Download as doc, pdf, or txt
Download as doc, pdf, or txt
You are on page 1of 2

GABAYGA CIDAAD macallin maxamed xirsi shalakhe

Nimanyahow cibaariyo aduun, ciil ka ledi waaye


Cishadii timaadaba arligu, cimilo doorsoonye
Cashi durugsan, caal soo baxoo, cadowgu laan-saaro
Caynaanka dawladnimo iyo, calanka shaasheeye
Caade-qaateyaal ay bulshadu, cigatay weeyaane
Carcaraafku waa midaan shacbiga, cidi u weerrayne
Cag-ma-dhige, cad-quudheed ku mamay, cunuqdu weeyaane
Maantana cug weeyee hadaan, caynka ka abbaaro
Cod hagaagsan, oo wada cilmiya, caawa iga hooya

Cayn kastaba siyaasiga cantaray, cid u wax-yeeleeye


Cabashada haweenkiyo baryaa, loo celceliyaaye
Cayayaan abqiyo doorisaa, cunay waxoodiiye
Immisaa carruur baahanoo, ciirsi li'i jooga
Immisaa caqliga beelayoon, cidina xaalaynin
Immisaa cudur iyo xanuun iyo, caato dugayoobay
Immisaa cadrado ooyayoo, curadadii waayey
Immisaa cashiiriyo xigtada, ceebi kala gaadhay

Waayeel cirrooliyo hal-door, ceeji golihiiye


Kol cir-dooxa laga waabi oo, culimo loo diidye
Kun cabqariya, kun cuqaala iyo, coomir iyo shaybe
Cunaqabataynta lagu soo rogay, ciifi qabataaye
Kun cayilay, kuman caaqa iyo, kuman camaasiira
Coomaadeyaal loolayaa, qadiyey caydhiiye

Calal xidhasho mooyee la daa, cuud la foofsado'e


Beeyada raggii cuuran jiray, calaska loo tuurye
Dahabshiilka caaniyo dar kale, waw cugtamayaane
Carwo lagu xamaashiyo bakhaar, dahabku ceegaago
Dawaarlaha suuqyada camiran, waw cabsanayaaye

Afartaa caddeeyaye hadaan, cidhif kalow leexdo


Kaftan ceeb la', cod xaruuriyoon, curiyey baan sheegay

Xisbigii cuddoonaa haddeer, cidhib go' weeyaane


Calankii dadkuba qaadan jiray, cayda lagu boobye
Cisi wuxuu lahaa kulmiyena, jeerkan laga caagye

Ceelalyuu mareexaan beryahan, cagaf u saarraaye


Buuraha cashoodiyo dixdiyo, Ciidda kala tuurye
Ceel lagu tuhmaayiyo dhulkana, ciriqyo jeexjeexye
Cal-calyada xareediyo jidhaan, cadar u weegaarye
Inkastuu caraqdaw shushubay, cuudku fuli waaye

Calwasaadda ina kaahin baan, cidina moogayne


Cayntaari ina xaashigii, cududda weynaaye
Boqor aw cismaan iyo dar kale, ceeri uga dhoofye
Curfi-xumida hoosuu xirsina, cararay waagiiye

Afartaa carraabshaye hadaan, caynka ku afmeero


Cidaad weeye maansadu iyo, culayga haamoode
Cadrad weeye uguba iyo timo, yara casuusleeye
Marna waa cuddoon iyo carmiyo, curasho dayreede

Kaftan lagu caweeyiyo mar waa cigallaheeniiye


Marna waa cayaaraha wiglada iyo, curiye heesaaya
Ci'da galowga, cirir aada iyo, cabasho fiineede
Marna waa caroog iyo farriin, ciyowga loo dhiibo

Cukad lagu sariigtiyo mar waa, calaf la quutaaye


Marna ciil-qabe, siyaasi waa, caynka lagu giijo
Oo waa canaan tixdani iyo, caado iyo doode
Cirsan ka yeedh sidiisay arliga, cidhifyo gaadhaaye

Calool-yahan is biday iyo agnaan, kibir la ciiraaya


Caqli-gaabka waa lagu yaqiin, cudurka reereede
Cuyub hadalka waw sheeli jiray, coobil dudayaaye
Coobbuhu wuxuu moodayaa, ciiro dirireede

Cilladdiyo tilmaamaha rag yuu, calow ku miisaamin


Camal xumi daraadeed marnaba, carrabku yuu duulin
Cunsur ka ogaada, cawriyo murtida, ceebna ka ilaasha

You might also like