Download as pdf or txt
Download as pdf or txt
You are on page 1of 17

Humaagyadu waa farshaxanimo heer sare ah, tasoo badanaa ay adeeg sadaan hal-

abuuradu, si ay ugu qurxiyaan sugaantooda,


○ Mar kaleeto humaagyada waxa lagu ladhaa sugaanta si aan loo fahmin micnaha ku
duugan ama ku hoos jira shaygaa la adeegsaday,
○ Humaagyadu waxay kor u qadaan ama xiiso mugleh, galiyaan hibada hal-abuurka
adeegsaday ama adeegsan doona.
○ Humaagyadu waa sawir lagu cabiray sawir kale ama la barbar dhigayo.
○ Humaagyadu mar kale waa hadalkoo hu’lasaaray ama la sogardahay amase la sayn
saabay oo sida loo yidhi mahee uu si kale oo ka balaadhan micnihiisu yahay.
○ Humaagyadu sida la sheegay ama dadyow hore aynu ka hayno waxa loo qaybiyaa
11 nooc oo kala duwan, mid kastaana uu ka gadisan yahay kan kaleeto, xaga micnaha
iyo qaabdhismeed kaba, waxaana kamida.
[1] Ekeeye
[2] Duurxul
[3] Shareere
[4] Qufayn
[5] Buunbuunin
[6] Lagaado “quusin”
[7] Yamxeero dayro
[8] Silan sugan
[9] Xus
[10] Sarbeeb
[11] Astamayn
Bal hadaba intaan sheegnay mid kasta aan magacawnee, mar kaleeto hadana aynu
kala qaadqaadno, oo mid walba hogiisa ugu tagno, oo aynu qeexno.
1″ EKEEYE
Eekeeyuhu waa hadal ama hawraar laba shay ama wixii ka badan, laga dhaxaysinayo,
xidhiidh isku sidkan, Ekeeyuhu wuxuu u qaybsamaa .
《4》 qaybood. Oo kala ah. Loo Eeke, U Eeke, Qalab iyo qaab.
Loo Eeke” waa kan loo eeg yahay ama lala wadaago wax isaga u gaara. Tusaale.
{Cabdiyoow xasan baad quruxda uga Eeg tahay}
Hadaba si aynu iskula fahano cabdi quruxda wuxuu uga eeg yahay xasan.
U Eeke” kana waa mid u Eeg mid kale. Mar kastana waa soorane, u martiya ciday is
shabahaan, ama ay humaag wadagaan, tusaale.
[hodan quruxda waa sida hoyadeed]
Hodan qurux bay ledahay oo isla garanay, ee hadaba talow yay ka raacday ama uga
eeg tahay, Dee meel kalaba haka doonine waa hoyadeed, oo hodan waa u Eekihii,
hoyadeedna waa loo Eekihii .
Qaab” kana waa halkay labada humaag iskaga eeg, yihiin ama iska shabahaan,
quruxdii, dheridii, midabkii, iwm,
Tusaale kale,
{quruxda walashabaad uga eeg tahay}
Hadaba markaba waxaad is waydinaysaa waxanay labadan hablood wadagaan waa
maxay ama humaaga ka dhaxeyaa waa kee, dee meel dheerba haka doonine soo qabo
waa quruxdee.
Qalab” tana waa erayada isu eegaysiinta ama qalabada isu xidha labada humaag,
waxayna kala yihiin, sidii, Lagumood, Gadeedii , Caynkeedii, Oo kale, Lagaa
garan,Tahay, U Eeg. Iwm Tusaale kale {hodan quruxda waa sida hoyadeed}
Hodan iyo hoyadeed, quruxdii way isaga eeg yihiin oo garanay, ee maxaa isku
xidhaya, dee waa inaad markaba ila fahantaa ood soo qabataa 《sidii》 oo qalabkii
ah. Bal hadaba intaasi qexitaan inoogu filane, kasoo gudub,
1.Tusaale-Tirabeed.
◇ hodan quruxda waa sida hoyadeed.
◇ xasanoow waxaad u Eegtahay birta calanka,
◇ kubada waxaad u taqanaa sida faarax.
2.Tusaale-Tixeed
[1] Sidii tuunyadii hawd
Todobadkii ku horoo
Gugiina uu ku taagsaday
Tiriig baxay la moodyeey
[2] Lagumood madixoo dhashiyo sidigti maadhiine .
Lagumood madheedh u Egeey dahabki maarseeye.
Magalada barbara maalintii madasha loo joogay.
Logumood hilaacii mudh yidhi ee muuqday labo jeer.
[3] Sida dhamastu geedaha
Dhirta uga saraysaad
Qalbiga ugu dhigan tahay
[4] Astamaha wakhtigu
Ina soo marshaa
Isu wada Ekaa
Mantana afduub
Igula Ekaa.
[5] Sida cir ku hooray meel cosobloo
Cadceedii usoo baxdaad tahay.
[6] Dhameelka hawdiyo
Hadaad tahay hunguri dhubuq
Dhuuntaan ku marin laa.
2″ DUURXUL
Waa hadal ama tix ula jeedo fog leh, sidoo kale waa hadal ama tix cidii lagu waday
aan si cad loogu abaarin looguna tabin, ee wax kale loo soo mariyo ama loogu soo
sogor daho. Waa hadal cida loola jeedo mahee cid kale humaaga losoo tix raaciyo.
Mar kaleeto duurxulku waa hadal qarsoon kana fog weedha la isticmaalay erayada ay
ku dhisan tahay iyi habka loo tabiyay.
tusaale-tixeed
[1] Geenyada nin lihi qoofashee qolqolka daqaysa .
Qiyaas li,i ninkii ugu tagoow qomamaa xigi.
[2] Hasha jilicsan iyo qaalmahaad wada jaleecayso .
Mid ku joogso layskuma darsado laba jidhaamoode.
[3] Bulsho waxay dulowdaa
Marka geela loo diro
Ninka maqasha daayacay.
[4] Gamaankiinan badan faytinoow gabalba waa cayne .
Qaar baan ka goor iyo ka goor godolka daynayne .
Qaarbaan garmaamada la barin gaalibna aqoone.
Gabax lagu shakaal yoow sengihii gaabi orodkiiye .
Gacalnimo hadaad naga rabtaan go.aha noo doorsha .
Hadii kale sidaa noo gasheen yaa inoo godoba.
3″ SHAREERE
Shareeruhu waa qodob kulmiya laba humaag oo kala xeeldheer, markale waa hadal
ama hawraar lagu mideeyo laba humaag oo kala madax banaan,
Mar kale shareeraha waxaynu u aqoonsan karnaa humaag mar kasta laga dhex
dheehdo kalmada. Waxaa iyaduna waa sumadaha shareeruhu caanka ku yahay, waana
xidhidhiye, U gaara shareeraha,
1. tusaale-tirabeed
◇ Hodan waa birtii calanka
◇ Cabdi waa shabeel.
Halkaa waxa kaga dhadhamaya oo kaga iftiimaya kalmadii ‘Waa’ Oo labadaa
wedhoodba si xeel dheer isugu xidhay.
Bal xagii sugaantana aynu ka eegno.
2. tusaale-tixeed
[1] Waa dhagax nafloo hayjadaa dhigay ilaahaye.
Waa dhabarka seedaha ku yaal sidigti dhameele .
Dhadhaab adag hadaanu ka bixin laguma dhateene.
[2] Higlooy timahaagan hawdkaa
Wixii ku halaaba lama helo
Nahooy gugoo horayeey galabta may raaci.
[3] Afar labo lix goor ayuu Sidan iiga loogsadaye.
Mar uun igama liibaansanine way iga ladaabsadaye.
Alla labiyo toban goor miyey liidnimo i raacday.
4″ QUFAYN
Waa hawraar ama hadal ay adeeg sadaan sugaan yahanadu. Tiyooy ku cabiraan
dareen kooda. Iyagoon waxaan caqli lahayn la hadlaya ama fariin u dhibaya, amase
sidii dadkoo kale ula gorgor tamaya,
Markale qufayntu waa humaag dhex mushaaxa xayawaanka iyo dadka. Kasoo
mararka qaar turjuma dareen dhaba oo dhacay . Ama dhici doona,
1. tusaale-tixeed
[1] Maxaan shimbiraha warays tay
U dhiibay waraaq daboolan
Haadii wacdigayga qaaday
Cid weeye tidhaahda weyday
[2] Fiid meerta duushaay
Fariin taydan qaadoo
Ha furfurin adoon arag
Farxadii jacaylkeen
Ku calool fayoobaa
[3] Guugulayahaw hadaad guga u ooyayso
Oo aad mooday kaligaa inuu gubayo jiilaalku
Ama aad gabooyahan ku madhan gama’ la diidayso
Gartaa maaha keligaa inaad gaar u cabataaye.
Guumays cirro leh baan ahaye war aan ku gadhsiiyo.
[4] Shimbir yahow dabaylaha
Daruuraha dhex marayaa
Meshii aad doontaba
Adigaa u duulee
Warqadan daboolane
Dusha sawirku kaga yaal
Dawadii qalbiga
Dagdag iiga gadhsii .
[5] Gabal dhaca cadceed yahay
Usii faano guratee
Casar gaaban fiidkii
Godka weeraraysaa
Go’e fulay miyaad tahay.
Waa maxay garmaamadu
[6] Gudin yahay hadaan badhkay kugu jirin imaad goyseene.
[7] Dayaxiyo cadceediyo
Xidigaha cawyskii
Cirka noo iftiin shoow
Inaan idin casuumaad
Cakuyeey u qalantaan
5″ BUUNBUUNIN
Waa tix ama tiraab qof lagu cabiray kasoo laga kaxeeyay xadigii uu ahaa . Kiyoo la
amaanayo,,
Mar kale waa hadal curfi iyo wanaagba leh. Oo badiyaa sugaan yahanadu adeeg
sadaan.
Mar kale buunbuunintu waa humaag tilmaamaya sida ,Muqaal , Qurux , Qiimo. Karti ,
Iyo ,Dheef , Uu shay waliba leeyahay Tasoo lagu daray bara dhaafin aad u saraysa,
Badiyaa buunbuuninta dadyawga qaar danbi ayay ku sheegaan, sida bulshooyin
kalana ku tilmamaan, mutaysi uu mutaystay shaygaa lagu bandookhay buumbuunintu
.
1. tusaale-tixeed
[1] Markay maqan tahay magaladoo dhami.
Mugdi weeyoo way madowdahay .
[2] Xagii loo dayaba waa gamaan xulashadiiye .
Goortaan xasuus ula noqdaa xiise ii qabane.
Xubno toosanoow neefku waa xeelad gooniyahe.
Waxaan xarafka dimeed ahayn igaga xeel dheere.
[3] Xuural caynti dunidee
Nabi yuusuf dabadii
Daawadashada u timidee
Dalka lagu manaystaay
[4] Dhigta kabaha iyo laafyahay dhebel u sii dayso.
Dhugay inan rag kay dhinac martaa dheelimaad galabe.
Inta dahabku lacagta dheryahay dumarka dhaantaaye.
Dhaqan iyo adduun lama hadheen dhogorta xoolaaye.
[5] Samsameey cadcediyo
Dayaxaa socdaalaa
Adigay siraadkiyo
Iftiin kaa samays taan
[6] Asmaay xural cayn yahay
Aynigaagan oo kale
Wali dunida may iman
Kuwii kula abuur haa
Uurkay ku sugan yiin”
6″ LAGAADO { QUUSIN }
Lagaado ama quusin waa tiraab ama tix uu lidkiisu yahay micnihiisa kasoo horjeeda.
Markale humagani waa qofkoo loo qariyo waxa dhabta ah ee uu yahay. Looguna
jirabo hab sarbeeba tiyoo loogu hoos qarinayo xumaantiisa ama halkuu ku liito.
Humagaani waa hab aan qofka hadalka dhabtiisa loogu qexayn ee loo sogor dahayo
loona sayn sabayo. Micnaha dhabtaa, badiyaana gayiga somalida humagan aad ayaa
looga istic malaa,
1. tusaale-tirabeed
◇ Nin gaaban ayaa la odhanayaa cir gujiye.
◇ Nin ilka la. Ayaa loo bixinayaa ilka case
◇ Nin faruuran ayaa loo bixiyaa fanax
◇ Nin madaw ayey odhanayaan sidoo kale dayax,
Lagadada ama quusintu waa humaaga nocaa ah ee daaha la saaray. Bal mar kale aynu
ka eegno dhanka sugaanta.
2. Tusaale-tixeed
[1] Higlo weeyi dulin badan
Waana hogo kaliileed
Hongoraha cadceedaa
Ku hadh galay cadceedii
Haylaa ka yara kacay
Hurdana wuu isaga jiray
Hilaac wax i tus bay tidhi
Kuye hilyooy toos
Iga eeg kor iyo hoos
Miyaan hoolif mooyee
Hal turxaana leeyahay
Wax ka sheega haaruun
Halacsiga sarbeebta ah
Iyadoon ku hawshoon
Haka yaabin bay tidhi
Huuhaadu digashiyo
Hab sabaale weeyaan
Waana lays hundo ogyahay.
[2] Hayska dhabar yaratoo
Dhulka haw dhawatee
Walidkeedi dhalaybaa
Dhaxee amaan mudan
[3] Waa lagu digtaa ruux hadduu kuu darraan jiraye.
Daaduunka uu maxamed qabo waan ku diirsadaye .
Bal dayaay wadaadkii wakaa sii dabayshadaye.
[4] Ma taqaanid beentee
Runta barashadeedaa
Bala kaa hor joogtaa.
[5] Bakhayl nimo umaad dhalane
Waxaad bixin lahayd
Adiguunba u baahday
7″ YAMXEERO { DAYRO }
Yamxeerada ama dayradu waa humaag u badan dhiilo ama dhaliil . Waana hawraar
ama hadal badiyaa u badan calaan.cal ama is dhul dhig aad u sareeya,
Markale yamxeerada ama dayradu , waa xalaad qof laga dayrinayo, qofkaasoo wax
kusoo mooday ama nolol kusoo biday ood si aan wanaag ku jirin aad ugu war
celinayso.
1. Tusaale-tirabeed
◇ Maxaa lagu soo hoyday.
” labadayada lugood iyo laamo galool
◇ Reerkii muxuu sheegay.
” nabad iyo waxaad sheegi mooyi .
Hadaba tusalahaa waxa inooga iftiimaya xaladii dayrada ama yamxeerada.
Oo ninkaasi reerkaa uu waraysanaayo. War celintooda hab dayrineed ayey ugu
jawabayaan,
Markale xaladaha dayrinta waxa kamida.
○ Lagu kaakac
○ Waa nin iyo waagii
○ Lays mood
○ Haba sheegin
○ Cirkaan iska haynaa .
Wali tiraabtiibaa inoo socotee bal aynu shekada yaree gabana isla Eegno.
Ninbaa u yimid nin hilib cunaaya markaasuu ku yidhi, reerihiibaan ka imidoo
gurigaagiina waan soo maray .ninku aad buu u diifaysnaa xoolo yar oo uu magalada
keenayna waa laga iibsan waayay, markaasuu ugu jawaabay kii hilibka cunaayey ,
{B} Marinkaagaa ahaa
{A} Gabadhaadiina way umashay
{B} Sedkeedaa go’ay
{A} Laba mataano ahbay dhashay
{B} Sideeday u uur weyneyd
{A} Labadii matanood mid baa dhintay
{B} Malagiibaa galay
{A} Kii kalana wuu raacay
{B} Meel uu ku hadhuu garan waayay
{A} Mididaadu af-waynaa
{B} Waan ku ogaa
{A} Cadkaad cunaysaa baruur weynaa
{B} Waa waxaan ku raacay .
Bal hadaba intaasi tiraab ahaan inoogu filane xagii tixda ama sugaanta aynu ka
istaagno
2. Tusaale-tixeed
[1] Waatay gooman noqotaa
Oo gu’ga la waayaa
Anba maan gasiimanoo
Wax ma saarin gawsaha!
[2] Waligeed aduunyada
Wakhtigaa nin saacida
Ninna wayahaa xidha
Labadaasi waxaan ahayn
Horaa looga waayoo
Waa nin iyo waagii .
[3] Waxaan idhi dhanaan iyo
Dhay kaydun haysaan ?
Waxay tidhi dhib mooyee
Dheef malaha duunyadu
Dhaqashana cidlaw dagay
Mooyii dheeftii xoolaha
Wax dhufsaday ayaamahan
Gu’gan neefafkii dhalay
ibbo dhiiqda loo diid
Laga waa dhalaalkiyo
Canihii la dhami jiray
Dhiilkayagu ma buuxsamo
Hadii tooda dhicisiyo
Dhammi laysku soo daro
Waxaan idhi dhaqaaliyo
Haka baqanin dhuurida
Waxaad dhariga saartiyo
Maxaad dhuuni haysaa .
Waxay tidhi dherow ba’ay
Miyaa laba dhadhaaraa
Siday faqash dhulkaw timi.
[4] Gartay weeye hayboow inaan guriga diidaaye.
Waxba gogol ha ii dhigin hurdada gama’a lay diidye .
[5] Daab gudina weli sooma goyn wiilashaan diraye.
Afartii cagaha googa’naa ayaa caawa ii hadhaye.
8″ SILAN-SUGAN
Silan.sugantu waa isa seeg baaxad leh oo u dhexeeya laba humaag ama wixii ka
badan,
Markale silan-sugantu waa tix ama tiraab ka kooban erayo isu lida ama is diidaya,
Bal horti intaynaan u galin tusalayasheeda aynu iyadaba kala dheegno.
Silan: Waa halku dhiga ugu horeeya ee silan suganta waana shay ama wax silan ama
si ah. Mar kale waa wax yara guracana silantu.
Sugan: Waa halku dhiga labaad ee
silan- suganta waana wax sugan oo meel loogu hagaagi karo amase saxa ,
Bal hadaba aynu xaga tiraabta ka eegnee aynu soo qabano tiraab silan.sugana.
1. Tusaale-tirabeed
○ Xasanoow waad qurux badan tahay
Lakiin foolxumo yar ayaa kugu duugan
○ Fariidnimaad u dhalatay. Doqonka lakiin waad iska dhigtaa .
Bal hadana aynu ka milic sano dhanka sugaanta .iyo habka hal-abuurku ugu sidko
sugaanta silan-suganta .
2. Tusaale-tixeed
[1] Dhulka waan socdaa
Wanan dhaafsanee
Cirku waa dhaw yahay
Waana dheeryahay.
[2] Xalay isniintii waxa i heley Toban amuuroode.
Asal gama’ waan is idhi hadana uurka kama seexan.
Albaabada dushaan ka jiray aqalna waan jiifay .
Oonbaan i gawracay oo biyaan ku ag wareegaayay.
[3] Waxaan ahay qadhaadh iyo macaan meel ku wada yaal.
Bidixdeyda iyo midigteydu waa laba matanoode .
Midi waa marti soora iyo maata daadihise.
Midina waa midiyo xiirayiyo mudhiyo deebaaqe.
[4] Ma maqanahay ma joogaa
Ma mir kacay ma negi yahay
9″ XUS
Xusku waa tix ama tiraab ay hal.abuuradu ku xusaan tariikh dhaba oo dhacday ,
Sidoo kale xusku waa dhacdooyin waa hore dhacay oo dib loogu han.qal taago oo la
xuso mar labaad,
Sidoo kale humagan xuska waxa loo adeeg sadaa sheekooyinka oo lagu maqaal qoro
wax bari hore dhacay,
1. Tusaale-tirabeed
○ bari hore waxaa jiri jirtay gabadh la yidhaa dhag-dheer .
○ waxaad dhalatay laba gu’ ka hor.
2. Tusaale-tixeed
[1] Haw dhuran dhurwaagii
Laftuu dhuuxay eersaday
[2] Qab qab dhaafay bay laba qabiil qaran ku waayaane.
Qabiilba habiil markuu qoonsaduu dilaye.
[3] Habartii docdeediyo
Dagalkay ku noolayd
Daruuruhu ku hooreen
Dadba wada hel moodoo
Daad wararac bey tidhi .
[4] Abidkii rag waa go i jiree kanise waa gaawe.
Lix hal oo u wada gaar ah baan goconayaa mooyi.
[5] Balaf waxaan ku haystaa
Beri inuu waraabuhu
Dameeraha ka biqi jiray
Bal dhadhami dhagtaydaa
Bixisaa ka keentoo
Wali waa ka baacsada!
10″ SARBEEB
Sarbeebta sida la ogyahay waxay u badan tahay hal.xidhaale . Sidoo kale calamadaha
u gaarka ah sarbeebta waxa kamida. 《?》calamatul su’aal.
Sarbeebta sida laga war hayo waxay xidid wadagaan hal.xidhalaha lakiin waa kala
bah sida maxsuulka ah.
Sarbeebtu mar kale waa humaag la sayn saabay oo sartisii la sogor dahay lana qariyay
micinihiisii guud ama bartii dhandhanka rasmigii ku jiray .
1. Tusaale-tirabeed
《Bishu waa sodon balayguna wuu buuxaa》
Waa sheeko dhex martay wiil iyo Aabihii .
Nin wayeela ayaa isagoo magaalo jooga , wiilkiisii fariin u direy waxaanu ku yidhi,
Ninkii fariinta ka qaadayay markaad gaadho inankaygii waxaad ku tidhaahdaa
Aabahaa waxa uu ku yidhi, {shanta saladood waysa qudhaan ku tukadaa}
Wiilkii markii ay fariintii gaadhay , ayuu fahmay in Aabihii baahi ka cabanaayo, ayuu
nin ugu soo dhiibay joog subaga oo buuxa, waxaana uu ugu soo dhex riday soddon
wasladood oo hiliba, kadib ninkii ayuu ku yidhi Aabahay u gee , Alaabtaas
Oo waxaad ku tidhaa, [ Aabo bishu waa sodon balayguna wuu buuxaa ]
Ninkii intuu dhexda kusii jiray ayuu laba wasladood kala baxay, markii uu odaygii
gaadhay ayuu fariintii u sheegay, odaygii joogii ayuu eegay markasuu hilbihii tiriyay ,
oo uu ninkii ku yidhi laba xabo ayaad kala baxday, saw maaha, ninkii intuu yaabay
ayuu ku yidhi odaygii, adeer seed ku garatay inaan laba kala baxay , markasuu odaygii
ku yidhi ninkii, bishu waa sodon balayguna wuu buuxaa ! Ayaan ku aqoon saday,
2. Tusaale-tixeed
[1] Nimanyahow ciraab laguma kaco curuf la aaneede .
Cod xidhaal ah oo wada cajab ah cayn aan ka higaadsho.
Wax cad oo madow baan arkee care’e yaa ii sheega .
{ Warcelin }
[J] Anagaan ciraab li’i ku curuf la’aaneede.
Cod xidhaale ah oo wada cajab ah caynka aan ka higaadsho.
Wax cad oo madaw saw indhaha ina caroow maaha.
[2] Adhi saboola si loo dhaqo
Sax gabno ah sii loo lulo
Saafiyeey bal ii sheeg?
{ Warcelin }
[J] Adhi saboola si loo dhaqo
Soddohda isaga dhiib
Sac gabno ah si loo luulo
Sadex qaar is gadhsii .
[3] Waxa socodka diinka leh
Dabayshana ka orod badan
Ee daalayn bal ii sheeg?
{ Warcelin }
[J] Waxa socodka diinka leh
Dabayshana ka orod badan
Ee daalayn sheegayoo
Diir igama saarnoo
Dayaxeena weeyaan
[4] Mayal geel weynta oo kaliil mayle lagu qoojay.
Oo meel afmeeriyo ku dhalay mudhayadii gaafka.
Oo laan magooshiyo tigaad mulaya daaqaaya.
Oo maalin layl iyo habeen maqashu dhaadhyayso .
Oo aan magow lagu arkayn maahir ibaheeda.
Halagaa maqlee kii gartow mari higaadeeda?
{ Warcelin }
{J} Waa nimanka muusoow qandiga la meeraaya.
11″ ASTAAMAYN
Astaamayntu waa hadal ama tix ku saabsan xornimada amase gobonimada,
Markale astaamayntu waa wax bari hore dhacay oo dib loo yagleelayo,
Oo waxabaad modaa in uu xidhiidh ka dhaxeeyo, xuska,
Astaamayntu waa marka wixii laga hadlayey aan si toosa loogu dhawaaqin, ee uu
astaan uu leyahay la sheego, ama lasoo qaato,
1. Tusaale-tirabeed
○ Shan aan haanta iska waraabin
○ Sida ganba yarta yaynaan u wada dhaqmin
○ waa erayo fican yahay
○ waxbuu xaday
○ fartuu noo goday
2. Tusaale-tixeed
[1] Geeraradaydii hashaan anigu googooyey.
Galool iyo maraa iyo hashaan kidiga gaylaanshay.
Gaajiyo haraad badan hashaan ugu garaacayey,
Goortii sidkeedii go’ay ee ay galabti fool qaaday .
Iyadoo candhada giijisay oo godol ku sii daysay.
Garaad nimaan lahayn bay la’tahay waad ka gaagixine.
[2] Maandeeq markay curatay laba mas raceene
[3] Awrkii gulaaniyo hashaan gubadlaha .
Wax la yidhi gal daanyeer cabay habi gaysaaye.
[3] Dambarkeeda maandeeq kolkii weelka lagu duugay .
Durduur iyo rakaad caanihii duul yar baa dhamaye.
Dibjirkii u soo diriray iyo doorki la ilowye.
Ururintii iyo Qalinkii. Cabdirisaaq Xikmaawi

You might also like