Taariikh Afsomali Buug Dhamaystiran

You might also like

Download as pdf or txt
Download as pdf or txt
You are on page 1of 60

BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO

KOBCI NATIIJADAADA

HORDHAC
Buuggan waxaa qoray Dr-Liiban Dahir Ciise

Kadib Culays iyo faham la’aan ka jirta buugaagta


Manhajka Cusub ee Sanad Dugsiyeedka
2020-2021 waxaan go’aan ku gaaray isla
markaana garowsaday in baahi wayn loo qabo in
Buugaagta manhajka cusub laga diyaariyo
buugaag kale u qoran qaab su’aalo iyo jawaabo
ah
Waxaa xaqiiq ah in bugaagta manhajka cusub ay
yihiin kuwa aqoontooda aad u sarayso isla markaan ay ka wanaagsan yihiin
kuwa sannadihii hore loo dhigaayey Ardayda Soomaaliyeed
Waxbarashada waa deegaan lagu badalo qaab fekerka qofka iyo hab dhaqanka
qofka sidoo kale waxbarashadu waa furaha horumarka. Waana mid kuu
horseedaysa in aan isbadal ku samayso noloshaada isla markaana aad yeelato
yool ama hadaf, ugu dambayntiina waxa ay kuu fududaynaysaa helida
hadafkaaga
Dib-u-habeynta waxbarashada waxaa lagu tiriyaa aragti qaran oo loogu talagalay
horumarinta nidaamka waxbarasho ee soomaaliya, si loo dejiyo qiyam
xoojinaaya aragtida muwaadinnimada. Madaama manhajku uu yahay aaladda
waxbarasho ee lagu hormarin lahaa
Xeeladaha waxbarashada waxa ay kaalin muhiim ah ka ciyaaraan gaarista yoolka
waxbarashada , muhiimada xeeladaha waxbarashada waxa ay u saamaxdaa in
macallimiinta iyo ardayda ay u adeegsadaan habab wax ku ool ah oo ay ku
dhexgalaan ardayda waxqabadyo ku salaysan fikradaha ku saabsan sida wax loo
baro guud ahaan
Marka la eego horumarka aqoonta hababka casriga ah ee wax loo barto,
bartaha ayaa xuddun u ah geedi socodka waxbarashada. Barashada firfircoonida
waxa ay keenaysaa sidii ay u dardar gelin lahayd habsami u socodka barista iyo
barashada. Waxa ayna bartaha ka dhigaysaa in uu si firfircoon uga qayb qaato, u
shaqeeyo, kana fikiro waxa uu bartay si uu u gaaro go’aanno una qaato ficillada
lagama maarmaanka ah

~1~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

MAHADNAQ
Marka hore waxaan u mahadnaqayaa Alle (SW) oo ii suuragaliyey in aan
diyaariyo dhiganahaan muhiimka ah , intaas kadib waxaan u mahadcellinayaa
dhamaan dhinacyadii iyo shaqsiyaadkii ka qayb qaatay soo saaridda buuggan
gaar ahaan

➢ Xubnaha Ardayda wacyigalinta Waxbarashada


➢ Aqoonyahanada iga caawiyey su’aalaha waafiga ah
➢ Maamulada Adeega Kobci natiijadaada
➢ Aqoonyahano iga caawiyey jawaabaha saxda ah
➢ aqoonyahanada kale ee iga caawiyey turxaan bixinta buugga
➢ barayaasha oo kaalin lixaad leh ka qaatay
➢ madbacadda badar oo gacan ka geysatay daabacaada buuggaagta
Manhajka Cusub
➢ wasaarada waxbarashada oo soo saartay manhajka cusub oo tayadiisu
sarayso

Ugu dambayn waxaan rajaynayaa in buuggan ay ka faaidaysan doonnaan


dhamaan ardayda dhigata Dugsiyada Dalka gaar ahaan fasalka 12aad ee dugsiga
sare , kuwaa oo doonaaya in ay sare u qaadaan aqoontooda.
Isla markaana baadi goobaaya Nuxurka iyo walaaca ku jira buugga taariiqda
dugsiga sare ee fasalka 12aad.

Mahadsanidiin

Ballanteenu waa Haka harin Asagaaga


Soomaaliya -Mogadisho
2020

~2~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

CUTUBYADA BUUGGA
Cutubka kowaad: Dawladda Cusmaaniyiinta , waxa uuna ka kooban yahay
afar cashar oo kala ah: Dawladda Cusmaaniyiinta , Nidaamka xukunka ee
Dawladdii Cusmaaniyiinta, Saladiinta ugu caansan Cusmaaniyiinta iyo
hawlahooda iyo sababihii dhicitaankii dawladda Cusmaaniyiinta.
Cutubka kowaad waxaan ka diyaariyey 21 waydiimo oo toos ah sidoo kale
waxaan ka diyaariyey imtixaan 50 waydiimo { 25 oo doorasho ah iyo 5 su’aal
toos ah }

Cutubka labaad: Qaddiyado casri ah, waxa uuna ka kooban yahay saddex
cashar oo kala ah: Qaddiyada falastiin. Qadiyadda kashmiir, qadiyadda rohinga
Cutubka labaad waxaan ka diyaariyey 39 waydiimo toos ah kuwaasi oo aan
kasoo bixiyay casharada dhexdooda sidoo kale waxaan ka diyaariyey imtixaan 15
meelaha banaan buuxi ah iyo 10 waydiimo toos ah

Cutubka saddexaad: xilligii soomaalida ka talinnaysay dalkeeda waxa


uuna ka kooban yahay saddex cashar oo kala ah: xilligii dawladdnimo
gaarsiinta ee soomaaliya,xilligii hab maamulka rayidka iyo xilligii hab
maamulkii ciidanka
Cutubka saddexaad waxaan ka diyaariyey 45 waydiimo oo toos ah
kuwaasi oo aan kasoo bixiyay casharada dhexdooda sidoo kale
waxaan ka diyaariyey imtixaan 20 waydiimo oo Run iyo been ah
Cutubka afaraad: dhaqdhaqaaqyada xoreynta Afrika, waxa uuna ka
kooban yahay afar cashar oo kala ah: dhaqdhaqaaqa mahdiga ee
suudaan, dhaqdhaqaaq sunuusiyadda { Cumar Mukhtaar} ,
Dhaqdhaqaaqii Azhar ee msar iyo dhaqdhaqaaqii koonfur Afrika.
Cutubka afaraad waxaan ka diyaariyey 43 waydiimo oo toos ah
kuwaasi oo aan kasoo bixiyay casharada dhexdooda sido kale waxaan
ka diyaariyey imtixaan 25 waydiimo oo meelaha banaan buuxi ah. Iyo
10 waydiimo oo toos ah .

~3~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

Cutubka Shanaad : Kacdoonno iyo Dagaallo waaweyn , waxa uuna ka


kooban yahay afar cashar oo kala ah : kacaankii ruushka, dagaalkii
labaad ee adduunka, dagaalkii carabta iyo sahyuuniyadda iyo dagaalkii
qaboobaa

Cutubka shanaad waxaan ka diyaariyey 30 waydiimo oo toos ah iyo


jawaabahooda kuwaasi oo aan ka soo bixiyey casharada dhexdooda
sidoo kale waxaan ka diyaariyey imtixaan 15 waydiimo oo toos ah

Cutubka lixaad: Ururrada caalamiga iyo kuwa goboleedyada, waxa uuna ka


kooban yahay afar cashar oo kala ah: Ururka qaramada midooobay, Ururka
Jaamacadda Carabta, Ururka Midowga Afrika iyo Ururka iskaashiga Islaamka

Cutubka Lixaad waxaan ka diyaariyey 35 waydiimo oo toos ah iyo jawaabahooda


kuwaasi oo aan kasoo bixiyey casharada dhexdooda sidoo kale waxaan ka
diyaariyey imtixaan 20 waydiimo oo isku aadis ah

Cutubka toddobaad: Qaddiyadaha siyaasada, waxa uuna ka kooban


yahay saddex cashar oo kala ah: Dastuurka iyo Sharciga, shuruuda iyo
dimoqraadiyadda iyo xisbiyada iyo ka qayb galka siyaasada

Cutubka toddobaad waxaan ka diyaariyey 16 waydiimo oo toos ah iyo


jawaabahooda kuwaasi oo aan kasoo bixiyey casharada dhexdooda
sidoo kale waxaan ka diyaariyey imtixaan 13 waydiimo oo toos ah

~4~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

BILOWGA CUTUBKA KOWAAD :


Dawladda Cusmaaniyiinta
1. Sheeg isirka dadka Cusmaaniyiinta?
Waa qabiil ka mida qabiilooyinka Turkiga
2. Goorma ayey soo ifbaxday dawladda
Cusmaaniyiinta?
Cusmaaniyiinta waxa ay soo galeen
Aasiyada yar qaybtii ugu dambaysay ee
qarnigii 13aad iyaga oo soo galay xilliyo kala duwan,
3. Qor warbixin ku saabsan aasaasihii Dawladda Cusmaaniyiinta?
Markii uu ardhagaral dhintay sanadkii 1288dii , wiilkiisii Cusmaan oo ah kan
dawladda loogu magac daray, ayaa loo magacaabay xukunka.
4. Sheeg qiimaha ku jira taariiqda aasaaskii Boqortooyada Cusmaaniyiinta?
Burburka dawladda Seljuuqa , ku dhawaaqida Cumar in uu ka madax -
banaan yahay seljuuqa, waxa uu u sameeyay maamulkiisa qaab dawladeed,
waxa uuna u bixiyey khilaafada Aala Cusmaan .
5. Soo Koob Horumarka dawladda Cusmaaniyiinta?
Boqortooyadii Cusmaaniyiinta waxa ay ka baxday in ay ahaato imaraad yar,
waxa ay noqotay dawladd caalami ah oo dhul ku leh saddexda qaaradood
ee dunidii hore sidoo kale waxaa kordhay xukunka iyo awoodda
Cusmaaniyiinta dawladda.
6. Muxuu ahaa dardaarankii Cusmaan ee caruurtiisa iyo saaxiibadiisa ?

Saxiibadiisa waxa uu ku yiri “Sii wada sarraynta diinta islaamka


kuna sii wada jihaadka Alle dartii.”

Caruurtiisa waxa uu ku yiri “ waxaan adigu kugu aaminay dawladdaan. u


cadaalad fal dhamaan arrimaha dadka
6. Waa maxay nidaamka xukunka ee dawladda Cusmaaniyiinta?
Hogaamiyaha ugu sarreeya ee dawladda Cusmaaniyiinta
ayaa ahaa suldaanka oo Matalaya awoodda ugu horreysa ee
saamaynta ku leh dhanka Siyaasada iyo Ciidankaba.
7. Sharrax awoodda Suldaanka ee dawladda Cusmaaniyiinta?
Suldaanka waxa uu awood ballaaran ku lahaa dhamaan ilaha
Dawladda sido kalena wuxuu ahaa madaxwaynaha dalka iyo
madaxa hay'adda islaamiga.
~5~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

8. Waa maxay nidaamka ciidanka ee Dawladda Cusmaaniyiinta?


Ciidanka Cusmaaniyiinta waxaa saldhig u ahaa fardooleyda,
waxa ayna fariisimmo ku lahaayeen soohdimaha.

9. Soo koob nidaamka maaliyadeed ee dawladda Cusmaaniyiinta?


Hay'adaha ugu muhiimsanaa Cusmaaniyiinta waxaa ka mid
ahaa arimaha maaliyada sida Xisaabinta daqliga iyo
kharashka .
10. Waa maxay Kaalinta Maamulka hay'adda islaamiga ee dawladda
Cusmaaniyiinta?
dawlada Cusmaaniyiinta waxay ahayd dawllad islaami ah,
xukunka dawladda waxa uu ku dhisnaa shareecada islaamka
taas oo hay'adda islaamiga ah ka dhigtay meel muhiim ah.

11. Sheeg suldaankii ugu caansanaa Dawladda Cusmaaniyiinta?


Suldaan Cusmaan waxa uu ahaa suldaankii ugu horeeyay ee
suldaannada Dawladii Cusmaaniyiinta
12. Soo Koob qaar kamida dadka saamaynta ku leh furashooyinka
Cusmaaniyiinta ?
Suldaan orkhaan Gaazi waxa uu qabtay awoodda sanadkii
1326dii dhimashada aabihiisa kadib
Suldaan Muraad1 waa suldaankii 3aad ee reer cusmaan
Suldaan muxammad1 wuxuu xilka la wareegay 1413-1421dii
kadib khilaaf dhex maray isaga iyo walaalihiisa oo socday ku
dhowaad 11 sanno
Suldaan muxammad al-faatix wuxuu ahaa suldankii 7aad ee
qabtay xilka khilaafada

~6~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

13. Sawir khariidad muujinaysa fiditaankii Dawladda Cusmaaniyiinta ee Yurub ?

14. Sheeg muhiimada ay leedahay qabshashadii konistantanoobal ee dawladda


Islaamka ?
Muhiimadu waxa ay ahayd in magaalada lagu wareejiyo
muslimiinta si loo badbaadiyo dadka deggan
noloshooda,caadooyinkooda iyo Hantidooda

15. Sheeg muhiimada ay Cusmaaniyiinta u lahayd furashooyinkii yurub ?


Waxa ay la waregeen doomaha romaanka, waxay qabsadeen
dekaddii qalcadda Tarnab sido kale waxay fududaysay furashadii
konistantanoobal
16. Soo koob mudada Horumarka ilbaxnimada islaamka ee xiligii Dawladda
Cusmaaniyiinta?
dhaqdhaqaaqa cilmiga ee dalka waxa uu ka marag kacayay
horumar isdaba joog ah. Sido kale mudo gaaban ayuu ku faafay
dhaqanka islaamka Gobollada Bariga Ruumeeli
17. Soo Koob sababihii gudaha ahaa ee horseeday dhicidii dawladda
Cusmaaniyiinta?
Heshiis la'aan ka dhex jiray dadka ku hoos nool dawladda
Ka fogaanshaha shareecada islaamka
Suldaano ka leexday dariiqii toosnaa
18. Sheeg sababaha dibadda ah ee horseeday dhicitaankii Dawladda
Cusmaaniyiinta?
Jiritaanka xuquuq iyo mudnaan gaar ah oo loo fidiyay dadka yurub
Soo bixitaanka awood kale oo ah ruushka taas oo gashay kaalinta
dawladda Cusmaaniyiinta
Guuldarooyinkii soo gaaray ciidamada Dawladda Cusmaaniyiinta

~7~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

19. Qor warbixin ku saabsan sababihii keenay burburka dawladda


Cusmaaniyiinta?
Fiditaanka xisbiyo iyo dhaqdhaqaaqyo gooni goosadka iyo mid
qawmiyadeed
Ka qayb galkii dagaalkii kowaad ee dunida wuxu saamayn wayn ku
yeeshay tabardarida iyo burburka.
20. Sawir khariidad muujinaysa soohdimaha Dawladda Cusmaaniyiinta markii ay
dhacaysay?

21. Sheeg Kaalinta Dulmiga iyo kibirka ee dhicitaankii Dawladda Cusmaaniyiinta?


Fargelin lagu sameeyay arrimaha Dawladda Cusmaaniyiinta
Ku dhaqaawida in ay baaba'day khilaafadii Cusmaaniyiinta
Ka fogaanshaha shareecada islaamka
Nidaamka xukunka oo noqday keligii talisnimo
Kala qaybinta bulshada gudaha
Musuqmaasuq maaliyadeed
Jahwareer Dhaqaale iyo mid bulshadeed
Laaluushka oo fiday

Buuga su’aalaha ku jira guud ahaan Cutubka kowaad waa 21 waydiimo oo toos
ah isagoo markaa loo qaybiyey afar cashar. Kuma Caawinayaan su’aalahan oo
kaliya waxaad sidoo kale u baahan tahay in aad aqriso casharada isla markaana
aad kala baxdo nuxurka iyo walaaca ku jira Cutubka kowaad.

~8~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

Si aad ula baxdo nuxurka iyo walaaca ku jira buuga waxaan hoos kuugu qoray
Ciwaanada ugu muhiimsan Cutubka kowaad.

Muraajico casharka 1aad


Soo if-bixii Dawladda Cusmaaniyiinta
Asaasaha Dawlada Cusmaaniyiinta
Heerarkii ay so martay Dawlada Cusmaaniyiinta
Muraajico Casharka 2aad
Nidaamka dawladeed ee dawladdii Cusmaaniyiinta
Nidaamka diiwaanka ee Dawladdii Cusmaaniyiinta
Nidaamka maamulka Dawladdii Cusmaaniyiinta
Nidaamka maaliyadeed ee Dawladdii Cusmaaniyiinta
Hanaanka islaamiga ee Dawladdii Cusmaaniyiinta
Nidaamka ciidan ee dawladdii Cusmaaniyiinta

Muraajico Casharka 3aad


Suldaanada ugu caansanaa iyo furashooyinkooda
Kaaalinta suldaan Orkhaan
Furashooyinka suldaan muraad 1
Furashadii konistantanoobal
Baraaruga cilmiga Dawladdii Cusmaaniyiinta
Muraajico Casharka 4aad
Sababihii gudaha ( Tabardarida D,C )
Sababihii dibadda ( Dhicitaankii B,C )
Dhamaadka Dawladda Cusmaaniyiinta

DHAMAAD CUTUBKA KOWAAD

~9~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

Waxaa gabi ahaanba halkaasi ku dhamaday cutubka kowaad oo ka hadlaayey


Dawladda Cusmaaniyiinta
runtii marka uu cutub kuu idlaado waxaa muhiim ah in aad tijaabiso Naftaada
isla markaana aad qiimayso heerkaga aqooneed.
Sidaa darteed waxaa halkaan kuugu diyaarinay imtixaan la xiriira cutubka
kowaad.

Tijaabi naftaada wax walba oo billow ah wey adagyihiin balse qofka u dhabar
adeega isla markaana joogteeya wuu ku guulaysanaya.

QAYBTA KOWAAD DOORO JAWAABTA SAXDA AH


1. Goormee la’aas aasay dawladda cusmaaniyiinta
B) Qarnigii 14aad T) Qarnigii 12aad J) Qarnigii 11aad X) Qarnigii
13aad
2. Goormee ayuu dhintay Ardhugaral
B) Sanadkii 1289 T) Sanadkii 1298 J) Sanadkii 1288 X) Midna
3. Dawladda Cusmaaniyiinta waxay ahayd dawlad
B) Kooxeed T) islaami J) Qabaailo X) Qoys Kh) Midna
4. Dawladda Cusmaaniyiinta bilowgedii waxa ay soo martay
B) 2 Marxaaladood T) 4 Marxaaladood J) 8 Marxaaladood X)
Midna
5. Sheeg isirka cusmaaniyiinta
B) Somaali T) Carab) J) Masar) X) Jaziirada Cusmaaniyiinta kh)
Midna
6. Dawladda Cusmaaniyinta Waxay dhul ku lahayd
B) 3 qaaradood ee dunidii hore T) 2 qaaradood ee dunidii hore J)
Midna
7. Ciidanka Cusmaaniyiinta Waxaa saldhig u ahaa
B) Liibiya T) kashmiir J) fardooleyda X) Turki kh) Mogadisho
8. Suldaanka ugu caansanaa dawladdii cusmaaniyiinta waxa uu ahaa

~ 10 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

B) Suldaan orkhaan T) Suldaan Cusmaan J) Suldaan muraad 1


9. Duullaankii ugu horeeyay ee cusmaaniyiinta waxaa uu yimid kadib
markii ay burburtay
B) Dawladda Seljuuqa T) Dawladda bizantiinka X) Midna
10. Dawladdii Cusmaaniyiinta waxaa ciidanka loo arkayey in ay yihiin
aalada
B) Nidaamka iyo aqoonta T) Xukunka iyo dagaalka X) Wacyiga iyo
gumaysiga
11. Cusmaan waxaa xukunka kaga dambeeyay wiilkiisa
B) Al-faatix T) Muraad2 J) Orkhaan X ) midna
12. Maxamed al-faatix waxa uu furtay
B) Seljuuqa T) Bisantiin J) konistantanoobal x) Somaaliya kh)
Midna
13. Dhamaadka Dawladda Cusmaaniyiinta Waxaa Qasab Noqotay in
loo qaybiyo
B) 33 gobol T) 32 gobol J) 31 gobol X) 12 gobol kh) 10 gobol
14. Awoodda Ciidamada biizantiinka uma dhigmin kuwa
B) Seljuuqa T) Muslimiinta X) Somaali KH) Midna
15. Suldaankii 3aad ee reer Cusmaan waxa uu ahaa
B) Suldaan Muraad2 T) Suldaan Muraad1 J) Qashuuqi X)
Midna
16. Cusmaan Waxa uu la il darnaa Xanuunka
B) Xanuunka lafaha T) Xanuunka Dhimirka J) Xanuunka kala
goysyada Xubnaha

17. Sheeg suldaankii 7aad ee qaybtay xilka khilaafada


B) Maxamed al-faatix T) Muraad2 J) Orkhaan X)
Midna
18. Suldaan Orkhaan Gaazi waxaa uu qabtay awoodda Sanadkii
B) 1234dii T) 1326dii J) 1444 X) 1243 Kh) Midna
19. Suldaan muxammad1 wuxuu xilka la wareegay
B) 1412-1421 T) 1421-1432 J) 1413-1421 X) Midna
~ 11 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

20. Khilaafka dhexmaray Suldaan muxammad1 iyo walaalihiisa waxa uu


socday
B) 1sano T) 11sano J)8sano X) 15 sano Kh) 3 sano D)
Midna
21. Suldaanka waxa uu awood ballaaran ku lahaa dhamaan ilaha
B) Maraakiibta T) Dhulka iyo Badda X) Dawladda kh) Midna
22. Xukunka dawladda waxa uu ku dhisnaa
B) Xeerka iyo dhaqanka T) Maamulka gobolka J) Shareecada
islaamka
23. Hay’adaha ugu muhiimsanaa Cusmaaniyiinta ee arimaha maaliyada
waxaa ka mid ahaa
B) Qudaarta cagaaran T) Beeraha iyo Dalaga J) Xisaabinta Daqliga
iyo Qarashka
24. Muhiimada Qabsashadii konistantanoobal Waxay ahayd in lagu
wareejiyo
B) Wiilka Cusmaan T) Muslimiinta X) Dawladda Cusmaaniyiinta
25. Suldaan Cusmaan waxa uu dhintay isaga oo jira
B) 60 sano T) 80 sano J) 70 sano ?

Qaybta labaad KA JAWAAB SU’AALAHA


1. Muxu ahaa dardaarankii Cusmaan ee Caruurtiisa iyo Saaxibadiisa ?
2. Sheeg Muhiimada ay leedahay qabsashadii konistantanoobal ee
dawlada islaamka ?
3. Soo koob sababihii gudaha ahaa ee horseeday dhicidii dawladda
Cusmaaniyiinta ?
4. Qor warbixin ku saabsan sababihii keenay burburka dawladda
Cusmaaniyiinta ?
5. Sheeg nidaamka dawladeed ee cusmaaniyiinta ?

~ 12 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

SOO KOOB NUXURKA IYO WALAACA KU JIRA CUTUBKA KOWAAD

~ 13 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

CUTUBKA LABAAD: QADDIYADO CASRI


AH { QADIYADDA FALASTIIN }
1. Qeex qaab dhismeedka deegaanka falastiin
?
Falastiin waxa ay ku taalla dhanka
koonfur bari ee Badda dhexe, waxa
ayna ku teedsan tahay xeebta bari
ilaa daadegga Urdun.
2. Muxuu ka dhigay deegaanka istaraatiijiga ee falastiin ?
Wuxuu ka dhigay goob ay ku kulmaan diimaha iyo ilbaxnimooyinka
3. Kuma ayey ahaayeen kancaaniyiinta ?
Waa dadkii ugu horeeyay ee soo dagay dhulka falastiin
4. Sheeg sida ay qadiyadda falastiin ugu wayn tahay Muslimiinta ?
Dhulka falastiin waxa uu meel weyn kaga yaallaa Muslimiinta waxa
ayna u arkaan dhul la daahiriyay sida uu quraanku ku tilmaamay
aayadda 21 ee suuradda Al-maai’dah
ُّ َ َ َ ُ َ ُ َّ َ َ َ َّ َ َ َّ َ ُ ْ َ ْ َ ْ ُ ُ ْ ْ ‫َي ا َق‬
‫اَّلل ل ك ْم َو َل ت ْرت د وا‬ ‫ت كتب‬ ‫َ ي‬ِ ‫ال‬ ‫ة‬ ‫س‬ ‫د‬ ‫ق‬ ‫م‬ ‫ال‬ ‫ض‬‫ر‬ ‫اْل‬ ‫وا‬ ‫ل‬ ‫خ‬ ‫اد‬ ‫م‬ِ ‫و‬
َ‫َل َأ ْد َب ار ُك ْم َف َت ْن َق ل ُب وا َخ اِسين‬
ٰ َ‫ع‬
ِ ِ ِ ِ
Iyo dhul barakeysan sida ku cad aayadda 1 ee suuradda Al-israa

‫صا ٱلَّ ِذى بَََٰرْكنَا َح ْولَهُۥ‬ ِِ ْ ‫َسَر َٰى بِ َعْب ِدهِۦ لَْي اًل ِم َن ٱلْ َم ْس ِج ِد‬
َ ْ‫ٱْلََرِام إِ ََل ٱلْ َم ْسجد ْٱْلَق‬ ْ‫ىأ‬
ِ ‫سبح‬
ٓ ‫َٰن ٱلَّذ‬
َ َ ُْ
ِ ِ َّ ‫لِنُ ِريهۥ ِمن ءايَٰتِنَآ ۚ إِنَّهۥ هو‬
ُ‫يع ٱلْبَصي‬
ُ ‫ٱلسم‬ َ ُ ُ َ َ ْ َُ
5. Goormaa ayuu nabi ibraahim [NNKH] yimid dhulka falastiin ?
1900 NCH
6. Sheeg badka ay ku fadhido falastiin ?
Badku falastiin waa 27km2
7. Halkuu ka yimid magaca falastiin ?
Magaca falastiin waxaa laga keenay dad ka yimid badda iija ama
jaziirada takriit ee aasiyada yar
8. Immisa salaadood ayey u dhigmataa salaada lagu tukado masjidu Al- aqsaa ?
Waxay u dhigmataa halki salad lagu tukado masjid al –aqsaaa 500
salaadood
9. Sheeg anbiyada ama nabiyada laga soo saaray dhulka falastiin ?

~ 14 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

Nabi ibraahim , nabi luudh , nabi isxaaq , nabi yacquub ,


nabi sulaymaan , nabi saalax , nabi zakariye , nabi yaxye , nabi ciise
( nabadgelyo korkooda ha ahaatee )
10. Goormaa ayaa lasoo diray nabi Muuse ?
Waxaa lasoo diray qarnigii 13aad NCH.
11. Goortee lagu wareejiyay Qudus magaalo madaxda, yaana ku wareejiyay ?
Qudus waxaa magaalo madaxda loo wareejiyay sanadkii 995 NCH ,
waxaana ku wareejiyay nabi Daauud, waxa uuna xukumaayey ilaa 963
NCH.
12. Kuma ayaa badalay nabi Daauud ?
Waxaa badalay wiilkiisa sulaymaan.
13. Goormaa ayuu geeriyooday nabi Sulaymaan ?
Nabi sulaymaan waxa uu geeriyooday sanadkii 923 NCH
14. Goortee ayey kala go’day falastiin ?
Falastiin waxay kala go’day sanadkii 923 NCH, waxayna u kala go’day
labo, boqortooyada waqooyiga falastiin iyo tii Qudus
15. Sanadkee ayey falastiin gacanta u gashay faarisiyiinta ?
Sanadkii 539 NCH
16. Goormaa la asaasay ururka sahyuuniyadda caalamiga , yaase
hogaaminaayey ?
Sannadkii 1897dii , waxaana hogaaminayey weriye thiyuudoor Harsal.
17. Goortee ayey soo saartay qaramada midoobay go’aankii lagu kala
qaybinaayey falastiin ?
Waxay soo saartay sannadkii 1947dii
18. Maxaa ka mid ahaa go’aanadii ay soo saareen golaha amaanka iyo golaha
guud ?
In ay kusoo laabtaan dhulkooda iyo in magdhow la siiyo qaxootiga
falastiin
Waxaa israa’iil laga codsaday in ay ka baxdo dhulka ay haysato
Waxaa laga codsaday in ay joojiso deegaanada cusub ay ka dhiseeso
falastiin.
19. Qeex qaab dhismeedka deegaanka istiraatiijiyada ee kashmiir ?
Kashmiir waxa ay ku taallaa waqooyiga fog ee qaaradda Aasiya aaga
koonfureed ee Aasiyada dhexe.
20. Sheeg kashmiir dawladaha ay soohdimaha la leedahay ?
Shiinaha ,Afgaanistaan, Bakistaan iyo Hindiya

~ 15 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

21. Sheeg baaxada deegaanka kashmiir iyo tirada dadka degan ?


Baaxadddeedu waa 240 kun km2 halka dadka dadkeeduna ay
gaarayaan 12 milyan , 80% waa Muslimiin
22. Sheeg ahmiyadda kashmiir ay u leedahay Hindiya ?
Kashmiir waxa ay goob istaraatiji , difaac iyo ammaanka u tahay
dhamaan dalalka Hindiya, Bakistaan iyo shiinaha .
23. Sheeg muhiimadda kashmiir ay u leedahay Hindiya ?
Waxa ay xayndaab uga tahay falsafadda Bakistaan eek u dhisan diinta
Madax banaanideeda waxa ay furaysaa albaab xiran oo aan la
xakamayn Karin kaasoo hortaagan gobollo ku kala duwanyihiin diin isir
iyo luuqad
Jiritaan gobol uu dadkiisu u badan yahay muslimiin waxa uu xoojinaya
falsafadda xukunkeeda ee calmaaniga ah
24. Sheeg muhiimada kashmiir ay u leedahay Bakistaan ?
Waa meesha ay ka soo baxaan saddex wabi oo halbowle u ah nolosha
Bakistaan
Waa il laga helo dad saldhig difaac u ah waqooyiga bakistaan
Waxa ay xoog dadeed oo muslimiin ah u tahay gobolka Bunjaab
25. Goormaa ayuu islaamku soo gaaray kashmiir ?
Waxa uu soo gaaray qarnigii kowaad ee hijriyada gaar ahaan sanadkii
90 hijriyada
26. Sharrax kooban ka bixi kaalintii ingiriiska ku lahaa qadiyadda kashmiir ?
Ingiriiska waxa uu sanadkii 1819kii qabsaday hindiya , waxa uu iska
caabbin xoog leh kala kulmay Muslimiinta , waxaana dhex maray
dagaallo uu la kaashanaayey hinduuska
27. Sharrax kooban ka bixi soo- ifbaxa qadiyadda kashmiir ?
Kashmiir waxa ay ahayd gobol ka tirsan dhulka uu ingiriisku gumaysto
qaaradda Hindiya, ilaa baarlamaankiisii uu soo saaray bishii luulyo
1047dii qaanuunkii madax-bannaanida Hindiya
28. Sheeg shuruudahii xabad joojinta dagaalkii dhex maray ciidanka hindiya iyo
bakistaan ?
In labada ciidan ay dib ugu noqdaan goobohoodii hore
In xiriirka caadiga ahaa lasoo celiyo
In la xalliyo dhibaatada qaxootiga
In lasii daayo maxaabiista la kala haysto
In dacaayadaha la joojiyo

~ 16 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

29. Qeex qaab dhismeedka deegaanka miyanmaar- barmadii hore ?


Waqtiyadii hore waxaa loo yaqinay Barnaamiya, waxa ayna ku taallaa
soohdimaha u dhexeeya dad kala haysta dhaqamada hinduuska ,
konfuushiyuuska iyo Buudismaha.
30. Sharrax kooban ka bixi dawladda Miyanmaar ?
Dawladda miyanmaar waxa ay ka mid tahay dawladaha koonfur bari
Aasiya oo ka go’day maamulka ingiriiska ee hindiya sanadkii 1937dii
31. Sheeg baaxada deegaanka miyanmaar iyo tirade dadka degan ?
Bedkeedu waa 680kun km2, halka dadkeeduna ay gaarayaan 60
milyan , oo 20% ay yihiin Muslimiin
32. Sharrax kooban ka bixi Gobolka Aarakaan?
Gobolka Aarakaan ( dhulkii islaamka ), waxaa koonfurta bari ee Aasiya
ka dhisnayd dhawr qarni dawlad islaami ah oo madax-bannaan . inta
aysam barma qabsan kuna darsan gobolladeedi 14ka ahaa sanadkii
1784tii
33. Sheeg xilliga iyo qaabka uu islaamku kusoo galay Aarakaan ?
Qarnigii labaad ee hijriyada, koox ganacsata ah oo soo martay
Aarakaan, ayaa islaamka soo gelisay Miyanmaar,
34. Kuma ayuu ahaa boqorkii ugu horeeyay ee boqortayadii islaamiga ahayd
Aarakaan ?
Sulaymaan shaah oo talada hayey 48 sano, ilaa uu ingiriisku qabsaday
sanadkii 1848dii barmana ay soo ceshatay sanadkii 1948dii
35. Sheeg qaabkii loo isir gooyay Muslimiintii Ruhinga ?
Looma aqoonsayn in ay ka tirsan yihiin 135ta kox eek u nool dalka
Waxa loo diiday sanadkii 1982dii muwaadinnimada dalka oo wax
dhalasha ah ma haystaan
Badankood waxa ay ku noolyihiin gobolka raakhiin oo ku yaallo xeebta
galbeed ee dalka, kamana bixi karaan oggolaansho la’aan
36. Sheeg qaabkii loo qixiyay loona xasuuqay Muslimiintii Ruhinga ?
Sanado badan muslimiinta Ruhinga waxa ay la kulmayeen isir goyn iyo
barakicin qasab ah,
Ciidanka barma oo gacan ka helaayo ingitiiska , waxa ay xasuuqeen
dad gaaraayo 30 kun oo muslimiinta ruhinga ah sanadkii 1938
Iyo mid kale oo dhacay sanadkii 1942dii oo lagu xasuuqay 100 kun oo
kale

~ 17 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

Kadib ciidanka marka ay la wareegeen talada dalka miyanmaar


sanadkii 1962dii waxa ay si is-dabajoog ah barkicin qasab ah ugu
sameeyeen dad ka badan laba Milyan oo muslimiin ah
37. Sharrax kooban ka bixi bilowga Qadiyadda Muslimiinta Ruhinga ?
Qadiyadda Ruhinga waxa ay soo bilaabmeysaa sanadkii 1784tii, markii
uu boqor buudabaay oo buudiiste ahaa qabsaday Gobolka Aarakaan ,
uu ku daray Barma.
38. Goormee Barma ay madax-bannaanida ka qaadatay maamulka ingiriiska ?
Sanadkii 1937dii
39. Maxaa lagu eedeeyay ciidamadii miyanmaar sanadka marku ahaa bilowga
2017dii ?
Dil iyo kufsi wadareed gaarsiisan dembiyada ka dhanka ah aadanaha

Cutubka Labaad su’alaha aynu kasoo bixinay waxa ay gaarayaan ilaa 26


Waydiimo Macquul ah isagoo markaa loo qaybiyey saddax cashar.
Kuma Caawinayaan su’aalahan oo kaliya waxaad sidoo kale u baahan tahay in
aad aqriso casharada isla markaana aad kala baxdo nuxurka iyo walaaca ku jira
Cutubka labaad.
Si aad ula baxdo nuxurka iyo walaaca ku jira buuga waxaan hoos kuugu qoray
Ciwaanada ugu muhiimsan Cutubka Labaad

Muraajico Casharka 1aad


✓ Deegaanka falastiin iyo mudnaanta dhulkeedda
✓ Dadkii ugu horeeyay ee degay falastiin
✓ Mudnaan ay falastiin u leedahay Muslimiinta
✓ Qadiyadda Falastiin
Muraajico Casharka 2aad
✓ Deegaanka kashmiir
✓ Ahmiyadda kashmiir u leedahay Hindiya iyo Bakistaan
✓ Xilliga uu islaamku soo gaaray kashmiir
✓ Qadiyadda Kashmiir
Muraajico Casharka 3aad

~ 18 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

✓ Deegaanka miyanmaar
✓ Qaabkii islaamka kusoo galay Aarakaan
✓ Qicii iyo isir goynta Muslimiinta Ruhinga
✓ Qadiyadda Muslimiinta Ruhinga
✓ Halka ay qaramada midooobay ka taagan tahay qadiyadda Ruhinga

DHAMAAD CUTUBKA LABAAD


Waxaa gabi ahaanba halkaasi ku dhamaaday cutubka Labaad oo ka
hadlaayey Qaddiyadaha Casriga
Runtii marka uu cutub kuu idlaado waxaa muhiim ah in aad tijaabiso
Naftaada isla markaana aad qiimayso heerkaga aqooneed.
Sidaa darteed waxaa halkaan kuugu diyaarinay imtixaan la xiriira
cutubka Labaad
Tijaabi naftaada wax walba oo billow ah wey adagyihiin balse qofka u
dhabar adeega isla markaana joogteeya wuu ku guulaysanaya
Meelaha banaan buuxi
1. Deegaanka istaraatiijiga waxa uu falastiin ka dhigay goob ay ku kulmaan
___________ iyo __________________
2. Falastiin waxa ay ka mid tahay goobaha leh Mudnaanta ______________
3. Kancaaniyiinta ayaa ahaa dadkii ugu horeeyay ee soo degay
________________ inta u dhaxaysay 3000 ilaa ________ NCH.
4. Kancaaniyiinta dhulka falastiin waxaa lasoo degay ______________
iyO ______________
5. Kacaan waxaa loola jeeda ________________
6. Aaram waxaa loola jeeda________________
7. Dhulka falastiin waxa uu meel wayn kaga yaallaa ________________
8. Kashmiir waxa ay ku taallaa waqooyiga fog ee qaarada ____________
9. Islaamka waxa uu soo gaaray kashmiir qarnigii _______________
10. Ruhinga waa dad Muslim ah oo ku dhex nool dawladdan ku taallo
_________________

~ 19 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

11. Daba-yaaqada sanadkii 2014tii Qaramada midoobay ayaa soo saartay


go’aan ku gubaabinaaya xukuumadda _______________
12. Sannado badan Muslimiinta waxa ay la kulmeen isir goyn iyo
_____________ qasab ah
13. Xoghaayihii guud ee qaramada midoobay sanadkii 2016 waxa uu ahaa
_________________
14. Miyanmaar waxaa waqooyi bari ka xigta Shiinaha, waqooyi galbeedna
______________ iyo Bangaaladeesh
15. Ingiriiiska waxa uu hindiya qabsaday Sanadkii ________________

Qaybta labaad waydiimo toos ah


1. Sheeg qaab dhismeedka deegaanka falastiin ?
2. Sheeg sida qadiyadda falastiin ugu wayntahay muslimiinta ?
3. Sheeg taariikhda falastiin ee xilliyada kala duwanaaa ?
4. Sheeg waxa keenay in qadiyadda falastiin ay soo ifbaxdo casrigan ?
5. Sheeg dadyowgii kala geddisnaa eek u noollaa falastiin ?
6. Sheeg isirka muslimiinta Barma ?
7. Sheeg badka dhulka falastiin ?
8. Sheeg badka dhulka kashmiir?
9. Sheeg qaabkii uu kusoo galay islaamka Aarakaan?
10. Sheeg qaabka loo isir goyay muslimiinta Ruhinga ?

DHAMAAD CUTUBKA LABAAD


“HAKA HARIN ASAGAAGA “
“KOBCI NATIIJADAADA”

~ 20 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

SOO KOOB NUXURKA IYO WALAACA KU JIRA CUTUBKA LABAAD

~ 21 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

CUTUBKA 3AAD XILLIGII SOOMAALIDU KA


TALINAYSAY DALKEEDA
1. Goorma ayey Soomaaliya Hanatay
Gobonimada ?
1’da Luuliyo 1960kii
2. Immisa Hab ayaa loo qaybin karaa maamulkii
xilligaa jiray ?
2- Maamulka Rayidka iyo Maamulka
Ciidanka
3. Sharrax kooban ka bixi Macnaha Dawladnimo Gaarsiinta ?
Waa hal ku dhig Siyaasadeed iyo Mid sharci oo looga golleeyahay in
gobol la hoos geeyo Maamul Dawlad kale
4. Yaa sameeyay fekerka Dawladnimo Gaarsiinta ? Sheeg Sanadka
Qaramada Midoobay , Sanadkii 1945tii
5. Sheeg qodobada hoos gaynta ee Dawladnimo gaarsiinta
Gobollada lagu maamuli jiray habkii hoosgaynta
Gobolo laga soo gooyay dawladaha cadawga
Gobolo doonistooda lagu hoosgaynayo cidda mas’uul ka noqonaysaa
maamulkooda
6. Sheeg Sanadka qaramada midoobay ay baabi’isay heshiiskii dawladnimo
gaarsiinta ?
Sanadkii 1994tii.
7. Sheeg dawladdii ka talin jirtay koonfurta soomaaliya sanadkii 1941dii ?
Maamulkii ciidan ee ingiriiska ?
8. Yuu u dhaxeeyay loollankii adkaa ka dib markii lasoo bandhigay in soomaaliya
la hoos geeyo habka dawladnimo gaarsiinta ?
Talyaani iyo ingiriiska
9. Maxay qaramada midoobe go’aamisay ?
In soomaaliya la hoos geeyo habka dawladnimo gaarsiinta
10. Immisaa Sano Ayaa lagu xaddiday in ay hesho madax banaanida ?
10 sano
11. Sheeg Bisha iyo Sannadka Talyaani kala wareegtay ingiriiska koonfurta
Soomaaliya ?
Bisha abriil 1950kii
12. Kuma ayuu ahaa mudanihii ugu horeeyay ee ka hadla golaha hortiisa
Abdirahmaan Cali Ciise.
~ 22 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

13. Goormaa ayuu dhamaaday kalfadhigii Kowaad ?


Octoobar 1951dii
14. Sheeg gudoomiyihii loo magacaabay Degmada Diinsoor ?
Sheekh Munye
15. Immisaa gudoomiye ayuu yeeshay Golaha ?
Labo gudoomiye ku xigeen oo Soomaali ah
16. Kuma ayaa loo magacaabay hawl-wadeenka xaakimka Guud ?
Dr- Maxamed Sheekh Axmed Gabyow
17. Goormaa ayaa la qabtay waqtiga doorashooyinka ?
Bisha Maarso 1954tii
18. Immisa kuraas ayey ku guulaysteen ururka S.Y.L ?
43 kursi
19. Kuma ayaa loo doortay guddoomiyaha golaha sharci dajinta ?
Mudane Aadan Cabdulle Cusmaan
20. Maxay ahayd shaqada kamaaluddiin Saalax ?
Wuxuu ahaa safiirkii Masar ku metalaayey golahii la tashiga ee
qaramada Midoobay.
21. Sheeg Sanadka iyo Bisha madaxwaynaha uu soo magacaabay Ra’iisul
wasaaraha Abdirisaaq Xaaji Xuseen ?
Bisha Juun 1964tii
22. Waxaad sheegtaa waxyaabaha uu ra’iisul wasaaraha ku xushay xukuumada
uu soo dhisay ?
Karti , Khibrad iyo Hufnaan
23. Waxaad sheegtaa habkii ay ku imaan jireen xukuummadii ka horeysay
Xukuumada aynu kor kusoo xusnay ?
Awood qaybsi beeleed
24. Goormaa ayaa la qabtay doorashadii madaxtinimada ?
Bishii juun 1967dii
25. Kuma ayaa ku guulaystay doorashada madaxtinimada sanadkii 1967dii ?
Abdirashiid Cali Sharma’arke
26. Kuma ayaa loo magacaabay ra’iisul wasaare ?
Maxamed Xaaji ibraahim Cigaal
27. Sheeg siyaasada Soomaaliya waxa ay ku dhisnayd Sanadka markuu ahaa
{1960- 1969 }
Xisbiyo badan iyo habka baarlamaaniga ah
28. Kuma ayaa hogaaminaayey Afgembigii ka dhacay Soomaaliya ?

~ 23 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

Saraakiisha ciidamada qalabka sida xooga dalka iyo Booliiska


29. Kuma ayaa garwadeen ka ahaa ama hor kacaayey af gembigaas ?
Jeneraal Maxamed Siyaad Bare
30. Waxaad sheegtaa sannadka iyo waqtiga uu dhacay isku daygii ahaa af
gembinta ?
21kii oktoobar 1969kii
31. Maxay ka dhigan tahay dhacdadaan af gembinta ah ?
Isbeddel muhiimad ku leh taariiqda Soomaaliya
32. Immisaa ayey ahaayeen qolaha sare ee soo dhisay taliyaha ciidanka xooga
dalka ?
25 saraakiisha ciidamada qalabka sida { 19 xoogga ah iyo 6 boliis ah ?
33. Muxuu qabtay golaha sare ee kacaanka ?
Waxa uu laalay dhamaan dastuurkii iyo xeerarkii dalka ?
Kala diray baarlamaankii
Baabi’iyay xisbiyadii siyaasadeed
Muddo 10 sanno ah dalka ku xukumaayey wareegto
34. Goormee ayey soo baxday xeerarkii ugu horeeyay xilliga tallada ciidanka ?
Sanadkii 1979kii
35. Dhaqankee bay qaateen golaha ?
Ku dhaqanka Hannaanka Hantiwadaaga
36. Maxay bilaabeen Xubnaha golaha sare ?
Loollan dhexdooda ah
37. Goormaa ayuu dhicisoobay isku daygii afgembiga ?
Sanadkii 1978
38. Maxay lumiyeen maamulka ciidanka ?
Kalsoonidii uu dadka ku qabay
39. Goormaa ayaa samaysmay jabhada hubaysan oo u abaabulan hannaan
beeleed ?
1978- 1989
40. Goormaa ayaa la soo saaray baaqii loogu magac daray Maanafeesto ?
Bisha May 1990kii
41. Immisa qof bay ahaayeen waxgaradkii bulshada soo saaray baaqa
maanafeesto ?
114 Qof
42. Muxuu kacaanku ku guulaystay muddadii 7da sano ahayd ?
Waxa uu ku tallaabsaday guulo muuqda

~ 24 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

43. Maxaa ka mid ah waxyaabaha kacaanka lagu dhaliilay ?


Soo saaridda xeerkii qoyska
Cullimadii diidayna toogtay
Laalay dastuurkii iyo xeerarkii dalka
44. Yaa qoray AFKA HOOYO sidoo kale Sheeg sababta loo qoray afka hooyo ?
Waxa qoray kacaanka , sababtuna waa si loo ilaaliyo kaydka dhaxalka
ah ee dhaqanka soomaaliyeed heer qaran.
45. Muxuu qoraayey heshiiska dawladnimo gaarsiinta ee soomaaliya ?
In la hormariyo arrimaha siyaasada , bulshaduna ka qayb gasho
maamulka si loogu diyaariyo bulshada gobolka in ay is maamulaan
In la kobciyo dhaqaalaha gobolka, lana hormariyo bulshada iyadoo la
dhawraayo dhamaan xuquuda
Cutubka saddaxaad su’alaha aynu kazoo bixinay waxa ay gaarayaan ilaa 45
Waydiimo Macquul ah isagoo markaa loo qaybiyey saddax cashar.
Kuma Caawinayaan su’aalahan oo kaliya waxaad sidoo kale u baahan tahay in
aad aqriso casharada isla markaana aad kala baxdo nuxurka iyo walaaca ku jira
Cutubka Saddaxaad.
Si aad ula baxdo nuxurka iyo walaaca ku jira buuga waxaan hoos kuugu qoray
Ciwaanada ugu muhiimsan Cutubka saddaxaad.

Muraajico casharka kowaad


✓ Habka dawladnimo gaarsiinta ee qaramada midoobay
✓ Loolankii dawladaha ku maray maamulka dawladnimo gaarsiinta
✓ Taariiqda talyaaniga kala wareegay ingiriska koonfurta somaliya

Muraajico Casharka labaad


✓ Tallaabooyinkii ugu horeeyay ee dawladda soomaaliya ku dhaqaaqday
✓ Xukuumaddii cabdirashiid
✓ Xukuumaddii cabdirisaaq
✓ Xukuumaddii cigaal
✓ Xilligii maamulka rayidka
Muraajico Casharka Saddaxaad

~ 25 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

✓ Sababihii uu afgembiga u dhacay


✓ Guulihii kacaanka 7dii sano ugu horraysay
✓ Waxyaabaha kacaanka lagu dhaliilo
✓ Isu barbar dhiga labadii maamul ee rayidka iyo ciidanka

DHAMAAD CUTUBKA SADDAXAAD

Waxaa gabi ahaanba halkaasi ku dhamaday cutubka saddaxaad oo ka


hadlaayey Xilligii soomaalidu ka tallinaysay dalkeeda
runtii marka uu cutub kuu idlaado waxaa muhiim ah in aad tijaabiso
Naftaada isla markaana aad qiimayso heerkaga aqooneed.
Sidaa darteed waxaa halkaan kuugu diyaarinay imtixaan la xiriira
cutubka Saddxaad.
Tijaabi naftaada wax walba oo billow ah wey adagyihiin balse qofka u
dhabar adeega isla markaana joogteeya wuu ku guulaysanaya

RUN IYO BEEN


1. { } Soomaaliya gobannimadeeda waxay hanatay 1961dii
2. { } Qaramada midoobay ayaa samaysay habka dawladnimo
gaarsiinta
3. { } Dawladdnimo gaarsiinta waa qaab ka mid ah qaababkii ay
curiyeen dawladihii ku adkaaday dagaalkii 1aad ee adduunka
4. { } Habka dawladnimo gaarsiinta waxaa la hoos geeyay 11
gobol
5. { } koonfurta soomaaliya waxaa ka talinaayey maamulkii ciidan
ee talyaaniga
6. { } qaramada midoobay waxay go’aamisay in soomaaliya la hoos
geeyo habka dawladnimo gaarsiinta muddo 10 sano ah

~ 26 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

7. { } talyaaniga waxa uu kala wareegay ingiriiska koonfurta


soomaaliya bishii abriil 1950kii
8. { } mudanihiii ugu horeeyay ee ka hadlay golaha hortiisa waxa uu
ahaa c/raxmaan Cali Ciise
9. { } kalfadhigii golihii 1aad waxa uu dhamaaday oktoobar 1952dii
10. { } sheikh munye ayaa loo magaacay guddoomiyaha degmada
diinsoor
11. { } Golaha sare waxa uu yeeshay labo gudoomiye ku xigeen
soomali ah
12. { } Muddo xileedka golihii 3aad oo ku ekaa Disembar 1953dii ,
waxa uu soo saaray xeer lr.168
13. { } xilligii golihii 5aad 1955tii waxaa la go’aamiyey in golaha laga
dhigo gole sharci dajin ah.
14. { } xisbiga S.Y.L waxa uu helay 52 kursi
15. { } gudoomiyaha sharci dajinta waxaa loo doortay mudane
aadan cabdulle cusmaan
16. ( ) kamaaluddiin saalax waxaa la dilay 16kii abriil 1957dii
17. [ ] doorashadii madaxwaynimo waxaa ku guulaystay
cabdirashiid cali sharma’arke
18. { } Bishii juun 1968dii waxaa la qabtay doorashadii
madaxwaynemo
19. { } Maxamed cabdulle xalane waxa u ahaa laba xiddigle
20. { } xilligii golahii 2aad waxaa wax laga beddelay xeerarkii golaha
iyada oo kuraasta golaha oo loo qaybin jiray qaab beeleed

~ 27 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

SOO KOOB NUXURKA IYO WALAACA KU JIRA CUTUBKA SADDEXAAD

~ 28 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

CUTUBKA AFARAAD
DHAQDHAQAAQYADA
XOREYNTA AFRIKA
1. Maxaa lagu tiriyaa dhaqdhaqaaqii
mahdiga suudaan ?
Mid ka mid ah kacdoonadii ugu
caansanaa taariiqda suudaan iyo
tan afrika guud ahaan
2. Goorma suudaan u istaagtay la dagaalanka gumaysiga ingiriiska ?
Dhamaadka qarnigii 19aad
3. Maxay soo rogtay xukuumaddii ingiriiska ?
Canshuuro tiro badan
4. Mahdiga muxuu ka codsaday odayaasha qabiillada ee dega agagaarka
jaziiradda abba ?
In ay bayco kula galaan hoggaansanaan iyo jihad
5. Waa kuma Ra’uuf ?
Waa ninka ugu sarreeya maamulka suudaan
6. Sheeg sanadka uu dhacay dagaalkii ugu horreeyay ee dhex maray maamulka
khartuum iyo mahdiga
Sanadkii 1881dii
7. Kuma lagu beddalay maxamed Ra’uuf ?
Cabdulqaadir oo joogay Qaahira
8. Immisa ayey ahaayeen tirade ciidan uu hogaaminaayey yuusul shallaali ?
300 askari
9. Ciidankee ku jabay dagaalkii dhacay 8dii sibtembar
1882dii ?
Ciidanka mahdiga
10. Goormuu goordan soo gaaray khartuum ?
18dii febraayo 1884tii
11. Waa kuma Amiirka Amiirada ee go’doominta khartuum ?
Waa nujuumi
12. Kumaa ayaa badalay mahdiga ?
Khaliifkiisii cabdullahi tacaashii
13. Muxuu soo jeediyay u qaabilsanaha ingiriiska ee masar ?
In masar keligeed aysan awoodin gacan kusii haynta suudaan.

~ 29 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

14. Ingiriiska muxuu go’aansaday ?


Diyaarinta dagaal lagu qaado suudaan.
15. Sheeg wadarta guud ee ciidamada ingiriiska , masarida iyo sudaan ?
20,000
16. Yaa isu garabsaday la dagaalanka dhaqdhaqaaqa Mahdiga ?
Faransiiska oo kazoo weeraray dhanka galbeed gaar ahaan deegaanka
faashuuda iyo ingiriiska oo weerar ka soo qaaday waqooyiga
17. Goormaa ayuu dhashay Cumar muqtaar Cumar Maxamed ?
Sanadka marka uu ahaa 1862dii
18. Halkee ayuu ku dhashay Cumar muqtaar Cumar maxamed ?
Tuulada janzuur eek u taal bariga liibiya
19. Sheeg qabiilka uu kasoo jeedo Cumar muqtaar Cumar maxamed ?
Qabiil la yiraahdo Manfa
20. Kadib markii uu geeriyooday aabaha Muqtaar kuma ayaa soo koriyay Cumar
?
Guddomiyaha Magaalada uu ku dhashay isaga oo fulinaya dardaarankii
aabihiii
21. Sheeg magaala madaxdii hore ee sunuusiyiinta ?
Waaxada jacbuub
22. Immisa sano ayey ku qaadatay Cumar in uu barto Culuumta shareecada ?
Muddo 8 sano ah
23. Cumar muqtaar Markiisa hore muxuu ahaa ?
Nin dadka wacdiya oo diinta u sheega
24. Markuu gumaystaha yimid kadib Cumar mutaaq yuu ku biiray ?
Dadkii u istaagay la dagaalanka cadawga
25. Soo koob dagaaladii uu ka qayb qatay Cumar Muqtaar ?
Dagalkii lala galay Talyaani, dadkii ka hor tagay ingiriiska , dagalkii ka
dhacay xuduuda liibiya iyo masar deegaanka birdiya iyo saluum
dagaalkii dhexmaray sanuusiyiinta iyo faransiiska
26. Goormaa ayuu bilowday halgankii cumar ee uu kula jiray Talyaaniga ?
1911kii
27. Cumar halkee ayuu ka weerari jiray Talyaaniga ?
Deegaanada zaawiyata qusuur iyo taknas
28. Gormaa ayuu talyaaniga ku guulaystay in uu gacanta ku dhigo Cumar
muqtaar ?
11kii sibtembar 1913dii

~ 30 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

29. Maxaa lagu xukumay Cumar muqtaar ?


dil daldalaad ah
30. Qor mid ka mid ah oraahyadii iyo dhacdooyinka Cumar Muqtaar uu ku
dhawaaqay ?
Annagu is dhiibi mayno, waan guulaysanaynaa ama waan
dhimanaynaa waxa uu yiri marka uu talyaanigu ka dalbaday in uu isa
soo dhiibo.
31. Gormaa Culimada azhar iyo ardaydooda ka hortageen imaatinka
faransiiska?
1da luuliyio 1798dii
32. Kuma ayuu ahaa Azhar ?
Waxa uu kaalin wayn ka qaatay ka hortagga gumaysiga faransiiska
33. Sheeg gumaysiga culimadii uu maxkamadeeyay ?
Sheekh ismaaciil Baraawi
Cabdulwahaab shabraawi
Yuusuf musaylixi
Sulaymaan joosqi
34. Goormaa ayuu dhaqan galay markii maamulkii azhar uu go’aansaday in la
joojiyo waxbarashada lana xiro masjidka xaalada jirtay awgeed ?
22dii juun 1800
35. Goormaa ayaa lasoo saaray go’aanada lagu go’doominayo midowga koonfur
afrika ?
Sanadkii 1962dii iyo sanadihii ka dambeeyay
36. Maxay tahay sababta koonfur afrika xiriirka ugu jarteen dawladaha dunida
saddexaad ?
Midab kala sooca awgiis.
37. Goormaa la aas aasay Ururka ANC ?
8dii janaayo sanadkii 1912dii
38. Ururka ANC maxay samaysay sanadka marka uu ahaa 1961dii ?
Garab military oo loogu magac daray Warankii ummadda .
39. Gormee mandeela ku biiray Ururka ANC?
Sanadkii1942dii
40. Gormee Mandeela xabsiga la dhigay ?
Sanadkii 1961dii
41. Immisa sano ayaa lagu xukumay nelson mandeela ?
5 sano

~ 31 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

42. Sheeg sababta loo xukumay nelson mandeela ?


Socdaal sharci darro iyo qorshaynta shaqo joojin
43. Kuma ayuu ahaa hogaamiyihii ugu horeeyay , garabka hubaysan ee ururka
ANC?
Nelson Maandeela

Cutubka Afaraad su’alaha aan kasoo bixiyay waxa ay gaarayaan ilaa 43


Waydiimo Macquul ah isagoo markaa loo qaybiyey afar cashar.
Kuma Caawinayaan su’aalahan oo kaliya waxaad sidoo kale u baahan tahay in
aad aqriso casharada isla markaana aad kala baxdo nuxurka iyo walaaca ku jira
Cutubka afaraad.
Si aad ula baxdo nuxurka iyo walaaca ku jira buuga waxaan hoos kuugu qoray
Ciwaanada ugu muhiimsan Cutubka Afaraad

Muraajico Casharka kowaad


✓ Bilowga dhaqdhaqaaqa Mahdiga
✓ Xoraynta khartuum
✓ Mahdiga dhimashadiisa kadb

Muraajico Casharka labaad


✓ Barbaarinta Cumar Muqtaar
✓ Bilowga halgankii cumar muqtaar
✓ Qabsashadii Cumar iyo dilkiisa
✓ Oraahyada dhaxal galka ahaa ee Cumar muqtaar

Muraajico casharka saddexaad


✓ Hogaanimaddii azhar ee dhaqdhaqaaqii waddaniyiiinta
✓ Ciidankii muraad beek
✓ Suldaankii cusmaaniyiinta ee duullaanka faransiiska
✓ Horseedkii dhaqdhaqaaqii 1aad
✓ Daalkii qaahira
✓ Falalkii foosha xumaa ee gumaysiga markii uu galay azhar
~ 32 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

✓ Maxkamadaynta qaar ka mid ah cullimada azhar


✓ Kaalinta ardayda azhar ee iska caabinta
Muraajico casharka afaraad
✓ Jamhuuriyada koonfur afrika
✓ Xoraynta koonfur afrika
✓ ANC iyo madaxdiisa

DHAMAAD CUTUBKA AFARAAD

Waxaa gabi ahaanba halkaasi ku dhamaday cutubka Afaraad oo ka


hadlaayey dhaqdhaqaaqyada xoreynta Afrika
Runtii marka uu cutub kuu idlaado waxaa muhiim ah in aad tijaabiso
Naftaada isla markaana aad qiimayso heerkaga aqooneed.
Sidaa darteed waxaa halkaan kuugu diyaarinay imtixaan la xiriira
cutubka Afaraad.
Tijaabi naftaada wax walba oo billow ah wey adagyihiin balse qofka u
dhabar adeega isla markaana joogteeya wuu ku guulaysanaya.

Meelaha Banaan Buuxi


1. Dhaqdhaqaaqyada xoraynta Afrika waxa ay ka ambaqaadayeen aragtiyo kala
duwan, oo kala ah mid______________ iyo mid_______________________
2. Dagaalkii ugu horeeyay ee dhex mara maamulka khartuum
iyo_____________ taas oo dhacday Sanadkii__________________
3. Mahdiga waxa uu ka codsaday odayaasha qabiillada ee dega agagaarka
_________________________ in ay bayco kula galaan _________________
iyo________________________
4. U qaabilsanaha ingiriiska ee masar waxa uu soo jeediyay in masar kaligeed
aysan ________________ gacan kusii haynta___________________
~ 33 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

5. Markii la gaaray xilliga uu webigu biyo keeno uuna buuxsamay ayuu


goordan qaaday labo weerar ____________ iyo ________________ ah.
6. Ingiriiska waxa uu go’aansaday diyaarinta dagaal lagu qaado Suudaan.
Inkasto oo ay ka horyimaadeen fikirkaas______________ masar iyo
________________ kale.
7. Tacaashi waxa uu go’aansaday in uu difaaco magaala madaxda
umu____________________
8. Cumar muqtaar waxa uu kusoo barbaaray____________________
9. Cumar muqtaar waxa uu ahaa hogaamiye____________________
10. Cumar waxa uu ka tagay oraahyo ka qaalisan ____________ oo aan lagu
qiimayn Karin_________________
11. Azhar waxa uu kaalin wayn ka qaatay ka hortagga gumaysiga____________
12. Suldaankii Cusmaaniyiinta ee saliimka 3aad ayaa qoraal dhiirigalin ah usoo
diray Culimada_______________ iyo _____________________
13. Waxaa azhar isugu yimid dad kacdoonsan oo gaaraya ______________ qof
oo isugu jira Arday iyo dadka deggan Qaahira
14. Faransiiska waxa uu si ku talagal ah u boobay kutubtii tiilay______________
15. Culimada azhar iyo ardaydooda waxa ay ahayeen _____________ iyo
________________ Hagaya kacdoonka
16. Jamhuuriyada midowga koonfur afrika waxa ay ahayd mid ka mida ah
tusalayaasha ugu__________________ dunida ee ku dhisan
______________________________
17. Afrikaanka oo ah dadka ugu badan ee dega __________________________
waxa ay ka kooban yihiin qaybo dhawr ah
18. Dhaqdhaqaaqa la dagaalanka midab kala sooca ee ka jiray koonfur afrika
kontameeyadii qarnigii_______________________ waxa uu adeegsaday
qaabab dhowr ah oo ku hirgalinayo halgankooda ______________________
19. Dhaqdhaqaaqa shaqo ka fariisiga darawalada gaadiidka dadwaynaha waxa
uu guulo ka gaaray ______________________ ka soo abuuray jawi halgan
________________ ah
20. Bishii _____________ Sanadkii _____________ ayaa waxaa dhacday
doorashadii ugu horraysay oo ka madax bannaan midab kala sooc waxaana
codeeyay _____%
21. Waxaa ururka ANC madax ka noqday ______________________ inta u
dhaxaysay 1951-1958

~ 34 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

22. Ururka ANC waxaa ay dhiseen garab hubaysan oo lagu magacaabay


__________________________
23. Maandeela waxa uu ku biiray ururka kazoo ku baaqaayey in la difaaco
xuquuqda ______________________ ah ee koonfur afrika.
24. Maandeela waala xiray oo ____________ ayaa la dhigay
25. Maandeela waxaa lagu sii daayey amarkii madaxwaynihii
xilligaasi_____________________

QAYBTA LABAAD ka jawaab su’aalaha


11. Sheeg sababaha dhaliyay dhaqdhaqaaqa xoraynta Afrika
12. Sheeg qaar ka mid ah dhacdooyinka la xiriira dhaqdhaqaaqyada
xoraynta afrika ?
13. Sheeg sababta loo xukumay nelson maandeela ?
14. Sheeg sababihii dhaliyay dhaqdhaqaaqii cumar muqtaar
15. Sheeg sababihii dhaliyay dhaqdhaqaaqii mahdiga?
16. Sheeg xiriirka ka dhaxeeya Cilmiga iyo ilaalinta Dalka ?
17. Sheeg qaarkamida hadaladii qiimaha badnaa ee Cumar muqtaar ?
18. Sheeg sababihii keenay kacdoonkii Azhar ee Masar ?
19. Sharrax kooban ka bixi kaalintii Azhar ee halgankii ka dhanka ahaa
faransiiska ?
20. Sheeg sababaha uu ku guulaystay dhaqdhaqaaqa xoraynta
koonfur Afrika

DHAMAAD CUTUBKA AFARAAD


“ KOBCI NATIIJADAADA”

“ HAKA HARIN ASAGA

~ 35 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

SOO KOOB NUXURKA IYO WALAACA KU JIRA CUTUBKA AFARAAD

~ 36 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

CUTUBKA 5aad: Kacdoonno


iyo Dagaallo waaweyn
1. Sheeg sanadka Ruushka uu dagaal la
galay dhigiisa jabbaan ?
Muddadii u dhexaysay 1904-
1905tii
2. Sheeg Ruushka ujeedada uu dagaal
ula galay jabbaan?
Qabsashada dhulal cusub ee bariga fog ?
3. Kuma ayaa dusha laga saaray mas’uuliyadda guuldaradii so gaartay Ruushka
?
Dadka ruushku waxa ay mas’uuliyadda guuldradii dagaal Dusha ka
saareen nidaamka, madaama shaqaalaha la laa luushay.
4. Sheeg waxyaabaha dhaliyay Kacaanka Ruushka ?
Xukunka oo keligii talis ahaa
Guuldaradii jabaan kaso gaartay
Hoos u dhaca dalaga beeraha
Shaqo joojinta shaqaalaha
Mowjado mudaahraadyo yo xasillooni daro
Xisbiyadda mucaaradka
Xisbiga shaqaalaha hantiwadaaga dimoqoraadiga
5. Kuma ayaa noqday hogaamiyaha kacaanka ee dawladda Ruushka?
Faladamiir linin
6. Maxay ku guulaysteen shaqaalaha kadib dhalashadii kacaanka ?
In ay xakameeyaan warshadaha iyo goobaha wax soo saarka
7. sheeg wareegtada uu soo saaray madaxweyne faladamiir Linin ?
In uu mamnuucayo dhaqdhaqaaqa howlaha xisbiyada siyaasadeed
In uu baabi’inayo hantida gaarka loo leeyahay ee Ruushka ?
In uu samaynaayo bangi qaran oo cusub, kadib markii uu qarameeyay
dhamaan bangiyada gaarka loo leeyahay
8. Muxuu ahaa dagaalkii labaad ee adduunka ?
Waxa uu ahaa natiijo ka dhalatay qalalaasihii ka dhashay dagaalkii
1aad ee adduunka.
9. Sheeg qaar ka mid ah sababihii ugu muhiimsanaa dagaalkii 2aad ee
adduunka ?

~ 37 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

Heshiiskii fersaylis ee la gaaray dhamaadka dagaalkii 1aad eee


aduunka kadib u dhexeeyay jarmalka iyo xulafadii
Is ballaarinta jabbaan
Fashistaha
Hitler iyo xisbiga naaziga
10. Goormaa ayuu hitler noqday keli-taliyihii jarmalka ?
Sanadkii 1934tii
11. Hitler goormaa ayuu qabsaday Austriya ?
Bishii maarso sanadkii 1938dii
12. Sheeg bilowga dhacdooyinka gadaalka labaad ee aduunka ?
Bishii sibtembar 1939kii ciidamada jarmalka ayaa ka tallaabsaday
soohdinta booland, taas oo hurisay dagaalkii labaad ee aduunka
Jarmalka oo awooday in ay galaan Denmarka,Norway,Hooland,Biljam,
faransiiska iyo dalalka balkaniska.
Guuldaradii jarmalka kazoo gaartay ingiriiska
13. Goormaa ayuu Ruushka ka tallaabsaday soohdinta jarmalka markii ugu
horraysay?
Disember 1944tii
14. Sheeg dawladda ku wehlisay ruushka soohdinta jarmalka ?
Dawladda maraykanka
15. Sidee ayaa loo dilay keli-taliyihii talyaaniga ee musaliini ?
Waxaa laga soo laa laalidyay mid kamida tiirarka nalalka ee magaalada
Milan
16. Goormaa ayuu is dilay keli-taliyihii jarmalka ee Hitler?
Bishii abriil 1945
17. Sheeg saamaynta ee lahaa dagaalkii 2aad ee adduunka ?
Dagaalka waxa uu socday 6 sanno, waxaa ku dhinteen dad ku dhow 62
Milyan qof, waxaa jiray qasaaro maaliyadeed sido kale waxaa burburay
warshadihii wax soo saarka, waxaa kordhay shaqo la’aanta, waxaana
dhacay hoos u dhac dhaqaale oo saameeyay dhamaan dalalka yurub
18. Goormaa ayaa lagu dhawaaqay aasaaskii israa’iil ?
May 15,1948dii
19. Maxaa loo yaqiinay labada dhinac ee dagaalkii 1948dii
Dhinaca carabta waxaa looga yaqiinay Dagaalkii falastiin ama
“musiibadii” halka israa’iil ugu magac dartay” Dagaalkii xornimada”
20. Maxaa loo yaqiinay dagaalkii 1956dii si caalami ahaan ?

~ 38 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

“Duullaankii saddex geesoodka ahaa “


21. Kuma ayuu ahaa madax waynaha Masar ?
Jamaal cabdinaasir
22. Maxaa loo yaqiinay labada dhinac ee dagaalkii 1967dii ?
Waxaa carabta looga yaqaanaa magaca ah “Dib- u –dhac” halka
israa’iil iyo qoraallada dawliga ahi ay ugu yeeraan “dagaalkii lixda
Maalmood”
23. Maxaa loo yaqiinay labada dhinac ee dagaalkii 1972dii ?
Dhinaca carabta waxaa looga yaqiinay” 6da oktoobar” ama “10ka
Ramadaan” halka israa’iil ugu magac dartay” Dagaalka ciiddii dembi
dhaafka”
24. Maxay ahayd ujeedada midowga soofiyeeti ?
In uu qabsado bariga yurub
25. Muxuu ahaa mashruucii caanka ahaa uu soo bandhigay Maraykanka ?
Qorshaha marshaar, kaasoo ahaa in dhaqaale ahaan loo taageero si
dib loogu dhiso waddamadii reer yurub ee dagaalladu waxyeeleyeen
26. Maxaa loogu magac daray isballaarinta midowga soofiyeeti ?
Kaalamada reer yurub
27. Goormaa la aasaasay ururka xafiiska warfaafinta shuuciyadda ?
Sanadkii 1947dii
28. Muxuu ahaa dagaalkii qaboobaa?
Waxa uu ahaa isku dhac aan toos ahayn oo dhex maray labadii
quwadood ee ugu waynaa adduunka, maraykanka iyo midowga
soofiyeeti.
29. Sheeg dawladdaha hogaaminaayey dalalka reer galbeedka ?
Maraykanka, faransiiska iyo ingiriiska
30. Soo koob xaaladda yurub intii lagu gudi jiray dagaalkii qaboobaa ?
Yurub waxa ay isku aragtay in ay u kala qaybsan tahay laba isbahaysi
oo waawayn oo u dhaxeeya isku dhac siyaasadeed oo caalami ah oo
loo yaqiinay “Dagaalkii qaboobaa” gaar ahaan wixii ka dambeeyey
afgembigii hantiwadaaga rr ka dhacay jugoslofaakiya

Cutubka Shanaad su’alaha aan kasoo bixiyay waxa ay gaarayaan ilaa 30


Waydiimo Macquul ah isagoo markaa loo qaybiyey afar cashar.

~ 39 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

Kuma Caawinayaan su’aalahan oo kaliya waxaad sidoo kale u baahan tahay in


aad aqriso casharada isla markaana aad kala baxdo nuxurka iyo walaaca ku jira
Cutubka Shanaad.
Si aad ula baxdo nuxurka iyo walaaca ku jira buuga waxaan hoos kuugu qoray
Ciwaanada ugu muhiimsan Cutubka Shanaad.

Muraajico Casharka Kowaad


✓ Sababihii dhaliyay kacaankii Ruushka
✓ Dhalashadii kacaankii Rruushka
✓ Nidaamka cusub ee ruushka

Murajico casharka labaad


✓ Sababihii keenay dagaalkii labaad
✓ Dhacdooyinkii dagaalkii labaad ee adduunka
✓ Sida maraykanka ku galay dagaalkii labaad ee adduunka
✓ Isbeddelka dhacdooyinka dagaalkii 2aad ee adduunka
✓ Natiijada siyaasadeed ee dagaalka 2aad ee adduunka

Muraajico Casharka saddexaad


✓ Dagaalkii 1948
✓ Dagaalkii 1956
✓ Dagaalkii 1967
✓ Dagaalkii 1973
✓ Dagaalkii 1982
✓ Dhacdooyinka dagaalka iyo natiijooyinkooda

Muraajico Casharka Afaraad


✓ Qeexidda dagaalkii qaboobaa
✓ Geedi socodka dagaalkii qaboobaa
✓ Damacii midowga soofiyeeti
✓ Xaalada yurub intii lagu gudi jiray dagalkii qaboobaa

DHAMAAD CUTUBKA SHANAAD

~ 40 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

Waxaa gabi ahaanba halkaasi ku dhamaday cutubka Shanaad oo ka


hadlaayey kacdoonno iyo dagaallo waaweyn
Runtii marka uu cutub kuu idlaado waxaa muhiim ah in aad tijaabiso
Naftaada isla markaana aad qiimayso heerkaga aqooneed.
Sidaa darteed waxaa halkaan kuugu diyaariyay imtixaan la xiriira
cutubka Shanaad
Tijaabi naftaada wax walba oo billow ah wey adagyihiin balse qofka u
dhabar adeega isla markaana joogteeya wuu ku guulaysanaya.

Ka jawaab su’aalaha
1. Sharrax xaaladda ruushka xilligii dhalashada ?
2. Soo koob sababihii dhaliyay kacaankii ruushka?
3. Sheeg mabaadii’da ka dambaysa kacaankii ruushka ?
4. Sheeg saamaynta kacaankii ruushka uu ku yeeshay adduunka ?
5. Sheeg dadkii ugu muhiimsanaa ee ka qayb qaatay kacaanka ?
6. Sharrax kooban ka bixi xaalada siyaasadeed ka hor dagaalkiii 2aad?
7. Sheeg heerarkii dagaalkii 2aad ee Dunida ?
8. Sheeg sababihii dhaliyay dagaalkii 2aad ee adduunka ?
9. Sharrax xaalada aduunka dhamaadkii dagaalkii qaboobaa?
10. Qeex dagaalkii qaboobaa ?
11. Sheeg natiijadii ka dhalatay dagaalladii u dhexeeyay dadyowga carabta iyo
sahyuuniyadda?
12. Sheeg isbadalkii ku dhacay bulshada falastiin ?
13. Sheeg duruufaha caalamiga ah ee keenay in la dhiso dawladdii israa’iil?
14. Sheeg sababta ugu way nee keentay in uu dilaaco dagaalkii qaboobaa
15. Sheeg dhacdooyinka tariiqiga ah ugu muhiimsanaa ee dhacay dagaalkii
qaboobaa ?

~ 41 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

SOO KOOB NUXURKA IYO WALAACA KU JIRA CUTUBKA SHANAAD

~ 42 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

CUTUBKA LIXAAD : URURRADA


CAALAMIGA IYO GOBOLLADA
1. Goormaa ayey bilaawatay fikradda ah
in la sameeyo ururka qaramada
midoobay ?
Intii uu socday dagaalkii 2aad ee
dunida.
2. Goormee la qabtay shirwaynihii looga doodaayey ujeeddooyinka ururka iyo
xubnaha ka qayb galaayo?
Sanadkii 1943dii.
3. Magaalooyinkee lagu qabtay shirwaynihii looga doodaayey ujeeddooyinka
ururka iyo xubnaha ka qayb galaayo?
Magaalooyinka Tahraan iyo Moosko
4. Sheeg ujeeddooyinka loo abuuray Ururka qaramada Midoobay ?
Sidii loo ilaalin lahaa nabadgelyada caalamka iyo in la iska
kaashado Arrimaha dhaqaalaha iyo Bulshada.
5. Kumaa ayaa hindisay ama bixiyay Magaca Ururka Qaramada midoobay?
Madaxwaynihii Maraykanka Ruusfelt
6. Goormaa ayuu soo baxay magaca qaramada midoobay ?
Sanadkii 1942dii, markii dawladihii isbahaystay ay isbahaysigooda
ugu magac dareen ummadaha Midoobay
7. Goormaa ayuu dhacay shirwaynihii ururka qaramada midoobay ay kasoo
qayb galeen ururo caalami ah iyo kuwa aan caalami ahayn ?
Bishii Abriil 1945tii
8. Magaaladee ayuu ka dhacay shirwaynihii ururka qaramada midoobay ay
kasoo qayb galeen ururo caalami ah iyo kuwa aan caalami ahayn ?
Magaalada Saan Faransiisko
9. Immisa Qodob ayuu ka kooban yahay Axdi-qarameedka ?
51 qodob
10. Maxaa loola jeedaa Golaha Guud ?
Waa qaybta ugu weyn ee wada tashiga, siyaasad go’aaminta iyo
matalaadaha golaha
11. Goormee ayey kulmaan 193 dawladood uu ka kooban yahay golaha Guud?
Sanad kasta ayey kulmaan, inta u dhaxeysa bilaha sibtembar iyo
Disembar
~ 43 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

12. Maxay ka siman yihiin 193 dawladood uu ka kooban yahay Golaha Guud ?
Waxay ka siman yihiin xaga matalaadda, dawlad kasta oo xubin ka
ahna ay leedahay Codkeeda.
13. Sheeg Xubnaha Golaha Guud ee Qaramada midoobay ee Shanta qaaradood
?
Kooxda Golaha Afrika
Kooxda Golaha Aasiya
Kooxda Dalalka Yurubta Bari
Kooxda Dalalka laatiin Ameerika iyo Gobolka Badda Kariibiyaanka
Kooxda Dalalka Yurubta Galbeedka iyo Dalal Kale
14. Sheeg qaar ka mid ah Hawlaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ?
Tixgelinta iyo ansixinta Miisaaniyadda Qaramada Midoobay iyo
Jaangooynta Saamiga Maaliyeed ee loo qoondeeyay dawladaha
xubnaha ah
Tixgelinta mabaadii’da guud ee nabadeynta, nabadgelyada,
iskaashiga caalamiga iyo ka tala bixintooda.
15. Sheeg xubnaha Golaha Amaanka ee shanta qaaradood ?
Kooxda Golaha Afrika
Kooxda Golaha Aasiya
Kooxda Dalalka Yurubta Bari
Kooxda Dalalka laatiin Ameerika iyo Gobolka Badda Kariibiyaanka
Kooxda Dalalka Yurubta Galbeedka iyo Dalal Kale
16. Goormee la aasaasay Maxkamadda Caalamiga ah ee caddaaladda ?
sanadkii 1945
17. Gormee la asaasay Golaha dawladgaarsiinta ?
Sanadkii 1945
18. Immisa xubnoood ayuu ka kooban yahay Golaha dawlad gaarsiinta ?
Shanta xubin oo joogtada ah ee golaha Ammaanka ?
Xubnaha maamula dalalka loo diyaarinayo madax-bannaanida
Tirada xubnaha loo baahan yahay si loo dammaanad qaado
xuquuda dhamaan dhinacyada
19. Waa maxay shaqada ay qabato Xoghaynta Guud ?
Waxa ay qabataa dhammaan hawlo-maalmeedka Ururka, waxa ayna
adeegyo u fidisaa hay’adaha kale
20. Waa maxay shaqada ay qabtaan Golaha Dhaqaalaha iyo Bulshada ?

~ 44 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

Waa halbawlaha ururka Qaramada midoobay, oo u xilsaaran in uu


gaaro saddexda dhinac ee horumarka, dhaqaalaha , bulshada iyo
deegaanka.
21. Sheeg ujeeddooyinka loo sameeyay jaamacadda Carabta ?
Ka gudbidda caqabadaha ku aaddan barnaamijyada siyaasadeed,
dhaqaale, bulsho iyo dhaqan iyo fududdaynta horumarinta danaha
carabta, iyada oo lala kaashanaayo hay’adaheeda
Xalinta khilaafaadka ka dhex dhasha xubnaheeda, ama mud u
dhaxeeyo xubnaheeda iyo dhinacyo kale
22. Sheeg dhamaan awoodaha xoghayaha guud ?
Shaqaalaysiinta iyo dalacsiintooda
Dejinta iyo dabagalka qorshaha maamul ee jaamacadda
Qban qaabinta kulamada jaamacadda
Dabagalka fulinta go’aanada Golaha
23. Sheeg qaar ka mida guddiyada joogtada ah iyo hawlahooda ?
Dejinta Xeerarka iskaashiga
Qaabaynta mashruucyada loo soo bandhigayo Golaha Jaamacadda
24. Sheeg xaruunta ururka Jaamacada Carabta ?
Xaruuntiisu waa qaahira, magaalada tuunisa
25. Sheeg sanadka iyo magaaladda lagu qabtay shirarka Dadwaynaha Afrika ?
Magaala madaxda dalka Gaana ee Akra sanadkii 1958dii
26. Sheeg ujeeddooyinka loo sameeyay Ururka Midnimada Afrika ?
In afrika si buuxda loogu xoreeyo gumaysiga
In meesha laga saaro dib u dhaca ku yimid dhaqaalaha afrika
In la xoojiyo xiriirka iskaashiga Afrika
In laga shaqeeyo kor u qaadidda magaca Afrika. Iyo dardargelinta
kaalinta ay ku leedahay golayaasha Caalamiga

27. Muxuu ka kooban yahay qaab dhismeedka ururka Midnimada Afrika


Golaha madaxwaynayaasha dalalka
Golaha wasiirrada
Xoghaynta Guud
Guddiga dhex- dhexaadinta., dib-u—heshiisiinta iyo xalinta
khilaafaadka
28. Qeex ururka Shirwaynaha islaam ?
Waa urur goboleed caalami ah, oo ay ku jiraan 57 dal oo islaam ah

~ 45 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

29. Sheeg xaruunta ku meel gaarka ah ee ururka shirwaynaha islaamka?


Magaalada Jeddah
30. Kumaa ayaa soo jeediyay fekradda ah in la sameeyo urur islaami ah ?
Madaxwaynaha Soomaaliya , Aadan Cabdulle Cusmaan
31. Sheeg sanadka iyo magaalada ay ku kulmeen madaxda islaamka?
Magaalada Rabaat ee dalka Marooko
32. Sheeg ujeeddooyinkii siyaasadeed uu lahaa ururka shirwaynaha Islaamka ?
Adkeynta midnimada dalalka islaamka
Qaadashada talaabooyinka lagama maarmaanka u ah taageerida
nabadda iyo nabadgelyadda dalalka islaamka si caddaalad ku salaysan
Diyaarinta jawi kor loogu qaadaayo iskaashiga iyo is-afgaradka ka
dhexeeya xubnaha iyo dalalka kale
33. Sheeg ujeeddooyinkii Bulsho uu lahaa ururka shirwaynaha Islaamka ?
Ka shaqaynta cirri-tirka midab takoorta iyo gumaysiga
Taageeridda halganka ay dalalka islaamka ugu jiraan ilaalinta madax-
bannaanudooda ,sharaftooda iyo xuquuqdooda qarannimo
34. Sheeg ujeeddooyinkii dhaqaale uu lahaa ururka shirwaynaha Islaamka ?
Akaynta wada shaqaynta dawladaha xubnaha ah ee dhinacyada
dhaqaalaha
Dalalka hodanka ah in ay siiyaan amah dhaqaale dalalka islaamka ee
saboolka ah
Samaynta bangiga horumarinta islaamka
35. Sheeg qaab dhismeedka Ururka shirwaynaha islaamka ?
Golaha Sare
Golaha Wasiirada Arrimaha Dibadda
Xoghaynta Guud

Cutubka Lixaad su’alaha aan ka bixiyay waxa ay gaarayaan ilaa 35 Waydiimo


Macquul ah isagoo markaa loo qaybiyey afar cashar.
Kuma Caawinayaan su’aalahan oo kaliya waxaad sidoo kale u baahan tahay in
aad aqriso casharada isla markaana aad kala baxdo nuxurka iyo walaaca ku jira
Cutubka lixaad.
Si aad ula baxdo nuxurka iyo walaaca ku jira buuga waxaan hoos kuugu qoray
Ciwaanada ugu muhiimsan Cutubka lixaad.

~ 46 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

Muraajico Casharka 1aad


✓ Aasaaska ururka Qaramada midoobay
✓ Qaab –dhismeedka qaramada midoobay
✓ Hawlaha golaha guud ee qaramada midoobay
Muraajico Casharka 2aad
✓ Xaaladihii uu ku sameysmay ururka jaamacadda Carabta
✓ Ujeeddooyinka jamacadda Carabta
✓ Taaariiqda iyo qaabka xubinnnimada ee dawladaha jaamacadda
carabta
✓ Qaybaha ugu waawayn ee jaamacadda carabta
Muraajico Casharka 3aad
✓ Xaaladihii lagu asaasay ururka midowga Afrika
✓ Ujeeddooyinka midowga Afrika
✓ Waxqabadka ururka
✓ Sidii Magaca ururka loogu beddelay ururka midowga Afrika
Muraajico Casharka 4aad
✓ Xaaladihii uu ku samaysmay ururka shirwaynaha islaamka
✓ Himilooyinka ururka shirwaynaha islaamka
✓ Mudnaanta deegaanka dunida Muslimka
✓ Sababaha loogu beddalay ururka iskaashiga islaamka

DHAMAAD CUTUBKA LIXAAD

~ 47 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

Waxaa gabi ahaanba halkaasi ku dhamaday cutubka lixaad oo ka


hadlaayey ururro Caalamiga iyo gobolladda
Runtii marka uu cutub kuu idlaado waxaa muhiim ah in aad tijaabiso
Naftaada isla markaana aad qiimayso heerkaga aqooneed.
Sidaa darteed waxaa halkaan kuugu diyaariyay imtixaan la xiriira
cutubka Lixaad
Tijaabi naftaada wax walba oo billow ah wey adagyihiin balse qofka u
dhabar adeega isla markaana joogteeya wuu ku guulaysanaya.
Isku aadi
[ jawaabta marka aad dooranayso tiro isticmaal tuusaale waxaan ka
shaqeeyay Mida ugu dambaysa waa tusaale aad ku fahmi karto ]

1. Qaramada midoobay waxa lagu dhawaaqay In afrika si buuxda looga xoreeyo


gumaysiga
2. Axdi qarameedka waxa uu ka kooban yahay Kalfadhigii 3aad

3. Golaha Guud waxa uu ka kooban yahay Shirwaynihii sirta ee sanadkii 1999kii


4. Fikrada ah in la sameeyo qaramada 193 dawladood
midoobay waxay soo bilaabatay inta uu
socday
5. 193 dawladood ee golaha guud waxay ka 51 qodob
simanyihiin
6. Ujeedka jaamacada carabta waxa weeye Goboleed caalami ah
7. Jaamacadda carabta waxaa dhisay In lagu mideeyo muslimiinta

8. Ujeedka ururka midowga afrika waxaa Ujeeddooyin siyaasaded, dhaqaale,


kamida bulsho
9. Fikradda ah u wareegidda ururka midowga Xagga matalaadda
afrika waxaa lagu soo bandhigay
10. Ururka shirwaynaha islaamka waxa uu lahaa Bulshada Caalamka

~ 48 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

11. Ururka shirwaynaha islaamka waa urur Dalalka Carabta

12. Xeerka ururka shirwaynaha islaamka waxaa Magaalada Jeddah


la meel mariyey
13. Dunida muslimka waxa ay ku fidsan tahay Sanadkii 1945
dhul balaaran oo juqraafi ahaan lagu qiyaaso
14. Xaruunta ku meel gaarka ah ee ururka Madaxwaynihii Soomaaliya Aadan
shirwaynaha islaamka waxa ay ahayd Cabdulle Cusmaan
15. Golaha dawladgaarsiinta waxaa la asaasay Dagaalkii 2aad ee Dunida

16. Xaruunta ururka jaamacadda Carabta Waxa Xaruuntisu waa Qaahira, magaalada
ay ahayd tuunisa
17. Golaha sare ee islaamka waxa uu ka Bisha Abriil 1945tii
kooban yahay
18. Fikradda asaasidda ururka islaamiga waxaa Boqoradda iyo madaxda dalalka
soo jeediyey
19. Ururada caalamiga waxa ay ka kooban yihiin Addoon alle { 20 }
hay’adaha
20. Waxaan ahay Afar meelood hal meel bedka dunida

“HAKA HARIN ASAGAAGA “


“KOBCI NATIIJADAADA”

~ 49 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

SOO KOOB NUXURKA IYO WALAACA KU JIRA CUTUBKA LIXAAD

~ 50 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

CUTUBKA TODDOBAAD :
QADDIYADO SIYAASADEED
1. Waa maxay Dastuur?
Dastuurku waa mabaadi’da asaasiga ah
oo lasoo aruuriyey kuwaas oo salka ku
haaya habaynta awoodaha dawladaha
iyo cadayntta xuquuqa dadka ku jira oo
dhan.
2. Sheeg waxyaabaha ugu muhiimsan ee uu xambarsanyahay dastuurka ?
Nooca iyo aqoonsiga Dawladda
Xuquuqda iyo waajibaadka muwaadiniinta iyo awoodaha madaxda
Nidaamka siyaasadeed ee dawladda, awoodaha mas’uul kasta iyo sida dadka
u qaban karaan xillakooda iyo waxkasta oo la xiriira
Hawlaha ugu muhiimsan ee laga rabo in ay fuliso dawladda
3. Sheeg noocyada dastuurrada ?
Dastuurrada la beddelli karo
Dastuur adag
Dastuur qoran
Dasrtuurada aan qornayn
Dastuurada faahfaahsan
Dastuurada kooban
Dastuurada ku meel gaarka ah
4. Qeex sharciga ?
Sharcigu waa qawaaniin hagaya nolosha dadka isla markaana habeeya
xiriirka dhexdooda.
5. Waa maxay Bulsho ?
Waa koox dad ah oo kuwada nool dhul gaar ah.
6. Sheeg qaar ka mid ah muhiimada sharciga ee Bulshada ?
Ilaalinta xasilloonida bulshada dhexdeeda, iyo in laga ilaaliyo qalalaasaha ka
dhalan kara falalka ay ku kacaan qaar ka mid ah dadka
Xallinta khilaafaadka ka dhex dhici kara dadka iyo hay’adaha, iyo qaabka loo
ilaalinayo xuquuqda dadka oo dhan
Ka ilaalinta lunsashada hantida guud sida xatooyada, billiqaysiga iyo
noocyada kala duwan ee xadgudubka.
7. Waa maxay erayga shuura ?

~ 51 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

Shuura waxaa lagu micneeyaa raadinta ra’yiga iyo talada ee laga raadiyo
cidda ehelka u ah
8. waa maxay Macnaha Demoqraadiyadda ?
Waxaa loola jeeda xukunka dadka
9. Goormaa ayey soo bilowdeen xisbiyada siyaasadda ?
Waxa ay soo bilowdeen sanadkii 1850kii
10. Maxaa loola jeeda xisbi siyaasadeed ?
Waa koox dad ah oo isku raacay aragti siyaasadeed, rabana in ay talada
qabsadaan: si ay awoodda oo dhan ugu fushadaan ujeeddo ay rabaan in ay
gaaraan.
11. Sheeg shuruudaha Xisbiga siyaasadeed ?
In xisbigu uusan lahayn magac u eg magaca xisbi jira
In uu wato barnaamijyo wax cusub kusoo kordhinaya siyaasadda
In mabaadi’diisa , himilooyinka, barnaamijyadiisa , aysan ka hor imaanaynin
mabaadii’da dastuuriga ah , ilaalinta nabadgelyada, midnimada qaranka, iyo
nabadda Bulshada
Xisbigu waa in uusan lahayn qaab-dhismeed ciidan
Xisbigu in uu si cad u soo bandhigo mabaadi’diisa , himilooyinka, qaabkiisa,
ururradiisa , iyo ilaha dhaqaalihiisa
12. Immisa ayaa loo qaybiyaa Xisbiyada Tartama?
Nidaamka xisbiyada badan
Nidaamka labada xisbi
Nidaamka xisbiga awoodda badan
13. Sharrax kooban ka bixi Kaalinta xisbiyada siyaasadeed ?
Xisbiga siyaasaddu asal ahaan waxa uu u dheeeyaa dadwaynaha iyo
maamulka dawladda noocyadiisa kala geddisan.
14. Immisa heer ayuu maraa wax ka beddelka dastuurka ?
Heerka wax soo jeedinta wax ka beddelka
Heerka oggolaanshaha wax ka beddelka
Heerka diyaarinta wax ka beddelka
Heerka ugu dambeeya oo ah ansixinta wax ka beddelka
15. Goormee la baabi’iyay dastuurkii soomaaliy a ?
✓ Kadib afgembigii ciidanka ee 1969kii
16. Maxaa loola jeeda Demos iyo cratic ?
✓ Demos Waa dad ama ummad, halka critic uu yahay xukun

~ 52 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

Cutubka 7aad su’alaha aan ka bixiyay waxa ay gaarayaan ilaa 16 Waydiimo


Macquul ah isagoo markaa loo qaybiyey saddex cashar.
Kuma Caawinayaan su’aalahan oo kaliya waxaad sidoo kale u baahan tahay in
aad aqriso casharada isla markaana aad kala baxdo nuxurka iyo walaaca ku jira
Cutubka 7aad.
Si aad ula baxdo nuxurka iyo walaaca ku jira buuga waxaan hoos kuugu qoray
Ciwaanada ugu muhiimsan Cutubka7aad.

Muraajico Casharka 1aad


✓ Qeexidda Dastuurka
✓ Noocyada dastuurrada
✓ Heerarka dastuurka soomaali
✓ Sharciga iyo xiriirka uu la leeyahay bulshada
✓ Muhiimada sharciga ee bulshada
✓ Ujjeedoyinki sharciga
Muraajico Casharka 2aad
✓ Fahamka shuurada
✓ Muhiimada shuurada
✓ Qeexiida demoqradiyadda
✓ Tiirarka demoqradiyadda
✓ Farqiga u dhaxeeya shuurada iyo dimoqraadiyadda
Muraajico Casharka 3aad
✓ Xilligii ay soo baxee xisbiyada siyaasadda
✓ Soo ifbaxa xisbiyadii siyaasadeed ee soomaaliya
✓ Astaamaha ka qayb galka siyaasadda
✓ Sida loo dhaqan galiyo ka qayb galka siyaasadda ee soomaaliya

~ 53 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

DHAMAAD CUTUBKA TODDOBAAD


Waxaa gabi ahaanba halkaasi ku dhamaday cutubka toddobaad oo ka
qaddiyado siyaasadeed
Runtii marka uu cutub kuu idlaado waxaa muhiim ah in aad tijaabiso
Naftaada isla markaana aad qiimayso heerkaga aqooneed.
Sidaa darteed waxaa halkaan kuugu diyaariyay imtixaan la xiriira
cutubka toddobaad
Tijaabi naftaada wax walba oo billow ah wey adagyihiin balse qofka u
dhabar adeega isla markaana joogteeya wuu ku guulaysanaya.

Ka jawaab su’aalaha
1. Qeex dastuurka ?
2. Qeex sharciga ?
3. Qeex shuurada ?
4. Qeex Dimuqaraadiyadda ?
5. Sheeg muhiimadda shuurada ee islaamka ?
6. Sheeg tusaalooyin ku saabsan dhaqan galinta shuurada ee
tariiqda islaamka ?
7. Sheeg faaidooyinka shuurada ee Muslimiinta ?
8. Sheeg tiirarka dimuqaraadiyadda ?
9. Sharrax taariiqda xisbiyadda siyaasadeed ee Adduunka ?
10. Qeex dastuurka qoran ?
11. Qeex dastuurka adag ?
12. Qeex dastuurrada faah-faahsan ?
13. Qeex dastuurrada Kooban ?

~ 54 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

SOO KOOB NUXURKA IYO WALAACA KU JIRA CUTUBKA TODDOBAAD

~ 55 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

GUNAANAD
Ugu horeen dhamaanteena waxaan hadaf ka leenahay nolosha. mid kasta oo
inaga mid ah waxa uu doonayaa ama ku haminaayaa in uu tiigsado hadafka uu
ka leeyahay noloshiisa.
Qof walbana wuxuu leeyahay rajo qoto dheer iyo riyooyin mustaqbaleed oo
doonayo in uu guul ka gaaro midaasna waa sifaha lagu garto dadka
guulaysanaya
MOHAMED ISMAIL SHIDE isagoo ka hadlaaya hadafka nolosha waxa uu yiri,
“Hadafka waa tayada aan u doorano qaabaynta nolosheena”
Hadafka nolosha waa mid fudud waa in aad ka fekertaa ka hor inta aadan
bilaawin waxkasta.
Aniga kuma ahay?
Maxaase ku fiicanahay ?
Dadku maxay igu amanayan?
Maxaan aad u xiisaynaaya?
Noloshayda yey ku tiirsantahay.
Waxan hada aan samaynaayo saamayn maku leeyihin hadafka noloshayda?

Dhamaan su’aalahaan waa muhiim in aad is waydiiso sidoo kale waxaad u


baahan tahay in aad jawaab u raadiso, si aad u noqoto ruux naftiisa maamula.

ANIGA KUMA AHAY?


Ugu horayn waa in aad barataa qofka aad tahay barashadu kaliya mahan
magacaga iyo cunada aad jeceshahay in aad ogaato waa in aad barataa
mucjisooyinka alle ku siyay , caqligaaga , lixaadkaaga, awoodaada,
dadnimadaada, oo aad aamintaa in aad tahay ruux karaamaysan, mudan in lagu
daydo,
In aad ogaato ruuxa aad tahay waxa ay ka dhigantahay in aad damaanad qaaday
guushaada baro naftaada ka hor inta aadan damcin barashada qof kale

~ 56 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

MAXAAN KU FIICANAHAY?
Adoomaha alle ma ahan kuwa si isku mida wax u qabtaan sidaas si lamida way
ku kala duwanyihiin acmaashooda.
Qof kastana wuxuu leeyahay xad gaarsiisan kartidiisa iyo fekerkiisa adiga hada
aqrinaya buuggan ma tihid qof dhamaystiran anigana kula mid ayaan ahay balse
meelo badan ayad ku fiican tahay aniguna aan ku liito cagsigeeda meelo badan
ayaan ku fiicanahay adigana aad ku liidato.
Ujeedada qoraalkaan ayaa ah in aad aqoon fiican u lahaato meelaha aad ku
fiican tahay iyo meelaha aad ka liidato labadaba marka aad ogaato ma jiri
doonto cid kaaga warami doonta noloshaada ugu dambayn adiga ayaa
noqonaya ruux maamula naftiisa insha allah

DADKA SIDEE ANIGU II ARKAAN ?


Aragtida dadka ayaa ah waxa ugu muhiimsan oo qofka laga rabo in uu badalo. in
aad badashana waxay ku xirantahay adiga dhaqankaaga.
Hadii dhaqankaaga uu yahay mid wanaagsan waa hubaal dadka aragtidooda
waxa ay noqonaysa mid wanaagsan balse hadii dhaqankaagi uu yahay mid aan
wanaagsanayn maxaa diidaayo in ay kugu yeeran qof xun aan wanaagsanayn
hadaba arinkaan waxaan ku cadaynayna in dhaqanku uu yahay midka ugu
muhiimsan aad ku kasban karto aragtida dadka.
Dad waxaa jira aad kuu amaana, xitaa marka aad maqantahay, wanagaaga ka
sheekeeya , bal adiga iswaydii dadkaasi maxaad ku kasbatay oo sidaasi oo dhan
kuu difaacayaan, muxuu ahaa waxa keenay jacaylkaasi xita mararka qaar aan
laga helayn qofka kula dhashay, dabcan waa dhaqankaaga suuban iyo
dabecadaada wanaagsan

~ 57 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

Maxaan Xiiseeya ?
Ruux kasta wuxuu waqtigiisa ku bixiyaaa shayga ugu muhiimsan uu markaasi
xiisaynaayo ama uu jecelyahay mana ahan wax ka badan labo shay kaliya waa
wax isaga faaido u ah iyo wax aan faaido u lahayn
Labadaasna waa labada kaliya oo qofka darajadiisa kor u qaada ama hoos u
dhigta
Adiga hada aqrinaaya qoraalkan waqtigaaga inta ugu badan waxaad ku bixisaa
shayga aad jeceshahay maka fekertay shaygaasi in uu yahay shay
mustaqbalkaaga saamayn ku leh hadaba jawaabtaada haday maya tahay
waxaad ogaata in aad luminayso qiimaha waqtigaaga

Waa in aad ogaata waqtigaaga meesha uu ku baxaayo waayo waa amaano lagu
waydiin doono maalin allihii ku abuurtay aad la joogto

Noloshayda yey ku tiirsantahay?


Nafta waa amaano allihii awooda wayna ee abuurtay ayey u laabanaysa dibna
uma soo laabanayso balse adiga Ugu horayn iswaydii noloshaada ma waxay ku
tiirsantahay qof waligii noolanaya? Dabcan jawaabta waa maya majiro ruux
waligii noolaanaya balse inta aad nooshahay oo aad dhalinyaro tahay
noloshaadi waxay ku tiirsantahay waalidkaaga.

Dabcan haa waalidkii ku dhalay ayaa damaanad qaaday noloshaada inta aad ka
qaan gaarayso kadib marka aad heerkaasi marayso waxad ku riyonaysa in aad
bilowdo nolol cusub midna ogow waalidkaaga intii aad ku tiirsanayd in kabadan
ayey kaa doonayaan marka aad nolosha cusub bilowdo. hadii shalay
waalidkaaga iyo bulshada ku caawinaayeen manta adiga ayey ku doonayaan in
aad garab istaagto oo aad ku caawiso dhaqaalihii ay kugu bixinaayen intii aad
waxbaranaysay.
Ku dadaal in aad dib u celiso dhaqaale kasta, waqti kasta, caawimaad walba,
dhiiirigalin uu qof ku siiyay oo aad ku guulaysatay wax walba oo laguu sameeyay
oo aad ku xaqiijisay riyoyinkaaga waa hanaanka ugu fudud oo kaliya qof

~ 58 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

heerkaaga hore taagnaa aad kor u soo qaado si aad meesha manta aad
taagantahay u keento, isagana uu caawiyo qofka ku xiga kadib si aad u noqotaan
bulsho dhamaystiran
Waxaan manta aan samaynaayo saamayn maku leeyihiin hadafka noloshayda?
Nolosha waa sida muraayada oo kale hadii aad hor istaagto muraayada adigo
dhoolcadaynaya kadib muraayada waxay dib kuu tusi doonta ficilkiii aad
samaysay
dhanka kale hadii aad hor istaagto adigo xanaaqsan ma waxaad arki doonta
adigo faraxsan jawaabta waa maya
Nololshana waa sidaas waxaad hada ku shubato ayey dib kuu siin doonta
Marka waxaan kugu dhiirigalinaya in aad ficilka manta aad samaynayso
wanaajiso si aad mustaqbalka u aragto nolol wanaagsan
Waxaa laga doonayaa in aadan isdhiibin wax walba ay kugu qaadato isla
markaasna aad marwala isku daydaa in aaad samayso mida aad ku fashilantay
mid ka duwan kana wanaagsan.
THOMAS EDISON isagoo ka hadlaaya isku daygii laambada waxa uu yiri.
Waxaan isku dayay in aan laambad sameeyo balse waxaan ku fashilmay tijaabo
la’eg sagaalkun sagaal boqol sagaal iyo sagaashan [ 9999] balse isma dhiibin oo
markan tijaabo ku fashilmaba waxaan isku dayaayey in aan mid kale sameeyo
anigo leh midaan waa dariiqad itusinaysa in aysan laambada ku shaqaynaynin
kadib ayan isku day kale bilawaayey ilaa ugu dambayn aan helo dariiqa saxda ah
Aqristaha sharafta lahow dariiqa guusha ma aha mid fudud oo ay ubaxyo goglan
yihiin.
Dadka aad arkayso ee guulaha waa wayn gaaray waxay markii hore soo
dhadhamiyeen fashilka iyo guuldarada dhadhankiisa.
Hadaba ogow fashilka waa dariiqa guusha hadii aad shaqo ama mashruuc ku
fashilantahay ha is dhiibin ee isku day in aad midkale bilowdo Ilaa inta aad
guusha ka xaqiijinayso.

~ 59 ~
BUUGGA TAARIIQDA MANHAJKA CUSUB SU’AALO IYO JAWAABO
KOBCI NATIIJADAADA

SAABRIIN OSMAN IBRAAHIM ayadoo ka hadlaysa isku dayga waxa ay tiri.


“Culaykasta waxa ka dambeeya fudayd”
Xikmadaan waxa ay ku sababaysay in culayskasta oo ay leedahay waxa aad ku
haminayso in aadan marnaba isdhiibin oo aadan rajo dhigin waxa ay sii raacisay
talada alle [SWC] ayaa haaya talada isaga u dhiibo
Maxaa yeelay waa awooda koonkan wax walbana isagaa awooda.

KOBCI NATIIJADAADA !

SAXIIXA QORAAGA BUUGGA

________________________
SAXIIXA ARDAYGA
__________________________

“HADAFKAYGU WAA HORUMARINTA DHAQANKA WAX AQRISKA “

~ 60 ~

You might also like