Download as pdf or txt
Download as pdf or txt
You are on page 1of 2

Afsomali Class SASLI

Discussion Lesson 16/2/2023.


1. Sheeko Gaban. Ninki mindida
watay.
Nin Mindi wata ayaa soo hor istaagay Masaajid
markaa salaadda laga baxay, kaddibna wuxuu yiri
”War yaa Muslim ah”? Hal nin ayaa farta taagay
dadka intii kalana waa aamuseen. Ninkii ayuu
kaxaystay, kaddibna neef uu biraynnayey ayuu yiri
iga caawi. Waa uu la qabqabtay, wuuna bireeyey.
Markii uu caawiyey ayuu yiri haragga intaad ka
bixinayso ku ma sugi karee Masaajidka ku laabo oo
qof kale ka soo kaxayso.
Masjidkii ayuu ku laabtay isagoo markaan wata
Mindidii oo dhiig ka da’ayo, kolkaa ayuu yiri ”War
yaa kale oo Muslim ah? Waa la wada aamusay, wuu
ku celiyey ”War nala hadla oo yaa kale oo Muslim ah
? Dadkii oo dhan ayaa Imaamkii farta ku fiiqay oo
yiri ”waxaan kolleey hubnaa wadaadka na tujiyey.
Wadaadkii ayaa inta istaagay, cimaammaddiiisana
tunka saartay yiri ”Hooyadiin baad u sheegeysaan,
ma labada rakcaddood ee aan idinka saaray ayaa
lagu Muslimaa.

2. Sheeko Gaban: Gabar jeclaatay


Wadaad Mu`adim ah.
Gabadh ayaa jeclaatay wadaad mu’adim ah
(Masaajid ka adima) markasta oo aadaankiisa ay
maqasho waxey tiraahdaa alla wadaadku cod

Teacher Saciid Mohamed 1


Afsomali Class SASLI

macaanaa. Nin naagta qabay ayaa ku dhibsaday


arintaan wuxuuna mudo ka fikiraayay siduu uga
reebi lahaa isagoon cidna u sheegin.

Markaasuu habeenkii dambe wiil yar fariin u


faray kuna yiri “Hebla waxad ku tiraahdaa waxaa
ku doonaya wadaadka masaajidka ka adima
wuxuuna kugu sugayaa meel heblaayo ee u tag.
Naagtii inta si hal haleel ah u labisatay ayay
dag-dag ku tagtay halkii looga wacay, ninkii oo
isna iska dhigaya wadaadkii ayaa inta soo xirtay
dhar cad cad oo iska qariyay baa soo istaagay
meeshii.

Naagtii oo ordeysay ayaa ugu tagtay halkii


balantu aheyd, markaasey ku tiri, Alla waa
wadaadkii codka macaanaa, Asc see tahay
sheekhow? Isna isagoon u jawaabin buu ul.
Ku bilaabay markaasey ka carartay iyadoo aad u
yaaban. Maalintii dambe ayuu adimay wadaadkii
markaas baa ninkii yiri “Alla waa wadaadkii
codka macaanaa oo adimayo ee xaajiyo ma
maqashaa?” Naagtii baa inta soo booday tiri,
“Ma cod macaanee balaayada naaguhuu dilaa
ayaa meelaha laga sheeg sheegayay.

Teacher Saciid Mohamed 2

You might also like