Download as docx, pdf, or txt
Download as docx, pdf, or txt
You are on page 1of 3

Hurdo la aanta iyo hurdo badnida

Hurdo la aanta iyo hurdada badani labaduba waxa ay saamayn wayn ku


yeelan karaan caafimaadka jir ahaaneed, iyo hoos udhiga fakarka maska
xeed.
 Qaybo ka mid ah saamaynta ay keento hurda la aanta iyo hurda
badnida saa'idka ah:
Hurdo la'anta
1. Daciifinta xasuusta iyo fahanka:
Hurdo la'aantu waxa ay dhibaateysaa digtoonida, udhug la haanshaha
maskaxeed, xal u helida mushkiladaha kula soo gudboonaada.
Waxa ay sidoo kale daciifisaa awooda go'aan gaaris ee qofka.
2. Carqaladaynta niyada:
Hurdo yaraanta waxaa lala xiriiriya khal khal gelinta dareenka iyo shucuurta
sida qofka oo si fudud u carooda.
Waxaa kor u kaca heerka cadaadiska maskaxda (stress) oo keenta wal wal
badan.
3. Habka difaaca jirka oo daciifa:
Hurdada oo aan kugu filnaan waxay jabin karta ama wiiqi karta difaaca
jirka taas oo ka dhigeysa qofka mid u nugul caabuqyada iyo xanuunada kale
ee dadka ku dhaca.
4. Kororka khatarta xanuunada daba-dheeraada:
Hurdada oo aad waydo ilaa mudo waxa ay khatar u tahay in ay kugu
dhacaan xanuunada daba-dheeraada sida sonkorta, dhiigarka iyo wadno
xanuunka.
5. Daciifinta firfircoonaanta iyo waxqabadka jirka:
Hurdo yarida ama hurdo la'aantu waxa ay keenta hoos u dhac ku yimaada
waxada shaqaynta xubnaha jirka, gaabis ku yimaada jirka xiliyada fal-
celinta.
Hurdo la'aantu waxa ay sidoo kale kordhisaa ama fure u tahay shilalka iyo
dhaawacyada.

Hurdada badan
Hurdada badan waxa ay sababtaa:
1. Dawakhaad ama jahwareer maalinimada ah:
Hurdada oo aad badsato waxa ay keenta dawakhaad, caajis, iyo maalintii oo
aad lulooto taas oo saamaysa waxqabadyadaada maalin laha ah.
2. Carqalad ku timaada xaalada dareen iyo shucuureed:
Si la mid ah hurdi la' aanta, hurdo badnidu waxay sidoo kale saamaysaa
xaalada dareen shacuureed taas oo hordhac u ah niyad jab iyo dhiiran la'aan
kugu yimaada.
3. Khatarta xaalad caafimaad oo badata:
Daraasaadyo la sameeyay ayaa soo jeediyey in hurdada badani xiriir la
leedahay khatarta ku timaada xaalada gaarka ah ee caafimaad, sida:
 Miisaanka jirka oo kordha ama siyaada taas oo khatar wayn ku ah
caafimaadka
 Wadne xanuun
 Xanuunka sankorowga
 Faalid ama jeex qalal (stroke)

4. Nidaam darro hurdada ah:


Hurdada oo badata waxa ay noqon kartaa natiijo ka dhalatay nidaam darrada
hurdo ama hurdada oo aan waqti cayiman la heen.
5. Curiyaamisaa shaxda hurdo:
Hurdada badani waxay curiyaamisaa oo khal khal galisaa wareega hurdo iyo
soo kicitaan.
N.B: Wareega hurdo waa xiliga la seexdo iyo xiliga la soo kaco.

You might also like