Download as pdf or txt
Download as pdf or txt
You are on page 1of 219

CILMI-NAFSI

CILMI-NAFSI
Shucayb Cabdulaahi Cumar (Cadnaan)
Yalax Print
Baar Ubax, Muqdisho, Soomaaliya
yalaxprint@gmail.com
+252 61 5241028 ― +252 61 5304050

Daabacaaddii Labaad 2022


Yalax Print, Muqdisho, Soomaaliya

Xuquuqda © Shucayb Cabdulaahi Cumar (Cadnaan) 2022


Akhriste waxaa lagugu wargelinayaa oo aad lagaaga
codsanayaa in aadan qaadan karin qayb kamid ah, sidookale
aadan daabacan karin, koobiyeyn karin, turjumi karin, adigoon
ogaalasho buuxda ka haysan qoraaga buuga. Fadlan ixtiraam
xaquuqda qoraaga buuga, hadaad u baahato kala soo xariir
ciwaanadaan hoose:

Taleefan lambar: +252 617947671


Fecebook page: SHucayb yare.
Fecebook: Shucayb Ibnu Cabdulle
WhatsApp: +252 617947671
Telegram: +252617947671.

Naqshadaynta Buugga: Yoonis Baarri


HIBEYN
Buugan oo uu magaciisu yahay, Cilmi-Nafsi, waxaan ku
sharfay, kuna maamuusay una hibeeyay labadayda
waalid,Hooyo (Nuuro Aadam Jaamac) iyo Aabbe (Cabdulle
Cumar Axmed) oo igu soo bar-baariyay akhlaaq
wanaagsan iyo tarbiyad aad u sarreysa Si aan u anfaco
dadkeyga iyo dalkeyga, Hooyo iyo Aabo hoygiina jannada
fardowso Allaha ka yeelo.
Sidoo kale buugaan waxaan u hibeeyey dhamaan umadda
Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

v
MAHADNAQ
Ugu horayn mahad oo idil waxay u sugnaatay alle swt oo
inaga yeelay ummad muslimiin ah rumeysan alle,
adeecsan rasuulkii loosoo diray ,allihii koon-kaan ina
keenay ,nakala garad siiyey xaqa iyo baadilka, nasiiyey
awood an wax ku qabsano, maskax aan ku fakerno caqli
iyo karti aan ku kala saarno samaanta iyo xumaanta.
Marka xigta waxaan mahad balaaran u jeedinayaa
waalidkey oo aan la’aantood ifka imaan lahayn, waalidkii
alle Kasakoow sababta u ahaa inaan waxbarto,inaan
bulshadayda wax taro waalidkii igu soo abaabshay
wadada wanaagsan, markastana igu dhiiri gelin jiray
waxbarashada, gaar ahaan hooyadey macaan (NUURO
Aadan Jamaaca ), Alle h u naxariisto janadii fardowsana
allaha ka waraabiyo, Sidookale waxaan mahad celin u
dirayaa Aabbe macaan ( Cabdulle cumar Axmed ) oo
runtii waalid iyo dhiirigeliye nololeed intaba ii ah
Sidookale waxaan rabaa inaan halkaan mahad celin
balaaran uga diro walaalkay ( Nuur maxamad cumar )
oo ah waalidkeyga, walaalkeyga iyo garab keyga,
marwalbane u taagan inuu idhiirigaliyo, runtii mahad
celintiisa masoo koobi karro, hoygii janadda eebe haku
geeyo,adduunkana ciso iyo sharaf ku noolow.
Intaas kedib waxaan halkaan mahad celin uga dirayaa
dhamaan walaalihii iyo asxaabtii gacanta wayn ka
geystay buugaan oo runtii la’aantood ay adkaan la hayd
inuu soobaxo.
Waxay mudan yihiin abaal weyn iyo duco badan,dhab

vi
ahaantii waxay isugu jiraan walaal, ehel, asxaab iyo kuwa
kaloo badan. Ma ahan mid aan sookoobi karo oo aan ku
idleyn karo qalin iyo qoraal. Waxaan ka afeefanayaa
guud ahaan inaysa ii suuro geleyn inaan magacyadooda
wada xuso, balse qalbiga ayey ku wayn yihiin. Waxaan u
mahadcelinayaa dhamaan asxaabtii dhiirigelinta iyo
bogaadinta igala daalin intii ay howshani ay socotay.
Waxaan sigaara ah ugu mahadcelinayaa saaxiibada kala
ah:
Ayuub maxamad cumar (Ayuub qalinle): .saaxiib
buugaan billawgiisa ilaa dhamaaadkiisa aan marna
garabkayga ka bixin.
Yuusuf Saxardiid yuusuf (yuusuf kaarto): Tafatiraha
kowaad ee buugaan, sidookale tala bixin iyo bogaadin aan
ka helay intuu buugaan socday.
Raxmo yuusuf aaden (Raxmo Riish): fikradii ka
danbaysay bilowga qorowga buugaan,talasiin joogta ah,
garab istaag aanan marna garabkayga faarujin
bilaabashadii buugaan ilaa daabacadiisa. Illaahay
abaalkeeda jannadda haka yeelo. Dhamaan walaalihii
,saaxiibadii iyo ehelkii sida hagar la’aanta ah ii garab
tagnaa, haday ahaan lahayd, dhiirigelin, gacansiin qoraalo
aan u baahnaa iyo garab istaag intaba, waxaan leeyahay
abaalkiina qalbiga idinkugu hayaa mana noqon doono
mid aan si fudud ku hilmaamo.
Fathi Abdi geedi (Abyan) : walaal bugaan soo bixidiisa
wax badan igala qayb qaatay, haddii ay ahaan lahayd xog
raadin iyo dhiirigelin intaba.

vii
Eebbe haka abaalsiiyo.
Ayan Cali Cabdi (Drs Happy): walal buugaan soo
bixidiisa wax badan igala qayb qaaatay,haddi ahaan
lahayd dhiirigilin iyo xog baarid,xog raadin intaba.
Eebbe haka abaalsiiyo.
Drs Fatima Ismail mohamed: walaal buugaan inta aan
qoraayay igu dhiirigelin jiray,haday tahay talo siin ,haday
tahay ciwaano,dhamaantood ayay garab igu sii say,
abaalkaaga ma guudi karo eebe janadii udgooneed haku
siiyo aduunkana ciso iyo sharaf ku noolow.

viii
TUSMADA BUUGGA
HIBEYN ....................................................................................................... v
MAHADNAQ............................................................................................. vi
TUSMADA BUUGGA ............................................................................. ix
AFEEF.........................................................................................................xii
HORDHAC .................................................................................................. 1

CUTUBKA KOOWAAD .............................................................................. 3


1.1 WAA MAXAY CILMI-NAFSI? ..................................................... 4
1.2 TAARIIKHDA CILMI NAFSIGA: ................................................ 4
1.3 XIRFADAHA CILMI NAFSIGA ( ISKILLS OF
PSYCHOLOGY): ................................................................................ 8
1.4 XARIIRKA KA DHAXEEYA CILMI-NAFSIGA IYO WAX
BARASHADA:................................................................................. 15
1.5 QAYBAHA CILMI-NAFSIGA..................................................... 17
1.6 MUHIIMADA UU LEEYAHAY CILMI NAFSIGA: ............. 19
1.7 DUGSIYADA CILMI NAFSIGA:................................................ 21

CUTUBKA LABAAD ................................................................................. 29


2.1 XADHIIDHKA KADHAXEEYA CILMI NAFSIGA IYO
JACAYLKA ....................................................................................... 30
2.2 CILMI-NAFSIGA MASKAXDA AADDANAHA ................... 88
2.3 SIDEE CILMI NAFSIGU USAAMEEYAA MASKAXDA
AADDANAHA: ............................................................................... 96
2.4 CILMI NAFSIGA AAMUSNAANTA (PSYCHLOGY
SILENCE) ......................................................................................... 97

ix
2 . 5 CILMI-NAFSIGA SHAQSIYADA (PERSONALITY
PSYCHOLOGY) ........................................................................... 107
2.6 CILMI NAFSIGA BULSHADA HADAY BARTAAN
MUXUU U SOO........................................................................... 118
2.7 DADKA CILMI-NAFSI YAQAANKA AH MAXAA LAGU
GARTAA: ....................................................................................... 121

CUTUBKA SADDEXAAD..................................................................... 123


3.1 12 JAAMACADDOOD ADDUNKA UGU CAANSAN EE
LAGU BARTO CILMI................................................................ 124
3.2 10 QOF EE UGU MUHIIMSAN TAARIIKHDA CILMI
NAFSIGA: ...................................................................................... 126
3.3 CILMI NAFSIGA IYO LA-TALINTA ................................... 132
2.4 CILMI NAFSIGA HAWEENKA MIYEY KU LUG
LEEYIHIIN?.................................................................................. 136
3.5 WAA KUMA HAWEYNAYDII UGU HORRAYSAY EE
CILMI -NAFSI YAQAAN AHAAN AHEED: ...................... 136
3.6 WAAKUMA AABAHA CILMI NAFSIGA:......................... 137
3.7 CILMI NAFSIGA BULSHADA IYO SIYAASADDA ......... 137

CUTUBKA AFARAAD........................................................................... 147


4.1 CILMI NAFSIGA WARSHADDAHA.................................... 148
4.2 CILMI NAFSIGA CAAFIMAADKA....................................... 154
4.3 XARIIRKA KA DHAXEEYA CILMI-NAFSIGA IYO CILMI-
NAFSIGA BULSHADA: ............................................................ 177

x
CUTUBKA SHANAAD .......................................................................... 181
5.1 DEEBACADDA AADANAHA (HUMAN BEHAVIOR).. 182
5.2 SOOMAALIDU MAXAY KA AAMINSAN TAHAY CILMI-
NAFSIGA ....................................................................................... 190
5.3 CILMI-NAFSIGA KORIINKA ................................................. 199

TIXRAAC ............................................................................................... 205


TAARIIKHDA QORAAGA .............................................................. 206

xi
AFEEF
Waxa aan ka afeefanayaa hadii Khalad lagu arko buugaan
dhaxdiisa, macna ahaan iyo qoraal ahaanba in aanan ugu
talagalin oo ay ku dhacday si aanan ogeyn dhankastaba
ha ahaatee. Waxa aan codsanayaa cid walba oo buugeyga
ku aragta khaladaad in ay ila soo xariirto si aan dib uga
saxo daabacadaha kale.

xii
HORDHAC
Marka hore IIIahay sw ayey mahadi oo idil u
sugnaatay,oo igaransiiyey in aan bulshadayda wax kusoo
biiriyo.
Marka xigtana dhamaan, walaalihii, asxaabtii iyo ehelkii
igu garab siiyey soo saarida buugaan.
Buuga cilmi-nafsiga waxa uu ka hadlayaa, taariikhda
cilmi-nafsiga iyo Sidookale wuxuu ka hadlaayaa cilmi-
nafsiga xariirada, cilmi-nafsiga caafimaadka iyo kuwa
kale aanan soo koobi karin, akhriste ka faa’idaysi wacan

1
2
CUTUBKA
KOOWAAD
CILMI-NAFSI

1.1 WAA MAXAY CILMI-NAFSI?


Cilmi nafsi waa barashada maskaxda iyo dabeecada
dadka.
Cilmi-nafsi waa barashadda hab-dhaqanka iyo maskaxda
noolaha.
Sidookale khubarada cilmi-nafsiga waxay ku qeexeen waa
xaalad maskaxeed o o ku lug leh jahawareer
udhaxeeya,wax dhabta ah iyo waxaan dhabta ahayn.
Cilmi nafsiga: waa barashada dabeecada, maskax
ahaan,iyo qaabka qofka.
Cilmu-nafsiga ayaa ah mid ballaaran oo kala duwan oo ka
kooban barashada fikirka aaddanaha, Dabeecada,
hormarka, shakhsiyada, shucuurta iyo dhiirigelinta.
Cilmi nafsigu waa darraasada tacliinta iyo dabaqidda
howlaha maskaxda iyo dabeecadda.

1.2 TAARIIKHDA CILMI NAFSIGA:


Erayga Cilmi nafsi waxaa lagu qoray joseph R.Buchaan
1842 sidookale Eraygaan waxaaa lagu macnayn karaa
Cilmi-nafsi waa (Eray gariiga ah ee maskaxda,
mecnaheedu waa (naf) iyo metron,mecnaheedu yahay
cabir, Sidookale Cilmi-nafsiga waxaa lagu macnayn karaa
(psyche oo micnaheedu yahay “ Naf” , “ Nolol ama “
maan” iyo logia oo micnaheedu yahay barashada,sifudud
hadaan u dhigo cilmi-nafsigu waa barashadda maskaxda).

4
CILMI-NAFSI

Buchaan oo ah professor u dhashay dalka mareynkan ka


wuxuu aad ugu takhasusay cilmi-nafsiga,,in kastoo cilmi-
nafsiga wakhtigaan ka tujur maayo taariikhda kala
duwanaasha maskaxda iyo hab-dhaqanka bani’aadamka
,si aad uhesho faham buuxa oo ku saabsan cilmi nafsiga
waxaad ubaahan tahay , inaad raadiso,taariikhda iyo
asalka cilmi nafsiga sidookale cilmi-nafsigu wuxuu aad
uga hadlaa mowduucyo aad uballaadhan,oo ku saabsan
dabeecada aaddanaha iyo habka maskaxda bani’aadamka
siduu u fikiro in kastoo cilmi nafsi ya qaanadu aysan soo
saarin edbin gaar ah illaa dhamaadkii 1800 meeyadii
taariikhdii ugu horeysay ayaa la raadin karaa wakhtigii
hore ee cilmi-nafsiga..
Xiligii qarnigii 17aad falsayahanad u dhalatay dalka
faransiiska ee oo loo yaqaan (Rene Descartes) waxay
soo bandhigtay fikrad ah in dadku ay ku kala duwan
yihiin dabeecada. sidookale waxay ka qayb katahay
dhacdooyinka cilmi nafsiga ee aasaasiga ah ee cilmi
ahaaneed
Cilmi nafsi gii hore oo ku saabsan maskaxda iyo
dabeecadaheeda ayaa saameyn baaxad leh ku yeeshay
mudadii u dhaxeeysay bartamihii 1800aad nin u dhashay
waddanka mareynka ka oo loo yaqanay wilhelm wundt(
foonti) ayaa is ticmaalay hab cilmi baaris ah si loo baadho
dabeecada dadka.
Wilhelm wundt Buugiisa waxaa la daabacay 1871 -
1874,mabaadi’da cilmi nafsiga fiyolojiga,ayaa sharaxay
qaar badan oo kamid ah is ku xirnaanta ugu weyn ee
seyniska cilmi nafsiga iyo daarasada fekerka aadanaha

5
CILMI-NAFSI

iyo Hab-dhaqankii sa. Wundt wuxuu u mar dambe furay


shaybaadhkii ugu horreeyay dunida ee 1879-dii
jaamacada leipzig.
munaasabadaas waxaa guud ahaan loo tixgeliyay bilowga
rasmiga ah ee cilmi nafsiga oo ah anshax cilmiyeed oo
kala duwan.
Sidookale william james wuxuu u muuqday mid ka mid
ah takhaatiirta cilmi nafsiga ee mareynka inta lagu guda
jiro wakhtiga uu daabacay bugiisa caadiga ah,
mabaaadi’da cilmi nafsiga, william James waxaa loo
aqoon saday inuu yahay aabaha cilmi nafsiga ee dalka
mareynkanka
Bugiisa markiiba wuxuu noqday buuga ugu saameynta
badan dalka mareynkan ka sidookale wuxuu sharaxay
mabaadii’da aasaasiga ah ee dugsiyada cilmi-nafsiga
fikradiisa ee cilmi nafsiyeed 1913-kii oo ahaa
dhaqdhaqaaqa aragtida Waston ayaa markii dambe ka
baxay si uu buxiyo qeexitaankiisa buugiisa dabeecada
dabiiciga ah uu qoray 1914.
Aragtiyo cusub ayaa la soo saaray sanadkii 1914 ayaa
waxay sharaxayaan dabeecada aadanaha iyo shakhsiyada
Aadanaha, cilmi-baaristii ugu dambaysay oo cilmi-
nafsiga ku saabsan ayaa waxay eegaysaa dhinacyo badan
oo kamid ah waayo-aragnida aadanaha,laga bilaabo
sanadkii 1915 dabeecadda Aadanaha ayaa si tartiib
tartiib ah u sameeyay cilmi-nafsigu sidookale wuxuu
saameyn ku yeeshay arrimaha bulshada iyo Hab-
dhaqanka aadanaha.

6
CILMI-NAFSI

Sidookale cilmi nafsigu wuxuu kayimid laba eray oo


gariig ah oo gaar ah -psyche,oo micnaheedu yahay “naf,”
“nolol,” ama “maan,” iyo logia ,oo micnaheedu yahay
Barashada si fudud Hadii loo dhigo cilmi nafsigu waa
barrashada maanka.

Dadkii ugu horreyay ee cilmi-nafsi yaqaan ah(first


people psychologists)

Wilhelm wundt 1832-1920 wuxuu ahaa seynisyahan kii


ugu horreyay oo cilmi nafsi yaqaan ah, magac buugiisa
wuxuu ahaa (principles of psychological) waxaa la
daabacay 1873
Wundt waxa uu cilmi-nafsiga u arkay daraasad cilmiyeed
oo khibrad miyir leh,wuxuuna rumeysnaa in himilladda
cilmi nafsiga oo ay tahay in la aqoon saddo cilmi-nafsiga.
Wundt waxa uu isticmaalay introspection(waxa uu ugu
yeedhay aragti guddaha ah) waa hab lagu ogaado waayo
aragnimadda qofka sida ugu macquulsan ee suurta galka
ah,isaga oo maskaxda bani’aadamka ka dhigay sida
dhinac kasta oo kale oo dabiici u ah saynisyahanku arkay.
William jemes (1842-1910) waxa uu ahaa cilmi nafsi
yaqaankii ugu horray dalka mareykan ka ah kaas oo ka
qaatay aragti kaduwan sida cilmi nafsiga u shaqeeyo.
James aragtidiisa waxay aheed in kobaca garaadka kor
loo qaaddo wuxuuna aqbalay sharraxaada sifooyinka
noolaha ,laakiin Wilhelm wundt way ka duwaneed
Aragtidiisa.

7
CILMI-NAFSI

1.3 XIRFADAHA CILMI NAFSIGA ( ISKILLS OF


PSYCHOLOGY):
Cilmi-nafsiga wuxuu lee yahay xirfado badan,laakiin
dalkeena Soomaliya aan laga aqoonin,xirfadahaasina waa
kuwa aan awoodno, ma aha kuwa aan awoodi waynay,
haddaba akhriste waxaa laguugu dhiirigelinayaa inaad
barato xirfadaha cilmi-nafsiga, buugaan ama dhiganahaan
waxaad ku baran doontaa xirfado ku saabsan cilmi-
nafsiga :
 Isgaarsiinta: isgaarsiintu si cad ayay muhiim
ugu tahay xirfad kasta.
Laakiin waxay si gaar ah muhiim ugu tahay
marka la baranayo dabeecada aadanaha.
 Tirada: dadka bartay cilmi-nafsiga waa inay
haystaan meel lagu ogaado tirada xayawaanada
iyo dhirta si loo ogaado tirada sadax ah ee ku
nool dunida ,tiradda in la ogaado waa kaalin
wayn oo ku salaysan cilmi-nafsiga,sidookale
cilmi-nafsiga waxaa loo adeeg sadaa in tirada
saxdaa ee dadka lagu ogaado.
 Cilmibaaris: sikastaba ha ahaatee doorka
cilmi-nafsigu ,cilmi baaristu waxay ka ciyaartaa
qayb muhiima, hadii aad rabto inaad sameyso
tijaabooyin hore loo sameeyay ama ku wa aan
la samaynin waxaad u baahan tahay cilmi-
baaris ,Tusaale waxaa jira joornaalo saynis ah
ku waa soo la helay toban sano ka hor waxaad
rabtaa inaad hesho joornaaladaas waxaad

8
CILMI-NAFSI

samaynaysaa cilmi-baaris ku salaysan cilmi-


nafsiga,waana fursad ka banaan dalkeena
Soomaaliya,waxaa loo baahan yahay dhalin yar
ka shaqaysa cilmi-baaris ku salaysan dalkeena.
 Dulqaad: natiijooyinka cilmi-nafsigu waxay
badanaa qaadan karaan sanado si loo arko ,ha
ahaato cilmi-baaris aad sameysay ama shaqo
aad u qabatay Bukaan,laakiin si hormar loo
gaaro waxaa loo baahan yahay dulqaad ,waa
inaad awood u lee dahay inaad naftaada
dhiirigeliso xitaa marka ay natiijadu ay noqon
wayso sida aad rabtay,cilmi-nafsiguna waa
qodobka uu diirada saarayo.

Noocyada: magac aqoon yahan cilmi nafsiyeedka ah ayaa


badanaa loo is ticmaalaa erey buste ah si uu usharaxo qof
kasta oo kashaqeeya cilmi nafsiga,laakiin waxaa jira farqi
udhaxeeya noocyada kala duwan ee cilmi nafsiga.
Tusaale ahaan,dhakhaatiirta cilmi nafsiga oo loo yaqaan
cilmi-nafsi-yaqaanada waxay la shaqeeyaan dad ay kala
kulmaan dhibaatooyin maskaxeed ayna sameeyaan
howlaha sida qiimeynta,ogaanshaha iyo daaweynta
macaamisha.
Nooc kale oo cilmi nafsi yaqaan ah waa cilmi nafsi yaqaan
nafsiyeed, xirfadlayaashaan waxay la shaqeeyaan
ganacsiyada iyo ururada kale si ay u xaliyaan Arimaha la
xadhiidha goobta shaqada,waxaa la gayaabaa in ay xoga
saaraan goobaha shaqada oo amaan ah oo wax ku ool ah

9
CILMI-NAFSI

ama abuuraya qaabdhismeed urur oo kordhiya wax soo


saar iyo wax qabadka.
Sidee ayaad u ogaaneysaa nooca cilmi nafsiga ee aad
donayso inaad noqoto.
Hal arin oo lagu ogaan karo waa inaad tixgaliso xirfad ku
saleysan caafimaadka maskaxda ama melaha ku shaqada
leh caafimaadka maskaxda.
Goobaha gaarka ah:
Marka aad haysato fikrad ku saabsan nooca cilmi nafsiga
ee aad jeclaan laheed Inaad noqotid, waxaad markaas
diirada saari kartaa qorshahaaga xirfadeed ee
degaankaaga takhasuska ah oo u muuqda inuu ku
haboonyaahy yolkaaga Iyo danahaaga.
Haddii aad cilmi baaris ama aad xiiseynayso in lagu
dabaqo fikradaha maskaxdaada dhabta ah,waxaa jira
meelo badan oo u gaar ka ah cilmi nafsiga waxaa kamid
ah cilmi nafsiga caafimaadka ,cilmi nafsiga baarista,Cilmi
nafsiga ururka iyo cilmi nafsiga bulshada.

Nooca shaqo ay qabteen dhakhaatiirta cilmi-nafsiga :

Dhakhaatiirta cilmi nafsiga waxay ka shaqeyaan meelo


badan oo xirfadeed xitaa khabiirada cilmi nafsiyeedka ee
ka shaqeeya is la goobaha takhasuska ah waxay ogaan
karaan in shaqadooda gaarka ah ay si wayn u kala duwan
yihiin.
Tani waa sababta nuuca cilmi nafsi uu u kala duwaan

10
CILMI-NAFSI

karo iyadoo ay ku xiran hadba meesha shaqo looga


baahan yahay sida: baahida loo qabo shaqadaas,baahida
dadka deegaan ka, caafimaadka maskaxda,tacliinta iyo
cilmi baarista ayaa ah qaar kamid ah meelaha ugu
muhiimsan ee xiisaha leh ee cilmi nafsi yaqaanku Ku
raadin karo,dhaakhaatiir badan oo cilmi nafsi yaqaano ah
waxay kaloo ka shaqeeyaan goobaha codsiga sida
economics iyo waxyaabo kale. Dhakhaatiirta cilmi nafsiga
waxay sidoo kale ku habboon yihiin iney ka shaqeeyaan
ganacsiga, dowlada, waxbarashada iyo caafimaadka
maskaxda.

Xaaladaha shaqada ee taariikhda cilmi-nafsiga :

Daraa saad ay sameyeen ururka qaran ee kullyadaha iyo


loo shaqeeyaasha ay heleen mushàarkoda ugu horrey ee
daqliga ($ 30,000) waa muhiim in la xasuusto in daqliga
iyo mushaarka dhakhaatiirta nafsiga ahi ay aad uga xiran
yihiin heerka tacliinta,kbirada iyo takhasuska waa
muhiim in la ogaado waxa aad fillan karto inaad sameyso
markaa galayso xirfad. ”waxaa muhiim ah in la ogaado in
kuwa hela shahaadada,maadada ama seyniska ee cilmi
nafsiyeed ay lee yihiin karti badan oo kabasho ka badan
kuwa haysta shahaada beclelorka, sidaas ayey dhaheen
khubarada cilmi nafsiga”. Wasaarada shaqadda ee
mareykan ka waxay sadaalisay baahida loo qabo cilmi
nafsiga ay sii kor dhayso 19 boqolkiiba illaa sanadka
2024 oo ah heerka dhakhso badan celcelis xirfadah
mareynka si kastaba ha ahaatee waxay sidookale ogsoon
yihiin in koritaanka uu kala duwnaan doono iyadoo ku
xiran hadba meesha takhasuska leh

11
CILMI-NAFSI

Xirfadaha cilmi-nafsiga casriga ah

Xirfadaha cilmi nafsiga waxay qaadan kartaa habab


badan.
Tusaale ahaan xirfadaha cilmi nafsiga casriga ah waxay
noqon kartaa mid gabi ahaanba la bartay oo ku salaysan
waji dadwayne ama waxay noqon kartaa la-taliye qoys oo
la shaqeeya dadka da’kasta leh maalin kasta, waa
kuwaan qaarkamid ah shaqooyinka caadiga ah ee dadku
qabtaan kadib markay kasbadaan ama qaataan
shahaadada koowaad ee sayniska cilmi-nafsiga.
Professor -xirfada professor cilmi-nafsiyeedku waxay
noqon kartaa mid faa’ido leh laba siyaabood
dartood:marka Hore professor nimada ayaa inta badan
safka hore kaga jirta daafurka cusub ee goobta lagu
sameeyo iyagoo ka qayb galay shirka iyo sii waddida
cilmi baarista cusub,marka labaad macalimiinta cilmi
nafsiyeedku waxay sheegaan inay ka shaqeeyaan sidii ay
u soosaari lahaayeen arday caawisa dadka cilmi-nafsiga.
Isbitaalada: Dhakhaatiirta cilmi-nafsiga waxay inta
badan ka shaqeeyaan isbitaalada ,dadka bartay cilmi-
nafsiga waxay aqoontooda uga faa’idayn karaan ama ku
caawin karaan dadka la kulma dhaawac maskaxeedka
caafimaadka.
Waa fursad ka banaan dalkeena soomaaliya inkastoo
dadka barto cilmi nafsiga ay ku yar yihiin,haddana waa
fursad banaan oo aan is leeyahay waa muhiim
dhakhaatiir cilmi nafsi waa u baahan yahay dalkeena
soomaaliya.

12
CILMI-NAFSI

Wakaaladaha dowladda: waakaaladaha dowladda ee ay


ka shaqeeyaan dadka bartay cilmi nafsiga,qaar kamid ah
shaqooyinka ugu sareeya ee cilmi nafsiga ee dowladda
waxaa kamid ah la-telliyaasha asluubta,cilmu-nafsiga
milatariga,profile- yaasha dembiilayaasha iyo la-teliyaal
rug-caddaaga ah.

Dugsiyadda cilmi-nafsiga :

Meelaha ugu badan ee looga shaqayn karo waxaa ka mid


ah dugsiyadda cilmi nafsiga,dugsiyadaas oo loo isticmaali
karo in irdayda barta cilmi nafsiga lagu baro, adduunka
waxaa ku taallaa dugsiyo lagu baro ardayda cilmi nafsiga.

Buugaan waxaan ku xusi donaa 3 siyaabood oo aad u


adeegsan karto cilmi nafsiga go’aamadaada

1. Isticmaaal cilmi nafsiga si aad uhesho dhiiri


galin:
Hadii yoolkaagu yahay dhamaystirka wakhtiga
kama dambaysta ah,miisaankaaga oo hoos
udhaca,ama waxkale oo dhan,waxaa jira xeelado
nafsi ah oo kaa caawin kara inaad hesho
dhiirigalin,Tusaale ahaan usamee Hadafyo cad cad
inta aad howsha ku jirto. Tani waxay kaa
dhigaysaaa howsha guud Iney u muuqato mid la
maareyn karo waxayna ku sii naysaa sabab aad
naftaada uga abaal mariso marar badan. Ku
abaalmarinta naftaada shaqo siwanaagsan loo
qabtay
Waxay maskaxda ku kicisaa iney rabto wax badan

13
CILMI-NAFSI

oo kamid ah dareenkaas wanaagsan.

2. Qosol si aad udareento farxad: Dareen


waxoogaa hoos udadsan?
Dhoola cadee inta aad awooddo! Maskaxdeenu aad
bay u xoog badan tahay,laakiin sidoo kale way
fududahay iney nucaas noqoto.
Daraasaduhu waxay muujiyeen in markaan
nafteena ku qasabno inaan dhoola cadeyno
waxaan dhab ahaantii billownaa inaan dareeno
farxad.

3. Isticmaal cilmi nafsiga garashada si aad


uhagaajiso xirfadahaaga go’aan qaadashada:
Waxaan had iyo jeer la kulanaa go’aammo nolol
maalmeedkeena Laakiin saameeynta go’aan sax ah
mar walba ma sahlana
Nasiib wanaag,cilmi nafsiga barashadiisa ayaa wax
badan nabaray habka go’aan qaashada marka xigta
ee aad isku dayayso inaad qaadato go’aaan weyn
tixgali faa’idooyinka iyo qorshooyinka
go’aankaaas.
Is waydii sida go’aan gaar ah u qancin doonin
shuruudo kasta oo aad yeelan karto.
Ugu dambeyntii,ka fiirso go’aan kasta oo suura gal
ah dhinacyo badan: caqli gal ah,shucuur leh,hal

14
CILMI-NAFSI

abuur leh,togan,toban,iyo wixii lamid ah.

4. Iska indho tir: marka aad rabtid inaad howl ama


sho aysan dadka Horran u qaban samee oo qabbo
,adigoo iska indho tiraya ama iska dhaga tirraya
dadka.

1.4 XARIIRKA KA DHAXEEYA CILMI-NAFSIGA


IYO WAX BARASHADA:
Cilmi-nafsiga waxbarashadu waa laan kamid ah ama waa
qayb kamid ah cilmi nafsiga,barashadda habraacyadda
wax-barashadda la eegayo aragtidda garashadda iyo hab-
dhaqanka la badaba,waxay u ogolaanaysaa cilmi-
baarayaashu inay fahamaan kala duwanaashaha shakhsi
ahaaneed ee caqliga,hormarka,garashadda iyo saameynta
iyo dhiirigelinta,is-xakameynta sidookale cilmi-nafsiga
waxbarashaddu wuxuu si aad ah ugu tiirsan sanyahay
hababka tirradda oo ay ku jiraan tijaabinta iyo cabirka si
Kor loogu qaado howlaha waxbarashadda

Wax Barashada cilmi nafsiga maanta

 Wakhtigii hore iyo maantay Barashada cilmi


nafsiyeedku barashada iyo barida iyo is la
wakhtigaas Waxay ku didaalaan sidii loo hagaajin lahaa
wax barashada.

 Si loo fahmo sida ugu badan ee surtagalka ah ee


ku saabsan barashada iyo waxbarida

15
CILMI-NAFSI

dhakhaatiirta cilmi nafsiga waxbarashada dadka


baraan dhinac walba oo ku saabsan
waxbarashada,haday ahaan lahayd xifdin,akhrin,
qoris iyo wixii la mid ah.
Door ka waxbarashada ee cilmi nafsiga: Qodobadaan
soo socda waxay ka ciyaaraan doorka muhiimka ah ee
cilmi nafsiga wax barashada
 Illaa iyo intii cilmi nafsiga wax barashada lagu
gudan jiray ilaa 100 sano dood ku saabsan
waxbarashada ayay qabteen cilmi-nafsi yaqaanadu
 Dadka qaar waxay aaminsan yihiin cilmi nafsiga
wax barashada waxayna ku dabaqeeen waxqabad
yada lagu dhax qabto goobaha waxbarashada.
Kuwa kale waxay aaminsan yihiin iney ku lug leedahay
adeegsiga habka cilmi nafsiga si loo barto fasalka iyo
nolosha dugsiga Brophy 2003 wittrockadeegsia.

16
CILMI-NAFSI

1.5 QAYBAHA CILMI-NAFSIGA


Cilmi nafsiga waxaa loo qaybiyaa nuucyo badan buugaan
ama dhiganahaan waxaan ku sheegi doonaa sadex nuuc
oo kamid ah cilmi-nafsiga,sidookale waa kuwa ugu
saameynta qaybaha cilmi-nafsiga.
Bugaan waxaan ku sharixi donaa
Seddex nuuc oo kamid ah cilmi nafsiga
1: Cilmi nafsiga caafimaadka (Health psychology) waa
qayb kamid ah, qaybaha uu cilmi nafsigu aad uga Hadlay
maxaa yeelay cilmi nafsiga caafimaadka wuxuu ubadan
yahay maskaxda bani’aadamka inta badan cudduradda
ku dhaca maskaxda
bani’aadamka waxaa lataacla ama daaweeya cilmi
nafsiga,marka waxaan darreemi karnaa inuu muhiim u
yahay noolaha qaasatan Bani’aadamka.
2: cilmi nafsiga warshaddaha (industrial psychology)
warshadduhu waa la’aanta cilmi nafsiga ee khusaysa
aragtiyaha nafsiga ah iyo mabaad’ da
ururadda,warshadduhu waxay qabtaan howlo kala
duwan oo ay ku jiraan barashadda dabeecaddaha iyo
hab-dhaqank shaqaallaha,hadafka guud cilmi nafsiga
warshaddaha,waa in la barto ama la fahmo dabeecadda
aadanaha.

17
CILMI-NAFSI

3: cilmi nafsiga dabeecada ( Behavioural psychology)


cilmi nafsiga dabeecadda ayaa saameyn wayn ku yeeshay
bukaan socodka, Tussaale ahaan adeebacadda qofka
marka aad rabtid inaad ogaatid waxaa la sameeyaa
wuxuu diidaayo qofka ayaa lagu soo celceliyaa,bukaan
socod waxaan u lajeedaa qofk dabeecaddiisu ebar tahay.
Sidookale cilmi nafsiga dabeedda waa la’aan kamid ah
cilmi nafsiga waxayna xariir la leedahay cilmi nafsiga
bulshadda maxaa yeelay bulshadda qof aan dabeecadd
la’hayn lama heshiin karo ama lama dhaqmi karro.
4: social psychology (cilmi nafsiga bulshada) cilmi nafsiga
bulshadda waa qayb kamid ah cilmi nafsig.ama cilmi
nafsiga bulshadda waa qayb kamid ah cilmi-nafsiga guud
oo si wayn looga tixgeliyo addunka,sidookalana waa
daraasad cilmiyeed oo ku saabsan sida fikraddaha
bulshadda loo hormariyo sidookale dareenka iyo
shakhsiyaadka kala duwan ayuu saameyaa cilmi nafsiga
bulshadda .
Cilmi nafsiga bulshadda wuxuu ka maareyaa walaaca iyo
niyad jabka bulshadda soo weeraro ama ay la kulmaan
iyo arrimaha kale bulshadda si ay u wanaajiyaan go’aan
qaashaddooda iyo hab-dhanka saxdda ah ee mustaqbalka
ee ku salaysan faham dhaqankii horre.

18
CILMI-NAFSI

Tussaale: waalidiintii horre ee 190s waxay la haan jireen


dhaqamo gooniya halka jiilka hadda jirra ama dadyoga
hadda jooga ay ayakuna lee yihiin dhaqan
ugooniya,marka cilmi nafsiga bulshaddu dhaqankii horre
ama midka hadda jirra waa soo hoos galayaa.
Dhakhaatiirta cilmi nafsiga bulshadda waxay caadi ahaan
usharaxaan dabeecadda bani’aadamka inay tahay
natiijadda xadhiidhka ka dhaxeeya bulshadda iyo
maskaxda.
Barashadda cilmi nafsiga bulshadda ku saabsan waxay
kaa caawin kartaa fahamka naftaada iyo addunka kugu
xeeran,marka aad barato wax badan oo ku saabsan sida
ay dadku u arkaan dadka kale,sida ay u dhaqmaan koox
ahaan, iyo dabeecaddahooda loo ogaado waxaa kuu
fududaanaysa inaad la’ dhaqanto.

1.6 MUHIIMADA UU LEEYAHAY CILMI


NAFSIGA:

Cilmi nafsigu wuxuu dadka ka caawin karaa iney


hagaajiyaan go’aan qaadashadooda, maareynta
cadaadiska iyo hab-dhaqanka ku salaysan fahamka hab-
dhaqankii hore Si ay sifiican u saadaaliyaan hab dhaqanka
mustaqbalka.
Sidoo kale cilmi nafsigu waa aqoon loo bahanyahay

19
CILMI-NAFSI

maxaa yeelay wuxuu sahlaa dadka iney si fiican u


fahmaan sida ay maankoodu ushaqeeeyo,taasna waxay
noo sahlaysaa in cudurrada maskaxda aan si fiican u
fahano oo markaas si fiican u maareyno.
Waxaa kaloo cilmi nafsigu ka caawiyaa dadka,maamulida
xariirka ay la leeyihiin kuwa hareerahooda jooga sida,
asxaabta,walaalaha,waalidka,xaaska,,Dariska iyo wixii la
mida isla mar ahaantaana wuxuu inaga caawin karaaa
hadaan barano cilmi nafsiga,sida loo dhiiri galiyo kuwa
murugsan ama walaaca qabo,adigoo taloyin sii karaya
kadib aad siwanaagsan u dhagaysato dhibaatada u
qofkaas tabanayo.
Guud ahaan cilmi nafsigu wuxuu la shaqeeyaa
caafimaadka maskaxda iyo maanka.
Cilmi nafsiga bulshada wuxuu ka caawineyaa iney
fahmaan sida jirka iyo maskaxdu u wadda shaqeeyaan.
Aqoontaas waxay ka caawin kartaa ggo’aan qaashada iyo
fogaanshaha xaaladaha walaaca leh,sidookale waxay ka
caawin kartaa maareynta wakhtiga,dejinta iyo
gaaritaanka yoolka

Anshaxa-hoosaadka cilmi-Nafsiga:

Cilmi nafsiga waa mid baahsan maanta ,anshax


hoosaadyo kala duwan ama qaybaha cilmi nafsiga ayaa si
weyn loo aqoon san yahay oo inta badan laga faa’idaysto
warshaddo kala duwan,qaar kamid ah hab-hoosaadka

20
CILMI-NAFSI

cilmi nafsiga waxaa kamid ah:


-cilmi-Nafsiga qoyska oo mararka qaarkood loo yaqaan
daaweynta qoyska,waxa ay diiradda saartaa
nidaamyadda dadka dhexdooda ah ee laga helo qoyska.
Cilmi -nafsiga ciyaaraha wuxuu diirada saaraa sida
arrimaha cilmi nafsiga u saameyn karaan wax qabadka
ciyaartoyga.
Ganacsiga-cilmi nafsiga ganacsigu wuxuu diirada saaraa
waxtarka goobta shaqadda ama ururka iyadoo loo
marayo daraasadda dadka iyo dhaqanka guud ee goobta
shaqadda.
Warbaahinta-cilmi nafsiga warbaahintu wuxuu diirada
saaraa xidhiidhka kakan ee kadhaxeeya warbaahinta iyo
saameynta ay ku leedahay habdhaqanka aadanaha.
Forensic- cilmi nafsiga dambi baarista waa hab lagu barto
shakhsiyaadka ku lug leh nidaamka sharciga, sida
markhaatiga khubarradda ama kuwa ku jira baarista
dambiyadda.

1.7 DUGSIYADA CILMI NAFSIGA:


Waagii hore ama wakhtiyadii horre dhakhaatiirta cilmi
nafsiga waxay isku raac sanaayeen hal iskuul, balse
wakhtigaan hadda la joogo iskuullada cilmi nafsigu way
bateen, aragridda iskuulladaas ay ka mididay san yihiin
waxaa waaye, fikirka aadanaha. Dhakhaatiirta cilmi
nafsiga waxay inta badan ku soo qaateen fikraddo iyo
aragtiyo cusub oo kalla duwan,kuwa soo socda ayaa ah

21
CILMI-NAFSI

qaar kamidda ah iskuullada waawayn ee fikirka ee


saameeyay aqoonteena iyo fahmkeena cilmi nafsiga
dhakhaatiirta cilmi nafsiga dugsiyada ayaa sidookale
awood u leh inay bixiyaan cilmi baarista
dugsiyadda,aqoon is waydaarsi.

Structuralism iyo functionalism:

Dugsida Hore ee fikirka Structuralism-ku waa falsafad iyo


hab ka samaysan aragtiyo cilmi-nafsi structuralism-ku
waa u janjeer xagga ciliga ah oo doonaayo inuu fahmo oo
sharaxo xaqiiqadda bulshada marka la eego
dhismayaasha bulshadda.
Qaab dhismeedyada waxaa lagu qeexaa iney yihiin
qaababka iyo qaababka xariirka bulshadeed iyo isku-
darka ka dhex jiira qaybo ka kooban qaybaha bulshadda.
Structuralism-ka waxaa si wayn looga tix galiyaa inuu
yahay schoolkii ugu horreeyay ee fikirka cilmi nafsiga.
Aragtiddani waxay diirada saartay sidii loo kala jabin
lahaa hababka maskaxda ee qaybaha aasaasiga ah.
mufakiriintii waa wayneed ee la xariirtay qaab-
dhismeedka waxaa kamid ahaa Wilhelm wundt iyo
edward Titchener.
Ahmiyada qaabdhismeedku waxay aheed yareenta-geedi
socodka maskaxdeed ee ku aaddan waxyaabah aasaasiga
u ah
Qaab-dhismeyaashu waxay adeeg sadaan farsamooyin ay
ka mid yihiin dhex-dhaxaadin si ay u falaan qeeyaan
geedi-socodka guddaha ee maskaxda aadanaha.

22
CILMI-NAFSI

Functionalism-ka waa aragti ku saabsan dabeecadaha


maskaxda sida laga soo xigtay dhakhaatiirta maskax ee
cilmi nafsiga .
Waxaa loo sameeyay falcelin ku aadan aragtiyaha
dugsiyada qaab-dhismeedka fikirka waxaana si wayn u
sameeyay william james functionalism-ka: shaqadeeda
waxay aheed howllaha maskaxda iyo la qabsiga.
Waxaad buugaan ku baran dontaa afar school oo cilmi-
nafsiga ama afar manaa Hij:
1: Duggsiyada dabeecadda ee fikirka cilmi nafsiga
(behaviorist school of throught in psychology)
2: dugsiyada fikirka nafsaaniga ah (psychoanalytic school
of thought)
3: dugsiga fikirka Aadanaha(Humanistic school of
thought)
4: gestalt of psychology.

1: Dugsiga Dabeecada fikirka aadanaha: Ayaa ku


adkaysanaaya in dabeecadaha lagu sifeyn karo si
cilmiyeysan iyadoo loo tixgalinaayo dhacdooyinka ee
guddaha ama dhismayaasha mala awaalka ah sida fikrada
iyo caqiidooyinka,taasoo ka dhigaysa dabeecada wax soo
saar badan oo diirada la saarayo fahamka nafsiga Dadka
ama xayawaanka.
dugsigaan waxaa aasasay john B.waston 18781958,
sanaddkii 1913 wuxuu ku dooday in cilmi nafsiga uu

23
CILMI-NAFSI

yahay sayniska dabiiciga ah oo arragtidiisa lagu xaddiday


dhacddooyin la arki halkaas oo dhacdooyinka kaliya ee
sidda dhabta ah loo qiyaasi karo ay ahaayeen dabeecadda
noolaha.

2: Dugsiga Fikirka Maskaxda:

Dugsigaan waxa uu ka ciyaraa door muhiima doorka


cilmi nafsiga iskuullka ee maraykanka iyo kanada ayaa
aad uga duwanaan karra doorka cilmi nafsiga iskuulkaani
ayaa si aad ah ugu xirnaa sharciga dadwaynaha iyo
waxbarashadda ardayda naafada ah iskuulkani wuxuu
xarrumo badan ku leeyahay 48 dal.
International school waa iskuul cilmi nafsi oo uu
aasaasay sugmund freud Dugsiga fikirkaani wuxuu
xoojiyay saameynta maanka iyo miyirka ku leeyahay
dabeeecada
freud wuxuu beeniyay in maskaxda aadanaha ay ka
koobantahay saddex walxood oo ah id ego iyo
superego.Sugmund freud wuxuu ahaa aabihii dugsigaaan.

3:Dugsiga fikirka aadanaha (Humanistic school of


thought)

Dugsigaani wuxuu ina barayaa waxa Bani aadan nimo


tahay iyo waxa la yiraahdo cilmi nafsiga aadanaha.

24
CILMI-NAFSI

Waa maxay Bani’aadamnimadu?

… Bani-aadamnimaddu waa falsafad adkeynaysa


muhiimada ay lee dahay arrimaja aadanaha halkii la eegi
lahaa arrimaha diinta,rabbaniga,ama ruuxa.
Bani-aadannimdu waxay salka ku haysaa fikrada ah in
dadku lee yihiin ma’suuliyad xagga an shaxa is ay u
hogaamiyaan nolol si yshaqsi ahaan u guddanayso isla
mar ahaantaana gacan ka gaysanaysa wanaaga dadka.
Bani-aadamnimdu waxay xoo jineysaa muhiimadda
qiyamka iyo karaamadda aadanaha .
Sidookale waxay soo jeedinaysaa in dadku ay
dhibaatooyinka ku xalin karaan adeegsiga sayniska iyo
caqliga.
Bani-aadamnidu waxay diirada saaraysaa sidii dadka
looga caawin lahaa iney si wanaagsan u noolaadaan.
Humanistic school bani-aadan nimaddu waa mowqif
falsafadedd iyo anshaxeed oo xoga saaraya qiimaha iyo
wakiilka bani-aadamka,shaqsi ahaan iyo waddar ahaan
waxayna guud ahaan doorbidaan fikirka muhiim ah iyo
caddaynta.
Fikirka bani-aadann nimaduu wuxuu qabaa in dadka aan
lagu soo koobi karin qaybo laakiin taa badalkeeda ay
yihiin dad dhan oo leh sharaf waayo aragnimadooda waa
in la qiimeyaa.
Dugsiga kani waxaa uu nabarayaa tallooyin,aan ku
hormarin karno nafteena waxaana rajaynaa inay aad kuu

25
CILMI-NAFSI

an fici donaan aqriste:


 Samee aragti ku saabsan waxa aad rabto
inaad gaarto
 Tixgali waxa aad aamin santahay iyo
qiimahaaga.
 Barro inaad aqbasho naftaada iyo dadka
kale.
 Diirada saar inaad ku raaxaysato waayo-
arragnimadda halkii aad ka gaari la hayd hadafyo.
 Joogtee rajadda wanaagsan.

4: GESTAlT of psychology

Gestalt waa iskuul cilmi-nafsiga ku salaysan fikradaha


inaan la kulano waxyaalo isku dhafsan.
Gestalt oo ah dugsi cilmi nafsi asal ahaan wuxuu ku yaalaa
wadda mada kala ah jarmalka iyo Austria dabayaaqadii
qarnigii 19aad.
Dugsiga cilmi nafsiga ee gestail waxaa la aasaasay
qarnigii 20aad kaas oo bixiyey aasaaska daraasadda
casriga ah aragtida dugsiga gestail waxay xooga
saaraysaa meelo badan.
..Gastalt waxay aamin sanaayeen in jabinta nafsaaniga ah
ay qaybo yaryar ay u soo horjeedi fahamka cilmi nafsiga.
Dhakhaatiirta cilmi nafsiga ee gastalt waxay

26
CILMI-NAFSI

rumaysteen,habka ugu miro dhal badan ee lagu fiiriyo


cilmi nafsiga.
Dhakhaatiirta gestaltists waxay ka soo horjeesteen
aragtidan “atomik” baahsan oo ah in ujeedada cilmi-
nafsiga ay tahay in miyir beelka u jebso wax yaabaha
aasaasiga ah ee gundhigga ah”

27
CILMI-NAFSI

28
CUTUBKA
LABAAD
CILMI-NAFSI

2.1 XADHIIDHKA KADHAXEEYA CILMI


NAFSIGA IYO JACAYLKA

jecaylku waa in laba qof is-ku mar daneeysta yaal


noqdaan.
Cilmi nafsiga jacaylka muxuu ka yiri in badan oo
dadyowga dunida ka tirsan ayaa aminsan inuu jiro
jacaylka aragtida koowaad.
Halka culimada cilmi nafsiga ay ku tilmaameen dareen
sojidasho leh oo fudud oo aan gaarsiisnayn heerka
jacaylka dhabta ah.
Darrasad ay sameyeen culimda cilmi nafsiga ee
jaamacadda groningen ee dalka Netherland,ayaa lagu
baaray jiritaanka “jacaylka aragtida koowaad” natiijadii
cilmi baaristaan kasoo baxday ayaa noqotay in darrenka
dadka ee aragtida koowaad uu yahay mid soo jiidasho
jireed oo fudud oo ay la socoto mowjado ka helitaan
xoogan.
Darrasadaan ay culumada cilmi nafsiga ay sameeyeen
ayaa waxaa ka qayb galay 396 qof oo intooda badan ah
arday jarmal iyo nederland uu kala dhashay,ardey daan
waxay sameeyeen kulamo wakhti kooban ah oo muddo
90 daqiiqo iyo 20 daqiiqo oo kale ay isku arkeen.
Dhakhaatiirta cilmi nafsiga ayaa ogaaday,labo siyaabood
oo saameyn kara sida aynu xadhiidh u bilaawi karno iyo
sida aynu u joogteyn karno.

30
CILMI-NAFSI

Midkood waxa uu qiyaasaa heerka mudnaanta aynu siino


Marka ugu horreysa ee aad qof la kulanto iyo saadasha
hore ee aad ku ogaann karto, inaad isku haboon
tihiin,halka kalana qiyaas suurta galnimada uu
xadhiidhkaasi ku sii jiri karo.
Hadii ay dhibaatooyin la soo dersaan waxaana la
yidhaahdaa aragtiyaha muuqda ee xadhiidhka,waxaa
dhici karta in sigaar ah qofka uga fakari karo sida uu
uqabali karo,inuu jiro jacayl dhab ahi,laakiin arintaasi
maha mid aynu sicad, ugala sheekaysano dadka ama aynu
dhaadanahay.
Marka aynu xadhiidh cusub bilaawayno,labad siyaabod
ee aan horay u soosheegnay waxay ay natusi karaan,in
aad suurta gal utahay,in qofku la hadlo qofka uu
xadhiidhka kala dhaxeeyo ama u uga fiirso karo
dhaliilaha uu qof kale lahaan karo xitaa hadiba aynu
lahayn kala duwanaashaha aragtiyada dadka ayaa keenta
in lafahmo dookh dadka kale qaarkood ayaan fahmi karin.

Astaamaha jacaylka ee cilmi-nafsi:

Daraasado dhowr ah oo ku saabsan xariirka jacylka oo ay


sameeyen xeel dheerayaasha arrimaha jacaylka ayaa
sheegay astaamaha lagu garto qofka jacaylka dhabta ahi
hayo ama uu halleelo,taas oo aad ku garan karto ,hadii
aad isku aragto astaamahaan in jacayl dhaba ahi ku hayo:

31
CILMI-NAFSI

1: qofka sida dhabta ahi wax u jecel ,waxuu illaaliyaa


sharafta lamaahana kale ee u jecelyahay in kabadan sida
uu udaryeelo naftiisa.
2: lammaanaha aad sida dhabta ah aad u jeceshahay
waxa uu noqdaa ka u dambeeya aad habeenkii ka fikirto
iyo ka u horreya aad ka fikirto subaxii.
3: qofka jacaylka rasmigaa halleelo,si dhab ah ayuu u
ilmeeyaa una oo yaa markasta oo uu xasuusto lamaanaha
uu jecelyahay.
4: markasta oo uu soodhaco telleefankiisu qofka sida
dhabta wax u jecel waxa uu aad u doorbidaa inuu noqdo
codkii lamaanaha uu sida dhabta ah u jeclaa.
5: markasta oo uu soogalo qol dad badani ku jiraan waxa
uu indhaha la raacaa ama indhaha qac ku siiyo muqaalka
aragtida lamaanaha uu jeclyahay isaga ama iyadda.
6: Hadii u ogyahay halka uu joogo lamaanaha uu jeclyahay
masaafaday doonto ha u jirtee wuu u baholyoobaa waana
u tagaa.
7: Hadii lamaanaha aad jeceshay uu la socdo rag ama
dumar kale,waa inuu muqaalkeeda ama muqaalkiisa uu
sigaara kaaga sooc naadaan bidhaan ahaan musaafo ka
durugsan kuwa kale.
8: marka uu ku soo eego lamaanaha aad jeceshay ee ay
indhihiinu is qabtaan waa uu naxaa ama way naxdaa
garaaca wadnahaagana si aan caadi ahayn ayuu u sii
kordhaa.
9: markasta waad ka fikirtaa,wax kasta oo aad ragtana

32
CILMI-NAFSI

way ku xasuusiyaan jecaylkiisa ama


jacaylkeeda,waxaadna jecashay hadal haynta iyo warka
lamaanaha aad jeceshay iyo maqalka codkiisa ama
codkeeda ilbiriqsi kasta.
10: qofka jacaylku biyo kadhigaa kuma dhiirado inuu
sicaadiya ula hadlo,lamaanaha uu jeclyahay markasta oo
uu la hadlana waxa u dareemaa fikir naxdin saa id
ah,kalgacalka ogii.

Hadaba si aad aragtidaan ufahmtid waxaad ka jawaabtaa


su’aalahaan marka aad halkaan soo gaartid.

Qiyaasta lagu ogaan karo in qofkaasi kuu qalmo:

1: in xadhiidh jacayl lagu gulaystaa waxay badanaa ku


xiran tahay in dadku isku qalmaan?
2: Qof walba qof uqalmo ama ay is qaadan karaan?
3: Dad badani marka ay is guursdaan ayaa xadhiidh qoto
dheer dhaxmaraa?
4: muhiimada ugu wayn waxaa waaye in aniga iyo
xaaskayga/seygayga aanu aad isku jeclaanaa guurka
kadib?
5: Qof aadan aad u jaclayn ma guur sadeen?
6: Majirto aragtida ah in qof walba uu jiro qof u qalma?
7: waxaan qabaa in aa fadayda /seygayga mustaqbalka uu
noqon doono qofkii ugu fiicnaa ee aan la kulmay?

33
CILMI-NAFSI

8: dadka qaba in qof u qalma iney helaan wakhtigey iska


lumiyaan?
9: Sababta ugu weyn ee dadka is guursadaa ku kala
tagaan waa iney marka horraba isku qalmin?
10: Xadhiidhka adag ee qofka aad yeelanaysaan marka
horaba wuu jiray,inta aydan is baranba?
Hadaba si aad natiijada uheshid marka hore isku eeg
jawaabaha aad ka bixisey su’aalaha 1,2,3,4,5,6,7,8,9,iyo
10 su’aalaha 6 iyo 8 waa inaad tirada aad kaga jawaabtay
midkiiba ka jartaa 8 kadibna aad tirada kuu sobaxdo ay
noqoto 6 waxaad wadarta ku dartaa 2 markii ay
waddarta guud kuu soo baxdo waxaad u qaybisaa 10 si ay
kugu soo baxdo celcelis ahaan aragtida aad ka qabto
su’aalahaasi waxay yihiin su’aalahan ama waydiimadaan
waxaa laga soodhigay su’aalo cilmi baadhis ah oo ay
adeegsatay (Renage franiuk) oo ka tirsan jaamacadda
Aurora ee gobalka llinios ku waas oo qayb ka ahaa Cilmi
baadhis ay waday oo ku saabsanaa aragtida qofka ee ku
niyad samida iyo muddo xadhiidhkiisu jiri karo.
“Hadii jawaabta kuu soo baxda ay badato Hayaabin bay
ku leedahay” franiuk kaligaa ma tihide.
Waxaa dhacda in dadku rumeystaan in xadhiidhku
guuleysan karo, laakiin waxaan aragnaa in sirtu tahay
iney helaan qof u qalma.
Su’aallaha iyo daraasadahii la xadhiidhayba waxaa ka
soo baxay
In aragtida dadku ayna is badalin,Taas oo macnaheedu

34
CILMI-NAFSI

tahay qofkii rumaysan in labadii qof ee la isu qoray ay


helayaan ay san aragtidaasi is badali karin waana aragti la
rumaystay.
Labada aragtiyood ee kor lagu xusey qof kali ahi mar
qudha mawada qabi karo,surta gal ma ahan,inaad amin
sanaato in xadhiidhka labada qof ka dhaxeeya kobco
hadii ay ku dadalaan ,islamarkiiba aad qabato in qof
walba helaayo qofkii loo qoray
Ayuu yiri gili freedman oo ahaa dhakhtar ku taqasusey
cilmi nafsiga,oo ka tirsan jaamacada st mary.
Khubaradu waxay isku raac san yihiin in jacaylku dhabta
ahi aanay aheyn mid toosan,laakiin Kawar qabka
dareenkeena,kalgacal raadiska ah ayaa inoo sahalaaya
inaan si fudud uga gudubno caqabadaha waa weyn ee aan
kaga gudubno dhabaha caashaqa.
Waxaa jira afar nuuc oo xariir ah xariirka
qoyska,saaxiibtinimada,isbarashada iyo xariirka jacaylka
Cilaaqaad yada aadka u nuugsan waxaa kamid noqon
kara xariirka shaqada,xariirka macalinka, ardayga iyo
xariirka bulshada.

Cilmi nafsiga maqeexay jacaylka?

..jacaylku waa cidaafo iyo dabeecado lagu garto isku


dhawaanshaha,kalgacalka iyo ballan qaad wuxuu ku
lugleeyahay daryeel,udhawaansho ,illaalin,soo
jiidasho,kalgacal iyo kalsooni

35
CILMI-NAFSI

. Jacaylku waa kala duwanaan karaa xoogna waa isu


badali karaa wakhti badan kadib.

Cilmi-nafsiga dumarka nolosha qoysk:(cilmi-nafsi)

Gabdha taliyaani hadii aad jecayl u sheegato kuma


rumeysanayso illaa aad derteed dhagar ugasho,gabadha
ingiriis jecaylkaaga ma rumaysanayso ilaa aad xoola
badan ku bixiso Darteed,laakiin gabdha carbeed inaad
jeceshahay waxay rumaysa naysaa oo kaliya,marka aad
guursato.
Dagaalku waxa uu lee yahay xeer la iska yaqaano oo ah
goob kasta oo la go doomiyo gurmad dabeedadna aanan
u imaan,waxa ay ku dambaysaa uun inay is-dhiibto
haddaba dumarkuna waa sidaas oo kalle.
Inta ay gacan taadada furan tahay laba sheey ayaa la
hubaa inaad hayn karto “waa dhibicdda maadada
meerkoriga iyo gabadha”
Maalinta aad gacantaada xirto ayaana labada kuugu
dambaysa.
Ninka gabadha jecel laba siyaa bood ayuu ku dilli karaa “
waa dilka caadiga ee ah in aad la jeclaato gabar kale.
Marka aad ragto gabadha oo muraayada la-isku eego ka
caba naysa waxaad garataa inay gaboow day.
Inanta caqliga badan ninka ma raad sato xittaa haddii ay
jecashay waayo ugaartu ma eryato ugaar saddaha.

36
CILMI-NAFSI

“Ninku ma’bda uu qabo Awgii ayuu u gowracaa


qofkasta,gabadhuna qof ay jeceshay dartii ayay ma’bda
kasta uga tillaab sataa”
Ninka halka ugu dambaysa ee dhimataa waa
qalbigiisa,gabadhuna waa carabkeeda lamaanaha is-
qabaa si ay farxad ugu nooladaan waxaa muhiim ah in
labadooda midkood uu garaad badnaado.
Hadii ay labaduba garaad badnadaan is Hoggaaminta
ayaa lu maysa.

Hanashadda dumarka (cilmi nafsi)

Darraasaddo kala duwan oo lagu sameeyay dumarka ku


nool caalamka waxaa la ogaaday inay jiraan haddalo ay
dumarku si gaar ah u jecel yihiin,kuwaasoo dareen
siinaya inay qiimo wayn ku lee yihiin ninka ay xariirka la
lee yihiin agtiisa ,lix hadal oo kamid ah haddaladaas
ayaan buugan ku baran doontaa si raguna ay u hellaan
hub ay ku hantaan qalbiyadda dumarka ay
daneeynayaan,dumarkuna ay u helaan erayadda ay u
baahan yihiin inay maqlaan
1: waan jecelahay si’da aad u fakarto: marka aad u
sheegto gabadha inaad jeceshahay hab faker keedda,
waxay darree meysaa inaad qiimeynayso shakhsiyadeeda
in kabadan inta aad qiimeynayso muuqaalkeeda dusha.
waxaad ogaataa gabar kasta uu culays wayni ka haysto
sida ay u qurxin la hayd muuqaalkeeda sare gaar ahaan
marka ay la joogto ninka uu xariirka kala dhaxeeyo sidaas

37
CILMI-NAFSI

darteed ayay wakhti badan u galiyaan ka shaqaynta


quruxdeeda
,iyadoo ay taasi jirto marka ay gabadhu dareento inuu
ninku kaliya danay naynin quruxdeeda ee uu daney nayo
caqligeeda shakhsiyadeeda iyo faker keeda waxay
dareemeysaa in culays badani ka dagay iyo inaad
qaddarin badan u hayso iyadda.
2: waan jecelahay inaan dhagaysto hadalkaaga:
dumarku waa kuwa jecel inay markasta ka sheekeeyaan
wax yaabaha ay soo arkeen waxyaabaha ay qabteen, iyo
xitaa mushaakil kooda gaarka ah laakiin dhibta ugu
badani waxaa weeye inta badan mahelaan cid
siwaanagsan udhagaysta oo ay uga waramaan
arrimahaasi xitaa hadii ay helaan markasta mahelaan,
sidaas darteed marka uu wiil kuu sheego gabadha inuu
jecelahay inuu dhagaysto hadalkeeda inuu jecelahay
waxyaabaha ka dhacay musalsalka ay daawato ama
waxyaabaha ay wadda sameeyeen iyadda iyo
saaxiibaheeda waxay darreemeysaa dareen aad u qurrux
badan waxaadna u soo jiidanaysa si waali ah.
3: waxaan kugu jecelahay sidda Aad tahay : hadalka
kani waa mid kamid ah haddallada ay dumarku badan
kood isku raaceen inay muhiim tahay gabadha inay ka
maqasho ninka ay xariirka la leedahay sababtoo ah
hadalkani wuxuu ka dajinayaa culays wayn waxay
dareemaysaa inay san ku qasbanayn inay wax ka badasho
nafteeda waxayna agtaada ka helaysaa xasi looni ay
markasta soo doonato ,bal sawiro adigoo nin ah marka
aad gabadha aad wadda sheekay sataan kuu sheegto inay

38
CILMI-NAFSI

kugu jeceshahay sida aad tahay iyo xaalad kasta dareen


nuucee ah ayaad dareemi lahayd? Waaba iyadoo laga
yaabo inaad qanac sanaan badan ka dareemayso
muqaalkeeda miisaan keeda iyo sida ay dadku u arkaan.
4: fiicnaan lahaydaa hadaan mar horre ku baran
lahaa: hadalkan wuxuu ka turjumayaa inay noloshaada
ku jirto waliba aad ka qoomamay nayso inaadan wakhti
horre la kulmin marka ay intaas kaa maqasho gabadha
aad mustaqbalka ka rabto waxay dareemaysaa inaad ku
qanacsantahay inay noloshaada ku soo biirto ,isla
markaana aad ku fara adeegi doontid inaad ilaashato
kuna fara adeegto markasta oo aad eraydaa u sheegtay
waxaad arkaysaa iyadda oo noqotay gabar kale oo cusub
waayo waxaa siisay tamar farxadeed iyo darreen
firfircooni ah.
5: waan ku jeclaan donaa hadii uu misaankaagu
noqdo laba boqol oo kiilo: hadalka layaabka kale ee aad
maqlaysaan marka uu ninku usheego gabadha ina raaciyo
sikasta uu miisaan keeda noqdo xittaa hadii uu u aad
ubatto waxay gudaha ka darremaysaa farxad aan la soo
koobi karrin. Dumarka iyo miisaanka badan waxaa
kadhaxeeya xariir nacayb iyo dagaal ah laga yabaa in
raggu badankoo inayn aad kula jeclayn inuu
miisaankooda kordho iyo in kale,laakiin dumarka
agtooda waa mowduuc khatartiisa watta ,waxaana laga
yaabaa hadii aad gabar kula kaftanto inay buran tahay
inuu eraygaas uu ku riddo niyad jab iyo kalsooni darro
wayn sidaas darteed usheeg markasta gabadha aad
lasocoto inaad ku jeceshahay sikasta uu miisaankeeda

39
CILMI-NAFSI

yahay waxaa tusaysaa inaadan ku jeclayn inay leedahay


jir isku dheeli tirran ama buuran ee aad xaallad kasta ku
rabto waxaa dhacaysa in gabadhu ka fakarto maadaama
aad sikasta ku jeceshahay inaa tahay ka qurra ee u qalma
inay miisaankeeda iyo caafimaad keeba u ilaaliso waxaad
arkaysaa iyadoo ka taxaddraysa cuntadeeda iyo korarka
miisaan keeda
6: waan ku jeclaan doonaa: Xitaa hadii aad 80 jir noqoto
oo jirkaagu is baddalo wax yaabaha kale ee dumarka
badankood dagaallka kula jiraan waxaa ka mida da’day
iyo in wajigooda duu duumo waa sababta ay wakhti
badan u galiyaan qurxinta wajigooda sidaas derteed
marka ay kaa maqasho gabadhu inaad jeclaan doonto si
kasta oo ay gaboobowdo wajigeedana u duu duumo
waxaad u direysaa laba fariin
1: Inaadan waligaa ka tagi doonin ee la joogi doontid.
2: In isbedelladu wakhtigu ku sameyn doono jirkeeda iyo
wajigeeda aanu is bedelli doonin.kuwaasi waxay
ahaayeen qodobo ay dumarku ay jecelyiihin in ladho ama
qof xariirka kala dhaxeeyo uu adeegsan karro, is midaas
cagsigeeda dumarkuna way adeeg san karaan
qodobadaan oo ragga waa ku oran karaan laakiin 80%
dumarka ayaaa ku haboon.

Ragga qallaf san maxay dumarku u jecel yihiin (cilmi-


nafsi):

Dumarku waxay inta badan jecel yihiin,ragga qalafsan taa

40
CILMI-NAFSI

micnaheedu dumarku daacadnimadda badan ma


jecela,waxaa macquula,inaad noloshaada aragtay wiilal
badan oo u badan dumarka,Haddana xariir kooda
markasta ku dhamaado fashil niyad jab,iyo murugo
waxaad arkaysaa wiil jecel gabar daryeella xaaladeeda ka
war qaba,baahiyaheeda u tixgaliya,mudda ka dibna ay ka
caajistay gabadhii kana tagtay waliba ay xariir la
ssamaysay mid kale oo aanan ku qabin daryeelkii ay ku
qabi jirtay kii horre Haddi aad xaalladaa noo kale la
kullan tay ama aad aragtay qof ay ku dhacday ka dibna
aad fahmi waysay sababta keenta Buggaan waxaad ku
baran kartaa sababta iyo xalka.
Inay dumarka soo jiitaan wiilasha xun ama wiilashaa
daacadda ahayn waxaa keenta saddex arrimood,saddex
arrimood oo keenta inay ka door bidaan wiillasha
wanaagsan,daacadda ah dhamaystiran ,wax kastana u
sameeyay gabadha darteed:
1: isla waynida: waaa sax inay isla waynidu tahay
dhaqan xun,iyadoo taasi jirta Haddana markay aragto
gabadha wiil isla weyn waxay darrentaa inuu lee yahay
kalsooni dheeraad ah,geesinimo iyo dhiiro naan,taas oo
kur uqaada soo jiidasha uu ku yeelanayo
qalbigeeda,sidookale marka uu rabo inuu gabdha wax
usheego xariir u soo bandhigo ama amaano wuxuu
sameynayaa intaas isagoo ka cabsanayn miyaa lagu diidi
ama mayay dhibaato kaa soo gaari dontaa arrintaas,taas
oo keenaysa inay gabar kasta aad uga hesho,Halka wiilka
wanaagsan uu ka xiishoonayo inuu la hadlo ama jecayl u
soo bandhigo,taas oo Hoos udhigaysa Heerka soo
jiidashadiisa.

41
CILMI-NAFSI

2: qallafsanaan: qalafsanaantu waa naxariis yaraan,


dabcan naxariis yaraantuna maahan siffo
wanaagsan,laakiin Ragga sifodaan leh waxay u muuqdaan
kuwa adag adag oo isku fillan taa oo dareen sii sa gabdha
in wiilka nuucaas uu yahay qof la isku halayn karro
Haddii ay xaalad adag soo jawahddana ay ku xisaab tami
karto,halka wiilasha wanaagsani markasta ku didaalan
inay naxariis u muujiyaan,waliba naxariis xaddhaafa,taas
oo keenta in gabar kasta u aragto mid daciif ah oo aan
haynin iyadda mooyaane qof kale,Haddi ay ka xanaaqdo
gabadhuna waxay udaba carraan si xad kabaxa waxay
Baryaan gabadha taas oo keenta in lagu caajiso Hab
dhaqankooda,Halka wiilka xumi aanu kala jecayln inay
gabadhu ka tagto ama la joogto taas oo gabdha ku dhalisa
fikrad oranaysa”ilaasho ninkaa” waayo gacantaada kuma
jirto.
Wiilasha xun waxay dumarka ku soo jiitaan,marka
dambana ku waayaan deryeel la’aantooda,halka wiilasha
wanaagsani ay ku waayaan daryeel badnaan tooda.
Haddaba si’aad labadaas xaaladood uga bad baado waa
inaad yee lataa shaqsiyadda wiilka xun iyo shaqsiyadda
wiilka wanaagsan la daba.
Xiliyadda qaar soo muuji adayg,wakhtiyo kalana naxariis
muuji.
Marmar daryeel gabdha laakiin markasta hadar
yeelin,ahoow qof la helli karro marka loo baahdo,laakiin
hanoqonin qof la heli karo markasta.

42
CILMI-NAFSI

Gabdha quruxda baddan maxaa kadhigay kuwa


nasiib xun {Cilmi-nafsi)

Mid kamida su’aalaha ugu badan ee lawaydiiyo google


ayaa ah sababta ay dumarka quruxda badani ugu
nasiibka xun yihiin xadhiidhada sidookale daraasado
badan ayaa wakhtiyadan dambe laga sameeyay arinkaan
iyo sababaha keena,waxaa laga yabaa inaad aragtay
gabar qurux badan oo aan lahayn gabi ahaanba wax
xariira jecayla,Hadii ay dhacdo inay xadhiidh yeelatana
manoqda mid waara wuxuu kusoo dhamaaddaa wakhti
kooban,waxaa laga yabaa inaad aragtay gabar qurrux
ahaan dhaxdhaxaada ama dhex dhaxaadka ka hoosaysa
oo leh xariir wanaagsan isla markaana uu xariirkeedu
mudo dheer socdo waliba heshay nin fiican oo aanan
helin midda quruxda badan,waxaana dhacda in gabadhii
quruxda badneed meesha ay wax ka qaldan yihiin
ssuaallo’ badanina ay maskaxdeeda ku soo noqnoq daan
,sida adiga ayaa qurux badan ,haddan ayadda ayaa hesha
xariir fiican iyo nin wanaagsan maxaa keenay Haddaba
Hadii aan guddo galo arrin taan waxa sababay iyo cilladu
meesha ay katimid waa afar sababood:
1: inta badan gabadha quruxda badan waxay raggu
ku’aaminsan yihiin inay xariir leedahay maadaama ay
qurrux badan tahay waxa kadhaadhac san ninkasta inay
xariir leedahay gabar sidaas u qurruxbadina aanan kali
ahaan karrin taasoo keenta inay Raggu badankood ku
xisaab tamin iyagoo karraamadooda ilaashanaya.
2:Ragg badan ayaa aaminsan in gabadha quruxda badan
in quruxda badan ay badan yihiin wax yaabaha ay

43
CILMI-NAFSI

dalbanayso iyo baayiheedda marka la barbar dhigo


gabadha qurux ahaan dhexdhexaadka ah ,wuxuu ninkast
kabaqayaa inay dalbato waxyaabo ka baxsan awoodiisa
gabadha qurux ahaan Iska caadiga uu isleeyahay si’aad
uraali galiso ama baahideed u daboosho kaagama baahna
waxbadan agteedana uu kalsooni kkudareemo.
3; kalsoonida uu ninka kuqabo gabadha quruxda badan
aad ayay uhoosay saa waxaana keenay,maadama ay
qurux badan tahay maadaama ay indho badan tahay
wuxuu is oranayaa ninku armay kaa tagtaa armay heshaa
nin qurux badan amaba ay raacdaa midkaa lacag badan
adiga,taasoo keenta in hinaasuhu xadka kabaxo is qabsiga
xariirkuna batto burburkiisuna soo dagdago,halka
gabadha quruxda dhexdhexaadkaa leh uu aaminsan
yahay inaysan cidna karaacayn meelna ka aadayn qof
isaga kafiicana aysan helaynin maadaama aan iyaduba
ahayn tan ugu fiican.
4: Raggu inta badan waxay diirada saaran gabadha
quruxdeeda dusha ee muuqata inta aysan xariir
la’samayn marka ay xariir la’sameeyaan waxay
qiimeeyaan quruxdeeda guddaha ah sida hab-fikirkeeda
caqligeeda iyo aqoonteeda,laakiin isla marka uu ninku
darreemo inay caqli ahaan ka hoosayso sidhu rabay oo
aanan ahayn siduu fillayay marka horre wuxuu billaabaa
inuu ka xiiso dhaco ,Isla markaana uu xariirka ka goosto
amaba ay iyadu joojiso xariirka maadaama aanunu
uqiimay naynin sidii horre,halka gabadha qurux ahaan
dhaxdhaxaadka ahna aanu marka horre ninku isku
mashquulinin muqaalkeeda sarre maadaama aysan aad u

44
CILMI-NAFSI

quruxbadneen,laakiin wuxuu isla marka horre qiimeeyaa


shakhsiyadeeda iyo quruxdeeda guud.

Arrimo cilmi-nafsi oo jacaylka loo adeegsan karro:

Arrimaha ugu fudud ee cilmi-nafsiga la’xarriira Haddana


dad badani ay san faham sanayn,kasoo qaad inaadan
waligaa cunin Tufaax kadibna aad la ku lantay qof xariir
idinka dhaxeeyo oo haysto hal xabo oo tufaax
ah,maadaama aad sifiican isku taqaaniin,maadaama uu
ku jecelyahay,maadaama uu yahay qof wanaagsan oo
jecel farxadaada,wuxuu si deeq sami leh kuu siiyey
tufaaxii oo dhamaystiran hal mar ma soo xasuusanaysid
qofkaas ilaa aad u baahato xabad kale oo tufaax ah kadib
waxaad dib u soo raadisay qofkii is na wuxuu intiiba ku
didaalay si uu u soo heli lahaa tufaax kale si aad dib ugu
kulan taan kadibna waad is aragteen,tufaaxii oo dhan
ayuu ku siiyay adna waad cuntay,halkan waaye qofka
halkaas ka qaldamay,marka uu ku siiyay tufaax
dhamaystiran marka koobaad waa ka dharagtay xiisihii
aad u qabtay wuu kaa ba’ay qofkaas ma soo xiisayn
doontid mar kale ilaa aad u baahato tufaax kale maxay
tahay sababta saxdaa oo loo baahnaa inuu sameeyo
qofkaasi?
Waxay aheed si aad maalin kasta ugu timaado,,halkii aad
tobaadkii hal mar iman lahayd inuu kala qaybiyo tufaaxa
kana dhigo qaybo yaryar.
Marka aad is-aragtaanba haduu qayb yar ku siiyo waxaad
ku soo noqon lahayd maalinka xigta adigoo aad u danay

45
CILMI-NAFSI

naayo la’kulanka qofkaas,si’aad uga soo qaadato waxaad


u baahan tahay,waxaana dhici lahayd Hadii qofkaasi
sidaas samayn lahaa inaad marmarka qaar maalinkii u
iman lahayd labo jee,qaladka ugu wayn ee qofkaasi galay
waa inuu ku siiyey wixii aad u baah nayd hal mar.
Haddaba tulucda moowduucani waxay tahay,qofka uu
xariir kala dhaxeeyo,hawadda sii nin,Hadiyaddaha hal
mar,isticmaal xeeladda aan soo sheegay si aad u Hanato
qalbiga qofkaas.

Khuraafaadyo aan xidhiidhada jacaylka ka aamin san


yahay ( cilmi- nafsi):

Waxaa jira 7 khuraafaad aan xadhiidhada iacaylka ka


aamin sanahay ,xadhiidhadu waa kuwa aan fududayn
kuwa murugo leh sidookalana kuwa qurux
badan,dhamaan dadka daawada washadda filimaanta
jacaylka iyo musalsalaadka waxaa jira waxyaabo si qalad
ah nooloo fahan siiyay marka ay timaado xariiradda
jacaylka ,mararka qaar waxaan ilownaa tiifigaas iyo
filimaantaas jacaylka inay been yihiin ,waxa shaadada
nooga muuqda ee aan fudaydadka bashaalka u aragno
nolosha dhabta ah marka la yimaado shaqo badan ayay
nooga baahan yihiin waan hubaa hal iyo labo kamid ah
khuraa faaadkaan soo socda waad aamin saneed :
1: xariirada jacaylka waa inay iska sahlanaadaan: tani
waa mid ka mid ah waxyaabaha aan qaladka u fahanay
badan keen waxaan aamin sanahay in xariirku uu yahay
mid fudud sida aan aflaanta jacaylka aan ka aragno oo

46
CILMI-NAFSI

kale,waxaan u malaynaa Hadii aanu qofkeena saxda ah


xariir la yeelano inay wax waliba macaan iska noqon
doonaan laakiin runta taas way ka fogtahay nolosha
dhabta ah markii la joogo xariirada dhabta ah waxay
qaataan shaqo iyo didaal badan macquul bilowga xariirka
inuu kuu noqdo sida aad rajaynaysay laakiin si uu
xariirkaas meel fog u gaaro wuxuu labadiina qofba idinka
baahan yahay didaaal iyo shaqo badan Bani’aadam
hadaan nahay gafaf ayaan lee nahay sha ni xaga
dareemaheena wuu jiraa laakiin in la isla jiro ayadoo ay
dhibaa tooyinkaas jiraan ku sii dar xaaladaha kale adag ee
ay noloshu lee dahay wakhtiyada qaar ma fududaan
karaan xariirada jacaylka Balse xariir caafimaad leh waad
heli kartaa Hadii adiga iyo lamaankaaga aad heegin u
tihiin inaad wax isla qabsataan.
2: Hadii uu qof kuu masayro micnaha wuu ku
jecelyahay: tani waa arrin kale ay mu salsalada iyo
aflaanta natuseen Hadii aad rabtid inaad ogaato
lamaankaaga inuu ku jecel yahay iyo inkale fudeed, kaliya
ka masayr sii Haday kuu xanaaqaan markay ku arkaan
adigoo qofkale la hadlaayo ama lajooga micnaheedu way
ku jecel yihiin maya aflaan badan ayaa naga dhaadhac
siiyay inuu masayrku yahay wax uu lamaankaaga kugu sii
jeclaan karo waxay na tuseen Hadii uu qof kuu masayri
waayo inuu sanba ku jeclayn waa qalad, waa inaan aqoon
sanaa inuu masayrku yahay dareen aan caafimaad u
lahayn xariiradeena jacaylka dhabta ahi wuxuu ku dhisan
yahay xushmad iyo kalsooni labada qof ka dhaxaysa Hadii
intaas la waayana waa la kala tagayaa ugu dambayn.
3: isku dhac ama dagaal malahan xariirka

47
CILMI-NAFSI

wanaagsan: isku dhaca waa qaybta ugu murugada badan


bulshada is dhex gasha anagana waxaan aamin sanahay
xariirka fiican inuu yahay kan aysan labada qof marnaba is
dagaalayn waa fikrada aflaanta Hadii aad tihiin dad aan
marnaba isku dhicin waa wax wanaagsan laakiin taas
micnaheeda kale wuxuu noqon karaa inaad ka aamustaan
waxyaabaha aan la isku raacsanayn sida aad dagaal isaga ilaali
saan labo qof oo xor ah ayaa tihiin sikastana waxyar ayaa jiri
doona dooda iyo isku raac

la’aanta waa dabiici xitaa xariirka caafimaad ayay u yihiin


waa hadayba xal keenayaan isku dhacyada qaar xariirka
ayay u xoojin karaan waxay kaa caawin karaan inaad
fahanto lamaankaaga/lamaantaada dhinaciisa tan
muhiimka ah waxay tahay kaliya Saad u qaabili la
haydeen doodaha xalna ugu heli lahaydeen.
4 : majirto sir la iska qariyo marka xariir la isla wado:
waxaan in badan maqalnaa talo dhahaysa u sheeg
lamaantaada /lamaankaaga waxkasta haka qarsan xitaa
halsir taasna waa khuraa faad kale oo loo baahan yahay
inaan madaxa kasaarno in kastoo xariirka caafimaadka
leh uu san la hayn been iyo qiyaano Hadana runta waxay
tahay uma baahnind inaad waxkasta banaanka keento
Tussaale ayaa kaa helay wuu kugu dayay inaad qof la
socoto ayaadna u sheegtay wuu kaa haray isla maalintiiba
waa jib maaha inaad lamaankaaga u sheegto taas
,Tussaale kale lamaantaada waxay aad u xiisaysaa
adigana waxaas maba ka heshid waa jib maaha inaad
ayada ku dhahdo waxaas ma jecli siraha qaar ee aan wax
yeelada lahayn waa caadi in la iska qarsado.

48
CILMI-NAFSI

5:xiisaha xariirka dhabta ah madhamaado: maalmaha


bilowga xariirka waa kuwa qurux badan ,farxad badan la
isi siinaayo jacayl badana la is tusaayo ,kadib wakhtiga
wuu sii socdaa jacaylkiina wuu sii waynaanayaa xaaladii
koowaadna masii jirayso is badelo badan ayaa dhici
doona dadka badankoodna markaan oo kale ayay
walwalaan iyagoo u maleeya inuu xariirkoodu sii
dhimanaayo waa inaan fahanaa xariirka taamka ah si
noormal ayuu u socon karaa ,la qaado daqiiqadaha
nolosha lamaankaaga /lamaantaada adigoon ka
xumaanayn waxyaabaha qoran.
6: lamaankaaga waa inuu meel kasta kaa
dhamaystiraa: mahan lamaankaaga waa inuu ku
dhamaystiraa adiga Balse waa lamaankaaga diintaada
nuskeeda waa inuu kuu dhamaystiraa lamaanka saxda ah
saamayn guud ayuu kugu yeelan karaa marka aad xariir
fiican la leedahay laakiin meel kasta kaama dhamaystiri
karo adigaa lagaa rabaa shaqadaas badankeeda.

7: lamaankaaga waa inuu kuu sameeyaa waxkastoo


aad rabto: khuraafaad cadaadis saari kara lamaanaha
waakan markaan aamino lamaanka saxdaa inuu yahay
jawaabta dhamaan dhibaa tooyinkeena waa codsi ku
wayn qofka waad isku samayn kartaan waxyaabaha qaar
laakiin baahiyo kale ayaa jira oo uu san qofka kuu
samayn karin marka haka filan qofka inuu meel kasta kaa
caawiyo.

49
CILMI-NAFSI

Sidee qof aad jeceshahay loo xiiso geliyaa (cilmi-


nafsi)

Kali ahow ama ahaan mararka qaar waxay fiican tahay


inuu qof kuu xiiso adiga,waxay ku darreen sii saa inaa
tahay qof muhiim ah oo qaas ah,sidoo kale xariirka ayay
noo laysaa,waxaa jirra habab cilmi-nafsi ah oo aad
isticmaali karto ku wasoo keeni doona qof inuu aad kugu
xiiso adiga Rag iyo dumar ba waa isticmaali karaan
habkaan soo socda:
1: Ha xadhiidhin qofka maalin kasta:joogi wadda
sheekaysiga maalin la ah ee aan dhamaanayn, ,sababta ay
u fiican tahay na waa tan,inta yar ee aad is-la haddashaan
qofka waa inta badan,ee aad isku-soo xiisi
doontaan,maskaxdeena waxay rabtaa mararka qaar
waxyaabaha aanan haysan,Tusaalle waxaad u rabtaa
adiga laab toob,markaad hesho laba barri ka dibna sidii
horre uma rabtid,waa wax iska dabiici ah oo dhaca,marka
waxaa loo baahan yahay in la-kala maqnaado wakhti si la
isugu soo xiiso.
2: yeelo caraf kuu gooni ah: Haddi aad qofka kulan taan
wakhti ka wakhti waxaad isticmashaa cattar kuu gooni
ah,oo uu qofku ka heli doono,waxaann kugulla talin lahaa
inaadan isticmaalinn kuwa raqiista ah,ee aan carafta
lahayn.
3: si tartiib ah udhis xariir kiina: waxaa jirrta oraah
dhahayso “Room laguma dhisin hal-maalin,si la mid ah na
xariiradduna waa sidaas oo kale,marka aad xariirka si

50
CILMI-NAFSI

tartiib u dhisto,qofka taasi waxay siin dontaa wakhti uu


adiga kaaga fikirro kuuna xiiso.
4: noqo qof aan la qiyaasi karrin: Haddi aad doonayso qof
inuu kaa fikiro ama uu kuu xiiso adiga waatan waddadii
aad raaci lahayd “max xasuusataa markii aad yareed
aabe/Hooyo ay ku dhihi jireen markaan soo laabto
waxaan kuu keeni doonaa wax aad ku faraxdo,adigana
illaa ay kaaga keenayaan waxaas ayaad ka fekeri
jirtay,sidaan oo kale yeel lamataan/lamaankaaga
Tussaale waxaad dhahdaa asbuucaan waxaad ku faraxdo
ayaan kuu keenayaa,waa hubaal isla markiiba aad ayuu u
farxi doonaa,ilaa inta aad sab-raayska ka tusaysana
maskaxda ayuu kugu hayn doonaa,diginiin hadii aadan ka
ferxin doonin ama u sameyn doonin waxa aad ka balan
qaaday,marka horraba haka balan qaadin,inta yar uu
qofka ku qiyaasi karro waa inta badan ee uu kaa fikiri
doono kuuna xiisi doona adiga.
5: udir sawirradaada: Haddii aad kala fog tihiin waxaa
laga yabaa in uu san ku xasuusan wakhtiga badan
kiisa,laakiin Hadii aad asbuuc walba tellefankiisa hal
sawir dhexgaliso,waxaa badan doonta fursadihii uu adiga
kugu xasuusann lahaa ,u dir sawiro ay farxad kaa
muuqatto ugu yaraan hal bishii,xitaa asagoon kaa codsan
waxaad ugu dhex dari kartaa adiga oo sheeko u wadda
ama maalintaada uga sheekay naya tussale ahaan
maanntay xafladaas ayaan jiray wakhti qurux badan
ayaan la soo qaatay asxaabtayda markaas oo kale uraaci
sawirradda.
6: noqo qof kalsooni badann oo aan qofna ku tiir sanayn:

51
CILMI-NAFSI

tanni micnaheedu waa noloshadaada adigaa xukuma wax


kastana way kuu qorshaysan yihiin,waad ogtahay waxaad
ka shaqayn doonto waxaadna lee dahay hadafyo iyo
riyooyin kuu gaar ah,mar haday ogaadaan qof qorshe
mustaqbal fiicab leh,waxay rabbi doonaan inay ka mid
ahaadan noloshaada.
7: farxad ku muuji bartaada bulshadda: Hadii aad kamid
tahay dadka xiiseeys inay sawiradooda soo dhigaan
baraha bulshadda,waxaad samayn kartaa inaad markasta
isi soo dhigto adoo faraxsan,qofka haduu arko daa’iman
adoo faraxsan wuxuu rabi doonaa,inuu wakhti kula qaato
adiga.
Mararka qaar waxa kaliya ee aad u baahan tahay inaad
sameyso ayaa ah,inaad qofka sii so wakhti uu kugu xiiso
adigana aad ugu xiisto.

Sidee ugu kalifi kartaa lamaanahaaga inuu ka Baqo


inuu ku waayo (cilmi-nafsi):

Waxaad ogaa taa inaan qofna ka baqaynin inuu ku waayo


ama uu san ku didaalaynin inuu ku kahaysto iyadoo aad
lee dahay saddexdan arrimood :
1: waxaa tahay qof la hubo ,waxaa tahay markasta qof la
heli karro qof isku haleeyay 100% qofkale xili kasta oo
laguu soo baahdo waxaa tahay mid sifud loo heli
karro,qofkaasi wuxuu Hubaa inaadan meelna ka aadi
karin,sababtoo ah markasta waad joogtaa haddii uu
muddo badan kula soo hadli waayo,haddii muddo badann

52
CILMI-NAFSI

kaa maqnaado iyo hadii sixunn kugula dhaqmaba waad


joogtaa waana dulqaadanaysaa,taas ayaa keenaysa inuu
san ka baqin inuu kuwaayo sabab too ah gacanta ayuu
kuwadda hayyaa.
2:inaadan ka baqinn inaad ka fogaato ayaa ah dhibka
ayaa u dulqaadataa waxaa laga yabaa inuu mar ku af
lagaadeeyay kadibna aad cafisay,waxaa laga yabaa inuu
maalin si xun kuu bahdilay adiguna aad u dulqaadatay
wax kasta uu kugu sameeyo matihid qof ka fogaanaya
sababtoo ah waad jeceshahay isaguna wuxuu hubaa
inaad dulqaadanaysid oo aanad marnaba ka tagaynin.
3: inaad inbadan tanaasusho wuxuu ogyahay xitaa haddii
u kuu gaysto qalad aan laga cafinn karrin inaad saama
xayso waxaad ka tanaa sushaa xuquuqdaa waxaad
heshaa ixtiraamka aad muddan tahay mid ka
yar,markastasana waxaad ku qanacdaa wax ka hooseeya
waxa aad u Haddii adiga oo ka baqaya inaad isaga waydo.
Saddexdaan qodob marka ay kugu sugan yihiin majiro
qof ka baqaya inuu ku waayo, h ahaado saaxiibkaa ama
qof xariir kaala dhaxeeyo ,marka uu qofku si buuxda ugu
qanco inaadan ka tagaynin waxa uu kuula dhaqmayaa
sida uu jecelyahay sababtoo ah la’aantii manoo laan
kartid .
Haddaba si’aad u hagaajiso qallaaladkaa aad gashay waa
inaad samaysaa sadex tillaabo:
1: maadaama u qofkaasi uu hubo inaad markasta lo
joogayso,isagoo aaminsan Hadii aad kafogaato inaad
xanuun dareemayso,tus inaad la noolaann karto waliba u

53
CILMI-NAFSI

dulqaadan karto xanuunka si qofkaasi udareemo, haddii


xariirkiinu dhamaaddo inaydan u soo calaacalayn,u sheeg
hadii maalinn uun aad kala fogaataan inaad xanuun
dareemi doonin ,laakiin aad u adkaysan doontid sababtoo
ah waa wax caadi ah,waana wax nolosha kadhaca,markii
aad qofka sidaas u muujisid wuxuu darreemayaa cabsi
sababtoo ah waxaad dareen siisay inaad ka maarmi karto
waxaana soo wajahaysa baqdin ah ,hadii uu qalad
sameeyo inuu kuwaayi karro.
2: inaad tusto qofka in dulqaadku kaa dhamaan karro
mararka qaar hadii uu sixunn kuula dhaqmo u falceli oo
xanaaq muuji dareensii inaadan aqbalay in waxyaabaha
qaar, muuji carada iyo diidmadda ku saabsan Hab-
dhaqankiisa ,ha’aamusin hana samrin waa inuu ogadaa
haddii arrinku soo noqnoqdo in felcelintaadu noqon
doonto mid daran.
3: inaadan aqbalin wax ka hooseeyo waxaad u qalanto
haddi aan si xamaasad leh fariin kuugu soo dirro adiguna
aad si bilaa xiisaa iigu jawaabto ogow inaadan fariintaada
ka jawaabayn,sababtoo ah waxaad iigu jawaabtay Hab-
aanan u qalmin hadii aad iga gasho qallad wayn ogow
inaann jooninayo la dhaqankaaga oo dhan ,markasta kor
uqaad heerka waxa aad muddan tahay ,haka tanaasulin
xuquuqda marnababa ,nasiib darro waxaa jirra dad
badan oo aqbala in sixun loo la dhaqmo iyaga oo ka cabsi
qaba inay qofkaasi waayaan, dadkaasi Ha ogaadaan
marka horre in qofka aad waxasoo dhan ugu
dulqaadanayso aad ag tiisa ka noqonayso qof bilaa
karraamo ah oo aan wax qiimaa lahayn ,taas waxaa ka
siidaran inaad adigu naftaada u arkayso mid bilaa qiimo

54
CILMI-NAFSI

ah marka dambana aad naftaada nici doonto.


Markasta waa inay naftaadu heshaa waxa ay uqalanto
hanaqodo xariir aad uqalanto ,hanaqoto hadal aad
uqalanto, ixtiraam aad uqalanto iyo wax-kasta oo
wanaagsan.

Gabdha ninka sil ciya miyey jeceshahay (Cilmi nafsi)

Su’aalaha ugu badan ee la isku waydiiyo goobaha cilmi-


nafsiga laga FAA loodo aadna ugu soo noqnoqda qolyaha
ku takhasusay cilmi gaas waxaa ka mid ah gabdhu miyey
jeceshahay ninka dhiba laga yabaa inaad aragto nin gabar
si’adag u la dhaqmi jiray oo wax naxariis ahna aan u
muujin jirin iyadanu taas cagsigeeda kool koolin jirtay
ilaa shan jirtay isla markaasna siin jirtay wax kastoo oo
aanan isaga ka heli jirin sidaasna ku jecel hadana mudo
kadib ninkii uu hagaajiyay dhaqankii sii badiyay naxariis
tii sii aadna u dar yeelay gabadhii kadibna ay gabadhii
ninkii ka xiiso dhacday sidii horana u danayn wayday
xitaa isku dayday inay goyso xariirkaba, waa arin la yaab
leh ninka ay xaaladaan ku dhacdana waxaa ku dhacaya
wareer iyo inuu fahmi waayo waxay qofka dumar ahi si
dhaba u rabto hadaba hadii aad xariir la leedahay ama la
laheed gabar nucaan ah ogow inay aheed gabaray ay
haysato sadex daan cilalood midkood:
1: waxay aheed gabar kuu jecel si waa li ah oo ka bax san
jacaylka dabiiciga ah laga yabaa inaad is waydiiso hadii
ay ii jeceshahay si waali ah maxay iiga siixo dhacday
markaan wanaag sanaaday waxaad ogataa in dereen kaas

55
CILMI-NAFSI

jacaylka oo xad dhaafka ah ay dhinac socoto dareen kale


oo ah inay rabto inay ku toosiso ama shakhsiyadaada wax
ka badasho maadaama aad sixun u la dhaqmayso iyada
waxay dareemaysaa inay masuuliyadeedo tahay inay hab-
dhaqankaaga hagaa jiso marka ay sidaas samaysana
waxay aamineysaa inay kaalin weyn ku lee dahay
noloshaadada markaad se is badesho iyadana ula
dhaqanto si wanaagsan waxay dereemaysaa inaadan u
baahnayn oo ay san muhiimad wayn ku lahayn
noloshaada ,waana taas sababta uu isku badalayo
dhaqankeedii horre.
2: Gabar ku soo nooleed yaraan teedii hore xaalad adag
iyo mushaakil micnaha waa gabar ku dhex nooleed labo
waa lid oo mar kasta is dagaala dhibaato badana dhex
taalo, gabadhaas marka ay waynaato waxay xiisaynaysaa
ninka silcin kara maadaama ay dhibaatada la soo qab
satay ,sidookalana waxay aamin san tahay maadaama ay
dhibaatooyinka soo arag tay inay badeli karto ninkaas oo
qof wanaagsan ka dhigi karto taasina waa sababta ay
ninkaas aan iyada u wanaag sanayn ugu dhagan tahay ee
u xiisay nayso laakiin marka ay arag tay inay ku badashay
hab-dhaqan kaagana isku badalay dhanka wanaagsan
waxay dareemaysaa in doorkiidii dhamaaday wax weyn
qaldan ay yihiin waayo kaalinteedu waxay aheed
badalida ciladahaaga.
3 : Inay gabadhu dareemayso kalsooni daro wayn sababta
ay ninkaas xun ama ku adag adag ay xariir ula
sameynaysana waxaa weeye inay u aragto loo lan hadii ay
ninkaasi badashana ay dareemayso inay lee dahay
kalsooni sarraysa haddaba gabadha aaad xariirka la

56
CILMI-NAFSI

leedahay ay ku danaynayso marka aad sil cisid isla


markaana ay kaa fogaanayso marka aad u damac
sanaatid ogow inay tahay gabar leh saddex daas cilladood
mid kamid ah dumarka nuucaan ah waxay jecel yihiin
xitaa ninka dumarka badan la wadda sheekaysta waayo
waxay dareemayaan inuu yahay qof soo jiidasho sare leh,
sidookale waxay xiiseeyaan ninka aan la saadaalin karrin
waxa uu samayn doono laga yaabaa inuu subax ku soo
waco oo kuu sheego inuu joogo magaale kale oo aan
ahayn tii aad ku ogeed laakiin hab-dhaqankaaasi waa mid
wakhtiyadda dambe is qabsi iyo dhibaato badani ka
timaaado sidookale waxay jecelyihiin ninka carradda
badan maadaama ay aamin san yihiin inuu waayay cid
fahanta oo ay gabadha dabeecadahaan leh qurra ay fahmi
karto ,waxaa sidookale soo jiita gabdhaha xaaladahaan
ku jirra ninka aan farrax sanayn ee murugaysan waayo
waxay u arkaan inuu u baahan yahay oo ay iyagu niyadda
u dhisi karaan ,shakhsiyada ugu daran ee gabdhahaan
soo jiidan karta waa ninka waxkasta ku fashilmay ee aan
nolosha waxba qabsan karrin qof aan naftiisa u
wanaagsanayn oo dhib isu gaysan karra balwad wuxuu
isticmaalla aan wax shaqo ah laga qabsan karin,
sidookalana aan qaadin karin masuuliyadda noloshiisa,
sababtuna waa in nooca dumarka ee bilaa kalsoonidda ah
ee jecelyihiin qof iyaga dhankasta kaga hooseeya si aysan
u dareemin inay noloshoodu hoosayso, sabab kale waxaa
weeye inay gudaha iska lee dahay ninka nuucaan ah
majirto gabar jecelaan karrta isaguna kaama tagi karro,
ninka aan noocyadaas aan soo sheegay kujirin dumarka
xaaladaan ku sugani majeclaan karaan sababtoo ah waa
mid isku filan, isku kalsoon noloshiisana maareyn karra

57
CILMI-NAFSI

isla markaana aan dhib ku qabin inay noloshiisa ku jiraan


dadkale iyo inay kabaxaan , ninka nuucaas ah inay
gabadha nuucaan ahi inay xariir la sameyso way ka
cabsataa waayo waxay dareemaysaa inaysan saameyn
wayn noloshiisa ku lahayn islamarkaana waxay
dareemaysaa inuu ka maarmi karro xili kasta waxay la
qabsatay inay qof caawiso ama hagaajiso dhaqankiisa
ninkanina mahayo wax laga hagaajiyaba waayo markii
hore ayuu u hagaajisnaa.

Gabadha 7dan callaamadood leh waligaa haka


tagein ( cilmi-nafsi):

Dumarka wanaagsani waxay lee yihiin astaamo badan oo


wanaagu hoy u yahay balse mid ba mid ayay ka sii fiican
tahay iyadoo ay sidaa tahay inaga soomaali ahaann kaalin
muhiima ayay haweenku kaga jiraan nolosha guud iyo
tan gaarka ah ba inkastoo ay badan yihiin
maahmaahyada soomaaliyeed ee laga yirri haweenka ee
qeexayya awoodooda iyo kartidooda iyo kaaalinta
bulshadda ama qoyska ugu jiraan haddi aan mid kamid
ah soo qaato waxay dhahahaysaa maahmaahdu “ninkaa
kaa xaass fiican waligaa ma gaarirtid” u jeedada
maahmaahdani waxay tahay darrajadda uu raga dheer
yahay ninka xaaska wanaagsan haystaa ,ragga oo dhami
way jecel yihiin inay helaan gabdh boqoradda ah oo
dumarka ugu sarraysa laakiin intoodda badani wax lagu
xusho daraasado dhanka cilmi nafsiga ah waxaa lagu
ogaaday in gabadha 7arimood lagaa helaa at tahay tan
ugu wanaagsan uguna muddan ee ninkii helaa uu nasiib

58
CILMI-NAFSI

lee yahay faa’idooyinkas waxay ku anfacayaan marka ay


gabadhaas tilmaamahaas leh noqoto adiga xaaskaaga ee
illaahay qaddaray inay marwo kuu ahaato sidaa oo ay
tahay raggu isku dooq maaha laakiin hadii aad mar uun
haasaawo la wadaagto gabar sifooyinkan leh ha’sii dayn
ee ku farro adeeg
1: dulqaadka:mid kamid ah astaamaha lagu garto
dumarka ama gabadha wanaagsani waa dulqaadka
gabadha ama inanta ah inay dulqaadato micnaheedu
maaha inay qof liita tahay oo wax kasta ka aamusa una
samra laakiin gabadha u dulqaadata waxyaabo badan
kamid ah caqabaddaha nolosha xilliyadda adag marak qof
kale qalad ka dhaco ka caqli badisa ee u dulqaadata waa
gabar cajiib ah ogow sidookale marka ay marwadaadu
fursad kuu siiso inaad go’aaano dag dag gaadho waxay
kaa caawineysaa inaad ku dhiirato xalinta
dhibaatooyinkaaga gaarka ah iyo kuwa qowskaaga ba
hadiise ay naqoto mid aan waxbo kuugu dulqaadan
karrin markuu qilaaf yar idin dhax yimaaddo uu
saameyn ku yeesho waxaa suurta gal ah inay farxadiinu
dhaamaato sidaas darteed gabadha dulqaadka badani
waa gabar udub dhaxaad ah ee ogow.
2: gabadha ku dhiirigelisa mar walba: majiro ama wuu
yar yahay qof tilibaabo fiican samayn karra isagoo aan
haysanin qof dhiirigeliya oo u muujiya garab istaag
kawaran haddii ay garab kaaga taagan tahay gabar ku
dhiirigelinaysa inaad fulliso oo gaarto u jeedooyinka
noloshaada sida xaqiiqadda ah inta badan dadku waxay
dhahaan guul kasta oo uu nin gaaro waxaa sabab u ah oo
ka dambaysa qof dumar ah taas micnaheedu waxaa

59
CILMI-NAFSI

weeye in dhiirigelintu gabadha ay ku sin karto awood xad


dhaaf ah iyo tamar badan oo aad caqabad kasta uga
bareeri karto waana sababta ay san nolloshu uga maar
min inay gabari ku dhiirigeliso oo ku tusto inaa tahay
halyay waxkasta awood u leh inuu qabto.
3 : gabadha daacadda ah : addunyada maanta la joogo
aad bay u adag tahay in la helo qof daacad ah taasina waa
sababta ay daacadnimaddu u noqotay mid kamid ah
astaamaha dumarka wanaagsan marka ay lamaanahaaga
ama gacalisadaada kuu sheegto runta wax kastana ay
daacad kaga tahay waxaa hubaal ah inaad ka sarayso
ragga kale ee gow middaa, sidookale waxaad ogaataa
marwo kasta ama gabar kasta hanoqoto hooyadaa
macaan wallaashaa, xaaskaaga gacalisaddaada inay kuu
wanaag san tahay inaad la saaxiibto dakana uga
dhawaato taas micnaheedu waa in iyadduna kuu
noqonayso daacad si boqolkiiba boqol ah naf iyo maalna
ay kuu hurayso
4 :gabadha cafiska badan: dhamaanteen waxaynu
dhahnaa haddallo uu xanaaq inaga keenay iyo ficilllo
dhaamaantood inaynu saamaynaa aysan naga ahayn
dhab oo marxallado gaara ay nagu la filayn Sidookale
waxaynu samaynaa oo inaga dhaca qallalaad maadaama
aynu nahay bani’aadam haddaba gabadha cafiska ku
horrayso marka uu qilaaf dhaco ama mushkiladi timaado
waa boqorad ah ee la soco ,waayo dumarku ma jecla inay
cafiska ku horeeyaan ama inay dadku iyagu hor cafiyaan
intooda badana waxay u yaqaanan ficilkaas haday
sameeyaan inay doqonimo u tahay laakiin ogow haddii
aad aragto gabar kucafidda marka uu qilaaf ama qallad

60
CILMI-NAFSI

idin dhax yimaaddo waa gabar dumar dhaaftay


5:gabadha garashadda leh: gabadha wanaagsani kama
fikirto dumarkii aad horray u soo shukaaan satay ama u
soo guursatay sidookale kuma mshquusho inaad hadda
dumar kale shukaan satto iyo inkale waa gabar kalsooni
badan isku qabta oo nafteeda la han wayn tahay waxayna
aamin san tahay ninka iyadda helaa inuu dumarba ilaa
wayo dama cooda iyo la hadal kooda, waxayna ka
kasbataa qofka ay nolosha la waddaagayso kalsooni
badan Sidookale gabadha garashadda leh meel cidla ah
kama masayrto mana baarto wax walba oo aan haboyn ee
sicaadiya ayay u daristaa xaaladdaha soo kordha marka
ragow gabari waa garashee ogaadda
6: gabadha naxariista badan: inta badan dumarku
waxay caan ku yihiin naxariis balse way ku sii kala xeer
dheer yihiin gaara ahaan marka ay arrintu ku saabsan
tahay ninka ay nolosha la wadaagayaan ,sidaynu wadda
ognahay aaddami ahaan naxariista kama maarano oo
dhamaan teen waynu wadda jecel nahay in la inoo na
xariisto ,haddii ay xaaskaaga kula qaybsato
dhibaatooyinka naftaada haysta ama caqabaddaha
nolosha waxaad naxariisteeda la helaysaa awood aad
ubadan oo aad ku tamarisa mar walba sidaas darteed
hadii aad xariir la leedahay ama ay xaaskaaga tahay gabar
naxariis badan waxaa tahay nin sabiib badan waxaase
waa jib kugu ah inaad garato xaaskaaga ama
gacalisadaada kaalinta ay noloshaadda kaga jirto

61
CILMI-NAFSI

7:Gabadha farxadda ama dhoola cadaynta badan

:sidaan wadda oganahay farraxaddu waxay kaalin


muhiima kaga jirtaa nolosheena gabadha farxadda badan
ama markasta dhoola caddaysa agteeda laguma caajiso
xitaa haddi mushkulidda ku hayso ay badan yihiin,
agteeda ayaa neecow farxaded ka helaysaa kuna ilaa
waysaa mushaakilkii ku haystay oo dhan sidaa Sali lamid
ah ninka nolosha lawaddaago gabar farxaamad ahi wuu
ka nasiib badan yahay ragga waayo reerkiisu waa reer ay
farxaddu biyo dhigtay sidaas darteed haday xaaskaagu
tahay gabar farxad badan kuu siisa ama gacali sadaadu
tahay mid ag joogeeda aad farxad badan ka hesho u
mahad celi una sheeg inay tahay hadiyad rabi ku siiyay.

7 arrimood oo ay jeceshay gabadh kasta inuu fahamo


lamaanaheedda iyaddoon usheegin (cilmi nafsi)

Arrimo ay jeceshay gabadh kasta inuu fahmaayo


lamaanaheedda iyadoon u sheegin waxaa jirra arrrimo
badan oo ay jecel yihiin inay ragga fahmaan iyagoo aan
loo sharrixin si ay u fudaato wadda dhaqankooda ama
is,fahan koodda ,ragguna badanaa kuma baraarug sana,
waxaana dhacda aqoon la’aanta aanan aqoon arrimahaasi
inay marmarka qaar keento qilaaf ama is qabsi
sidookalana waxay sababtaa in gabadhu ka xiiso dhacdo
wiilka xariirkaasina dhamaaddo Haddaba dhowr
qodoboo ka mid ah kuwa ugu muhiim san ee markasta
soo noqnoqda ayaan soo qaadan doonaa
1: gabadha dabeecad ahaan waa mid jecel inay markasta

62
CILMI-NAFSI

uga sheekayso wiilka dhibaatooyinka iyo


mushaakilaadka nolosheedda maadaama ay sidaas tahay
marka ay kuu sheegto dhibteeda inta badan marabto
inaad tallo siiso ama xaad xal la raadiso kaliya waxay
doonaysaa inay dhagaystato oo naxariis u muujiso
wiilllku ama ninku waa inuu san markiibba ka fikirin tallo
raadin si aysan gabadhu u didin ama u yaabin
2: gabadhu ma jecla ninka markasta isku dayo inuu soo
jiito iyadda Haddii uu ninku markasta soowaco markasta
la kulmo markasta su’aallo waydiiyo waxay aamineysaa
inay dhibsato oo dareento xuriyad la’aan gabar kasta
waxay jeceshahay inuu fahamo ninku iyadddon u sheegin
3: dumarku waxay lee yihiin islo wayni layaab leh ma
jecla inay ninka ka,dalbadaan wax kasta oo ay rabaan taas
badalkeeda waxay jecel yihiin inuu asagu garto ama u
fahmo sidookale marka ninku gabadha u sameeyo shay
asan la dalban waxay qaddarin iyo inay agtiisa ku lee
dahay kaalin wayn
4: Beenta dumarku aad ayay u neceb yihiin in ninku been
u sheego waa lagaa baa in ninku nin kale been u sheego
inuu ka cafiyo Balse gabadhu ma ilaa wayso inta
nolosheeda ka dhiman markastana waa kaa ku soo
xasuusinaysaa
5: Haddii ay gabari kugula dhaqanto sidda wanaagsan
micnaheedu maahan inay ku jeceshahay ama ay kaa
heshay laga yabaa in dabeecadeedu tahay inay qofkasta
siwanaagsan u la dhaqanto sidaas ogowgeed ku didaal
inaadan iska dhaadhicin arrimo aan jirin si aan xariirkaa
wanaagsani xumaan isugu badalin adigana aan niyad jab

63
CILMI-NAFSI

kuu soo gaarin


6: dumarku waxay aad u jecel yihiin kadis yadda ama
hadiyaddaha sikasta oo ay kuugu sheegto inay jecelayn
haddana xaqiiqadda waxaa ah inay jeceshahay waa inaad
fahantaa una keentaa xilliyadda qaar adoon usheegin
laakin waxaa muhiima inaadan xilikasta haddiyad u
keenin munaasabadaha iyo wakhtiyadda qaar ayaa ku
haboon in gabadhaha hadiyad loo keeno taas oo aad ka
dheehan karto shacuur ahaan markaad ficilkaan samayso
7: ku didaal gabadha inaad gayso meelo dagan oo jawi
dagan si ay niyad ahaan u farraxdo kuguna arragto qof ku
haboon iyadda nolosheedana muhiim u ah.

Sidee qof aad mardhow is barateen jacayl loogu


abuuri karaa ( cilmi nafsi):

Waxaan buugani uga hadli doonaa habka aad qof aad


hada ama mar dhow is barateen jacayl loogu abuuri karo
wiil iyo gabadhba waa farsamo cajiib ah hubaal
boqolkiiba shagaashan way shaqayn doontaa waxaana la
yiraahdaa dib usoo jiidashada waxa aad samaynayso ayaa
ah marka aad qof hada dhowr is barateen la sheekaysato
kaliya saddex bari ama mudo asbuuc ah qofkiina ugu
yaraan xitaa kaa helay wax yar adiga ama xitaa u maleeyo
qof wanaag san tahay ama xitaa wuu kula sheekaystaa
wuuna ku soo jawaabaa fariintaada halkaas marka ay
wax marayaan markaas waxaa samaysaa dib uga jiido
qofka, gadaal tilaabo u qaad

64
CILMI-NAFSI

,hala hadlin qofka maalin iyo labo maalin oo kale kadibna


dib ugu soolaabo sidii horana oo kale u la hadal, faa’ida ku
jirta qodobkaan maxay tahay ?
1: qodobkaan wuxuu kaa dhigi doonaa qof aan la qiyaasi
karin ,markaas qofka wuxuu ogaan doonaa inaadan
ahayn qof 24 saac maalin kasta ama wakhti kasta la heli
karo.
2: qodobkaani wuxuu cadayn doonaa inaadan ahayn qof
wax matare ah waxaad haysataa waxyaalo kale oo aad ku
qabsato noloshaada, waxaad haysataa dad kale oo aad la
hadasho taas ayaana ah sababtada u ahayn qof markasta
la heli karo waa sababta aadan durbadiiba uga jawaabi
karin qofka ugu yaraan qofka sidaas ayuu umalayn
doonaa.
3: waxay tusi doontaa inaadan uga helin qofka siduu kuu
maleenaayay inaad uga heshay ma tihid qof sidii la rabo
loo xakumi karo taasina waa wax,cajiiba qofkiina sidaas
ayaadba ku cajabisay wuxuuna qofkii rabi doonaa inuu
noloshaada waxbadan ka ogaado.
4: in badan inuu qofka kaa fikiro ayay keeni doontaa
wuxuu qofkii ka fikiri doonaa halka aad ka baxday
sababta aaadan fariimihiisa ugu soo jawaabayn ,wax
yaabo badan ayuu is waydiinayaa qofku, kaliya dib ayaad
uga laabatay la xariiridaadi badneed taas ayaana ku
dhalisay qofku inuu aad kaaga fikiro ,inta badan
dhalinyarada hada jirta sida tan ma sameeyaan qofka
markaad is barataan haku dagdagin oo uu sheegan wax
jecayla kaliya ficilkaaga halaga arko.

65
CILMI-NAFSI

6 Hab-dhaqan oo gabdhaha leh raggu ay aad u neceb


yihiin(cilmi-nafsi)

Waxaa jirra dabeecaddo ay dumarka qaar lee yihiin balse


raggu ay aad u neceb yihiin oo u dhib saddaan waxay
dhaqamaddani saameyn ku yeeshaan marka ay labada
qof xariir jacayl wadaagan ama ay yihiin nin iyo
xaaskiisa,Hadii ay gabadhu ay dabeecaddahani is-ka ilaa
liso,waxaa laga yabaa inay ninkeeda ka hesho daneen iyo
jacayl xad-dhaaf ah oo badan ,waana dhaqammada aanu
raggu doonay nin,inay ku arkaan gabdha ay ka damac san
yihiin inay la-waddaagaan mustaqbal wanaagsan sidaa
ay tahay dhaqamaddani waxay kuu sahla yaan inaad sii
ogaato intaadan xariirka sameysan ama aadan guursan
kahor,dhiga nahani wuxuu sharraxayaa 6 qodob oo
gabdha leh ay raggu aad u neceb yihiin:
1:qaab-labiska: dadka qaar waxay la-biska ku darraan
liiska waxyaabaha gaarka u ah qof kastaana sida uu isagu
rabo ayuu ka dhigan karaa ama dooqiisa ah laakiin ma
ogtahay xaragadaada ama qaabka-aad u labisan tahay
inay kow ka tahay aragtidda koobaad marka uu ku arko
ama waxyaaba uu kugu qiimayn karro Balse mid kamid
ah nuucyadda dumarka ee ragga mustaqbal doonka ah
aanayn ka helin waa gabdha aan xirnayn dharka asturan
waayo asturnaantu waxay kaalinta koobaad kaga jirtaa
quruxda iyo hanaanka soo jiidasha gabadha,sidaas oo ay
tahay gabadha u xaragoo naysa qaab-asturan oo hufan
waa gabar nin kasta jeclaysanayo Barashadeeda iyo la-
haddalkeeda,,sidaas darteed samayso qaab-kuugoni ah

66
CILMI-NAFSI

oo aad u xaragooto adigoo asturan oo qurrux


badan,xaqiiqaduna waxay tahay Ragga oo dhan inay jecel
yihiin gabar dhowrsan oo u labisan qaab-u lamisan oo
asturnaantu hoy u tahay,waxaadna ogaataa nin rabaa
majiro inuu mustaqbal la wadaago gabar u la-bista qaab
aan haboonayn.

Gabadha Bixitaanka badan: dumarka qaar waxay aad u


xiiseeyaan inay habeenkii iyo maalintii ay banaanka u
baxaan iyagoo wakhti farxad leh la soo qaaddanay
gabdha kale oo ay saaxibo yihiin,qasaaraha kaliya ee
kujira dabeecaddani waa in raggu aanayn jeclayn
dumarka nuucaas inay xariir la sameeyaan ama qoys
lawadaagaan labadaba ,sidookale arrin tani waxa oo kale
ay kamid tahay sababaha ugu waaweyn ee keena
qillaafka lamaanayaasha is-qaba iyadoo ku keenta buuq
ama is-qabsi sababi karra inuu reer kaasi dummo,dood
xoog leh ayaa ka-dhalata inay labada qof sii wadda socon
waayaan oo xariir koodu dhamaado,sidaa darteed Hadii
aad tahay inan maalin uun sugaysa inay samaysato qoys
iyo reer mustaqbal wanaagsan oo waarro leh oo aad hab-
dhaqana lee dahay isku-day inaad ka tanaashusa
deecadan.
3: dal-bashadda Hadiyaddaha: kawaran Haddii ay
gabadhu kaa dalbato inaad lacag ugu soo shubta
teleefanka ama ay lacag ku waydiisato adinkoo muddo
badan is aqoonin waxaa hubaal ah inuu markiiba
dhaawac gaarayo damacii uu ninku kala lahaa gabadhaas
isagoo ka imaanayo inay doonayso oo kaliya waxa

67
CILMI-NAFSI

jeebkiisa ku jirra ee aaneyn doonen isaga iyo xariirkiisa


toona,sidookale tan waxaa lamid ah Haddii gabadha
marka ay wadda hadlayaan ninka ay ku dhahdo, ninkii
kaa horreeyay wuxuu ahaa nin gacan furran oo wax
bixiya,ee adigu dadka marka loo imanayo waxbaa loo
keenaa,ogow tan waa mid ka mid ah dhaqamadda ay
raggu aadka u neceb yihiin waayo iyagaa jecel inay is
xilqaamaan oo gabadha ay xariirka la leeyihiin u keenaan
wixii ay la jeclaadaan,sida,ubax,tacar,saacad,inay casho
geeyaan iyo Iwm.
4: gabadha xanta badan: Haddii adigoo ninkaaga ama
wiilka aad xariirka waddaag taan la socda aad ka hadasho
gabar iyo nin agtaada jooga ama wadda maraya waa
dabeecad ay san jeclayn Raggu,tussaale ahaan waxaad
wax ka sheegtay qaabka uu muuqdo xariirka labadaan
qof waxaana aad tirri bal qofka ay isku-quudhay eega
iyadoo sidaa u qurrux badan iyo Haddalo kale aan
haboyn,sidookale isagoo kaa og dhow ayaad talleefoon ku
hadashay waxaadna wax ka sheegtay dadkale
noloshoodda iyo nooca uu guridooda yahay adigoo ku
hadlaya haddalo aan qurrux badnayn oo xan ubadan,ma
ogtahay Raggu inay aad u neceb yihiin hab-dhaqanka
nuucaan ah oo dhibsaddaan intoodi badan ma jecla xanta
iyo hadal haynta dadka kale.
5:Beenta: sideenu wadda ognahay Beentu waa shay
xaarana ,laakiinn dadka qaar waxay ka tahay faann iyo
hadal tirro inay Been sheegaann oo u arkaan wax iska-
caadi ah waxaa laga yabaa in ninka gabadha uu
jecelyahay ay uga sheekayso sheekooyin badan oo kala
duwan laakiin inta horre uu san u fiirsan maadaama uu

68
CILMI-NAFSI

xiiso u hayo haddalkeeda oo uu daganaasho ku


darremayo sheekadeeda iyo codkeeda ba ,laakiin waxaa
dhici karta in sheeko ama haddal gabadha ay mar horre si
ugu sheegtay oo marka dambe ay soo hadal qaado
Haddane si kalle u muuqdda,sidookale qof ay ugu
sheegtay inay walaalo yihiin oo marka dambe noqda qof
xariir horre ka dhaxeeyay waxyaabahaas oo is biirsaday
ayuu ninka kaga aamin bixi karraa gabadha ay wadda
socdaan,waxayna aaminaad la’aan ku keenaysaa ninka
taas oo sababi karta inuu ka niyad jabbo gabbi ahaanba
xariir koodii,markaa waa inaad noqotaa qof ay qowlkiisa
iyo ficelkiisa is waa faqayaan oo kana diif ah beenta iyo
wixii lamid ah.
6: nadaafadda: sidaynu wadda ognahay nadaafaddu waa
imaanka qofka Ban’aadamka ah ee muslimka ah laakiin
ma ogtahay Raggu inay ka midaysan yihiinn oo ay
dhamaantood jecelyihiin ,gabadha nadaafadda iyo uduga
agteeda loogu yimaado.
“Inaad tahay gabar gaari ah oo dhabeelnimo meel isutaag
tay waxay koob sanaysaa qiimaha dumarnimo iyo
quruuxda la sheego ee Haweenka lagu amaano”
Inkastoo quruxdu aanay ahayn wax la’isku waafaq san
yahay Haddans ninkastaa gabadha dooqiisa ah ayuu u
yaqaanaa qalanjadii Hablaha iyo quruxdii dumarka.
Waa tii u horre u lahaa Abwaankii Abdi Haybo laambad
“nin waliba Hablaha tuu ka helo ayuu haddon ku shegaa”
Taasi waxay marqaati cad ka tahay muhiimadu inay tahay
dooqa qofka ku jirra ee aanayn ahayn wax isaga ugaara
sidaa terteed nidaafada iyo gaarinimaddu waxay

69
CILMI-NAFSI

koobsanayaan dhamaan qiimaha dumarnimo looga


baahan yahay.
“ogabari waa gaarino iyo dhabeelnimo is huwan oo is
barkan”
Dhabeelnimo waa gabadha gaarinamadda iyo
dhabeelnimadda is ku darsatay.
Sidaa ogowed raggu ma jecla gabadha aan nadaafadeeda
haboynayn ee sugnayn.

Sidee saaxiibtinimadda loogu badali karaa jacayl


(cilmi nafsi)

Mararka qaar waxaa jira qof aad si saa’ida isugu


dhowdihiin wax kasta oo nolosha ku soo kordha wuu kuu
sheegaa adna wax kasta oo nolosha ku soo aad la kulano
waad la wadaagtaa muddo kadib ayaad dareen tay in uu
san xariirkaa saaxiibtinimo kugu filnayn kadibna waxaad
u bandhigtay qofkaas jacaylkaagii,laakiin waxaa dhacday
inuu qofkaasi kuugu jawaabay aynu saaxiibtinimadee
naas ku koobnaano sidaa ayaa inoo wanaagsane,adiguna
si aad ah ayaad uga naxday jawaab taas,haddana waad
aqbashay si aadan u waayin qofkaa saaxiibtinimadiisa,
waxaad isku day inuu xariir kaasi sidii sii ku soo noqdo
laakiin sidii horre kuma uu noqon maadaama ay wax is
badeleen haddaba maxaa kula gudboon inaa samayso
Haddii xaaladaani oo kale kugu dhacdo
1:waa inaad ogaataa jawaabta uu qofkaasi kugu yiri aynu
ahaano saaxiibo maaha micnehuudu inaad waligaa
fadhihayso booska saaxiibtinimadda ,laakiin micneheedu

70
CILMI-NAFSI

waxaa weeye inaad ku jireyso kaydka ama aad ahaanayso


badel marka uu waayo qofka uu rabay marka uu
dhamaaddo xariirka kala dhaxeeyay qof kale ayuu isku
dayayaa inuu adiga kuu soo dhawaado oo kaa aqbalo
jacaylkaagii haddaba xalka waxa uu noqonayaa sidaan
soo socta:
● marka horre waa inaad joojisaa in xaaladda u sii
socoto sidee horre ,si la marka uu ku diido qofkaasi ka
fogow ag joogiisa, yaree wici taan kiisa, ka dheerow
aragtidiisa dareen sii inay wax wayne is badaleen wuxuu
isku dayaa qofkaasi inuu ku soo waco ku soo raadiyo,
wuxuu kaa dalbanayaa inaad ku lan taan sababta uu
waxaa soo dhan u sameynayaa waa inuu hubsaddo inaad
aqbashay inaad sii ahaa tid saaxiibkiis iyo inuu halis ugu
jiro inuu ku waayo,marka uu kula soo hadlo u jawaab
laakiin yareen daneyn tii horre,Haddii uu xaaladaada ku
waydiiyo u sheeg inaad fiican tahay laakiin ha way diin
xaaladiisa waxa uu kaa dalban doonaa inaad wax gaara
samay saan,sidda inaad meel isu raac daan,iyo inaad
howl la qabato laakiin haka yeelin ka cudur daaro una
sheeg inaad mshquul ku tahay howlahaaga gaar ka ah, sababta
ay tahay inaad wa xaasoo dhan u sameysid waxaa weeye
inaadan darreemin inaad ku qanac san tahay booska
saaxiibtinimadda,Haddii uu taas darreemo wuxuu kaa dhigan
donaa badal marka uu waayo qofka uu rabay inuu nolosha la
qaybsaddo ,marka uu hubso qofkaasi inaad ka tanaashushay
kaalin tii saaxiibtinimadda wuxuu xaqiiq sanayaa inay laga
maar maan tahay inuu kugu soo celiyo noloshiisa marka uu
isku dayo inuu kugu soo celiyayna wuxuu ku qasban yahay
inuu kugu soo celiyo habka aad adigu dooneyso ee ah inaad
xariir jacayl wadaagtaan,intaas hadaa sameyso qofkana aad

71
CILMI-NAFSI

dareen sii so inaad ka fogaatay noloshiisa iyo


saaxiibtinimadiisa wuu kuu imanayaa isagoo ogol xariirkaaga
jacayl ama sidaas ayuu kuwada maqnaayayaa, labada
xaaladood ba adigaa guulaystay,waa laga yaabaa dadka qaar
inay ku adkaato tallooyin kani ,laakiin xaqiiqadu waxay tahay
karaaamadaada inay ka muhiim san tahay wax kasta haka
ogolaan inaad qofna noloshiisa ka fadhiso booska labaad inaad
qofkaas waydo ayaa boqol jeer ka fiican inaad naftaada waydo.

calaamado lagu ogaan karro inuu qofi kaa fikirayo:

6 calaamadood ayaa lagu ogaan karaa arrintaan waxaa


jira mowduucyo badan oo cilmi-nafsi ah sheegayana inuu
qofk kaa fikirayo wakhti kasta waxaana arrintaan ka
hadlay jaamacaddo iyo maarakiis oo addunka ku kala
yaala, iyagoo sameeyay is-barbar dhig texliina ah iyagoo
kasoo saaray calaamado aad ku ogaan karto qof kaa
fikirrayo inuu jiro aduunka waxaana ku soo koobayaa
Buugaan:
1: markaad qof ka fekirayso si joogta ah: Hadda tahay
qof kafikira qof cayiman si joogta ah oo maalin la
ah,waxaa jirta suura galnimo ah in qofkaasi uu asna
sidookale kugu fekirayo waxàana shardi ah inay jirto
cilaaqo iyo xariir su kiin xiraysa labadiina ama ay jirto
inaad la haday deen xariir Horre,ka fekerkiisaan joogtada
ah wuxuu cilaaqo la leeyahay aqoonta horre ee aad isku-
lahaydeen taasoo muujineysa inaad siinayso muhiimad
gaara,muhiimadaa aad siinayso ayuu qofka kalana
dareemayaa inuu jirto wax aan dabiici ahayn oo adinka
dhaxeeya labadiina taas oo ka dhigaysa asigana inuu kaa
fekiro ,fekirkan labada dhinacba noqday manoqonayo

72
CILMI-NAFSI

mid is-la eg markasta ama isku wakhti ah wuxuuna ku


kala-duwanaayaa hadba wakhtiga iyo meesha la joogo.
2: inaad-si kadis ah u dareento inaad ka
fogaaday:marka ay kugu dhacdo xaalad aad dareento
kala fogaan qof aad isku dhawaday deen markii horre
xaaladdan oo ekaata mid dhab ah,Haddaba xaaladaan
waxaa dhacaysa inuu qofka kalana kaa fikirrayo adiga
qudhaada.
3 : marka uu qof ku soodhawaado: sida ay qabaan
culumada ku xeesha dheer luqadda jirka,marka uu qof
kusoo dhawaado qofkaasi wuxuu soojeedinayaa
Dareemahaaga ama inuu kaa Helo macluumaad kugu
saabsan taasina waxay caddaynaysaa inuu qofkaasi kaa
fekirayo si joogta ah markasta oo aad ka maqan tahay
inay labada qof isku soo dhawaadaan waa calaamadaha
ku tusinaya inay meeshaa jirtu in labada qof oo midba
midka kale kafikirayo.
4: Dhoola caddeynta: Hadaad aragto qof si kadis ah
isaga soo Hor baxdeen adinka oo horray u balamin
dabeed uu kuu dhoola caddeeyo inta badann qofkaasi
waxa uu noqdaa qof kaa fekirrayo muddo kaas oo si kadis
ah isaga soo Hor baxdeen dibadeed isaga oo aan is ogaynn
kuu dhoola cadeeyay.
5: kulanka Hal meel: inaad aragto qof usocda meesha
aad usocoto si kadis ah waxaa dhici karta in qofkaasi sina
uu kaa fikirayo adiga.
6: is-bedel dareenn oo kadis ah: tan micnaheedu waxaa
weeye adiga oo iska-farraxsan adigoo ku jirra xaallad

73
CILMI-NAFSI

qosol iyo wanaag ah inaad si kadis ah isku-bedesho


sidookalana oo uu isku-bedello dareen kaagu oo aad
dareento murrugo taasi waxay ku tusinaysaa inuu jiro
qof aad saaxiib tihiin ama qof kuudhow oo kugu qaali ah
oo u murugoonaya xiiso uu adiga kuu qabbo dabadeena
ay ku qabato murugadii isaga Haysatay oo kale.

Meelaha ay dumarku Ragga ka eegaan Aragtida


koobaad (cilmi-nafsi)

Sida aynu wadda ognahay dumarku waa dad aragti dheer


marka la joogo dhanka Ragga gayaan kooda ah ee ay
Haddal wadaagta yihiin ama Haasaawe mideeyo
sidookalana waa dad aad ugu fiican u fiirsiga dagdaga ah
iyo ka felcelinta dhanka Ragga marka la joogo kulanka
ama aragtidda koobaad Haddaba Buugan waxaaad ku
Baran doontaa Habka ay dumarku u kala shaan dheeyaan
Ragga iyo dooqyo badan ay ka mid yihiin,anigoo ka soo
qaadaya shan nuuc oo ay inta badan wadaagaan
dumarku kana midaysan yiniin:
1: labiska ama xaragadda dusha: marka ay inantu
aragto ninka waxay aragtidda koobaad isha kudhufataa
qaabka uu u lamisan yahay iyo zarragadda ka muuqatta
sidda labiska uu xiran yahay midabkiis inuu saacad xiran
yahay kabihiisa muraayaddaha ama oo kiyaalaha indhaha
Iwm,marka intaa laga yimaado wasay iyaduna ka qayb
qaadataa xaalka uu markaas ku sugan yahay markii ay
gabadhu indhaha ku dhufatay miyuu fadhiyay miso wuu
taagnaa masoconayay madad buu usheekay nayay misa

74
CILMI-NAFSI

taleefan buu ku hadlaayay.


2: qaab-dhismeedka jirkiisa: sidaynu wadda ognahay
qof kasta wuxuu jecelyahay qof qaab-dhismeed qurux
badan leh oo indhahaaga iyo kuwa dadka kalaba soo
jiidanaya tanina waxay ka qayb qaadanaysaa eeg madda
ay dumarku iu qiimeeyaan Ragga aragtidda koobaad
sidookale waxaa iyaguna jirra aragtiyo ay dumarku ku
kala duwan yihiin oo aaanan uga Hadlin Buugani laakiin
waxaan si guud uga Hadlayaa meelaha ay isku-mid ka
yihiin .
3:Timihiisa: inkastoo dumarku ay ku kala duwan yihiin
Aragtidaan,qaabka ninka timaha u jarto ama xiiseeyo
,laakiin Timihiisa iyo nuuca ay u jaran yihiin waxay qayb
wayn ka qaataan eeg madda dumarku ku qiimeeyaan
aragtida Hore ama aragtidda koobaad,laakiin badan kood
waxay isku-raac san yihiin sidda yara kala-sarraysa u
jarta ee aan aadna u dheerayn aadna u gaabin ,anigoo ka
tagaynin dhankii garkana sidookale Habluhu ma jecla
ninmaka garka wayn ee waxay ka helaan garka sidda
qurruxda badan ujaran ee aan waynayn qaarkoodna
garkaba kama helaan ama ma jecla waxayna ka mid tahay
aragtiyaha ama dooq yadda lagu kala duwan yahay.
4: indhihiisa ;waxaa jirta mid ay dumarku isku wadda
raac san yihiin oo ah inay ka helaan Ragga indha
waaweyn leh indhaha ninku inay waaweyn yihiin waxay
ka qayb qaadataa soo jiidashada aragtidda koobaad ee
gabadha,inkastoo aynan abuuritaanks illaahay ku
gafaynin Haddana waa mid zaqiiqa ah tanni waayo

75
CILMI-NAFSI

sugaan badan oo soomaaliyeed baa Haweenka


indhahooda amaantay laakiin maadaama dhaqankeena
Suuban uusan Ragga amaanin oo aysan Ragga amaanta
lahayn ,oo Ragga geesinimadda iyo deeqsinimadda iyo
Haddal yaqaan nimadda iyo aftahan nimadda loo daayay
Haddana wakhtigan dambe dhalin tan joogta badan
koodu siyaabo kale ayay u eegaan quruuxdda iyo
doorashadda gayaanka waana lagu kala duwan yahay
Badanka Rag iyo dumarba taas ,maadaama uu wakhtigii
is badelay Hablihiis Hore qudhoodu amaano tirro badan
oo gaara ayay la haaueen,laakiin Hadda wakhtigaan aan
joogno waxkasta sidii Horre maaha oo waynu lasoconaa
taas,maadaaama uu na Hugaaminayo is-bedelka xiligga
oo aan Halkii horre lagu dhaganaan karrin .
4:Socodka: socodka ninku wuxuu qayb wayn ka qaataa
Hubqaadkiisa iyo Haybo bodiisa ninba ninka uu ka
socodka wacan yahay wuu ka soo jiidasho badan yahay
xagga dumarka waayo dumarku ma jecla ninka
dheereeya ee socodka booba ama sidda dag daga ah
usocda ee waxay ka helaan ninka ku qarragooda socodka
ee sidda dagan usocda in markii ay gabdhu indhaha kugu
dhufatay aad soconaysay ama tilaab sanaysay waxay
maskaxdeeda ku keentaa xasuus iyo hal qabsi xitaa
Haday hablo badan kugu arkeen xiligaa waxay qaarkood
xasuusanayaan oo ay oranayaan Alla ma inankii socodka
wanaagsana baa ,Hadaba taas waxay noo iftiiminaysaa
socodku inuu isku koobsanay aragtidaada koobaad.
5: Haddalada dabac san: waa qodob ay dumarku
badnkood ay xooga saaran,Ragga hadalka dabac san leh
dumarka qaarkood way ka helaan,kadibna waxay aaminaan

76
CILMI-NAFSI

inuu nin fiican yahay oo ay san Hadal xumi ka soo bixin,Halka


ay san dumarku jeclayn Ragga hadalka qalafsan ama Ragga aan
Haddalada fiican adeegsan.

6: Hab-dhaqan: dumarka qaar waxay marka Horaba


eegaan hab-dhaqanka ninka, kadib marka ay ku qancaan
ayay is-tusaan inay muddan tahay,meelaha ay dumarku
hab-dhaqanka ka eegaan waxaa kamid ah
qaabiliadda,salaanta,ixtiraamka,dabeecad,dulqaadka,ha
dalada wanaagsan,qaddarinta,balan ilaalinta
degenaanta,iyo sifooyinka wanaagsan ee muujiyo ninku.
7: Afmiishaar nimo: waa calaamad kale oo eegaan
dumarku marka ninku sheekaynayo,Haduu afmiishaar
yahay wuxuu isticmaalaa hadallo iyo erayo macaan oo
isku toosan,taasina waxay dhexqaadaa qalbiga
gabadha,waxayna kubiirtaa xiiso gaar ah,oo ay ninkaas
uhayso,Horra loo yiri “afmiishaarnimaddu musixirnimo”
Ragga afmiishaarinta ahi waxay sameeyaan dhacdooyin
iyo sheekooyin iyo been iyo khiyaali ku dhasan,oo ay
kusoo jiitaan Haweenka,way adag tahay in sheekadiisa
been la moodo,waayo qaabka iyo siduu u dhigay ayaa
heer sare ah. Raggaan gabadhii la sheekaysa waxay sicad
u qiimaynaa haddaladiisa iyadoon kafiirin meelaha kale
kaliya uun ka qiimeysay hadlka uu adeeg sanayo.
8: furfurnaanta: qodobka kani guudahaan dumarka
badankoo wuxuu uleeyahay qiimo 80% furfurnaantu
raga waxay u saamaxaysaa inay cidkasta la hadlaan una
sheekeeyaan.
Dumarka qaar waxay neceb yihiin Ragga xirxiran oo aan
cidna la-fal gelin “dumar waa sheeko” waxaan ula jeedaa

77
CILMI-NAFSI

dumarku waxay jecelyihiin nin inta badan usheekeeya


mid kamid ah daraasado lagu sameeyay waxaa kamid
waxay oranaysaa dumarku ma’aamusi karaan muddo
toban daqiiqo wax ka badan,intaas wixii kabadan waxay
bilaabaan sheeko ,marka qodob kaan waa mid saamayn
kuleh dhinaca dumarka.
9: ninka jooga dheer: qaab-dhismeedka dheer ee raggu
waxa ay kamid tahay astaamaha sida wayn Haweenku u
qiimeeyaan,Ragga leh joog iyo qaab-dhismeed dheer aad
ayay haweenku ujecel yihiin ,waxaana la sheegayn in
Raga dhaadheer noqdaan kuwa ugu saamaynta badan soo
jiidashadda haweenka marka la barbar dhigo Ragga
gaagaaban,Haween badan oo dookha Ragga la waydiiyay
waxay ubateen inay jecelyihiin Ragga dhaadheer.
10: Ragga jidh ahaan xoogan: waa astaan casrigan si
wayn u tixgaliyaan dumarka wakhtigaan jooga,Haween
badan ayaa wax laga waydiiyay dookha Ragga waxay si
dhib yar uga jawaabeen inay jecelyihiin Ragga
muruqyada waaweyn ama jidh ahaan udhisan.
Muruqyadda caloosha ,gacmaha iyo garbihiisuna duuban
yihiin.
Haweenka casrigan ma jecla Ragga buuran ama cayilan ee
aan murqohoodu duubnaynin ,waxayna si hab-sami leh u
neceb yihiin Ragga caloosha leh.
Ragga waxaan leeyahay socodka iyo labiska inaga
Habeeya
Hablahana waxaan leeyahay quruxda waa asturnaanta ee

78
CILMI-NAFSI

asturnaanta ku didaala.”

Ogow qofka sidda hoose kuu jecel (cilmi nafsi):

Waxaaa jirta xaqiiqa in mowduuc yadda jacaylka yihiin


kuwa ugu badan dhalin yarta soomaalidda falan qayso
sidaas oo ay tahay jacaylku waa mid kamid ah
waxyaabaha aynan xog badan ka hayn ama aynu
niraahno waxyaabaha ugu badan ee la qallad fahamay
sidee ayuu u dhacaa marxalladahee ayuu maraa ma la
ilaawi karaa qofaad jeceshahay qofkale si ku tallagal ah
jacayl maigu beeeri kartaa iyo millyan su’aallood oo kale
ayay dadku is waydiiyaan jawaab ku fillan aanan helin
ama heli jirin wakhtiyadii horre daraasaddaha iyo
baaritaannaadda sii kobcayya waayahaan danbe we cilmi
nafsiga wuxuu si guud u sharraxay jacaylka iyo
xaalladaha ku godaaban waxaana jirra Boqolaal Buug oo
laga qorray faham iyo xadhiidhadda jacaylka, Hadii aan
markaan Ka hadlo mowduuceenan waxaan ka hadli
doonaa qayb kamid ah badwayntaas jacaylka oo ah
xaalladaha aad ku ogaan karto qofka ku jecel isagoon kuu
sheegin ,waxaa jirra calaamaddo badan aad ku dareemi
karto qofka sidda hoose kuu jecel Haddise aynu kuwa ugu
mudan waxaa ka mid ah
1:wuxuu kuu eegaa si qotto dheer: marka aad wadda
joogtaan qofka kuu eega si aan dabiici ahayn inta badan
indhaha kugu hayya adigoo meel kale ku jeeda haddana
ku eega marka indhihiinu isku dhacaana meel kale u
leexiyya ogow inuu yahay qof si hoose dareen kuugu
hayya ,callaamadani waxay u baahan tahay ka fiirsasho
dheer hal mar ama lama mar oo qof ku soo eegay kama

79
CILMI-NAFSI

dhigna inuu ku jecel yahay waxay ubaahan tahay inay


xaalladani soo noqnoqoto marar badan.
2: u fiirso jirkiisa: qofka aad uga shaki san tahay inuu ku
jecel yahay u fiirso jirkiisa iyo callaamaddaha uu ka
muujinayo waxa aad ku arki doontaa in markasta uu
jirkiisa u soo wadda dhan kaagab gaara ahaan luguhiisa
iyo wajigiisa waxaa naadir ah ama aan dhici karin inuu
kula hadlo isagoo jirkiisa dhinac kale u jeeddo qolyaha
waxay arrin kaan ku sababa beeyaan in qofkaan qalbi
giisu dhankaaga u soo jeedo taasina ay keenayso in isaga
oo aan is ogayn dhankaaga u soo wadda jeediyo jirkiisa .
3: wuxuu aad uga soo muqanayaa noloshaadda :
waxaad arkaysaa markasta isaga oo joogo goobaha aad
joogto wuxuu fariimo kala duwan kaaga soo dirayaa
Baraha bulshadda wuxuu inta badan like iyo love
saarayaa sawiraddaada aad soo dhigto xitaa kuwa aan
sidaa u sii qurux badnayn wuxuu isku dayaa haddii aad
wax uga baahato inuu kuu keeno waxaas Haddii uu san
awoodin oo ay dhib ku tahay.
4:wax kasta wuu kugu raacayaa: marka uu qof si hoose
dareen kuugu hayyo waxaa ad kaanaysa inuu kugu
qillaafo fikir kasta ama hadal kasta oo aad soo jeediso
wuxuu isku dayaa inuu ku tuso inaad waxkasta isku
fahan san tihiin Haddii aad jeceshahay shay gaara
kadibna aad u sheegto inaad ka heshay waxaas ,waxaa
dhacaysa inuu kuu amaano xitaa Haddii uu neceb yahay
Haddii aad rabto inaad qodobkaa si dhaba u tijaabiso
raadi qofka aad fillayso inuu ku jecel yahay waxa uu jecel
yahay tussalle ahaan koox kubadeed uu taageero usheeg

80
CILMI-NAFSI

in laga badin doono iyo inay tahay koox liidata waxaad


arkaysaa inuu si wanaagsan kuu la hadlayo fikirkaagana
tixgelinayo laga yaabaa Hadii qof kale wax ka sheego
kooxdaas uu taageero inuu si xun ugu jawaabi lahaa inta
badan waxaa u sababa arrin kaan in badan keenu marka
aynu qof isu cusub nahay ,inaynu usoo bandhigo inteena
wanaagsan inagoo muujineyna inaynu qofkaan
waddaagno waxyaabo badan
4: Hamaansi : calaamaddani waa calaamad kale oo
cajiiba oo uu daahfayday cilmi nafsigu dadka
badankooduna aysan ogayn ayaa waxay tahay marka aad
meel wadda joogtaan qof si hoose kuu jecel kadibna aad
Hamaansato waxaaa dhacaysa qofkaasi Hadii uu ku soo
eegay adigoon oo ogayn inuu Hamaansanaddo isaguna
xaqqiiqa ahaan qodob kani wuxuu ku diwaan gashan
yahay Bugaagta cilmi nafsiga laakiin tijaabo ahaan anigu
ma arkin
6:marka uu qoslayo adiga ayuu ku soo eegayaa :
Hadii aad meel wadda joogtaan koox dad ah ka dibna aad
ku qososhaan sheeka gaara waxaad arkaysaa inuu ogaal
la aana ku soo fiiriyo qofka hoosta kaa jecel Bani’aadam
ahaan waxaa la ogaaday marka aynu qoslayno inu sigaar
ah u fiirino qofka aynu ka helno ama nafsad ahaan u ogol
nahay qodobkan sikale ayaa loo faa’idaysan kartaa
tussaalle ahaan markii aad la joogto asxaabtaadda ama
ardayda aad waxbarataan Hadii aad rabto inaad ogaato
labada qof ee is jecel cidna aysan ogayn marka ay dhoola
caddaynayaan u fiirso midkastaaba qofka uu eegayo
kuwani waxay ahaayeen kuwa kuu sheegaya qof sidda
kuu jecel ee aan kuu sheegan karin

81
CILMI-NAFSI

calaamaddahaan kuma go’aan qaadan kartid hal ama laba


mar oo ay dhaceen laakiin si fiican uga fiirso inay soo
noqnoqdaan iyo in kalle

Xariir jacayl kan ugu fiican :

Xariirkaaga jacayl 10 astaamood Hadduu lee waxaa xariir


kan kugu fiican
Waxay ila tahay dhamaan teen waxaan rabnaa inaan ku
jirno xariir farxad badan oo caafimaad leh ,waxaa jira la
maana yaal loo maleeyo in farad badan haystaan laakiin
ay musiibo wayn ay kala dhaxtaallo ,Hadii uu xariirkaagu
lee yahay astaamahaan badankooda waa hubaal waxaad
la Socotaa qofkii kugu saxda ahaa.
1: farxad ayaad Heshaa : Haddii aad xariir fiican ku jirto
waad iska farrax san tahay wakhtiga badankiisa jama wal
washid waxyaabo badan fikirayo xunxuna maddaxaaga
kama guuxaan maalin kasta .
2: waad kala Ahaan kartaan: badankooda
lamanayaasha ku jirra xariiraddaan caafimaadka la hayn
kalama ahaan karaan wakhti ayagoon isku xanaaqin ama
isku masayrin Haddii uu xariirkaagu uu yahay mid
wanaagsan marnaba dhib kuma qabaysid inaad wakhti
kala qaadataan .
3: waad isla doodaan: doodu caafimaad ayay u Lee
dahay xariirka waxay sixi kartaa waxyaabo badan oo
qaldanaa xariirkaagu Hadduu caafimaad lee yahay
waxaad iskala Doodi doontaan adiga iyo lamaanahaaga
waxyaabo badan oo xariirkiina muhiim u ah.

82
CILMI-NAFSI

4: kama shakidid : Haddal kiisa ayaa kalsooni buuxda


ku qabtaa waad aaminsan tahay qofkaas xariirkaagu
Haduu qodobkaan lee yahay waa mid qurrux badan dad
badan oo waxaa jirra oo iska shakiya oo midkood midka
kale aamin sanayn
5 : kama eed sheegatid: ma jiraan waxaad kaga eed
sheegato qofkaan Haddii aad qofkaa soo kale haysato
waxaad ku jirtaa xariir caafimaad qaba.
6: ma Rabtid inuu is baddallo qofkaan: meeqo qof
ayaad xariir la soo yee la tay oo aad marar badan isku
dhahday Hadduu dabeecadan is ka badali lahaa aad buu u
wanaag sanaan lahaa xariirkeena ,laakiin qofkaan sidaas
oo kale maahan.
7: fariinta oo lagaa soo daahiyay waxba uma aragtid:
meeqo qof ayaad u xanaaqi jirtay markay fariinta ka soo
daahiyaan ama wicitaanka kaa qaban waa yaan sababtoo
ah xariiradaasi waxay ahaayeen kuwa xun xun laakiin
xariirkaan wuu ka duwan yahay kuwo horre waxbo
kulama ahan laba fariin oo lagaa soo daahiyay waxaad
ogtahay inuu qofka mashquuli karo nolol kalana lee
yahay.
8:inuu wax kaa qarinaayo ma dareen tid: Hadii aad
dareento inuu san jacaylkaaga waxba kaa qarsanayn
xariir caafimaad leh ayaad ku jirtaa laakiin Hadayba
noqoto in maalin kasta inaad ka walwaasho muxuu kaa
qarinayaa iyo waxyaabo kale oo la mid ah taasi xaallad
kuu fiican maaha.
9: wuu ku taageeraa: Haddii aad xariir caafimaad qabbo

83
CILMI-NAFSI

ku jirto lamaanahaaga waa mid go’aanadda noloshaadda


kugu taageeri doona Haduu san xitaa kugu raac sanayn
10: Ixtiraam ayuu kugu la dhaqmaa : jacayl kan ugu
qurruxdda badan xitaa lahow laakiin haduu san lamaan
kaaba ku ixtiraami karrin waxbo kuma tarraayo xariirkiisa
lamaanka saddaxda ah wuu ku ixtiraamaa wuu ku sharfaa
Dareenkaaga inuu dhaawacana wuu iska ilaaliyaa

Haduu xariirkaaga lee yahay intaas badankoodda qof kaa


nasiib badan majiro Hase lumin qofkaad haysato

Cilmi nafsiga ka dambeeya jacaylka:

Nolosheena waa kubixinaa rabitaanka iyo Raadintan iyo


ka hadalka jacaylka
Micnaheeda ayaa la Dareemaa in kabadan inta sicad loo
muujiyey waxaa loogu yeeraa waanaaga ugu weyn.
Jacaylku waa eray soo jiidasho leh oo kaka jacaylku
wuxuu u muuqdaa inuu yahay qarsoodi qurux badan oo
ay nagu adgtahay inaan sharaxno inkastoy abwaanada
iyo kuwa wax coriya ay errayo iyo dareenno badan oo
jacayl ah ku soo koobi karaan.jacaylku waa erray aan
la'sharixi karin waxaan ubaahnahay kalmado cilmiya si
aan u sharaxno micnaha erayga dhakhaatiirta cilmi
nafsiga ayaa wax badan ka sharaxay sababta ay dadku
jeclaadan ama ay jacaylka ugu badan yahay.
Wakhtiga jacaylka waxaa jira is badal badan raga iyo
dumark la kulmaan waxay u umuuqataa mid aan sax
ahayn in la yiraahdo “jacayl ayaa dhacay" maxaa yeelay
waayo aragnimada jacaylka waa kabadan tahay mid sare

84
CILMI-NAFSI

oo dadka galinaysa daruur sagaal.


“Tallaabada ugu horreysa ee geeddi socodka jecaylku
waa soo jiidashada Billowga ah ayay tiri Elizabeth kane,
oo xubin ka ah kulyada jaamacadda konfurta oo wax ka
dhigta cilmi nafsiga bukaan-socodka iyo seyniska
dabeecadda. “ Waa waktiga ugu awoodda badan markaan
la kulano qof kale oo aan darreemo tamar isla markaaba
aan kawar qabno wadnaheena oo garaacaya”
Sida la soo xigtay khabiir ku-tahkasusay cilmi nafsiga
Dr.Rachel needle,walxaha kiimikada gaarka ah sida
oxytocine,phenethylamine iyo dopamine,ayaa la ogaaday
inay door kuleeyihiin waayo aragnimada aaddanaha iyo
dabeecadada la xariirta jacaylka.
Jacaylku wuxuu la xariira tamar kordhay,cariinta
maskaxda mararka qaarkood sacab dhidid ah madax-
fudeyd,wadnaha orodka iyo dareen badan oo
wanaagsan,” ayuu yuri needle oo ah Borofisar ku-
xigeenka iyo isku duwaha khibaradaha caafimaad ee
jaamacadda konfurta galbeedka xeepta Palma.
Buugiisa oo lagu magacaabo,maskaxda jacaylka waxaana
cashirada uu nabaray buugaas waxaa kamid ahaa
12cashir oo kor loogu qaadayo nolosho jacaylka
Dr.Daniel “in dadka is jecel ay mar walba is ixtiraamaan
waxay Keentaa ama ay ka caawin kartaa in dadkaas ay
nolosha isku fahmaan ayna kala tagin"
Sidookale wuxuu yiri “qofka mar walba sameeya jacayl
cusub addunka wuxuu ku arkaa murraayada jacaylka oo
micnaheedu yahay ugu dambayn wuxuu ku gulaysan

85
CILMI-NAFSI

donaa nolosha jacaylka" jacaylka wuxuu kobcaa marka


qofka darreemo isku tiirsanaan iyo isku xiran, iyo in
ladaboolo baahida maskaxeed,”ayuu yiri kane.Barayasha
qaarkood waxay yiraahdaan oxytocin wuxuu ka qayb
qataa kobcjnta jacaylka maadaama lagu sii daayo
maskaxda inta lagu guda jiro orgaanku, taas oo gacan ka
gaysanaysa awoodda lamaanaha iney isku xirnaanta,isu-
dhawaanshaha xamaasadu waxay ka haboon tahay
dariiqyada ku xiran labada limerance iyo soojidashada
galmada. Ballan qaadku wuxuu ku haboon yahay, muddo
gaaban go'aanka ah in la joogo qof kale iyo mustaqbalka
fog guulaha lawadaago iyo qorshooyinka la sameeyo
qofkaas kale. Sidookale jacaylku waa mid aan la sookobi
karin Dareenku wuxuu naga tagi karaa inaan u hanqal
taagno inaan sheegno waxa qalbigeena ku jira oo aan u
gudbino Darrenka lamaanahayga waxaan rabnaa inaan
usheegano inaan si dhaba u jecelnahay hadan ma helin
karno erayada saxda ah ee jacaylka.

Ragga aadka u xishoodka badan sidee bay gabadha


ugu sheegan karaan xariir jacay:

Xishoodku wuxuu kamid yahay astaamaha ay Rag badani


karaa diyaan gabadha ay Rabaaan in ay guursadaan oo ay
nolosha kula midoobaan,waa astaan dabecsanaan iyo
dumarnimo muujineysa,inkastoo oo ay kamid tahay
sifooyinka wanaagsan ayaa Haddana xishoodku wuxuu
kufiican yahay inuu ubato dhanka dumarka,maxaa yeelay
inta badani Ragga xishoodka badan dumarku kama
helaan,Haddana Rag badani waxay dhibaato kala
kulmaan inay u sheegtan xariirkooda ,Haddaba Haddii

86
CILMI-NAFSI

aad kamid tahay Ragga xishoodka badan Tallooyinkaa


soo socda qaado inshallaah waxaad ka heli doontaa
awood aad jecaylkaaga ugu sheegato
◇ gali maanka ineyan gabdhuhu jeclayn ninka
xishoodka badan.
In qofku uu xishood dareemo waa calaamad ku tusineysa
kalsooni darro,isku day inaad muujiso kalsooni buuxda
markaad Hor tagto qof dumarka.
Ogowna iney dumarku jecel yihiin ninka dhac-dhaca ah ee
u fura Albaabada wadda xiriirka(saaxiibtinimadda)

Xariirka indhaha

Haddii gabadha aad mustaqbalka ka doonayso ku hor


fadhido isku day inaad indhaha kala sheekaysato,hadalku
wuu fudud yahay marka loo eego xiriirka indhaha oo aad
ugu Adag Dadka xishoodka badan,sidaa darteed isku day
inaad naftaada ku leyliso xariirka indhaha.

Dhoola cadeynta

Dhoola cadayntu waa wado kale oo dadka lagu soo


jiito,laguna dareensiiyo inaad arabto, adigoo u
dhoolacadeynaya gaar ahaan markaa indhaheeda
eegayso,arrintaani waxay dareen adag ku beeraysaa
qalbiga gabadha waxayna muujineusaa inaad dooneyso la
Hadalkeeda.

Isagdhawoow

87
CILMI-NAFSI

marka aad luqadda jirkeeda ka dareento inay ku


dooneyso,xilligaasi waa marka ay ugu wanaagsan tahay
inaad la hadasho,Ha ka shakanin dhankeeda u dhawoow
adigoo wax cabsi ka qabin xaaladaha aad kala kulmi
karto,markaasi talaabadda ugu haboon waa in aad
jacaylkaaga qirrato ama aad u sheegato.

2.2 CILMI-NAFSIGA MASKAXDA AADDANAHA

Sharaxaad kooban maskaxda Aaddanah: Waa maxay


maskax?

….maskaxdu waa qaab-dhismeed laba-geesood ah ama


laba-dhinac leh,oo loo kala qaadi karro lafo-kala -duwan.

Lab kasta wuxuu qabtaa ama kaydiyaa xog muhiim ah.

Maskax bani aadamka waxaa mas’ulka ah ifaafale ama

waxaan saadaalin ,maskaxeed.


Barashada maskaxda,Fahamka maskaxda ayaa muhiimad
wayn u leh dhakhaatiirta cilmi nafsiga sababto ah
saameynta ay ku leedahay dabeecadaha iyo xaaladaha
maskaxda.
Inta badan ereyga waxaa sidoo kale lagu gartaa ifaafalaha
leftiisa [2][3][4].
Caqliyadaan waxaa kamid ah fikirka,mala-
awaalka,xasuusta,doonista,iyo dareenka.
Waxay mas’uul ka yihiin dhacdooyin maskaxeed oo kala

88
CILMI-NAFSI

duwan,garashada ,waayo-aragnimada
,xanuunka,aaminaadda, rabitaanka,ujeedka iyo dareenka
nuucyada kala duwan ee is dul-saarka leh ee maskaxda
ayaa loo soo jeediyay.
Kala-soocyaasha muhiimka ah ayaa isu soo aruuriya
iyada oo loo egaayo hadii ay yihiin dareen ,makaxda ayaa
dhaqan ahaan loo fahmay inay tahay walxo,laakiin waxay
aad uga baahantahay aragtida casriga ah
Oo loo haysto inay tahay hanti ama karti ay leeyihiin
aadanaha qeexitaamo kala duwan oo kusaabsan
dabeecada saxda ah ee maanka ama maskaxda ayaa la
soo jediyay,qeexitaanadaan waxay diirada
saaran,hababka miirku kusalaysan yahay waxay siiyaan
mudnaanta maskaxda miyirkaqaabka ah waxayna u
ogolaadaan ifaafalaha maskaxda ee miyir-qaabka ah,
qayb ka mid ah maskaxda oo kaliya illaa inta ay ka taagan
yihiin xariirka sadax ah ee maanka miyir-qabka ah.
Dabeecadda hadii ay hay’addu leedahay maan kaliya
waxay kuxirantahay sida ay udhaqanto markii laga
jawabayo kicinta dabeecada halka holgalku qeexayo
xaaladaha maskaxda marka loo eegaayo doorka sababaha
ay ciyaaraan.
Khariidad frenoolaji [1] ee maskaxda
Phrenology wuxuu kamid ahaaa isku daygii ugu horreyay
ee lagu hagaajinaayay shaqooyinka maskaxda qaybo gaar
ah oo maskaxda ah.
Maskaxda ayaa sida caadiga ah ka soo horjeeda

89
CILMI-NAFSI

jirka,maaddada ama jir ahaaneed,Arinta dabeecada is


barbar dhigan iyo gaar ahaan xariirka ka dhaxeeya
maskaxda iyo jirka waxaa lagu magacaaba dhibaatad
maskaxda jirka
[5]Aragtida casriga ahi waxay inta badan udub dhaxaad
utahay jirdhiska iyo shaqeynta,taas oo qabta in maskaxdu
si isku mid ah ula mid tahay maskaxda ama la ya reyn
karo ifaafalaha jireed.
Khabiirada cilmi nafsiga sida freud Iyo james seynis
yahanada kombuyuutarka
Sida turing waxay soo sareen aragtiyo ku saameyn kuleh
dabeecada maskaxda.
Maskaxda ayaa sidoo kale mararka qaar kood lagu
mujiyaa iney tahay durdurkii miyir-qabka halkaas oo
dareenada iyo ifaafalaha maskaxdu si joogto ah isu
badalaan.
Maskaxda aadanuhu waa aalad layaab leh,waxay noo
ogolaanaysaa inaan barano,maqalno,fahano oo abuurno
luqad,mararka qaarkood,maskaxda Bani -aadamka ayaa
sidookale nagu guuldaraystaa,khabiirada cilmi nafsiga ee
garashada lihi waxay darsaan sida dadka
uhelaan,ugartaan,usocod siiyaan una keydiyaan
macluumaadka maskaxda.
Xeel dheerayaasha cilmi nafsiga waxay ogyihiin in dadku
aysan kubiirin fikradaha ay ka qabaan addunka si
dhadhaxaada.
Maskaxda bani aadamka si aan danaynen bay u eegtaa

90
CILMI-NAFSI

aduunka.
Hormarka maskaxda ee sanadihii la soo dhaafay ayaa
usaamaxay saynisyahadana in ay bartaan maskaxda
Aaddanaha siyaaba aysan horay usooro-galin.

Xadhiidhka kadhaxeeya cilmi nafsiga maskaxda iyo


garashadda maskaxda:

Cilmi nafsiga maskaxda iyo garashada maskaxda ayaa ah


mid ka mida ah takhasuuska nafyeed ee ugu ballaadhan
maanta iyo mid kamida ah kuwa aadka loo dalbo.
Xirfadaha oo dhami waxay lee yihiin dano qasab ah sida
maskaxdu u shaqayso.
Barashada naqsahadeeyayaasha manajka, injineeradda,
saynisyahanadda maskaxda dhamaantood waxay rabaan
inay wax ka ogaadaan sida maskaxdu u socod siiso
macluumaadka,Dhakhaatiirta cilmi nafsiga ee garashadda
waxay raadiyaan iney daaweeyaan arrimaha la xariira
maskaxda,Alzheimers,lumi taanka xasuusta iyo
dhibaatooyinka dareenka ama garashada.
Ogow waxa ay qaadanayso si aad u noqoto sayniska
maskaxda iyo cilmi-nafsiga garashada ayaa diirada
saaaraya sida shaqsiyaadka wax u bartaan, u socod
siyaan una keydiyaan macluumaadk.

Saddex daan Hab dhaqan waxay dillayaan


maskaxdaada:

91
CILMI-NAFSI

Waxaynu joognaa wakhti ayay dadku ku didaalaan


kobcinta iyo daryeelidda maskaxdda sidaas oo ay tahay
Haddana tegnoojiyadda cusub iyo noloshan casriga ah ahi
waxay keentay waxyaabo badan oo saameyn xun ku
yeeshay maskaxdda qofka
Khubarradda badan koodu waxay isku waa faq san yihiin
dhibaatadda ay maskaxdu ku hayso hab-la noleedkaan
casriga ahi waxayna tilmaameen inay maskaxdeena ka
dhigtay mid ka xawaaro liidata wakhtiyo yadii Horre
sidookalana ka hal abuur yar ,waxaa jirta saddex caado
oo maskaxdeena hoos u dhigayo isla markaana riyadeeda
iyo hal abuurkeedda ba
1: qulqulka xoga ha ku soo gallaya maalintii is waydii
xogaha soogalaya maalintii maskaxdaada kadibna barbar
dhig tiradda xogaha soo gali jiray waalidkaa wakhtiyadii
ay da’daada oo kale jireen, Haddii aad u
fiirsato waxaa dareemaysaa in wakhtigoodu xog ahaan ka
yarraa wakhtigeena xasuus ahaana ay inaga fiican yihiin
,xaqiiqo ahaan waxaynu nool nahay casriga macluu
maadka fariimaha is daba jooga ah ee Facebook iyo
WhatsApp sawiradda joogta ah ee Instagram ka
muuuqaallada aan kala go’ayn ee YouTubka iyo kuma
naan wax oo aad arkayso maalintii ayaa maskaxdaa daba
soo galaya si’aann kala joogsi lahayn taasi waxay
keenaysaa inaan maskaxdu iska wadda shaan dhayn
dhamaan xoggaha ay heshay waxaa laga yabaa inaad
tiraahdo anigu dhowr wax oo kala duwan ayaan isku
qaban karaa halkii marba laakiin taasi sax maaha
daraasadduhu waxay cadeeyeen sikastoo dadku u

92
CILMI-NAFSI

biiriyaan in qabashadda shaqooyin badan halkii mar ay


keento shaqo xummo isla markaana ay hoos u dhigto
maskaxdda sidda lagu cadeeyay daraasad uu sameeyay
macadka sacretion college hal fariin oo dhanka baraha
bulshadda ah oo aanad ka jawaabin adigoo howl kale
gacanta ku haayo waxay saameyn xun ku yeelataa qaybta
xalinta ee mashkuliddaha ee maskaxdda sida uu sheegay
caalimka neer faha we ee Eral menar “ maskaxdu
Bani’aadamku uma diyaarsana inay sida ugu wanaagsani
u wadda qabato dhowr shaqo halkii mar ba” marka ay
dadku is leeyihiin waxaad isku qaban kartaa shaqooyin
kala duwan waxay samaynayaan tilaabo aan caafimaad
qabin oo maskaxdooda wax yeelay naysa markasta iska
xakamee xogaha kala duwan ee soo galaya maskaxdaada
iskana yaree dhamaan waxyaabaha aysan faa’ido badana
ku qabin sidookalana ku didaal halkii marba inaad hal
shaqo qabato Haddii aaadan ku qasbanayn sidookale
fariimaha badan ee maalintii ku soo gaaraya u samayso
wakhti cayiman oo maaalintaada ka mid ah oo aaad kaga
jjawaabto.
2: yaranta la kulanka dadka : isticmaalka internet ka iyo
baraha bulshadda waxay keenen in dadku wakhtiga ugu
badan ku qaataan shaashaddaha aaladaha casriga ah in
ka badan intay ku qaataan la kulanka qofka ee fool ka
foolka ah tirro koobyo lagu sameeyay waddanka
mareykan ka ka hor intaan xanuunka karoonaha ku faafin
dunidda waxaa la sheegay in qofka mareyn kan ka ah oo
qaangaarka ahi uu 17saacadood ku qaato shahaadaha
kaka duwan Hortoodda sida Mobeoilada computerada
iyo gemayska kaka duwan iyo waxa la midka ah tasoo

93
CILMI-NAFSI

noqonays 6,00239 saacadood sanadkii iyo 440 sanadood


,Hadii uu qofka ku dhinto da’da 60 ilaa 70 Bal sawiro 440
sano oo aad shaashad uun daa wanayso maskaxdeenu
waxay ku kobacddaa la dhaqanka iyo dhaxgalka dadka
kalle ee maalinla ah taasina waxay ka saaciddaa
koritaanka unug yadeena, daraasad kale oo ay samaysay
jaamaccadda mad sheegan ayaa lagu sheegay in 10
daqiiqo oo wadda hadala oo aad qof la qaadato si ka fool
ka foola ahi ay xasuusa ahaan iyo hal abuura ahaanba u
fiican tahay maskaxda sidookalana ay hoos u dhigto
dareemidda kalinimadda iyo walwalka ku waasoo
iyaguna u daran caafimaadka maskaxdda Haddaba xalku
waxaa weeye.inaad badiso la kulanka asxaabta
wakhtiyadda cuntadana aad la cunto qowskaaga adigoo
jiniya isticmaalka taleefanka inta howshaas socoto
wakhtiyadda qaarna la dalxiis reerkaaga si’aad u heshaan
wakhti idinku filan.
3: dhagayisiga waxkasta :badanaa dadku ma dareen sana
kaalinta muhiim ka ah ee maqalku ku leeyahay sidee bay
san muhiim u ahayn iyadoo dhaguhu jaar la yihiin
maskaxdda isla markaasna xogta ugu wayn ka qaataan
xogaha soogala maskaxdaada nasiib xumo
dhibaatooyinka maqalka iyo dhaga culaysku waa mid
dunidda ku sii badanaysa waxaa la sheegay afartii qof ee
qaan gaara ee dunidda meel wadda joogaaba in mid
kamid ah kacabanayo dhibaatooyinka dhagaha waxaynu
ku dhagaysanaa waxyaabo badan ee aan noo fiicanayn
waxaana maqalkeena soo gaara maalin kasta kumanaan
hadal oo wanaag iyo xumaan ba leh taasina waxay
saamayn xun ku yeelataa maskaxdeena sidaas darteed ku

94
CILMI-NAFSI

didaal xakameynta iyo kala shaan dhaynta waxa aad


dhagaysanayso sidookalana iska ilaali codadka
dhaadheer ee,dhibaatadda u gaysanaya dhahaagaga cod
dhaxdhaxaada ku dhagayso waxyaabaha aad
talleefankaaga ka dhagaysanayso sidookalana samayso
wakhti aad meel cidla ah ku la qaaddato noloshaadda.

dhiidhka ka dhaxeeya maskaxda iyo dabeecadda:

Maskaxda iyo dabeecadda waxaa ka dhaxeeya xariiro aad


muhiim u ah.
Maskaxda: waxay tur juntaa habka uu qofkaan u
fikiraayo,halka dabeecadduna aya duna waxay tur juntaa
jawaab cellintii fekir kaas.
Inkasta oo asal ahaan qadiimi tahay,kala-duwnaashaha
maskaxda-jirka ayaa wali dhibaato aan la xalin,labadad
fikradood aay loo kala fogeeyay sidii iyagoo kala gooni ah
oo kala duwan.
Hab kale hadaan u dhigno maskaxda waxay illaa li saa
garaadka qofka oo waa taan dhahno “qofkaas maskax
diisu waa lii data oo micna heedu tahay wax ma
xasuusanaayo”
Dabeecadduna: waxay illaa li saa shakhsiyadda qofka
“waa taan dhahno qofkaas aad ayuu u dabeecad xun
yahay” qofkaas waxaan arag nay oo kalliya jawaabta aan
ka helayno markaan war dhahno ama asn la
kaftanno,haddaba saas ayaan ku ogaanay dabeecadda
qofk.

95
CILMI-NAFSI

Sikastaba ha ahateee,fikradda in maskaxda iyi jidhku si


gooniya u shaqeeyaan.

Waa maxay xanuunka niyadda iyo maskaxda:

Dhaawaca shacuureed iyo maskaxeed waa natiijada


dhacdooyinka walaaca ee burburiya dareenka
maskaxda,taas oo kadhigaysa in qofku dareemo cadaadis
fara badan,dhaawaca maskaxdu wuxuu naga dhigi karaa
inaan la halgano shucuur murugo leh,xasuus iyo walaac

2.3 SIDEE CILMI NAFSIGU USAAMEEYAA


MASKAXDA AADDANAHA:
Cilmi nafsiga saa meeya maskaxda aaddanaha waa
darraasada seyniska ee hab-dhaqanka iyo hababka
maskaxda.
Neuroscience waxay muujinaysaa in dhaqdhaqaaqa
maskaxda ay si aad ah isugu xiranyihiin habdhaqanka
iyo hababka ay ushaqayso maskaxda…Dhaawacyada iyo
ciladaha maskaxda ayaa loo is ticmaali karaa in lagu
fahmo shaqooyinka maskaxda caafimaadka leh iyo
saameynta ay ku leeyihiin Dabeecada.
Maskaxdu waa xubinta ugu muhiimsan jirkeena waana ta
amarka siisa dhamaan xubnaheena

Sababaha xanuunada maskaxda:

Xanuunada nafsaaniga ah ee kudhaco maskaxda waxay

96
CILMI-NAFSI

leeyihiin etiologies oo micni hiisu yahay xaqiiqooyinka


inta badan lahelo,oo kulug leh is-dhaxgalka adag ee u
dhaxeeya arrimaha hidde-waddaha iyo deeganka dhowr
arrimood oo halis ah ayaa ku lug leh Hormarinta
cudurada nafsaaniga ah,laakiin wax barintooda ku aadan
cudurada dhimirka waxay u gaaryihiin xanuunada kala
duwan iyo bukaan shaqsiyeed, sababta saxda ah na mar
dhif ah lama ogaan karro shaqsi ahaan. [1] Hoos waxaa k-
quron munad qaadista qaar kamida
Door soomayaasha loo aqoon saday iney yihiin khatarta
Hormarinta cudarada nafsaaniga.

Xanuunadda maskaxda ku dhaca waxaa ka mid ah:


Waxaa jirra xanuuna ku dhaca maskaxda aaddanaha
waxay is-gu jirraan kuwa la daaweyn karro iyo aan la
daweyn karrin:
Waxaana ka mid ah
•Autism-ka ADHD
• walwalka

2.4 CILMI NAFSIGA AAMUSNAANTA


(PSYCHLOGY SILENCE)
Waxaan aragnaa qaar kamida ah dadka oo runtii u
muqda kuwo aan raaxo lahayn rajada laga qabo iney
aamusnaandaan.marka la fiiriyo dhamaadka xilliyada
dib-unoqoshada,aamusnaanta qaar kamida dadka waxay

97
CILMI-NAFSI

ku raaxaystaan aamusnaanta,halka kuwa kale ay san


jeclayn.
Aamusnaanta ayaa la ogaaday iney kicineyso koritaanka
maskaxda : sanadkii 2013,daraasad lagu sameeyay qaab
dhismeedka maskaxda iyo shaqadda ayaa lagu ogaaday in
ugu yaraan laba saacadood oo aamusnaan ah ay kadhalan
karto abuuritaanka unugyo cusub oo maskaxda ku xiran
bàrashada iyo dib u soonoqoshadda.
Waxaa kale oo suurta gal ah in aamsunaantu,marka qaar
ay haboon tahay inaad aamusnaanto.
Waxaa cad in aamusnaantu ay awood u leedahay,sida
awood kasta oo kale waxaa loo isticmaali karaa in lagu
xanuujiyo ama lagu bogsiiyo oo laga yabee iney tani tahay
sababta ay dadku si kala duwan uga jawaabaan. Micnaha
aamusnaanta waa kalinimo,gooni-isku tug ama
qallafsanaan.waxaa loo isticmaali karaa in lagu muujiyo
kabixitaanka shucuurta,diidmada ama xitaa ciqaabta.
Erayga aamusnaan waxaa inta badan loo-adeegsadaa
micno darro: Shirqool aamusnaan ah,kor u qaadida
xijaabka aamusnaanta.
Addunka mshquulka badan,ee buuqa badan ayaa u
muuqda iney ka baqaan aamusnaanta.
Aamusnaanta micnaheedu waa kaalinimo,gooni-usocod
,qalafsanaan intaas oo micno kabadan ay leedahay
aamusnaantu.

98
CILMI-NAFSI

Faa’iidooyinka cilmi-nafsiga aamusnaanta:


Faa’idooyinka waxaa ka mid noqonn karra hal-
abuurnimo,diirada saarid,is-xakameyn,wacyigalin nafeed.
Aamusnaanta waxaa loo isticmaali karraa si togon iyo si
dadban ba sidaa derteed waxay saameyn ku yeelan
kartaa xiriirkeena.
Badankeenu waxaan si cad u xaqiijinaa farqiga u
dhaxeeya aamusnaanta aan la ogolayn iyo tan
xaqiijineysa in waxa aan sheegayno si dhaba loo
dhagaysto.
Adeegsiga aamusnaanta waa micno badantahay mararka
qaar aamusnaanta faa’ido ayay
nooleedahay,wakhti waaxu joognaa ay na an facayso
Soomaalidii hoorre maahmaah ay kaga hadleen
aamusnaanta *(Af daboolan waa dahab) oo micnaheedu
yahay qof aamusan afkiisu waa dahab sababtoo ah Mar
walba hadaad hadal badantahay micno gooniya
mayeelanayo hadalkaaga,ugu dambayna waxaad ku dhici
dontaa god oo waad fashilmi doontaa.
Allaah(sw) waxa uu quraankiisa ku yiri”Hadii ay kulla
hadlaan jaahiliintu kudheh Nabad galyo”(yacnii hala sii
doodin)”
Suubanaheen(NNkH) waxa uu xadiith ku yiri “wax qayr
ah ku hadal ama iska aamus”.
Xikmad ayaa oranaysa “CARABKAAGU WAA ABEESO EE
YOWSAN KUQANiiN”

99
CILMI-NAFSI

Xikmad kale ayaa na dhahaysa “BADANAA INTA GEESI


LAGA BAQI JIRAY OO LOO DILAY CARAB KIISA AWADIIS
QABRI KU JIRA”.
Waxaad ogaataa aqristow hadii Hadalku yahay qalin
AAMUSKUNA Waa Dahab.
Maahmaah daan soomaaliyeed aayaa tiri “CAQLIGAAGA
iyo CILMIGAAGA YAR AAMUSNAANTA Ayaa Lagu
kabaa”
Qofka wanaagsani waa qofka aamusnaanta badan waayo
aamusku waa xigmad.
Waxa aad kunabad gali kartaa adduun iyo aqriraba waa
inaad afkaaga ilaashataa
Maalinta qiyaame ee Baaxada wayne wax alle wixii aad
hadal sheegtay waa lagu horkeeni donaa xasuusnow
aqriste

Raggu maxay u aamusaan markay si dhaba wax


jeclaadaan:

Waxaa jira sababo farabadann oo fasiraad ka bixinaysa


raggu markay wax jeclaadaan waxaa dhici karta in
dumarka dhankooda ay dhibaato culus ku tahay,laakiin
Ragga iyo dumarku is ku uma fakaraan,mid kasta wuxuu
leeyahay fikirkiisa iyo dabeecadiisa gaar ah oo ay waajib
u tahay in lafahmo.

100
CILMI-NAFSI

Sida uu qorrey websiteka “ultrasawi”


Dumarku waxay ku dhibaatoodaan aamusnaanta Ragga
ay doonayaan,waxaa dhici karta inaaney ku
baraarugsanayn sababta ka dambaysa aamusnaantooda”
Dumarku intabadan waxa gudahooda ku jira way
sheegtaan,oo maqariyaan
Halka Raggu ay aamusaan oo badanaa aanu ka hadlin
waxa maskaxdooda kujira iyo dareenkooda oo ay adag
tahsy iney si sahal u soo bandhigtaan.

Raggu maxay u aamusaan oo dareenkooda u


qarriyaan markay wax jeclaadan:

Ninka Ragga ah waxa uu sheegto mayaqaano hadii uu si


dhaba wax jeclaado oo wuu aamussaa,marka horrana ma
doonaayo inuu darreenkiisa soo bandhigo illlaaa uu
dhanka kale ka hubsaddo 200% in gabadhu ay
dareenkiisa la qaadanayso.
Arrintaan gabadha waxaa ugu furran kaalin ka duwan
tiisa oo Haddii iyaduna aamusto xariirkaasi waxa u
noqonayaa mid aan rajo laga qabin inuu
dhismo,lamaanahaasina ay indhaha uun iska fiirsan
doonaan,iyadoo qofina soo bandhigan darrenkiisa gaarka
ah.

Khibrad yaridda gabdhaha:

101
CILMI-NAFSI

Gabdhu inta badan waxay jeclyihiin iney si dhakhsiya u


ogaadan darreenka Ragga iyo waxa ka dhax
guuxaaya,arrintaasi waa khibrad yarida haysata
dumarka,ragga inta badan waxay jecelyihiinn iney
aamusnaadaan,halka dumarkuna ay jecelyihiin iney
dibada u soo saaran waxa kujira qalbigooda iyagoo
doonaaya iney tillaabada koobaad ka timaado xagga raga.
Waa sax arrintaasi,laakiin waxaa suurta gal ah in
kalgacalkiisa kuu sheegto inuu xoggaa dib u yaro dhaco
maadaama uu ka baqayo inaad ku gacan sayrto jawaabtii
uu ubaahnaa inuu kaa heli waayo,arrintaas oo xooga
shaki ah ku abuureysa caqligiisa iyo qalbigiisa.
Raggu dumarka waa kayara fiican yihiin dhanka abuurka
xariirka yacnii dhisidda xariirka,Raggu waxa ay aad ugu
fikiraan arrimaha ku saabsan mustaqbalka si kadan
dumarku oo iyagu inta badan jecel yihiin dareenka loo
qabo loo sheegto oo waxyaalha mustaqblka ay siin
qiimeyn.
Aamusnaantu maaha luqad lagu garto dadka sare oo
qurra,waa luqad ay ragu kawada siman yihiin,dumarka
waxaa laga rabaa iney siwanaaagsan u tixgaliyaan
aamusnaanta siiyaan qiimeyn.

Awooda aamusnaanta:

Xiga shooyin ka turjumayaa awooda aamusnaanta qof


kasta ma fahmi karro,maxaa yeelay aamusnaantu way
adagtahay in lafahmo,laakiin waa micno buuxa.

102
CILMI-NAFSI

EdgaR Allan poe


Aamusnaantu maahan mid faaruq ah,waxaa ka buuxo
jawaabo
Aamusnaantu mabanaana,jawaabo ayaa ka buuxa

Anonymous
Aamusnaanta waligeed ah ee meelahaas Aan dhamaadka
lahahyn ayaa iganixisa.
Aamusnaantu ma waydiiso su’aallo ,laakin waxay na siin
kartaa jawaab wax walba.
Ernst fersti
Aamusnaanta ayaa kamidd ah doodaha ugu dagan ee
ladiido Billasha josh.
Inkasta oo aamusnaantu waayo aragnimo bani ‘aadam oo
caadi ah suurta galna ah haddana inaad u muuqato qof
aamusan mararka qaar waxay kaa dhigaysaa qof dadka
adagtooda ka noqda mid cuqdad qabba ama mid isla
wayn iyo wixii lamid ah laakiin waxaa qiiiqa inaad u
muuqanayso qof awood leh isla markaana aad loo
tixgaliyo oo aan lagula dhicin ficilladda qaar
1: maxay dadku u qiimeeyaan qofka aamusan markasta?
Mararka qaar ee aad bulshadda ku dhax jirto sidda goob
waxbarasho goob shaqo ama kulan caadi ah inaad inta
badan aamusan tahay oo aanayn badnayn hadalkaaga iyo
kaftankaagu waxay kaa dhigaysaa qof awood leh oo
qofkastaa xiisaynayo qaddarin badana u hayo la kulan

103
CILMI-NAFSI

kiisa iyo la macaamilkiisaba taasna waxaad ku kasbatay


inaa tahay qof aan haddal badnayn oo muhiimadda ka
hadla kaftankiisuna xaddidan yahay .
2: qiimaha qoyska u hayaan qofka aamusan badan waxaa
jirta inay qoysku ama reerka ay aad u qaddariyaan qofka
aamusan badan oo aan loo gacan dhaafin waxyaabaha
wax yaabihiiska u qaaska ah taasoo sababteeda tahay
inay qofka ka aamin san yihiin qofkaan iyaga ka duwan
ee aan caruurta lamidka ahayn ee dabeecadda adag
markastana waxay waalidku u sheegaan qoyska intiisa
badan ,hebal ama heblaayo inuu yahay ama ay tahay qof
dabeecad xun sidaas darteed inaga ilaa liya wixiisa ,xitaa
anagu anagu soomaali ahaan aad baynu u qaddarinaa
qofka reerka kamid ka ah ee aamuska badan inta badana
tallada ugu muhiim san ayaa la waydiyaa qofkaas sabtuna
waxkale maaha we waa inuu yahay qofaan hadal badnayn
ee dantiisa uun yaqaana
3:xariirka ka dhexeeya aamus naata iyo kalsoonidda
naftta inta badan qofka ay kalsoonidda naftiisa ay
sarrayso ee anan ahayn qof daciif ah oo jicilsan ama u
muuqdda inuu yahay mid awood gaara leh oo dadku
qiimeeyaan waxaa kow ah inuu yahay qofaan haddal
bayn oo aamusan badanka sidaas darteed hadaad u
fiirsato dadka nuucaan ah ee aad taqaano dhamaantood
waxay waddaagaan qodobkan ah inuu yahay qof naftiisa
jecel oo aad u koolkoliya mararka qaarna waxaad
arkaysaa isagoo kaligii meel fadhiya kuna qanacsan
inaanayn ciddi ka ag dhawayn
4: ma ogtahay inay dumarku aad u daneeyaan qofkaan?

104
CILMI-NAFSI

Waxaa hubaal ah in dadka nuucaan ahi is waydiin badan


ku keenaan dumarka ka ag dhow sida kuwa wax la barta
kuwa la shaqeeya ama kuwa dusha ka yaqaana iyo kuwa
ay isku cusub yihiin dhamaantood sabab too ah dumarka
inta badan waxay arkaan niman haddalka kaga horray
naya kaftanka kaga horraynaya inay taleefanka ka qorta
ka codsanaya inay aad u daneynaya tussaya kadibna
inantii intaasoo dhan arkaysay niman nuucaasa markay
aragto nin aamusan oon waxba waydiinin la hadlin
salaamin eegin xitaa danayn inay inani meesha joogto iyo
in kale oo tiisa uun ku mshquulsan ,aad bay usi
waydiiyaan ninka nuucaan ahi dumarku markay arkaan
ama la kulmaan taasina waxay ku keentaa gabadha inay
aad maskaxdeedu isku waydiiso muxuu yahay qofka
nuucaan ahi illeen horray uma arkin shakhsiyadda
nuucaan ah ee waliba ninka ah taasina waa sababta ama
awoodda ay leedahay aamusnaantu
,Hadday raggu fahmi lahaayeen qodobkaana wakhti
kumay bixiyeen inay hablaha daba ordaan iyaga baan ban
noqon lahaa qaar aragtidda koobaad kasbadda inanta
maskaxdeedana ku beera is waydiin badan
5: maxaa looga xishoodda qofka aamuska badan? Waxaa
jirta qofkaan oo kale qofkasta oo ay is yaqaanaan wuu
maamuusaa qiimeeyaa qaddariyaa tixgeliyaa marka uu
dadka meel la joogana aad baa looga danbeeya oo looga
xiishooddaa waayo qofkani isagaa kasbaday in dadku
nucaan u la dhaqmaan xitaa mararka qaar waxaad
arkaysaa iyadoo la leeyahay hebel hadduu maqlo
waxaaas ,waxaa laga yabaa inuu si adag inoola hadlo
sababtuna wax kale maaha ee hebal ama heblaayo waa

105
CILMI-NAFSI

qof aamus badan tanina kama dhigna inaynu dadka


haddaka badan meelaha dhacayno ee iyaga qudhooda
waxaynu lee nahay hadalka badan yarraysta oo
gaagaabiya kalmaddaha markaad hadlaysaana shaaan
dheeya haddalkiina ,Haddi aynu eegno sugaanta
soomaaliyeed waxay ka tirri hadal badnaanta ,waa kii
abwaan hadraawi lahaa “ sirta nolosha halkay dooni
soddan yasan kaa qaadan “ intaa kadib waxaan ku
leeyahay akhriste xitaa haddi lagu caayo lagu
aflagaadeeyo kalliya ka aamus qofkaas oo ka dhaqaaq
taasina waa awood qarsoon

Ninka Hadalka badann iyo ninka Haddalka yar


midkee Hanta qalbiyada dumarka:

Muddo toban sano kudhawaad ah ayaa khubaro u


dhalatay dalka kanada oo baadhitaan ku hayay nooca
ragga ee dumarku ka helaan, ayaa la sheegay in Raggu
hadalkooda yar yahay ee kalmadaha gaagaaban
adeegsadda ay soo jiitaan dumarka, islamarkaana
Hantaan qalbiyadda haweenka,iyadoo dumarku aamin
sanyihiin in hadal yaraantu tahay astaan muujineysa
ragganimadda qofka ama ninka.
Haweenka oo celcelis ahaan hadalkoodu ku soo
labanlaamayo ragga,ayaa maskaxdoodu u sameysan
tahay in hadalku si xowli ah u socdo,iyagoo khubarado
sheegay marka haweynaydu la kulanto nin hadal badan
waxay aaminaysaa in uusan lahayn ragganimo
wayn,mana daneeyaan ninka saas u hadal badan,halka

106
CILMI-NAFSI

ragga aad ka u hadalka yar ay dumarku aad ugu dhag


nuglaadaan.
Cilmi-baarayaasha reer kanada ah ayaa sidookale
baaritaan ku sameeyay,codka ragga kalmahadaha ay
isticmaalaan iyo lahjadaha ay adeegsadaan ayaa la
ogaaday in haweenku ay jecel yihiin ragaas

Ragga codka dhaadheer iyo haweenka codkooda si fiican


loo maqlo ayaa noqday kuwa dunida ugu soo jiidashada
badan.

2 . 5 CILMI-NAFSIGA SHAQSIYADA
(PERSONALITY PSYCHOLOGY)
Waa maxay cilmi-nafsiga shaqsiyadda?
cilmi nafsiga shaqsiyadda waa mid ka mid ah laamaha
cilmi-nafsiga ee ugu waa weyn uguna caansan.
Sidookale shaqsiyadu waa barashadda shakhsiyadda
aadanaha iyo sida ay u kala duwan tahay shakhsiyaadka
iyo dadka.
Cilmi-nafsiga shakhsiga waa barashadda kobcinta
shakhsiyadda iyo astaamaha shakhsiyeed.
Sidookale cilmi-nafsiga shakhsiyada waxaa la baranaayay
2000 sano,waxayna bilaawatay Hippocrates 370 BCE
waxayna ku baah sanayd aragtida man-dorriyaha iyo
aragtidda astaamah. Sidookale shakhsiyada waa laan

107
CILMI-NAFSI

cilmi-nafsi oo daraaseeya shakhsiyadda iyo kala


duwanaashaha shaqsiyaadka.
Waxay u jeedadu tahay inay muujiso sida dadku shaqsi
ahaan u kala duwan yihiin.
Sababo la’Xariira xogag nafsi saani ah.
[1] Meelaha diirada la saarayo waxaa ka mid ah:
Baaritaanka dabeecadda aaddanaha iyo isu ekaanshaha
nafsiyeed ee u dhaxeeya shakhsiyaadka.
Shakhsiyaddu waxay kaloo tilmaameysaa qaabka
fikiraddaha,dareenka hagaajinta bulshadda iyo
dabeecaddaha si joog ta ah loo muujiyo wakhti kadib oo si
xog leh u saameeya fillashooyinka qofka,is-
fahamka,qiyamka iyo dabeecadaha.
Shakhsigu wuxuu kaloo saadaaliyaa fecelinta aadanaha ee
dadka kale.
Gordon Allport( 1937) wuxuu sharaxay laba siyaabod oo
waaweyn oo lagu barto shakhsiyadda : miyir-beelka iyo
hadal-haynta.
Cilmu-nafsiga nomothetic-ku wuxuu raadiyaa sharciyo
guud oo lagu dabaqi karro dad badan oo kala duwan,sida
mabda’a is-dhaqaajinta ama astaamaha is-badelka.
Cilmi-nafsiyeedku waa is kuday lagu fahmo dhinacyada
gaarka ah ee shaqsi gaar ah. Ujeedada ,
Cilmi-nafsiga shakhsiga waa in la ogaado sababta ay
dadka u kala duwan yihiin.

108
CILMI-NAFSI

Caqiiqdadooda,dabeecadahooda,shakhsiyadooda.

Nooc yada shakhsiyada:

Daraasaad cilmi baaris oo lagu sameeyay hab-dhaqanka


Bani’aadamka ayaa shakhsiyada aadanaha u kala saartay
afar nooc :

● Rajo wanaagsan
● Rajo sumo
● kalsoonida
● xaasidnimo

Rajo wanaagsan

Qiyaastii 20% dadka dunida ku nool ayaa la aamin san


yahay inay lee yihiin shakhsiyadaan ,qofka Hididilo leh
xaalad kasta wuxuu ku sug nadaa rajo wanaagsan ,intaa
waxaa sii dheer dadkaan waxay noqon karaa kuwa niyad
jabsan xaaladaha qaarkood.

Rajo xumo

Qofka rajo-beelka ahi waxaa laga yabaa inuu ka shakiyo


wax kastoo ku xeeran 20% dadka shakhsiyaadan leh ayaa
la aamin san yahay ku nool yihiin dunida,sidookale
dadkaan malahan Rajo wanaagsan laakiinse waxay lee
yihiin Rajo xun, Tusaale dadkaan waxay Rajayaan Rajo

109
CILMI-NAFSI

xun oo ma rajayaan Rajo wanaagsan ama waxay Rajay


Haayaan ayaa ah wax wanaagsan.

Kalsoonida

Qiyaastii 20% dadka dunida ku nool ayaa la’aamin


sanyahay inay lee yihiin shakhsiyadaan mid ka mid ah
sifooyinka wanaagsan ee kalsoonida dadka waa inay
aaminaan nafsadooda waa kalsoonida ugu wayn, waana
sifo aad ugu wanaagsan inay u muuqataa shakhsiyad ay
dad badani lee yihiin,inaad naftaada kalsooni ku qabto
waa kalsooni kuu gaara waana shakhsiyad wanaagsan

Xaasid nimo

Tirada shakhsiyadaan leh way ku kala duwan tahay


bulshada ,cilmi baaris la sameeyay ayaa looga hadlay
shakhsiyadaan dadka leh 30% dadka dunida ku nool ayaa
leh shaksiyadaan ,sidookale dadkaani waa dad aan
ogolayn Hormarka dadka markay rabaan inay ka
hortagaan dadka Hormarka waxay ku sameeyaan niyad
jab aan dhamaad la hayn

Micnaha loo la jeedo shakhsiyadda:

Shakhsiyadda waa sifooyin firfircoon oo abaabulan oo uu


lee yahay qofka si gaara u saameeya
deegaankood,dareenka,dhiirigelinta iyo dabeecadaha
xaaladaha kala duwan.
Shakhsiyadda waxay ka soo jeedaa eray laatiin ee
personal kaas soo loola jeedo maaskaro masraxeed.
Shakhsinimadda “waa dabeecadd firfircoon oo habaysan

110
CILMI-NAFSI

oo uu lee yahay qofku si gaar ah u saameeyo deegaankiisa


,garashadda ,dareenka, dhiirigelinta iyo dabeecaddaha
xaalladaha kala duwan erayga shakhsiyada ama qofnimo
wuxuu ka yimid laatiin, oo micnihiisu yahay “maaskaro”
Shakhsiyaddu waxay sidookale tixraacaysaa qaabka
fikirka, dareenka,hagaajinta, dabeecadda si joogta ah loo
soo Bandhigo wakhti kadib kuwaas oo si xoogan u
saameeyo waxa uu qofku fillaayo ,sidda aragtidda,
qiyamka,shakhsiyaddu waxay sidookale saadaalisaa
falcelinta Bani’aadamka ee dadka kale ,dhibaatooyinka
iyo walbahaarka.

Barashadda shakhsiyadda:

Barashadda shakhsiyaddu waxay lee dahay taariikh


ballaaran oo kala duwan xagga cilmi nafsiga ,oo leh
caddooyin aragtiyeed oo badan.
Aragtiyadda ugu waa wayn waxaa kamid ah aragtidda
(sifadda ) aragtidda nafsiga ah ,cilmi nafsiga, bayoloojiga,
dabeecadd ya-qaanka ,kobcinta iyo aragtidda barashadda
bulshadda
Shakhsiyadda waxay lee dahay taariikh ballaadhan oo
kala duwan xagga cilmi-nafsiga,oo leh caddoyin
aragtiyeed oo fara badan. Aragtiyadda ugu weyn waxaa
ka mid ah aragtida ka-Bixitaanka (sifo), cilmi-
nafsiyeedka,Bani-aadanimada,bayoolojiga,dabeecadda,
aragtidda horrumarineed,iyo aragtidda barashadda
bulshadda.
Si kastaba ha ahaatee,cilmi-barayaal badan iyo cilmi-

111
CILMI-NAFSI

nafsi yaqaano badan si cad uma tilmaamaan naftooda


aragti gaar ah oo halkii ay ka qaadan la hayeen hab-isku
dhafan.
Sidookale in qof walba shakhsiyadiisa leh

Cilmi-nafsiga bulshadda iyo cilmi-nafsiga shakksiga:

Cilmi-nafsiga bulshadda iyo cilmi nafsiga shakhsiga waa


noocyo kamid ah cilmi-nafsiga tijibaada taas oo
micnaheedu tahay in guud ahaan labaduba xan baar San
yihiin Horumarinta iyo ballaarinta aragtiyaha marka la
eego sida loogu dabaqi lahaa aragtiyahaas dunidan la
taaban karro.
Labaduba waxay nabarayaan hab-dhaqanka heer bulsho
iyo mid gaara ahaaneed.

Meelaha ay isku midka ka yihiin :

Cilmi-nafsiga bulshadda iyo cilmi-nafsiga shakhsi


ahaaneed waxay isku mid ka yihiin ama iska-shabahaan
Cilmi-nafsiga wuxuu caan ku hayhay marka bulsho badan
meel isugu timaaddo waxaan aragnaa qof bulshaawi ah
oo furfuran yacnii qofkaas marka shakhsiyan waa qof
furfuran,qofkaas labadaba waa isku darsaday, cagsigeeda
bulshaddu haday meel isugu timaaddo waxaan inta
badan aragnaa qof iska aamusan, yacnii qofkaas xagga
bulshadda wuu ka xirxiran yahay midda shakhsidda ah
ayaddana waa qof aan lafahmi karrin,bulshadda iyo

112
CILMI-NAFSI

shakhsi ahaan tiisaba waa ka xirxiran yahay.


Marka labadaa qof ayaan tusssaalle u soo qaatay waxaan
darreemayaa inaad fahantay akhriste.

Astaamaha shakhsiyadda :

Astaamaha iyo qaababka fikirka iyo shucuurta ayaa


kaalin muhiim ah ka qaatay iyo sidoo kale astaamaha
aasaaska u ah ayaa ah shakhsiyadd:
Joogtayn: waxaa guuda ahaan jira amar la garan karro
iyo joogtaynta dabeecaddaha.
Asal ahaan dadku waxay u dhaqmaan si isku mid ah ama
siyaabo la mid ah xaallado kala duwan. Cilmi-nafsiyeedka
iyo jir-dhiska shakhsiga waa dhisme naf saani ah,laakiin
cilmi-baaristu waxay soo jeedinaysaa inay sidoo kale
saameyn ku leedahay hababka bayoolojiga iyo bay’adda.
Dabeecadda iyo felcelinta:shakhsiyaddu ma saameyno
oo killiya sida uu qof dhaqmo waxay sidoo kale
saameynaysaa meelo kale waxaana kamid ah dabeecadda
qofka haddalada uu ku hadlaayo.
Shakhsiyad gooni ah: dadka badanaa waxay lee yihiin
dabeecaddo ka duwan dadka kale,sidoo kale dadkaan
dabeecadda hooda way adag tahay in la fahmo.

Qaabka dabeecada ee qofnimadd:

Dabeecadda iyo shakhsiyadda waxay qofka u


horrmariyaan inuu u dhaqmo si gaara ah,iyadoon loo

113
CILMI-NAFSI

eegin xaalladda.
Taas micnaheedu waa in sifooyinka ay ahaadaan kuwa
joogta ah xaaladaha oo dhan iyo wakhti kadib,laakiin way
kala duwanaan karaan shakhsiyaadka.
Waxaa loo malaynayaa in shakhsiyaadka ay ku kala
duwan yihiin.
Qof walba wuxuu lee yahay dabeecad gooniya uu kaga
duwan yahay dadk.
Dabeecadda shakhsi ahaaneed waxay ka turjumaysaa
qaabka fikirka ,dareenka iyo dabeecadda.
Dabeecadda qofka waxay kamid tahay shakhsiyadda
qofka, dadka dunidaan ku nool isku dabeecadd maaha oo
waa lagu kala duwan yahay dabeecadda.

Saddex heer ee falanqaynta shakhsiyadda:


Khubaradda cilmi-nafsiga waxay falaan qeeyeen saddex
heer laba kamid ah ayaad ku baran doontaa Buugaan:
• is-Ku fikir: waxaa jira sifo iyo farsamooyin caalami ah
oo dadka ka dhiga is-ku mid ah
Waxaa sidookale jirra dad isku fikir ah oo fikradahooda
ay yihiin kuwa isku mid ah.
• shakhsiyadda wanaagsan: qodobkaan waa qodob
aad muhiin inoogu ah,maxaa yeelay dadkaan intooda
badan waxay wax ka eegaan dhanka wanaagsan.
• shakhsiyadda xun: qodob kaan waa qodob marnaba

114
CILMI-NAFSI

aan loo baahnayn,maxaa yeelay qof rabba in shakhsiyad


xunn lagu sheego majirro,sidookale dadkaan intooda
badan wax wax ka eegaan dhanka xun oo waa dad
shaadaashooda xun tahay

Aragtidda shakhsiyadeed:

Hal aragti oo caan ku ah shakhsiyadda aadanaha ayaa soo


ifbaxay qarnigii 20aad,mid walbana wuxuu ka hadlayaa
dhinacyo kala duwan oo ah koriinka nafsiyadda.
Dib-umilicsiga aragtiyahaas iyo kuwa kaleba waxay u
muuqdaan kuwa shakhsiyadeena saamey naaya.

Freud aragtidiisa waxay ina baraysaa shakhsiyadda inay


tahay wax isaga u qaaska ah oo micnaheedu tahay wax-
ugaar ah:
Shakhsiyaddu waxay saameyn ku yeelan kartaa qaab-
dhismeedka qofka ,sida laga soo xigtay freud “shakhsiyad
waxay inta badan na tustaa qaabka qofka Bani-aadamka
iyo hab fikir kiisa,sidookale qof wabla wuxuu leee yahay
shakhsiyad gaar u ah asiga,yacnii dabeecad u oogini ah”

Kala duwanaanta shakhsiyadda iyo qiimaha


shakhsiyadda:

Qofkasta oo aad aragto noloshaan adduunka waxa uu


leeyahay shakhsiyad,nafsiyad hab-dhaqan iyo cilmi nafsi

115
CILMI-NAFSI

u gaara isaga oo aan ciddina la wadaagin ,koritaan kiisa


dhalashadiisa iyo sida uu fikiraayana waa gaar
,isaga u qaasa oo aan lala waddaagin ,unug yadda dhiigisu
waagaar siqaasa oo isaga kaliya u shaqeeeya
,waxa uu leeyahay Hidde-sidayaal iyo chromosome u
gaara ,caarada farihiisu isaga ayay ugaar tahay ,midabka
timihiisu asaga ayay ugaar tahay,dhanka guddahana
waxa uu leeyahay shakhsiyad guuda ahaan ba balaayinta
addunka ku dhaqan kaduwan oo isaga ugaara waa natiijo
ka dhalatay hab nolaleed iyo qaab barbaaritaan oo isaga
ugaara xitaa aanan mataanuhu wadaagin,waayo
aragnimadda nolosha inaga hor imaanaysa iyo hab
fikraddaha aan u maaray nayno dhibaatooyinka aan la
kulmaynaana inaga aan dhaadanayn ayay
shakhsiyadeena qaabeeyaan oo si cayiman u
qaabeeyaan,sida uu wasteedku dhismihiisu u qaabeeyo
oo kale Haddaba dhibaatadu maaha in dadku ay kala
nuucyo duwan yihiin dhaabataduna maaha in midkasta
oo naga mid ahi uu xaaladiisa nafsadeed iyo
shakhsiyadiisa isaga ugaara leeyahay ee dhibaatadu
waxay tahay waa in inteena ugu badan aynu kushafilino
inuu qofku daah faydo oo ogaado waxa uu yahay sidda uu
ufikiro shakhsiyadiisa gudaha iyo natiijadda ka dhalatay
waa yihii nololeed ee uu soomaray ,yacnii inteena ugu
badan shakhsiyadooda daaqiliga ah illaahay subxaanahu
watacaalaa uu ku beeray,waxa aynu u qayb sanahay in
isutaqaana inay dadka oo dhami kasitaan oo aanan cid
lamid ahi jirin,iyo inaan waxay yihiin ba garanayn
labaduba ay ku fashil meel daadi taanka iyo garashadda
dhabta ah ee noloshooda sidookale waxaynu

116
CILMI-NAFSI

kufashilanaa inteena ugu badani inay nu fahano in dadka


kale ee adduunka nagula dhaqan qof waliba uu leeyahay
shakhsiyad gaara oo sigaara u fakaraysa inaguna aanayn
ahayn inaynu aragtideena iyo afkaarteena ku dirqino oo
ku qasabno ama inay inaga duwan yihiin oo aysan ra’yiga
inagu waa faqayn aynu ku dhaliino ama ku
colaadino,ogow nolosha inteeda kale ee guud dadka
ayaad kala siman tahay oo kala mid tahay marka dhanka
qaab nololeedka ay noqoto bulsho ayaad kasoojeedaa oo
ku abtirsataa sashe shakhsiyad kuugaara oo aad
majaaladda iyo laamaha nolosha midood siwanaagsan
wax uga qaban ayaad leedahay arrin gaar ahna waad ku
haboon tahay macdan gaara oo aad leedahay oo aanan
daadina wayjirtaaye ogow macdan taadaasi nooca ay
tahay baarbaar oo raadi shakhsiyadaada qarsoon ee
markaad usoo jeesato inaad qof wax qabad leh noqoto si
kaa muujineysa kadibna nolosha inta aad kaga haboon
tahay kaga hagaag,marka xigtana ogow dadka kale qof
waliba inuu kaa shakhsiyad duwan yahay sida illaahay
uabuuray ku ixtiraam oo ku qaddari adiguna si qurxoon
oo billaa buuqa ayaad u noolaaneysaa dadka illaahayna
way kaa nabad galayaan,garo shakhsiyadaada daahsoon
ee kuu qarsoon kadibna is aqoonso adigu qof wax qabad
lehna noqo.

117
CILMI-NAFSI

2.6 CILMI NAFSIGA BULSHADA HADAY


BARTAAN MUXUU U SOO
KORDHINKARAA:
Cilmi nafsiga bulshada waa laan cilmi-nafsiyeed oo
khusaysa sida saamaysan San tahay bulshada sida
dadka u fikiraan,u dareemaan, una dhaqmaan.
Sida aan nafteena u aragno ee la'xariirta adduunka intiisa
kale Ayaa door muhiima ka ciyaarta
xulashooyinka,dabeecadaha iyo caqiidoyinka.
Taa badalkeeda fikradaha dadka kale waxay saameyaan
habdhaqankeena iyo sida aan nafteena u aragno.

Dabeecadaha bulshadu waa ujeedo:

is-dhaxgalkeenu wuxuu u adeegaa yoolal ama buuxiyo


baahiyaha.
Qaar kamida yoolalkeena ama baahiya guud waxaa
kamida baahida loo qabo xiriirka bulshada,Rabitaanka
inaan helno ama ilaalino maqaamka iyo baahida looqabo
saaaxiibo wanaagsan.
Sida dadku u dhaqmaan waxaa inta badan horseed u ah
rabitaanka in la fuliyo baahiyahaan. [1] dadku waxay
raadiyaan saaxiibo iyo lamaane jecel,waxay ku didaalaan
iney helaan maqaam bulshadeed, waxayna isku dayaan
iney fahamaan dhiirigalinta hagta dabeecadaha dadka
kale.
Xaaladahan waxay caawiyaan go'aaminta natiijada Marar

118
CILMI-NAFSI

badan,dadku waxay udhaqmaan siyaabo aad u kala


duwan iyadoo kuxiran hadba xaaladda.
Si aad si buuxda u fahanto sababta ay dadku u sameeyaan
waxyaabaha ay san sameyn dadka qaar kood, waxaa lama
huraana in la fiiriyo astaamaha shaqsiga , xaalada iyo
micnaha gud iyo is dhaxgalka ka dhex jira bulshada oo
dhan.
Tussaale ahaan qof caadi ahaan u aamusan ayaa laga
yabaa inuu u muuqdo mid soo dhawayn leh marka laguu
maleeyo nuuc kamid ah kaalin hoggaamineed.
Tussale kale ayaa ah sida dadku mararka qaarkood ugu
dhaqmaan kooxo si kaduwan sidii ay yeeli lahaayeen
hadii ay kaligood ahaan lahaayeen.
Doorsoomayaasha bay'ada iyo xaladda door muhiim ah
leh waxayna saameyn xoogan ku lahaan donaan
habdhaqankaaga.
Khubarada cilmi nafsiga bulshada ayaa sida caadiga ah u
sharaxa dabeecada aadanaha inay ka dhalatay xariirka
kadhaxeeya qaybaha maskaxda iyo xaaladda bulshada
iyagoo baaraya xaaladaha ay ku hoos jiraan fikradaha
dareenka iyo dabeecadaha,sida doorsoomayaashani u
saameeyaan is-dhaxgalka bulshada.
Cilmi-nafsiga bulshada ayaa soo afjaray farqiga u
dhaxeeya cilmi nafsiga iyo cilmiga bulshada illaa
heer,laakiin wali waxaa jira kala qayb sanaan u dhaxaysa
labada mowduuc.si kastaba ha ahaatee habka cilmi
nasiyeedka ee cilmi nafsiga ayaa wali ah wahel muhiima

119
CILMI-NAFSI

cilmi nafsiga caadiga ah. [2] marka lagu doodo kala


qaybsanaantta udhaxaysa cilmi nafsiga iyo cilmiga
bulshada
Waxaa jirra farqi xoojinta u dhaxeeya dhaqaatiirta cilmi
nafsiga bulshada mareynka iyo yurub madaama kuwii
hore dhaqan ahaan aad u diirada saareen shaqsiga
,halka kuwa dambana ay kawa duwan yihiin kuwii hore.
Sidookale cilmi nafsiga Bulshada haday bartaan ama
fahmaan wuxuu ka caawin karaa:
Bulshadu waxay lee dahay wax la yiraahdo cilmi-nafsiga
bulshada waana qaybaha ugu muhiimsan ee cilmi-nafsiga
sidookale bulshada haday bartaaan cilmi-nafsiga waxaa u
fududanaysa qodobadaan soo socda inay fahmaan :
▪ In uu is dhaxgal kooda siyaado
• In ay goobaha wax barashada ay si fusdud uga
bartaan In ay maan kooda kordho ama caqligooda
siyaado
• inuu wkhtigooda noqdo mid kooban.
Intaas iyo in kabadan ay ku faa'idi karaan barashadiisa.
*Sidookale barashada cilmi nafsiga waxay kaa
caawineysaa inaad fahanto naftaada iyo dadka kale taas
micnaheeda noqon karta mid aad ku qancisa oo horseedi
karta xariir wanaagsan inaad la sameyso bulshada iyo
qoyskaaga iyo asxaabtaadada Iyo dadka aad la shaqayso.

120
CILMI-NAFSI

2.7 DADKA CILMI-NAFSI YAQAANKA AH


MAXAA LAGU GARTAA:
Ogaanshaha astaamaha ugu muhiimsan ee lagu garan
karo dadka yaqaano cilmi nafsiga waxay noqon karaan
kuwa aad u muhiimsan hadii aad raadinayso
daawaynta,sahminta xirfadaha cilmi nafsiga.
Astaamahaas waxay noqon karaan kuwa loodhasho ama
la hello.
Dhakhaatiirta cilmi nafsiga ee guulaystay waxay lee yihiin
tayo badan oo dadka dhaxdooda ah oo ah tabare cilmi
nafsiyeed ama la taliye cilmi nafsiyeed waxay kaloo yihiin
kuwa dhiiranaan lagu soo dhawaado,dhiiri galiye oo
maalgaliya guushooda.
Intaa waxaa sii dheer dhakhaatiirta cilmi nafsiga waxay u
badan yihiin tababar habòon iyo aqoonsi ay kulla taliyaan
macaamiisha.
Ballan qaadka barashada nolosha oo dhan waxay astaan u
tahay aqoonyahan cilmi nafsi oo karti u leh.
Sababtoo ah fikradaha cusub iyo habka daawaynta ayaa
had jeer soo ifbaxa
Dhakhaatiirta cilmi nafsiga waa iney la socdaan
xirfadahooda iyagoo ka qayb galaaya siminaaro,dib-u-
egaya natiijooyinka cilmi-baarista ee ku salaysan
caddaynta iyo la- tashiga asxaabta.
Rabitaanka ah in la caawiyo dadka ayaa dib ucelin karta
hadii cilmi nafsigu aanu isku filayn ugu diyaarsan inuu

121
CILMI-NAFSI

lashaqeeyo nuuc kamida macaamiilka ama xaalad.


Talo aan haboonayn ama ogaansho aan sax ahayn ayaa
dhaawici karta macaamiilka.
Khabiirada cilmi nafsiga waa iney lahaadaan is-
wacyigalin si ay u aqoon sadaan meelaha ay ku baahan
yihiin tabarbar dheeraad ah.
Dhakhaatiirta cilmi nafsiga waxay ku raaxaystaan
naxariista iyo wahelka dhabta ah.
Waxay dareemaan kala duwnaanshaha xagga codka iyo
luqadaha.
Khabiirada cilmi nafsiyeedka waxay gudbiyaan fahamka
iyo aqlaaqda dadka waxay mareeyaan falcelintooda iyo
dareenkooda markay la shaqeynaan macaamisha
xiran,sida dambiilayaasha.

Sidookale qofka cilmi-nafsi yaqaanka ah waxaa lagu


gartaa:

Sida ay fikirayaan lamid maaha dadka kale sidookale waa


dadka inta badan saqda dhaxe ama habeenkii xiliga
dambe kugaara fikir.
Sidookale waa dad ay ku dhax nool yihiin ka dhax
muuqda.

122
CUTUBKA
SADDEXAAD
CILMI-NAFSI

3.1 12 JAAMACADDOOD ADDUNKA UGU


CAANSAN EE LAGU BARTO CILMI
NAFSIGA:
Jaamacaddaha lagu barto cilmi nafsiga way farra badan
yihiin
bugaan waxaad ku baran dontaa 12jaamacaddood oo
lagu barto cilmi nafsiga uguna caansan addunyada aan
maanta joogno
1: Harvard university waa jaamacad lagu barto cilmi-
nafsiga waxay siisaa ardayda deeq wax Barasho iyo
ikhtiyaaro maaliyeed ardayda heerka kobaad ee
jaamacadda iyo kuwa ka qallin jabiyey.
Jaamacadani waxay ku tallaa cambridge Massachusetts
waxaa la aasaasay sanadkii Semtermer 8, 1636.
2: Stanford University waa jaamacad kamid ah 12ka
jaamacadood ee lagu barto cilmi nafsiga waxayna ku
taalaa wadanka silicon jaamacada Stanford waxaa la
aasaasay sanadkii Nemvember 11,1885
3: UCL waa jaamacad iyadana kamida ah jaamacaddaha
lagu barto cilmi nafsiga waxaa la aasaasay sanadkii 1825
iyada u jeedadeedu tahay waxbarasho tayo leh.
4: university of oxford waa jaamacada ugu wanaagsan
cilmi nafsiga waxayna ku jirtaa kaalinta sadexaad
jaamacaddaha ugu sareeya yurub xagga cilmi nafsiga.
Oxford waxaa la aasaasay sanadkii 1096.
5:university of Chicago waxay kamid tahay

124
CILMI-NAFSI

jaamacaddaha lagu barto cilmi nafsiga waxaana la


aasaasay sanadkii 1893.
6: princeton university waxay ka mid tahay
jaamacaddaha lagu barto cilmi nafsiga waxaana la
aasaasay sanadkii 1746.
7: Amsterdam university waxay kamid tahay
jaamacaddaha lagu barto cilmi nafsiga waxaana la
aasaasay sanadkii 1632.
8: Columbia university waxay kamid tahay
jaamacaddaha lagu barto cilmi nafsiga waxaana la
aasaasay sanadkii 1754
9: university of California waxay kamid tahay
jaamacaddaha lagu barto cilmi nafsi waxaa la aasaasay
sanadkii 1919 waana jaamacad samaysay cilmi baaris
waxayna ku jirtaa jaamacadda labaad ee ugu faca wayn
cilmi nafsiga.
10: university Michigan waxay kamid tahay
jaamacaddaha lagu barto cilmi nafsiga waxaana la
aasaasay sanadkii 1817.
11: university of Pennsylvania waxay kamid tahay
jaamacaddaha lagu barto cilmi nafsiga waxaana la
aasaasay sanadkii 1740.
12: university of Toronto waxay kamid tahay
jaamacaddaha lagu barto cilmi nafsiga waxaana la
aasaasay sanadkii march 15,1827.

125
CILMI-NAFSI

3.2 10 QOF EE UGU MUHIIMSAN TAARIIKHDA


CILMI NAFSIGA:
1 : wilhelm wundt (1832_1920)
Wilhelm wundt waxaa inta badan lagu tiriyaa inuu cilmi
nafsiga ka dhigay seynis gaar ah.
Wuxuu qorrey Buugiis ugu horeyay
Ee cilmi nafsiga ka hadlaayay sanadkii 1874 tii
mabaadi'da cilmi nafsiga jirka sanadkii 1879,wundt
wuxuu furay macahadka cilmi nafsiga Tijaabada ee
jaamacadda leipzig.
Markuu sidaas sameeyay, wuxuu abuuray shaybaarkii
ugu horreyey si uu u abuuro ifafaalaha nafsiga ah oo
kaliya.
Ka hor abuuri taankiisa,cilmi nafsiga ayaa lagu hoos
qaatay maddooyinka falsafadda iyo bayoolojiga.
Wundt wuxuu ahaa qofkii ugu horreyay ee howl galliya
hannaanka is-baaridda, oo sidookale loo yaqaan uur-ku-
taallo si loogu is ticmaallo tijaabada dad badani waxay u
arkaan inuu yahay abbaha cilmi nafsiga.

2: sigmund Freud (1856-1939)


Majiro hal Shay oo cilmi nafsiga ah oo caan ku ah
sigmund freud isaguna waa- aabaha cilmi nafsiga
wuxuuna ahaa qofkii ugu horreyay ee baarra hababka
maanka miyir beelka ah.waxaana loo maleynayaa inuu

126
CILMI-NAFSI

ikhtiraacay daaweynta hadalka. Wuxuu malla awaalay in


qaaab dhis meedka maskaxdu ku haboon yahay, ego iyo
supereg
. Waxaa kale uu sharaxay habka wareejinta wuxuuna soo
Bandhigay fikradda hababka difaaca. Sidookale wuxuu
ahaa qofkii ugu horreyay ee aragti ka sameeya hormarka
aaddanaha isagoo soodhajiyey marxalado nafsaani ah.

3:mary whiton calkins(1863_1930)


Ma aha in haweenku ay ku haboon yihiin inta badan
dhakhaatiirta cilmi nafsiga.
Dumarkii maalmihii horre ee cilmi nafsiga ayaa u gogal
xaadhay haweenka maant.
In kastoo ay jireen dhowr haween oo hormuud u ahaa
midna kuma jirin aasaaska Mary whiton calkins.
Waxay aheed hawaynaydii labaad ee dhamaystirtay
shaqada laga maarmaanka u ah pH.D xagga cilmi nafsiga
lakiin lama siin shahaadada maxaa yeelay Harvad si
rasmiya uma aqrin dumarka wakhtigaas.
Sidookale waxay markii dambe noqotay hawaynaydii ugu
horreyay ee u adeegta ururka cilmi nafsiga marreyn
kanka. Intaa waxaa sii dheer iyadu waxay ka mid ahed
dadkii ugu horreyay ee rumaysta in barashadda cilmi
nafsigu ay tahay in lagu salleeyo miyir qabka loo arko
iney la xariirto deegaan keeda.

127
CILMI-NAFSI

4: Kurt lewin (189-1947)


Lewin waxaa loo yaqanaa aabaha cilmi nafsiga bulshada
ee casriga ah sababta ugu weyna waa adeegsiga tijaabinta
si uu u barto dhaqanka bulshada.
Wuxuu qaatay mowqif cusub oo ku saabsan dabeecadda
iyo dooddii barbaarinta. Aragtida bartiisu waxay
soobandhigtay iney tahay is-dhaxgalka ka dhaxeeya
qofka iyo deegaankiisa kaas oo saameeya shaqsiyada
qofka.
Wuxuu kamid ahaa dadkii ugu horreyay ee bartay
qaababka hoggaamineed ee urur iyo is dhaxgalkooda.
Runtii wuxuu curiyey weedha koox kooxeed goobta cilmi
nafsiga warshaddaha/ ururka inta badan waxay soo
baxeen aragtiyadiisii.
Waxaa laga yabaa inay ugu muhiimsan tahay “tabarkiisa
xasaasiga ah” waxaa loo adeegsaday la dagaalanka
cuqdad jinsi iyo diimeed oo aad u fog kor dhaqdhaqaaqa
Xuquuqda waddaniga.

5:Jean piaget (1896_1980)


Piaget wuxuu soo saaray aragtida koobaad ee kori taanka
garashada ilmaha.
Waqtigaas wuxuu ahaa dhul _goyn.
Korhor shaqadiisa caruurta waxaa la rumeysan yahay
inay waddaagaan habka garashada ee dadka waa weyn.
Aragtidiisu waxay si toosa u hor seeday soo bixi taanka

128
CILMI-NAFSI

cilmi nafsiga garashada iyo kobcinta.


Wuxuu rumaysnaa in kobcinta garashada ay tahay geedi
socod firfircoon si aysan caruurtu wax dhiba u haleelin.
Piaget wuxuu soo saaray jumladdaha weedhaha
nafsaaniga ah ee caanka ah, iyo is-Dhaxgalka Bulshada.
Intaa waxaa sii dheer wuxuu ahaa u doodaha caruurta oo
aad u adag wuxuuna u dagaalamay waxbarashada
caruurta oo muhiim uh hormarka bulshada.

6: Carl Rogers (1902-1987)


Daawaynta macmiilka ku sallaysan ee Rogers waxay
keentay hab cusub oo lagu eegayo xariirka teraabiistah
iyo macaamiilka.
Wuxuu ku dooday xuquuqda cilmi nafsiga iyo
habdhaqanka Dabeecada
Wuxuuna taa badalkeeda ka dhawaajiyey muhiimada is-
dhaxgalka kadhaxeeya compture iy macaamiilka.
Rogers waxay aamiin saneed iney ixtiraaman
wanaagsanaanteeda oo aan shuruud lahayn macaamiisha
taas oo ka turjumaysa kor u kaca cilmi nafsiga.
Wuxuu ahaa mid kamida hormuudka iyo dhaqdhaqaaqa
cilmi nafsiga admiga
Wuxuuna rumaystay aragtida ibraahim
maslow,aragtidaas oo ah in dadku ku didaalaan iney
iskooda u dhaqmaan.

129
CILMI-NAFSI

Shaqada Roger’s waxay aheed waxay dejisay heer


daaweny oo taagero badan leh waxayna horseeday
horumarinta kababka ugu casrisan ee tarbiyada cilmi
nafsiga.

7: Erik Erikson (1902_1994)


Erikson wuxuu ahaa cilmi nafsi yaqaankii ugu horreyay
ee dib udhiga shakhiyaddas oo soo koray noloshiisa oo
dhan,isaga oo ka fogaaday aragtida freud ee fikirka
nafsadda ee hormarka.aragtidiisa siddeeda mar xaladood
waxay soo bandhigtay khilaaf qof kasta waa inuu ka
gudbo si loo sii waddo geedi socodka horumarimeed.
Wuxuu aad u danaynaayay sameynta aqoon siga
wuxuuna saameyaaa aragtida dadka ”qalalaase aqoonsi”
si kaduwan aragtida freud,Erikson wuxuu xoogga saaray
qaangaarnimada.
Waxaa loo malaynayaa in fikrada xiisada nolosha dhexe
ay ka soo ifbaxday iska hor imaadka marxalada tobaad ee
Erikson: abtirsiinta iyo fadhiidnimada.

8: BF skinner (1905_1990)
Skinner wuxuu ku dhisnaa shaqadda john waston iyo
Edward Thorndike ee ku caan baxay cilmi nafsiga hab-
dhaqanka iyo qoboojiyha hawl-wadeenka .
Behaviorism-ku wuxuu dhajiyaa in ficillada aaddanaha ay
jawaab u yihiin tilmaamaha deeganka.

130
CILMI-NAFSI

Ma tixgalinayso garashadda iyo dareenka shaqsiga. Runtii


skinner marrumeysnayn rabitaanka xorta ah. Qarnidhigii
20aad, dabeecadda ayaa aheed iskuulka ugu sameynta
badan xaga xariirka cilmi nafsiga iyo skinner wuxuu ahaa
safka hore.
Shaqdiisu waxay aheed xoojinta cilmi nafsiga.

9: Aaron Beck (1921-ilaayo wakhti xaadirkaan)

Daawaynta Dabeecadda garashadda (CBT) ayaa ahaa tan


ugu caan san uguna cilmi baarista badan ee daaweynta
nafsaani maanta.
Inkastoo lagu doodi karo in Albert uu ahaa qofkii ugu
horreyay ee soo bandhiga fikraddaha CBT,waxay aheed
shaqada Aaron Beck oo aasaasay ku dhaqanka CBT sida
aan maanta naqaano.
Sidookale wuxuu faafiyey xiriirka ka dhaxeeya fikradaha
iyo dareenka iyo dabeecadaha dadka Gaara ahaan
markay dhacdo caqabada niyad kanka.
Ka-sokow fikradaha garashada wuxuu sidookale carabka
ku adkeeyay xariirka daaweynta wuxuuna abuuray mid
kanid ah aaladdaha qiimeynta niyad jabka ugu caansan
Beck Depression inventory(BDI).

10: Albert Bandura (1925-ilaayo wakhti xaadirkaan)


Shaqadda bandura waxay aheed midi ugu horreysay ee

131
CILMI-NAFSI

isku xirta dabeecadda oo leh cilmi nafsi garasho.

Aragtidiisa bulshadeed waxay muu jinaysaa inaan wax


kabarano daawashada dabeecada dadka kale.
Kaliya maahan inaan ka jawaabno kicinta dibada.
Tijaabadiisii caanka aheed ee bobo doll wuxuu soo
bandhigay sida gardarada loo baran karo iyadoo si fudud
loo maraayo.
Intaa waxaa dheer wuxuu curiyey Ereyga is-wax-ku-
oolnimada,oo ah fikrad laga maarmaana barashada dhiiri
galinta.

3.3 CILMI NAFSIGA IYO LA-TALINTA

Khabiirada cilmi nafsiga waxaa lagu tababaray sayniska


sida dadku u fikiraan,dareemaan, u dhaqmaan oo wax u
bartaan.
Dhakhaatiir badan oo cilmi nafsiga ka shaqeeya goobaha
daaweynta,iyagoo qiimeeynaya Wallaaca dadka iyo
duruufaha nolosha.
Waxay bixiyaan caawimo xaaladdaha caafimaadka
maskaxda sida niyad jabka
Wallace,walbahaarka iyo khaqalka.
Takhasusyaasha cilmi nafsiyeedku waxay lee yihiin

132
CILMI-NAFSI

tababar gaar ah oo ku saabsan ogaanshaha iyo


qiimeynta,waxayna u janjeeraan inay taageeraan dadka
qaba dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda ee aadka u
daran “ayuu yiri Dr Tristan snell,oo ah la-taliyaha cilmi
nafsi iyo bare sare cilmi nafsiga ka dhiga jaamacadda
Deakin.
Xirfaddaha cilmi nafsiga waxay u muqdaan iney ka
dhacaan qaab-dhismeed caafimaad oo badan.
Khabiirada cilmi nafsiyeedku waxay adeegsadaan
daaweynta iyo dabeecadda iyo garashadda taas oo
tilmaanta Oo ka hor timaadda fikradaha iyo
dabeecaddaha aan faa"idada lahayn , iyo aaladaha sida
tijaabada nafsaaniga ah si loogu wargaliyo xeeladaha
daaweynta.
La-taliyaashu waxay qaataan hab qofka-ku-salaysan,ayuu
yidhi Dr Snell.
Hadii aad rabto inaad aragto dhakhtar cilmi nafsi waxay u
baahan tahay inaad sameysid Qiimeyn dhamaystiran si
aad u aragtid dhakhtar cilmi nafsi
Sidookale la-taliyaashu waxay dadka ka caawiyaan iney si
wanaagsan wax ugu qabtaan.
Iyagoo gacan ka gaysanayaa dhibaatooyinka sidii arimaha
loo cadeyn lahaa,loo sahmin lahaa xulashooyinka loona
hormarin lahaa xeeladaha.
La-taliyaashu waxay ku is xeel dheer yihiin dhageysiga
iyo caawinta dadka si ay u gaaraan u jeedooyinkooda
shaqsiyeed “ayuu yidhi Dr Snell.”uma muuqdaan inay

133
CILMI-NAFSI

sameeyaan baadhitaan ama qiimeyn lakiin waxay taageri


donaan dadka leh astaamaha fudud ilaa dhaxdhaaxaada
ah ee cudurka dhimirka”
Marka laga reebo tarbiyada hal-hal dhakhaatiir cilmi
nafsi iyo la-taliyaashu waxay ka shaqeyaan meelo badan
oo xirfadeed.

Sidee loo noqdaa la-taliye cilmi nafsi


Australia gudaheeda cilmi nafsigu waa xirfad la
nadaamiyey taas micnaheedu yahay in qof kasta isku
magacaabo cilmi nafsi yaqaan waa inuu ka diwaan
gashan yahay guddiga cilmi nafsiga oo lagu qoro
wakaalada xeerka dhaqtar caafimaad Astralia (AHpRA).
Qofka rabo inuu noqdo cilmi nafsi yaqaan, addunka
wuxuu maraaa lixsano
Oo wax barasho jaamacadeed ah iyo waayo aragnimo lo
kormeeraayo sida caadiga ah saddex sano ee shahaadada
koobaad ee jaamacadda hal sano oo shahaado sharaf ah
ama diblooma qalin-jabinta ah iyo shahaadada mestaers
k-ee laba sano ah.
Sidookale Deakin wuxuu yidhi waxaad ku baran kartaa
Bachelor of phsychology ama Bechelor of science
psychological,oo ay ku xigto sanad shahaada sharaf ah
ama diblooma cilmi nafsi.
Dhakhaatiirta cilmi nafsiga waxay dadka ka caawin
karaan iney bartaan sidii ay u la qabsan lahaayeen

134
CILMI-NAFSI

xaaladaha walaaca leh, iney iska dhaafaan balwadaha Ay


is ticmaalayaan.

Waxaa jira shan hadaf oo aasaasi u ah Barashada


cilmi nafsiga:
Hadafka ugu horreeya waa in la fiiriyo dabeecadda oo
lugu sharaxo inta badan si faahfaahsan daqiiqad,waxaa
loo arkay si macquula yacnii sida ugu mshquulsan.
Hadafka labaad waxa uu sharaxayaa, sharaxaad In kasta
oo sharaxaadu ka timaado xog la arki karo dhakhaatiirta
cilmi nafsiga waa iney ka gudbaan oo ay sharaxaad
buuxda ka siiyaan Bulshada cilmi nafsiga waxa uu yahay
iyo taariikhdiisa.
Hadafka saddexaad waxa uu sharaxayaa saadaal
markaan ogaano Waxa dhacay iyo sababtay ay udhaceen
waxaan billaawi karnaa ama aan saadalin karnaa
Hadafka afaraad waxaa uu sharaxayaa ama uu nabarayaa
waxa ay tahay micnaha xak-meynta markaan ogaano
waxa dhacay iyo sababta ay u dhaceen iyo saadaalinta
mustaqbalka sida aan ku soo baranay qodabka saddexaad
waxaan awoodd buuxda u yeelan karnaa xaka-meynta
nafteena sidaa darteed waa muhiim inaan xaka-meyno
nafteena illaa xad.
Hadafka shanaad waxa uu sharaxayaa Hagaajin
khubarada cilmi nafsiyeedka waxay had iyo jeer isku
dayaan inay dadka baraan hagaajinta naftooda taas oo
micnaheedu tahay inay nolosha hadaf ka uyeeshaan.

135
CILMI-NAFSI

2.4 CILMI NAFSIGA HAWEENKA MIYEY KU LUG


LEEYIHIIN?
Markaad baranayso cilmi nafsiga waxaa laga yabaa inaad
is waydiiso Hadii dhamaan dhakhaatiirtii hore ay
ahaayeen raga Hadaba dumarkii aaway? Waa hubaal
inaad is waydiinayso su'aashaas hadii aad danayso
barashada taariikhda cilmi nafsiga lakiin runtaa waxay
tahay in haweenku ay ku biirinayaan cilmi nafsiga la
aantoodna uu san socon karin 1900-meeyadii qiyaastii
12% dhakhaatiirta cilmi nafsiga ee meraynka ay
ahaayeen haween.
Sikastaba ha ahaatee qaar badan oo kamida haweynka ay
hormuud u ahaayeen cilmi nafsiga ayaa la kulmey takoor
ama dhinac u soocid ama caqabado iyo dhibaatooyin
badan haween badan looma ogolaan iney raga wax
labartaan waxaa loo diiday shahadooyinka ay si sax ah u
kasbadeen ama way ku adkaatay iney sugaan booska
tacliimeed ee u ogalaanaya iney baraan ama dabcaan.
Dumarku waxay sidookale ku biiriyeen waxyaabo badan
oo aasaasi u ah in kastoo ay lakulmeen takoor aad
udaran.

3.5 WAA KUMA HAWEYNAYDII UGU


HORRAYSAY EE CILMI -NAFSI YAQAAN AHAAN
AHEED:
Margaret floy washburn waxay aheed hawaynaydii ugu
horreysay ee qaadata shahaadada cilmi nafsiga sanadkii

136
CILMI-NAFSI

1894 saas ayay na ku noqotay hooyada cilmi nafsiga


waxayna baxsid ku samaysay bini aadamka iyo
dabeecadihiisa.

3.6 WAAKUMA AABAHA CILMI NAFSIGA:


Wundt wuxuu ahaa ninka inta badan lagu tilmaamo inuu
yahay aabaha cilmi nafsiga £1¥ waa maxay sabbabta
wundt loogu doortay aabaha cilmi nafsiga? Dadka kale ee
ku taqasusay cilmi nafsiga maxaa looga doortay asaga
Hadaba su’aashaash jawaabtreda waxay tahay saan
ognahay waxaa jira dadbadan oo kutakhasusay cilmi
nafsiga gustav fechner iyo ernst weber ayaa ku lug lahaa
cilmi baaristii hore ee cilmi nafsiga.
Wundt waxaa la siiyay kala soociddan sababta oo ah
waxaa la siiyey shaybaarkii ugu horreyay ee mareykanka
tijaabadii ugu horreysay ee cilmi nafsiga.
Markii la aasaasay shaybaar adeegsanaya hababka
sayniska si loo barto maskaxda iyo dabeecadda
aaddanaha wundt wuxuu ka qaatay cilmi nafsiga
falsafada iyo bayoolijiga isku jira wuxuuna kadhigay goob
waxbarasho.
Sidookale wundt wuxuu la haa tirro ardeya iyagoo
noqday la-taliyaasha cilmi nafsiga oo saameyn leh.

3.7 CILMI NAFSIGA BULSHADA IYO


SIYAASADDA

137
CILMI-NAFSI

Sanadkii 2016-kii waxaa dunidda ka dhacay isbadallo


siyaasadeed oo badan.
Kuwaas oo ka hor imaanaya mala-awaal ku aadan
dunidda siyaasadda oo laga yaabo in badani u qaateen
wax aan jirin.Tussaale ahaan Boqortooyada midowday
tan waxaa laga arki karaa “Brexit" ( yacnii a fiitadii loo
qaaday in britain ay ka baxdo midowga yurub) iyo USA
doorashadii lama filaanka aheed ee Donald Trump ee
madaxweyne.tani maaha uun is badellada siyaasadeed
waxay sidookale matalaan is badallo qoto dheer waxaana
kamida sida ay dadku is ku arkaan.
Cilmi nafsiwaxbarashadeed wuxuu isku dayaa inuu
fahmo dhacdooyinka siyaasadeed ee noocaas ah isagoo
waydiinaaya su'aalo aasaasiya uu ku saabsan sida iyo
sababta ay dadku ula falgalaan geedi socodka iyo qaab
dhismeedka siyaasadeed.
Cilmi nafsiga siyaassadu waa goob tecliimeed oo isku
dhamaan.
Oo isku dayaysa in lafahmo siyaasadda,siyaasiyiinta,iyo
habdhaqanka siyaasadeed dhinaca maskaxda. Iyadoo
xadidaad u leh taariikhdu markey aheed
1800kii,khubaradu cilmi nafsiga siyaasadu waxay
adeegsadaan sharraxaada iyo garashada iyo Bulshada si
ay daaraaseeyaan habdhaqanka siyaasiyiinta, aasaaska
caqiidadooda is-badellka siyaasadeed ee u dhaxeeya
xisbiyada iyo natiijooyinka hab-dhaqanka siyaasadeed.
Iyada oo leh xadido dib ugu soo laabanaaya 180kii
khubaradda cilmi nafsiga siyaasaddu waxay guuda

138
CILMI-NAFSI

diirada saareen daraasadooda dabeecadeed aadanaha


maadaama ay la'xariirto sayniska siyaasadeed,ku
xirnaanta xisbiyada siyaasadda,codbixinta,aragtidda
ddawaynaha ee siyaasiyiinta iyo sharciga dowladda iyo
inkabadan maanta, saameynta argagixissada.
Cilmi nafsiga siyaasadda wuxuu kaloo quseeyaa geedi -
socodka iyo go'aan qaaadashadda siyaasiyiinta laftoodu
iyo saameynta ay ku leeyihiin dadwaynaha.
Qaybaha kaladuwan ee cilmi nafsiga
Cilmi nafsiga waxbarashada,cilmi nafsiga siyaasadda cilmi
nafsiga dhaqaalaha cilmi nafsiga ganacsiga
Cilmi nafsiga siyaasadda wuxuu bixiyaa aragti kusaabsan
sidda hababka dunidan dhabta ahi u dhaxgalaan oo ay u
saameeyaan go'aan qaadashada siyaasadeed.

Sidee looqoro talooyink siyaasadeed oo waxqabad


leh:
Marka aad qorreyso siyaasad kooban waxaa jiira wax
yaabo badan oo la rabo inaad tixgaliso
Qoraalka siyaasudu wuxuu noqday aalad “aada" ee
fududeynta siyaasaddaha Ku saleysan caddeynta.
Warbaxinta kooban ee siyaasaddu waxay doonaysaa iney
ku war galiso go'aan qaadaha ikhtiyaarada siyaasada ee
cadeyn ku-saleysan adag ku gaari doona natiijada la rabo
xaaladdo kala duwan. Iyadoo la abuuraayo siyaasad kasta
oo kooban waxaa rajayneynaa inaan helno siyaasad da-
jiye wanaagsan marka aad rabtid inaad inaad tallooyin

139
CILMI-NAFSI

ka bixiso siyaasada waxaa qasab kugu ah inaad adiga


taqaanid xeerarka siyaasadda.

Maxay yihiin astaamaha lagu garto hoggaamiyaha


wanaagsan:
Hoggaamiyaashu waxay qaabeeyaan
umaddeena,bulshaddeena,uuraradeena.
Waxaan u baahanahay hoggaamiyaal wanaagsan oo naga
caawiya iney naga hagaan go'aamadda muhiimka ah
go’aamiyaan baaxada leh ee addunka sii socodsiiya.
Bulshadeenu caadiyan waxay ku adeg dagtaa aqoonsiga
hogaamiyaha xun,laakiin sidee ku garan kartaa midka
wanaagsan?
Maxay dadka intiisa badani oo dhan donaan yaa kaadhiga
hogaamiye wanaagsan?

Astaamaha Hoggamiyah wanaagsan Dhamaan


Hoggaamiyeyaasha wanaagsani Waxay adeeg saddaan
ugu yaraan qaarkamida astaamahaan
Wadda jir ahaan,waxay ka kooban yihiin laf-dhabar
xoogan oo ku baahsan ururadda,warshadaha,qaaradaha.
Haddii aad ka cabsaneyso inaaad ka maqantahay
qaarkamid astaamahaan Hogaamiyaha wanaagsan, ha
yaabin waxaa jira siyaabo aad ku hogaajin karto
awoodahaaga Hogaamineed.

140
CILMI-NAFSI

Ani ahaan waxaan aminsanahay in Hogaanku xirfad la


hormarin karo oo Hogaamiyeyaasha lagu habeeyo
khibrad, waxbarasho joogto ah iyo la qabsi.
Cilmi baaris aan sameeyay waxaan ogaaday in
hoggaamiyayaasha ugu wanaagsan ay si joogta ah u
sameeyaan 10kaan astaamood:

 Daacadnimo.
 Awoodda wakiilnimo.
 Isgaarsiinta.
 Mahad naq/mahad celin.
 Isbaraarajujin.
 Naxariis
 Geesinimo
 Ixtiraam
 Naftiisa wuxuu ka jeclaadan
 Qof isla wayn ma ahan.
 Daacadnimadda waa astaatanta hoggamideed ee
qofka iyo ururka waxay sigaara muhiim ugu tahay
madaxda sare ee dajinta koorsada ururka oo
samaynaya go'aamo kale oo muhiim ah oo aan tiro
lahayn.
Daacadnimadu waxay muujinaysaa ama ay dhab
ahaantii noqon kortaa meel indho la'aan ah yacnii
meelaan ama dal aan hoggamiyaheeda daacad la

141
CILMI-NAFSI

ahayn waxba madhaqi Karo

 Awoodda wakiiladda
Wakiiladu waa mid ka mid ah waajibka aas aasiga
ah ee hoggaamiyaha lakiin way adkaan kartaa in
si wax ku ool ah loo igmaddo. Haddafku maahan
oo kaliya inaad naftaada xoreyso-sidookale waa
inaad awood u siiso warbixinadaada tooska iney
Koraan.

 Isgaarsiinta
Hoggaaminta wax-ku oolka ah iyo isgaarsiinta
wax-ku-oolka ah ayaa isku xiran.
Hoggaamiyaasha ugu fiican waa wadda-
howgalayaal xirfad leh oo awood u leh inay
siyaabo kala duwan u wadda xiriiraan,laga
billaabo gudbinta macluumaadka illaa dhiiri
galinta kuwa kale si loo tababaro.
Waa inaad awood uleedahay inaad dhagaysato,oo
la xariirto dad aad u tiro badan oo kala jiro doorar
juqraafi aqoonsi bulshadeed iyo in kabadan.tayada
iyo waxtarka isgaarsiinta.
 Mahad naq/mahad celin
Ku mahad naqidu waxay kuu horseedi kartaa kal-
sooni sare
Mahadnaqa ayaa mararka qaar xittaa kaa dhigi
kara hoggaamiye wanaagsan.

142
CILMI-NAFSI

Hasa yeeshee dad tiro yar ah ayaa si joogta ah u


yiraahda “mahadsanid" Hoggaamiyaasha ugu
fiican ayaa yaqaan sidda loogu muujiyo mahadnaq
daacad ah meelaha kala duwa.
 Isbaraarujin
In kastoy oo tani tahay sifo diirad saarid ah oo
guddaha,is-wacyigelinta iyo is-hoosaysiinta ayaa
uga mudan Hugaanka.
Sida ugu fiican ee naftaada u fahanto oo aad u
garwaaqsato meelaha aad ku fiicantahay iyo
meelaha aad ku liidato,ayaa wax tar u yeelan karta
Hogaamiye ahaan.
Mataqanaa sida dadka kale kuu arkaan ama sida
aad uga soo muuqato shaqadaad? Wakhti qaado
sida aad wax u barato 4ta dhinac ee is baraarujinta
iyo sida aad u xoojin karto qayb kasta.

Siyaabaha kuu fududayn kara inaad barato


siyaasadda:
Chris iyo sam waxay soo bandhigeen 5 siyaabood oo ay
ku aaminsan yihiin in dhalinyar kasta ay tahay inuu
Barto siyaasadada heerka sare.
1: siyaasadu waxay kaa caawineysaa inaad ogaato
xuquuqdaada koorsadu waxay noo saamaxday inaan
aragno wax ka baxsan caqiidadeena hore ee ah Inaanan
wax run ah ku lahayn dalkeena.

143
CILMI-NAFSI

Runtii waxay ay nabartay qayb aasaasi ah oo katirsan


bulshadeena waxayna naga caawisay inaan fahano haddii
aan ku dhaqano geedi socod siyaasadeed,marka shaqsi
walibo runtii waxuu haystaa fursad uu ku badali karo
adduunka.
2: siyaasadu waxay caddaynaysaa waxa aad adigu
Rumeyso barashadda waxyaabihii aan soo baranay
waxayna nasiisay fursad aan ku ogaano waxaynu
aaminsanahay siyaasad ahaan iyo inaan si faahfaahsan u
aragno faa’’dooyinka iyo qasaarooyinka tirada badan ee
fikraddaha siyaasadeed ee maanta dunida ka jira. Awood
u lahaansha inaad si sax oo kooban u sheegto waxaad
rumeysan tahay ayaa aad waxtar u leh,waxayna kugu
qasbaysaa inaad si dhab ah u fiirsato naftaada.
3: siyaasaddu waa mowduuc nool una baahan in la
ilaaliyo Siyaasada Buugagta ku qoron oo lagu daawacay
way ka dhamaadaan sababtoo ah muqaaallka siyaasadeed
ayaa is badalaaya maaalin kasta.
4: Siyaasadu waxay kaa caawineysaa famka xabsiyada
qarankeena kadib hal mowduuca ah waxaan baranay
dimuquraadiyada iyo xuquuqdeena.
5: Siyaasaddu waxay kuu diyaarineysaa nolosha dadka
waa weyn qodobkaan wuxuu ina barayaa indhalinta
siyaasada looga fiicayahay marar badan waxaan meelaha
fadhi ku dirir yadda in odayaashu ay falan qeyaan
siyaasadda taasina waxay na tusaysaa in ay nooga roon
yihiin.
Farqiga u dhaxeeya cilmi nafsiga iyo cilmi nafsiga

144
CILMI-NAFSI

siyaasadda:
Cilmi nafsiga iyo cilmiga siyaasadda labada waxay
dersaan maskaxda,dabeecada,qaabka aaddanaha Farqiga
udhaxeeya labada maado
Cilmi nafsigu wuxuu dersaa waxyaalaha habka maskaxda
bani aadamka iyo dhaqamadeeda
Sidookale cilmiga siyaasaddu wuxuu dersaa qofka inuu
wax taageri karo waxna uu mucaaradi karo labada
maadaado waxaa moodaa farqi xogaa weyn inuu u
dhaxeeyo balse labada mowduucba waxay u baahan
yihiin barasho.

145
CILMI-NAFSI

146
CUTUBKA
AFARAAD
CILMI-NAFSI

4.1 CILMI NAFSIGA WARSHADDAHA

Waa maxay cilmi-nafsiga warshadaha?


…warshaduhu waxay eegaan sida shaqaalaha ka tirsan
ururu ay ula xariiraann jawigeeda shaqo.
Cilmi nafsiga warshahada waxaa loola jedaa cilmi-nafsiga
abaabulan ee loo adeegsaday,Barashada iyo falaaqeynta
iyo fahamka dabeecadaha aadanaha ee goobta shaqada,
inta badan sida ganacsiga ushaqeeyo iyo shaqaaluhu u
shaqeeyaan ay ka turmumaysaa.
Shirkadaha ayaa iyagana shaqaaleysiin karra
dhakhaatiirta cilmi nafsiga ee warshadaha si ay uga
caaawiyaan wax soo saarkooda.
Cilmi nafsiga warshaddaha iyo abaabulka (l-O cilmi
nafsiga warshaddaha oo sidookale loo yaqaano cilmi
nafsiga shaqada ama cilmi nafsiga ururadda.
Abaabulka: waa anshax lagu dabqay cilmi nafsiga
gudihiisa.
Warshaddaha,iyo shaqadda Iyo cilmi nafsiga
abaabulka(IWO) waa ereyga balaadhan ee caalamiga ah
ee loogu tala galay goobta.
Anshax-Mirintu waa seyniska dabeecadda aaddanaha ee
la xariirta shaqadda waxayna ku dabaqdaa aragtiyaha iyo
mabaadiida nafsaaniga ah ururadda iyo shaqsiyaadka
meelaha ay ka sha qaynayaan iyo sidookale shaqooyinka
nololeed ee shaqsiga guuda ahaa. [1] Dhakhaatiirta cilmi

148
CILMI-NAFSI

nafsiga ee warshadaha iyo ururadda waxaa lagu


tababaray qaab saynis-yaqaanka. Waxay gacan ka
gaysteen guusha urur iyaga oo hagaajinaaya
warshaddaha,dhiiri galinta qanacsanaanta shaqada iyo
badbaadada shaqada iyo caafimaadka iyo shaqadda.

Sidee bay khubaradda cilmi nafsiga Ee warshaduhu


uga caawiyaan ganacsatada iney Hormariyaan wax
soo saarkooda:
Dhakhaatiirta cilmi nafsiga warshadaha waxay
khabiiradooda u adeegsann karaan hal ama in kabadan oo
kamida lixda hab oo warshaduhu u shaqeeyaan oo
muhiimka u ah ganacsiga:
Tabarka iyo Hormarrinta,halkaas
Oo diiradda la saarayo aqoonsashada doorarka shirkada
dhaxdeeda iyo xirfadaha looga baahan yahay iney
fuliyaan dorarkaas.
Khubarrada cilmi nafsiga ee warshadaha ayaa marka ka
caawin karra shirkaddaha iney Horumariyaan
barnaamijyo tabarbar wax ku-ool ah.
Xulashada shaqaalaha,halkaas oo diirada lasaarayo sidii
shirkadda looga caawin lahaa iney Hagaajiso
Habraacyada shaqaalaysiinta ,Tussale ahaan iyadoo la
sameynayo tijaaboyin wax ku ool ah oo baadhitaan.
Halkaas oo diirada la saarayo qaybinta jawiga
xafiiska,taas oo saameyn ku yeelan karto xagga nafsadda
iyo sidookale heerka jirka.

149
CILMI-NAFSI

Hadaba khabiirada cilmi nafsiga waxay ku talin karaan


hagaajin yarayn doonta culayska shaqada.
Maareynta wax qabadka halkaas oo diirada la saarayo
Horumarinta hababka lagu cabiro heerarrka waxqabadka
shaqaalaha.

UJeedooyinka laga leeyahay cilmi nafsiga


warshadaha: Ujeedada guud ee cilmi nafsiga
warshadaha waa Hogaaminta.
Waxaa jira saddex qaybood oo waa weyn
1: Hoggaamiyaha diirada saara: waxaan ula jeedaa
hanbka ku salaysan rumaysnaan ah in hoggamiyayaasha
wax-ku oolka ahi ay leeyihiin sifooyin gaara halka kuwa
kale ay san lahayn.
2: Diirada-saarid: waa hab ku saleysan hogaamiyayaasha
caqiidadu waxay u baahan yihiin iney ogaadan si loo
dhiiri galiyo shaqaalah.
3: ku-tiirsanaan: waa hab ku-saleysan is aaminaad in
hogaamiyayaashu wax-ku oolka ahi ay awood uleeyihiin
iney qiimeyaan xaalad is la markaana la jaanqaadaan
hab-dhaqankooda si-waafaqsan.

Muhiimada ay leedahay Barashada cilmi-nafsiga


warshadaha:

Barashada cilmi-nafsiga warshadaha waxay lee dahay

150
CILMI-NAFSI

faa’ido wayn maxaa yeelay dalkeena wuxuu lahaan jiray


warshado badan warshadaaahsna waxay u baahan yihiin
dad bartay cilmi-nafsiga warshadaha ,warshaduhu waxay
ka qab yihiin horrumarka dalka
Qaarkamida ahmiyada ay leedahay Barashada cilmi
nafsiga warshadaha ayaa ah sidaan soo socota :
1: fahamka xadhiidhka aadanaha 2: injineernimada
aadanaha
3: qorista,xulashada iyo meeleynta.
4: Hormarinta iyo tabarbarka shaqaalaha 5: ka hortaga
shilalka.
6: qorshayaasha maamulka.
7: Dhiiri galin,dabeecad niyad jab.
Maadaama u cilmi nafsiga warshadaha uu inta badan ka
welwelsan yahay barashada dhinacyada kala wudun ee
dabeecadaha aadanaha ee deeganka shaqada.
Waxay leedahay dhamaantood waxay inoo sharaxayaan
muhiimada ay lee daha ama faa’da ay lee dahay inaan
Barano Cilmi nafsiga warshadaha.

Sidee warshaduhu u saameyaan Deegaanka:

Runtii su’aashu waa iney noqotaa sidee warshaduhu u


saameyaan deeganka,maadaama aan shaki ku jirin iney
kaalin wayn ka qaateen waxyeellada deeganka,dhabtii

151
CILMI-NAFSI

waxaa la sheegay in warshaduhu ay eed lee yihiim


asbuucii muddoo 3maalmooda oo kamid ah wasakheynta
cimillada.
Natiijada wasakheynta ee laga sameeyay walxaha sunta
ah iyo kuwa kale oo halista ku ah deegaanka warshaduhu
waxay sidookale caafimaad darro halis ah ugaynstaan
jirkeeena warshadaha ayaa laga yabaa inaysan ahayn
kuwa kaliya ee wax kudarsaday waxyeellada aadmigu
saameyay ee wali lagu hayo meeraha laakiin hubaal waa
kuwa ugu waawayn.
In kasto oo dowladaha addunka ay ku didaalayaan iney
yareeyaan xaddiga wasakheynta ee ay warshaduhu ay ku
ridaan jawigga,haddana waxaa jira waxyaabo oo ay tahay
in la badallo Haddii aan qiimeyno meeraheena. Waxaad
Buugaan ku baran dontaa wasakhaynta warshadaha ugu
waa wayn.

Kulaylka addunka:

Sidaan horay u soo qeexay qayb wayn oo kamida


isbadalka cimillada ama kulaylka addunka ayaa loo
aanayn karaa ku-tiirsanaanta warshadaha sanadihii la
soo dhaafay.
Agabyada sunta ah iyo iyo gaasaska waa lagubaa oo lagu
sidaayaa jawiga,sida kaarboon laba ogsaydh iyo methene
sababtoo ah gaasaskaan ayaa awood u leh shucaac
qoraxda kanugaan,waxayna sameyn toos ah ku leeyihiin
heerkulka meeraha

152
CILMI-NAFSI

WASAKHOWGA Hawadda:

Warshaduhu waxay qayb wayn ka qaateen xidiga


wasakhowga biyaha,gaasaska sunta ah oo ay warshaduhu
hawadda ku siidaayaan,oo wahliyaan kuwa lagu daray
baabuurta Hawadda,waxay la micno tahay in aan
leenahay halis dheeraad ah oo ah in aan qaadno cudurada
neef-mareenka,kansarka sanbabada cudurada
wadnaha,cuduro kale oo badan dhamaad tood waxaa
sababab hawadeena oo wasaqowdda .
Sawkhowga Hawadda ayaa sidookale ku lug leh,duur-
joogtayna oo mar kale u horseedi karta in nooyada dhirta
iyo xayawaanka mar uun la Baabi’iyo.

Wasakhowga Biyaha:

Warshaduhu waxay sidookale qayb wayn ka yihiin


wasakhaqaynta biyaha addunka oo dhan,ku-shubidda
sharci darrada ah ee biyaha wasakhaqaysan,gaasaska
kiimikooyinka,biraha culus ama walxaha shucaaca Biyoo
marreenada waa wayn waxay sidookale dhaawac u
gaystaan xayawaanada iyo deegaanka.

Wasakhowga ciida

Warshadahu waxay sameyn buuxda u gaysan karaan


ciidada,maxaa yelay waa meshee ay ka bila wanaysay
shaqadda kiimikooyinka iyo walxaha sunta ah waxay
burburin karaan bacriminta ciida,waxay yareen karaan
wax soosaar dalagyada waxayna horseedi karaan
wasakhaynta cuntooyinka.

153
CILMI-NAFSI

Halista caafimaad:

Haayadda caafimaadka addunka ee (WHO) ayaa sheegtay


5% dadka laga helo kansarka Sanbada waxaa sabab u ah
uu mibaxa warshadaha oo hawada galo marka waxaa
haboon in warshadaha laga furro meel ka baxsan
magaalada si ay san u soogaarin dadka.
Sidookale waxay halis u gaysan kartaa dadka ka shaqeya
ayagana waa iney taxdaraan
Maadaama ay san wax taxadara haysan.

4.2 CILMI NAFSIGA CAAFIMAADKA


Cilmi nafsiga caafimaadka waa meel takhasus ah oo
diirada saaraya sida baylojiga,cilmi-nafsiga,dabeecadda
iyo arrimaha bulshada ay saameeyn ku yeelanayaan
caafimaadka iyo jiridda.
Caafimaadka iyo jirooyinka waxaa saameya waxyaabo
badann oo kalla duwan. In kastoo cudurrada la kala
qaado iyo kuwa la iska dhaxlo ay caadi yihiin,waxaa jirra
waxyaabo badan oo khlaaqeed iyo cilmi nafsi ah oo
saamayn karra Guuda ahaan caafimaadka jirka iyo
xaaladdo caafimaad oo kala duwan. Sidookale cilmi
nafsiga caafimaadka wuxuu soo jeedinayaa in aadanahha
laga hello nidaamyo iyo falcelino aan fiicaneyn.

Maxaa isku xiray cilmi nafsiga iyo caafimaadka?


hababka cilmi-nafsiyeed ayaa kaa caawin kara sharaxaad

154
CILMI-NAFSI

sababta dadka gaara uga jawaabaan durrada kuwa


kallana sikale uga falceliyaan.
Cilmi nafsiga caafimaadku wuxuu isku darraa garashada
iyo kobcinta iyo aragtiyaha bulshadda iyo sharaxaada si
loo hello sawir wanaagsan oo ku saabsan caafimaadka
iyo daryeelka caafimaadka.

War Bixin ku saabsan cilmi-nafsiga caafimaadka:

• Beesha caafimaadka nafsiyeed ayaa diiradda


saaraysa kor u qaadista caafimaadka iyo sidookale ka-
hortaga iyo dawaynta jirka.
• Dhakhaatiirta cilmi-nafsiga ayaa sidookale diiradda
saaraysa fahamka sida dadku uga falceliyaan,u
xoojiyaann kabashada jirridda.
• qaar kamidda dhakhaatiirta cilmi nafsiga waxay
kashaqeeyaan hagaajinta nidaamka daryeelka
caafimaadka iyo hababka dowlladeed ee siyaasadda daryeelka
caafimaadka.

Marka la eego kalla qaybinta waxay diirada saarayaann


fahamka caafimaadka iyo jirrida.
Fahmida waxyaabaha ku dhaca maskaxda ee saameeya
caafimaadka.
Barta cilmi nafsiga caafimaadka ayaa walli ah mid aad u
yar, oo soo baxaya 1970-yadii si looga hadllo bad-
badellllka deg-deg ee daryeelka caafimaadka.

155
CILMI-NAFSI

Cuduradda cilmi nafsiga la’xariira iyo daawayn


tooda: Schizopherenia:

Waa maxay schizophernia?


Schizophernia waa cudur halis ah oo saameeya maskaxda
qofka.
Schizophernia waxuu ka sameeyaa qofka meelo badan
waxaana ka mid ah:
•daabeecada
• fikirka
• dareenka Dadka
Dadka la nool xanuunka ama qaba waxaa laga yabaaa inay
la kulmaan wakhtiyo ay u muuqdaan iney ka lumeen
xaqiiqadda. Waxaa laga yabaa inay dunnidda kala kul
maan dhibaatooyin farro badan.
Schizopherenia waa cudur nafsi ah oo ku dhaca
maskaxda bani aadam ka ku dh ah oo astaamaha cudurka
nafsiga ay ku dhacaan.calaamadahaasi way imaan karaan
wayna tagi karaan waxaana badanaa caawiya
daawooyinka.
Dadka qaba cudurka schizopherenia waxay sidookale la
kulmi karaan hoos u dhac xiisahooda iyo dhiirigalin ay
wax ku qabtaa, ku adkaanta,muujinta ama turjumidda
shacuurta ama ka noqoshadda howllaha bulshadda iyo
xariiradda.
Calaamadaha garada sidookale waxaa la kulma

156
CILMI-NAFSI

shaqsiyaadka la nool shisoofrani,sida awood liidashada


go’aan qaadashadda,diirada saarista howlaha iyo
adeegyadda macluumaadka isla markaa la barto.
Dadka qaba cudurka shisoofrani,xaqiiqatan waxay inta
badan noqdaan kuwa walwalsan,xanaaqsan oo aann
awoodin inay sugaan inta lala
tacaalayo,xanuunkooda,Tanni waxaa kalloo sababi kartaa
xaga shaqadda ama waxbarashada inay sii waddi
waayaan.
Baddanaa arrimahaan walalka,wallaaca,xanaaqa ayaa
lagu eedeeyaa in qofku u dhasho,laakiin waxaan
darreemi karaa in ay san run ahayn warkaasi.

Maxaa lagu gartaa cudurka shizopherenia:

Shizopherenia wuxuu saameeyaa dadka waa weyn


dumarka iyo raga, calaamado badan ayaa lagu aqoon
sadaa cudurkaan ,waxaana kamid ah
● qofka aan wax kala garanaynin ama murugaysan.
● qofka oo ka fogaado, qoykiisa, asxaaabtiisa
yareeyana xariirka uu bulshada la lee yahay.
● qofka oo maqla codad dad aan meesha joogin ama
dadka uu waktiga la qaadanayo.

Maxaa sababa cudurka shizopherenia:

Ragga iyo haweenka waxay lee yihiin fursad isku mid ah

157
CILMI-NAFSI

oo ay ku qaadikaraan cudurka shizopherenia inta ay nool


yihiin in kasta oo bilowga ragga ay inta badan ka
horreyaan dumarka.
SHizopherenia: waxaa sababa wax-yaallo badan oo ay
kamid yihiin.
• Hidda-waddaha
• biochemical
• xariirka qoyska
• cadaadiska
• khamriga iyo isticmaalka daroogadda kalle

Hidda-waddaha:

Shizopherenia wuxuu ka dhex dhici karaa qoyska, Haddi


hal waalid uu qabo cudurka shizopherenia caruurtu
waxay haystaan fursad 10% ay ku qaadi karaan cudurka
shizopherenia, iyo 90% fursad ah inuu san hellin
cudurka shizopherenia.

Biochemical:

Qaar kamida walxaha biochemical ee maskaxda ayaa la


rumaysan yahay inay ku lug leeyihiin shisoofrani,gaara
ahaan(,neurotransmitter) oo la yiraahdo dopamine. Mid
kamid ah sababaha keeni karra dheelitir la’aanta
kiimikadda ayaa ah hedde-siddaha qofka ee cudurka.
Dhibaatooyinka inta lagu guda jiro maskaxda ayaa

158
CILMI-NAFSI

sidookale laga yabaa iney ku lug yeeshaan saameynta


cudurka.

Xariirka qoyska:

Waxaa sifiican loo og yahay walaaca badanaa ay ķa


horreeyaan billoga cudurka shisoofrani.
Dadka guriga isla joogo haddu qabbo hal qof cudurka
shisoofrani,waxaa halis ku jira dadka kale ee guriga kula
nool.
Waana halis kale uu ku faafi karro cudurka shisoofrani.

Khamriga iyo isticmaalka daroogadda kalle:

Khamriga wuxuu kamid yahay wax yaallaha qofka hoos u


dhaca ugaysta,Haddana annaga diinteena islaamka ayaa
noo sheegtay inay san haboonayn istimaalka khamriga.
Mukhaadaraadka iyo xashiishka iyo isticmaalka
amphetamine,ayaa ku kicin karra cudurka dimirka dadka
u nugul inuu ku dhaco cudurka shisoofrani,waxay si aad
ah ula xariirtaa soo noqoshadda.
Dadka qaba cudurka dimirka waxay u badan yihiin dadka
isticmaala khamriga iyo daroo gooyinka kalle taasina
waxay qadka ka saaraysaa in la daawaynn waayo.

Astaamaha shisooofrani:

Guuda ahaan waxay kobcaan inta u dhaxaysa da’da 16 iyo


30 majirto saboba caana oo keenta shisoofrani, laakiin
dhakhaaatiirta cilmi nafsiga waxay aaminsan yihiin, in

159
CILMI-NAFSI

Hiddo-waddaha iyo is-dhaxgalka ay leeyihiin deegaanka


shaqsiyeed ay door ku leeyihiin ka-Hortaga cudurka iyo
sidookale dheelitirka kala duwan ee kiimikooyinka
maskaxda kujira.
Waxaa jiira dhowr wax yaabood oo lagurto dadka qaba
ama shaqsiga qabba cudurka shisoofrania waxaana
kamid ah
• dhalanteed micnaheesu yahay qof eed badan.
• fikir aan hab saanayn micnaheesu yahay fikir aan
dhamaanayn.
• dhiirigalin la’aan.
• isbadel qaabka hurdda.
• nadaafad xummo.
Qof walba waayo-aragnimadiisa Schizopherenia wuu ka
duwan yahay.ma ahan qof kasta oo qaba cudurka
Schizopherenia in la kulmo dhamaan calaamadahaan.
Sida laga soo xigtay kulyadda boqortooyadda ee
dhakhaatiirta maskaxda. Shisoofrani wuxuu saameeyaa
qiyaastii 1qof 100kiiba qofb.
Dadka qaarkood,shisoofrani waxay ku kori kartaa inta ay
qaangaarka yihiin oo si tartiib ah u kobcaan.
Marxaladda horre ee cudurka waxaa loo yaqaanaa
“marxalladda prodromal” Inta lagu gudda jirro
marxalladan hurdaada, shucuurtaada, dhiirigalintaada,
wadda xariirkaaga iyo kartidaada inaad u fikirto ayaa is
bedelle kara.

160
CILMI-NAFSI

Daawaynta iska-ciiwinta Shisoofrin:

Inta u dhaxaysa 10% 30% Bukaanadda qaba shisoofrin


waxay mujiyaan xogaa hormar ah oo calaamadaha kadib
tijaaboyin badan oo FGAs ah iyo 30% illaa 60% dheraad
ah oo waayo-arragnimo qayb ahaan ah ama aan ku fillayn
ama wax yeello aan la aqbali karrin inta lagu jiro
daawaynt.
Clozapine waa daawada dumirka ee uga waxtarka badan
marka la eego maaraynta shisoofrani -u-ku adkaysi
daawayn.
Daawaddani waxay qiyaastii tahay 30% wax ku ool ah,
xakamaynta dhacdooyinka dimirka ee xaqiiqada looga
baxo ee bukaanadda ku adkaysta daawaynta,marka la
barbar dhigo 4% heerka wax tarka leh oo isku daray
chlorpromazine iyo benztropine. 30 clozapine ayaa
sidookale lagu muujiyay inay kordhiso xajmiga sodium
serum ee bukaanka qaba shisoofrani iyo hyponatremia. Si
ha noqotee sidaan horray u sheegay clozapine waxay lee
dahay astaan badbaado oo dhib ah. Tussalle ahaan
bukaanadda lagu daaweeyo daawadaan waxay halis
dheeraad ah ugu jiraan ina yeeshaan,hypotension
orthostatic,dadkaa oo u baahnaan karra la socod joogta
ah.

Cilladaha uu la-tacaalo cilmi nafsiga:

Waxaa jira cillado badan oo uu la-tacaalo cilmi nafsiga,la-


taacallo waxaa loola jeedaa la daawayn karro,cilladahaasi
aad ay u tiroo badan yihiin,laakiin aqriste buugan waxaad
ku-barran dontaa saddex wax yaa bood oo u la-tacaalo

161
CILMI-NAFSI

cilmi nafsiga waxayna noqon karaan


• Autism
• feejig naanta maqnaanshaha feejig naanta.
(Attention deficit hyperativity disorder (ADHD)
• walwalka ( Anxiety )

Autism

Waa maxay Autism?


Autism waa xaalad caafimaad darro oo ku dhacda
maskaxda. Sidookale dadka qaba Autism waa ka duwan
yihiin dadka kale ,habab maskaxiyan iyo hab fikirbo.

Dadka Autism qaba ma dad u baahan in la takooro


mise waa dad aan cudurkooda wax dhiba u
gaysanayn dadka kale:

Dadka Autism-ka qaba waa dad si caadiya loo la dhaqmi


karro una baahnayn in la takooro,sidookale Autism waa
cudur illaahay uu qofka ku abuuray,mana ah in lagu
takooro, sidookale Autism-ka mahanan cudur faafo ee
waa wax dabiiciyah.

Waa maxay cillada Autism spectrum?

… cillada Autism spectrum disorder(ASD)


Waa xaalad kobac oo isku dhafan oo ku lug leh caqabad

162
CILMI-NAFSI

joogta ah,xagga is gaarsiinta bulshadda,ddanaha xadidan


iyo dabeecadaha soo noqnoqda.
In kastoo Autism-ka loo tixgaliyo inuu yahay jirro
nolosha oo dhan ah,heerka naafonimadda xagga
shaqaynta sababtoo ah caqabadahaani way kala duwan
yihiin shaqsiyaadka qaba cudurka Autism-ka.

Astaamaha aaasaasiga u ah Austism spectrum:

Waxaa jira astaamo aasaasi ah oo la xariira ASD


astaamaha aasaasiga ah waxaa kamida
• xirfadaha bulshadeed oo aad u liita.
• ku adkaanshaha isgaarsiinta muujinta iyo
soodhawaynta.
• jiritaanka dabeecad xadidan oo soo noqnoqda.

Astaamaha Autism-ka:

Dadka Autism-ka waxaa laga inay muujiyaan,dabeecaddo


ka duwan dadkale.
Waxaa kale oo laga yabaa in qofka ay ku adkaato inuu ka
gudbo hal howl oo uu u gudbo midkale ama uu muujiyo
isbedallo farro badan.

Maxaa keema Autism-ka:

163
CILMI-NAFSI

Dhakhaatiirta cilmi-nafsiga waxay hada si wayn noogu


soo gud biyeen in Autism-ka ay keento kala
duwanaashaha qaabka iyo dhismaha maskaxda.
Wakhtigaan mairo etiology la yaqaan ama sabab u ah
kaladuwanaashaha dareemayaasha.
Sababo badan ayaa la soo jeediyay,laakiin majirinn hal
sabab oo la ogaaday.
Cilmi -baarayaashu waxay nabarayaan dhowr aragtiyood
oo ay kujiraan saameynta dhaxgalka iyo hiddo-waddaha.
Daraasaddo badan ayaa taageera Hidde-siddaha cudurka.
In kastoo aan la garanayn Hidde-siddaha keena
Astaamaha ASD.

ADHD:

Waa maxay ADHD?


…. ADHD waa xaalad caafimaad maskaxeed oo sabaabi
karta heerar aan caadi ahayn oo kacsan iyo dabeecado
dhaqso ah.
Dadka ADHD waxaa kale oo laga yabaa inay dhib ku
qabaan inay diirada saaraan hal howl ama fadhiyaan
muddo dheer.
Dad badan ayaa la kulmo ta’xaddar la’aan iyo is-baddel ku
yimaadda heerka tamarta qofka ADHD.
Tanni waxay dhacda marar badan iyo In kabadan marka

164
CILMI-NAFSI

la barbar dhigo dadka aan qabanin xaallada.


Cudurkani wuxuu saamayn ku yellan karraa
waxbarashada qofka iyo shaqadda iyo nolosha guriga.
Dadka waaweyn iyo caruurta labaduba waxay yeelan
karraan ADHD.
Waa baaritaan lagu aqoon saday ururka cilmi-nafsiga
mareynkanka (APA).

Maxaa lagu gartaa ADHD:

ADHD waxaa lagu gartaa kacsanaan, maqnaasho,


feejignaan la’aan.
Sikastaba ha ahaatee,calaamadahani waxay ku kala
duwanaan karaan shaqsiga,mana aha in dhamaan
astaamaha la joogo si loo ogaado ADHD.

ADHD caruurta:

ADHD caruurta ku dhaca ayaa sifiican loo soo


qeexay,badanaa waa la dareemi markii intaanay gaarin 6.
Caruurta ADHD qabta waxaa lagu gartaa:
• firfircooni-darro
• jiha wareer joogta ah
• hadal-xad dhaaf ah.
• dhaqdhaqaaqa jirka oo xad dhaaf ah. AStaamahani
waxay sababi karraan dhibaatooyin muhiim u ah nolasha

165
CILMI-NAFSI

illmaha.
Sida wax-qabad la’aanta dugsiga,is-dhaxgalka caruurta
kale iyo bullshada iyo dadka waawayn iyo
dhibaatooyinka xaga edbinta.
Sidookale caruurta qaar waxay yeelan karraan calaamado
ama dhibaatooyin xaaladdo kale oo la socoda sidda:
• Autism spectrum disorder (ASD)
Tanni waxay saameysaa isdhexgalka bulshadda,dannaha
iyo dabeecaddaha.
• suuxdin- waa xaalad saamaysa maskaxda,oo keenta
suuxdin soo noqnoqota.

ADHD Dadka waaweyn:

Dadka qaangaarka ah,astaamaha ADHD wa adag tahay in


la qeexo. Tanni waxaa inta badan sabab u ah cilmi-baaris
la’aanta dadka waawayn ee qaba ADHD. Maadaama
ADHD ay tahay qalqalka korritaanka,waxaa la rumeysan
yahay inaysan ku korri karrin dadka waaweyn iyada oo
aan marka horre soo muuqan xilliga caruurnimadda.
Laakiin waxaa la ogyahay in astaamaha ADHD ay inta
badan ku sii jiraan carruunimadda illaa qofka qaangaarka
ah.
Qof kasta oo qaangaar ah ee qaba ADHD waxay kaliya ay
og yihiin in howlaha maalin walba ay noqon karaan
caqabad.

166
CILMI-NAFSI

Dadka qaangaarka ah ee qaba ADHD waxaa laga yabaa


inay ku adkaato inay diirada saaraan oo ay mudnaanta
siiyaan howlahooda.
Dadka qaangaarka ee qaba ADHD waxaa lagu gartaa:
• darreen-aad u darran
• dhaqdhaqaaq xad-dhaafa ah ama nasasho la’aan.
• taxaddar la’aan iyo feejignaan la’aan
• si joogta ah ayuu howl cusub u billawaa asagoon tii
hore dhamaystirin.
• hilmaan badan.

Maxaa sababa ADHD:

ADHD waxaa sababa wax yaabo badan oo ay ka mid


yihiin:
• dhaawaca maskaxda.
• isticmaalka khamriga iyo tubaakadda. Iwm.

Maxaa lagu daaweyaa ADHD:

Daawaynta ADHD waxay ka billaa wataa guriga,waalid


ahaan waxaad saamayn ku yeleen kartaa daawaynta
ilmahaaga.
Caadayntu waxay muujineysaa in cunista cunto

167
CILMI-NAFSI

caafimaad leh,jimcisi badan,iyo samaynta doorashooyin


kalle oo xariir ah maalin kasta ay kaa caawin karto
ilmahaaga inuu maareeyo astaamaha ADHD.

Cudurkaan ADHD yuu u badan yahay:

ADHD waxa uu si saaida ugu badan yihiin,ilmaha ka yar


15 ee aan walli qaan gaarin,dadka waaweyn waa ku
yaryahay cudurkaan.
Maadaama cudurkaan uu san la hayn daawo cayiman
waxaa jirra siyaabo kalle oo loo la tacaali karro
cudurkaan.

AWooda jimcisiga ee daaweynta jirka:

Jimcsigu waa mid ka mid ah siyaabaha ugu fudud uguna


waxtarka badan si loo yareeyo astaamaha ADHD.
Dhaqdhaqaaqa jirka ayaa isla markiiba kor u qaada
dopamine-ka maskaxda,norepinphrine iyo serotionin-
kuwaas oo dhamaantood saameeya diiradda iyo
feejignaanta.
Jimcsiga iyo daawooyinka loogu talla galay ADHD sida
Ritaline iyo Adderall ayaa si isku mid ah u shaqeeya.
Sidookale ka shaqayn badan ayaa kaa yarreyn karta
callaamadaha ADH.

Muhiimadda hurdadda ee daaweynta ADHD:

168
CILMI-NAFSI

Hurdo tayo leh oo joogto ah waxay u horruseedi kartaa


horrumar ballaadhan astaamaha ADHD.
Si kastaba ha ahaatee,caruurta qabta ADHD ayaa dhib ku
qabaan inay seexdaan habeenkii.
Mararka qaarkood dhibaatooyka hurrdada waxaa sabab u
ah daawooyinka kiciya,iyo yarreynta qiyaasta ama
joojinta daawadda gabi ahaanba waxay xallin doontaa
dhibaaatadd.
Si kastaba ha ahaatee,boqollaal badan oo carrurta qaba
ADHD ee aan qaadiin kiciyaasha ayaa sidookale leh
dhibaatooyin hurdo la’aaneed.

Daaweynta xirfadeed ADHD:

In kasta oo ay jiraan siyaabo badan oo aad ku caawin


karto illmaha ADHD.
Waxaa laga yabaa inaad raadsato caawimo xirfadeed inta
aad la tacaalay cududurka ADHD.
Khabiiradadda ADHD ayaa kaa cawin karra inaad u
sameyso qorshe wax ku ool ah ilmahaaga.
Maaddaama cudurkani uu u baahan yahay la tacaalid
joogta ah,waxaa marka muhiim u ah in waalidiinta ay
ilmaha sifiican u la tacaalaan
Sidookale cudurkani 90% waxuu u badan yahay ilmaha
aan walli qaan-gaarin.

169
CILMI-NAFSI

Dadka waaweyn waa ku yaryahay cudurkaaan.

Walaac (Anxiety)

Waa maxay walaac?


… ururka cilmi-nafsiga mareynka (APA)
Wuxuu qeexay walwalka
“ walka waa dareenn lagu garto dareen kacsan ama
fikrado walwal leh iyo is badel jireed sida cadaadiska
dhiiga oo kordha”
In ka badan 40 milyan oo qof oo qaangaara ah oo u
dhashay dalka mareykanka ayaa leh cillad walaac,taas oo
ka dhigaysa nooca caafimaadka dimirka kan ugu caansan
kuwa kaweyn 18.
Dhibaatooyinka walaaca badanaa waxay billowdaan inta
lagu gudda jiro caruurnimadda dambe qaangaarka
horre,laakiin walaacu waxuu ki billlawan karra da’kasta.
Nasiib darro inta badan dadka la halgamay walaaca ma
hellaan daaweyn.
Tanni waa masiibo run ah maxaa yeelay xaaladahaan si
aad ah ayaa loo daaweyn karaa. Waxaan rajeynayaa in
kordhinta waxbarashadda ee ku saabsan walwalka iyo
daaweyn badan la heli karro ay sababi doonto in dad
badini ay helaan gargaarka ay u baahan yihiin.
Cabsida iyo walwalka waa duruufaha gaarka ah,ma ahan
wax laga walwalo.

170
CILMI-NAFSI

Baqdintu waxay kicisaa jawaabteena dabiiciga ah “


duul,dagaal ama qabow” taas oo noo diyaarineysa inaan
ka cararno ama joogno oo aan la dagaalno khtarta weyn.
Cabsida iyo walwalka waa jawaabaha la qabsiga ee laga
maarmaanka u ah badbaaddadda.
Sikastaba hana qotee,mararka qaarkood,dadku waxay lee
yihiin jawaabo cabsi iyo walaac oo kiciya iyadoon wax
han jabaada lahayn ama waxay u arki karaan hanjabaad
inay ka khtar badan tahay sida dhabta ah. Dadka la
halgamaayo xaalladaha walwalka,cabsidooda iyo
walwalkooda way ka hor istaagaan awodda ay ku
shaqaynayaan,waxayna wax u dhismaysaa awooddoda ay
ku raaxaystaan nolosha.
Waxaa jira xulashooyin daaweyn oo badan oo loo heli
karro maareynta walwalka.
Haddaba walwalku wuxuu badanaa yimadaa markii qofka
wax dhibaaya ay dhacaan.

Waaa maxay walwalka musiibada kadib?

….. walwalka musiibada kadib waxaa lagu magacaabaa


“arbushaada dareen” dabeecad iyo jireed ee qofka asiibta
kadib marka uu la kulmo musiibo aad u wayn. Tussaalle
ahaan dhacdooyinka oo ay kujiraan kufsasho ama xoogid
jireed ,dil ama dhaawac culus ama asbaabo dabiici ah ama
dagaalo ay dad badan si jamac ah u sameeyan.

171
CILMI-NAFSI

Maxaa lagu gartaa xanuunka walwalka musiibada


kadib:

Qofka la’ildaran xanuunka musiibada kadib waxaa muddo


dheer ka soo daahira Calaamadahaan:
Wuxuu si soo noqnoq ugu noolaadaa dhacdadii
musiibadda isagoo dib u milicsanaaya,xasuusanaaya ku
riyoonayaa ama isagoo darreemaaya cabsi.
Wuxuu darremaayaa inuu ka’go an yahay xalladaha
dareen,wuxuuna muujiyaa inuu dareen la’yahay
sidookale wuxuu dhib ku qabaa hurdada.
Wuxuu ka fogaadaa xaalad ku sababi karta inuu dib ugu
noolaado cabsidii.
Wuxuu mujiyaa dareen wayn oo ah inuu waar diye iska
hayo ama uu feejignaan yahay.
Qofka ku nool xanuunka walwalka musiibada kadib
waxaa laga yabaa callaamado dhibaatoyin darreenka
la’xariira oo kale sida asagoo darreemaaya rajo la’aan,
murugo,is diffaacid iyo dag-dag xunaaqid.
Waxaa laga yabaa inay qaarkood billaawan cabista
khamriga iyo darroogooyin kale iyakoo rabo inay isaga
dajiyaan xanuunka.

Maxaa sababa walwalka musiibada kadib:

172
CILMI-NAFSI

Sababta dhabta ah ee xanuunka walwalka musiibada


kadib si buuxda loo ma fahmin,guuda ahaan.xanuunka
dhimirka wuxuu ka dhashaa asaabo fireed,kuwa nolosha
la’xariira iyo kuwa bii’ada la’xariira oo is biir saday.
Raad isku yeelashadda nolosha iyo bii’ada waa mid adag.
Maskaxdu waxay saameysaa dabeecadda
qofka.khibraduna waxay saameysaa koritaanka
maskaxda.
Calaamadaha walwalka musiibada kadib waxaa kiciya
dhacdo musiibo.
Baaritaan cilmiyeed wuxuu mu jinayaa in dadka hore u
asiibay dhacdo musiibo sida (ilmo lagu soo xad gud bay
ama dhaawac culus oo ka soogaray musiibada kadib ama
dagaalo dhacay oo ag tiisa ka dhacay)
Qofkaas waxay u badan tahay inuu ku dhaco xanuunka
walwalka musiibada kadib.
Baaritaano cilmiyeed oo kale waxay muujinayaan inuu
jiro meelo gaara ah oo maskaxda ka mid ah oo u xisaaran
callaamadaha xanuunka walwalka musiibada kadib sida
cabsida iyo walwalka fikirka la soo booda ah iyo
xasuushadda.

Sidee xanuunka walwalka musiibada kadib loo


daaweyaa:

Daawada xanuunka walwalka waxay isugu jirtaa daawo


dabiici ah iyo daawooyin kale.

173
CILMI-NAFSI

iYadoo gacan laga helaayo la teliye,qofka la ildaran


xanuunka walwalka musiibada kadib wuxuu baari
karaa,dibna u eegi karaa dhacda musiibada ee horre uu
soo maray wuxuuna ka baran karaa inuu fahmo
islamarkaana uu la qabsado dareenkiisa cabsida iyo
walwalka.
Daaweyntu waxay wax katari kartaa si loo yareeyo
calaamadaha walwalka iyo murugada sarena loogu qaado
nashasadiisa.
Marka ay Daaweyn dhaxalgal ah helaan,dadka qaar
waxay ku soo kabsadaan billoyin gudohood,halka ay qaar
kalana ay muddo badan ku qaadan karto- sanooyin ama
ka badan si ay uga soo kabsadaan xanuunka walwalka
musiibada kadib.

Walwalka haweenka ku dhacaa ma wuxuu sababaa


hurdo la’aan:

Hurdo la’aanta waxa ay sii xumeysaa dhibaadata xanuuda


dhimirka ee haya gabadha da’da yar ee scotland,khubaro
ayaa sidaas sheegay.
Cilmi-baaris ayaa muu jineysa in kudhawaad saddex meel
hablaha da’da yar ay la daala dhacayaan dhibaatooyinka
dhinaca hurdada ah oo ka soo gaaray sameyn xun oo
dhinaca caafimaadka dhimirka iyo jirka kalaba.
Hasayeeshee gabadha ay da’dooda ka weyn tahay 15
sanadood ayaa waxay kala kul maan cadaadis sare kaas
oo qayb ka qaata walaaca iyo walwalka ay qabaan.

174
CILMI-NAFSI

Dadkii cilmi-baaristaan hogaaminaayay ayaa sheegay in


xaaladu ay adag tahay.

Maareynta walwalka:

Wax kasta oo sababa kacsanaan,fikir badan,murrugo iyo


wax kasta oo sababa daganaasho la’aan waxay
noqonayaan walwal.
Hadda hadii aad walbahaar santahay niyadda ku hay in
aadan kaligaa ahayn,walwalku waxuu la-dersaa 70
boqolkiiba dadka dunida ku nool,waana qayb ka mid ah
nolosha caadiga ah.

Maxaa keena walwalka:

Waxaa sababa nafta oo aan awood u yeelan inay sameyso


waxay doonaysay,markaa dhiiga ayaa sare ku
kaca,waxayna saameyn ku yee lanaysaa qalbiga.
Xaalladaa iyada ah waxaad doneysaa inaad degdeg ugu
dhaqaaqdo arrin aadan ka fiirsan.

Ogaanshaha walbahaarka:

Ogaanshaha iyo barashadda walbahaarka ka hor waxaa


iyadana muhiim ah inaad adigu is-taqaan,qofka aa tahay
dabiicigaaga,akhlaaqdaada iyo xasuustaada waayo waxay

175
CILMI-NAFSI

kaa caawineysaa inaad ogaato murugadda ku saameyn


karta in ta ay la eg tahay iyo sidii aad ula falgeli laheyd.
Maareynta walbahaarku waa maamulidda naftaada,
dareenkaaga, aragtidaada iyo inaad xukunto kana awood
roon tahay la-dhaqanka mushaakilka ku soo food
saara,yoolka koowaad ee hiigsimaadka leh waa nolol ka
dheelitiran xag walba sida: xariirka
qoyska,asxaabta,shaqadda ama wakhtiyada kuu gaarka
ah ee aad ku howlan tahay wajahidda Hormarkaaga,
nasiinadaada iyo IWM.

Waa maxay isku buuqa maskaxda?

Dadka qaba isku buuqa maskaxda waxay isku arki karaan


dhibaatooyin ah xaga fikirka ,dareenka ama dhaqanka
,marka sikale loo eego ,fikradooda, dareenkooda, iyo
dhaqankooda ayaa isku qasan. Waxay taasi si weyn
waxyeelo ugu gaysan kartaa xariirka ay dadka la leeyihiin
,shaqadooda iyo ku istireexa nolashooda.

Maxaa keeni kara isku buuqa maskaxda:

Waxaa muhiim ah in la fahmo in qabista isku buuqa


maskaxdu aanu ahayn khalad uu qofku iska lee yahay.
Mararka qaarkood dadku waxay rumeystaan in isku
buuqu ka yimaado cadownimo, ciqaab ama cawiri (il).
Balse dhakhaatiirtu waxay rumeysan yihiin inay jiraan
waxyaabo keeni kara isku-buuqa maskaxda oo ay kamid

176
CILMI-NAFSI

yihiin:
● kiimiko maskaxda ku jirta oo isku dheeli-
tirsananeen.
● walwal iyo dhibaatooyin maalin kasta qofka haysta .
● dhacdooyinka maskaxda u xun oo qofka soo maray .
Waa dhib sidii loo garan lahaa xaqiiqada sababaha keena
isku-buuqa ,mararka qaarkood dhib jirka soogaara ayaa
keeni karta calaamadooyinka cudurada maskaxda ku
dhaca.

Isku buuqa maya mayaa la iska dhaxlaa:

Cilmi-baaris la sameeyay waxay tilmaa maysaa in dadka


qaarkii inay dhaxal u lee yihiin inuu ku dhaco isku-buuqa
maskaxda ,sababtoo ah waxaa jira waxyaabo badan oo
adag oo keeni kara ,waana in arintaan aad kala tashatid
dhakhaatiirta.

4.3 XARIIRKA KA DHAXEEYA CILMI-NAFSIGA


IYO CILMI-NAFSIGA BULSHADA:
Waa maxay cilmi-nafsiga Bulshadda?
Cilmi-nafsiga bulshada waa cilmi -bulshadeed oo diirada
saaraya isdhexgalka aadanaha,qaabka bulshada iyo
abaabulka bulshada.
Sida laga soo xigtay cilmi-nafsiga gordon Allport “cilmi-
nafsiga bulshadu waxaa loo isticmaalaa Habab saynis ah,
si loo fahmo oo loo sharaxo fikradaha ,dareenka

177
CILMI-NAFSI

dabeecadaha shakhsiyaadka “
Khubarada cilmi-nafsiga bulshada waxay daraaseeyaan
sida dadku u dhaqmaan marka ay la joogaan dadka kale
iyo sida ay u kala duwan tahay habka ay dadku u
dhaqmaan
Cilmi-nafsiga Bulshada waa daraasad cilmiyeed oo ku
saabsan sida fikradaha ,dareenka iyo dabeecadaha
shakhsiyaadka ay u sameeyaan jiritaanka dhabta ah
,cilmi-nafsiga bulshadu wuxuu sharaxaa hab-dhaqanka
Bani’aadamka.

Qeexida cilmi-nafsiga bulshadda:

Dhamaadkio 1920s -aadkii waxaa soo baxay qeexitaano


meelo badan ee bulshada taamanaayo ,qeexitaanadaani
waxay ku kala duwan yihiin jihada loo maray qaarkamid
ah waxay diirada saareen bulshada qaybaheeda kala
duwan ,qeexitaanadani waxaa ugu caansan:
1: cilmi-nafsiga bulshadu waa cilmi ka hadlaayo hab-
dhaqanka guud ee bulshada iyo is-dhexgalka bulshada iyo
qofka.
2: cilmi-nafsiga bulshadu wuxuu daraaseeyaa
dabeecadaha, jawaabaha iyo is-dhexgalka qofka iyo
bulshada sida uu ula xariiro.
3: cilmi-nafsiga bulshadu wuxuu daraaseyaa sifooyinka
nafsaaniga ah ee kooxaha iyo hab-dhaqanka iyo is-
dhexgalka bulsho is-dhexgalkaasoo la caawinaya inay is

178
CILMI-NAFSI

fahmaan maxaa yeelay is fahanka bulshadu wuxuu


horseedaa Horumarka.

Cilmi-nafsiga Bulshada wuxuu ka kooban yahay


mowduuc badan :

Cilmi-nafsiga bulshadu wuxuu ka hadlaa dhowr


mowduuc waxaana ka mid ah kuwaan soo socda :
● Aragtida bulshada
● Hogaaminta
● Eexda.

Meelaha ay ku kala duwan yihiin:

Cilmi-nafsiga bulshada wuxuu diirada saarayaa sida


bulshada iyo deegaanka bulshadu u saameeyaan hab-
dhaqanka shakhsiga ,halka cilmi-nafsiga uu daraaseeyo
kooxaha bulshada iyo guudahaan bulshada si ay
falaanqeeyaan sida dadku u dhaqmaan iyo shakhsiyada
qofka qaabka uu fikirayo.
Cilmi-nafsiga bulshada wuxuu ku lug leeyahay daraasada
fahamka bulshada halka cilmi-nafsiga uu diirada saaro
shakhsiyada qofka.

179
CILMI-NAFSI

180
CUTUBKA
SHANAAD
CILMI-NAFSI

5.1 DEEBACADDA AADANAHA (HUMAN


BEHAVIOR)

Waa maxay Dabeecadda aadanaha?


…. Dabeecadda aadanaha waa karti lagu muujinayo
maskax ahaan iyo jir ahaanba iyo bulsho ahaanba.
Dabeecada waxaa lagu qeexi karaa “ sida fecilada ama
fecelinta qofka ee ka jawaabaya xaalad kicinta dibada
ama gudaha”
Shakhsiyadda qofka dabeecadda qofka waxay ka
turjuntaa qofka wuxuu yahay,waxaan u la jeedaa qofka
Bani-adamka ah waa la qiyaasi karraa mar Haddi la barto
shakhsiyadda qofka ama dabeecadda qofka.
Mar Hadii aan barano dabeecadda qofka ama
shakhsiyadda qofka waxaa noo fududaa naysa inaan
saadaalino qofkaan wuxuu yahay.
In kastoo sifooyinka gaarka ah ee shakhsiyadda
qofka,dabeecadda iyo Hide-siddaha ayaa laga yabaa in
lagu kala-duwanaado.
Dabeecadda qofka way is-badeshaa inta lagu gudanb jirro
nolosha-yacnii laga bilaabo Bani-aadamku markuu
dhasho ilaa qaan-gaarnimadda,oo waxaan inta badan
aragnaa dad markay yaraayeen dabeecadoodo ay san
fiicnayn oo markay way naadeen dabeecadoodii is-
bedeshay.
Dabeecadda Bani-aadamku inta badan way is-

182
CILMI-NAFSI

bedeshaa,halka dabeecadaha qaarkood ay caadi yihiin


halka kuwa kalana ay san caadi ahayn ama deecaddaha
dadka qaarkood waa la aqbali karaa halka kuwa kale ay
ka baxsan yihiin xadka-la aqbali karro. Sidookale
ogolaanshaha dabeecadda Bani-aadamka waxay si wayn
ugu tiirsan tahay caadoyinka bulshadda waxaana lagu
niyaamiya habab kala-duwan oo lagu xakemeeyo
bulshadda.
Dabeecaddu waxay sidookale sharraxaysaa habdhaqanka
Bani-aadamka.
Dabeecadda aadanaha waxaa lagu bartaa cilmiga
bulshadda.
Cilmiga Bulshadda “dabeecaddu waxay si guud
usharraxay saa dhamaan falalka aasaasiga ah ee
aaddanaha,oo ay ku jiraan kuwa aan la hayn wax-micno
ah -yacnii fecelidda xun ee qof Bani-aadama lagula
dhaqmanin”
Halka dumarku ay dabeecadooda ay Bishiiba dabeecadd
cusub la soo baxdo Halka Ragguna
Ay yihiin kuwa intooda badan dabeecadooda ay san is-
bedelin.

Nuucyadda dabeecadda aadanaha:

Iyadoo ku saleysan sida dadku u dhaqmaan Dabeecadda


aadanaha waxaa loo qaybiyaa nuucyo kala-duwan

183
CILMI-NAFSI

Waa ku wan nuucyada dabeecadaha caadiga ah ee


Bani’aadamku yeelan karo:
1: Hab-dhaqanka molecular iyo moral:
Hab-dhaqanka molecular waa dabeecad aan la filayn oo
ku timaada ,dabeecadani Badanaa waxay dhacdaa iyadoo
aan laga fikarin ama aan laga fiirsan, Tusaale inta badan
waxaan aragnaa qof wax Buu ka xanaaqay, jaawaabta uu
Bixinayo jama fiirsan,ama Waxa uu ka xanaaqay ayuu
jawaab ku lul ka Bixinayaa isagoon ka fiirsan jawaabtaas
uu Bixinayo.

2: Dabeecada daah soon ama qarsoon


Hab-dhaqanka daah soon : waa dabeecad muuqata oo ka
dhici karta meel ka baxsan Bani’aadamka ,tuusaalle
qofaa wuxuu jecelahay inuu wax ku sameeyo Meel dadka
ka baxsan oo si qarsoon ayuu u sameeyaa.
Dabeecada qarsoon: dabeecada nuucan ahi ma muuqato
badanaa, Tusaale fikirka qofka markuu fikiraaayo waa u
qarsoon tahay oo meel gooniya ayuu ku fikiraa, wixii
fikirkaas ka soo Baxana asaga ayay qaas u tahay.

3: Dhaqanka iskaa- wax u qabso


Dabeecada iskaa-wax u qabso waa nooc ka mid ah
dabeecadaha aadanaha oo aadka u xun waxaan tusaale u
qaadan karnaa inta badan waxaan aragnaa ama Bulshada
dhaxdeeda u badan dad jecel inay is kood wax u

184
CILMI-NAFSI

qabsadaan, mana jecla inay dadka wax ku dar sadaan,


Hadii la soo galo afaarahooda ama danahooda waxay
Bixinayaan jawaab aan mudnayn in la Bixiyo,taa
badalkeeda dabeecada ikhtiyaar la’aanta daabecadani
waxay u dhacdaa si dabiici ah ,tusaale neefshada inuu
qofku neef sado waa dabiici iska ah.

Dabeecada wax-akhriska:

Dadeecaddani waxaa leh dad badan oo dunidda ku nool


waxaan u la jeedaa waa dad akriska is baray kana dhigtay
dabeecad, Hadaba in qofku inuu dabeecad u yeesho waa
wax wanaagsan, qofkaasina way u fududahay inuu Hor
mar sameeyo maxaa yeelay waxa uu is baray dabeecad
wanaagsan.
“ wax badan akhri si aad u ogaatid,wax badan akhri si aad
wax badan u qortid”
Sida dadkaas oo kale ayaa la rabaa inaan dabeecad ka
dhigano.

Dabeecada Bulshada:

Dabeecada bulshada waxay xam baar san tahay ama ka


turjumaysaa sida uu qofku Bulshada ku haraysan ula
dhaqmo, inta badan waxaa jira dad aan bulshada la socon
karin waxaana sabab u ah dabeecadooda sidookale, mar
ba Hadaad rabtid inaad bulshada aad ku dhex tujo ka
muuqatid waa inay dabeecadaadu wanaagsan tahay.

185
CILMI-NAFSI

Khalalaadka laga fahmay dabeecada :

Inta badan Bulshadu ama dadku waxay isku qaldaan


dabeecad iyo dulqaad ,waxayna inta badan fiiriyaan
dabeecada qofka halka aysan fiirin dulqaadka qofka
sidookale khalalaad laga fahmay waxaa ka mid, in qofka la
yiraahdo waa dabeecad xun tahay ama daabecad waxaa
la yiraahdaa waxa uu qofku sigaara u sameeyo sida inuu
wax akhriyo inuu qofka kaligiis noolaado, inuu qofku
cidna la-tashan dhamaantood waa dabeecad, Tusaale
inta badan bulshadda waxaan ku dhex aragnaa dad
iskood gooni socod u ah oo aan cidna go’aan la qaadan,
halka dulqaad waxaa la yiraahdaa qofku wuxuu
dhibsanayo oo uu san ogolayn in lagu sameeyo ,Tusaale
inta badan dad waxaan aragnaa la caayo ama
sharaftooda dhibaato loo gaysto, dadkaasi waxay jawaab
ka bixinayaan dhibaatadii sharaftooda ku dhacday
,Hadaba dadku maxay yiraahdaan dadkaas?
Waa dabeecad xun yahay, amaha saas ee waa dulqaad yar
yahay oo ma xamili karo dhibaa tadaas ,Haddaba akhriste
qof hadaad aragto waxa aad dhahdo falcilin ama
dhaleecayn ka bixinaaya fadlan Hadhihin waa dabeecad
xun yahay ee waxaad adeeg sataa waa dulqaad yar yahay.

Nooca dhigaaga iyo xadhiidhka kala dhaxeeya


dabeecadaada:

Waxaa dadabiici ah noocyada dhiiga ee kala duwan isla

186
CILMI-NAFSI

markaana aad aragto dad yow kala duwan oo leh dhiigag


kala duwan ,laakiin waligaa ma is waydiisay shakhsiyada
qofka iyo dabeecadihiisa laga ogaan karo nooca dhiiga uu
lee yahay wakhtiyadii dambe ee Hormarka fiican ka
sameeyay Bani’adaamka qaybaha caafimaadka iyo cilmi-
nafsiga u kuur galaya dabeecadaha dadka waxaa aad loo
daraaseeyay nooc yada dhiiga ee dadka iyo xadhiidhka
kala dhexeeya dabeecadahooda :

-O dhiigaan waxaa lagu tilmaa maa dhiiga ugu badan ee


ayay lee yihiin dadka dhiigan la hi unugul xanuunada
faafaha sida kalooraha ama fuuq bahaxa waana dad ay
kanee cadu si’gaara ah u gar sato jirkooda

Dhanka si fooyin kooda:

Waa dad bulshaawiyiina oo furfuran isla markaana aragti


dheer leh oo saadaalin kara waxa dhici doona waa dad la
wareegi kara hadalka gole kasta oo ay tagaan waxayna si
fudud xariiro u la samayn karaan Bulshada qaybaha
heeda kala duwan intaas waxaa u sii dheer inay yihiin dad
isku kalsoon oo aanan ahmiyad siinin dadka kale waxay
ka aamin san yihiin ,halka dabeecada ee diidmada ah ay
lee yihiin waa inay u muuqdaan dad danaysta yaal ah oo
cariiri galin kara xasiloonida dadka kale ee aan Bulshaawi
yiinta ahayn sidaas oo ay tahay waa dad kaa qoslin kara
maalin kaaga hagaa jin kara marka ay kula kulmaan.

-A : sida ay sheegeen khubaro oo jabaanis ah dadka

187
CILMI-NAFSI

dhiigan la hi waa kuwo aad unugul walwalka iyo fakerka


xad dhaafka ah waxaana soo wajaha khataro caafidmaad
oo kabadan dhiiga kale waxayna halis ugu jiraan kansarka
nuuc yadiisa kala duwan iyo xanunada ku dhaco
wadnaha.

Dhanka si fooyinkooda:

Waa dad masuli yiina nidaam san oo hal abuur leh isla
markaana aad u caqli badan waa dad yaqaana waxay
doonayaan iyo waxay samayn la haayeen
dabeecadahooda waxaa kale oo kamid ah waa dad dagan
oo aan canaan iyo buuq lahayn Hadii aad ka mid tahay
dadka dhiigaan leh waxaa hubaal ah inay dadku jecel
yihiin ag joogaaga maadaama ay agtaada daganaasho iyo
raaxo ku dareemayaan wax yaabaha ay gaarka u lee
yihiin dadka dhiigoodu A- yahay waxaa kamid ah waa
kuwo nidaam la’taanta mana seexan karaan meel aan
sifiican loo hagaajin intaas waxaa u sii dheer inay yihiin
dad ka walwala Howsha u taala oo aan seexan karin ilaa
ay iska dhameeyaan Howshaas.

-B: waadad ay aad ugu sarayso farsudaha ay ugu dhici


karaan xanuunada wadnaha dumarka leh dhiigan waxay
unu gul yihiin kansarka ku dhaca maqaarka iyo caloosha.

Dhanka sifooyinkooda:.

188
CILMI-NAFSI

Waa dad leh dabeecado kala duwan oo isku dhafan waa


dad leh tamar badan oo ay qabtaan shaqo kasta oo ay
rabaan waa kuwa ka qoslin kara dadka kale isla
markaana qabta howla laga doonayo ayagoo cidiba u
dirin dhanka kale waxay noqon karaan kuwo u muuqda
ku wadanaysta yaala mararka qaarna kuwa naoqon karra
qayro masuula ,dhanka leh waa kuwo jawigooda si fudud
isku badalo intaas waxaa u dheer inay yihiin kuwo tamar
badan inay marar badana si u yihiin kuwo caajis badan oo
aan samayn karin howlahooda dhanka kale
shakhsiyadooda dhabta ah taasoo ka dhigta mid aad u
saraysa qof kastana ku qasabta inuu isku dayo inuu barto
dabeecadahooda.

AB: dhigaan oo ah midka ugu yar oo laga helo dadka


daraasad la sameeyay sanadkii 2014 waxaa lagu sheegay
in dadka dhiigan la hi marka ay waynaadaan da’aahan ay
si fudud ulimiyaan xasuustooda isla markaana uu
yaraahdo fahmkooda maskaxeed dabeecad ahaan waa
dad leh doonis adag iyo go’aan meermaa waa dad si fiican
wax u maamuli kara isla markaaana leh caqli badan
waana dad neceb inay ku tiirsanadaan qofka kale ama
qofna uma baahdaan sidookale waa dad la qabsan kara
xaalad kasta iyo meel kasta ugana faa’idaysan kara sida
ugu fiican dhinaca negative ka waa dad marka qaar
dhanka xun wax ka eega dhaliishooduna badan tahay
waa dad hilmaan badan oo masuuliyadooda daya ca
mararka qaar.

189
CILMI-NAFSI

Xaqiiqooyin cimi-nafsi oo ku saabsan aadanaha:

● Dhib maku qabtaa hurdada markaad goobta hurdada


seexato ,indhahaaga isku xir ama isku dhaji ilaa iyo mudo
labo daqiiqo ah kadib waad hurdi doontaa.
● cunida muuska waxay kaa yarendoontaa murugada
70% oo cudurada ka mid ah waxaa sababa walwalka
badan ,mararka qaar waxaa kugu dhasha walwal aad u
badan marka cunida mooska badso
● maskaxdaadu waxay ka casriyay san tahay
computure aduunka ugu awooda badan marka
maskaxdaada ha u adeegsan waxyaabaha xasuusta ka
qaadayo sida heesa farabadan oo uu qofku dhagaysto
waxay hoos u dhigaan xasuusta
● Hurdo la’aantu waxay saameyn xun ku yeelan
difaaca jirkaaga,waxayna yarayn kartaa awoodii uu
jirkaaga cudurada kula dagaalami lahaa.

5.2 SOOMAALIDU MAXAY KA AAMINSAN


TAHAY CILMI-NAFSIGA
Marka aan ka soo tagno wadamada caalaamka dalkeena
wuxuu aad ugu baahan yahay khubaro cilmi-nafsiga ku
xeel maxaa yeelay wadamada calaamka waxay lee yihiin
khubaro cilmi-nafsiga ku xeel dheer oo wax kasta cabiro,
marka la yimaado dalkeena soomaliya tixgelin gaara
masiino maxaa yeelay waxaan aaminsanahay in qofka
barto iyo qofka ka hadlo ay yihiin dad si maskaxiyana u

190
CILMI-NAFSI

xanuun san,marka waa fikrad qaldan oo aan iska


dhaadhicinayay dhalinteena iyo waayeeladeena waxay
aad ugu baahan yihiin cilmi-nafsiga, wadama Horumaray
waxay lee yihiin gooba lagu barto cilmi -gaan sida
jaamacado, iskuulo,marka dowlada iyo shacabka waa
inay dardar geliyaan goobo lagu barto cilmi-nafsiga
maxaa yeelay cilmi-gaan waa cilmi aad u baaxad
wayn,wuxuu ka hadlaa shakhsiyada wuxuu sidoo kale uu
ka hadlaa qaabka uu qofka u fikiraayo wuxuu sidoo kale
ka hadlaaa caafimaadka maskaxda maxaa yeelay waxaa
jira cuduro nafsaani ah oo ku dhaca maskaxda ,waxaa
kaloo jira cilmi-nafsiga jacaylka oo dhalinta soomalida si
qaldan u adeegsadaan ,cilmi-nafsiga jacaylka wuxuu aad
uga hadlaa qaabka ay labada qof uwada socon la haayeen
qaabkaasoo noqonaya qaabka ugu wanaagsan, waxaa jira
dhowr aragtiyood oo ay oranayaaan qaaar kamid ah
dadka soomaalida dadka aan aragtidooda idinla
wadaagayo waa dad aragti fog leh oo bulshadana
saameyn ku leh, sababta igu dhalisay inaan aragtidooda
buuga ku xuso waxaa weeyaan waa inaad barataan
soomalida maxay ka aaminsan yihiin cilmi-nafsiga :

Osmaan Abdi Shakuur:

“Cilmi-nafsiga waxaan ka aamin sanahay inuu yahay


cilmi lagu ogaado dabeecada bani’aadamka iyo sidookale
hab-dhaqanka bani’aadamka iyo sidookale qaabka uu
fikiro qofka ,cilmi-gaan dad bartay waa in bulshada laga
dhex helaa waa muhiim maadaama uu yahay cilmi
dalkeena aad ugu yar wakhtigaan la joogo waa in la

191
CILMI-NAFSI

sameeyo ama jaamacado lagu barto waa in dalka lagu soo


biiriyaa si loo helo dad aragti dheer leh
,Bulshada soomaaliyeed ama dhalinyarta soomaaliyeed
waa in la baraa oo la fahan siyaa cilmigaan aadka u
baaxada wayn ,sidookale dadka bartay cilmigaan waa in
bulshada ay ka haqab tiraan oo ay u sharaxaan waxa uu
ka hadlaayo cilmigaan,wadamada Hurumay cilmigaan
waa laga tixgeliyaa, halka dalkeeena aan la siin wax
tixgelina, marka hadalkayga waxaan ku soo kobayaa in
bulshadda aad loogu wacyi galiyo cilmigaan oo la
sameeyo gooba ay ku bartaan sida jaamacado, iskuulo
IwM”

Fathi Abdi Geedi:

“Cilmi-nafsiga waxaan ka aamin sanahay inuu yahay cilmi


aad u baaxad wayn,loo na baahan yahay in ardayda
soomaaliyeed la baro si uu wanaagsan sanadood aayaha
mustaqbalkooda aragtiyado badan ayaan ka aaminsan
nahay, waxaana ka mid ah qaabka uu qofka u fikiro,
dabeecada qofka iyo shakhsiyada qofka, sidookale
cilmigaan waa in bulshadda lagu wacyi galiyaa madaama
uu yahay cilmi aad u muhiima sidookale waa in
jaamacadaha lagu soo kor dhiyaa cilmigaan lana baraaa
ardayda soomaaliyeed, wadamada Hurrumaray waxay
lee yihiin meelo lagu barto cilmigaan sida jaamacado
,iskuulo iyo IWM marka waa in dalkeena laga dardar
galiyaa cilmigaan aadka u baaxada wayn ,sidookale
khubarada baratay cilmigaan dal iyo dibadba haku soo

192
CILMI-NAFSI

bartaane,waa inay bulshadda fahan siiyaan cilmigaan uu


na sharaxaaan ,sidookale khubaro caafimaad oo baratay
cilmigaan waa in dalkeena la keenaa maxaa yeelay waxaa
jira dadyow farabadan oo la ildaran xanuunada
nafsaaniga ah “

Ayaan Cali Cabdi:

“Cilmi-nafsiga waxaan ka aaminsan nahay inuu yahay


cilmi aad u baaxad wayn oo aan la soo koobi karin ka
hadlidiisa sidaas oo ay tahayna waan rajaynaa in bulsho
waynta soomaaliyeed ay fahmi doonaan qiimihiisa
,sidookale cilmi nafsiga dumarka iyo cilmi-nafsiga
jacaylka labadooba markii la micneeyo waxay noqon
karaan kuwo micno wayn ku fadhiya ,dad badan oo
soomaali ah maantay ama wakhtigaan ma doonayaan
cilmi-nafsiga maxaa yeelay aragtida ay ka haystaan
ayaaba ah mid aan wanaagsanayn, marka waxaan aragti
ahaan ku la talin lahaa dhalinyarta iyo waalidiinta waa in
dalkeena laga dardar galiyaa cilmi gaan aadka u baaxada
wayn, sidookale cilmi-nafsiga wuxuu ka hadlaa waxa
xaqiiqada ah sida jacaylka dabeecada qofka marka waan
darreemi karnaa cilmiga saas u baaxada wayn kana
hadlaaya dabeecada shakhsiyada qofka marka waan
dareemi karnaa inuu san yarayn, Marka talo ahaan
waxaan ku soo jeedin lahaa in jaaamacadaha dalkeena
lagu soo kordhiyo ama cilmi-nafsiga bulshadoo kale waa
qayb ka mid ah qaybaha cilmi-nafsiga marka xitaa waa in
qaybtaan oo kale la keenaa jaamacadaha dalkeeena

193
CILMI-NAFSI

maxaa yeelay bulshada ay waxbadan u taraysaa qaybtaan


oo ah cilmi-nafsiga bulshada, siddookale waxaa jira cilmi-
nafsiga jacaylka runtii qaybtaana waa qayb aad u baaxad
wayn, marka waxaan aaminsan nahay bulshadu haday
bartaan qaybahaas ama cilmi-nafsiga oo dhan waxaa
fududaa naysa inay waxbadan ogaadaan “

Drs fatima Ismail mohamed:

“Cilmi-nafsiga waxaan ka aaminsanahay inuu yahay cilmi


aad u baaxad wayn aan la soo koobi karin, cilmi-nafsiga
markaan maqlo waxaa igu soo dhaco in qof bani’aadaam
laga hadlaayo, sidookale qofka cilmi-nafsiga bartay wuu
ka duwan yahay dadka, sidookale shakhsiyada qofka waa
loo baahan yahay, sidookale cilmi-nafsiga caafimaadka
waa qayb wayn loo baahan yahay maxaa yeelay waxaa
jira dad badan oo soomali oo cuduro nafsaaniya qabo
sida cuqdada oo kale marka waa loo baahan yahay qaybta
caafimaadka sidookale cilmigaan inta aan maqlaayay
waxaan ku arkay qayb muhiim u ah bulsho waynta
soomaaliyeed oo ah cilmi-nafsiga bulshada, sidookale
cilmi-nafsiga waa in jaamacadaha dalka lagu soo
kordhiyaa maxaa yeelay wuxuu ka hadlayaa shakhsiyada
qofka, dabeecada qofka, bulshada, jacaylka marka
waxaan dareemi karnaa inuu yahay muhiim ,wadama
horumaray cilmi-nafsiga waa laga tixgaliyaa laakiiin
soomali hadaa nahay wax tixgelina ma siino maxaa
yeelay dadka bartay ayaa nagu yar.”

194
CILMI-NAFSI

Raxmo yuusuf aadan:

“ilmi-nafsiga waxaan ka aaminsan fikrado badan,


sidookale waa cilmi aad u baaxad wayn loo na baahan
yahay,ani ahaan tayda mararka qaar markaan cilmi nafsi
maqlo waxaa igu soodhacda qof waalan yacnii qof waalan
camal ayaan ka aaminsan nahay, sidookale cilmi-nafsiga
wuxuu ka hadlaa shahksiyada, dabeecada, jacaylka,cilmi-
nafsiga warshadaha cilmi-nafsiga caafimaadka,
dhamaantoodna wakhtiyadaan dambe dhalin yartu way u
baahan yihiin,sidookale cilmi-nafsiga waaa in
jaamacadaha dalkeena hooyo lagu soo kordhiyaa oo
dhalinta la baraa cilmi gaan,waxaan kaloo aaminsan
nahay qaybta jacaylka ayaan aad u aaminsan nahay
maadaama dhalinyaradu si qaldan ay jacaylka u
turjumato marka waaa in cilmi-nafsiga jacaylka labaraa,
maxaa yeelay xaqiiqada dhabta ah ayuu ka hadlayaa,
wadamo badan cilmi-nafsiga aad ayaa looga tixgeliyaa
laakiin anaga hadaan soomaali nahay tixgelin ma siino
sababtoo ah mababa haysano dad bartay ama goob lagu
barto”

Qoraa Ayub qalinle:

“ cilmi-nafsiga waxaan ka aaminsanahay inuu yahay cilmi


baaxad wayn guduhiisana ay ka buuxaan xaqiiqooyin
nolosha bani’aadamka la hadlaaya “

Yuusuf Saxar diid yuusuf kaarto:

195
CILMI-NAFSI

“Cilmi-nafsiga iyo soomaalida dhab ahaan aqoon badan la


sheego kama dhaxayso soomalida iyo cilmiga barashada
nafsada aadanaha ,Taas waxaa la oran ka raa cilmigaan oo
inta badan laga aqoonin geyiga iyo golayaasha aqoonta ee
soomaalida, oo iyagu weligoodba hagaas ahaan ama wax
weyn oo la sheego uu san dhax ool.
Sidaa owgeed soomalida cilmigaan way maqlaan moyee,
si toos ah uma aysan baran sidookale waxaa la oran karaa
eray bixin badan oo ku saabsan ayay maqleen ama
meelaha media ee wax la soo dhigo ayay ka maqleen ee
ma aysan baran ,cilmi-nafsiga mudo badan ayuusan ku
jirin seeraha aqoonta la diwaan geliyay in la barto ama
meelaha aqoonta lagu barto ,sida jaamacadaha iyo
dugsiyada soomalidu maadaama aysan ahayn bulsho
aqoonyahaniin waa bulsho reer mii u badan ,waxay
aqoonta cilmigaan ku koobnayd oo akhristay dad indheer
garad ah oo kooban ,hadaba waxaa isweydiin mudan
maxaa looga jeedaa soomalida iyo cilmi-nafsiga ?ma
heerka ay joogto nidaamka tacliinta mise garasho intee la
eg ayay ka haystaan cilmigaan oo ay yaqaaniin ,waxay ila
tahay ama ila muuqataa in cilmigaan aslkiisaba ku yar
yahay oo uusan tecliinta soomalida barato oo uu san aad
uga muuqan, bilowga hore ee qeexitaanka iyo
falaanqeynta waayaha aqoonta ama sheeko ee
soomaliduna waa gubaabsi ama lamaba yaqaan cilmigaan
weyn ee cilmi-nafsiga.
Siyaabo badan ayaa loo qeexaa shaqada uh qabto
cilmigaani iyo hababka uu daraaseeyo nafta
aadamiga,soomaliduna waxay u taqaan inuu dadka
dhimbirka lagu daaweeyo ,Hadii dhinac laga eego waa
qayb aad u yar oo kamid ah laamaha waaweyn ee u kala

196
CILMI-NAFSI

baxo cilmigaan ,in badan baad maqlaysaa iyada oo ay


soomalidu ku caayayaan qof ay is fahmi waayaan inuu
nafsad ahaan u buko uu cilmi nafsi u baahan yahay ,sida
ay hadalka u dhigayaan iyo sida caan baxday way kala
duwan yihiin oo soomalidu markaas waxay u jeedaan
dhwkhtar dhimir ee ulama jeedaan dhakhtar nafsadeed
cilmi-nafsiga soo bartay.
Dhanka kale soomalidu haday maqlaan cilmi nafsi isla
markiiba waxaa ku soo dhacaysa xanuuno sida shakiga,
buufiska,Isla hadalka ,sidookale soomali badan ayaa
aaminsan in cilmi-nafsiga yahay wadiiqo kale oo hadii la
raaco dhibkeeda wadata waayo bulshada soomaaliyeed
wax allaale waxay ka shakiyaan waxay si toosa ugu
qaataan inuu lid ku yahay diinta amase inuu yahay dabin
ay maleegaan Reer galbeedku ,sidaa darteed bulshada
soomalida qaarkamid ah ayaa cilmi-nafsiga u yaqaana
jaho ama mashruuc dhalinyarada lagu Marin
habaabinayo ,intaa kadib waxaan rabaa inaan fikradayda
la hadlo cilmi-nafsiga waxaan ka aaminsan nahay inuu
yahay wax noloshu u baahan tahay sidookale cilmi-
nafsiga wuxuu dhisaa garaadka qofka”

Zarah Aadam mohamed:

“Mowduuca( psychology) aragti ahaan tayda ma ahan


wax qofku saadaalin karo waa wax si nafsi ah ugu dhaca
qofka waxaasi waxay noqon koraan farxad murugo
sidookale aragti uu aaminsan yahayna wuu kula dhici
karaa qofku ,sidookale cilmi-nafsiga wuxuu ka hadlaa

197
CILMI-NAFSI

wax la qiyaasi karo iyo waxaan la qiyaasi karin ama qof


xanuunadiisa la saadalin karo iyo qof xanuunadiisa la
saadalin karin,markaas oo kale waa in qofku helaa la-
talin iyo dhiirigrlin ,tusaalle anaga dad muslima ayaa
nahay markaan aragno qof sidaas u walwal waxaan kula
talinaa inuu salaad sunaa tukado qofku sidaas ayaan ku
dhiirigelinaa, sidaas si lamid ah cilmi-nafsiga wuxuu Lee
yahay dhiirigelin maadiya oo aan salaad la tukanayin
marka waa in dadka qaba cilmi-nafsiga lagu dhiirigeliyaa
waxyaabaahan soocda, salaad, meela lagu dal xiiso si
qofka maskaxdiisa isku badasho ,markaan imaano
dalkeena cilmi-nafsiga lagama tixgeliyo maxaa yeelay dad
bartay ma haysano oo bulshada ku wacyi galiya,
sidookale cilmi-nafsiga waa in jaamacadaha dalka lagu
soo kordhiyaa, cilmigaan wadamada hurrumay cilmigaan
aad ayaa looga tixgeliyaaa, ugu dambayn cilmi-nafsiga
waa cajiib wuxuuna u baahan yahay dad falaan qeeya oo
bulshada ku wacyi galiya “

Muxsin Cabdiraxman Xaaji

“Culmi-Nafsiga Waxaan ka aamin sanahay inuu yahay


Cilmi La falgala Nolosha Binu aadamka isla markaana ay
tahay In Bulshadu ay fahanto oo ay Muhiimada gaar ah
siiyaan”.

198
CILMI-NAFSI

5.3 CILMI-NAFSIGA KORIINKA

Cilmil-nafsiga koriinka waa daraasad cilmi yeed ama


horumarka aadanaha ayuu ka qayb qaataa inta uu nool
yahay qofka ama shakhsiga.
Cilmi-nafsiga koriinka wuxuu ka hadlayaa qaabka uu
qofku isku badalo iyo sidookale qaabka uu jirkiisu isku
badalaayo, sidookale cilmi-nafsiga koriinka wuxuu noqon
karaa mid jireed iyo mid aqooneed maxaa yeelay marka
aan yarnahay garaadkeena wuu hooseyaa oo yacnii
markaan waynaano waxaa dhismaaya aqoonteena oo
sare ay u qaad maysaaa ,sidookale cilmi-nafsiga koriinka
waxaa lagu daraaseeyaa qaabka uu bani’aadam ku isku
badalo iyo sababta keenta inuu is badalo ,wuxuu aad u
daraaseeyaa saddex qaybood:
● Garashada oo garashada qofka way siyaadaysaa.
● koriinka jirka oo jirka wuu korayaa
● koriinka shucuureed

Baaxada iyo yoolka Cilmi-nafsiga koriinka:

Cilmi-nafsiga koriinu waa hab cilmiyeed yoolkiisa ama u


jeedadiisu tahay koriinka qofka iyo sidookale is-bedalka,
sidookale cilmi-nafsiga koriinku wuxuu eegayaa ,qaab u
fikirka qofka iyo dareenka qofka siduu u fikirayo, tusaale
inta aan yar nahay dareenkeenu aad buu u hooseyaa
marka aan waynaana dareenkeena wuu is badalayaa,

199
CILMI-NAFSI

dhakhaatiirta cilmi-nafsiga koriinka waxay bartaan


qaybo badana oo aragtiyeed sida, bayooloji, bulsho.
Sidookale cilmi-nafsiga koriinka wuxuu saameeyaa
meelo badan waxaaa kamid ah caqliga, jirka intaa iyo in
knadan ayuu saameeyaa cilmi-nafsiga koriinka ,is
bedelku waa lama huraan marka la joogo bani’aadamka si
joogta ah ayaan u koraynaa inta aan nool nahay,
dhakhaatiirta cilmi-nafsiga koriinka waxay ku didaalaan
inay fahmaan oo ay sharaxaaan sida iyo sababta ay dadku
isku badalaan nolosha oo dhan, iyadoo qaar badan oo
kamid ah isbedeladaani ay yihiin kuwa caadiya oo la
filaayo, hadana waxay keeni karaan caqabado ay dadku
mararka qaarkood ubaahan yihiin gargaar dheeraad ah si
ay u mareeyaan.
Sidookale cilmi-nafsiga koriinka wuxuu kaa caawin karaa
qaybahaan soo socda:
● Hormarka garashada inta lagu guda jiro
caruurnimada iyo nolosha dhan
● Caqiidada oo siyaada
● Horumarinta shacuurta
● Horumarinta shakhsi ahaaneed

Aragtida cilmi-nafsiga koriinka:

Dhakhaatiirta cilmi-nafsiga koriinka waxay inta badan


adeeg sadaan tiro aragtiyo gaara ah so ay uga fikiraan
dhinacyada kaka duwan ee Hormarka aadanaha, Tussaale

200
CILMI-NAFSI

khabiirka cilmi-nafsiga ee qiimeeya garaadka ilmaha ayaa


laga yabaaa inuu tixgeliyo aragtida piaget ee hormarinta
garashada taasoo qeexaysa heerarka muhiimka ah ee
caruurtu maraan marka ay waxbarayaan .
Dhakhaatiirta cilmi-nafsiga ayaa sidookale xiiseynaya
inay eegaan sida xariirka bulshada u saameeyo
horumarinta caruurta iyo dadka waa weyn labadaba,
aragtida Erikson wuxuu leeyahay koriinka ugu badan ee
qofka waxay dhacdaa inta uu ka qaan garayo ,sidookale
dhakhaatiirta cilmi-nafsiga koriinka ayaa taageero siin
karo shakhsiyada iyo dhamaan nolosha kuwasoo laga
yaabo inay la kulmaan arrimaha koriinka iyo
dhabaatooyinka gabowga.

Marxalada koriinka :

Sida aad adiguba qiyaasi karto cilmi-nafsiga koriinka iyo


cilmi-nafsiga ayaa inta badan burburiya hurumarka
iyadoo loo eegaayo wajiyada kala duwan ee nolosha, mid
kasta oo kamid ah xiliga koritaanka wuxuu u taagan
yihiin wakhtI heerar kala duwan sida caadiga ah lagaaro,
sidookale dadku waxay wajihi karaan caqabado gaar ah
markasta khubarada cilmi-nafsiga koriinka waxay dadka
badanaa ka caawiyaan :
● Horumarinta garashada inta inta lagu guda jiro
caruurnimada iyo nolosha oo dhan.
● caqiiqada akhlaaqda.
● Hormarinta shakhsi ahaaneed

201
CILMI-NAFSI

Cilmi-nafsiga koriinka hlkuu saameeyaa:.

Cilmi-nafsiga koriinku wuxuu saameeyaa meelo badan


wuxuuna ku sameeyaa meelahaas isbadal waxaana ka
mid ah meelahaas caqliga, maskaxda, jirka, aragtida
intaas iyo in kabadan ayuu is badal ku sameyaa cilmi-
nafsiga koriinka

Dhalmada ka hor:

Xiliga dhalmada ka hor waxay daneyaan cilmi-nafsiga


koriinka ku wasoo oo donaayo inay fahmaan sida
saameynta ugu horreysa ee koriinka ay u sameyn karto
korintaanka dambe caruurnimada.
Dhakhaatiirta cilmi-nafsiga ayaa eega sida felcelinta aas
aasiga u soobaxaan dhalmada ka hor ,sidookale cilmi-
nafsiga koriinka wuxuu dhacaa inta xaalada dhalmada ka
hor jirto ama koritaanku wuxuu ka soconayaa gudaha
qofka ,markuu dhashan koriimadiisu way soconaysaa.

Caroornimada Horre:

Caruurnimada waa marxalad laga soo gudbo oo koriinka


kamid ah, waxaana tusaale i noogu filan dhamaanteen
nolosha caruurnimada waan soo marnay, sidookale jirka
waan ka kornay caqliga waan ka kornay intaba waan ka
kornay oo marxalada koriinka wuu saameynaysaa,

202
CILMI-NAFSI

sidookale caruurnimada waa wakhti la taaban karo is


bedalka.

Caruurnimada Dhexe:

Marxaladani waa marxalad ka mid ah qaybaha cilmi-


nafsiga koriinka qofka markuu qaangaaro horay
garaadkiisa kama dhis maayo sida ay sheegeen
khubarada cilmi-nafsiga koriinka intaa waxaa sii dheer is
badal faro badan ayaa yimaado inta lagu guda jiro
marxaladaan,caruurnimada dhex waa is bedalka ugu
badan ee uu qofku is badalo.

Dhalinyaranimada:

Marxaladani waa marxalad aan u wadda badanahay inta


aan nahay dhalinyaro waxaan iska badalnaa waxyaabo
badan sida dhaqanka aanan wanaagsaneen, hadalada aan
wanaagsaneen intaa iyo in kabadan ayaan iskabadalnaa.
Cilmi-nafsiga koriinka wuxuu lee yahay waa marxalada
ugu saameynta badan,sidaa darteed dad badanoo
dhalinta ka mid ah marxaladaan kama faa’idaystaana
waana marxalada ugu saameynta badan oo u baahan in il
gaara lagu fiiriyo ,sidookale inta aan dhalinyarada nahay
waxbadan ayaan koriin ku sameyn karnaa ama aan dhisi
karnaa waxaana kamid ah caqliga waan dhisi karnaa
waxaana ku dhisi karnaa buugaag oo aan akhrino
quraanka alle oo aan micnihiisa barano inta badan
dhalinyarada waxay aaminsan yihiin waxyaabaha
maadiga ah ayaa caqliga dhiso waa fikrad qaldan oo aan

203
CILMI-NAFSI

iska,dhaadhicinay diinta islaamka xitaa way dhistaa,


garaadka ayay dhistaa caqliga ayay dhistaa,sidaa darteed
diinta islaamka koobaad in laga dhigo ayaa qurux ,Kadib
bugaagta caadiga ah uu aqristo qofku.

204
TIXRAAC
https // mental Health cilmi-nafsiga caafimaadka.
ARDAAGEENA channel.
https // www verywellmind.come

205
TAARIIKHDA QORAAGA
Magacaygu waa Shucayb Cabdullahi cumar oo loo garan
ogyahay (cadnaan) waxaan ku dhashay kuna barbaaray
magalaada cadaado, waxaan heer ka waxbarashada dugsiga
H/Dhexe ku soo qaatay magaalada cadaado, waxaan dugsiga
sare ku qaatay magaalaada Muqdisho gaar ahaan iskuul ka
macruuf, waxaana waxbarashada heerka jaamacada ka
bilaabay jaamacada soomalia (UNISO) ee magaalada
muqdisho, waxaana ka diyaariyaa culuumta beeraha oo ah
kulyad aan aad u jeclahay dalkuna uu aad ugu baahan yahay.

206
Dhamaaad

You might also like