Download as docx, pdf, or txt
Download as docx, pdf, or txt
You are on page 1of 6

Fasalka 12aad Maadada:_ TAARIIKH Taariikhda:_10_/08/202

su’aalo iyo jawaabo


CUTUBKA 3AAD

1: waa maxay habka dowladnimo gaarsiinta?


J1: waa habkii ay curiyeen dowladihii ku adkaaday dagaalkii 2aad ee
aduunka ,si loogu bedelo habkii hore ee hoos geynta.
2: goorma ayay sameysay qaramada midoobay habka dowladnimo
gaarsiinta?
J2: waxa ay sameysay sanadkii 1945tii
3:Gooma ayay xornimada qadatay soomaaliya?
J3: waxa ay qaadatay 1bishii luuliyo 1960kii
4: meeqa gobal ayay u sameysay qaramada midoobay habka
dowladnimo gaarsiinta?
J4: waxa ay u sameysay 11 gobal
5: meeqa sano ayay go’aamisay qaramada midoobay in soomaaliya la
hoos geeyo habka dowladnimo gaarsiinta?
J5: waxa ay go’aamisay muddo 10 sano ah oo ay ka dib madax-
banaanideeda hesho
6: soomaaliya waxaa loo dhiibay talyaaniga in uu maamulo mudada
dowladnimo gaaarsiinta waxaana la dhisay gole la tashi oo kormeera
talyaaniga .hadaba sheeg golahaas
J6: waxa uu ka koobnaa:masar,filibiin iyo kolombiya

W\Q: ABDISHAKUR HUSSEIN MOHAMOUD ROOBLE (JUUREEYE)

PG. 1
7: goorma ayay ansixiyeen qaramada midoobay heshiiskii dowladnimo
gaarsiinta soomaaliya?
J7: waxa ay ansixiyeen bishii janaayo sanadkii 1950kii
8: sidee ayuu u qornaa heshiiskii dowladnimo gaarsiinta soomaaliya?
J8: waxa uu u qornaa sidaan soo socoto:
-in la horumariyo arimaha siyaasada iyo bulshada
-in la kobciyo dhaqaalaha gobalka
-in la horumariyo adeegyada guud sida caafimaadka iyo waxbarashada
-in la dhiso gole la tashi
-in la dhiso ciidan qaran iyo ciidan boolis ah
9: goorma ayuu talyaanigu kala wareegay ingiriiska koonfurta
soomaaliya ?
J9: waxa uu kala wareegay bishii abriil sanadkii 1950kii
10: goorma ayuu ku ekaa xiligii dowladnimo gaarsiinta soomaaliya ?
J10: waxa uu ku ekaa bishii disembar 1960kii
11: meeqa xubnood ayuu ka koobnaa golihii 1aad iyo 2aad ee la dhisay
xilligii dowladnimo gaarsiinta soomaaliya?
J11: waxaa uu ka koobnaa kii 1aad 35 xubnood 28 ka mid ahna ay
soomaali yihiin ,halka midka 2aad uu ka koobnaa 44 xubnood 32 ka mid
ahna soomaali yihiin
12:Doorashada golaha waxa ay aheed 2 heer hadaba sheeg?
J12: waxa ay aheed mid toosa iyo mid aan toos ahayn
13: goorma ayaa la dhisay ururka SYL?

W\Q: ABDISHAKUR HUSSEIN MOHAMOUD ROOBLE (JUUREEYE)

PG. 2
J13: waxaa la dhisay 15 may 1943
14: sheeg madaxweynihii ugu horeeyay dalka soomaaliya?
J14: waxa uu ahaa Aadan cabdule cusmaan (Aadan cade)
15: meeqa sano ayuu xukunka hayay Aadan cabdulle cusmaam?
J15: waxa uu haayay 7 sano
16: sheeg magaca ra’iisu-lwasaarihii ugu horeeyay dalka soomaaliya?
J16: waxa uu ahaa Cabdullaahi ciise maxamuud
17: goorma ayaa la dilay kamaaludiin salaax?
J17: waxaa la dilay 16 abriil 1957dii
18: sheeg gudoomiyihii ugu horeeyay baarlamaanka soomaaliya?
J18: waxa uu ahaa jaamac cabdulaahi qaalib
19: meeqa ra’iisul-wasaare ayuu soo magacaabay aadan cade?
J19: waxa uu soo magacaabay labo oo kala ah c\rashiid cali sharmaake
iyo c\risaaq xaaji xuseen
20: maxaa lagu magacaabaa go’aankii uu soo saaray c\risaaq xaaji
xuseen?
J20: waxaa lagu magacaabay BAQSHADA GUDUUDAN
21:goorma ayuu ra’iisul wasaare c\risaaq xaaji xuseen baneeyay
xafiiska?
J21: waxa uu baneeyay 1967dii
22: goorma ayuu xilka qabtay madxweyne C\rashiid cali sharmaake?
J22: waxa uu xilka qabtay 1967dii
23: goorma ayuu geeriyooday C\rashiid cali sharmaake?
W\Q: ABDISHAKUR HUSSEIN MOHAMOUD ROOBLE (JUUREEYE)

PG. 3
J23: waxa uu geeriyooday 1969kii
24: sheeg faraqa u dhexeeya kacaan iyo afgambi?
J24: kacaan waa isbedel saameeya dhinacyada siyaasada iyo bulshada
horseedna uu ka yahay dadweynaha
Afgambina waa koox talada dal xoog kula wareegta oo gembisa
hanaankii maamul ee horay u jiray
25: sheeg gudoomiyihii golaha sare ee kacaanka?
J25: waxa uu ahaa janaraal maxamed siyaad barre
26: meeqa ayuu ka koobnaa golaha sare ee kacaanka?
J26: waxa uu ka koobnaa 25 ka mid ah saraakiisha ciidamada qalabka
sida (19 ciidamada xooga iyo 6 boolis ah)
27: Goorma ayey dhacday ABAARTII DABA DHEER?
J27: waxa ay dhacday sanadkii 1974tii
28: sharax sababaha dhaliyay afgambigii ciidan ee soomaaliya ?
J28: ciidanku waxa ay sheegeen sababta ay afgambiga usameeyeen in
ay tahay ladagaalanka musuq-maasuqa iyo dulmiga bulshada ka dhex
jiray
29: isbar-bardhig kooban ku samee habkii maamulkii rayidka iyo
habmaamulkii ciidanka?
J29: habmaamulka ee rayidka ee ( 1960 ilaa 1969) waxa uu ku dhisnaa
in si dimuqraadi ah leesku doorto oo awooda si nabad ah leesugu
wareejiyo.
Balse habmaamulka ciidanka waxa uu ku dhisnaa xoog iyo awood
maquunin taasoo markii dambe keentay in jabhado hubeysan ay dalka
ka dilaacaan.
W\Q: ABDISHAKUR HUSSEIN MOHAMOUD ROOBLE (JUUREEYE)

PG. 4
30: sharax halka ay ku dambeeyeen gobaladii la hoos geeyay
dowladnimo gaarsiinta qaramada midoobay?
J30: waxa ay noqdeen kuwa madaxbanaani qaatay iyo kuwo la
midoobay dowlado kale
31: sheeg sababta qaramada midoobay u hakisay howlihii golihii
dowladnimo gaarsiinta?
J31: maxaa yeelay majirin gobolo ku haray gacanta dowladnimo
gaarsiinta
32: falanqee loolankii ay dowladaha waaweyn u galeen in ay
soomaaliya maamulaan?
J32: loolan adag ayaa dhaxmaray ingiriiska oo 1941dii gacanta ku hayay
koonfurta soomaaliya iyo talyaaniga oo horay u gumeysan jiray
soomaaliya ,balse qaramada midoobay ayaa go’aamisay in talyaanigu
maamulo soomaaliya mudo 10 sano ah ee dowladnimo gaarsiinta.
33: waa maxay faa’iidada ay midnimadu u leedahay houmarka dalka?
J33: muhiimadu waa furaha horumarka dalka ,marka si wadajir ah loo
shaqeeyo ayuu dalku cagta saarayaa wadada guusha iyo barwaaqada
34: xaddid guulihii talada ciidanka ee soomaaliya?
J34: Guulihii ciidan waxaa ka mid ahaa:
-fulinta mashaaric dhaqaale ee dhinacyada warshadaha ,beeraha iyo
xoolaha
-Horumarinta adeegyada bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada
35: Tiri waxyaabaha lagu dhaliilay kacaankii?
J35: waxyaabihii lagu dhaliilay kacaanka waxaa ka mid ahaa:
-waxa uu laalay dastuurkii iyo xeerarkii dalka
W\Q: ABDISHAKUR HUSSEIN MOHAMOUD ROOBLE (JUUREEYE)

PG. 5
-waxa uu baabi’iyay dhamaan hay’adihii dastuuriga ahaa
-waxa uu kala diray golihii sare
-waxa uu ka dhaqan geliyay hantiwadaag bulsho muslim ah
-waxa uu soo saaray xeerkii qoyska
-waxa uu soo nooleeeyay hanaan beeleed
-waxa uu diiday fikrad kasta oo dalka lagu badbaadin lahaa
36: meeqa sano ayuu xilka hayay madaxweyne C\rashiid cali
sharmaake?
J36: waxa uu haayay 2 sano oo keliya
37: intow ku dhashay intwna ku dhintay C\rashiid cali sharmaake?
J37: waxa uu ku dhashay magaalada xarardheere ee gobalka
mudug ,waxa uuna ku dhintay magaalada laascaanood ee caasimada
gobalka sool
38: sheeg ra’iisul wasaarihii uu magacaabay madaxweyne C\rashiid cali
sharmaake?
J38: waxa uu ahaa Maxamed xaaji ibraahum cigaal
39: intow ku dhashay intowna ku dhintay madaxweyne Aadan cadde?
J39: waxa uu ku dhashay magaalada beledweyne ee caasimada gobalka
hiiraan ,waxa uuna ku dhintay beertiisa oo ku tiilay magaalada janaale
ee gobalka shabeelaha hoose
40: Goorma ayuu geeriyooday madaxweyne aadan cade?
J40: waxa uu geeriyooday sanadkii 2007dii

W\Q: ABDISHAKUR HUSSEIN MOHAMOUD ROOBLE (JUUREEYE)

PG. 6

You might also like