?
Dhakhtaradiibaa tidhi waxaan ahay dhakhtarad
hooyo.Gabadhii xanuunsanaysaa ku tidhi
shaqadaada kumaan waydiin ee waxaan ku
waydiinayaa magacaaga ilaah baan kugu
dhaarshee maanad ahayn calyaa?! Dhakhtaradii
oo yaaban baa tidhi “Haa” waxaan ahay Calyaa''
ilbidhiqsiyo gudahood ayay gabadhii
xanuunsanaysay kusoo qabsatay Calyaa

15
Ha Dooran Guul Daro

gacmaheedii labtana galisay, dhunkashana ku


bilawday oohinna qabsatay.
Kadib waxa sii kordhay layaabkii Calyaa'
waxaynaa la dhaka faartay cidday tahay
gabadhani tallow miyay waalantahay tallow
siday ku garatay magacaaga ilaa hore ulamaadan
kulmine, horana uma aadan dawayne, wayo caawa
shaqada ku cusbtahay oo laysoo bedelaye,
madaxiibay kor usoo qaaday Calyaa waxay
bilawday inay eegto gabadhii' iyadoo yaaban oo
aan garanayn waxay samayso waxay waydiisay
gabadhii yaad tahay habaryar?
Sideebaad ku garatay magacayga?
Oo hore miyaan u kulannay?!!
Kadibna gabadhii xannuunsanaysay ayaa ugu
jawaabtay cod hooseeya sidii ay ilmo gawracday
oo kale, "Haa Calyay waxaan kulanay
mararbadan, muuqaalkaaga iyo magacaaguba wali
way ku sawiranyihiin maskaxdayda, ka manay
bixin, gaar ahaan markaanxannuusaday saddex
sano kahor. Calyaa waxaan ahay tii cuntay
hilibkaaga, ee kugu dheeldheeli jirtay, waxaan
ahay Faatina, kadibna Calyaa waxay la qaracantay
16
Ha Dooran Guul Daro

oohin, Calyaa way dawakhday, hadalkuna wuu ku


dhegay, markaasay ku tidhi "Allaan kugu
dhaarshee ma'adigaa Faatina ah ? Suurta gal ma
ahan waayo Faatina waxay ahayd magaceedoo
kale mid quruxbadan oo dhalaal badan. Faatina ku
tidhi "cod hooseeya oo go'go'aya "Haa waxaan
ahay tii la odhanjiray maalin maalmaha kamida
Faatina” waxaa ku dul dhacday Calyaa iyadoo
laabta galinaysa oo ooyaysa oohin qadhaadh oo
xannuunbadan.
Markay oohintii ka degtay ayay bilawday Faatina
in ay qisadeeda ka sheekayso, todoba sano kadib
markii ay kala tageen, waxayna tidhi "waxaan ka
baxay jaamacadda heerka koowaad, waxaan isku
dayay inaan dhammaysto waxbarashada "balse ku
maan guulaysan" Waxaan ahaa mid lunsan oo
habawsan oo waxkasta ku madax adag, kamaan
shakisanayn jiritaanka Alle waxase waxaan
aaminsanaa in Alle waxa uu iga Rabo uu yahay
keliya inaan noqdo qof qalbi wanaagsan oo Alle
ku xiran."Waxaan isbaranay dhallinyaro badan oo
hablo iyo wiilal ah, kadibna waxaan isbaranay nin
aanu isku meel ka shaqey jirnay waan jeclaaday
17
Ha Dooran Guul Daro

isna wuu ijeclaaday, balse waxaanu noolayn nolol


aanu qaflad ku jirnay, nolol aanu Alle kaga
dheerayn, kadibna waanu isguursanay waxaanu
isu dhalnay gabadh yar oo aad u qurxoon
waxaanan ubixiyay Suusaan magacii
saaxiibadaydii aad garanaysid".
Kadib waxaan bilaabay inaan ka cawdo xannuun
caloosha ah, kadibna waxay igu yidhaahdeen
dhakhaatiirtii waa nabar calooshaku
dhexsamaysmay Gaastarig.ahwaxaan bilaabay
inaanisdaweeyo balse dawaddii wax faa'iido ah
kamaanhelin.xanuunkiina. wuu.igusii.kordhaayey.
Sidoo kale, waxaa igu siisiyaaday.welwelka.aan
ka qabo xanuunka. Kadibna waxa hoos udhacay
caafimaadkaygii, waxaana lagaaray baadhitaankii
ugu dambeeyay, si la iigu yidhaahdo "waxa
caloosha kaaga dhashay boog xun, boogtina
waxay isu rogtay Kansar, kadib Kansarkina
wuxuu bilaabay inuu sii fido oo uu balaarto, ilaa
uu halkan igasoo fadhiisiyay, si aan xannuunka
ula legdemo, geeridana ku sugo ilbidhiqsi kasta".
Maan arkin inantaydii muddo afar biloodda ah
da'deedu imika waa afar sano jir, ninkaygii iimuu
18
Ha Dooran Guul Daro

iman muddo laba todobaad ah, wuu kadaalay


booqashadayda maalin walba ah ama wuu
idhibsaday. Markay maqashay Calyaa
sheekadeedii way isqaban kari wayday waxaana
bilawday oohin badan, kadibna way isqabatay,
waxaanay ukacday Faatina, iyadoo laabta
galinaysa, una dardaarmaysa, kana
fududaynaysa.dhibta,"habaqan Faatinooy waxaan
kugu aqaanay geesinimo iyo adayge, naxariista
Alle haka quusan, ha isu dhiibin quusta, waxaa
laga yaabaa inuu Alle caafimaad kuu qoray
xannuunkanna yahay imtixaane, qadarta Alle isu
dhiib, samirna yeelo waayo samirkaa wacane,
Allana wuxuu la jiraa kuwa samra. Faatina
waydegtay waxayna bilawday inay tiraahdo
"Allahayoow i cafi allahayoow icafi, alloow cid
aan adiga ahayni iimay hadhine ducada i aqbal?
Alloow ii naxariiso

Wacnaan lahaydaa hadduu imtixaan yahay, maaha


imtixaan, waa aargoosi, la iiga jarayo
dhibanayaashii aan fidneeyay een lumiyay,
imisaan iska dhega tiray hadalkii hooyaday
19
Ha Dooran Guul Daro

macaan, imi saan iska dhega mariyay hadalkii


dadkii ila talinaayay ee ii nasteexayn jiray iyagoo
ijecel. Alla imisaan lumiyay wiil oon
fasahaadiyay gabadh" Kadib waxay bilawday inay
tidhaahdo geeriyeey iisoo dhawoow, inbadan buu
idagay khiyaaligayge, waxaan u haystay inaad
qaadid dadka waawayn oo keliyah, oo aad
dhalinyarta iska dayso, naftaydaa i dagtay, rajo
dheerina way ii dhabowdday".
"Calyaay madhabbaa qabrigu inuu madawyahay?
Madhabbaa qabrigu inuu cidhiidhi yahay?"
Haddana iyadaa isu jawaabaysay waxay tiri
"Haa waa dhab” inyar kadibna waa la ii qaadi
doonaa anoo ah jidh qaboow oo burburay, ilama
dhimanayaan ehel iyo kuwaan jeclaa, ima
raacayaan xoolo iyo dhartoona, halkaa iima
joogaan ninkaygii iyo asxaab taydii, Alla sidee
baan uga tagi karaa inantaydii yareyd, wali waan
yarahay noloshana kama dhergin.
Kadibna waxay soo qabatay qayb
timaheeda kamida, markaasay tidhi "masaxbaa
inaad tin tin udaadan doontaan, haddana waxay
taabatay indhaheeda iyadoo leh "idinkaan idinku
20
Ha Dooran Guul Daro

arkaa iftiinka, madhabbaa inuu dirxirigu idin


cunni doonaa?!". Calyaa ayaa gacmaheeda kusoo
qabatay laabteedana soo galisay, bilawdayna in ay
ku akhrido aayado Qur’aan ah iyadoo Alle uga
baryaysa caafimaad kuna leh "Faatinaay haka
quusan naxariista Alle, hana ka quusan
caafimaadka Alle" Markaas ayay Faatina tidhi
"allaan kugu dhaarshee Calyaay Alle ma iidambi
dhaafayaa anigoo sameeyay waxyaabo badan?!
Calyaa ayaa u tiri si kalsooni ku jirto "oo waayo
Faatinaay?!
Alle miyaanu ahayn kan naxariistiisu
ballaadhantahay?!
Alle miyaanu ahayn kan toobadda aqbala ee
naxariiista badan?!
Miyaan Alle odhan “waxaad ku tidhaahdaa Nabi
allow adoomahayga kuxad gudbay naftooda haka
quusanina naxariista Alle, alle wuxuu dhaafaa
dhammaan dambiyada oo dhan, Alle waa dambi
dhaafe naxariis badan”. Markaasay Faatina tidhi
"Calyaay allaan kugu dhaarshee iminka kadib ha
iigu yeedhin Faatina ee waxaad iigu yeedhaa

21
Ha Dooran Guul Daro

daalimah, haa daalimad waxaan dulmiyay


naftayda dulmi badan.
Kadibna si awood layaableh ay ku jirto ayay ugu
soo fadhiisatay sariirteedii gacmaheedana korbay
utaagtay iyadoo gariiraysa, waxa ay na bilawday
in ay Alle barido si debecsani iyo khushuuci ku
jirto iyadoo leh "Allahayow markhaati ka ahaw
inaan kuu soo laabtay, Allahayow' haddaad
caafimaad ii qortay icaafi. Dhakhaatiirtu way iga
quusteen, balse adiga kuguma adkee icaafi.
Kamarkhaati.ahaw.inaan
marnavku.caasiyi.doonin.weligay.
Allahayow haddaad ii qadartay geerina ka
markhaati ahaw inaanan ka quusanayn
naxariistaada iyo dambi dhaafkaaga marnaba
intay naftu igu jirto, Alle naxariista badanow
naftaydaan dulmiyay dulmi badan dambigana ma
dhaafo cid aan adiga ahayne ii dambi dhaaf.

22
Ha Dooran Guul Daro

23
Ha Dooran Guul Daro

CUTUBKA LABAAD

24
Ha Dooran Guul Daro

Two.1 Guusha
Waxaan ku soo koobaynaa macnahaguusha afar
qodob.

 Waxaad kacabsanayso oo aad ka nabad gasho iyo


waxaad rabtay oo aad hesho.
 Guusha dhabta ah ee qofka bini aadanka ah gaari
kara waa in uu ka badbaado ciqaabta iyo cadaabka
ee uu Alle ku abaal mariyo Jannooyinkiisa iyo
nimcooyinkiisa.
 Macnaha kale oo lagu cabiri karo waa in aad hesho
wixii wanaag ahaa ee aad raadinaysay dhibkana
aad ka nabad gasho.
 Guushu waa xaqiijinta waxaad doonaysid.
Liibaantuna waa waxa Alle kaadoonaayo waxaa
aanan shaki ku jirin in lays ku raacsan yahay in
guusha dambe ay tahay Aakhiro oo ah badbaado
iyo deggitaanka jannada in ay tahay guusha dhabta
ah.
Qofka bini aadamka ahi wuxuu leeyahay hadafyo
aad ubadan marwalba uu gaaro haddafkiisa waxa

25
Ha Dooran Guul Daro

layiraahdaa waa uu guulaystay. Laakin dhab ahaan


goor maynu odhan karnaa qofkani waa guulaystay?
Qofku wuxuu noqon karaa labo (2) arrin midkood:
B. -Qof.nolosha.ku.guuleeystay
T. Qof nolosha ku guul daraystay
Hadda ba su'aasha is waydiinta mudan waxa ay
tahay waa maxay yoolka aan nolosha kaleenahay?
'Ma in wax la cunno oo la cabo miyaa,Mise waa
in aan magac yeelano oo shahaadana qaadano.
Allah subxaanahu watacaalaa ayaa Qur’aanka
noogu sheegay guusha iyo guuldarrada iyo
hadafka lagaleeyahay. Waxaa kaloo
laynoosheegay dadka inta guulaysatay iyo dadka
inta guuldaraystay. Guusha dhabta ah Alle (SWT)
ayaa nooga waramay.
Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

“Nafkasta waxay Dhadhamin Geeri, waxaa uun


laydiin dhamaystiriAjrigiinna (abaalkiina)
Maalinta Qiyaame, Ruuxiise laga iilo Narta oo la
galiyo Jannadda wuu Liibaanay (Guulaystay),
Nolosha Adduunyada ma aha Raaxo lagu kad
soomo (lagu lugo oh)” (Al-Imraan 3:185).
26
Ha Dooran Guul Daro

:‫قال تعالى‬

َ '‫ت ۗ وَِإنَّ َم''ا ت َُوفَّ ْونَ ُأ ُج‬


ْ 'َ‫ور ُك ْم ي‬
‫'و َم‬ ِ ‫'و‬ ْ '‫س َذٓاِئقَ'ةُ ٱ ْل َم‬
ٍ ۢ ‫) ُك' ُّل نَ ْف‬ 
ۗ َ‫ٱ ْلقِ ٰيَ َم' ِة ۖ فَ َمن ُز ْح' ِز َح ع َِن ٱلنَّا ِر َوُأد ِْخ' َل ٱ ْل َجنَّةَ َفقَ' ْد فَ''از‬
)‫َو َما ٱ ْل َحيَ ٰوةُ ٱل ُّد ْنيَٓا ِإاَّل َم ٰتَ ُع ٱ ْل ُغ ُرور‬

Haddaba, guulaystaha dhabta ah waa kan


naarta ka badbaadey oo jannadda galay kaas ayaa
xaqiiqdii guulaystay.Sido kale Alle kor ahaaye
wuxuu yiri:
“Waan idinku Imtixaamaynaa Xoolihiinna
iyo naftiinna”(Al-Imraan 3:186).
ِ ُ‫(لَتُ ْبلَ ُونَّ فِي َأ ْم َوالِ ُك ْم َوَأنف‬:‫قال تعالى‬
)‫س ُك ْم‬
Haddaba, nolosha aduunka waa ay
dhamaanaysaa geerina way ku dhamaanaysaa.
Tusaale waxaa noogu filan anbiyada, sida
Nabiyulaahi Ayuub (CS) naftiisaa lagu
imtixaamay, Sidoo kale nabi Sulaymaan (CS)
waxaa lagu imtixaamay xoolo iyo boqortooyo,
waan ku samreen.ilaa.ay.guusha kahelleen.
27
Ha Dooran Guul Daro

Sido kale Alle Qur’aan kiisa Kariimka


wuxuu ku yidhi: “Ruuxii adeeca Rabbi iyo
Rasuulkiisa wuu guulaystay dhab ahaantii waa
guulaystay guul weyn” (AL-Axsaab 33:71).

ْ 'َ‫س 'ولَهُ فَقَ ' ْد فَ''ازَ ف‬


‫'وزًا‬ ُ ‫ ( َو َمن يُ ِط' ِع هَّللا َ َو َر‬:‫ق''ال تع''الى‬
) ‫ع َِظي ًما‬
“Ciddii adeecda Rabbi iyo Rasuulkiisa oo
cabsata kana dhawrsanta, kuwaasi waa uun kuwa
guulaystay” (An-Nur 24:52).

‫ش ٱهَّلل َ َويَتَّ ْق' ِه‬ ُ ‫(و َمن يُ ِط' ِع ٱهَّلل َ َو َر‬:‫تعالى‬


َ ‫س 'ولَهۥُ َويَ ْخ‬ َ ‫قال‬
) َ‫فَُأ ْو ٰلَِٓئ َك ُه ُم ٱ ْلفَٓاِئ ُزون‬

“Waxaa guulaystay ruuxii naftiisa ka


daahiriya (dhibaato ama xumaan)” (Ash-
Shams 91:9).
)‫قَ ْد َأ ْفلَ َح َمن َز َّكاهَا‬:)‫قال تعالى‬

28
Ha Dooran Guul Daro

Haddaba, Guusha rasmiga ahi ma’ahan


hebel baa lacag helay, maahan hebel baa carruur
badan dhallay, ma’aha hebel baa magac iyo
madaxweyne iyo maamus helay, waxaa soo dhan
ma’aha guusha dhabta ah.

Two.2 Qiimaha guushaa markaan ku cabirno


gabay
Gabaygaan waxaa tiriyay Qoraa Asma Jaamac
(Samo-Jecel). Wuxuu ka hadlaayey in guusha si
fudud lagu helin, loona baahan yahay dulqaad iyo
samir dheeraad ah.
Maruun baad gudoontaa gasiin guule kuu
qoraye
Godka kama galayside waxaad guran sadkaagiye
Ha giriifin waayahay waqtigu waa is gurayaaye
Waad gaadhi goobtaad rabtiyo guulo faro wayne
Guule talada saaro oo guclee garo u jeedkaaga
Gadaal dhaca wixi keeni kara gees mar
abidkaaga

29
Ha Dooran Guul Daro

Ha gacloonin goobaha xun xune gubaya


wakhtigaaga
Guclee gaabis waa laga tagaa guulna hanan
waaye
Guul daradu ninkii fule ah bay garbkii taalaye
Geesi sooma jeestaa ahow goor iyo ayaanba
Guule talada saaran ku idhi guusha waad
hanane.
Intaas waxaan ku soo koobayaa guusha
sidoo kale waxaan idiin rajaynayaa inaad
noqotaan dad guusha ka shaqeeya, guulaysta,
noloshana heer ka gaadha. Guushu waa gaadhista
hadafkaaga nololeed iyo helitaan nolol
dhamaystiran if iyo aakhiroba.

30
Ha Dooran Guul Daro

CUTUBKA SADEXAAD

31
Ha Dooran Guul Daro

Three.1 Guuldarrada
Guuldarradu waa marki aad gaadhi waydo yoolki
aad lahayd ama aad higsanaysay. Laakin
Guuldaraystaha dhabta ah waa kan naftiisa
xumaanta dhex galiyaa xaqiiqdii kaas weeyan kan
guul daraystay.
Alle kor ahaaye wuxuu yiri: “Waxaana
khasaaray ruuxii naftiisa xumaan dhex galiya”
(Asha-Shams 91:10)
)‫ساهَا‬ َ ‫(وقَ ْد َخ‬:‫تعالى‬
َّ ‫اب َمنْ َد‬ َ ‫قال‬

Haddi aan u jeesanno xagga aan ahayn xagga Alle


xaqiiqdii waan khasaarnay.Fashilka ha kabaqan
khayr oo dhammi wuxuu jiraa xagga Alle. Guul
darro waa in aad ku fashilmato aduunka
iyo.akhiro.
Guul.darro.waa.in.aad.waydo.janno.oo.aad.
gasho.naar. Guuldarradu waa wadada guusha loo
maro. Waayo marka aad shay ku guuldaraysato
waxaad baratay in shaygaas sidaa lagu gaarin.
Somaalidu waxay ku maahmahdaa (dhagax laba
32
Ha Dooran Guul Daro

jeer laguma wadda turunturoodo) waayo qofku


marka uu guuldaraysto marka labaad waxa si
taxadar leh ugu dadaalaysaa in guuldaradii uu
guul ku bedelo.Xikmad aya oranaysa
“Macnaheedu.yahay.guuldarro.kasta.waxaa.ka.da
mbeeya.guul”
.‫وبعد كل فشل هناك نجاح عظيم‬
sido kale Xikmad kale baa leh “ruuxi
caqliga leh waakan ka faa’ideysta khaladkiisa”.

:‫قال اإلمام الشيرازي‬


.‫(اإلنسان العاقل هو الذي يستفيد من أخطائه‬
Haddaba, guulaystayaal Nafteena oo aan ku
kalsoonaano khayrka oo loo socdaa waa guul
kalsoonileh, kalsoonidu waa qayb ka mid ah
horumarka qofkasta gaadho, waana muhiim inaad
noqotid qof ku kalsoon Alle, naftiisa iyo
aqoontiisa. Markastana diyaar u ah kalsooni
buuxda oo uu nolosha ka haysto.
Haniyad jabin waayo guuldarro kula soo
gudboonaatay ayaa guul ah. Maxaa yeelay
waxaad beddelaysaa xeeladdii aad ku baadi
33
Ha Dooran Guul Daro

goobaysay muggii hore, waxaad na curinaysaa


waddo kale oo ka sahlan tii hore.Sidaaawgeed
waa tii nabigu uu yiri: “Muslim laba jeer god laga
ma wada qaniino” Mar kale waa tii ay ahayd:
“Guuldarradu waa marinka guusha.” Hadaba
guushu waxay rabtaa dulqaad kalsooni' iyo in
rabbi (SWT) latalo saarto.

ُ ‫ (ال يُل َد‬: ‫قالصلى هللا عليه وسلم‬


‫غ المؤمنُ من ُج ْح ٍر واح''د‬
)‫مرتين‬
) ‫(الفشل طريق النجاح‬

Three.2 Asbaabtaa Guuul Daradaa

Three.2.1 Qofka oo garan waaya wixii loo


abuuray
Maxaa.laynoo.abuuray?
Waa su’aal mudan in aan isweydiino, raadino
jawaabteeda, oo mudan in aynaan ka jeesan halka
ay inagu jihayso. Alle (SWT) ayaa su’aashan inoo
fududeey wuxuuna Qur’aanka inoogu sheegay
34
Ha Dooran Guul Daro

ujeedada uu inoo abuuray. Wuxuu Alle leeyahay


“uma’ aanu abuurin samooyinka, dhulka iyo inta
u dhaxeysaba dhel dheel.

:‫قال تعالى‬
) َ‫ض َو َما بَ ْينَ ُه َما ٰلَ ِعبِين‬
َ ‫س َمٓا َء َوٱَأْل ْر‬
َّ ‫( َو َما َخلَ ْقنَا ٱل‬
Waa dhab in aan ka mid nahay abuurta
Alle. Alle noo ma abuurin in aan iska noolaano
Alle wuxu noo abuuray waa cibaado. Waa xaqiiq
dhab ah in uu Alle wakhti u dhigay nolosheena,
mid gaar ahaaneed iyo mid guudba, Allena
xaggiisa aan u noqonayno, si laynoo xisaabiyo oo
qof kasta loo siiyo abaalmarinta wixii uu
adduunka kasoo shaqeystay.
Haddaba, Ujeedooyinka aan u noolnahay
waxaa ka mid ah Cibaado.

Cibaado waxaa weeye hoggaansan oo ay


wehliso maxabbo iyo weyneyn, waana xaqa uu ku
leeyahay Allaah addoomihiisa, waxaa nah xaq u
leh Allah keligiis cid lawadaagtaa majirto.

35
Ha Dooran Guul Daro

Waxaana soo galaya wax waliba uu Allaah jecel


yahay ka raalli yahay oo leh ficilo iyo hadalo.
Tiirarka cibaadada uu Allaah amray waxay ku
taagan tahay saddex tiir oo muhiim ah oo mid
walbaa dhammeystiro midka kale:
B) Jaceyl aad u heyso Allaah Subxaanah.
T) Is dhiib iyo isu dulleyn dhan Ilaahay iyo
ka Cabsashadiisa.
J) Inaad ku rajo weyn tahay Allaah (SWT)
oo ku maleyso malo wanaagsan.
Haddaba, cibaadada uu Allaah ku faral
yeelay addoomahiisa, waa in laga helo isu dulleyn
dhan. Ilaahay iyo u hogashadiisa, iyo ka
cabsashada Ilaahay, ay kuu wehliso jaceyl dhan
aad u qabto iyo higsi iyo doonista xaggiisa iyo
rajeyntiisa. Sidaas awged maxabbad ilaahay aanay
la socon ka cabsasho Ilaahay iyo u hogashadiis,
waa sida jaceylka loo hayo cuntada iyo maalka oo
ma aha cibaado.
Sidoo kale ka cabsasho Ilaahay aanay wehlin
maxabbad dhan ee loo hayo.Waa sida ka
cabsashada bahal dugaag ah ama xaakim daalim
ah oo ma aha cibaado. Markii uu qofku naftiisa ku
36
Ha Dooran Guul Daro

kulmaan camalka la faray oo weheliso ka


cabsasho iyo jaceyl uu u hayo Allah taas ayaa
cibaado ah. Cibaadada ma mudna axad aan ahayn
Allaah.
Marka haddii uu tukado qofka Muslimka
ama soomo, oo waxa ku xambaaray arrinkaas uu
yahay maxabbada Ilaahay iyo rajeyn ajarkiisa, iyo
ka cabsi ciqaabkiisa, markaa wuxuu ku jiraa
cibaado.Alle kor ahaaye wuxuu yiri: “Hubaal
waxay iskula tartami jireen sama falka oo noo
baryi jireen si rajo iyo cabsiba leh, oo waxay
ahaayeen kuwo noo hoggaansan nugul” (Al-
Anbiyaa 21: 90).

‫ت‬ َ ‫س'''ا ِرعُونَ فِي ا ْل َخ ْي‬


ِ ‫'''را‬ َ ُ‫ (ِإنَّ ُه ْم َك'''انُوا ي‬:‫ق'''ال تع'''الى‬
ِ ‫َويَ ْدعُونَنَا َر َغبًا َو َر َهبًا ۖ َو َكانُوا لَنَا َخ‬
) َ‫اش ِعين‬

Haddaba, cibaadada waxaa ugu waa weyn


salaadda, soonka, xajka, Alle bariga iyo
dawaafka. Mana bannaana in lala aado Allaah
sokodii. Waana waxay amreen Allaah iyo
37
Ha Dooran Guul Daro

Rasuulkiisa in lagula yimaado hab go’an. Waxaa


shardi ah si cibaadada u ansaxdo oo loo aqbalo
labo shardi.
1. In loo gooni iyo gaar yeelo cibaadada
Allaah keliya aan cidna lala wadaajin. In
lagu tusaale qaato oo lagu waafaqo oo raaco
sunnada Rasuulka Ilaahay “Oo yuusan
lawadaajin cibaadada Rabbigii cidna”.
2. Waa Inuu u gaar yeelo cibaadada Allaah
Keliya.
Alle kor ahaaye wuxuu yiri: “Jinni iyo Insi
waxaan Cibaadadayda ahayn uma abuurin”
“Kamana doonaayo Risqi, iyo inay i quudiyaan”
“Illeen Eebe umbaa ah arsuqe xoogbadane”
(Adh-Dhariyat 51:56, 57, 58).
‫) َم''ا ُأ ِري' ُد‬56( ‫ُون‬ َ ‫و َم''ا َخلَ ْقتُ ا ْل ِجنَّ َواِإْل ْن‬:)‫'الى‬
ِ ‫س ِإاَّل لِيَ ْعبُ'د‬ َ '‫ق''ال تع‬
ُ ‫) ِإنَّ هَّللا َ ُه ' َو ال ' َّر َّزا‬57( ‫ق َو َما ُأ ِري ُد َأنْ يُ ْط ِع ُمو ِن‬
‫ق ُذو‬ ٍ ‫ِم ْن ُه ْم ِمنْ ِر ْز‬
 )‫ا ْلقُ َّو ِة ا ْل َمتِين‬

Sido kale, Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

38
Ha Dooran Guul Daro

“Ma waxaad u malayseen inaan idiin abuuray


ciyaar, oon idinka Xagga naga loo soo
celinayaa” (Al-Mu’minun 23:115).
‫س ۡبتُمۡ َأنَّ َما َخلَ ۡق ٰنَ ُكۡ'م َعبَ ٗثا َوَأنَّ ُكۡ'م ِإلَ ۡينَا اَل‬
ِ ‫قال تعلى )َأفَ َح‬
) َ‫ت ُۡر َجعُون‬

Waxaa xaqiiqo ah in uu Allah noo abuuray


cibaado iyo khayr falasho. Cibaadado waxay
rabtaa cilmi (aqooon). Ujeedooyin ka aan aduunka
u joogno waxa uu Alle ku sheegay in ay yihiin
saddex arrin oo isku xidhan, mid kastana ay tan
kale buuxinayso. Cibaadada Alle, taas oo ah in
aan qabano wax kasta oo Alle raali gelinaya, kana
reebnaano wax kasta oo aanu raali ka ahayn. Aan
Dunida masuul uga ahaano Alle oo aan ka
shaqeyno wixii wanaag ah oo keenaya in ay
dunnidu u socoto sidii Rabbi , uu ugu talo galay
Iyo In aan camirno dunnida, kana dhigno meel u
cuntanta in lagu noolaaddo.

39
Ha Dooran Guul Daro

Saddexdan arrinba waa isku ujeedo waana


cibaado lafteed iyo wixii fududeynaayey sidii
cibaadada loo gudan lahaa.
Tusaale, in aan tukano waxay ka mid tahay
cibaadada Alle inaga rabo. Ilaa aan maryo isku
asturnana oo cawradeena qarino salaadu inooma
saxmayso. Marka in aan maryo sameysano waxay
ka mid tahay camirada dunida, taasoo dhanka
kalena inaga caawinaysa cibaadadii laynaga
rabay! Maadaama ay ujeedada oo dhammi ay
isugu tageyso cibaado, taas oo ah in aan qabano
wax kasta oo Alle raali gelinaya, kana reebnaano
wax kasta oo aanu raalli ka ahayn. Ayuu Alle
haddana mar kale inoo iftiimanayaa in nolosheenu
ay tahay imtixaan, lana eegaayo cidda wax fiican
ama wax xun sameysay. Haddaba, haddii aynu
imtixaan u joogno adduunka waxaa muhiim ah in
aan ogaano sidii aan imtixaanka ugu guuleysan
lahayn.
Waxa aan u baahan nahay labo arrin, si aan
imtixaanka ugu guuleysano ogaansho (aragti) in
aan u yeelano waxa laynaga rabo ee ay tahay in
aan qabano iyo fulin (hawl) in aan ku darno oo
40
Ha Dooran Guul Daro

aan la nimaadno wixii layna faray, kana fogaano


wixii laynaga reebay. Sida labadan arrin (aragti
iyo fullin) ay muhiimka u yihiin, loona baahan
yahay in aan ku dadaalno waxay inoo cadeynaysa
sida aan Maalin kasta Alle uga barino marka aan
tukanayno ee aan akhrinayno suuradda Al-Faatixa
in uu inagu toosiyo jidkiisa toosan ee aan ahyn kii
ay mareen kuwii loo cadhooday (Yuhuud) iyo
kuwii lumay (Kiristaan).

Ceebtan waxay Yuhuudu ku muteysteen in


ay qaban waayeen wixii la amra-y iyagoo
og.Kuwa kale ee kiristaankuna waxay ceebtan ku
muteen in ay aqoon la’aan ku qabteen wax aan loo
dirin in ay qabtaan! Maadaama oo ay sidaa tahay,
waxa ugu horeyn laynaga rabaa in aan aqoon u
yeelano oo aan fahamno waxa laynaga rabo in aan
qabano. Waana tii uu Alle amrayna in aan isaga
(Alle) barano, si aan u ogaanno waxa uu inaga
mudan yahay oo aan ugu hogaansanaano
amaradiisa.
Waana sababta loo soo diray Nebiga, loona
soo dejiyey kitaabka, si qofkasta u ogaaddo jidka
41
Ha Dooran Guul Daro

saxda ah.Kadib na uu u doorto in uu hogaansamo


ama uu kaleexdo. Qofkii Alle u hogaansama waxa
lagarabaa in uu u hawl galo sidii uu naftiisa iyo
nafaha kaleba uu naar uga badbadin lahaa, una
horseedi lahaa wanaag waara. Alle wuxuu
jideeyey xuquuqo ay tahay in la dhawro, waxa
xuquuqahaas ugu horeeya xaqa uu Alle inagu
leeyahay, iyo sidoo kale kuwa ay inagu leeyihiin
dadka kale, duunyada iyo degaanka aan la
noolnahay.
Waxa layna faray in talaabo kasta oo aan
qaadeyno aan u marno sida uu Alle ugu talagalay,
waayo isaga ayaa og. sida ugu saxsan ee aan wax
kasta u sameyn karno. Alle waxa uu ina baray
sida aan u maamulayno nafteena, qoyskeena iyo
qarankeenaba. Wuxuuna inoo dejiyey qaabka aan
u wada noolaaneyno iyo sida aan u maareynayno
arrimaheena bulsho, dhaqaale, iyo dawladeedba
Haddii aan sidan yeelno oo aan nolosheena ku
dabaqno, waxa hubaal ah in aan adduunka nolol
fiican ku noolaanayno, aakhirana uu Alle meel
wanag-san.ina.geyndoono.

42
Ha Dooran Guul Daro

Alle Wayne wuxuu yiri: “Ciddii camal


fasha wanaag oo Ragga ah ama haween ah
isagoo muumina waxaan noolaynaynaa nolol
wanaagsan, waxaana ku abaal marinaynaa
Ajirkooda waxa ugu wanaagsan ee ay falayeen”
(Al-Naxal 16: 97).

‫'و‬َ '‫ص 'الِ ًحا ِّمن َذ َك' ٍر َأ ْو ُأنثَ ٰى َو ُه‬ َ ‫( َمنْ َع ِم' َل‬:‫ق''ال تع''الى‬
‫س'' ِن‬ َ ‫طيِّبَةً ۖ َولَنَ ْج ِزيَنَّ ُه ْم َأ ْج َرهُم بَِأ ْح‬
َ ً‫ُمْؤ ِمنٌ فَلَنُ ْحيِيَنَّهُ َحيَاة‬
) َ‫َما َكانُوا يَ ْع َملُون‬

Three.2.2 Qofkoooo aan Ka Faa'idaysan


Wakhtiga
Waa maxay waqti?
Waa Jawaab u baahan sharaxaad badan. "Hadaan
si yar uso koobo.
Waqtiga waa adiga iyo hab nolloleedkaaga. Sida
uu wadnahaaga u garaacayo ill biriqsi kasta ayuu
waqtigana u ordayaa. Muhiimada uu islaamku
siiyay waqtiga waxaa cadayn u ah hadalka. Alle
43
Ha Dooran Guul Daro

kor ahaaye wuxuu Qur’aanka kii saa kaga


waramay kunah dhaartay qiimaha wakhtigaa uu
inoo leeyahay: “Eebe wuxuu ku dhartay Waqtiga
Casarka ah” “In Dadku khasaaro ku
suganyahay”
“Marka laga reebo kuwa rumeeyay xaqa ee
camal fiican fala, isuna dardaarma xaqa, isuna
dardaarma Samirka” (Al-Asr 103:1, 2& 3).

‫ِإاَّل‬ )2( ‫س ٍر‬ْ ‫سانَ لَفِي ُخ‬ َ ‫ِإنَّ اِإْل ن‬ )1( ‫ص ِر‬ْ ‫قال تعالى ( َوا ْل َع‬
ِّ ‫اص ْوا بِا ْل َح‬
‫ق‬ َ ‫ت َوت ََو‬
ِ ‫صالِ َحا‬ َّ ‫الَّ ِذينَ آ َمنُوا َو َع ِملُوا ال‬
))3( ‫ص ْب ِر‬
َّ ‫اص ْوا بِال‬
َ ‫َوت ََو‬
Sido kale Alle kor ahaaye wuxuu Qur’aanka ku
muujiyey qolo kasta inay wakhti leedahay:
“Ummadkasta waxaa u sugnaaday Ajal (Muddo)
markay Timaaddo Ajashuna kama dibmaraan
Saacad kamana hor maraan” (Al-A’raf 7:34).

‫(ولِ ُك''' ِّل ُأ َّم ٍة َأ َج''' ٌل ۖ فَ'''ِإ َذا َج''' ا َء َأ َجلُ ُه ْم اَل‬
َ :‫ق'''ال تع'''الى‬
) َ‫ستَ ْق ِد ُمون‬ َ َ‫ستَْأ ِخرُون‬
ْ َ‫سا َعةً ۖ َواَل ي‬ ْ َ‫ي‬

44
Ha Dooran Guul Daro

Nabi Muxamad (SCW) wuxu xadiis saxiix ah ku


sheegay. In Shan shey la is waydiin doono
maalinka qiyaamaha. Wuxuuna ka xusay in lagu
su’aalayo cimrigaaga iyo dhalin yaranimadaadii
waxaad kuso sameysay.
Ibnu Cabaas Alle ha karaali noqdee waxa
laga wariyey in nabigu (SCW) uu dhahay, ka
qaniimeyso Shan inta aysan Shan kugu imaan.
1) Ka faa'idayso dhalinyaranimadaada gabowgaaga
ka hor
2) Caafimadkaaga bukaankaaga ka hor
3) Hodontinimadaada faqiirnimo ka hor
4) Firaaqadaada mashquulkaaga ka hor
5) Noloshaada geeridaada ka hor

‫ ق""ال رس""ول هللا ص""لى هللا‬: ‫(عن بن عباس رضي هللا عنهما قال‬
‫ " اغتنم خمسا قب""ل خمس ش""بابك‬: ‫عليه وسلم لرجل وهو يعظه‬
‫قبل هرمك وصحتك قبل سقمك ووغناءك قبل فقرك وفراغك قب""ل‬
)" ‫شغلك وحياتك قبل موتك‬

45
Ha Dooran Guul Daro

Ibnu Cabaas waxa laga wariyey in nabigu uu


dhahay labo nicmo way dayacaan dadku
badankiis waa caafimaadka iyo firaaqada.

‫ قال رسول‬:‫ قال‬- ‫ رضي هللا عنهما‬- ‫عن ابن عباس‬


‫ ((نعمتان َمغبون فيهما‬:- ‫ صلى هللا عليه وسلم‬- ‫هللا‬
))‫كثي ٌر من الناس؛ الصحة والفراغ‬

Lama soo koobikaro aayaadka iyo axaadiista ka


hadlaaya qiimaha uu wakhtigu leeyahay. Waxaa
jira oraahyo cajiib ah. “Badanaa kuwa ku dayaca
wakhtigooda urrurinta xoollaha, hadhawna
xoolaha ku baabi'iya si ay u dilaan wakhtiga”
46
Ha Dooran Guul Daro

‫ ثم‬،‫(م''ا أك''ثر من يض''يعون ال''وقت في جم''ع الم''ال‬


)‫ غاليليو‬." ‫يضيعون المال في قتل الوقت‬

sido kale oraah kale baa leh: “Wakhtiga ayaa ku


filan tirtiridda xanuunada, murugada iyo dejinta
xaasidnimada, cadhada iyo deminta holaca
khilaafka iyo loolanka”

‫ وتس''كين الحق''د‬،‫(الوقت كفي''ل بمح''و اآلالم واألح''زان‬


‫ ج''ان‬.‫ وإطف''اء ن''ار الخالف''ات والص''راعات‬،‫والغض''ب‬
)‫بول ريختر‬

Xikmadaha lagu cabirro wakhtiga aad aye u


baddan yihiin waxaa kaloo ka mid ah “Waxaynu
helaynaa wakhti inagu filan marka aynu garano
qaabka aynu u isticmaali lahayn” sido kale,
“Haddaynaan garanayn qiimaha wakhtiga,
magaran karno qiimaha guusha”. Si uu

47
Ha Dooran Guul Daro

waqtigaaagu kugu hagaagu samayso jadwal


Maalinle, Bille iyo Sanadle ah.
Todoba Qodob oo dayaca wakhtiga:
1) Ciyaarta faraha badan
2) Xaafad wareega
3) Sheekada'aan lahayn faa'idada
4) Howl aad qaban lahayd oo aad dib u dhigtay
5) Filimada oo aad waqti badan daawanaysid
6) Qofka aan lahayn hammi horumarineed
7) Qofka oo aan hiigsi iyo hadaf ka lahayn iska nool.

Xasan Al Basri wuxuu yidhi, “ibnu aadanow,


maalmo kooban ayaad haysataa, maalin haddii ay
kaa tagto, cumrigaaga qayb ka mid ah ayaa kaa
tegay.

‫ إذا‬,‫ إنم''ا أنت أي''ام‬,‫ق''ال حس''ن االبص''ري(ي''ا ابن آدم‬


)."‫ذهب يوم ذهب بعضك‬
Inagana maanta waqtigeena ciyaar baan ku
luminaa".
Haddaba, Guntii iyo gunaanadkii qodobkaan aan
oga hadlayay Qiimaha u leeyahay waqtiga
48
Ha Dooran Guul Daro

waxaan kuso gunaanadayaa in uu ilbiriqsi kasta ee


na soo mara intaan noolnahay waqtigeena in
uusan cidlo ku baylihin in aan kaga faa'ideysano
baahiyada nolosheena oo dhan.
Waqtiga in aan marnaba uusan noqon mid
qiima lahayn waqtiga nolosheena In aan xisaabta
ku darsano in ay tahay aduunyada maalma kooban
waqti yar aan sii raagaynin in aan ku camirno
waqtigeena xuska Alle in aan kaga faa'ideysano
waqtigeena barashad diinta iyo tan maadiga ah si
aan ugu gaarno horumar aduunyo iyo mid
aakhiro.

Three.2.3 Qofka oo aan lahayn aqoon


khaasatan diinta
Aqoon waa habka ama hanaanka waxbarasho ee
dad lagu barayo ama fahansiinayo wax aanu
aqoon u lahayn. Aqoon waxa kale oo looyaqaana
cilmi. Aqoon waxay kasoo horjeedaa ama lid ku
tahay Jahli. Aqoontu waa furaha nolosha waana
waxa ay horumarka ku gaadheen wadamo badan
oo caalamka kamid ah markay la dagaalameen
49
Ha Dooran Guul Daro

jahligii, aqoontu waa iftiinka nolosha. Iskumid


maaha qofka aqoon leh iyo qof aan lahayn
aqoonta. Sida uu ilaahayba (SWT) inoogu
sheegay Qur'aankiisa kariimka ah ee sharafta
badan.“Waxaad dhahdaa Nabiyow (ma egyihiin)
ma simanyihiin kuwa wax yaqaanna iyo kuwaan
wax aqoonin, waxaa uun waantoomi kuwa
caqliga leh” (AZ-Zumar 39:9).
‫س'تَ ِوي الَّ ِذينَ يَ ْعلَ ُم''ونَ َوالَّ ِذينَ اَل‬ ْ َ‫(قُ' ْل َه' ْل ي‬:‫ق''ال تع''الى‬
.)‫ب‬ ِ ‫يَ ْعلَ ُمونَ ۗ ِإنَّ َما يَتَ َذ َّك ُر ُأولُو اَأْل ْلبَا‬

Haddaba, ma simana kuwa wax bartay iyo kuwa


aan waxba baran. Isku fakar iyo isku maskax
toona ma’lahan. Qofka aqoonta leh iyo kan aan
aqoonta lahayn.
Dadka markii uu Ilaahay dunida ku abuuray
waxaa uu soo raaciyey kutub ay ku qoran tahay
cilmi. Waana waxa ay hadda duunyadu ku kala
socoto, nolosha aadanuhu waxa ay ku tiirsan
tahay cilmiga, haddii uu qofku jaahil yahay waxaa
halis ku yahay naftiisa iyo nafta aadanaha oo
dhan. Qofka aqoonta lihi waxaa uu badbaadiyaa
50
Ha Dooran Guul Daro

naftiisa iyo nafta aadanaha oodhan, aqoon la'aantu


qofka waxa ay ku hagtaa meel aad u xun oo uusan
ka soo waaqsan karin.
Qofka jaahilka ahi aduun iyo aakhiro midna kuma
liibaano, bulshada ay juhalada ku badan tahay
waxaa lagu yaqaana dagaalo iyo dilal joogto ah
iyo guryo dumay, qofka jaahilka ahi waxaa loo
adeegsan karaa inuu soo dilo aabihiis iyo
hooyadiis. Jaahilnimadu waxaa ay qofka
dhaxalsiisaa in dunidu ciriiri ku noqoto oo uu
waayo meel uu u ku noolaado. Qofka jaahilka ahi
waxaa uu adoon u yahay qofka cilmiga leh, qofka
jaahilka ahi wax kasta oo ku yimadaan waxaa uu
ku xaliyaa dagaal oo kaliya, balse qofka aqoonta
leh wax kasta oo ka horyimaada waxaa uu leeyay
jidad badan oo uu uga dabaasho.
Aqoontu ma ahan dhar lagashado ama baabuur la
wato, ama afqalaad oo labarto, aqoontu waa wax
la barto oo wakhti la galiyo, oo marka danbana ka
muuqadata oogada ruuxa, aqoontu waa fara badan
tahay waxaana ka mid ah mida maadiga ah iyo
mida diiniga ah, labadoodu- ba, aad iyo aad ayey
u anfacayaan qofkii barta, qofka aadanaha ugu
51
Ha Dooran Guul Daro

liita oo dunida jooga ayaa ah qofka jaahilka ah oo


hadana caqliga yar.
Qofka aadanaha ahi cimri kasta oo uu jiro waxaa
muhiim ahinuu wax barto haba yaraatee, wax
barashada lagama weynaado,caruurtana waxaa
aad uwamagsan in lagula dadaalo waxbarashada,
Waa in bulshadu qaadataa buugga iyo qalinka,
qorigana meel iska dhigtaa. Ugu dambayntii qofka
jahilnimadu waxa ay ka dhigtaa (qof aan jirin oo
qaawan oo aan lahayn wax qaneeco ah).
Haddaba, waxaa mudan in aan isweydiino. Waa
maxay faa’idada aqoonta? Allah ayaa ka
jawaabtay su’aashan. Alle wayne wuxuu
yiri:“Ilaahay wuu koryeelayaa kuwa xaqa
rumeeya kuwa cilmiga lehna darajooyin ayuu
koryeelayaa Eebana waxa la camal fali waa
Ogyahay” (Al-Mujadila

‫'ع هَّللا ُ الَّ ِذينَ آ َمنُ''وا ِمن ُك ْم َوالَّ ِذينَ ُأوتُ''وا‬


ِ 'َ‫ (يَ ْرف‬:‫ق''ال تعلى‬
ٍ ‫ا ْل ِع ْل َم َد َر َجا‬
.)‫ت ۚ َوهَّللا ُ بِ َما تَ ْع َملُونَ َخبِي ٌر‬

52
Ha Dooran Guul Daro

Waxaa kale oo daliil cad u ah marka aad barato oo


aad gudbiso waa ku siyaadaysa aqoontu, hase
yeeshee maalku wuu nusqaamaa markaad bixiso.
Tusaale ahaan hadaad labo boqol oo dollar aad
boqol dollar danahaaga adduunyo ku bixiso waa
ay nusqaantaa; halka hadaad Cilmiga barato oo
gudbiso masalooyin kale baa kuusii iftii maayah.
Hadaba, halkaasi waxa inooga cad inaan la koobi
karin fadliga Cilmiga, sidaasi darteed ayaa qof
kastoo Muslim ah waxa waajib ku ah afar
xaaladod oo kala ah:
B) Qofku Inuu wax barto oo diinta
barashadeeda u qasdo.
T) Qofku Inuu ku camal falo waxa uu bartay.
J) Qofku In wixii uu bartay uu dadka kale
gaarsiiyo.
X) Qofku Inuu samro. Kan wax baranaya iyo
macalinka wax barayaaba.
Waxa laga yaabaa in Qofka wax baranaya iyo kan
dadka wax barayaaba ay ka hor yimaadaan
dhibaatooyin kala duwan, gaar ahaan sabankan
hadda lagu jiro, waayo Nabigeenna Muxamed

53
Ha Dooran Guul Daro

(SCW) wuxuu yiri: “Taasina waxay ina faraysaa


sabir badan”.
Anas Binu Maalik oo ahaa khaadimkii Nabiga
(SCW) ayaa waxa uu yiri: “Ninka Caalimka ah ee
fiican qasadka uu wax u baranayo waa Ilaalin” oo
ah in uu waxa uu bartey ku ilaaliyo naftiisa iyo
dadka kaleba.
Kuwa aan caqliga lahayn qasadka uu wax u
baranayo waa Riwaayo. Taas oo ah iney ku
doodaan, waxna ku cunnaan, iskana ogaadaan un.
Balse uma baranayaan Ilaahay dartii. Cilmigu waa
iftiinka Nolosha, aayado iyo axaadiis badan
ayaana ka hadlay qiimihiisa iyo waxtarka uu u
leeyahay qofka iyo bulshadaba. Sidaasi awgeed
ayaa qofka Cilmiga bartey uga qiimo badan yahay
qofka aan waxba baran. Waxa kale oo laga soo
wariyey nabiga (SCW) inuu yiri: “Ruuxii doorta
ama aada dariiq uu cilmi ku raadinayo, Ilaahay
waxa uu u sahlaa dariiqa Jannada”.
‫سلَ َك طَريقً''ا يَ ْبتَ ِغي فِي' ِه ع ْل ًم''ا س'هَّل هَّللا‬
َ ْ‫(من‬  ،‫قال ﷺ‬
.)‫لَه طَريقًا ِإلَى الجن ِة‬

54
Ha Dooran Guul Daro

Haddaba, Waxaa lagu helaa jano iyo khayr


dhamaantiis.
Sidoo kale Nabiga (SCW) wuxu xadiis
saxiix ah ku yiri: “Qofkii uu Alle la doono wanaag
wuxu fahamsiya diinta, anigu qeybiye ayaan
ahay, Alle aya wax bixiya, kama suleyso umadani
islaamka koox ka mid ah iney ku tosantahay ku
dhaqmeyso amarka Alle, ayna dhibeynin cidi
khilaafta, ilaa uu amarka Alle ugu yimaada”.
ُ‫قال صلى هللا عليه وسلم ( َمن يُ ِر ِد هَّللا ُ ب'ه َخ ْي' ًرا يُفَقِّ ْه' ه‬
‫ ولَنْ تَ''زا َل ه ' ِذه‬،‫قاس ' ٌم وهَّللا ُ يُ ْع ِطي‬ ِ ‫ وإنَّما أنا‬،‫ِّين‬
ِ ‫في الد‬
ُ َ‫ ال ي‬،ِ ‫اُأل َّمةُ قاِئ َمةً علَى أ ْم ِر هَّللا‬
‫ حتَّى‬،‫ض ُّر ُه ْم َمن خ''الَفَ ُه ْم‬
.)ِ ‫يَْأتِ َي أ ْم ُر هَّللا‬
Allaha sharafta badan ee weyn iyo malaa-igtiisa iyo
waxa samada jooga iyo dhulka, xitaa quraanjada
godkeeda ku jirta, xitaa kaluunka biyaha ku jira
waxay u duceeyaan qofka bara dadka khayrka.

55
Ha Dooran Guul Daro

Gabay la magic baxay Aqoonta waa lagu tanaada


oo uu hal abuuray Abwaan Faysal Goohe

Tada’ gabay murtida waw u xushaa toosin iyo


luuqe
Ma na turuntureeyee xikmaan taaba-galiyaaye
Taariikh wixii gala asaan laga tirayn jeerna
Tagtadiyo timaaddada wakhtigu taxane weeyaane
Ummadduna waxay toganaysaa tababar
weeyaane
Tafa-xaydni baa lagu jiraa tiigsi nololeede
Waxna loo talamayaa haddeer tacabka weeyaane
Tacliin iyo cilmaa lagu hantaa tiirka nololeede
Tayiisana waxaa lagu helaa talada weeyaane
U tartama aqoontiyo cilmigaa lagu tenaadaaye
Tusaaliyo waxaa fahan ku filan laga tilmaan
qaato
Tawxiidka eebiyo xadiis uu turjumo shiikhuye
Taxanaha axkaamtiyo darsigan laysu tebinaayo
Haddii aan tacliin jirin naxwaha lamatafsiireene
56
Ha Dooran Guul Daro

U tartama aqoontiyo cilmigaa lagu tenaadaaye


Tilifoon la qaatiyo markay taar la diro joogto
Taawarkiyo ateen lagu hadloo tabiyasawkeenna
Haddii aan tacliin jirin kur-dheer cidi ma
taagteene
U tartama aqoontiyo cilmigaa lagu tenaadaaye
Togga iyo wabiga buuxa iyo taaga iyo buurro
Buundadiyo waddadan laamigee lagu taraagayo
Haddii aan tacliin jirin biriish kama tallaabeene
U tartama aqoontiyo cilmiga lagu tenaadaaye
Dhismayaasha tiirkiyo guryaha teetka lagu
meershay
oo dabaq tilmaan wacan teer la faqan daadshay
Haddii aan tacliinjirin marnaba lagu ma tooseene
U tartama aqoontiyo cilmigaa lagu tenaadaaye
Badoo tabadin jiifoo shabaag taxadka loo geeyo
Oo laga tamilo kalluun beelay tiradiiba
haddii aan tacliin jirin qofnaba tamar ma
hayseene
U tartama aqoontiyo cilmigaa lagu tenaadaaye
Suuqyada waxaa tuuranee ashcaar toon kastaba
yaalla
Kala iibsigaa tooxanee taxad ilaa fookha
57
Ha Dooran Guul Daro

Haddii aan tacliin jirin bulshadu taano ma


hesheene
U tartama aqoontiyo cilmigaa lagu tenaadaaye
Tacab weeyee beeruhu waxaa tiginka loo aasay
oo ciida lagu taagey midhaha toban kun oo nooca
Haddii aan tacliin jirin sabuul lama tallaaleene
U tartama aqoontiyo cilmigaa lagu tenaadaaye
Intaasoo tab iyo xeelad oo muruqa loo tuujay
oo laysku wada tiirshay baa aqoon lagu
tafniidaaye
Haddaad tuurto buuggood iskuul tagi aqoon
weydo
Teetal ruux ku dhaamaa ogaw tahanku dheeraaye
Asaagaana kaa wada tagyoo toore kugu dhaafye
Turruqiyo lixaadkiyo hadday buuxdo tamartaadu
Tacab lagu ma keensado xamaal tuurta loo
dhigo’e
U tartama aqoontiyo cilmigaa lagu tenaadaaye!

Haddaba, Xadiiskan oo ay diiwaangeliyeen labada


Imaam ee Tirmidi iyo Abuu Daa'uud. Sheekh
Albaani oo tilmaamay in uu saxiix yahay, waxaa
laga dheehan karaa ahmiyadda qalinka iyo
58
Ha Dooran Guul Daro

qoraalku ay leeyihiin, iyo sida ay u soo jireen ilaa


iyo bilowgii uunka. Haddii aynu sooyaalka aadka
u fog ka soo durugno, waxyigii ugu horreeyey ee
ku soo dega Nebiga (SCW) waxaa uu ka koobnaa
shanta aayadood ee suuradda iqra’ (al-Calaq) ugu
horreeya. “Wax ku akhri Nabiyow Magaca Eebe
ee abuuray (khaliqiga)”. “Dadkana ka abuuray
Calaq”. “Akhri Eebana waa kan Sharafta lehe”.
“Ee Dadka baray sida Qalinka wax loogu qoro”.
“Dadkana baray waxayna aqoonin”. (Al-Alaq
96:1, 2, 3, 4& 5).

‫ق‬ َ '''َ‫) َخل‬1( ‫ق‬ َ '''َ‫اس''' ِم َربِّكَ الَّ ِذي َخل‬ ْ ِ‫'''رْأ ب‬
َ ‫(ا ْق‬:‫ق'''ال تع'''الى‬
‫) الَّ ِذي َعلَّ َم‬3( ‫) ا ْق َرْأ َو َربُّ َك اَأْل ْك َر ُم‬2( ‫ق‬ ٍ َ‫سانَ ِمنْ َعل‬
َ ‫اِإْل ْن‬
َ ‫) َعلَّ َم اِإْل ْن‬4( ‫بِا ْلقَلَ ِم‬
.))5( ‫سانَ َما لَ ْم يَ ْعلَ ْم‬
Haddaba, Aayadahani waxa ay ka
hadlayaan akhris, abuur, deeq badnaan, qalin,
aqoon, iyo garasho. Mana adka in la dareemo
nimcooyinka Alle innagu galladaystay. Sida
qalinka iyo waxqoristu ay ka mid yihiin. Bilowga
suuradda ar-Raxmaan ayaa mar kale Alle innagu
59
Ha Dooran Guul Daro

dareensiinayaa in aqoonta, abuurka iyo wax-isu-


gudbintu ay xiriiir leeyihiin. Alle waxa uu
leeyahay: “Eebaha Raxmaan ah”. “Wuxuu baray
(Nabiga iyo dadka kalaba) Quraanka”.
“Dadkana wuu abuuray”. “Wuxuuna baray
dadka (Hadalka)” (Ar-Raxman 55:1, 2, 3 & 4).

َ ' َ‫(ال''رحمن علم الق''رآن* َعلَّ َم ا ْلقُ' ْ'رآنَ * َخل‬:‫ق''ال تع''الى‬ 


‫ق‬
.) َ‫سانَ * َعلَّ َمهُ ا ْلبَيَان‬
َ ‫اِإْل ْن‬
Markii Alle abuuray Aadam (CS) waxa uu siiyey
aqoon, taas oo ahayd magacyadii wixii jirey oo
idil. Aqoontii la siiyey si aysan isaga ugu
koobnaanin ee ay uga gudubto, waxaa la baray
caddayn (bayaan). Alle waxa uu inna baray
hadalka si aynu dareenkeenna iyo aqoonteenna
.isugu gudbinno
Waxa uu inoo raaciyey awood aynu
hadalkaas ku kaydinno, kuna gaadhsiinno
degaanno iyo xilliyo jidhkeennu uusan
haleeliddooda awoodin. Waa taas awoodda
qoraalku. Ibnu Cabdirabbih markii uu hadalka iyo
qoraalka ka hadlayey waxa uu leeyahay:”
60
Ha Dooran Guul Daro

aadanuhu waxa uu dareenkiisa iyo aqoontiisa


isugu gudbiyaa siyaabo kala duwan oo ay ugu
horreeyaan carrabka iyo qalinku”. Labaduba waxa
ay ka turjumaan dareenka qalbiga ku jira, oo
carrabku waa agabka aynu xayawaanka
(bahaa’imta) kale kaga soocan nahay, ee inna
gaadhsiiya heerka insaaninimo kaas oo lagu qeexo
in uu yahay noole hadla.
Qalinku waxa uu carrabka sii dheer yahay,
in uu qofka hadalkiisa ka gudbiyo xilligii iyo
goobtii uu ka yidhi. Waxaa lagu akhrin karaa
meelo kala dheer, xilliyo kala fog, kan hadda nool
iyo mid qarniyo, kadib dhalan doonaba waa ay ka
faa’iidaysan karaan iyaga oo aan isku cidhiidhin.
Qoraalka waxa uu hadalka ka dhawraa
qashqashaadda iyo beddelaadda ay af-ku-tebintu u
keeni karto. “Qoraalku waa kayd ka ilaali nayah
in la badelo”.

Three.2.4 Qofkaoo aan Lahayn Samirama


Dulqaad
Sabirka waxaa loo kala saara saddex qaybood.
61
Ha Dooran Guul Daro

Suubanaheena Muxamad (SCW) wuxuu


yiri:sabirku waa saddex (3):
1) In.lagu.samro.musiibo.markay.ku.hesho.ama.kugu
.dhacdo.
2) In aad ku samirtid daacada rabbi (tusaale,
cibaadada rabbi ku amray sida saaladda, soonka,
sakada.iyo.xajka).I.W.M.
3) In aad kasamirto xumaanta iyo waxay naftu ku
amrayso naftu waxay jeceshay in aad samayso
wax walba oo naftu jeclaato.
Haddaba, maxay tahay faa'idada
samirka.Anas binu maalik (AKR) waxaan maqlay
nebiga (SCW) oo leh “wuxuu yiri Alle kor
ahaaye markii aan wax gaarsiiyo
addoonkayga labada ugu muhiimsan uguna
qaalisan xubnihiisa Yacni indhihiisa Uuna
muujiyo sabar iyo adkeysi la xiriira waxaa soo
gaaray waxaan siiyaa janno beddelkooda”
(Bukhaari IYO Muslim).

Abuu Saciid iyo Abuu Hureyrah (AKR)Waxay


yiraahdeeen. Nebiga (SCW) wuxuu yiri: “wixii
62
Ha Dooran Guul Daro

daal, cudur, hammi murugo, dhib iyo feker ah oo


soo gaara qofka muslimka ah, xataa qodax
hadday muddo Alle wuxuu ugu dhaafaa haddu ku
sabro dambiyada (yar yarka ah)” (Bukhaariiyo
Muslim).
‫ ق''ال‬:‫ـ رض''ي هللا عن''ه ـ ق''ال‬ ‫أبي سعيد الخدري‬ ‫وعن‬
‫ما يصيب المسلم من‬ ( :‫النبي ـ صلى هللا عليه وسلم ـ‬
‫ وال أذى وال غم‬،‫ وال هم وال ح''زن‬،‫نص''ب وال وص''ب‬
.(‫حتى الشوكة يشاكها إال كفر هللا بها من خطاياه‬

Haddaba, Nuxurka macnaha Samirka ama


dulqaadasho waxa loola jeedaa in aan nafteena ka
joojino dhaqanka ah in ay quusato ama murugooto
si fool xun oo qaawan, in aan carabkeena ka
joojino cabashada aynu dadka u cabanayno iyo in
aynaan jeexjeexin maryaheena xiliga dhibka ama
ay masiibo aan la kulano oo aynaan nafteena
halaagin.
Alle kor ahaaye wuxuu yiri: “Kuwa (Xaqa)
rumeeyow Samra oo samirka nah kuna Nagaada
Dhawridda (Xuduudda Islaaxa) kana Dhawrsada
63
Ha Dooran Guul Daro

Eebe waxaad Mudantihiin inaad Liibaantaane”


(Al-Imraan 3:200).

‫صابِ ُروا َو َرابِطُ''وا َواتَّقُ''وا‬ ْ ‫(يَا َأ ُّي َها الَّ ِذينَ آ َمنُوا‬:‫قال تعالى‬
َ ‫اصبِ ُروا َو‬
.) َ‫هَّللا َ لَ َعلَّ ُك ْم تُ ْفلِ ُحون‬
Wuxuu kaloo yiri Alle kor ahaaye: “Waxaa 
uun loo oofiyaa (dhameyaa) kuwa samra
.ajrigooda xisaab la'aan” (AZ-Zumar 39:10)
)‫ب‬ َ ‫صابِرُونَ َأ ْج َر ُه ْم بِ َغ ْي ِر ِح‬
ٍ ‫سا‬ َّ ‫(ِإنَّ َما يُ َوفَّى ال‬:‫قال تعالى‬

Nafta qofka bini’aadamka ah waa mid had iyo


jeerba imtixaan ku jirta. Sida aan dhamaanteenba
wada ogsoonnahay imtixaanaadka qofka
bini’aadamka ah uu maro ayaa waxay isugu jiraan
kuwo kala duwan. Qaar imtixaanadaas kamid ah
ayaa ah qaar qofka loogu nimcaynayo oo uu
waxkasta oo uu qofku qorshaysto uu helaayo
siduu u rabay ama si kasii fiican.
Laakiin imtixaanadaasoo kale markuu
qofku marayo ayaa ficil celinta ka dhalataa waxay
64
Ha Dooran Guul Daro

noqotaa kuwo kale duwan, qaar ku shukriso oo


garta nimcada uu ilaahey ugu deeqay iyo qaar
aanan garan nimcadaas in ay tahay deeq uu
ilaahay ugu deeqay. Imtixaanka noocaan oo kale
ah maaha mid nolosha qofka ciriiri galiya, laakiin
waa mid qofka caaqilka ah ku garto deeqsinimada
Abuuraha koonka.
Haddaba, Sida ay sheegaan Culimada Cilmi
nafsigu. Qof kastaa waxa uu leeyahay laba
awooddood oo u shaqeeya naf ahaantiisa. Midi
waa awoodda qofka dabada kariixda taas oo u
horseeda samaynta ficilo, tan kalena waa awoodda
qofka kacelisa ama ka hor joogsata ficilo kale.
Markaa sabirku si tayo leh, waxa uu isku xidhaa
awooda qofka u horseeda samaynta ficilo keena
wanaag iyo awooda qofka ka hor joogsata ama u
diida samaynta ficilo laga yaabo in ay khatar ku
yihiin naftiisa iyo nafaha dadyowga kale.
Dadka qaar ayaa leh sabir ama dulqaad
adag marka ay qabanayaan wax u wanaagsan
naftooda, laakiin sabir ama dulqaad u lahayn sidii
ay uga dheeraan lahaayeen ficilo khatar ku ah
naftooda, Sidaas darteed waxa la arkaa qof sabir
65
Ha Dooran Guul Daro

ama dulqaad u leh gudashada salaada, soonka iyo


xajka balse aan samir iyo dulqaad u lahayn inuu
naftiisa ka xakameeyo kana joojiyo falalka aan
wanaagsanayn iyo doonista xumaanta ay horseedo
hawada naftu, taasina waxa ay ku ridaa danbiyo
iyo wax xaaraan ka ah naftiisa.
Sabirka waxa looga baahan yahay qaybaha soo
socda ee nolosha;
1) .Cibaadada.iyo.u.hoggaansamida.amarada.Ilaahay
.
2) .Ka fogaanta xumaanta iyo ficilada xun ee ka
dhanka ah dhaqanka suuban.iyo.diinta.
3) .Aqbalaada Xukunada Ilaahay ee kala duwan
Haddaba, xigmad carbeed ba waxay oranaysa
“Sabirku waa furaha janada”.
.‫الصبر مفتاح الجنه‬
Sido kale, xigmad kale baa leh “Haddii aad diido
samirka waxaad ogaataa dhab ahaantii inaad
diidey inaad noqoto mid guusha wajaha”.
‫فإذا كرهت الصبر فاعلم أنما‬
.‫حقا كرهت بأن تكون مكلال‬

66
Ha Dooran Guul Daro

Haddaba, dulqaado xariga allena qabso


(Alle kaalmo weydiiso). Ha deg-degin awood
darradu deg-deggey ka timaadaa Samirku waa
sida magaciisa oo kale dhib walba, macno kasta
oo xanbaarsanyahay wuxuu kumatalaa magaciisa.
Laakiin ciribtiisu ka macaantahay malabka (waxa
samirka laga faa’ido ayaa kabadan culayska
sabirku leeyahay).Rabbi ha naga yeello kuwo ku
sabra khayrka sidda cilmiga, cibaadada iyo
kucamal falka diinta.

Waxaan kusoo koobayna Qiso yar oo ka hadlaysa


sabirka. Saxaabiga Curwa Binu Subayr ayaa
waxaa laga jaray lugta xanuun ku dhacay dartiis
isla maalintii laga jaray ayay caruurtiisu dhinteen
ka dib markii uu Faras haraatiyay. Waxaana uu
yiri: “Allahayow adigaa mahad leh, Adiga ayaa
jira, allow xagaaga loo soo noqonayaa waxaad
isiisay wiilal waana aad iga qaaday, waxaad
isiisay afar waaxood waxaadna iga qaaday mid,
waxaan kaa baryayaa inaad Janada nagu
kulmiso”.

67
Ha Dooran Guul Daro

Maalin kale waxa soo galay Majliska Curwa Binu


Subayr oday da’ah oo indha beelay, waxaana lagu
yiri Curwa dhegayso odaygan warkiisa? Odayga
ayaa ku yiri “Waxaan deganayn meel doox ah,
habeenimo ayaa daad soo rogmaday wuxuu
qaatay xoolahaygii iyo ubadkaygii, waxa keliya ee
iiga haray wuxuu wiil iyo Awr, awrkii wuu iga
baxsaday wiilkiina waxaa iga cunay dhurwaa ama
Waraabe”.
Saxaabiga Curwa Binu Subayr ayaa ku yiri
“Markaa Maxaad tiri?” Waxaan iri “Waxaa
mahad leh Allaha i siiyay qalbi iiman ka buuxa
iyo carab mahad naqaya”? Waa kuwaasi dadkii
dhibaatooyinka adag ku sabray. Sabir oo dul
qaado si aad uhesho macaanka guusha iyo abaal
marinta sabirka.

Three.2.5 Qofkaoo aan Lahayn Kalsooni


Waxaa mudan in la’iswaydiiyo kalsoonidu maxay
tahay? Sidee baase qofku kuheli karaa
kalsoonida?Kalsoonida naftu waa in qofku
68
Ha Dooran Guul Daro

dareemo qiimaha ay nafta iyo noloshu lee dahay,


ama naftiisu u leedahay waxyaabaha ku
hareeraysan.
Markaasna kalsoonidaa u turjumo
dhammaan dhaqdhaqaaqa iyo hab dhaqankiisa
isagoo aan khilaafayn caqliga iyo dhaqamada
hufan dareemayna argagax iyo naxdin midna,
dhaqamadiisa ayaana xukuma ee maya kuwa loo
yeeriyo ama loo sheego Marka uu dhaqmaayo
ama wax qabanayo wuxuu adeegsadaa awooddiisa
aqooneed, hawlkarnimo iyo wax qabad.

Dhammaan waxii intaa kasoo hara waa kalsooni


darro waxayna qofka ka dhigtaa qof dadka
waardiye ka haya kee ku dayadaa ama kee ka
hadhaa waxaana lasoo dersa murugo iyo
deganaansho la'aan go`aankasta iyo talaabo kasta
oo uu qaadayo.
Taasi sababteedu waxay noqonaysaa in haddii uu
qofku ufiirsan waayo wax qabadka naftiis ama
habdhaqanka naftiisa in ay imaan karto
kalsoonidarro. Waa in aad is aamintaa in aad
69
Ha Dooran Guul Daro

tahay qof awoodleh.Nabiga (SCW) wuxu xadiis


saxiix ah ku yiri: “Muuminka xooga leh baa ka
khayrbadan ilaahayna ka jecelyahay muuminka
daciifka ah labadodana waa kheyr ku dadaal
wixii ku anfacaya, ilaahayna kaalmo waydiiso
hana caajisin haday wax kugu dhacaan ha oran
hadii aan sidaas samayn lahaa saa bay ahaan
lahayd hasayeeshee waxaa dhahdaa ilaahay baa
qadaray arinkan wuxuu doonana wuu sameeyaa.
Ereyga (Haddii) waxay kuu furayaa camalka
shaydanka (Waxaa wariyey Abuu Hurayra).

ُّ '‫ «الم''ؤمنُ الق‬:‫قال رسو ُل هللاِ صلَّى هللاُ عليه وسلَّ َم‬
‫'وي‬
.‫عيف وفي ك ٍّل خي ٌر‬ ِ ‫ض‬ َّ ‫المؤمن ال‬
ِ َ‫وأحب إلى هللاِ ِمن‬
ُّ ‫خي ٌر‬
ْ '‫واس'تَعنْ باهللِ وال تَعج‬
َّ‫ وإن‬.‫'ز‬ ْ ، َ‫ص على م''ا يَنف ُع'ك‬ ْ ‫اح ِر‬ ْ
،‫ ل''و أنِّي فعلتُ ك''ان ك''ذا وك''ذا‬:‫أص''ابك ش''ي ٌء فال تق' ْل‬
‫َفتح عم ' َل‬ ُ ‫'و) ت‬ْ 'َ‫ فإنَّ (ل‬،‫ ق َد ُر هللاِ وما شا َء فَ َعل‬:‫ولكن قُ ْل‬
)‫يطان‬ ِ ''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''‫ش‬
َّ ‫ال‬

70
Ha Dooran Guul Daro

Xigmad baa oranaysa “Hadii aad ku


kalsoontahay naftaada adigu waxaad wax ka
bedeli kartaa dadka kale”
).‫ستُلهم اآلخرين الثّقة‬
َ ‫(إذا كانت لك ثقة بنفسك فإنّك‬
sido kale xigmad kale baa leh “Qofka ku
kalsoon naftiisa dadka kale ayuu hagaa
oo hogaamiyaa”
).‫)إن الواثق بنفسه يقود اآلخرين‬

Alle wayne wuxu yiri: “Wixii dhib ah oo


dhulka ka dhaca ama naftiinna ku dhaca wuxuu
ku sugnaaday kitaab abuuriddiisa ka hor,
arrintaasuna waa u fududdahay Eebe”. “Si
aydaan ugu murugoonin wixii idinka tagay, si
aydaan uguna farxin wuxuu idin siiyo, Eebe ma
jecla Ruux kasta oo isla wayn oo faanbadan”
(Xadiid 57: 22 23).
‫ض َواَل فِي‬ ِ ‫ص'يبَ ٍة فِي اَأْل ْر‬ ِ ‫اب ِمن ُّم‬ َ '‫ص‬ َ ‫( َم''ا َأ‬:‫قال تع''الى‬
ِ ‫ب ِّمن قَ ْب ِل َأن نَّ ْب َرَأهَا ِإنَّ َذلِكَ َعلَى هَّللا‬ ٍ ‫س ُك ْم ِإاَّل فِي ِكتَا‬ ِ ُ‫َأنف‬
‫س ' ْوا َعلَى َم''ا فَ''اتَ ُك ْم َواَل تَ ْف َر ُح' وا بِ َم''ا‬ َ ‫س 'ي ٌر * لِ َك ْياَل تَْأ‬ ِ َ‫ي‬
.) ‫َال فَ ُخو ٍر‬ ٍ ‫آتَا ُك ْم َوهَّللا ُ اَل يُ ِح ُّب ُك َّل ُم ْخت‬

71
Ha Dooran Guul Daro

Haddaba, waxaa jira Shan (5) muhiimaddo ay


kalsoonidu uleedahay nafta waxaa ka mid ah:
1) kalsoonidu waxay dhaxalsiisaa qofka guul
aduun iyo aakhiro.
2) Waxay qofka dhaxalsiisaa dhaqamo toosan
lana jaanqaada xaaladaha ku hareeraysan
noloshiisa.
3) Kalsoonida naftu waxay qofka ka ilaalisaa
dhaqmada xun sida cadaawada iyo aargoosiga.
4) Qofka naftiisa ku kalsoon wuxuu awoodaa
helida khibrad nololeed, barashada dhaqamo iyo
xirfado iyo inuu si fudud u guulaysto kana
dheeraado guuldarrada. 5) Kalsoonida naftu
waxay qofka dhaxalsiisaa aragtiyo shaqo, hawl
karnimo iyo cusboonaysiin qaababka wax loo
qabto.
Dhibaatooyinka kalsooni darada ay keeni
karto waxaa ka mid ah. hoos u dhaca maskaxda
iyo isku dhexyaaca dhanka fekerka. Aqoon la'aan,
ilowga badan, guul darada iyo shaqola'aanta. Sido
kale waxay keeni kartaa macsida faraha badan iyo
Alle ka cabsi la`aanta qofka oo siyaada.
Firfircooni la` aanta iyo dhexgal xumida bulshada
72
Ha Dooran Guul Daro

taasoo uu shaydaankuna ka faa’idaysanaayo


duruufta qofka haysa.
Haddaba, Sidee ayuu qofku u dhisi karaa
kalsoonida naftiisa waxaan kusoo koobaynaa
toban (10) qodob oo kale ah:
1) Qofku in uu u noqdo Allihii Abuuray isna
waydiiyo maxaa laguu abuuray faa’ido mise
khasaare u joog. Waa in uu Alle ku xidhnaadaa oo
uuna ka caajisin wanaaga Alle faray xumaantan
ka dheeraadaa.
2) Raja sami ku noolow waqtiyadoo idil samina ka
muuji wax kastoo ka dhaca hareerahaaga.
3) Waa in uu qofku runta isku sheegaa oo kabaxaa
khiyaaliga uu tusaayo nafta run ka sheego
ujeedooyinka aad u nooshahay iyo wax qabdkiisa
nolol maalmeed.
4) Ku kal soonow wax aad samayso si dareen fiican
aad ugu lahaatid isbedelka hab dhaqanka
noloshaada.
5) Naftaada bar sida loo dhaho (Maya), wixii aadan
niyad ama waqti u hayn, dheh maya kana
dhaadhici oo ha is odhan dadku way kunici taasi

73
Ha Dooran Guul Daro

waa may, waxay ku tusaysaa in dadku ku fahmaan


oo la ogaankaro qof oran kara erayga Maya.
6) Fikradahaaga iyo wax qabadkaaga cadee oo
tusdadka kana dhaadhici ama iibgee oo ismuuji in
aad tahay qof lagu xisaabtamayo oo la dareemi
karo marka aad maqantahay iyo marka aad
joogtidba.
7) Ahow qof nool oo muuji dareenkaaga, hadal
kaaga, tilmaan taada, farxada& qosolka, intaas oo
dhami wax bay kuu sawiri doonaan naftaadan la
sheekayso taas macnaheedu waxa weeyeh
maskaxdaada kaasho adigoo degan.
8) Nafta ha mashquulin oo dadku wax ay
kaasheegaan haku mashquulin sababtoo ah wakhti
ayaad iska luminaysaa kana faa’idayso wakhtiga
aad haysto mar ayaa imaanaysah aadan haysan
wakhtiga.
9) Qof dhiirran oo degan ahaw oo dardaran ku socda
hab fekeraada dadka kale iyo fekerkaaga isgarab
dhig oo samee qiimayn si ay kuu tusto in kaagu
kafiican yahay kankale.
10) Ku dadaal in aad naftaada Qanciso,
raalina galiso, ilaali xasiloonida noloshaada
74
Ha Dooran Guul Daro

wanaaji oo ku dadaal sidii aad qayrkaa wax ula


qaybsan lahayd.

Three.2.6 Qofka.oo.Kataga.Xishoodka.(‫)الحياء‬
Xishoodku waa Dhaqan suuban, waa dhaqan
ilaahay jecelyahay, waa dhaqan iimaani’ ah, waa
dhaqanka rasuulkeenu ku tilmaamay inuu yahay
laan ka mid ah laamaha iimaanka. Xadiis u
wariyey Abu Hurayra wuxuu dhahay: “Waxa
Nabigeena ka sugnaatay Nabigeena (NNKH) in
uu yidhi: (iimaanku waa dhowr iyo lixdan
laamood, Laanta ugu saraysa waa Laa’ilaalaha
ila Laah Muxamadu rasululaah, waxana ugu
hoosaysa, wadada oo laga leexiyo wixii dadka
dhibaaya, Xishoodkuna waa laan ka mid ah
laamaha iimaanka”.

75
Ha Dooran Guul Daro

:‫س 'لَّ َم‬


َ ‫ص 'لَّى هَّللا ُ َعلَ ْي ' ِه َو‬ ُ ‫(قَ''ا َل َر‬.‫في الح''ديث‬
َ ِ ‫س 'و ُل هَّللا‬
َ ‫ فََأ ْف‬، ً‫ش ْعبَة‬
َ‫ اَل ِإلَ'ه‬: ‫ضلُ َها قَ ْو ُل‬ ُ َ‫س ْبعُون‬
َ ‫ض ٌع َو‬
ْ ِ‫«اِإْل ي َمانُ ب‬
ِ ‫ َوَأ ْدنَاهَ'ا اِ َماطَ'ةُ اَأْل َذى عَنْ الطَّ ِر‬، ُ ‫ِإاَّل هَّللا‬
‫ َوا ْل َحيَ''ا ُء‬، ‫ي'ق‬
ِ ‫ش ْعبَةٌ ِمنْ اِإْل ي َم‬
).‫ان‬ ُ
Sido kale, xadiis kale baa tilmaamayah
xishoodka. Waxaa laga wariyey Cimraan Ibnu
Xusayn wuxuu dhahay “Nabigu (NNKH), Waxa
uu soo maray Nin saxaabi ah oo Nin kale ku
leeyahay iska dhaaf xishoodka (war maxaad la
xishoonaysaa, xishoodka iska daa, qayrkaa ayuu
kaa reebaya)”. Nabigu (NNKH) waxa uu ku
yidhi: “war xishoodku waxaan wanaag ahayn ma
keeno Ninka Daa”.

‫ َأنَّ رسو َل هَّللا ﷺ َم'' َّر‬:‫عن ا ْب ِن ُع َم َر رضي هَّللا عنهما‬


َ ‫صا ِر َوه َُو يَ ِعظُ َأ َخاهُ في‬
‫ فَقَا َل‬،‫الحيَا ِء‬ َ ‫َعلَى َر ُج ٍل ِمنَ اَأل ْن‬
‫ فِإنَّ الحي''ا َء ِمنَ اِإل يم''ا ِن(الحي''ا ُء‬،ُ‫ َد ْعه‬ :‫سو ُل هَّللا ﷺ‬ ُ ‫ر‬
.) ‫ال يَْأتي إاَّل بِ َخ ْي ٍر‬

76
Ha Dooran Guul Daro

Qofku hadii xishood uu ka tago wax walba wuu


sameeyaa, wax uu Xurmo u reebo ma jirto, waxa
uu la imanayaa xumaan kasta iyo Fool xumo
kasta.Xishoodku waa Dabar, Xilli ayuu soo
baxayaa aad u baahato.
Ficil kasta oo xun waxa ku diidayaa waa Al-
xayaa, (xishoodka). Sido kale Waxaa laga
wariyey ibnu Mascuud al-Badriyi (RDC) wuxu
yiri waxaa uu yiri Nabigu (NNKH): “Hadaladii
iyo xikmadii laga dhaxlay Nabiyadii hore waxa uu
ahaa, Hadaadan xishoonayn waxaad rabto
samee”.

‫ص 'ا ِري ا ْلبَ ' ْد ِري‬ َ ‫س ُع ْو ٍد ُع ْقبَ 'ةَ بِنْ َع ْم' ٍرو اَأل ْن‬
ْ ‫(عَنْ َأبِي َم‬
‫ص'لَّى هللاُ َعلَ ْي' ِه‬ َ ِ‫س' ْو ُل هللا‬ ُ ‫ قَ''ا َل َر‬: ‫ض' َي هللا َع ْن'هُ قَ''ا َل‬ ِ ‫َر‬
،‫اس ِمنْ َكالَ ِم النُّبُ''' َّو ِة اُأل ْولَى‬ ُ َّ‫ ِإنَّ ِم َّما َأ ْد َركَ الن‬: ‫س'''لَّ َم‬َ ‫َو‬
ِ ‫اصنَ ْع َما‬
). َ‫شْئت‬ ْ َ‫َح ف‬ ِ ‫ست‬ْ َ‫ِإ َذا لَ ْم ت‬
Haddaba, Xishoodku waa qayb wayn ayuu ka
yahay diinteena.In la xurmeeyo Culumada, iyo
ducaada. Ilaahay agtiisa xurmo ayay ku leeyihiin
Dadka islaamka. Hadii la xurmayn waayo, umadu
xaalad xun ayay gelaysaa oo ah caradii Allah in
77
Ha Dooran Guul Daro

dulka timaado.-Xishoodku wuxuu leeyahay qiimo


aad uwayn. Xikmada baa leh “Qurux bilaah
xishood ahi waa sida ubax bilaa cadar ah (billaa
caraf ah)”.
.)‫(جمال بال الحياءوردة بال عطر‬
Sido kale Xikmad kale baa leh “Haddii
lawaaayo xishood waxaa imaanaya
dhibaatooyinka”
).‫(إذا دهب الحياءحل البالء‬
(haddii lawaayo xishoodka waxa imaanaaya
fawaaxishta xumaanta iyo sinadaa) rabbi ayaanu
kamagan galnay. Sido kale Xikmad kale baa leh
“Hadaanan ka baqanahayn cidhibta habeenada
(cuqubo) oo aanad xishoonayn, waxaad doonto
samee”Allaan ku dhaartee noloshu khayr maleh
iyo aduunyadu hadduu ka tago xishoodku. Qofku
inta uu xishoonayuu khayr leeyahay. “Laantuna
waxay joogtaa inta jirriddu joogto”.
Sido kale “Haddii biyaha wajigu yaraadaan
(sharafta) waxa yaraada xishoodkiisa” Wajinah
khayr malaha haddii xishoodkiisu yaraado.
Xishoodkaaga ilaasho waayo waxaa uu kutusiyaa
wajiga qofka wanaagsan. Xishoodku wuxu
78
Ha Dooran Guul Daro

leeyahay qiimo aad uwayn alle Wayne wuxuu ku


xusay Qur’aanka. Alle kor weyn wuxuu yiri:
“Markaasay u timid gabdhihii Middood iyadoo
xishoon waxayna ku Tidhi Aabahay wuu kuu
Yeedhi, inuu kaa abaal mariyo ujuuradii
Waraabintaada Annaga, markuu u yimid toos uga
warramay qisadii wuxuu ku yidhi ha Cabsan
Waad ka badbaaday qoomkii Daalimiinta ahaa”
(Al-Qasas 28:25).
ْ‫ستِ ْحيَٓا ۢ ٍء قَالَت‬
ْ ‫شى َعلَى ٱ‬ ِ ‫(فَ َجٓا َء ْتهُ ِإ ْحد َٰى ُه َما تَ ْم‬:‫قال تعالى‬
َ ‫ِإنَّ َأبِى يَ ْدعُو َك لِيَ ْج ِزيَكَ َأ ْج َر َم'ا‬
ُ‫س'قَيْتَ لَنَ'ا ۚ فَلَ َّما َج' ٓا َء ۥه‬
‫'و ِم‬ْ 'َ‫ص قَ''ا َل اَل ت ََخ' فْ ۖ نَ َج' ْوتَ ِمنَ ٱ ْلق‬ َ '‫ص‬ َّ َ‫َوق‬
َ َ‫ص َعلَ ْي ِه ٱ ْلق‬
ٰ
.) َ‫ٱلظَّلِ ِمين‬
Waxaa laga wariyay Cabdulaahi Ibnu
Mascuud alle hakaraali noqdee Nebigu (CSW)
waxuu saxaabadii ku yidhi, “Ilaahay waxaad ka
xishootaan xishoodka dhabta ah” saxaabdii ayaa
ku jawaabay, ‘Ilaahay baa mahad leh, waanu ka
xishoonaa’ Nebiga CSW ayaa yidhi, ‘Maaha
xishoodka Ilaahay kan aad moodaysaan’ laakiin
“Xishoodka dhabta ah een idiin sheegayo waa

79
Ha Dooran Guul Daro

inaad ilaaliso madaxaaga iyo waxuu koobsaday”


(maskaxda, indhaha, dhegaha iyo afka).

‫(عن عبدهللا بن مسعود رضي هللا عنه أن النبي ص''لى‬


،‫ق الحي''اء‬ َّ '‫ (اس''تحيوا من هللا ح‬:‫هللا علي''ه وس''لم ق''ال‬
‫ ليس‬:‫ قال‬،‫ إنا لنستحيي والحمد هلل‬،‫ يا رسول هللا‬:‫قلنا‬
‫ق الحي''اء أن تحف''ظ‬ َّ ' ‫ ولكن االس''تحياء من هللا ح‬،‫ذل''ك‬
‫ وأن ت'''ذ ُكر‬،‫ والبطن وم'''ا ح'''وى‬،‫ال'''رأس وم'''ا َوعَى‬
‫ فمن‬،‫ ومن أراد اآلخرة ترك زينة الدنيا‬،‫الموت والبِلَى‬
.)‫فعل ذلك فقد استحيا من هللا‬
Haddaba, waa inuu qofku ka ilaaliyo wax
kastoo xaaraan ah, waa in aad xasuusatid geerida
iyo dhibteeda ciddi doonaysah akhiro waxay ka
tagtaa dhal dhalalka aduunka ciddi samaysah
sidaas xaqiiqdi rabbi way ka xishoodeen.
Xishoodka iyo wanaaga uu leeyahay waxaa in
badan xusay aayadka iyo axaadiista. Rabbi ha
naga yeelo, kuwo xishoodah.
Haddaba, waxaa jira toban (10)
faa’iidooyin oo laga helaayo xishoodka:
1) Qofka Xishooda waa qof leh iimaan

80
Ha Dooran Guul Daro

2) Xishoodku wuxuu kutusinayaa akhlaaqda


wanaagsan ee qofka xiishodana waa qof
kasoojeeda ehel wanaag san.
3) Xishoodku wuxuu ukordhiyaa qofka xasilooni
miyir iyo degenaansho, isagoo markaa uu
hawlihiisa u qabsanaayo si miyir ah.
4) Qofka Xishooda waa qof masuul ah waxna lagu
aamini karo.
5) Xishoodka waxaa lagu helaa Jacaylka ilaahay iyo
Kan dadka. Qofka Alle haduu jeclaado Dadka
quluub toodana jacayl buu ugu beeraa.
6) Xishoodku waa Tilmaan kamida tilmaamaha
Anbiyada iyo Rususha naxariis Korkooda ha
ahaatee.
7) Xishoodku waa daliilka karamka iyo sharafta
qofka xishoodku waa qof naftiisa Karaameeyey
markaas baa dadkuna karaameeyaan.
8) Xishoodku Qofka waxa uu ka ilaaliyaa
dhaqamada xun xun iyo Caadooyinka liita.
9) Qofka xishooda waa qof cafis iyo saamaxaad
badan.

81
Ha Dooran Guul Daro

10) Xishoodku wuxuu talaal kayahay


macaasida xumaanta iyo dhammaan waxa Eebe
wayne ka cadhaysiinaya.

Three.2.7 Qofkaoo Dhaha Waan


Samayndoonaa
Waxaa xaqiiqo ah in guuldaradda ay kadhalato
shayga layiraahdo beriAma markale. Tusaale,
markii layiraahdo shaqsiga dib udhiga badani
waxaas samey wuxuu yiraahdaa waan
samayndoonaa, waan toobadkeeni doonaa iyo
waan ka laaban doonaa gafka IWM.
Yaa uballanqaaday in oo beri noolaan
doono aayadaha ka warramaya dib udhigga iyo
caajisnimada waa ay badan yihiin, bal aynu ka soo
qaadanno mid ama labo.Alle kor ahaaye wuxuu
yiri: “Ha ku dhihin shaygaasaan fali bari (Adoon
dhihin) hadduu doono Eebe xusna Eebahaa
haddaad halmaanto, waxaadna dhahdaa wuxuu u
dhawyahay inuu igu hanuuniyo Eebahay wax ka
dhaw kaas oo toosni ah” (Al-Kahf 18:123).
82
Ha Dooran Guul Daro

ْ‫ِإاَّل َأن‬ * ‫اع ٌل َذلِكَ َغدًا‬ ِ َ‫َي ٍء ِإنِّي ف‬


ْ ‫ ( َواَل تَقُولَنَّ لِش‬:‫قال تعالى‬
‫سى َأنْ يَ ْه ِديَ ِن َربِّي َأِل ْق َر َب‬َ ‫سيتَ َوقُ ْل َع‬ ِ َ‫يَشَا َء هَّللا ُ َو ْاذ ُك ْر َربَّ َك ِإ َذا ن‬
)‫شدًا‬ َ ‫ِمنْ َه َذا َر‬

Sido kale, Alle kor ahaaye wuxuu yiri:“Eebe


agtiisuu yahay ogaanshaha Saacadda (Qiyaame)
iyo Roob di'iddu, wuxuuna ogyahay waxa
makaanka (Ilma galeenka) ku sugan, nafna ma
oga waxay mudan Barri, Nafna ma oga Dhulkay
ku dhiman, Eebaa og xeelna dheer”(Luqmaan 31:
34).
‫''ز ُل ا ْل َغ ْي َث‬ َّ ‫(ِإنَّ هَّللا َ ِعن'' َدهُ ِع ْل ُم‬:‫ق''ال تع''الى‬
ِّ َ‫الس''ا َع ِة َويُن‬
ۖ ‫ب َغدًا‬ ُ ‫س‬ ٌ ‫َويَ ْعلَ ُم َما فِي اَأْل ْر َح ِام ۖ َو َما تَ ْد ِري نَ ْف‬
ِ ‫س َّما َذا تَ ْك‬
.)‫ض تَ ُموتُ ۚ ِإنَّ هَّللا َ َعلِي ٌم َخبِي ٌر‬ ٍ ‫ي َأ ْر‬ ِّ ‫س بَِأ‬ ٌ ‫َو َما تَ ْد ِري نَ ْف‬
Markale Eebe wuxu yiri: “marka ay
salaadda u kacayaan waxa ay u kacayaan iyaga
oo wahsanaya”

َّ ‫(وَِإ َذا قَا ُموا ِإلَى ال‬:‫قال تعالي‬


َ ‫صاَل ِة قَا ُموا ُك‬
.)‫سالَى‬

83
Ha Dooran Guul Daro

Waxa kale oo axaadiis badani innooga


warrantay wahsiga iyo caajiska, iyo sida u
saameeyaan nolosheenna adduunyo iyo tan
aakhiraba. Nabiga (SCW) wuxu xadiis saxiix ah
ku yiri: “Qofka ididiilada dheeraystaa wuu camal
xumaaystaa”.
)ُ‫سا َء َع َملُه‬
َ ‫قال صلى هللا عليه وسلم ( َمنْ أطال أمله‬

Imaamul Baaqir Alle Wayne hakaraalli noqde’e


waxa uuyidhi: “Waxa aan kaaga digayaa
wahsiga, waayo waa badwayn ay ku halaagmaan
kuwa guuldaraystay”. Waxaan kaga digayaa
moganantaa (illowga geerida iyo xisaabta akhiro)
wayo waxaa ahaatay illow geeda qalbi qalal
Majiirto guul daro kawayn qalbigaaga oo
engegah ama qalbigaaga oo kamaran khayr
dhamaantiis.

.‫(وإياك والتسويف فإنه بحر يغرق فيه الهلكى‬


‫وإياك والغفلة ففيها تكون قساوة القلبوإي''اك والت''واني‬
).‫فيما ال عذر لك فيه فإليه يلجأ النادمون‬

84
Ha Dooran Guul Daro

Sido kale, Alle wayne wuxu yiri:“Ruux


Eebe uwaasiciyey Laabtiisa Islaamka oo nuurka
Eebe ku sugan ma lamidbaa (mid la daboolay)
halaag wuxuu u sugnaaday kuwey ka engegtay
quluubtoodu xuska Eebe (Quraanka) kuwaasina
waa kuwa baadi cad kusugan” (AZ-Zumar
39:22).

‫'و َعلَ ٰى‬ َ '‫س'اَل ِم فَ ُه‬ َ ُ ‫ش' َر َح هَّللا‬


ْ ‫ص'د َْرهُ لِِإْل‬ َ ‫(َأفَ َمن‬:‫قال تع''الى‬
‫سيَ ِة قُلُوبُ ُهم ِّمن ِذ ْك' ِر هَّللا ِ ۚ ُأو ٰلَِئ َك‬ ِ ‫نُو ٍر ِّمن َّربِّ ِه ۚ فَ َو ْي ٌل لِّ ْلقَا‬
.)‫ضاَل ٍل ُّمبِي ٍن‬ َ ‫فِي‬
Waa sabab ka mid ah asbaabta guul daradaa
qalbigaga oo engegta guul daro ka wayn majirto
in aad gasho naar janonah aad halkaas ku waydo
Allahu Akbar allow quluubteena ka buuxi
cabsidada.
Haddaba, markaad Ufiirso oraahdan
qiimaha leh. “Ka dawee nafta ididiilooyinka ay
jeceshahay” ama “Noloshu ma cidhiidhowdo
hadii lala, yahay fidsanaanta ididiilada”.

85
Ha Dooran Guul Daro

Ididiilooyinka waxa nafteena ugu sugan macaan


uga dhex muuqata intay ka daalayso.

86
Ha Dooran Guul Daro

‫ م''ا أض''يق العيش ل''وال‬..‫)أعلل النفس باآلم''ال أرقبه''ا‬


.)”!‫فسحة األمل‬

.)‫تنعش منها ما َذب ْل‬


ُ ً‫سنا لذة‬
ِ ‫(ِإنَّ لآلما ِل في أنف‬

Culimada Islaamkuna waxa ay qabaan in


caajiska iyo wahsiguba door wayn ka ciyaaraan
cibaada la’aanta bini’aadamka. Diintuna waxa ay
uga digtay addoomaha in aanay dib-u-dhigan
tawbadda markasta oo ay danbi galaan. Waxa kale
oo ay dhiiri galisay u degdegidda khayrka iyo
shaqooyinka wanaagsan ee Alle loogu
dhawaanayo. Halkaa waxa laga garan karaa in aan
wahsigu nolosheenna aduun iyo tan aakhiro
midna ku habboonayn. Qur’aan, axaadiis iyo
ducooyin badan ayaa lagu soo arooriyay wahsiga,
dib-u-dhigidda cibaadada iyo caajisnimada xad
dhaafka ah.

87
Ha Dooran Guul Daro

Three.2.8 Qofkaoo Quustah (Is Dhiibah)


Waa maxay Quusasho?
Waa rajo beelid iyo in aad ka quusato in aad wax
qaban kartid ama qabsan kartid sida in aad ku
calaacasho Maxaan sameyn karaa? Ma anigaa
dadkaa gaara? Waxaan oran karnaa; waa dabar
adag oo qofka uga xiran maskaxda kaas oo u
diidayo in uu dhaqdhaqaaq xor ah sameeyo, in uu
fekero, kadibna qofka dhaxalsiiso in uu aamino in
uusanba ahayn wax jiro. Qofka muslimka ah ee
diinta macaanka badan ee islaamka ilaahay ku
manneystay marnaba ma niyad jabo ma quusto ma
dhaco mana dheeliyo, sidee buu u quustaa iyadoo
qur’aanku leeyahay: “Wuxuu yidhi Yacquub)
Wilashayow taga oo soo daydaya (Warkii) Yuusuf
iyo Walaalkiis hana ka quusanina naxariista Eebe
(Farajkiisa) kama quusto farajka Eebe qoom
gaala ah mooyee” (Yusuf 12:87).

‫سوا ِمن يُوسُفَ َوَأ ِخي ِه‬ ُ ‫س‬َّ ‫(يَا بَنِ َّي ْاذ َهبُوا فَت ََح‬:‫قال تعالى‬
‫ح هَّللا ِ ِإاَّل‬ ُ ‫ح هَّللا ِ ۖ ِإنَّهُ اَل يَ ْي'َأ‬
ِ ‫س ِمن َّر ْو‬ ِ ‫س'وا ِمن َّر ْو‬ ُ ‫َواَل تَ ْيَأ‬
.)  َ‫ا ْلقَ ْو ُم ا ْل َكافِرُون‬
88
Ha Dooran Guul Daro

Sidee baaad ku quusataa adigoo aaminsan


in wax walba ay ku dhacayaan qaddarta Ilaahay,
miyuusan Eebbe kor ahaaye oran:“Wixii dhib
ah oo Dhulka ka dhaca ama naftiinna ku dhaca
wuxuu ku sugnaaday Kitaab Abuuriddiisa ka hor,
arrintaasuna waa u fududdahay Eebe”. “Si
aydaan ugu murugoonin wixii idinka taga aydaan
uguna farxin wuxuu idin siiyo, Eebe ma jecla
Ruux kasta oo isla wayn oo faanbadan” (Al-
Xadiid 57: 22 &23).
‫ض َوال فِي‬ ِ ‫ص'يبَ ٍة فِي اَأل ْر‬ ِ ‫اب ِمن ُّم‬ َ '‫ص‬ َ ‫( َم''ا َأ‬:‫قال تع''الى‬
ِ ‫ب ِّمن قَ ْب ِل َأن نَّ ْب َرَأهَا ِإنَّ َذلِكَ َعلَى هَّللا‬ ٍ ‫س ُك ْم ِإالَّ فِي ِكتَا‬ ِ ُ‫َأنف‬
‫سي ٌر‬ ِ َ‫ي‬
‫س ْوا َعلَى َما فَاتَ ُك ْم َوال تَ ْف َر ُحوا بِ َما آتَ''ا ُك ْم َوهَّللا ُ ال‬ َ ‫لِ َك ْيال تَْأ‬
.)‫يُ ِح ُّب ُك َّل ُم ْختَا ٍل فَ ُخو ٍر‬
Haddaba, Quusashadu waxay u qeybsantaa
labo oo kala ah in aad ka quusato naxariista
ilaahay, mana bannaano diin ahaan iyo in aad ka
quusato hawlaha adduunyada wax ka mid ah.
Quraanka wuxuu qofka muslimka ah ku
boorinayaa in uusan quusan waligii oo mar walba
89
Ha Dooran Guul Daro

uu rumeysnaado in haddii uu albaab xirmo


midkale furmaayo.
Alle kor ahaaye wuxu yiri: “Ha kamid noqonin
kuwa quusta” (Al- Xijr 15:55).

ِ ِ‫ا ْلقَان‬
(. َ‫طين‬ َ‫(فَاَل تَ ُكن ِّمن‬:‫قال تعالى‬

Cabdullahi bin mascuud wuxuu yiri: “in aan


dhinbil dab ah afka ku hayso inta ay ka dameyso
ayaa ii dhaanto in aan iraahdo wuxuu ilaahay
qadaray maxay u dhaceen? Sideebey u dhaceen?”
Waxaa.jiro.xadiis.qudsi.uu.Ilaahay.leeyahay:“Wa
xaan sameyaa sida uu addoonkeyga iga maleysto
ee siduu doono ha iga maleysto. Bal adba ka fikir
Rabbigi ku uumay ayaa sidaa ku leh mar walba
wanaag iyo kheyr filo, mustaqbal ifayo, rajo
wanaagsan baraare iyo in aad ka baxayso mugdi
waliba oo aad dareymeyso”.
Haddaba, Maxaa keena rajo beelka?Waxaa
sababi kara dhowr arrimood waxan kuso Koo
baynaa labo arrin. In uu yahay qof degdegayo,
iIlaahay waa kan leh ibnu aadanku waa mid deg-
degsiimo badan. Qofka deg-dega waa qofka dadka
90
Ha Dooran Guul Daro

ugu nolol gaaban, col hortiis ayuu jabaa wax


walba waqti ayey u baahanyihiin haddii ay kaa
soo daahaan wax aad sugeysay kama dhigno in
aad wayday iyo qofka waxaa sababi kara in uu
quusto in muraayadaha uu wax ku eego yihiin
waxa uu arko kaliya ee dhulka yaalo ee aanba
qorshaha ku darsan doonista Ilaahay iyo
maamulka sare.
Nabiga (SCW) waxaa dhibi jiray koox ka
mid ah reer Qureysh ilaa ay mandheerta xoolaha
dhabarka ka saaraan asagoo sajuudsan kadibna ay
ku qosqoslaan. Nabiga salaadiisi iyo sujuudiisi
ayuu iska watay ilaa ay Faaduma bintu Rasuul u
timid oo ay ka tuurtay. Nabiga (SCW) mid mid
ayuu u habaaray raggi dhibaayay waxaa ka mid
ahaa Abuu Jahal.
Ibnu Mascuud RC wuxuu leeyahay maalinti
Badar ayaan kor istaagay bakhtiga raggi uu nabiga
habaaray.
Ha quusan ha niyad jabin ha u maleynin in
aad sii wadi karin horumarinta waxa aad rabto
rabbigaa kaasho sabar iyo dulqaad adag samee
waad gaareysaa idinka Alle. Miyuusan Eebbe
91
Ha Dooran Guul Daro

kor ahaaye oran: “Culayskasta waxaa ka


danbeeya fudeed” (Al-sharx 94:6).
)‫س ًرا‬ ْ ‫(َأنْ مع ا ْل ُع‬
ْ ُ‫س ِر ي‬

Haddaba, Mar walba ku celceli aayaddaas


wayo qofka bay ku beereysaa rajo iyo in uu horey
u socdo.
Qiso layaab leh oo ku tusaysa in aadan
waligaa quusan. Haddabaaan akhrino qisada
Salman alfaarisi' Taariikh nololeedkii iyo xaqiiqo
raadintii Salmaan Al-faaris.Salmaan Al-faarisi
waa mid kamid ah saxaabada, ugu waaweyn ee
saxaabadii Nabiga (N.N.K.H), wuxuu kasoo jeeda
Dawladii Faaris ee ka talinjirtay badanaa Dhulka
Ciraaq iyo Iraan. Salmaan wuxuu daganaa
magaalada Asfahaan halkaas waxa ku noolaa
Salmaan Aabihii oo ahaa maalqabeen ganacsade
ah oo madaxna u ah deegaanka uu degenaa.
Salmaan Aabihii aadbuu u jeclaa oo jacaylkaas
xad dhaafka ah wuxuu keenay inuu silsilad ku
xidho oo uu ilaaliyo Salmaan.
Salmaan diinta uu haystay waxay ahayd
diinta Majuusiyada ee dabka caabuda, wuxuuna
92
Ha Dooran Guul Daro

ka gaadhay heer uu Dabka shido oo uu holciyo


isagoon u ogolaanayn in Dabkaasi uu mar qudha
damo. Salmaan wuxuu yidhi: maalin ayuu
Aabahay ku mashquulay dhismo kadibna wuxuu
ii diray ganacsigiisii, intaan jidka kusii jirayba
waxaan arkay Kaniisad ay rag ku
cibaadaysanayaan, markaasaan iska dul fadhiistay
oo waxaan jeclaystay cibaadadooda kadibna waan
raagay oo aabahay dadbuu iisoo diray i raadinaaya
dabadeedna fiidkii ayaan u imi aabahay, waxaanu
i waydiiyey meeshaan ku maqnaa?
Waxaan idhi; waxaan dul fadhiistay
Kaniisad ay rag Nasaaro ah ay ku cibaaday sana
yaan, kadibna way i cajab gelisay. Salmaan
Aabhii wuxuu ku dhahay; Salmaanoow, diinteen
ayaa ka fiican ee ku sugnow majuusidaada.
Salmaan wuxuu dhahay: ilaahbaan ku dhaartee
diintoodaa inaga fiican kadibna Salmaan waa la
xiray oo loo diiday in cid la kulmo isagoo Aabihii
uga cabsanayo in laga fitneeyo diintiisa.
Salmaan isagoo xiran wuxuu dirsaday cid
uga war keenta Ragii Kiristanka ahaa, maalintii
danbe ayaa waxa yimid magaaladii Asfahaan rag
93
Ha Dooran Guul Daro

ka yimid dhulka Shaam oo ahaa Kiristan oo


ganacsato ahaa dabadeedna cidbuu dirsaday
Salmaan uga warranta goorta ay ragaasi dib ugu
laabanayaan Dimishiq.
Maalintii danbe ayaa loo sheegay in Raggii
dib ugu laabanayaan Dimishiq markaasuu xariga
goostay Salmaan oo raacay raggii, markuu
Salmaan tagay Dimishiq ayuu dadka waydiiyey
wadaadka ugu yaqaan diinta Kiristanka? Waxa
loo sheegay nin wadaad ahaa oo jooga meel
Kaniisad ah, ninkii ayuu Salmaan u tagay kuna
dhahay: Ninyahow waxaan rabaa inaan kula
joogaa oo aan diintiina wax ka barto, ninkii waa
soo dhoweeyey balse Salmaan ninkan
waa karaahiyeystay oo wuu nacay sababtuna
waxay ahayd ninkan kaniisada jooga wuxuu ahaa
tuug dadka xoolaha ka qaada oo kadibna sanduuq
ku rita cidna waxba muusan siin jirin.
Maalintii danbe ayuu ninkii kaniisada
joogay dhintay, markaasay dadkii dooneen inay
aasaan hase ahaatee ninkii Salmaan ayaa ku
dhahay; Ninkan aad aasaysaan wuxuu ahaa nin
dhaqan xun leh oo xoolaha uu idinka qaado ayuu
94
Ha Dooran Guul Daro

kaydsan jiray. Dadkii waxay dhaheen. Mana tusi


kartaa meesha uu ku qarin jiray lacagta, kadibna
wuxuu tusay meel uu ninkii ku aasay todoba
sanduuq oo Dahab ah. Dabadeedna dadkii oo
cadhaysan ayaa dhagax la dhacay ninkii dhintay
kadibna in ay aasaan iska dhaafe way rajmiyeen
oo salbiyeen.
Kadib, Kaniisadii waxa la keenay nin kale
oo ka duwan ninkii hore, Salmaan wuxuu yidhi:
ninkan waan jeclaystay oo wuxuu ahaa nin aad u
wanaagsan, kaliya waxa ka fiican ninka tukada
shanta salaadood, hase ahaatee ninkan odaybuu
ahaa oo markiiba geeridii ayaa kusoo kadisay
kadibna Salmaan wuxuu ku dhahay odaygii
intaanu dhiman: Nin yahaw waa tan oo waad
dhimanaysaaye ee ii dardaaran yaa haysta
diintaadan oo aan la noolaada? Ninkii wuxuu
yidhi: ma garanayo cid kale oo waxan aan
haysano iminka haysta marka laga reebo nin jooga
magaalada Mowsil. Kadibna waan aasnay ninkii
ayuu yidhi Salmaan oo waan soo safray oo imi
magaaladii Mowsil.

95
Ha Dooran Guul Daro

Salmaan wuxuu dhahay: ninkii Mowsil


joogay ayaan u tagay oo ku dhahay; ninyahaw
ninbaa ii kaa soo tilmaamay joogay Dimishiq
waxaanan doonayaa inaan kaa barto aqoonta
diintaada ee aan kula joogo oo aan wax kaa barto,
ninkii wuxuu yidhi; waayahay wiilkaygoow soo
dhowoow. Markuu mudo la joogay Salmaan
ninkii Mowsil joogay ayaa waxaa isna kusoo
kadisay geeridii, sidii ninkii hore oo kale ayuu
Salmaan ku dhahay ninyahaw ii dardaaran,
wuxuuna ninkii yidhi: waxa jiran nin kaliya oo
jooga magaalada Nusaybiin ee ninkaa u tag oo
wax ka baro.
Ninkii markuu dhintay ayuu Salmaan usoo
safray magaaladii Nusaybiin una yimid ninkii
kaniisada joogay, wuxuuna ku dhahay: Ninyahaw
waxaan rabaa inaan kula joogo oo aan wax kaa
barto wuxuu dhahay ninkii: wiilkaygoow soo
dhowoow.Salmaan ninkan waa ka helay oo
wuxuu yidhi: Ninkana wuxuu ahaa nin wanaagsan
oo lamid ah labadii nin ee hore, hase ahaatee
maadaama raggani ay ahaayeen rag odayaal ah.

96
Ha Dooran Guul Daro

Sidoo kale waxa kusoo booday geeridii,


kolkaasuu Salmaan ku dhahay, wadaadoow ii
dardaaran oo xagaan qabtaa yaanse la kaashadaa
diintan? Odaygii wuxuu yidhi: anigu ma
garanayo cid ku sugan waxaan ku suganayn
ragayagani marka laga reebo nin jooga
Camuuriya ee ninkaas u tag ayuu dhahay odaygii
intaanu dhiman kahor.
Salmaan waa soo safray markuu ninkii
joogay Nusaybiin uu geeriyooday, wuxuuna
yimid magaalada Camuuriya wuxuuna ugu tagay
ninkii wadaadka ahaa. Mudona waa la joogay
hase ahaatee ninkana waxa soo haleelay seeftii
geerida kolkaasuu Salmaan ku dhahay;
wadaadoow ii dardaaran, wuxuuna ku dhahay; cid
kale oon kuu dardaarmo ma jiro marka laga reebo
Nabi soo baxaya oo kasoo baxay dhul leh labo
buurood waana dhulka Carabta.Nabigaasina
wuxuu leeyahay sadex sifo oo kala ah; “Sadaqada
ma cuno, hadiyadase wuu cunaa sidoo kalena
waxa labadiisa garab dhexdooda ku taala
shaanbada nabinimada oo ay ku qorantahay
muxamed waa rasuulkii Ilaahay”.
97
Ha Dooran Guul Daro

Salmaan wuxuu yidhi: intaan la joogay ninkan


ayaa waxaan dhaqday raxan ariya kadibna waxaan
doonay inaan u safro dhulka Carabta markuu
dhintay wadaadkii Camuuriya joogay.Salmaan
wuxuu la kulmay rag Carbeed oo ku socda dhulka
Carabta wuxuuna ku dhahay; Nimanyahow
waxaan rabaa inaad i gaysaan dhulka Carabta ee
labada buurood leh ee timirtana leh, waxaanan
idin siinayaa xoolahayga.
Dabadeedna nimankii ayaa soo kaxeeyey
oo keenay meel u dhow dhulkaan Carbeed aan
rabay. Balse nimankii carbeed way i khiyaameen
oo waxay iga iibiyeen sida adoonki nin
Yahuudiya sidoo kale xoolahaygii ayey dhaceen.
Ninkii Yahuudiga ahaa ayaan mudo la joogay
kadibna wuxuu iga sii iibiyey nin kale oo
yahuudiya oo deganaa magalada Madiina.
Magaaladan markaan imi ayaan
garwaaqsaday inaan joogo meeshii ninkii
Camuuriya joogay ii soo tilmaamay, waxaanan
arkay labadii buurood iyo dhulkii timirta lahaa.
Mudo markaan joogay ayaa ninkii madaxa ii ahaa
ee Yahuudiga haa waxaa u yimid nin kale oo ay
98
Ha Dooran Guul Daro

ilmo adeer yihiin wuxuuna ku dhahay: Carabtii


reer bani Qayla (ansaartii) waxay ku wada
kulmeen nin sheeganaya inuu nabi yahay oo ka
yimid Makkah.
Salmaan wuxuu dhahay: markaan maqlay
warkii ninkaas ayaan ku dhowaaday inaan kasoo
dhaco geed timir ah oo aan saarnaa kadibna intaan
soo degey ayaan ku idhi Yahuudigii; war
ninyahaw maxaad tidhi? bal warka iigu celi!!
Dabadeedna ninkii yahuudiga ahaa ee madaxda ii
ahaa ayaa feedh igu dhuftay oo dhahay: waxba
kaama galin ninkaas ee shaqadaada qabso.
Salmaan wuxuu yidhi: markaan yaqiinsaday
in Nabi Muxamed joogo madiina ayaan damcay
inaan sifooyinkii aan ogaado, wuxuu yidhi;
waxaan soo qaaday cunto sadaqo ah oo aan u
keenay nabiga markaasuu u gudbiyey
saxaabadiisa isaguna waxba muusan cunin.
Maalintii danbe ayaan u keenay cunto hadyad ah
waxaan ku dhahay: Rasuulkii Ilaahayow, waxaan
arkay inaadan cunayn sadaqada ee waxaan kuu
keenay hadiyadan si aad u cunto kadibna Nabigu
waa cunay hadiyadii, Salmaan wuxuu naftiisa ku
99
Ha Dooran Guul Daro

leeyahay: ilaahbaan ku dhaartee sifooyinkii labaad


waad haysaa waxa kaliya kuu dhiman shaanbadii
labad garbood dhexdooda.
Maalin kale ayuu Salmaan u yimid Nabiga
oo jooga xabaalaha Baqiic oo aasaya mid kamid
ah saxaabadiisa oo geeriyooday, markaasu
Salmaan ku dul wareegay Nabiga dhabarkiisii
isagoo fiirinaya calaamadii shaanbada kolkuu
Nabigu arkay ninkan ku dul wareegaya ayaa
go’iisii ka qaaday dhabarkiisa markaasuu
Salmaan arkay shaanbadii kadibna intuu kusoo
booday Nabiga ayuu dhunkaday oo xabadka
geliyay.
Nabiguna wuxuu ku dhahay bal soo wareeg
oo warkaaga noo sheeg, kadibna Salmaan ayaa
taariikhdiisii uga waramay markaasbay cajab
galisay warkiisii.Salmaan adoon ayuu u ahaa
ninka Yahuudiga ah wuxuna Nabigu ku dhahay
markuu islaamay kadib: Salmaanoow, ninkan
waxaad kala qorataan waraaq kolkaas haku
xoreeyee. Salmaan ilaahay raali haka ahaadee
wuxuu kaga mashquulay dagaalkii Badar iyo
Uxud arrinta adoonimada.
100
Ha Dooran Guul Daro

Kadibna ballan ayey kala qorteen


Yahuudigii wuxuuna ku dhahay: hadaad rabto
inaad xor noqoto waxaan kaa rabaa inaad ii qodo
sadex boqol oo geed timireed ah iyo ukun wax la
eeg oo dahab ah. Kadibna nabiga ayuu u yimid
wuxuuna u sheegay warkii.
Salmaan saxaabadii ayaa caawiyey oo geed
timireed siiyey kadibna Nabiga ayaa ku dhahay:
Salmaanoow, intaanad beerin timirta ii yeedh
markaasuu Salmaan u yeedhay Nabigii kadibna
Nabiga ayaa gacantiisa barakaysan ku abqaalay.
Salmaan wuxuu dhahay: Ilaahbaan ku dhaartee
dhamaan dhirtii uu nabigu gacantiisa ku beeray
mid kaliya oo kamid ah maysan qalalin ee
dhamaantood way wada baxeen oo noqdeen dhir
baxday oo midho leh.
Maalin kale ayuu Nabigu siiyay Salmaan
dahab le'eg ukun yar kuna dhahay waxaad u
geysaa Yahuudiga kadibna Salmaan waa u geeyey
Yahuudigii sidiibaanu ku xoroobay. Salmaan
markuu xoroobay wuxuu ka qaybgalay dhamaan
goobihii uu Nabigu taagnaa oo dhan,

101
Ha Dooran Guul Daro

saxaabiganina waa saxaabigii Nabiga u tilmaamay


inuu qodo godkii Axzaab.
Haddaba, Nabigu wuxuu yidhi: ilaahay
wuxuu jeclaaday afar, anigana waxa lay faray
inaan jeclaado, afartuna waa Cali Ibnu Abu
Daalib, Abudar Al-qafaari, Miqdaad Ibnu Al-
Aswad iyo Salmaan Al-Faarisi.Xadiis kale wuxuu
leeyahay: Jannadii waxay u xiistay sadex
waxayna kala yihiin: Cali Ibnu Abu Daalib,
Camaar Ibnu Yaasir iyo Salmaan Al-Faarisi.
Salmaan wuxuu la noolaa saxaabigii
Abudardaa, saxaabigan abudardaana wuxuu ahaa
nin habeen oo dhan salaad u taagan, maalin oo
dhana sooman kadibna waxa ka cabatay xaaskiisii
Umu-dardaa markaasuu Salmaan la taliyey
abudardaa oo ku dhahay: Abu Dardaayoow, ogow
naftaadu xaqbay kugu leedahay, ehel kaaguna xaq
ayuu kugu leeyahay ee marna soon marna afur.
Sidoo kalena habeenkii tuko seexana macnaha
noloshaada isu dheeli tir. Arrintaas ayaa loo
sheegay Nabiga markaasuu yidhi: Salmaan waa
nin laga buuxiyey Cilmi.

102
Ha Dooran Guul Daro

Salmaan ilaahay haka raalli noqdee wuxuu


geeriyooday sanadkii 36 aad ee khilaafadii
Cusmaan ibnu Cafaan, intaanu dhiman kahorna
wuxuu ku dhahay xaaskiisii isagoo furaashka
geerida saaran, waxa ila jooga dad aan waxna
cunin sidoo kalena aan waxna cabin ee waxaad ii
keentaa cadar ama barfuum oo ku buufi
sariirtayda sababtoo ah waxbay ursadaan, markay
soo noqotay xaaskiisu waxay aragtay saxaabigii
oo la oofsadayba Ilaahay ha u naxariistee.
Waa.qiso.aad.u.qiimo.badan!
Haddaba, Maxay tahay sababta keenta
qofku in uu quusto? Wax yaalaha keena inuu
quusto qofku waxa ka mid ah. Qofka oo aan
iimaan.lahayn. Iimaan la’aantu ama in aadan
rumaysan qadarta Alle waxay sabab u tahay guul
daro iyo rajjo bayl. Alle kor ahaaye wuxu
yiri:“Anagaa wax walba ku abuurnay qadar
(qiyaas)” (al-Qamar 54:49).

)‫(ِإنَّا ُك َّل ش َْى ٍء َخلَ ْق ٰنَهُ بِقَ َد ۢ ٍر‬:‫قال تعالى‬

103
Ha Dooran Guul Daro

Haddaba Ha quusan walaalkay iyo


walaashay ee usoco huray ha wel-walin.
Sido kale waxaa sababa qofka oo jaahil
ah. Jaahil nimado waa cudur xun marnaa
masina jahil iyo aqoon yahan ilaahayba
(SWT) inoogu sheegay qur'aankiisa
kariimka ah ee sharafta badan.

104
Ha Dooran Guul Daro

Three.2.9 Qofka oo aan Lahayn Go'aan


Sababta keenta qofku in uu guul daraysto waxaa
ka mid ah in uu qofku lahayn go'aan dhab ah.
Hadaba a how qof go'aan leh Rabbi na talo saaro,
La imow go'aan adag. Go'aan ka adag, tani
macnaheedu waa inuu qofku la yimaado go'aan
adag uu wax uga bedelaayo waxa uu
damacsanyahay inuu iska badalo. Waa tii Alle
(SWT) uu rasuulkiisa nabadgalyo iyo naxariisi
dushiisa ha ahaatee ku yiri:Alle.wayne.wuxu.yiri:
“Markaas haddaad wax goosatana talo saaro
Eebe (Ku Dhaqaaq), Eebe wuxuu Jecelyahay
kuwa Tala Saartee” (Al-cimraan 3:159).

‫(فَ'ِإ َذا َع' َز ْمتَ فَت ََو َّك ْل َعلَى ٱهَّلل ِ ۚ ِإنَّ ٱهَّلل َ يُ ِح ُّب‬:‫ق''ال تع''الى‬
.) َ‫ٱ ْل ُمت ََو ِّكلِين‬

Haddaba, aayadaas waxay natusinaysaa


inuu Alle subxaanahu watacaalaa uu rasuulkiisa
amray haduu go’aansado arrin, waa inuu fuliyo,
105
Ha Dooran Guul Daro

Allena talo saarto. Sida darteed qofka waxaa laga


doonayaa inuu go’aan adag la yimaado marka uu
rabo inuu isbedel sameeyo, Allena uu talo saarto.
Go’aan sax ah inaad qaadato waa shayga ugu
muhiimsan ee noloshaada bedelaaya. Go’aan
qaadashada marka laga sheekaynaayo weliba
hogaamiyaasha maamulka marka laga hadlayo
waxaa la yiraahdaa arkaan buu leeyahay. Kan ugu
horreeya waa qorsheynta kan ku xigana waa
nidaaminta, jihaynta iyaduna waxay kamid tahay
arkaanta.
Haddaba, qof ku waa in uu Samey
talaabooyinkan:
1) Arrin kasta oo kugu timaada go’aan ka qaado,
waligaana iska ilaali ka noq noqodka. Qaado
go'aanka rabbi nah tallo saaro.
2) Noqo qof ay ka go’antahay inuu horumar gaaro,
waayo qofku hadaanu lahayn go’aan qaadasho,
dhab ah, wey adag tahay in uu horumar shaqsi
yadeed.gaadho.
3) Alle subxaana watacaalaa talo saarso. Wanaaji
Xiriirka Aad Illaahay la leedahay waayo guul
xumada ugu horaysa ee noloshu wuxuu ka
106
Ha Dooran Guul Daro

bilaabmaa in qofku ku guul daraysto inuu la


xiriiro ilaahay.

Three.2.10 Qofkaoo aan Alle Talo Saarsan


Qofka muslimka ah iimaankiso qawi yahay waa
kii marwalba Alle (SWT) talada u dhiibta
marwalba nah Alle tawakala. Tawakalka waa
qayb ka mid ah caqiidadeenna, waxaa ku xidhan
qiimaynta iyo inta uu le'eg yahay qofka
iimaankiisu. Allaah, Subxaanah, isaga ayaa haya
taladeenna, isagaana og wixii uu noqonayo
masiirkeennu, wuxuuna Ina faray inaan isaga ku
kalsoonaanno oo isaga u dhiibanno taladeenna.
Wuxuu si khaas ah mu'miniinta u faray inay
Allaah ku kalsoonaadaan, wuxuuna yidhi:
“Eebana talo saarta haddad mu'miniin tihiin”
(Al-maa'idah 5:23).

(.‫( َعلَى هَّللا ِ فَتَ َو َّكلُوا ِإنْ ُك ْنتُ ْم ُمْؤ ِمنِين‬:‫قال تعالى‬

Qofka muslimka ahna waxaa looga baahan


yahay inuu xaalad walba ahaado qof ku xidhan
107
Ha Dooran Guul Daro

Allaah Subxaanah, oo uu xilli walba xasuusnaado


inuu yahay Allaah keliya Axadka waxna u tari
kara, waxna kuyeeli kara.
Inuu aamino inaysan jirin cid kale oo la
weheshado ama la rajeeyo oo aan ahayn Allaah.

Allaah Subxaanah, wuxuu mar walba


Rasuulka (SCW) uu kutarbiyadaynayey inuu
qalbigiisu ku xirnaado Allaah, Subxaanah, oo uu
mar walba Ilaahay tawakulo oo uu talo-saarto.
Alle wayne wuxuu yiri: “haddayse jeedsadaan
Dadku waxaad dhahdaa Kaalmeeyahaygu waa
Ilaahay 'Eebe mooyee Ilaah kalana ma jiro
isagaana talo saartay waana Eebaha Carshiga
wayn” (At-Tawbah 9:129).
ٰ ْ ‫(فَ'ِإن ت ََولَّ ْوا فَقُ' ْل َح‬:‫قال تع''الى‬
َ '‫س'بِ َي هَّللا ُ اَل ِإلَ' هَ ِإاَّل ُه‬
ۖ ‫'و‬
.)‫يم‬ ِ ‫ش ا ْل َع ِظ‬
ِ ‫َعلَ ْي ِه تَ َو َّك ْلتُ ۖ َوه َُو َر ُّب ا ْل َع ْر‬

Abu-Bakr, Allaah haka raalli noqdee,


wuxuu Anas Ibnu Maalik uga sheekeeyey,
xadiiska ay warinayaan Bukhaari iyo Muslim inuu
108
Ha Dooran Guul Daro

ku yidhi: Markii aan aniga iyo Rasuulku (SCW)


aannu godka ku jirnay (oo gaalada kaga
dhuumanayney), ayaan arkay lugihii gaalada oo
madaxyadeena dul-yaala, markaas ayaan
Rasuulka ku idhi: Rasuulkii Ilaahayow, haddii
midkood uu fiiriyo lugihiisa way ina arkayaan!!!
Markaas ayaa Rasuulku (SCW)
wuxuu igu yidhi: "Abaabakarow, maxay kula
tahay (inay ku dhacayaan) laba isla socota oo
Allaah-na uu Saddex ku yahay?" Aayadduna
waatii hadalkaa ayiday.
Rasuulku wuxuu xaaladdaa iyada ah ku
sugnaa tawakulkii ugu sareeyay. Wuxuu Ogaa
maaddaama uu amarka Allaah ku socdo in amarka
Allaah uu fuli doono oo heli doono ballan-
qaadyadii uu Rabbi hore u siiyey, isla markaana in
gaaladani ayna wax dhib ah gaadhsiin karin.
Waxaa arrinkaa markii uu Fircoon iyo
gaaladiisii ay soo caydhsadeen Nebi Muuse (CS)
iyo Asxaabtiisii, oo markii ay asxaabtiisii aragtay
in ciidankii Fircoon usoo dhaw yahay ay
cabsadeen, laakiin arrinkaa waxaa ka diiday
Muuse wuxu ku cad yahay qur’aan. Allewayne
109
Ha Dooran Guul Daro

wuxu yiri “Markay isu Muuqdeen Labadii


Kooxood waxay Dheheen Asaxaabtii Nabi Muuse
Inaga waa Layna Haleelay”. “Wuxuuna Yidhi
(Nabi) Muuse Saas ma aha ee Eebahaybaa ila
jira wuuna i Toosin” (Ash-Shu’arah 26: 61 &62).

‫سى‬
َ ‫اب ُمو‬
ُ ‫ص َح‬ ْ ‫(فَلَ َّما ت ََرا َءى ا ْل َج ْم َعا ِن قَا َل َأ‬:‫قال تعالى‬
)‫ين‬ َ ‫ِإنَّا لَ ُم ْد َر ُكونَ • قَا َل َكال ِإنَّ َم ِع َي َربِّي‬
ِ ‫سيَ ْه ِد‬

Tawakalka Alle la talosaarto waa Shay cajiib ah


markaad akhriso qisooyinka. Qiso cajiib ah oo
nabiga (SCW) ka sugnaatayJaabir (A.K.R.)
wuxuu sheegay: Inuu la socday nebiga (SCW) oo
dagaal jihaad ah ugu socday dhinaca Najd markii
dagaalkii dhammaadayna uu la soo laabtay. Goor
harsimaad ah baa wuxuu duulkii soo gaaray tog
leh geedo qodxa badan, halkaasoo rasuulku
(SCW) harsaday geed qurac ah, asxaabtiisiina ay
kala firidhay iyadoo qof waliba har wanaagsan
dayanaayo.

110
Ha Dooran Guul Daro

Nabigu wuxuu surtay seeftiisii laan ka mid


ah laamihii geedka, waana seexday. Anaguna
sidoo kale baanu unasanay, mise goor dambe baan
maqallay Nebigii (SCW) oo noo yeeraya. Waa u
nimid si degdeg ah mise nin reer miyi ah baa
agtiisa fadhiya. Nabigu (SCW) wuxuu nagu yiri:
‘Ninkani anigoo hurda ayuu seeftaydii la baxay.
Waxaan toosay iyadoo gacanta ugu jirta oo gal la’
wuxuuna igu yiri: Yaa hadda iga kaa badbaadin
kara? Waxaan ku iri: Alle baa iga kaa
badbaadinaya kuna celceliyey weedhaa seddex
jeer.
Nabigu (SCW) sare buu u soo fariistay, wax
na ma yeelin ninkaasi (Bukhaari iyo Muslim).
Rabbi oo latalo saarto waa arin qiimo iyo qaayo
leh cirib danbeedkiisa ay tahay farxad iyo guul.

Haddaba,aan akhrino qisadan aadka


qiimaha u leh waa qisadii macruufka aheed Nabi
Yusuf (CS) Dhinac marka laga eegu Yacquub
(CS) waa aabaha Yusuf (CS) Yacquub wuxu talo
saartay Alle subxaana watacaalla markuu wayay
wilkiisa Yusuf. Allaah baana u soo celiyay will
111
Ha Dooran Guul Daro

kiisii Yusuf markale. Dhinaca kale Yusuf (CS)


waa la imtixaamay waxaa kadoontay xumaan
xaaskii boqorka oo la noolaa Yusuf (CS) wunah
ka diiday. Wuxuu ka doortay jeelka(xabsiga)
isagoo talo saartay Allah ugu danbeenti wuxu
noqday guulayste.
Qisada Nabi Yuusuf waxa uu Eebe ku
tilmaamay inay tahay qisada ugu wanaagsan, ee
ku soo aroortay Quraanka kariimka ah iyo waliba
kutubtii hore ee Eebe soo dajiyey. Nabi Yusuf
waxa uu ka soo jeedaa qoys wada Nabiyo ah,
sidaa awgeed ayaa loogu yeedhaa Kariim, Ibnu
Kariim, Ibnu Kariim, Ibnu Kariim. Sidaan la
socono Nabi Yuusuf waxa dhalay Nabi Yacquub,
Nabi Yacquubna waxa dhalay Nabi Isxaaq, Nabi
Isxaaqna waxa dhalay Nabi Ibraahiim (Alkhaliil).
Qisadu waxay ku bilaabmaysaa Nabi
Yuusuf oo ku arkay riyo 11 meerayaal,
(meerayaal, xidigood) Qorraxda iyo Dayaxa oo
usujuudsan. Nabi Yuusuf waxa uu uga warramay
riyadiisa aabihii Nabi Yacquub (N.N.K.H).Nabi
Yacquub waxa uu gartay in wiilkiisa yar, la
imtixaani doono markaasuu ku yidhi wiilkaygoow
112
Ha Dooran Guul Daro

“ha uga warramin riyadaada walaaladaa, sababtoo


ah Nabi Yacquub (N.N.K.H) wuxuu ka baqay in
Yuusuf walaaladii ay xaasidaan, Shaydaankuna
ku diri karo. Nabi Yacquub waa jeclaaday
wiilkiisa Yuusuf, maadaama uu ku arkay
sifooyinkii Nabiyada iyo akhlaaqdiisa wanaagsan
darteed.
Nabi Yuusuf walaaladii oo ahaa (10) wiil
oo isku hooya ah, ayaa xasdi u qaaday Yuusuf iyo
walaalkii Binyamin. Waxay dareemeen in
aabahood uu aad u jecel yahay Yuusuf iyo
walaalkii Binyamin. Waxayna is waydiiyeen
siday u dhici karto in aabahood ka fadilo Yuusuf,
ayagoo koox xoogan ah.

Waxay aabbahood ku eedeeyeen inuu ku


sugan yahay baadi, oo arrintaasi aanay sax ahayn.
Maalin maalmaha ka mida ayaa Yuusuf
walaaladii tashadeen oo go’aamiyeen inay ka
takhalusaan Yuusuf kadibna ay kusoo hadhaan
ayagu aabahood, oo dabadeena ka toobad keenaan
danbiga. Sababta ay u dhakrayeen Nabi Yuusuf
waxay ahayd oo kaliya, “muxuu aabahayo nooga
113
Ha Dooran Guul Daro

jecelyahay yusuf”. Mid kamida walaaladii ayaa


yidhi ha dilina Yuusuf, ee ku tuura Ceel salkiis, ha
qaataan dadka safraa.
Go'aankii ayey isku raaceen kadibna waxay
u yimaadeen aabahood Nabi Yacquub oo ku
dhaheen “Aaboow maxaad noogu aamini la’dahay
Yuusuf annagoo u nasteexaynaaya, nala dir beri si
uu noola cayaaro waana ilaalinaynaa” Sidoo kale
waxay jacayl been ah u muujiyeen walaalkood
Yuusuf oo ah wiil yar oon qaangaarin.
Yuusuf wuxuu mooday inuu la cayaarayo
walaaladii, oo markii ugu horreysay uu la baxayo
walaaladii, sababtoo ah waqtiga inta badan waxa
uu la qaadan jiray aabihii, walaaladiina waxay
umuujin jireen cadaawad iyo xiqdi. Nabi Yuusuf
ma dareensanayn inay walaaladii dhagar u
maleegeen, habeenkii waxa uu ku seexday isaga
oo faraxsan oo isleh waxaad la cayaari
walaaladaa.
Nabi Yacquub (N.N.K.H) wuxuu yidhi “waxaa i
welwel galinaysa inaad la tagtaan Yuusuf kadibna
Yaygu cuno idiinkoon ogayn”. “Yuusuf
walaaladii waxay dhaheen siduu Yaygu u cunayaa
114
Ha Dooran Guul Daro

annagoo ah koox, hadday dhacdana waxaan ka


mid nahay kuwa khasaaray”.
Nabi Yuusuf (N.N.K.H) waa faraxsanaa, oo
wuxuu maqlayey walaaladii oo ballan ka
qaadayey aabahood inay ilaalinayaan hase ahaatee
Nabi Yacquub wuu dareemay inay jirto dhagar
qarsoon.Nabi Yacquub waa ku aaminay wiilkiisii
yaraa walaaladii, waanay la tageen Yuusuf
kadibna ka saareen shaatigii uu sitay, kuna
tuureen ceel salkii, ayagoo ku qoslaya oo ku leh
Yuusufoow aabahayo wuu ku jeclaa, maantana
waxaad ku jirtaa ceel salkii, halkaasbayna iskaga
tageen.
Yuusuf waxa uu qabsaday dhagax yaalay
Ceelka salkiisa, kadibna waa u yeedhay walaaladii
laakiin dheg umay dhaadhicin ee way iskaga
dhaqaajiyeen. Nabi Yuusuf waxa uu dareemay
cabsi, waxaanu xasuustay aabahii iyo sidii uu
ujeclaa iyo sida ay walaaladii intay ceel dhigeen
uga dhaqaajiyeen. Yuusuf waxa uu ceelka ku jiray
dhawr maalmood, waxaanu dareemay gaajo iyo
wahel la’aan sidoo kale mugdiga ceelka iyo
cidlada ayaa usii dheerayd.
115
Ha Dooran Guul Daro

Walaaladii waxay gawraceen Lax, kadibna


shaatigiisii ayey ku masaxeen dhiigii, waxyna u
tageen aabahood xilli habeena ayaga oo oynaya,
waxayna ku dhaheen aabahood oo aad uga
welwelsanaa oohintooda, Aaboow waanu tagnay
annaga oo ordayna (baratamayna), Yuusufna
waxaan kaga tagnay maryahayaga si uu ilaaliyo,
waxaana cunnay Yaygii. Markaasay siiyeen
shaatigiisa oo dhiig been ah leh, kadibna
Aabbahood Nabi Yacquub waxa uu yidhi “Saas
ma ahee, ee naftiinu waxay idiin qurxisay arrin,
aniguna waan samri, Eebahayna waan talo saran”.
Nabi Yuusuf (N.N.K.H) intuu ceelka ku
jirey ayaa Eebe u waxyooday, inuu maalin
maalmaha ka mida walaaladii uga warrami doono
waxay ku sameeyeen. Nabi Yacquub waxa uu
gudo galay inuu Eebihii baryo, kuna samro dhibta
soo gaartay. Dhanka kale ceelkii agtiisii waxa
yimid dad socota ah oo doonay inay waraabiyaan
xoolahooda.
Kadib waxay dul yimaadeen ceelkii,
markaasay tuureen dalwadii si ay biyo usoo
qaado, markuu Yuusuf dareemay in dad dul
116
Ha Dooran Guul Daro

joogaan ayuu qabsaday dalwadii. Dadkii socotada


ahaa ayaa dhahay dalowgu waa culusyahay,
kadibna way is caawiyeen oo soo saareen
dalwadii, si lama filaana ayey u bishaaraysteen oo
dhaheen waa bishaaro waa wiil yar!
Dadkii socotada ahaa waxay ka tageen
Falastiin ayaga oo ku wajahan wadanka Masar, si
loo gado wiilka yare e ay heleen. Nabi Yuusuf
waxa uu noqday Adoon la kala gato, kadibna
waxay ku iibiyeen qiimo aad u hooseeya. Waxa
gatay Caziiz (wasiir) kii Masar oo geeyey
gurigiisa."Waxa uu ku yidhi kii gatay xaaskiisii,
wanaaji wiilkan oo ixtiraam hoygiisana hagaaji
waxay u dhawdahay inuu ina anfaco am aan ka
yeelanno ilmo.
Nabi Yuusuf (N.N.K.H) markuu
qaangaadhay, oo xoogaystay ayuu Eebe
siiyey.Xikmad.iyo.cilmi. Nabi Yuusuf markuu
xoogaystay oo qurux batay ayey naftiisa dalbatay
tii uu la joogay ee Xaaskii Caziizka. Kadibna
waxay xidhay albaabadii, ayadoo is qurxisay oo is
udgoonaysa markaasay ku tidhi Kaalay, oo
waxaad rabto samee. Nabi Yuusuf waxa uu
117
Ha Dooran Guul Daro

xasuustay Eebihii abuuray oo waxa uu ka


cabsaday inuu ku dhaco sino markaasuu yidhi
Eebe Ayaan kaa magan galay.
Nabi Yuusuf waa ka orday isagoo leh
albaabka ka bax, balse waxay qamiiskiisii ka
goysay gadaal, waxayna kula kulmeen ninkeedii
irrida agteeda. Caziizka xaaskiisii waxay ku tidhi
ninkeedii maxaad ku abaal Marin cid Ehelkaaga
(xaaskaaga) la doonay xumaan, aan ahayn oo
kaliya in la xidho ama la ciqaabo cadaab daran
mooyee.
Nabi Yuusuf waxa uu dhahay ayada ayaa
igu xadgudubtay, oo nafteeda ii dalbatay. Markay
arrintii adkaatay ayaa waxa u marag furay Marag
ka tirsan ehelkeeda oo dhahay haddi Qamiiska
Yuusuf ka go’an yahay xagga hore ayadaa run
sheegi, isna waa beenaale.Haddiise qamiiskiisu ka
go’an yahay xagga danbe waxa beensheegaysa
waa xaaskaaga, isaguna waa runsheege.
Markii ay arkeen in Qamiiskiisu ka go’an
yahay xagga danbe ayuu Ninkeedee yidhi
Yuusufoow ka leexo (jeedso) arrintan, hana
faafinin warka. Adiguna (Xaaskiisii) ka toobad
118
Ha Dooran Guul Daro

keen ficilkan xun, waxaad ka mid tahay kuwa


gafaye.
Si kastaba ha ahaatee waxa faafay warkii,
waxaanu gaadhay dumarkii magaalada ayaga oo
leh, xaaskii Caziizku waxay khaadimkeeda u
doontay nafteeda, oo waxay damacsanayd inay ku
xad gudubto, waxa qaaday jacayl daran.Xaaskii
Caziizku markay maqashay dhagarta haweenka
ayey marti qaaday, kadibna u dhiibtay mid kasta
Mindi, kadibna waxay amartay Yuusuf in uu soo
baxo, markay arkeen haweenkii Yuusuf ayey
gacmaha (faraha) is gooyeen oo dhaheen kani
maaha bashar ee waa malag sharaf leh.
Markay is gooyeen faraha ayey xaaskii
Caziizku tidhi, kaasi waa waxaad igu
canaanayseen, aniga ayaana naftayda udoonay,
haddii aanu samayn waxa aan farayo waa la
xabsin, waxaanu noqon kuwa dullooba.Nabi
Yuusuf waxa uu Eebe ka baryey inuu ka jacel
yahay jeelka (xabsiga) waxay haweenku ugu
yeedhayaan. Eebana waa ka aqbalay markaasaa la
xabsiyey Nabi Yuusuf, isaga oon waxa gaf ah

119
Ha Dooran Guul Daro

galin. Waxaana uu xabsiga ku xirnaa muddo


badan.
Intuu Jeelka ku jiray ayaa waxa arkay laba
Nin oo dhallinyaro ah oo kula jirey xabsiga,
markaasay waydiiyeen Nabi Yuusuf inuu ufasiro
riyo ay arkeen. Mid kamida ayaa yidhi
Yuusuufoow waxaan arkay riyo anoo miiraya
khamri, halka kii kalena ka yidhi waxaan arkay
aniga oo madaxa ku sida kibis (sabaayad) ayna
cunayso shimbir, ee nooga warran fasirraadeeda
waxaan kuu aragnaa inaad tahay samo
falayaashee.
Yuusuf waxa uu dhahay waan idiin fasiri
riyadiina, intaan cunto laydin keenin ka hor.
Waxaan ka imi qoom aan Eebe rumaysnayn,
waxaanan raacay diintii aabayaashay ee Nabi
Ibraahim, Isxaaq iyo Yacquub noomana ay
sugnaan inaan Eebe cid kale la wadaajino.Nabi
Yuusuf isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi
saaxibadayda xabsigoow ma waxa wacan ilaahyo
fara badan, mise Eebaha wayn ee awoodda leh.
Waxaad caabudaysaan waa sanamyo aad
idinka samayseen, Eebana uma soo dajini wax
120
Ha Dooran Guul Daro

xujo ah. Xukunka waxa iska leh Eebe, waxaanu


idin faray inaad Eebe kaligii caabudaan, taasina
waa diinta toosan.Nabi Yuusuf markuu
dhameeyey wacdigii, ayuu ufasiray riyadoodii,
waxaanu dhahay saxibadaydoow midkiin waa la
sii dayn oo waxa u waraabin sayidkiisa Khamri,
kan kalena waa la dili kadibna la salbin oo
shimbiruhuna madaxiisa ayey cuni.
Nabi Yuusuf waxa uu ku yidhi kii uu
filaayey inuu badbaadayo inuu xuso sayidkiisa
agtiisa, balse waxa illowsiiyey Shaydaan.
Arrinkiina waxa uu udhacay sidii Nabi Yuusuf
ugu fasiray.Nabi Yuusuf waxa uu baaqi ku sii
ahaaday xabsigii, waxaana la dhahaa ugu yaraan
todoba sano ayuu kusii jirey xabsiga, isagoo u
xiran danbi la’aan.
Maalin maalmaha ka mida ayaa boqorkii
Masar riyooday, waxaanu arkay Todoba sac oo
shilshilis, oo cunnayaan todoba saac oo wayd ah,
sidoo kale waxa uu arkay todoba sabuul oo
cagaaran iyo kuwa kale oo abaar ah, markaasuu
boqorkii argagaxay oo warsaday dadkii ka ag
dhowaa, kana dalbaday inay u fasiraan riyada
121
Ha Dooran Guul Daro

balse waxay dhaheen dadkii, waa riyo aan run


ahayn mana naqaano sida loo fasiro riyada.Ninkii
ka badbaaday dilka ee la xirnaa Nabi Yuusuf,
ayaa maqlay oo ku dhahay boqorkii anaa garanaya
Nin inoo fasirraya riyada, ee idira anaa soo
warsane.
Ninkii waxa uu utagay Nabi Yuusuf
waxaanu uga warramay riyadii, Nabi Yuusuf waa
u fasiray, isagoon wax shardi ah ku xirin,
waxaanu yidhi waxa imanaysa todoba sano oo
barwaaqo ah, waxaana ku xigaysa todoba sano oo
abaar ah, ee waxaad beeraha kasoo goosataan
daaya oo kaydiya, waxaad cuntaan mooyee. Intaa
kadib waxa imanay sanad ay dadku barwaaqo
noqonayaan.Markii boqorkii loo sheegay fasirkii
riyada ayuu dhahay ha la soo daayo Yuusuf, balse
Nabi Yuusuf waa diidey inoo kasoo baxo jeelka
ilaa iyo haweenkii dhagriyey bari yeelaan.
Markii haweenkii gacmaha is gooyey loo
tegay iyo xaaskii Caziizku ayey dhaheen, “Iminka
ayey xaqii timid, aniga ayaa naftayda la doonay,
waxaanu ka mid yahay isagu kuwa runta
sheegay.”Markaasaa warkii ku faafay magaalada,
122
Ha Dooran Guul Daro

oo la ogaada in Yuusuf bari ka yahay wixii loo


xiray. Boqorkii waxa uu dhahay ii keena Yuusuf,
hay noqdee lataliyahayga markaasu Nabi Yuusuf
dalbaday inuu ka dhigo masuulka khasnadaha,
sabatoo ah waxaan u leeyahay cilmi waxaanan
ahay aamin.
Nabi Yuusuf oo kal hore ahaa adoon lakala
gato, maanta waxa uu ka yahay wadanka Masar
wasiirka maaliyada, waxaana gacantiisa ku jirta
xukunka Masar iyo dhaqaalaheeda.Markay
gaadhay todobadii sano ee abaarta ahayd ayey
dhibtii gaadhay Nabi Yacquub iyo ehelkiisa oo
degenaa Falastiin, kadibna waxay ubadkii Nabi
Yacquub maqleen in xaakimka Masar yahay nin
aad u fiican oo dadka uroon, markaasay usafreen
Masar si ay ugasoo adeegtaan.
Markay Nabi Yuusuf walaaldii soo galeen
Masar ayuu gartay Yuusuf walaaladii, laakiin
ayagu maysan garanayn. Kadibna waa waraystay
oo ku dhahay ehelkiina yaa idinka maqan, waxay
dhaheen waxa naga maqan walaalkayo Binyamiin
iyo Aabahayo Yacquub.

123
Ha Dooran Guul Daro

Waxa la yidhi Nabi Yuusuf (CS) waxa uu


siiyay mid kasta oo ka mid ah awr rar raashin ah
wakhtigasina waxa uu ahaa qofkii aan waxba
iibsan Karin ama aan kaydsan karini mid gaajo u
dhinta, Nabi Yuusuf (CS) waxa uu uga jeeday in
ay kaga baahi baxaan abaarta dheer ee ka jirta
dhulkoogi.
Nabi Yuusuf (CS) walaaladii waxay ay ka
soo gudbeen saxare dheer si ay cunto u iibsadaan,
Nabi Yuusuf (CS) waxa uu gartay in ay yihiin
walaaladii si dag dag ah laakiin iyagu may garan
waxana ku adkaatay in ay fahmaan waayo waxa
ugu danbaysay bari hore waxayna ka yimaadeen
wadan fog oo falastiin ah iyagoo u soo doontay
raashin.
Waxa dhex maratay dood isagoo isku
sheegin tirade walaaladii waxay ahaayeen toban
waxana ay wateen 11 awr waxana uu waydiyay
Yuusuf walaaladii isagoo adeegsanaya mid ka
mid ah turjumaanada.Isagoo aan adeegsanaya
luqadiisi cimriga ahayd waxa uu yidhi sii mid
kasta oo iyaga ka mid ah awr rar cunta ah.Waa
imisa tiradiinu waxay ay yidhaadeen waxanu
124
Ha Dooran Guul Daro

nahay kow iyo toban waxa uu ku yidhi Yuusuf


turjumaankiisi ku dheh luqadiinu way ka
duwantahay luqadayada qaabkiinuna qabkayga
wuu ka duwan yahay malaha basaasiin ayaad
tihiin.
Kolkiiba way u jawaabeen waxayna
yidhaadeen illaahaybaanu ku dhaaranee manihin
basaasiin anagu isku wada aabe ayaanu nahay
aabahayna waa oday fiican.Yuusuf ayaa waxa uu
yidhi waxa aad nagu tirahdeen waxanu nahay kow
iyo toban tiradiinuna waa toban waxay ay ku
yidheedeen waxanu ahayn laba iyo toban
walaalaha ah mid ayaa ceel ku dhintay waxana
jira inan kale oo aanu walaalo nahay oo
aabahayna jecel yahay mana jecla aabahayn in uu
ka fogaado badalkiisana waxanu soo kaxaysanay
awrkiisi.
Yuusuf ayaa ku yidhi sidee ayaan ku
rumaysan karaa hadalkiina waxay ku yidhaadeen
waxana uu ku yidhi Yuusuf walaalkii ii keena
markaas ayaan cuntadiisa siin doonaye anaga
nidaamkayaga ma dhigayo in aan raashin siino cid
maqan waxa dhax maray Yuusuf iyo walaaladii
125
Ha Dooran Guul Daro

dood aad u dheer laakiin waa uu ka ogalaaday in


ay markaa awrka iyo raashinkaba ay ka xaystaan
laakiin mar kale uuna ka yeelayn ilaa ay soo
gaxaystaan walaalkood mooyaane iyaguna waxay
ay yidhaadeen waxanu ku qancin doonaa aabihii
in uu noo ogalaado.
Yuusuf walaaladii way baxeen oo ku
noqdeen Falastiin iyo aabahaood, markaasay u
warrameen oo dhaheen aaboow waana loo diiday
in aan kasoo adeegano Masar. Doorka danbe illa
aan kaxayno walaalkayo Binyaman. Markay rarkii
fureena waxay ka dhex heleen bidaacadoodii oo
loo soo celiyey, markaasay aabahood ku
adkeeyeen in uu ku aamino walaalkood Binyamin.
Nabi Yacquub isaga oo murugo ka muuqato
ayuu ku yidhi, ma waxaan idinku aaminaa sidii
aan idiinku aaminay Yuusuf, haddaad rabtaan
inuu idin raaco ballan qaada inaad ilaalinaysaan,
kadibna way ka ballan qaadeen.Markay ballantii
ka qaadeen aabahood ayaa Nabi Yacquub ku
dhahay wiilashiisa, idinka oo wada socda haka
galina magaalada hal albaab, ee ka gala albaabo

126
Ha Dooran Guul Daro

kala duwan. Kadibna way baxeen oo gaareen


Masar.
Markay soo galeen ayuu Nabi Yuusuf la
hadlay walaalkiis ka yaraa ee Binyamiin ayagoon
dareensanayn, waxaanu usheegay inuu yahay
walaalkii Yuusuf.Nabi Yuusuf waa siiyey
cuntadii, kadibna waxa uu faray mid kamida
shaqaalihiisa in uu galiyo rarka saacii boqorka ee
wax lagu miisayey, wuxuuna galiyeen rarka
walaalkii Binyamin.
Markii rarkii u dhamaadey ee ay baxeen
ayaa loo yeedhay oo la dhahay safarkiinasi waxad
tihiin tuug, oo waxan weynay Koobkii (saacii)
boqorka ee waa maxay abaal marinta cidii laga
helo?Waxay dhaheen cidii laga helo ayaa loo
ciqaabi, waxayna diintoodu u banaysay in ruuxii
tuuganimo la yimaada laga dhigo adoon.Kadibna
waa la baaray rarkii oo dhan markaasaa laga soo
saaray rarkii Binyamin, walaaladii waxay dhaheen
haddii ay cid wax xaday (daftay) waxa hore u
xaday walaalkiis.
Nabi Yuusuf waa maqlay waxay lahaayeen,
markaasu naftiisa ku yidhi waxad tihiin dad
127
Ha Dooran Guul Daro

sharwadayaal ah.Kadib markii la kaxaysatay


Binyamiin ayey ku dhaheen boqorow, waxa uu
leeyahay aabe da’diisu wayntahay ee mid kale oo
annaga naga mida kaxayso. Nabi Yuusuf waxa uu
dhahay ciddii laga helay ayunbaa la kaxaysan.
Markay ka quusteen ayey isku noqdeen,
markaasaa kii ugu waynaa dhahay ma
xasuusataan inaad aabe ballan ka qaadeen, iyo
wixii aan ku samaynay Yuusuf, Eebe Ayaan ku
dhaarteen dhulka kama tagayo ee u taga aabihiin
oo ku dhaha, wiilkaagii waxbuu xaday annaguna
cilmi umaan lahayn, waxaanan sheegaynaa run ee
waxaad waydiisaa safardii nala socoday.
Waxay u tageen aabahood, una warrameen
wixii dhacay kadiban Nabi Yacquub waxa uu
yidhi waan samri, waxay u dhowdahay in Eebe ii
keeno Yuusuf, Binyamin iyo walaakoodii waynaa.
Nabi Yacquub waa indho beelay, murugo iyo
oohin darteed.Kadibna waxa uu faray wiilashiisii
inay ku noqdaan Masar oo baadi goobaan
walaaladood, aanay quusanin. Kadib way soo
baxeen ayagoo soo qaaday bidaacadii si ay u
siiyaan xaakimkii Masar oo ah Nabi Yuusuf.
128
Ha Dooran Guul Daro

Markay soo galeen ayey madaxa


foorariyeen oo dhaheen, boqoroow waxa na
taabtay dhib annaga iyo ehelkayagaba, waxaanan
kuula nimid bidaacad aanad aqbalayn, ee noo
sadaqayso, Eebe waxa uu jacelyahay dadka
sadaqada bixiyee.
Nabi Yuusuf waxa uu ku yidhi walaaladii
ma xasuusataan waxaad ku samayseen Yuusuf iyo
walaalkiis markaad jaahiliinta ahaydeen. Markaas
wada dhaheen adigu ma Yuusuf baad tahay? Nabi
Yuusuf waxa uu yidhi anigu waxaan ahay Yuusuf,
kanina waa walaalkayo waxaana noo gargaaray
Eebe Wayne.
Waxay dhaheen waxa naga kiin doortay
Eebe, waanan gafsanayn. Waxa uu yidhi Nabi
Yuusuf canaani korkiina may ahaanin, Eebe
haydiin danbi dhaafo isagaa danbi dhaaf badane
ah.Kadiban waxa uu udhiibay qamiiskiisii oo ku
yidhi ku tuura wajiga aabahay, indhaha way usoo
laaban, iina keena ehelkiina dhamaantood.
Markii safarkii baxay ayaa Nabi yacquub
yidhi waxaan heli caraftii (dabayshii) Yuusuf,
haddii aydaan i odhanayn waad
129
Ha Dooran Guul Daro

xanuusnaysaa.Ubadkii uu awoowga ahaa waxay


ku dhaheen Nabi Yacquub, Eebe ayaan ku
dhaaranaynaa waxaad ku sugantahay baadi
(jacayl) cad.
Kadib safarkii ayaa yimid, waanay ku
tuureen qamiiskii wajigii aabahood, aragtidiina
way usoo laabatay. Nabi Yacquub markaasuu
dhahay miyaanay idinku odhan waxaan ka ogahay
xagga Eebe waxaydaan ogayn.Waxay dhaheen
aaboow noo danbi dhaaf warso Eebe, waan
gafsanayne. Nabi yacquub waa uballan qaaday
inuu udanbi dhaaf warsado ubadkiisii. Kadibna
waxay u safreen dhamaantood dhulka Masar, oo
usujuudeen Nabi Yuusuf markaasuu Nabi Yuusuf
ku dhahay aabihii, Aaboow waa taa fasirkii
riyadii, Eebahay waxa uu ka dhigay run.
Nabi Yuusuf iyo ehelkiisii waxay ku
noolaayeen nolol barwaaqo ah dhulka Masar.
Qisada Nabi Yuusuf waxa weeye qisooyinka ugu
macaan ee qur'aanka kariimka ahi inooga
waramay. Nabi Yacquub iyo aabihii Isxaaq waxay
ku aasanyihiin dhulka Falastiin, sidoo kale Nabi
Yuusuf waxa uu ku geeriyooday Masar laakiin
130
Ha Dooran Guul Daro

waxa la dhahaa waxa loo qaaday maydkiisii


dhulkaFalastiin.Haddaba kuwii wax ku qaata
Eebe haynaga yeelo. Aamiin Aamiin Aamiin.

131
Ha Dooran Guul Daro

CUTUBKA AFARAAD

132
Ha Dooran Guul Daro

Four.1 Maxaa Lagu Dawaynkara Guul Darada


Wax yaalaha lagu dawayne karo guuldarrada
waxaan kusoo koo baynaa toban (10) qodob oo
muhiim ah.

Four.1.1 Baraarug
Waa in uu qofku ogaado in uu khalad ku dhexjiro
ama xumaan (xumaantu) waxay noqon kartaa in
uu qofku macsiyo ku dhexjiro. Baraarug waa in
uu qofku ka faa'idaysto wakhtigiisa. Waxaa
baraarug noogu filan Axaadiista nabiga (SCW) oo
uu ka wariyey ibnu cabaas (RDC): Tarjumaad
Nabiga (SCW) wuxuu ku yiri nin saxaabada ka
mid ah asagoo waaninaya kafaa'iideyso shan
inteysan shan kugu imaan. : 1) Dhalin
yaranimadaada ka hor gabowgaaga. 2)
Caafimaadkaaga ka hor xanuunkaga 3)
Hodontinimadada ka hor faqrigaga 4)
Firaaqadaada ka hor mashquulkaaga 5)
Noloshaada ka hor geeridaada.

133
‫‪Ha Dooran Guul Daro‬‬

‫(عن بن عباس رضي هللا عنهما قال‪ : ‬قال رسول هللا‬


‫صلى هللا عليه وسلم لرجل وهو يعظه‪ " : ‬اغتنم خمسا قبل‬
‫خمس شبابك قبل هرمك وصحتك قبل سقمك وغناءك قبل فقرك‬
‫وفراغك قبل شغلك وحياتك قبل موتك ")‪.‬‬

‫‪Alle wayne kor ahaaye wuxu ku yiri Nabbi‬‬


‫‪Muxamed (SCW) “U warran ( usheg ku baraaruji‬‬
‫‪nabbi Muxamadow) addomadayda inaan anugu‬‬
‫‪Dambi dhaafe Naxariista ahay” “ iyo in‬‬
‫”‪Cadaabkaygu uu yahay Cadaabka daran uun‬‬
‫‪(Al-Xijr 15: 49 &50).‬‬

‫قال تعالى)نَبِّْئ ِعبَا ِدي َأنِّي َأنَا ا ْل َغفُو ُر ال َّر ِحي ُم*‬
‫اب اَأْللِي ُم)‬
‫َوَأنَّ َع َذابِي ُه َو ا ْل َع َذ ُ‬

‫‪134‬‬
Ha Dooran Guul Daro

Haddaba ha quusan rabbi isku dhiib horay u


soco rabbi wuxu jecelyahay qofka marwalba usoo
laabta ee aan naxariistiisa kaquusan.
Wuxuu yiri alle kor ahaye: Isagoo
kawaramaya siffaadka dadka wanaagsan in ay isla
markiiba ay rabbi xasuustaan rabbi nah danbi
dhaaf waydiistaan xasuusnow rabbi ha'ilaawin
qiyaame iyo isla xisaabtanka. Qofku waa labo in
uu janno galo iyo in oo naarta galo. Rabbi ayaan
ka magan galnay cadaab iyo ciqaab.In aad ogaato
in aad dambi ku jirto waxay kuu sahlaysaa in aad
mardanbe aadan ku laaban baraarug waa shay
qaali ah ee aan ku baraa rugno oo an aqbalno in
aan danbi ku dhexjirnno.
Alle wayne wuxuu yiri: “Kuwa markay
falaan Xumaan ama Dulmiyaan Naftooda Xusa
Allah, Warsadana Dambi dhaafid dambigooda,
wax dambi dhaafana ma jiro Allah mooyee, oon
daa'imin (Xumaantay) faleen iyagoona og”
“Kuwaas Abaalkoodu waa Dambi dhaafka
Eebahood iyo Jannooyin ay Dureeri dhexdeeda
Wabiyaal iyagoo ku waari dhexdeeda, waxaa

135
Ha Dooran Guul Daro

Wanaagsan Abaalka kuwa Camal Falay” (Al-


Imraan 3:135 136).

‫س' ُه ْ'م‬ َ ُ‫شةً َأ ْو ظَلَ ُم''وا َأنف‬ َ ‫اح‬ِ َ‫( َوالَّ ِذينَ ِإ َذا فَ َعلُوا ف‬:‫قال تعالي‬
َ ُ‫اس'تَ ْغفَ ُروا لِ' ُ'ذنُوبِ ِه ْم َو َمن يَ ْغفِ' ُر ال' ُّ'ذن‬
‫وب ِإاَّل‬ ْ َ‫َذ َك' ُروا هَّللا َ ف‬
( َ‫ص''''' ُّروا َعلَ ٰى َم'''''ا فَ َعلُ'''''وا َو ُه ْم يَ ْعلَ ُم'''''ون‬ ِ ُ‫هَّللا ُ َولَ ْم ي‬
‫'رةٌ ِّمن َّربِّ ِه ْم َو َجنَّاتٌ ت َْج' ِري‬ َ 'ِ‫ُأو ٰلَِئ َك َج' زَاُؤ هُم َّم ْغف‬ )135
.) َ‫ِمن ت َْحتِ َها اَأْل ْن َها ُر َخالِ ِدينَ فِي َها ۚ َونِ ْع َم َأ ْج ُر ا ْل َعا ِملِين‬

Four.1.2 Toobadkeen
Culimadu waxay yidhaahdeen waa waajib in
dembi walba laga toobad keenaa, waxayna
toobadu leedahay shuruudo dhowr ah, oo marna
seddex ah, marna afar ah. Mar waa seddex oo waa
markii uu dembigu yahay wax addoonka iyo
Rabbigiis ka dhexeeya, markaasna waxay
shuruudu tahay inuu qofku dembigii ka fuqo iyo
inuu ka qoomamoodo, iyo tan seddexaad oo ah
136
Ha Dooran Guul Daro

inuu qofku go’aansado inuu san dembigaas u


noqon dib dembe.
Marka kale oo ay shuruuddu afarta tahayna
waa markii uu dambigu lug ku leeyahay xaq
Aadane, oo waa in xaqaas Aadane la gudo oo laga
xalaaloobo, hadduu maal yahay la gudo, hadduu
qadaf ama qaan yahay qofkii oo la isu dhiibo si uu
ku cafiyo ama kaa aarsado iyo haduu xan yahay
oo iyadana laga codsado cafis.Waxaa iyaduna
waajib ah in dambiyada oo dhan laga toobad
keeno, haddii uu qofku qaar ka toobad keenana
waa ka ansaxaysaa toobadu, oo qaarkaas waa laga
cafinayaa, dembigii uusan ka toobad keeninna
way ku haraysaa oo laga cafin maayo, jeer uu ka
toobad keeno.
Toobadu inay waajib tahay Qur’aanka iyo
sunnada caddeynaaya, ummaduna waa ay isku
raacsan tahay.Alle kor ahaaye wuxuu yiri:
“Alle u wada toobad keena kuwa xaqa rumeeyow,
aad liibaanteene” (An-Nuur 24:31).

‫(وتُوبُوا ِإلَى هَّللا ِ َج ِمي ًعا َأيُّ َها ا ْل ُمْؤ ِمنُونَ لَ َعلَّ ُك ْم‬:‫تعالى‬
َ ‫قال‬
.) َ‫تُ ْفلِ ُحون‬
137
Ha Dooran Guul Daro

Sido kale Wuxuu.kaloo Alle yiri: “Kuwa


xaqa rumeeyow! Alle u toobad keena toobad
san.” (At-Taxriim 66:8).
ً‫(يَا َأ ُّي َها الَّ ِذينَ آ َمنُوا تُوبُوا ِإلَى هَّللا ِ ت َْوبَة‬:‫قال تعالى‬
.)‫وحا‬
ً ‫ص‬ُ َّ‫ن‬

Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri:


waxaan maqlay rasuulkii Alle (SCW) oo leh:
“Wallaahi maalintii waxaan Alle dembi dhaaf
waydiistaa oo u toobad keenaa wax toddobaatan
jeer ka badan.” (Bukhaari). Aqir ibnu Yasaar al-
Muzani (A.K.R.): wuxuu sheegay inuu Rasuulku
(S.C.W.) ku waanin jiray asxaabtiisa: “Alle u
toobad keena dadyahow, oo dambi dhaaf
weydiista, anigu maalintii boqol jeer baan toobad
keenaaye.” (Muslim).
Anas ibnu Maalik (A.K.R) oo adeege u
ahaa nabiga (SCW) wuxuu yiri: Nabigu (SCW)
wuxuu yiri: “Wuxuu Alle ugu farxaa toobada
addoonkiisa si ka daran sida midkiin ugu farxo
awrkiisii oo inta hayjad kaga lumay uu markaas
helay.” (Bukhari iyo Muslim).Weedha Muslim
waxay intaa raacinaysaa: Wuxuu Alle ugu farxaa
138
Ha Dooran Guul Daro

markuu adoonkiisu u toobad keeno, sida midkiin


rakuub u watey oo hayjad marayey oo ay
raashinkiisa iyo biyihiisuba saaraayeen, dabadeed
uu halkaas rakuubkii kaga lumay biyihii iyo
baadkiina kala tagay, dabadeedna doondoonay oo
waayey, oo markaas uu geed iska hoos jiifsaday
isagoo quustay, oo isagoo saas ku sugan markaas
indhaha kala qaaday mise waa rakuubkiisii oo kor
taagan.
Markaasuu yiri: inta hoggaankiisa qabsaday
oo farixii ka batay: Alloow addoonkaygii baad
tahay, aniguna Rabbigaagii, wuxuu ugu dhacay
carrab taraaraxaas farxad darteed iyo isagoo
doonayey inuu u mahad noqo Rabiggii, una qiro
abaalka iyo fadligaa.Abuu Muusa al-Ashcari
(A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (SCW) wuxuu yiri:
” Alle (SWT) habeenkii buu gacantiisa soo
fidiyaa, si uu u toobad keeno qofkii maalintii
dambaabay, maalintiina gacantiisuu soo fidiyaa si
uu u toobad keeno qofkii habeenkii dambaabay,
jeer ay qorraxdu bogox ( galbeed) ka soo baxdo
(maalinta qiyaame)” (Muslim).

139
Ha Dooran Guul Daro

Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yiri:


Rasuulkii (SCW) wuxuu yiri: “Alle waa ka toobad
aqbalaa addoomahiisa inta aysan qorraxdu bogox
(galbeed) ka soo bixin (maalinta qiyaame)”
(Muslim).Sido kale Cabdullaah ibn Cumar
(A.K.R.) wuxuu yiri:Nabigu (SCW) wuxuu yiri:
“Alle, Rabbiga cisada iyo maamuuska, toobada
adoonka waa uu ka aqbalaa inta uusan dhuun
yeeris (geerida) gaadhin” (Tirmidi, waana xadiis
xasan ah).
Zirr ibn Xubaysh (A.K.R.) wuxuu
yiri:Waxaan u tegey Safwaan ibn Cassaal
(A.K.R.) anigoo raba inaan ka wareysto masaxa
kabaha buudka gacmaha la kor mariyo marka la
weeysaysanayo.Wuxuu i weydiiyey: Ziirrow,
maxaad doonaysaa? Waxaan ku jawaabay, ‘Cilmi
doon baan ahaa’. Wuxuu yiri: “Malaa’igtu
garbahay u raaricisaa qofka cilmi doonka ah, raali
ayay ka tahay waxaa uu doonayo awgeed”.
Waxaan u sheegay inuu wareer iga galay
arrinta ku saabsan marinta gacmaha dusha sare uu
ka mariyo kabaha buudka qofka weeyseysanaya
kaadi ama saxaro kaddib. Addigaana arrintaas kuu
140
Ha Dooran Guul Daro

soo aadey oo asxaabtii Nabiga (SCW) ka mid ah,


ee wax ma ka maqashay nabiga arrintaas la
xirriirta? Wuxuu yiri: “Haa, Wuxuu na odhan
jirey markaan safar nahay ha siibina buudkiinna
seddex maalmood iyo habeennadooda, inaad isku
junuubtaan maahee oo ha u siibina hurdo iyo
saxaro iyo kaadi dartood”.
Waxaan idhi: Ma ka maqashay isagoo ka
hadlaaya wax jeclaanta? Wuxuu yiri: “Haa,
annagoo musaafir ah oo Nabiga (SCW) la
soconna baa maalin nin reer miyi ahi Nebiga
(SCW) tannaaago dheer Wuxuu ku yiri:
“Muxammadoow”. Wuxuu yiri: Nabigu (SCW)
sidiisi oo kale buu ugu dhawaaqay oo yiri: “Heeh,
waa i kane”. Waxaan ku idhi ninkii reer miyiga
ahaa: Balaayo ha kugu dhacdee; Ha u hadlin kor
markaad Nebiga (SCW) la joogtid.
Sidaas buu Alle ina faraye (Inaan kor loo
hadlin markaan Nebiga la joogno). Isagoo ii
jawaabaaya wuxuu yiri: “Uma dhigaayo hoos
codkeyga”. Haddana isagoo hadalka u wada
nabiga (SCW) mar labaad wuxuu yiri: Ka warran
qof jecel qoon uusan weli ka soo mid noqon
141
Ha Dooran Guul Daro

muxuu xaalkiisu yahay? Wuxuu yiri Nebigu


(SCW): “Maalinta qiyaame qofka wuxuu ka mid
noqonayaa qoonka uu jecel yahay”.
Dabadeena hadalkii uu inoo waday buu
meeshi ka sii waday ilaa uu ii sheegay irrid bogox
jirta kan wax fuushani balleeceeda u socdo afartan
ama todobaantan sano. Sufyaan oo dadka xadiiska
weriyay ka mid ahi wuxuu intaas raaciyey: Waa
irrid xagga Suuriya jidha. Wuxuuna Alle abuuray
maalintii uu cirarka iyo dhulalka abuuray. Wuxuu
u furan yahay toobada, lamana xirayo jeer ay
qorraxdu ka soo baxdo xagga galbeed”. (Tirmidi
iyo kuwa kale baa weriyey, wuxuuna yiri: waa
xadiis saxiix ah).
Abuu Saciid al-Khudri (A.K.R.) wuxuu yiri:
Nabigu (SCW) wuxuu yiri: ‘Nin ka mid ahaa
ummadahii idinka horreeyey, oo diley sagaal iyo
sagaashan qof, baa dadkii weydiiyey yaa u aqoon
badan dunida? Waxaa loo tilmaamay nin suufi ah
(oo adduun iska nacay). Dilaagii is keenay isagoo
ictiraafsan dambigiisa) baa u tegay suufigii oo ku
yiri: waxaan diley sagaal iyo sagaashan qof, ee

142
Ha Dooran Guul Daro

wax toobad ah ma leeyahay? Suufigii wuxuu ku


jawaabay: ‘Maya’.
Ninkii wuxuu dilay suufigii sidoo kale oo
boqol kaga dhigay. Dilaagii baa misna weydiiyey
dadkii: Yaa u cilmi roon dadka aduunka? Waxaa
loo tilmaamay nin caalim ah. Markaa buu u tegey
oo ku yiri: Waxaan diley boqol qof ee toobad ma
leeyahay? Wuxuu yiri: caalimkii: ‘Haa, waxba ma
jiraan kala dhex gali kara adiga iyo toobada: Tag
oo aad dhulkaa. Waxaa ku nool dhulkaa dad
dhowrsoon oo suubbanayaal ah oo Alle caabuda
ee Alle la caabud hana ku soo noqon dhulkaaga
waayo waa dhul shar badan. Ninkii dhulkaa buu
aaday.
Markuu kala bar marayaa mawdkii baa u
yimid. Muran iyo dood baa wuxuu ka dhex
billowday malaa’igtii cadaabta iyo malaa’igtii
naxariista la xiriira cidda nafta ka qaadeysa.
Malaa’igtii naxariistu waxay tiri: Marba haduu
soo toobad keenay oo qalbigiisu Alle u soo
jeedsaday (annagaa nafta ka saareyna oo xilkiisu
nasaaran yahay): malaa’igtii cadaabtuna waxay

143
Ha Dooran Guul Daro

tiri: weligiisba ma uu sameyn wax khayr ah


(sidaas awgeed annagaa xilkiisa leh).
Waxaa markaas u yimid malag suurad
Aadane leh, waana u gar dhigteen, wuxuu yiri
malagii: Cabbira inta labada dhul u dhaxaysa, tii u
xigaa leh. Markaasay cabbireen mise dhulkii uu u
socdey buu xigaa. Waxaa xilkiisii markaa qaaday
malaa’igtii naxariista(Bukhaari iyo Muslim).
Werin (Hadal) kale baa waxay odhaneysaa:
“Dhulkii dadka fiican buu taako u dhawaadey,
markaasaa dadkaas laga mid yeelay”. Werin
(oraah) kale waxay ahayd: “Allaa labada dhul
midna fogow yiri, midna soo dhowow yiri, wuxuu
Alle yiri markaas: Qiyaasa inta u dhexaysa, mise
tan (dhulka dadkii fiicnaa) bay taako u
dhowdahay oo wuu u dambi dhaafay”. Xadiis
kalena wuxuu ahaa: Wuxuu ugu soo dhowaaday
dhulkii uu u socday laab ku socod iyo
xamaarasho.
Wuxuu yiri Kacab (A.K.R.): Seddexdayada
waa na loo kaadiyey, kuwaasna nebiga (SCW)
waa uu ka yeelay markii ay u dhaarteen, waana u
dembi dhaaf dalbay, axdina waa uu la galay, ilaa
144
Ha Dooran Guul Daro

Alle arrimaha sidaas aan soo sheegnay u kala


xugmiyey. Marka Alle leeyahay: (Seddexdii dib
loo dhigay) dib u dhigaasi ma aha hariddii aan
duulaanka ka harnay, ee waa dib u dhigiddii
Nebigu (SCW) nala sugayey in xaalkayaga Alle
wax ka yeelo, markii uu iyaga dhaartii ka aqbalay.
Werin kale oo xadiiska wuxuu sheegayey
inuu Nabigu (SCW) Tabuuk u duuley maalin
Khamiis ah, jeclaana inuu khamiisaha baxo.
Xadiis kalena wuxuu lahaa: “Safarka wuxuu ka
imaan jirey nabigu maalintii, weliba barqadii,
wuxuuna ku soo hormari jirey masjidka oo inta
labo rakcadood ku tukado fariisan jirey”.
Abuu Nujayd Cimraan bin Xusayn
(A.K.R.) wuxuu yiri:Haweeney reer Juhayna ah
baa Nebiga (SCW) u timid iyadoo ilmo garac ah
(Wacal ah) uurkiisa leh oo tiri: Rasuul Alloow
(SCW) waxaan galay dambi ee sida Qur’aanku
dhigaayo ha layga yeelo. Nabigu (SCW)
markaasuu wuxuu u cid diray waligeedii oo faray
inuu wanaajiyo una keeno kadibb markii ay
dhasho.

145
Ha Dooran Guul Daro

Ninkii mas’uulkeeda ahaa Sidii buu yeelay,


oo wuxuu u keenay nebiga (SCW) wuxuuna
amray nabigu in la dhagaxyeeyo illaa ay ka
dhimato amray. Waana la dhagaxeeyay ilaa naftii
ka baxday. Dabadeedna rasuulkii Alle (SCW) waa
uu ku tukadey. Cumar (A.K.R.) baa yiri: oo rasuul
Alloow ma intay dhilleysatay baad ku
tukanaysaa? Rasuulkii Alle (SCW) Wuxuu yiri:
Haa, waxay toobad keentay toobad keen deeqi
lahaa hadii laqaybsho toddobaatan qof oo dadka
reer Madiina ah.
Haddaba Towbad keen tani ka wanaagsan
oo ka darajo badan ma jirto, bal eeg arrinteeda
waxay dooratay inay runta sheegto iyadoo og inay
nafta sidaa ku weyneyso iyadoo Alle raalli gelintii
sidaa u yeeleysa (Muslim).

Four.1.3 Ha Quusan
Ha quusan ha quusaan waayo marwalba
rabbigaa wuxuu kugu wacaayaa in aad u soo
laabato kana dhexbaxdo wixii xumaan ahaa ama
gaf kaa dhacay rabbi waa danbi dhaaf badane Alle
146
Ha Dooran Guul Daro

ma eegaayo dambigaa mayar yahay mase waa


wayn yahay hadday ku bilaamatay nolosha
xaqiiqda ah, Ha quusan waayo raxmadda
rabbigeen waa waasic waayo.Alle kor ahaaye
wuxuu yiri: “Naxariistayduna waxay u Waasac
Noqotay wax kasta” (Al-A’raf 7:156).
ْ ‫س َعتْ ُك َّل ش‬
.)‫َي ٍء‬ ِ ‫(و َر ْح َمتِي َو‬:‫تعالى‬
َ ‫قال‬
Sido kale Alle kor ahaaye wuxuu yiri:
“Waxaad dhahdaa Nabiyow addoomadayda ku
xad gudbay naftoooda ha ka quusanina naxariista
Eebe, Eeba dhaafa danbiyada dhamaantoode,
waana dambi dhaafbadane naxariis badane”“U
noqda Eebihiin una hogaansama ka hor cadaab
idiin ku yimaaddoon laydiinkana gargaarayn”
(AZ-Zumar 39: 53 &54).

‫س ' َرفُوا َعلَى‬ ْ ‫ي الَّ ِذينَ َأ‬ َ ‫(قُ ' ْل يَ''ا ِعبَ''ا ِد‬:‫قال تعالى‬
‫وب‬َ ُ‫س ِه ْ'م اَل تَ ْقنَطُ''وا ِمن َّر ْح َم' ِة هَّللا ِ ِإنَّ هَّللا َ يَ ْغفِ ' ُر ال' ُّ'ذن‬
ِ ُ‫َأنف‬
‫َج ِمي ًع'''ا ِإنَّهُ هُ''' َو ا ْل َغفُ'''و ُر ال''' َّر ِحي ُم َوَأنِيبُ'''وا ِإلَى َربِّ ُك ْم‬
.)ُ‫س'''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''لِ ُموالَه‬ ْ ‫َوَأ‬

Haddaba, xadiisulqudsi oo nabigena


147
Ha Dooran Guul Daro

Muxammed (SCW) oo kawariyay Allah


subxaana watacaalaa. Waxaa laga
weriyey Anas (Allaha ha karaali noqdee)
in uu yiri: “Waxaan maqlay Rasuulkii
llaahay (SCW) oo leh: Wuxuu yiri
ilaahay: Ina Aadamow intaad ii yeeraysid
oo aad iga rajo qabtid waan kuu
dhaafayaa wixii dembiyo kaa dhaca,
anigoon u dan gelin badnaantooda iyo
xumaantooda. Ina Aadamow haddii
dembiyadaadu cirka taabtaan, kaddib na
aad i weydiisato dembi-dhaaf waan kuu
dembi dhaafayaa. Ina Aadamow haddii
aad iila timaaddid dhulka muggiis oo
dembiyo ah; kuna dhimatid adigoon ii
shariik yeelin, Waxaan ku siinaayaa
dhulka muggiis oo danbii dhaaf ah”.
.Allaahu akbar yaa kabalaaran
Haddaba, waa maxay faa’iidooyinka aan ka
dhaxal nay xadiiska. In raxmadda rabbi waasic
148
Ha Dooran Guul Daro

tahay lana rajeeyo rabbi raxmadiisa subxaana


watacaalaa (Ha quusan). Wuxuu xadiiskani
faa'ideynayaa in qof kii ku dhinta dembi aan
shirki ku jirin llaahay u naxariisan doono, xataa
haddii lagu ciqaabo dembiyada qaarkood, inuu
janno ku dambeyn doono sida ay sheegeen
xadiisyo kale.
Sido kale ninkii ku dhinta dembi shirki ku
jiro isagu llaahay ka sugi maayo naxariis sida lagu
sheegay Aayad Qur'aan ah oo ku jirta Suuradda
Al-Baqara, oo micnaheedu yahay ninkii llaahay u
shiriig yeela ama xaq llaahay cid kale ku ladha in
oo cadaab lagu mutaysanayo.

Four.1.4 Dadaal iyo Juhdi La Imow


Dhammaan dadka macnaha sameeyey ee kugu
xeeran haday noqoto sheekh iyo shariifba
midkasta wuxuu goostay wuxuu beertay, midkasta
wuxuu ku naaloonayaa habeenkiisa iyo
maalintiisa intu gashaday, taasina waa ta dadka
kala sareeysiisay, ee guulayste iyo guuldarayste
ka dhigtay.Alle kor ahaaye wuxuu yiri:“kuwa ku
149
Ha Dooran Guul Daro

jahaaday Dartanno waxaanu ku hanuunin


Jidkanaga, Eebana wuxuu la jiraa kuwa
wanaagga fala” (Cankabuut 29:69).

ُ ‫(والَّ ِذينَ َجا َهدُوا فِينَا لَنَ ْه ِديَنَّ ُه ْم‬


َّ‫سبُلَنَا ۚ وَِإن‬ َ :‫قال تعالى‬
.) َ‫سنِين‬ ِ ‫هَّللا َ لَ َم َع ا ْل ُم ْح‬
Dadaal oo ku dadaaal wixii ku anfacaayah
muxuu noqon karaa waxaa ku anfacaayah?
Wuxuu noqon karaa wixii ku an facaayah
aduunkaga ama akhiraddaada wax munaafacaad
leh da daal ku bixii waxaan munnaa facaad ku
laheen ha ku bixin wakhti iyo caqli. Nabigeena
Muxammed (SCW) wuxuu xadiis saxiix ah ku
yiri: “Ruuxa islaanima wanaagiisaa waxaa ka
mid ah in uu is kaga tago waxaan faa’ido ka
soogaleen. Doonaayow dadaal hana daalin dul
qaad ku gaar damacaaga. Qof walbaa rag iyo
dumar baa oo meel sare gaaray ma ahan qof raaxo
ku gaaray ee waa qof rafaad iyo dhib soo maray”.
Dadaalku waxaa weeye furaha ugu muhiim
san ee guusha lagu gaaro kuwa guulaysta iyo
kuwa guuldaraystaa waxaay is dheer yihiin kaliya
waa dadaal ka. Haddaba hadii aad rabto ina aad
150
Ha Dooran Guul Daro

nolosha meel sare ka gaadho kuna noolaato nolol


fiican dadaal joogta ah la imow.

Four.1.5 Bilaw Hadda


Hadda bilaw oo iska ilow wixii ku dhaafay sida
shaqadaadii oo aad ku fashilantay xirriir kaa
xumaaday, waxay u bahantahay geesinimo iyo
karti inaad ilowdo wixii hore. Horey waa in aad
gadaal u laaban. Sido kale aqbal waxa soo socda
adigoo la imaanaya dhamaan waxyaalaha
muhiimka u ah in aad ka guul gaarto hadafkaaga.
Haddaba, waxaad u baahantahay inaad
nolol cusub bilawdo ka bilaw meesha aad joogto
iyo waqtiga aad taagantahay. Waa inaad iska
masaxdo oo tirtirto wixii ku soo dhaafay, naftaada
ku mashquuliso wax kasta oo wanaagsan.
Adigaoo iska ilaali naayah firaaqa badan,
wahsiga, caajiska iyo welwelka. Hadaba ma is
waydiisay sababta ilmaha yaryar u faraxsanyihiin
marwalba oo aanay wax murugo ah u dareemin
markasta. Sababtu waa iyaga oo iska ilaaway

151
Ha Dooran Guul Daro

wixii ay kala kulmeen noloshooda oo ah


dhibaatooyin.

Haddaba, si aad u bilowdo hayaanka


guushaada qaad talaabooyinkan:
1) Ku xirnow Alle (SWT):in aad Alle ku
xirnaato waxay kuu fududaynaysaa inaad
gaarto ahdaaftaada hadey tahay waxbarsho,
shaqo, xirrir iwm. Alle sareeye wuxuu na
oranayaa asagoo nooga waramaya in ay ka
guul gaarida aqoonteena ay ku xirantahay in
aad asaga ka baqdo.
2) Qor hadafkaaga: Qor hadafkaaga oo u daji
waqti aad ku fuliso. Hadaba marka aad
ilowdo wixii kuu keenay guuldarada waxay
kaa saacidaysaa inaad bilowdo hadda
asbabaha kuu fududeyn kara inaad gaadho
guusha adiga oo ka shidaaal qaadanaya

152
Ha Dooran Guul Daro

waxna ka baranaya asbaabihii keenay


fashailka.
3) Joogtayn: Qodabka kale ama talaabada kale
ee u baahantahay inaad qaado waxay tahay
inaad joogtayso waxa aad bilowday, nabigu
(N.N.K.H) wuxuu jeclaa umuurta kuwooda
la joogteeyo. Sidaa darteed qofka marka uu
doonayo in uu ka guulgaaro arin waxaa
lagama maarmaan u ah in uu joogteeyo.
Iska Ilaali dib udhigista howlaha ku
horyaal.
4) Maaree waqtigaaga: Hadaba, ogow waqtigu
waa shayga ugu qaalisan ee nolashaada,
dhamaanteen Alle wuxuu na siiyay waqti
isku mid ah oo labaatan iyo afar saacadood
(24 Saac) kaliya waxaa lagu kala tagay waa
ka faaiidaysigiisa iyo maalgashigiisa.
Waxaa jira caqabad taasoo dadka ku keenta
guuldarada, hadaba caqabadaas waa
maxay?”
Waa cudurka loo yaqaan waqti igu filan ma
haysto”. Waanu haysanaa waqti nagu filan balse
waxaa naga maqan sida aan u maarayn lahayn.
153
Ha Dooran Guul Daro

Ugu danbayn walalkaygiyow inaad guushaada


xaqiijiso hadaad doonayso maaree waqtigaaga.
Iska Ilaali dib udhigista howlaha ku horyaal, ma
ogtahay dib udhigista inay tahay tuuga ugu way
ee waqtiga xadda wax aan u samaynaa howlaha
na horyaal marmarsiyo ama cudurdaar si aan dib
ugu dhigno waxaasi waa naf iyo shaydaan oo kaa
adkaatay si aadna u gaarin guushaada.Maxaa
lagaa doonayaa marka adi?In aad ka baxdo
wahsiga, caajiska, raaxada nafta iyo dhamaan
sheekooyinka xunxun ee waqtigaaga kaa
luminaaya.
5) Go’aan qaadasho: marka aan dib u noqono
qodabadeenii aan soo shegnay oo idil
waxay u baahan yihiin go’aan adag si aad u
xaqiijiso guushaada iyo hamigaga.
6) Dhaqan wanaagsan la imow: dhaqan
wanagsan in aad leedahay waxay kaa
saacidaysaa in aad xaqiijiso guulahaaga,
qofku waa in uu lahaadaa akhlaaq
wanaagsan taasina waxaa ay tahay qayimka
qofka, waxaa la yiraahdaa akhlaaqdu waa
sifooyinka ugu muhiimsan ee dadka ilaahey
154
Ha Dooran Guul Daro

adeecsan, u gaar yeela cibadada Alle, bal ka


waran Allaah iyo rasuukiisu waxay
amaaneen qofka akhlaaqda wanaagsan leh.
Waxaa laga yaabaa in aad shaqadaada ama
waxbarashada si fiican uga soo baxdo
laakiin aadna lahayn akhlaaq wanaagsan
ama sida aad ula dhaqmi dadkaaga iyo
dalkaaga. Akhlaaqda wanaagsan ayan
dadka quluubtooda ku kasbanaa. Ilaahey
quraankiisa wuxuu ku leeyahay asagoo
amaanaya rasuulka (N.N.K.H) “Waxaad ku
sugnaaday dabeeco (fiican) oo weyn. Yacni
akhlaaq teeda ugu fiican”(Al-Qalam 67:4).
.)‫يم‬ ٍ ُ‫)وَِإنَّكَ لَ َعلَ ٰى ُخل‬ 
ٍ ۢ ‫ق َع ِظ‬
7) Cafiska iyo saamaxaada: waxaa kaloo ka
mid ah waxyaalaha kuu muhiimka ah si aad
u gaarto guul in aad noqotaa mid cafis
badan oo cafiya dadka. Laabtaada nadiifi oo
ka saar cudurada ku dhaca qalbiga sida
cuqdada xasadka iyo kibirka, intaas hadii
lagaa helo dadku way ku jeclaanayaan.
8) Alle talo saaro: waxaa waajiba markasta in
aad Alle talada saarato adiga oo la
155
Ha Dooran Guul Daro

imaanaya asbaabta. Ilaahey quraankiisu


wuxuu ku leeyahay: “Hadii aad talo
goosato ilaahey ilaahey talada saaro
ilaahey wuu jecelyahay kuwa tala saarta”
(Al-Imraan 3:159).

‫(فَ 'ِإ َذا َع' َز ْمتَ فَت ََو َّك ْل َعلَى هَّللا ِ ۚ ِإنَّ هَّللا َ يُ ِح ُّب‬:‫ق''ال تع''الى‬
.) َ‫ا ْل ُمت ََو ِّكلِين‬

Four.1.6 Isku Mashquuli Waxkasta oo


Muhiim Kuu ah.
Waxaa muhiim kuu ah markaad doonayso in aad
ka guulgaarto ahdaaftaada in aad diiradda saarto
dhammaan howlaha muhiimka kuu ah, aadna ka
saarto meesha dib udhigga iyo waxkasta oo
marmarsiyo u keeni kara ama kaa mashquulin
kara howsha ku hortaaal. Waxaa muhiim ah in aad
diiradda saartaa howshaada iyo hadafkaaga oo
markasta sameey camal wanaagsan.
Haddaba, Ilaahey wuxuu na siiyay awoodo
nagu qarsoon kuwaasoo loo baahanyahay inaan
daaha ka qaadno oo aan dibada u soo saarno
156
Ha Dooran Guul Daro

anagoo kaashanayno caqliga ilaahey na siiyay.


Waxyaalaha muhiimka kuu ah waxaa ka mid ah si
aad u gaartid guushaada, aqoon, xirfad iyo curin.

Four.1.7 Samayso Saaxiib Wanagsan


Ogow guulahaaga waxa saamayn ku yeesha
waxyaala badan oo ay ka midyihiin dadka kugu
harayraysan sida: qoyska, saaxiibada iyo dadka
deegaaankaaga kugula nool.
Haddaba, qofka kugu saameenta badan
noloshaada waa saxiibkaaga ama saaxiibadaa.
Waa muhiim saaxiib wanaagsan inaad samaysato
si aad u guulaysato, maxaayeelay saaxiibka
wanagsan wuxuu kugu taageerayaa oo kugu
dhiirigalinayaa ka guulgaaridda hadafkaaga.
Waxaa la yiraahdaa saaxibku wuxuu kudaydaa
saaxibkiisa kale. Waxaan ula jeedaa saaxiibkaa
haddii uu wanaagsanyahay adna waad
wanagsantahay haddii uu xumaadana adna waad
xumaan, sidaa darteed waxaa laga maarmaan ah in
aad iska fiiriso qofka aad la saaxiibayso.

157
Ha Dooran Guul Daro

Luqmaan al xakiim oo la dardaarmaya


inankiisa ayaa wuxuu ku yiri “hadaad doonayso in
aad saaxiib ka dhigato qof ka caraysii intaad la
saaxiibin ka hor, hadii uu kuu cadaalad sameeyo
markuu caroodo la saaxiib markaa, hadii uu
caroodana ka digtoonow”. Hadaba saaxib
wanaagsan oo aad yelataa wuxuu fure u noqon
doonaa guushaada.

Four.1.8 Ku Dadaal Waxbarashada


Cilmigu waa furaha nolasha. Oraah
Soomaaliyeed waxay oranaysaa “Aqoon la'aan
waa iftiin la aan”oraah dan waxaan ka
faa’iidaysanaynaa in cilmigu muhiimad gooniya
leeyahay sidaa awgeed waxaa lagaa doonayaa
qofka in uu ku dadaaalo cilmiga maxaa yeelay
cilmigu qofka waxaa uu tusiyaa wadada
wanagsan iyo wadada qaldan.
Haddaba, lama soo koobi karo faa’idada
cilmiga waxaa ka mid ah: Cilmigu waa waxa
nabara waxa wanaagsan iyo waxa aan
wanaagsanayn sidoo kale qofka cilmigaleh iyo
158
Ha Dooran Guul Daro

kana an cilmiga lahayn isku mid ma ahan. Alle


wayne wuxuu yiri: “Miyee siman yihiin kuwa
cilmiga leh iyo kuwa aan cilmiga lahayn” (AZ-
Zumar 39:9).
ْ َ‫(قُ' ْل َه' ْل ي‬:‫ق''ال تع''الى‬
‫س'تَ ِوي الَّ ِذينَ يَ ْعلَ ُم''ونَ َوالَّ ِذينَ اَل‬
.) َ‫يَ ْعلَ ُمون‬

Four.1.9 Xusuusnow Geerida


Dhab ahaan dhamaanteen waxaa nawada sugaya
geeri. Qof ka aad doonto ahow hadii aad tahay
qani, faqiir, qof wayn ama mid yar hadaba mar
walba waxaa muhiim u ah qofka in uu xasuusnaado
geerida Alle wuxuu quraankiisa ku leeyahay:
“Dhammaan waxa (dhulka) korkiisa ah wuu tagi”
(Ar-Raxmaan 55:26).
.)‫( ُك ُّل َمنْ َعلَ ْي َها فَا ٍن‬
Sido kale Alle wayne wuxuu yiri:“Naf walba wa
ay Dhadhamin geerida” (Al-Imraan 3:185).
ِ ‫س َذٓاِئقَةُ ٱ ْل َم ْو‬
.)ۗ ‫ت‬ ٍ ۢ ‫(ك ُّل نَ ْف‬

159
Ha Dooran Guul Daro

Haddaba,Sidaa owgeed waxa lagaa


doonayaa qofku inuu ahaado mid ku baraarugsan
geerida uusan noqon mid qaafilan oo hilmaamsan.

Four.1.10 Rabbi Bari Marwalbaa oo Daa’im


Toobada Rabbi.
Rabbi u laabo waa sifaadka Mu’miniinta Alle
(SWC) wuxu addoomihiisa leeyahay i baryaa
waan idin aqbalaya waxay hogg usugnaatay kuwa
Alle subxaana watacaalla iska kibriyah ducadiisa.
Alle kor ahaaye wuxu yiri: “Wuxuu yidhi
Eebehiin i barya aan idiin ajiibee, (aqbalee) kuwa
iska weyneeya cibaadadayda waxay gali doonaan
naarta jahannamo, iyagoo dulleysan” (Ghafir
40:60).

َ‫س'''''تَ ِج ْب لَ ُك ْم ۚ اِنَّ الَّـ ِذيْن‬ ٓ ِ‫( َوقَ'''''ا َل َربُّ ُك ُم ا ْدع ُْون‬


ْ َ‫ـى ا‬
ِ ‫سيَد ُْخلُ ْونَ َج َهنَّـ َم د‬
.) َ‫َاخ ِريْن‬ َ ‫ستَ ْكبِـ ُر ْونَ عَنْ ِعبَا َدتِ ْى‬ْ َ‫ي‬
Sido kale Alle kor ahaaye wuxu yiri:
“hadday ku warsadaan Nabiyow addoomadu
xagayga anigu waan dhawahay waana ajiibaa
(aqbalaa) baryada markay i baryaan, ee ha imaq
160
Ha Dooran Guul Daro

leen, iyaguna hana i rumeeyeen si ay u


hanuunaan. Baryada Alle (swc) waxaa lagu hella
hanun haddi uu rabbi ku hanuunsho nah xaqiiqdi
waad guulaysatay” (Al-Baqara 2:186).

ُ ‫يب ُأ ِج‬
‫يب‬ ٌ ‫سَألَكَ ِعبَا ِدي َعنِّي فَِإنِّي قَ ِر‬ َ ‫(وَِإ َذا‬:‫قال تعالى‬
ْ َ‫َّاع ِإ َذا َدعَا ِن فَ ْلي‬
‫ستَ ِجيبُوا لِي َو ْليُْؤ ِمنُوا بِي‬ ِ ‫َدع َْوةَ الد‬
) َ‫شدُون‬ ُ ‫لَ َعلَّ ُه ْم يَ ْر‬

Haddaba, faa'idada baryada rabbi waxaa ka mid


ah:
1) Mu’minka ducada dhexdeeda wuxuu ka
helaa ajar iyo abaal Marin.
2) Ducada Mu’minka wuxuu ugu
dhawaanayaa Allaah wuxuuna ugu furayaa
ducada darteed albaab kasa oo ka xirmaa.
3) Ducadu waxay kaa celisaa masiibo kasta
oo soo wajahda iyo mushkiladahaa kugu
soo socota.
4) Ducada waxay ka ilaalisaa Mu’minka isla
waynida waxayna ka faydaa murugada iyo
dhibaatada.

161
Ha Dooran Guul Daro

162
Ha Dooran Guul Daro

CUTUBKA SHANAAD

163
Ha Dooran Guul Daro

Five.1 Gunaanad
Buuggaan lamagac baxay Hadooran Guul Darro
haddi aad soo wada akhrisay waxaad ku
baraarugtay ama aad fahantay in uu jiro waddo
(jidd) ama talaabooyin ku dhaxal siinayah guul
daro halka kuwa kale nah ay ku dhaxal siinayaan
guul.Si kale haddi aan u dhigno waxaa jirah qof
qaadayah waddo, wadadaas oo ah waddadaa guul
daradaa halkaa qofka kale nah uuqaadayo waddo
taas oo ay tahay waddadaa guusha dhabta ah.
Haddaba waxaa caddayn u ah in qof walbaa uu
gacmihiisa ku doorto guul ama guul darro.
Alle kor ahaaye wuxuu yiri:“Wixii idinku
dhaca oo musiibo ah (dhibah) waa waxay
kasbadeen Gacmihiinu, wuxuuna idinka cafiyaa
(Eebe) wax badan” (Ash-Shura 42:30).

‫سبَتْ َأ ْي'' ِدي ُك ْم‬


َ ‫صيبَ ٍة فَبِ َما َك‬ َ ‫(و َما َأ‬:‫تعالى‬
ِ ‫صابَ ُكم ِّمن ُّم‬ َ ‫قال‬
.)‫َويَ ْعفُو عَن َكثِي ٍر‬
Haddaba dhib idinkuma dhaco haddii
idinku dhaco nah waa waxaad hor marsateen oo
164
Ha Dooran Guul Daro

ah danbi iyo godob aad ka gasheen rabbigiin. Taas


waxay mujinaysaa Guusha ama guuldarada aad
gaarto waxay ku xiran tahay waxa adiga kasbato
(shaqayso).
Buuggan wuxuu aad u anfacayaa qofkasta
oo qaaday talaabooyinka guul darrada waxaa
hubaal ah haddi uu qofku si degan ku akhriyo
kuna dhaqmo waxaa xaqiiqo ah in uu wax wayn
iska badalayaan naftiisaa uu ku hoggaaminaayo
guul. Sido kale buuggan waxaan ugu talagalnay
qof kasta oo ku gafay naftiisa. Wuxuu u
fududeynayaaqaabku uga laaban lahaa jidka uu
qaaday iyo siduu uga bixii lahaa godka madow uu
ku jirro.
Sidoo kale buuggan ku dhaqan kiisa wuxuu
kaa ilaalinayaa wax yaalaha ku horseedi kara in
aad guuldaraysatid nolosha aduunka iyo tan danbe
(Akhiro).Haddaba Buuggan wuxuu ka kooban
yahay Shan cutub. Cutubka koowaad wuxuu ka
hadlaaya qissadaFaatina iyo calyaa waa aas aaska
buugga. Cutubka labaad waxaan ku qaabbaa dhig
nay guusha. Cutubka seddexaad waaxan ku
gorfayney guuldaradaa iyo asbaabta
165
Ha Dooran Guul Daro

guuldarrada.Cutubka Afraad waadawadda guul


darrada. Cutubka ugu danbeeya oo ah Cutubka
Shanaad waa gunaanad ka buugga iyo maanso is
kugu jirtaa waanno iyo dar daaran waxaa curisay
abwaanada Asma Xirsi Jamac (samo jecel).

Five.2 Maansado (Hays Dhiibin)


Waa kastoo dhalanayiyo
Dhararahan soconayaa
Marna dhiilo kuu sida
Marna faraxa dhaliyee
Hays dhiibin waligaa
Khaladkii mar kaa dhaca
Yaanu dhamana hays iyo
Dhaka faar ku gelin badan
Dhac -dhac iyo khaladkuba
Bashar dhalanki weeye
Dhabadaad ku sigatiyo
Wixi dhagar ku gelin kara
Waa laga dhamaada
Layskaga dhaqaaqa
166
Ha Dooran Guul Daro

Yaan dheg xuma ku racine


Adoo guusha dhalin kara
Sida dhagax dixeedkii
Dhulka meesha qudha yiil
Dhaq dhaqaaqna aan baran
Lama Dhoohanadee
Dhugmo ruux leh noqo oo
Qayrkaa ka dheere
Dhaqso guusho soo dhalli
Dharaari horee tegay
Wax dhammaaday weeye
Hadda dhugo dantaado
Waqtigaagu dheel-dheel
Yaanu kaa dhuminoo
Kugu dhaafin abidkaa
Noqo dheeman Aadmigu
Dhamidoodba gooban
Dhanka samuhu ka jiro
Dhabadii san qaadoo
Xumahana ka dheerow
Hays dhiibin weligaa
Dhimashadu xaq weeyoo
Aadmiga dhammantii
167
Ha Dooran Guul Daro

Iilbaa la dhigayaa
Lagu dhababi doono
Waa dharaaro duniduye
Aakhiro wax sii dhigo
Dhambaalkaan idiin siday
Waan idiin dhameeyee
Hays dhigane dheeree
Hays dhiibin weligaa

168
Ha Dooran Guul Daro

TAARIIKHDA QORAAGA

Magacaygu waa Maryan Siciid Yuusuf (Maryan


Ikhlaas) waxaan ku dhashay, gobolka Bari gaar
ahaan magaalada "Qardho" sanadku markuu aha
1994 tii, sidoo kale yaraantaydii waxan ku soo bar
baaray magaalada Bosaso. 2005tii waxaan
bilaabay dugsiga hoose iyo waxbarashada
asaasiga ah oo aan ku qaatay iskuulka umul quraa.
Intaas kadib waxaan u wareegay magaalada
qardho waxaan ka bilaabay barashada culuumta
sharciga ah.
2012kii Waxaan ku biiray mac’hadka AL-
QALAM qaybta barashada cilmiga sharciga ah
iyo luuqadda carabiga. Waxaan dhameeyay kana
qaatay shahaado sanadku markuu ahaa 2017
maalin khamiis ah, waxaan sidoo kale bilaabay
sanadku marku ahaa 2018 Jaamacadda Bariga
Afrika faraceeda Qardho kuliyadda
shareecada"Shareeca Al-islami" waxana ku jiraa
sanadkii u dambeeyay. Isla sanadkaas 2018
waxaan bilaabay oo aan kaqataay Diploma
169
Ha Dooran Guul Daro

luuqada Ingririska’ah machad ka luuqadaha ee


AL.Ghazali.Institute.of.Language.Qardho.

170
Five.3 Tixraacyo

 Sheekadaan.waxaa.weriyey.Sh:-
khaalid.Raashid(https://
youtu.be/J55Y56Pa4h8)
 Kitaabka Qur’aanka Kariimka

 Sheekh Mustafe x. Ismaaciil


Haruun
(https://youtu.be/KpvcuSudY4s)

You might also like