Download as pdf or txt
Download as pdf or txt
You are on page 1of 97

Imtixaanka Afka

ee Darawaliinta
Baabuurta
Somali Land
Somaliland

1
Chapter 1: Calaamadaha Wadddooyinka
Hal Jawaab ka dooro
1. Calaamadee kuu sheegaysa inay mamnuuc tahay ama aan la ogolayn gaadiidka
matoorka ku shaqeeya ama matoorka leh?

A. B. C. D. Jawaab =
A
Hal Jawaab ka dooro
2. Calaamadee kuu sheegaysa inay maamnuuc tahay ama aan la oggolayn gaadidka
matoorka ku shaqeeya ama matoorka leh?

A. B. C. D.
Jawaab = B

Hal Jawaab ka dooro

3. Maxay tahay ama loola jeedaa calaamadan?

A. Inaa la is dhaafi Karin


B. Lama oggola gaadiidka matoorka ku shaqeeya
C. Meelaha aan la istaagi Karin
D. In loo ogol yahay baabuurta iyo mootooyinka oo kaliya
Jawaab = B

2
Hal Jawaab ka dooro
4. Maxay tahay ama loola jeedaa calaamadan?

A. Gaadhi lama dhigan karo


B. Inaysan jirin calaamadaha wadada ku hor qoran
C. Waddo aan horay loo socon karin
D. In la gali karo wadada, iyo in kale.
Jawaab = D
Hal Jawaab ka dooro
5. Maxay tahay ama loola jeedaa calaamadan?

A. U qalooca midigta
B. In wadada midigta ku taaala ay xidhan tahay.
C. In aan gawaadhi midigta ka soo geli Karin.
D. Looma leexan karo midig (no right turn)
Jawaab = D
Hal Jawaab ka dooro
6. Calaamadee kuu sheegaysa inaan wadada la geli Karin? (No Entry)

A. B. C. D.
3
Jawaab = D
Hal Jawaab ka dooro
7. Baabuurtee ayay calaamadan khusaysaa ama loogu talagalay?

A. Baabuurta Balaadhan
B. Baabuurta dhaadheer
C. Baabuurta kor u dhaadheer ama sare u kacsan
D. Baabuurta culculus
Jawaab = C
Hal jawaab ka dooro
8. Maxay tahay ama loola jeedaa calaamadan?

A. Inaad wadada xaq u leedahay


B. Inaad wadada siiso gawaadhida dhinaca kale ka soo galaysa.
C. In labada dhinac loo gali karo.
D. Inaan la is dhaafi karin ( lama ogola inaad gaadhi kale dhaafto)
Jawaab = D
Hal jawaab ka dooro
9. Maxay tahay ama loola jeedaa calaamadan?

A. In waqtiga aad joogsan karto ama wax ku sugi karto uu xaddidan yahay
B. In sugitaanka la oggol yahay
C. In uu jiro xadka xawliga xawalaaha ee waddanka
D. Lama istaagi karo
4
Jawaab = A
Hal jawaab ka dooro
10. Maxay tahay ama loola jeeday calaamadan?

A. Wareegto ( Roundabout)
B. Isgoys
C. Lama joogsan karo
D. Lama geli karo
Jawaab = C
Hal jawaab ka dooro
11. Maxay tahay ama loola jeedaa calaamadan?

A. Gawaadhi lama dhigan karo meelaha dadka maraan.


B. In baabuurta la dhigan karo dhinaca bidix ee wadada oo kaliya
C. In gawaadhida si buuxda loo dhigan karo dadkuna mari karaan
D. In gawaadhida la dhigan karo wadada dhinaceeda midigoo kaliya.
Jawaab = C
Hal jawaab ka dooro
12. Maxay tahay ama loola jeedaa calaamadan?

A. Lama ogola in la is dhaafo


B. In wadada lagaa leeyahay ama in baabuurta dhinaca kale ka soo socota ay wadada
xaq u leeyihiin
C. In gawaadhida is dhaafi karaan
D. In gawaadhida hal dhinac mari karaan
Jawaab = B

5
Hal Jawaab ka dooro

13. Maxay tahay ama loola jeedaa calaamadan wadooyinka?

A. Inay dhaamaatay wadada labada jiho loo marayay


B. In wadada ay kaaga xaq leeyihiin baabuurta dhinaca kale ka soo socota
C. Inaad adigu gaadhiga wadada ka leedahay
D. Inuu laynka ama xariiqa baska kaa horeeyo.
Jawaab = C
Hal Jawaab ka dooro

14. Maxaa waajib kugu ah inaad samayso markaa aad calaamadan aragtid?

A. Inaad istaagto marka ay gawaadhi kale soo socdaan


B. Inaad joogsato xitaa haddii ay wadada madhan tahay.
C. Inaad istaagto marka ay caruur doonayaan inay wadada dhaafan oo kaliya
D. Inaad istaagto marka aad laydh cas aad aragto oo kaliya
Jawaab = B
Hal Jawaab ka dooro

15. Maxay tahay ama loola jeedaa calaamadan?

A. In meelaha lagu nasto ay kuu jirto 30 KM


B. In xawliga ugu badan yahay 30 KM saacadiiba ( 30 KPH)
C. In xawliga ugu yar ee lagu socon karo uu yahay 30 KM Saacadiiba (30KPH)
D. Xariiqa ama laynku inuu kuu jiro 30 KM
Jawaab = C
Hal Jawaab ka dooro
6
16. Calaamadee kuu sheegaysa inay kaa horayso bidix u leexo?

A. B. C. D.
Jawaab = B
Hal Jawaab ka dooro

17. Maxay tahay ama loola jeedaa calaamadan?

A. Meelaha basaska ka leexdaan


B. Wadoyinka goobada ah (ring road)
C. Wareeg yar ( Round about )
D. Ku soco midig
Jawaab = C
Hal Jawaab ka dooro

18. Maxay tahay ama loola jeedaa calaamadan?

A. Inaad wadada siiso gawaadhida kaa hor imanaysa


B. Gawaadhida soo socota waxay kaa dhaafayaan labada dhinac
C. Ka leexo isgoyska ugu dhow ee la heli karo
D. Hal meel ayay ku geynayaan labada dhinac dhinacii aad ka dhaafto ba
Jawaab = D

7
Hal jawaab ka dooro

19. Calaamadee kuu sheegaysa inaad galayso waddo hal jiho loo mari karo (Oneway
street)?

A. B. C. D.
Jawaab = B
Hal Jawaab ka dooro

20. Halkee ayaad ku arkaysaa laynka (xariiqa) basaska iyo baskiilada ee u socda jihada ay
gawaadhida kale ka soo socoto? (Contraflow)
A. Waddoyinka waa weyn oo xariiqo badan leh
B. Wareegtooyin ( Round about )
C. Wadooyinka waa way nee magaalooyinka ku yaala
D. Wadooyinka halka jiho loo maro (one way street)
Jawaab = B
Hal jawaab ka dooro

21. Maxay tahay ama loola jeedaa calaamadan?

A. Inay kaa horayso bidix u leexo


B. Isgoys u samaysan sida T (T-Junction)
C. Waddo aan horay looga bixi karin
D. Wadada sii gaadhiga wada saaran (Give Way)
Jawaab = B

8
Hal Jawaab ka dooro

22. Maxay tahay ama loola jeedaa calaamadan?

A. Isgoys ama meel waddoyinka iska jaraan


B. Meesha tareeenadu ka gudbaan oo albaab leh
C. Meesha tareenadu ka gudbaan oo aan albaab lahayn
D. In horay oo kaliya loo socon karo
Jawaab = A
Hal Jawaab ka dooro

23. Maxay tahay ama loola jeedaa calaamadan?

A. Waddoyinka wareegtada leh (ring road)


B. Wareegto weyn ( Round About)
C. Gawaadhida lama ogola
D. Wareegto yar( Round About)
Jawaab = D
Hal Jawaab ka dooro

24. Maxay tahay ama loola jeedaa calaamadan?

A. Dadka baaskiilada wata waa inay ka degaan baskiilada


B. Baaskiilada lama ogola
C. Inuukaa horeeyo laynka ama xariiqa baaskiilada
D. In baaskiilada ku sodaan hal saf
Jawaab = C
9
Hal Jawaab ka dooro

25. Calaamadee macnaheedu yahay (inay jiri karaan dad lugaynaya oo wadada dhinac
socda)?

A. B. C. D.
Jawaab = A
Hal Jawaab ka dooro

26. Calaamadee kaaga digaysa meelaha ay ka gudbaan dadka lugaynaya?

A. B. C. D.
Jawaab = A
Hal Jawaab ka dooro

27. Maxay tahay ama loola jeeda calaamadan?

A. Inaanay hortaadu lahayn meel lagu lugeeyo


B. Inay kaa horeyso meelaha dadka lugaynaya oo kaliya
C. Waxaa kaa horeeya meelaha ay ka gudbaan dadka lugaynaya
D. Waxaa ka horeeya meesha iskuulka looga gudbo
Jawaab = C
Hal Jawaab ka dooro

28. Calaamadee kuu sheegaysa in wadada kaa horaysa ay leedahay laba gooladood ama
laba qalooc

10
A. B. C. D.
Jawaab = B

Hal Jawaab ka dooro

29. Maxay tahay ama loola jeeda calaamadan?

A. Biriish tuur leh


B. Askari jiifa oo ku samaysan wadada
C. Meesha laga galo wadooyinka askariga jiifa.
D. Dhinacyo jilcan
Jawaab = B
Hal Jawaab ka dooro

30. Maxay tahay ama loola jeeda calaamadan?

A. Inay kaa horayso bridge gaaban


B. Inay kaa horayso waddo laga dhex duso (Tunnel)
C. Inay kaa horayso taalo qadiimi ah
D. Inay kaa horayso baraha madow ee shilalka
Jawaab = B
Hal jawaab ka dooro

31. Maxay tahay ama loola jeeda calaamadan?

11
A. Waxaa ka horeeya waddo labo jiho loo maro
B. Waddo labo jiho loo maro (two way) oo gudbaysa ama goynaysa waddo hal jiho leh
loo maro (one way street)
C. Wado laba jiho loo maro oo kormaraysa buundo
D. Waddo labo jiho loo maro oo gudbaysa wado labo dhinac laga maro
Jawaab = B
Hal Jawaab ka dooro

32. Calaamadee macnaheedu yahay inay dhamaatay wadada labada layn ama xariiq
ama laymanka badan lahayd?

A. B. C. D.
Jawaab = D
Hal jawaab ka dooro

33. Maxay tahay ama loola jeeda calaamadan?

A. Inay dhamaatay ama dhamaadka waddadii laymanka badan lahayd


B. Buundo kor u dheer
C. In wadada cidhiidhi noqonayso
D. Inay dhamaatay buundadii cidhiidhiga ahayd
Jawaab = A
Hal Jawaab ka dooro

34. Maxay tahay ama loola jeeda calaamadan?

12
A. Inay kaa horayso wado labo jiho loo maro oo jaraysa wado hal jiho loo maro
B. In gawaadhida kaa horimanaysa wadada xaq kaaga leeyihiin
C. Inay kaa horayso wado labo jiho loo maro (two way)
D. Inuu kaa horeeyo wado wayn oo leh habka wada socodka gaadiiidka ee dhinac qudha
(contraflow)
Jawaab = C

Hal jawaab ka dooro

35. Maxay tahay ama loola jeeda calaamadan?

A. Dabayl dhinac ka soo dhacaysa


B. Buuqa wadada
C. Garoon dayuuradeed
D. Argo iska horjeeda (adverse chamber)
Jawaab = A
Hal Jawaab ka dooro

36. Maxay tahay ama loola jeeda calaamadan?

A. Inay kaa horayso waddo laga taraaraxo ama lagu siibto


B. Inay taayarada kaa banjari karaan
C. Khatar ayaa kaa horaysa
D. Meelaha lagu nasto inay kaa horayso
Jawaab = C

13
Hal jawaab ka dooro

37. Adiga oo doonaya inaad gaadhi kale dhaafto ayaad aragtay calaamadan, maxaad
sameyn laheyd?

A. Inaad ku dhaafto sida ugu dhakhsaha badan


B. Inaad u wareegto midigta si add si fiican wax u aragto
C. Inaad inta aadan dhaafin shido laydhadka hore ee gaadhiga
D. Inaad sugto ama dib u yara joogsato ilaa wadada hortaada aad si fiican u arkayso
Jawaab = D

Hal jawaab ka dooro

38. Maxay tahay ama loola jeeda calaamadan?

A. Argo iska soo horjeeda (adverse chamber)


B. Waddo aad hoos ugu daadageysa, ama wado aad dhaadhac u ah
C. Waddo aan sinayn
D. Waddo kor loo fuulayo
Jawaab = B
Hal Jawaab ka dooro

39. Maxay tahay ama loola jeeda calaamadan?

A. Wadada korkeeda oo aan sinayn


14
B. Wadada bridges ka saraysa
C. Waxaa kaa horeeya wado dhamaanaysa
D. Biyo wadada dhexmaraya
Jawaab = D
Hal Jawaab ka dooro

40. Maxay tahay ama loola jeeda calaamadan?

A. Isgoys (T- Junction) ah


B. Waddo xidhan ama waddo horay loo sii mari karin
C. Waxaa ka horeeya sanduuqa taleefanka
D. Waxaa ka horeeya Suuli
Jawaab = B

Hal Jawaab ka dooro

41. Calaamadee kuu sheegaysa wadada goobada ah (Ring Road)?

A. B. C. D.
Jawaab = C
Hal Jawaab ka dooro

42. Goormaa ayaan lagu ogolayn ama ay ka mamnuuc tahay inaad gawaadhida kale ka
dhaafto dhinaca bidixda?
A. Marka ay gawaadhida si caadi ah u socdaan motorway ama wadooyinka waaweyn ee
laymanka badan leh (Dua Carriage Way)
B. Marka ay baabuurta ku jiran saf oo ay tartiib u socdaan
C. Wadooyink halka jiho loo maro
D. Marka baaburka kaa horeeya uu shito laydhka leexashada midigta
Jawaab = A
Hal Jawaab ka dooro

15
43. Maxaa loola jeedaa ‘25’ ku taala calaamadan waddoyinka waa weyn ah?

A. Fogaanta ay kuu jirto magaalada kugu xigta


B. Nambarka wadada
C. Namberka bixida (exit)ama ku gaynaysa wado kale.
D. Xadka xawliga lagu maro wadada dhaadhacaysa
Jawaab = C
Hal Jawaab ka dooro

44. Waxaad maraysaa wado wayn oo sadex layn leh, maxaa loogu talagalay laynka
dhinaca midigta?
A. Baabuurta xamuulka oo kaliya
B. Waa laynka la isku dhaafo
C. Waa laynka leexashada midigta
D. Laynka xawliga lagu socdo
Jawaab = B
Hal Jawaab ka dooro

45. Waxaad maraysaa wado gawaadhi badan socoto, waxaad doonaysaa inaad midig u
leexato, waxaad shidatay laydhka leexshada midigta, si taxadir ahaan ah, maxaa kale ayaad
samayn kartaa si aad u tilmaamto inaad midig u leexanayso?
A. Inaad hoonka ka dhawaajiso
B. Inaad bixiso tilmaam gacanta ah ama aad gacanta ku tilmaamto
C. Inaad laydhadka hore ka biligsiiso
D. Inaad kor joogsato laynka dhexe
Jawaab = B
Hal Jawaab ka dooro

46. Waxaad maraysaa wado wayn , Waxaa laynka aad ku socoto oo klaiya korkiisa ka
shidan laydh gaduud ama casaan ah oo biliglaynaya. Maxaad samayn lahayd?
A. Inaad ku sii socoto laynkaas oo aad raadiso warbixin dheerad ah
B. Inaad waqti fiican oo ku haboon u wareegto layn kale
C. Inaad ku leexato garbabka waddoyinka waa weyn
D. Inaad joogsato oo sugto ilaa lagaaga tilmaamo inaad horay u socoto.
Jawaab = B
Hal Jawaab ka dooro
16
47. Goormaad hoonka yeedhin kartaa am ka dhawaajin kartaa?
A. In lagu siiyo wadada markaa aad xaq u leedahay
B. Inaad saaxiibadaa ku soo jeediso
C. Marka aad dignin ahaan u sheegayso inaad meesha joogto
D. Inaad ugu sheegto darawalinta tartiibta u socda inay dhinac kaaga leexdaan
Jawaab = C
Hal Jawaab ka dooro

48. Waa maxay ama loola jeeda calaamadan

A. Wabi qarkiisa ama meel biyo ka hooseeyaan


B. Wado hoos u daadegaysa
C. Waddo aan sinayn
D. Waddo daad qaadi karo
Jawaab = A
Hal Jawaab ka dooro

49. Waa mamnuuc in darawaliintu shidaan ama ka biligsiiiyan laydhadka hore, waxaad
sheegtaa marka kaliya ee loo ogol yahay inay sidaa sameeyaan?
A. Marka ay kaga digayaan inuu kaa horeeyo raadarka xawliga
B. Marka ay ku sheegayaan inay wadada ku siiyeen
C. Marka ay kaaga digayaan ama kuu sheegayan inay meesha joogaan
D. Marka ay kuu sheegayaan in gaadhiga cilad leeyahay
Jawaab = C
Hal jawaab ka dooro

50. Marka aad gaadhi wado, goormaad shidan kartaa laydhadhka deg deg ah
(Emergency lights)?
A. Marka aadan rabin inaad hoonka yeedhiso oo aad marayso meelaha dhismaayaasha
inta u dhaxaysa 11.30 habeenimadii ilaa 7da subaxnimadii
B. Markaa aad u sheegayso ama u digayso khatarta ka horaysa oo aad marayso wado
wayn ama waddooyinka laymank badan leh
C. Meelaha baadiyaha ah ka dib marka aad bixiso tilmaanta digniinta ee xayawaanka
D. Marka aad soo gaarto meelaha laga gudbo oo baaskiilado sugayaan inay ka gudbaan
Jawaab = B
Hal Jawaab ka dooro
17
51. Waxaa lagaaga baahan yahay inaad demiso laydhadhka leexashada marka aad
leexato ka dib, Maxay tahay sababtu?
A. Si uusan baateriga kaaga dhamaanin
B. Si aadan darawaliinta u khaldin ama u siinin tilmaam khalad ah
C. Si aadan indhaha uga cawirin darawaliinta kale
D. Si uusan u xumaanin gudbiyaha laydhadka leexashada
Jawaab = B
Hal Jawaab ka dooro

52. Waxaad maraysaa waddo gawaadhi badan socoto. Waxaad doonaysaa inaad
joogsato dinaca bidix ee meel wax yar ka horeysa isgoyska, goormaad shidan lahayd
laydhka leexashada?
A. Marka aad dhaafayso isgoyska ama isla marka aad dhaafto isgoyska
B. Ka hor intaaadan isgoyska gaadhin
C. Marka aad xoogaa u soo jirto isgoyska
D. Waxaa ka sii fiican inaadan shidin wax laydh ah
Jawaab = A

Chapter 2: Amaanka iyo gaadhiga


Hal Jawaab ka dooro
1. Mid ka ah afatarta shay ee hoos ku qoran ayaa hadii ay yaraato ama ka dhamaato
gaadhiga sabab u noqon karta inuu baaburkaaga shil galo?
A. Daawada ilaalisa inay biyaha baraf noqdo(Anti-freeze)
B. Saliida bireega (brake oil)
C. Biyaha ku jira baateriga
D. Biyaha ku jira hanta gaadhiga
Jawaab = B
Labo Jawaab ka dooro
2. Haddi ay taayiradaada hawada ku yar tahay waxaa laga ogaan karaa ama laga
dareemi karaa labo meel oo gaadhiga ka mid ah, maxay yihiin labada meelood?
A. Fariinka ama bireega
B. Isteerinka
C. Bedelida geerka
D. Baarkinka
Jawaab = A, B
Seddex Jawaab ka dooro
18
3. Baabuurta ama gawaadhida dhibaatooyin badan ayay u geystaan Deegaanka, maxaa
ka mid ah dhibaatooyinkaas?
A. Hawada oo wasakhawda
B. Dhaawac ama dhibaato soo gaadha dhismayaasha
C. Gaadidka daweynaha oo horumar gaadha
D. Baabuurtalaydhka ku shaqaysa ku socota oo aan wax badan laga isticmaalin
E. Inay dhamaadaan kheyraadka dabiiciga ah
Jawaab = A, B,
Seddex Jawaab ka dooro
4. Marka ay dhamaadaan taayirada waxay dhibaato soo gaadhsiin karaan ama laga
dareemi karaa seddex meelood oo gaadhiga ka mid ah, maxay kala yihiin seddexdaa
meelood?
A. Geer boxka ama gaambiyaha
B. Fareenka ama bireega
C. Saliida Gaadhiga
D. Qaybta saarta qiiqa
E. Misaanka taayirada
F. shakalada
Jawaab = B, E, F
Hal Jawaab ka dooro
5. Waqtigee ayay mamnuuc tahay in hoonka lagu yeedhiyo meelaha la deggan yahay?
A. Inta u dhaxaysa 10ka habeenimo ilaa 6da subaxnimo(10pm – 6pm)
B. Marnaba hoonka kuma isticmaali kartid meelaha la degan yahay
C. Inta u dhaxaysa 11ka habeenimo ilaa 7da subaxnimo (11pm – 7am)
D. Inta u dhaxaysa 11ka iyo badhka habeenimo ilaa 6da subaxnimo(11:30pm – 6am)
waddoyinka oo dhan
Jawaab = C
Catalaytic converters: Waa qalab lagu xidho gaybta qiiq bixinta gaadhiga oo loogu talagalay
inuu yereeyo hawada sunta ah ee ku jirta qiiqa uu gaadhiga sii daayo.
Hal Jawaab ka dooro
6. Maxuu yareeyaa Catalytic converter?
A. Isticmaalka shidaalka
B. Khatarta ah inuu dab kaco
C. Wuxuu yareeya hawada sunta ah ee ku jirta qiiqa baabuurta
D. Inuu injiinka matoorka dhamaado
Jawaab = C

19
Hal Jawaab ka dooro
7. Waxaa mar walba loo baahan yahay inaad hubiso hawada ku jirta taayirda, goorma
ama waqtigee ugu fiican in la eego?
A. Marka aad safar dheer gasho ka dib
B. Ka dib marka muddo dheer aad ku socotay xawli dheer
C. Marka ay taayirada kulul yihiin
D. Marka ay taayirada qabow yihiin
Jawaab = D
Hal Jawaab ka dooro
8. Gorma ayey taayirada keeni karaan ama sababi karaan in gaadhiga isticmaalo shidaal
badan?
A. Markay taayirada hawada ku yar tahay
B. Markay taayirada kala duwan yihiin
C. Markay ay hawo xad-dhaaf ah ku jirta taayirada
D. Marka taayirada weli cusub yihiin
Jawaab = A

Labo Jawaab ka dooro


9. Maxaad samayn lahayd marka baatariga kaa dhamaado oo aad doonayso inaad iska
tuurto?
A. Inaad geyso xarunta dawlada hoose ee xaafadaada
B. Inaad ku rido haanta qashinka
C. In aad jebjebiso
D. Inaad u qaado geerashka baabuurta
E. Inaad dab ku gubto
Jawaab = A, E
Hal Jawaab ka dooro
10. Maxaa sida badan keena in gaadhiga ama baaburka shidaal badan isticmaalo?
A. Marka isteerinka si xun loo isticmaalo
B. Inaad saliida xoog u siiso marka aad gooladaha galayso
C. Marka aad wax badan ku socoto geer sare
D. Marka aad bireega iyo saliida aad si xad-dhaaf ah u isticmaasho
Jawaab = D
Hal Jawaab ka dooro
11. Maxaad ku buuxin kartaa marka uu yaraado biyaha baatariga?
A. Aysiidha bateriga
20
B. Biyo la nadiifiyay (distilled water)
C. Saliida enjiinka ama matoorka
D. Qaboojiyaha enjiinka
Jawaab = B
Hal Jawaab ka dooro
12. Waxaad doonaysaa inaad baatariga biyo ku darto ilaa intee ayaad ku ekeynaysaa?
A. Meesha baatariga ugu saraysa
B. Meesha dhexe ee baatariga
C. Meel in yar ka hoosaysa suxuunta macdanta ah
D. Meel in yar ka saraysa suxuunta macadanta ah
Jawaab = C
Hal Jawaab ka dooro
13. Maxay keeni kartaa marka ay saliid ama oil xad-dhaaf ah ku jirto enjinka?
A. Cadaadiska saliida oo hoos u dhaca
B. Injiinka oo si xad dhaaf ah u kululaada
C. In silsilada dhamaato
D. In saliida daadato ( oil leak)
Jawaab = D
Hal Jawaab ka dooro
14. Marka aad habeenimo baabuurka dhiganayso wadooyinka qaarkood waxaa lagaaga
baahan yahay inaad shido laydhka baarkinka, waa kuwee wadooyinka noocaas ah?
A. Wadada dhexda ku leh xariiq dheer oo isku xidhan
B. Wadooyinka lagu maro xawli ka badan 30 KM, Saacadiiba (30 KPH)
C. Marka uu gaadhiga u jeedo dhinaca ay baaburta ka imanayso
D. Marka aad u dhowdahay halka basku istaago ( Bus stop )
Jawaab = B
Afar Jawaab ka dooro
15. Si gaadhiga ama baaburkaaga u noqda mid u qalma inuu wadada maro, afartee loo
baahanyahay inay si fican u shaqayeeyaa?
A. Cabiraha heerkulka
B. Saacada speedka ama xawliga
C. Biyaha dhaqa muraayada hore
D. Tirtiraha muraayada hore
E. Ladhka sheega saliida
F. Hoonka
Jawaab = B, C, D, F

21
Hal Jawaab ka dooro
16. Maxaay tahay sababta keeni karta in isteerinka culays noqdo?
A. Marka aad baraf dulmarayso
B. Marka bireega aad u dhamaado
C. Marka taayirada hawo ka buuxdo
D. Marka ay taayirada hawada ku yar tahay
Jawaab = D
Labo Jawaab ka dooro
17. Sidee loo dareemi karaa marka aad ku socoto taayiro hawada ku yar tahay?
A. Heer kulka injinka oo kordha
B. Isticmaalka shidaalka oo bata
C. Bireega ama fareenka oo aan si fiican u qabsamin
D. Cadaadiska saliida
Jawaab = B, C
Hal Jawaab ka dooro
18. Maxay tahay sababta ugu weyn ee keeni karta in bireega uu qabsami waayo marka
uu gaadhiga socdo?
A. Markaa uu bireegu si xad-dhaaf ah u kululaado
B. Markay ay hawo gasho saliida bireega
C. Marka saliid gaadho bireega korkiisa
D. Marka bireega uu isku toosnayn
Jawaab = A
Labo Jawaab ka dooro
19. Haddi aad aragto taayirada gaadhiga oo aan isleekayn oo si xad-dhaaf ah u
dhamaaday waxaa jira cilad ku jirta qaybo ka mid gaadhigaaga, waxaad sheegtaa meelaha
ay cilada ku jirto?
A. Geer boxka
B. Bireega ama fareenka
C. shakalada
D. Qiiq bixinta
Jawaab = B, C

Hal Jawaab ka dooro

22
20. Marka aad gaadhi kaxayso waa inaad xidhata ama gashataa kabo ku haboon gaadhi
wadida, maxay tahay sababta?
A. Inuu ka ilaaliyo inay bedalada (pedals) dhamaadaan
B. Inay kaa caawiyaan sidii aad si fiican lugta ugu qaban lahayd bedelaada (pedals)
C. Inay kaa caawiyaan sidii aad u hagaajisan lahayd kursigaaga
D. Inay kuu sahlaan sidii aad ugu raadsan lahayd dad ku cawiya marka uu baabuurka kaa
jabo
Jawaab = B
Hal Jawaab ka dooro
21. Muxuu tari karaa marka aad si fiican u hagaajisato madax celiyaha ku yaala kursiga
gaadhiga?
A. Inaad si raaxo leh u fadhiisato
B. Inuu ka hortago dhaawacyada kaaga dhicikara qoorta ama luqunta
C. Inaad si fiican u dakeyso
D. Inuu kuu sahlo sidii aad u hagaajisan lahayd sida aad baabuurka u wadi lahayd
Jawaab = B

Hal Jawaab ka dooro


22. Qof walba oo saaran baabuur ama gaadhi waa inuu mar walba xidhaa suunka kursiga
goorma loo ogol yahay inuu qof suunka xidhanin?
A. Waa marka uu qofka ka yar yahay 14 sano
B. Marka uu qofka dherekiisa ka yar yahay hal iyo badh meter (1.5 meter)
C. Markaay dadka fadhiyaan kursiga dambe
D. Marka ay jirto arin caafimaad daro ah ama qofka uu xanuusanaayo
Jawaab = D
Hal Jawaab ka dooro
23. Waxaa tijaabinaysaa shakalada, waxaadku aragtay in gaadhiga uu dib u soo boodayo
marka aad hoos u riixdo dhinaca hore, maxay tahay ciladaas?
A. In taayirada ay dhamaadeen
B. In taayirada ay hawada ku yartahay
C. In isteerinka uusan meel dhexe joogin
D. In shakalada (shock absorbers) ay dhamaadeen
Jawaab = D

Hal Jawaab ka dooro


23
24. Maxay keeni kartaa marka gaadhiga dushiisa ama xagiisa sare lagu xidho qalabka
lagu qaado alaabta?
A. Inay yareyso isticmaalka shidaalka
B. Inay wax u tarto sidii aad wadada u mari lahayd
C. Inuu baabuurkaaga xoog u socdo
D. Inuu gaadhiga shidaal badan cuno ama isticmaalo
Jawaab = D
Hal Jawaab ka dooro
25. Taayiro sidee ah ayaa sharci daro ah ama aan la ogolayn inaad ku wado ama ku xidho
gaadhi?
A. Taayiro aad iibstay oo mustacmal ah
B. Taayiro dilaac weyn ku leh labada dhinac
C. Taayiro kala duwan
D. Taayiro saantooda kala duwan tahay
Jawaab = B
Hal Jawaab ka dooro
26. Waa maxay inta ugu yare e sharciga ogol yahay inuu noqdo cabirka godadka
taayirada?
A. (1mm)
B. (1.6mm)
C. (2.5mm)
D. (4mm)
Jawaab = B
Hal Jawaab ka dooro
27. Waxaa gaadhigaaga saaran caruur sadex iyo toban jir ah iyo waalidkooda. Yaa
masuul ka ah inay caruurta xidhaan suunka kursiga?
A. Waalidka caruurta
B. Adiga, qofka wada gaadhiga
C. Qofka fadhiya kursiga hore
D. Caruurta
Jawaab = B
Hal Jawaab ka dooro
28. Sharci ahaan saddex qayb oo ka mid gaadhiga ayaa lagaa rabaa inay si fiican u
shaqeeyaan oo aysan cilad lahayn, waa kuweeseddexdaa meelood?
A. Geerarka
B. Qayb ka mid ah enjiinka

24
C. Laydhadka hore
D. Muraayada hore ee wayn
E. Suunka kursiga
Jawaab = C, D, E
Seddex Jawaab ka dooro
29. Waxaad sheegtaa waxyaabaha aad samayn kartid si ay u yaraato tirada baabuurta
wadooyinka socda?
A. Inaad inta badan isticmaasho gaadiidka daweynaha ama basaska
B. Inaad gaadhiga la qaybsato ama la raacdo dad kale
C. Inaad lugayso ama baaskiil isticmaasho marka aad aadayso meelo kuu dhow
D. Inaad mar walba gaadhi wadato
E. Inaad isticmaasho gawaadhida injiinka yar leh
F. Inaad ku socoto laynka basaska
Jawaab = A, B, C
Seddex Jawaab ka dooro
30. Waxaad sheegtaa seddex waxyaabood oo haddii aad samayso ubadan tahay inay
shidaal badan kaa khasaariyaan?
A. Marka aad xawligaaga yarayso
B. Marka aad qaado xamuul aan loo baahnayn
C. Marka aad isticmaasho shidaal tayadiisu hoosayso.
D. Marka ay taayirada hawada ku yar tahay
E. Marka aad isticmaasho shidaal kala nooc ah
F. Qalabka lagu xidho baabuurta dushiisa ee alaabta lagu qaato oo madhan
Jawaab = B, D, F
Hal Jawaab ka dooro
31. Waxaad sheegtaa waxyaabaha keeni kara in hawada ama deegaanka xumaato oo loo
baahan yahay inaad iska dayso oo aadan samaynin?
A. Inaad ka furto qalabka alaabta lagu qaado baabuurka korkiisa marka uu maran yahay
B. Inaad baabuurkaaga ama gaadhigaaga ku aado meelo dhow dhow
C. Inaad isticmaasho baaskiil, gaadiidka dadweynaha ama aad socoto
D. Inaad xaga dambe ama sanduuqa baabuurta ka faaruqiso xamuulka
Jawaab = B

Hal jawaab ka dooro

25
32. Gaadhiga ayaa dhinac u badanaayamarka aad qabato bireega, maxaad samayn
lahayd?
A. Inaad iska bedesho taayirada
B. Inaad sida ugu dhakhsaha badan gaadhiga u gayso geerashka
C. Inaad ku celceliso bireega marka aad qabanayso
D. Inaad hal mar wada qabato bireega gacanta iyo bireega lugta
Jawaab = B
Labo Jawaab ka dooro
33. Marka aad gaadhiga oo taagan wareejiso isteerinka waxay dhibaato ama cilad u
keeni kartaa qaybo ka mid gaadhiga, maxay kala yihiin meelaha cilada soo gaadhi karto?
A. Giirboxka
B. Injinka maa matoorka
C. Bireega
D. Isteerinka
E. Taayirada
Jawaab = D, E

Hal Jawaab ka dooro


34. Side ayaad u taxadiri kartaa in gaadhigaaga tuugo jabsato marka aad meel uga
tagayso?
A. Inaad horaya u sii qaadato dhamaan alaabaha qiimaha leh ee gaadhiga kugu jira
B. Inaad ku baarkin gareyso laynka tagaasida
C. Inaad waxyaabaha qaaliga ah dhigto dhulka gaadhiga
D. Inaad gaadhiga dhigto meel u dhow xarun dabdamiska
Jawaab = A
Hal Jawaab ka dooro
35. Maxaad samayn lahayd marka ay danta kugu qasabto inaad waxyaabo qaali ah ugu
dhextagto gaadhiga dhexdiisa?
A. Inaad ku rido shandadaha alaabta lagu qaato
B. Inaad dhigto meel u dhow albaabka iskuulka
C. Inaad ku xidho meel aan laga arki karin
D. Inaad dhigato gaadhiga meel u dhow bus istoobka
Jawaab = C
Hal Jawaab ka dooro
36. Waxaa jira waxyaabo marka lagu sameeyo gaadhiga ay tuugada ka baqaan am ka
cabsadaan inay gaadhiga xadaan, sheeg mid ka mid ah?
26
A. Inaad marwalba laydhka hore shido
B. Inaad daaqadaha lagu xidho muraayad soo rogaal celiya
C. In marwalba laydhadhka gudaha kuu shidnaadaan
D. In numberka gaadhiga lagu dul qoro daaqada
Jawaab = D
Hal Jawaab ka dooro
37. Maxaad samayn lahayd marka aad gaadhiga baarkin garaynayso oo aad ka tagayso?
A. Inaad ku baarkin garayso geed mugdi ah hoostiisa
B. Inaad qaadato warqada cashuurta
C. Inaad ku baarkin garayso wado cidla ah
D. Inaad xidho isteerin xidhaha gaadhiga
Jawaab = D

Hal Jawaab ka dooro


38. Waa maxay shayga ay waajib kugu tahay inaadan baabuurka ku dhex haysanin oo loo
baahan yahay inaad dhigto meel kale?
A. Qalabka gargaarka degdeg ah
B. Maabka wadooyinka
C. Warqada cashuurta
D. Dukumeentiga gaadhiga
Jawaab = D
Hal Jawaab ka dooro
39. Waxaad doonaysaa inaad baarkin dhigato gaadhigaaga, isla markaana waxaa ku jira
alaabo qaali ah oo aadan qaadi karin, maxaad sameyn lahayd?
A. Inaad ku baarkin garayso meel u dhow isteeshinka booliska
B. Inaad dhigto kursiga darawalka hoostiisa
C. Inaad ku xidho meel aan laga arki karin
D. Inaad ku baarkin gareeyso waddo mugdi ah
Jawaab = C
Hal Jawaab ka dooro
40. Waxyaabaha hoos ku qoran, midkee ayaa ka hortagi ama ka celin kara in
baabuurkaaga la xado?
A. Qalabka joojiya ama xidha baabuurta (Immobiliser)
B. daaqadaha madow
C. Boolasha lagu xidho taayirada
D. Qarax celiyaha (sun screen)
27
Jawaab = A
Hal Jawaab ka dooro
41. Waxaad sheegtaa nooc ka mid kuraasta gaawadhida ay mamnuuc tahay in lagu xidho
gaariga caruurta lagu qaado?
A. Kuraasta sanduuq yar oo hawo ah leh ( Air bag )
B. Suunka kuraasta
C. Madax celiyaha
D. Daboolka kuraasida
Jawaab = A

Labo jawaab ka dooro


42. Labadee kaa caawin kara oo yarayn kara shidaalka uu gaadhiga cuno am isticmaalo?
A. Inaad yareyso xawligaaga
B. Inaad waqti hore sii qorshaysato meesha aad u socoto
C. Inaad bireega xooq u qabato marka aad istaagayso
D. Inaad gaadhiga ku wado geer hoose
E. Inaad meelaha dhow dhow ku aado injinka oo qabow
F. Inaad si deg deg saliida u cadaadiso
Jawaab = A, B
Hal Jawaab ka dooro
43. Maxaad ku samayn lahayd saliida ama ooliyada aad ka bedeshay gaadhiga?
A. Inaad weel adag ku kaydiso, kuna wareejiso gaadhiga qashinka ee dawlada hoose
B. Inaad ku shubto godka biyaha maraan
C. Inaad ku shubto godka dhulka ka qodan
D. Inaa ku rido hanta qashinka
Jawaab = A
Hal jawab ka dooro
44. Halka ama mesha gaadhiga looga xidho qalabka loo yaqaano catalytic converter?
A. Haanta shidaalka
B. Filterka hawada
C. Qaboojinta gaadhiga ama Ac ga
D. Qaybta qiiq saarka ama qiiq bixinta
Jawaab = D
Labo jawaab ka dooro

28
45. Maxay taraysaa marka baaburka si fiicin oo joogt ah loo baadho oo checking lagu
sameeyo?
A. In insuransiga ama ceymiska lagu yareeyo
B. In laguu soo celiya cashuurta wadooyinka
C. Inuu yaraado isticmaalka shidaalka
D. Inuu nadiif noqdo qiiqa ka baxaya gaadhiga
Jawaab = C, D

Hal jawaab ka dooro


46. Waxaad doonaysaa inaa gaadhiga ka tagto muddo yar iyada oo qofna la joogin,
maxaad samayn lahayd?
A. Inaad ka tagto injiinka oo shidan
B. Inaad demiso ama bakhtiiso injiinka isla markaana ka tagto furaha oo ku jira
C. Inaad xidho gaadhiga isla markaana kala baxdo furaha
D. Inaad ku baarkin garayso dadka wadooyinka ka shaqeeya agtooda
Jawaab = C
Hal jawaab ka dooro
47. Goorma ayay si gaar ah waajib kuugu tahay inaad eegtid saliida injiinka?
A. Markaa aad safar dheer galayso ka hor
B. Marka uu injiinka kulul yahay
C. Aroorta hore
D. Marka walba ood socoto 7000 KM
Jawaab = A
Hal jawaab ka dooro
48. Maxaad samayn lahayd marka aad daqiiqad yar gaadhigaaga ka maqnaanayso?
A. Inaad ka tagto gaadhiga oo furan
B. Inaad furaha la baxdo isla markaana xidhato gaadhiga
C. Inaad shiddo ladhka degdega ah ( Emergency light)
D. Inaad shiddo laydhka ama laydhka gudaha
Jawaab = B
Saddex jawaab ka dooro
49. Waxaa jiro meelo haddii aad gaadhiga dhigato keeni kara khatar iyo xayiraad. Sheeg
saddex meelood oo aadan gaadhiga dhigan karin?
A. Meelaha ama albaabada guryaha laga galo hortooda
B. Meesha ay basaska istaagaan ama meel u dhow
C. Barxada gurigaaga
29
D. Meelaha loo calaamadeeyey in baabuurta la dhigto
E. Marka aad ku socoto meelaha tareenada ka gudbaan
Jawaab = A, B, E
Seddex jawaab ka dooro
50. Sheeg saddex meelood oo haddi aad gaadhiga dhigato keeni karta inaad wadada ka
qariso dadka kale?
A. Meel u dhow meesha ugu saraysa dalacadaha ama buuraha
B. Meelaha baabuurta la dhigto
C. Meesha ay maraan dadka lugaynaya oo kor u qaadan
D. Meelaha hooseeya ee looogu talagalay inay maraan kuraasta ay ku socdaan dadka
curyaamiinta ah.
E. Meelaha basaska istaagan ama meel u dhow
Jawaab = A, D, E

Chapter 3: Feejignaanta
Hal jawaab ka dooro
1. Waxaad doonaysaa inaad gadaal ama dib u socoto isla markaana si fiican uma aragtid
waxa kaa dambeeya maxaad samayn lahayd?
A. Inaad daaqada furto si aad gadaal u eegtid.
B. Inaad albaabka furto isla markaana dib eegtid.
C. Inaad eegtid muraayada kuu dhow.
D. Inaad Waydiisato qof kale oo gaadhiga dabadiisa jooga inuu ku tilmaaamo ama ku
hago
Jawaab = D
Afar Jawaab ka dooro
2. Marka aad gaadhi wado, waxaa jira afar waxyaabood oo keeni kara taxadir la’aan
ama in taxaadirkaaga iyo feejignaantaada yaraato, Maxay kala Yihiin?
A. Inaad isticmaashotaleefanka gacanta.
B. Inaad microphonka taleefanka ku hadasho.
C. Inaad mowjadaha raadiyaha bed-bedesho
D. Inaad Map ama Khariirada eegto.
E. Inaad muraayadaha eegto.
F. Inaad isticmaasho meesha hiitka ama kulayliyaha laga shido,
Jawaab = A,B,C,D

Hal jawaab ka dooro


30
3. Waxaa Baabuurkaagaama gaadhigaaga ku xidhan telefanka gacanta, maxaad samayn
lahayd marka aad doonayso inaad isticmaasho teleefanka gacanta?
A. Inaad Xawligaaga yarayso.
B. Inaad raadsato oo aad joogsato meel ku haboon oo amaan ah.
C. Inaad isteerinka hal gacan ku qabato.
D. Inaad si gaar iskaga ilaaliso isgoysyada oo kaliya.
Jawaab = B
Hal jawaab ka dooro
4. Waxaad ka luntay meeshii aad u socotay adiga oo maraya waddo wayn oo baabuur
badan marayso, maxaad samayn laheyd?
A. Inaad joogsato isgoysyada oo aad waydiiso dadka lugaynaya.
B. Inaad u qayliso darawaliinta kale oo aad waydiiso Meesha aad u socotid.
C. Inaad ku leexato wado yar oo aad joogsato ka dibna aad eegtid khariirada amba Map
ka
D. Inaad Maabka eegato adiga oo gaaadhiga wada.
Jawaab = C

Hal jawaab ka dooro


5. Adiga oo gaadhiga wada ayaa laguu soo diray teleefanka gacanta, maxaaad samayn
lahayd?
A. Inaad si deg deg ah u istaagto.
B. Inaad deg deg ah uga jawaabto.
C. Inaad ku leexato oo istaagto meel ku haboon.
D. Inaad ku leexato Meesha dadka maraan.
Jawaab = C
Hal jawaab ka dooro
6. Goormaad isticmaali kartaa taleefankaaga gacanta?
A. Marka uu taleefanka kuu soo dhaco.
B. Marka uugaadhigaaga fadhiyo ama taagan yahay meel ku haboon oo kaliya.
C. Marka aad ku socoto xawli ka yar 30 kmph.
D. Marka aad wado ambalaas (Ambulance)
Jawaab = B
Hal jawaab ka dooro
7. Maxaad samayn lahayd haddii aad doonayso inaad ka jawaabto taleefanka adiga oo
gaadhiga wada?
A. Inaad xawligaaga yareyso meel walba oo aad marayso.

31
B. Inaad Joogsato meel fiican oo ku haboon.
C. Inaad wax yar ku hadasho taleefanka kadibna iskadhigto.
D. Inaad Tartiibsato si gawaadhida kale kuu dhaafto.
Jawaab = B
Hal jawaab ka dooro
8. Waxaa laguu soo diray taleefankaaga gacanta adiga oo Maraya Wado wayn, maxaad
samayn lahayd inta aadan ka jawaabin?
A. Inaad xawligaaga yarayso oo aad ka dhigto 50 kmph.
B. Inaad istaagto Wado wayn dhinaceeda.
C. Inaad u wareegto laynka dhinaca bidixda.
D. Inaad istaagto meel ku haboon oo amaan ah.
Jawaab = D
Hal jawaab Ka dooro
9. Waxaad maraysaa wada cidhiidhi ah oo ku taala meel miyi ah, maxaa lagaaga baahan
yahay inaad samayso marka aad qof lugaynaya aragto?
A. Inaad qunyar socoto , isla markaana hoonka yeedhiso.
B. Inaad si deg deg ahku dhaafto oo aad ka fogaato.
C. Inaad marka aad dhaafayso qofka si qunyar ah u socoto isla markaana ka fogaato.
D. Inaad si deg deg ah ku dhaafto, Hoonkana u yeedhiso.
Jawaab = C
Labo Jawaab Ka dooro
10. Waxaad sheegtaa waxyaabaha taxadirkaaga yarayn kara marka aad Gaadhiga wado?
A. Inaad ku isticmaasho taleefanka gacanta adiga oo gaadhiga wada.
B. Inaad dhagaysanayso mcod ama dhawaaqdheer ah.
C. Marka aad shido kulayliyaha daaqadaha.
D. Inaad eegtid muraayada albaabka.
Jawaab = A, B
Saddex Jawaab ka dooro
11. Maxaad samayn lahayd markaad hoos Marayso Bridge?
A. Inaad gasho badhtamaha wadada si aad si fiican wadada u aragto.
B. Inaad tartiib u socoto.
C. Inaad bridge k si deg deg ah u marto.
D. Inaad hoonka yeedhiso haddii loo baahdo
E. Inaad waddo kale raadsato
F. Inaad iska ilaaliso dadka lugaynaya.
Jawaab = B,D,F

32
Hal jawaab ka dooro
12. Waxaaa jira mar ay khatar tahay inaad dhaafto baabuurta kale oo lagaa doonayo
inaad iska ilaaliso, waa markee markaasi?
A. Marka aad dhaafto leexad amba goolad
B. Marka aad marayso waddo hal jiho loo maro (one way)
C. Wadooyinka lagu socdo 30kmph
D. Marka ay wadadu daadeg tahay, ama leexad (Goolad).
Jawaab = D
Hal jawaab ka dooro
13. Marka uu kaa horeeyo gaadhiwayn waxaa waajib kugu ah inaadan hoosta ka galin,
maxay tahay sababtu?
A. Waxay kuu suurto gelinaysaa inaad si deg deg ah gees ugu leexato.
B. Waxay ka caawinaysaa gaadhiga wayn inuu si sahal ah u joogsado.
C. Waxay U suurto galinaysaa darawalka gaadhiga wayn inuu muraayadaha kaa arko.
D. Waxay kaa caawineysaa inaysan dabaysha ku soo gaadhin,
Jawaab = C
Hal jawaab ka dooro
14. Waxaad ku soo socotaa Traffic light waxaa in muddo ah shidnaa laydhka ama
laydhka akhtarka ah maxaad samayn lahayd?
A. Inaad xoog ku dhaafto.
B. Inaadan waxba badalin xawliga aad ku socotid
C. Inaad isu diyaariso inaad istaagto.
D. Inaad bareega xoog u qabato.
Jawaab = C
Hal jawaab ka dooro
15. Maxa a samayn lahayd marka aad gaadhi wado oo aad doonaysid inaad joogsato?
A. Inaad hoonka yeedhiso
B. Inaaad muraayadaha gaadhiga eegtid.
C. Inaad u bedelato geerhjygh sare.
D. Inaad hal mar ka bilig bilig siiso laydhka hore.
Jawaab = B
Hal jawaab ka dooro
16. Waa maxay (Blind Spot) meesh aan la arkayn intaanad gaadhiga dhaqaajin?
A. Waa inta aad ka arki karto muraaayada dhinaca midigta ku taala,
B. Inta uusan gaadhaynin iftiinka laydh ka hore.
C. Waa inta aadan ku arki karin muraayada dhinaca bidixda ku taala.
33
D. Waa marka muraayadaha gaadhiga aadan ka arki Karin gawaadhida iyo dadka kula
siman.
Jawaab = D
Laba Jawaab ka dooro
17. Maxay tahay khatarta ka imaan karta waxyaabaha la sudho muraayada gudaha ku
taala?
A. Inay kaa qariyaan Meesha aaad wax ka arki lahayd.
B. Inay fiicnaato sida aad gaaadhiga u wado.
C. Inay taxadirkaaga yareyso.
D. Inay kaa caawyaan sidi aad u feejignaan lahayd.
Jawaab = A, C

Afar Jawaab ka dooro


18. Marka aad ku jirto Safar dheer maxay yihiin waxyaabaha sababi Kara in taxadirkaaga
ama feejignaantaada yaraato?
A. Dhagaysiga ama maqalka codka dheer.
B. Inaad la muranto qof baabuurka ama gaadhiga saaran
C. Inaad isticmaasho Taleefanka Gacanta.
D. Inaad galiso cajalad rikoodhka
E. Inaad mar walba istaagto oo nasato.
F. Inaad istaagto marka aad raadhyawga u badalyso mawjad kale.
Jawaab = A, B, C, D
Laba jawaab ka dooro
19. Daal iyo Caajis ayaad dareemi kartaa markaad safar dheer ku jirto, waxayna keeni
kartaa inaad lulooto, maxaad samayn lahayd si aaadan u luloon?
A. Inaad ka baxdo Wadada wayn oo aad raadsato meel fiican oo aad joogsato.
B. Inaad daawato ama eeg eegtid banaanada wadada hareeraheeda ku yaala
C. Inaad gaadhiga xoog u wado si uu safarkaaga deg deg kuugu dhaamado.
D. In marwalaba hawo fareesh ah uu baabuurkaaga helo ama soo gasho.
E. Inaad joogsato wadada dhinaceeda si aad u nasato.
Jawaab A, D

Hal jawaab ka dooro


34
20. Maxay tahay sababta loo mamnuucayinaad isticmaasho taleefanka gacanta marka
aad gaadhi wado?
A. Waad isticmaali kartaa taleefanka gacanta marka ay gawaadhida ka fog tahay.
B. Waxad isticmaali kartaa taleefanka markaad gaadhiga ku wadid gacan kaliya.
C. Sababtoo ah wuxuu taleefanka gacanta yarayn karaa sidii aad ugataxadiri lahayd ama
ugafeejignaan lahayd wadada aad ku scoto ama aad marayso.
D. Sabatoo ah leynka taleefanka oo aan fiicnayn marka uu gaadhigu shidan yahay.
Jawaab = C
Hal jawaab ka dooro.
21. Maxaa lagaaga baahan inaad samayso inta aadan Samynin kala wareejinta?
A. Inaad Gacanta ku tilmaamto Meesha aad u leexanayso isla markaana aad
Shido bidh bidhaha laydhka leexashada
B. Inaad U tilmaanto Darawaliinta kale si ay dib kaaga joogsadaan.
C. Inaad marka ugu dambeysa ee aad leexinayso eegto dhabarkaaga iyo garba haaga.
D. Inaad u badesho Geer sare.
Jawaab c
Labo Jawaab ka dooro
22. Marka aad wado gaadhi oo ay noqoto makhrib waa inaad shidataa
Laydhka maxay tahay sababta loogu baahan yahay?
A. Inaad shidato Xitaa haddi laydhka wadooyinka aysan wali shidnayn.
B. Si dadka kale ee gawaadhida wadaa kuu arkaan.
C. Inaad shidato marka ay gawaadhida kale shitaan oo kaliya.
D. Inaad shidato marka laydhka wadooyinka la shido ka dib.
Jawaab = A, B
Hal jawaab ka dooro
23. Waxaa gaadhigaaga ku xidhan qalabka taleefanka ee makrafoonka
leh, maxaa ka iman kara marka aad isticmaalayso qalabkan?
A. Wax dhib ah malahan haddi aad si tartiiba baabuurka u wadid.
B. Wuxuu yarayn karaa sidii aad uga taxadiri lahayd ama feejiganaan lahayd wadada aad
ku socotid.
C. Sharciyada highwayga ayaa kuamraya inaad isticmaasho.
D. Aad ayey wax ugatari kartaa nabadgelyada wadooyinka.
Jawaab = B

Hal jawaab ka dooro

35
24. Maxay yihiin waxyaabaha dhici kara ama ka iman kara marka aad gaadhiga wado,
adiga oo isticmaalyso taleefanka makrafoonka leh,
A. In amaankaaga uu kordhiyo
B. In feejignaanto badato
C. In arigtidaadu yaraato.
D. In taxa dirkaaga amba feejignantaada meel kale u sii jeediyo.
Jawaab = D
Hal jawaab ka dooro
25. Maxaa ka iman kara amaba ay keeni kartaa marka aad ku hadlayso taleefanka
gacanta adiga oo gaadhiga wada?
A. Waxaad isicmaali kartaa taleefanka gacanta haddii uu gaaadhiga leeyahay isteerinka
fudud.
B. Waxaa yaraan karaa arigtadaada.
C. Wuxuu yarayn karaa sidii aad uga taxadiri lahayd wadadaad ku socotid.
D. Wxuxuu dhibaato u keeni karaa qalabka electrooniga baabuurka.
Jawaab C
Hal jawaab ka dooro
26. Side ugu haboon amba ugu amaan badan inaad u isticmaasho taleefanka gacanta
adiga oo gaadhiga wada?
A. Marka aad haysato taleefanka makrafoonka leh.
B. Inaad raadsato oo aad istaagto meel ku haboon.
C. Marka aad marayso wado cidla ah oo aad tartiib u socoto.
D. Inaad taleefanka kuu soo dhacay ku wareejiso hawlwadeenka.
Jawaab = B
Hal jawaab ka dooro
27. Waxaad maraysaa wado qoyan, waxaadna doonaysaa inaad si deg deg ah u istaagto
maxaad samayn lahayd?
A. Inaad Hal mar isla qabato bireega gacanta iyo bireega lugta.
B. Inaad si fiican isteerinka labada gacmood ugu qabato.
C. Inaad u badalato geerka gadaal ( Reverse) loogu socdo.
D. Inaad bixiso tilmaamgacanta ah.
Jawaab = B
Saddex Jawaab ka dooro
28. Waxaa hortaada ku baarkin gareysan gaadhi, maxaad samayn lahayd haddii aad
doonayso inaad Meesha ka baxdo?
A. Inaad dhinacyada iska eegtid inta aadan dhaqaaqin.
36
B. Inaad isticmaasho oo aad eegtiddhamaan muraayadaha.
C. Inaad istimaasho muraayadaha banaanka ku yaala oo kaliya.
D. Inaad shido bidh bidhaha haddii loo baahdo.
E. Inaad marka aad dhaqaaqdo ka dib shido laydhka amba calaamada leexashada.
Jawaab = A, B, D
Hal jawaab ka dooro
29. Tiirka haya muraayada hore wuxuu kaa qarin karaa amba yarayn karaa arigtidaaada.
Goormaa ayaa lagaaga baahan yahay inaad si gaar uga taxadirto ama feejignaanto?
A. Marka aad marayso Wada wayn.
B. Marka aad marayso wadooyinka laba haad leh.
C. Marka aad ku soo socoto wadooyinka haka dhinac loo maro.
D. Marka aad ku soo socoto gooladaha iyo isgoosyada.
Jawaab = D
Hal jawaab ka dooro
30. Waxaad doonaysaa inaad ka soo leexaato isgoys.
Tiirka haya muraayada hore wuxuu kaa qarin karaa wadada
hortaada. Maxaad si gaar isaga ilaalin lahayd?
A. Gawaadhida xamuulka ah
B. Basaska
C. Motooyinka
D. Basaska safarka.
Jawaab = C
Hal jawaab ka dooro
31. Marka aad ka soo leexanayso isogoysyada maxaa ka mid ah waxyaabaha kaa qarin
kara wadada hortaada ah?
A. Tiirka hore muraayada weyn.
B. Isteerinka
C. Muraayadaha gudaha
D. Tirtiraha muraayada hore (Wipers)
Jawaab = A
Hal jawaab ka dooro
32. Waxaad doonaysaa inaad midig u leexato, Adigu oo maraya wadooyinka labada layn
leh (Dual Carriage Way) maxaa lagaaga baahan yahay inta aadan leexanin?
A. Inaad istaagto, oo qabato bireega gacanta ka dibna geer hoose isticmaasho.
B. Inaad joogsato dhinaca bidixda ee wadada

37
C. Inaad hubiso in qaybta dhexe ee wadada (Central Reserve) leedahay meel ku filan oo
uu gaadhigaaga istaagi karo.
D. Inaad ka fogaato gawaadhida kaa dambaysa
Jawaab = C

Chapter 4: Ka feejignaanta khatarta


Hal jawaab ka dooro
1. Waxaa dhici karta in dadka waayeelka ah aysan si fiican baabuurta u wadin maxay
tahay sababta?
A. Sababtoo ah ma awoodaan inay inshuuransa ama ceymis galaan
B. Sababtoo ah ma fahmi karaan calaamadaha wadooyinka
C. Sababtoo ah ma awoodaan inay si deg deg ah wax u kala gartaan
D. Sababtoo ah ma awoodaan inay si sax u shidaan laydhadhka leexashada
Jawaab = C
Hal jawaab ka dooro
2. Waxaa jira meelo lagu sameeyay waxyaabo loogu talagalay in lagu yareeyo xawliga
baaburta ku socdaan, sidee ayaad ku mari lahayd meelahaas?
A. Inaad gaadhiga ku waod xawli hoose
B. Inaad mar walba ku socoto xawliga sare ee loogu talagalay
C. Inaad ku socoto wadada badhtamaheeda
D. Inaad tartiib u socoto marka aad aragtoo dad lugaynaya
Jawaab = A
Hal jawaab ka dooro
3. Waxaad u socotaa safar dheer, ma u baahan tahay inaad sii qorshaysato meelo aad
istaagto oo aad ku nasato?
A. Haa, waa inaad joogsato nusa saac walba
B. Haa, marka aad joogsato ama istaagto oo aad nasato waxaay kaa caawinaysaa inaad
fejignaato
C. Maya, ma daalaysid haddii aad si deg deg ah u dhamayso safarkaaga
D. Maya, waxaad istaagaysaa marka aad shidaal u baahato oo kaliya
Jawaab = B
Hal jawaab ka dooro
4. Darawal ayaa kaa cadhaysiiyay, maxaad samayn lahayd si aad isku dejiso?
A. Inaad joogsato oo wakhti qaadato isla markaana nasato
B. Inaad ku qayliso oo aad caydo
38
C. Inaad gacanta iska celiso
D. Inaad daba gasho gaadhiga kale, isla markaana ku shido laydhadhka hore
Jawaab = A
Hal jawaab ka dooro
5. Waxaad maraysaa wadooyinka labada layn leh. Waxaa hortaada socda gaadiid leh
laydh huruud ah oo biliglaynaya, waa maxay gaadiidkaa?
A. Ambalaas
B. Baabuurta dabdemiska
C. Dhakhtar loo yeedhay
D. Gaawadhida dadka curyaanka ah
Jawaab = D
Hal jawab ka dooro
6. Waxaad ku soo socotaa isgoys taraafik laydh ayaa dansan oo aan shaqaynaynin,
maxaad samayn lahayd?
A. Inaad bireega qabato oo aad ka istaagto baabuurta waaweyn oo kaliya
B. Inaad bireega xoog u qabato oo joogsato inta aadan wadada eegin
C. Inaad isu diyaariso inaad bireega xoog u qabato
D. Inaad isu diyaariso inaad istaagto baabuurta wadada maraysa oo dhan
Jawaab = D
Hal jawaab ka dooro
7. Waxaa jira calaamado iyo magacyada magaalooyinka oo ku qoran wadada korkeeda
oo sheegaya meesha ay wadada ku socoto maxaa loo sameeyay calaamadahaas
A. In la yareeyo sida ay baabuurta u socdaan
B. Si lagaaga digo baabuurta kugu soo socota
C. Inaad laynka aad doonayso u bedelato oo aad gasho waqti hore oo ku haboon
D. Si aadan laynka u bedalanin
Jawaab = C
Hal jawaab ka dooro
8. Waxaad maraysaa waddo cidhiidhi ah oo ku taala meel baadiya ah, waxaa kaa
horeeya gaadhi tartiib u socda, waxaad u soo dhawaateen isgoys dhinaca midigta ku yaala
maxaad samayn lahayd?
A. Inaad dhaafto ka dib markaa aad muraayadaha eegtid oo aad ugu tilmaamtidlaydhka
B. Inaad daba socoto gaadhiga kaa horeeya ilaa aad dhaafto isgoyska
C. Inaad xoog ku dhaaftid inta aan lagaarin isgoyska
D. Inaad tartiibiso oo isu diyaariso inaad bidixda ka dhaafto
Jawaab = B

39
Hal jawaab ka dooro
9. Maxaa muraayadaha baabuurt loo soo qaloociyay? Ama loogu yeelay golxada?
A. In muraayada ay ku tusiso baaxad weyn oo aad wax ka aragto
B. Inaay ku tusiyaan baraha madow ama aragti la’aanta oo dhan
C. Inay kuu sahlaan sidii aad ku ogaan lahayd xawliga ay ku socdaan baabuurta ku daba
socota
D. Inay kuu weyneeyaan baabuurta ku daba socota.
Jawaab = A
Hal jawaab ka dooro
10. Marka aad haysato liisanka wadista ee xirfadlaha waxaa jira waxyaabo kaa mamnuuc
ah, sheeg labo ka mid ah waxyaabahaas?
A. Inaad ku socoto xawli ka badan 40 Kph
B. Inaad gaadhi wado adiga oo kaligaa ah
C. Inaad waddoyinka waa weyn baabur ku wado
D. Inaad gaadhi wado habeenkii marka aad ka yar tahay 18 jir
E. Marka ay rakaab saaran yihiin kuraasta dambe
Jawaab = B, C
Hal jawaab ka dooro
11. Markii aad ku gudubtay ama ku baastay imitixaan darawalnimada ayaa xanuun kugu
dhacay, xanuunka dartii ayaad gaadhiga si fiican u wadi wayday, maxaad samayn lahayd?
A. Inaad u sheegto xarunta booliska xaafadaada
B. Inaad gaadhiga ku wado sida ugu fiican ee aad kari karto
C. Inaadan qofna u sheegin madaama aad liisankaaga haysato
D. Inaad u sheegto wasaarada liisanada bixisa
Jawaab = D
Hal jawaab ka dooro
12. Waxaa kugu cadaatay inaad gaadhi kaxaysay adiga oo xaaladaadu aanay caadi ahay
ama daroogo isticmaalay, waxa kugu badanaysa lacagta aad bixiso,maxay tahay lacagta
kugu badanaysa?
A. Canshuurta wadooyinka
B. Lacagta caymiska, iyo ganaaxa
C. Shahaadada lagu baaro baabuurta
D. Liisanka baabuurta
Jawaab = B
Hal jawaab ka dooro

40
13. Maxaad kula talin lahayd qof darawal ah oo xoogaa maandooriye ah ku isticmaalay
meel xaflad ah isla markaana doonaya inuu gaadhiga kaxaysto?
A. Inuu cabo koob kafee ah ka dibna uu gaadhiga wado
B. Inuu gaadhiga wado si tartiib oo taxadir ah
C. Inuu raaco oo uu isticmaalo gaadiidka dadwaeynaha
D. Inuu xoogaa yar sugo ka dibna gaadhiga wato
Jawaab = C
Hal jawaab ka dooro
14. Waxaad maalmo yar qaadanaysay daawo oo kugu keentay madax-wareer. Maanta
waxaad dareemaysaa inaad fiican tahay inaad daawadii qaadato, ma kaxayn kartaa baabuur
ama gaadhi?
A. Waad wadan kartaa gaadhi haddii aad aadayso safar muhiim ah
B. Waxaad wadan kartaa habeenkii marka wadooyinka cidla noqdaan
C. Waxaad wadan kartaa marka uu qof kula socdo
D. Waxaad wadan kartaa marka aad weydiiso ama la tashato dhakhtarkaaga
Jawaab = D
Hal jawaab ka dooro
15. Adiga oo safar ka soo noqday ayaad xanuusatay ka dibna dakhtar ayaa kuu qoray
daawo keeni karta inaadan gaadhiga si fiican u wadi karin, maxaad samayn lahayd?
A. Inaad gaadhiga wado marka uu qof kula socdo oo kaliya
B. Inaadan gaadhiga ku wadin wadooyinka waa weyn
C. Waa inaadan gaadhi oo dhan wadin
D. Waa inaadan gaadhiga ku wadin wax ka badan 30 Kph
Jawaab = C
Hal jawaab ka dooro
16. Waxaad qaadataa daawooyin laga yaabo inaadan si fiican gaadhiga u wadi karin,
maxaad samayn lahayd?
A. Inaad talo caafimaad aad weydiisato dakhtarkaaga inta aadan gaadhi wadin
B. Inaad gaadhiga kaxayso marka aad tagayso meelo muhiim ah oo kaliya
C. Inaad wado gaadhiga marka uu kula socdo qof haysta liisanka wayn
D. Inaad gaadhiga u wado meel dhaw oo kaliya
Jawaab = A

Laba jawaab ka dooro


41
17. Marka aad muddo xanuunsanaato waxaa dhici karta in aadan gaadhiga ama
baabuurka si fiican u kaxayn karin, maxaa waajib kugu ah marka aad doonayso inaad gaadhi
kaxayso?
A. Inaad aragto dakhtarkaaga mar walba oo aad rabto inaad gaadhi kaxayso
B. Inaad daawooyinkaaga aad qaadato iska yarayso
C. Waa inaad caafimaad ahaan tahay qof awoodi kara inuu gaadhi wado
D. Waa inaadan gaadhi wadin marka aad qaadato daawooyinka qaarkood
E. Waa inaad horay u sii qaadataa daawooyinkaaga oo dhan
Jawaab = C, D
Laba jawaab ka dooro
18. Maxaad samayn lahayd haddii aad dareento madax-wareer adiga oo gaadhi wada?
A. Inaad sida ugu dhakhsaha badan u joogsato oo u nasato
B. Inaad kor u qaado kulayliyaha si aad u kululaato oo aad nafis u dareento
C. Waa inaad qaadataa hawo fareesh ah oo kugu filan
D. Inaad iska sii socoto hase yeeshee gaadhiga tartiib u wado
E. Inaad xidhataa daaqada baabuurbka si aad u feejignaato
Jawaab = A, C
Laba jawaab ka dooro
19. Adiga oo baabuur ku wada waddoyinka waa weynayaa waxaad dareentay daal,
maxaad samayn lahayd?
A. Inaad istaagto batrool isteeshinka ama (service) ugu horeeya oo aad nasato
B. Inaad waddoyinka waa weyn ka baxdo (exit-)ka ugu horeya oo aad nasato
C. Inaad xawligaaga kordhiso codka raadiyana kor u qaado
D. Inaad xidho daaqadaha oo dhan isla markaana kor u qaado kulayliyaha
E. Inaad ku leexato garabka waddoyinka waa weyn oo qof kaleku badasho inuu
gaadhiga wado
Jawaab = A, B
Hal jawaab ka dooro
20. Adiga oo doonaya inaad gaadhi kaxaysato ayaad waxaad dareentay daal iyo madax
xanuun badan, maxaad samayn lahayd?
A. Inaad sugto ilaa aad fiicnaato oo aad awoodi karto inaad gaadhi wado
B. Inaad qaadato kaniinka madax xanuunka isla markaana gaadhiga wadato
C. Waa inaad gaadhiga kaxaysataa haddii aad soo jeedi karto inta aad gaadhiga wado
D. Inaad wax yar sugto kadibna kaxayso gaadhigaaga
Jawaab = A

42
Hal jawaab ka dooro
21. Maxaad samayn lahayd haddii aad dareento daal adiga oo gadhiga wada?
A. Inaad wax yar xawligaaga kordhiso
B. Inaad wax yar xawligaaga yareyso
C. Inaad raadsato wado baabuur tu ku yar tahay
D. Inaad ku leexato oo aad istaagto meel amaan ah oo aad ku nasato
Jawaab = D
Hal jawaab ka dooro
22. Marka aad daalan tahay waxaad inaad si deg deg ah u joogsato, maxaad samayn
lahayd inta ka horaysa inta aadan joogsanin?
A. Inaad xawligaaga kordhiso si aad si deg deg ah ugu hesho meel aad joogsato
B. Waa inaad heshaa hawo fareesh ah oo kugu filan oo gaadhiga soo gasha inta aadan
joogsanin
C. Waxaad si tartiib ah u taabataa isteerinka
D. Waa inaad mar walba bedeshaa xawligaaga si aad u feejignaato
Jawaab = B
Hal jawaab ka dooro
23. Waxaad gaadhi ama baabuur ku wadaa waddoyinka waa weyn, maxaad samayn
lahayd haddii aad dareento caajis iyo madax-wareer?
A. Inaad furto daaqadaha isla markaana ku leexato batrool isteeshinka (service) kuuga
xiga
B. Inaad joogsato garabka waddoyinka waa weyn si aad u seexato
C. Inaad xawligaaga kordhiso si aad si deg deg u gaarto meesha aad u socotay
D. Inaad xawligaag yarayso si baabuurta kale kuu dhaafto
Jawaab = A
Sadex jawaab ka dooro
24. Marka aad gaadhi wado oo aad ku jirto safar dheer, waxay keeni kartaa daal siyaado
ah, maxaad samayn lahayd si aadan u daalin?
A. Inaad dhowr jeer istaagto oo aad wax yar soc socoto
B. Inaad daaqadaha furato si aad u hesho hawa fareesh ah
C. Inaad marwalba joogsato si uu daalka kaago baxo oo aad fareesh noqoto
D. Inaad safarkaaga dhamaysato adiga oo aan joogsanin
Jawaab = A, B, C

43
Hal jawaab ka dooro
25. Waxaad cabtay daawada qufaca oo uu ku siiyay qof saaxiib kula ah, maxaad samayn
lahayd haddii aad doonayso inaad gaadhi wado?
A. Inaad weydiiso saaxiibka in ay si fiican gaadhiga u wadi karaan marka aay daawada
qaateen
B. Inaad cabto kafee ama qaxwo culus hal saac ka hor inta aadan gaadhiga wadin
C. Inaad warqada daawada ka eegto in ay wax u dhimmi karto sida aad gaadhiga u wado
D. Inaad wax yar gaadhiga wado si aad u ogaato inaad gaadhi wadi karto iyo in kale
Jawaab = C
Saddex jawaab ka dooro
26. Marka aad gaadhi wado waaa inaad mar walba taxadirtaa, waxaad sheegtaaa
saddex shey oo kuu keeni kara in taxadirkaaga iyo feejignaanto yaraato?
A. Inaad eegtid khariidada ama maabka wadooyinka adiga oo gaari wada
B. Inaad dhagaysato rikoodhka gaadhiga codkiisa oo aad u dheer yahay.
C. Inaad isticmaasho tirtiraha muraayada hore
D. Inaad eegtid muraydaha dhinaca
E. Inaad isticmaasho taleefanka gacanta
Jawaab = A, B, E
Hal jawaab ka dooro
27. Waxaad doonaysaa inaad safar gasho qof ayaad la murantay oo ku xanaaqday,
maxaad samayn lahayd?
A. Inaad wadato gaadhiga hase yeeshe aad daaqadaha furato
B. Inaad gaadhiga u kaxayso si tartiib ah isla markaana aad shidato raadiyaha
C. Inaad cabto cafee inta aadan wadin gaadhiga si aad u degto
D. Inaad is dejiso inta aadan baaburka kaxaynin
Jawaab = D
Hal jawaab ka dooro
28. Waxaad doonaysaa inaad gaadhi wadato oo aad aado gurigaaga, waxaa kaa lumay
muraaayadaha indhaha ee aad xidhan jirtay, maxaad samayn lahayd?
A. Inaad si tartiib ah u wado gaadhiga adigo oo maraya wadooyinka cidlada ah
B. Inaad muraayadaha indhaha ka qaadato saaxiibkaa oo aad ku wado gaadhiga
C. Inaad gaadhiga kaxayso habeenkii si laydhadhka kuu caawiyaan
D. Inaadan gaadhiga wadin oo aad raadsato siyaabo kale oo aad gurigaga ku aado
Jawaab = D

Hal jawaab ka dooro


44
29. Dhibaato sidee ah ayaamaandooriyuhu ku soo gaadhsiin karaa?
A. Inuu kordhiyo waxgarashada
B. Inuu kordhiyo sida aad wax u aragto
C. Inuu kordhiyo arigtidaada caqli ahaaneed.
D. Inuu yareeyo feejignaantaada
Jawaab = D
Hal jawaab ka dooro
30. Marka uu dakhtarkaaga ku siiyo daawo waa inaad weydiisa waxyabaha dheeraadka
ah ee ay daawada keeni karto, maxay tahay sababta?
A. Maxaa yeelay daawooyinka waxay kordhiyaan waxgarashadaada taas oo kaa
dhigaysa darawal fiican
B. Waa inaad shirkada caymiska ama inshuransiga u sheegto inaad daawo qaadatay
C. Daawooyinka qaarkood ayaa waxay keeni karaan inay yareeyaan sida aad wax u kala
garan lahayd
D. Daawada aad qaadatay waxay waxyeeli karaan maqalkaaga
Jawaab = C
Hal jawaab ka dooro
31. Waxaad dareentay inaad u baahan tahay muraayadaha indhaha ama ookiyaalo
marka aad doonayso inaad akhrido nambarada gaadhiga ama baleetka marka uu kuu jiro
fogaan laga akhrin karo, goorma ayaad xidhan lahayd muraayadaha indhaha?
A. Marka uu jawiga xun yahay oo kaliya
B. Mar walba oo aad gaadhi ama baabuur wadayso
C. Marka aad u malayso inay lagama maarmaan tahay
D. Marka uu iftiin yar jiro ama habeenkii
Jawaab = B
Hal jawaab ka dooro
32. Waa maxay nooca muraayadaha indhaha ee aadan xidhan karin habeenkii?
A. Muraayadaha labada qaybood ah ( half moon)
B. Muraayadaha goobada ah
C. Muraayadaha labada weji leh
D. Muraayadaha madow
Jawaab = D

Hal jawaab ka dooro


45
33. Adigaoo darawal ah ayaa aragaaga xumaaday, dakhtarka indhaha ayaa kuu sheegay
inaan lagu daawayn karin, sharci ahaan yaad u sheegi lahayd ama ogaysiin lahayd?
A. Xafiiska liisanada
B. Dakhtarkaaga
C. Booliska xaafadaada
D. Dakhtar kale oo indhaha qaabilsan
Jawaab = A

Hal jawaab ka dooro


34. Goormaad shidan kartaa laydhka deg deg ah ama emergeciga ah ?
A. Marka aad marayso wadooyinka waa weyn si aad ugu digto ama u sheegto baaburta
kaa dambeysa khatarta kaa horaysa
B. Marka aad baarkin dhigato wado labo dhinac loo maro
C. Marka laydhadka leexashada aysan shaqaynin
D. Marka aad uga digayso baabuurta dhinaca kale kaa soo socota inaad istaagayso
Jawaab = A
Hal jawaab ka dooro
35. Adiga oo waddoyinka waa weyn maraya ayaa shil dhacay, baabuurtii kaa horaysay
ayaa si deg deg ah u istaagtay, sidee ayaad ugu digi lahayd baabuurta kaa dambeysa
A. Inaad wax yar oo kooban shido laydhadhka ama ladhka imerjensiga
B. Inaad shido laydhka imerjensiga oo uu kuu shidnaado muddo dheer
C. Inaad wax yar shido laydhadka ceeryaamada
D. Inaad shido laydhadhka hore
Jawaab = A
Hal jawaab ka dooro
36. Gormaad shidan kartaa laydhka deg dega ah ama imerjensiga?
A. Marka uu gaadhiga kaa jabo ama wadada uu xidhayo ama wadada dhex fadhiisto
B. Marka uu baabuurka cilad leeyahay oo tartiib u socdo
C. Marka baabuurka la jiidayo
D. Marka aad wado dib u galayso
Jawaab = A

46
Saddex jawaab ka dooro
37. Marka aad galayso hal waddo aad isaga horimaanaysaan gawaadhida dhinaca kale ks
soo socota, waa inaad taxadirtaa inuu shil dhaco, maxaad samayn lahayd?
A. Inaad xawligaaga yarayso waqti ku haboon
B. Inaad laynka bedelato waqtigii aad doonto si aad horay ugu socoto
C. Inaad sii gasho laynka aad doonayso waqti ku haboon
D. Inaad si sax uga fogaato gawaadhida kaa horaysa
E. Inaad kordhiso xawligaaga si aad si deg deg ah uga baxdo
F. Inaad aad ugu dhawaato gawaadhida kale si uusan safka u dheeraanin
Jawaab = A, C, D
Saddex jawaab ka dooro
38. Wadooyinka labada jiho loo maro qaarkood ayaa waxaa laga dhigaa saddex layn ama
xariiqood, waa maxay sababta ay waddoyinka noocan ah khatar u yihiin?
A. Sababtoo ah laynka dhexe ee wadada ayaa waxaa isticmaali kara gawaadhida labada
dhinac ka soo kala socota ama ka kala imaanaysa
B. Gawaadhida oo xawli sare ku socon karta marka jawigu xun yahay
C. Gawaadhida oo bidix iska dhaafi kara
D. Gawaadhida oo marka laynka dhexe ee imerjensi jiro oo kaliya
Jawaab = A
Hal jawaab ka dooro
39. Markaa aad wadato baabuur manual ah sidee ayaad , u kicin lahayd ?
A. Waa inaad g
B. Inaad xoog u sheelarayso ama saliida u siiso
C. Inaad bareega si tartiib ah u qabato
D. Inaad isticmaasho shidaal yareeyaha
Jawaab = A

Chapter 5: Koontoroolka Gawaadhida


Saddex jawaab ka dooro
47
1. Waa mamnuuc inaad baabuurta ka dhaafto dhinaca bidixda sheeg sadex mar oo
laguu ogol yahay inaad gawaadhida bidix ka dhaafto?
A. Marka aad ku socotaan jidadka hal jiho loo maro (one way street)
B. Marka aad ku soo socoto wado wayn oo aad rabto inaad wadada ka baxdo
C. Marka uu gaadhi kaa horeeya uu bixiyo tilmaam ah inuu midig u leexanayo
D. Marka gaadhi qunyar u socda uu marayo dhinaca midigta ee wadooyinka labada
dhinac laga maro
E. Marka ay baabuurta saf ku jirto, waad dhaafi kartaa gaadhiga dhinaca midigta kaa
xiga haddii laynka aad ku jirto socdo isla markaana laynka midigta kaa xiga uu taagan yahay
Jawaab = A, C, E
Hal jawaab ka dooro

2. Waxaad wadaa gaadhi, waxaa da’aya roob xoog badan leh, maxay noqonaysaa
foogaanta aad ku istaagi lahayd?
A. Labalaab inta aad ku istaagi lahayd marka jawiga caadi yahay
B. Inta aad sida caadiga ah ugu istaagi lahayd nuskeed
C. Toban-laab in ka badan inta caadiga ah
D. In la mid inta caadiga ah
Jawaab = A
Laba jawaab ka dooro

3. Waa habeen waxaad doonaysaa inaad dhaafto gaadhi kale, maxaa lagaaga baahan
yahay inaad ka taxadirto?
A. Inaad sugto ilaa aad gaadho goolad wadada ah si aad u arki karto laydhadhka
baabuurta soo socota
B. Inaad hoonka laba mar yeedhiso inta aadan dhaafin
C. Inaad feejignato ama taxadirto maxaa yeelay habeenkii si fiican wax looma arko
D. Inaad ka taxadirto gooladaha ama meelaha wadada ka qaloocan tahay
E. Inaad laydhadka hore ka dhigto full
Jawaab = C, D

Hal jawaab ka dooro

4. Maxaa loo sameeyay waxyaabaha lagu hakiyo xawliga baabuurta?


A. Inay joojiyaan buuqa wadooyinka
B. Inay ka caawiyaan sida laysku dhaafo
C. Inay baabuurta xawligooda yarayso

48
D. Inay ka caawiso sidii baarkin loo dhigan lahaa
Jawaab = C
Hal jawaab ka dooro

5. Waa inaad xawligaaga yarayso marka ay ceryaamo jirto, maxay tahay sababta?
A. Maxaa yeelay bareega oo aan si fiican u shaqaynin
B. Maxaa yeelay waxaa ku cawari kara laydhadka ceryaamada ee u shidan baabuurta
kale
C. Maxaa yeelay majiinka gaadhiga oo qabow
D. Maxaa yeelay aad ayay u adag tahay inaad meel dheer ka aragto waxa hortaada ah
am kaa horeeya
Jawaab = D
Hal jawaab ka dooro
6. Waxaad maraysaa wado cidhiidhi ah, waxaa kaa horeya gaadhi qunyar u socda oo in
muddo ah u shidnaa laydhka leexashada midigta, maxaad samayn lahayd?
A. Inaad bidixda ka dhaafto
B. Inaad laydhka hore u biliglayso inta aadan dhaafin
C. Inaad u shidato dhinaca midigta isla markaana hoonka u yeedhiso
D. Inaadan dhaafin oo aad sugto ilaa uu demiyo laydhka leexashada
Jawaab = D
Hal jawaab ka dooro
7. Waxaad maraysaa waddo hal gaadhi oo kaliya mari karo, maxaad samayn lahayd
haddii gaadhi kale kaa horyimaado?
A. Inaad dib ugu noqoto wadada weyn
B. Inaad si deg deg ah u jooogsato
C. Inaad joogsato meesha laysku dhaafo
D. Inaad shidato laydhka deg dega ah.
Jawaab = C

Hal jawaab ka dooro


8. Maxaad samayn lahayd marka aad rabto inaad safarto iyada oo ceeryamo jirta?
A. Inaad daba socoto laydhadka dambe ee baabuurta
B. Inaadan isticmaalin laydhadka hore oo full ah.
C. Inaad iska sugto inta ceeryaantu dhamaanayso,ama aad qunyar socoto.
D. Inaad baabuurta kale u jirsato labo sekan
Jawaab = C
Hal jawaab ka dooro
49
9. Waa habeen, waxaad doonaysaa inaad dhaafto gaadhi kale, maxaa lagaaga baahan
yahy inaad samayso?
A. Inaad laydhadhka hore ka biligsiiso inta aadan dhaafin
B. Inaad u bedelato geer sare
C. Inaad laydhadhka hore ka dhigto full, inta aadan baaburta kale dhaafin
D. Inaadan laydhka ku cawirin dadka kale ee wadada isticmaalaya
Jawaab = D
Hal jawaab ka dooro
10. Waxaad maraysaa waddo leh askari jiiga oo tiro badan isla markaana gaadhiga
hortaada socda ayaa si qunyar ah u socda, maxaad samayn lahayd?
A. Inaad hoonka yeedhiso
B. Inaad sida ugu dhakhsaha badan u dhaafto
C. Inaad laydhka hore u biliglayso
D. Inaad qunyar socoto isla markaan iska daba socoto gaadhiga kale, inta aad helayso
fursad fiican oo aad ku dhaafi karto.
Jawaab = D
Hal jawaab ka dooro
11. Waxaa jirta ceeryaamo, waxaad daba socotaa gawaadhi kale, waxaana kuu shidan
laydhadhka, waa maxay waxyaabaha kale ee aad samayn karto oo aad uga hortagi karto
inuu shil dhaco?
A. Inaad ku dhowaato baabuurka ama gawaadhida kaa horeeya
B. Inaad isticmaasho laydhka fuul ka ah meeshii aad ka dhigi lahayd laydh khafiif ah.
C. Inaad la socoto gawaadhida xawliga ku socota
D. Inaad xawligaaga yareyso isla markaana aadan u dhowaanin baabuurta kaa horeysa
Jawaab = D
Hal jawaab ka dooro
12. Goorma ayay waajib kugu tahay inaad maalinimadii shidato laydhadka hore oo aan
full ahayn ?
A. Mar walba ama waqti walba
B. Marka aad marayso wadooyinka cidhiidhiga ah
C. Marka ay aragtida xuntahay ama si fiican aan wax loo arki karin
D. Marka aad baarkin ku jirto
Jawaab = C
Laba jawaab ka dooro

50
13. Waxaad ku socotaa waddo daadeg ah, waa khalad oo ma fiicna inaad gaadhida ka
dhigto khali (N) ama foolo ama nawtar oo aad geer la’aan wado, maxay tahay labada khatar
ee iman kara?
A. Gaadhiga oo shidaal badan isticmaalaya
B. Gaadhiga ayaa xawli siyaada ah qaadanaya ama ku soconaya
C. Waxaa dhamaanaya isla markaana dilaacaya taayarada
D. Bireega iyo isteerinka oo aadan si fiican u kontrooli karin
E. Waxay dhaawacaysaa matoorka ama injinka
Jawaab = B, D
Laba jawaab ka dooro
14. Marka uu gaadhiga fuulayo buuraha, waxay yareyn karaan awooda gaadhigaaga,
maxay yihiin labada xaalad oo uu gaadhigaaga noqon karo marka uu fuulayo buur?
A. Geerka sare ayuu gaadhiga si fiican ugu socon karaa
B. Xawliga gaadhiga oo hoos u dhacaya
C. In injinka ama matoorka uu xoog u shaqeeyo
D. Isteerinka oo culays noqda
Jawaab = B, C
Hal jawaab ka dooro
15. Waxaad socotaa wado wayn waxaana jirta dabayl, waxaad doonaysaa inaad dhaafto
gaadhi weyn dhinacyadiisana dhaadheer yihiin, maxaad samayn lahayd?
A. Inaad xawligaaga kordhiso
B. Inaad iska ilaaliso dabaylaha xooga leh oo si lama filaanka ah u soo dhaca
C. Inaad dhinac socoto oo aad ku dhowaato
D. Isaga malayso inay caadi noqonayso
Jawaab = B

Hal jawaab ka dooro


16. Maxaad samayn lahayd marka ay taayarada dambe siibtaan ama taraaraxaan?
A. Inaad isteerinka taabanin
B. Inaad isteerinka u wareejiso dhanka kale
C. Inaad isteerinka u wareejiso dhanka ay taayarada u siibteen
D. Inaad bireega gacanta qabato.
Jawaab = C
Hal jawaab ka dooro
17. Goorma ayey waajib tahay inaad shidato laydhadka ceryaamada?
A. Marka aragtida kaa yaraato inta aad ku joogsan lahayd
51
B. Marka aragtida ka yaraato in leeg toban gaari dhererkooda
C. Marka aragtida ka yaraato 200 meter (656 feet)
D. Marka aragtida ka yaraato 100 meter (328 feet)
Jawaab = D
Hal jawaab ka dooro
18. Waxaad wadaa gaadhi iyada oo ceeryaamo jirto, hase yeeshee ceeryaamadii ayaa
dhamaatay oo si fican ayaad wax u aragtaa, maxaa lagaaga baahan yahay inaad
xasuusnaato?
A. Inaad demiso laydhadhka ceeryamada
B. Inaad xawligaaga yareyso
C. Inaad demiso kulayliyaha
D. Inaad xidho daaqadaha furan
Jawaab = A
Hal jawaab ka dooro
19. Waxaad doonaysaa inaad baabuurka wado, dhigto ama ku baarkin garayso iyado oo
ceryaamo jirto, maxaad samayn lahayd?
A. Inaad ka tagto laydhadhka dhinacyada oo shidan
B. Inaad ka tagto laydhadhka hore iyo kuwa ceeryamada oo shidan
C. Inaad ka tagto laydhadhka hore oo baxaya
D. Inaad ka tagto laydhadhka hore oo fuul ah
Jawaab = A

Hal jawaab ka dooro


20. Adiga oo habeenimo safar ku jira ayaa waxaa indhaha ka cawiray laydhadhka hore ee
baabuurta dhinaca kale ka soo socoto maxaad samayn lahayd
A. Inaad dejiso qorax celiyaha
B. Inaad tartiibsato ama joogsato
C. Inaad shido laydhka hore
D. Inaad gacantaada saarto indhaha korkooda
Jawaab = B
Laba jawaab ka dooro
21. Waa khatar inaad shido laydhadhka ceeryaamada marka ama waqtiyada aan loo
baahnayn, waa maxay sababta?
A. Laydhadhka hore ayaan si fiican u muuqanaynin
B. Waxay indhaha ka cawari karaan darawaliinta kaa dambeysa
C. Qalabka korntada ayaa shaqada ku badanaysaa
52
D. Laydhadhka leexashada ayaa laga yaabaa inaysan si fiicin u shaqaynin.
E. Baatariga ayaa xumaan kara
Jawaab = A, B
Hal jawaab ka dooro
22. Sidee ayaad injinka gaadhiga ugu isticmaali kartaa inaad ku koontoroosho ama ku
yareyso xawliga gaadhiga?
A. Inaad u bedesho geer hoose
B. Inaad u bedesho geerka dambe
C. Inaad u bedesho geerka sare
D. Inaad u bedesho geerka dhexe (N ama Foolo)
Jawaab = A
Hal jawaab ka dooro
23. Waxaad ku socotaa waddo xariiqo leh, waa maxay fogaanta loo baahan yahay inaad
u joogsato gaadhiga kaa horeeya?
A. Afar-laab inta aad u joogi lahayd marka jawiga caadiga yahay
B. Lix-laab inta aad u joogi lahayd marka jawiga caadiga yahay
C. Sideed-laabinta aad u joogi lahayd marka jawiga caadiga yahay
D. Toban-laab inta aad u joogi lahayd marka jawiga caadiga yahay
Jawaab = D

Hal jawaab ka dooro


24. Maxaad samayn lahayd marka aad habeenimo ku socoto wado wayn oo iftin fiican
leh?
A. Inaad laydhadka dhinacayada oo kaliya isticmaasho
B. Inaad mar walba shidato laydhadhka hore
C. Inaad mar walba isticmaasho laydhadhka ceeryaamada
D. Inaad laydhadka hore isticmaasho marka jawiga xun yahay oo kaliya
Jawaab = B
Saddex jawaab ka dooro
25. Maxay yihiin seddex shay oo saamayn kara ama wax ka bedeli kara fogaanta loo
baahan yahay inaad ku joogsato?
A. Xawliga aad ku socoto
B. Taayarada ku xidhan gaadhigaaga
C. Waqtiga maalinta
D. Jawiga ama cimilada
E. Laydhadhka wadooyinka
53
Jawaab = A, B, D
Hal jawaab ka dooro
26. Aragtida maalintii ama iftiinka maalintii ayaa aad u yar, hase yeeshee maaha si xad
dhaaf ah, laydhadhkee ayaad shidan lahayd?
A. Laydhadka hore iyo laydhadhka ceeryaamada
B. Laydhadhka hore ee ceeryamada
C. Laydhadhka hore oo fuul ah
D. Laydhadhka dambe ee ceeryaamada
Jawaab = C
Hal jawaab ka dooro
27. Adiga oo ku socda wado hoos u daadagaysa ama daadeg ah ayad dareentay in
bireega aanu si fiican u shaqaynin, maxaa sida badan ciladan keena ama sabab u ah?
A. Bireegyada ama fareenka oo aad u kululaada
B. Hawo ku jirta saliida bireega
C. Bireegyada oo saliid leh
D. Breegyado oo si xun loo hagaajiyay
Jawaab = A

Chapter 6: Shilalka
Hal jawaab ka dooro
1. Goormaad joojin lahayd marka qof dhaawacan aad afke neefta ka siinayso?
A. Marka aad u malayso in qofka dhaawacan dhintay
B. Marka uu qofka dhaawacani iskiisa u neefsan karo
C. Marka uu qofka dhaawacan noqdo buluug
D. Marka aad u malayso in ambalaanska soo socoto
Jawaab = B
Hal jawaab ka dooro
2. Waxaad timid meel shil ka dhacay oo mashiinkii gaadhiga dab qabsaday isla
markaana uu qof gacmaha ka gubtay, waxaa jira waxyaabo mamnuuc ah oo aadan samayn
karin. Maxaa ka mid ah waxyaabahaas?
A. Inaad meesha gubatay ku shubto dareere qabow ah
B. Inaad qofka dhaawacan seexiso
C. Inaa ka qaado waxyaabaha ku dhegan meesha gubatay
D. Inaad qofka marwalba la hadasho oo niyada oo dejiso
Jawaab = C

54
Hal jawaab ka dooro
3. Waxaad timid shil, qof ayaa si xun u gubtay. Maxaad samayn lahayd?
A. Inaad meesha dhaawaca ah mariso kareemka la is mariyo
B. Inaad dilaaciso meelaha dhaawaca ee biyuhu galeen
C. Inaad ka qaado waxwalba oo ku jira meesha gubatay
D. Inaad dareere qabow oo nadiif ah ku shubto meesha gubatay
Jawaab = D
Labo jawaabood ka dooro
4. Waxaad timid meel shil ka dhacay. Qof lugaynayey ayaa lugta dhaaawac ka soo
gaadhay oo si xun ugu dhiigbaxayaa, hase yeeshee wax laf ma jabin, maxaad samayn
lahayd?
A. Inaad dhaawaca sii fidiso si aad dhiigbaxa u joojiso
B. Inaad labada lugood ku hayso dhulka
C. Inaad gacantaada si fiican ugu cadaadiso meesha dhaawacan
D. Inaad lugta dhaawacan kor u qaado si uu dhiig baxu u yaraado
E. Inaad siiso cabitaan kulul
Jawaab = C, D

Hal jawaab ka dooro


5. Waxaad timid meel shil ka dhacay, waxaa dhulka yaala qof dhaawac ah oo miyir
beelay hase yeeshee weli neefsanaya, sheeg marka kaliya ee aad dhaqaajin lahayd?
A. Marka ay soo socoto ambalaas
B. Marka ay dadka meesha taagan kuu sheegaan inaad dhaqaajiso
C. Marka ay jirto khatar kale oo dheerad ah oo ku iman kartaa qofkaas
D. Marka ay ku caawiyaan dadka meesha jooga
Jawaab = C
Hal jawaab ka dooro
6. Waxaad timid meel shil ka dhacay, waxaad ka shikiday inuu qof dhabarka ka
dhaawacmay, meeshana wa amaan, maxaad samayn lahayd?
A. Inaad siiso wax uu cabo
B. Inaadan dhaqaajin
C. Inaad lugaha kor ugu qaado
D. Inaad sigaar siiso
Jawaab = B
Hal jawaab ka dooro
55
7. Haddii shil dhaco waa inaad ka taxadirto dadka dhaawacan. Haddii ay amaan tahay
meesha shilka ka dhacay, maxaad samayn lahayd?
A. Inaad gaadhiga ka soo saarto
B. Inaad cabitaan siiso
C. Inaad siiso wax ay cunaan
D. Inaad u dayso ama ay ku jiran gaadhiga
Jawaab = D
Seddex jawaabood ka dooro
8. Marka aad shil gasho wuxuu boolisku ku weydiin karaa inaad tusto sedex
dokumeenti, maxay kala yihiin seddexdaa dukmeenti?
A. Dukemeentiga gaadhiga
B. Liisanka darawalnimada
C. Shahaadada imtixaanka afka
D. Warqada ama shahaadada ceymiska ama inshuuransiga
E. Warqada MOT ga
F. Cashuurta gaadhiga
Jawaab = B, D, E

Hal jawaab ka dooro


9. Waxaad garabka waddoyinka waa weyn ku aragtay gaadhi la soo baxay boodh ama
tabeelo ay ku qoran tahay HELP oo macnaheeda yahay caawimaad, maxay u badan tahay
inuu darawalka yahay?
A. Qof curyaan ah
B. Qof loo tababaray gargaarka degdeg ah
C. Qof ajnabi ah oo dalxiisa ah
D. Qof ka mida gurmadka wareega
Jawaab = A
Hal jawaab ka dooro
10. Goormaa la isticmaali kara garabka waddoyinka waa weyn (hard shoulder)?
A. Marka aad ka jaawabayso taleefanka gacanta
B. Marka ay dhacdo ama ay jirto arrin degdeg ah
C. Marka aad daasho oo aad wax yar nasanayso
D. Marka aad eeganayso khariidada wadooyinka
Jawaab = B
Labo jawaabood ka dooro
11. Sheeg labo mar oo aad isticmaali kartid laydhadka imerjensiga ama bidhbidhaha?
56
A. Marka ay khatar kaaga hortimaado waddoyinka waa weyn oo aad si deg deg ah
xawligaaga u yareyso
B. Marka uu gadhiga kaa jabo ama kaa fadhiisto
C. Marka aad doonayso inaad joogsato labada xariiq ee huruuda ah
D. Marka aad doonayso inaad gaadhiga dhigato meesha ay dadka maraan
Jawaab = A, B
Hal jawaab ka dooro
12. Waxaad maraysaa waddoyinka waa weyn, sanduuq weyn ayaa ka soo dhacay gaadhi
weyn oo hortaada socda, hase yeeshee gaadhiga ma uu joogsanin, maxaad samayn lahayd?
A. Inaad aad tagto taleefanka imerjensiga kuugu dhow aad booliska u sheegto
B. Inaad gaadho gaadhiga weyn oo darawalka soo jeediso
C. Inaad joogsato meel u dhow sanduuqa ilaa booliska yimaado
D. Inaad ku leexato garabka waddoyinka waa weyn oo sanduuqa wadada ka qaado
Jawaab = A

Hal jawaab ka dooro


13. Shil ayaa dhacay. Qof dhaawacan oo miyir beelay ayaa weli gaadhiga ku jira,
goormaa ayaad taleefan u diriaysaa shaqaalaha caafimaadka ama booliska ?
A. Marka aad xal kale weydo oo kaliya
B. Sida ugu dhakhsaha badan
C. Marka aad soo toosiso qofka miyir beelay
D. Marka aad hubiso in qofka dhaawacan uu jaban yahay
Jawaab = B
Hal jawaab ka dooro
14. Adiga oo maraya waddoyinka godadka laga dhex baxo ama duso (Tunnel) isla
markaana gawaadhi badan marayso ayaa waxaa khasab kugu noqotay inaad joogsato,
maxaad samayn lahayd?
A. Inaad ku dhowaato gaadhiga kaa horeeya si loo helo meel weyn oo la joogsan karo
B. Inaadan danaynin ama eegin calaamadaha kuu sheegaya wixii aad samayn lahayd
madaama ay yihiin wax waqtigooda dhamaaday
C. Inaadan gaadhiga kaa horeeya u dhowaanin oo aad u jirsato in ay geli karaan afar
gaadhi oo kale
D. Inaad kala jeediso oo samayso leexashada U-turn oo raadsato wado kale
Jawaab = C
Hal jawaab ka dooro

57
15. Waxaad maraysaa wadooyinka gododka laga dhex baxo (tunnel). Sidee ayaad ku
ogaan lahayd haddii uu jiro shil ama waddo baabuur badan isku xidhmatay?
A. Xariiqaha khatarta ka diga
B. Darawaliinta kale ayaa laydhadhka hore kaaga bilig bilig siinaya
C. Calaamadaha kala duwan ee digniinta bixiya ee ku dhexyaala tunnelka dhexdiisa
D. Meelaha ay ku calaamadaysan yihiin xariiqaha isku dhafan
Jawaab = C
Hal jawaab ka dooro
16. Adiga oo gaadhi wada ayaa waxaa kuu soo shidmay laydh digniin ah oo ku yaala
saacadaha daashka gaadhigaaga, maxaad samyayn lahayd?
A. Inaad iska sii socoto haddii dhawaaqa enjinka ama matoorku fiican yahay
B. Inaad iskaga qaadato inay tahay cilad koronto oo ku meel gaar ah
C. Inaad cilaadaas iska samayso marka aad waqti fiican hesho
D. Inaad cilaadaas u eegto si deg deg ah oo ammaan ah
Jawaab = D
Labo jawaabood ka dooro
17. Taayar ayaa kaa qarxay ama dilaacay adiga oo gaadhi wada, maxay yihiin labada shay
ee aad samayn lahayd?
A. Inaad qabato bareega gacanta
B. Inaad sida ugu dhakhsaha badan bareega qabato
C. Inaad wadada dhinaceeda si tartiib ah ugu leexato
D. Inaad isteerinka si fiican u qabato si aad gaadhiga u koontoroosho
E. Inaad xawligaaga caadiga ku sii socoto
Jawaab = C, D
Hal jawaab ka dooro
18. Adiga oo maraya meel cidla ah oo qofna joogin ayaad ku dhacday oo jebisay gidaar,
maxaad samayn lahayd?
A. Inaad shilkaas booliska ugu sheegto ama rebootgarayso muddo 24 saac gudahood
B. Inaad u noqoto maalinta ku xigta oo aad u shhegto qofka guriga leh
C. Inaad marka aad guriga tagto warbixin siiso shirkada ceymiska aad ku jirto
D. Inaad isla markiiba qof meelaha ka raadiso oo aad u sheegto
Jawaab = A
Hal jawaab ka dooro
19. Enjinka gaadhiga ayaa dab qabsaday, maxaay tahay waxa ugu horeeya ee aad
samayn lahayd?
A. Inaad kor u qaado daboolka afka hore ee gaadhiga (kawarka) oo furto batariga

58
B. Inaad kor u qaado daboolka afka hore ee gaadhiga oo aad digniin siiso baabuurta kale
C. Iaad taleefan u dirto shirkadda gurmadka baabuurta
D. Inaad taleefan u dirto ciidanka dabdamiska
Jawaab = D
Hal jawaab ka dooro
20. Maxaa lagaaga baahan yahay inaad samayso ka hor inta aadan gelin waddoyinka
godadka dhex mara?
A. Inaad raadiyaha damiso
B. Inaad iska saarto ama iska bixiso muraayadaha qoraxda
C. Inaad xidhato daaqadda kore
D. Inaad shiddo tirtiraha muraayadda hore
Jawaab = B

Hal jawaab ka dooro


21. Waxaad maraysaa wadooyinka godadka la dhex maro tanal, si caadi ah ayay
gawaadhidu u socdaan maxaad samayn lahayd?
A. Inaad shido laydhka baarkinka
B. Inaad shidolaydhka hore ee yay yar (spot light)
C. Inaad shidato laydhadka hore ee fuul laydhka ah ah
D. Inaad shidato laydhadka dambe ee ceeryaamada
Jawaab = C
Hal jawaab ka dooro
22. Shil ayaad gashay adiga oo dhex maraya tanel ama waddo dhul hoose ah, wax
dhaawac ah kuma gaadhin laakin gaadhigaaga ayaa jabay oo aan la wadi karin, maxay tahay
waxa ugu horeysa ee aad samayn lahayd?
A. Inaad sugto darawaliinta kale ee booliska taleefanka u diraya
B. Inaad damiso ama bakhtiiso enjinka isla markaana shido laydhadhka digniinta sheega
ee imerjensiga
C. Inaad qoroto magacyada markhaatiyaasha iyo darawaliinta kale
D. Inaad nadiifiso waxyabaaha jajaban ee wadada yaala
Jawaab = B
Labo jawaabood ka dooro
23. Waxaa dhici kara in gaadhiga dab qabsado, waxaa jira laba talaabo oo aad kaga
hortagi karto ama iskaga ilaalin karto khatarta uu dabka keeni karo, maxay yihiin labadaas
talaabo?
A. Inaad biyaha taangiga kor mariso heerka ugu badan
59
B. Inaad qaadato dabdemiye
C. Inaadan gaadhiga ku wadin haanta ama taangiga batroolka oo buuxa
D. Inaad isticmaasho batroolka aan liidka lahayn
E. Inaad iska hubiso haddii aad si xoog ah u urisid batrool ama u dareento ur batrool
F. Inaad isticmaasho shidaal oktanka ku yar tahay
Jawaab = B, E
Afar jawaabood ka dooro
24. Waxaad timid meel shil ka dhacay, qof ayaa argagaxsan. Maxaad samayn lahayd?
A. Inaad si joogto ah u rajo geliso
B. Inaad sigaar siiso
C. Inaad diiriso ama kulayliso
D. Inaad iska ilaaliso inaad dhaqaajiso
E. Inaad marnaba cidla uga tegin
F. Inaad siiso cabitaan kulul
Jawaab = A, C, D, E

Hal jawaab ka dooro


25. Maxaa lagaaga baahan yahay, marka aad la kulatanto meel shil ka dhacay?
A. Inaadan naftaada halis galanin.
B. Inaad u tagto dadka dhaawaca ah ee qeylinaya.
C. Inaad qof walba ka soo jiido baabuurkiisa.
D. Inaadan damin enjinka oo aad u dayso inuu shidnaado.
Jawaab = A
Afar Jawaabood ka dooro
26. Waxaad tahay qofka ugu horeeyay ee yimaada meel shil ka dhacay.
Maxay tahay Afarta waxyaabood ee lagaaga baahan yahay inaad samayso?
A. Inaad iska tagto marka uu qof kale Meesha yimaado.
B. Inaad damiso amba bakhtiiso enjinada amba motoorada baabuurta.
C. Inaad dadka AAN DHAAWACA soo gaadhin ka fogayso gawaadhida amba baabuurta.
D. Inaad taleefan u dirto Shaqaalaha gurmad ka dag dagga ah.
E. Inaad digniin siiso baabuurta kale
Jawaab = B, C, D, E
Hal jawaab ka dooro
27. Shil ayaa dhacay, qof dhaawacan ayaa yaala waddo baabuur badan marayso,
si aad u caawiso waa maxay shayga ugu horeeya ee aad samayn Lahay?
60
A. Inaad qofka ka dawayso Argagaxa.
B. Inaad digniin siiso gawaadhida Kale.
C. Inaad u dhigto dhinaca dib u soo kabashada.
D. Inaad mar walba qofka dhaawaca diiriso ama kulayliso.
Jawaab = B
Saddex Jawaab ka dooro
28. Waxaad tahay qofkii ugu horeeyay ee yimaada shil dhacay ,
Dad ayaa sixun ugu dhaawacmay. Maxayihiin saddexda shay ee aad samayn lahayd?
A. Inaad shiddo laydhka digniinta ee emergejensiga
B. Inaad hubiso in qof taleefan u diray ambalaaska gurmadka deg degga ah..
C. Inaad isku daydo inaaad dadka dhaawacmay siiso wax ay cabaan.
D. Inaad dadka dhaawacan ka dhaqaajiso baabuurtooda.
E. Inaad dadka aan dhaawacnayn ka dhaqaajiso Meesha shilka ka dhacay,
Jawaab = A, B,
Hal Jawaab ka dooro
29. Waxaad timid shil uu galay qof mooto wataa, Qofka mootada watay waa
dhaawacmay
Goorma ayaad ka bixin kartaa koofiyaddiisa ,
A. Marka ay lagama maarmaan noqoto oo kaliya.
B. Inaad mar walba isla markiiba ka bixiso.
C. Marka uu qofka mootada wata ku waydiisto.
D. Mar walba, Isaga oo miyir la moyee.
Jawab = A
Hal Jawaab Ka dooro
30. Waxaad timid meel shil ka dhacay qof mooto watay ayaa miyir beelay,
muxuu yahay waxa ugu horeeya ama ugu muhiimsan ee aad qofka dhawaacan ka eegi
lahayd?
A. Neefsiga ama Neefsashada
B. Dhiigbaxa
C. Lafaha jajaban
D. Bararka
Jawaab = A
Saddex Jawaabood ka dooro
31. Waxaad la kulantay qof mooto wata oo shil xun galay.
Qofkii mootada watay wuu miyir belay
isla markaana wuu dhiigbaxayaa maxay yihiin

61
waxyaabaha ugu muhiimsan ee aad samayn lahayd?
A. Inaad isku daydo inaad dhiigbaxa joojiso.
B. Inaad qorto markhaatiyaal goob jooge ah.
C. Inaad eegtid sida uu qofka dhaawacan u neefsanayo.
D. Inaad qorto lambarada baabuurta shilka gashay.
E. Inaad Meesha ka nadiifiso waxyaabaha jajabay
F. Inaad eegtid hawo mareenka ama meelaha laga neefsado ee qofka dhaawacan.
Jawaab = A, C, F

Saddex jawaabood ka dooro


32. Meel shil ka dhacay ayaad ku aragtay qof miyir beelay, saddexdee waxyaalood
ayaaad si deg deg ah u eegi lahayd?
A. Dhiigga ama Dhiigwareegga
B. Hawa mareenka ama neefmareenka.
C. Shoogga ama Argagaxa
D. Neefsashada
E. Lafaha Jajaban
Jawaab = A, B, D.
Saddex Jawaabood ka dooro
33. Waxaad timid shil ka dhacay isla markaana qof uu miyir beelay, maxay yihiin
waxyaabaha ugu muhiimsan ee aad si deg deg ah ugu caawin lahayd?
A. Inaad banayso ama furto hawo mareennada oo aad hubiso inay furan yihiin
B. Inaad isku daydo inaad u keento wax ay cabaan.
C. Inaad eegtid inay neefsanayaan
D. Inaad raadiso markhaatiyaal
E. Inaad joojiso dhiig baxa haddii ay si xoog ah u dhiig baxayaan.
F. Inaad qorto lambarada baabuurta shilka gashay.
Jawaab = A, C, E
Labo Jawaabood ka dooro
34. Meel shil ka dhcay ayaad timi, qof dhaawacan ayaa joojiyay inuu neefsado, maxaad
samayn lahayd?
A. Inaad ka bixiso wixi ku daboolan ama xidhay afkiisa.
B. Inaad u jeediso dhinaca hore.
C. Inaad lugaha kor u qaado si ay u caawiso wareega dhiiga
62
D. Inaad isku daydo inaad qofkan dhaawacan siiso wax uu cabo.
E. Inaad si tartiib ah madaxiisa u jeediso ama u jiifiso dhinaca dambe si ay u furanto
hawamareenka.
Jawaab = A, E
Hal Jawaab Ka dooro
35. Maxay tahay waxyaabaha kaa reebban inaad samaysid marka aad joogto meel shil ka
dhacay?
A. Inaad shido laydhka imerjinsiga si aad baabuurta kale ugu digto.
B. Inaad taleefan u dirto shaqaalaha deg deg ah.
C. Inaad qof dhawaaca ah sigaar siiso si aad dajiso.
D. Inaad waydiisato inay darawaliinta damiyaan enjiinkooda.
Jawaab C
Laba Jawaabood ka dooro
36. Shil ayaa dhacay, Darawalka ayaa argagaxsan, maxaad samayn lahayd?
A. Inaad cabitaan siiso,
B. Inaad la hadasho oo aad rajo geliso.
C. Inaadan marnaba kaligood ka tagin.
D. Inaad sigaar siiso.
E. Inaad waydiiso qofka shilka sababay.
Jawaab = B, C
Hal jawaab ka dooro
37. Meel shil ka dhacay ayaad timi, waxaad doonaysaa inaad qof argagaxa ka yarayso
maxaad samayn lahayd?
A. Inaad si joogta ah u rajo geliso.
B. Inaad meelahayare socodsiiso si ay u degaan.
C. Inaad siiso wax qabaw oo ay cabaan
D. Inaad sida ugu dhakhsaha badan u qaboojiso.
Jawaab = A
Hal jawaab ka dooro
38. Ilma yar ayaa yaala meel shil ka dhacay isla markaana neeftu ku xidhantahay,
waxaad doonaysaa inaad neefta afka ka siiso sided neefta u siin lahayd?
A. Si xoog ah
B. Si aayar ah ama tartiib ah
C. Si culus
D. Si deg deg ah
Jawaab = B
Saddex Jawaabood ka dooro
63
39. Maxaa lagaaga baahan yahay inaad samayso marka aad bilaabayso inaad qof
dhaawaacan neefta afka ka siiso?
A. Inaad madaxa hore u foorariso.
B. Inaad banayso hawo mareenka
C. Inaad dhinac ujeediso
D. Inaad madaxa dib dib u foorariso.
E. Inaad Sanka qabato.
F. Inaad gamcaha feedhaha u saarto.
Jawaab = B, D, E.

Hal Jawaab ka dooro


40. Goormaad joojin lahayd marka qofka dhaawacan aad afka naqas ka siinayso?
A. Marka aad u malayso in qofka dhaawacani dhintay.
B. Marka uu qofka dhaawacani iskiis u neefsado .
C. Marka uu qofka dhaawacani uu noqdo buluug.
D. Marka aad u malayso in ambalaasku uu soo socodo.
Jawaab = B

Chapter 7: Sida Gawaadhida Alaabta loogu qaado


Labo jawaabood ka dooro
1. Waxaad maraysaa motorway seddex layn ah oo gawaadhi badan marayso waxaadna
jiidaysaa tareele yar, seddexda layn way furan yihiin, maxaa waajib kugu ah inaad samayso?
A. Inaadan ku soconin xawli ka badan 60 mph
B. Inaadan dhaafin gawaadhida kale
C. Inaad ku xidho qalabka wax miisaama
D. Inaad ku socoto laynka midigta iyo laynka dhexe oo kaliya
Jawaab = A, D
Hal jawaab ka dooro
2. Waxaad doonaysaa inaad xamuul ku qaado gaadhiga dushiisa, maxaa waajib kugu ah
inaad samayso?
A. Inaad si fiican oo amaan ah u xidhxidho rarka ama xamuulka
B. Inaad qaado marka ay lagama maarmaan noqoto oo kaliya
64
C. Inaad qaado alaabta ugu yar eeaad kari karto
D. Inaad alaabta ku daboosho balaastiig
Jawaab = A
Hal jawaab ka dooro
3. Waxaad doonaysaa inaad jiido guryaha la jiido ama tareel, sheygee kaa caawinaya
sidii aad gaadhiga u wadi lahayd?
A. Lugta ama tayarka wareega oo lagu xidho birta jiidaysa tareelaha
B. In isteeringka hawada ah lagu xidho baabuurka wax jiidaya
C. In bareegyada AntiLock ah lagu xidho gaadhiga wax jidaya
D. In qalabka wax miisaama(Stabiliser) lagu xidho birta jiidaysa tareelaha
Jawaab = D
Hal jawaab ka dooro
4. Maxaad samayn lahayd haddii aad tareele aad jiidayso uu marba dhinac u leexdo
marba dhinac u wareego?
A. Inaad saliida ama sheelaraha ka soo kacdo aad xawligaaga yarayso
B. Inaad sii dayso isteerinka oo ay iskeed isu toosiso
C. Inaad bareega xoog u qabato oo hoos u sii cadaadiso
D. Inaad sida ugu dhakhsaha badan xawligaaga u kordhiso
Jawaab = A

Labo jawaabood ka dooro


5. Waxaad sheegtaa labo mar oo aad taayarada ku shubi karto hawo ka badan inta
loogu talagalay?
A. Marka waddoyinka lagu siibanayo ama lagu taraaraxayo aad marayso
B. Marka aad gaadhiga xoog u wadayso oo aad meel for u socoto
C. Marka ay taayarada dhamaadan oo korkoodu ka yaraado 2mm
D. Marka aad qadayso xamuul culus
E. Marka jawigu qabow yahay
F. Marka gaadhiga uu ku xidhan yahay Anti-Lock bareeg
Jawaab = B, D
Hal jawaab ka dooro
6. Maxay keeni karta haddii xamuul culus la saaro gaadhiga dushiisa?
A. Inay fiicnaato sida wadada loo maro
B. Inay yarayso qaddarka lagu joogsado
C. In isteerinku fududaado
65
D. Inuu xumaado sida gaadhiga u miisaaman yahay
Jawaab = D
Hal jawaab ka dooro
7. Marka aad tareele jiidayso waa inuu mar walba si amaan ah ugu xidhnaado gaadhiga
wax jiidaya. Waa maxay qalabka kale oo amaan ahaan lagu xidhi karo bareega tareelaha?
A. Qalabka tareelaha isku miisaama
B. Lugta wareegaysata
C. Toosiyaha dhinacyada
D. Xadhiga goosashada
Jawaab = D
Labo jawaabood ka dooro
8. Marka gaadhiga la saaro culays xaddhaaf ah waxaa laga dareemi karaa qaybo
gaadhiga ka mid ah, waxaad sheegtaa labada shay ee laga dareemi karo?
A. Geer boxka
B. Isteerinka ama wareejinta isteerinka
C. Koontroolka gaadhiga
D. Cimriga batariga
E. Waqtiga safarkaaga
Jawaab = B, C
Hal jawaab ka dooro
9. Waa mamnuuc in gaadhiga la saaro culays xaddhaaf ah, yaa ka masuul ah arintaas?
A. Darawalka gaadhiga
B. Qofka leh alaabta la qaadayo
C. Qofka gaadhiga raray
D. Hay’ada leysin bixinta
Jawaab = A
Hal jawab ka dooro
10. Marka aad gaadhiga ku qaadayso ilmo da’diisa ka yar tahay 3 sano waxaa waajib ah
in ilmaha la fadhiisiyo isla markaana la xidho. Waa maxay shayga ugu fiican ee lagu qaadi
karo ilmaha?
A. Kursiga caruurta
B. Qof weyn oo ilmaha haynaya
C. Suunka kursiga ee dadka waaweyn
D. Suunka laabta
Jawaab = A

66
Chapter 8: Aadaabta waddoyinka
Hal jawaab ka dooro
1. Waa mamnuuc inaad dadka lugaynaya gacanta ugu tilmaamto inay wadada ka
gudbaan, waa maxay sababtu?
A. Waxaa dhici karta in baabuur ama gawaadhi kale ay wadada ku soo socdaan
B. Waxaa dhici karta inaysan iska eegin
C. Waxay kuu sahlaysaa inaad iska socoto
D. Waxaa dhici karta inaysan diyaar u ahayn inay gudbaan
Jawaab = A
Hal jawaab ka dooro
2. Waa maxay macnaha daba gelida?(Tail-Gating)
A. Waa marka aad isticmaasho albaabka dambe ee baabuurta
B. Marka aad barkin gadaal u galayso
C. Marka aad daba gasho aad xooq ugu dhowaato gaadhiga hortaada socoda
D. Inaad waddo gaadhiga iyada oo laydhadka ceryaamadu shidan yihiin
Jawaab = C
Hal jawaab ka dooro
3. Marka ay wadadu qoyan tahay, ugu yaraan waqti intee ah ayaad u jiraysaa
gawaadhida ka horaysa?
A. Hal sekan
B. Labo sekan
C. Seddex sekan
D. Afar sekan
Jawaab = D
Hal jawaab ka dooro
4. Gaadhi weyn oo xamuul wada oo raba inuu ku dhaafo ayaa in mudo ah ku dhinac
socday, maxaaad samayn lahayd?
67
A. Inaad xawligaaga kordhiso
B. Inaad tartiibsato oo xawligaaga yareeyso si uu kuu dhaafo
C. Inaadan xawligaaga waxba ka bedelin
D. Inaad ka bedelato dhinaca aad u socoto
Jawaab = B

Hal jawaab ka dooro


5. Gaadhiga kaa dambeeya ayaa aad kuugu soo dhowaaday iyada oo gawaadhi badan is
daba socdaan, maxaad samayn lahayd?
A. Inaad iska dayso gaadhiga kaa dambeeya oo aad iskaga socoto xawliga loogu
talagalay
B. Inaad tartiibiso, isla markaana si aayar ah uga fogaato gaadhiga kaa horeeya
C. Inaad u shido laydhka bidixda ee leexshada, gacanta ugu tilmaamto inuu ku dhaafo
D. Inaad u wareegto dhinaca bidixda ee laynka dhexe
Jawaab = B
Seddex jawaabood ka dooro
6. Maxay yihiin gawaadhida kor ku leh laydhka bulluga ah?
A. Baabuurta ka shaqaysa waddoyinka waa weyn
B. Gaawadhida lagu qaado minooyinka
C. Baabuurta dhiig bixinta dhiiga lagu qaado
D. Baabuurta booliska
E. Gawaadhida lugu qaado ama lagu hagaajiyo gawaadhida fadhiisatay
Jawaab = B, C, D
Hal jawaab ka dooro
7. Waxaa ku daba socda ambalaas waxaana u shidan laydhka buluuga ah oo
biliglaynaya, maxaad samayn lahayd?
A. Inaad sida ugu amaanka badan uguna dhakhsaha badan dhinac ugu leexato
B. Inaad xawlihgaaga kordhiso si aad uga sii fogaato
C. Inaad waxba ka bedelin xawligaaga iyo meesha aad u socoto
D. Inaad bareega xoog u qabato isla markaana aad joogsato waddada dhexdeeda
Jawaab = A
Hal jawaab ka dooro

68
8. Baabuurta xaaladda deg dega ah ama emerjensiga kuwee leh laydh akhdar ama
cagaar ah?
A. Gawaadhida dabdemiska
B. Baabuura ciida ku daadiya waddada
C. Ambalaas
D. Gaadhiga dhakhtarka
Jawaab = D

Hal jawaab ka dooro


9. Maxaa loo isticmaalaa hoonka gaadhiga?
A. Inaad digniin ku siiso dadka waddoyinka kula isticmaalaya
B. In ay kuu suurto geliso inaad waddada xaq u yeelato
C. Inaad dadka ku salaanto
D. Inaad yeedhiso marka aad wax dhibsato
Jawaab = A
Hal jawaab ka dooro
10. Waxaad doonaysaa inaad midigta u leexato adiga oo socda wado hal jiho loo maro,
dhinacee ayaad u badan lahayd?
A. Laynka dhinaca midigta xiga
B. Laynka dhinaca bidixda xiga
C. Labada leyn midkii aad rabto, waxay ku xidhan tahay sida gawaadhida kale yihiin
D. Bidixda laynka dhexe
Jawaab = A
Hal jawaab ka dooro
11. Marka aad u leexanayso midigta waxaa lagaaga baahan yahay inaad waqti fiican
gasho layn sax ah, waa maxay sababtu?
A. In gawaadhida kale hortaada ka leexato
B. Inaad si fiican u aragto waddada aad u leexanayso
C. Si dadka kale ama gawaadhida kale ee wadada isticmaalaya ay u ogaadaan waxaa aad
damacsan tahay
D. Si ay gawaadhida kale midigta kaaga dhaafaan
Jawaab = C
Hal jawaab ka dooro
12. Adigu oo ku socda xawliga loogu talagalay waddada ayaa waxaa si deg dega kaaga
daba yimid gaadhi waxuuna kuu biligsiiyay laydhadka hore, maxaad samayn lahayd?
69
A. Inaad xawligaag sii kordhiso si aad uga fogaato
B. Inaad si aayara u qabato bareega si uu darawalku u arko laydhka bareega
C. Inaad ku socoto xawligaaga si uu gaadhiga kale kuu dhaafin
D. Inaad u ogolaato inuu gaadhiga kale ku dhaafo
Jawaab = D

Hal jawaab ka dooro


13. Goormaa laguu ogol yahay in aad uga biligsiiso laydhadka hore dadka wadada
isticmaalaya ama darawallinta kale?
A. Marka aad u sheegayso inaad waddada siisay
B. Marka aad u sheegayso inaad leexanayso
C. Marka aad u sheegayso inaad waddada ka leedahay
D. Marka aad u sheegayso inaad meesha joogto
Jawaab = D
Hal jawaab ka dooro
14. Waxaa kaa horyimid isgoys aan lahayn wax calamad ah, sidee ayaad u mari lahayd
isgoysyada noocan ah?
A. Inaad xoog ku dhaafto islamarkaana ku socoto laynka dhexe
B. Inaad tartiibsato islamarkaana ku socoto dhinaca midigta
C. Inaad xoog ku dhaafto islamarkaana raacdo dhinaca bidixda
D. Inaad tartiibsato isla markaana aad si taxadir leh labada dhinac isaga eegto
Jawaab = D
Hal jawaab ka dooro
15. Waa habeen aan mugdi badani jirin, gawaadhi dhinaca kale ka imanaysa ayaad
wadada isku dhaafaysaan, waxaa wadada lagu mara xawliga waddada ugu badan, waa
maxay laydhka lagaa doonayo inaad shidato ama isticmaasho?
A. Laydhka hore oo fuul ah
B. Laydhka dhinacyada
C. Laydhka hore oo diim ah ama caadiga ah
D. Laydhka ceeryaamada
Jawaab = C
Hal jawaab ka dooro
70
16. Waxaa kaa horeeya baabuur weyn oo xamuul ah, waxuu laydhka leexashada u shitay
dhinaca bidixda, wuxuuna gaadhiga u leexiyay dhinaca midigta, maxaad samayn lahayd?
A. Inaad tartiibsato markaana sugto ilaa uu gaadhiga ka leexdo
B. Inaad iska socoto adiga oo dhinaca bidixda ku jira
C. Inaad ka dhaafto dhinaca midigta
D. Inaad xawligaaga kusii socoto adiga oo hoonka yeedhinaya
Jawaab = A

Hal jawaab ka dooro


17. Waxaad taagan tahay meel layn ay ku jirto gawaadhi badan, maxaad samayn lahayd
si aadan darawaliinta kaa danbeeya indhaha ugu cawarin?
A. Inaad qabato bareega gacanta oo kaliya
B. Inaad qabato bareega lugta oo kalya
C. Inaad damiso laydka hore
D. Inaad hal mar isla qabato bareega lugta iyo gacanta
Jawaab = A
Hal jawaab ka dooro
18. Qof adhi la jooga ayaa ku weydiistay inaad joogsato, maxaad samayn lahayd?
A. Inaadan joogsanin sababtoo ah sharci uma laha inay ku istaajiyaan
B. Inaad joogsato, isla markaana demiso ama bakhtiiso injinka gaadhiga
C. Inaad iska sii socoto oo tarttibsato
D. Inaad isku daydo sidii aad si deg deg ah ugu dhaafi lahayd
Jawaab = B
Hal jawaab ka dooro
19. Waa habeen waxaadna maraysaa waddo mugdi ah waxaana kaa horaysa gawaadhi
kale, waa maxay laydhka aad isticmaali lahayd?
A. Inaad laydhka hore u flash garayso
B. Inaad isticmaasho ama shidato laydhadka hore oo diim ah ama caadiga ah
C. Inaad damiso ama bakhtiiso laydhadka hore
D. Inaad isticmaasho laydhka hore oo fuul ah
Jawaab = B
Labo jawaabood ka dooro
20. Adiga oo maraya dhul baadiya ah ayaa waxaa kaa hor yimid qof saaran faras, maxaad
samayn lahayd?
A. Inaad xawligaaga kordhiso
B. Inaad hoonka ka dhawaajiso
71
C. Inaad laydhadka horo uga biligsiiso
D. Inaad si tartiib ah ku dhaafto
E. Inaadan u dhowaanin oo ka fogaato marka aad dhaafayso
F. Inaad matoorka ama mashiinka gaadhiga ka dhawaajiso
Jawaab = D, E

Hal jawaab ka dooro


21. Waxaad waddaa gaadhi tartiib u socda isla markaana maraya wado cidhiidhi ah oo
leexadyo badan leh, maxaad samayn lahahyd si ay kuu dhaafaan gawaadhida kale?
A. Inaad u diido baabuurta kale inay ku dhaafaan
B. Inaad gacanta ugu tilmaamto gawaadhida kaa dambeysa inay ku dhaafaan haddii aad
u malayso inay si ammaan ah kugu dhaafi karaan
C. Inaad si ammaana waddada dhinac ugu baxdo markii ay kuu suurto gasho si ay
baabuurta kale kuu dhaafaan
D. Inaad u shido laydhka leeexashada ee bidixda si ay kuu dhaafaan marka ay ku haboon
tahay
Jawaab = C
Hal jawaab ka dooro
22. Adiga oo maraya isgoys ayaa hortaada waxaa joogsaday gawaadhi kale. Maxaad
samayn lahayd?
A. Inaad si xoog ah ugu leexiso gaadhiga isla markaana hoonka ka dhawaajiso
B. Inaad laydhka hore ka biligsiiso isla markaana ku dhowaato gaadhiga kale
C. Inaad tartiibsato oo isu diyaariso inaad istaagto
D. Inaad isla markiiba xoog ku dhaafto
Jawaab = C
Hal jawaab ka dooro
23. Haddii uu shidaalka gaadhigaaga yahay naafato, waa inaad ka taxadirtaa inaysan
dhulka kaaga daadanin naafatada marka aad gaadhiga ku shubayso. Maxay keeni kaartaa
haddii naafatada dhulka kaaga daadato?
A. Inay dadka ku dhegto
B. Inay urtu ka dhamaato
C. Inay saafi noqoto
D. In lagu siibto am lagu taraaraxo
72
Jawaab = D
Labo jawaab ka dooro
24. Maxay keeni kartaa haddii aadan si fiican u xidhin daboolka haanta naafatada ama
taangiga shidaalka ee gaadhigaaga?
A. Inay shidaal iyo lacagi kaa khasaaroobaan
B. In lagu siibto ama lagu taraaraxo meelaha ay naafatadu ku daadatay
C. Inay fiicnaato sida gaadhigaagu shidaalka u istimaalo
D. Inay kordhiso qiiqa baabuurka
Jawaab = A, B

Chapter 9: Taxadirka Waddoyinka


Hal jawaab ka dooro
1. Waxaa jira marar ay dabayl dhinaca kaa soo galayso, wadooyinkee ayaa sida badan
lagu arkaa dabaysha noocaas ah?
A. Wadooyinka cidhiidhiga ah ee baadiyaha ku yaala
B. Wadooyinka fidsan ee ku yaala meelaha banaanada ah
C. Wadooyinka dhaadheer ee la buuxo
D. Wadooyinka dhaadheer ee toosan
Jawaab = B
Hal jawaab ka dooro
2. Marka ay dabayl jirto maxaa lagaaga baahan yahay inaad si gaar ah uga taxadirto?
A. Marka aad bareega qabanayso
B. Marka uu gaadhiga buuraha fuulayo
C. Marka aad ku leexanayso wado cidhiidhi ah
D. Marka aad dhaafayso qof baaskiil wata
Jawaab = D
Hal jawaab ka dooro
3. Marka ay qoraxdu iiftiimayso si ffican looma arki karo laydhadka leexashada maxa
kale oo aad samayn lahayd?
A. Inaad waqti hore shiddo laydhka leexashada
B. Inaad bixiso tilmaam gacanta ah isla markaana shiddo laydhka leexashada
C. Inaad taabato bareega dhowr jeer si loo arko laydhka bareega
D. Inaad si deg deg ah u leexato
Jawaab = B

73
Seddex jawaabood ka dooro
4. Gormaa ayey mamnuuc tahy inaad dhaafto gawaadhida kale?
A. Marka aad ku soo dhowaato waddada bidixda ee aad leexanayso
B. Marka aad marayso wadooyinka halka jiho loo maro
C. Marka aad ku soo socoto isgoys
D. Marka aad fuulayso buur dheer
E. Marka aadan arki karin wadada hortaada oo ay wax kaa qariyaan
Jawaab = A, C, E

Hal jawaab ka dooro


5. Marka aad soo dhex marto biyo sidee ayaad ku qalajin kartaa bareegyada?
A. Inaad wax yar kordhiso xawliga
B. Inaad tartiib u socoto adiga oo isla markaana si tartiib ah bareega u qabanaya
C. Inaadad wax bareeg ah qaban ilaa iyo dhowr mayl
D. Inaad ugu yaraan saacad taagnaataa ilaa bareegu kuu qalalayo
Jawaab = B
Hal jawaab ka dooro
6. Marka uu jawiga fiican yahay oo aad marayso waddoyinka banaan ee xawliga lagu
maro, ammaan ahaan waqti intee leeg ayaad u jisan lahayd gawaadhida kaa horaysa?
A. Inaad u jirsato waqti labo sekan ah
B. In leeg baabuur dhererkiisa
C. 2 meter
D. In leeg labo gaadhi dhererkooda
Jawaab = A
Hal jawaab ka dooro
7. Waa maxay sababta ugu weyn oo ay baabuurta ku siibtaan ama taraaraxaan?
A. Taayaarada oo dhammad ah
B. Khalad ka yimaada darawaliinta
C. Gawaadhida kale
D. Dadka lugaynaya
Jawaab = B
Hal jawaab ka dooro

74
8. Waxaad maraysaa wado lagu siibto ama lagu taraaraxo, waxaad doonaysaa inaad
bidix u leexato hase yeeshee gaadhigu dhinaciisa midigta ayuu u siibtay, maxaad samayn
lahayd?
A. Inaad xoog u qabato bareega oo aadan wareejin isteerinka
B. Inaad si taxadir leh isteerinka ugu leexisaa dhinaca bidixda
C. Inaad si taxadir leh isteerinka ugu leexisaa dhinaca midigta
D. Inaad xoog u qabato bareeg isla markaana isteerinka u leexiso bidixda
Jawaab = C

Hal jawaab ka dooro


9. Waxaad qabatay bareega adiga oo maraya wado qoyan, baabuurka ayaa waxuu
bilaabay inuu siibto ama taraaraxo isla markaana gaadhiga ma laha qalabka ka hortaga
bareeg xidhanka. Maxaad samayn lahayd marka ugu horaysaa?
A. Inaad si deg deg ah u qabato bareega gacanta
B. Inaad sii daysaa oo ka soo kacdaa bareega cagta oo dhan
C. Inaad xoog u riixdo bareega cagta
D. Inaad si tartiib ah u riixdo sheelaraha
Jawaab = B
Hal jawaab ka dooro
10. Waa maxay dhibaatada ka imaan karta marka aad gaadhiga oo socda geerka ka
saarto oo ka dhigto nuutaral ama foolo?
A. Inay kordhiso koontoroolka darawalka
B. In si sahal ah isteerinka loo wareejin karo
C. In darawalku uu koontorooli waayo gaadhiga
D. In gaadhig shidaal yar isticmaalo
Jawaab = C
Hal jawaab ka dooro
11. Waxaad hoos ugu socotaa ama ka daadagaysaa buur, maxaad samayn lahayd si aad
xawligaaga u koontoroosho?
A. Inaad ku socoto geer sare isla markaana si taxadir leh u isticmaashid bareega
B. Inaad ku socoto geer sare isla markaana aad xoog u qabatid bareega
C. Inaad ku socoto geer hoose isla markaana si taxadir leh u qabato bareega
D. Inaad ku socoto geer hoose isa markaan ilaaliso inaad bareega qabato
Jawaab = C
Hal jawaab ka dooro
75
12. Waa maxay faaidada ugu weyn ee ay leeyihiin gawaadhida foor bay foorka ahi?
A. Inay si fiican wadada u maraan
B. Isticmaalka shidaalka
C. Fogaanta ay ku istaagaan
D. Raaxada dadka saran
Jawaab = A

Labo jawaab ka dooro


13. Marka uu kulayl jiro laamiga wadada ayaa jileec noqonaya, sheeg labo shay oo aad
ka dareemi karto?
A. Susbenshanka
B. Taayarada oo aan si fiican u fadhiisanaynin
C. Bareega
D. Qiiq saarka
Jawaab = B, C
Hal jawaab ka dooro
14. Side ayaad injinka ama matoorka gaadhiga ugu isticmaali kartaa bareeg ahaan si uu u
yareeyo xawliga gaadhiga?
A. Inaad u bedelato geer ka sii hooseeya midka aad ku socotay
B. Inaad u bedelato geerka dib u socoshada ama reefaska
C. Inaad u bedelato geer sare
D. Inaad u bedelato geer la aan nawtaral ama foolo
Jawaab = A
Hal jawaab ka dooro
15. Waxaa gaadhiga ku xidhan qalabka ka hortaga bareega xidhanka. Waxaad doonaysaa
inaad si deg deg ah oo imerjensi ah u istaagto, maxaad samayn lahayd?
A. Inaad xoog u qabato bareega, marna xoog u cadaadiso, marna ka soo kacdo
B. Inaad si xoog ah oo deg deg bareega u qabato oo aadan sii daynin
C. Inaad tartiib u qabato bareega marna xoog u cadaadiso, marna ka soo kacdo
D. Inaad hal mar oo deg deg ah bareega u qabato isla markiina sii daayso
Jawaab = B
Labo jawaabood ka dooro
16. Marka aad doonayso inaad gaadhiga dhigato meel daadeg ama dhaadhac ah, maxaa
lagaa doonayaa inaad samayso?
A. Inaad ku leexisid isteerinka dhinaca wadada dadaku maraan
76
B. Inaad gaadhigaaga ku dhoweeyso gaadhi kale oo kaa horeeya
C. Inaad ku baarkin garayso iyado oo labo taayar saran yihiin darbiga dadku maraan
D. Inaad si fiican u qabato bareega qacanta
E. Inaad isteerinka u leexsid dhinaca waddada
Jawaab = A, D

Hal jawaab ka dooro


17. Roob ayaa da’aya, waxaad dareentay in isteerinka gaadhigu fudayd noqday. Maxaad
samayn lahayd?
A. Inaad isteerinka u leexiso waddada dhinaceeda
B. Inaad si fudud sheelaraha ama leewarka u cadaadiso
C. Inaad bareega si xoog ah u qabato si aad u yareeyso xawligaaga
D. Inaad si tartiib ah saliida ama leewarka ugu soo kacdo
Jawaab = D
Hal jawaab ka dooro
18. Marka aad ku socoto waddo qoyan, sidee ayaad ku garanaysaa in gaadhigaagu
fudayd noqday?
A. Enjinka ayaa damaya ama bakhtiyaya
B. Codka enjinka ayaa kordhaya
C. Isteerinka ayaa culays noqonaya
D. Isteerinka ayaa fudayd noqonaya
Jawaab = D
Hal jawaab ka dooro
19. Goormaa ayaa loo baahan yahay inaad bareega mar horesii qabato marka aad
doonayso inaad istaagto?
A. Marka u roob da’ayo
B. Marka ceeryaamo jirto
C. Habeenkii
D. Marka ay dabayl xoog badani jirto
Jawaab = A
Hal jawaab ka dooro

77
20. Waxaad maraysaa motorway, dhulka ayaa qoyan, biyaha dhulka yaala ayaa kugu soo
duulaya, maxaad samayn lahayd?
A. Inaad shidato laydhka xaaladda deg degga ah ee imerjensiga
B. Inaad shidato laydhka hore oo diim ah ama caadiga ah
C. Inaad shidato laydhka dambe ee ceeryaamada
D. Inaad shidato laydhadka dhinacyada
Jawaab = B

Chapter 10: Dadka Tabarta Daran


Hal jawaab ka dooro
1. Waxaad doonaysaa inaad waddo bidix ugu leexato, waa maxay khatarta loo bahan
yahay inaad si gaar ah isaga ilaaliso?
A. Jidadka halka dhinac loo maro
B. Dadka lugaynaya
C. Marka baabuurta isku xidhanto
D. Baabuurta la baarkin gareeyay
Jawaab = B
Hal jawaab ka dooro
2. Marka aad doonayso inaad midig u leexato waa inaad iska ilaaliso mootooyinka laga
yaabo inay dhinac kaa dhaafaayaan, dhinacee laga yaabaa inay kaa dhaafaan?
A. Inay bidixda kaa dhaafi rabaan
B. Inay gadaal kaaga dhowaadaan
C. Inay ka soo baxaan wadada dhinaca
D. Dhinaca bidixda
Jawaab = D
Hal jawaab ka dooro
3. Maxaad samayn lahayd haddii aad aragto qof waayeel ah oo raba inuu ka gudbo
waddada hortaada ah?
A. Inaad u qaadato inay ku sugaayaaan ilaa aad ka dhaafto
B. Inaad xawligaaga kordhiso si aad si deg deg ah u dhaafto

78
C. Inaad joogsato oo gacanta ugu tilmaamto si ay u gudbaan
D. Inaad ka taxadirto, maxaa yeelay si fiican uma garan karaan xawliga aad ku socoto
Jawaab = D
Hal jawaab ka dooro
4. Waxaad ku socotaa raanwabwaat ama dawaarad wareegsan, maxaad samayn lahayd
haddii qof baaskiil wata oo kaa horeya bixiyo tilmaam ah inuu bidix u leexanayo?
A. Inaad ka dhaafto midigta
B. Inaad hoonka ugu yeedhiso si digniin ah
C. Inaad u tilmaamto inuu iska gudbo
D. Inaad siisaa ama u banaysaa meel weyn oo uu baaskiilka ka gudbo
Jawaab = D

Hal jawaab ka dooro


5. Marka aad baaskiil dhaafayso waa inaad u baneesysaa am ka fogaataa in ka badan
inta aad u baneyn lahayd baabuurta, maxay tahay sababtu?
A. Baaskiilka ayaa laynka bedelan kara
B. Qofka baaskiilka wata aayaa kadegi kara baaskiilka
C. Baaskiilka ayaa si kedis ama lama filaan ah waddada ugu soo leexan kara
D. Baaskiilka ayaa midig u soo leexan kara
Jawaab = C
Labo jawaabood ka dooro
6. Labadee ayaa lagaaga baahan yahay inaad aad ugu fogaato oo u baneeyso meel weyn
marka aad dhaafayso?
A. Mootooyinka
B. Cagaf cagafyada
C. Baaskiilada
D. Dadka wadooyinka nadiifiya
Jawaab = A, C
Hal jawaab ka dooro
7. Marka aad marayso isgoysyada waa inaad si gaar ah isaga ilaalisaa mootooyinka iyo
baaskiiladaha, maxay tahay sababta?
A. Waxaa dhici karta inay rabaan inay u leexdaan waddada dhinaca ah
B. Xawligooda ayey yareen karaan si aad u leexato
C. Mootooyinka iyo baaskiiladaha oon si fiican loo arki karin ama ay dhib tahay sida loo
arkaa
D. Waxaa dhici karta inaysan ku arkin marka aad leexanayso
79
Jawaab = C
Hal jawaab ka dooro
8. Dadka mootoyinka wata waa inay xidhaan dhar dhaldhalaalaya, waa maxay sababtu?
A. Sharciga ayaa fariya inaay qaataan
B. Way isku qaboojiyaan waqtiga kulaylaha ah
C. Midabada ayaa caan ah
D. Darawaliinta kale oo badanaa arkin mootoyinka ama in si fiican loo arko
Jawaab = D

Seddex jawaabood ka dooro


9. Meelaha isgoysyada seddexdee ayaa khatarta ugu nugul?
A. Baaskiilada
B. Mootooyinka
C. Dadka lugaynaya
D. Darawaliinta
E. Darawaliinta baabuurta waaweyn
Jawaab = A, B, C
Hal jawaab ka dooro
10. Maxaad samayn lahayd haddii aad la kulanto qof mooto wata oo dhulka yaala
oodhaawac ah isla markaana aan miyir lahayn ama miyir beelay?
A. Inaad ka bixiso koofiyada amaanka
B. Inaad raadiso gargaar caafimaad
C. Inaad qofka wadada ka dhaqaajiso
D. Inaad ka bixiso koodhka haraga ah
Jawaab = B
Seddex jawaabod ka dooro
11. Sheeg seddex shay oo aad samayn lahayd marka aad dhaafayso adhi ama xoolo ?
A. Inaad u banayso meel weyn oo aad ka fogaato
B. Inaad si aad tartiibu ah u socoto
C. Inaad ku dhaafto si deg deg oo degan
D. Inaad isu diyaariso inaad joogsato
E. Inaad in yar hoonka yeedhiso
Jawaab = A, B, D

80
Hal jawaab ka dooro
12. Waxaad aragtay laydh huruud ah oo ku xidhan calamadda digniinta iskuulka, maxaad
samayn lahayd?
A. Inaad xawligaaga yareyso ilaa aad agagaarkaas ka baxayso
B. Inaad xawligaaga ku socoto oo aad hoonka yeedhiso
C. Inaad xawligaaga kordhiso si aad deg deg uga baxdo meeshaas
D. Inaad sugto ilaa laydhka cagaar isku bedelo
Jawaab =

Hal jawaab ka dooro


13. Markee ayay mamnuc tahay inaad dhaafto qof baaskiil wata?
A. Wax yar ka hor marka aad donayso inaad midig u leexato
B. Marka wadada bidix u qaloocanayso
C. Wadooyinka halk jiho loo maro
D. Wadada labada leyn leh
Jawaab = A
Hal jawaab ka dooro
14. Waxaa xidhan oo shaqo ka socotaa meesha loogu talagalay dadka lugaynaya,
maxaad samayn lahayd?
A. Inaad iska ilaaliso dadka lugaynaya ee wadada dhex socda
B. Inaad marmar badan isticmaasho muraayada dhinaca midigta
C. Inaad xoog u socoto si aad meelaha laga shaqaynayo deg deg ugu dhaafto
D. Inaad ku dhowaato derbiga dhinaca bidixda ku yaala
Jawaab = A
Hal jawaab ka dooro
15. Side ayaad ula dhaqmi lahayd marka aad la kulanto darawal cusub oo aan khibrad
lahayn?
A. Inaad hoonka u yeedhiso si ay u ogaadaan inaad meesha joogto
B. Inaad u samirto markaana isu diyaariso haddii ay u socdaan si aan ahayn sidii loogu
talagalay in wadada lagu maro
C. Inaad u biligsiiso laydhka hore si aad ugu sheegto inay amaan tahay inay sii socdaan
D. Inaad u dhaafto sida ugu dhakhsaha badan
Jawaab = B
Hal jawaab ka dooro

81
16. Maxaa lagaaga baahan yahay marka uu kaa horeeyo gaadhi uu wado qof waayeel
ah?
A. Inaad u malayso inuu si xun baabuurka u wadi doono
B. Inaad u biligsiiso laydhka hore isla markaana dhaafto
C. Inaad ogaato oo ku talagasho in darawalkan waayeelka ah uusan sidaada oo kale si
deg deg wax u kala garan karin
D. Inaad ugu dhowaato laakin si taxadir leh
Jawaab = C

Hal jawaab ka dooro


17. Wax yar ka hor ayaad ku baastay imitixanka, maxaad samayn lahayd inaad yarayso
khatarta ah inuu shil ka dhaco waddoyinka waa weyn?
A. Inaad mar walba la socoto gaadhiga kaa horeeya
B. Inaadan gaadhiga ku wadin wax ka badan 40 mph
C. Inaad mar walba ku socoto laynka bidixda ah
D. Inaad tababar dheeraad ah qaadato
Jawaab = D
Hal jawaab ka dooro
18. Sheeg khatarta ugu weyn aadan arki karin marka aad gaadhi rifees ama dib u
waddo?
A. Mootooyinka
B. Dadka baabuurta wata
C. Baakiiladaha
D. Caruurta
Jawaab = D
Hal jawaab ka dooro
19. Waxaad doonaysaa inaad dib u gasho wado meel gees ah ku taala, mana hubtid
dabadaada in ay banaan tahay iyo in kale. Maxaad samayn lahayd?
A. Inaad ka eegto daaqadda dambe oo kaliya
B. Inaad gaadhiga ka degto oo aad soo eegtid ama soo hubisaa
C. Inaad ka eegtaa muraayadaha oo kaliya
D. Inaad iska sii socoto oo aad isaga malayaso inay dabadaaadu banaan tahay
Jawaab = B
Hal jawaab ka dooro
20. Waxaad doonaysaa inaad midig u leexato isgoys hortaada ah, waxaa waddada
hortaada kaa qarinaya baabuur waddada taala. Maxaad samayn lahayd?
82
A. Inaad si deg deg ah u dhaqaaqdo laakin isu diyaariso inaad istaagto
B. Inaad hoonka yeedhiso oo leexatid haddii wax jawaab ah aad waydo
C. Inaad istaagto oo aad si tartiib ah horay ugu socoto ilaa aad si fiican waddada u arki
karto
D. Inaad istaagto oo ka degto gaadhiga isla markaana eegto wadada weyn
Jawaab = C

Hal jawaab ka dooro


21. Adiga oo dhinac socda baabuur waddada yaala ayaad aragtay taayar baaskiil oo
baabuurta ka soo dhex jeeda, maxaad samayn lahayad?
A. Inaad xoog ku dhaafto isla markaana hoonka u yeediso
B. Inaad tartiibsato isla markaana gacanta ugu tilmaamto baskiilka inuu ku dhaafo
C. Inaad xoog bareega u qabato isla markaana u biligsiiso laydhka hore
D. Inaad tartiibsato isla markaana isu diyaariso inaad baaskiilka ka istaagto
Jawaab = D
Hal jawaab ka dooro
22. Waxaad ku jirtaa saf oo gawaadhidu tartiib u socoto, waxaad doonaysaa inaad
laynka bedelato. Maxaad samayn lahayd?
A. Inaad hoonka yeedhiso
B. Inaad iska eegto mootoyinka ka dhex dusaya baabuurta dhexdeeda
C. Inaad bixiso calaamadda gacanta marka aad tartiibsanayso
D. Inaad bedelato geerka kowaad
Jawaab = B
Hal jawaab ka dooro
23. Marka ay jirto dabayl aad dhaafayso mootoyinka waa inaad u baneeysaa meel weyn,
waa maxay sababta?
A. Qofka mootada wada ayaa si kedis ah u demin kara si uu dabaysha uga baxo
B. Dabaysha ayaa hortaada ku soo tuuri karta qofka mootada wata
C. Qofka mootada wada ayaa si kedis ah u istaagi kara
D. Mootada ayaa laga yaabaa inay ku socoto xawli ka badan kan caadiga ah
Jawaab = B
Hal jawaab ka dooro
83
24. Waxaad ku socotaa waddo weyn waxaad doonaysaa inaad bidix ugu leexato waddo
kale. Maxaad samayn lahayd?
A. Inaad hagaajisato muraaydaha gudaha
B. Inaad laydka hore ka biligsiiso
C. Inaad dhinaca bidixda isteerinka u leexiso
D. Inaad iska eegto gawaadhida bidixda kaa dhaafaysa
Jawaab = D

Chapter 11: Sharciyada Waddoyinka


Hal jawaab ka dooro
1. Waxaa kaa horeeya cagaf cagaf. Waxaad doonayasaa inaad dhaafto mana hubtid inay
amaan tahay inaad dhaafto iyo in kale. Maxaad samayn lahayd?
A. Inaad daba gasho gaadhi kale oo cagafcagafka dhaafaya
B. Inaad hoonka yeedhiso si uu u tartiibsado oo uu waddada uga baxo
C. Inaad xoog ku dhaafto hase yeeshee inaad laydhka hore u biligsiiso gawaadhida kaa
hor imaanaysa
D. Inaadan dhaafin haddii shaki kugu jiro
Jawaab = D
Seddex jawaab ka dooro
2. Marka la joogo raanabaawat ama dawaarad wareeg ah, waxaa jira gaadiid ka soo gala
raan- dhinac ama meel aan caadi ahayn. Waxaad sheegtaa seddex gaadiid oo sidaa
sameeya?
A. Dadka fardaha saran
B. Gaadhiyada caanaha qaada
C. Faananka adeegyada qaada
D. Baabuurta dhaadheer
E. Baaskiiladaha
Jawaab = A, D, E
Labo jawaabood ka dooro
3. Sheeg labo meelood oo aadan gaadhiga dhigan karin?

84
A. Meel ku dhow albaabka ama meelaha iskuulada laga galo
B. Meel u dhow xarunta booliska
C. Waddo yar oo dhinac ku taala
D. Meesha basku istaago
E. Waddoyinka halka jiho loo maro
Jawaab = A, D
Hal jawaab ka dooro
4. Habeenimadii waxaa jira waddoyin laguu oggol yahay inaad gaadhiga ku baarkin
garayso dhinaca midigta, waa tee wadadaas?
A. Wadooyinka halka jiho loo maro
B. Marka laydhadhka dhinacyadu kuu shidan yihiin
C. Meel isgoyska u jirta wax ka badan 10 mitir
D. Tiirarka laydhka hoostiisa
Jawaab = A

Hal jawaab ka dooro


5. Waxaad soo gaadhay isgoys gawaadhi badan marayso isla markaana leh layman
badan oo calaamadaysan. Waqti dambe ayaad ogaatay inaad ku jirto layn khalad ah,
maxaad samayn lahayd?
A. Inaad isaga sii socoto laynkaaga
B. Inaad laynka xoog ku bedelato
C. Inaad istaagto ilaa baabuurta kala yaraato
D. Inaad gacanta ku tilmaamto si aad leynka u bedelato
Jawaab = A
Hal jawaab ka dooro
6. Dhinacee ayaad ka dhaafi kartaa gaadhi kale marka aad marayso wadooyinka halka
jiho loo maro?
A. Dhinaca bidixda oo kaliya
B. Lama oggola in laysku dhaafo
C. Dhinaca midigta oo kaliya
D. Midig iyo bidix labada dhinacba
Jawaab = D
Hal jawaab ka dooro
7. Maxaad samayn lahayd marka aad toos u sii dhaafayso raan-abawat ama dawaarad?
A. Inaad shidato laydhka leexashada ka hor inta aadan ka bixin wareegga dawaaradda
B. Inaadan shidin wax calaamad ah
85
C. Inaad u shidato midigta marka aad soo gaadho raan-abawat
D. Inaad u shidato bidixda marka aad soo gaadho raan-abawat
Jawaab = A
Hal jawaab ka dooro
8. Gawaadhidee laga yabaa inay raan-abawatka ama dawaaradda ka maraan meel ka
duwan meesha caadiga ah ee la maro?
A. Baabuurta isboortiska ah
B. noohada
C. Baabuurta familyada
D. Baabuurta dhaadheer
Jawaab = D

Seddex jawaabood ka dooro


9. Waxaad sheegtaa seddex haddii ay ku joojiyaan ama ku istaajiyaan ay waajib kugu
tahay inaad istaagato?
A. Boolis-ka
B. Qof lugaynaya
C. Dadka ka shaqeeya meelaha iskuullada ee laga gudbo
D. Darawalka baska
E. laydhka oo casaan ah
Jawaab = A, C, E
Hal jawaab ka dooro
10. Waxaad habeenimo ku socotaa wado iftiin ah oo meel xaafad ah ku dhex taala,
maxay kuu tari kartaa haddii aad shidato laydhadka hore oo diim ah?
A. Inaad meel fog wadada ka aragto
B. Inaad ku socoto xawliga ugu dhakhsaha badan
C. Inaad si deg deg ugu bedeli karto laydhka hore ee caadiga ah
D. Inay dadka kale si sahal ah kuu arkaan
Jawaab = D
Hal jawaab ka dooro
11. Waxaad maraysaa meel isgoys ah, waxaad doonaysaa inaad midig u leexato isla
markaana gaadhi ka soo socda dhinaca kale ayaa isna raba inuu midig u leexdo, sidee ayaa
marwalba ugu sahlan in loo leexdo?
A. Inaad gaadhiga kale iska xigsiiso ama iska xejso midigta oo ka daba leexato
B. Inaad gaadhiga kale iska xigsiiso bidixda oo aad ka hor leexato
86
C. Inaad iska sii socoto oo ka leexato isgoys kale
D. Inaad dib u hakato oo aad sugto ilaa darawalka kale leexdo
Jawaab = A
Hal jawaab ka dooro
12. Waxaad maraysaa waddo yar, dhinacii aad maraysay ayaa wax kaa horistaageen,
maxaad samayn lahayd?
A. Inaad sii socoto, sabato ah adiga ayaa wadada xaq u leh
B. Inaad wadada siiso gawaadhida dhinaca kale ka soo socoto
C. Inaad gacanta u haatiso buubuurta soo socota si ay u gudbaan
D. Inaad xoog saliida u qabato ama leewarka si aad marka hore u gudubto
Jawaab = B

Labo jawaab ka dooro


13. Marka aad marayso waddo weyn oo labo leyn leh, labo mar ayaa laguu ogol yahay
inaad marto ama gasho laynka dhinaca bidixda xiga, maxay kala yihiin labadaa mar?
A. Marka aad midig u leexanayso
B. Marka aad caadi u socoto
C. Marka aad ku socoto xawliga ugu hooseeya ee la ogol yahay
D. Markaad si joogto ah xawli dheer ugu socoto
E. Markaad dhaafayso gawaadhida tartiibta u socoto
F. Markaad hagaajinayso taayar banjaray
Jawaab = A, E
Hal jawaab ka dooro
14. Yaa xaq u leh waddada, marka la joogo isgoys aan wax calaamad ah lahayn
A. Baabuurta waaweyn
B. Qof xaq leh ma jiro
C. Baabuurta xooga u socota
D. Baabuurta yar yar
Jawaab = B
Seddex jawaabood ka dooro
15. Sheeg seddex meelood oo ay mamnuuc tahay in gaadhi la dhigto ama lagu baarkin
gareeyo?
A. Meel u dhow meesha ugu sarayso ee dalcadaha
B. Meesha basaska joogsadaan ama meel u dhow
C. Meelaha aan lahayn meesha dadka ku socdaan
87
D. Meel isgoyska u jirta wax ka yar 10 mitir
E. Waddoyinnka lagu maro 40 mph
Jawaab = A, B, D
Hal jawaab ka dooro
16. Waxaad maraysaa waddo weyn, waxaad doonaysaa inaad bidix u leexato, meesha
banaan ee badhtamaha waddada ah ayaa aad cidhiidhi kugu ah. Maxaad samayn lahayd?
A. Inaad horay u sii socoto ilaa badhtamaha wadada oo aad sugto
B. Inaad sugto ilaa labada dhinac ama labada jiho ee waddadu bananato ama cidla
noqoto
C. Inaad istaagto laynku ugu horeeya si ay baabuurta kale waddada kuu siiyan
D. Inaad si tartiiba u gasho si aad u tusto waxa aad u dan leedahay
Jawaab = B
Hal jawaab ka dooro
17. Waxaad galaysaa meelo waddada ah oo shaqo ka socoto, waxaa la soo dhigay
calaamdo ku meel gaadh ah oo sheegaya xawliga ugu sareeya ee lagu socon karo. Maxaad
samayn lahayd?
A. Inaadan dhaafin xadka xawliga laguu sheegay ama markaa laguu soo qoray
B. Inaad ogolaato xadka waqtiyada tarafika amam baabuurta badan oo kaliya
C. Inaad iska dhega tirto xadka laguu sheegay
D. Inaad ogolaato xadka waqtiyada kale oo dhan oo aan ku jirin habeenkii
Jawaab = A
Hal jawaab ka dooro
18. Goormaad gaadhi ku wadi kartaa meelaha ay maraan dadka lugaynayaa?
A. Marka aad dhaafayso gaadhi tartiib u socda
B. Marka meesha dadka lugaynaya ay baaladhan tahay
C. Marka dad lugaynayaa meesha u dhowayn
D. Marka aad galayso guri
Jawaab = D
Hal jawaab ka dooro
19. Waxaad ku socotaa waddo weyn oo baabuur badan marayso, waxaad ogaatay inaad
jiho khalad ah u socoto, maxaad samayn lahayd?
A. Inaad ku leexato wado yar oo aad gadaal u soo gasho waddada weyn
B. Inaad leexashada ama kala jeedin ku samayso wadada weyn dhexdeeda
C. Inaad leexshada seddex dhibic ku sumayso wadada weyn
D. Inaad ku leexato oo ku soo kala jeediso waddo yar
Jawaab = D

88
Hal jawaab ka dooro
20. Goormaad iska furi kartaa suunka kursiga adiga oo gaadhiga wada?
A. Marka aad rifees u socoto
B. Marka aad buur fuulayso
C. Marka aad si imerjensi ah u istaagto
D. Marka aad si tartiib ah gaadhiga u waddo
Jawaab = A

Hal jawaab ka dooro


21. Maxaa mamnuuc ah ama kaa reebban inaad sameyso marka aad dib-dib u socoto?
A. Inaad dib-dib u socoto wax ka badan inta lagama maarmaanka ah
B. Inaad dib-dib u socoto wax ka badan dhererk hal gaadhi
C. Inaad dib-dib u gasho wado yar
D. Inaad dib-dib ugu socoto meel dhismayaal leh
Jawaab = A
Hal jawaab ka dooro
22. Waxaad doonaysaa inaad dib u socoto, ma hubtid inay amaan tahy iyo in kale.
Maxaad samayn lahayd?
A. Inaad hoonka yeedhiso
B. Inaad enjinka xooh uga dhawaajiso
C. Inaad gaadhiga ka baxdo oo aad soo eegtid
D. Inaad tartiib gadaal ugu socoto
Jawaab = C
Hal jawaab ka dooro
23. Gormaad samayn kartaa inaad wado yar ka soo baxdo oo aad waddo weyn dib-dib u
gasho?
A. Marka aysan gawaadhi soconin labada waddo
B. Marnaba ma samayn kartid
C. Mar walba waad samayn kartaa
D. Marka ay waddada weyn banana tahay
Jawaab = B
89
Hal jawaab ka dooro
24. Halkee ugu amaan badan inaad habeenimadii gaadhiga dhigato?
A. Garaash
B. Wado baabuur badan marayso
C. Meelaha baabuurta ladhigto oo cidla ah
D. Meel u dhow wadooyinka xariiqda cas leh
Jawaab = A
Seddex jawaabood ka dooro
25. Sheeg seddex goor ama waqti oo ay waajib kugu tahay inaad gaadhiga joojiso?
A. Marka aad shil gasho
B. Marka uu laydhka kaa cas yahay
C. Marka uu boolis kuu tilmaamo inaad istaagto
D. Marka aad joogto isgoys leh xariiqo kala go’goan
Jawaab = A, B, C
Afar jawaabood ka dooro
26 Sheeg afarta aan loo ogolayn ama mamnuuc ka ah inay waddoyinka waa weyn gaadhi ku
wadaan?
A. Dadka weli baranaya sida gawaadhida loo wado
B. Basaska labada dabaq ah
C. Mootoyinka ka waaweyn 50cc
D. Cagafcagafyada beeraha
E. Dadka fardaha fuushan
F. Dadka baaskiiladaha wata
Jawaab = A, D, E, F
Hal jawaab ka dooro27 Maxaad samayn lahayd isla markaa aad waddoyinka waa weyn
gasho?
A. Inaad isku daydo inaad dhaafto baabuurta kale
B. Inaad dib u hagaajisato muraaydahaaga
C. Inaad gaadhiga ku wado laynka dhexe
D. Inaad ku jirto laynka midigta
Jawaab = D
Hal jawaab ka dooro
28 Maxaa mar walba waajib kugu ah inaad samayso markaa aad galayso waddoyinka waa
weyn?
A. Inaad ku socoto garabka waddoyinka waa weyn
90
B. Inad istaagto meesha ugu dambeysa ee laynka xawliga
C. Inaad istaagto ka hor inta aadan waddoyinka waa weyn gelin
D. Inaad wadada siiso gawaadhida waddoyinka waa weyn ku jirta
Jawaab = D
Labo jawaabood ka dooro
29 Waxaad ku safaraysaa waddoyinka waa weyn, maxaad samayn lahayd marka aad u
baahato inaad nasato?
A. Inaad istaagto garabka waddoyinka waa weyn
B. Inaad ku leexato melaha baabuurta ku nastaan
C. Inaa baabuurka dhiagato meelaha u dhaxaysa wadooyinka waa weyn
D. Inaad gaadhiga dhigato qaybta dhexe ee waddada
E. Inaad waddoyinka waa weyn ugu baxdo leexadka ma fatxada ama eksitka ugu horaya
Jawaab = B, E

Hal jawaab ka dooro


30- Gaadhi ayaa kaaga jabay waddoyinka waa weyn, hase yeeshee waaa laguu hagaajiyay,
waxaad doonaysaa inaa ka soo baxdo garabka waddoyinka waa weyn oo aad soo gasho
laynka waddoyinka waa weyn. Maxaad samayn lahayd?
A. Inaad ku soo leexato laynka waddoyinka waa weyn ka dibna xawligaaga kordhiso
B. Inaad shido laydhka emerjensiga si aad ugu soo leexato laynka waddoyinka waa weyn
C. Inaad xawligaaga kordhisaa inta aadan soo galin waddoyinka waa weyn ee aad ku
jirto garabka waddoyinka waa weyn si aad ula qabsato gawaadhida ku jirta waddoyinka waa
weyn
D. Inaad ku sugto garabka waddoyinka waa weyn ilaa gaadhi kale uu laydhka hore kuu
biligsiiyo
Jawaab = C
Hal jawaab ka dooro
31 Goormaa laguu ogol yahay inaad dhex joogsato waddoyinka waa weyn?
A. Marka aad u baahato inaad soc-socoto oo hawo fareesh ah qaadato
B. Marka aad doonayso inaad qaaddo dadka in la qaado raba
C. Marka aad aragto laydh cas oo biliglaynaya oo kuu sheegaya inaad joogsato
D. Marka aad doonayso inaad isticmaasho taleefanka gacanta
Jawaab = C
Hal jawaab ka dooro
91
32 Marka aad ku socoto waddoyinka waa weyn, leenkee ayaa loogu talagalay in sida
caadiga loo maro?
A. Laynka bidixda
B. Midigta
C. Dhexda ama bartamaha
D. Dhexda iyo midigta
Jawaab = B
Hal jawaab ka dooro
33- Waxaad soo gaadhay ama timid meel waddoyinka waa weyn ka mid ah oo shaqo ka
socoto. Maxaad samayn lahayd?
A. Inaad xawligaaga kordhiso si aad si deg deg ah agagaarkaas uga baxdo
B. Inaad mar walba isticmaasho garabka waddoyinka waa weyn
C. Inaad ku socoto ama ogolaato xawliga laguu soo qoro ama laguu sheegay
D. Inaad aad ugu dhowaato gawaadhida kaa horeeya
Jawaab = C

Hal jawaab ka dooro


34- Adiga oo waddoyinka waa weyn maraya ayaad si khalad ah u dhaaftay leexadkii ama
fatxada ama exidtka aad ka bixi lahayd. Maxaad samayn lahayd?
A. Inaad si tartiib leh dib ugu soo noqoto garabka waddoyinka waa weyn
B. Inaad horay u sii socoto ilaa aad gaadho fatxada ama exitka ku xiga
C. Inaad si taxadir leh laynka bidixda gadaal ugu noqoto
D. Inaad U-turn ku samaeyso ama ku kala jeediso meesha ugu horaysa ee ka banaan
qaybta dhexe
Jawaab = B
Hal jawaab ka dooro
35- Gaadhi ayaa waddoyinka waa weyn kaaga jabay, waxaa kuu suurto geli weydey inaad
istaagto garabka waddoyinka waa weyn. Maxaad samayn lahayd?
A. Inaad shidato laydhka imerjensiga
B. Inaad joojiso baabuurta soo socta oo aad caawimo weydiiso
C. Inaad isku daydo inaad si deg deg ah gaadhiga u hagaajiso
D. Inaad istaagto gaadhiga gadaashiisa oo aad u digto dadka kale
Jawaab = A
Hal jawaab ka dooro

92
36 Waxaa muhiim ah in gaadhigaaga si fiican loo baadho ka hor inta aadan safar dheer oo
waddoyinka waa weyn ah gelin. Maxay tahay sababtu?
A. Maxaa yeelay marar badan ayaad bareega xoog u qabanaysaa marka aad waddoyinka
waa weyn saaran tahay
B. Meelaha lagu nasto ee waddoyinka waa weyn waxba uma qabtaaan baabuurta jabta
C. Taayarada ayaa si deg deg ugu dhamaanaya waddada korkeeda
D. Marka uu gaadhigu muddo dheer ku socdo xawli sare waxay keeni kartaa khataraha
ah inuu gaadhigu wadada ku xumaado ama ku jabo
Jawaab = D

Chapter 12 Dukumeentiga
Hal jawaab ka dooro
1. Sarkaal boolis ah ayaa ku weydiiyay dukumeenti. Waxaad ogaatay inaadan
dukumeentiga sidanin, muddo intee la’eg ayaa lagaaga baahan yahay inaad dokumeentiga
ku geyso saldhiga booliska?
A. Shan maalmood
B. Todoba maalmood
C. 14 maalmood
D. 21 maalmood
Jawaab = B
Hal jawaab ka dooro
2. Qof ayaa baranaya sida gaadhiga loo wado wuxuu doonayaa inuu waddada gaadhi ku
wado, maxaa waajib ku ah inuu haysto?
A. In laysinkiisa usan lahayn wax dhibaco ganaax ah
B. Inuu qaato tababar rasmi ah
C. Inuu haysto laysinka yar ama kan barashada oo saxiixan isla markaana aan weli dhicin
ama taariikhdiisa weli lagu jiro
D. Inaad cudsado laysinka darawalnimada muddo 12 bilood gudahood
Jawaab = B
Seddex jawaabood ka dooro

93
3. Maxay yihiin seddexda warbixin ee ku qoran dokumeentiga gaadhiga?
A. Qofka gaadhiga ku qoran
B. Nooca uu gaadhiga yahay
C. Faahfaahinta taariikhdii gaadhiga la hagaajiyay
D. Cabirka matoorka ama enjinka
Jawaab = A, B, D
Labo jawaabood ka dooro
4. Goormaa ayay waajib kugu tahay inaad la xidhiidhoo xafiiska laysinada laga bixiyo?
A. Marka aad fasax dibada u aado
B. Marka aad gaadhiga iska bedesho
C. Marka aad magaca iska bedesho
D. Marka aad heerka shaqadaada iska bedesho
E. Marka aad bedesho cinwaankaaga rasmiga ama joogtada eed degan tahay
F. Marka aad dibada shaqo ugu safrayso
Jawaab = C, E

Chapter 13 Noocyada kale ee gaadiidka


Hal jawaab ka dooro
1. Marka uu dhulka qoyan yahay, maxay tahay sababta ay mootooyinka isaga ilaaliyaan
godadka biyuhu ku shubmaan oo ku yaala wadooyinka?
A. Inaysan daboolka godadka ka dilaacin taayarada
B. In aysan siibanin ama ku taraarixin daboolka birta ah ee saran gododka biyaha ku
shubmaan
C. Inay ku gartaan qalooca waddada kuna calaamadaystaan godadka biyaha
D. Inaysan biyaha ku saydhin ama ku firdhinin dadka wadada maraya
Jawaab = B
Hal jawaab ka dooro
2. Waxaad doonaysaa inaad ka soo baxdo wado yar oo bidixda ah, isla markaana gaadhi
weyn ayaa ka soo socdo dhinaca midigta. Waqti kugu filan ayaad haysataa, laakin waxaa
waajib kugu ah inaad sugto. Maxay tahay sabata?
A. Wuxuu gaadhiga weyn kaa qarin kara gaadhi ka dambeeya oo raba inuu dhaafo
B. Gaadhiga weyn oo si kadis ah u leexan kara
C. Gaadhiga weyn oo aan isteerinka leexin karin marka uu marayo wado toos ah
D. Gaadhiga weyn oo kaa qarin kara baabuurta ka soo socota bidixda
Jawaab = A
Hal jawaab ka dooro

94
3. Marka aad dhaafayso gaadhi weyn waa inaadan u dhowaan oo aad ka fogaato. Waa
maxay sababta?
A. Inaad hesho baaxad weyn oo aad xoog ugu dhaafto melaha waddada kaa qarsoon
B. Inaad si fiican u aragto waddada hortaada ah
C. Inaad hesho meel banaan haddii gaadhigu dib u istago
D. Inaad baabuurta ku dhaafaysa siiso meel banaan oo ay kugu dhaafaan
Jawaab = B
Hal jawaab ka dooro
4. Marka aad dhaafayso baabuurta xamuulka qaada way ka khatar badan tahay marka
aad dhaafayso gaadhi yar. Maxay tahay sababtu?
A. Baabuurta xamuulka qaadda baa ka dhaadheer baabuurta kale
B. Gawaadhida xamuulka qaada si deg deg ah ayay u istaagi karaan
C. Bareega baabuurta xamuulka baan sidaa u fiicnayn
D. Baabuurta xamuulku si tartiib ah bay u fuulan buuraha
Jawaab = A

Labo jawaabood ka dooro


5. Waxaad daba socotaa bas joogsaday meelaha basasku joogsadaan. Maxaad samayn
lahayd?
A. Inaad xoog ku dhaafto isla markaana hoonka u yeedhiso
B. Inaad si gaara isaga ilaaliso dadka lugaynaya
C. Inaad ku talagasho inaad baska wadada siiso
D. Inaad istaagto meel ku dhow baska dabadiisa
Jawaab = B, C
Hal jawaab ka dooro
6. Baabuurtee ayay u badan tahay inaysan dabaysha waxyeeli karin am wax ka tari
karin?
A. Baaskiilada
B. Mootooyinka
C. Baabuurta dhinacyada u dhaadheer
D. Baabuurta yar yar
Jawaab = D
Hal jawaab ka dooro
7. Waxaad doonaysaa inaad dhaafto gaadhi weyn, si fiican ayaad uga fogaatay gaadhiga
weyn hase yeeshee gaadhi kale ayaa dhexdiina soo galay. Maxaad samayn lahayd?
A. Inaa hoonka yeedhiso
95
B. Inaad markale dib uga sii fogaato
C. Inaad laydhadka hore u biliglayso
D. Inaad bilawdo inaad dhaafto
Jawaab = B
Hal jawaab ka dooro
8. Waxaa hortaada socda gaadhi weyn wuxuuna soo gaadhay isgoys isla markaana
wuxuu shitay laydhka leexashada ee bidixda. Maxaad samayn lahayd?
A. Inaad dhaafto haddii aad u baneyn karto meel weyn
B. Inaad dhaafto haddii baabuur kale aysan ka soo soconin dhinaca kale
C. Inaadad dhaafin gaadhiga ilaa marka u bilaabo inuu leexdo
D. Inaadan marnaba dhaafin gaadhi kale marka aad joogto isgoysada iyo marka aad ku
soo dhowdahay
Jawaab = D

Hal jawaab ka dooro


9. Waxaa hortaada socda gaadhi dheer oo xamuul ah, wauu laydhka leexashada u shitay
dhinaca bidix si uu ugu leexdo wado cidhiidhi ah oo bidixda ah. Maxaad samayn lahyd?
A. Inaad ka dhaafto dhinaca bidixda inta uu gaadhiga isgoyska gaadhin
B. Inaad ka dhaafto dhinaca midigta isla marka uu gaadhiga weyn tartiibsado
C. Inaadan dhaafin gaadhiga weyn ilaa aad si fiican u aragto baabuurta dhinaca kale ka
soo socota
D. Inaadan dhaafin oo aad dib uga fogaato isla markaan isu diyaariso inaad joogsato
Jawaab = D
Hal jawaab ka dooro
10. Waxaad maraysaa waddo baabuur badan marayso, waxaad doonaysaa inaad dhaafto
gaadhi dheer oo tartiib socda. Maxaad samayn lahayd?
A. Inaad ku dhowaato gaadhiga isla markaana dhinac u leexato si aad u aragto waddada
hortaada ah
B. Inaad baabuurta dhinaca kale ka soo socota u biliglayso laydhka hore si ay waddada
kuu siiyaan
C. Inaad daba socoto gaadhiga ilaa darawalka uu gacanta kuugu tilmaamo inaad dhaafto
D. Inaad dib uga fogaato ilaa aad aragto inay waddadu banaan tahay
Jawaab = D
Hal jawaab ka dooro

96
11. Waxaa jirta dabayl waxaadna daba socotaa qof mooto wata oo raba inuu dhaafo
gaadhi weyn oo dhinayadiisu dhaadheer yihiin. Maxaad samayn lahayd?
A. Inaad isla markiiba mootada dhaafto
B. Inaad dib uga sii hadho oo ka fogaato
C. Inaad la simanto mootada
D. Inaad ku dhowaato mootada
Jawaab = B
Hal jawaab ka dooro
12. Waxaa jirta dabayl, maxaad samayn lahayd marka aad doonayso inaad haafto qof
mooto wata?
A. Inaad tartiib ku dhaafto
B. Inaad ka fogaato oo aad u banayso meel weyn marka aad dhaafayso
C. Inaad hoonka u yeedhiso
D. Inaad ku dhowaato marka aad dhaafayso
Jawaab = B

97

You might also like