Faalleynta iyo qodobbeynta buugga “kaalinta indheergaradka.” (Representation of the
Intellectual). Buuggan waxa qorey qoraa asalkiisu yahay Falasdiini, balse noloshiisa qayb weyn oo saamayn ku leh ku soo qaatay dunida reer Galbeedka, magaciisu waxa uu ka kooban yahay magac la gala baxo dunida reer Galbeedka waa ‘Edward’, iyo mid kale oo la gala baxo dunida Carabta waa ‘Saciid.’ Edward Said waxa uu in mudo ah u dagaallamayey qadiyadda reer Falasdiin iyo waliba bulshooyinka ay saamaysay hagardaamadii gumeystuhu. Buuggu waxa uu ka dhashay khudbado taxane ah oo uu sagaashameeyadii ka sii daayey barnaamijka BBC ee khudbadaha Reith, balse markii dambe loo beddelay buug. Buugga waxa afka Soomaaliga u af celiyey Awguud cadde, oo ah nin dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Hargrysa, horena u soo saarey buuggag dhawr ah, oo ay ka mid yihiin; Fatwada sicirbararka, iyo Baaqa shuuciga. Buuggu waxa kuu ku dulwareegayaa kaalinta uu in dheergaradku ku leeyahay bulshada, waxa uu qoraagu innoo bidhaaminayaa tilmaamaha uu leeyahay qofka indheergaradka ahi, waxa uu qeexitaanno kala jaad ah innagula wadaagayaa qeexitaanka dhabta ah ee uu yeelan karo indheergaradku, waxa uu ka warramayaa metelaadda indheergaradka, seetaynta ummadaha iyo dhaqamada, dayrinta la gula kaco indheergaradka, debadmeerka iyo dibaddoodka, mushahar- doonka iyo mushahar-diidka, awoodaha ku gadaaman indheergaradka iyo kuwo kale oo la mid ah. Waxa aynu isku dayi doonnaa bal aan dul intaagno mid walba qayb ka mid ah qaabka uu qoraagu u arko innaga oo soo koobeyna, si aynu ugu baraarugno kaalinta uu qofka Soomaaliga ah ee indheergaradka ahi ku leeyahay bulshada wali tijaabinaysa kala qayb sanaanta, qaxa, dagaallada sokeeye, sad-bursiga siyaasadeed iyo shisheeye raaca. Metalaadda indheergaradka. Qeexitaannada la siinyo indheergaradka waa lagu kala duwan yahay qolyo waxa ay tilmaameen in dadka oo dhammi yahay indheergarad, balse shaqadii indheergaradka aysan ka hayn bulshada dhexdeeda qolyahaas waxa kamida Antonio Gramsci, sida uu ku doodday buuggiisa “Prison Notebook” Gramsci waxa uu indheergaradka u kala saarey labo qaybood oo kala ah: traditional intellectual, oo uu ku micneeyey Aw-guud cadde (indheergarad soo jireen ah) waxana ka mid ah; macallimiinta, wadaaddada iyo maamulayaasha. Kooxda labaadi waa organic intellectual; oo uu aw-guud cadde u hal tebiyey (Indheergarad xubineed), waxana ka mid ah ganacsatada, qolyaha shirkaadka, agaasimayaasha waa qolyo maslaxad uun ka fekera had iyo goorna ku hawlan. Labadan qaybood waxa iska leh Antonio Gramsci oo ahaa maarkiiste Talyaani ahaa, weriye caanana ahaa, waxase mar dambe birta ka aslay taliskii uu Musaliini hor boodayey. Dhanka kale waxa jira qeexitaan caan noqday oo uu leeyahay Julien Benda waxa uuna ku qeexay indheergaradku in ay yihiin, koox kooban oo boqorrada iyo faylasuufyada ah, oo aad u maskax iyo akhlaaq badan, kuwaas oo qaabeeya damiirka insaanka. Julien Benda waxa uu indheerad u arkaa, Ciise masiix, Spinoza, voltaire iyo Ernest Renan. Benda waxa uu intaas raaciyey in indheergaratada noocan ahi ay yihiin dad tiro ahaan kooban oo mar la arag ah, waxa ay sida oo kale xambaarsan yihiin beegaal waara oo runta iyo xaqsoorka ah oo aan gabi ahaanba ahayn mid adduunkani leeyahay. Benda waxa uu ku tilmaamey in dadka indheergaradka ahi ay nafahooda uga runsheeg badan yihiin mabda’a hufnaanta iyo xaqsoorka waxa uu tilmaam ahaan, u aqoon saday in ay yihiin; dad musuq-maasuqa dura, waxay difaacaan taagdaranta, waxa ayna ka horyimaadaan maamullada cabbudhiska wada ama ceebaha leh, tusaale ahaan; sida Benda qabo indheergaradku waa qofka ku gubta dabka qaran jabka, kala taga, qaybsanaata iwm, ee bulshada ka alloosan. Waxa la yiraahdaa indheergaradku ama indheergaratadu waa qof ama koox, naftooda u hura cudur xun oo bulshada ka jira sidii loo talaalilahaa, si aysan jiilasha dambe cudurkaasi u saamayn. Tusaale ahaan: faylasuufkii Faransiiska ahaa ee Voltaire waxa uu naftiisa halis u geshay in ay qaaradda Yurub ka hirgasho: xorriyadda hadalka, xorriyadda diimaha, iyo wada noolaanshiyaha dadka kala isirka ah, waqtigaas waa waqtigii ay kaniisadu awoodsa ku lahayd qaaradda Yurub. Haddii uusan voltaire halgameen dadka kala isirka ah ee galbeedka ku nool maanta ma aysan jiri lahayn. Waxa kale oo ka mid ah Martin Luther King, wuxuu naftiisa u hurey sidii dadka madowga ahi u codeyn lahaayeen doroshooyinka Mareykanka ka dhaca, sida Benda qabo, indheergaradku waa qofka dhibaatooyinka bulshada dhexdeeda ka alloosan u bareera oo isku daya in uu u keeno, xal la mahadiyo oo dadka oo dhammi la dhaco. Indheergaradku waa qof naftiisa u hura bulshada, waa qof la dareen iyo dhiig ah dadka ay maamulladu caburiyeen. Benda waxa uu indheergaradka ku tilmaamey in ay yihiin, dad ka fog arrimaha camaliga ah, leh shakhsiyad adag oo ku taagan tiirar xoog leh. Benda inkastoo aragtidiisu dhan u janjeedho haddana kuma uusan darin haweenku in ay ka mid noqon karaan indheergaradka. Edward Said waxa uu qabaa in indheergaratadu ay yihiin kuwa hor booda, kacdoonnada iyo isbeddelada waa weyn ee dunida soo mara waxa uu yiraahadaa: “Taariikhda casriga ah laga ma soo helayo kacdoon weyn oo aanay indheergarad hor kacayn; dhan-ka kalena, lagama soo helayo dhaqdhaqaaq kacdoon- jebin ah oo weyn oo aanay indheergarad hor boodayn.” Indheergaradku waa qofka la dagaalama dhaanraacninada iyo macagagnimada maskaxeed, indheergaradku waa qof xambaarsan mabda’yo caalami ah, ma aha qof maxaliya, xambaarsana mabda’yo qofaf gaara dantooda ka turjumaya. Edward Said waxa uu qabaa inuusan jirin indheergadad khaas ah, sida aan loo soo heli karin indheergarad guud. Aragtida Edward Said marka la isku soo xooriyo waxa ay noqonaysaa in indheergaradku uu yahay qof bulshada metala, caqabaddii timaada wajihi kara, indheergaradku waa qof bulshada oo dhan xil ka saaran yahay, afkaartiisana waxa uu ku soo bandhigi karaa; qoraal, waxdhigis, khudbado, ama inuu talefishan ka hor hadlo, yacnii waa in qaabka uu bulshada waxa ay tabanayso uu u gudbin lahaa wasiillada uu doono ha u maree. Ujeedka indheergaradku waa in uu horumariyo gobonnimada iyo garashada Insaanka. C. Wright Mills waxa uu indheergaradka ku tilmaamey in uu yahay; “Qof fayda meelaha la rabo in aan laga warramin, waa qof intii karaankiisa ah jecel inuu runta dhayda ka cadeeyo.” Seetaynta ummadaha iyo dhaqammada. Qaybtan qoraagu waxa uu kaga warramayaa arrimaha soo wajahi kara indheergaradka iyo qaabka uu ula dhaqmi karo, waxa uu qoraagu innoo soo guurinayaa in qofka indheergaradka ahi aysan seetayn dhaqamada iyo xeerasha bulshada u yaal tusaale ahaa; Julien Benda waxa uu buuggiisa “Treason of intellectuals”, ku tibaaxayaa in: indheergaradku uu yahay qof caalami ah oo aanay soo celin soohdimaha qarameed iyo haybta isireedba. Edward Said waxa uu tilmaamayaa in indheergaradku yahay midka adeegsada bulshadana kula hadla luqada dhaladka ah, ee ay bulshadu leedahay. Waxa aynu aragtida Edward ka arkayanaa in aan indheergarad lagu noqon inuu qofku isku xariifiyo luqad shisheeye, luqadda dhaladka ahi waxa ay bulshada u sahlaysaa in si fudud loo xambaari karo, afkaarta uu soo jeediyo indheergaradku. Qofka indheergaradka ahi waxa ku ceeba in uu cid gaara la yeesho afwadaag, Geoge Orwell waxa uu si mayal adag uga soo horjeedaa, in indheergaradku adeegsado af aan ahayn afkiisa, wuxuuna tilmaamaa in ay wacyiga bulshada ay dhaqdo kuna hoddo laab-lakac aan shaandhaysnayn. Arnold waxa uu indheergaradka shaqadiisa ku sheegay in uu yahay: midka ummadda galiya dareen is-ahaansho oo haybwanaag leh heerkiisuna sarreeyo. Xilliyada adag ee ay xaaladda bulshadu cakiran tahay bulshadu waxa ay quuddareysaa in indheergaradku u hadlo, oo uu metelo si uu afkiisa ugu sheego dhibta iyo silica ku hamsaday ummadnimda. Oscar Wilde waxa uu indheergaradka ku suntay in uu yahay qof waaqici ah, oo la nool waqtiga, xaaladda iyo taagantanta bulshada, sida oo kale waxa uu ku sheegay in indheergaratadu yihiin dad aqbali kara, oo qaadan kara dhaleecaynta loo jeediyo bulshadooda marka ay koox bulshada ka mid ahi la xudhiidhiyaan dhanka kale. Indheergaradka waxa la gudboon in uu ka soo horjeesto dhaqannada iyo xasuusaha xun ee bulshadu tirsanayso kuwaas oo ka soo gaarey laab lakacyada isriixa ku qotoma ee hardanka aadanuhu leeyahay, indheergaradku waa qof aan bulshada uga warramin taariikh madow oo ay bulshadu mar soo martay, waa marxalad aan la hilmaami karin balse waa mid uu ku khasban yahay in indheergaratadu bulshada u hilaadiyaan rejo middan ka wanaagsan oo geyn karta midda ugu habboon iyo waqtiga ugu mudan. Masaafurinta indheergaradka debadmeer iyo dibbood. Halkan qoraagu waxa uu kaga warramayaa masaafurinta la gula kaco bulshada dadkeeda indheergaradka ah, debadmeerku waxa aan odhan karnaa waa ciqaabta ugu xun ee lagu sameeyo qof indheergarad ah, bal sawiro adiga oo lagaa eryey gurigii aad ku dhalatay, wax ku baratay, wax ku dhashay ee xitaa laga yaabo inay ku aasan tahay xuduntaadu! Dabcan waan dareemayaa inaad sawiran karto nolol silliceeda iyo saxariirkeeda leh. Qofka la masaafuriyey waxa uu ku nool yahay xaalad adag oo uusan qofku si fudud ula qabsan karin kadeedkeeda, wuxuu la daris noqonayaa qofku ficilo xasuusinaya masaafurinta la gula kacay, waxa jira aqoonayahanno tiro badan oo la gula kacay debedmeerka, sida uu soo guurinaho. Edward Said, tusaale ahaan; qoraa V.S Naipaul waa Muslim ku dhashay Bariga Afrika, se asal ku leh Hindiya, waxa ka mid ah Brzenizki iyo Henry kissinger waa labo indheergarad oo ka tirsan saraakiisha dalka Mareykanka , kissinger waxa uu ka soo cararay taliskii Naasiga ahaa ee uu hoggaaminayey Hitler, halka uu Brzenizki ka yimi Bolantigii Shuuciga, waxase cajiib ah in labadan sarkaal ee ka soo cararay dhulkii ay ku dhasheen ee ay awooddoodii iyo hibadoodii aqooneed ay wax-ku tareen ciidamada Maraykanka, labadan sarkaal waxa ay la taliyayaal u nodeen shirkado dhawr ah iyo dawlado badan. Debedmeerka ugu badan waxa uu dhacay sida uu qabo qoraa Thomas Mann waqtigii uu socday: ‘xsbiyadii Naasiga iyo Shuuciga’, wuxuu Mareykanku qaatay kaalin badbaadiye iyo maal-gelin, wuxuu maal-gelin fiican siiyey aqoonyahanno, fanaanniin iyo saynisyahanno, kuwaas oo ka soo qaxay Faashiistihii Galbeedka, Mareykanku waxa uu indheergaradkaas ka faa’iidey aqoomo badan oo la xidhiidha culuumta aadanaha. Indheergaratada debedmeerka la gula kacay waxa kale oo ka mid ah, Theodor Ardorno. Ardorno waxa uu ka mida ahaa indheegaratadii ugu tunka weynaa ee noolaa qarnigii 20aad, noloshiisa in badan waxa uu ku qaadatay masaafurin waxa uu si aada uga soo horjeestay halistii Faashiistaha, iyo midkii Shuuciga iyo sida oo kale cirweynaanta reer Galbeedka. Ardorno waa naf ku suntan in ay u bareerto halista ay ku kacaan dadka madaxda ahi, waxa uu ku dooddaa in indheergaradka masiirkoodu ku sharfan yahay inaan waligood la maqal oo ay waligood adkaato in la dhegeysto. Ardorno waxa uu ahaa indheergarad tusaale laga dhigan karo, dhinaca ka hashada nidaamyada oo dhan hadii ay xageena jiraan iyo hadii ay xaggooda la jiraanba, wuxuu mar arkay in noloshu ay ugu beensan tahay marka ay ugu badan tahay wuxuuna oran jidhay; wadartu iyadaa badanka waalan, taas oo u sii kordhisa miisaanka siiba dareenka abbaarka, wacyiga shakhsiga ah, oo ah waxyaabo aan la jaanqaadi karin bulsho si buuxda u agaasiman. Tilmaamaha gaarka ah ee uu leeyahay indheergaradku marka uu noqdo ruux la masaafuriyo sida uu qabo Adorno waxa uu ku sheegaa: marka uu qofku bilaa guri noqdo, qoraalka ayaa u noqda meel uu ku noolaado. Sifooyinka uu qaato waqtiga uu indheergaradku ku jiro xaaladda masaafurinta waxa ka mid ah in uu noqdo, ruux maadeeya ah oo xataa wax iska hubsada laakiin tilmaantiisu maahan ruux sharwadde jees- jees badan, sida uu qabo Dr Giambattista Vico, oo ahaa indheergarad Talyaani ah, oo mar galay xaaladda debedmaarka. Qaybtan waxaynu si fiican ugu fahmaynaa tilmaamaha uu yeelan karo iyo xaaladda ay bulshadu kula dhaqmayso indheergaradka waqtiga uu la yimaado aragti dureysi nidaamyada silloon, runtii waa qayb dareenkeeda leh, waxaynu isla qaybtan ku arkaynaa sida ay shisheeyuhu uga faa’iideystaan indheergaratada la dayriyey, haba ugu horeeyo Mareykanku. Mushahar-doon iyo Mushahar-diid. Mushahar-doon iyo mushahar-diid, waa mid ka mid ah caqabadaha uu la kulmo Indheergaradku, qaybtan xiisaha leh qoraagu waxa uu innoogu soo gudbinayaa isbeddelka ku dhacay indheergaradkii noolaa qarnigii 19aad, 20aad iyo midkan 21aad-ba. Indheergarad badan oo mucaasir ah waxa ay noqdeen qolyo dhuurni raac ah. Rogis Debray waxa uu ka mid yahay indheergaratadii nooleyd qarnigii 20aad, waa mid ka mid ah ragga aadka u dhaleeceeya isbeddelka taban ee ku dhacay kaalintii indheergaradku ku lahaa bulshada, Debray waxa uu ka warramayaa sida ay mar qudha indheergaradku isugu beddelay qof ka fekira mushahar iyo qaabka ay u noqdeen macalimiin ka hawl gala jaamacadaha waa-weyn ee reer Galbeedka, Debray waxa uu tilmaamayaa in shaqadii indheergaradku ay isu beddeshay in ay noqdaan qolyo jaamacado uun wax ka dhiga guriyo gaarana ku jira oo aan ka war hayn badan koodu arrimaha bulshada dhexdeeda ka socda. Kaalintii indheergaradnimo ee qarnigii 19aad wax ay ahayd inay raadiyaan oo ay baadigoobaan xaqiiqada jirta. Sida uu qabo Ragis Debray qarnigii labaatanaad waxa batay koox rag iyo dumar ah oo ka tirsan indheergaradka kuwaas oo isugu jira, barofeesarro, wariyayaal, khabiirro iyo lataliyayaal ra’yigooda lacag ku qaata waxa lagu dirqismay in la isweydiiyo sida ay suurtagal ku tahay in la helo indheergarad shakhsi ah oo cod madaxbanaan leh, maadama ay dhammaantood katirsanayaal isu beddeleen iyo dhuuni-raac. Sida aynu kor ku soo xusnay doorka indheergaradku waa in uu dhaqan ka dhigto inuu soo ban- dhigo dooddo, xitaa haddii la doono lagu kala qaybsamo. Dhanka kale waqtigii uu Reagan madaxweynaha ka ahaa Mareykanka waxa gedoodsamay indheergaradkii bidixda, Russel Jacoby ayaa waxa uu daabacay buugg dooddo aad u daran dhaliyey, buuggu wuxuu ciwaankiisu ahaa “the last intellectuals.” Wuxuuna ku soo bandhigayaa Russel dood adag oo ah in “indheergaradkii aan akadeemiga ahayn” ee Maraykanku uu gebi ahaanba saaxadda ka saarey kaalintii indheergarad oo ay isugu soo hareen kooxo barayaal jaamacadeed ah, Jacoby waxa uu ku dooddayaa sidii ay meesha uga baxday dooddihii lagu gorfayn jirey dhacdooyinka, dooddihii dhisi jirey dadweynaha la harawsaday. Jacoby waxa uu indheergaradka ku qeexay ” Qof si kasta u madax banaan oo aan cidna ka amar qaadan.” Sida oo kale Jacoby waxa uu qabaa inaysan jirin cid gaara oo lagu tilmaami karo indheergarad balse ay jirto qof qaban kara kaalinta uu indheergaradku ku leeyahay bulshada wuxuu doonaba ha ahaadee, wuxuuna tusaale fiican u soo qaadanayaa Biyaaniistihii reer Kanada ee cabqariga ahaa ee Glenn Gould (1932-1982). Gould wuxuu ahaa fanaan wax duuba oo qandaraasyo kula jira shirkado waaweyn intuu fanka ku dhex jiray: Haddana, taasi kama aysan reebin in uu noqdo dib u lafa gure ereygiisu kulul yahay iyo faalleeyaha muusigga. Hadaba, aragtida Jacoby waxa aynu ka faa’iideynaa in ruux walba kaalinta iyo doorka uu bulshada waxa ugu tari karo uu ugu taro. Awoodaha oo runta loo sheego. Awoodaha oo runta loo sheego sida uu tilmaamayo Edward Said waa mid ka mid ah caqabadaha soo wajaha indheergaradka, awoodahaas waxa ka mid ah mushaharka ama in qofka indheergaradka ahi noqdo ruux hanti cid gaara ka qaata, sida uu ku dooddayo Edward Saciid waxa uu sheegayaa in mushaharkani caqabad ku yahay wax badan oo loo baahnaa inuu faydo ruuxa indheergaradka ahi, sidaas darteed waxa uu ku talinayaa qoraagu in qofka indheergaradka ahi uu ka fogaado mushaharada iyo arrimaha kale ee la xiriira kuwaas oo u adeegaya cid gaara. Sida oo kale fikradan uu qabo Edward Said waxa la qaba qoraayaal iyo faylasuufyo isaga ka horeeyey tusaale ahaan; Jean-Jacque Rousseau (1712-1778) wax uu qabay in mushaharka iyo casumaadaha ay madaxdu u fidiyaan indheergaradka uu caqabad ku tahay doorka indheergaradka ama haddii aan si kale u dhigno waajibaadka qofka aqoonyahanka ah ka saaran bulshadiisa. Dhamaan aqoonyahannadan qoraalladooda waxa aynu ka arkaynaa in mushaharku yahay caqabad xar-kaha goosatay, taasoo tir-tirtay baan odhan karnaa metelaadii indheergaradka, sidaynu kor kusoo xusnayna waxaynu sheegnay in indheergaradku yahay ruux aan awood gaara ka amar qaadan. Waxayaabaha kale ee indheergaradka looga baahnaan karo waxa ka mid a in uu noqdo qof dhaqaale ahaan xor ah, leh awood diidid, leh awood wax durid ka hor iman kara awoodaha raba inay bulshada caburiyaan. Ugu dambeyntii buugga “kaalinta indheergaradka” waa mid si waafi ah u soo bandhigaya doorka qofka indheergaradka ahi ku leeyahay bulshada. Qaybahan yar ee qodobbaysan runtii waa qaybo dul-ka xaadis ah oo aan rabo bal inaad ila fahantaan dooda iyo nuxurka uu soo gudbinayo Edward Said. Runtii waxaan odhan karaa waa buug si wanaagsan kaaga haqabtiraya su’aalo tiro badan oo laabtaada in muddo ah degay. Mar iyo lababa waxa aan ku oran lahaa ila soo dhugo aad ka shaki baxdide dad badan oo aad u haysatid inay kaalin indheergarad ka dhex wadaan mujtamaca Soomaaliyeed. Raadreeb waa mareeg madaxbannaan oo la asaasay Agoosto 2022, una taagan soo gudbinta qoraallo aqooneed oo ku qoran af Soomaali, waxa ayna si Online ah u baahinaysaa sooyaalka, suugaanta, sayniska, farshaxanka, falsafadda, iyo arimaha bulshada, si ay u fududaato in aqoonta, laamaheeda ka la duwan, lagu helo afkeenna Soomaaliga. Faallo buugga: Kaalinta Indheergaradka |Representation of the Intellectual