Download as docx, pdf, or txt
Download as docx, pdf, or txt
You are on page 1of 8

6-As-Salaamu: Yaa Salaamu, isagoo leh qofkii 160 jeer, magacaan ku celceliya

ama 115 jeer, kuna akhriya qof buka wuu ku caafimaadayaa, qofkii markasta ku
celceliya ilaahay musiibo oo dhan ayuu ka nabad galinayaa

7-Al-Mu'minu, isagoo leh qofkii magacaan ku celceliya 631 jeer. cabsi iyo
dhibaato korkiisa iyo ruuxadiisaba ilaahay wuu ka nabadgaliyaa .. Inshaa-Allaah

8- Al-Muhayminu: Yaa Muhayminu. isagoo leh qfkii mayrta oo tukada labo


rakcadood oo magacaan ku celceliya 100 jeer, oo aad ugu dadaala ilaahay
weyneyntiisa wuu u hagaajinaayaa muraadkiisa .. inshaa alaah

9-Al-Caziizu: Yaa Caziisu, isagoo leh qofkii magacaan ku celceliya 41 jeer salaada
subax ka dib, ilaahay khalqiqiisa wuu ka deeqayaa fadeexad-ceeb, kadibna sharaf
buu helayaa .. Inshaa-alaah

10- Al-jabaaru: Yaa Jabaaru, isagoo leh qofkii magacaan ku celceliya 226 jeer,
waligii lama dulminaayo lagumana amar ku taaglaynayo lagumana qasbayo
wuxuusan raali ka ahayn sirtiisana ilaahay kama fashlayo .. inshaa- allaah

11- Al-Mutakabiru: Yaa Mutakabiru, isagoo leh Qofkii magacaan ku celceliya


wuxuu helaya aqooni sharafeed, haddi tilaabo kasta oo uu qaadayo u ku bilaabo
magacaana wuxuu ka gaarayaa guul waxaas uu ku bilaabay .. Inshaa-alaahu

12- Al-Khaaliqu: Yaa Khaliqu, isagoo leh Qofkii ku celceliya magacaan 100 jer,
maalinkasta todobo beri isagoo aan kala goo-goyn, ilaahay wuxuu u yeelayaa
malag u shaqeya qofkaas illaa maalinta aakhiro, camalka wanaagsan ee u malagaas
sameeyana waxaa ls siinayaa qofkaas .. inshaa alaah

13-- Al-Bari'u: Yaa Bariu iyadoo leh haddi Naag dhali-wayday ay soonto muddo 7
beri ah maalinkastana ay ku afurto biyo ay ku akhrisay magacaan 21 jeer, ilaahay
wuxuu siinayaa ilmo .. inshaa-alaah

14- Al-Musawiru: Iyadoo leh Yaa Baariu, Yaa Musawiru haddi ay haweyney ilmo
la'aani ku dhacdo oo dhali weydey intey 7 beri soonto oo maalinkasta marka ay
afureyso ay ku celceliso labadaan magac 42 jeer oo ay ku tufto galaas biyo ku
jiraan oo ay ku afurto marka ay afureyso, ilaahay wuxuu u qadaraya ilmo .. inshaa-
allaah.
15- Al-Ghafaaru: Yaa Ghafaaru, isagoo leh Qofkii ku celceliya magacaan 100 jeer,
salaada jimce kadib ilaahay ayaa ka masaxaya dambiyadii u sameeyey, qofkii
yiraahda Yaa "gafaar ighfrli", ilaahay wuxuu ku daraya kuwa u xoreeyey .. Inshaa -
allaah

16-Al-Qahaaru: Yaa Qahaaru, isagoo leh Qofkii ku celceliya magacaan wuxuu ku


guuleysanaya xakameynta naftiisa, qalbigiisina wuxuu ka saahidayaa dhalanteedka
dunida, wuxuu helayaa nabad iyo jaceylka Alle oo qalbigiisa ku abuurma.

17- Al-Wahaabu: Yaa Wahaabu, Qofkii yiraahda isagoo la ildaran faqri iyo gaajo
oo ku celceliya magacaan markasta ama uu yiraahdo magacaan 40 jeer, sujuuda
ugu dambeysa salaatu duxa ilaahay wuxuu kaga qaadaya faqriga, baahida iyo
macaluushaba .. inshaa-allaah

18- Ar-Razaaqu: Yaa Razaqu, isagoo leh qofkii magacaan 10 jeer kaga akhriya
dhinackasta oo gurigiisa ka mid ah, isagoo ka bilaabaya dhanka midig qibladana u
jeesanaya salaada subax ka hor ilaahay albaabada risiqa ayuu u furayaa faqri iyo
cudurna guriiiisa ma soo galayaan .. Inshaa-Allaah

19-Al-Fataaxu; Yaa Fataaxu, isagoo leh qofkii labadiisa gacmood laabta saarta
salaada subax kadib oo magacaan akhriya 70 jeer qalbigiisa waxaa ka buuxsamaya
nuur iyo iimaan qofkii si joogto ah u akhristana ilaahay faraj buu u furayaa
wuxuuna siinayaa guul .. inshaa- allaah.

20- Al- Calimu: Yaa Caliimu, isagoo leh qofkii ku celiya magacaan ilaahay wuxuu
u furayaa albaabada aqoonta iyo xikmada waxaana qalbigiisa laga buuxinayaa
garashada ilahey .. Inshaa-Allaah

21- Qaabidu: Yaa Baasidu, Qofkii magacan ku kor akhriya miro la cuno dushood
oo cuna joogteeyana muddo 40 maalmood ah, ilaahay wuxuu ka ilaalinaayaa gaajo,
haraad, xanuun iyo wixi la mida .. inshaa-Allah

22-Al- Baasidu: yaa Baasidu, isagoo leh qofkii ku celceliya magacan 10 jeer,
waqtiga salaatu-duxaa, kadib isagoo sacabada sare u taagaya ka dibna ku masaxaya
wejiga ilaahay dadka kale wuu ka deeqayaa qofkuna waa inu maalin kasta
akhristaa .. Inshaa-Allaah

23-Al-Khaafidu: Yaa Khaafidu, isagoo leh qofkii sooma sadex beri ee maalinta
afraad ku celceliya magacaan 70 jeer oo xiriir ah, ilaahay wuxuu ka nabad
galinayaa dhibaato cadowgiisa uga timaada qofkii maalinkasta 500 jeer yiraahdana
ilaahay wuxuu u oofinayaa amuurtiisa oo dhan .. inshaa Alaah

24- Ar-Raaficu: Yaa Raaficu, isagoo leh qofkii ku celceliya magacan 101 jeer,
habeenada cad cad ee dayaxa 13,14, 15 ilaahay magaciisa iyo sharaftiisa kor buu u
qaadaya wuxuuna noqonayaa mid tanaad ah oo ahmiyad gaara leeh .. Inshaa -
Allaah

25-Al-Muciz: Yaa Mucizu, isagoo leh Qofkii ku celceliya magacaan 40-140 jeer,
salaada maqrib ka dib habeenada isniinta iyo jimcaha wuxuu akhristuhu heli-doona
ixtiraam, ilaaheyna wuxuu indhaha daka u saarayaa haybad, qof aan alle ahayna
kama baqayo .. inshaa- Allaah
26- Al- Mudilu: Yaa Mudilu, isagoo leh qofkii ku celceliya magacaan 75 jeer, wuxuu ilaahay ka
badbaadinayaan hagardaamada nacabkiisa la jecel in ay wax ku dhacaan masiibo haddi
isagoo salaad ku jira marka u sujuudo u yiraahdo ilaahow kuwa sharta ila doonaaya iga
nabadhgali, nabad gelyo iyo amaan ayuu ku daan- daanshoon doona .. inshaa allah.

27- Asamiicu: Yaa Samiicu, isagoo leh qofkii ku celceliya magacaan 50 ama 500 jeer isagoo
qofna la hadlin maalinta khamiista xiliga salaatu duxada kadib waxkasta oo uu jeclyahay
ilaahay naxariis ayuu uga digayaa .. inshaa alaah

28- Al- Bashiiru: Yaa Bashiiru, isagoo leh qofkii ku celceliya magacaan 100 jeer maalmaha
jimcaha ah, salaada casar kadib ilaahay indhaha nuur buu u saaraya, qalbigana nuur buu
galinaayaa .. in shaa alaah

29- Al- Xakmu; Yaa Xakmu isagoo leh qofkii ku celceliya magacaan 99 jeer, habeenkii nuska
dambe isagoo waysa qaba iilaahay wuxuu u faydaya asraar ka qarsooneyd qalbigiisana nuur
ayaa laga buuxinayaa .. inshaa Alaah

30- Al-Cadlu: Yaa Cadlu, isagoo leh haddi maalinta jimcaha ama habeenka jimcaha qofku uu
ku akhriyo magacaan cunto sida rootiga ama doolshe oo uu cuno dadka xun waa u ka
nabadgalaya .. inshaa Alaah.

31- Al-Ladhiifu: Yaa ladhiifu, isagoo leh qofkii magacaan ku celceliya 133 jeer, maalinkasta
ilaahay wuxuu siinayaa koror xaga risiqa ah amuurtiisa oo dhan way u hagaageysa, qofkii
isna la kulma tiiraanyo, xanuun,wehel la'aan ama nasib daro kale ay ku dhacdo oo
magacaan 100 jeer ilaahay ku barya ilaahay wuxuu ka saarayaa dhibaatadaas .. inshaa Alaah

32-Al-Kabiiru; Yaa Khabiiru, isagoo leh qofkii magacaan si joogto ah afka ugu haya wuxuu
ilaahay u feydaya siro qarsoonaa, haddi qof dabeecad xun u magacaan si joogta ah u
akhristo kuna celceliyo, ilaahay dhaqankiis mid la soo mahadiyo ayuu uga dhigayaa .. inshaa
Alaah

33- Al- Xalimu: Yaa Xalimu, isagoo leh qofkii ku akhriya magacaan biyo oo biyahaa ku firdhiya
ama ku tirtira, shayga uu doono waxaas uu ku firdhiyey ama uu ku tirtiray way u
barakoobayaan, wayna ka nabad gelayaan lumid iyo masiibo ku dhacda .. inshaa Alaah

34-Al-Cadiimu: Yaa Cadiimu, isagoo leh qofkii magacaan ku celceliya marar badan oo afka ku
haya, Alle wuxuu ka yeela qof dadka dhexdiisa laga ixtiraamo .. inshaa Alaah

35- Al-Ghafuuru: Yaa Ghfuuru, isagoo leh qofkii qaba madax-xanuun ama qandho, murug
ama rajo xumi oo si joogto ah ugu soo celceliya magacaan wuu ka bogsoonayaa wixii hayey,
ilaahay wuu u dambi dhaafayaa .. inshaa Alaah

36- Al-Sh-Shkuuru:: Yaa Shakuuru, isagoo leh Qofkii ku celceliya magacaan 41 jeer,
maalinkasta hadduu dareemaayey culeys xaga dhaqaalaha, xaga caafimaadka ama xaga
maskaxda ah ilaahay wuu ka qaadayaa culeyskaas .. inshaa Alaah

37-Al- Caliyu: Yaa Caliyuu, isagoo leh qofkii ku celceliya magacaan markasta, kuna haysta
jeebka ama guntiga gashada, wuxuu ilaahay siinayaa darajo , rabitaankiisana wuu ku
guuleysanaya .. inshaa Allah

38- Al-Kabiiru: Yaa khabiiru, qofkii waaya shaqadiisa oo sooma 7 beri, maalin kastana ku soo
celceliya 1000 jeer magacaan dib ayuu u helayaa, qofkii maalinkasta magacaan ku celiya 100
jeer wuxuu ilaahay siinaya xurmo iyo karaameyn dadka dexdiisa ah. .. inshaa Allaah

39-Al- Xafiizu: Yaa xafiidu, isagoo leh qofkii magacaan ku celceliya ama jeebka ku haysta ,
wuxuu xijaab uga noqonayaa halista iyo masiibooyinka iyo baadida qofkaas ka lunta.

40: Al- Muqiitu: Yaa Muqiitu, isagoo leh qofkii ilmo u dhalay ama u korinaayo uu ku madax
adkaado amase ku caasiyooba oo intuu magacaan galaas biyo ku jiraan ku tufo oo uu cabo
ilmihiina cabsiiyo ilaahay wuxuu u sahlayaa muraadkiisa ilmahiina wuxuu uga dhigayaa mid
baari ah .. inshaa Allah

Anigoo tixgalinaaya codsiyo badan oo iga yimi xaga akhristayaasha ku taxan shabakadaan
oo si gaara ku dalbaaya in loo si wado taxanaha casharadaan ku duugan ahmiyada
magacyada Alle, sidaa darteed waxaan halkaan idin ku soo gudbinaya qaybti 4-aad ee
magacyada ilaahay ( Asmaaul Xusnaa) iyo ahmiyadoodda.

41- Al- Xasiibu


Yaa Xasiibu, isagoo leh haddi u qofku ka baqo shar Aadane ama wax kale shartooda oo u
magacaan ku celceliyo 70 jeer oo subaxdii ah iyo 70 jeer oo habeenkii ah muddo sideed beri
ah, isagoo ka bilaabaya maalin-kasta khamiis ah ilaahey wuxuu ka xijaabayaa shar insi iyo
mid jinba .. inshaa Alaah.

42-Al-Kariimu
Yaa kariimu isagoo leh qofkii ku celceliya magacaan xiliga u jiifanaayo, aduunyada waxaa
lagu siinaaya xurmo, aakhirana wuxuu ka mid noqonaya kuwa loo nicmeeyey .. Qofkii
doonaya in lagu tiriyo kuwa ilaahay ka cabsada waa inu afka ku hayaa magacaan ilaa u ka
hurdo .. Inshaa Alaah

43- Al-Jaliilu
Yaa Jaliilu, isagoo leh qofkii magacaan ku celceliya markasta Alle xagiisa wuxuu ka helaya
sharaf iyo darajo .. Inshaa Allaah

44- Ar-Raqiibu
Yaa Raqiibu, isagoo leh qofkii ku celceliya magacaan, todobo jeerna ku akhriya naftiisa,
reerkiisa iyo maalkiisa, oo ku tufa sidaasna ku wada ilaahay ayaa ka ilaalinaya burburka iyo
masiibooyinka .. inshaa Alaah

45- Al- Mujiibu


Yaa Mujiibu, isagoo leh qofkii magacaan ku celceliya ilaahay wuxuu ka aqbalayaa
ducadiisa, kuwa ducadooda la aqbalayana ilahay wuu ku darayaa .. Inshaa Alaah

46- Al- Waasicu


Yaa Waasicu, isagoo leh qofkii magacaan ku celceliya oo noloshu ciriiri ku tahay haddi uu
markasta magacaan afka ku hayo ilaahay nolosha wuu u waasicinayaa .. Inshaa alaah

47 Al- Xakiimu
Yaa xakkiimu isagoo leh, qofkii si jooggta ah ugu celceliya magacaan waqti ka waqti wax
dhibaata ah kalama kulmaayo shaqadiisa albaabka xikmadana ilaahay ayaa u furaya

48-Al-Waduudu
Yaa Waduudu isagoo leh, haddi bulsho muran iyo colaad ka dhaxeeyso oo magacaan lagu
duceysto 1000 jeer khilaafkii dhexdooda jiray wey ka heshiinayaan, jaceyl iyo isku
dabacsanaana ilahay waa u dhex dhigaya .. inshaa Alaah

49-Al-Majiidu
Yaa Majiidu isagoo leh qofkii ku celceliya magacaan haddi u qof qabo cudurada xun xun
sida furuqa ama cudur u daawo u waayey ee u soomo habeenada cadada 13,14, 15 dayaxa
marku afuraayo u ku afuro biyo u ku akhriyey magacaan ilaahay cudurkii waa u ka
biskeynayaa .. inshaa Alaah
50- Al-Baacithu
Yaa Baacithu isago leh qofkii ku celceliya magacaan cabsida ilaahay ayaa qalbigiisa ku
weynaaneysa haddi qofku marku seexanaayo inta laabta xabadka gacanta saarto u yiraahdo
magacaan 101 jeer qalbigiisa ilaahay waxuu ku nooleynayaa aqoon iyo xikmad .. inshaa
Alaah

51-Ash-Shahiidu
Yaa Shahiidu, isagoo leh qofkii ay ku caasiyoobaan ilmihiisa ee ku celceliya magacaan
subixi 21 jeer maalin kasta isagoo gacantiisa ku tufaya saaraya wajiga qofkii caasiyoobay,
waxay u noqonayaan kuwa hogaansama oo Baariyaal ah.. inshaa Alaah

52- Al-Xaqu
Yaa Xaqu isagoo leh qofkii ay wax ka maqanyihiin oo ilaahay ku barya magacaan ilaahay
baadidiisa waa u soo celinaya .. inshaa Alaah

53-Al-Wakiilo
Yaa Wakiilo isagoo leh qofkii ay ku dhacdo masiibo dabiici ah ama ka baqa iney ku
dhacdo oo uu biyo ku hafto ama dab ku gubto ama khatar kale soo wajahdo ee magacaan si
joogta ah ugu celceliya waqti ka waqti, wuxuu galaya ilaahay amaankiisa .. inshaa alaah

54-Al-Qawiyu
Yaa qawiyo isagoo leh qofkii aan iska difaaci karin cadwiigsa ama la dulmiyo oo ku
celceliya magacaan si niyad ah oo shakii lahayn wuxuu ka badbaadaya waxyeelada
cadawgiisa .. inshaa Alaah

55-Al-Matiinu
Yaa Matiinu isagoo leh qofkii ay mushkilad qabsato oo ku celceliya magaacaan dhibkii
ilaahay baa ka qaadaya, inshaa Alaah

56-Al-Waliyu
Yaa Waliyo isagoo leh qofkii ku celceliya magacaan wuxuu noqonaya ilahay weligiis
(rafiiqiis) inshaa alaah

57- Xamiidu
Yaa Xamiidu isagoo leh qofkii ku celceliya magacaan 93 jeer muddo 45 beri ah wuxuu
noqonaya mid adoomada ilahay wanaag kala kulma.. inshaa alaah

58- Al-Muxsii
Yaa Muxsii isagoo leh qofkii magacaan 100 jeer ku celceliya maalin-kasta ilaahay wuxuu
u fududeynaya su'aalaha maalinta qiiyaame naxriistiisana waa siinaya

59- Al-Mubdi'u
Yaa Mubdi'u isagoo leh qofka haddu magacaan lagu tufo 99 jeer naag ur leh oo ka
baqeysa iney dilanto ama dhiciso ilaahay khtartaas waa ka badbaadiya . inshaa Alaah

60- Al-Muciidu
Yaa Muciidu, isagoo leh qofkii uu qof ka lumay haddi u magacan ku celceliyo 70 jeer waa u
helaya inshaa Allah
61-Al-muxyi- Yaa Muxyi isagoo leh maggacaan ku akhriya qof buka oo jiran ilaahay waa u ku
caafimaadiya .. Inshaa Alaah

62- Mumiitu- Yaa Mumitu, isagoo leh qofkii ay naftiisu u awood sheegato ee marka u sariirta
tago intuu laabtiisa gacanta saaro isku akhriya magacaan ilaa u ka gam'yo naftiisa way
adeecaysaa .. Inshaa Alaah

63- Al-Xayu- Yaa Xayu, isagoo leh Qofkii baddiya ee ku celceliya magacaan waqtikasta oo u
suuragsho, wuxuu xag alle ka helaya cimri cibaada suuban leh waana ka badbaadaya
kharafnimada-khalkhalka xaga maskaxda .. Inshaa Alaah

64-Al-Qayuumu - Yaa Qayuumu, isagoo leh qofkii ku celceliya magacaan salada subax kadib
ilaa ay qoraxdu ka soo baxeyso mid qaafil ah oo caajis ah ma noqonaayo .. inshaa Alaah

65- Al-Waajidu Yaa Waajidu, isagoo leh Qofkii magacaan ku celceliya ilaahay waxuu siinaya
isku filaansho, qalbigiisana ilaahay Nuur ayuu u geliya .. Inshaa alaah

66-Al- Maajidu- Yaa Maajidu, isagoo leh qofkii ku celceliya magacaan isagoo meel xasiloon
jooga ilaahay ayaa qalbiga u nuuriya, wuxuuna ahaanaya mid faraxsan oo Raali ah
markasta .. Inshaa Alaah

67-Al-Waaxidul-Axad- Yaa Waaxidul- axad, isagoo oranaaya qofkii ku celceliya magacaan


1000 jeer, ilaahay wuxuu ka xoreya cabsida iyo dhalanteedka nolosha, qofkii markasta afka
ku haya magacaan ilaahay wuxuu u feydeya siro ka qarsoonaa .. Inshaa Alaah

68-As-Smadu, isagoo leh qofkii ku celceliya magacaan -125 jeer,115 isagoo sujuudsan,
ilaahay wuxuu u oofinaaya amuurihiisa .. inshaa Alaah

69- Al-Qaadiru- Yaa Qaadiru, isagoo leh Qofkii laba rakcadood ee ku celceliya magacaan 100
jeer ilaahay wuxuu u fududeynaya masuuliyadi iyo hawshii u xilsarnaa .. inshaa Alaah

70- Al-Maqtadiru- Yaa Muqtadiru, isagoo leh Qofkii ku celcelia magacaan marka u tooso illa
20 jeer ilaahay waajibkiisa iyo hawlihiisa ayaa alle u fududeynaya .. inshaa Alaah

71-Al-Mu'akhiru- Yaa Mu'akhiru, isagoo leh qofkii ku celceliya magacaan 100 jeer oo
maalinkasta akhrista wuxuu noqonaya mid ilaahay agtiisa qiimo dheeraad ah ku leh,
qalbigiisana waxaa ku abuurmaya oo degaya alle jaceylkiisa .. inshaa Alaah

You might also like