Download as pdf or txt
Download as pdf or txt
You are on page 1of 21

MAADADA: TAARIIKH

FASALKA: 12AAD

CUTUBKA KOWAAD ILAA CUTUBKA AFARAAD

1. CUTUBKA 1AAD :- DAWLADII CUSMAANIYIINTA

2. CUTUBKA 2AAD:-QADDIYADO CASRI AH

3. CUTUBKA 3AAD:-XILLIGII SOOMAALIDU KA TALINAYSAY DALKEEDA

4. CUTUBKA 4AAD:-DHAQDHAQAAYADA XOREYNTA AFRIKA

CUTUBKA 1AAD :- DAWLADII CUSMAANIYIINTA


1. WEY: Sheeg qarnigee Cusmaaniyiinta aasaasmeen ?
WAR: Waxaa la aasaasay "qarnigii 13aad" .
2. WEY: Sheeg sanadkii Cusmaaniyiinta la'aasaasay ?
WAR: Waxaa la'aasaasay sanadkii "1299" .
3. WEY: Sheeg sanadkii Cusmaaniyiinta burbureen ?
WAR: Waxay burbureen "1924" .
4. WEY: Sheeg Aasiyda yar intee loo yaqaanaa?
WAR: Waxaa loo yaqaanaa "Anatooliya".
5. WEY: Suldaan calaa'udiin Saljuuqi boqortooyaduu xukumayey?
WAR: waxa uu xukumayey Boqortooyadii "Saljuuqa " .
6. WEY: Goormuu dhashay Goormuuna dhintay Suldaan calaa'udiin saljuuqi ?
WAR: Waxuu dhashay "1190" waxuuna dhintay "1237”.
7. WEY: Sheeg magaala madaxdii boqortooyadii Saljuuqa?
WAR: Waxay ahayd "Gobolka nishaabuur caasimadiisa korasan"
8. WEY: Sheeg magaaladii Ar-dhagaral uu furtey ?
WAR: Wuxuu furtay "Askii shahar" .
9. WEY: Sheeg magaala madaxda boqortooyadii biizantiinka?
WAR: Waxay ahayd "konistantinobal" .
10. WEY: Yaaka adkaadey boqortooyadii Salajiqada?
WAR: Wxaa ka adkaadey " Maguulka " .
11. WEY: Goorma ayuu dhintay Ardhugaral?
WAR: wuxuu dhintay sanadkii 1288dii.
12. WEY: Goorma ayuu dhintay Cusmaan Bin Ardhugaral?

1 W.D: MCK
WAR: Cusmaan Bin Adhugaral waxa uu dhintay sanadkii
1326dii.

13. WEY: Sheeg Ninkii aasaasay dawlada cusmaaniyiinta?


WAR: Waxaa aasaasay "Cusman bin Ar-dhagaral" .
14. WEY: Sheeg imisa sano ayuu kudhintay cusman bin Ar-dhagaral ?
WAR: Wuxuu kudhintay "70jir" .
15. WEY: Markii ugu horeysay cusman yuu ladagaalmay ?
WAR: Waxuu ladagaalamay "biizantiinka" .
16. WEY: Sheeg wuxuu kula dardaarmay cusman caruurtiisa iyo saaxiibadiisa ?
WAR: "Caruurteyda iyo saaxiibadeydow siiwada sareynta diinta islaamkakuna siiwada jihaadka
Eebe dartiis gacantana kuhaysta Astaanta sharafta leh ee islaamka" .
17. WEY: Yaakala wareegay xilka cusman ?
WAR: Waxaa kala wareegay "wiilkiisa Orkhaan"
18. WEY: Sheeg sanadkuu dhintay cusman ?
WAR: Waxuu dhintay sanadka markuu ahaa "1326" .

19. WEY: Sheeg wax yaalahii uu qabtay Orkhaan adigo tirinaayo ?


WAR: wax yaalahii uu qabtay Orkhaan waxaa ka mid ahaa
 Dawlada waxa uu uqaybiyay gobolo
 buursa waxuu kadhigay magaalo madax,
 lacagta wuxuu ku nashqadeeyay magaciisa
 Waxa uu habeeyay oo uu abuuray koox fardooley ah
 Waxa uu aasaasay kooxdii ugu horeysay ee ciidanka ( inkishariyiinta )20. WEY:
Sheeg ciidankii cusmaaniyiinta magacooda ?
WAR: Waxaa la'oran jiray ciidankii " inkishaariyiinta " .
21. WEY: Sheeg yaa xilka kala wareegay Orkhaan ?
WAR: Waxaa kala wareegay wiilkiisa " Muraad " .
22. WEY: Sheeg sanadkuu xilka qabsaday suldaan maxamed kii 2aad?
WAR: Wuxuu qabsaday " 1451 " .
23. WEY: Sheeg sanadkii uu furtay konistantinobal Maxamed Al-faatix ?
WAR: Waxuu furtay sanadkii "1453" .
24. WEY: Sheeg magacii loo aqoon jiray istanbuul?
WAR: Waxaa loo aqoon jiray "konistantinobal" .
25. WEY: Sheeg magaalada Askuud wadanka ay kutaal?
WAR: waxay kutaala wadanka "Turkiga" .
26. WEY: Sheeg aasaasihii ciidanka milatariga cusmaaniyiinta?
WAR: waxuu aasaasay "Orkhaan" .
27. WEY: Sheeg 1512 ilaa 1520 maxay cusmaaniyiinta baadi goobeen ?
WAR: Waxa ay baadi gooben " sida ay u hooskeeni lahaayeen xukunkoodacarabta bari iyo sidii
ay ula dagaalami lahaayeen safwiyiinta iyo burtaqiiska" .
2 W.D: MCK
28. WEY: Sheeg sanadkuu dhacay dagaalkii jaaldiiraan ?
WAR: Waxuu dhacay sanadkii "1514" .
29. WEY: Sheeg meeqa sano ayuu xilka haayey suldaan suleymaan qaanuuni ?
WAR: Waxuu xilka haayey "46 sano" .
30. WEY: Sheeg sanadkii ay furteen bilgarayd cusmaaniyiinta ?
WAR: Waxay furteen sanadku markuu ahaa "1521" .
31. WEY: Sheeg sanadkii 1522 meelihii ay furteen cusmaaniyiinta ?
WAR: Waxa ay furteen " jaziirada roodis buuda zabooliya " .
32. WEY: Goorma ayay dhisteen cusmaaniyiinta ciidan badeed oo leh maraakiib dagaal ?

3 W.D: MCK
WAR: Waxa ay dhisteen xilligii uu xukunka haayey " Yaziid kii 2aadsanadkii 1886 " .
33. WEY: Sheeg suldaanadii ugu caansanaa ee dalwaddii cusmaaniyiinta furashooyinkeedii?
WAR: suldaanadii ugu caansanaa ee dalwaddii cusmaaniyiinta furashooyinkeedii
 Suldaan Cusmaan,
 Suldaan Orkhaan Gaazi,
 Suldaan Muraad kii 1aad,
 Suldaan Muxamad kii 1aad,
 Suldaan Muxamad kii 2aad oo loo yaqaanay "Muxamad Al-faatix"
34. WEY: Meeqa sano ayuu xilka haayey suldaan Orkhaan Gaazi ?
WAR: Waxuu xukunka haayey "35 sano" .
35. WEY: Goorma ayuu dhintay suldaan Muxamad Al'faatix ?
WAR: waxa uu dhintay sanadkii "1481" isaga oo "53 sano jir ah" .
36. WEY: Sheeg sababihii gudaha ahaa ee ka qayb qaatay tabardarrida dawlada
cusmaaniyiinta ?
WAR: sababihii gudaha ahaa ee ka qayb qaatay tabardarrida dawladacusmaaniyiinta waa:-
 Heshiis la'aan kadhex jirtay dadka ku hoos nool dawlada
cusmaaniyiinta .
 Kafogaanshaha dawlada cusmaaniyiinta ay kafogaatay shareecadaislaamka
 Nidaamka xukunka oo noqdey kaligii talisnimo.
 Jahwareer dhaqaale iyo bulshadeed .
37. WEY: Sheeg waxyaabaha dibadda ee horseeday dhicitaankii boqortooyadii
cusmaaniyiinta ?
WAR: waxyaabaha dibadda ee horseeday dhicitaankii boqortooyadiicusmaaniyiinta
waa:-
 Jiritaanka xuquuq iyo mudnaan gaar ah oo loo fidiyay dalalka Yurub .
 Duullankii gumaystaha waxa uu saameyn ku yeeshay tabar darrida iyoburburka
dawlada .
 Soo bixitaanka awood kale oo ah Ruushka .
 Guul darrooyinkii soo gaaray dawlada cusmaaniyiinta .
CUTUBKA 2AAD:-QADDIYADO CASRI AH

1. WEY: Tilmaan qaabka dhulka falastiin ?


WAR: falastiin waa degaan leh cimilada badda dhexe ee dhexdhexaadka ah, ku haboon
degenasho iyo wax soo'saar,waxa uuna ukala baxaa dhul xeebeed siman, buuraleey iyodhul
boholo ah .
2. WEY: sharax sida ay qadiyadda falastiin ugu weyntahay muslimiinta?
WAR: dhulka falastiin meel weyn oo kaga yaallaa muslimiinta, waxaayna u arkaan dhul
ladaahiriyay sida uu quraanka tilmaamay. waana qibladii ugu horeysay muslimiinta, iyo masjidka
3aad oo loo safro in lagu tukado. waana dhulkii nabiyada, oo laga soo'saaray nabiyaal badan .

4 W.D: MCK
3. WEY: si kooban uga hadal xilliyadii ay falastiin soo'martey ?
WAR: magaca falastiin waxa laga keenay dad kayimid badda iija , ama jaziirada takriit aasiyada
yar qarnigii 12aad dhexdiisa. waxa ayna degeen xeebaha, magacoodana waxa uu ugu qornaa
qoraalladii masaarida sidan
(B L S T), waxa ayna gadaal karaaciyeen xarafka n4. WEY: sheeg
dadkii ugu horeeyay ee dega dhulka falastiin ?
WAR: waxay ahaayeen kancaaniyiin, aaraamiyiin iyo faniiqiyiin .5. WEY: sheeg sababaha
keenay in qadiyadda falastiin ay soo ifbaxdo casrigan ?
WAR: sababaha keenay in qadiyadda falastiin ay soo ifbaxdo casrigan
 xadgudubyada joogtada ah ay israa'iil kula kaceysoshacabka
falastiin.
 deegaameynta joogtada ah ee ay kawado dhulka falastiin.
 sheegashada israa'iil ee ah in qudus ay tahaycaasimada
israa'iil .
6. WEY: tilmaan goobaha ay kashmiir ka koobnayd inta aanay hindiya kalaqeybin ?
WAR: kashmiir waxay kutaal waqooyiga fog ee qaaradda aasiya, aagga koonfureed ee
aasiyada dhexe, waxa ayna soohdimolaleedahay 4 dal oo kala ah :-
 bakistaan.
 afgaanistaan.
 shiinaha.

5 W.D: MCK
 hindiya.
7 WEY: Tix dad'yoowgii kala duwanaa ee ku'noolaa kashmiir markiilaqey'binayey ?
WAR: dad'yoowgii kala duwanaa ee ku'noolaa kashmiir markiilaqey'binayey waa:-
waxaa kamid ahaa
 hinduus
 muslimiin
 siikha
 buudiyiin.
8. WEY: sheeg awoodihii siyaasadeed ee kashmiir xakumayay markiilaqey'binayey ?
WAR: awoodihii siyaasadeed ee xukumayey kashmiir ka hor kalaqeybinta waxa kamid ah.
ingiriiska hindiya iyo bakistaan .
9. WEY: falanqee qadiyadda kashmiir taariiq ahaan ?
 kashmiir waxa ay ahayd gobol katirsan dhulka uu ingiriisku ka gumeysto
qaaradda aasiya, ilaa baarlamankiisii uu soo saaray bishii luulyo 1947dii
qaanuunkii madax bannaanida hindiya, kaas oo dhigaayo in gobolada muslimiinta
ugu badanlagu daro bakistaan, halka gobolada hinduuska ugu badan lagudaro
hindiya, iyadoo lagu saleynaayo rabitaanka dadka gobolladaas degan .
10. WEY: Sheeg isirka muslimiinta barma?
WAR: isirka muslimiinta barma waa dad kasoo haajiray "bangaal" . 11. WEY: caddee kaalinta ay
culimada muslimiintu kulahaayee in islaamkukufaafo koonfur-bari aasiya?
WAR: qarnigii 2aad ee hijriyada, koox ganacsato ah oo soo martey "aarakaan " ayaa islaamka soo
gelisay miyanmaar. waxayna ahayd xilligii khaliifkii cabaasiyiinta ee haaruun al-tashiid .
12. WEY: Sheeg dhibaatooyinka heysta muslimiinta barma?
WAR: dhibaatooyinka heysta muslimiinta barma waa:-
 shaqada oo laga ceyrinaayo.
 dhulalka iyo hantida musliimta oo lala wareegaayo .
 muslimiinta oo xabsiyada loo taxaabo.
 machadyada iyo dugsiyada muslimiinta oo laxiro.

6 W.D: MCK
13. WEY: ka faalloo qadiyadda muslimiinta barma ?
WAR: qaddiyada muslimiinta barma waa qaddiyad islaami ah, waanain lajoojiyaa isir sooca iyo
xadgudubyada dawlada barma kulakaceyso muslimiinta barma in lasiiyo muslimiinta rohinja xaqa
dhalashada dalkaas .
DOORO WEEDHA SAXDA AH:
1. dadkii ugu horreeyay ee degay dhulka falastiin waxay ahayeen :-B:
masaarida.
T:kancaaniyiinta.
J: faniiqiyiinta.
X: aaraamiyiinta .
2. kancaan waxaa loola jeedaa :
B: dhulka hooseeya. T:
dhulka buuraleyda. J:
dooxooyinka.
X: Midna
3. waxaa lasameeyay ururka sahyuuniyadda caalamiga sanadkii :-
B: 1897dii.
T: 1234tii.
J: 1896dii.
X: Midna
4. balan'qaadkii belfoor waxuu dhacay sanadkii :B: 1915tii.
T:1912dii.
J:1917dii. X:
Midna
5. dawladda israa'iil waxaa lagudhawaaqey sandkii :
B: 14 may 1948dii.T: 1
may 1945tii. J: 5
may 1950kii .
X: Midna
6. islaamku waxa uu soo gaarey kashmiir sanadkii :B:56 hijriyada.
T:90 hijriyada.
J:76 hijriga.

7 W.D: MCK
X: Midna
7. ingiriiska waxa uu hindiya qabsadey sanadkii :
B: 1819kii.
T:1880kii.
J:1890kii.
X: Midna
8. qaanuunkii madax bannaanida hindiya waxa uu soo baxey sanadkiiB: 1945tii.
T: 1947dii.
J:1955tii . X:
Midna
9. dagaalkii ugu horeeyay ee bakistaan iyo hindiya waxa uu dhacaysanadkii :
B:1949kii. T:
1945tii. J:
1920kii. X:
Midna
10. dawlada miyanmaar waxa ay ka go'day maamulkii ingiriiska eehindiya sanadkii :
B: 1927dii. T:
1930kii. J:
1937dii. X:
Midna
11. dagaalkii 2aad ee bakistaan iyo hindiya waxa uu dhacay sanadkii :
B: 1965tii.
T: 1960kii.
J: 1955tii.
X: Midna
12. dawladii barma waxa ay qabsatay gobolka aarakaan ( dhulkiiislaamka ) sanadkii :
B: 1780kii.
T:1784tii . J:
1770kii. X:
Midna
13. miyanmaar waxa ay kutaalaa :

8 W.D: MCK
B: koonfur- bari aasiya.
T:waqooyi-bari aasiya.
J:koonfir-bari afrika .
X: Midna
14. boqorkii ugu horeeyay ee gobolka aarakaan waxa uu ahaa :
B:cali shaah .
T: Suleymaan shaah.
J: maxamad al faatix. X: Midna
CUTUBKA 3AAD:-XILLIGII SOOMAALIDU KA TALINAYSAYDALKEEDA
1. WEY: Qeex ereyga dawladnimo gaarsiin ?
WAR: Dawladnimo gaarsiinta: waa qaab ka mid ah qaababkii ay curiyeendawladihii ku
adkaaday dagaalkii 2aad ee adduunka, si loogu beddelo habkii hore ee hoosgaynta.
2. WEY: Sheeg loolankii dawladaha waawayn kudhexmaray dawladnimogaarsiinta
soomaaliya ?
WAR: Koonfurta soomaaliya waxaa katalinayay maamulkii ciidan ee Ingiriiska laga soo
bilaabo 1941dii, waxaa loollan adag dhex maray
Ingiriiska oo markaas gacanta ku hayay iyo Talyaaniga oo horay u'gumaysan jiray, balse
golaha guud ee Qaramada midoobaywaxa uu go'aamiyay in soomaaliya la hoos geeyo
habka dawladnimo gaarsiinta, muddo 10 sano ah kidibna ay hesho Madax-
bannaanideeda.
3. WEY: Sheeg halka ay ku dambeeyeen gobolladii la'hoosgeeyay dawladnimogaarsiinta Qaramada
midoobay ?
WAR: Qaramada midoobay waxa ay baabi'isay hawlihiisii bishii Nofembar 1994tii,
heshiiskii dawladnimo gaarsiinta ee gobollada .
4. WEY: Sheeg sababta Qaramada midoobay u hakisay hawlihii golihiidawladnimo
gaarsiinta?

9 W.D: MCK
WAR: Sababta ayaa ahayd, Mar haddii aanay jirin gobollo ku haray gacanta
golaha dawladnimo gaarsiinta, ayaa waxaa la laalayhawlihiisii
.
5. WEY: Falanqee wixii uu xambaarsanaa go'aankii dawladnimo gaarsiintasoomaaliya ?
WAR: wixii uu xambaarsanaa go'aankii dawladnimo gaarsiinta
soomaaliya:-
 Waxa uu qorayay :
 In lahorumariyo arimaha siyaasadda
 In la kobciyo dhaqalaha gobolka
 In la horumariyo adeegyada guud sida caafimadka iyowaxbarashada.
 In la dhiso gole la tashi oo maamulka kala tashado arimaha dalka.
 In ladhiso ciidan qaran iyo ciidan boolis ah si loo sugo amniga.6. WEY: Sheeg
mudnaanta midnimadu u leedahay horumarka dalka?
WAR: Waxay u leedahay Amni iyo xasi'looni in uu helo, in uu dhismodalka, iyo in
uu awood yeesho dalka horumarne kutalaabsado .
7. WEY: Is bar bar dhig labadii maamul ee Rayidka iyo ciidanka ?
WAR: B. Soomaliya maamulka ciidan hortiis taladeedu waxa ay ku dhisnaydin si
dimoqraadi ah la isku soo doorto, sidaas awgeed cidna uma baahanayn in ay hub qaadato
si ay talada dalka u beddesho.
T. balse maamulkii ciidanka cidna fursad uma siin in ay si nabad ah awoodda ugala
wareegto, taas oo keentay in jabhado hubaysan iskudayaan in ay xoog talada uga tuuraan,
waxa ayna keentay in la dumiyo dhammaan wixii soomaalidu muddo 30 sano ka badan
dhisanaysay .
8. WEY: Sharax sababihii dhaliyay afgambiga ( kacaanka ) ciidan eesoomaaliya ?
WAR: Sababtuna waxa ay kusheegeen in aan ladagaalanno Musuq- maasuqa iyo dulmiga
bulshada kadhex jiray, sidaa waxaa yiri

10 W.D: MCK
guddoomiyaha golaha sare ee kacaanka Janaraal Maxamed siyadbarre.
9. WEY: Sheeg guulihii kacaanka talada ciidanka ee soomaliya?
WAR: Guulaha kacaanka waxa kamid ahaa fulinta mashaariic dhaqaale eedhinacyada
warshadaha, beeraha , xolaha, dhinaca arimaha bulshada waxbarashada iyo caafimaadka .
10. WEY: Sheeg gaabiskii talada ciidanka ee soomaaliya?
WAR: waxaa kamid ahaa:-
 In uu laalay dastuurkii iyo xeerarkii dalka.
 In uu baabi'iyay dhammaan hay'adihii dastuuiga ahaa.
 In uu kala diray golihii sare, kuna beddalay xisbigii hanti wadaaga. In uu soo
saaray xeerkii qoyska, culimadii diidaynatoogtay .
11. WEY: Sheeg tallaaboyinkii ugu horreeyay ee dawladda soomaaliya kudhaqaaqday ?
WAR: Barlamaankii midnimada ayaa, xaaji bashiir ismaciil u doortay gudoomiye
kumeel gaar ah, sido kale Madaxweyne kumeel gaarah u
doortay Aadan cabdulle cusmaan "Aadan cadde " waxa ayna soomaaliya xubin buuxda
kanoqotay Qaramada midoobay .
12. WEY: waa maxay Kacaan ?
WAR: Waa isbeddel saameeya dhinacyada siyaasadda iyo bulshadahorseedna
ka yahay dadweyne
13. WEY: Waa maxay Afgembi ?
WAR: Waa koox talada dal xoog kula wareegta oo gembisa hannaankiimaamul ee
horay u jiray .
14. WEY: Kumuu ahaa HALYEEY XALANE ?
WAR: Maxamed cabdulle xalane waxa uu ahaa Laba xiddigle katirsanciidanka
xoogga dalka soomaaliyeed .
15. WEY: Sheeg hadalladii waddaniyadda xambaarsanayd ee intuu dhimankula dardaarmay
saaxiibadiis HALYEEY XALANE ?

11 W.D: MCK
WAR: Waxa uu dhahay " Cadowgu bir ma aha ee burburiya , ilaashadadhulkiina iyo
calankiina " .
16. WEY: Goorma ayaa lagadhigay doorashada dalka Laba heer in y noqoto ?
WAR: waxay ahayd xilligii golihii 5aad 1955tii .
17. WEY: Goorma ayaa la go'aamiyay in golaha laga dhigo gole sharci dejin?
WAR: waxay ahayd 1955tii .
18. WEY: Doorashooyinkii la qabtay bishii maarso 1956dii imisa kursi ayeyheleen xisbiga
SYL ?
WAR: Xisbiga SYL ayaa helay 43 kursi oo kamid ah 70kii kursi .
19. WEY: Sheeg hadalkii Madaxwayne Jamaal cabdinaasir oo kuyiri wafdigii soomaaliyeed
ee la socday maydka mar xuum Kamaaluddiin saalax ?
WAR: Waxa uu yiri " Masar waxaa jooga 27 malyan oo dhammaantooddiyaar u ah in
ay u dhintaan xornimada iyo madax- bannaanida soomaaliya " .
GOOBO GALI WEERTA SAXDA AH
1. Waxa ay midoobayn labada gobol Waqooyiga iyo koonfurta:
B: 26dii maarso 1960kii
T:1dii Luulyo 1960kii .
J:26dii june 1960kii .
2. Hab-Maamulkii Rayidka waxa uu katalinayay dalka ilaa :B:1960-1965tii
T:1960-1967dii
J:1960-1969kii .
3. Hab-Maamulkii ciidanka waxa uu dalka katalinayay ilaa :B:1969-1991dii .
T:1960-1990kii
J:1965- 1991 .
4. Qaramada midoobay dawladnimo gaarsiinta waxa ay baabi'isaysannadkii :
B:1990kii

12 W.D: MCK
T:1994tii
J:1999kii .
5. dawladnimo gaarsiinta waxaa curiyay :
B:dawladihii adkaaday dagaalkii 1aad ee adduunka . T:dawladihii
adkaaday dagaalkii 3aad ee adduunka . J:dawladihii adkaaday dagaalkii
2aad ee adduunka .
6. Talyaanigu waxa uu kala wareegay Ingiriiska koonfurta soomaliya :
B: Abril 1950kii .
T:febraayo 1960kii .
J:maarso 1970kii .
7. Mudanihii ugu horeeyay ee kahadlay golaha wadatashiga hortiisawaxa uu ahaa :
B: Guuleed Axmed cali . T:C/raxmaan cali
ciise . J:Maxamed caynaanshe guuleed.
8. Afgembigii kacaanka waxa uu dhacay :
B: 21 octoobar 1961dii . T: 25
nofembar 1960kii . J: 21 octoobar
1969dii .
9. Xeerkii u horreeyay xilligii talada ciidanka waxa uu soo baxaysannadkii :
B: 1979kii.T:
1970kii . J:
1960kii .
10. Baaqii loogu magac daray MAANAFEESTO waxaa la soo saaraysannadkii :
B: May 1995tii . T:
May 1990kii .J: juun
1980kii .
11. bishii juun 1964tii waxaa Ra'iisul wasaare loo magacaabay:

13 W.D: MCK
B: c/rashiid cali sharmaarke.

T: Maxa'ed xaaji ibraahim cigaal .

J: C/risaaq xaaji xuseen .


12. Dilkii kamaaluddiin saalax waxa uu dhacay sannadkii :
B: 15kii Abril 1950kii .
T: 16kii Abril 1957dii .
J: 20kii juun 1955tii .

14 W.D: MCK
CUTUBKA 4AAD:-DHAQDHAQAAYADA XOREYNTA AFRIKA
1. WEY: Sheeg sababihii dhaliyay dhaqdhaqaaqa Mahdiga ?
WAR:Waxaa dhaliyay kacdoonadii ugu caansanaa taariikhda suudaan iyotan Afrika guud
ahaan , markii ay xukuumadda Ingiriiska kusoo rogtay canshuuro tiro badan , taas oo
keentay in uu soo ifbaxo dhaqdhaqaaqii Mahdiga Suudaan .
2. WEY: Sheeg dhacdooyinkii taariikheed ee dhaqdhaqaaqii MahdigaSuudaan?
WAR: dhacdooyinkii taariikheed ee dhaqdhaqaaqii Mahdiga Suudaan
 Mahdiga suudaan waxa uu jabiyay ciidamada Ingiriiska .
 Waxa uu dagaalo adag lagalay Maamulkii katalinayey Khartuumee Masar .
3. WEY: Sheeg sababihii uu kuguulaystay Mahdiga suudaan ?
WAR:Waxa uu taageero ballaaran kahelay shacabka suudaan isaga oo kahelay awood
usuura gelisay jabinta ciidamada Ingiriiska iyo Maamulkastoo kahoryimaada .
4. WEY: sharax kabixi taariikhdii Cumar Mukhtaar ?
WAR: Cumar Mukhtaar waxa uu dhashay sanadkii 1862dii , kuna dhashay tuulada
Janzuur ee bariga Liibiya , waxa uuna kasoo jeedaa qabiillada ugu waaweyn bariga
Liibiya , waxa uu kubarbaaray agoonnimo , waxa uu muddo 8 san ah baranayay
culuumta shareecada ee kala duwan , sida Fiqiga , Xadiiska , Tafsiirka , iyo kuwa kale
uu kabaranayay culimada ugu waaweyn .

5. WEY: Sheeg sababihii dhaliyay dhaqdhaqaaqa Cumar Mukhtaar ?


WAR: Waxaa dhaliyay dhaqdhaqaaqa Cumar Mukhtaar , Markii uu yimidgumaystaha
waxa uu kubiiray dadkii u istaagay la dagaalanka cadawga .
6. WEY: Sheeg dagaaladii Cumar Mukhtaar sida ay isugu xigeen ?
WAR: Dagaalkii ugu horeeyay waxa uu lagalay Ingiriiska xuduudda Liibiya iyo Masar
deegaanka Birdiya iyo saluum , sido kale waxauu ka qayb galay dagaalkii dhexmaray
Sanuusiyiinta iyo Faransiiska , 1911dii waxaa bilowday halgankii uu lagalay
Talyaaniga .
7. WEY: Sheeg hadalladii qiimaha badnaa ee Cumar Mukhtaar ?
WAR: Waxaa ka mid ahaa :
 " Annagu is dhiibi mayno , waan guulaysaneynaa ama waandhimanaynaa "
 " Xukun waa kii Eebbe ee ma aha kiina dhalanteedka ah " . Waxauuna kudhawaaqay
markii uu maqlay xukunkii daldalaadda .
8. WEY: Sheeg sababihii keenay kacdoonkii Azhar ee Masar ?
WAR: Waxaa dhaliyay kacdoonkii Azhar ee Masar imaatinka Faransiiskaee Masar 1dii
Luulyo 1798dii , maxaa yeelay Culimada Azhar iyo Ardaydooduba waxa ay ka
hortagen Faransiiska .
9. Tilmaam dadkii kadhex muuqday kacdoonkii Azhar ?
WAR: Waxaa ka mid ahaa :
 Muraad Beek
15 W.D: MCK
 Ibraahim Beek
 Sheekh Cumar Makram
 Sheekh cabdullaah sharqaawi
 sheekh saadaat
10. WEY: Goorma ayuu bilowday dhaqdhaqaaqii ugu horeeyay ee Azhar ?
WAR: Waxa uu dhacay 21dii Oktoobar 1798dii oo ka bilowdayagagaarka
masjidka Azhar .

16 W.D: MCK
11. WEY: Sheeg qaar kamid ah dagaaladii ay Azhar hoggaaminaysay eeQaahira ka dhacay
?
WAR: Dad gaaraya 15000 qof oo isugu jira ardey iyo dadka deggan Qaahira , ayaa
weerar ku qaadeen Janaraal Diibwii oo ah xaakimkaQaahira iyo ciidan lasocday , weyna
dileen isaga iyo in badan oo ka mid ciidankii lasocday, waxayna qabsadeen meelaha
magaalada laga soo galo .
12. WEY: Tilmaam falalkii foosha xumaa ee gumaysiga markii uu galayAzhar?
WAR: Falalkii foosha xumaa ee gumaysiga markii uu galay Azhar
 Faransiiska waxa uu si ku talagal ah u boobay kutubtii tiilaymasjidka .
 masaaxiftiina ay ku burburiyeen kabahooda iyaga iyo Yuhuudii ayu soo wateen in ay u
turjumaan .
13. WEY: Sheeg guddoomiyahii golaha kacdoonka ee Azhar ?
WAR: waxa uu ahaa " Sheekh Saadaat " .
14. WEY: Sheeg hoggaankii kacdoonkii Qaahira ee ka soo hor jeedayFaransiiska ?
WAR: Waxa ay ahaayeen " Culimda Azhar " .
15. WEY: Sheeg hoggaamiyihii ururkii dhaqdhaqaaqa koonfur Afrika ?
WAR: Waxa uu ahaa " Nelson Mandeela " .
16. WEY: Sheeg isirka dadka deggan koonfur Afrika ?
WAR: isirka dadka deggan koonfur Afrika
Waxa ay ka kooban yihiin qaybo dhawr ah, iyaga oo loofiirinayo
nadaamka midab kalasooca labo kooxood :
Caddaan tiradooda lagu qiyaaso 5 milyan.
Dadka aan caddaanka ahayn oo lagu qiyaaso 24 milyan iyo 4milyan oo ah iska
dhal iyo Aasiyaan ah .
17. WEY: Sheeg hoggaamiyahii ururka African National congress ( ANC ) ?
WAR: Waxaa hoggaaminayay "Nelson Mandeela" .

17 W.D: MCK
18. WEY: Tilmaam wax yaabihii uu qabtey ururka ( ANC ) ?
WAR: Xilligii kontameeyadii ururka ANC waxuu qabtay Ololaha la dagaalanka midab
kala sooca dhanka waxbarashada oo socdey intiiudhaxeysay 1953-1955tii , iyo Ololaha
shaqo ka fariisiga baabuurta safarrada .
19. WEY: Sheeg goorma ayaa la asaasay ururka ANC ?
WAR: Waxaa la asaasay sanadkii 1912dii isaga oo markaas la magac baxay golaha
waddaniga ee koonfur Afrika ujeedadiisana waxa ayahayd gaarsiinta xukuumada codka
Afrikaanka .
20. WEY: Goorma ayey dhacday doorashadii ugu horraysay oo ka madaxbannaan midab
kala sooc ?
WAR: Waxa ay ahayd bishii Abril sanadkii 1994tii .
21. WEY: Goorma ayuu ku biiray Mandeela garabka difaaca xuquuqda dadkamadowga ee ( ANC) ?
WAR: Waxa uu kubiiray sanadkii 1942dii .
22. WEY: Sanadkee ayaa xabsiga la dhigay Mandeela ?
WAR: Waxaa la xiray sanadkii 1961dii .
23. WEY: Maxay ahayd fariintii 1980kii oo Nelson Mandeela u soo direyGolaha Qaranka
Afrika ?
WAR: Waxa ay ahayd oo uu ku yiri " Midooba, diyaar garooba, ku dagaallama inta u
dhexeeya bannanbax iyo iska caabin hubeysanwaxa aan burburin doonnaa midab-
kala-sooca " .
24. WEY: Maxaa loo soo jeediyay Nelson Mandeela 1985tii ?
WAR: Waxaa loo soo bandhigay in uu xabsiga ku beddesho joojinta iskacaabinta
hubeysan, wuuna diiday soo jeedintaas, waxa uuna kusiijiray xabsiga ilaa 11kii
Febraayo 1990kii, xilligaas oo ay mira dhashay dhabar adaygii Mandeela iyo ururkiisa .
25. WEY: Yaa xabsiga ka'sii daayay Nelson Mandeela ?
WAR: Mandeela waxaa lagu sii daayay amarka madaxweynihii xilligaasDekalark .

18 W.D: MCK
26. WEY: Sheeg sababaha dhaliyaya dhaqdhaqaaqa xoraynta koonfur Afrika?
WAR: Waxaa dhaliyay markii ay waayeen dadkii ku noolaa koonfur Afrika
midowgoodii iyo wada jirkoodii fiicnayd an lahayn midabkala sooca.

GOOBO GALI WEERTA SAXDA AH


1) Dagalkii ugu horreeyey ee dhex mara maamulka khartuum iyo mahdiga waxa uu dhacay:
B. sannadkii 1991kii.
T. sannadkii 1884dii.
J. sannadkii 1881kii.
2) Maxamed Ra’uuf waxaa lagu bedelay nin la yiraahdo:
B. Cali Ra’uuf.
T. Cabdulqaadir oo joogay Qaahira.
J. Cabdulqaadir Ra’uuf.
X. Midna.
3) Dagaalkii ka dhacay deegaanka Ubayad waxa uu dhacay:
B. 8dii sebteembar 1882kii.
T. 6dii sebteembar 1882kii.
J. 10kii sebteembar 1883kii.
X. Midna.
4) Dagaallo goos goos ah ayaa socday intii u dhexeysay:

B. Sanadihii 1991dii ilaa 1890kii.


T. Sanadihii 1885tii ilaa 1891dii.
J. Sanadihii 1888dii ilaa 1885tii.
X. Midna.
5) Markii uu dhintay mahdiga suudaan waxaa bedalay khaliifkiisii:
B. Cabdullaahi Tacaashi.
T. Cabdulqaadir Tacaashi.
J. Tacaashi Cabdullaahi.
X. Midna.
6) Halgankii Cumar Mukhtaar uu kula jiray Talyaaniga wuxuu biloowday:

B. Sanadkii 1912kii
T. Sanadkii 1915tii
J. Sanadkii 1911dii
X. Midna.
7) Talyanigu waxa uu qabsaday batamaha iyo waqooyiga Barqa:
B. Bishii Luuliyo Sanad1914tii
T. Bishii Luuliyo Sanadkii 1814tii
J. Bishii Luuliyo Sanadkii 1924tii
X. Midna.

8) Cumar Mukhtaar waxaa gacanta lagu dhigay:


B. 11dii Sebteembar Sanad1934tii
19 W.D: MCK
T. 11dii Sebteembar Sanadkii 1831tii
J. 11dii Sebteembar Sanadkii 1931tii
X. Midna.
9) Talyaaniga waxaa laga saaray dalka:
B. Sanadkii 1949kii.
T. sanadkii 1945kii.
J. Sanadkii 1943dii.
X. Midna.
10) Azhar waxa ay kaalin weynn ka qaadatay ka hortagga gumeysigii:
B. Ingiriiska.
T. Talyaaniga.
J. Faransiiska.
X. Midna.
11) Faransiisku waxa uu dalka Masar yimid:
B. 1dii Luuliyo 1798dii
T. 10kii Luuliyo 1789kii.
J. Midna.
12) Imbaaba waxa ay ku taallaa:
B. Degmada Jiiza ee dalka Masar.
T. Degaanka Jiiza.
J. Midna.
13) Duullaanka faransiiska waxaa hoggaaminayey:
B. Naabilyoon Banabaarte.
T. Banabaarte naabilyoon.
J. Midna.
14) Dagaalka Imbaaba waxa uu nacay:
B. 21kii Luuliyo 1798kii.
T. 22dii janaayo 1798dii.
J. Midna.
15) Ururka ANC waxaa la aasaasay:
B. 8dii Janaayo sanadkii 1912dii.
T. 8dii Luuliyo 1999kii.
J. Midna.
16) Ururka ANC waxa uu sameeyey garab milatari oo lagu magic daray:
B. warankii ummadda sanadkii 1961dii.
T. waranka Afrika 1962dii.
J. Midna.
17) Mandeella waxa uu ku biirayururka ANC sanadkii:
B. 1942dii.
T. 1962dii.
J. Midna.
18) Ururka ANC waxaa madax ka ahaa Albert Joon Lotli intii u dhexeysay:
B. sanadihii 1955tii ilaa 1958dii.
T. Sanadihii 1951dii ilaa 1958dii.
J. Midna,
19) Nelson Mandeela waxa uu noqday hoggaamiyihii ugu horreeyey ee garabka hubaysan ee

20 W.D: MCK
ururka ANC:
B. Sanadkii 1961dii.
T. Sanadkii 1962dii.
J. Midna
20) Markii ugu horreysay muddo 9 qarni ku dhawaad ah waxa ay ahayd:
B. 22 juun 1800kii.
T. 20 Janaayo 1800kii.
J. midna.

21 W.D: MCK

You might also like