Download as pdf or txt
Download as pdf or txt
You are on page 1of 13

SHAQAL CULUS iyo SHAQAL GUJAYSAN:

Qabyada Shaqallada Far Soomaaliga


Qore: Cali M. Diini
Maarso 27, 2022

Hordhac
Tan iyo markii Far Soomaaliga la hirgaliyay sannadkii
1972kii waxaa sototay dood ku saabsan qabyada Far
Soomaaliga qoran ayada oo aqoonyahanno badani qireen
in shaqallada astaamaha u ah codadka Af Soomaaligu ka
samaysmo aysan dhammaystirnayn oo toban shaqal
maqan yihiin. Waxa kale oo jira erayo isku dhigaal ah
balse dhawaaq ahaan kala duwan kuwaas oo ilaa hadda
xal loo helin. Waxa kale oo jirta in dadka dedaalka
waday qaarkood ay isku qaseen ama ay isaga
darsamdeen erayada dhawaaq ahaan kala duwan dhigaal
ahaan se isku mid ah iyo shaqallada culus ee Far
Soomaaliga ka dhimman. Qormadan waxa aan ku faaqidi
doonaa labadaas arrimood (erayada isku dhigaalka kala
dhawaaqa ah iyo shaqallada culus ee maqan) aniga oo ku
dooni doona in gebi ahaanba labadan mas’alo aysan
shuqul isku lahayn.

1
Dibudhugasho
Sida aynnu og nahay guddidii qorista Far Soomaaligu
waxa ay alifbeetada Soomaaliga u qaybiyeen "shaqal iyo
shibbane." Shaqallada waxa ay ka dhigeen toban (10)
shaqal (shan shaqal-gaab iyo shan shaqal-dheere),
shibbanayaashana waxa ay u aqoonsadeen tiro 21 xaraf
ah. Yeelkeed’e sida runta ah shaqallada iyo
shibbanayaasha Soomaaligu intaas waa ay ka badan
yihiin. Arrintan waxaa ku baraarugsanaa rag guddidaas
ka mid ahaa oo uu kow ka ahaa Xuseen Shiikh Axmed
"Kaddare." Kaddare” waraysi uu siiyay Univeral TV
sannadkii 20121 waxa uu ku sheegay in shaqallada
codadka Af Soomaalidu ay labaatan (20) shaqal yihiin
(10 shaqal-culus iyo 10 shaqal-fudud).

Aragtidan in shaqalladu toban ka badan yihiin, ma ahayn


mid Kaddare ku koobnayd. Waxaa jiray rag asaga ka hor
sidaas qabay iyo kuwo ka dambeeyayba2. Laakiin ilaa
hadda wax aan si cad la isugu raacin waxa uu yahay
shaqal culus, waayo waxaa qorayaasha qaarkood isku
qaseen shaqallada culus iyo shaqallada gujaysan, kuwaas
oo isugu jira kuwo culus iyo kuwo fududba. Qodobka
shaqallada dib baan ugu soo noqonaynaaye, aan
shibbanayaasha wax yar dulistaagno.

1 Waraysiga Kaddare: https://fb.watch/b-WgvD1zSo/.


2 Cusmaan Yuusuf Keenadiid baa ka mid ahaa raggaas. Asagu 1920kii ayuu
fartiisi Cusmaaniyada ku adeegsaday 20 shaqal. Sida aan dib ka arki
doonno.

2
Si la mid ah sida shaqallada codadka Soomaaligu qabyo
u yihiin baa shibbanayaashuna qabyo u yihiin. Tusaale
ahaan Buuni Cabdulle Raage Taraawiil waxa uu
rumaysnaa in shibbanayaashu 22 shibbane yihiin. Waa
kii lahaa:
Labaatan iyo laba aamustiyo, shaqal irmaaneeya3....

Sida aan filayo 21ka shibbane ee guddigii Far


Soomaaligu ansixiyeen Cabdulle Raage waxa uu ku
daray astaanta hamsada (‘) oo uu shibbane u
aqoonsaday. Waxaa taas la qaba Barofaysar Cabdalla C.
Mansuur oo buuggiisa Barashada Naxwaha Soomaaliga
(2018, daabacaadda 2aad) hamsada ku daray
shibbanayaasha.

Balse su’aashu waxa ay tahay hamsadu shibbane miyaa


mise waa shaqal? Sida aan magacyada ka dheehan karno
"shibbane" waa xaraf aan wax cod ah lahayn halka
shaqalku yahay xaraf cod leh, sidaas darteed waxaa la
oran karaa hamsadu shaqal ma ahan, si taas la mid ah
waxaa waydiin la saari karaa aragtida Dr. Mansuur iyo
Taraawiil ee ah hamsadu waa shibbane maadaama aysan

3Meeriskani waxa u uku jiray gabay Cabdulle Raage ugu debbaaldegay


hirgelintii Far Soomaaliga. Waxa aan ka so xigtay buugga Waasuge iyo
Warsame ee uu Kaddare qoray.

3
shuruudihii buuxin oo aysan lahayn cod shibban.
Yeelkeed’e hamsadu waa astaan ka mid ah alifbeetada
Soomaaliga oo la’aanteed qorista Far Soomaaligu qabyo
noqonayso.

Arrinta kale ee xusidda mudani waa in labada shibbane


ee “W” iyo “Y” ay mararka qaarkood u dhaqmaan sida
shaqalka. Tusaale: awr, cawl, wayn, nayl, wayl, sayn
iwm. Fannaan hore ah na qoraaga buugga Bidhaamiye:
Qubanaha Afka Hooyo (2018), Bashiir Cali Xuseen
waxa uu labadan shibbane marka ay booska shaqalka
galaan u bixiyay “shaqaluyaal.” Waxa asaguna labadan
xaraf magac gaar ah ku summadiyay Cabdullaahi Diiriye
Guuleed (Carraale) buuggiisa Miisaanka Maansada, sida
aan ka soo xigtay Idiris Maxamed Cali oo Miisaanka
Maansada falanqayn ku sameeyay4 (2017). Carraale
asagu waxa uu labadan xaraf u bixiyay “dhafane”.

Aynnu dib ugu noqonno mawduuceenniye, sida aan kor


ku soo xusnay shaqallada Soomaaligu toban waa ka
badan yihiin. Xuseen Shiikh Axmed “Kaddare” oo ka
mid ahaa guddidii farta ayaa goor horeba qiray taas.
Waxa kale jira qorayaal kale oo arrintaas qaba.

4Falanqaynta Miisaanka Maansada oo uu qoray Idiris Maxamed Cali ayada


pdf ah ayaan internetka ka helay balse kuma qorna halkii lagu daabacay.

4
Maxamed-Baashe Xaaji Xasan buuggiisa Afka Hooyo
Waa Hodan (2019, daabacaadda 2aad) waxa uu qabaa in
shaqallada Soomaaliga toban ka mid ah oo kuwo culus
ah aan la qorin. Balse Maxamed-Baashe tusaalayaasha
uu soo bandhigay kuma uusan soo wada bandhigin
tobanka shaqal oo idil. Isla Maxamed-Baashe buuggiisa
waxa uu ku xusay in Cusmaan Yuusuf Keenadiid oo
ahaa ninkii allifay fartii Cusmaaniyada uu asaguna
rumaysnaa in shaqallada Soomaaligu ay yihiin labaatan
shaqal (toban culus iyo toban fudud). Sida aan buugga
Maxamed-Baashe ka soo xigtayna Cusmaan Yuusuf
Keenadiid waxa uu shaqallada fudud (kuwa aan hadda
adeegsanno) u bixiyay Leeddo halka uu kuwa culus (ee
naga maqan) u bixiyay koore. Dabadeed waxa uu u sii
kala qabiyay mid walba labo, Leeddo gaaban (shaqal
gaaban), Leeddo dheer (shaqal dheer), Koore gaaban
(shaqal-gaab culus) iyo Koore dheer (shaqal-dheer
culus)5. Ha se ahaatee sida ka muuqata tusaalayaasha
Keenadiid ee Maxamed-Baashe soo xigtay, waxaa
muuqata in Keenadiid isku qasay shaqalka culus iyo
shaqalka gujaysan.

Waxaa asaguna qiray shaqallada dhimman Ibraahin-


Hawd Yuusuf maqaal uu u bixiyay Qorista habboon ee
Af Soomaaliga (2015) ayuu ku muujiyay arrintaas.
Aragtida Hawd gadaal baan ku faahfaahin doonnaa.

5
Fiiri buugga Afka Hooyo Waa Hodan bogga 214aad.

5
Haddaba maxay yihiin shaqallada culus ee naga maqani?
Waa se immisa?
Sida aynnu kor ku soo xusnay shaqallada codadka
Soomaaligu ka abuurmo waxaa ka dhimman oo aan la
qorin toban shaqal oo culus (5 gaaban iyo 5 dheer).
Shaqalladaas badankooda si bilaa hawl ah ayaa dhegtu u
soo qabanaysaa marka ay maqasho halka qaarkood sida
shaqallada “E” iyo “EE” ay adag tahay in kuwa fudud
laga baadisooco maadaama ay baxaalli ahaan u culus
yihiin. Waxa kale oo ayaguna baaris dheeri u baahan
shaqallada “I” iyo “II” marka ay eraga u hormaraan.
Beddalkeeda shaqalladani marka ay dhexda galaan si
dhib yar baa lagu soo qabanayaa.
Tusaale:
Dhig (dhulka dhig. Waa “i” fudud”).
Dhig (dhig ka mid ah dhigaha aqalka. Waa “i” fudud).
Diid (ha oggolaan/ha yeelin).
Diid (wareer. Waa aan diidayaa).

Faahfaahintaas yar ka dib bal aan imminkana u


dhabbagalno kala duwanaanta shaqallada culus iyo kuwa
fudud. Si aan taas u ogaanno waa in aan u fiirsanno oo
dhug u yeelanno kala duwanaanta codadka erayada aan
adeegsanaynno. Tusaale ahaan isbarbardhigga hoose,

6
erayada dhanka bidix waa culus yihiin oo dhawaaqoodu
waa ka duwan yahay kuwa dhanka midig oo ah kuwo
fudud ah na kuwa farta hadda qoran ku jira, halka kuwa
bidix ee culusi aysan ku jirin. Erayada ay shaqalladaasi
ku jiraan aad bay u farabadan yihiin anigu se intan hoose
un baan tusaale u soo qaatay.

Shaqal-dheer culus iyo Shaqal-dheer fudud


Baad (calafka xoolaha) baad (dhac)
Jeed (sii jeed) jeeb (jeebka xiro)
Diid (diidmo) diid (wareer)
Oog (dabka shid) ood (xerada ood)
Duul (weerar) duul (buub/biib).

Shaqal-gaab culus vs Shaqal-gaab fudud


Cad (cad hilib ah) cad (midab cad)
Ded (ded guriga) Jebi (kala jebi)
Irid (illinka guriga) illin (ilmo)
Og (waa uu og yahay) or (qaylo)
Dun (gurigii dun) dun (dun & cirbad).

7
Maadaama aysan jirin astaamo lagu kala garan karo
shaqallada culus iyo kuwa fudud aan wax yar faahfaahin
ka bixinno. Erayada ay ku jiraan shaqal-dheerayaasha
culus, culays ama kakanaan baa ku dhacaysa xarafka
koowaad ee eraga. Tusaale: duul (culusyku waxa uu ku
dhacay “d” -da). Laakiin marka eragu shaqal-gaab yahay
culaysku waxa uu ku dhacayaa xarafku u dambeeyay.
Tusaale: cad (culaysku waxa uu ku dhacay “d”-da u
dambaysa). Taas waxaa ka duwan shaqallada fudud, oo
erayada ay shaqadallada fudud ku jiraan wax culays ahi
ku ma jiraan hor iyo gadaal toona, erayadaasina si
“natural” ah oo bilaa rabsho ah ayay dibnaha uga soo
baxaan.

Shaqallada Gujaysan
Imminka aynnu dulistaagno waxa aan ugu yeeray
“shaqallada gujaysan.”
Waa maxay shaqallada gujaysan?
Shaqalladani erayada ay ku jiraan sheekadoodu ma ahan
tu cusub ee waa arrin soo taagnayd tan iyo markii la
bilaabay in Af Soomaaliga loo baadigoobo far u gaar ah.
Waa shaqallada erayada ay ku jiraan Maxamed-Baashe
iyo rag kale waxa ay u bixiyeen “ISKU DHIGID KALA
DHIGID.” Erayadani cod ahaan (dhawaaqa) ayay ku
kala duwan yihiin balse isku si ayaa loo qoraa. Kala
duwanaantooda codeed waxa ay samaysaa kala

8
duwanaan macne badankooduna waxa ay u kala baxaan
lab iyo dheddig balse intaas ku ma koobna sida aan
gadaal ugu tagi doonno. Erayadan waxaa ugu caansan:
Inan (wiil)
Inan (gabar)
Shilin (hal shilin Soomaali ah)
Shilin (shilinta xoolaha jaqda).
Waxa kale oo ka mid ah marka eray dheddig ah dhawaaq
lab ah loo yeelo sida:
Naag (qof dumar ah)
Naag (Cabdiyow wallaahi naag baa tahay)
Laan (laan qurac ah)
Laan (laanka).

Haddaba, sida aan kor ku soo sheegnay, waxa jira in dad


badani isku khaldeen shaqalka gujaysan iyo shaqalka
culus. Tusaale ahaan Ibraahin-Hawd Yuusuf waxa uu
yiri “inan” (wiil) waa shaqal culus, halka “inan” (gabar)
shaqal fudud yahay. Xaqiiqo ahaan taasi sax ma ahan
waayo, labadan eray midkoodna shaqal culusi ku ma
jiro, keliya waxa ay ku kala duwan yihiin halka ay ku
dhacayso “GUJADU.” Si aan u fahanno aynnu qeexno
waa maxay gujadu? Gujadu waa waxa Af Ingiriisiga
lagu yiraahdo “stress” kaas oo ah xarako uu carrabku si

9
gaar ah u dulistaago shaqal ka mid ah shaqallada eraga
taas oo dhawaaqa iyo macnaha eragaba beddasha, waa
na middaas halka ay ku kula duwan yihiin inan iyo inan,
iyo kuwa kale ee xarakada gujadu ku jirto.
Tusaale: inan (wiil) wax ku gujo ah ma leh waa eray leh
dabeecaddiisi dhaladka ahayd, halka inan (gabar) uu
leeyahay gujo ku dhacaysa “a”-da taas oo eraga u
ekaysiisay in “n”-da dambe labalaaban tahay (inann).
Waxaa taas la mid ah ah:
Shilin (shilin Somaali, gujo la’aan)
Shilin (shilinta xoolaha jaqda, gujaysan)
Wayn (guri wayn. Aan ku gujaysnayn)
Wayn (waayid, wax waayid. Gujaysan).

Gujada ama gujaysku si isku mid ah ayuu u galaa


shaqallada fudud iyo kuwa culus, taas oo meesha ka
saaraysa aragtida Ibraahin-Hawd.
Dhigaalka hoose waxa aan ku taxay erayada leh
shaqallada gujaysan (kuwa culus iyo kuwa fudud) iyo
erayada leh shaqallada aan gujaysnayn.

Shaqal-culus gujaysan iyo Shaqal-culus aan


gujaysnayn
Oog (oogta waaberi) oog (dabka shid)

10
Geed (geed dheddig) geed (geed lab)
Doog (dhaawac) doog (cagaar).

Shaqal-fudud gujaysan iyo Shaqal-fudud aan


gujaysnayn
Gaal (naag gaal ah) gaal (nin gaal ah)
Inan (gabar) inan (wiil)
Qorrax (qorraxda) qorrax (nin magiciis)
Nayl (naysha yar) nayl (naylka yar).

Waxa kale oo jira erayo si dabiici ah gujadu ugu jirto


waxaana ka mid ah:
Qorshayn, tirayn, samayn iwm.

Halkaas waxa aan ku arkaynnaa in shaqalka culus iyo


shaqalka gujaysani kala duwan yihiin, gujaduna ay si
isku mid ah u gasho shaqallada culus iyo kuwa fudud.

Mar kale haddii aad sii qeexno, shaqalka culusi waa mid
kala duway Baargaal (shaqan culus) iyo Af-gaal (shaqal
fudud),

11
Abgaal (shaqal culus) iyo dhaqan gaal (shaqal fudud)

Sidaa oo kale shaqalka gujaysani waa midka kala duway:


deeq (saddaqo, shaqal gujaysan) iyo Deeq (nin magiciis,
shaqal fudud).

Gunaanad
Waxa aan ku soo gunaanadayaa, inkasta oo tan iyo
waagii la bilaabay baadigoobka Far Af Soomaaligu
yeesho lagu baraarugsanaa in shaqallada Soomaaligu u
qaybsamaan shaqallo fudud iyo kuwo culus haddana
ayada oo taasji jirtay baa la qaatay in la hirgeliyo
shaqallada fudud oo keliya. Yeelkeed,e ta aan lagu
baraarugsanayn qorayaal kala duwanna isaga qasantay
baa ah shaqallada culus iyo shaqallada leh xarakada
gujada taas oo ragga qaarkood si khaldan ugu sheegeen
shaqal culus. Qoramadan waxa aan ku bayaamiyay kala
dunwanaanta u dhaxaysa shaqallada gujaysan iyo kuwa
culus, aniga oo isla markaana caddayn u keenay in
shaqallada fudud qudhoodu ay xarakada gujada qaataan.
Ugu dambayn qormadani waa isku daygii koowaad ee
loogu dhabbagalay kala duwanaanta shaqallada culus iyo
shaqallada gujaysan, aniga oo ku rejo wayn in u
dhabbagal intaan ka gundheer mawduucan lagu samayn
doono.

12
Raadraac

Buugaag

Bashiir Cali Xuseen, Bishaamiye: Qubanaha Afka


Hooyo, 2018. Laashin Publishers and publications.
Cabdalla Cumar Mansuur, Barashada Naxwaha Af
Soomaaliga, 2018 (daabacadda 2aad). Looh Press with
Garanuug Limited.
Maxamed-Baashe Xaaji Xasan, Afka hooyo Waa hodan,
2019 (daabacadda 2aad). Garanuug.
Xuseen Shiikh Axmed "Kaddare", Waasuge iyo
Warsame: socdaalkii 30ka maalmood, 1986.
Akadeemiya Cilmiga iyo Fanka.

Maqaallo iyo Waraysiyo


1. Ibraahin-Hawd Yuusuf Axmed "Qorista habboon ee
Af Soomaaliga", WardheerNews, 2015.
2. Idiris Maxamed Cali "Falanqaynta Miisaanka
Maansada", 2017.
3. Xuseen shiikh Axmed "Kaddare", waraysi uu siiyay
barnaamijka Fool-ka-Fool ee Universal TV ka baxay
2012: https://fb.watch/b-WgvD1zSo/.

13

You might also like